Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,702
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii Maraykanku uu aqoonsan lahaa in Israa’iil ay u madaxbannaantahay buuraha Golan Heights, kuwaas oo Israa’iil ay ka qabsatay Suuriya dagaalkii lixda maalmood socday ee 1967-dii. Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu taariikh sameeyay. Mr. Trump ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray qoraal uu ku taageerayo falkan, waxaana uu ku yidhi: ” – Waxaa la gaadhay 52 sano kadib xilligii dowladda Mareykanka ay si buuxda ugu aqoonsan laheyn in buuraha Golan Heights ay qeyb ka yihiin dhulka Israel”. Dhulkan ayaa qeyb ka ahaa dalka Suuriya, balse waxaa xoog ku qabsatay Israel oo xilligaas taageero ka heshay Mareykanka, Ingriiska iyo dowlado kale. Horay ayaa waxaa uu madaxweyne Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Jerusalem caasimadda Israel iyadoo la wada ogyahay in ay xoog uga qabsatay dadka falastiiniyiinta ah. Qaran News
  2. F anaanka Salaad Derbi oo loo heesto lacag ay dawladda Somalia ku dejisay Hotel Fanaanka wayn ee Salaad Maxamed Shardi ” Salaad Darbi” ayaa la sheegay in loo haysto lacag ay dowladda Soomaaliya ku dejisay hotel ku yaalla magaalada Muqdisho. Warar ay heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay fanaanka dejisay hotel, islamarkaana aysan ka bixin lacagta jiifka iyo cuntada tan iyo markii uu soo degay hotelkaa.Inkastoo aan salaad Derbi ka hadlin qadiyadaa haddana warkaas waxaa xaqiijiyay oo laga soo xigtay fanaaniin kale oo ka tirsan Hoballada Waaberi oo xogigaal u ah arimihiisa . Arintaan ayaa ah fadeexad iyo ceeb wayn oo ay wajahayso Dowladda Soomaaliya waxaana la filayaa in fanaanka uu iska bixiyo lacagta ay ku soo dalaceen maamulka Hotelka. Qaran News
  3. Muqdisho (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal qasaaro geystay oo maanta ka dhacay degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sida ay sheegeen dadka deegaanka dagaalka ayaa dhexmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo isku maan dhaafay gudaha degmada Marko,kadibna ay rasaas ka bilabatay degmadaasi. Ciidanka kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dagaalamay kadib markii ay isku maan dhaafeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay soo qabteen,base ay ku murmeen halka la geynayo xubnahaasi. Qaar kamid ah ciidamada ayaa sheegay in xubnaha ka tirsan Al-shabaab ay soo qabteen loo dhiibo ha’ayadaha sirdoonka,si loogu sameeyo baaritaan dheer oo ku aadan soo qabashadooda. Halka qaar kale oo kamid ah ciidamada ay arintaasi ay aad uga soo horjeesteen,taas oo keentay in ay ku dagaalamaan gudaha degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose. Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi,halka mid kal uu dhaawac ka soo gaaray. Maamulka degmada Marko iyo gobolka Shabeelaha Hoose ayaan wali ka hadlin is rasaaseynta halkaasi ku dhex martay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya. View the full article
  4. Istanbul (SMN)- Shirkan oo ahaa mid xasaasiya ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan wasiiro arrimo dibadeedyada wadamada xubinta ka ah ururka iskaashiga islaamka ayaa ka dhacay magalaada Istanbul ee dalka Turkiga. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi la socday ayaa ka qeyb galay shirka ka furmay magaalada Istanbul oo looga hadlay falalka islaam naceybka,oo ay ugu danbeysay weerarkii todobaad ka hor ka dhacay dalka Newzealand. Wasiir Cawad iyo dhamaan wasiiro arimmo dibadeedyada kale shirka ka soo qeyb galay ayaa soo bandhigay dareenkooda ku aadan weerarkii Jimcadii la soo dhaafay lagu dilay ku dhawaad 50 ruux oo muslimiin ah oo ku guda jiray salaadda Jimcaha. Madaxweynaha dalka Turkiga oo kamid ahaa mas’uuliyiinti ka qeyb gashay shirka ayaa qudbad uu jeediyay uga hadlay sida shacabka dalkiisa uga xumaadeen weerarkii dalka Newzealand,isagoo sidoo kale uga mahad celiyaya dowladda dalkaasi sida ay u garab istaagtay xanuunkana ula qeybsatay muslimiinta dalkaasi. Dhankiisa xoghayaha guud ee ururka iskaashiga islaamka Yuusuf Al-Othaimeen ayaa caalamka ugu baaqay in tilaabooyin rasmi ah laga qaado naceybka iyo tacadiyada ay la kulmaan dadka muslimiinta ah. Ugu danbeyntii ra’iisal wasaar ku xigeenka dalka Newzealand iyo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi oo shirka qudbado ka jeediyay ayaa shaaciyay in baaritaankii ugu balaarnaa uu ka bilawday dalkaasi Newzealand,si cadaaladda loo horkeeno qof kasta oo gacan ka geystay weerarkii muslimiinta lagu dilay todobaad ka hor. View the full article
  5. (SLT-Indonesia)Shirkadda diyaaradaha Garuda ee qaranka Indonesi ayaa doonaysa in ay ka laabato heshiis ay balaayiin doolar ku baxayso oo ay ku soo gadanaysay 49 diyaaradood oo noocoodu yahay Boeing 737 Max 8, ka dib markii ay burbureen labo diyaaradood oo noocaas ah. Tallaabadan ayaa loo arkaa in ay tahay middii koobaad ee lagu baajinayo dalabka diyaaradda nooceedu yahay Boeing 737 Max 8. Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha ee Garuda ayaa sheegay in rakaabku ay ka ammaan baxeen nooca diyaaraddan. Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo baareyaashu ay wadaan dadaal ay ku ogaanayaan waxa sababay diyaaraddii u dambaysay ee burburtay ee nooceedu ahaa 737 Max 8 taas oo ay ku dhinteen 157 ruux. Burburkaas ayaa ahaa kii labaad ee diyaaradaas nooceeda ah ee dhaca muddo shan bilood gudahood ah, waxaana kii hore ku naf waayay 189 ruux. “Waraaq ayaan u dirnay Boeing anaga oo codsanayna in la joojiyo dalabkoodii kale ee diyaaradda Boeing 737 Max 8.” Sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Ikhsan Rosan oo ah afhayeen u hadlay diyaaradda. Source
  6. Muqdisho (SMN)- Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Xasan Cali Amar Danbe ayaa ka hadlay arrimo la xiriirka cabashada ciidamada ee ku aadan in aysan helin xuquuqdooda mushaar. Wasiir Amar Danbe ayaa sheegaya in dowladda ay wado dedaalo xoogan oo ku aadan diwaan galinta ciidanka,si loo ogaado tirade rasmiga ah ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeeed,si lamid ah ciidamada aduunka. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in inta ay ku jiraan howlahaasi diwaan galinta ay dhici karaan qaladaad ka imaan kara aaladaha tirakoobka,taasina ay ka dhalan karto in ciidamada aan la helin diwaankooda ay waayaan xuquuqdooda mushaar,sidaas darteedna ay wasaaradda gaashaandhiga dedaal badan arintaasi ku bixin doonto. Hadalka wasiirka wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xili maalmo ka hor qaar kamid ah ciidamada xooga dalka ay baneeyeen fariisamo ay ku lahaayeen gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose. View the full article
  7. (SLT-Kuuriyada) Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa xidhay xafiiskii xidhiidhka dublamaasiyadeed ee sannad ka hor ay ka furatay dalka Kuuriyada Koonfureed xilli xidhiidhka labada dal ay soo hagaagayeen. Xukuumadda Seoul ayaa sheegtay in lala soo xidhiidhay, loona sheegay in shaqaalaha xafiiskan ay ugu dambeyn dalka ka bixi doonaan maalinta jimcaha. Kuuriyada Koonfureed ayaa arrinkaas ka walaacsan, waxayna ku baaqday in ay shaqaalaha soo laabtaan, xafiiskana uu sii furnaado. Wax kulan ah ma uusan dhexmarin labada Kuuriya tan iyo kullankii bishii lasoo dhaafay ee dhexmaray Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo natiijo la’aan ku dhamaaday. Xafiiskan waxa uu ahaa kii ugu horeeyay oo xiriir toos ah oo joogto ah uu ku dhexmaro labada Kuuriya oo dagaalamay sannado badan ka hor. madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in uu rajaynayay in xidhiidhka kala dhaxeeya Waqooyiga uu gaaray heer uusan saamayn ku yeelan karin xitaa haddii Waqooyiga ay isku dhacaan Maraykanka. Tan iyo intii uu burburay shirkii bishii hore ee Vietnam ka dhacay, Pyongyang ayaa ku hanjabtay in ay dib u bilaabi doonto tijaabada gantaalada iyo niyuukleerka. Bishii hore wasiir ku xigeenka Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in Maraykanka ay iska lumiyeen fursad dahabi ah. Balse Maraykanka waxa ay ku adkaysanayaan in dublamaasiyadda ay weli shaqaynayso. Source
  8. (SLT-New Zealand) Aadan Ibraahim Diiiriye oo ka badbaaday Weerarkii Argagixisadda ee Jimcihii la soo dhafaay ka dhacay Masaajid ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka NZ ayaa sheegay inuu goobjoog u ahaa markii uu wiilkiisa yar ku geeriyoonayey Weerarkaasi. Aabahaasi ayaa ka sheekeeyey qaabkii uu Ninkii Argagixisadda ahaa rasasata u huwiyey dadkii Muslimiinta ee ku sugnaa Masjidka Al-nuur ee magaalladda Christchurch ee dalka NZ. Waxa uu tilmaamay inuu Gacan ku dhiiglaha madaxa ka toogtay wiilkisa oo 3 sanno iyo bar jir ahaa, kaasi oo isaga dhinac fadhiyey Masjidka oo xilligaasi socotay Khudbadii Salaadda Jimcaha. Aadan Ibraahim Diiiriye waxa u uaabe u ahaa wiilka la dilay oo lagu magacabi jirey Mucaad Aadan Ibraahim, kaasi oo noqday qofkii ugu da’da yaraa 50kii qof ee Muslimiinta ee lagu dilay Toogashadaasi. Aabaha waxa uu tilmaamay inuu wiilkiisa dhulka ku dhacay, markii la toogtay, wuxuuna xusay inuu rumeysan yahay inay Qadar Alle ku dhacday arrintaasi. Waxa kale oo uu tilmamaay inuu isagu ka badbadaay Toogashadaasi , kadib, markii uu iska qariyey Gacan-ku-dhiiglihii dadka toogtay bishan March 15-dii. Gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay oo, lagu magacaabo Brenton Tarrant una dhashay dalka Australia ayaa la Xabsiga sida xooggan loo ilaaliyo ee ku yaalla magaalladda Auckland ee dalka New Zealand Source
  9. Cadaado (SMN)- Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay inay Wadaan qorsho balaaran oo ku aadan hananka loo marayo doorasho ay filayaan in dhawaan ka qabsoonto Galmudug. Cali Gacal Casir waxa uu tilmaamay in shacabka ku dhaqan deegaanada uu ka arimiyo maamulkaasi,waxa ay doonayaan ay tahay sida uu hadalka u dhigay in dib loogu Celiyo Maamul wanaagii ay barteen Sidaas aawgeedana la doonayo in doorasho xaq ah ka dhacdo Galmudug. Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka so horjeystay hadal dhawaan ka soo yeray xubnaha taabacsan madaxweyne Xaaf ee kusugan Magalada Dhusamareeb oo ku aadan in dib loo dhigayo doorashooyinka Maamulkaasi. Madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa 16-kii bishaan sheegay in Galmudug sanadkaan ka dhici doonin doorasho, balse ay dhici doonto doorashada maamulkaasi saddex sano kadib. View the full article
  10. Tokyo (SMN)- Dowladda Japan ayaa lacag gaareysa 69 Milyan oo dollar ugu deeqday wadamo ay ka mid tahay Somaliya sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka baxay dalkaasi. Barnaamijka cuntada qaramada midoobay ee WFP ayaa sheegay in lacagtaasi loogu talay galay in gargaar deg deg ah lagu gaarsiiyo 28 dal oo ku yaala bariga,asia iyo Africa. Qaramada midoobay ayaa xustay in 18 Milyan oo dollar oo ka mid ah lacagtaasi lagu caawin doono 20 milyan oo ruux oo ku dhibaateysan dalka yemen. Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda WFP ayaa sheegay in dowladda Japan ay qeyb ka tahay dalalka sida ugu badan ee dadka u baahan gargaarka deg deg ah ee ku nool wadamada ay ka jiraan colaadaha iyo abaaraha. 2 Milyan oo dollar oo ka mid ah lacagahahaasi oo Japan ugu deeqday qaramada midoobay ayaa lagu in gargaar lagu gaarsiiyo dadka dhibaatooyin bani,aadinimo ay ku haysto somaliya View the full article
  11. Sawirka gaariga shilka galay Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa shil gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay tuulada Mareero oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Goobjoogayaal ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in gaariga shilka galay oo ka yimid magaalada Boosaaso kuna sii jeeday dhanka degaanka Laag oo qiyaastii 30 km u jirta Boosaaso ay ku dhinteen ilaa 4 ruux halka ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo kale. Dadka dhintay ayaa lagu sheegay arday ka tirsan iskuulka Ugaas Yaaasiin ee magaalada Boosaaso kuwaasoo gaarigu u waday degaanka Laag balse ilaa iyo hadda lama xaqiijin waxa shilkaan dhaliyay. Ardayda gaariga saarnaa ayaa dhiganayey fasalka 4aad (Form four) ee iskuulka Ugaas Yaasiin oo ku yaalla degmada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: Shil gaari oo ka dhacay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-22032019.mp3 View the full article
  13. Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhintay 7 kalena waa ku dhaawacantay shil gaari oo goor dhoweyd ka dhacay tuulada Mareero oo qiyaastii 30km dhanka galbeed ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Gaariga ah shilka galay oo la sheegay in uu arday iskuul waday ayaa ka soo baxay magaalada Boosaaso waxaana uu ku sii jeeday degaanka Laag oo ka tirsan isla gobolka Bari balse weli faahfaahin sii dheer lagama hayo. Faahfaahinta Puntland Post The post Shil dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Hodan ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan Booliiska iyo Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya. Iska hor imaadka ayaa si gaar ah ugu dhacay Dhismo ku dhegan Isbitaalka Deva oo kasoo horjeeda Xaruntii Coca Cola oo aan sidaa ugu fogeyn Carwadii Qaranka. Wararka ayaa intaa ku daraya in uu jiro Khasaare labada dhinac soo kala gaaray, inkasta oo aan la heyn inta uu gaarsiisan yahay. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka iyo dadka uu istaagay, dadka shacabka ayaa bilaabay in ay ka tagaan goobta si aan waxyeelo ugu gaarin rasaasta labada dhinac ay isweydaarsaneyeen. Mararka qaar waxaa la maqlayay rasaasta ka dhacda Qoryaha lagu xiro Gawaarida Dagaalka oo ay isku adeegsanayeen Ciidamadaan ka kala tirsan Militariga iyo Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada dagaalamay ay u abaabulnaayeen qaab beeleed, isla markaana ay ku dagaalameen dhul murankiisu maalmihii lasoo dhaafay taagnaa. Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir weli kama hadlin dagaalkaas, iyada oo Ciidamadii wada dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. MuyaKumayaal Askar iyo Maleeahiyaad isugu jara oo waxaa jira ku mushaar qaata Magaca Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, inkastoo waayadaan dambe ay socotay Diiwaan galin ciidan hadana [...] Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Kudhowaad muddo todobaad ah ayay taagan tahay xiisadda ciidanka ka soo baxay furimaha hore ee dagaalka iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan, xukuumaddu waxa ay sheegtay in la bixiyay mushaarka ciidanka u diiwaangashan iyada oo raaceysa warbixinta diiwangelinta ciidanka XDS, waxa ay ntaas raacisay in ciddankii aan diiwan gashaneyn ay iska xaadiriyaan barahooda si loo diiwaan geliyo. Baaritaan lagu sameeyey sababaha rasmiga ee ka dambeeyay xiisaddan, halka ay dhibaatada iyo isfaham waagu kajiraan iyo sababta keentay Isbeddelka lagu sameeyey saddex hoggaan oo katirsan ciidanka XDS, ayaa waxaa kusoo baxay arrimo badan oo la xiriira musuq-maasuq Tira-koob ay si wadajir u sameeyaan Wasaaradaha Gaashaandhigga, Maaliyadda, Taliska ciidanka xoogga dalka iyo xafiisyada madaxweynaha iyo Raisalwasaaraha oo ay warbaahinta aragtay ayaa muujiyey in tirada ciidanka XDS tahay 16,000 (Lix & toban kun oo Askari) Tirakoobkan ayaa socday November 2017 ilaa 1da Maarso-2019, tiradaas waxaa dheer askar boqollaal lagu qiyaasayo oo dhaawac iyo tababar ku maqan iyo kuwo geeriyooday oo xaq ahaan ay reerihii ay katageen u qaataan mushaarkoodii, waxaa kale oo jira ciidan gaaraya Boqolaal askari oo u badan Shabeellaha dhexe kaas oo ay u suurageliweysay in la tirokoobo kaddib markii ay taliyeyaashiisu diideen in la diiwaangeliyo ciidankaas. Tirada ciidanka xoogga dalka ee kujirtay galka Wasaaradda gaashaandhigga ayaa ahayd 25,000 (Shan & Labaatan kun oo Askari) oo qaadanayey mushaar muddo labo sano oo ay talada hayso xukuumadda madaxweyne Farmaajo, sida lagu xaqiijiyey tirakoobka ay sameysay dowladda Soomaaliya 9,000 Sagaal kun oo magac oo ay dowladdu u aqoonsatay in ay yihiin magacyo been ah oo aan jirin ayaa kujiray tirada ciidanka XDS, ee kujirtay galka wasaaradda gaashaandhigga, taasina waxa ay kadhigeysaa in hay’adda ciidanka XDS ay kudhacday kiiskii ugu weynaa ee musuqmaasuq ee kadhex-dhacda ciidanka. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabta in nidaamka cusub ee keydinaya xogta xisaabeed ee askarigu uu meesha ka saarayo in taliyeyaashu lacag kaash ama caddaan ah ay ka qaadaan bangiga dhexe si loogu bixiyo mushaarka ciidanka, waxa ay xukuumaddu sheegtay in ay u qaadatay go’aankaas si looga fogaado Musuq, waxa ay ku doodeysaa in aan loo dhaxeyn karin bankiga dhexe iyo askariga marka laga hadlayo mushaarka. Warbixinta ayaa tilmaameysa in $3,200,000 (Saddex milyan iyo laba boqol oo kun oo dolar) oo kaash ah ay gacanta ku qaadi jireen taliyayaasha ciidanka bil walba si loo bixiyo mushaaraarka ciidanka XDS, taas oo ay xukuumaddu aaminsan tahay in asyan ku bixin waddo sax ah. Isbedelka hoggaannada: Soo if-bixidda eedda iyo tuhunka kusaabsan in sagaal kun oo magac oo been abuur ah ay kujireen tirada ciidanka XDS ayaa xukuumadda ku qasabtay in ay isbedel ku sameyso saddexda hoggaan ee ay arrintani saameysay, waxaana kamid ah Hoggaanka ciidanka oo masuul ka ah tirada ciidanka, Hoggaanka Maaliyadda oo lacagaha ka soo qaadi jiray Bangiga dhexe iyo hoggaanka saadka oo ciidanka ugu qeybsanaa raashinka IWM. Taliyeyaashii saddexdan hoggaan ee la bedelay ayaa xilalka hoggaanadaas hayay muddo tobonnaan sano ah, culeys siyaasadeed oo ay siyaasiyiinta la heybta saareen madaxda sare ayaa la aaminsan yahay in ay ka badbaadisay in la soo xiro lana maxmakamadeeyo. Sidoo kale waxa kale oo la helay taariikh nololeedka saddexa taliye ee la magacaabay oo qabanaya xilalka ay banneeyeen taliyeyaashii hore ee saddexdaas hoggaan, Taliyeyaasha cusub oo ah dhallinyaro da’da soddomeeyada ku jira ayaa ka soo kala qalin jebiyay jaamacado iyo akaadimiyado ku kala yaalla Turkiga, Taliyaaniga iyo Maleysiya. Qandaraaska Raashinka Ciidanka Warbixinta ayaa sheegtay in shirkadda Kashram oo haysatay Qandaraaska fududeynta iyo bixinta Raashinka ciidanka XDS laga joojiyey sii haysashada qandaraaskaas iyada oo dib loo xayeysiinayo qadaraaskaas maaddaama ay isbedeshay tirada ciidanku, ilo kudhow xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in tirada cusub ee ciidanka XDS oo ah 16 kun oo Askari lagu saleynayo Mushaarka iyo kharashka adeegyada kale ee ciidanku u baahan yahay. Ciidanka XDS ayaa la siin jiray Raashin kusaleysan 25 kun, 10kun oo kamid ah waxa bixinayey UNSOS, iyada oo Shirkadda Kashram ay bil walba kaqaadan jirtay dowladda Soomaaliya lacag dhan $1,500,000 (Milyan iyo Shan boqol oo kun oo Dollar) Raisalwasaare Xasan Cali Khayre oo kahadlayey dhaqaalaha ay xukuumadda Soomaaliya ku bixiso ciidamada qalabka sida ayaa yiri:- “ 2017 inta dowladdeenu jirtay laga soo billaabo January ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliyeed waxa ay ku bixisay lacag tiradeedu ay gaareyso $89,000,000 (Siddeetan & Sagaal milyan oo Dollar), 2018-kii waxa aan ku bixinay 102,000,000 (Boqol & Laba milyan oo Dolar), 2019-ka waxa aan rabnaa in aan ku bixino ugu yaraan $107,000,000” (Boqol iyo Todobo milyan oo dollar). Sooyaalka dhow ee tirakoobyada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Xilligii xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa la sameeyey tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya si loo saxo loona hubiyo mushaarka shaqaalaha, xilligaas waxa dhacay muran iyo buuq badan oo sababay in la beddelo agaasimayaal si loo hirgeliyo nidaamka tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, waxa ayna xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh kala kulantay qaadistaa tallaabadaas dhibaato weyn. Xeeldheerayaasha arrimaha siyaasadda iyo amniga Soomaaliya ayaa aaminsan in xiisaddan ay tahay mid maamul oo ay xukuumaddu dhinac ka tahay, welwelka xukuumadda ee diiwaangelinta ciidankana waxa muujiyey muuqaal laga duubay Raisalwasaare Kheyre oo sheegaya sida dhiiwaangelinta ciidanka iyo sameynta xogta xisaabeed ee askarigu u tahay Khad cas oo ay taabashadiisu leedahay saameyn xun Xigasho Mustaqbal Radio
  17. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-22032019.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Dowladda Talyaaniga ayaa hal milyan oo Yuuroo ugu deeqday sanduuqa dhaqaalaha ee Soomaaliya. Lacagtaan ayaa loogu talagalay in lagu kabo dhaqaalaha wadanka si wax loogu qabto adeegyada muhiimka ah. Meelaha kale ee lacagtaan ay ku bixin doonto ayaa la sheegay in ay kamid tahay amniga, kaabayaasha dhaqaalaha, horumarka iyo dowlad dhisidda. Talyaaniga ayaa kamid ah wadamada sida joogtada ah kaalmada maaliyadeed ugu fadiya dalka oo kasoo kabanaya burburka dowladnimo. Taageeradaan cusub oo noqoneysa tii saddexaad ayaa wadar ahaan lacagta uu Talyaaniga ugu yahoobay Soomaaliya waxay gaareysaa 3.5 milyan oo Yuuroo. View the full article
  19. Kooxaha hoos yimaada ciidmada booliska iyo milatariga ee kala ah Horseed Sports Club iyo Heegan Sports Club ayaa is wajahaya kulanka ka tirsan horyaalka Somalia Premier League xili ciyaareedka 2018-2019. Xidigaha Horseed Sports Club waxa ay kulankii u danbeeyay horyaalka ka badiyeen kooxda xafidanaysa horyaalka Somalia Premier League ee Dekedda ka dib markii ay kaga adkeen 1-0,Horseed waxa ay fadhisaa kaalinta 2-aad ee kala horeynta waxayna lee dahay 14-dhibcood. Kooxda Heegan Sports Club iyagana ciyaartii u danbeeyay horyaalka waxa ay 4-0 kaga adkaadeen dhigooda Midnimo,xidigaha Heegan waxa ay fadhiyaan booska 3-aad,iyagoo leh 12-dhibcood. Xaqiiqooyinka Kulanka Ka Hor -Tababaraha Kooxda Horseed Cabdi Joon Baraxoow sanadihii lasoo dhaafay tartamada gudaha waxa uu kooxda Heegan kaga hor tagay,isagoo hogaaminaya kooxaha Dekedda iyo Elman,inkastoo markale isaga uu laylinaya Horseed uu ka wajahayo kooxda ciidan booliska ee Heegan. 15 December 2015-Kooxaha hoos yimaada hogaanka Ciidamada Booliska iyo Milatariga ee kala ah Heegan iyo Horseed waxaa sooyaalka tariikhdooda ku qoran in ay noqdeyn labadii koox ee igu horeesay kulankooda si toos ah am (LIVE) looga daawo #Telefinshada kulan ay wada dheeleyn fiinaalka koobka Jeneraal Daa’uud waxaana sanadii 2015 koobka 2-1 ku hantay xidigaha kooxda Horseed. -Macalimiinta kala horkacaysa labada dhinac ee kala ah Cabdi Joon Baraxoowiyo Mansuur ayaa kolkii kowaad iskaga hor imaandoona tartamada maxaliga ee kubbadda cagta Soomaaliya,inkastoo Tababare Mansuur oo kasoo joodo Uganda. -Xidigihii Soomaaliya sanadkii hore 2018 soo gaarsiiyay kaalinta 2-aad ee kala sareynta koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika tartankii ka dhacay Burundi ayaa iyaga qodhooda kasoo muuqandoona kulanka xiisaha badan ee u dhaxeeya kooxaha ciidamada Booliska iyo Malatariga. Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox 06/03/2018 Horseed 0:0 Heegan Sports Club 29/04/2018 Heegan 1:0Horseed 11/03/2016 Horseed 1:2 Heegan 05/01/2016 Heegan 2:2 Horseed 26/03/2015 Horseed 1:0Heegan 26/12/2014 Heegan 4:0 Horseed 19/10/2012 Heegan 1:0 Horseed 03/07/2012 Horseed 2:2Heegan Sports Club Ogeysiiska Ciyaarta Tartanka:-Horyaalka Somalia Premier League Taariikhda:-22/03/2019 Maalinta:-Jimco Kooxaha:-Horseed VS Heegan Saacadda:-3:45 PM Garoonka:-Banaadir Stadium Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  20. Baydhabo (SMN) – Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe howlgalo la sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed. Saraakiisha ayaa sheegay in ujeedka howlgaladaasi ay ahaayeen sidii loo sugi lahaa nabad-gelyada, loona hortegi lahaa falalka liddiga ku ah. Ma cadda hadii xoogaga dowlada ay howlgaladaasi kusoo qabqabteen rag lagu tuhamyo in ay ka shaqeynayeen ficilada khal-khal gelinaya amniga. Amaanka caasimad goboleedka Baay ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid soo hagaagayey, mana laga soo warin wax dil ama qaraxyo ah. View the full article
  21. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in doorashada Galmudug ay ku dhaceyso waqtigii lagu balamay. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Galmudug Axmed Shire Maxamed oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in hadalka wasiirka uu yahay mid la doonayo in lagu burburiyo maamulka Galmudug ee hadda dhisan. Wuxuu sheegay inaysan diidaneyn doorasho ka dhacdo deegaanada Galmudug, balse doorashada ay dhaceyso marka uu dhamaado waqtiga Baarlamaanka Galmudug ay doorteen madaxweyne Xaaf. Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan waxa ay sheegeen in Galmudug ka dhaceyn wax doorasho ah, isla markaana Madaxda Galmudug uu waqtigooda ku egyahay sanadka 2021 halka Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Bisha July ee sanadkaan doorasho la qabanayo. Wasiirka u hadlay Galmudug ayaa sheegay in madaxweyne Xaaf uu xilka hayo hal sano oo kaliya sida horey loogu heshiiyay, islamarkaana ay u hartay muddo seddex sano ah. Maamulka Galmudug ayaa tan iyo markii la dhisay waxaa uusan laheyn sal fadhiya, iyada oo ay soo mareen laba Madaxweyne sida Cabdi Kariin Xuseen Guuleed uu xilka iska casilay halka Madaxweyne Xaaf uu wajahaya khilaaf dhinaca dowladda kala dhaxeeya. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/cod-1-galmuudg-.mp3Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  22. Istanbul (SMN) – Ururka Iskaashiga Islaam-ka ayaa maanta kulan kaga yeelanaya magaalada Istanbul ee Turkiga dhacdadii New Zealand. Kulankaasi oo ay kasoo qaybgalayaan wasiir arrima dibadeedyda dalalka ku midoobay ururkaasi ayaa diirada lagu saarayaa ka hortega Islaam naceybka. Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada lagu xasuumay shirkaasi oo sidoo kale looga hadli doono sidii xal loogu heli lahaa xadgudubyada ka dhanka ah Muslimiinta. Wasiirka arrimaha dibadda New Zealand, Winston Peters oo shirkaasi deg deg ah lagu casuumay ayaa sidoo kale la filayaa in uu kasoo muuqdo. Dhacdadii magaaladda Christchurch ee lagu beegsaday labo masjid oo halkaasi ku taala ayaa lagu dilay 50 Muslimiin ah kuwaasi oo 3 Soomali ah ay ku jireen. View the full article
  23. 44 ruux ayaa geeriyootay waxaana ku dhaawacmay 90 ruux kadib qarax ka dhacay kiimiko oo ka dhaxay shirkad ku taalo dalka Shiinaha. Warbaahinta dowlada Shiinaha ayaa ku warantay in shilkaasi uu ka dhacay shirkada Tianjiayi oo ku taalla magaalada Yancheng ee dalka Shiinaha. Qaraxan ayaa dabo socday dab ka kacay warshadan oo samaysa waxyaabaha bacriminta loo adeegsado. Waaxda dhulgariirka qaabilsan ee dalka Shiinaha ayaa ku warrantay in dhulku uu gariiray 2.2 marka uu qaraxu dhacay. Sawirro laga soo qaaday goobtaasi ayaa muujinayay qiiq hawada isku shareeray, dad dhaawac ah iyo dhismayaal ay waxyeello soo gaartay. Puntland Post The post 44 ruux oo ku dhintay qarax Kiimo ka dhashay appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (SMN) – Talis-yadda Booliska iyo Nabad Sugida Soomaaliya ayaa kulan looga hadlay amniga la yeeshay gudoomiyeyaasha degmooyinka magaalada Muqdisho. Kulankaasi waxaa kasoo muuqday ku simaha agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo. Fahad ayaa la sheegay in uu diiday in muuqaalo iyo sawirro laga qaado inta uu socday kulankaasi oo lagu falanqeeyay qaabka loo sugi karo amaanka caasimada. Gudoomiyeyaasha ayaa la tilmaamay in la faray in ay doorkooda ku aadan xasilinta magaalada ay qaataan. Shirkaan ayaa kusoo aadaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen caasimada dalka falal liddiga ku ah nabad-gelyadda. View the full article
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada u dhaxeeya ee ka dhacaya magaalada Garowe. Wasiir Sabriye ayaa sheegay in shirkaasi uu ka dhacayo magaalada Garowe dhamaadka bishaan Maarso, waxaana uu sheegay in shirkaasi uu yahay mid dhexmaraya madaxda dowadda iyo maamul goboleedyada. Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in shirkaasi uu ka dhacayo magaalada Garowe, balse wuxuu sheegay in haddii uu baaqdo uu lamid yahay shirarkii lagu balami jiray ee mararka qaar baaqan jiray. “Shirkaasi aniga intaan ogahay waxaa loo balansan tahay 26 ilaa 27 bishaan, inuu dib u dhacaana ma ahan wax qariib ah wey dhici kartaa inuu dib u dhaco, laakiin qorshaha hadda aan ku joogno waa bisha dhamaadkeeda” Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa ka hadlay muddo kororsiga ay sameeyeen madaxda Galmudug iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo deegaanada maamulka Galmudug. Wuxuu sheegay in muddo kororsi aysan macquul aheyn islamarkaana madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxda Galmudug ay ka shaqeyn doonaan sidii arimahaasi loo dhameyn lahaa. “Muddo xileed markey bilaabeneysay la yiri waa afar sano, dhexda in laga badalaa sharci ma noqoneyso, waxaana kuu sheegaya, haddi la yiraahdo Galmudug Daruufo gaar ah ayay qabtaa, waxay maran doontaa inta dowlad goboleed ee soo hartay iyo federaal oo dhan, wax badan ayaa qorsheyneynaa in wadahadal aan galno”ayuu yiri Cabdi Sabriye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com