Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,702
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Istanbul (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa mar kale maanta heshiis muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta la saxiixday heshiis dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu oo ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho. Heshiiskan ayaa macnihiis yahay in labada dhul ee ku kala yaalla labada magaalo uu dalba midka kale kiisa yeesho. Arrintan ayaa ah mid caadi ah oo inta badan dalalka caalamka ay sameeyaan. Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah. Turkiga waa dalka ugu weyn ee taageerada siiya Soomaaliya, waxaana uu dalka ka fuliyey mashaariic waa weyn, sida garoon diyaaradeed, isbitaallo, waddooyin iyo goobo waxbarasho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdsiho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday “inaan la aqbali karin in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu masjid dhexdiisa been ka sheego, ayada oo loogu dul-qaadan jiray beentii hoteellada.” Fiqi ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal jawaab u ah hadalkii Kheyre uu maanta ka jeediyey saladdii jimcaha ee masjidka madaxtooyada, kaasi oo uu kaga hadlay mushaharka ka maqan ciidamada. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi uu dhameystiran. Masjidka Dhexdiisa Miyaa Markaana! Raysulwasaare Khayre masjidka uu ka dhex khudbaynayo ee madaxtooyada, dadka ugu badan ee dhagaysanayey khudbadiisa waa shaqaalaha madaxtooyada oo aan muddo saddex bilood ah wax mushaar ah qaadan (sida ay noo sheegeen) laakin caburinta iyo cagajuglaynta lagu haayo aan afka kala furi karin In ay xuquuqdooda sheegtaan! Wuxuuna shaqaalahaas aan xaqooda helin mudadaas u aqrinayaa In askarta In mushaarkooda la siin doona! Sidee isku qabanaysaa Warkaas ama ay uga rumayaanayaan? Shaqaalaha xafiisyada madaxtooyada iyo kuwa kale ee hey’adaha dawladda ka shaqeeya ma diiwaangashana miyaa ayaguna! Shalay waxaad lagu faanayey mushaar naguma baaqdo, Maantana waxaa cudurdaar loo raadinaysaa mushaar la’aanta dhacday, way fiicnaan laheyd in wax lagaa qoro iyo mawqif kaliya aad yeelataan!!! Waa loo dulqaadan karaa marka hoteelada hadalllo noocaas ah laga sheego, laakin masjidka maya mudane! Hantidhowraha qaranka iyo hey’adaha kale ee laba aqal ee Barlamaanka u qaabilsan baaritaanka wixii ku saabsan la xisaabtanka dhanka maaliyadda waxaa u taalla hawl adag oo ay tahay In ay ka hawlgalaan halka ay martay qoondadii shaqaalaha rayidka ah iyo ciidanka ee miisaaniyadda 2019 loo qoondeeyey!
  3. Magaalooyinka waawayn ee Puntland ayaa maalmihii udambeeyay waxaa caado ka noqoday kufsiga sida wadarta ah loogu gaysanayo gabdhaha da,dooda ay ka hoosayso 15 sano . [...] Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si dadban u duray ciidamada mushahar la’aanta ka cabanaya ee gadoodka sameeyey, isaga oo sheegay inaysan gadood sameyn xiligii madaxweyne Xasan Sheekh ee ay sagaalka bil waayeen mushaharka. “Waxay leeyihiin labo bilood oo wax la saxaayo ayaa mushaaraadka naga maqan yihiin… Maxay u kala tegi waayeen xilligii uu mushaarku ka maqnaa sagaal bilood…runta la idin ma sheegin.. laakiin aniga maanta idin sheegaya.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta ka hadlay salaaddii Jimcaha. Ciidamada gadoodka sameeyey ayaa sheegay inaysan ka cabaneyn mushahar la’aan kaliya balse laga jirtay raashinkii. Xilligii dowladda Xasanb Sheekh ayay sheegeen in inkasta oo mushahar ay waayeen marar badan, haddana marnaba aysan noqon raashin. Kheyre ayaa sheegaya in shuruudaha horyaalla Ciidamada ay yihiin in askariga uu ku sugnaado goobtii lagu diiwaangeliyay, kuna shaqeeyo iyo in aan dalban gacan kale oo u dhaxeysa Askariga iyo Dowladda, lacagahana loogu shubo koontada loo sameeyay, sidaas Askarigii sameeyana uu heli doono mushaarka iyo Gunnada. Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya in aysan xaqireen dadka usoo dadaalay dalka, balse loo baahan yahay in lala jaanqaado nidaamka cusub. Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka marwaliba la hor dhigo su’aal ah tirada Ciidamada si looga caawiyo Mushaaraadka iyo lacagaha loo qoondeeyo. Kheyre ayaa tilmaamay in had iyo jeer la weydiiyo Liiska Ciidamada lagu diiwaangeliyo, balse hadii aan la helin aan suurta gal ahayn in dhaqaale loo helo. Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay mushaar la’aan dhowr bilood oo ay sheegeen in aysan lacag qaadan. Wafdi ka socda Dowladda Federalka oo ay hogaaminayeen Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ayaa shalay Degamada Balcad kula kulmay saraakiil hogaamineysay Ciidamo mushaar la’aan ugu soo baxay deegaanadii ay ku sugnaayeen. Kulan saacado qaatay kadib, ciidamada iyo saraakiishii qaabilay wafdiga Xukuumadda ayaa isku afgartay in ciidamada dib ay ugu laabtaan, cabashadoodana la xalinayo. Dhageyso Kheyre https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/dhagaysoraiisul-wasaare-Kheyre-oo-ka-hadlay-mushaaraadka-ciidamada.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Ciidamada dowladda ayaa isga soo baxay qaybo badan oo kamid ah saldhigaydii difaaca ee ay kaga jireen goboldada koonfureed ee dalka Soomaaliya kadib markii ay [...] Source
  6. China is certainly not the only country with predatory fishing fleets, but its boats are the ones that have been invited into our territorial waters by a foreign power. An oasis of stability in a volatile region, Somaliland has long safeguarded our maritime zones from piracy, terrorism and crime, including illegal fishing. Thanks to the responsible stewardship of our coastal ecosystem, Somaliland’s territorial waters are home to hundreds of fish species. For this reason, conservationists and diplomats alike should be alarmed by neighboring Somalia’s recent decision to grant licenses to Chinese companies to fish in Somaliland territorial waters. Unless the international community intervenes, 850 kilometers of Somaliland’s coastline and 70,000 square kilometers of its exclusive economic zone will soon become vulnerable to exploitation by foreign commercial entities, putting at risk yet another fragile coastal ecosystem in Africa. Somaliland and Somalia have a long and complicated history. A former British protectorate, Somaliland secured its independence from the United Kingdom in 1960 and was subsequently recognized by numerous governments, including the United States. Shortly thereafter, Somaliland voluntarily joined with the former Italian Somalia to create the Somali Republic, which over time became subject to autocratic rule and civil conflict. In 1991, the Republic of Somaliland reclaimed its independence, building a successful democratic state despite the ongoing violence in neighboring Somalia. Yet to date it remains unrecognized by the international community. Fishing in Somaliland is much the same today as it has been for generations, contributing to the preservation and protection of a pristine marine environment. Four thousand miles away, along the coast of West Africa, overfishing is driving many aquatic species to extinction and threatening local livelihoods and food security. Somaliland has watched these developments with great concern. China is certainly not the only country with predatory fishing fleets, but its boats are the ones that have been invited into our territorial waters by a foreign power. With this access, trawlers’ heavy nets will destroy our oceanic habitats, stunting reproduction and exacerbating declines in fish populations. Further, the non-selective nature of most trawlers catches both marketable and undesirable fish alike while dumping waste material and ballast water could have devastating effects on rare native species. Somalia’s licenses are meant for China to catch tuna; however, dolphins, whales, porpoises and the endangered dugongs are likely to be swept up as well. Somaliland’s small fishing fleet cannot compete with Chinese vessels and the advanced technology that they employ. It is said that one Chinese ship can catch as many fish in a single week as the average fishing boat in Africa can catch in an entire year. Across Africa, this disparity drains economies of billions of dollars, driving local fishermen into crime, terrorism and piracy. Source Defense one Qaran News
  7. Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiqaadi Xuseen Nuur Dirir ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Gaalkacyo waxa uu ka sheegay sharuudaha looga baahan [...] Source
  8. Degmada Buursaala ee gobolka Mudug waxaa laga hirgaliyay oo dhimaheeda la bilaabay waddo laami ah oo dherer keedu uu yahay 2kmtr. Hirgalinta dhismaha waddadan oo [...] Source
  9. Christchurch (PP) ─ Dalka New Zealand, ayaa maanta si toos loo baahiyay aadaana iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo aadaanka si toos ah looga maqlo dibada masjidka, waxaana dalkaas oo dhan laga aamusay muddoo laba daqiiqo ah si loo dhageysto codka dadka muslimiinta ah loogu dhawaaqayo. Arrintan oo lagu beegay Salaaddii khudbada ee maanta ayaa qayb ka ahayd xuska lagu asteynayay hal isbuuc oo kasoo wareegay markii weerar lagu qaaday masaajidyo ay dad ku tukanayeen jimcadii lasoo dhaafay. Ra’iisul wasaaraha NZ, Jacinda Ardern ayaa ku biirtay kumannaan ruux oo ku baroor-diiqayay meel u dhaw masaajidka Al-Nuur oo ahaa masjidkii ay ka dhaceen khasaarihii ugu badnaa ee toogashada. Imaam, Gamal Fouda oo salaaddii jimcada ee maanta Tujiyay muslimiinta ayaa yiri. “Qalbiga ayaa naga jabay balse innaga oo dhan ma aynaan jabin.” Isagoo sheegay inaysan tallaabadii foosha xumayd ee lagula kacay niyad-jabin doonin. Sidoo kale, Illaa 50 muslimiin ah ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan labada masaajid u geystay 15-kii bishan, xilli ay dadkaasi ku guda jireen salaaddii jimcaha, halka tiro kalena ay dhaawacmeen. Ninka falkan geystay oo lagu magacaabo Brenton Tarrant ayaa u dhashay dalka Australia, waxaana lasoo taagay maxkamad iyadoo lagu eedeeyay inuu falkaas geystay, waxaana la filayaa in dacwado kale lagu soo oogo. Khamiista lasoo dhaafay ayay Ra’iisul Wasaaraha NZ, Jacinda Ardern amar ku bixisay in dalkeeda laga mamnuuco guud ahaan hubka daran-daroorriga u dhaca oo uu adeegsaday ruuxii falkaan naxdinta leh geystay. Dhanka kale, Dad gaaraya kumannaan qof ayaa isugu tagay fagaare u dhaw masjidka Al-Nuur, si ay u xusaan Jimcada Qaran ee kasoo wareegtay markii uu dhacay falkii lagu laayay dadka. Waxaana Telefishinnada dalkaas maanta laga baahiyay salaaddii jimcaha. Ugu dambeyn, Khudbad ay jeedisay Ra’iisul Wasaaraha NZ, Ardern ayay ku sheegtay in New Zealand ay la barooranayso muslimiinta dalkaas, aysanna ogolaan doonin in fal noocan oo kale ah uu mar dambe ka dhaco dalkeeda, iyadoo tusaale u soo qaadatay sida ay Muslimiintu isugu damqadaan marka ay dhibaato ku dhacdo. PUNTLAND POST The post Muslimiintii lagu laayay New Zealand oo maanta loo sameeyay Baroor-diiq Qaran appeared first on Puntland Post.
  10. Wadanka News Zealand ayaa maata waxaa looga baroor diiqay dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Masjidka Al-Noor oo ay ku dhinteen dad muslimiin ah oo [...] Source
  11. Muqdisho (PP) ─ Machadka Cilmi-baarista Siyaasadda Somalia ee Heritage oo xaruntiisu tahay Muqdisho ayaa toddobadkan soo saaray warbixin dheer ka qoray Dowladda uu hoggaaminayo Farmaajo tan iyo markii xilka loo doortay oo laga joogo laba sano. Warbixinta Heritage, ayaa lagu billaabay sidan: Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa Madaxweynaha Somalia loo doortay, 8-dii Febraayo 2017-ka, isagoo ballan-qaaday in uu horseedayo is-baddel weyn, sugayo amniga, xasilinayo siyaasadda, musuq-maasuqa, kobcinayo dhaqaalaha, la dagaalamayo, uuna la imaanayo siyaasad arrimo dibadeed oo sarraysa. Laba sano kaddib, haddii la qiimeeyo waxqabadka Madaxweynaha, waxaa soo baxaya, in qorsha-yaashiisii qaar, ay u suurto galeen, kuwo kale oo badan – oo uu ballan qaaday xilligii doorashada iyo Shirkii London-na – aanay waxba ka hirgelin. Dhanka guulaha, Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre (XFK) waxay guulo wax ku ool ah ka gaareen dadaalada in Soomaaliya deynta laga cafiyo, waxay xawaare geliyeen wada xaajoodka hay’adaha maaliyadda adduunka (sida Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF), waxay kordhiyeen dekhliga dowladda, waxay ku guuleysteen kasbashada kalsoonida shacabka, waxayna ku mintideen wada-shaqaynta hay’adda fulinta (Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad), sidaas oo ay tahayse, ma hirgelin in badan oo ahaa ballan-qaadyadii Madaxweynuhu doorashada ku galay. Warbixita ayaa waxaa lagu sheegay in ballan-qaadyadii Farmaajo ay waxba iska soo tari waayeen, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in Xukuumaddu ay uga adkaan doonto Al-shabaab muddo laba sano ah. Sidoo kale waxaa ku jiray in sidoo kale uu ku guul-darreystay ballan-qaadkiisii ahaa inuu furayo waddooyinka Muqdisho ee xiran, taas badalkeedana waxaa si aad ah u sii kordhay xirnaashaha wadooyina Muqdisho. Ugu dambeyn, Qodobbada kale ee lagu dhaliilay inay xukuumaddu wax ka qaban wayday ayaa waxaa ka mid ah, amniga iyo siyaasadda, kuwaasoo la sheegay in dowladdu ay ku fashilan tahay, isla markaana aan looga fadhin inay wax ka qabato sannadaha u haray. AKHRISO: Warbixinta Machadka Heritage uu kasoo saaray Dowladda Farmaajo PUNTLAND POST The post Machadka Heritage oo Warbixin Dheer kasoo saaray Xukuumadda Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  12. Deegaanka Laag ee duleedka magaalada Bosaaso maanta oo jimce ah waxaa ka dhacay shil gaari oo sababay dhimashada 5qof iyo dhaawaca todoba qof oo kale [...] Source
  13. Waxba ma fahmo waayo Runtaan ka dhuuntaa.( go beyond the analytic mind) Dhibaata kasta oo igu dhacda, mahayo wadadii xalkeeda,waxaan ku ilaawaa dhibtaas duruufaha ilbidhiqsi kasta noloshayda kusoo kordha ee maalinlaha ah, midba mid bay idhiibtaa,ma dhibsado oo waan iskala noolaadaa,anoo ka dhuumanaya xaqiiqada nolosha i hortaagan ee aanan xalba u haynin(Concealing the contrary of the reality). Qiimaha qofku leeyahay wuxuu ku xidhan yahay waxa uu qabto wanaagiisa iyo xumaantiisaba, Heerka aynu marayno waxay dacaayadu ka mid tahay Tool-ka ugu muhiimsan ee wax la isugu sheego waayo itaalkeena ayaa halkaa ina dhigay,Cabsida shakhsi walba ku hareeraysan waxaa sabab wayn u ah cidii ku haboonayd in la xidho ayaa wax la dhagaystaa. Waxaa jiraa dad u dhiban dulmi ay galeen oo ay fududahay in ay ka bogsadaan. #Dhoohane waa marxaladda aynu dhexmushaaxayno waxaynu dugsanaa dareen aan dan inoogu jirin #qabyaaladd waa cudur aafo ah waa nidaamka kaliya ee dadka lagu kala qaybiyay ee aan abidkeed faaido laga dheefsan, waa “package of all problems” waa cilmi khariban oo wax lagu boobo 1960 ilaa hadda 2019 Reero ayaa laga sheekayaa dadka ku dhintay malaayiin kama yara, dad iyo duunyo laga faaiday ma jirto. Dhoohane (Dhoohane afsoomaaliga waa qof isaga dhiigiisa lagu taajiro oo laakiin isagu aan is ogayn) waa cid u afduuban dan been ah oo cidi ku guurayso ogow adaa eersan doona “ilaahay ha inna wada caafiyo Dhamaanteen” Dawladda hadii wax inoo qabato si cadaalad ah iyadda ayaa reer inoo ah danteenuna ku jirtaa, Hadii ay wax inoo qaban waydana heshiiskay inala gashay ee labada daraf ahaa “aan ku doorto ee waxaa ii qabo” haday qaban waydo inaguna waynu ka bixi karnaa heshiiskaas sharciguna sidaas waa ogolyahay. #DhibaneDhibgayste wuxuu ka mid yahay bulshadeena waa dhibane haddana dhib ku foogan, wuxuu ku jiraa xaalad mugdi badan, waa matalayaasha inoogu cadcad, Meelkasta oo uu joogo wuxuu ku jiraa cidhiidhi,se Xariifna wuu isu haystaa “Never Trust your own brain” ku darso hadalkasta oo uu maqlo ama arko wuxuu ka baadhayaa wax u eeg in ay ku jirto,inta ku xidhana ma aaminsana ee ninba ninbuu sii daba dhigay “Xanta iyo dhaqdhaaqa ii dhagayso” dadkan ku xidhani waa dad fahansan laakiin dulqaadanaya fariidnimo ayay isaga ula eegtahay Dhibgaystahani hadii aanu dhib galin waxanba iskumuu hawleen alla ha usahlo. Qiimaha qofku leeyahay wuxuu ku xidhan yahay waxa uu qabto wanaagiisa iyo xumaantiisaba, ilaahayna wuxuu inoo sheegay qofka xaqqa aan ku leeyahay gutaa inuu liibaanay. Xaqqa ilaahay inaggu leeyahay. 1-Xaqqa Xuska iyo gudashada waajibaadkiisa 2-Xaqqa macaamilka dadkiisa. 3-xaqqa ucadaalad falka masuuliyad kasta oo aad hayso. 4- Xaqqa qoyskaaga ubadkaaga iyo xaaska. 5- Xaqqa usamafalka umaddisa karaamaysan. Dhinackasta oo aad ka eegto ilaahay intuu inna faray midba midbay ku xidhan tahay mana kala maarmi karto, hadii aynu u gudano si wanaagsan waxaynu ku noolaan doonaa cisi iyo sharaf. Ilaahayna ha inna garansiiyee dhamaanteenba. Haddaba waqtigaaga haku lumin inaad cid xumayso waxay ku galin kartaa dhib aanad waligaa kasoo kaban doonin. Haddalka Xaqqa ah waa sadaqo! Ahmedyasin Sh cumar Sh Ahmed Furre Qaran News
  14. Haweenka ku dhaqan gobolka Sanaag ayaa maanta deeq isugu jirta Daawo, Dhar iyo Raashinba waxa ay gaarsiiyeen ciidamada Puntland ee ku jira jiida hore ee [...] Source
  15. Muqdisho (PP) ─ Cabsi dhanka ammaanka ah ayaa la sheegayaa inay ka jirto garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo weliba xarunta madaxtooyada oo ay dowladdu ku shaqeyso, iyadoo ciidammo badan la dhigay labadan goob ee muhiimka ah Wararka ayaa sheegaya in ciidammo badan la geeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halka ciidamada ilaalada Madaxtooyada Somalia banaanka loo soo saaray iyagoo wata gaadiidka dagaalka, si ay uga hortagaan siku day walba oo la doonaoy in lagu weeraro. Cidammo badan ayaa lagu arkayay maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo wararka aan helayno ay sheegayaan in tani ay ka dhalatay ciidammo la sheegay inay dhawaan mushaar la’aan uga soo baxeen furumihii ay kaga sugnaayeen qaybo ka mid ah gobollada shabeellooyinka. Sidoo kale, Ciidamada gaarka ah ee ilaalada madaxtooyada Somalia, ayaa dibadda loosoo saaray, iyadoo afarta koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada la dhigay gaadiidka dagaalka, iyadoo ciidamada halkaas la geeyay ay ka muuqato feejignaan dheeraad ah. Dhanka kale, Wararka ayaa intaas ku daray in madaxtooyda laga joojiyay in agagaarkeeda lala yimaado wax ka badan afar askari oo istaaf ah, iyadoo lagu war-geliyay wasiirrada inay dhimaan ilaaladooda marka ay imaanayaan Villa Somalia. Madaxtooyada Somalia ayaa cabsi weyn ka muujiyay in isku day af-gamni ay sameeyaan ciidamadii dhawaan kasoo baxay furumihii ay gobolada dalka uga jireen, inkastoo ciidamadan aanay ujeedkoodu ahayn inay in-qilaab ka fuliyaan dalka. Ugu dambeyn, Marka laga soo tago ciidamada gadoodka sameeyay ayaa la sheegayaa in cabsida ay qayb ka tahay Kooxda Al-shabaab oo ay dhici karto inay gudaha u soo galaan caasimadda dalka, haddii ciidamadu ay furumaha soo faarujiyaan. PUNTLAND POST The post Ammaanka Villa Somalia iyo Garoonka Diyaaradaha oo si aad ah loo adkeeyay appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-New Zealand)Dalka New Zealand ayaa laga baahiyay codka Aadaanka Salaadda, waxaana guud ahaan waddanka laga aamusay muddo 2 daqiiqo ah, si loo dhageysto codka dadka muslimiinta ah loogu dhawaaqayo. Arrintan oo lagu beegay salaaddii khudbada ee maanta ayaa qeyb ka ahayd xuska lagu asteynayay hal isbuuc oo kasoo wareegay markii weerar lagu qaaday masaajidyo ay dad ku tukanayeen jimcadii lasoo dhaafay. Ra’iisul wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa ku biirtay kumannaan ruux oo ku baroordiiqayay meel u dhow masaajidka Al-Noor oo ka mid ah dadka lagu laayay Imaam lagu magacaabo Gamal Fouda, oo salaaddii jimcada ee maanta tujiyay dadka ayaa yidhi: “Qalbiga ayaa naga jabay laakiin innaga oo dhan ma aynaan jabin”. 50 ruux oo muslimiin ah ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan 2 masaajid u geystay 15-kii bishan, xilli ay dadkaas ku guda jireen salaaddii jimcada, halka tobannaan qof oo kalena ay dhaawacmeen. Brenton Tarrant, oo u dhashay dalka Australia ayaa loo maxkamadeynayaa inuu falkaas geystay, waxaana la filayaa in dacwado kale lagu soo oogo. Maalintii khamiista ahayd ayey ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern amar ku bixisay in waddankeeda laga mamnuuco guud ahaan hubka u sameysan noocii uu ninkaas u isticmaalay weerarka. Maxaa dhacay maanta oo Jimce ah? Dad gaaraya kumannaan qof ayaa isugu tagay fagaare u dhow masjidka Al-Noor, si ay u xusaan Jimcada qaran ee kasoo wareegtay maalintii uu dhacay falkii lagu laayay dadka. Aadaanka salaadda, oo muslimiinta loogu dhawaaqo si ay salaadda usoo xaadiraan ayaa laga baahiyay telefishinka iyo raadiyaha qaranka ee dalka New Zealand. Waxaa la raaciyay 2 daqiiqo oo waddanka oo idil laga aamusay, si loo xuso muslimiintii ku dhintay toogashadii ka dhacday masaajidyada. Khudbad ay xilligaas ka hor jeedisay Ms Ardern ayey ku tidhi: “New Zealand way idinla baroor diiqeysaa, kulligeen waxaan nahay mid” Waxay tusaale ka dhigatay xadiis uu nabi Muxammad (csw) ku sheegay in dadka muslimiinta ah dhibka walaalahood soo gaara ay ka xanuunsadaan, ayna la mid yihiin sida qof ay jirkiisa meel ka mid ah xanuuneyso inta kale ee jirkiisa ka mid ahana ay dareemeyso. Source
  17. Naanaysta Muuse-Handaraab Ma Saxbaa Mise Waa Khalad…W/Q Rashiid Sulub Caalin Sida aynu ogsoonahay, waxaynu ku biirnay Dalalka Dimuqraadiga ah tan iyo waqtigii aynu bilownay habka Nidaamka Xisbiyada badan ee lagu kala xulanayo Masuuliyiintii maamuli lahaa Dalkan mid hoose iyo Madax sareba. Taasi waxay inoo saamaxday, in ay bulshada iyo Madaxda ay soo doortaanba u bislaadaan in lagu wada dhaqmo hab ixtiraam iyo is dhaliilidba leh oo lagu wada jaan-qaadayo. Sida aynu ognahay, sannadihii u dambeeyey waxa muuqatay in bulshadu ay habab kala duwan oo af-garasho ah iyo magacyo Naanays ah u bixiyaan Madaxda qaarkood amma badankoodaba, iyadoo la isla fahmo marka lagu dhawaaqo naanaysta loo bixiyey Masuulkaasi, maadaama ay si dhib yar u faafto waxyaalaha laga sheego Madaxdu. Ceebna inaguma aha marka aad eegto sida uu Caalamka Dimuqraadiga ahi ula dhaqmo Madaxdooda oo haddana aanay juuq u odhan amma ka xanaaqin, iyadoo inta badan la daba galo dabeecadahooda, dhaqankooda iyo shaqada ay Qaranka u hayaanba. Marka aynu ku soo noqono Dalkeena Somaliland, dhowaan Markii la doortay Madaxweynaha imika talada haya Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa judhiiba lagu qabtay oo lagu dhajiyey sida xanjada Naanays la yaab leh oo loogu yeedhay ‘Muuse-Handaraab’. Sida aynu iska wada fahmi karnana, waxa loola jeedaa inuu yahay Madaxweyne ku ad-adag habka bixinta lacagta shaxaadka, iska-aamusiinta af-miishaarka iyo hab kasta oo lacag qeyral sharciya lagu bixiyo. Sida dhaqanka Waddamada Soo koraya amma Afrikaanka badankoodu ku dhaqmaan oo sidii la doono loo bixiyo lacagta Xukuumadda iyadoon loo aabbo yeelayn, iyadoo markaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi laga waayey dhaqankaas aynu sheegnay. Haddba waxa muhiim noqotay sida Ilaahay ina faray, inaynu feker iyo wax is waydiin la nimaadno inta adduunkan aynu korkiisa joogno. Sidoo kalena, adduunyada hore u martay iyo kuwa fekerkoodu fayow yahayba waxay sheegayaan in cilmiga iyo aqoonta aynu leenahay had iyo jeer aynu ku cabirno dhibaatooyinka amma dhacdooyinka ina horyimaadda bulshada dhexdeeda.is-waydiimahaas oo ka dhasha kolba wixii cusub ee ku soo kordha dhaqanka bulshadaas iyo dabeecadaha ummadeed ee kolba isla beddelaya waqtiga. Waxaana badanaa qiimeeya amma daraasadeeya dad takhasus gaar ah u leh Cilmiga Bulshada (psychology) iyo Cilmi nafsiga (physiology). Haddaba, waxa muuqata in Culimadaas baratay cilmiyadaas lagu cabirro dabeecaddaha bulshada iyo dhaqankoodaba inay ka gaabiyeen inay daraasadeeyaan qaddiyadaha bulsho ahaan inagu soo kordha ee Cilmigooda u baahan. Haddaba, Qoraa ahaan iyo Mufakar ahaan haddii aan isku qaaddo in la taxliilo qaddiyaas muhiimka aan u arko ee magacaaas Muuse-handaraab ku lug leh waxay ila tahay inaynu is waydiino afar su’aalood inagoo sangaabta ka raacayna. 1.What (waa maxay naanaysta)? ·Waa magac-naanayseedka Madaxweyneheena lagu dhajiyey. 2.When (goorma ayaa loo bixiyey naanaysta)? ·Isla judhii uu shaqada Xafiiska bilaabay ayaa lagu dhajiyey Naanaysta. 3.Why (sababtee loogu bixiyey)? ·Waxa la maleeyey amma la tusaaleeyey inuu xidhan doono qasnada Dowladda oo laga qatanaan doono. 4.Who (yaa bixiyey Naanaysta)? ·Waxa naanaysta bixiyey dad gaar ah oo ku mamay inay hantida guud ee Qaranka ku qaataan hab dadban oo sharci ahayn. Fallanqeyn: waxay si dhow ugu muuqataa in ay maskaxdooda iyo maankooda ka soo maaxatay dad dano gaar ah leh oo markii ay arkeen natiijaddii Doorashadu sida ay u dhacday amma sida ay shaqada Xukuumaddu u bilaabantay ka dhex arki waayey danahoodii ay ka filayeen ee gaarka ahaa dabadeedna isku qaaday inay sumcadda iyo haybadda Madaxeynaha ay waxyeeleeyaan oo ay dadka u tusaan in dhaqaalihii Waddanku uu baaba’ayo meel walbana laga soo xidh-xidhmayo si ay dadweynuhuhu ugu soo jeestaan Madaxweynaha iyo Dowladda. Xaqiiqadda: ·Caqligeena saliimka ahi sida uu inoo sheegayo idinkuna aad igu waafaqi kartaan, waxa qof kasta oo Madaxweyne noqda laga rabaa in marka u horreysa ee uu xafiiska qabto inuu ilaaliyo ammaanada ummaddu u dhiibtay. ·In Madaxweynuhu garabkiisa u raariyo (garab-raarin) oo uu bulshadiisa si hufan ugu adeego. ·Waxana ay u cuskanayaan Naaneystaana ,waxaba la odhan kara duruufahani adage ee dhaqaalaheenu ku sugan yahay ,waa wax adduunweynaha wada saameeyay,dhibaatooyinka jirna ee dib inoo dhigana waxa iyaddana odhan kara ,waxay jireen intaanu ba dhalan Muuse Biixi,sida Maalka maalin walba lagu baabi’inaayo QAADKA,iyo Dadkeenii u jeesan la WAX-SOO-SAARKA,dhaqankeena siloon ee ah lacag bilaash ah oo aynu u haliileynu in aynu si fudud ku helo. ·Waxa Miiska yaala oo aynaan ka baxsan Karin, waxay illa tahay in aynu Muuse iyo Xisbigaasa kula xisaabtano at end of the day maxay ka qabteen qorshahii lagu soo dortay ee looga fadhiyay,oo aynu isga deyno waxii aan midho dhalineynin. Sidaa awgeed, waxa aad ila dareemi kartaan in macagaa Naanaysta ah aanu u qalmin Madaxweynuhu, isla markaana aanu gayin dacaayado raqiisa oo lagu doonayo in dano gaar ah lagu fushado. Sidaa awgeed, waxa aniga iyo inta qalbigoodu caafimaadka qabo-ba aanu raaligalin ka siinaynaa magacaa iyo dacaayadaha jaban ee lagula dul dhacayo Madaxweyne sharaf leh Qarankiisana daacad u ah. Waxaana hubaal ah oo rajaynayaa, in dhabaha uu imika hayo Madaxweynuhu ay tahay tii aan kula dardaarmay markii la doortay ee ahayd, in Shaadh-madoobaha (danaystaha, danta –guud ka leexdaha, af-miishaarka iyo ma-shaqaystaha) uu keeno Madaxweynuhu nidaam hoosta marinaya oo caddaadinaya, isla markaana Shaadh-caddaha (da’ yarta Waddanka wax u baratay iyo dadka u hoggaansan danta guud ee ka reebban muluq-muluqda iyo xaaraanta) in uu keeno Madaxweynuhu nidaam dusha soo marinaya oo ay dadka u adeegaan. Fiiro gaar ah: sidaad igu barateen ugalama jeedo in aan cid gaar ceebeeyo amma aan dan gaar ah ka leeyhay, waxaana aan ka hadlayaa uun danta guud ee laygu bartay. Wabillaahi Towfiiq, Qalinkii: Qoraa Rashiid Sulub Caalin. Email. Sulub2007@yahoo.com Hargeysa, Somaliland Source
  18. (SLT-New Zealand)Waxaa Maanta oo Jimca ah la aasay Dadkii Muslimiinta ahaa ee Todobaad ka hor lagu laayay Laba Masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand. Salaadda Jinaazada oo ka dhacday Masjidka Al-Nuur ka ka mid ah goobihii lagu laayay 50-ka Muslimiinta ahaa, ayaa waxaa ka qeyb galay Dad ku dhow 20,000 Qof oo isaga kala yimid daafaha Caalamka. Sidoo kale aaska iyo ducada loo sameeyay Dadkaasi ayaa waxaa ka qeyb gashay Madax ay ugu horreeyso Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi , Jacinda Ardern, iyadoo Muddo Laba Daqiiqo ah loo aamusay Dadkii halkaasi ku geeriyooday. Ra’iisul wasaare, Jacinda Ardern, ayaa mar kale ku celisay in Maanta oo Jimca ah Idaacadaha Maxalliga ee Dalkaasi laga sii daayo Aadaanka, si Muslimiinta loogu muujiyo Garab istaag, isla markaana ay Dowladda iyo Shacabku ugu soo horjeedaan falkii ka dhacay Magaalada Christchurch. Source
  19. (SLT-Washington) Fureyaasha sirta ah ee malaayiin qof oo Facebook isticmaala ayaa waxaa gacanta ku dhigay illaa 20,000 oo shaqaale oo ka tirsan shirkadda Facebook si aan sharci ahayn, islamarkaasna aysan ka warheynin dadkii lahaa. Cilmi-baaraha xagga amniga Internetka Brian Krebs ayaa markii koowaad baahiyay ku xadgudubka xogta gaarka loo leeyahay, taas oo quseysa illaa 600 milyan oo qof. Fureyaasha sirta ah ee shaqaalaha shirkadda ay heleen ayaa ciwaanadooda qaar la abuuray sannadkii 2012-kii. Shirkadda Facebook ayaa war qoraal ah ku sheegtay in ay hadda xalisay cilladaas, taas oo la sheegay in qaladka uu ka dhacay in xogtan muhiimka ah lagu kaydiyay mid ka mid ah qaanadaha gudaha shabakadda. Mr Krebs ayaa sheegay in ilo wareedyo uu shirkadda Facebook ka helay ay u sheegeen in ay “ku guul darraysteen illaalinta xogta ” taasi waxay u ogolaatay dadka qaar in ay sameeyaan aalado ay ku galayaan kuna kaydsanayaan fureyaasha sirta ah ah iyaga oon wax codsi ah u dirayn qofkii lahaa. Waxaa la sheegay in ay dhacday in shaqaalaha ay gudaha u galeen ciwaanada, islamarkaasna kaydsadeen fureyaasha. Iyada oo loo jawaabayo Mr Krebs, Injineerka Facebook Scott Renfro ayaa sheegay in baaritaanka uu biloowday kadib markii la ogaaday in aanan laga tagin wax raadad ah oo ku saabsan in wax la haleeyay. Facebook ayaa sheegtay in ay cilladda ogaatay bishii Janaayo xilli la samaynayay dib u eegista muddeysan ee lagu sameeyo tayada adeegyada. Baaritaanka arrintaan wuxuu muujiyay in dadka badidoodu ay saameynta ku yeelatay ay ahaayeen isticmaalayasha adeegga Facebook Lite, taas oo u eg in loo adeegsado waddamada ay internet koodu daciifka yahay, xawaarahoduna gaabiyo. “Waxaan qiyaasaynaa inaanu u diggi doonno boqolaal malyan oo ah dadka isticmaala Facebook Lite, tobanaan malyan oo kuwa isticmaala Facebook iyo tobanaan kun oo Instagram isticmaala,” ayay shirkaddu u sheegtay warbahinta Reuters. Warkan ayaa waxa uu soo afmeerayaa muddo dheer oo uu shirkadda dhib ka haystay xagga cillad bixinta iyo sida ay u illaaliso xogta shaqsiga ah. Bishii Sebtembar ee sannadkii hore, waxa ay sheegtay in xogta 50 malyan oo qof oo isticmaala si khaldan ama kama’ ah lagu soo bandhigay sababo la xiriira cillad qabsatay hannaanka sugista amniga internetka. Horraantii sannadka 2018 waxay shaaca ka qaadday in malaayiin qof oo isticmaala facebook ay xogtooda ay ka macaashtay shirkadda xayaysiiska iyo adeegyada xiriirka dadweynaha ee Cambridge Analytica. Source
  20. (SLT-Muqdisho) Raysal Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qayb galay shir looga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya Xag-jirnimada. Shirka oo maanta furmay qorshuhuna yahay in uu soo xirmo berri oo Jimce ah ayaa si gaar ah looga hadlayaa sidii casharro looga baran lahaa hababka guulaystay ee dalalka Afrika ay u adeegsadeen ka hor-tagga iyo la dagaallanka Xag-jirnimada, si loo wadaago hannaanka ugu habboon, loogana faa’iidaysto talooyinka khuburada. “Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan machadka nabadda ee Yurub, ka jeediyo khudbad aan uga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha Xag-jirnimada ku salaysan. Nuuc kasta oo Xag-jirnimo ah waxa uu nagu hayaa dhibaato. Waa in aan kula dagaalnaa wadajir, run-sheegid, fursadaha aan haysanno iyo wada shaqayn xooggan. Waxa aan ku jiraa xilli ay jirto caqabado dhanka amniga ah, jawaabteennu waaa in ay ahaataa mid isku xiran oo xooggan”, ayuu ra’iisul wasaare ku-xigeenku ka sheegay shirka Brussels. Kulanka oo uu marti geliyay Mahadka Nabadda Ee Yurub (EIP) ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka soda Yurub, Afrika, Bariga, Dhexe, hay’ado calami ah iyo bulshada Rayidka. Source
  21. (SLT-)Warshad kiimiko oo ku qaraxday dalka Shiinaha ayaa dishay ugu yaraan 44 ruux, waxaana ku dhaawacmay 90 ruux oo kale, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda. Qaraxa ayaa ka dhacay shirkadda kiimikada samaysa ee Tianjiayi oo ku taalla magaalada Yancheng ee dalka Shiinaha. Qaraxan ayaa dabo socday dab ka kacay warshadan oo samaysa waxyaabaha bacriminta loo adeegsado. Waaxda dhulgariirka qaabilsan ee dalka Shiinaha ayaa ku warrantay in dhulku uu gariiray 2.2 marka uu qaraxu dhacay. Sawirro baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujiyay goobta qaraxday iyo qiiq hawada isku shareeray, dad dhaawac ah iyo dhismayaal ay waxyeello soo gaartay. Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya, Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo kasoo muuqday muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa ka hadlay kiisaska kufsiga ee dalka.. Xasan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay hay’addaha garsoorka in ay si qoto dheer u eegaan xukunada ay ku ridayaan kiisaska kufsiga. Xasan Daahir oo si gaar ah uga hadlay kiiska kufsiga Caa’isha Ilyaaas, oo inta la kufsaday kadibna lagu dilay Gaalkacyo, ayaa ku baaqay in dadkii ka dambeeyey falkaas lagu fuliyo xukun dil ah. Xasan Daahir waxa uu sheegay in kiiskaas uusan ahayn oo kaliya kiis kufsi balse uu la socdo dil, sidaas darteedna dadkii ka dambeeyey ay isaga la tahay in xukun qisaas dil ah lagu fuliyo. Kiiskaan gabadhaasi ayaa haatan horyaalla hay’addaha cadaalada maamul goboleedka Puntland, kuwaasi oo xukunka laga sugayo, waxaana qaabka loo maareynayo dhaliila aabaha Caa’isha oo sheegay inuusan ku faraxsaneyn sida mas’uuliyiinta Puntland ay kiiskan u xalinayaan. Illaa iyo todoba qofood ayaa kiisaskii ugu dambeeyay ee kufsi la xiriira ee dhacay Puntland loosoo qabtay, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood lasii daayay. Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in kiiska hab beeleed lagu xaliyo, si ragga gaystay looga bad-baadiyo inay xukun dil ah maraan, taasi oo Caa’isha aabaheed uusan ku faraxsaneyn. Hoos ka dhageyso codka Sheekh Xasan Daahir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Awes.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. (SLT-Washington)Madaxweyne Trump ayaa sheegay in la gaaray wakhtigii Maraykanku uu aqoonsan lahaa in Israa’iil ay u madaxbannaantahay buuraha Golan Heights, kuwaas oo Israa’iil ay ka qabsatay Suuriya dagaalkii lixda maalmood socday ee 1967-dii. President Donald Trump speaks in the Oval Office of the White House, Friday, March 15, 2019, in Washington. (AP Photo/Evan Vucci) Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu taariikh sameeyay. Donald J. Trump @realDonaldTrump After 52 years it is time for the United States to fully recognize Israel’s Sovereignty over the Golan Heights, which is of critical strategic and security importance to the State of Israel and Regional Stability! Source