Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,702
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Xarun ay dagan yihiin laba wasaaradood oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Sida aan Wararka ku helnay qaraxa koobaad ayaa lagu weeraray xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha dowlada Soomaaliya oo kutaala degmada Shangaani una dhaw Isgooska Jubba. Rasaas ayaana laga maqlayaa halka ay qaraxyadu ka dhaceen, lamana oga wali in rasaastaasi ay tahay mid la is dhaafsanayo iyo mid kale. Qaraxa labaad ee goobta ka dhacay ayaa loo maleenayaa in uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa isna laga soo buuxiyay oo ku qarxay meel aan ka fogeyn halka qaraxuu hore uu ka dhaca. Qaraxa kaddib ayaa la sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, isla markaana la maqlayo rasaas culus. Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaasta ay gudaha Wasaaradda ka socoto, waxaana la maqlay qarax labaad. Dhismaha la weeraray ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa waxay isla degan yihiin Wasaaradda Howlaha Guud. Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxyada. La soco wixii soo kordha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Goordhow waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo si weyn looga maqlay guud ahaan caasimada. Qaraxyada ayaa ahaa ilaa labo qarax oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa. Qaraxyada ayaa lagu weeraray xarunta Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ku taala isgooyska Jubba ee Muqdisho. Sidoo kale rasaas ayaa laga maqlayaa halka ay qaraxyada ka dhaceen. Faah faahinta dib kala soco insha allah Puntland Post The post Qaraxyo iyo rasaas ka socoto Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali adag in la helo faahfaahin la xiriirta qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Qarax kale oo xooggan ayaa ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn khasaaraha ay geysteen qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa koowaad oo aad u xoogan ayaa ka dhacay Jubba, waxaana qaraxa labaad laga maqlay bartamaha Isgoyska Jubba, waxaana adag in la ogaada xaaladda goobta qaraxyada ay ka dhaceen. Rasaas xoogan ayaa la maqlayaa, waxaana la ogeyn halka uu ahaa bartilmaameydka. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa koowaad ay u badan tahay in bartilmaameydkiisu ahaa xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo Howlaha Guud ama taliska qeybta Booliska ee gobolka Banaadir. Ciidamada amaanka ayaa xiray goobta qaraxyada ka dhaceen, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhacaysa halka qaraxyada ay ka dhaceen. La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo xoogan oo goor dhow dhacay agagaarka Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Qaraxa koowaad oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weeraray xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ku taalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Rag hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in qaraxa kadib ay gudaha u galeen wasaaraddaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in gaari kale oo ay ka dageen raggaasi hubeysan uu ku qarxay isla goobtaasi. Meesha ay qaraxyadu ka dhaceen waxaa ka agdhow wasaaradda howlaha guud, xarunta dad dhigista dowladda hoose ee xamar iyo taliska Booliska G/Banaadir. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, waxaana haatan socda gurmad xoogan oo ay fidinayaan gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Ambalaasta. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay gaareen halkaasi. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
  5. Qarax aad u xooggan loona adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa kadibna la maqlay rasaas badan oo dhacaysa. Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan, xaaladduna waa mid aad u kacsan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Komishanka doorashooyinka qaran ayaa waxa ay maanta kulan albaabadu u xidhan yahay la yeesheen golaha guurtida Somaliland oo dhawaan warqad yeedhmo ah u diray. Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa warbaahinta la hadlay markii kulankaasi soo dhammaaday waxaanu si cad u sheegay in komishanka doorashooyinku ay u sheegeen in aan doorashooyinka ku qabsoomaynin wakhtigii loo asteeyay. Dhan kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iiman oo isaguna warbaahinta la hadlay markii uu soo dhammaaday kulan ay la yeesheen golaha guurtida ayaa waxa uu sheegay in doorashooyinku ay ku qabsoomayaan wakhtigooda. Goor-dhaw la soco muuqaalka warkan Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa laga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana daba socday rasaas xoogan oo laga maqlay halka uu qaraxa ka dhacay. Uuro iyo Qiic ayaa hawada isku shareeray, waxaana uu qaraxa ku aadanaa dhanka Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa hadda dhawaqiisa laga maqlay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la ogeyn rasmi ahaan halka uu qaraxa ka dhacay. Isgoysa Jubba waxaa ku dhow xafiisyo badan oo dowladda ah, waxaana u dhow xarunta qeybta booliska ee gobolka Banaadir, Xarunta Nabad sugidda iyo xarumo wasaaradeed. La soco waxii kusoo Kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Madax-Dhaqameed Iyo Waxgaradk Si Adag U Hadlay Xadhiga Lagula Kacay Agaasimihii Maamulka Lacagta Ee Wasaaradda Warfaafinta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo madal kula kaftamay Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) ayaa waxa uu xaalada dalka kaga hadlay khudbadii Jimacaha ee shalay, waxaanu si adag uga hadlay dhacdooyin toddobaadkan ka dhacay dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay magaalada Istanbul kula saxiixday dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu heshiis kaas oo salka ku haya arrimaha diblomaasiyadda. Heshiiskan ay kala saxiixdeen Soomaliya iyo Turkiga ayaa ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan magaalooyinka Ankara iyo Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxa ay horay uga siisay dowladda Turkiga dhul ay ka dhisatay safaaradeheeda caalamka mida ugu weyn, uguna qurux badan. Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa tababar kala duwan siisa ciidamada xooga dalka, waxaana si gaar ah Mareykanka uu tababar gaar ah u siiyaa ciidamada DANAB oo ah kuwo Kumaandoos ah. Kulan dhexmaray safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha dalka, taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen kordhinta ciidamada Kumandooska dowladda Soomaaliya. Generaal Thomas Waldhauser oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in ciidamada DANAB la gaarsiin doono 3,000 oo askari, kuwaasi oo fulin doono weerarada gaarka ah ee ka dhanka ah Al Shabaab. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa, ayaa sheegay in ciidamada DANAB ee kumaandooska ah logu bogay sida dhaqsiyaha badan ee ay kaga jawaabaan weerarada ka dhanka ah Al Shabaab. Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka AFRICOM, Karl Wiest, ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee Mareykanka ka heysta tababarka ciidankaas ay tahay qabyaaladda. “Ciidanka ka soo jeeda Jubaland ee aad u tababartay dagaalka Al-shabaab, howlgal kama fulin karaan Puntland, qabyaalad darteed,waxaa loo arkayaa kuwo banaanka ka yimid”ayuu yiri Afhayeenka. Walow aan la shaacin tirada ay hadda yihiin ciidamada DANAB haddana waxaa la isla gartay in la gaarsiiyo ku dhawaad seddex kun oo askari, kuwaasi oo tababar gaar ah ka heli doono Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Sarreeye Gaas Daahir Adan Cilmi ( Indho-Qarshe) oo saraakiisha Xooga dalka Soomaaliyeed kula hadlayay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa cod dheer ku sheegay in madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay tirakoobka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed , si loogu qorsheeyo, xarumo , agab milatary iyo miisaaniyad ku filan oo ay ku dar dar geliyaan waajibaadkooda. Sidaas daraadeed ayuu xusay taliyuhu in looga baahan yahay Ciidamada mlatariga Soomaaliyeed in ay ku sugnaadaan deegaanada loo igmaday , halkaasna lagu soo diiwaan galin doono. Waxaana uu ka digay Sarreeye Gaas Indho-Qarshe in Askarigii cudur daar la’aan laga waayo meeshii loogu tala galay , uu weyn karo xubinimadiisa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Dhinaca kale taliye Indho-Qarshe ayaa hoosta ka xariiqay in haddii aan la helin talis iyo Ciidan nidaamsan aysan guuleysan karin dowladda Soomaaliyeed , sidaas aawgeed ay lagama maarmaan tahay in qof kasta uu ka soo dhalaalo masuuliyaddiisa. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa maalmihii dambe waday dib u habeyn ballaaran oo lagu sameynayo dhammaanka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. View the full article
  14. (SLT-Geneva)-Golaha Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadan ayaa Jimcihii shalay fadhi uu ku yeeshay xarunta Geneva ee dalka Switzerland waxaa ugu dooday islamarkaana uu cod u qaaday go’aanka madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu Buuraha Golan Heights ugu aqoosaday dhul ay Israa’iil leedahay. Inta badan wadamada reer Galbeed oo xitaa ay ku jiraan dowladdo saaxiib la ah Mareykanka ayaa siweyn uga soo horjeestay tallaabadan Mareykanku uu ku bixinayo ama Golan ugu aqoosanayo dhul ay Israa’iil leedahay. Guud ahaan marka la eego fadhiga waxaa gabi ahaanba ka soo horjeestay in dhulkaasi ay qaadato Israa’iil 26 dowladdood, halka 16 ay taageereen go’aanka Mareykanka. Waxaa la yaab leh in codbixintan ay ka aamustay dowladda Soomaaliya oo waliba xiligan ah guddoonka ururka Jaamacadda Carabta, waxeyna ka mid noqotay shan (5) dowladdood oo ka aamusay qaraarkan oo ay ka mid yihiin dalalka Cameroon, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Fiji iyo Rwanda. Safiirka Soomaaliya ee Golaha Xuquuqda Aadan Geneva u fadhisa Faadumo Insaaniya ayaa wali ka hadal sababta dowladda Soomaaliya ay u taageeri weyday codbixintan ka dhanka ah go’aanka Mareykanka ee Golan. Buuraha Golan Heights ayaa Israel ku qabsatay dagaalkii 1967dii waxayna Israa’iil sheegatay in uu buurahaas uu ka mid yahay dalkeeda sanadkii 1981kii mana jirto wadan ka mid ah caalamka oo aqoonsaday. Source
  15. (SLT-Washington)-Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompe ayaa sheegay iney suuragal tahay Madaxweyne Trump inuu madaxweyne ka noqdo Mareykanka uu illaahay ugu talla galay inuu Israa’iil kaga badbaadiyo Iiraan. Pompeo oo wareysi la yeeshay shabakadda Christian Broadcasting xilli uu booqasha ku marayo Israa’iil ayaa sheegay inuu diinta uu aaminsan yahay ay ka keentay inuu sidaasi aamino. Wuxuuna sida oo kale bogaadiyey dadaalka Mareykanka uu ugu jiro sidi waddamada bariga dhexe dimuqradiyad looga meel marin lahaaa si ay u sii jirto dowladda Yahuudda. Hadalka Pompeo ayaa imanayaa xilli ay yahuudda u dabbaaldagayaan xuska dadka yahuudda ee gumaadka laga soo badbaadiyey. Dabbal degga looga magac daray Purim, ayaa sanad walba lagu xusaa dadka yahuudda ee ay boqoradda Esther ka soo badbaadisay Faarisiinta. Mr Pompeo ma aha mas’uulki ugu horreeyey oo ka tirsan maamulka Trump oo hadal noocaasi ku hadla. Bishi January xoghayaha arrimaha saxaafadda aqalka cad Sara Sanders waxay warbaahinta dad kirishtaanka leeyihiin u sheegtay “inuu ilaahey doonay inuu Trump uu madaxweyne noqdo”. Tani iyo inta uu Trump uu madaxweyne ka noqday Mareykanka waxaa sii xumaanayey xiriirka Mareyknaka iyo Iiraan u dhaxeeya iyada oo awlaba uu wanaagsaneyn. Bishi May 2018-ka Madaxweyne Trump wuxuu ka baxay heshiiska Niyuukilarka ee lala galay Iiraan isaga oo Tehraan ku eedeyey iney barnaamijkeeda Niyuukilarka ay sii wadato taasina ay dunida halis weyn gelineyso. Jimcahanna maamulka Trump wuxuu cunaqabateyn saaray 14 qof oo Iiraan ka soo jeeda iyo 17 hay’adood oo xiriir la leh barnaamijka Niyuukilarka iiraan. Source
  16. (SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa la saxeexday Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu heshiis ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho. Heshiiskan ayaa dhigaya in labada dhul ee ku kala yaalla labada magaalo uu dalba midka kale kiisa yeesho. Arrintan ayaa ah mid caadi ah oo inta badan dalalka caalamka ay sameeyaan. Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xidhiidh diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah. Turkiga waa dalka ugu weyn ee taageerada siiya Soomaaliya, waxaana uu dalka ka fuliyey mashaariic waa weyn, sida garoon diyaaradeed, Cisbitaallo, waddooyin iyo goobo waxbarasho. Source
  17. (SLT-Nayansa)-Maxkamadda Sare ee dalkaasi waxay shalay oo Jimco ahayd xukun ku riday 15-qof, kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo Daacish iyo inay taageero siiyaan. Eedeysanayaasha oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Gobalka Nayansa ee Koonfurta dalkaasi, waxay 13 ka mid ah dadkaasi ku xukuntay min 5 sanno, halka 2 kalena lagu xukumay xabsi 10-sanno, iyadoo 25 kalena la sii daayey. Mid ka mid ah dadka la xukumay oo lagu magacaabo Salim Fundi waxaa lagu eedeeyey inuu ahaa Xidhiidhiyaha dadka ku sugan gudaha Ruwanda ee doonayey inay ku biiraan Daacish, sidaa waxaa yidhi Garsoore Eugene Nadagijimanaoo isagu xukunka ku riday Eedeysanayaashaasi. Sidoo kale, Eedeysanayaasha la xukumay waxaa ka mid ahaa 3 Haweene, oo 2 ka mid ah lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Casaimadda dalkaasi ee Kigaali, iyadoo ku sii jeeday dalka syrai si ay ugu biirto Kooxda Daacish, halka haweeneyda kale lagu helay inay Eedeysanayaasha ku taageerto 1,000 Dollar oo ay ku iibsadaan Tikidhada Duullimaadkooda. Dhinaca kale, Boliska dalka Ruwanda waxay bishii Janaayo ee sannadkii 2016-kii gacanta ku dhigeen 40 qof oo lala xiriirinayo Alshabaab iyo Daacish, waxayna qabashadooda xilligaasiku soo beegantay wax yar hal isbuuc, kadib, markii ay Boliska toogasho ku dileen Waddaad lagu magacaabi jirey Maxamed Mugemangango, oo ay ku eedeeyeen inuu dhallinyarada dalkaasi ku dhiiri-gelin jirey inay ku biiraan Kooxaha Alshabaab iyo Daacish, waa sida hadalka loo dhigay. Source
  18. SAXAAFADDA IYO DIMUQRAADIYADDU WAA SIDA UL IYO DIIRKEED OO KALE . Saxaafaddu waa macalin bulsho waar taas hala ogaado , saxaafadda xorta ahi waa tiirka ay ku dhisan tahaynidaamka dimuqraadiga ahi, maaha oo qudha in la doorto baarlamaan(ama doorashooyin qabsoomaan ) , maaha oo qudha in la dhiso mu’ asasado qaanuuniya oo ilaaliyaa dimuqraadiyadda , ee waxa lagama maarmaan ah in ay ka garab jirto saxaafad hor ah . waxaana loo baahan yahay in ay jirto saxaafad kormeerta oo xisaabisa siyaasadda iyo siyaasiyiinta (checks and balances ) . Nidaamka dimuqraadiyadda ku dhisan iyo saxaafaddu waa laba aan kala maarmin , haddii midkood meesha ka maqan yahayna , ka kale ma jirayo ee taa ha la ogaado . Hadaba dadku waxay isku khaldaan saxaafadda ( suxufiga ) (journalist ) ka iyo qoraaga siyaasiga ah AMA weriyaha (reporter ) ka warka soo tebiya , oo shaqadiisu tahay in uu warka oo xufan soo gudbiyo isaga oo dhexdhexaad ah , laakiin wixii oo dhan ayaa iskaga keen qasan oo aynaan kala garanayn ama is wada dhexyaacaaya . WAAYO? xisbiyadeena siyaasadeed iyo siyaasiyiinteena iyo mabaa dii’ dooda ayaan waxba ku kal duwanayn (QABYAALAD MOOYEE ) , saxaafaddeena iyo siyaasadeeduna sidaas oo kale yara weeye . Tusaale ahaan haddaan saxaafadda dunida mid ka soo qaato : Sida saxaafadda ingiriiska oo kale , metelan jariiradda ( DAILY TELEGRAPH ) waa jariirad muxaafid ah , ( INDEPENDENT) waxay u janjeedhaa dhinaca bidixda , (TIMES) waxay ku hadashaa afka qolada bidixda ee weliba dhexdhexaadka ah , mid kastaana midda kale way ka duwan tahay siyaasadda ay difaacdo iyo kooxda iyo xisbiga ay magacooda ku hadasho ama dhinacooda ay u janjeedho . Hadaba bulshadeenu saxaafadda waxba aqoon ah kama haystaan oo saxaafadda iyo warbaahuntuba way nagu cusub yihiine , bal saxaafadda lafteedu (suxufiyiintu) waxa looga baahan yahay inay bulshada u soo bandhigaan oo uga waramaan kaalinta ay saxaafaddu leedahay iyo kaalinta iyo doorka ay saxaafaddu bulshada ugu jirto . Ummadda iyo bulshada u sheega in ay saxaafadda horta ahi tahay MACALIN BULSHO , sidaa awgeed saxaafaddu waa inay noqoto macalin fiican oo bulshada daadahayn kara waa inay noqoto . Bulshaduna waa inay ogaato , haddii saxaafad xor ah lawaayo , dimuqraadiyad jiraysaa ma jirto . Saxaafadduna waxay ilaalisaa danta dadka iyo dalka . Suxufiguna ha ogaado hana ilaaliyo inta garaadka bulshadiisu le’egtahay iyo waxa uu qaadan karo iyo waxa ka miisaanka wayn . Wax yaabo badan oo aanu u bislaanin baa jirta ee ha la daadihiyo inta uu xor ka noqonaayo wax yaabo badan oo iminka haysta oo ay ugu horayso gumaystaha qabyaaladda la yidhaahdaa waaxaana jira siyaasiyiin badan oo oo bulshada caadiga ah ka garaad iyo caqliba liita , taana ha la ogaado , oo yaan lagu dayan . SI wacyiga bulshada loo koriyaana waa arin wakhti qaadanaysa , waana arin aan fududayn , taana ha lagu xisaabtamo mar kasta oo wax la qoraayo . Bulshadeena qaarkeed iyo siyaasiyiiteenu intooda badani weli ma kala garanayaan RA’YIGA iyo WARKA iyo RUNTU waxay kala yihiin , (qaar badan baan kala saari karayn ) . Ereyga ay qorto ama uu qoro isuduwaha (COLUMNIST) wuu ka duwan yahay ka lagu qoro (COLUMN ) joornaal kale . Qaybta ra’yiga (op-ed) ama (Opinion – Editorial) waxa weeye qayb ra’yiga dadwaynaha la dhexdhigo arin oo laga doodo , oo ama layska horkeeno kooxo kala afkaar ama kal siyaasad duwan , halkaas oo laga helo doodo aad u xiiso badan oo bulshaduna wax ka fahanto , maahana qabab in arintanu ay sharci tahay ama sharci darro ee waa arin u baahan in dood laga galo , wixii natiijo ah ee laga gaadhona waa mid dalka u taalla haddii ay faa’iido bulshada iyo dalka u soo kordhisay , qaybtaasuna waa (SUB ) ama SUB -EDITOR) (The Style -book) . Hadaba inaga (SOMALILAND) ahaan waxa iskaga keen qasan ama khaldan (bulsho ahaan iyo xukuumad ahaan ba) waxa la yidhaahdo DOOD QARAN am RA’YI ama TALO ama TUSAALAYN , arimahaas oo dhan in loo bislaado weeye ,ilayn dal baynu wada wadaag naaye . Haddii aan saxaafad xor ah aan la helinna , weligeed meel lagaadhayaa ma jirto , dimuqraadiyad wax inoo taraysaana ma jirto , horumar laga gaadhayaana ma jirto dhinaca dimuqraadiyadda , doorashooyin inoo hirgalayaana ma jirayaan , HADDII AAN SAXAAFAD XOR AH LA HELIN . SAXAAFADDA IYO DIMUQRAADIYADUNA WAA SIDA UL IYO DIIRKEED OO KALE . CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News
  19. Ab-tirsataye ayaad tahay? Soomaalidu waa qomiyad balaadhan oo degta geeska afrika,waa qoomiyada ugu deegaanka weyn qoomiyada afrikaanka ah, waxay deegaan ahaan ku fidsanyihiin bariga-afrika sidoo kale intii ka danbaysay dagaaladii ka bilowday kun iyo sagaal boqol iyo sideetamaadkii wadankii laysku odhan jirtay Soomaaliya waxay ku baaheen dunida dacaladeeda,taas oo hada aanay jirin dalalka aduunka ugu weyn ama magaca leh ee qaaradaha Kala duwan kuyaala mid aanay soomaali degeneyn haday tahay yurub, ameerika ,aasiya,ustareeliya iyo afrikada Ka durugsan deegaamada soomaalidaba. Soomaalidu waa qomiyad leh AF iyo dhaqan ayka simanyihiin oo af-soomaali iyo dhaqan soomaali loo yaqaan,siddoo kale Soomaalidu waxa ay isku gartaan Qabiilooyin ay ukala baxaan taas oo ay isku tooyadaan iskuna tolaystaan abtirsiin ay Oday ugu arooraan oo u Ab-tirsadaan, hase yeeshee waxa aan jirin meel ama Oday kulmiya oo ay soomaalidu kusoo wada arooraan ,waxa dhacda in qabiilada waaweyn ee soomaalida midiba meel Ku arooro haw badnaadaan sheekhakh carbeede hadana waxa layaableh in aanay jirin qabiiladaa qabiil leh carab-baanu nahay oo ku faanaaya kana faanaaya soomaalinimada waa cajiib!. Hadaba Qoomiyada Soomaalida ah 3 arimood ayaa kusoo kordhay , 1, in qabiiladii sii sarifmeen oo sii Kala fircameen siina Kala fogaanayaan oo sida xaal u muuqdo MaR hadii qabiilkii meel sare oo uu ku dhamaado lahayn meel hoosana ku dhamaan maayo oo waa laf,jilib,jifo,qoys iyo bah oo xaalku intuu Oday joogo waa sahal e kol haduu bah iyo islaan gaadho waa halis waayo ba’ hebla iyo ba’haha xinfiltankoodu Ka daran qabiilo iskusoo baxay waayo laba walaalo ahbaa gondaha is daraaya!, 2,in Soomaalidii Ka hayaantay deegaankeedii oo ay dunida xushay iyaga oo xanbaarsan qabyaaladii ,waxaana dhici doonta in qurbaha jiilaalka Ku dhashay ee Ku dhaqmay ay aakhirka asal doorsami doonaan waayo koox kooxaysi qabiil Ku dhisan ayaa qoomiyadnimadii muquurinaaya. 3,in deegaamadii Soomaalidu isbadeley oo xeyndaab xuduud caalami ah lagu wareejiyey oo dalal laga dhigay magacyo cusub leh dadkii degenaana Ku abtirsada layidhi oo soomaalinimada meeshaba laga saaray, sidda Jabuutiyan,itoobiyan iyo kiiniyaati, Oo waxa dhacaysa in hadii nin qoomiyada amxaarada ama qoomiyadaha kale ee itoobiya dega aad is af-dhaaftaan uu yaa itoobiyaanay yidhaahdo in mid qoomiyada Soomaalida ahi uu tantoobo Kula soo tiigsado!,kiiniya iyo jabuutina sidoo kale,100 Sano dabadeed hadaad soomaali baad tihiin ku tidhaahdo dagaal filo. Hadaba waxa xal ah ee in uun qoomiyad-nimada Soomaalinimo lagu badbaadin karaa in uun kol hadii soomaali Qabyaaladii iska dayn weydey siduu illaahay yidhina u isticmaali weydey waxaan soo jeedin lahaa bal Abtirsiinta aad ubadka baraysaan SOOMAALI ugu danbaysiiya oo fara ubadkiina in qabiilada Soomaalidu Soomaal SOOMAALI kuwada dhamaadaan kuna wada arooraan oo Soomaalidu qoomiyad Oday SOOMAALI la odhan jirtay kasoo wada jeedaan, Fadlan Abtirsiintiina SOOMAALI kuwada arooriya. Anigu Fuad Fartaag Faratol Bade ……………..sheekh isaxaaq aw SOOMAALI reer Shan-U-Roone-Soomaal Afrikaani Qaabiil Aadan Ciid lagasamee abuur illaahay. <(Reer Shan-u-Roone = reer Somaliland). Bal hadaba ab-tirsataye ayaad tahay anigu SOOMAALI dalkayguna Somaliland. Fuad Fartaag fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka amniga maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada maamulkooda heegan la galiyay islamarkaana ay diyaar u yihiin dagaal ka dhan ah Al Shabaab. Saadaq Sheikh Yuusuf oo ah wasiirka amniga maamulka Galmudug ayaa cadeeyay in amaanka deegaanada maamulkooda uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana ay hadda u diyaar garoobeen dagaalka ka dhan ah Al Shabaab. Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay inay ka warhayaan dhaqdhaqaaqyo Al Shabaab ay ka wadaan duleedka magaalada Dhuusomareeb, taasi oo keentay inay heegan geliyaan ciidamadooda. Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Galmudug ay qorsheynayaan inay deegaanada ay joogaan Al shabaab ay ku weeraraan, si looga hortago inay soo weeraraan degmada Dhuuusomareeb. Wasiirka Amniga Galmudug ayaa intaa ku daray in qalabka iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidamada ay u qorsheeyeen in duulaan ay ku qaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab loo dhameystiray, kaliyana ay sugayaan amarkii ay ku dhaqaaqi lahaayeen. Dhinaca kale wuxuu sheegay in ciidamada Galmudug ay diyaar yihiin inay difaacaan deegaanada Al Shabaab doonayaan inay weeraraan, maadaama ay heleen xogo dhanka amaanka la xiriira. Wuxuu soo hadal qaaday dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, isaga oo sheegay in dagaaladaasi ay dhibaato ku yihiin maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  21. Sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya mas’uuliyad ay ka saaran tahay bixinta mushaaradka ciidanka gadooday. Cabdi Maxamed Jaamac oo ayaa sheegay in tirakoob sax ah la helo ay muhiim tahay balse madaxada dowladda aysan aheyn in Labo sano kadib tiroob ciidan ay bilabaan. Dhanka kale, sarkaalkan ayaa la yaab ku sheegay in askari ku jira furin hore oo dagaal ay hadana DFS ka jarato mushaarka iyo garaamkiisa (Cuntada) Cabdi ayaa DFS ugu baaqay in nidaamka ay hadda wax ku waddo wax ka bedasho, islamarkaana askarta shaqeyneya ay helaan xuquuqdooda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/SARKAAL-CABDI-MAXAMED-JAAMAC-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com