Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,729
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. In dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku galaan xarumo ay kamid tahay qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir waxay muujinaysa guul darrooyinka amni ee ka jirta magaalada Muqdisho. Si gaar ah, weerarkii maanta waxa uu dhabar jab weyn ku yahay taliyaha booliiska gobolka Banaadir, Saadaq John. Taliyaha qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banadir Saadaq John oo mas’uul ka ah amniga magaalada Muqdisho islamarkaana dhowr jeer sheegay in amaanka ay ku guuleesteen ayaa ugu dambayn maanta la wareeray xaruntiisa shaqada waana talaabo aan la mahdin oo ay wajahayso Dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa u arko guul iyo wax wayn oo u qabsoomay in ay weeraraan xaruntaan waxayna kamid ah tahay meelo ay muhiim u arkaan Al-Shabaab maadaama ay tahay halka Al-Shabaab lagala dagaalamo sida ay qabaan dad badan oo amniga wax ka yaqaana. Baraha bulshada ee kooxdan iyo dadka taageera ayaa laga dareemi karay sida weerarkii maanta uu ugu yahay guul dhanka maskaxda ah. Saadaq John ayaa wajahaya cambaarayn xoog leh waxaana la sheegayaa in weerarkii maanta uu muujinayo in Booliiska ay ku guul dareestayn wax ka qabada amniga Muqdisho. Si gaar ah, weerarkii maanta wuxuu yimid ayada oo maalmahan ay magaalada Muqdisho ka jirtay cabsi ku aadan in magaalada ay kusoo wajahan yihiin weeraro culus, taasi oo booliska siin kartay fursad ay uga hor-tagaan. Waxaan ku baaqayaa in amniga sidan loo dhaaamo, oo dowladda ay la timaado qorshe amni oo sidan ka wanaagsan. W/Q: Cabdijabaar Xuseen Muuse Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay Alla ha u naxariistee dadkii ku geeriyooday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehalada,Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka geerida Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka mid noqday dadkii ku shahiiday weerarkii maanta argagaxisada ka geysatay Muqdisho. Halkaan Hoose ka Akhriso Tacsida madaxweyne Farmaajo uu diray:- Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku shahiiday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta dhacay oo uu kamid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah, dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato. Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago in shacab iyo ciidanba loo midoobo kooxaha argagixisada ah ee maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana maatida si aysan u hana qaadin dowladnimadeeda. Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, waana in ay dardargeliyaan hawlaha loo igmaday si looga hortago dhagarta ay kooxaha argagixisada ahi la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada. View the full article
  3. Ciidanka PSF oo hawlgal kaga wada Calmadow Ciidanka amniga dowladda Puntland ee PSF, ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen 19 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ku sugan buuraleyda gobolka Bari. Qoraal ka soo baxay PSF, ayaa sidoo kale lagu xusay in ay jiraan dhaawacyo badan oo gaaray malayshiyaadka iyo raashin laga gubay, kadib hawlgal qorshaysan oo ciidanku ka fuliyeen degaannada Madarshoon, Karin-xagarood, Mariidle iyo Diindigle ee buuraleyda Calmadow. “Ciidamada #PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxay na Al Shabaab ka dileen intii 19 xubnood , iyaga oo tiro kale oo intaa ka badan oo Al Shabaab ahna dhaawacyo gaarsiiyey,sidoo kalena ciidamada PSF waxay ka gubeen Al Shabaab raashin ay kaga carareen goobihii ciidamadu ku weerareen” ayaa lagu yiri qoraalka. PSF ayaa intaasi raaciyay in ay sii wadayaan, hawlgallada qorshaysan ee lagu ugaarsanayo malayshiyaadka Al-shabaab eek u dhuunta buuraleyda Calmadow. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo Al-shabaab ka dilay 19 xubnood appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa muddo todobaad ku amartay inay dalka ku soo gasho Faadumo C/llaahi Maxamuud Insanaiya oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva. Qoraal ka soo baxay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray, waxayna wararku sheegayaan inay arrintan ka danbeysay kadib markii ay gashay khalad taariikh ah oo ceeb ku ah diblomaasiyadda Soomaaliya. Safiirka ayaa ka aamustay qaraar lagu cambaareeyey haysashada Israel ee dhulka Golan Heights ee Suuriya, kaasi oo ay ku qabsatay Dagaalkii Lixda Maalmood ee sanaddii 1967-kii, iyadoo go’aankaasi ay taageereen dalalka Reer Yurub. Waxaa hadda soo baxday warar sheegaya in go’aankaas uu ku gaar ahaa safiiradda oo aysan dowladda la ogeyn Codeynta qaraarka ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Golan Heights uu u aqoonsanayo dhul Israel. Israel ayaa dhulka ku darsatay dhulalka badan ee ay ka haysato Bariga Dhexe sanadii 1981-kii Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid noqotay shan dal oo ka aamusay, kuwaas oo kala ah; Cameroon, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Fiji, Rwanda iyo Somalia. Dad badan ayaa filayey in maadaama Soomaaliya ay tahay dal Islaam ah ay taageerto qaraarka, hase yeeshee si la mid ah dalalka Carbeed ee sanadihii dhowaa ka haray qadiyadda Falastiin iyo Bariga, Soomaaliya ayaa u muuqata inay wadaddaas martay. Akhriso Amarka loogu yeeray Safiiradda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. A Rwandan high court on Friday sentenced 13 people to five years and two others to ten years in jail after convicting them of belonging to extremist groups including al Shabaab and Islamic State and providing them support. The court in Rwanda’s southern Nyanza area acquitted 25 others after the prosecution failed to prove their involvement in extremist acts. Police in the central African country arrested the 40 in January 2016, less than a week after they killed Muhammad Mugemangango, a preacher accused of encouraging youths to join extremist groups. Security personnel also seized jihadist materials such as books, CDs and social network messages. One of those convicted, Salim Fundi, participated in “coordinating people in Rwanda who wanted to join terrorist group of al Shabaab in Somalia,” said Judge Eugene Ndagijimana while delivering the ruling. Those convicted included three women, two of them arrested at the airport in Kigali while en route to Syria and another convicted of helping them with $1,000 for flight tickets. Most Rwandans are Christians, Muslims account for about 2.5 percent of population. After Mugemangango’s death, the country’s main Muslim association, Rwanda Muslims, said it planned to circulate messages condemning radicalisation to all of Rwanda’s mosques. “This case reminds that we should tell our youth to be cautious…(of) those who lure them after promising them that they will give them better things,” said Rwanda’s Muslim community mufti, Sheikh Salim Hitimana. Al Shabaab is fighting to topple Somalia’s central government and establish its own rule based on its strict interpretation if Islamic law, while Islamic State once aspired to establish a caliphate in Syria and Iraq. View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamij wax lagu barayo maxaabiista kala duwan ee ku jirta jeelasha dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Muqdisho)-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday qaraxyo lagu qaaday dhismo ay ku yaallaa laba ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya. Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo tan Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa lasoo sheegaya in qaraxyada lala beegsaday. Wali faahfaahin dheeraad ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas balse waxaa la xaqiijiyey geerida Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda shaqada Xildhibaan, Saqar Ibrahim. Ururka Alshabaab ee ka dagaallama Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadeen weerarkaas. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qaraxyadii iyo weerarkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo tacsi u direy qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu diley weerarka lagu qaaday Xarunta Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan dadkii ku dhintay Qaraxyaddaasi uga tacsiyeeyay, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo qaadi doono. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa ayaa falka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho si dhaqso ah uga hadlay marka loo eego weeraradii hore uga dhici jirey Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa Qoraal uu ugaga hadlayo weerarkii maanta ee ka dhacay Muqdisho kusoo qoray Bartiisa Facebook. Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku shahiiday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta dhacay oo uu kamid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah, dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato. Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago in shacab iyo ciidanba loo midoobo kooxaha argagixisada ah ee maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana birimageydada si aysan u hana qaadin dowladnimadeeda. Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, waana in ay dardargeliyaan hawlaha loo igmaday si looga hortago dhagarta ay kooxaha argagixisada ahi la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNHCR ee Somaliland, Ms. Sarah Khan iyo u qaabilsanaha Hay’adda ee Qaxoontiga Magaalada Berbera Mr. Rooble Cawaale. Madaxa Hay’adda UNHCR, Ms. Sarah Khan ayaa Dawladda Somaliland ku ammaantay qaabka ay usoo dhaweeyeen qaxoontiga ka yimi Waddanka Yemen ee Colaaduhu saameeyeen, waxaanay sheegtay in ay Somaliland ku qaabishay hanaan wanaagsan oo Binu- aadamnimo, islamarkaana ay u samaysay is dhex-gal dadka qaxoontiga ah iyo dadka reer Somaliland, iyadoo ay sheegtay in Dawladda Somaliland muujisay xilna iska saartay daryeelka qaxoontiga magan galyada ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo ay xustay inay tahay tusaale fiican oo indhaha caalamku soo jiitay, iyaguna ka hay’add ahaan ay aad ula dhacsan yihiin. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa uga mahad celiyey booqshada ay ugu yimaadeen, isagoo uga waramay qaabka ay ka dawladd ahaan ula macaamilaan Qaxoontiga waddanka jooga, sidoo kalena u sheegay in loo baahan yahay iskaashi buuxa oo wax loogu qabto dadkaasi colaaduhu soo barakiciyeen ee qaxoontiga ah. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmahaan oo dhan magaalada Muqdisho waxaa ka taagnaa cabsida iyo hadal haynta weeraro argagixiso oo Al-Shabaab ka geestaan magaalada Muqdisho, cabsidaas oo sababtay in dadweynaha Muqdisho ay habeenkii xaroodaan waqti hore balse ma jirin feejignaan amni. Feejignaan dadweyne oo aad u sarreysa ayaa ka jirtay magaalada Muqdisho gaar, ahaan goobaha la isugu yimaado balse waxaa gaabis wayn iyo dadaal la’aan uu ka jiray hey’adaha amaanka ee magaalada Muqdisho. Ma jirin baaritaano iyo wax dhaq dhaqaaq ah oo ay wadayn Ciidamada amniga maalmihii la soo dhaafay, balse waxaa aad looga hadal haayay cabsida iyo qatarta weeraro ka imaan kara Al-Shabaab. “Cabsida weeraro ka yimaada Al-Shabaab aad ayey u taagneed maalmahaan balse waxaa ii muuqatay dadaal la’aan iyo feejignaan amni” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya. “Wax la sii ogaa ayuu ahaa weerarkaan balse ma jirto dowlad ka hortagta, hey’adaha amniga shacabkii ayaa ka xog ogaalsan” ayuu Caasimada Online u sheegay Sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya oo aan la dhacsaneen sida ay hada u shaqeeyaan Booliiska Soomaaliya. Waxaa jirtay digniino la soo jeediyay maalmahaan kuwaas oo si toos ah loogu sheegay xarumo dowladeed oo ku yaala Gobalka Banaadir waxaana goobahaasi kamid ah Guriga Hooyooyinka oo ay ku shaqeeyaan Guddiga shaqaalaha rayidka iyo hey’ado kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u yeeray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland Faadumo Cabdullaahi Maxamuud. Axmed Ciise Cawad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa safiirka ku wargeliyey in muddo Hal isbuuc gudaheed ah ay kusoo gasho dalka. Source: goobjoog.com
  11. Wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintey weerarkii ay manta Al-shabaab ku qaadeen xarunta wasaaraddan ee magaalada Muqdisho. Weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayeey Al-shabaab ku qaadeen xarunta wasaaraddan oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Rag hubeysan ayaa gudaha u galay qaraxa kadib xarunta wasaaradda shaqada, waxaana dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmay ka mid ah qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddan. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay iney dileen 4 ruux oo ahaa raggii gudaha u galay dhismaha wasaaradda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa maanta waxa uu magacaabay guddiga soo xulaya xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo. Gudigan ayaa waxa uu ka [...] Source
  13. Wasiirka cadaalada arrimaha diinta iyo dhaqan celinta dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo warasi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in xalka ugu wanaagsan [...] Source
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Siyaasiyiinta aan ku qanacsaneyn habka ay Dowladda Soomaaliya ku maamuleyso dalka ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Fiqi ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Qaraxyadii iyo weerarkii ka dhacay Maanta Magaalada Muqdisho, wuxuuna si gaar ah uga tacsiyeeyey dhimashada Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha kana mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya Marxuum Saqar Ibraahim. Fiqi ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu kasoo baxo godka uu ku jiro isla markaasna uu iska dhaaf is qarinta uu wado sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu Farmaajo u sheegay inaan dalka lagu sii maamuli karin siyaasad ay ku dheehan tahay isqarin iyo in laga cararo Mas’uuliyadda. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay Facebook Allaha u naxariisto wasiir Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee maantay argagixisadu ay xafiisyadooda ku dileen. Dadka dhaawacu uu weerarkaas ka Soo gaarayna caafimaad Degdeg ah. Waa ayaandarro weyn amniga faraha ka sii baxaya iyo qarax walba dadka qaaliga ah ee ku baxaya ama ku waxyeeloobayaba, ayadoo aysan jirin cid amni-darrada jirta lagala xisaabtamo ama qorshe amniga lagu hagaajinayo oo muuqda.. Madaxweyn Farmaajo waa inuu godka ka Soo baxaa, dhabarkana u ritaa mas’uuliyadda waxyaalaha dhacaya kaga aadan, macquulna aysan ahayn in dal lagu hogaamin karo isqarin iyo mas’uuliyad ka carar laga dhaxlayo dayacaad iyo khasaaro joogto ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Qiimaha kaluunka ayaa sare ukacay suuqa Bosaaso wixii ka dambeeyay markii kaluumaysatada laga saaray suuqii hore ee ay ku shaqaysan jireen. Xabada kauunka ayaa suuqa [...] Source
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ku shahiiday weerarkii argagaxiso ee kooxda Arxan-laawayaasha, dad qalatada ah ay ku doonayeen in ay ku dhibaateen umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku shahiiday weearka argagaxiso waxa uu ugu duceeyay in Allaha uu jannadii geeyo eheledii iyo asaxaabtiib ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku shahiiday, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah. Wasiirka Koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalaka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ilaa laga tirtirayo jiritaankooda si ummadda Soomaaliyeed ay ugu noolaato nabad buuxda. Hadalka Ra’isulwasaare Kheyre ayaa waxaa ku jiray inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-Shabaab, balse waxaa is waydiin mudan ma jiraa dagaal ay Ciidamada Dowladda kula jiraan Al-Shabaab maadaama aysan dowladda Farmaajo weli qaadin dagaal ka dhan ah kooxdaan hadda mareyso inay hal Maalin 5 Qarax ka fuliyaan Caasimadii Soomaaliya kaaga sii darane meel aan sidaas uga fogeyn Madaxtooyada Soomaaliya. Xasan Cali Kheyre weli waa tacsi u joog, wuxuuna mar kasta ballan qaadaa waxyaabo aysan dowladda Soomaaliya marnaba diyaar u aheyn inay sameyso ama aysan awoodin!!!. Hadalka Ra’isulwasaaraha ayaa imaanayo xilli Weerar ku bilowday qaraxyo gaari laga soo buuxiyay ay barqanimadii maanta rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Qaraxaas oo ay ka dhasheen Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa weerarkaas markii dambe soo afjaray,waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay Khilaafka ka taagan bixinta Mushaarka Ciidamada Dowladda iyo qaraxyadii ugu dambeeyey ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Madaxweyne Xaaf ayaa madaxda Dowladda oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre ugu baaqay inay isaga dagaan kursiga inta uusan dalka gelin xaalad kasii daran midda hadda sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Galmudug oo uu Khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo Dowladda Dhexe ayaa Ciidamada Dowladda ugu baaqay inay ku laabtaan fariisimihii ay kasoo baxeyn aysana u arkin Farmaajo iyo Kheyre inay kaligood dalka leeyihiin. Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Madaxda dalka ay fashilmeen, islamarkaana Ciidanka looga baahan yahay in ay difaacaan dalkooda oo aysan aaminin in Madaxda dalka ay leeyihiin dalka. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin Xaaladda ay ku jiraan Ciidamada Dowladda iyo Xaaladda dalka Soomaaliya oo uu ku sheegay inay tahay mid aan la fiirsan karin. Hadalka Madaxweyne Xaaf ayaa kusoo aadayo Xilli ay Maanta Magaalada Muqdisho marti u aheyd qaraxyo iyo weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii maanta ku dhintay weerarkii xooganaa ee maanta lagu qaaday dhismaha xarumaha wasaaradaha shaqada iyo howlaha guud ee magaalada Muqdisho. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkan ugu duceeyay in Alle uu Jannadii geeyo, eheledii iyo asaxaabtii ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii wasaarradda shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkaasi oo ku bilowday qaraxyo xoogan. Wasiirka koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Xarakada Al Shabaab. View the full article
  19. Rwanda (SMN) – Maxkamadda sare ee dalka Rwanda ayaa maanta xukuno xabsi ah ku riday 13 ruux oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab iyo Daacish. Sarkaal ka tirsan Rwanda ayaa sheegay in dadkaasi la horkeenay maxkamadda lagu kala xukumay xabsi u dhaxeeya toban illaa iyo shan sano. Ciidamada Booliska ee dalkaasi ayaa sheegay in ragga xukunka lagu riday ay gudaha dalkaasi ka wadeen in dhalinyaro badan ay ku biirayaan Al Shabaab iyo Daacish. Waxaana saddex ka mid ah tobankaasi ruux ay dhawaan ciidamada ammaanka ku soo qabteen howlgallo ballaaran oo ay ka fuliyeen gudaha dalkaasi. Ciidamada ayaa la sheegay in sidoo kale howlgalkaasi ay ku soo qabteen haween lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen qorshaha xagjireynta dhalinyarada. Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in ay ka hortageyso qorshaha la doonayo in qaar ka mid ah dhalinyarada dalkaasi lagu biiriyo Al Shabaab iyo Daacish. View the full article
  20. Khaliijka iyo Qorshaha daahsoon ee Soomaaliya; waa magaca buug uu qoray nin lagu magacaabo, Daljir Cabdullaahi Halgame oo xalay ku soo bandhigay, magaalada Garoowe eecaasimadda Puntland. Sida ka muuqata cinwaanka sare ee buuggan, dadka aan weli akhrisan waxay moodayaan, in uu ka hadlayo siyaasadda dalalka Khaliijka ee ku wajahan Soomaaliya, balse arrintu sidaas maaha. Dhammaan cutubyada kala duwan ee buuggan ka koobanyahay, waxaa si guud iyo si gaar ahba loogu aflagaaddeeyay, qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee loo arko in ay saamayn ku yeelan karaan doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee sannadka 2021-da. Siyaasiyiinta sida ba’an loogu weeraray, waxaa kamid ah Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo laba jeer ra’iisul wasaare ka soo noqday dalka iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo wasiir iyo ra’iisul wasaareba soo noqday, islamarkaana ahaa madaxweynihii Puntland ka horreeyay Siciid Cabdullaahi Deni. Qoraaga buuggan ayaa labadaas siyaasiba ku shaabbadeeyay, daba-dhilifyo qaran-dumis ah oo Imaaraadka Carabta wakiil uga ah Soomaaliya, halka uu Cumar Cabdirashiid ku gaar yeelay iibsiga qeyb kamid ah badda Soomaaliya, inkastoo uusan wax caddayn ah raacin. Sidoo kale, buugga waxaa lagu jaa’ifeeyay, siyaasadda madaxweynayaashii ka horreeyay Farmaajo ee Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh Maxamuud oo haatan kamid ah siyaasiyiinta dhaliilsan xukuumadda Farmaajo, islamarkaana hoggaamiya xisbiyo siyaasadeed oo u tabaabushaysanaya doorashada 2021-da. Waxaa intaas dheer, qormo ku xusan buugga oo iyadana si dadban loogu aflagaaddeynayo, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hoggaamiya Xisbiga Wadajir kana mid ah mucaaradka xukuumadda Farmaajo, kaasoo laftiisa loo arko in uu qeyb ka noqon doono tartanka doorashada 2021-da. Dhinaca kale, buugga waxaa si qayaxan loogu caayey, madaxda dowladda goboleedyada dalka oo lagu tilmaamay “horjoogayaal beeleed” oo u kala tartamayaa in ay dalka gumaysi gacanta u geliyaan. Qoraaga oo la sheegay in uu kamid yahay taageerayaasha Villa Somalia, ayaa buuggiisan xalay u soo bandhigay qaar kamid ah ardayda wax ka barata magaalada Garoowe, waxaana la sheegayaa in uu u sii gudbi doono magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso, si uu halkaasi u gaarsiiyo. Qormooyin kamid ah buugga PUNTLAND POST The post Buug lagu caayay madax iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo Garoowe lagu soo bandhigay appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay waddada isku xirta isgoysyadda Xoosh iyo Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo ahaa miino lala eegtay gaari Qooan ah oo la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaliya oo marayay halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxani ku dhintay labo askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo ka tirsan ciidamadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Boolis ah oo gurmad u fidinayay ciidamadaasi isla goobta lagula beegsaday qarax kale. Waxaa na halkaasi ku dhintay illaa 2 Qof oo uu mid ka mid ah ahaa shacab, halka ay ku dhawaaceen 3 kale oo ahaa askar ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya. Dhanaca kale weerar loo adeegsday qaraxyo miino ah ayaa ka kala dhacay waddada Warshadaha iyo Masaajidka Biimaalow ee degmadda Howlwadaag. Qaraxa ka dhacay Warshadaha ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ku sugnaa xero ku taalla agagaarka xaruntii hore ee Eveco , waxaana ku dhaawacmay illaa 2 Askari. Waxaa sidoo kale qaraxa ka dhacay agaaarka Masaajidka Biimaalow ku dhaawacmay illaa 3 ruux oo ku sugnaa Garaash lagu alxamo gawaarida. Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxan oo miino ahaa la galiyay goob uu yaalo qashin fara badan. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga, basle Al Shabaab ayaa shegtay masuuliyadda qaraxyadaasi. View the full article
  22. (SLT-Hargeysa)-Beesha uu ka soo jeedo Agaasimihii maamulka iyo Lacagta ee wasaaradda warfaafinta Somaliland ee dhawaan xukuumadu xidhay ayaa si kulul uga Hadley xadhigiisa. Odayaasha iyo madax dhaqameedka beeshan ayaa waxaa ay hanjabaado kulul u direen xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi iyaga oo ugu baaqay inay idho cadaaladeed ku eegto, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen xarunta wasaarada shaqada iyo shaqaalada ee dowlada Soomaaliya oo ku taalo isgooyska Jubba ee Muqdisho. Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dilay allaha u naxariistee wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo shaqaalaha xukuumada Soomaaliya ahaana xildhibaankatirssanaa Baarlamaanka Saqar Ibraahim Cabdala. Ciidamada amaanka ayaa toogtay 4 ruux oo weerarkaasi soo qaaday. Wali laamaha amniga ma faah faahin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi. Al-Shabaab ayaa maanta qaraxyo ku weeraray xarunta wasaarada shaqada iyo shaqaalaha iyaga oo sheegay in ay dileen masuuliyiin dowlada katirsan. Puntland Post The post Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Muqdisho iyo Wasiir ku xigeen lagu dilay appeared first on Puntland Post.