-
Content Count
207,729 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wasiirkii warfaafinta xukuumadda Somaliland oo eedeymo badan loo heysto. Wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan Gurobarwaaqo ayaa ciidamada ay xabsiga dhigeen waxaana la sheegay in loo heysto eedeymo ay kamid yihiin musuq maasuq uu sameeyay wasiirka. Muddooyinkii ugu dambeeyay Somaliland ayaa xabsiga dhigeysay siyaasiyiin hore oo xilal soo qabtay iyo kuwa hadda xilalka haya, kuwaasi oo eedeymaha loo heysto Musuq maasuq ay ugu horeeyaan. Wasiirka xabsiga la dhigay ayaa waxaa uu xilka ku wareejiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees, waxaana kadib xabsiga la dhigay wasiirka. Hanti dhowr-ka guud ee Somaliland ayaa markii hore goostay warqad xarig ah oo lagu soo xirayo wasiirka markii uu ka horyimid xubno ka mid ah wasaaradda in ay Maxkamadda hortagaan. Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa Wasiir Guribarwaaqo in uu hortago Maxkamadda Magaalada Hargeysa si uu uga jawaabo eedaha loo heysto, sida masuuliyiinta Somaliland ay sheegeen. Sidoo kale dadka la xiray waxaa kamid ah labo agaasime oo ka tirsan wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada midoobey ayaa maalin ka hor isku raacay qaraar cambaareynaya heysashada Israel ee buuraha Golan, iyaga oo ku celiyey in dhulkaasi ay leedahay Suuriya, waxaa uu sidoo kale qaraarkaasi uu Israel faray inay u hoggaansanto qaraarada caalamiga ah ee arrinkaasi ku saabsan. Codeynta waxaa taageeray 26 dal, waxaa ka horyimid 16 dal halka 5 dal oo ay Soomaaliya ku jirto ay ka aamuseen! Dalalka ogolaaday qaraarka waa: Afghanistan, Angola, Argentina, Bahamas, Bahrain, Bangladesh, Burkina Faso, China, Chile, Cuba, Egypt, Eritrea, India, Iraq, Mexico, Nepal, Nigeria, Pakistan, Peru, Philippines, Qatar, Saudi Arabia, Senegal, South Africa, Tunisia iyo Uruguay. Dalalka qaraarka ka soo horjeestay waa: Britain, Austria, Australia, Brazil, Bulgaria, Croatia, the Czech Republic, Denmark, Hungary, Iceland, Italy, Japan, Slovakia, Spain, Togo iyo Ukraine Halka dalalka ka aamusay ay ku jirto Soomaaliya, arrintaas oo lala yaabey maadaama ay tahay dal carab ah, waxaa kale oo iyagana ka aamusay Democratic Republic of the Congo, Cameroon, Fiji iyo Rwanda. Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump ayaa todobaadkan sheegay in 52 sano kadib la gaaray xilligii dalkiisu aqoonsan lahaa in Golan tagay dhul ay leedahay Israel, arrintaasi oo ay diideen dhammaan dalalka Islaamka, kuwa carabta iyo xataa Ruushka. Qaraarkii loogu hiillin lahaa Suuriya ayaa waxaa si lama filaan ah ugu aamusay dalka Soomaaliya, oo horay aan xiriir ula laheyn Israel, kuna tiri jiray dad gumeysteyaal ah. Cabdi Barre oo ah siyaasi iyo xildhibaan hore oo golaha shacabka oo arrintaas kala hadlay Goobjoog News ayaa yiri “Waxa dhacay, waa markii ugu hore arrinta ceynkan ah oo sidan mug u leh ay Soomaaliya ka hiiliso waddan Carbeed, oo dhulkii uu lahaa iyo qaddiyadiisii la iibiyo, arriintan oo mgac xumo u keeneysa jiilka dambe, waana silsilado ka mid ah siyaasad xumida Villa Somalia iyo jahawareer ka jirto gaar ahaan siyaasadd arrimaha dibadda”. Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u yeeray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland Faadumo Cabdullaahi Maxamuud. Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo ay la xiriirtay Goobjoog News ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan arrinkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Thaliland)-Ilaa 50 milyan oo qof ayaa u dareeray goobaha codbixinta ee dalka Thailand, oo ay ka dhacayso doorashadii guud ee ugu horreysay tan iyo afgembigii sanadkii 2014. Thailand waxaa hareeyay xasilooni darro siyaasadeed muddo sanado ah, taas oo ka dhalatay isku dhacyo dhex maray taageerayaasha milatariga iyo kuwa raysal wsaaarihii la afgembiyay ee Thaksin Shinawatra. Kaddib markii uu milatariga xukunka la wareegay wuxuu ballan-qaaday inuu soo celin doono kala dambeynta iyo dimuqraadiyadda, balse dhowr jeer ayuu dib u dhigay doorashada. Dad badan ayaa qaba in dastuurka cusub ee uu milatarigu soo saaray uu weli saameyn leeyahay, si walba oo ay natiijadu noqoto. Tiro badan oo dad ah ayaa la filayaa inay codeeyaan doorashadan markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2011. In ka badan toddoba milyan oo qof oo ay da`doodu u dhaxeyso 18-26 ayaa markii ugu horreysay loo oggolaaday inay codeeyaan. Boqorka Thailand Maha Vajiralongkorn ayaa ugu baaqay dadweynaha dalkaas inay ilaaliyaan nabadda iyo kala dambeynta. Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya axsaabta taageersan milatariga iyo xulafada Mr Thaksin. Sanadkii 2006 ayaa afgembi xukunka looga tuuray, wuxuuna ku nool yahay dibadda oo uu u baxsaday si aan dacwad loogu soo oogin. Balse wuxuu weli leeyahay taageerayaal badan. Waxaa kaddib doorashadii sanadkii 2011 xilka raysal wasaaraha dalkaas ku guuleysatay Yingluck Shinawatra oo la dhalatay Thaksin, waxaa iyadana xukunka laga tuuray sanadkii 2014, iyadana sida walaalkeed ayay uga baxsatay dalkaas. Source
-
(SLT-Ankara)-Dawladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarradii Sabtidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ku dhinteen in ka badan 10 qof. War ka soo baxay Wasaarrada arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga si adag u cambaareyneyso weerarrada Qarax-yada loo adeegsaday oo lagu bartilmaameedsaday laba dhismo wasaaraddeed iyo dilka wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya. ‘’Waxaan tacsi u direynaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadii shalay, kuwa dhaawac ahna waxaa u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah’’ ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaarradda arrimaha dibidda Turkiga. Ma’uuliyada qaraxyadii shalay ka dhacay waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab oo dagaal ba’an kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee taageerada millatari siiya. Source
-
(SLT-Portland)-Xubno ka socday Jaalliyadda Soomaalida ku nool magaalada Portland ee Gobalka Oregon waxay u sheegeen Hoggaamiyayaasha magaaladaasi inay aad uga walaacsan yihiin inaysan wax jawaab ah ka helin Wiil Soomaali ah oo 22-jir, kaasi oo toddobaadkii hore la dilay. 40-xubnood oo ka socotay Soomaalida ku nool magaalada Portland oo ah magaalada 26-aad ee ugu weyn dalkaasi waxay la kulmeen Taliyaha Boliskai yo Maayarka magaalladaasi iyo Mas’uuliyiin kale, waxayna ka codsadeen in faahfaahin laga siiyo halka uu marayo Baaritaanka Boliska ee dilka Marxuumkaasi oo la oran jirey Isxaaq Muuse. Xubno u hadlay Guddiga Jaalliyadda waxat sheegeen inay ka cabsi qabaan inay toogashadaasi ahayd Fal Cunsuriyad ah oo ka dhan ah Nin Muslim oo madow. Dhinaca kale, Marxuumka oo ahaa Arday ka qalin jebiyey Dugsi Sare ayaa waxaa saacadihii hore ee bishan March 16-dii lagu toogtay Guri ku yaalla Xaafadda Riverton. Boliska wax dad ah uma soo qabanin toogashadaasi, wax faahfaahin kama bixinin Toogashadaasi, iyadoo su’aalaha weli taagan ka mid yihiin qofkii rasasata ka riday qorigi ilagu dilay Marxuumkaasi.. Source
-
(SLT-Norway)-Dowladda Norway ayaa sheegtay ku dhawaad 1,300 oo qof iney diyaaradaha qumaatiga u kaca ka soo badbaadiyeen markab ku xumaaday badda Choppy oo matoorrada ka cilladoobay. Taliyaha Booliska Romsdai wuxuu sheegay in la soo badaadiyey dhammaan dadki markabkaasi xumaaday saarnaa. Wakaaladda badbaadada badda ee dalka Norway waxay sheegtay xilliga ay markabku cilladda la soo daristay ay dhacayeen mowjado iyo dabeylo taasina ay keentay in dadki saarnaa si degdeg ah loogu gurmado. “Howlaha gurmadkana waxa ka qayb qaatay shan diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca iyo maraakiib” ayey tiri wakaaladdu. Wakaaladdu waxaa kale oo ay sheegtay “ciladda markabka ku timid in loo maleynayo iney sababtay Markabku oo jiiray dhagaxaanta waaweyn ee badda gunteeda ku jira maadaamaa xilligaasi ay mowjada dhacayeen oo ay adkeyd xakameynta markabka”. Dadki rakaabka ahaa markabkaasi saarnaana ma jirto cid wax ku noqotay howsha gurmadna oo waxaa la soo badbaadiyey iyaga oo badqaba. Rakaabka Markabka xumaaday ee ‘MV Viking Sky’ oo laga leeyahay Norway rakaabki saarnaa waxay intooda badan u dhasheen dalalka Britain iyo Mareykanka. Source
-
Muqdisho (SMN) – Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa afgarashadu yahay Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali oo magiciisa afgarashadu yahay Qudaama ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Kooxda Daacish. Labada eedeysane ayaa mar kawada tirsanaa Ururka Al-shabaab, waxa ayna sii doorteen in ay ku biireen kooxda daacish oo ay sheegeen in ay jireen sababo ku riixayay ku biiristooda kuwaasi oo ku qatoma dana shaqsi sida aar-gudasho iyo hanti. Eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in uu ku biiray Al-Shabaab 2014, waxa uu kaga biiray tuulada lagu magacaabo Moordiinle, waxa uu sheegay in uu ku tashkiiliyay nin uu sheegay in uu qabo gabar abtigii dhalay, waxa uu sheegay in dhowr cisho loo taba-barayay isticmaalka hubka sida qoriga AK-47. Intii uu Al-Shabaab katirsanaa ayaa Al-Shabaab waxa uu sheegay inay gowraceen adeerkiis, intaas kadib ayuu sheegay in ay Kooxda daacish u soo bandhigeen kamid noqosho ururka, waxa uu sheegay in loo soo diro lacag uu safar ugu baxayo Gaalkacyo si’ halkaasi uu uga sii qaado mid kamid maleeshiyada daacish oo ujeedkiisu ahaa meel ay ku sheegeen buuraha Calmiskaat oo maleeshiyada Daacish gabaad u ah. Tababar kale oo dheeraad ah ayay maleeshiyada daacish siiyeen, waxa uu ku sii bartay Ak-47, B.K.M iyo RPG. Sida uu sheegay waxa uu Daacish kaga soo tegay markii ay dileen saaxiibbo badan oo ka yimid Al-Shabaab kuwaasi uu sheegay in loo arkay in ay ka fikiri duwan-yihiin ayna sidoo kale u yihiin basaa-siin. Ciidamada amniga ayaa soo qabtay xilli ay maleeshiyada u soo wakiilatay dhagridda dadka Soomaaliyeed.Eedeysanaha koowaad ayaa la soo xiray 14/11/2018. Eedeysanaha labaad ayaa sidoo kale ahaa mid katirsan Ururka Al-Shabaab, waxa uu kaga biiray tuulada moordiinle. 2014 horraanteedii, waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay tuulooyin kale sida Janaale, Awdhiigle. Muddo kadib ayuu ku biiray maleeshiyada Daacish 2016, waxa uu kaga biiray Weydow. Waxa uu u baxay dhulka bari ee Boosaaso, waxa uu tababar ku qaata buuraha gobalka. Intii uu daacish la joogo waxa uu la baxay Daahir, waxa uu ka howlgalay Af-Urur sidoo kale meel lagu magacaabo Calmiskaat, Eedeysanaha labaad ayaa la soo xiray 20/11/2018 isagoo u joogo Muqdisho sidii uu u fulin lahaa amarrada horjoogayaasha Daacish. Labada eedeysane ayaa isku aqoonsaday halka ay ka socotay baaristooda, waxa ay u sheegeen hey’adaha baarista in ay kawada tirsanaayeen maleeshiyada Daacish. Ciidamada amniga ayaa u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta, xeer ilaaalinta ayaa weydiisatay garsoorka xabsi ku heyn inta ay soo dhameystirayaan dacwadda 05-02-2019, muddo kadib baaristooda waxa ay weydiisteen Maxkamadda Muddeyn Maxkamadeed, xafiiska ayaa codsaday in la muddeyo 02-03-2019. 16-03-2019 ayaa la muddeeyay dhageysiga dacwadda, sedax cisha kadib ayaa loo fariistay, ugu dambeyn maanta ayaa go aan si wada jir ah looga soo saaray, waxaana lagu wada xukumay min lix sano sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad. View the full article
-
Hargeysa (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in maxkamad la horkeeno wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo oo shalay xabsi Guri looga dhigay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Wasiir Barwaaqo ayaa waxa loo heystaa eedeymo la xariira musuq-maasuq, sida uu warbaahinta u sheegay hanti dhowrka guud ee Somaliland. Ciidamo ka tirsan kuwa maamulkaasi ayaa shalay soo xiray wasiirkan, si wax looga weydiiyo eedeymaha loo heysto. Waxaa haatan wasaaradda warafafinta Somaliland ku sime ka ah Maxamed Muuse Abees oo ah wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi. View the full article
-
London (SMN) – Cabdullahi Nuur Xaashi oo ka mid ahaa sirdoonka dowladdii hore ee Soomaaliya haatana ku sugan dalka Ingiriiska ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay xoojiso hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka. Mr Cabdullahi Nuur ayaa sheegay xoojinta iyo dib u soo nooleynta awooda Ciidankii hore ee sirdoonka ee uu dalka lahaa ay u horseedi doonto Caasimaddu in ay noqoto mid amni ah. Muddooyinkii dambe DFS ayaa waday dadaallo ku aadan ka hortaga falalka lidiga ku ah nabad galyada dalka, gaar ahaan M/Muqdisho View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-24032019.mp3 View the full article
-
Waxaa saaka lagu wadaa in magaalada Muqdishu ay ka dhacdo duugta wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Saqar Ibraahim Cabdalla. Wasiirka ayaa ka mid ahaa dadkii shalay ku dhintay mid ka mid ah qaraxyada lala beegsaday wasaaraddiisa. Sida jadwalku yahay, saacadda 8:00 subaxnimo ayaa lagula tukanayaa janaasada maydka marxuumka masjidka shuahadada ee madaxtooyada, kadibna waxaa lagu aasaayaa qubuuraha isbitaalka Madiina. Tiro 5 ka badan ayaa ku dhimatay halka dhaawacyada ay 10 ka badan yihiin qaraxyo sabtidii lala eegtay xarunta Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee amniga xukuumaddii Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamuud kana tirsan xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka amaanka ee magaalada Muqdisho. Xildhibaan C/risaaq ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo la hayo xogo dhanka amaanka ah qaraxyadaasi ka dhacaan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in xogtaasi amaan horey loo hayay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hay’adaha amaanka ee kusugan dalka oo qeyb kayihiin kuwa ajaaniibta ay dhawaan soo saareen digniin la xiriirta weerarkii Al Shabaaba y ka fuliyeen magaalada Muqdisho. Sido kale wuxuu sheegay in Al Shabaab wali ay wadaan qatar dhanka amaanka ah, islamarkaana laga warhayo inay maalmaha soo socdo ay fuliyaan weeraro kale oo halistooda leh. “Sirdoonka warbixinta lagu helayo ayaa ah in Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro kale, kaliya kuma ekeyn doonaan weeraradii shalay dhacay, maalmaha soo socdo waxaa la bixiyay Digniin kale oo weeraro ah, qolooyinka ajaaniibta iyo hay’adaha amniga wey bixiyeen qatar kale oo dhanka Al Shabaab ka imaan karta”. “Waxaa Al Shabaab la ogsoon yahay marka la ogaado xogta ah halkey weerari rabaan, in Al Shabaab ay wareejiyaan halka ay rabaan inay weeraraan, shacabka Muqdisho iyagana waxaa looga baahan yahay inay fejignaan galaan”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq. Kadib weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa is badal lagu sameeyay taliyaasha ciidamada booliska ee degmooyinka gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Marka (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar ayaa sii daayey sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab kaas oo laga qabtay magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Sarkaalka la sii daayay ayaa la sheegay in sii deysmadiisa ay ka dambeeyeen oo ay fududeeyeen 5 Askari oo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar oo Marka ku sugan. Dood ka dhalatay arintaan ayaa shalay iyo maanta ka taagan degmadaasi, waxaana jimcihii mar ka dhacay dagaal gudaha kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga. Saraakiil katirsan Guutada 14-ka Octoober ayaa Caasimada Online u sheegay in shalay uu marka gaaray Taliyaha Guutada 14-ka Octoober, waxaana la soo xiray 5 Askari oo la aaminsan yahay in ay sii daayeen Sarkaalkaasi Shabaabka ah, sidoo kalane ay ka dambeeyeen dilka 2 ka mid ah Ciidamada Guutada 14-ka October oo ku dhintay isku dhacyo halkaasi ka dhacay. Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta ay ciidamada usii daayeen sarkaalka. Hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacda in askarta dowladda ay lacag dhaafsadaan arrimahan oo kale, ama ay kusii daayaan hab qabiil. Caasimada Online Xafiiska Marka Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay guddiga doorashooyinka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa magacaabay guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha ee maamulkaasi. Wareegta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabay guddigaan. Guddigaan doorashooyinka ayaa waxa ay ka koobanyihiin 7 xubnood. Hoos ka aqriso magacaabista guddigaan Puntland Post The post Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay guddiga doorashooyinka appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shababa ayaa war kasoo saartay weerarkii ay shalay maleeshiyada kooxdaas ku qaadeen xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya, oo ku taalla degmada Shangaani ee Muqdisho. Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab, Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Al-Shabaab ay laba sabab dartood u beegsadeen xarunta wasaaradda, Abu Muscab ayaa sheegay in xarunta ay ka socdeen laba shaqo oo sida uu sheegay qalad ah. Tan koowaad, ayuu ku sheegay, inay tahay qorista ciidamo la dagaalamada kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale ciidan kale oo ah sirdoon dharcad oo basaasa culumaa’udiinka magaalada Muqdisho iyo dadka fikrad ahaan kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Abu Muscab ayaa sababta labaad ku sheegay in wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ay qoreyso dad dib u dhis ku sameeya xarunta tiyaatarka qaranka, ayada oo loo marayo barnaamijka is-xilqaan, taasi oo sida uu sheegay kasoo horjeedda shareecada islaamka. Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen 15 qof, islamarkaana ay ku dhaawaceen 26 kale, kuwaas oo ay ka mid yihiin dad xilal sare hayey. Al-Shabaab ayaa kumanaan shacab ah ku laysay magaalada Muqdisho sanadihii tagay, kuwaasi oo ku dhintay qaraxyo iyo weeraro qorsheysan, waxaana kooxdan mar walba ay qiil u sameysaa gumaadka shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sagal Ashour, oo madax ka ah haya’adda la-dagaalanka xagjirnimada ee SAVE (Somalis Against Violent Extremism), ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu burburiyey dhammaan wixii horumar siyaasadeed iyo amni ee ay sameeyeen Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif. “Waxaan si dhab ah u sheegi karnaa in dowladda hadda jirta ay Soomaaliya dib u celisay 10 sano” ayay tiri Sagal oo qoraal soo dhigtay barteeda twitter. Sagal ayaa sheegtay inuu jiro dareeno guud oo la qabo oo ah in Al-Shabaab ay qabsan doono dhulal cusub, islamarkaana ay sababi doonto xasilooni-darro horleh. “Dhammaam lacagtii ay usoo dhidideen canshuur bixiyayaasha ee Midowga Yurub ay siiyeen Soomaaliya, waxaa lagu khasaariyey musuq-maasuq iyo iimaan-darri, halka Soomaalidii saboolka ahayd ay macluulayaan islamarkaana argagaixsada ay haystaan maal-gelin wanaagsan” ayey tiri Sagal. “Dhammaan intan oo sano, weli ma aynan helin wax horumar siyaasadeed iyo mid amni ah.” Hadalka Sagal ayaa yimid saacado kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya, halkaasi oo wasiirku xigeenka wasaaradda iyo shacab badan ay ku dhinteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Isbadal lagu sameeyay saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taliska Booliska Soomaaliya ayaa isbadal ku sameeyay saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir iyo taliyaasha saldhigyada degmooyinka Muqdisho. Hoos ka Aqriso isbadalka. Maxamed Jeego oo hore u ahaa taliye ku-xigeenkii Nabadsugida G/Banaadir ayaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Banaadir. C/fataax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan ayaa loo dalacsiiyey Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeenkiisana loo magacaabay Shuceyb Abdi. Yaasiin Nur Khayre: ayaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka Qeybta bartamaha. Bashiir Cabdi Siyaad, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Hodan. Najiib Carab ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Boondheere. Liibaan Shidane, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Kaaraan. Xuseen Cadceed ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Wardhiigley Ismaaciil Muuse Yuusuf: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska Dharkeynley. Axmed Taree, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Kaxda Axmed Khadar: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Xamarweyne. Maxamed C/qaadir: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay Taliso Abtidoon. Puntland Post The post Isbadal lagu sameeyay saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan waxa soo baxay natiijada Tira-koob ay si wadajir ciidamada dowladda ugu sameeyeen Wasaaradaha gaashaandhigga, Maaliyadda, Taliska ciidanka xoogga dalka, xafiisyada madaxweynaha iyo Raisalwasaaraha, iyada oo dhinaca kalana ay taagantahay cabasho guud oo kasoo baxday qaar kamid ah ciidamada kujira furimaha fogfog taas oo ku salaysan in aan Mushaarka iyo sahayda ciidanka XDS. Haddaba xog-uruurin iyo falanqeyn aan ka samayna khuburo kala duwan ee dhinaca maaliyada, maamulka, siyaasada iyo waaya-aragga ciidanka ayaa muujisay jiritaanka 10 caqabad oo ah sababaha ugu waaweyn ee dib u dhigaya guul kasta oo laga gaari lahaa qorshaha tirakoobka ciidanka, caqabadahaasi waxa ay salka ku hayaan dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasadda, Maamulka, Dowladgoboleedyada, Istiraatiijiyadda ciidanka XDS, Is aaminaadda Qabaailka iyo howlgalka guddiga Ammaanka Qaranka. Danaha Dhaqaale ee danleyda kala-duwan Ganacsato, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin kamid ah nidaamka dowladda ayaa dano dhaqaale oo ballaaran waxa ay ku haysteen muddo dheer fududeynta saadka, sahayda iyo cuntada ciidanka, Dhianacyadaas kala duwan ayaa mar walba oo uu yimaado qorshe lagu sugayo xogta iyo tirada askariga waxaa ay sameeyaan iska caabbin ay ku ilaashanayaan danahooda ganacsi si aysan u gelin gacanta iyo jaangoynta dowladda, waxa ay adeegsadaan hadba cidda awoodda in ay culeys saarto qorshada diiwaangelinta ciidanka oo xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh ay kudhici weysay balse ay suuragelisay tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda. Mucaaradka Iyaga oo kafiirinaya dhinaca suuqooda siyaasadeed siyaasiyiinta mucaaradku marka aan laga talo-gelin howlaha qaranka kadhexeeya ayna ogyihiin in qorshaha diiwaangelinta ciidanku tusaale ahaan uu dhalliil leeyahay waxa ay sameeyaan cadaadis siyaasadeed oo ay kusoo bandhigayaan ceebaha iyo gaabisyada jira, taasina waxa ay kicisaa dad badan oo aan xog fiican kahaysan waxa socda iyo sababaha kadambeeya, sidaas oo kalana waxa ay calwiyaan kalsoonida lagu qabi karo qorshayaasha dowladda, taasina waxa ay hor istaagtaa oo ay xawaaraha kayerysaa wixii horumar ah oo hirgeli lahaa, waxa ay markasta soo bandhigaan dhalliilaha tiro-koobka kaliya iyo fasirkooda taas oo ay ku sameeyaan cadaadis siyaasadeed, tallaabadaasina waxa ay kicisaa dad badan oo aan xog fiican kahaysan waxa socda iyo sababaha kadambeeya Deg-degga xukuumadda ee dhamaystirka tirakoobka Qorshaha diiwaangelinta ciidanku waxa uu u baahan yahay waqti iyo farsamo dheer waxaana muuqata in xukuumaddu dooneyso in ay waqtigii loo baahna mid kayar kana kooban ay ku qabato howsha diiwaangelinta ciidanka iyada oo la tixgelinaya duruufaha ciidanka, wada-shaqeynta maamul goboleedyada, saameynta Amni iyo gaabisyada farsamo ee jirta waxaa lagudboon xukuumadda in ay u hergeliso tirakoobka qaab tallaabo-tallaabo ah ayna siiso mudo ku filan qaybaha iyo xarumaha ciidanka laga diiwaangelinayo. Awoodda kooxda diiwangelinta Askari katirsan Ciidanka XDS oo la diiwaangelinayo Kooxda diiwangelintu waxa ay wajaheysaa culeys weyn oo dhinacyo badan leh sida Nabadgelyada, dhaqaalaha, Gaadiidka, qalabka, aqoonta, Shaqaalaha, Cilmibaaritsa iyo kala xirnaanshaha wadooyinka oo dib u dhac balaaran u keenay in si degdeg ah loo gaaro farimaha iyo jiidaha hore ee ciidanka XDS oo ku baahsan dalka oo dhan Handadaadda saraakiisha Taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka laga billaabo taliska sare iyo taliyeyaashu horumuhu waxa ay handadaad ku sameeyaan madaxda kasareysa sida wasaaradaha ku lugta leh diiwaangelinta iyaga oo u sheega in ciidanku furimaha kasoo baxayo haddii diiwaangelin xilligan lagu xiro mushaar bixinta taas waxa si cad u muujiyey hadal uu RW Xasan Cali Kheye November-2018 ku sheegayey in madaxda ciidanka qaarkood ay hor istaagayaan tirakoobka ciidanka iyaga oo ka fiirinaya dano kala duwan. Cadaadiska Beesha Caalamka Deeqbixiyeyaasha Soomaaliya ka taageera dhinaca nabadgelyada & dowladaha ciidamada ku kaalmeeya Soomaaliya ayaa waxa ay dowladda ku saaraan cadaadis ku saabsan tayada howlgelada ciidanka XDS, aqoonsiga tirada, ciidanka ka goosta XDS iyo qorshaha la wareegida amniga dalka kadib bixintaanka AMISOM taas oo ku qasbeysa xukuumadda in ay degdeg uga lib keento ugu yaraan tirokoobka ciidanka. Shakiga Qabaa’ilka iyo Maamul-Goboleedyada Qabaa’ilka qaar oo ka shakisan isbedel kasta oo lagu sameeyo awoodda iyo ciidanka jira iyaga oo ka baqaya in miisaankoodii iyo saamiga ciidanka wax iska bedelaan una arkaya qorshe kasta oo diiwaangelin in laga leeyahay ujeedo lid ku ah qabiil iyo beel gaar ah, sidaas awgeed waxa suuragal ah in aad maqasho beel hebel ayaa ku badan ciidan oo waxa loo danleeyahay in laga saaro si loogu soo daro beelo kale, farriimahaas waxa ugu badan ee fidiya waa siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo ganacsato dhaqaale kasameeya ciidanka XDS Dhinaca kale Dowlad-goboleedyada qaar oo u arka in si gaar ah loo beegsado deeganadooda iyaga oo isku dhererinaya kuwo kale oo ay ku andacoodaan in si isku-mid ah oo siman loo hirgeliyo qorshaha diiwaangelinta ciidanka Dowlad goboleedyo oo dhan. Maqnaanshaha kulamada guddiga Amniga Qaranka Maqnaashaha shirarkii Guddiga Amniga qaranka oo muddo dheer qaadatay kaddib khilaafka macnelaawaha ah ee dhexmaray goboleedyada iyo dowlada dhexe ayaa sababay gaabis galay, madasha Amniga qaranku waxa ay muhiim u tahay ugu muhiim u tahay lafagurka nabadgelyada dalka isla fahamka hergelinta qorshe kasta oo saameyn toos ah ku yeelanaya amniga dalka Isqancinta iyo wada-xiriirka, waxa kale oo ay xal u tahay kahortegidda dhammaan dacaayadaha iyo mala-waalka kusaabsan Amiga Dalka. Maqnaanshaha Qarashka howlgelinta ciidanka Waxaa maqan Qarashka howlgelinta oo aan gaarin Qeybaha ciidanka, Ururadda iyo talisyada Ciidanka XDS marka laga reebo taliska dhexe, Qarashka howlgelinta waxaa loogu talo galay in ay ku maareeyaan howlaha kala duwan ee ciidanka sida arrimaha loojiystikada, dayactirka, dhismayaasha iyo howlaha guud, taasina waxa ay keentay in mararka qaar in la gacantogaaleeyo saadka iyo ka beensheegida tirada ciidanka si lacagaha dheeriga ah ka sokow musuq loogu socodsiiyo howlaha ciidanka. Is aamin la’aanta Musuqa Is aamin la’aanta ka dhalatay Musuqa raashiinka iyo tirada ciidanka oo baahday ayaa sababtay in saraakiisha iyo quburada kale ee maamul, maaliyad iyo siyaasad ay ka gaabsadaan in ay wax talo ah ka dhiibtaan caqabadaha Qorshaha diiwaangelinta si aan loogu calaamadeyn in ay musuqa qeyb ka yihiin, halka ay u muuqato in talo kasta oo saxitaan loo aqoonsanayo mid qeyb ah sii socoshada musuqa.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xukun ku riday rag la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish ee dagaalka ka wada Soomaaliya. Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa looga yaqaanay Daacish uu yahay Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali oo magiciisa afgarashadu yahay QUDAAMA ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Ururka Daacish. Raggan oo watqiyo kala duwan gacanta lagu dhigay ayay Maxkamadda Ciidanka sheegtay in ay isku aqoonsadeen halkii ay ka socotay Maxkamadeyntooda kana wada tirsanaayeen Ururka Daacish. Waxaa ay ka soo wada dagaallameen Af Urur iyo Calmiskaat oo ka wada tirsan Gobolka Bari ee Puntland,halkaas oo ay ka mid ahaayeen Ciidamada Daacish. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa ku xukuntay min lix Sano oo Xabsi ah,waxaana xukunkaasi ku dhawaaqay xasan Cali Nuur Shuute. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur SHuute ayaa sheegay in xukunka lagu riday raggan uu leeyahay Racfaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaraxyada iyo weerarada shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxay runtii maalin kale oo laga filan karay kooxda al-Shabaab inay kusoo qaado xarumaha dowladda u tahay jawaab si cad loogu sheegay sida liidata oo ay ku gabay sugidda amniga. Caasimadda Online ayaa maalin kahor baahisay halis ay tilmaamayeen khubarada amniga inay kusoo foolan tahay shacabka ku nool gobalka Banadir. Hadalkoodii u muuqday tibaax aan la tix-raaci Karin wuxuu ugu danbeyntii kusoo dhammaaday sidii la filayay. Al-Shabaab ayaa wax u muuqday farriin hor leh oo la xiriirta dayacsanaanta laamaha amniga kusoo dirtay weeraradii shalay. Weerarada iyo qaraxyada ay maalin gudaheed ka fuliyaan al-Shabaab, majirin maalin lamid ah shalay oo kale sidii ay iskugu soo aadiyeen qorshahooda. Saadaashii ay bixinayeen khubaradu – oo ilaa xad aan gaarsiinin inay iftiimiyaan awoodda kooxdani u leedahay inay dharaar qura shan qaraxyo iyo weerar iskugu jira ay ka geysan karaan xarumaha dowladda amaba ay la bartilmaameedsan karaan shaqaalaheeda. Tirada dhaawacyada iyo dadkii ku dhintay weerarkii shalay, wuxuu caddeyn u yahay inaan la isku haleyn Karin ballamaha qaawan iyo qorshe xumida liidata ee lagu wajahayo sugidda amniga, sida uu yiri Goodir Ali oo ah geyfane naqdiya waxa loogu yeero argagaxisada. Goodir oo dhacdooyinkan si hoose ula socday ayaa dowladda ku tilmaamay mid u diyaarsan kaliya bixinta jawaabo ku siman canbaareyn iyo caga-jugleyn. “Waxa kaliya ee laga dhowri karay ayaa ah inaysan lumin awoodda ciidamadii ay shalay u bilowday mushaharka,” ayuu yiri. “Taasina hadda jawaabteeda waxay ka heshay bixin la’aanta xuquuqda ciidamada qaranka oo waa kaa maaro loo la’yahay sugidda amniga.” Faallada Goodir ayaa daba socta kaddib weeraro iyo qaraxyo kala duwan oo shalay ruxay caasimadda kuwaas oo in badan lala bartilmaameedsaday xarumaha dowladda iyo shaqaalaheeda. Mowduuca ku saabsan xuquuqda ciidamada gadooday oo aan sidii loo baahnaa looga jawaab celin, hadda maku filan tahay dowladdu inay kaalintooda halgan ee sugidda amniga ay si dhab ah u qiimeyso marba haddii dharaar cad ay dhacayaan qaraxyo iyo weeraro u abaabulan sidii loo qorsheeyey?! Waa su’aal jawaab celinteedu aanay kaliya ku dhalan Karin in codbaahiyaha lala horyimaado dhaliil iyo balan-furyo cad, balse si dhab ah u saameynaysa shacabka caasimadda kuwaas oo daryanka madfac iyo hugunka qaraxyada ku waayaya naf iyo maal; nolol iyo xasilooni. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Somalia oo deg deg ugu yeedhay safiirkeeda Geneva ka dib Fadeexad soo wajahday Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa muddo todobaad ku amartay inay dalka ku soo gasho Faadumo C/llaahi Maxamuud Insaniya oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva. Qoraal ka soo baxay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray, waxayna wararku sheegayaan inay arrintan ka danbeysay kadib markii ay gashay khalad taariikh ah oo ceeb ku ah diblomaasiyadda Soomaaliya. Safiirka ayaa ka aamustay qaraar lagu cambaareeyey haysashada Israel ee dhulka Golan Heights ee Suuriya, kaasi oo ay ku qabsatay Dagaalkii Lixda Maalmood ee sanaddii 1967-kii, iyadoo go’aankaasi ay taageereen dalalka Reer Yurub. Waxaa hadda soo baxday warar sheegaya in go’aankaas uu ku gaar ahaa safiiradda oo aysan dowladda la ogeyn Codeynta qaraarka ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Golan Heights uu u aqoonsanayo dhul Israel. Israel ayaa dhulka ku darsatay dhulalka badan ee ay ka haysato Bariga Dhexe sanadii 1981-kii Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid noqotay shan dal oo ka aamusay, kuwaas oo kala ah; Cameroon, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Fiji, Rwanda iyo Somalia. Dad badan ayaa filayey in maadaama Soomaaliya ay tahay dal Islaam ah ay taageerto qaraarka, hase yeeshee si la mid ah dalalka Carbeed ee sanadihii dhowaa ka hadhay qadiyadda Falastiin iyo Bariga, Soomaaliya ayaa u muuqata inay wadaddaas martay. Akhriso Amarka loogu yeedhay Safiiradda Qaran News
-
Waxa la ydhi madaxwayne Biixi wuxuu soo wadaa isku shaan-dhayn, hadaan talo muwaadin ku darsado waxa aan odhan lahaa wax ka badal qaar kamida qaab dhismeedka wasaaradaha dalka; TALO NO:- 1- Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga. Mudane waxa aad isku dartay laba wasaaradood oo culus markaasay isla fadhiisteen, waliba maanta uu daqaalaha dalku iyaga ku tiir san yahay, waxa aan odhan karaa waa ceelasha PATROL ka ee dalku leeyahay, waxa aan kugula talin lahaa inaad kala qaado kana dhigto sadex wasaaradood is loo gaadho horumar lataaban karo. 1- Wasaarada Xanaanada Xoolaha 2- Wasaarada Xoola dhoofinta 3- Wasaarada Horumarinta Kaluumaysiga TALO NO:- 2- Labada wasaaradood ee Arimaha dibada iyo Maalgashiga isku dar oo midee hal wasaarad kaliya kadhi, dhaqaalaha ku baxaya Wasaarada Maalgashigu ha kabo Wasaarada Arimaha dibada ; 4- Wasaarada Arimaha Dibada iyo Maalgashiga TALO NO:- 3- Wasaadadii Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka eed baabiisay soo celi Tusaale; markaad fadhiisato miiska wada hadalada Somaliland iyo Somalia ama aad la xaajoonayso beesha caalamka iyo ICAO UN CIVIL AVIATION eed ka hadasho sidii ay Somaliland ula soo noqon lahayd maamulka hawada, Markiiba Dunidu waxay is odhanaysaa dawlada baabiisay Wasaradeedii Duulista Hawada diyaar uma aha oo cilmi iyo aqoon uma laha maamulka hawo. 5- Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka. Intaa u qaado talo mucaarad oo gardaro ah. Alaa mahad leh Amb Ahmed Safiina Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland. Guddiga la magacaabay ayaa waxaa uu ka kooban yahay todobo(7)xubnood oo kala ah; 1 – Xamse Cabdi Barre 2 – Axmed Cumar Maxamed 3 – Samsam Macalin Faarax Abuukar 4 – Mursal Siyaad Maxamed 5 – Ibraahim Aadan Ibraahim 6 – Maxamed Cusmaan Yuusuf 7 Axmed Maxamed Yuusuf