-
Content Count
208,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (AFP) – Kenya plans to shut a refugee camp that is home to nearly a quarter of a million people, mostly Somalis, in the next few months, according to an internal UN document seen by AFP Tuesday, The three-decade-old Dadaab camp in eastern Kenya would be closed by the end of August under the Kenyan plan, it said. A United Nations refugee agency (UNHCR) document dated February 28 said the Kenyan government had sent a note verbale informing it of “plans to close the Dadaab camps within a six-month period”. The note, which was dated February 19, asked UNHCR “to expedite relocation of the refugees and asylum-seekers residing therein.” In the document, the UNHCR said it was committed to working with the government on voluntary repatriation to countries of origin, relocating refugees to other parts of Kenya and resettlement to third countries. An aid worker in Dadaab, speaking on condition of anonymity, confirmed to AFP that all international organisations were aware of a plan to close the camp, but the “government is keeping it low profile”. Dadaab was considered the world’s largest refugee camp, with at its peak some 580,000 refugees. The largest camp is now Cox’s Bazaar in Bangladesh, home to some 600,000 Rohingya refugees who have fled neighbouring Myanmar. Dadaab now shelters some 230,000 people, the vast majority of them Somalis who fled across the border following the outbreak of civil war in 1991. Many have lived there ever since. In May 2016 the government unilaterally decided to close the camp, saying it was a terrorist training ground for Shabaab Islamist militants based in Somalia. Tens of thousands of refugees returned to Somalia under a repatriation package. However, many encountered drought, hunger and dire conditions in a country where five million lack enough food and where African and Somali forces are still fighting Al-Qaeda-aligned Shabaab militants. Amnesty International said it had documented government officials threatening refugees and telling them they had to leave, “raising serious questions about whether returns were voluntary”. Then in February 2017 Kenya’s High Court ruled the plan to close the camp was unconstitutional, violated Kenya’s international obligations and amounted to the persecution of refugees. The court also said the forced repatriation violated the 1951 United Nations Convention on refugees. Since sending troops into neighboring Somalia in 2011, Kenya has come under repeated attack from Al-Qaeda-linked Shabaab militants. The government has presented Dadaab as a security risk, saying Somali Islamists inside the camp planned the Shabaab attacks at Nairobi’s Westgate shopping mall in 2013 and the Garissa university attack in 2015, though it has not provided evidence. The latest effort to shut it comes shortly after the January 15 attack on the Dusit hotel and office complex in Nairobi that left 21 dead. At least 12 suspects were arrested in Dadaab in connection with the attack. Source: AFP
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasha ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-26032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Villa Somaliya, waxaa maanta la dhaawacay Taliyahii Ciidamada Gaarka ah ee ilaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Taliyaha oo Magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Dabagaale, isla markaasna ahaa Taliyaha horinta Ciidaanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu dhaawacay afaafka hore ee Madaxtooyada . Dhaawaca ayaa yimid kadib markii ay Taliyaha murmeen askari ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo Taliyaha ku eedeeyey inuu lunsaday Mushaarkiisa. Sida la xaqiijiyey, murankaan ayaa yimid kadib markii askarigu taliyaha uu ku eedeeyay in uu lunsaday lacag uu lahaa askarigu, hayeeshee muranka oo sii dheeraaday ayaa sababay in la dhaawaco Taliyaha. Askarigii dhaawaca geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana Taliyaha loo qaaday mid ka mid ah goobaha caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana weli la xaqiijin karin xaaladda Caafimaad ee Taliyaha iyo sida uu yahay dhaawiciisa. Ciidanka gaar ah ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wax mushaar ah qaadan labadii bil ee ugu dambeysay. Sidoo kale, shaqaalaha Madaxtooyada ayaan iyagana mushaar aan qaadan ku dhawaad 4 bil, waxayna arrintaan ka dhalan karta halis amni oo intan kasii badan Arrintaan Maanta ka dhacday Madaxtooyada ayaa kusoo aadeyso xilli ay gadoodsan yihiin Ciidamada Militari Soomaaliya oo isaga soo baxay fariisihimii ay ku lahaayeen qeybo kamid ah Shabeelada Dhexe markii ay sheegeyn inaysan mushaar helin 4 bil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Warbaahinta Puntland Post ayaa maalmo ka hor daabacday, warbixin muuqaal wadata oo haweeney lagu magacaabo, Xaawo Cabdullaahi Ciise ay kaga cabanaysay, xukun ay ridday maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal. Xukunka ayaa ku saabsanaa kiis la xiriira lahaansho-dhul oo haweeneydan kala dhexeeya qof aysan markii magacaabin, waxayse sheegtay in dhul ay leedahay maxkamaddu u xukuntay qofkaasi , halka iyadana markay dacwootay xabsiga loo taxaabay sida ay hadalka u dhigtay. (Halkaan ka daawo) Haweeneydan ayaa eedayn kulul u jeedisay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, waxaana ay ku eedaysay caddaalad-darro iyo in ay hantideedii qof kale u xukuntay, inkastoo aysan soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya eedaymahaasi. Haddaba Faarax Maxille Jaamac oo galabta warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa isna ka dacwooday haweeneydaasi oo uu sheegay, in ay ku haysato dhul uu leeyahay, waxaana uu soo bandhigay waraaqo caddaymo ah oo muujinaya lahaanshaha dhulkaasi. Faarax ayaa soo bandhigay dukumintiyo lahaansha-dhul oo muujinaya mulkiyaddiisa iyo waraaqo xilliya kala duwan ka soo baxay maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, guddiga xallinta khilaafaadka dhulka ee Garoowe, maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, maxkamadda rafcaanka iyo maxkamadda sare ee Puntland, kuwaasoo dhammaantood isaga u saxiixay dhulka. Sidoo kale wuxuu tix-raacay qoraal uu sheegay, in haweeneyda lafteedu saxiixday, kaasoo ay ku caddaynayso in aysan mar dambe dhulkiisa ku qabsan doonin. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Faarax Maxille oo ka dacwoonaya haweeney dhul ku haysata appeared first on Puntland Post.
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa qaadatay go’aankii ugu adkaa oo ay kaga hor imaaneyso Dowladda Mareykanka tan iyo markii uu Madaxweyne dalkaas ka noqday Donald Trump. Dowladda Sacuudiga ayaa go’aan xasaasi ah kasoo saartay tallaabada uu Donald Trump dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday inay leedahay Israa’iil . Boqortooyada Sacuudiga ayaa go’aankaas ku tilmaamtay inuu yahay mid xad gudub ku ah xeerarka ay ku heshiiyeen Caalamka. Wakaaladda Wararka ee Dalka Sacuuciga ee loo yaqaan SPA ayaa soo daabacday war saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Sacuudiga oo lagu yiri “Sacuudi Carabiya waxa muujineysaa diidmadeeda qayaxan iyo cambaareynta ku aadan go’aanka maamulka Trump uu dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday dhul Israel”. Dowladda Sacuudiga ayaa dhulkaas ku sheegtay inuu yahay mid Carbeed oo ay leedahay Siiriya isla markaasna xoog lagu heysto marka la raaco go’aanadii arrintaan ku saabsaneyd ee horey loo gaaray. Boqortooyada ayaa si cad u sheegtay in go’aanka Trump uu yahay mid aan waxba soo kordhineyn isla markaasna uu dhulkaas waligiis ahaan doono mid Carbeed oo aan xoog lagu sii heysan doonin. Sacuudiga ayaa go’aankii Trump ku sheegtay inuu yahay mid khilaafsan heshiiskii Qaramada Midoobay iyo go’aanadii Caalamiga ahaa oo ay kamid tahay go’aankii Golaha Amaanka ee Nambarkiisu yahay 242 kaasoo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 ee soo baxay Sanadkii 1981. Dowladda Sacuudiga ayaa go’aankaas ku sheegtay inuu saameyn ku yeelan doono hanaanka nabadda Bariga Dhexe iyo xasiloonida gobolka. Ugu dambeyntii Sacuudiga ayaa dhinacyada dhan ugu baaqday inay ixtiraamaan Sharciga iyo go’aanadii ay dunida horey u gaartay. Adduunyada dhan ayaa ka war sugeysay go’aanka kasoo bixi doono Sacuudiga, maadaama sanadihii dambe looga bartay inay garab istaagto go’aanada uu soo saaro Madaxweynaha Mareykanka. Golaha Ammaanka QM iyo maamulladii hore ee Mareykanka ayaa mar walba u arkay Golan dhul la haysto, oo dib usoo celintiisa ay qeyb ka noqon lahayd wada-xaajood buuxa oo heshiis nabadeed ay ku gaaraan Israel iyo Syria. Israel ayaa dhulka Golan Heights ku qabsatay Dagaalkii 1967-kii ee Carabta iyo Israel, waxayna dhulkeeda ku darsatay 1981-kii. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maalinta berri ah ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan madaxtooyada Garoowe. Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee madaxweynuhu Garoowe uga baxo tan iyo markii la doortay ayaa soo dhoweyntiisa caawo laga dareemaya gudaha degmada Qardho iyadoo sawirkiisa iyo calanka Puntland laga taagay qarar kamid ah waddooyinka Qardho. Maadxweynaha oo u kuur-gelaya xaaladda gobolada Karkaar iyo Bari ayaa ku sii hakan doona degmooyin badan oo ka tirsan labadaasi gobol isagoo ugu dambeyn sida qorshuhu yahay tegi doona magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa hore u sheegay in xukuumadda cusub laga mucaaradsanyahay magaalada Qardho inkastoo uusan cidna magacaabin. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalo la sheegay in laga mucaaradsanyahay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia, ayaa war kasoo saartay xiisadda ka taagan buuraha Golen ee dhawaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in Yahuudda ay leedahay, Soomaaliyana ay ka mid noqotay dalalkii ka aamusay kulankii lagu cambaareeyay Arrintan ee ka dhacay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Qoraalka DF ayaa u qornaa sidan: Xukuumadda Federaalka Somalia waxay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida. Dowladda Somalia waxay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa waxaa looga bartay inay mowqif ka istaagto murannada soo dhex-gala dowladaha caalamka, taasoo sababtay in dalal badan oo caalamka ay ka caroodeen mowqifyada Dowladdu ay qaadato marka ay muranno soo if-baxaan. PUNTLAND POST The post Dowladda FS oo Caddeysay Mowqifkeeda ku Aaddan Lahaanshaha Golan Heights appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Kulan lagu soo bandhigayay islamarkaana lagu faafinayay nuqulka carabiga ee dastuurka ku meel gaarka ah ee soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda dastuurka ee magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka soo qayb galay safiiirka Jaamacadda carabta ee soomaaliya Xamuud binSamraan, Siihayaha wasiirka Dastuurka ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Celmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr , Shaqaalkah iyo Lataliyaasha wasaaradda iyo marti sharaf kale. Safiirka Jaamcadda Carabta ee Soomaaliya Xaamud Bin- Samraan oo kulanka kalmad ka jeediyay ayaa ugu horrayn usoo gudbiyaya wasaaradda salaam uu ka siday xoghaya jaamacadda carabta Ahmed Abu- Gayd, kadib waxa uu sharraxaad guud ka bixiyay muhiimadda dastuurku uleeyahay bulshada iyo sida ay muhiim u tahay in luuqadda carabiga loo tarjumo dastuurka KMG ee soomaaliya, isagoo xusay in carabigu yahay luuqad ay ku hadlaan wadamo badan oo carab ah, Soomaaliyana ay ka mid tahay wadamada Jaamacadda Carabta. Safiirka ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay mar walba garab taaganyihiin walaalahooda soomaaliyeed. Dhanka kale, siihayaha wasiirka dastuurka ahna wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Celmi oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta garab istaagga iyo taagerada ay ku bixiyeen in dastuuka loo tarjumo luuqadda carabiga, maadaama dastuurka qodobkiisa shanaad uu sheegayo in luuqadda labaad ay tahay luuqadda carabiga. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in luuqadda carabiga loo tarjumo dastuurka ay tahay mid muhiim ah maadaama soomaaliya ay ka mid tahay jaamacadda carabta islamarkaana ummadda soomaaliyeed ay tahay 100% dad muslim ah, sidoo kale waxa uu xusay in ay jiraan wadamo badan oo carab ah iyo dad soomaaliyeed oo ku hadla afka carabiga ay muhiimad siinayso si ay u fahmaan dastuurka. “Waa markii ugu horraysay ee dastuurka soomaaliyeed loo tarjumo luuqadda carabiga , laga soo bilaabo dastuurkii lixdankii” ayuu yiri Wasiir Xuseen Celmi. “Marka dib-u-eegista dhammaato ayaan la bedelaynaa wixii wax ka bedel lagu sameeyo, lkn haddda tarjumaadda waxaa lagu sam,eeyay dastuurka qabyada ah, balse markii dib-u-eegista la dhameeyo way noo sahlanaanaysaa in aan u bedelno carabi qodobada dib loo eegay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir ku xigeenka dastuurka ahna sii hayaha wasiirka Dr. Xuseen Cabdi Celmi. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in tarjmaada ay sameeyeen khuburo Soomaaliyeed, wuxuuna cadeeyay in dib-u-eegista dastuurka ay marayso meel gabagabo ah islamarkaana dhowaan la bilaabi doono ololaha latashiga iyo wacyigalinta dadwaynaha ee Cutubyada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Dastuurka DF oo soo Ban-digtay Dastuurka oo ku Qoran Carabi appeared first on Puntland Post.
-
Roobabkii gu’ga ayaa galabta ka curtay, degaanno hoosyimaada gobolada Sool, Cayn iyo Nugaal oo dhammaantood ka tirsan dhulka dowladda Puntland. Gobolka Cayn: degaannada uu roobku maasheeyay(buuxiyay) waxaa kamid ah; magaalada Buuhoodle iyo tuulooyin hoosyimada oo ay ku jiraan Dhilaalo iyo Qurac-dhallaan halkaasoo ay dadka deggan soo sheegayaan in hogol mahiiggaan ah xareedda wartay. Gobolka Sool: Xoola-dhaqato ku sugan nawaaxiga tuulada Qoriley, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in roob teel-teel ah uu ka da’ay toolooyinka Qoriley iyo Kalabaydh, balse dhulka miyiga ah ee u dhexeeya meelaha qaar aysan roobsan. Gobolka Nugaal: Ilaa iyo hadda waxa la soo sheegay in roob aan sidaas u badneyni oo ka da’ay tuulada Jalam iyo dhulka miyiga ah ee u ogog leh(ku dhow), sida balliyada Gowracane iyo Sangurmo oo daruur yar ku hoortay. Wixii ka soo kordha roobabka kala soco Puntland Post The post Roobabkii gu’ga oo ka curtay degaanno ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusa- Mareeb (Caasimadda Online) – Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha ee Dowlada Federaalka ah ay ayaa maanta barqadii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Gal-Mudug, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen madaxda maamulka Gal-Mudug, odayaasha dhaqanka ,culimada iyo ururada haweenka ee Gal-Mudug. Safarka wasiir Sabriye oo ay ku wehlinayeen xubno wasaaradiisa ka tirsan ayaa ujeedkiisu yahay in la xaliyo tabashada madaxda Gal-Mudug, in la dhameeyo khilaafaadka jira iyo in go’aan la gaaro qabsoomida doorashada maamulka Gal-Mudug ee bartamaha sanadkaan. Wasiirka ayaa markii uu Dhuusamareeb tagay durba bilaabay kulamo, waxaana uu ka bilaabay golaha wasiirada ee maamulka Gal-Mudug, kuwaas oo uu ka dhageystay waxyaabaha ay ka tabanayaan Dowladda dhexe, arrimo la xiriira shaqada maamulka iyo arrimaha horyaala oo ay doorashadu ugu horeyso. Sabriye ayaa kadib kulan wadajir ah iyo mid gaar ah la qaatay madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf iyo madaxda xukuumada Sheekh Maxamed Shaakir kuwaas oo diirada lagu saaray sida loo xalin karo muranka Gal-Mudug iyo Dowlada dhexe, iyo sidii doorashada Gal-Mudug loogu qaban lahaa xiligeeda. Wasiirka ayaa lagu soo waramaya inuu kulankii ugu saacadaha dheeraa galabta la qaatay hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud, kaas oo loo arko nin awood badan kuleh maamulka deegaanka, sidoo kale caawa ayaa la filaya inuu Sabriye la kulmo Sheekh Al Ashcari oo isna ka mid ah hogaanka Ahlu Sunna. Sida aan xogta ku helnay, madaxda Gal-Mudug iyo dhamaan xubnihii uu la kulmay wasiirka arrimaha gudaha ayaa aqbalay in wax walba wada hadal lagu xaliyo, in loo tanaasulo danta Gal-Mudug iyo in la xoojiyo dooda doorashada. Sidoo kale wasiir Sabriye ayaa madaxda Gal-Mudug iyo xubnihii uu la kulmay la wadaagay in Dowlad Federaalka ah ay usoo jeesatay xalinta tabashada Gal-Mudug si maamulku u shaqeeyo. Waxaa la filaya in ugu dambeyn labada dhinac ay soo saaraan faahfaahin ku saabsan kulamadii ay yeesheen iyo wixii la isku afgartay. Booqashada wasiirka arrimaha gudaha ayaa la filaya iney labo cisho qaadato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland: Muddo Kordhis Cidna Dan Uma Aha Waxaa Hargaysa ku kulmiyey madaxda seddex xisbi ee dalka Somaliland. Madaxdaas oo uu ugu sarreeye, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxay ka wada xaajoodeen sababaha carqalad ku noqday qabitaanka doorashooyinka golayaasha barlaamanka iyo dawladdaha hoose. Wax natiijo ahi kama soo bixin shirkan, inkastoo la sheegayo in haddana markale la balamay Axadda soo socata, haddii Eebe raali ka noqdo. Si kastaba ha noqotee, muddo kordhis dambe cidna dan uma aha. Somaliland dan uma aha, axsaabteena dibedda dan uma aha, mustaqbalka dadka dan uma aha, habka dimuqraadiga ee Somaliland dan uma aha. Cid alaale cid ay dan u tahay ma jirto, oo aan ahayn cadowga Somaliland. Haddaba waxaa loo baahanyahay hoggaamin. Waa loo baahanyahay ragganimmo, adkaysi, ixtiraam, iyo isu dulqaadasho. Dalku waa dalkeenii, dadkuna waa dadkeena, waa in sidan loo dhaamo. Guddiga Doorashooyinka waxay leeyihiin wax nala shaqeeyo ma hayno. Waa hadal diciif ah. Haddii aad awoodi kari waydey in golayaashu, xukuumaddu, iyo xisbiyadubba kula shaqeeyaan, dee arrintu dhinac kaliya kama kharibna. Guddiga naftirkiisa ayaa khariban. Markaas oo kale, si sharaf leh, baa la isu casilaa. Ceeb ma aha. Guddiga kalsoonidii waa lagala noqday, wax la shaqeeyo ma hayaan, maxay kolba meel isugu qaadayaan. Sharafta iyo karaamadda ha ku seegina meesha, iska socda. Golaha Guurtiddu ma aha golahii aynu naqaanay. Raggii ragga ahaa berri hore ayey xaggii loo badnaa tegeen, Alla Ha U Naxariisto, dhamaantood. Saleeban Maxamuud Aadan, “Saleeban Gaal”, oo halaag ah, oo weligii halaag ahaa, oo aan lagu aqoon talo wanaag, talo wadaag, ayaa maanta meesha fadhiya iyo dad aynaan garanayn waxay meesha ka qabtaan. Waa arrin u baahan in si wanaagsan looga shaqeeyo. Golaha Barlamaanka, warkiisa iska daa. Sagaal sannadood ka hor buu dhamaaday wakhtigiisii, welina way soo yururaan. Xisbiyadda ay ka tirsan yihiin lama yaqaan. Kuwee Kulmiye ah?, yaa UCID ah?, yaa UDUB ahaa?, yaa Waddani ah?, yaa soo xaadira?, yaa soo shaqo taga? Maxay qabtaan? Meeyey sharcigii doorashooyinku? yaa iskaga maqan?, yaa iska yimaada oo meesha iska soo fadhiista? Waxaad modaa, in meesha loo sheeko tago oo mashuhar lagu qaato! Somaliland sidan way dhaantaa, wayna dhaami jirtay. Waan odhan lahaa, aynu iska deyno fartan la isku fiiqayo. Cidna dan uma aha. Arrimahani waxay u baahanyaan fikrado cusub, aragti cusub, karti cusub, talo cusub, dad cusub. Intii la soo wadi karay la soo wad, maanta waxaa loo baahanyahay tamar cusub oo wakhtigan la joogo, la jaan qaadi karta. Somaliland wuxuu Eebbe ku barakeeyey ummad karti, xirfad iyo dadaal leh. Maanta intooda badani dibedda ayey ka fadhiyaan arrimahan, oo waxaa meeshii ka buuxa asxaab wakhtigoodi socday, tallodooduna noqotay baarixi. Haddii aad garanweyday inaad iska sii socotid, dee, waa lagu garansiin. 1. Muddo kordhis dambe yeelli mayno. 2. Guddigan doorashooyinku ha iska socdo. 3. Golayaal Guurti iyo Barlamaan oo cusub oo falanqeeya dastuurka waa in la keeno. 4. Xisbiggii diida in ay doorashooyinka ka qayb qaataan, dibedda ha iska joogaan, Somaliland cidna geed looguma xidhayo. 5. Wixii tamarteena ah in aynu isticmaali sidii doorashooyinka loo qaban lahaa. Dadku waa diyaar. 6. Intaa haddii la waayo, wixii ka dambeeya, cidna dan uma aha. Wa Bilaahi Towfiiq Axmed Kheyre Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Kulan lagu soo bandhigayay islamarkaana lagu faafinayay nuqulka carabiga ee dastuurka ku meel gaarka ah ee soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda dastuurka ee magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka soo qayb galay safiiirka Jaamacadda carabta ee soomaaliya Xamuud bin Samraan, Siihayaha wasiirka Dastuurka ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Celmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr , Shaqaalahaiyo La-taliyeyaasha wasaaradda iyo marti sharaf kale. Safiirka Jaamcadda Carabta ee Soomaaliya Xaamud Bin- Samraan oo kulanka kalmad ka jeediyay ayaa ugu horrayn usoo gudbiyey wasaaradda salaan uu ka siday xoghayaha jaamacadda carabta Ahmed Abu- Gayd, kadib waxa uu sharraxaad guud ka bixiyay muhiimadda dastuurku uleeyahay bulshada iyo sida ay muhiim u tahay in luuqadda carabiga loo tarjumo dastuurka KMG ee soomaaliya, isagoo xusay in carabigu yahay luuqad ay ku hadlaan wadamo badan oo carab ah, Soomaaliyana ay ka mid tahay wadamada Jaamacadda Carabta, Safiirka ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay mar walba garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed. Dhanka kale, siihayaha wasiirka dastuurka ahna wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Celmi oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horrayn uga mahad celiyay Jaamacadda Carabta garab istaagga iyo taagerada ay ku bixiyeen in dastuuka loo tarjumo luuqadda carabiga, maadaama dastuurka qodobkiisa shanaad uu sheegayo in luuqadda labaad ay tahay luuqadda carabiga. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in luuqadda carabiga loo tarjumo dastuurka ay tahay mid muhiim ah maadaama soomaaliya ay ka mid tahay jaamacadda carabta islamarkaana ummadda soomaaliyeed ay tahay 100% dad muslim ah, sidoo kale waxa uu xusay in ay jiraan wadamo badan oo carab ah iyo dad soomaaliyeed oo ku hadla afka carabiga ay muhiimad siinayso si ay u fahmaan dastuurka. “Waa markii ugu horraysay ee dastuurka Soomaaliyeed loo tarjumo luuqadda carabiga , laga soo bilaabo dastuurkii lixdankii” ayuu yiri Wasiir Xuseen Celmi. “Marka dib-u-eegista dhammaato ayaan la bedelaynaa wixii wax ka bedel lagu sameeyo, laakiin haddda tarjumaadda waxaa lagu sameeyay dastuurka qabyada ah, balse markii dib-u-eegista la dhameeyo way noo sahlanaanaysaa in aan u bedelno carabi qodobada dib loo eegay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir ku xigeenka dastuurka ahna sii hayaha wasiirka Dr, Xuseen Cabdi Celmi. Gabagabadii, Wasiirka ayaa sheegay in tarjmaada ay sameeyeen khuburo Soomaaliyeed, wuxuuna cadeeyay in dib-u-eegista dastuurka ay marayso meel gabagabo ah islamarkaana dhowaan la bilaabi doono ololaha latashiga iyo wacyigalinta dadwaynaha ee Cutubyada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-26032019.mp3 View the full article
-
(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka codsaday madaxweynaha Faransiiska oo dhawaan booqasho ku yimid gobalka Geeska Afrika inuu Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed u soo jeediyo inuu dhexdhexaadiyo Djibouti iyo Ereteriya oo uu khilaaf xuduudeed u dhexeeyo. Barta wararka ee Eritrean press, ayaa shalay baahisay xog ay soo xigatay oo ah in Madaxweyne Geele uu Madaxweyne Emmanuel Macron uu weydiistay inuu galo hawshaas dhexdhexaadinta Ereteriya iyo Djibouti, islamarkaana ciidamada badda ee uu Faransiisku ka caawinayo dhismahooda Itoobiya; saldhig looga dhigo Djibouti, oo aan Ereteriya laga dhigin, “Djibouti ayaa weydiisatay Madaxweynaha Faransiiska inuu Rayslwasaaraha Itoobiya u bandhigo inuu dhexdhexaadiyo Djibouti iyo Ereteriya.” Ayay tidhi warbixintu,waxaanay intaas raaciyay, “Iyo in ciidanka badda ee Itoobiya ee mustaqbalka ee uu Faransiisku ka cawinayo horumarkiisa saldhig looga dhigo Djibouti, oo aan laga dhigin saldhiga Ereteriya.” Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa dhawaan dalka Djibouti ku yeeshay kulan, sidoo kalena Madaxweynaha Faransiiska ayaa kulan kale la yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya iyagoo kala saxeexday heshiisyo uu ka mid yahay in Faransiisku ka caawiyo Itoobiya dhismaha iyo horumarinta ciidanka badda Itoobiya, iyadoo aanay Itoobiya lahayn wax bad ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeed ay kaga hadleyso tallaabada uu Donald Trump dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday inay leedahay Israa’iil . War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda oo ku qornaa Afka Carabiga ayaa lagu sheegay inay dowladda Soomaaliya ku taagan tahay go’aankeedii ahaa in dhulka Golan Heights uu yahay mid ay leedahay Siiriya isla markaasna ay Israa’iil ku qaadatay si aan sharci aheyn. Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkesatay inay lagama- maarmaan tahay in loo hoggaansamo go’aankii Golaha Amaanka ee Nambarkiisu ahaa 242 kaasoo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 ee soo baxay Sanadkii 1981 laguna diiday inuu dhulkaas noqdo dhul ay Israa’iil leedahay. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay u aqoonsan doonto go’aan kasta oo Israa’iil lagu siinayo dhulkaas inuu yahay mid Sharci darro ah iyadoo loo hoggaansamayo heshiiskii Qaramada Midoobay. Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aanka dhulkaas loogu aqoonsanayo mid ay Israa’iil leedahay uu keeni doono xasilooni darro ka dhalatao Bariga Dhexe iyo dhammaan Gobolka. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii Beesha Caalamka ugu baaqday in loo midoobo sidii loo ilaalin lahaa go’aanadii sharciga ahaa ee diidayo in si xoog ah lagu qabsado dhul ay dowlad leedahay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda oo Af Soomaali ah War saxaafadeed (faafin degdeg ah) Muqdisho, Soomaaliya 26 Maarso , 2019 Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida. Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda oo Af Carabi ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Taliyihii ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia oo lagu magacaabo, C/fataax Daba-gaalle ayaa goor-dhawr lagu dhaawacay illinka hor ee xarunta madaxtooyada Somalia, iyadoo dhaawiciisa loola cararay mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho. Askari ka tirsan ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaa la sheegay inuu ku faray rasaas taliyaha, kaddib markii uu dhex-maray muran ku saabsan lacag, taasoo keentay in taliyaha uu dhaawac soo gaaro. Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga dhaawaca geystay uu goobta isaga baxsaday kaddib markii uu ogaaday inuu taliyihiisa dhaawacay, iyadoo aysan jirin wax war ah oo weli kasoo baxay madaxtooyada Somalia. Falkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca Villa Somalia tan iyo markii madaxweyne loo doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo tani ay kusoo beegmayso iyadoo dhawaanahan uu jiray muran mushaar oo u dhexeeya ciidamada DF iyo Xukuumadda. Sidoo kale, Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga iyo taliyuhu uu muran dhex-maray ka hor inta uusan falku dhicin, iyadoo askarigu uu taliyihiisa ku eedeeyay inuu musuqmaasuqay uuna lunsaday lacago uu isagu lahaa. Dhanka kale, Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay Qarax uu ku dhintay wiil dhallinyaro ah uuna ku dhaawacmay aabihiis, sidoo kalena ay dhawr qof ku dhaaacmeen. Gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa ahaa gaari si gaar ah loo leeyahay, wuxuuna ku qarxay agagaarka isgoyska KM-4, waxaana qaraxan uu saamayn xoog leh ku yeeshay gaadiid kale oo goobta ku sugnaa, kuwaasoo iyaguna goobta ku gubtay. Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku soo badanayay Qaraxyada gaadiidka lagu xiro iyo kuwa tooska ah, iyadoo DF ay wax ka qaban la’dahay falalka ammaan-darro ee caasimadda kusoo badanaya. PUNTLAND POST The post Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada oo la dhaawacay iyo Qarax ka dhacay Xamar appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo eedda sababta looga adkaan waayay Alshabaab dusha u saaray ciidanka, sidoo kalena ay u muuqato in uu ra’isal wasaaraha dhalliilsan yahay. waxa uu tilmaamay in madaxweyne Farmaajo oo hore guul darrooyinkiisa dhinacyo badan ugu eedeeyay. Qoraal uu arrintan kaga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u dhigan sidan:- Markii aan dhageystay khudbadii uu madaxweynuhu ciidanka kula hadlay; waxaan soo xusuustay wadaad mu’addin Masjid ahaa oo salaaddii subax ka soo daahay, ayaa dadkii oo salaaddii soo tukaday ka horyimideen. Waxay ku yiraahdeen Sheekhow saakay huradadii waa kula tagtay. Wadaadkii oo hadalkaa ka dhiidhinaya ayaa yiri “hurdo ilama aysan tegin ee waaga ayaa xilligiisii ka hor baryey. Wadaadku si uu masuuliyada kaga cararo wuxuu eedda dusha ka saaray koonka iyo dabeecadda Ilaaheey abuuray ee aan marna is beddalin. Madaxweynaha cid uusan horay u eedaynin malaha, mucaarad, dowlad gobolleed, warbaahin, dowlado ajnabi ah. Maantana ciidankii ayuu eeday. Waxaan iyana meesha ka marneyn eed dadban, maadama uu guulihii uu keenay xilligii uu Raysalwasaaraha ahaa ka sheekeeyey, sida in uu leeyahay, haddii aan Raysalwasaare ahaan lahaa wax badan ayaan qaban lahaa. Madaxweynaha waxa u harsan oo keli ah in uu koonka iyo dabeecadda eedeyo, sida wadaadkii mu’addinka ahaa oo kale. Hoggaamiyayaashu waa labo. Kuwo jecel in ay guusha ammaanteeda qaataan, wixii guul daro ahna dadka kale dusha ka saaraan iyo kuwo wanaaggana cidii keensata u tiiriya, fashilka iyo guuldaradana masuuliyadeeda qaata. Sababtoo ah hoggaamiye dal waxay qiimayntiisa dhabta ah imaanaysaa marka uu xilka ka dego. Ma jirto cid xusuusanaysa dadkii maamulkiisa ka tirsanaa, wanaag iyo xumaan, guul iyo guuldarro, wixii maamulkiisu keenay isaga ayaa leh. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay la hadlayay saraakiisha ciidamada xoogga ayaa shaaciyay in muddo 22 bilood ah oo u dhiganta sanad iyo 10 bil ay DFS si toos ah u bixinaysay mushaaraadka ciidamada. Farmaajo ayaa qiray in ciidamada aysan qaadan mushaaraadkooda muddo seddex bilood ah, isagoo intaas ku daray in meelo kale lagu mashquulay, laakiise labada sano ee u haray Dowladdiisa in xoogga la saari doono sidii ciidamada xaqooda loo siin lahaa mushaaraadkooda iyo saadadka ay u baahan yihiin. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa ku sheegay in cadowga dibadda ay doonayaan in Somalia ay sidaan kusii jirto, isla markaana ay taas ugu wacan tahay goobta muhiim ah ee dalkeennu ku yaallo. “Runtii Somalia waxaa haysta cadaw fara badan oo kala ah kuwo dibadeed iyo kuwo gudaha ku sugan, midka dibadda wuxuu doonayaa in Somalia ay sidan ku jirto weligeed,” ayuu yiri Farmaajo. Isgaoo sii hadlaya ayuu intaas raaciyay. “Adduunka oo dhan waxaa alla wixii kaa awood badan waxay rabaan inay ku maamulaan, wayna ku dagaalsan yihiin sidii ay noo maamuli lahaayeen, waxay haystaan dad walaalaheen ah oo shaqada u qabanayo.” Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in ujeedada ka dambeysa ay qayb ka tahay in damiirkii Soomaalinimo aad meel iska dhigto oo wax walba aad haa tiraahdo, sidoo kalena la iska gurto kheyraadka ku jira dalka. Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa saraakiisha ciidamada ka dalbaday inay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab, isagoo u ballan-qaaday in joogto loo siin doono xuquuqdooda. DHAGEYSO: Khudbadda uu Madaxweynaha Somalia kaga hadlay Arrimahan; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/03/DHAGEYSO_MD_Farmaajo_Ciidamada_Mushaarkooda.mp3 PUNTLAND POST The post Madaxweyne Famaajo oo qiray in dhawr bilood aysan Ciidanku qaadan Mushaar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Beesha Caalamka ayaa qoraal ay maanta soo saartay shaaca uga qaadday inay si buuxda u taageereyso is-beddelada amni ee ay wado dowladda federaalka Somalia. Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hindisaha uu Ra’iisul Wasaare Kheyre u soo bandhigay saaxiibbada ee is-beddelada dhinaca amniga iyo Qorshaha Dowladda Somalia ee ah inay sii waddo hormarinta Ammaanka dalka. “Waxaa soo dhaweynaynaa go’aanka Dowladda Federaalka ah Somalia ay ku fulineyso is-beddelada lagama maarmaanka ah ee Ammaanka, Dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xariiqeynaa taageeradeena shaqadan,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Sidoo kale, Beesha caalamka ayaa sheegtay in RW Kheyre ay mar kale kula kulmi doonaan magaalada Washington ee wadanka Mareykanka, halkaasoo bisha Abriil ee sannadkan lagu qabanayo kulanka Somalia ee hay’adaha IMF iyo Bankiga Adduunka. “Waxaan sugaynaa go’aannada muhiimka ah ee ku saabsan sii wadidda taageerada AMISOM oo mas’uuliyadda Ammaanka Somalia ku wareejineysa ciidamada Qalabka sida,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka. Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay dalalka daneeya Somalia inay taageeraan oo ay kala shaqeeyaan DF sidii ay ugu guuleysan lahaayeen is-beddellada ay wadaan ayada oo loo marayo wada-hadallo loo dhan yahay. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo sheegtay inay soo dhaweyneyso isbedellada ay waddo DF appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – War murtiyeed kasoo baxay Qaramada Midoobay Midowga Africa, Dowladda Ingiriiska, Midowga Yurub, iyo Mareykanka ayey si wadajir ah ugu soo dhaweeyeen qorshaha ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu dib u habeynta ugu sameynayo ciidanka xooga dalka, si looga dhabeeyo qorshaha dowladda ee horumarka amaanka. Sidoo kale, saaxiibada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dhiiro-galinayaan sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay horumar laga gaaro dhanka amaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxayna balan qaadeen in ay kordhin doonaan taageerada kala duwan ay siiyaan Soomaaliya. War murtiyeedka ayey ku sheegeen sidoo kale xaaladda Soomaaliya ay kala hadli doonaan ha’yadda lacagta aduunka ee IMF iyo bangiga aduunka shir qabsoomi doona bisha April ee soo aadan,si Soomaaliya looga cafiyo qeyb kamid ah deymaha lagu leeyahay. “Waxaan rajeeneynaa in go’aano dhaxal gal ah aan ka gaarno sida aan u kordhin laheyn taageerada howgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya, iyagoo guud ahaan amaanka dalka dhawaan ku wareeji doona ciidanka dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka ka soo baxa dhinacyadan taageera Soomaaliya. Ugu danbeyn, war murtiyeedka ayaa lagu xusay in dhamaan taageeradaasi ay umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka u horseedi doonto xasilooni iyo barwaaqo, waxayna deeq bixiyayaasha caalamka ugu baaqeen in ay garab istaagaan dedaadalada ay wado dowladda Soomaaliya, si looga dhabeeyo qorshayaasha horumarinta qaranka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay oo isniin aheyd kormeer ku tagay dugsiga Janaraal Goordon iyo taliska guud ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyey isaga fogeeyey guul-darrada fulinta ballan-qaadkiisa ahaa inuu laba sano dalka uga xoreynayo Al-Shabaab. Farmaajo oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Waan xusuustaa, qaarkiinna waxaa laga yaabaa in aad xusuusataan, waxa aan ku wada hadalnay, oo waxaad ii sheegteen dhibaatooyinka iyo duruufaha jira, duruufahaas haddii la xalinaya muddo 2 sano ah in dalka Shababaab looga xureynayo, anna waxbaad i farteen in aan ka soo baxo, anna wax ayaan idiin faray, meeshaas waxaan ku kala qaadannay ballamo”. Madaxweynaha ayaa sii faah-faahiyey waxa ay ku wada hadleen “Waxaa tiraahdeen ciidankan waa duruufeysan yahay muddo dheer mushaar ma qaadan, dhibaatooyin badan buu qabaa, maxaa ku iraahdaa rasaas la’aan iyo hub la’aan ayaa jirta haddii intaas la xaliyo, oo duruufaheenna, waajibaadkeenna waa gudaneynaa.” Isaga oo intaas raaciyey “Halkan waxaan idiin kugu imid in aan is wareysanno, oo is xog wareysanno’, annaga wixii aad noo dirteen oo ahaa duruufihiinna in aan meel saarno oo ay kow ka aheyd mushaaraadka, raashiinka oo taxane ah, oo aanan aheyn sida aan taqaaneen wax talan-taalli ah ama bil dhaaf aanan aheyn, oo aad noqotaan saraakiil suga ama ciidan suga mushaarkooda, xuquuqdooda, waqtigii loogu talo-galayna ay qaataan, waajibaadkaas ayaad na saarteen, oo waxaa tiraahdeen, innagana waan ka soo baxeynaa in aan cadawga ummada Soomaaliyeed ka dulqaadno, intaas ma xusuusataan? (Ciidamada “Haaa”), Farmaajo waxaa uu soo qaatay sheeko dhex martay isaga iyo saraakiisha 2011-kii “Weliba saraakiishii markaas joogtay waxaan u sheegay, waxaan la wadaagay khibradeyda 7 sano ka hor markii aan ra’isul wasaare noqday, oo Shabaabka madaxtooyada hoosteeda iyo baar bulsho ay joogeen in duruufahaan aad sheegteen oo ay qabeen, oo markaas taliyeyaashii aan u yeeray iyo AMISOM, oo weliba ay sheegeen, in aad sheegteen oo ah in haddii duruufahaas la xalliyo in muddo 3 bilood ah ay Xamar kaga saaraayaan Al-Shabaab, ilaahayey waa noo fududeeyeen waxaan xaqiijiyey bil walbo iyada oo aan horay loo arag in ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha xuquuqdooda helaan bil walba, waqtogooda ay helaan iyo raashinkooda iyagana waajibaadkooda waa guteen, waana ka adkaadeen Shabaab, magaalada Muqdishana waa ka xureeyeen”. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hadda, markii aan balanta kala qaadaneynay waxaan idiinku iri, labo sano armey idiinki yar tahay? Waxaa igu tiraahdeen dareeska qaado iclaami dagaal, 2 sano dalka waan ku xureyneynaa, haddii aad ka soo baxdo waajibaadkaada, maanta waxaan halkan la taaganahay marka, labadii sano marka laga reebo 3dii bilood oo howlo kale ay bilowdeen si joogta ah ma heleyseen raashinkiinna iyo mushaaraadkiina? Ciidanka: Haa.”. Isaga oo su’aalo weydiinaya waxaa uu yiri “Ciidamada qalabka sida oo aad taliyeyaasha u tihiin bil walba ma u helayeen? Ciidanka: Haa. “Haddee ogaada, wax horay loo arkey ma aheyn, waana waxa aad iga fileyseen aniga..laakin waxaan ku guuleysannay balantii dhankeenna in aan fulinno, aan idiin weydiiyo marka; Labadii sano adinka Shabaab maka xureyseen dalka?! Ciidanka: Aamusnaan! Farmaajo: Maka Xureyseen?! Ciidanka: Maya. Farmaajo: Marka ma la oran karaa taliyeyaashii waagaas joogay(2011-kii ula jeedaa” ayaa idiinka balan fiicnaa, oo wagaas Xamar ka xureeyey, oo igu yiri, 3 bil ayaan ku xureyneynaa, ma idiinka balan fiicnaayeen? Ciidanka: Haa. Hoos ka daawo madaxweynaha oo hadlaya Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
A car explosion has happened in Mogadishu today. The vehicles detonated around KM-4 junction in Makkah Al-Mukaramah road. One person was reported dead in the car that detonated at KM-4 junction. A vehicle that was behind the car too caught fire as a result of the explosion. The police found their way into the scene moments later. They blocked try road at that moment and later opened. A man was killed a week ago at the same junction a week ago. The man was killed by the explosion as he was driving across the junction. View the full article
-
Popular Contributors