Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,729
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ankara (SMN) – Dowladda turkiga ayaa si xoogan u cambaareysay weeraradii qaraxyadaa ahaa ee shalay ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay khasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in ay si weyn ugu xun yihiin weerarada qaraxyada loo adeegsaday ee lagu qaaday dhismaha wasaaradda shaqada iyo tan howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya. “Waxaan ka tacsiyeyneynaa dadkii shalay lagu dilay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana eebbe ugu baryeynaa in naxariistii Jano uu ka waraabiyo intii ku dhimatay weerarkaasi”waxaa sidaa yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa sheegtay in mar walba ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo xustay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya Dhinaca kale dalka Qatar ayaa cambaareeyay weerarkii qaraxyadaa ah ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan toban ruux, tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Wasaarada arrimaha dibadda ee Qatar ayaa weerarkaasi ku tilmaantay mid arxan darro ah, islamarkaan lagu waxyeelaynayo ammaanka Soomaaliya. Qaraxyadii shalay ka dhacayM/ Muqdish ayaa waxaa masuuliyaddiisa Al Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya. View the full article
  2. Magaalada Hargaisa ee xarunta maamulka Somaaliland waxaa lagu xiray Wasiirkii Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo iyo Agaasimihii Wasaarada, kadib markii guddiga hanti dhowrka mamaulkaasi uu ku [...] Source
  3. Muqdisho (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa maanta M/ Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay Marxuum Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya. Waxaa aaska ka qeyb galay wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, saraakiil ciidan, ehellada Marxuumka iyo dad shacab ah. Marxuumka ayaa waxaa lagu aasay Qabuuro ku yaalla isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Wasiirada cadaalada, Gaashaandhigga, iyo Boostada oo la hadlay Shabelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid wasiirkaasi. Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid ahaa dadkii shalay ku dhintay weerarkii xooganaa ee lagu qaadayadhismo way wada daganaayen wasaarada shaqada iyo arrimaha iyo tan howlaha guud oo ku yaalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-24032019.mp3 View the full article
  5. Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi ayaa sheegay in Caalamka intiisa badan ay garwaaqsadeyn in la joogo waqtigii loo kala bixi lahaa Soomaaliya iyo Somaliland. Biixi ayaa hadalkaan Maanta ka sheegay khudbadiisa sanadlaha ah ee uu ka hor jeediyey Kulankii Wakiilada Maamulkaas uu ku yeeshay Magaalada Hargeysa. Biixi ayaa khudbadiisa kaga hadlay arrimaha Siyaasada, horumarada iyo waxyaabaha u qabsoomay, wuxuuna aad ugu dheeraaday wada hadaladad u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Maamulkiisa. Muuse ayaa sheegay inay dhawr jeer lasoo xiriireen Dowladaha Switzerland iyo Swedan si ay uga wada hadlaan khilaafka waqtiga badan soo qaatay ee u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Soomaaliland, wuxuuna sheegay inay arrintaas aqbaleyn. “Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu qaadanay siyaasadda ah in mushkiladda loo galo si nabad ah oo lagu dhammeeyo wada- hadal iyo nabad-gelyo. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh, maadaama Somaliland ay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha” ayuu yiri Muuse Biixi oo u muuqday inuu doonayo qancinta Golaha Wakiilada oo dhagta u taagayey wada hadalada labada dhinac ” Siyaasaddaasi nabadeed ee aynu qaadanay waxay keentay in wufuud caalami ah oo badani innoo yimaadaan oo arrintaa ku hawlani. Sidoo kale, aynu martiqaadyo ka helnay dawladaha aynu saaxiibka nahay” ayuu sii raaciyey. Hadalka Muuse Biixi uu Maanta ka hor jeediyey Golaha Wakiilada ayaa kusoo aadayo xilli uu Muuse Biixi dhawaan sheegay inay labada dhinac wada hadal yeelan doonaan si arrimaha taagan looga heshiiyo, balse wuxuu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inaysan diyaar u aheyn in miiska wadahadalka la fadhiisto. Si kastaba waxaa dhowr mar uu fashil ku yimid wadahadalo la doonayay in ay dhex maraan Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland, hayeeshee dhawaan la rajeynayo inay wadahadaladaas qabsoomaan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u ballan qaaday inay dowladiisa la fadhiisan doonto Maamulka Somaliland isla markaasna wax kasta lagu dhameyn doono wadahadal iyadoo aan marnaba laga gudbeyn midnimada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal u jeediyay labada Gole ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland iyo xiisada gobolka Sanaag. Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda Turkiga oo garwadeen ka ah wada hadalada dowladda federaalka iyo Somaliland ay kula taliyeen in wada-hadalku noqdo mid ay goob-joog ka noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee wada-hadalka u diyaarka ah. “Dawladda Turkiga ayaanu in badan wada hadalnay, iyada oo doonaysa in ay kalideed inna dhex-dhexaadiso innaga iyo Soomaaliya, hase yeeshee, annaga oo dareensan 7 sanno oo Turkigu arrintaa ku jiray in aanay wax midho ah dhallin, waxaannu ku talinnay in arrinta wada-hadalku ay noqoto mid ay goob-joog ka wada noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee arrinta wada-hadalka u diyaarka ah” ayuu yiri Muuse Biixi. Sidoo kale Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ay la soo xiriireen dawladaha Sweden iyo Switzerland, kuwaas oo mid walba dalbatay in ay marti-galiyaan wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliand, ayna ka aqbaleen. “Waxa si toos ah noola soo xiriiiray dawladaha Sweden iyo Switzerland oo mid walba gaarkeeda diyaar ugu tahay in arrinta wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay marti-geliso. Somaliland way aqbashay labadaa marti-qaadba” ayuu mar kale yiri Muuse Biixi. Dhanka kale Muuse Biixi ayaa ka hadlay xiisada dhawaan ka soo cusboonaatay gobolka Sanaag ee u dhaxeysa Puntland iyo maamulkiisa , wuxuuna ku baaqay in laga fogaado wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida wax u dhimaya. “Soomaaliya waxaynu xad ka leenahay Puntland, waxaanu u haynaa walaalnimo, iskaashi iyo nabad-gelyo, waxaase maalmahan dambe soo kordhaya ciidamo maamulkaasi ah oo ka soo gudbaya xadka inoo dhexeeya, falal nabad-gelyo darro ahna ka sameynaya gudaha Somaliland. Soomaaliya waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka wax yeelaya. Waxaannu ka digaynaa haddii waanadayada la weelayn waayo, in Somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabadda iyo hantida muwaadiniinta Somaliland” ayuu yiri Muuse Biixi. Puntland ayaa horey u sheegtay in Somaliland ay duullaan ku soo qaaday deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ee Puntland si ay u curyaamiso dagaalka ay Puntland argagixisada kaga sifeynayso buuraleyda gobolada Bari iyo Sanaag, waxayna intaas ku dartay in marwalba ay dulqaad muujinayso iyadoo xeerinaysa xasiloonida gobolka iyo deris wanaaga kana hortegaysa daadinta dhiiga dadka walaalaha, balse mar dambe aysan u dulqaadan doonin daan-daansiga iyo weerarrada joogtada ah ee kaga imaanaya dhinaca Sonaliland. Sidoo kale Puntland ayaa dhawaan dalbatay in lag qeyb galiyo wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliand oo la rajeynayo in uu dhawaan bilaamo. Puntland iyo Somaliland oo ah labo maamul oo deris ah ayaa ku muransan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo mid walba dastuurka ugu qoran, waxaana marar badan dhexmaray dagaalo dhiig ku daatay. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo ka hadlay xiisada Sanaag iyo wada hadalka federaalka iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
  7. Xaawo Cabdullaahi Ciise oo ku nool magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, ayaa cabasho ka muujisay habka ay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal u xukmisay, muran la xiriira lahaansha-dhul oo u dhexeeya haweeneydan iyo dad kale. Xaawo oo maanta warbaahinta kula hadashay Garoowe, ayaa sheegtay in ay dacwad geysatay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, kadib markii dad kale ku habsadeen hanti-dhul oo ay leedahay,balse maxkamaddu ay hantidaas u xukuntay dhankii kale iyadana xabsi la dhigay. Haweeneydan oo lug naafa ka ah, ayaa sheegtay in ay caddaalad-darro ku samaysay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal,waxaana ay codsi u dirtay mas’uuliyiinta Puntland ee madaxweynuhu u horreeyo in ay kiiskan wax kala qabtaan. halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post US’ ama SAXIIX: Haweeney ka cabanaysa maxkamadda darajada koowaad ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
  8. The Somali government has vowed to step up efforts against terrorism and urged the international community to support Mogadishu in its stabilization efforts. Prime Minister Hassan Ali Khaire convened an emergency meeting on Saturday evening with envoys from the African Union, Britain, the European Union and the United States after 11 people were killed and 15 others injured in a terrorist attack, the ministry of information said in a statement on Sunday. “The Somali government leader’s first priority is to ensure the safety and security in Somalia,” the statement said. It said the meeting revised military support and strategies in countering terrorism and threats posed by al-Shabab. The meeting also discussed strategies of recapturing al-Shabab strongholds. During the meeting, the statement said, Khaire promised to wipe out the terrorist groups. The foreign envoys supported the security strategy and the efforts aimed at eliminating al-Shabab terrorists, the statement said. Al-Qaida allied al-Shabab, which is fighting to topple the internationally-backed government, has claimed responsibility for recent attacks. The group stages frequent attacks on Somali troops and African Union peacekeeping forces, and on hotels and other public places. View the full article
  9. Jubaland state president, Ahmed Mohamed has appointed a new regional Electoral and Boundary Commission. A statement from the regional leader’s office on Saturday has named of the seven-member committee assigned to prepare presidential elections for the state. “In accordance with Jubaland regional state of Somalia charter and (after) consultation with deputy regional leader, I have appointed a new electoral commission to commence their task,” the letter from Ahmed Madobe reads in part. The committee is comprising of six male and sole female member. Their immediate task will be managing the upcoming regional leadership polls slated for August this year. The election campaigns have already kicked off as several potential candidates started trooping Kismayo town. Several including senior officials from the federal government and some members of parliament from the region have shown their interest in the seat. View the full article
  10. Balcad (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ballantii uga baxday Ciidamadii gadoodka sameeyey ee ku sugan Magaalada Balcad ee hoos tagto Maamulka Hirshabelle. Ciidamadaan oo aad u badan isla markaasna ku hubeysan noocyada kala duwan ee Hubka ayaa dhawaan isaga soo baxay Fariisimihii ay ku lahaayeen qeybo badan oo kamid ah Shabeelada Dhexe. Qaar ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Xoogga Soomaaliya ee gadood ahaan u joogo Degmada Balcad ayaa sheegay inay Dowladda uga baxday ballan qaadkii aheyd inay heli doonaan mushaarkii ka maqnaa mudada afarta bil. Ballanta ay dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay ciidamadaan ayaa aheyd inay Mushaarkoodda heli doonaan gelinkii dambe ee Sabtidii Shalay aheyd. Sarkaal la hadlay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shalay ay ku Ekeyd waqtigii ay ku heshiiyeen in DF-ka Soomaaliya ay bixiso mushaarka ciidamada ilaa hadana aysan ka helin wax jawaab ah iyo Xuquuqda ciidamada midna. Sarkaalka la hadlay Idaacdada Kulmiye ayaa sheegay in wasiiradii ugu yimid Balcad ee kala ahaa Warfaafinta iyo amniga sidoo kalane wakiil ka ahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku heshiiyeen in shalay oo Sabti gelinka dambe ay bixiso Dowladda mushaarka ciidamada iyo Xuquuqda kale. Ciidamadaan ayaa ku dhawaaqay hadda inay soo geli doonaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si ay u helaan xuquuqdii ay Dowladda ku lahaayeen. Sarkaalkaan ayaa ku hanjabay inay Muqdisho soo geli doonaan isla markaasna ay arki doonaan madaxda dowladda ugu sareeyo inay Mukeef kusii raaxeystaan. Sidoo kale waxay sheegayn in Ciidankaan la diiwaan geliyay 4 bil ka hor ilaa hadana ay ka maqantahay Xuquuqdooda. Saraakiisha hoggaaminayo ciidamaan ayaa Dowladda ugu baaqay inay ballanta ilaaliso isla markaasna ay xuquuqda siiso maadaama ay sheegeyn inaysan aqbali karin in xuquuqdooda la iska heysto. Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga uu Sarkaalkaan bixiyey https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Mid-kamid-ah-Saraakiisha-hogaaminaysa-Ciidamada-Gadoodka-ah-ee-Balcad-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Turkey on Saturday condemned the terror attacks in the Somalian capital Mogadishu that killed at least 10 people. Eleven others were wounded in the attacks targeting two ministry buildings earlier in the day. The Turkish Foreign Ministry said in a statement: “We strongly condemn the terrorist attacks perpetrated against the Ministry of Labor and Social Affairs and the Ministry of Public Works in Mogadishu.” “We wish Allah’s mercy upon those who lost their lives, a speedy recovery to the wounded and convey our condolences to the friendly and brotherly Government and people of Somalia,” the statement read. Somali-based al-Qaeda affiliated terrorist group al-Shabaab claimed responsibility for the attacks. View the full article
  12. At least five Kenya Defence Forces (KDF) soldiers have reportedly been killed by Al Shabaab. The soldiers were ambushed by the Islamic militant group en route the border town of Elwak on Friday. According to sources, the slain soldiers had just left their military base in Gedo region before they were accosted by the terrorist group in surprise. KDF soldiers that had withdrawn from the Busar military base in Gedo region of Somalia have been attacked by Alshabaab as they made their way to the Kenya border, El Wak. At least 5 soldiers reported dead. KDF has in the last two weeks withdrawn from two major military bases. The attack comes at a time that a storm is brewing between Kenya and Somalia over a maritime dispute. The Al Shabaab Islamist terrorist group has been executing a series of attacks in Kenya, calling for the withdrawal of Kenyan troops from the war-torn state. The most recent attack in the Kenyan soil is the DusitD2 in Nairobi, where at least 26 people perished. View the full article
  13. Mudanayaal, Maanta oo ay Xukuumaddu xilka haysay sannad, saddex bilood iyo maalmo, waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago xaaladda guud ee dalka, wixii innoo qabsoomay, iyada oo halbeegeenu yahay qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP II) iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay tartanka doorashada. Waxa kale oo aynu isla eegi doonaa hawlaha inna horyaalla ee mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba ah. Waxaynu ku nool-nahay adduun isbedelka, horumarka iyo aqoontu dheeraynayaan. Isbedelkaasi wuxuu saameyn togan iyo tu tabanba ku leeyahay nolosheena. Wuxuu saameynayaa habka aadmigu u fikiro iyo habka loo adeegsado aqoonta casriga ah. Wuxuu xoojinayaa oo kobcinayaa dhaqaalaha, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah. Isbedelkani wuxuu leeyahay dhinacyo taban, waxaana ka mid, wuxuu abuuraa bulsho ku kala fogaata dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo dhaqankaba. Tiknoolajiyadda cusubi waxay baabiinaysaa hab-nololeedka inta badan bulshooyinka kala duwan ee adduunka, isla markaana wuxuu keenaa isbeddel cimillo oo horseeda abaaro, duufaano iyo roobab wakhtigoodii seega. Arrinkani wuxuu inna farayaa in aynu xoogga saarno ka fikirka mustaqbalka fog. Guulaha aynu maanta gaadhnay waxaynu ku hannanay; gar-gaar Eebe ka sokow, – Awooddeena Qaran oo isku duuban, – Rajadeena oo sarraysa, – Hanka iyo himilladeena fog, – Ilaalinta gobonnimadeena, – iyo ku dhaqanka sharciga dalka. Mudanayaal, Adduunku waa tiro sagaal ah oo ma tobnoobo. Guulahaa aynu gaadhnay waxa garab socda dhinacyo wax-ka-qabasho u baahan, in kasta oo aynu dadaalnay, wali waxa innoo qabyo ah: – Joojinta xaalufinta deegaanka, – Hoos u dhigga Shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada, iyada oo la dardargelinayo mashaariicda iyo warshadaha dhismahoodu muddada jiitamayey. – Ka hortaga Xannafaha ka dhasha doorashooyinka. – Iyo ka hortaga haggar daamooyinka caddowga Somaliland. Haddaba, is waydiintu waxay tahay, sidee baynu u waajahaynaa mustqabalkeena? Ma innaga oo isku duuban, isku kalsoon, iskaashanayna oo isku dulqaadanayna? mise innaga oo is khilaafsan, ka hirdamayna gudaheena oo kala xantaysanaya? Waxay ila tahay, danteenu waxay ku jirtaa innaga oo isku duubnaanna oo xoogga saarna nabadda, horumarka dalkeena oo dhinacyo badan leh iyo u diyaar garowga duruufaha ina horyaal, ee isbedelka cimilladu ka mid tahay. Xukuumadda aan odayga ka ahay, iyada oo ka duulaysa aragtidaa guud ee mustaqbalka, waxay muddadii ay xilka haysay qaaday tallaabooyinka soo socda: 1. Nabadda – Waxa la sameeyey wacyigalin ballaadhan oo shacabka lagu dhiirinayo nabad-ku-wada noolaanshaha, si-dhex-galka, iskaashiga iyo ka wada shaqeynta amniga iyo danta guud ee Qaranka. – Waxa tababarro is daba joog ah la siiyey Ciidammada kala duwan iyo Garsoorka. – Waxa la kordhiyey daryeelka iyo dhaqaalaha Ciidanka 36%. – Waxa si xoog leh kor loogu qaaday qalabka iyo saannadda Ciidanka, si ay awood buuxda ugu yeelan karaan sugidda amniga iyo difaaca dalka. – Waxa la diyaariyey oo Golayaasha horyaalla, Xeerka Xaq-siinta iyo Hawl-gabka Ciidammada Qalabka-sida, si loo sugo xuquuqda iyo daryeelka Ciidanka. – Sidoo kale, waxa la kordhiyey 35% daryeelka iyo dhaqaalaha bahda Garsoorka, si kor loogu soo qaado haybadda iyo maamuuska ay mudan yihiin bahda Garsoorku. – Maamul-wanaaggu waa laf-dhabarta hufnaanta maamulka iyo daahfurnaanta dawladda. Si loo hubiyo tirada Hantida Dawladda, waxa la diiwaan-galiyey tiro badan oo ah hanti ma guurto ah oo gaadhaysa 4,268 dhismayaal dawladdu leedahay ah. – Waxa dib loo qaabeeyey nidaamka iyo daah-furnaanta tartanka qandaraasyada dawladdu bixiso. Ilaa hadda waxa ay dawladdu bixisay 135 qandaraas oo dhammaantood loogu tartamay si daahfuran. Tartamayaashii qandaraasyadu waxay ka marag kaceen xilkasnimada, dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta shaqada Xubnaha Guddida Qandaraasyada Qaranka. – Si loo xoojiyo isku xidhnaanta Dawladda, waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Is-Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka – Xeer Lambar 23/2002. Xeerkani waxa uu dib u habaynayaa adeegyada ay bixiyaan maamullada Gobollada iyo Degmooyinku. Waxaannu ku waajibinayaa masuuliyad dheeri ah maamulka degmooyinka dalka. Waxa uu tashiilayaa dhaqaalaha Golayaasha Dawladaha Hoose, si loo kordhiyo adeegga gaadhaya muwaadinka cashuur bixiyaha ah. Mudanayaal, In kasta oo aynu xagga Amniga ka qaadnay tallaabooyinka kor ku xusan, haddana weli waxa jira hawlo u baahan wax-ka-qabasho: – Colaadaha iyo xurgufta beelaysan ee ka dhex dhaca bulshooyinka wada dega deegaannada iyo Gobollada dalka. – Waxaan ku talinayaa in dhammaanteen aynu xoogga isugu gayno sidii loo joojin lahaa xurgufaha beelaysan. Xurgufahani waxay innagu hayaan dhimasho badan, khasaare dhaqaale iyo kala fogaanshaha dadka walaala ah, taas oo keenaysa dib-u-dhac weyn. Ma suurtoobayso in aynu sameyno horumar, caafimaad iyo waxbarasho wanaagsan iyo in aynu maalin walba ku jirno gurmad ciidan iyo gurmad culimo kala joojinaya beelo is dilaya iyo Xukuumad iyo Guurti damin colaadeed ku foogan. – Shaqo la’aanta dhallinyaradu waxay halis ku tahay amniga dalka. Waxa abuurmay kooxo dhallinyaro ah oo ku kaca fal-dambiyeedyo ay ka mid yihiin isticmaalka mukhaadaraadka, taas oo kordhisay shilalka iyo dambiyadda ka dhaca dalka. – Xukuumad ahaan waxaannu wadnaa qorshayaal badan oo lagaga hortagayo dambiyada dhallinyaradu ku kacaan, balse waxaannu ku boorinayaa waalidiinta, culimada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka in aynu ka wada shaqeyno sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada. 1.2. Adeegga Bulshada Mudanayaal, Xukuumadda waxaynu u dhisannay oo awood fulineed loo siiyey in ay hubiso in muwaadinku helo adeegyada bulshada ee ay ka midka yihiin, cunto, biyo, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo abuur. A. Caafimaadka Xukuumaddu waxa ay siisay ahmiyad ballaadhan horumarinta caafimaadka iyo dib u qaabeynta adeegga caafimaadka ee ay bixiyaan cusbitaallada dalku. Sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii: – Waxa dib loo furay ama la dhisay 65 xarumo caafimaad oo cusub oo qabanaya daryeelka hooyooyinka iyo dhallaanka. – Waxa qalab caafimaad oo kala duwan lagu kordhiyey cusbitaallada magaalooyinka Laascaanood, Ceerigaabo, Burco, Ceel-afweyn, Buuhoodle, Oodweyne, Gabiley, Berbera, Boorama iyo Xarrunta TB ee Hargeysa. – Waxa cudurrada faafa laga tallaalay 659,000 caruurta da’doodu ka hoosayso 5 jirka oo kala jooga gobollada dalka. – Dadaalka loogu jiro kor u qaadista adeegga caafimaadku, waxa uu kor u qaaday kalsoonida ay shacabku ku qabaan adeegyadda caafimaad ee ay bixiyaan cusbitaallada dalkeenu. Tiradda dadka isticmaala adeegyadda caafimaad ee dalku waxay korodhay 31%. – Waxa la curiyey Siyaasadda Guud ee Caafimaadka dalka iyo Siyaasadda Maareynta iyo Maamulka Caafimaadka Dhimirka. B. Waxbarashada Xukuumaddu waxay aaminsan tahay in waxbarashadu tahay furaha horumarka iyo iftiinka nolosha. Sidaas darteed, waxaannu xoogga saarnay dib u habeynta iyo tayeynta waxbarashada dalka. – Waxa 20% la kordhiyey mushaharka iyo gunnada Macallimiinta Dugsiyada Dawladda. – Waxa markii ugu horraysay la furay Dugsiga Tababarka Macallimiinta Qaranka, si kor loogu qaado tayada Macallimiinta dalka. – Waxaannu hirgelinay Siyaasadda ah ‘Arday Kastaa ha helo Buugaagta Manhajka waxbarashada.’ Waxaana la qaybiyey 1,200,000 oo buug oo la gaadhsiiyey ardayda gobollada oo tiradoodu dhantahay 154,000 arday. – Waxa Gobollada dalka laga dhisay 27 dugsi oo cusub, si loo ballaadhiyo fursadaha helitaanka waxbarashada dhallinyaradda. – Waxa 22% la kordhiyey dugsiyada Reer Guuraaga ee leh barnaamijka Quudinta Carruurta, waxaanay hadda tiradoodu gaadhaysaa 276 dugsi, isla markaana, waxa dib loo dayactiray ama la qalabeeyey 46 dugsi oo ah dugsiyada quudinta. – Waxaannu gunno iyo mushahar u bilownay macallimiin gaadhaysa 1,354 macallin oo kala jooga Gobollada dalka. – Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 382 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada dalka. C. Biyaha Biyuhu waa nolosha aadamaha iyo astaanta koowaad ee horumarka, iyada oo taa laga duulayo, waxa dadaal la galiyey ballaadhinta biyo-galinta magaalooyinka iyo biyo gaadhsiinta miyiga. • Waxa muddo dheer la waday sidii biyo ku filan loogu heli lahaa caasimadda, hawshaasi oo ay innaga kaabayaan dawladdo iyo hay’ado dibadeed, kuna baxday dhaqaale ka badan 60 milyan, hadda wuxuu marayaa qeybtii ugu dambaysay. • Waxa la dhammaystiray dhuumihii biyaha ka soo qaadayey Xarunta Biyo-soo-saarka Geedeeble ee keenayey magaalada oo dhererkoodu yahay 23KM. • Waxa la kordhiyey ceelashii biyo-soo-saarka Geedeeble 21%. • Waxa hadda dhismaheedii iyo qalabeynteedii socotaa Xaruntii Mishiinnada biyo-soo-saarka ee Geedeeble. Kala sarraynta dhulka darteed, waxa loo baahday dab-dhalliyayaal iyo bambooyin awood badan leh oo soo gaadhsiiya biyaha Magaalada Hargeysa. • Waxa la dhisay 4 kayd biyood oo yar yar, haddana waxa la bilaabay 4 kayd biyood oo waaweyn iyo nidaamkii biyo galinta magaalada oo la dhigi doono magaalada gudaheeda qasabado dhererkoodu gaadhayaan 162 KM. • Waxa kale oo la dhisi doonaa ama dayactir lagu sameyn doonaa 503 Kaalmood oo ay biyaha ka dhaansan doonaan xaafadaha dan-yarta ee Hargeysa. • Iyada oo laga duulayo tirada dadweynaha Caasimada ee sii kordhaya, waxa qorshaysan in 42% la kordhiyo biyo-soo-saarka labada sanno ee soo socda. • Mudanayaal, qorshaha biyaha Hargeysa maaha ‘Faannoole fari kama qodna’, balse waxaynu ku tiirsannahay taageero dibadeed oo dhibteeda iyo jiitankeeda leh. Waa hubaal in Qaranku haysto dhaqaale ku filan biyaha Magaalada Hargeysa, laakiin waxaynu u baahanahay in Ilaahay inna garan siiyo awooddeena. • Waxa laga qoday gobollada dalka 27 Ceel oo dhaadheer iyo 80 ballay sannadkii tagay, si loo xoojiyo biyo gaadhsiinta deegaannada miyiga ah. • Waxa war-war leh biyo yaraanta magaalooyinka waaweyn, oo shacabka ku nooli sii kordhayo. Waxaan faray Wasaaradda Horumarinta Biyaha in laga sameeyo magaalooyinkaas biyo-sahamin ballaadhan, si loogu helo biyo ku filan. D. Dhallinyarada iyo shaqo abuurka Dhismaha mustaqbalka dhallinyaradu, waa dhismaha mustqabalka iyo quruxda Qarankeena. Xukuumaddu iyada oo ogsoon muhiimadda dhismaha dhallinyaradu u leeyahay Qaranka: – Waxa la abuuray Barnaamijka Shaqo-abuurka dhallinyarada ee Shaqo Qaran. Waa barnaamij shaqo u abuuraya 1,500 oo dhallinyaro ah oo ka soo gala jeeda dhammaan gobollada dalka. Dhallinyaradaas waxa ka mid ah 500 oo hablood. Waa barnaamij ujeeddadiisu tahay is-dhex-galka dhallinyarada, dhismaha waddan-jacaylka, akhlaaqiyaadka wanaagsan ee shaqada iyo difaaca madaniga ah ee dalka. – Waa barnaamij loogu talo-galay in dhallinyarada quluubtooda lagaga sifeeyo qabyaaladda iyo gobolaysiga, una diyaarino in ay hagaan Somaliland mid ah, kuna shaqeeyaan garaad aaminsan Sinnaan iyo Qaranimo. – Waxa kale oo dhallinyarada fursad loo siiyay iyaga oo gobolkooda jooga in ay si xor ah ugu tartamaan 300 oo shaqo oo cusub oo ay Dawladdu baahisay, 90 ka mid ah dhallinyaradaa shaqada heshay waa hablo. – Tirada guud ee dhallinyarada shaqo abuurka Xukuumaddu u sameysay waa 1,800 oo dhallinyaro ah. Waxaan dareensanahay in ay tahay tiro aad u yar marka loo eego tirada guud ee dhallinyarada dalka, waxase i farxad gelinaysa in ay shaqo galeen, iyaga oo aanay cidna gacan qaban, balse kartidooda iyo aqoontooda aaminay iyo yuhuunta wanaagsan ee ay abuurtay tallaabadaasi. – Mudanayaal, far keliyi fool ma dhaqdo, barnaamijkan oo miisaankiisa iyo muhiimaddiisa u leh Qaranka, wuxuu ku kaliyeystay ilaa hadda Xukuumadda. Waxaan ku talinayaa in Qaranku ka wada qeyb qaato shaqo gelinta dhallinyarada iyo socodsiinta barnaamijka Shaqo Qaran. 1.3. Dhaqaalaha Dhaqaaluhu waa saldhiga horumarka ee dal kasta oo dunida ku yaal. Dhaqaale la’aan horumar lama gaadho. Haddaba, iyadoo taas laga duulayo, waxay xukuumaddu u tafaxaydatay sidii dhaqaaalaha dalka loo kobcin lahaa innagoo isku tashanayna. Waxay xukuumaddu xoog saartay wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan. A. Beeraha Dhanka beeraha waxa la xoojiyey beeridda dalagyada kala duwan ee banka Wajaale, Beer iyo Xaaxi. Si loo dhiirrigaliyo wax-soo-saarka beeraha, loona beegsado isku filnaansho dhinaca wax-soo-saarka ah mustaqbalka: • Waxa la beeray 2,300 Hector oo ku kala yaalla Xaaxi, Beer iyo Wajaale. • Waxa la siiyey cagafyo ay beeraha ku qotaan deegaannada Gatiitalay iyo Oodweyne. • Waxaan bogaadinayaa shacab weynaha u jeestay, dadaalkana geliyey wax-soo-saarka beeraha. Sannadkan gobollada dalka oo dhan waxa laga hirgeliyey beero cusub oo qaarkood u shaqeeyaan hab casri ah (Green House). • Waxaan sidoo kale ammaanayaa in sannadkan beeralayda dalkeenu soo saareen khudrad aad u badan oo ugu yaraan 70% ku filan baahida suuqa khudaarta ee dalka. B. Xoolaha Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalkeena, in badan oo dadkeena ahina waxay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool. – Haddaba, si loo daryeelo caafimaadka xoolaheena, waxa la talaalay 3 milyan oo neef oo ay ka faa’iidaysteen qoysas badan. Sidoo kale, waxa xannuuno kala duwan laga daaweeyey in ka badan 2 milyan oo neef oo kala jooga Gobollada dalkeena. – Waxa lagu dadaalay sidii xoolaha dalkeena loogu heli lahaa suuqyo dibadeed, si loo dhiirrigeliyo dhoofka xoolaha. In kasta oo dedaalkaasi aannu weli midho-dhalin, haddana, xukuumaddu ka daali mayso in ay ka jibbo keento arrintaa. – Xukuumaddu waxay dadaal xoog leh gelisay sidii loo suurtagalin lahaa in xooluhu helaan seerayaal iyo dhul daaqeen ay ku bad-baadaan xilliyada abaaraha iyo baad yaraanta. C. Kalluumaysiga Kalluunku waa khayraad sidii la rabay aynaan uga faa’iidaysan, waxaase hadda socda qorshayaal ay Xukuumaddu ku dhiirrigelinayso in kalluunku ka helo saami wanaagsan suuqyada dalkeena iyo kuwa jaarkaba, lana taageero ganacsatada ku hawlan kalluumaysiga. • Waxa loo qaybiyey qaboojiyayaal oo waaweyn Magaalooyinka Maydh, Laas-qoray, Bulla-xaar, Berbera, Saylac iyo Burco. Arrintani waxay wax ka tartay wax soo saarka iyo dabashada kalluunka. Sidaa awgeed, xaddiga kalluunkii la soo dabtay sannadkii tagay wuxuu kor ugu kacay 2,000 tan. E. Maamulka Suuqa Sarifka Lacagaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Suuqa Sarrifka Lacagaha oo iskaashanaya, una adeegaya danta Qaranka waxa ay awood u yeesheen in ay sicir-bararka hoos uga soo dhigaan 19.2%, gaadhsiiyaana 7.7%. Waxa sidoo kale la suurtageliyey in qiimaha sarrifka Shillin ka Somaliland uu kor u kaco 15%. Kor-u-kacani waxa uu daganaansho lacageed galiyey suuqyada lacagaha ee dalkeena. 1.4. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Mudanayaal, Kaabayaasha dhaqaalaha, sida Waddooyinka, Dekadaha iyo Garoomada diyaaraduhu, waxay qeyb weyn ka qaataan horumarka iyo koboca dhaqaalaha dalka. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxay muhiimad gaar ah siisay horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. • Waxa la bixiyey qandaraaskii shirkaddii dhisi lahayd Dekedda, waxaanna la bilaabay dhismihii ballaadhinta iyo casriyenta Dekedda weyn ee Berbera. • Waxa bilaabmay dhismaha jidka hal-bowlaha u ah ganacsiga innaga dhexeeya dalalka aynu jaarka nahay, gaar ahaan Ethiopia ee Berbera Corridor. Waxa mudnaanta la siiyey dhismayaasha biriishyada, waxaana la dhagax-dhigay biriishkii ugu horreeyey oo ah Dacar-budhuq. Dhismaha jidkaasi waxa uu qaadan doonaa muddo laba sanno ah. Waa jid weyn oo aannu hiigsanayno in uu kaalin muhiim ah ka qaato is-dhex-galka dhaqaale iyo bulsho ee Gobolka Geeska Afrika. • Waxa la dhisay muddadii sannadka ahayd 66 KM oo ka mid ah Waddada Ceerigaabo. • Waxa dayactir lagu sameeyey 80 KM oo ka mid ah waddooyinka isku xidha Hargeysa iyo Burco, Hargeysa iyo Kala-baydh, Laascaanood iyo Tukaraq; • Waxa hadda dhismihiisa la wadaa 60 KM oo ah waddada isku xidha Hargeysa iyo Kalabaydh. • Waxa dib loo dayac-tiray Biriishyada kala ah Xamaas, Geel-lookor iyo biriishka dooxa Cabaad-weyne. • Waxa dhismihiisu socdaa Biriishka isku xidha Magaalada Boorama iyo Jaamacadda caanka ah ee Camuud. • Waxa la casriyeeyey nidaamka waddo marista gaadiidka, nidaamka qaadashada liisamada iyo taarikada gaadiidka intaba. 1.5. Abaaraha iyo Isbedelka Cimillada Isbeddelka Cimillada adduunku waa xaqiiqo raadkeedu ka muuqdo dalkeena. Waxa markhaati u ah abaaraha ku soo noq-noqday dalkeena iyo roob yaraanta. Arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay hab nololeedkii dadka, duunyada iyo deegaanka. – Xukuumaddu waxa ay gurmad ka gashay dhibaatooyinkii ay keeneen duufaantii Sagar iyo raadadkii ay reebeen abaaruhu. – Xukuumaddu waxay raashin iyo biyo gaadhsiisay in ka badan 245,000 qoys, una dhiganta 1,200,000 oo qof oo abaaruhu saameeyeen. – Xukuumadda oo kaashanaysa Beesha Caalamka, waxa ay sidoo kale gaadhsiisay gar-gaar 431,000 qoys, una dhiganta in ka badan 2,000,000 oo qof. Gargaarkaas oo lacag ahaan u dhigma 20 milyan oo doollar. – Dadkii ku caydhoobay duufaantii Sagar, Xukuumaddu waxay gaadhsiisay 9,000 neef oo adhi ah. – Waxa dib u xoolayn loo sameeyey 1,337 qoys oo ku caydhoobay abaarihii ka dhacay Dalka. – Sidoo kale, Xukuumaddu iyada oo ka hortagaysa nabaad-guurka iyo xaalufka deegaanka, waxay bilowday mashruuca dhir beerista, waxaanay sannadkii tagay beertay 25,000 geed, waxaanay 15 April ee sannad kasta u astaysay in ay noqoto maalinta Xuska Deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland. – Waxaan ku boorinaynaa, si aynu u hakino xawliga xaalufka iyo nabaad guurku ku socdo, in gobol kastaa ugu yaraan beero 30,000 geed. Cimillada adduunka ee isbeddelaysa, abaaraha iyo roob yaraantu waa dhibaato ka awood badan bani’aadamka. Waxa maanta dalkeena u baahan gar-gaar deg-deg ah in ka badan 1.5 Milyan qof. – Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa Qaranka Somaliland, Dawlad iyo shacabba in aynu isku tashanno, una gurmanno dadkeena dhibaatadu hayso. 1.6. Doorashooyinka Mudanayaal, Sida aad la socotaan, Dastuurkeenu waxa uu inna farayaa in shantii sannaba mar la doorto Golayaasha Qaranka – Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka, Golayaasha Sharci-dejinta iyo Golayaasha Deegaanka. Sidaa darteed, xukuumaddu waxay u hogaansan tahay sida uu farayo Dastuurka Qaranku. 1.7. Siyaasada Arrimaha Dibada Walaalayaal, Siyaasadda Arrimaha Dibeddu waxay ku dhisan tahay nabad-gelyo, daris-wanaag iyo iskaashi dhex-mara dalalka Gobolka iyo Caalamka, intaba. Si aynu u adkayno seeska iyo xaqiijinta siyaasaddaas, waxa bud-dhig u ah saddex tiir oo kala ah: 1) Ictiraaf-raadinta. 2) Kasbashada taageero dhaqaale oo caalami ah oo loo helo dib-u-dhiska dalka. 3) Iskaashiga, is-qadarinta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka. 1. Ictiraaf raadinta. Waxaannu xidhiidho badan la sameynay dalalka caalamka, kuwa innala saaxiibka ah, kuwa ka soo horjeeda qaddiyaddeena iyo kuwa labadaa dhexdooda taagan intaba. Waxaannu kulamo hawleedyo muhiim ah la yeelanay aqoon-yahanno, siyaasiyiin iyo diblumaasiyiin caalami ah oo taageera Somaliland, kuwaas oo keenay qoraallo muhiim ah iyo talooyin dhaxal gal ah. Waxaynu taageero diblumaasiyadeed ka helnay dalalka aynu saaxiibka nahay. Waxay ku qanciyeen badiba dalalka caalamka ugu tunka weyn leh in Somaliland taagan tahay wakhtigii Bulshada Caalamku dhexgeli lahayd dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Dawladda Turkiga ayaanu in badan wada hadalnay, iyada oo doonaysa in ay kalideed inna dhex-dhexaadiso innaga iyo Somalia. Hase yeeshee, annaga oo dareensan 7 sanno oo Turkigu arrintaa ku jiray in aanay wax midho ah dhallin, waxaannu ku talinnay in arrinta wada-hadalku ay noqoto mid ay goob-joog ka wada noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee arrinta wada-hadalka u diyaarka ah. Waxa si toos ah noola soo xidhiidhay dawladaha Sweden iyo Switzerland oo mid walba gaarkeeda diyaar ugu tahay in arrinta wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay marti-geliso. Somaliland way aqbashay labadaa marti-qaadba. Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu qaadanay siyaasadda ah in mushkiladda loo galo si nabad ah oo lagu dhammeeyo wada- hadal iyo nabad-gelyo. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh, maadaama Somaliland ay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha. Siyaasaddaasi nabadeed ee aynu qaadanay waxay keentay in wufuud caalami ah oo badani innoo yimaadaan oo arrintaa ku hawlani. Sidoo kale, aynu martiqaadyo ka helnay dawladaha aynu saaxiibka nahay. 2. Kasbashada taageero dhaqaale oo caalami ah oo loo helo dib u dhiska Dalka. Iyada oo la kaashanayo Bulshada Caalamka iyo Saaxiibada Somaliland taageera, waxa suurtagashay in Somaliland hesho taageero dhaqaale oo gaadhaysa ilaa 150 milyan oo doolar, oo loogu talo-galay horumarinta jidadka iyo mashaariicda horumarka ee uu fuliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland shanta sanno ee socda. Waxaannu qorshaynaynaa in Somaliland iyo Qaramada Midoobay yeeshaan nidaam iyo Qorshe u gaar ah Somaliland, oo ay Somaliland ku hesho saamiga saxda ah ee Deeqaha ay bixiso Qaramada Midoobay (Somaliland UN Special Arrangement), sida Bulshada Caalamkuba hore ugu sameysay Somaliland qorshaha gaar ah ee (Somaliland Special Arrangement). Qaramada Midoobayna waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan xaq-soorka iyo caddaaladda saamiga gar-gaarka ay bixiyaan. 3. Iskaashiga, is-qadarinta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka. Soomaaliya waxaynu xad ka leenahay maamul-goboleedka Puntland. Waxaannu u haynaa walaalnimo, iskaashi iyo nabad-gelyo. Waxaase maalmahan dambe soo kordhaya ciidamo maamulkaasi ah oo ka soo gudbaya Xadka inoo dhexeeya, falal nabad-gelyo darro ahna ka sameynaya gudaha Somaliland. Soomaaliya waxaannu ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida Gobolka wax yeelaya. Waxaannu ka digaynaa haddii waanadayada la weelayn waayo, in Dawladda Somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabadda iyo hantida muwaadiniinta Somaliland. Somaliland waxay diyaar u tahay in ay door weyn ka ciyaarto isbeddelka dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee ka socda Geeska Afrika. Hase yeeshee, Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran madax-bannaan oo weligii jiray, haddana jooga, kana jiri doona Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba. Waa Qaran ku leh qeybtiisa iyo miisaankiisa isbeddelka ka socda Gobolka Geeska Afrika. Cidda Somaliland iska indha-tirtaa, waxay xagal-daacinaysaa isbeddelka iyo horumarka uu beegsanayo Geeska Afrika, waxaanay si taban u saameyn doontaa horumarka iyo iskaashiga Gobolka. Geba-gabo Mudanayaal, Waxaynu nahay Qaran madaxbannaan oo leh dastuur shacabku u codeeyey, golayaasha Qaranna ku soo doorta cod shacbi (Qof iyo Hal Cod). Waa dimuqraadiyad dhif iyo naadir ku ah Afrika iyo in badan oo adduunka ah. Shacabka Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay u midoobaan danta Qaranka, ku fara adaygaan nabadgelyada, u dadaalaan horumarka, ka fekeraan mustaqbalka fog iyo aayaha ubadkooda, dariska iyo caalamkana kula noolaadaan nabad iyo iskaashi. Allaa Mahad Leh Qaran News
  14. Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi 24 March 2019 Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha labada Gole ee sharafta leh, Mudanayaal, Maanta oo ay Xukuumaddu xilka haysay sannad, saddex bilood iyo maalmo, waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago xaaladda guud ee dalka, wixii innoo qabsoomay, iyada oo halbeegeenu yahay qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP II) iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay tartanka doorashada. Waxa kale oo aynu isla eegi doonaa hawlaha inna horyaalla ee mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba ah. Waxaynu ku nool-nahay adduun isbedelka, horumarka iyo aqoontu dheeraynayaan. Isbedelkaasi wuxuu saameyn togan iyo tu tabanba ku leeyahay nolosheena. Wuxuu saameynayaa habka aadmigu u fikiro iyo habka loo adeegsado aqoonta casriga ah. Wuxuu xoojinayaa oo kobcinayaa dhaqaalaha, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah. Isbedelkani wuxuu leeyahay dhinacyo taban, waxaana ka mid, wuxuu abuuraa bulsho ku kala fogaata dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo dhaqankaba. Tiknoolajiyadda cusubi waxay baabiinaysaa hab-nololeedka inta badan bulshooyinka kala duwan ee adduunka, isla markaana wuxuu keenaa isbeddel cimillo oo horseeda abaaro, duufaano iyo roobab wakhtigoodii seega. Arrinkani wuxuu inna farayaa in aynu xoogga saarno ka fikirka mustaqbalka fog. Guulaha aynu maanta gaadhnay waxaynu ku hannanay; gar-gaar Eebe ka sokow, – Awooddeena Qaran oo isku duuban, – Rajadeena oo sarraysa, – Hanka iyo himilladeena fog, – Ilaalinta gobonnimadeena, – iyo ku dhaqanka sharciga dalka. Mudanayaal, Adduunku waa tiro sagaal ah oo ma tobnoobo. Guulahaa aynu gaadhnay waxa garab socda dhinacyo wax-ka-qabasho u baahan, in kasta oo aynu dadaalnay, wali waxa innoo qabyo ah: – Joojinta xaalufinta deegaanka, – Hoos u dhigga Shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada, iyada oo la dardargelinayo mashaariicda iyo warshadaha dhismahoodu muddada jiitamayey. – Ka hortaga Xannafaha ka dhasha doorashooyinka. – Iyo ka hortaga haggar daamooyinka caddowga Somaliland. Haddaba, is waydiintu waxay tahay, sidee baynu u waajahaynaa mustqabalkeena? Ma innaga oo isku duuban, isku kalsoon, iskaashanayna oo isku dulqaadanayna? mise innaga oo is khilaafsan, ka hirdamayna gudaheena oo kala xantaysanaya? Waxay ila tahay, danteenu waxay ku jirtaa innaga oo isku duubnaanna oo xoogga saarna nabadda, horumarka dalkeena oo dhinacyo badan leh iyo u diyaar garowga duruufaha ina horyaal, ee isbedelka cimilladu ka mid tahay. Xukuumadda aan odayga ka ahay, iyada oo ka duulaysa aragtidaa guud ee mustaqbalka, waxay muddadii ay xilka haysay qaaday tallaabooyinka soo socda: 1. Nabadda – Waxa la sameeyey wacyigalin ballaadhan oo shacabka lagu dhiirinayo nabad-ku-wada noolaanshaha, si-dhex-galka, iskaashiga iyo ka wada shaqeynta amniga iyo danta guud ee Qaranka. – Waxa tababarro is daba joog ah la siiyey Ciidammada kala duwan iyo Garsoorka. – Waxa la kordhiyey daryeelka iyo dhaqaalaha Ciidanka 36%. – Waxa si xoog leh kor loogu qaaday qalabka iyo saannadda Ciidanka, si ay awood buuxda ugu yeelan karaan sugidda amniga iyo difaaca dalka. – Waxa la diyaariyey oo Golayaasha horyaalla, Xeerka Xaq-siinta iyo Hawl-gabka Ciidammada Qalabka-sida, si loo sugo xuquuqda iyo daryeelka Ciidanka. – Sidoo kale, waxa la kordhiyey 35% daryeelka iyo dhaqaalaha bahda Garsoorka, si kor loogu soo qaado haybadda iyo maamuuska ay mudan yihiin bahda Garsoorku. – Maamul-wanaaggu waa laf-dhabarta hufnaanta maamulka iyo daahfurnaanta dawladda. Si loo hubiyo tirada Hantida Dawladda, waxa la diiwaan-galiyey tiro badan oo ah hanti ma guurto ah oo gaadhaysa 4,268 dhismayaal dawladdu leedahay ah. – Waxa dib loo qaabeeyey nidaamka iyo daah-furnaanta tartanka qandaraasyada dawladdu bixiso. Ilaa hadda waxa ay dawladdu bixisay 135 qandaraas oo dhammaantood loogu tartamay si daahfuran. Tartamayaashii qandaraasyadu waxay ka marag kaceen xilkasnimada, dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta shaqada Xubnaha Guddida Qandaraasyada Qaranka. – Si loo xoojiyo isku xidhnaanta Dawladda, waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Is-Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka – Xeer Lambar 23/2002. Xeerkani waxa uu dib u habaynayaa adeegyada ay bixiyaan maamullada Gobollada iyo Degmooyinku. Waxaannu ku waajibinayaa masuuliyad dheeri ah maamulka degmooyinka dalka. Waxa uu tashiilayaa dhaqaalaha Golayaasha Dawladaha Hoose, si loo kordhiyo adeegga gaadhaya muwaadinka cashuur bixiyaha ah. Mudanayaal, In kasta oo aynu xagga Amniga ka qaadnay tallaabooyinka kor ku xusan, haddana weli waxa jira hawlo u baahan wax-ka-qabasho: – Colaadaha iyo xurgufta beelaysan ee ka dhex dhaca bulshooyinka wada dega deegaannada iyo Gobollada dalka. – Waxaan ku talinayaa in dhammaanteen aynu xoogga isugu gayno sidii loo joojin lahaa xurgufaha beelaysan. Xurgufahani waxay innagu hayaan dhimasho badan, khasaare dhaqaale iyo kala fogaanshaha dadka walaala ah, taas oo keenaysa dib-u-dhac weyn. Ma suurtoobayso in aynu sameyno horumar, caafimaad iyo waxbarasho wanaagsan iyo in aynu maalin walba ku jirno gurmad ciidan iyo gurmad culimo kala joojinaya beelo is dilaya iyo Xukuumad iyo Guurti damin colaadeed ku foogan. – Shaqo la’aanta dhallinyaradu waxay halis ku tahay amniga dalka. Waxa abuurmay kooxo dhallinyaro ah oo ku kaca fal-dambiyeedyo ay ka mid yihiin isticmaalka mukhaadaraadka, taas oo kordhisay shilalka iyo dambiyadda ka dhaca dalka. – Xukuumad ahaan waxaannu wadnaa qorshayaal badan oo lagaga hortagayo dambiyada dhallinyaradu ku kacaan, balse waxaannu ku boorinayaa waalidiinta, culimada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka in aynu ka wada shaqeyno sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada. 1.2. Adeegga Bulshada Mudanayaal, Xukuumadda waxaynu u dhisannay oo awood fulineed loo siiyey in ay hubiso in muwaadinku helo adeegyada bulshada ee ay ka midka yihiin, cunto, biyo, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo abuur. A. Caafimaadka Xukuumaddu waxa ay siisay ahmiyad ballaadhan horumarinta caafimaadka iyo dib u qaabeynta adeegga caafimaadka ee ay bixiyaan cusbitaallada dalku. Sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii: – Waxa dib loo furay ama la dhisay 65 xarumo caafimaad oo cusub oo qabanaya daryeelka hooyooyinka iyo dhallaanka. – Waxa qalab caafimaad oo kala duwan lagu kordhiyey cusbitaallada magaalooyinka Laascaanood, Ceerigaabo, Burco, Ceel-afweyn, Buuhoodle, Oodweyne, Gabiley, Berbera, Boorama iyo Xarrunta TB ee Hargeysa. – Waxa cudurrada faafa laga tallaalay 659,000 caruurta da’doodu ka hoosayso 5 jirka oo kala jooga gobollada dalka. – Dadaalka loogu jiro kor u qaadista adeegga caafimaadku, waxa uu kor u qaaday kalsoonida ay shacabku ku qabaan adeegyadda caafimaad ee ay bixiyaan cusbitaallada dalkeenu. Tiradda dadka isticmaala adeegyadda caafimaad ee dalku waxay korodhay 31%. – Waxa la curiyey Siyaasadda Guud ee Caafimaadka dalka iyo Siyaasadda Maareynta iyo Maamulka Caafimaadka Dhimirka. B. Waxbarashada Xukuumaddu waxay aaminsan tahay in waxbarashadu tahay furaha horumarka iyo iftiinka nolosha. Sidaas darteed, waxaannu xoogga saarnay dib u habeynta iyo tayeynta waxbarashada dalka. – Waxa 20% la kordhiyey mushaharka iyo gunnada Macallimiinta Dugsiyada Dawladda. – Waxa markii ugu horraysay la furay Dugsiga Tababarka Macallimiinta Qaranka, si kor loogu qaado tayada Macallimiinta dalka. – Waxaannu hirgelinay Siyaasadda ah ‘Arday Kastaa ha helo Buugaagta Manhajka waxbarashada.’ Waxaana la qaybiyey 1,200,000 oo buug oo la gaadhsiiyey ardayda gobollada oo tiradoodu dhantahay 154,000 arday. – Waxa Gobollada dalka laga dhisay 27 dugsi oo cusub, si loo ballaadhiyo fursadaha helitaanka waxbarashada dhallinyaradda. – Waxa 22% la kordhiyey dugsiyada Reer Guuraaga ee leh barnaamijka Quudinta Carruurta, waxaanay hadda tiradoodu gaadhaysaa 276 dugsi, isla markaana, waxa dib loo dayactiray ama la qalabeeyey 46 dugsi oo ah dugsiyada quudinta. – Waxaannu gunno iyo mushahar u bilownay macallimiin gaadhaysa 1,354 macallin oo kala jooga Gobollada dalka. – Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 382 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada dalka. C. Biyaha Biyuhu waa nolosha aadamaha iyo astaanta koowaad ee horumarka, iyada oo taa laga duulayo, waxa dadaal la galiyey ballaadhinta biyo-galinta magaalooyinka iyo biyo gaadhsiinta miyiga. • Waxa muddo dheer la waday sidii biyo ku filan loogu heli lahaa caasimadda, hawshaasi oo ay innaga kaabayaan dawladdo iyo hay’ado dibadeed, kuna baxday dhaqaale ka badan 60 milyan, hadda wuxuu marayaa qeybtii ugu dambaysay. • Waxa la dhammaystiray dhuumihii biyaha ka soo qaadayey Xarunta Biyo-soo-saarka Geedeeble ee keenayey magaalada oo dhererkoodu yahay 23KM. • Waxa la kordhiyey ceelashii biyo-soo-saarka Geedeeble 21%. • Waxa hadda dhismaheedii iyo qalabeynteedii socotaa Xaruntii Mishiinnada biyo-soo-saarka ee Geedeeble. Kala sarraynta dhulka darteed, waxa loo baahday dab-dhalliyayaal iyo bambooyin awood badan leh oo soo gaadhsiiya biyaha Magaalada Hargeysa. • Waxa la dhisay 4 kayd biyood oo yar yar, haddana waxa la bilaabay 4 kayd biyood oo waaweyn iyo nidaamkii biyo galinta magaalada oo la dhigi doono magaalada gudaheeda qasabado dhererkoodu gaadhayaan 162 KM. • Waxa kale oo la dhisi doonaa ama dayactir lagu sameyn doonaa 503 Kaalmood oo ay biyaha ka dhaansan doonaan xaafadaha dan-yarta ee Hargeysa. • Iyada oo laga duulayo tirada dadweynaha Caasimada ee sii kordhaya, waxa qorshaysan in 42% la kordhiyo biyo-soo-saarka labada sanno ee soo socda. • Mudanayaal, qorshaha biyaha Hargeysa maaha ‘Faannoole fari kama qodna’, balse waxaynu ku tiirsannahay taageero dibadeed oo dhibteeda iyo jiitankeeda leh. Waa hubaal in Qaranku haysto dhaqaale ku filan biyaha Magaalada Hargeysa, laakiin waxaynu u baahanahay in Ilaahay inna garan siiyo awooddeena. • Waxa laga qoday gobollada dalka 27 Ceel oo dhaadheer iyo 80 ballay sannadkii tagay, si loo xoojiyo biyo gaadhsiinta deegaannada miyiga ah. • Waxa war-war leh biyo yaraanta magaalooyinka waaweyn, oo shacabka ku nooli sii kordhayo. Waxaan faray Wasaaradda Horumarinta Biyaha in laga sameeyo magaalooyinkaas biyo-sahamin ballaadhan, si loogu helo biyo ku filan. D. Dhallinyarada iyo shaqo abuurka Dhismaha mustaqbalka dhallinyaradu, waa dhismaha mustqabalka iyo quruxda Qarankeena. Xukuumaddu iyada oo ogsoon muhiimadda dhismaha dhallinyaradu u leeyahay Qaranka: – Waxa la abuuray Barnaamijka Shaqo-abuurka dhallinyarada ee Shaqo Qaran. Waa barnaamij shaqo u abuuraya 1,500 oo dhallinyaro ah oo ka soo gala jeeda dhammaan gobollada dalka. Dhallinyaradaas waxa ka mid ah 500 oo hablood. Waa barnaamij ujeeddadiisu tahay is-dhex-galka dhallinyarada, dhismaha waddan-jacaylka, akhlaaqiyaadka wanaagsan ee shaqada iyo difaaca madaniga ah ee dalka. – Waa barnaamij loogu talo-galay in dhallinyarada quluubtooda lagaga sifeeyo qabyaaladda iyo gobolaysiga, una diyaarino in ay hagaan Somaliland mid ah, kuna shaqeeyaan garaad aaminsan Sinnaan iyo Qaranimo. – Waxa kale oo dhallinyarada fursad loo siiyay iyaga oo gobolkooda jooga in ay si xor ah ugu tartamaan 300 oo shaqo oo cusub oo ay Dawladdu baahisay, 90 ka mid ah dhallinyaradaa shaqada heshay waa hablo. – Tirada guud ee dhallinyarada shaqo abuurka Xukuumaddu u sameysay waa 1,800 oo dhallinyaro ah. Waxaan dareensanahay in ay tahay tiro aad u yar marka loo eego tirada guud ee dhallinyarada dalka, waxase i farxad gelinaysa in ay shaqo galeen, iyaga oo aanay cidna gacan qaban, balse kartidooda iyo aqoontooda aaminay iyo yuhuunta wanaagsan ee ay abuurtay tallaabadaasi. – Mudanayaal, far keliyi fool ma dhaqdo, barnaamijkan oo miisaankiisa iyo muhiimaddiisa u leh Qaranka, wuxuu ku kaliyeystay ilaa hadda Xukuumadda. Waxaan ku talinayaa in Qaranku ka wada qeyb qaato shaqo gelinta dhallinyarada iyo socodsiinta barnaamijka Shaqo Qaran. 1.3. Dhaqaalaha Dhaqaaluhu waa saldhiga horumarka ee dal kasta oo dunida ku yaal. Dhaqaale la’aan horumar lama gaadho. Haddaba, iyadoo taas laga duulayo, waxay xukuumaddu u tafaxaydatay sidii dhaqaaalaha dalka loo kobcin lahaa innagoo isku tashanayna. Waxay xukuumaddu xoog saartay wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan. A. Beeraha Dhanka beeraha waxa la xoojiyey beeridda dalagyada kala duwan ee banka Wajaale, Beer iyo Xaaxi. Si loo dhiirrigaliyo wax-soo-saarka beeraha, loona beegsado isku filnaansho dhinaca wax-soo-saarka ah mustaqbalka: • Waxa la beeray 2,300 Hector oo ku kala yaalla Xaaxi, Beer iyo Wajaale. • Waxa la siiyey cagafyo ay beeraha ku qotaan deegaannada Gatiitalay iyo Oodweyne. • Waxaan bogaadinayaa shacab weynaha u jeestay, dadaalkana geliyey wax-soo-saarka beeraha. Sannadkan gobollada dalka oo dhan waxa laga hirgeliyey beero cusub oo qaarkood u shaqeeyaan hab casri ah (Green House). • Waxaan sidoo kale ammaanayaa in sannadkan beeralayda dalkeenu soo saareen khudrad aad u badan oo ugu yaraan 70% ku filan baahida suuqa khudaarta ee dalka. B. Xoolaha Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalkeena, in badan oo dadkeena ahina waxay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool. – Haddaba, si loo daryeelo caafimaadka xoolaheena, waxa la talaalay 3 milyan oo neef oo ay ka faa’iidaysteen qoysas badan. Sidoo kale, waxa xannuuno kala duwan laga daaweeyey in ka badan 2 milyan oo neef oo kala jooga Gobollada dalkeena. – Waxa lagu dadaalay sidii xoolaha dalkeena loogu heli lahaa suuqyo dibadeed, si loo dhiirrigeliyo dhoofka xoolaha. In kasta oo dedaalkaasi aannu weli midho-dhalin, haddana, xukuumaddu ka daali mayso in ay ka jibbo keento arrintaa. – Xukuumaddu waxay dadaal xoog leh gelisay sidii loo suurtagalin lahaa in xooluhu helaan seerayaal iyo dhul daaqeen ay ku bad-baadaan xilliyada abaaraha iyo baad yaraanta. C. Kalluumaysiga Kalluunku waa khayraad sidii la rabay aynaan uga faa’iidaysan, waxaase hadda socda qorshayaal ay Xukuumaddu ku dhiirrigelinayso in kalluunku ka helo saami wanaagsan suuqyada dalkeena iyo kuwa jaarkaba, lana taageero ganacsatada ku hawlan kalluumaysiga. • Waxa loo qaybiyey qaboojiyayaal oo waaweyn Magaalooyinka Maydh, Laas-qoray, Bulla-xaar, Berbera, Saylac iyo Burco. Arrintani waxay wax ka tartay wax soo saarka iyo dabashada kalluunka. Sidaa awgeed, xaddiga kalluunkii la soo dabtay sannadkii tagay wuxuu kor ugu kacay 2,000 tan. E. Maamulka Suuqa Sarifka Lacagaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Suuqa Sarrifka Lacagaha oo iskaashanaya, una adeegaya danta Qaranka waxa ay awood u yeesheen in ay sicir-bararka hoos uga soo dhigaan 19.2%, gaadhsiiyaana 7.7%. Waxa sidoo kale la suurtageliyey in qiimaha sarrifka Shillin ka Somaliland uu kor u kaco 15%. Kor-u-kacani waxa uu daganaansho lacageed galiyey suuqyada lacagaha ee dalkeena. 1.4. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Mudanayaal, Kaabayaasha dhaqaalaha, sida Waddooyinka, Dekadaha iyo Garoomada diyaaraduhu, waxay qeyb weyn ka qaataan horumarka iyo koboca dhaqaalaha dalka. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxay muhiimad gaar ah siisay horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. • Waxa la bixiyey qandaraaskii shirkaddii dhisi lahayd Dekedda, waxaanna la bilaabay dhismihii ballaadhinta iyo casriyenta Dekedda weyn ee Berbera. • Waxa bilaabmay dhismaha jidka hal-bowlaha u ah ganacsiga innaga dhexeeya dalalka aynu jaarka nahay, gaar ahaan Ethiopia ee Berbera Corridor. Waxa mudnaanta la siiyey dhismayaasha biriishyada, waxaana la dhagax-dhigay biriishkii ugu horreeyey oo ah Dacar-budhuq. Dhismaha jidkaasi waxa uu qaadan doonaa muddo laba sanno ah. Waa jid weyn oo aannu hiigsanayno in uu kaalin muhiim ah ka qaato is-dhex-galka dhaqaale iyo bulsho ee Gobolka Geeska Afrika. • Waxa la dhisay muddadii sannadka ahayd 66 KM oo ka mid ah Waddada Ceerigaabo. • Waxa dayactir lagu sameeyey 80 KM oo ka mid ah waddooyinka isku xidha Hargeysa iyo Burco, Hargeysa iyo Kala-baydh, Laascaanood iyo Tukaraq; • Waxa hadda dhismihiisa la wadaa 60 KM oo ah waddada isku xidha Hargeysa iyo Kalabaydh. • Waxa dib loo dayac-tiray Biriishyada kala ah Xamaas, Geel-lookor iyo biriishka dooxa Cabaad-weyne. • Waxa dhismihiisu socdaa Biriishka isku xidha Magaalada Boorama iyo Jaamacadda caanka ah ee Camuud. • Waxa la casriyeeyey nidaamka waddo marista gaadiidka, nidaamka qaadashada liisamada iyo taarikada gaadiidka intaba. 1.5. Abaaraha iyo Isbedelka Cimillada Isbeddelka Cimillada adduunku waa xaqiiqo raadkeedu ka muuqdo dalkeena. Waxa markhaati u ah abaaraha ku soo noq-noqday dalkeena iyo roob yaraanta. Arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay hab nololeedkii dadka, duunyada iyo deegaanka. – Xukuumaddu waxa ay gurmad ka gashay dhibaatooyinkii ay keeneen duufaantii Sagar iyo raadadkii ay reebeen abaaruhu. – Xukuumaddu waxay raashin iyo biyo gaadhsiisay in ka badan 245,000 qoys, una dhiganta 1,200,000 oo qof oo abaaruhu saameeyeen. – Xukuumadda oo kaashanaysa Beesha Caalamka, waxa ay sidoo kale gaadhsiisay gar-gaar 431,000 qoys, una dhiganta in ka badan 2,000,000 oo qof. Gargaarkaas oo lacag ahaan u dhigma 20 milyan oo doollar. – Dadkii ku caydhoobay duufaantii Sagar, Xukuumaddu waxay gaadhsiisay 9,000 neef oo adhi ah. – Waxa dib u xoolayn loo sameeyey 1,337 qoys oo ku caydhoobay abaarihii ka dhacay Dalka. – Sidoo kale, Xukuumaddu iyada oo ka hortagaysa nabaad-guurka iyo xaalufka deegaanka, waxay bilowday mashruuca dhir beerista, waxaanay sannadkii tagay beertay 25,000 geed, waxaanay 15 April ee sannad kasta u astaysay in ay noqoto maalinta Xuska Deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland. – Waxaan ku boorinaynaa, si aynu u hakino xawliga xaalufka iyo nabaad guurku ku socdo, in gobol kastaa ugu yaraan beero 30,000 geed. Cimillada adduunka ee isbeddelaysa, abaaraha iyo roob yaraantu waa dhibaato ka awood badan bani’aadamka. Waxa maanta dalkeena u baahan gar-gaar deg-deg ah in ka badan 1.5 Milyan qof. – Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa Qaranka Somaliland, Dawlad iyo shacabba in aynu isku tashanno, una gurmanno dadkeena dhibaatadu hayso. 1.6. Doorashooyinka Mudanayaal, Sida aad la socotaan, Dastuurkeenu waxa uu inna farayaa in shantii sannaba mar la doorto Golayaasha Qaranka – Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-igeenka, Golayaasha Sharci-dejinta iyo Golayaasha Deegaanka. Sidaa darteed, xukuumaddu waxay u hogaansan tahay sida uu farayo Dastuurka Qaranku. 1.7. Siyaasada Arrimaha Dibada Walaalayaal, Siyaasadda Arrimaha Dibeddu waxay ku dhisan tahay nabad-gelyo, daris-wanaag iyo iskaashi dhex-mara dalalka Gobolka iyo Caalamka, intaba. Si aynu u adkayno seeska iyo xaqiijinta siyaasaddaas, waxa bud-dhig u ah saddex tiir oo kala ah: 1) Ictiraaf-raadinta. 2) Kasbashada taageero dhaqaale oo caalami ah oo loo helo dib-u-dhiska dalka. 3) Iskaashiga, is-qadarinta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka. 1. Ictiraaf raadinta. Waxaannu xidhiidho badan la sameynay dalalka caalamka, kuwa innala saaxiibka ah, kuwa ka soo horjeeda qaddiyaddeena iyo kuwa labadaa dhexdooda taagan intaba. Waxaannu kulamo hawleedyo muhiim ah la yeelanay aqoon-yahanno, siyaasiyiin iyo diblumaasiyiin caalami ah oo taageera Somaliland, kuwaas oo keenay qoraallo muhiim ah iyo talooyin dhaxal gal ah. Waxaynu taageero diblumaasiyadeed ka helnay dalalka aynu saaxiibka nahay. Waxay ku qanciyeen badiba dalalka caalamka ugu tunka weyn leh in Somaliland taagan tahay wakhtigii Bulshada Caalamku dhexgeli lahayd dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Dawladda Turkiga ayaanu in badan wada hadalnay, iyada oo doonaysa in ay kalideed inna dhex-dhexaadiso innaga iyo Somalia. Hase yeeshee, annaga oo dareensan 7 sanno oo Turkigu arrintaa ku jiray in aanay wax midho ah dhallin, waxaannu ku talinnay in arrinta wada-hadalku ay noqoto mid ay goob-joog ka wada noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee arrinta wada-hadalka u diyaarka ah. Waxa si toos ah noola soo xidhiidhay dawladaha Sweden iyo Switzerland oo mid walba gaarkeeda diyaar ugu tahay in arrinta wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay marti-geliso. Somaliland way aqbashay labadaa marti-qaadba. Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu qaadanay siyaasadda ah in mushkiladda loo galo si nabad ah oo lagu dhammeeyo wada- hadal iyo nabad-gelyo. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh, maadaama Somaliland ay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha. Siyaasaddaasi nabadeed ee aynu qaadanay waxay keentay in wufuud caalami ah oo badani innoo yimaadaan oo arrintaa ku hawlani. Sidoo kale, aynu martiqaadyo ka helnay dawladaha aynu saaxiibka nahay. 2. Kasbashada taageero dhaqaale oo caalami ah oo loo helo dib u dhiska Dalka. Iyada oo la kaashanayo Bulshada Caalamka iyo Saaxiibada Somaliland taageera, waxa suurtagashay in Somaliland hesho taageero dhaqaale oo gaadhaysa ilaa 150 milyan oo doolar, oo loogu talo-galay horumarinta jidadka iyo mashaariicda horumarka ee uu fuliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland shanta sanno ee socda. Waxaannu qorshaynaynaa in Somaliland iyo Qaramada Midoobay yeeshaan nidaam iyo Qorshe u gaar ah Somaliland, oo ay Somaliland ku hesho saamiga saxda ah ee Deeqaha ay bixiso Qaramada Midoobay (Somaliland UN Special Arrangement), sida Bulshada Caalamkuba hore ugu sameysay Somaliland qorshaha gaar ah ee (Somaliland Special Arrangement). Qaramada Midoobayna waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan xaq-soorka iyo caddaaladda saamiga gar-gaarka ay bixiyaan. 3. Iskaashiga, is-qadarinta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka. Soomaaliya waxaynu xad ka leenahay maamul-goboleedka Puntland. Waxaannu u haynaa walaalnimo, iskaashi iyo nabad-gelyo. Waxaase maalmahan dambe soo kordhaya ciidamo maamulkaasi ah oo ka soo gudbaya Xadka inoo dhexeeya, falal nabad-gelyo darro ahna ka sameynaya gudaha Somaliland. Soomaaliya waxaannu ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida Gobolka wax yeelaya. Waxaannu ka digaynaa haddii waanadayada la weelayn waayo, in Dawladda Somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabadda iyo hantida muwaadiniinta Somaliland. Somaliland waxay diyaar u tahay in ay door weyn ka ciyaarto isbeddelka dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee ka socda Geeska Afrika. Hase yeeshee, Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran madax-bannaan oo weligii jiray, haddana jooga, kana jiri doona Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba. Waa Qaran ku leh qeybtiisa iyo miisaankiisa isbeddelka ka socda Gobolka Geeska Afrika. Cidda Somaliland iska indha-tirtaa, waxay xagal-daacinaysaa isbeddelka iyo horumarka uu beegsanayo Geeska Afrika, waxaanay si taban u saameyn doontaa horumarka iyo iskaashiga Gobolka. Geba-gabo Mudanayaal, Waxaynu nahay Qaran madaxbannaan oo leh dastuur shacabku u codeeyey, golayaasha Qaranna ku soo doorta cod shacbi (Qof iyo Hal Cod). Waa dimuqraadiyad dhif iyo naadir ku ah Afrika iyo in badan oo adduunka ah. Shacabka Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay u midoobaan danta Qaranka, ku fara adaygaan nabadgelyada, u dadaalaan horumarka, ka fekeraan mustaqbalka fog iyo aayaha ubadkooda, dariska iyo caalamkana kula noolaadaan nabad iyo iskaashi. Allaa Mahad Leh Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in maamul gobolleedka Puntland uu ciidamo falal amni darro wada ay soo geliyeen gudaha Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa ka digay arrimahaasi. waxaanu sheegay in haddii ay Puntland ka waartoobi waydo tallaabooyinka noocaas ah ay jawaab adag ka heli doonaan ciidammada qaranka Somaliland. “Waxa maalmahan danbe soo kordhaya ciidamo somaliya–maamul goboleedkeeda puntland ah oo ka soo gudbaya xadka inoo dhexeeya falal amni daro ahna ka samaynaya gudaha somaliland Maamulka somaliya waxanu ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan wixii xasiloonida iyo nabadgelyada gobolka Geeska wax yeelaya Waxaanu ka digaynaa hadii waanadayada la weelayn waayo in dawlada somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabada iyo hantida muwaadiniinta jamhuuriyada somaliland” madaxweyne Biixi” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Source
  16. Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu xiray wasiirkii warfaafinta ee maamulkaasi. Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo eedaymo musuq maasuq oo loo haysto. Wasiirka ayqa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu ka soo muuqdo maxkamada Hargeysa. Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliland ayaa baaritaano ku bilaabay wasiirada maamulkaasi oo ku aadan musuq maasuq iyo wax isdaba marin. Wasiir Guribarwaaqo ayaa si ku meel gaar ah xilkii wasaarada warfaafinta ugu wareejiyey wasiir ku xigeenkiisa Maxamed Muuse Abees. Puntland Post The post Wasiirka warfaafinta Soomaaliland oo hargeysa lagu xiray appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si qaawan u weeraray guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magacaabay guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Guddigan oo ka kooban illaa todobo xubnood ayaa waxa ay ka shaqeyn doonaan arrimaha doorashooyinka ee maamulka goboleedka Jubbaland. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Dib u dejinta, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, is bedelada ka socda Wadamada Geeska, xidhiidhka cusub ee wadamada Somaliland iyo Eretariya iyo khilaafka Doorashada. Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Eretariya ayaa yidhi “Waa lagama maarmaan inaynu la jaanqaadno, oo aynu doorkeena ka qaadano is bedelada xawliga ah ee ka socda mandaqada,waana markii ugu horeeysay ee uu dalkeena yimaado Wasiir Arrimo Dibadeed, Wadanka Ereteriya inaynu yeelano xidhiidh cusub aad iyo aad baan u soo dhaweeynayaa, Wadankan Ereteriya xidhiidhkan cusub ee aynu la yeelanay wax badan buu inaga caawinay, wax badana weynu is weydaarsanaynaa, waxaana filayaa inaynu wax badan kala faa’iidaysano, ta kale waa inaynu Adduun weynahay gaadhsiino qadiyadeena, iyo qaranimadeena, waa mid inaga inagu xidhan, dabcan Dawladduna dadaalkaas wey wadaa, laakiin waxaa looga baahan yahay Shacab, Dawlad iyo Axsaaba inay iska kaashadan sidiii Caalamka loo gaadhsiin lahaa jiritaanka dalkeena, loogana midhi dhalin lahaa himiladeena”. Mar uu ka hadlaayey Doorashada iyo khilaafka Xisbiyada ee aan wali la xalin ayaa yidhi “In la murmo oo la is qabto, khilaafna yimaado waa sunaha Dawladnimo iyo nidaamka Dimuqraadiyada,haddii Xeerkii Doorashadu Barlamaanka hor yaalo, iyo haddii Axaabtu aanay wali ka heshiin Doorashada iyo qabsoomideedaba, waa arin laga wada hadli karo, lagana heshiin karo, laakiin arimaha Doorashada ee la isku hayo yaanay marnaba xayndaabka dawladnimada inaga talaabinin, Mucaarad iyo Muxaafidba isku hadaf baynu nahay, isku himilo ayeynu nahay, isku meel baynu hiigsanaynaa, oo ah sidii dalkan himiladiisa looga midho dhalin lahaa, Aqoonsi buuxana Caalamka looga heli lahaa, markaas Mucaarad iyo Muxaafidba aynu iska wada kaashano sidii himilada umaddeena uga wada midho dhalin lahayn, wixii aynu isku hayno ee dhexdeena ahna aynu sida ugu haboon u xalino, maxaa yeelay wax walba waa la isku qaban karaa, waxaan ka ahayn Kitaabka Quraanka ee uu ALLE inoo soo dajiyey, arimahaas Doorashadana insha allaah weynu ka heshiin doonaa”. Source
  20. Muqdisho (SMN) -Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay isbdedal ku sameeyay qaar ka mid ah taliyeyaasha saldhigyada degmooyinka G/Banaadir. Xubnaha la magacaabay oo u badan dhalinyaro ayaa ah saraakiishii nabad sugida ee lagu biiriyay ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Maxamed Jeego oo hore u ahaa Taliye Kuxigeenkii Nabadsugida G/Banaadir, waxaa hada loo magacaabay Taliye Ku Xigeenka Booliska qaybta guud ee Gobolka Banaadir. Cabdi Fitaax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan, waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeen looga dhigay Shuceyb Abdi. Yaasiin Nur Khayre, waxaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka qeybta bartamaha. Bashiir Cabdi SIyaad, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga booliska degmada Hodan. Najiib Carab, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Boondheere. Liibaan Shidane, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Kaaraan. Xuseen Cadceed oo si KMG-ah u hayay xilka Taliyaha Saldhiga Warta-Nabada tan iyo markii la dilay Taliyihii hore macalin Daahir, ayaa Caawa si rasmi ah xilkaasi loogu magacaabay. Ismaaciil Muuse Yuusuf, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska Dharkiinley. Axmed Taree, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Kaxda Axmed Khadar, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Xamar weyne. Maxamed C/qaadir, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay gabar lagu magacaabo Taliso Abtidoon. Lama oga illaa iyo hadda ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa isbedalkan cusub ee lagu sameeyay talisyada degmooyinka gobolka Banaadir. Balse tallaabadan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay Muqdisho uu ka dhacay weerar lagu qaaday xarun ay dagan yihiin wasaaradda shaqada iyo tan howlaha guud ee Soomaaliya. View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa shirkadaha Shiinaha ee dhawaan heshiiska kalluumaysi la galay dawladda Soomaaliya, waxay uga digtay inay ku soo xad gudbaan biyaha Somaliland. Maqaal lagu qoray shabakadda defense one oo uu ku saxeexanyahay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa waxa ay xukuumadda Somaliland kaga digtay halista amni iyo xaaluf ee ka dhalan karta kalluumaysi ay shirkadaha Shiinuhu sameeyaan. “Kallumaysiga Somaliland ismuu bedelin jiilal badan, taas oo wax ka tartay kaydinta iyo ilaalinta deegaanka badda. Galbeedka Afrika oo afar kun oo mayl u jira, kallumaysi xad dhaaf ah ayaa keenay inbadan oo noolaha biyaha ahi inay qarka u saaran yihiin inay dabar go’aan, islamarkaana khatar ku ah nolol maalmeedka dadka iyo amaanka cuntada. Somaliland si dhow ayay ula socotay arimahaas iyada oo ka walaacsan.” Ayay tidhi qormada Wasiirku waxaanay intaas raacisay “Shiinuhu maaha dalka keliya ee haysta doomaha kallumaysi oo wax xaagaafa, balse doomihiisa ayaa dal shisheeye ku casumay dhul biyoodkayaga. Hadday soo galaan, doomaha wata shabagyada waawayn, waxaay baabinayaan noolaha ku jira baddayada iyaga oo waxyeelo u gaysanaya taranka islamarkaana sii kordhinaya hoos u dhac ku yimaada kalluunka. Waxa intaas dheer in qaabka aan kala xulashada lahayn ee ay doomahaasi u qabsadaan kallunka iibsami kara iyo ka aan iibsami karinba si isku mid ah sidoo kalena ku aasidda qashin lagu shubo biyaha waxaay burburin kartaa noocyada noolaha naadirka ah ee u gaarka ah badayada.” Wasiir Faratoon oo ka hadlaya ruqsada ay Soomaaliay siisay Shiinaha wuxuu yidhi “Ruqsadda ay Somaliya bixisay wuxuu ogolaanaya in Shiinuhu qabsado nooca kallunka tuunaha, balse noocyo kale oo badan oo ay ka mid yihiin libaax badeedka iyo hoombarada ayuu sidoo kale xagaafayaa. Doomaha kallumaysiga ee yaryar ee ay Somaliland leedahay lama tartami karaan maraakiibta Shiinaha iyo tikonoolajiyadda casriga ah ee ay isticmaalaan. Waxa la sheegay in markabka caadiga ah ee Shiinuhu uu todabaad gudihii ku qabsan karo kallunka doonta Afrikaanka ahi ay sanad dhan qabsan lahayd. Afkrika oo dhan, kala sinaan la’aantaasi waxaay debedda uga saartay balaayiin doolarka Maraykanka ah, iyada ku qasabtay kallumaysatada maxalliga ah inay galaan dembiyo, aragagixisnimo iyo budhcad badeednimo. Dawladda Muqdisho wax awood ah kuma laha dhulkayaga, balse taasi kamay joojin inay faraha la soo gasho arimaha gudaha ee dalkayaga. Marka laga yimaado inay ku tahay xadgudub madaxbanaanida Somaliland, gacan toglaytani waxaay sidoo kale kor u qaadaysaa suurtagalnimada khilaaf ka qarxa Geeska Afrika – taas oo laga yaabo inay tahay waxa ay dawladda Muqdisho doonayso. Iyada oo Somaliland ay soo dhowaynayso danaha shirkadaha shisheeye ee doonaya inay maal gashadaan khayraadkayaga, hadana maalgelintoodu waa inay kor u qaadaa horumar waara oo ay muwadiniintayadu gaadhaan. Maadama aanu jirin heshiis ay la galeen Wasaaradda Kaluumaysiga ee Somaliland si waafaqsan qanuunka Somaliland, kallumaysatada Shiinaha waa u caqli xumo haday isku dayaan inay soo galaan dhul biyoodkayaga.” Isagoo Wasiirku ka hadlaya halista uu kalluumaysiga Shiinuhu leeyahay wuxuu yidhi “Kallumaysiga xad dhaafka ahi wuxuu khatar ku hayaa dadwaynaha aduunka oo dhan. Sida ay sheegtay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay, boqolkiiba 90 kalluunka aduunka si buuxda ayaa loola baxay ama wuxuu wajahayaa dabar go’. Somaliland waxaay doonaysaa inay ka bed qabto arinkaas, balse si ay ugu guulaysato waxaay u baahan tahay inay marin u hesho ilaalinta sharci ee ay helaan dhamaan dalalka madaxa banaani.” Ugu dambayn waxay dawladda Somaliland u digaysaa Shiinaha, waxaanay tidhi “Inkasta oo ay rajo badan qabaan, hadana dadka reer Somaliland waa dad waaqici ah. Mudo ka badan 27 sanadood kadib markii Somaliland ay ka baxday midawgii ay la gashay deriskeeda Somalia, dalkayagu wuxuu weli sugayaa in loo aqoonsado qaran madax banaan. Mudada dhow Somaliland intii karaan keeda ah way is-xakamaynaysaa. Haseyeeshee, haddii bulshada caalamka ay dhab ka tahay ilaalinta badwaynta, badaha, iyo khayraadka badda ee yar, waa inay ku racaan Somaliland ka soo horjeedkeeda ay ku diidan tahay ruqsadaha ay Somaliya siisay shirkadaha Shiinaha. Buux dhaafka iyo kala duwanaanshaha noolaha badeed ee ku jira xeebta Somaliland – iyo dal kasta oo kale ba – waa inaan loo qaadan arin iskii iskaga jiri kara. Source
  22. (SLT-Muqdisho)-Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada midoobey ayaa maalin ka hor isku raacay qaraar cambaareynaya heysashada Israa’iil ee buuraha Golan, iyaga oo ku celiyey in dhulkaasi ay leedahay Suuriya, waxaa uu sidoo kale qaraarkaasi uu Israel faray inay u hoggaansanto qaraarada caalamiga ah ee arrinkaasi ku saabsan. Codeynta waxaa taageeray 26 dal, waxaa ka horyimid 16 dal halka 5 dal oo ay Soomaaliya ku jirto ay ka aamuseen! Dalalka ogolaaday qaraarka waa: Afghanistan, Angola, Argentina, Bahamas, Bahrain, Bangladesh, Burkina Faso, China, Chile, Cuba, Egypt, Eritrea, India, Iraq, Mexico, Nepal, Nigeria, Pakistan, Peru, Philippines, Qatar, Saudi Arabia, Senegal, South Africa, Tunisia iyo Uruguay. Dalalka qaraarka ka soo horjeestay waa: Britain, Austria, Australia, Brazil, Bulgaria, Croatia, the Czech Republic, Denmark, Hungary, Iceland, Italy, Japan, Slovakia, Spain, Togo iyo Ukraine Halka dalalka ka aamusay ay ku jirto Soomaaliya, arrintaas oo lala yaabey maadaama ay tahay dal carab ah, waxaa kale oo iyagana ka aamusay Democratic Republic of the Congo, Cameroon, Fiji iyo Rwanda. Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump ayaa todobaadkan sheegay in 52 sano kadib la gaaray xilligii dalkiisu aqoonsan lahaa in Golan tagay dhul ay leedahay Israel, arrintaasi oo ay diideen dhammaan dalalka Islaamka, kuwa carabta iyo xataa Ruushka. Qaraarkii loogu hiillin lahaa Suuriya ayaa waxaa si lama filaan ah ugu aamusay dalka Soomaaliya, oo horay aan xiriir ula laheyn Israel, kuna tiri jiray dad gumeysteyaal ah. Cabdi Barre oo ah siyaasi iyo xildhibaan hore oo golaha shacabka oo arrintaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa dhacay, waa markii ugu hore arrinta ceynkan ah oo sidan mug u leh ay Soomaaliya ka hiiliso waddan Carbeed, oo dhulkii uu lahaa iyo qaddiyadiisii la iibiyo, arriintan oo mgac xumo u keeneysa jiilka dambe, waana silsilado ka mid ah siyaasad xumida Villa Somalia iyo jahawareer ka jirto gaar ahaan siyaasadd arrimaha dibadda”. Source