Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,011
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida. Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in gabi ahaanba ay dhowaan xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab oo ah midda ugu weyn ee xeryaha qaxooti caalamka, waxaana ku nool kumanaan qof oo u badan Soomaali. Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP, dowladda Kenya ayaa dooneysa in bisha August ee sanadkan 2019 dooneyso iney gabi ahaamba albaabada isugu dhufato xeradan. Caddeymaha ay heshay AFP ayaa sidoo kale sheegaya in Kenya ay dooneyso in si hoose usoo gabagabeyso xeradan, maadaama horey u jirtay ballanqaad ahaa in aan dadka lagu qasbin ku laabashada dalkooda. UNHCR ayaa horey waxay u sheegtay in mar walbo diyaar u tahay sidii ay dowladda Kenya uga caawin lahayd dib u celinta dadka deggan xeradan iyadoo aan wax qasab ah lagu dayeen. Waxyaabaha ay UNHCR ballanqaadday waxaa ka mid ahaa in dadkaasi qaarkood dal Saddexaad la geyn doono, halka kuwo kalena dib u dejin loogu sameyn doono gudaha dalka Kenya. Kenya ayaa ku andacooneysa in xerada Dhadhaab ay hoy u noqotay Al-shabaab, islamarkaana si amniga dalkeeda u xaqiijso u xireyso. Sanadkii 2016 ayeey ahayd markii ay Kenya sheegtay in ay xireyso xeryaha Dhadhaab, taasi oo hadalhayn badan dhalisay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cismaan Barre oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xiisadaha ka jira maamulkaasi. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa sheegay in ka maamul ahaa ay wadaan xalinta colaadaha ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay wadaan dadaalloo oo looga hortagayo dagaallada ka soo cusboonaday duleedka degmada Cadale ee gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-jaamac.mp3 View the full article
  4. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigtay sarkaal ka tirsanaa xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose. Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in sarkaalkan laga soo qabtay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabellaha Hoose, 26-kii bishan kadib markii ay ciidanka isku gadaameen goob uu ku sugnaa. Lama sheegin magaca sarkaalkan Al-shabaabka ah ee ay ciidanka dowladda gacanta ku dhigeen iyo sidoo kale waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa. Maalmahan dambe, ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan waxa ay ka wadeen deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Dhoobley (SMN) – Saraakiil ka tirsan howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa gaaray degmada Dhoobley gobolka Jubadda Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Xubnahan gaaray Dhoobleey oo ka kooban illaa 9 sarkaal oo Boooliis ah ayaa maamulka Jubbaland kala shaqeyn doona dhinaca tababarka ciidamada,baarista xad gudubka ka dhanka ah aadanaha. Rex Dundun oo hoggaaminayay saraakiishaasi ayaa sheegay in u jeedka socdaalkooda uu yahay,sidii ay dhinaca tababarada uga caawin lahaayeen ciidamada Booliiska dowlad goboleedka Jubbaland. Si kastaba ha’ahaatee saraakiishani ayaa joogi doona halkaasi ku dhawaad sanad,waxaana muddadaasi ay howlo kala duwan ka qaban doonaan gobolka Jubada Hoose. Ugu damgbeyn Haybe Axmed Cabdullahi oo ah taliyaha Booliska degmada Dhoobleey ayaa ugu baaqay Ciidanka Jubbaland in ay ka faa’ideystaan xirfadaha iyo qibradda saraakiisha ka socota AMISOM ee gaaray halkaasi. View the full article
  6. Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiga Shanaad ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kadib fasax ay xildhibaannadu ku maqnaayeen. Waxaa la filayaa in furitaanka Kalfadhigan ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin dhowr ah, iyadoo munaasabadda furitaanka Kalfadhigan la filayo in lagu qabto Dugsiga Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo la xiray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho. Xildhibaannada golaha shacabka ayaa waxaa horyaalla shaqooyin aad u badan, soo laabashadooda kadib. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Maamulka degmada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa dhammaan gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaanno (PL) ka mamnuucay in ay rakaabka ka dejiyaan daaqadda laamiga xigta si looga fogaado shilalka. Amar ka soo baxay duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse oo lagu socod-siiyay taliska ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Nugaal iyo saldhiga dhexe Garoowe islamarkaana la ogaysiiyay dhinacyada ay khusayso ayaa gaadiidka PL-ka looga mamnuucay in ay rakaabka ka dejiyaan daaqadda laamiga xigta si looga fogaado shil khasaare naf iyo maal geysa. Duqa ayaa sidoo kale gawaarida aan dhanka bidix daaqadda ku lahayn u qabtay mudda saddex bilood ah oo ay ku samaystaan daaqadda dhanka bidix isagoo ku hanjabay in wixii wakhtigaa ka dambeeya aan loo ogolaan doonin. Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST The post Garoowe: Gaadiidka dadweynaha oo laga mamnuucay in ay rakaabka ka dejiyaan daaqadda laamiga xigta appeared first on Puntland Post.
  8. Baladweyne (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay duqeyn dhinaca cirka ah laga fuliyay deegaano hoostaga gobolkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaanada Luuq Jeelow iyo Orante oo dhaca duleedka degmada Baladweyne ee xarunta G/ Hiiraan. Goobaha la duqeeyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab. Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntay iyo cida fulisay intaba. Sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle iyo dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi. Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa weeraro ka dhan ah Al Shabaab ka fuliya gudaha Soomaaliya. View the full article
  9. Afgooye (SMN) – war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, islamarkaana lagu baahiyay wakaaladda wararka ee SONNA ayaa lagu sheegay in weerar qorsheysan oo ay ciidamada amnigu ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoosee lagu soo qabtay hoggaamiye sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab. Howlgalka oo dhacay 26-kii march ee Bishan ayaa waxaa laga fuliyay deegaanka Jambaluul, kadib markii Ciidamadu hareereeyeen goobtii uu joogay sarkalkaasi. Ma jirto wax khasaare ah oo ka soo gaaray shacabka iyo Ciidamada Qaranka howlgalka lagu qabtay ninkaasi, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda. Ciidamada ammaanka ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday howlgallada ay wadaan, iyagoona gacanta ku soo dhigay xubno ka tirsan Al Shabaab. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-27032019.mp3 View the full article
  11. Lama filaan ayuu igu noqday markii aan maqlay xalay in taliyaha ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Farmaajo uu dhaawacay mid ka mid ah askartiisa sababo la xiriira muran ka dhashay mushahar ka maqan askariga. Taliyaha oo magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Dabagaale, isla markaasna ahaa taliyaha horinta Ciidaanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu dhaawacay afaafka hore ee Madaxtooyada. Sida aan warka ku helay, murankaan ayaa yimid kadib markii askarigu taliyaha uu ku eedeeyay in uu lunsaday lacag uu lahaa askarigu, hayeeshee muranka oo sii dheeraaday ayaa sababay in la dhaawaco taliyaha. Xaqiiqdii markii aan maqlay warkan, waxa ugu horreeyey ee maskaxdeeda kusoo dhacay ayaa ahayd “ka waran haddii askarigan fallaagada noqday uu waxyeeleyn lahaa madaxweynaha?” Arrintan waa mid aan la sahlan karin, oo baahan tallaabo deg deg ah oo madaxtooyada ay qaaddo, si aysan marnaba dib ugu soo noqon. Waxaan codsan lahaa in dowladda ay baaritaan deg deg ah ku sameyso arrintan, kuna dhaqaaqdo tallaabooyinkan: 1 – Waa in la hubiyaa waxa ka run ah sheegashada askariga ee ah in mushahar ka maqan yahay, oo taliyuhu uu qaatay. Haddii madaxtooyada ay bixisay mushaharka askariga, balse taliyuhu qaatay, waa in taliyahaas shaqada laga ceyriyaa, la maxkamadeeyaa kadibna xabsiga la dhigaa, waayo ficilka noocan oo kale ah wuxuu halis ku yahay amniga madaxweynaha. Lama aqbali karo taliya lagu aaminay amniga madaxweynaha oo sameynaya wax halis gelin kara. 2 – Haddii aysan jirin in mushaharka aysan dowladda bixin, waa qalad aad u weyn oo madaxtooyada ay gashay, sababtoo ah wax kasta oo dhacaa iyo lacag kasta oo la waayaa ma ahan in ilaalada madaxtooyada mushahar loo waayaa. Tani waxay halis ku tahay madaxweynaha. Askariga baahan ee mushaharka aan haysan waxa uu u baylahan yahay in la laaluusho, oo xitaa kooxaha nabad diidka ah ay lacag siiyaan, sidaasna ku horseedo dhibaato. Waxaan xusuustaa in xilligii Xasan Sheekh ee madaxtooyada ay galeen Shabaab, in mar ay soo mareen askari ay laaluusheen. 3 – Askariga gaystay dhaawaca, waa in la siiyaa xuquuqdiisa, haddiiba ay ka maqan tahay, kadibna shaqada laga ceyriyaa. Tallaabada uu qaaday ma ahan mid la sixi karo, waa askari aad u fudud, una qalmin inuu kasoo ag dhowaado madaxweyne Soomaaliyeed. Si kasta oo mushahar uga maqan yahay ma ahayn inuu qaado tallaabo halis gelin karta nolosha qof, amniga madaxtooyada, islamarkaana dhaawici karta sumcadda madaxtooyada iyo tan guud ee dowladda. Askariga dhaawacay taliyaha wuxuu sigay madaxweynaha. W/Q: Cabdiraxmaan Saciid Jaamac Nairobi, Kenya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in wasiirka arimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu dib kaga soo laabtay magaaladaasi. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in safarka wasiirka oo loo qorsheeyay inuu qaato muddo labo maalin ah uu kasoo hormaray waqtigii loo qorsheeyay wuxuuna dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Kulan saacado qaatay ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusomareeb, kaasi oo u dhaxeeyay madaxda Galmudug ugu sareyso iyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, kaasi oo aan la ogeyn ilaa iyo hadda waxyaabaha la isku fahmay. Qodobka dooda ugu adag ka dhalatay ayaa ahaa qorshaha dowladda damacsan tahay oo ah in doorashada Galmudug ay dhacdo bisha Todobaad ee sanadkaan, waxaana ka biyo diidan madaxda Galmudug. Waxyaa la filayay in Kohor bixitaanka Wasiirka, dhinacyadu wada hadlayay inay qabtaan Shir Jaraaid oo looga Hadlayo Waxyaabaha ka soo Baxay kulamadoodii, Maadaama uusan Jirin Ilaa shalay Hadal saxaafada Lala wadaagey oo ku saabsan isku dayga dowlada ee Xal u helida Arinta Galmudug iyo Natiijada rasmiga ah ee kulamada Dhinacyada, Dad xog ogaal ah ayaa Inoo Xaqiijiyey in ay Jiraan Shuruudo Madaxda Kala duwan ee Galmudug ay ku xirtay Heshiiska taasoo Keentay in wasiirku uu kula laabto Madaxda dowlada Faderaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa dhawaan sheegay in muddo kororsiga madaxda Galmudug doonayaan inaan la aqbali doonin, waxaana dowladda ay dadaal dheeri ah u gashay sidii arimahaasi xal looga gaari lahaa. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hadal heynta ugu badan ee Soomaaliya ayaa ah hadalkii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka sheegay khudbadii uu ka jeediyey dugsiga Janaraal Goordon iyo taliska guud. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa iska fogeeyey guul-darradiisa amniga, isaga oo ciidamada xoogga dalka dusha ka saaray ama madax furasho ka dhigtay guul-darrooyinka amniga gaar ahaan ka soo bixid la’aantiisa balantii aheyd inuu Al-shabaab dalka uga saaryo 2 sano gudahood. “Waan xusuustaa, qaarkiinna waxaa laga yaabaa in aad xusuusataan, waxa aan ku wada hadalnay, oo waxaad ii sheegteen dhibaatooyinka iyo duruufaha jira, duruufahaas haddii la xalinaya muddo 2 sano ah in dalka Shababaab looga xureynayo, anna waxbaad i farteen in aan ka soo baxo, anna wax ayaan idiin faray, meeshaas waxaan ku kala qaadannay ballamo” ayuu yiri Farmaajo. Haddaba waxaa arrintaas ka hadlay Agaasimaha xarunta Hiraal, Xuseen Sheekh Macallin Maxamuud oo wareysii siiyey Idaacadda Goobjoog ee Magaalada Muqdisho. Xuseen ayaa hadalka Madaxweynaha ku tilmaamay inay tahay Mas’uuliyad ka carar ama waxa uu ugu yeeray ‘waa lagu kaarto baxay”. “ Arrinta uu madaxweyne Farmaajo sameeyey waa mas’uuliyad ka carar ama waxa ay Banaadirigu dhahaan ‘waa lagu kaarto baxay” ayuu yiri. Wuxuu intaas sii raaciyey “ciidanku arrintaas ma qabato, In Shabaab laga adkaado ma aha wax u gaar ah ciidanka xoogga dalka, ee waa mid u taalo xukuumad, goleyaal iyo inay raali isaga yihiin dadka ay khuseyso. Waxaa la gudbooneyn isaga oo aan cidna eedin ama ku riixin inuu sheego gaabiska jira, mas’uuliyadda guul-darrada amniguna uu qaado, kadibna uu xal raadiyo” Sida ku qoran qodobka 90aad ee dastuurka KMG ah, Madaxweynaha waa taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida, Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Degdegga ah iyo Xaaladda dagaal, waana wax aan la fahmi karin sida hadda uu isaga fogeynayo balantii uu ka baxay ee aheyd inuu Al-shabaab dalka uga saaryo 2 sano. Dowladda Soomaaliya ayaan wax weerar ah ku qaadin Fariisimaha Ciidamada Al-Shabaab labadii sano ee dalka maamuleyso marka laga reebo duqeymo ay Dowladda Mareykanka ka fulisay dhawr goob oo saldhig u ahaa Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamadii ugu badnaa la geeyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana la joojiyay adeegsiga gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya furitaanka kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka, waxaana la xiray waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha. Kalfadhiga Shanaad ayaa maanta ka furmayo xarunta Iskuul Buluuziya, waxaana gabi ahaanba la xiray waddooyinka gala xarunta maanta kulanka baarlamaanka uu ka furmayo. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa kasoo laabanaya fasaxii ay galeen kadib xeritaankii kalfadhigii Afaraad, waxaana lagu wargeliyay dhamaan inay ka qeyb galaan furitaanka kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sida uu qabo dastuurka dalka furi doono kalfadhiga, waxaana laga filayaa inuu u jeediyo khudbad uu kaga hadlayo howlaha horyaala baarlamaanka iyo waxyaabaha u qabsoomay. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xilligaan waxaa horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo u baahan inay ka doodaan, kadibna ay ansixiyaan ama ay diidaan, waxaana inta badan dalka kusoo laabtay Xildhibaano safar ugu maqnaa dalka dibadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Wasiiradda Xukuumadda Kaga Jira Sool Iyo Sanaag Oo Hayb Ahaan Ula Shiray Maanta Gudoomiyaha Wakiiladda, Wakhti Hanti Dhawr Galay Xafiisyadood, Qaarkoodna Dacwad Musuq Maasuq Xeer Illaalintu Ka Hayso. “Maanta Reer ayaanu ahayn Danahooda ka shiraya, Arin Dawladeed maanta maanu hayn, Mid Qabiil ayay Ahayd, Maalmaha Qaarna Waanu Shirnaa, qaar waanu cibaadaysanaa, Qaarna Dawladda ayaanu u shaqaynaa, Maanta waxay ahayd maalintii Reerku Kulmi jiray, Danahayaga ayaanu ka shiraynaa, shirkani illaa Bari ayuu soconayaa”. Xildh Cabdiqaadir Indho Indho oo shirkaasi ku jiray, iskuna deegaan yihiin Masuuliyiintaasi ayaa sidaasi Warbaahinta u sheegay. Halkan ka daawo Warkaas oo faahfaahsan:- Qaran News
  16. Dawlada Somalia oo cadeysay Mawqifkeeda ku aadan lahaanshaha Buuraleyda Golan heights Dowladda Federaalka Somalia, ayaa war kasoo saartay xiisadda ka taagan buuraha Golen ee dhawaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in Yahuudda ay leedahay, Soomaaliyana ay ka mid noqotay dalalkii ka aamusay kulankii lagu cambaareeyay Arrintan ee ka dhacay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Qoraalka DF ayaa u qornaa sidan: Xukuumadda Federaalka Somalia waxay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida. Dowladda Somalia waxay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa waxaa looga bartay inay mowqif ka istaagto murannada soo dhex-gala dowladaha caalamka, taasoo sababtay in dalal badan oo caalamka ay ka caroodeen mowqifyada Dowladdu ay qaadato marka ay muranno soo if-baxaan Qaran News
  17. Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasiyiin reer Somaliland ah oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa ku sugan magaalada Muqdsiho ee caasimada Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Siyaasiyiintan ayaa hore waxay uga soo shaqeeyeen Dowladdii Madaxweyne Daahir Rayaale, oo ay ka qabteen xilal sar-sare, kadibna waxay ku biireen xisbiga hadda talada haye ee Kulmiye, oo xilal wasiir ku-xigeeno ka qabtay xukuumadii Siilaanyo. Siyaasiyiinta Xamar ka degay ayaa kala ah: Xasan Daahir Dhimbil oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Axmed Keyse Guray oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo weliba Khadar Axmed Diire oo isagna ahaa Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland. Xogt aan helnay, ayaa waxay sheegaysa in Siyaasiyiinta ay Xamar uga dageen inay usoo sahmiyaan Kulmiye iyo Xukuumada Biixi, ayada oo aan la ogeyn xaqiiqda waxa ay sahminayaan. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay inay yihiin siyaasiyiin shaqo doontay, oo aan xisbiga ka mid ahayn. Si kastaba, weli ma jirto meel ay ka sheegen in Xisbiga Kulmiye kaga baxeen, mana jirto meel kulmiye ku sheegay in uu xisbiga ka caydhiyey masuuliyiintas. Xisbiga Kulmiye ayaa markii ololaha uu ugu jiray doorashada madaxtinimada Somaliland ku eedeyn jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI in uu yahay Soomaaliweyn oo siyaasiyiintodu tagaan Xamar, maantase waxa soo if-baxeysa in Xisbul Xaakimka Kulmiye uu isagu laftigiisa siyaasiyiintiisa u dirsado Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. Shacabka Turkiga ayaa u dareeraya doorashada dawlahada hoose 31 bishaan Maarso ee aan ku jirno, doorashooyinkaan ayaa waxaa la qabtaa shantii sano mar. doorashadan waa tii ugu horeeyay tan iyo markii dastuurka waddanka afti laqaaday lagu baddaly, is baddaladaas oo madaxwaynaha siiyay awoodo fara badan, sidoo kale waxay imaanayaan sagaal bilood kadib markii madaxwayne Receb Tayyip Erdogan uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimo bishii June 2018 isagoo noqday madaxwayne awoodo fulineed leh “Excutive Presdent”. Waxaa lafilayaa in in 57 million oo cod bixiye yaal ah ay kala doortaan 22,000 oo musharrax kuwaas oo ku tartamaya mayarnimada 30 magaalo oo waawayn “Metropolitan” iyo 1,351 dagmo “Districts”. Guddiga sare ee doorashooyinka ayaa shaaciyay in 13 xibsi ay ku tartami doonaan doorashada. Wadanka turkiga oo dawladniamdu daadagsantahay “decenteralized” ayaa dawladaha hoose leeyihiin awoodo ay shaqooyin badan ku qaban karaan iyaga oo aan dowladda dhexe waxba uga baahan, waxay qabtaan shaqooyinka hormarineed, sida hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tayaynta adeegyada bulsho sida biyaha,korontada, nadaafadda, waddooyinka iyo goobaha lagu nasto. Adeegayadan iyo kuwa kale oo badan oo dagmooyinku qabataan ayaa ka kadhigaya hogaanka dagmada mid isku xira shacabka iyo xisbiga uu matalayo. Waana meesha ay ka bilaabanayso kasbashada taageerada dadwaynaha. Doorashadaan waxaa ku loolamaya labo is bahaysi oo waawayn oo midwalba culaysyadiisa iyo caqabadihiisa gaarka ah haystaan. Waxaa muuqanaya tartan aad u adag oo aan waxba la iskula harin sida caadada u ah turkida marka doorasho timaaddo. Isbahaysiga loogu magac daray Isbahaysiga Shacabka “People’s Alliance” oo ay ku midooben xisbiga talada haya ee Caddaalada iyo Hormarka AK PARTI iyo Xisbiga mucaaradka ah ee midigta u janjeera MHP. Labada xisbi ayaa aad isugu dhawaa tan iyo inqilaabkii dhicisoobay ee dhacay bartamihii sanadkii 2016 kadib. Waxaa la fılayaa in ay codad kahelaan dadka muxafidiinta “Conservativist” iyo Qawmiyiinta “Nationalist” oo udhigma illaa 60% dadka codbixiyeyaasha ah. Dhanka kale waxaa jira Isbahaysi ay ku midoobeen tiro axsaab ah oo affar gaaraysa uuna horkacayo xisbiga midigi dhexe CHP,xisbigaan oo ah kan ugu wayn mucaaradka. isbahaysigan ayaa waxaa haysata caqabaddo kala duwnaasho,fikir iyo shaqo. Waxaa lagu eedeeyaa kaliya in ay u midoobeen in ay kahor yimaadaan xisbiga AK PARTI.Isbahaysigaan wuxuu ukala qaybsan yahay, axsaab muxaafid ah ama İslaami, kuwa lagu tilmaamo Kemalists, iyo xisbiga Kurdida HDP oo lagu eedeeyo in uu gacan saar laleeyhay PKK oo dawladda turkiga iyo waddamo kale oo caalamka ahi u aqoon sadeen in uu yahay argagixiso. Labo arrimood ayaa sabaab u noqonaysa sida la saadaalinayo in isbahaysiga madaxwayne Erdogan ay doorashadaan guul ka gaaraan; tan koobaad waa Kala duwanaanshaha, iyo tabardarrida axsaabta mucaaradka oo niyad jab iyo quus ku keentay dad badan oo aan la dhacsanayn siyaasadda xisbiga AK PARTI ee uu Erdogan hogaamiyo iyo in mucaaradka oo soo saari waayay hogaan kartileh oo kasban kara shacabka , tan labaadna waa hormarka muuqda ee baaxaddaleh ee uu horseeday AK PARTI tan iyo markii ay xukunka la wareegeen sanaddii 2002. Labadaas arrimood oo is biirsaday waxay horseedayaan in is bahaysiga madaxwayne Erdogan ay doorashadaan ay guul kasoo hooyaan. Loolanka ugu xooggan ayaa kadhici doona magaalooyinka waawayn sida Isatanbul,Ankara iyo Izmiir, iyada oo xisbiga talada hayya uu magaalooyinkan u sharraxay dad waddanka aad looga yaqaanay sida Bin Ali Yildirim oo loo sharraxay in uu u tartamo mayarka magaalada Istanbul. Yildirim ayaa muddo dheer soo ahaa wasiir, kadibnna raysal wasaare markii ugu damabaysyna ahaa gudoomiyaha baarlamaanka. Sidoo kale dad wasiiro soo noqday ayaa loo sharraxay magaalooyin kale. Arintaan ayaa muujinaysa cabsida ay Isbahaysiga Shacabka iyo gaar ahaan xisbiga AK PARTI ka qabaan in magaalooyinka waawayn ee dalka looga guulaysto. Guul darradaas oo hadday dhacdo muujinaysa hoos udhac shacbiyadda madaxwaynahay isla markaasna xoojinaysa axsaabta mucaaradka. Guul uu gaaro isbahaysiga madaxwayne Recep Dayyip Erdogan waxay u fududayn doonta in uu fuliyo ballan qaadyo iyo qorshayaal dhidibada loogu aasayo nidaamka madaxwayne ee wadanku qaatay. Waxay u ogolaanaysaa in wax laga qabto dhibaatooyinka nololeed iyo sicirbararka. Sidoo kale waxay yeelan doontaa saamayn dhaqaale oo wanaagsan iyada oo dhiirigalin doonta maalgashadayaasha ajaanibta ah. Dhanka arimaha dibadda Erdogan waxaa u fududaan doonta latacaalidda xiriirka sii xumaanaya ee Turkiga iyo reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka, iyo dagaalka suuriya ee dabada dheeraaday. W/Q: Abdiwali Sayid Saxafi Madax Bannaan İstanbul-Turkey Email: abdiwalisayid@gmail.com
  19. Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga dhexe ee Hargeysa kasii daysay Mr. Yaasir Saleebaan oo muddo saddex tobodaad ah u xidhnaa eedo la xidhiidha inuu ku kacay khiyaamo qaran, kaddib markii lagu eedeeyey inuu siraha amniga ee xasaasiga ah u gudbin jiray xukuumada soomaaliya ee Farmaajo. Yaasir ayaa isagoo gacmaha ka katiinadaysan oo askar hubaysani wadaan dhowr goor la hor keenay maxkamadda degmada Hargeysa oo kiiskiisa oo xukuumadu dhibane ka ahayd dhageysatay. Yaasir Saleban oo ahaa lataliyaha wasiirka arrimaha gudaha ee dhanka amniga iyo xidhiidhiyaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo Hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ee la shaqeeya Somaliland (Internal Security Coordinator & Senior Adviser to Minister) ayaa imika xoriyadiisii dib u helay kaddib markii sida la sheegay xukuumaddu culays badan kala kulantay jifada uu kasoo jeedo ee Aadan Madoobe/East Burco Clan oo uu sidoo kale kasoo jeeday madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo. Sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay Yaasir wuxu Horjooge iyo Xidhiidhiyaba u yahay Shebekad Dhalinyaro isku xidhan oo dalka Gudihiisa ku sugan oo wadashaqeyn joogto ah la leh Xafiisyada Madaxda Muqdisho ee Farmaajo iyo Kheyre. Waxa wax lala yaabo noqotay sida dhibta yar ee xukuumaddu xoriyadiisa ugu celisay qof ku eedaysnaa khiyaamo qaran iyo bixinta siraha amniga qaranka iyadoo xabsiyada ay buux dhaafiyeen dad ku eedaysan dambiyo aad u fudud oo qaarkood xukuumaddu dambi uga dhigtay inay ka tirsan yihiin xisbiyada mucaaradka ah. Hase ahaatee Yaasir lagu saamaxay maadaama beeshiisu xulafo siyaasi ah la tahay beesha madaxweyne Muuse Biixi. iskusoo wada duuboo arrintani waxay marag u tahay cadaalad darrada xukuumadda Muuse Biixi ku kala qaybisay bulshada reer Somaliland iyadoo aan loo sinayn sharciga gaar ahaan beelaha taageera xisbiyada mucaaridka ah oo lagula kaco xadhig iyo tacadiyo baalmarsan sharciga. Qaran News
  20. Go’aanki 18 May, 1991 lagaga dhawaaqey magalada Burco goni isu taaga Somaliland mu aheyn mid si hawl yari ku yimid ama cid gaar ah ku dhawaaqdey ee qeybaha kala duwan ee mujtamaca Somaliland wey u wada dhamaa’een sida madax dhaqmeedka, hormoodka siyaasiyinta, wax garadka, culimaa’u diinka Somaliland. Waxa ku xigtey aftidi dastuurka Somaliland ee shacabka laga qaadey, 2001 oo 97% u codeyeen goni isu taaga Somaliland. Somaliland waxey soo martey marxalado badan oo kala du duwan, sida dib u heshisiinta beelaaha walaalaha ‘ah ee reer Somaliland (Reconciliation of the conflicted tribes of Somaliland), hub ka dhigista (Disarmament) waxey sameeysatey dawlad ku dhisan seddexda dhadhaar ee golaha fulinta, golaha sharci dejinta iyo golaha cadaaladda, hanaanka xisbiyada badan, xoriyat al qawlka iyo doorashooyin hal qof hal cod oo si nabad gelyo iyo hufnaan u dhaca, beesha caalamkuna goob joog ka ahaayeen, mandaqadda geeska afrikana ku cusub (Kenya oo qudha aya nidaamka hal qof hal cod ku wahelisa Somaliland). Waxay xukuumadihi kala dambeyey (Shan madaxwene aya si nabad gelya’ ah isu bedeley) ka hawl galeen Ictiraaf raadinta Somaliland, iyago ku guuleystey iney ka furaan xafiisyo metala danaha Somaliland caasimadaha dawladaha qaar, sida Djibouti, Ethopia, Kenya, UAE, Ingiriiska, Mareykanka, iwm. Ictiraaf raadintu wa qodobka labaad ee ahamiyadda weyn u leh Somaliland ee ku xiga AMNIGA IYO NABAD GALYADA Somaliland. Haddaba markaan ku soo noqdo dulucda maqaalkegan, marka cilmiga siyaasadda la baranaayo, dariska kowaad waxu othanaya, siyaasaddu waxey le dahey dano joogta ah ee ma leh saaxib joogta’ah (Xigasho, PM Churchill). Ethiopia waxa innaga dhexeeya dano badan, sida tu amni, dhaqaale, shacab (dadka Somaliland ka soo jeeda labada dawladood wey degaan), shaqo abuur, daaqsimo, waraab iwm. Haddaba caqliga saliimka ee sida wax u arkaya mar walba innu xoojiyo arrimaha mooye kama suurtoodo innu wax yeleeyo. Madaxdi EPRDF ee ka horeysey prime minister Abiy Ahmed ee May, 1991 talada dalka Ethiopia la wareegey sida cadceedda ayey u arkayeen danaha labada dal ka dhexeeya ee Somaliland iyo Ethiopia laakiin mudane Prime minister Abiy Ahmed waxaad mooda innu la yimid han siyaasadeed oo dulucdeedu tahey midnimada geeska Afrika, gaar ahaan Somalia, Ethiopia iyo Eritrea. Siyasadaaso’ aanu soo bandhigin qorshe cad oo tafaatiran qaab ka loo fulinaayo, balse laga ogaadey hadalo iyo wareysiyo uu saxaafadda siiyo marku la kulmaayo madaxda kale ee labada dal ee Somalia iyo Eritrea oo iyagu marnaba laga maqal midnimada uu sheegayo mudane Abiy Ahmed. Siyaasadda cusub ee mudane Abiy Ahmed waxey keentey faa’iido iyo khasaare labadaba. Faa’iidooyinku waxa weyaan: In colaadihi ka dhexeeyey dawladaha geeska Afrika sida Ethiopia iyo Eritrea oo dagaal boqolaal kun ku dhinteen qaar na ku naf waayeen innu soo afjaro, dhulki Badme ee muranku ka taagnana uu Eritrea u celiyo.Ganacsiga ka dhexeeyey labada dal oo dib u bilaabmey in Somalia iyo Eritrea dib u heeshisiyo. In colaaddi ka dhexeeysey Djibouti iyo Eritrea ee muranka dhulka (Ras Dumeira) ee Eritrea ka qabsatey Djibouti u wada hadal u socdo laakiin ilaa hadda wax xal midha dhal ah lama gaadhin. Khasaaraha waxa ka mid ah: In siyaasadan cusub ee midnimada geeska Afrika aanu mudane Ahmed Abiy si cad oo qayaxan u soo bandhigin taaso geeska Afrika ka abuurtey shaki iyo jaha wareer siyaasadeed, dhaqaale. bulsho, amini, iyado marar qaarkood ka soo baxayaan mudane Ahmed Abiy iyo Generalada ciidamadisa hadalo nuxuurkisu iftiminaya baahida ay ciidankooda badda u qabaan xeebaha balaadhan ee Somalia ee cidna ka manaafacaadsan. Diblumaasiga caanka ‘ah ee Ethiopia Birhanemeskel Abebe wuxu yidhi’’ waxaanu midnimada geeska Afrika’ u dooneyna inaanu u helno ciidanka badda saldhig military’’ (xigasho BBC News 14 June. 2018). Waxa xawaarahoodu hoos u dhacey xawligi’ iyo dar darti ay hore ugu socdeen qaar ka mid aha heeshisyadi mashaaricdi ay saxeexeen madaxdi EPRDF ee ka horeysey mudane prime minister Abiy Ahmed sida saamigi 19% ee ay Ethiopia ku la heyd dekedda Berbera, waxa kalo ka maqna labada xafladood ee dhegax dhigga balaadhinta dekedda Berbera iyo waddada Berbera Corridor mas’uulinta heer federal oo mas’uuliyadoodu tahey mashaaricda noocan ihi. Mashruuci balaadhna ee $ 24 bilion (Lamu South Sudan Ethiopia Transport ‘’ lapsset’’) ee Ethiopia la gashey Kenya 2012 oo sidi u xaniban dagaalada qawmiyadaha Ethiopia dhexdeeda ka socda iyo cabsi laga qabo innu saameeyo nabad gelyada dawladaha jaarka ah. Eng. Bashe Cabdi Gaboobe Email : gaboobe_3@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Dad badan ka ma war hayaan in ay jiraan gabdho rag badan ay baadigoobaan oo wakhti iyo lacag ba ay u huraan sidii ay ku heli lahaayeen xogtooda oo dhammaystiran, habka loo la xiriiri karo iyo hannaanka ugu fudud ee lagu hanan karo. YAA WEEYE GABDHAHAASI? Gabdhahaasi waa kuwa qaraabada dhaw la ah hadba madaxweynaha markaasi haya talada qaranka. Waa kuwa ay madaxweynaha walaalaha yihiin, kuwa ilma adeerrada yihiin, kuwa uu adeerrada u yahay iyo kuwa uu abtiyada u yahay. YAA RAADIYA IYO MAXAY SE TAHAY SABABTU? Gabdhahaasi waxaa raadiya ragga magaca iyo mansab doonka ah. Waa rag doonaya in ay ka dhigtaan jaranjaro ay ku gaaraan aqalka waddanka looga arrimiyo oo ay ku helaan xurmo iyo xaq. Waa run oo, gobannimada Soomaalida ayey ka mid ah tahay xurmaynta iyo xaqdhawrka xididka. MA JIRTAA SHURUUD LAGU XUSHO? Gabadhaasi hal shardi bas baa lagu xushaa, kaas oo ah in ay madaxweynaha ehelo hoose la tahay, oo ay madaxtooyada geli karto. Dhib ma lahan haddii ay qal dheer tahay, weji koobma ah leedahay, dhalo yar tahay, gooman dhaadheer iyo indhayar leedahay, coon tahay, hogfo iyo xaglo kala jeeda lee dahay. Xita waa soconaysaa haddii ay ka dhammaatay. MA JIRTAA CID AY U SHAQEYSAY? Haah. Waxa ay u shaqaysay saddex nin oo midi noqday safiir, midina noqday xildhibaan, kuna uu noqday agaasime ilaa iyo haddadan shaqeeya. Saddexdaas nin waxa ay kala heleen saddex gabdhood oo ehelo hoose la kala ahaa saddex madaxweyne. Waxaa igu maqaalo ah, nin isna qandaraas ku helay, mase hubo. NIN XASAN KU HUNGOOBAY OO WAX KA RAADIYA FARMAAJO Waxaa jiray nin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa ragga raadiya gabdhaha qaraabada la ah madaxweynayaasha, ayaa waxaa uu muddo dheer ka dib helay gabar ay odayga isku dhawaayeen oo madaxtooyada awood u lahayd in ay galgasho. Sannad ayey ku qaadatay in uu inta xiriir la sameeyo uu jacayl ku abuuro. Waxa uu heshiiskoodii kama dambaysta ahaa ku soo aaday xilligii doorashada, kolkaas buu waxa uu gabadhii ka dhaadhiciyey in ay dib u dhigaan guurka ilaa doorashada ka dhacayso. Nasiibdarro se, waa soo bixi waayey Xasan Sheekh. Markaas buu waxa uu bilaabay in uu dabciyo xiriirkii gabadha, halkaasina ku joogsaday guurkoodii. Waxaa iigu wardambaysay isaga oo raadiya tu` qaraabo la ah Farmaajo, in uu helay iyo in kale ma aqaane. GABDHAHA HEERKA LABAAD EE QAALIGA AH Sida aan war ku hayo, xarfaanta jago doonka ah meel kasta waa joogtaa. Waxaan maqlay in gabdhaha labaad ee qaaliga ah ay yihiin gabadhaha qaraabada la ah madaxda dawlad-gobaleedyada. Rag baa raadiya oo ku gala madaxtooyooyinkaasi, laakiin weli ma helin tirada ragga ku helay jagooyin sare. FG: Adduun xog baa is dhaafisey e, xogtan haddii ay ku anfacday, asii aad tahay nin u oomman in uu madaxtooyada galo, fursad kalana waayey, tan waad ku dayi kartaa. DIGNIIN Haddii aad go`aansato in aad hawshaan gasho, waxa aad arkaysaa gabdho ku dhahaya maxadweynaha ayaan qaraabo nahay oo haddii la rabo ku faanayaba. Qaraabada ayaanan isku si loo aqoon, waxaa laga yaabaa in ay u jeeddo, saddex oday baan kala tirsanna amma isku jifo baan nahay, adna aad u fahanto in ay tahay tii aad doonaysay, oo halkaasi wakhti kaaga lumo. Marka waxaa lagaa rabaa in aad si fiican u barato jifada iyo ina ayaha madaxweyna oo afaran, ina ayaha hooyadiis, dadka la dhashay iyo kuwa ay ilma adeerrada iyo ilma abtiga yihiin. Midda kale, dhawaanshaha ka sokow, waa in ay gabadhu karti leedahay, madaxtooyada taqaannaa, oo cadkeeda dhacsan kartaa, ninkeedana meel marin kartaa. Haddii ay tahay baarid buulkeed-ku-dumo ah, iska dhaaf, Caynabaa ka biyo dhaw e. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com https://suldan-nayrus.blogspot.com/ Fb: facebook.com/snayruus Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. Halka maamullada dalka ka jira ay u muuqan karaan kuwa wajahaya cadaadis dibadda oo kaga imaanaya dowladda dhexe, haddana dhammaan maamul-goboleed kastaa ma ahan mid leh hal furan siyaasadeed oo uu dhufeyska uga jiro. Galmudug ilaa iyo hadda waa maamulka kaliya ee dowlad-goboleedyada dalka ka jira aan la wadaagi Karin wax walba. Waxay gaarkeeda u wajahaysa mushkiladda gudaheeda ka taagan taas oo maamulka u kala qeybisay laba garab oo mid kastaahi uu gaarkiisa isku boqrayo. Dowladda dhexe waxaa taniyo muddaba lagu eegayaa il tuhun oo la xiriirta inaysan daacad ka aheyn isku keenista dhinacyada isku haya Galmudug taas oo liifadda usii gaabisay jiritaanka heykalnimada dowladeed ee maamulkaas. Hadda dowladdu waxay ergo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha u dirtay Dhuusamareeb si uu ula kulmo garabka ugu sharciyadda dhow jiritaannmada Galmudug. Balse su’aalo ayaa laga keenayaa sababta safarkiisa? Qaar badan ayaa rumeysan in dowladdu hadda ay fiirada ugu danbeysay u yeelatay wax-ka-qabashada Galmudug oo muddo badanba aanay siineyn deymadii looga baahnaa. Waxaana jiray sababo xoojin karo in dowladdu aysan si fiican ula jaanqaadin siyaasadda sida gadowga iskugu maran ee Galmudug ka taagan. Ol’olayaashii doorashooyinka ee ka qabsoomay maamul-goboleedyada kale iyo ajendayaal kale oo dowladda culeys ku saarayay inay halhaleel kaga jawaabto ayaa labadan dhinac u suura-gelin inay mar wada fadhiistaan. Xittaa booqashada Sabriye ayaa imaanaysa xilli laba garab ay isku khilaafeen xilliga ay dhacayso doorashada soo aadan ee Galmudug. Dowladda ayaa sheegtay in doorashada aan laga dib dhigi doonin waqtigii ay ahayd inay ku qabsoonto. Waana sabab kale oo hadda muujinaysa in dhinacyadu aysan kaliya iskugu imaaneynin is-maandhaafkii hore ee soo kala dhex galay, balse ay jirayso qaddiyad kale oo u baahnaan doonta in waqti badan la geliyo sidii la iskaga mid noqon lahaa xaggeeda. Muranka daba-dheeraaday ee Galmudug gudaheeda iyo dowladda kala dhaxeeya, wuxuu xaqiiqdii sida muuqata aad ula degay geeddi-socodka howlaha maamulka kaas oo dhinac walba oo laamaha dowlad-goboleedka ka dhigay mid hakad ku jira. Farriinta uu Sabriye ka sido madaxda dowladda dhexe laftigeeda ayaan laga fileyn mid ku dhisnaan karta u tanaasulidda masiirka Galmudug kaas oo taniyo markii uu MD Xaaf xilka ku fariistay ay la degtay khilaafaadka gudaha. Haddii dowladdu ay aqbasho in Galmudug lagu sii wado sida ay hadda ku dhisan tahay, lagana war sugo gaarista waqti cayiman oo la isla og yahay in lagu qabto doorashada, saadaasha muuqata waxay rajo fiican u aburaysaa dadyowga Galmudug kuwaas oo dowladda u arka inaysan daacad ka aheyn danaha bulshada ku midaysan maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Dimuqraadiyadii dawladnimada JSL way saqiirtay oo way liinbaxady mar hadii 3-dii gole ee kala ahaa Golaha Baarlamaanka, Golaha Guurtida iyo Golaha Degaanku ay sadexdooduba waqtigii la doortay iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan. Marxaladan aynu ku jirnaa waa marxalad aad xasaasi u ah taa soo uu maraayo geeddigeennii dimuqraadiyadeed ee ummadeed ee aynu naf-hurka la yaabka leh u soo samaynay. Boowe ! Hadii goleyaasha xeerdejintu ay noqdaan Goleyaal ku fadhiya mudo kordhin go’aanada masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ? Xeerarka iyo Xeegaanada ay curiyaan side loo aaminayaa ? Golihii Guurtidu iyana waxay noqdeen dhaxaltooyo, markaa bal kuraas dhaxaltooyo ah iyo Dimuqraadiyada aynu sheeganaynaa sidey isu qabanayaan ?? Cajiib !! Talow goorma ayaa la dejinayaa reerkan daalay ee raranka saaran ee raadkiisii dib u sii raacaya ee Somalilaan? Jihadee ay Somaalilaan maanta u socotaa ? Jawaabtu waxay noqonaysaa JUG -JUG oo meeshaada joog. Bal ka warama – Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005 si ay 5 sanadood oo keliya kuraasta ugu fadhiyaan waxaana ay mudo dhaafeen 8 sanadood iyo badh.Golaha Guurtida Soomalilaan waxaa la doortay 1997 si ay kuraasta ugu fadhiyaan 6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 21 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu iska noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Nofember 2012 in ay kuraasta ku fadhiyaan 5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 2 sandood oo wax yar dhiman. Somalilaan waxay soo jirtay 28 sanadood. Mudadaana waxaa ku qabsoomay in ka badan saddex doorasho madaxweyne, laba gole deegaan iyo mid baarlamaan oo dhamaantood ku qabsoomay si dimuqraadi udhaw marka la barbar dhigo dalalka jaarka aynu nahay sida Kenya. doorashooyinkaasi waxay Somalilaan u soo jiideen sumcad iyo maamuus uu caalamku ku majeertay inay Somalilaan tahay dal dimuqraadi ah oo soo koraaya. Sideedaba Doorashooyinku ama doorashadu waa xuquuq aasaasi ah, caalamka oo dhana doorashooyinka mudooyinka loo cayimay ayaa lagu qabtaa, si xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka loo ilaaliyo, waayo muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la doorto isna wax doorto markaa waa in la ilaaliyaa xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka wax dooranaaya ama la dooranaayo. Saadaasha tabani waxay u muuqataa maanta in doorashooyinku mar kale dib u dhacayaan oo Goleyaasha mudo kale loo sii kordhinaayo taas oo dhiig bax ku noqonaysa Dimuqraadiyada curdinka ee Somalilaan higsanayso. Hadii Doorashooyinka Somalilaan ay sanadkan 13/12/ 2019 dib uga dhacaan Sumacadii Somalilaan god madow ayey ku shalwan doontaa caalamkuma dhaqaalihii uu doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta ku bixin jiray wuu la noqon doonaa. Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen ay tahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheer ay curin waayeen golaha baarlamaanku, waa in madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oo geesinimo iyo go’aan adag ka qaataa si doorashadu ugu qabsoonto mudadii loo cayimay oo ah dhamaadka sanadkan 2019. Guntii iyo Gebagebo – Waxaa Caqliga Saliimka ahi ku siinayaa in aanay marna Doorasho ku dhacayn 13-ka maalmood ee u dhaxeeya muddada Komishinka Doorashooyinka xilkoodu ku dhamaanayo oo ah 29/11/2019 iyo mudada loo asteeyey in Doorashadu qabsoonto oo ah 13/12/2019 Sidaa daraadeed waxaa Xukuumada laga rabaa in ay iswaafajiso Siyaasada casriga ah iyo dhaqanka Somalilaan oo doorashada waqtigeeda ku qabato. Waa in xukuumadu xalisaa xurgufta siyaasadeed ee maanta taagan, taana waxaa u fududeynaaya iyada oo Dastuurka furta si wixii xeerar iyo xeegaano qabyo ah kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo oo loo kobciyo loona koolkooliyo qaangaadhnimada Dimuqraadiyada curdinka ah ee Somalilaan. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News