Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,729
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Rabat ee caasimada dalka Morocco. Wasiir Cawad iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Rabat, waxaana booqasho rasmi ah oo qaadan doonta laba maalmood ay uga bilaabatay dalka Morocco. Inta lagu guda jiro booqashadiisa dalka dhaca woqooyiga Africa ee Morocco, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamo xasaasi ah la qaato mas’uuliyiinta ugu sareysa dalkaasi. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Morocco Nasser Bourita ayaa sheegay in labada dal ay kawada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya iyo sidii sare loogu qaadi lahaa danaha ay wadaagaan wadamada Morocco iyo Soomaaliya. Dhawaan ayey aheyd markii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay shir looga hadlayay Islaam naceybka oo ay soo qaban qaabiyeen wadamada xubinta ka ah Ururuka Iskaashiga Islaam-ka. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii shalay ee lagu qaaday dhismo ay degan yihiin wasaarado. War qoraal ah oo lasoo dhigay barta uu xafiiska ku leeyahay Twitter-ka ayaa sidoo kale tacsi loogu diray ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi oo ku jiro wasiir. Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ayaa sidoo kale ahaa mudan ka tirsan Gollaha Shacabka. Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa sidoo kale balanqaaday in ay sii wadayso taageerada ay siiso dowlada ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ugu yaraan 15 ruux oo kamid yahay wasiirka ayaa ku dhimatay weerarka lagu qaaday dhismaha ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada, Howlaha Guud iyo taliska booliska gobolka Banaadir. View the full article
  3. Beri baa waxaa jiray nin Darawal ahaa oo Baabuur weyn Oo uu in badan xoogsanaayey oo uu lahaa, oo wadaddii uu mari jiray meel fig ama dalacad ahayd, kolka uu figtaa marayo ayuu ninkaa Darawalka ahi ooyi jiray. Berigii danbe ayaa kirishbooygii ka bartay gaadhiga sida loo kaxeeyo, hadda waa Kirishboygii sanadaha la socday oo uu isagii gaadhigii la wareegay Oo darawal isna ka noqday. Kolkuu baabuurkii kaxeeyey kirishbooygii ayaa figtii darawlkii baray ee uu ku ooyi jiray ayuu isna kolka uu marayo ayeey bahal oohin ah oo tii darawalkii hore ka badani ka timid isna Kirishbooygii imika Darawalnimadda la wareegay. Dadkii baa Ilaahay yaab u keenay. Kuwii shidhka saarnaa ee la socday ayaa weydiiyey iyagoo ku leh ” waar maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu yidhi: ” Ninkii bahalka i baray( Darawlkii hore) ayaa halkaa kolkuu marayo ooyi jiray.” Dadkii mid ka mid ahaa oo ragga yaqaaanay ayaa yidhi; ” Waar hebeloow Darawalkii hore da’ baa heshay Oo wuu itaal gabaye, adigu sowdigii noo faani jiray maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu intuu yara qoslay yidhi; ” Oo Ma run baad Iga moodeen, sidii uun baan kolkaan dalacadaasi marayo oohini i qabanaysaa, amar Ilaahay!!” Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Source
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-24032019.mp3 View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Xeer Ilaaliyaha guud Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa xaqiijiyay in Hanti-dhawrka guud u soo gudbiyay dacwad musuq-maasuq oo ka dhan ah madaxda ugu sarraysya wasaarada warfaafinta iyo Gaashaandhigga. Dadka eedaysan waxa ku jira wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Gaashaandhigga Ciise Axmed Xawar. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in dhawaan ay soo dhamaystirayaan caddaymaha eedaha loo haysto mas’uuliyiintan. Xeer Ilaaliyuhu dhinaca kale waxa uu sharci-darro ku tilmaamay in mas’uuliyinta musuq-maasuqa ku eedaysan Dammaanad lagu sii daayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Madaxweynaha maamulka Haragisa ee waqooyiga Soomaaliya Muuse Biixi oo maanta qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka hor jeediyay Baarlamaanka Soomaaliland ayaa waxa uu ka hadlay xiliga [...] Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada Baarlamaanka Somaliland Oo Si Adag U Naqdiyay Khudbad Sannadeedii Madaxweyne Muuse Biixi Jeediyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Muqdisho (Caaismada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa jawaab kulul u diray dadka qabiileynaya ciidamada dowladda Soomaaliya ee mushaharka uu ka maqan yahay. Taageerayaasha madaxweynaha ayaa dhowaan billaabay in ciidamada gadooday, oo badankood ku sugan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ku sheegaan ciidan qabiil oo dowladda aan u diiwaan gashneyn. Yuusuf Garaad oo arrintan ka jawaabaya ayaa jawaab kulul soo dhigay bartiisa facebook. Hoose ka aqriso qoraalka. Shakhsiyaadka ujeeddada gurracan ee isku dayaya in ay qabiileeyaan gadoodka xubnaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed qaarkood ee dalbaya mushaarkeedu, ha ka dhowrsadeen kala fogeynta Soomaalida. Haddii aad mas’uul tahay, caddee in askariga gadoodsani uu mushaar iyo saanad qaatay. Haddii kale, caddee in muwaaddinkan doodayaa aanuu ahayn askari dowladeed. Labadaa su’aalood ayaa meesha yaalla ee laguma weydiin askarigu qabiilka uu yahay. “Qofkii dabayl abuurtaa wuxuu gurtaa duufaan” waa Maahmaah Faransiis ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. (SLT-Washington)Dibadbaxyo ayaa ka dhacay magaalada Pennsylvania ee dalka Mareykanka kaddib markii la sii daayay askari caddaan ah oo si ula kac ah u toogtay wiil madow ah oo dhalinyaro ah. Michael Rosfeld, oo 30 sano jir ah, ayaa bishii June ee sanadkii hore saddex jeer dhabarka ka toogtay Antwon Rose oo 17 sano jir ahaa, isagoo ka baxsanayay booliiska. Askarigaas ayaa sanadkii hore lagu xukumay dil, balse garsoorka ayaa Jimcihii ku waayay wax ,denbi ah Boqollaal dibad baxayaal ah ayaa magaalada Pittsburgh isugu yimid isla markaana xiray waddooyinka. Aabbaha Rose, Antwon Rose Sr, ayaa khudbad u jeediyay dibad baxayaasha wuxuuna ku baaqay dibadbax aan rabshado wadan. Dilka Antwon Rose ayaa ka mid ah kiisas badan oo ku saabsan rag madow ah oo ku dhintay gacanta saraakiil booliis caddaan ah oo Mareykanka u dhashay. Maxaa ku dhacay Antwon Rose? Saraakiisha ayaa istaajiyay gaariga Rose, iyadoo ay sababtu tahay inuu u ekaa gaari laga shakisan yahay, sida uu booliisku sheegay. Rose ayaa xilligaas ka mid ahaa rakaabka gaariga saarnaa. Markii darwalka la istaajiyay laguna amray inuu gaariga ka soo dego, Rose iyo qof kale oo rakaab ahaa ayaa cararay. Rose ayaa dhowr jeer laga toogtay dhabarka, gacanta, wajiga iyo caloosha. Dhaawacyo soo gaaray ayuuna markii dambe u geeriyooday. Saraakiisha xilligaas ma aysqn wadan kaamirooyin, balse muuqaal uu duubay qof waddada marayay ayaa aad la iskula dhex maray, waxayna taasi horseedday maalmo dibadbaxyo ah oo ka dhacay Pittsburgh. Source
  10. Inta uu dhab u kala qaybiyey oo xukuumad dhinac ka raran u dhisay ayuu haddana Somaliland mid ah ku dhololayaa! Hadda waa markuu qolana si toos ah ugu sedburiyey weliba xigto ahaan, qolana si dadban uga fogeeyey awooddii talo-goyneed ee waddanka dhinac kasta. Meeday midnimada uu ka hadlayaa. Meeday kalsoonidii bulshada dhexdeedu? Meeday kalsoonidii lagu qabi lahaa dawladnimadu? Ma dadka caqliyadooda ayuu caayayaa? Mise waxa uu dadkiiba ka soo qaaday inta yar ee u badan xigaalka iyo xididnimada ugu xubeeraysa ee xilalka iyo xoolaha u xidhan? “Heshiiskii uu saxeexay madaxweynihii hore ee isla Kulmiye ahaa ayaa fulintiisa yeelanaya” Prof Cali Khaliif Galaydh inuu maanta Hargeysa kaga dhex calaacalaa saw wax weyn iftiimin mayso? Hadda waa heshiiskii ka dhashay wada hadalladii muhiimka u ahaa Somaliland mid ah ee tacabka badani galay ee maamulka Somaliland iyo Khaatumo. Cali Khaliif waa uu og yahay oo garanayaa cidda fulinteeda lahayd ama leh, dhabarkaa se loo jeediyey, haddana midnimo bulsheed ayaa uunsiga loo shidayaa! Kaaf iyo kala dheeri saw na aha? Waa ka hadal-tiro waxaas oo tororog ahi iyo afka baarkiisa. Hore ayaynu u nidhi ninka in midaysnayd kala qaybiyaa isuma keeni karo in kala duwanayd. Marka laga yimaaddo ee meel la iska dhigo xanaftii doorashada, Muuse Biixi Cabdi waxa uu qof ahaan ku kala qaybiyey xukuumaddii uu soo dhisay intii awel horeba Somalilandnimada ku wada socotey, intii hore u diiddabaydna maxaa laga fili karaa? Kab ninka aad ka tolanayso kabihiisaa la eegaa, saw ma ahayn? Ninka intii is oggolayd ee gogosha ku wada fadhidey ku kala kiciyey ma ka sugi karnaa in uu in kala duwanayd gogol loo gudboon yahay ku wada fadhiisiyo? Calaacal timo ka soo baxeen, saw ma aha? Habar baa iska haw hawlee heellada inoo tuma kama taggana khudbaddiisu iyo indhosarcaadin aan nuxur badani ka hoosayn, waayo wixii kaleba waa hal bacaad lagu lisay haddii aanay bulshadu wada lahaansho dawladeed oo ay ku qanacsan tahay inteeda badani aanu jirin oo kii mindida daabkeeda hayeyna qurub qurub u jarjarayo, una kala qaybiyey. “Gudboonaantu way daalisaa ruuxi meel guran!” Source
  11. Xubnaha cusub oo la dhaarinayo Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa galabta shaacisay, liiska xildhibaannada cusub ee golaha degaanka degmada Gaalkacyo. Liiskan ayaa ka kooban 31 xubnood oo 6 kamid ah haween yihiin, waxaana dhammaantood isla galabta loo dhaariyay xilkooda, sida waafaqsan dastuurka Puntland. Qoraalka lagu shaaciyay liiska cusub ee golaha degaanka Gaalkacyo, oo uu ku saxiixanyahay wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa laga tixraacay dikreetadii madaxweyne Deni uu ku amray in la dhiso gollaasi. Halkaan ka akhriso PUNTLAND PODT Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Liiska cusub ee golaha degaanka Gaalkacyo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  12. MOGADISHU, March 24 (Xinhua) — The Somali government has vowed to step up efforts against terrorism and urged the international community to support Mogadishu in its stabilization efforts. Prime Minister Hassan Ali Khaire convened an emergency meeting on Saturday evening with envoys from the African Union, Britain, the European Union and the United States after 11 people were killed and 15 others injured in a terrorist attack, the ministry of information said in a statement on Sunday. “The Somali government leader’s first priority is to ensure the safety and security in Somalia,” the statement said. It said the meeting revised military support and strategies in countering terrorism and threats posed by al-Shabab. The meeting also discussed strategies of recapturing al-Shabab strongholds. During the meeting, the statement said, Khaire promised to wipe out the terrorist groups. The foreign envoys supported the security strategy and the efforts aimed at eliminating al-Shabab terrorists, the statement said. Al-Qaida allied al-Shabab, which is fighting to topple the internationally-backed government, has claimed responsibility for recent attacks. The group stages frequent attacks on Somali troops and African Union peacekeeping forces, and on hotels and other public places. Source: Xinhua
  13. Burco:(Sl-T) Tartan Ciyaareed La Magac Baxay Dalmar Clup Oo Mudo U Socday Kooxah Sportiga Gobolka Togdheer Oo Lagu Soo Gabo Gabeeyay Burco Iyo Cida Ku Guulaysatay Source
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxay Shalay martigelisay illa Shan Qarax oo midkii ugu khasaaraha yaraa ay ku dhinteen illaa 2 qof halka kuwii ugu khasaaraha badnaa ay ahaayeen labadii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha. Shanta qarax laba kamid ah waa kuwa Wasaaradda lagu weeraray, midka Sedexaad oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay Agagaarka Masjidka Biyamaalow oo ku yaal meel u dhow Isgoyska Howl-Wadaag. Qaraxa Afaraad ayaa ka dhacay Jidka Warshadaha, waxaana lagu aasay Koontarool ay ciidamada Dowladda ku baaraan Gawaarida, waxaana sida la xaqiijiyey ku dhintay Laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska halka dad kalana ay ku dhaawacmeyn. Qaraxa Shanaad ayaa ka dhacay Isgoyska Ex-Control Balcad, waxaana ku dhintay laba qof oo Gaari la saarnaa Xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray Qaraxaas. Qaraxyadaan ayaa Shalay Magaalada Muqdisho ka dhigay mid kacsan Amni ahaan, waxaana inta badan la iska xiray Goobihii Gancsiyada, Xurimihii Wasaaradaha Dowladda, maadaama ay jirto Cabsi ku aadan weeraro kale oo ay Al-Shabaab ka geystaan Magaalada dhexdeeda. Hadal heynta ugu badan ee Magaalada Muqdisho ayaa noqotay Qaraxyada iyo weerarkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, waxayna dadka Muqdisho dareemayaan inaan loo soo jeedin wax ka qabashada Amniga faraha kasii baxayo ee Caasimadda. Muqdisho iyo Siyaasadda Muqdisho waxay u baahan tahay inay hesho xal Siyaasadeed oo sababi karo in Magaalada si nabad ah loogu noolaado isla markaasna ay dadka Magaalada ogaadaan in lacagtii Canshuurta aheyd ee laga qaaday ay shaqeeneyso si ay usii laba jibaaraan bixinta Canshuurta. Dadka Muqdisho qeybaha kala duwan oo ay ugu horeeyaan Ganacstada waxaa laga qaadaa bil kasta lacag Malaayiin Dollar ah oo ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in dadka loogu adeegi doono balse aysan taas muuqan. Siyaasiyiinta kasoo jeedo Magaalada Muqdisho ayaa aaminsan in la dulminayo Magaalada, maadaama Canshuurta laga qaado lagu bixiyo meelo aysan dan ugu jirin Muqdisho sida Doorashooyinka ka dhaco Gobolada oo Malaayiin Dollar lagu bixiyo sidii ay kursig u qabsan lahaayeen Mushirixiinta ay wadato Dowladda Nabad iyo Nolol. Muqdisho waa Magaalada ugu badan oo ay Dowladda ka hesho lacagaha, haddana waa Magaalada ugu badan oo ay ka dhacaan falalka Amni darro, wuxuuna qofka Muqdisho joogo ee haddana bixiyo Canshuurta dareemaa inuu ku nool yahay meel ay noloshiisu halis ku jirto 99%. Muqdisho waa Meesha ugu badan oo ay ku sugan yihiin Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada, Siyaasiyiinta, Ganacstada iyo Shacabka ugu badan ee Soomaaliyeed oo hal meel ku nool maadaama lagu qiyaaso dadka Muqdisho wax ka badan 3 Malyan saas oo ay tahay Muqdisho waa Magaalada Kaalinta koowaad aduunyada ugu jirto dhanka Qaraxyada iyo Dhimashada. Muqdisho waxau baahan tahay Xasilooni Siyaasadeed iyo in laga fakaro Istaraatiijiyaddii lagu soo celin lahaa sumcaddii ay ku laheyd Geeska Africa. Muqdisho iyo Amniga Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka ee dhanka Amniga Tuulax ayaa bil kasta qasnadda Gobolka Banaadir ka bixiyo kumaan kun oo Dollar oo lagu sheegay inay tahay sugidda Amniga Muqdisho. Lacagaha uu Tuulax bil kasta ka qaado Qasnadda Gobolka Banaadir ee lagu sheego inay ku baxdo Laamaha Amniga ayaa kala ah: $22,100 (Labaatann iyo Laba Kun iyo Boqol Dollar) oo lagu qaado Magaca Booliiska 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir , waxaana la qaadaa Bil Kasta. $5,100: (Shan Kun iyo Boqol Dollar) oo lagu qaado Magaca Nabad Sugidda 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, waxaana la qaadaa Bil Kasta. $13,50 ( Seddex iyo Toban Kun iyo Konton Dollar) oo lagu qaado inay ku baxdo gaafmeerka 17 Degmo, Waxaana si joogto ah bil kasta looga bixiyaa Qasnadda Gobolka Banaadir. Lacagtaas waxaa sii dheer budget-ka Wasaaradda Amniga ee loogu talagalay Amniga Muqdisho, saas oo ay tahay Muqdisho weli waxay saldhig u tahay Qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab. Sida ay Caasimadda Online ogaatay lacagaha loogu talagalay Amniga Muqdisho waxaa akoono gaar ah ku shubto madaxda Wasaaradda Amniga iyo Gobolka Banaadir waxayna qaarkood Muqdisho ka iibsadeyn Boosas Malaayiin Dollar laga bixiyey. Haddii loo soo jeesto Sugidda Amniga Muqdisho, daacadna ay ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa kaliya lagu sugi karaa Lacagaha kasoo xaroodo Dekadda Muqdisho, maadaama lacagaha ugu badan dowladda laga soo xareeyo Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho. Ugu dambeyntii Muqdisho waxay u baahan tahay badbaado Amni iyo mid siyaasadeed, haddii kale waxay gaari doontaa waqti la amaano waqtiga hadda aan joogno oo loo arki doono inay xaaladda hadda taagan tahay mid wanaagsan!!!. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  15. Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magacaabay Guddiga madaxa banaan Xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland. Guddigan ayaa ka kooban 7 Xubnood, waxaana Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe lagu sheegay in Guddiga la Magacaabay markii la arkay baahida loo qabo guddi madax banaan oo masuuliyad gaar ah iska saara maamulka xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (SMN) – Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa soo bandhigtay adeegyo cusub oo ay soo kordhisay, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Adeegyadan oo ah kuwa casri ah, una baahan tahay bulshada Soomaaliyeed ayaa ah kuwa la xariiraan dhanka Internet-ka WAR SAXAAFADEED BANDHIGA ADEEGYADDA CASRIGA AH EE SOMTEL Shirkada isgaarsiinta casriga ah ee Somtel Somalia waxay macaamiisheeda usoo bandhigeysaa adeegyo cusub oo casri ah. Adeegyada cusub waxay ka kooban yihiin Mobile Internet & Mobile money transfer 1. Adeega Internet-kaA. Adeegga 4G LTE Advance ama 4G+: Waa adeeg xawaarihiisu ka sareeyo adeegii hore ee 4G ga, qiimihiisuna Jaban yahay. B. Adeega 3G, H+: Waa adeeg Macaamiisha u sahlaya in ay smart phone kasta oo ay wataan ku Isticmaalaan internetka somtel. C. Xirmooyinka kaafiye: Waxay macaamiishu ka helayaan Internet iyo ku hadal aad u qiimo Jaban iyagoo isticmaalaaya adeega Muraad ee eDahab. 2. Adeega Lawadaag: Macaamil- ku wuxuu la isticmaali karaa lacagta ku hadalka ee ugu jirta saaxiibkiis. 3. Adeega Mobile Money Transfer A. Adeega Dahabi: Macaamil ku wuxuu Account-kiisa Dahabshiil ka maamulan karaa mobile kiisa isagoo isticmaalaya edahabkiisa. B. Adeega xawaalada Mobile ka: Macaamil ku wuxuu lacag u diri karaa aduunka oo dhan isagoo isticmaalaya edahab kiisa Uma baahna in uu tago xafiisyada xawaalada. Somtel waa shirkadii ugu horeysay ee keentay adeega 4G LTE Advance ama 4G+ Dunida tagtay la jaanqaad oo Isticmaal simcard-ka Somtel Faahfaahin dheeri ah 151/152 /215000. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  17. Kooxda Argagixisada ee ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-shabaab ayaa waxa ay ka hadleen sababihii ay u weerareen shalay Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha iyo Howlaha guud [...] Source
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay Faadumo C/llaahi Maxamuud (Faadumo Insaaniya) oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva. Warqad uu qoray Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa loogu yeeray Safiiradda in muddo todobaad gudahood dalka ku soo gasho. Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Safiiradda ay ka aamustay go’aankii Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights. Lama oga in go’aanka Safiirada uga aamustay qaraarkaas in lala ogaa iyo in kale, ha yeeshee waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay ka carootay in Safiirada ka aamusto go’aankaas. Balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Siyaasi ka hadlo arrimaha SIyaasadda dalka ayaa sheegay inaysan dhici karin in Safiir uu qaato go’aan Caalami ah. “Ma jiro safiir go’aan qadiyad caalami ah ka qaadan kara iyada/ isaga oo aan la tashan Madaxda sare ee dalka. Waa la ogyahay cida go’aanka qaadatay iyo cida ku cadaadisay intaba” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo qoraal kusoo qoray Facebookiisa. ” Madaxweynuhu waa in uu si geesinimo leh masuuliyada u qaadato oo uu san Safiirka madaxfurasho ka dhigan, wasaaraduna warqado shacabka ku jahwareerin” ayuu sii raaciyey. ” Safiiradu waa in ay cadayso in go’aanku amar dawlad ahaa ee aysan aqbalin in maalmo Muqdisho la keeno, ka dibna shaqadeeda lagu celiyo, iyaduna eeda qaadato” ayuu kusoo daray. Cabdiraxmaan ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu horey uga aamusay go’aankii lagu canbaareeyey in Qudus ay tahay Caasimada Israel ” Sidan oo kale ayuu Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyey Safiirka Soomaaliya Qaramada Midoobay u fadhiya in uu ka aamuso go’aankii lagu canbaareeyey in Qudus ay tahay Caasimada Israel. Hadii uu Madaxweynuhu ku qanacsan yahay in ay aamusnaanta go’aanadan dani ku jirto, ha yeesho geesinimo uu masuuliyada go’aanka ku qaato. Laakiin ma dhici karto, laga soo bilaabo dhiibistii Qalbidhagax in la yiraahdo Madaxweynuhu ma ogayn”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Boqolaal qoys oo ay soo barakiciyeen Abaartii Sima ee sanadkii 216kii ku dhufatay deegaano badan oo ka tirsan Puntland, dulsaarna ku ah qoysas kale oo [...] Source
  20. London (SMN) – Booliska London ayaa xaqiijiyay geerida wiil Soomaali ah oo da’diisu lagu sheegay 17 jir, kaas oo dhawaan lagu dilay galbeedka magaaladaasi. Weerarka lagu dilay wiilkaasi Soomaaliga ah ayaa la sheegay in habeenkii Jimcaha aheyd uu ka dhacay xaafadda Syon Park, sida ay xaqiijiyeen Booliisku. Qaar ka mid ah dadka agdhawaa goobta ayaa sheegay in Marxuumka labo ruux oo watay Toorey ay ku dileen halkaasi. Waxaana dhaawac halis oo soo gaaray wiilkaasi uu markii dambe ugu geeriyootay isbitaalka . Allaha unaxariistee Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/rashiid Maxamuud, kaas oo isaga iyo qoyskiisu qaxootinimo ku galay dalka Ingiriiska. Ugu dambeyn Booliska London ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ay doonayaan in ay ku soo qabtaan kooxihii ka dambeeyay dilkaasi. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Barqadii maanta ayaa hilbo iyo xubno bani-aadam oo hor leh laga helay goobihii shalay ay weerarka arxan-darrada ka fuliyeen Al-Shabaab ee xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u sheegayn qaar kamid ah dadkii halkaasi tagay. Gacmo bini-aadam, hilbo iyo qaybo kale oo xubnaha bani-aadam ah ayaa laga helay dhismooyin ku bur-buray weerarkii Al-Shabaab ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, sidoo kale xubnaha qaar ayaa laga helay xaafado ka agdhow goobtii la wareeray. Qaraxyadii iyo dagaalkii tooska ahaa ee shalay lagu qaaday dhismooyinka Wasaaradaha Howlaha Guud iyo dib u dhiska iyo Wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada ayaa waxaa ku dhintay 15 qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 25 qof, sida ay xaqiijiyeen hey’adaha caafimaadka. Dadka dhintay ayaa u badnaa shacab oo isugu jiray shaqaale Dowladeed iyo dadweyne marayay wadada weerarka ka dhacay. Sidoo kale dadka ku dhintay waxaa ku jira Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya iyo Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Marooko (SMN) – Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqsho rasmi ah ku tagay dalka Marooko,Booqashadan oo qaadan doonta muddo laba maalmood ah waxaa wasiir Cawad ku wehlinaya xubno diblomaasiyiin ah oo heerkoodu sareeyo, Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya mudada ay joogaan dalka Marooko,waxay wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaan masuuliyiinta dalkaasi. Wasiirka arimaha dibadda ee Marooko Nasser Bourita wuxuu dhankiisa sheegay in labada dal ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka laba dal ee soo jireenka aha iyo qaabkii loo sii horumarin lahaa,dhidibadana loogu aasi lahaa iskaashi dhinacyo badan leh oo u adeeggaya danaha labada dal ee walaalaha ah. View the full article
  23. Magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland waxaa maanta laga xusay maalinta Qaaxada aduunka waxaana xuka munaasibada Qaaxada ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada Caafimaadka dowladda [...] Source