Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,729
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) ― Xukuumadda Soomaaliya ayaa hore usoo bandhigtay qorshe looga jawaabayo cabashooyinka dadweynaha, qorshahan oo ahaa sanduuqyo loogu talagalay inay cabashadooda ku soo gudbiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir loogana jaawaabi doono cid walbo. Qorshahan Sanduuqa Cabashada ayaa waxa la daah-furay 14-kii bishii November ee sanadkii 2017-ka, taasi oo la sheegay in Todobaad kasta warbaahinta loo soo bandhigi doono Cabashada dadweynuhu kusoo ridaan sanduuqyadaas. Sanduuqyadan ayaa waxaa la dhigay Gobolka Banaadir, jaamacadda ummadda, taliska ciidanka maxkamadda, iyo meelo kale oo loo arkayey inay muuhiim yihiin. Haddaba su’aasha ay isweydiinayaan shacabka Soomaaliyeed ayaa ah xagee ayuu ku dambeeyey Sanduuqii Cabashada Dadweynuhu? Maxaase lo soo bandhigi waayey cabashooyinkii lagu ridey Sanduuqyadaas?. Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay khaati ka taaganyihiin barnaamijyada iyo qorshayaasha iidhehda ah ee markasta xukuumada Soomaaliya usoo bandhigto, iyadoo geesta kalena ku fashilantay amniga caasimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Umadaha dunida saaran ee kala duwan midab, diin iyo dhaqan ahaan intaba, waxaa mid kastaa gaarkiisa u heysata mushkilad aan marnaba ula mid ahayn mushaakilka kale ee nolosha kasoo foodsaara. Hadba wixii ay la nool yihiin ayaa inta ugu badan uu afkooda soo xadaa marka la xaal wareysto. Soomaalidu asal ahaan waxay dhaqan u leedahay inay isku bariidiso ‘nabad ma jiraa?’. Dabcanna jawaabta aan is-beddelka lahayn oo ay hadiyo jeer ku celceliyaan waxay tahay ‘xaalku waa Bariga Dhexe’ oo ay ula jeedaan mana sugnaan iyo kob lagu saleyn karo. Saha nolosha geeddi-socodkeennu soo maray wali la isma weydiinin haddii sida aan Bariga Dhexe uga dhigano tusaale ay dunida kalana ay nooga dhigtaan. Dhawaan waxaa qaamuuska Merriam Webster uu si rasmi ah loogu daray ereyga ‘Somalization’ oo micno ahaan loola jeedi karo ‘wax yeeshay muuqaal, ama dabeecad ama dhaqan lagu yaqaan Soomaalida yeeshay’ – iyada oo isla markaana ereyga laga eegayo dhinaca taban ama sirgaxan. Inta badan marka ay qaraxyadu dhacaan ama dagaal culus uu dhex maro dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, waxaa aalaaba loo fishaa inay ahayd mid waligeedba soo jirtay oo aan laga baaqsan Karin dhicitaankeeda. Hayeeshe, xaqiiqadu mararka qaar uma soo if baxdo sida loogu baahan yahay isla jeerkaas. Haddana, waxaa jirta in qarax walba oo dhaca – kasokow xubnaha qoysaskeenna ee ku baxaya ama ku dhaawacma dhacdooyinka – haddana, marwalba aan la moogaan Karin in muuqaal aan la jecleysanin ay naga gudbinayaan dad ahaan ku nool dal ay dunidu ku sifeyso dagaalladu googooyeen. Dowladihii KMG ahaa iyo middii dhaweyd si gaar ah ee MD Xasan waxay laheyd lix tiirar oo aas-aas u ahaa wax-qabadkeeda. Amniguna wuxuu u lahaa mudnaan sarreysa. Laakiin waxaa hadiyo jeer kala duwan mudnaanta shey loo muujiyo iyo maal-gelin dhab ah oo lagu jaado hir-gelintiisa. Waxaa muuqata in dowladda maanta ay sida kuwii hore ay si xeeldheer uga hadasho wax ka qabashada amniga, haddana aanay ku bixin ka go’naanshihii dhabta ahaa ee lagula dagaalami lahaa falalka liddiga ku ah nabad-galyada. Maalin walba oo qarax hor leh iyo weerraro kala duwan oo amnigeenna gudaha wax u dhimaya ay dhacaan, waxaa sidoo kale lumaysa sumcadda iyo sharafka aan ku leennahay caalamka. Waxayna shucuubta dunida saaran ay tusaale nool ka dhigan doonaan marka ay rabaan inay sifeeyaan waxa la yiraahdo qalalaaso iyo fowdo – iyaga oo adeegsanaya ereyga ‘somalization’. Eed badan kuma lahan mas’uulka maanta haya talada dalka inuu sidii loo baahnaa uga soo baxo sugidda amniga qarank, haddana waxaa lama huraan ah inay habeen iyo dharaarba lagu raad-joogo asbaabaha sii xoojinaya amniga lagana bixiyo fal-celin maaddi ah. Waana hubsashada in bixinta mushaharka ciidamada loo dhammeystiro askariga baqoolka cadceedda uga wirwiraya sugidda amniga qaranka. Markaas ayaa la heli karaa in – innaga oo midaysan – aan wadajir uga soo horjeedsano sumadda qaldan ee nalagu gaar yeelay. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa waxay aaminsantahay in xidhiidhkan cusub ee u bilowday Somaliland & Eritrea uu saameyn taban ku yeelan karin xidhiidhkii hore kala dhexeeyay Dowladda Jabuuti. Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyey qoraal uu kaga hadlayo saamaynta uu ku yeelan karo xidhiidhkan cusub ee Eritera, xidhiidhkii hore ay ulahaayeen wadanka ay jaarka yihiin ee Jabuuti. “Xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Somaliand iyo Eritrea waa qayb ka mid ah isdhex-galka dhaqaale ee ka socda gobolka, waana mid lagu aas-aasay danaha ay wadaagaan labada dal.” “Xidhiidhka aanu la yeelanay Eritrea ma badali doono ama saamayn taban kuma yeelanayo xidhiidhka taariikhiga iyo walaaltinimada ah ee u dhaxeeya somaliland iyo Djibouti.” ayuu ku yidhi qoraalka uu ku qoray bartiisa Twitterka Liibaan Yuusuf. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Jaaliayada Puntland ee Waqooyiga Denmark oo xaruntoofu tahay Magaalda Aarhus oo Caasimada labaad ee Dalkaas ah ayaa Lacag ugu tabarucay fhismaha wadada Wadaagsin ee Gobolka [...] Source
  5. Washington DC (Caasimada Online) – Natiijada baaritaankii uu Robert Mueller ku sameeyey faro-gelintii Ruushka ee doorashadii Mareykanka ee 2016 ayaa lagu dhawaaqay, waxayna noqotay natiijo farxad u ah madaxweyne Donald Trump. Robert Mueller ayaa shaaca ka qaaday inuusan helin wax caddeyn ah oo muujinaya in madaxweynaha ama qof ka mid ah kaaliyayaashiisa ay Ruushka kala shaqeeyeen faro-gelinta dooraashada. Warbixinta Mueller oo goor-dhow uu shaaciyey xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda Mueller aysan caddeymo ku filan u helin in madaxweynaha uu is-hortaag ku sameeyey caddaaladda, hase yeeshee sidoo kale aysan sheegi karin in madaxweynaha uusan dambi gelin. “Inkasta oo warbixinta aysan go’aamin in madaxweynaha uu dambi galay, sidoo kale kama aysan masaxin” ayuu yiri Barr oo soo xiganaya Mueller. Go’aan ka gaarista in madaxweynaha uu cadaaladda is-hortaag ku sameeyey iyo in kale ayaa waxaa Mueller uu dhaafay xeer-ilaaliyaha guud, kaasi oo sheegay inaysan jirin caddeymo ku filan oo madaxweynaha loogu eedeyn karo cadaalad is-hortaag. Barr ayaa congress-ka u gudbiyey nuxurka warbixinta, hase yeeshee xubnaha dimoqraadiga ayaa dalbanaya in lasii daayo warbixinta oo dhameystiran, waxayna sheegeen inaysan ka hari doonin illaa la isla gaaro maxkamadda sare. Natiijadan ayaa waxaa si aad ah usoo dhoweeyey taageerayaasha Trump iyo xubnaha xisbiga Jamhuuriga, waxayna niyadjab ku tahay xubnaha dimoqraadiga oo laba sano ku doodayey in Trump uu xiriir hoose la lahaa Ruushka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-24032019.mp3 View the full article
  7. Bishii April 2003 ayaa laggu dhawaaqay natiijaddii doorashadii ugu horaysay ee Madaxtooyadda Somaliland, natiijadaas oo aad loo sugayay, waxaana codad aan badnayn ku guulaystay Xisbigii Udub iyo musharixiintii ka socday . Doorashadaas oo ahayd mid aad u xamaasad badan , meelaha loolanka ugu adagi ka dhacay waxaa ka mid ahaa Gobolka Togdheer , gobolkaas oo ahaa Gobolka uu kasoo jeeday Musharixii Xisbigga kulmiye , hassa yeeshee codadkii uu filayay waxaa xagal daaciyey codod fara badan oo uu xisbigii udub ka heley isla gobolkaas . Natiijadii markii laggu dhawaaqay , Xildhibaan la odhan jirey Maxamed Warsame Jiir oo baarlamaanka ka tirsan ayaa wuxuu baabuur Landcruiser ah oo uu lahaa xagga horre kagga xidhay Hangool u eeg astaanta xisbiga Udub , siyaasiyiinta reer Burcana waxay baabuurta ku qoran jireen Keligii Udub . Aduunyo waa iska war iyo sheeg sheege , maalmahaas oo xisbiga Kulmiye natiijadii diiday , waxaa af-hayeeno madaalayaala u noqday Xisbiga Udub siyaasiyiin kasoo jeeda Galbeedka Burco oo ay ugu horeeyeen , Ambasaddor Cawil Cali Ducaale , Maxamed Ismaaciil Bulaale iyo Siciid Sulub , kuwaasoo mudda dheer sutidda u hayay Xisbiga kulmiye ee doorashadda lagaga guulaystay . Aduunyaddu waa hadhka labadiisa geline , Xisbiga Waddani waxaa isna codadkii uu ka filayay Goboladda Togdheer iyo Sanaag , sidii waagii 2003 la degey codadkii Xisbiga Kulmiye ka heley Bariga togdheer iyo Galbeedka Sanaag , sidii waagaasna waxaa safka horre si fiican kubadda uga ciyaaray siyaasiyiin ay ka mid yihiin , Maxamuud Xaashi , Cali Mareexaan iyo Xasan Gaafaadhi , sidaa markay tahay xisaabtu waa cadba cad u tuur , Maahmaahiihii Bulaale kuwii Maxamuud Xaashi u tuur , Laandheere nimadii Siciid Sulubna is qaadqaadkii Cali mareexaan u tuur , ereyadii Cawila kuwii gaafaadhi u tuur , Xisaabtana halkaas kusoo xidh . Haatan iyo dan . Xisbiga Waddani iyo Beesha West Burco Clan waxaa la gudboon , in ay Xisbiga dib u dhiskiisa usoo jeestaan , khuurada iyo dhalanteedkana iska dhaafaan , tallo ahaana waxaan kusoo jeedinayaa . 1- In doorashooyinka soo socda si rasmiya loogu diyaar garoobo , wixii tagay tiigsimaadkoona la iska ilaabo . 2- Gudoomiyaha Xisbigga , halagu baayac tamo , musharaxnimaduna ha inoo soo hadho . 3- Beelaha Awdal Clan , Arab , East Burco Clan , Harti iyo West Burco Clan , nin garbood ka kooban oo miidha safka horre halaga ciyaarsiiyo . 4- Siyaasadeenuna ha noqoto baqaha barri ka row , maxaa yeelay , East Burco Clan iyo West Burco Clan , Cigaal ayaa sidda kubadda ugu dhaga dhagaystay , oo marna East Burco Clan adeegsaday marna West Burco Clan adeegsaday , intii ka danbaysayna , marna Riyaale ayaa ina adeegsaday , marna Muuse . sidaa awgeed waa in ciyaartaa gacmo daaliska ah lasoo afjaraa, Habar jeclana aynaan isku sii mashquulsanaan waayo waynu isla habsaanay . W/Q: Axmed Nuur Guruje. Source
  8. May ahayn wax lala yaabo codsigii ay Itoobiya hordhigtay madaxweynihii Faransiiska ee ahaa in loo tababaro ciidan badda iyo hadalkii dhawaan uu jeediyey taliye ku xigeenka ciidanka difaaca Itoobiya oo ahaa in dalka Itoobiya yahay wadan weyn islamarkaana leh ciidamada ugu xooga badan Afrika, sidaas darteedna Ra’isal wasaare Abiy waxaa uu keeney qorshe lagu dhiso ciidamada Badda dalkaan. ” Anagoo og in dalka Itoobiya aanu laheyn Badd, laakiin waxaan aad ugu dhownahay baddda Cas iyo Badweynta Hindiya. Hadda waxaan markhaati ka nahay in dalal badan muujinayaan rabitaankooda inay ciidamo badeed ka dhisaan Somalia sida Jabuuti, Eritrea iyo Puntland, marka anaga maxaa diidaya anagoo 60KM u jirna badaha Soomaaliya.” Janaraal Burhanu wuxuu ugu dambayantii sheegay. “Hogaanka Raysalwasaare Abiya Axmed waxa uu leeyahay aragti fog oo ah in la dhiso ciidamo badeed oo xoog badan kuwasoo ku hubeysan qalabka casriga ah.” Hasayeeshee damaca badd-doonka Itoobiya wuxuu sii xoogaystay markii uu maamuulkii Tigreegu ogolaaday in dalka Erateraya noqdo dal ka madaxbannaan Itoobiya inteed kale sannadkii 1993. Boqorradii Tigree ee Itoobiya xukumi jiray waxa ugu dambeeyey Boqor Teodoros oo sannadkii 1863-kii is-diley, waxaa xilkii kala wareegay Boqor Yohannes 4-aad oo dhintay sannadkii 1889. Geeridii Yohannes waxa ay soo afjartay boqortooyadii guunka ahayd ee (Axum Empire) ee soo taxnayd illaa qarnigii Caamul-fiil, wixii wakhtigaasi ka dambeeyey waxa la wareegay Boqor Mililik oo Axmaaro ahaa. Haddii aynu dib ugu noqono qoraalkeennii hore, waa taariikh soo jireen ah damaca ay Itoobiya ku doonayso dhul iyo xeeb ay Soomaalidu leedahay, marka la isku geeyo hadalkaa sare ee taliyaha iyo hadalkii ay hore u tidhi Kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka ee Afrika Janday Frazer oo ahayd habar aaminsan diinta Restafeeriyaanka iyo inuu shaydaan Bob Marley yahay nebi madow ayaa tidhi” in Itoobiya oo boqol Miylan ahi ay badd la’aan noqoto, xeebihii Geeska Afrikana ay dadyow tiro yari haystaan macquul maaha”. Wixii ka dambeeyey sannadkii 1869-kii ee la furay biyo-mareenka ” Suweys Kanal” waxa sii kordhay mihiimadda ay xeebaha Soomaalidu leeyihiin. Waxa taasi iyana dhinac socotay damaca Itoobiya ee helitaanka dhul iyo bad ay Soomaali leedahay. Markii ay reer Yurub qabsadeen Afrika ee ay Boqortooyadii Itoobiya ku hungowday in qaybsiga laga talogeliyo ayuu Boqor Mililik u qoray reer Yurub waraaq caan ahayd oo ku leeyahay ” haddii Yurub ay qaybsatay afrika aniguna noqon mayno daawade, gacmaha ka laabta”.Hanjabadaasi wuu kaga dhabeeyey waa kii qacdii horeba qabsaday Harar illaa Iimey oo Soomaalidu lahayd. Maamuladii Boqortooyada Itoobiya ka soo talin jiray dhammaantood waxa ay ka sinaayeen in Soomaalidu ay ahaayeen kuwa ka tirsan Boqortooyadooda oo aanay weligood maamul yeelan. Buugga “Ethiopia’s Manifest Destiny” wuxuu ka faallooday sida Boqorradii iyo madaxdii ka dambaysay ee Itoobiya mid kasta taariikh gaar ah loogu xusuusan doono: Mililik waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Harar iyo Dhiri-dhaba, Xaylse Salaase waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Hawd iyo Reserve Area, Mingistu waxa lagu xusuusan doonaa diciifintii ciidankii Soomaaliya iyo Males Zanawi oo siyaasaddii Soomaaliya si buuxda gacanta ugu dhigay. Wakhtigan aynu joognana Raysal wasaaraha cusub ee Abiya Axmed wuxuu wataa hinse qaab is-dhexgal ah ay Itoobiya si nabadgeliyo ah ay Soomaalida u liqdo. Hindisihiisa waxa saldhig u ah kelma af-gobaadsi ah ” waa in la iska iloobo colaadihii hore uga dhexayn jiray Itoobiyaanka iyo Soomaalida”. Waana siyaasaddii boqorrada oo qaab qabow loo dhigay. Markii uu ka soo laabtay safarkiisii koowaad ee Muqdisho ku tago wuxuu yidhi ” In labada ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay isku noqonayaan hal dal oo leh hal madaxweyne. Wuxuu sheegay in xeebtaa dheere ee Soomaaliya aanu hal marab taagnayn”. Isna waynu eegi waxa ay taariikhda Itoobiya ku xusto. Damaca dal-doonista Boqorrada Itoobiya wuu sii kala darnaa, oo qaarkood way diidanaayeen gebi ahaanba jiritaanka dhulka Soomaalida geeska afrika. Bal hadda hadalkan dhugo “Rennel Rodd oo ahaa sarkaal Ingiriisku u xilsaaray inuu Boqor Mililik la meel dhigo xuduudda kala qaybisa Xabshida iyo Soomaalida ayaa la yaabay damaca waalan ee Mililiku ku sheeganayo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Rodd wuxuu Mililik ku yidhi “dhulka oo dhan haddii Xabashidu leedahay, dhulkee ayey Soomaalidu leedahay”? Boqor Mililig wuxuu ku jawaabay Soomaalidu waxa ay lo’da u raacdaa xabashida, dhul ay gaar ahaan u leeyihiina ma jiro. “Somalis are cattle keepers of the Ethiopians; they had to pay their tribute of the cattle to their masters. And there is not a Muslim country, as everyone knows”. Wakhtiyadii ay socotay xornimadii ay dalalka qaarada afrika ka tirsani kaga xorroobayeen gumeystayaashii reer Yurub, ayuu Boqor Xayle Salaase booqasho ku tegay dalka Faransiiska sannadkii 1967-kii, waxaanu caasimada Baaris kula kulmay madaxweynihii wakhtigaasi ee De Gualle. Wuxuu kulankaasi kaga codsaday inuu Faransiisku sii haysto Jabuuti, isaga oo ka cabsi qabay inay dhalato dawlad shantii Soomaaliyeed ahi. Waxa kale oo uu kulankaasi ka sheegay in haddii uu Faransiisku ka kacayo Jabuuti uu iyaga ku wareejiyo, maadaama oo ay hore Itoobiya uga tirsanayd. Damaciisa ayaa beentaasi aaminsan. Kulankaasi ka dib magacii loo yaqaanay Jabuuti ee ahaa ‘French Somali Coast’ waxa loo beddelay ‘Afar and Issa Territory’. Boqor Xayle Salaase oo cabbiraya dareenkiisa Soomaalida oo xornimada qaadata ayaa laga hayey” Soomaali Xorowdaa waa dameer geeso yeeshay”. Tan iyo xilligii Xayle Selaasi Boqorka ahaa, waxa Itoobiya doorbidaysay in ay Saylac dakad ka sameysato. Waxa mashruucaasi sii xoogaystay xilligii Mangistu Xayle Maryam oo daraasad ballaadhan oo ku aaddan dhinaca dhismaha, jidka Saylac iyo Dirdhabe iyo kharashka ku baxaya dhammaystiray. Arrinta Saylac waxa si farsamaysan wax uga qoray John Spencer oo la taliye u ahaa Xayle Selaasi. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kii. Qoraal uu diyaariyey Faysal Cabdi Rooble. Mingeste Xayle Maryam oo Afgambiyey Xayle Salaase ayaa 1977-kii Gaboon ka yidhi shirkii Midowga Afrika Soomaaliya waa Qayb yar oo markii horaba ka fallaagowday Itoobiyada weyn waana ku soo darayaa. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
  9. Hordhac Tan iyo markii Abiy Axmed bishii April ee 2018 uu noqday Raysal Wasaaraha cusub ee Itoobiya kadib kacdoon shacab oo ku qasbay raysal wasaarihii ka horeeyey inuu kursiga u baneeyo si lama filaan ah, dhaq-dhaqaaqyo aan hore loo arag oo uu horsdeed u yahay Abiy Axmed ayaa bilaabmay. Waxa heshiiyay dawlado hore colaad lagu hoobtay u dhex-tiil, waxaana furmay dood ku saabsan is-kaashi iyo is-dhexgalka dalalaka Geeska Afrika oo ah gobol ka mid ah kuwa ugu xasaradda iyo degonaan la’aanta badan dunida oo dhan.Waxa dhinac socota saamayn muuqata oo khilaafka ka dhex jira dalalka Gacanka Carbeed uu ku yeeshay gobolka Geeska Afrika. Muranka xooggan ee ka dhexeeya is-bahaysiga Sucuudiga iyo Qadar wuuxu sida daadka u soo galay siyaasadda gudaha ee dalalka Geeska Afrika. Gacanka Carbeed iyo Geeska Afrika waa laba gobol oo juqiraafi ahaan isku dhow, taariikh ahaanna xidhiidh qoto dheeri ka dhexeeyo. Somaliland waxaay ka siisay magaalada istiraajiga ah ee Berbera saldhig ciidan dalka Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, shirkadda DP world ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxay maamushaa dekedda Berbera. Jibuuti iyo Imaaraadku waxay isku maan dhaafeen deked ay maamuli jirtay DP World. Somalia waxaay la safan tahay Qadar iyada oo muujisay diidmadeeda ay kaga soo horjeedo hawlaha Imaaraadku ka wado Somaliland. Somaliland gudeheeda xisbiga mucaaradka u wayn ee Waddani iyo dad kaleba waxay ka soo horjeedaan saldhigga iyo dekedda uu maamulo Imaraadku. Waxaana muuqato in murankaaasi yeeshay weji siyaasad daakhili ah. Madaxwaynaha Somaliland wuxuu la kulmay raysal wasaaraha Itoobiya oo ay ka wada haldeen sidii loo soo celin lahaa wada xaajoodkii Somaliland iyo Somalia iyo arimo kale oo labada dhinac ka dhexeeya. Waxa todobaadkii hore booqasho aan hore loo sii shaacin ku yimi Somaliland wasiirka arimaha debedda ee Eritriya. Isla todobaadkaas waxa joogay Muqdisho madaxwynaha Jibuuti oo ay si wayn isku hayaan Eritriya. Dooxa, caasimadda Qadar, waxa booqasho ku joogay todobadkaas raysal wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre. Mawduuca kulankaXarunta Daraasaadka Siyaaddu waxay ku martiqaaday Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland (2015-2017) iyo wasiirka duulista madaniga ah (2010-2015) kulanka Kasmo-wadaag si uu uga hadlo sida ay Somaliland ula jaan qaadi karto is-bedelka xoogga leh ee wejiyada badan ee ka socda gobolka iyo saamaynta ay ku yeelan karaan dadaalka ay Somaliland ugu jirto aqoonsi raadinta, amaanka, dhaqaalaha iyo dimoqraadiyadda. Wuxuu ka mid ahaa madaxdii Somaliland uga qaybgashay wada hadalada dhalay in Imaaraadka lagu wareejiyo saldhigga iyo dekedda Berbera isaga oo ahaa wasiir xudun u ah dawladdi Madaxwayne Axmed Siilaanyo. Sidoo kale Maxamuud Xaashi wuxuu ahaa xubinta Somaliland dhawr goor u meteshay shirar dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya oo ku saabsan maamulka hawada.Ka soo qayb-galayaashu waxaay fursad u heli doonaan inay aragtidooda dhiibtaan iyo inay waydiimo khuseeya mawduuca u jeediyaan Maxamuud Xaashi Cabdi. Waa kuma Maxamuud Xaashi Cabdi (bio) Maxamuud Xaashi Cabdi waa mayarkii ugu horeeyey ee magaalada Burco kadib dib u xorayntii Somaliland sanadkii 1991. Wuxuuna ahaa maayarka magaaladda markii Burco marti gelisay shirkii lagaga dhawaaqay dib-ula soo noqoshadii madax-banaanida. Wuxuu ka mid ahaa jabhadii SNM. Wuxuu mudo dheer ka ahaa xubin Golaha Wakiilada Somaliland isaga oo ka mid ahaa asaasayaashii xisbiga Kulmiye oo dawladiisii u horaysay ee xilka qabatay 2010 uu ka noqday wasiirka duulista madaniga ah (2010-2015) iyo wasiirka madaxtooyada (2015-2017). Hadda wuxuu ka mid yahay hogaamiyayaasha xisbiga Kulmiye ee talada haya. Source
  10. Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay Xogta macdanta dalka ku jirta oo muhiimad gaar ah u leh Kheyraadka dabiiciga ee dalka,waxaana baarista xogtan sameeyay quburo kala duwan oo dalka Britain ka soo jeeda. Baarista xogta macdanta oo dhowr nuuc kala ah ayaa soo bilaabatay sanadkii 1920-kii,taasi oo soo socotay ilaa iyo sanadkii la soo dhaafay ee 2018kii. Madaxa Shirkadda SKA ee Xogtan soo iibsatay oo sharaxaad ka bixiyay baarista ayaa sheegay in dhul badan oo Soomaaliya ka tirsan ay ka jiraan macdan, Saliid , Gaas,shidaal,dheyman iyo dahab iyo waxyaabo kale oo muhiim ah. “Tani waaa tallaabo cusub,waxaan u arkeynaa iney Soomaaliya ka jiraan fursado aad u fiican ee dhinacyada horumarinta kheyraadka macdanta ee dalka,waxay keeneysaa arrintaan in dalka Soomaaliya uu helo maalgashigii loo baahnaa,taasi oo fursad u noqoneysa oo shaqo abuur ah u noqoneysa shacabka Soomaaliyeed,waxayna shacabka noqonayaan kuwo ku noolaado nolol barwaaqo leh,” ayuu yiri madaxa Shirkadda SKA. Sidoo kale, waxaa la daah-furay mashruuc shirkadda (SMMG),ku maalgelineyso Macdanta Soomaaliya. Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya Alle siiyay lagama maar-maan ay tahay in loo helo maalgashi ayna diyaar u yihiin in shacabka Soomaaliyeed looga faa’ideeyo,wuxuuna ammaanay macluumaadka Dowladda Federaalka lagu wareejiyay. “Waxaan ammaaneynaa shirkadda dadaalka ay u gashay iney nagu wareejiso macluumaadkan qaaliga ah ee wadanka uu leeyahay,waxaana soo dhoweyneynaa cid kasta oo maalgashaneysa Soomaaliya dhinaca kheyraadkeeda,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya. Ugu dambeyn,Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhoweeyay daah-furka shirkada cusub ee (SMMG). View the full article
  11. Nairobi (SMN) – Dhul-xuran ayaa caawa laga dareemay qaybo badan oo kamid ah wadanka Kenya, gaar ahaan inta u dhaxeysa magaalooyinka Nairobi iyo Mambasa. Sidda ay sheegtay hay’addaha saadaasha, cabirka dhul-gariirka ayaa gaaraya 5.6, waana midkii ugu cuslaa ee ka dhaca dalkaasi. Ma jirto khasaaro nafeed iyo mid maaliyadeed oo illaa iyo haatan lasoo wariyay in ay geysatay musiibadaasi rabaaniga ah. Cabdalla Muumin, oo ah wariye madax banaan oo ku nool Nairobi, oo u waramay Shabelle ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen iyo dareenka shacabka. Hoos riix si aad u dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Wareysi-Dhul-Giriir-Wariye-Cabdalla-Muumin-.mp3 View the full article
  12. (SLT-Kapul) Saraakiisah dalka Afghanistan ayaa sheegaya in tobanaan qof oo ka tirsanaa laamaha amaanka lagu dilay weeraro kooxda Daliban ay ku qaadeen gobolka koonfureed ee Helmand ee dalkaasi. Dadka ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa sheegay in weerarkani uu ahaa mid ka mid ah weerarada culus ee kooxdu maalmihii lasoo dhaafay fulineysay. Ururka Daalibaan ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa gacanta ku haya inta badan tuulooyinka ku yaala gobolka koonfureed ee Helmand. Weerarka ayay kooxdu ku qaaday saldhiga milatari ee Sangin halkaasi oo ay Daliban ay gacanta ku heyso tuulooyinka dhaca bartamaha gobolka. Weerarkaan ayaa kusoo beegamaya maalin kaddib markii weeraro isxigxigay oo loo adeegsaday bambooyin lagu qaaday caasimada gobolka Helmand. Dhanka kale magaalada Kunduz ee gobolka waqooyi ayaa saraakiisha xukuumadda Afghanistan waxa ay sheegayeeen in ku dhawaad 60 dagaalyahannada Daalibaan ah ay ku dileen duqeymo cirka ah. Duqeymahaasi ayaa waxaa ku dhintay qoys ka koobna 14 qof oo ay jireen sagaal caruur ah kuwaasi oo halkaasi ku dhintay. Ururka Daalibaan oo haaatan wadahadalo nabadeed la leh Mareykanka, ayaanan si rasmi ah u shaacinin weerada ay sanadkan qaadayaan balse weeraradan haatan ayaa u muuqanaya kuwa la mid ah kuwii ururuku fulin jiray. Daalibaan ayaa ilaa iyo haatan diidan inay wadahadallo toos ah la gasho saraakiisha Afghanistan, kuwaas oo ay u aragto inay yihiin dabadhilif. Waxa ay sheegeen in wadahadal ay dowladda la bilaabi karaan oo kaliya markii waqti loo qabto oo la isku raaco taariikhda ka bixitaanka ciidammada Mareykanka ee Afghanistan. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu wax ka ogaa go’aankii ay safiirka Soomaaliya ee Geneva, Faaduma Cabdullaahi Insaaniya uga aamustay qaraar lagu cambaareeyey haysashada Israel ee dhulka Golan Heights ee Syria. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale Farmaajo ku eedeeyey inuu safiirkiisa Soomaaliya ee QM, Abuukar Baale uu ku cadaadiyey inuu ka aamuso qaraarkii lagu cambaareeyey go’aankii Donald Trump uu dabayaaqadii sanaddii 2017 magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda. Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa u dhignaa sidan “Sidan oo kale ayuu Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyey Safiirka Soomaaliya Qaramada Midoobay u fadhiya in uu ka aamuso go’aankii lagu canbaareeyey in Qudus ay tahay Caasimada Israel. Hadii uu Madaxweynuhu ku qanacsan yahay in ay aamusnaanta go’aanadan dani ku jirto, ha yeesho geesinimo uu masuuliyada go’aanka ku qaato. Laakiin ma dhici karto, laga soo bilaabo dhiibistii Qalbidhagax in la yiraahdo Madaxweynuhu ma ogayn.” Si kastaba, baaritaan ay Caasimada Online ku sameysay arrintan ayaa waxaan ku ogaanay in Soomaaliya aysan ka aamusin qaraarkii maqaamka Qudus ee QM ay meel-merisay 21-kii December 2017, balse ay si buuxda u taageertay. Soomaaliya ayaa ka mid ahayd 128 dal oo taageeray qaraarka, oo ay soo diyaariyeen Turkey iyo Yemen. Waxaa qaraarkaas diiday 9 waddan, halka 35 ay ka aamuseen, sida ku cad diiwaanka QM. Bogga 18-aad ee dokumentiga QM ee halkan ku lifaaqan ayaad ka heli kartaa sida dalalka u kala codeeyeen. Ka sokow codeynta, Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay mowqifkeeda, waxaana go’aanka Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda ay ku qeexday “Mid halis ah” Qoraal waqtigaas kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Waxaan ku boorineynaa dowladda Mareykanka inay si dhab ah dib uga fiirsato halista go’aankeeda uu ku yeelan karo mustaqbalka Bariga Dhexe iyo guud ahaan dunida” Waxay sidoo kale ka codsatay dalalka Carabta iyo Islaamka inay laba laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helidda arrimaha Falastiin. “Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay dadka Falastiin ka taageeraan halganka ay ugu jiraan xuquuqdooda” ayaa lagu yiri qoraalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in caawa dhul gariir uu ku dhuftay magaalooyin ku yaala dalkaasi. Dhul gariirka ayaa waxaa laga dareemay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa. Sidoo kale dhul gariirka ayaa ku dhuftay tuulooyin ku yaala dalkaasi sida Kiambu, Machakos, Nyeri iyo Makueni. Waxaa goordhow dhulgariirkaasi hadashay waaxda saadaasha hawada ee Kenya. Waaxda Saadaasha Hawada ayaa sheegtay in dhul gariirkii caawa la dareemay uu cabiirkiisu dhammaa 4.8 oo ah qiyaasta cabbirka richter-ka. Wararkii u dambeeyay ee aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in laga cabsi qabo in dhul gariirkaan uu ku sii fido deegaanada xeebta ah ee dalka Kenya. Wali lama soo warin qasaare nafeed oo ilaa iyo iminka ka dhashay dhul gariirkaasi. Puntland Post The post Dhul Gariir caawa ku dhuftay Kenya appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah ee xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa waxa uu si adag u naqdiyay khudbadii uu maanta Madaxweyne Muuse Biixi u jeediyay labada golle baarlamaan ee wakiillada iyo guurtida, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhul gariir fudud uu caawa ka dhacay magaalada Nairobi iyo qeybo kale oo ka mid ah Kenya. Qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Nairobi ayaa lagu waramayaa in dhul Gariirka laga dareemay, waxaana cabsi xogan ay soo wajahday shacabka ku nool magaalada Nairobi. Waaxda Saadaasha hawada ee dalka Kenya ayaa shaacisay gordhow in dhul gariirka ku dhuftay Kenya gaar ahaan Nairobi uu cabirkiisa gaarayo 4.8 oo ah qiyaasta cabirka dhul gariirka. Dadka ku sugan Mombasa, Malindi, Kilifi, Lamu, Diana iyo deegaanada saaran Xeebta waxaa lagu wargeliyay inay ka fogaadaan agagaarka badda, ayna u baxaan meelaha dhulka joogiisu sareeyo, sidaasi waxaa sheegay Waaxda Saadaasha Kenya. Sidoo kale waxaa laga baqayaa in dhul gariiska uu saameeyo qeybo kamid ah Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ku dherersan badweynta India. Soomaali badan oo ku sugan xaafadda Islii ayaa cabsi dareemay iyadoo bannaanada u soo baxay kana degay daaraha waaweyn markii dhulgariirka la dareemay. Goobaha sida weyn looga dareemay dhul gariirka Caawa ayaa ah Lavington oo Nairobi ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. (SLT-Baraawe)-Guutada Lixaad ee ciidammada dalka Soomaaliya oo ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in muddo Afar bilood ah ayna helin xuquuqdii ay lahaayeen, taasi oo dhalisay inay maanta cabasho ay muujiyaan. Saraakiisha ciidamadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in muddo 48 saac ah u qabanayaan madaxda ugu sarreyso dalka Soomaaliya inay kaga jawaabaan cabashada ay muujinayaan, haddii aan laga jawaabina ay ka bixi doonaan degmada Baraawe oo muddo shan sano ah ay ku sugnaayeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Muqdisho)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay xaalad ka dhalatay go’aan ay dowlada Soomaaliya kaga aamustay qaraar ku saabsanaa go’aanka uu Madaxweyne Trump ku aqoonsaday dhulka ay Yuhuudu xooga ku haysato ee Golan Heights. Go’aanka kadib ayaa Wasaarada Arrimaha Dibada Dowlada Soomaaliya waxa ay si deg-deg ah ugu yeedhatay safiirkii ka fadhiyay magaalada Geneva waxana uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur qoraal uu soo dhigay bogiisa Facebook ku sheegay inaysan safiiradu gaari Karin go’aan dowladeed iyadoo aan la tashan madaxda sare ee dalka. “Ma jiro safiir go’aan qadiyad caalami ah ka qaadan kara iyada/ isaga oo aan la tashan Madaxda sare ee dalka. Waa la ogyahay cida go’aanka qaadatay iyo cida ku cadaadisay intaba.”ayuu yidhi Cabdirasmaan Cabdishakur. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo in uu qaato mas’uuliyada go’aanka uu ka gaadhay arrimaha qadiyada muslimiinta. “Madaxweynuhu waa in uu si geesinimo leh masuuliyada u qaadato oo uu san Safiirka madaxfurasho ka dhigan, wasaaraduna warqado shacabka ku jahwareerin. Safiiradu waa in ay cadayso in go’aanku amar dawlad ahaa ee aysan aqbalin in maalmo Muqdisho la keeno, ka dibna shaqadeeda lagu celyo, iyaduna eeda qaadato.” Ugu dambeyntii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraalkiisa ku cadeeyay in hore go’aan sidan oo kale ah uu kaga aamusay safiirka dowlada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay taasoo ku saabsanayd aqoonsiga caasimada Israel ee Qudus. “Sidan oo kale ayuu Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyey Safiirka Soomaaliya Qaramada Midoobay u fadhiya in uu ka aamuso go’aankii lagu canbaareeyey in Qudus ay tahay Caasimada Israel. Hadii uu Madaxweynuhu ku qanacsan yahay in ay aamusnaanta go’aanadan dani ku jirto, ha yeesho geesinimo uu masuuliyada go’aanka ku qaato. Laakiin ma dhici karto, laga soo bilaabo dhiibistii Qalbidhagax in la yiraahdo Madaxweynuhu ma ogayn.” Illaa hadda dowlada Soomaaliya si toos ah ugama hadlin go’aanka ay wadamo badan oo Islaam aad uga cadhoodeen oo ku saabsanaa in laga aamiso qadiyada Bariga Dhexe oo lala safto dowlada Israel. Source
  19. Baraawe (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolada dalka qaarkood oo cabasho ka muujinaya mushaar la’aan iyo garaam la’aan heysata Afartii bilood ee lasoo dhaafay. Guutada Lixaad ee ciidamada xooga dalka oo ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in muddo Afar bilood ah aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen, taasi oo dhalisay inay maanta cabasho ay muujiyaan. Saraakiisha ciidamadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in muddo 48 saac ah u qabanayaan madaxda ugu sareyso dalka inay kaga jawaabaan cabashada ay muujinayaan, haddii aan laga jawaabina ay ka bixi doonaan degmada Baraawe oo muddo shan sano ah ay ku sugnaayeen. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in Kaliya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ay ka sugayaan jawaabta cabashadooda, waxaana sidoo kale ay sheegeen in dhibaatooyin badan ay la kulmeen mudadii shanta sano ee ay joogeen degmada Baraawe. Raashiin iyo Mushaar ayay sheegeen inaysan qaadan muddo Afar bilood, waxayna sheegeen in Raashiin la’aan aysan joogi karin, taasi oo noqotay caqabad aad u xoogan maadaama difaac ay ku jiraan. Ciidamada ayaa sheegay in sidoo kale ay qabaan dhibaatooyin u gaar ah, waxaana ugu horeeya in muddo afar sano ah aysan arag raashiin dhulka loosoo marsiiyay, isamarkaana kaliya dhanka badda ay ka heli jireen cuntadooda iyo adeegyada kaliya ay u baahan yihiin. Ku dhawaad 50 ruux oo askarta kamid ahaa ayay sheegeen inay badda ku waayeen, maadaama aysan a wood u laheyn in raashiinkooda dhanka dhulka loosoo marsiiyo. Caqabadaha kale ee ay la kulmeen ayay ku sheegeen inay tahay in ciidamada ku sugan degmada Baraawe aysan wada qaadan mushaarka, islamarkaana qaarkood la siiyay mushaarkooda halka kuwa kalana aysan qaadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Nairobi (SMN) – Dhul-gariir lagu waramayaa in caawa uu ku dhuftay inta u dhaxeysa magaalooyinka Nairobi iyo Mambasa ee dalka Kenya. Sidda laga soo xigtay warbaahinta, dhul-gariirka ayaa cabirkiisu waxa uu dhan yahay 5.6 ee cabirka dhul-gariiradda. Wali lama soo sheegin hadii uu jiro khasaaro ka dhashay dhacdadaan, illaa iyo haatana kama aysan hadlin dowladda wadankaasi. Dhul-gariirka ayaa kamid ah musiibooyinka rabaaniga ah ee ka dhaca meelo kala duwan oo kamid ah caalamka. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe INSHA ALLAH View the full article
  21. Muqdisho waxaa shalay ka dhacay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadday xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya oo dad badan ay ku dhinteen. Halka meel uu dhib ka taagnaa magaalada, dhinaca kale waxaa ka socday arrimo lagu farxo. Waxaa magaalada ku sugnaa dalxiisayaaal u dhashay dalka Shiinaha oo magaalada u yimid inay arkaan oo ay waqti wacan ku qaataan. Waxay booqdeen xeebaha caasimadda dalka sida Xeebta Liido iyo Jaziira, sidoo kale waxay booqdeen meelo kala duwan oo oo taariikh mug weyn ku leh dalka. Waa astaan kale oo muujineysa sida weerarada iyo qaraxyada Al-Shabaab aysan marnaba u hor-istaagi karin niyad wanaagga, adkeysiga, geesinimada iyo soo kabashada shacabka ku nool caasimadda. Al-Shabaab mar walba ujeedkeeda waa hal mid, waana inay muujiso in magaalada aysan amini ahyan, wax horumar ahna uusan ka jirin. Waxaa taas caddeyn u ah in inta badan weerarada ay magaalada ka fuliso aysan dowladda shaqo ku lahayn balse lala beegsado shacabka. Geesinimada dadka Muqdisho ee saacado kadib marka uu qarax burburiyo dhismooyin dad badanna laayo ay durba meydadkooda ku aastaan, dhismihiina dib uga dhisaan iyo imaanshaha dalxiisayaashan, waa farriin Al-Shabaab u tageysa oo madaxa xanuujineysa. Tani macanheedi maaha in magaalada nabad tahay. Waa qasab in hoggaanka dowladda ay wax ka qabtaan amniga magaalada, waa xaqiiq in badankood ay gabeen mas’uuliyadooda, oo sidan xaaladdu kusii socon karin. Hase yeeshee, shacabka Muqdisho waa geesiyaal iyo dad karti leh. Al-Shabaab waxay isku dayaysaa in magaalada laga kala cararo, oo ay joojiso horumarkeeda, shacabkuna waa diidan yihiin. Waxaa labada dhinac u socda tartan u muuqda in Shabaab mar ay ahaataba looga guuleysan doono. Muqdisho, marnaba ma quusan doonto, Muqdisho marnaba uma joogsan doonto Shabaab iyo wax la mid ah. Muqdisho weli waa jiri doontaa. W/Q: Yuusuf Axmed Gacal Muqdisho, Soomaaliya