-
Content Count
208,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac ayaa war qoraal ah oo soo saaray waxa uu ku soo Bandhigay tacadiyada Xukuumada Somaliland ku hayso warbaahinta Madaxa-bannaan, halkan hoose ka akhriso Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si aad ah uga xunyahay talaabooyinka soo noq noqonaya ee ay saraakiisha xukuumaddu kula kacayaan Suxufiyiinta Somaliland, kuwaas oo qaylo-dhaantoodu maalin walba ka soo yeedhayso goboladda. Gaar ahaan ururka SOLJA waxa uu dhaliilayaa xadhiga uu badhasaabka gobolka Awdal ku xidhay laba wariye oo ka hawlgala gobolkaasi, kuwaas oo booliisku ay ku xidheen Amarka Badhasaabka, iyadoo berri maxkamadda gobolka Gabilay dhagaysan doonto Dacwadda saddex wariye oo u xidhan Maayarka Gabilay oo ka hor istaagay inay galaan garoon ay ku sugnaayeen wafti ajaaniib ahi. Maxkamaddaynta saddexda wariye ayaa ku soo beegmaysa xilli xukuumadda Somaliland aanay wax talaabo ah ka qaadin askarigii gacanta u qaaday wariye Sagal Beel-deeq, taasoo askarigaasi shaqadeeda ka hor istaagay si la mid ah sifaha keenay fal celintii saddexda wariye ku dhex martay askarigii la amray inuu shaqadooda ka hor istaago. Sidoo kale, ururka SOLJA waxa uu u arkaa talaabooyin lagu hor isaatagayo Suxufiyiinta iyo qalabkooda ba dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee lagu kacay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in Astaamahoodii loo diiday inay isticmaalaan xafladdii Berbera corridor, warbixin sanadeedkii Madaxweynuhu Baarlamaanka ka jeediyay oo Mobiladoodii lagaga xayiray qalab hawada ka saaraya inay isticmaalaan. Waxa kale, oo si joogto ah looga hor istaagaa munaasibadaha furan kuwaas oo ay madaxdu booliiska ku amarto inaan loo sii dayn sida ay qaar ka mid ah wariyayaashii ugu danbeeyay ee munaasibaddii maalinta biyaha is yidhi ka qayb gala ay SOLJA soo gaadhsiiyeen cabasho ah in askarta wasaaradda biyuhu tahdiid iyo aflagaaddo ku sameeyeen. Dhacdooyinka kale ee caqabada ku ah mihnadfa Saxaafadda ee culayska ku ah saxaafadda waxa ka mid ahaa in soo noqoshadii safarkii madaxweynaha ee imaaraatka laga qariyo madaxweynaha, taasoo aanu u aragno mid lagaga hor istaagayey saxaafaddu inay safarkaas ka hesho xog ay bulshadeeda u gudbiso. Dhamaan ficiladda kala duwan ee ay xukuumaddu ku hayso saxaafadda waxaanu u aragnaa kuwo ka hor imanaya dastuurka JSL, xeerka Saxaafadda iyo qoddobadii u danbeeyey ee ka soo baxay shirkii wasaaradda warfaafintu u qabatay Saxaaafadda iyo xukuumadda. Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqayaa hay’addaha warbaahinta iyo Wariyayaasha ka hawlgala inay joojiyaan ficiladda xun xun ee ka hor imanaya Hab-dhaqanka iyo Anshaxa saxaafadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin cabashooyin soo gaadhay xarunta guud ee ururka. Ugu danbayntii ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa badhasaabka gobolka Awdal inuu xorriyaddooda usoo celiyo labada wariye ee uu ku xidhay magaaladda Barama. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha SOLJA Source
-
Mashiinkii Musuqmaasuqa Oo Dib Ugu Soo Noqoday Warfaafinta Iyo Mooganaanta Madaxweynaha + Natiijadii Hanti Dhawr Guud Qaranka. Maxkamadda Gobalka maroodi jeex ayaa Xabsiga ka sii daysey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland, Xasan Geedoole oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa ka dib markii lagu eedayey inuu lunsaday lacag dhan (50,000 kontan kun oo dollar ) oo damaanadda lagu sii dayey. Warar xogagaal uu dhuun daloola wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa sheegay inuu madaxweynuhu amar ku bixiyay ina laga wareejiyo agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta Hassan Geedoole, Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa mudo dheer la daala dhacaysa musuqmaasuq xadhka goostay oo sanadkii 2012 lagu xidhay eed musuq maasuqa isagoo hanti dhawrku guud ku helay inuu is daba mariyey vouchero lacag oo maliyiin dolar kula baxay isagoo damaanadda ku joogaa hargeisa ayuu sii tuugnimo uga baxaday isaga sii maray dalka Ethiopia oo uga sii gudbay dalka Engiriiska oo ay sii joogta gabadha u qabo. Agaasimaha maamulka iyo lacagta Hassan Geedoole,ayaa marka laga qiyaasta qaato agaasimiyaasha soo maray dhinaca maamulka wasaaaradd warfaafinta intii ay joogeen looga bartey inay iska ilaaliyaan hantida xoolaha umadda Somaliland ,balse Hassan Geedoole oo caadeystay iska daba marinta musuq maasuqa oo markii labaad lagu xidhay musuq waxayna bulshadda Somaliland Is weydiinaysaa halka uu ku dambeyn doono shaadh madoobaha Hassan geedool iyo talaabooyinka laga filayo inuu qaado madaxweynaha Somaliland oo ishu saraan tahay dib haybta waaxda maamulka iyo lacagta warfaafinta madaxweyne muuse ayaa wakhtigii lagu jiray ololaha doorashooyinka shacabka Somaliland uu balan qaaday inay xukuumadisu wixii musuqmaasuq dab jari doontii tiina bulshadda ayaa sugaysaa inuu madaxweynuhu talaabo ka qaado. Dadka siyaasada dhaqaalaha falan qeeya gudaha dalka ayaa ayaa tilmaamaya inuu dhiig baxa ku tahay qaran in lagu soo celiyo agaasimihii maamulka iyo lacagta Hassan Geedoole, oo dul hoganayso eedii ugu weynd ee loo qabsado qofka ka shaqeeyaa nidaamka dawladdnimadda Somaliland taasina waxa cadayn kaaaga filan waxa markii labaada loo xidhay eed musuqmaasuq waxay bulshadda Somaliland sugaysaa go’aanka uu qaato madaxweynaha Somaliland mudan muuse bixii cabdi. Agaasimaha maamulka iyo lacagta warfaafinta oo shaqaalaha wasaaaradda u bixiyeen mishiinkii musuqmaasuq wuxu geedka qataarka looga keenay dalka koonfur afirka oo markasta ku sitaa jiiba ilaa inta uu shaqada ka baxayo. Wasiika warfaafinta iyo ku xigeenkiisa ayaa isku maandhaafsan soo celinta Hassan geedoole wuxuu wasiirku u magacaabay agaasimaha maamulka iyo lacagta deeqa oo ah inaanta cashier wasaaradda, waxa taas ka biyo diiday wasiir ku xigeenka oo ku maqnaa dalka turkey reerkisa dajiye oo gurina uga iibixiyey lagu qiyaasay ilaa lacag dhan (400,000 afar boqol oo kun oo dolar) waa sobabta keentay inuu wasiir ku xigeenku ka diido wasiirka inuu magacaabo agaasime kale. Agaasimaha maamulka iyo lacagta warfaafinta ,Hassan geedoole,wuxuu qoyskooda oo degan magaaladd jig-jigga uga dhisay 4 gur iyo meherado ganacsi oo uu ka shaqeeyo walaalkii halka oday dhalay uu ka ganacsado xoolaha oo uu soo iibgeeyo magaaladda wajaale isagoo ka sii iibsaday dhinaca gudaha dalka Ethiopia lacagtan adagan ee uu reerkoodu ku shaqeyso waxay ka mid tahay hantida musuq maasuq ee loo xidhay. Agaasimihii guud ee wasaaradda Dr,Cismaan Xusein Warsame ee la xidhay todobaadkii hore oo loo haystay eedo la xiidhiidhay musuqmaasu ayaa laga sii dayey maxkamadda gobalka ka dib markii lagau sii dayey damaanadda reernimo,oo ka soo hor jeedo xeerka lagu abuuuray xafiiska hanti dhawrka guud ee qaranka Somaliland. Ciidammada amnigu xidheen, ka dib markii sida la sheegay Hanti-dhowrka Qaranka oo baadhitaan ka waday Wasaaradda Warfaafintu codsaday in la xidho, isaga iyo Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi oo dhawaan iscasilay iyo Hassan geedoole. Dr. Cismaan, laakiin siidaynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaaraddaasi, ayaa ku soo beegmaya xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaallaan dacwado ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Wasiirka gaashaandhigga oo ku eedaysan musuqmaasuq. Xeerka la dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland, ma ogola in Qof ku eedaysan musuqmaasuq damiin lagu siidaayo ama uu iibsado haddii xukun Maxkamadeed ku dhaco Sida uu Warbaahinta ka sheegay Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranku. Maqaalka kan xiga ayaa idinku soo gudbinayaa inta meelood ee ganacsiga uu ku leeyaaha shirkaddaha iyo akowno uga furan dalalka dibedda uu lacagaha ku shubo,iyo hantida kale ee uu ku qoray qoyska uu ka soo jeedo Agaasime Hassan Geedoole. La soco maqaalka kan xiga oo xogo musuqmaasu iidin soo bandhigi doona, Warfaa Ismail Yusuf. Hargeisa -Somaliland 27/03/2019 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya oo kasoo baxay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa maanta soo galay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ciidamadaas oo wata ku dhawaad 30 gaadiidka dagaalka ah iyo askartooda ayaa dadka deegaanka ee ku sugan duleedka Muqdisho waxay sheegeen inay soo dhaafeen ayada oo qaarkood ay lugaynayaan. Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada ciidamadan, haddana dadka deegaanka ee arkay ciidankan ayaa ku qiyaasay inay ku dhow yihiin illaa 300 askari. Qof ku sugan agagaarka Xerada Ciidanka Asluubta sheegay in ciidamadaas ay fariisin ka sameysteen halkaas, isla markaana haatan ay ku sugan yihiin. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay ka muuqatay duruuf, islamarkaana ay siiyeen biyo iyo raashin. Ciidamada ayaa sidoo kale waxaa lagu arkayaa Isgoyska Ex Control Afgooye iyo Haanta Dheer oo ku taal Agagaarka Kuliyadda Jaalle Siyaad. Ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellaha Hoose oo muddo afar bil aan mushahar qaadan, ayaa dhowaan sheegay inay soo geli doonaan Muqdisho, haddii aan mushaharkooda si deg deg ah loo siin. Goobjooge Indhihiisa ku arkay ciidamada gadoodsan ee soo galay Muqdisho ayaa ka warbixinaya. Hoos ka dhageyso ciidamada. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Wareysi-Qofka-Degaanka.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ka midho dhalinta wada hadallada Somaliland, islamarkaana uu diyaar u yahay ka garaabidda arrimaha Somaliland gooni isugu taagtay. Madaxweyne Farmaajo oo baarlamaanka Soomaaliya u jeediyay khudbad ayaa sheegay in aanay ka maarmin Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa iney xirto xerada qaxootiga ee Dhadhaab bisha August ee sanadkan. Waa xero qaxooti midda ugu weyn caalamka, waxaana ku jira in ka badan 230,000 oo ah qaxooti Soomaaliyeed. Sida ku qoran Document la helay, Kenya waxaa ay ogeysiis u dirtay hey’adda qaxootiga ee UNHCR, iyada oo ka codsatay iney bilowdo sidii qaxootiga dib u dejin loogu sameyn lahaa halka hey’adda ay ugu jawaabto iney kala shaqeyn doonto Kenya sidii dadkaasi ay dalkooda dib ugu noqon lahaayeen si ikhtiyaar ah. Qorshaha waxaa ka mid ah in qaxootiga loo helo dal kale oo marti-gelin kara ama in loo raro meel kale oo Kenya ah. Dhadhaab waxaa la furay 1991-dii, waxaa ku jira qaxooti u badan Soomaali. Kenya waxaa ay ku dhawaaqdey iney xireyso 2016-kii, waxaa sidoo kale jiray dad si iskood ah Soomaaliya ugu soo laabtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Buug xusuusteeda ay ka qortay xaaska madaxweynihii hore ee Maraykanka, gabadha lagu magacaabo Michelle Obama ayaa noqday kan loogu iibsiga badanyahay dalka Maraykanka. Waxaa la qoray shan bilood uun ka hor, illaa iyo haddana waxaa laga iibsaday 10 milyan oo nuqul sida ay sheegtay shirkadda daabacaadda ee Bertelsmann. “Waxaan aaminsanahay in buuggan uu noqon karo loogu iibsiga badnaa ebed” ayuu yiri Thomas Rabe oo mas’uul ka ah shirkadda daabacaadda. Shirkadda ayaa sannadkii 2017-kii Michelle u shubtay lacag dhan $60 milyan oo doolar si shirkadda ay ula wareegto xuquuqda daabacaadda buugga. Waxaa isna jira buug uu qoray Obama oo aanan weli la daabicin, kaas oo xuquuqdiisa ay shirkadda haysato. Shirkadda Nielsen oo la socota buugaagta ayaa sheegtay in buugga Michelle uu ku jiro kaalinta 11-aad , marka laga hadlayo 20-ka buug ee loogu iibsiga badanyahay ee xagga taariikh nololeedyada. Buugga Michelle Obama oo ka hadlaya carruurnimadeedii, shaqadeedii illaa xilligii Aqalka Cad ay tahay ayaa ah mid aad loo amaanay caalamka oo dhan. Waxa uu ka hadlayaa dhibaatadii ay kala kulantay guurkeedii Barack Obama, waxaa xitaa ku jira macluumaad la xiriira ilmo kasoo halaabay, halka labada ilmo ee ay heystaan ay ku dhashay hab caafimaad oo loo yaqaano IVF. Waxa ay sidoo kale buugga ku dhaleeceysay madaxweynaha hadda jooga Donald J Trump, iyada oo ay sheegtay in aysan waligeed cafin doonin dhibaatadii uu u geystey qoyskeeda markii uu muran galiyay dhalashada Obama ee Maraykanka. Source
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni oo wadfdi uu hoggaaminayo ayaa maanta sii diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa oo saaka ka ambabaxay caasimada Puntland ee Garowe ayaa ku sii hakaday degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, wuxuuna kulan gaara kulan la qaatay waxgaradka, maamulka degmadaas. Deni oo la shiray waxgaradka iyo maamulka Dangoroyo Madaxweynaha Puntland ayaa looga hortagay banaanka magaalada Qardho, iyadoo soo dhaweyntiisa ay ka qeyb qaateen maamulka gobolka, kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne Deni ayaa hadal ka jeediyay barxada Qardho oo ay ku sagayeen boqolaal dadweyne ah, wuxuuna ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, sidoo kale wuxuu ka hadlay amniga Puntland iyo doorashooyinka. Madaxweyne Deni ayaa shacabka ka codsaday in dowladda lala shaqeeyo, layskana daayo hadalada hoos ka tuurka ah, sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in Qardho noqon doonto meelaha u horeeya ee laga qaban doono doorasho hal qof iyo hal cod ah. Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa dhagax dhigay wado laami ah oo isku xiraysa magaaladda, xerada ciidamada Xorgoble iyo xabsiga, iyo sidoo kale qayb cusub oo lagu kordhinayo xerada ciidamada ee Xorgoble. Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa ayaa inta uu Qardho joogo kulamo la qaadan doona maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna uga sii safri doonaa magaalada Boosaaso, isagoo ku sii hakan doona degmooyinka laamiga. Kani waa socdaalkii ugu horeeyay oo Madaxweyne Deni kaga baxo caasimada tan iyo markii la doortay 8-dii janaayo 2019. Goordhow fillo sawirro PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni iyo soo dhaweyntii Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigga shanaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga ayaa tilmaamay in labadii sano ee lasoo dhaafay uu saxiixay labo sharci oo kaliya, loogana baahan yahay Golaha Shacabka in ay dardargeliyaan ansixinta handi-sharciyeedyada oo wali horyaalla Labada Aqal oo gaaray 29 kuwaas oo ahmiyad weyn u leh shaqada Xukuumadda. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay amniga siineyso ahmiyad, isaga oo ku celiyey in dalka ku jiro dagaal, isaga oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Cadawga waxaa uu marayaa meeshii ugu dambeysay marka la barbar-dhigo meshii ay joogeen 10 sano ka hor, waxaan ognahay waqtigaas aan sheegayo in magaaladan iney nus heysteen, waxaan ognahay in meeshii ay rabaan weerari jireen, waxaan ognahay in wasiirro hal meel ilaa 5 ah ku laayeen iyo ardey aan waxbo galabsan, waxaan ognahay maalin barqo ah ardey aad u fara badan oo deeq waxbarasho diyaarinaya imtixaanadooda ay maalin cad meel ku laayeen, waxaan ognahay in xataa haweysteen madaxdii qaranka oo ra’isul wasaarihii qaranka shir uu ku jiray iney dhibaateeyaan, waxaan ognahay in koonfurta oo dhan ay gacanta ugu jirtay…waxaa ay ku dhamaatay in madaxdooda la laayo la yaqaaney, waxaa ay ku dhamaatay in magaalada Muqdisho laga xureeyo, waxaa ay ku dhammaatay in degmooyin iyo magaalooyin waaweyn laga xureeyo, waxaa ay ku dhammaatay iney ku jiraan baqdin iyo iney ku dhex dhuumaaleystaan shacabka dhexdiisa si ay ugu geystaan xasuuq iyaga oo aan cidna u naxariisaneyn, una arxameyn caruur iyo cirroole”. Madaxweynaha ayaa sidoo kale faahfaahiyay isbeddellada la taaban karo ee ay dowladdu ku samaysay laamaha ammaanka dalka sida Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka, isaga oo ku bogaadiyay Xukuumadda dadaallada lagu diiwaangelinayo ciidanka isla markaana dib loogu habaynayo hannaanka saadka iyo mushaar bixinta ee Ciidanka Xoogga Dalka. “Waxaan qorshaynay inaan isbeddello la taaban karo iyo dib-u-habayn ku samayno laamaha ammaanka ee dalka. Waxaan bilownay diiwaangelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, booliiska iyo hey’adaha sirdoonka qaranka, kuwaas oo intii horey loo diiwaan geliyey ay mashaaraadkooda si toos ah ugu helaan koontooyinkooda. Waxaan sidoo kale socota in la dhammaystiro inta harsan si ay ayaguna xuquuqdooda si toos ah ugu heleen contooyinkooda, waxaana socoto in ay helaan inta harsan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdiisu ay dadaal badan gelisay koboca dhaqaalaha dalka wuxuuna hoosta ka xarriiqay in dowladdu ka gudubtey shuruudihii Hay’adda IMF ee asaaska u ahaa deyn cafiska Soomaaliya, dakhligii dalkana ay ku korodhay 30% marka la barbardhigo sannadkii ka horreeyay. “Dhinaca cafinta deymaha, waxaan si hufan uga soo baxnay dhammaan shuruudahii nalagu xiray iyo yoolalkii aan kula heshiinnay hay’adda lacagta adduunka ee IMF si nalooga cafiyo deymaha. Dhinaca dakhliga, waxaan sanadkii lasoo dhaafay dakhliga dowladda kor u qaadnay boqolkiiba 30%, marka loo eego sanadkii ka horreeyay.” Madaxweynaha oo ka hadlaya wadahadallada Somaliland ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka reer Somaliland isla markaana doonayso inay ka miradhaliso wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Qodobbada kale ee uu Madaxweynuhu khudbaddiisa xoogga ku saaray waxaa kamid ah in doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug dhacaan waqtigii loogu talo-galau, hirgelinta sharciyada hortabinta u leh hawlaha Xukuumadda sida sharciga la dagaallanka argagixisada, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo kan xaqsiinta ciidamada, siyaasadda loo dhan yahay, dib u heshiisiinta, xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigga shanaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga ayaa tilmaamay in labadii sano ee lasoo dhaafay uu saxiixay labo sharci oo kaliya, loogana baahan yahay Golaha Shacabka in ay dardargeliyaan ansixinta handi-sharciyeedyada oo wali horyaalla Labada Aqal oo gaaray 29 kuwaas oo ahmiyad weyn u leh shaqada Xukuumadda. Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladdiisu had iyo jeer u taagan tahay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya la leedahay waddamada derisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi. Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, sabarkana badiyaan, isla markaasna meel looga soo wada jeesto Al Shabaab oo aanay marnaba qalbi-jebin. Madaxweynaha ayaa sidoo kale faahfaahiyay isbeddellada la taaban karo ee ay dowladdu ku samaysay laamaha ammaanka dalka sida Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka, isaga oo ku bogaadiyay Xukuumadda dadaallada lagu diiwaangelinayo ciidanka isla markaana dib loogu habaynayo hannaanka saadka iyo mushaar bixinta ee Ciidanka Xoogga Dalka. “Waxaan qorshaynay inaan isbeddello la taaban karo iyo dib-u-habayn ku samayno laamaha ammaanka ee dalka. Waxaan bilownay diiwaangelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo intii horey loo diiwaan geliyey ay mashaaraadkooda si toos ah ugu helaan koontooyinkooda. Waxaan sidoo kale socota in la dhammaystiro inta harsan si ay ayaguna xuquuqdooda si toos ah ugu helaan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdiisu ay dadaal badan gelisay koboca dhaqaalaha dalka wuxuuna hoosta ka xarriiqay in dowladdu ka gudubtey shuruudihii Hay’adda IMF ee asaaska u ahaa deyn cafiska Soomaaliya, dakhligii dalkana ay ku korodhay 30% marka la barbardhigo sannadkii ka horreeyay. “Dhinaca cafinta deymaha, waxaan si hufan uga soo baxnay dhammaan shuruudahii nalagu xiray iyo yoolalkii aan kula heshiinnay hay’adda lacagta adduunka ee IMF si nalooga cafiyo deymaha. Dhinaca dakhliga, waxaan sanadkii lasoo dhaafay dakhliga dowladda kor u qaadnay boqolkiiba 30%, marka loo eego sanadkii ka horreeyay.” Madaxweynaha oo ka hadlaya wadahadallada Somaliland ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka reer Somaliland isla markaana doonayso inay ka miradhaliso wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Qodobbada kale ee uu Madaxweynuhu khudbaddiisa xoogga ku saaray waxaa kamid ah hirgelinta sharciyada hortabinta u leh hawlaha Xukuumadda sida sharciga la dagaallanka argagixisada, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo kan xaqsiinta ciidamada, siyaasadda loo dhan yahay, dib u heshiisiinta, xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda. DHAMMAAD Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo daah furay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Siyaasiyiin & wasiiro hore oo ka Tirsan Xisbiga Kulmiye oo Xukumada Muuse Biixi Muqdisho u dirsatey & Xoggo kale oo xasaasiya Siyaasiyiin reer Somaliland ah oo ka tirsan xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa wali sababo aan la garanayn ugu sugan magaalada Muqdsiho ee caasimada Soomaaliya kadib markii ay Bishii hore tageen Magaaladaasi. Siyaasiyiintan ayaa hore waxay uga soo shaqeeyeen Dowladihii Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo, oo ay ka qabteen xilal sar-sare, kadibna waxay ku biireen xisbiga hadda talada haye ee Kulmiye, oo xilal wasiir ku-xigeeno ka qabtay xukuumadii Siilaanyo. Siyaasiyiinta reer KULMIYE ee Xamar ku sugan ayaa kala ah: Xasan Daahir Dhimbiil oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Axmed Keyse Guray oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo weliba Khadar Axmed Diiriye oo isagna ahaa Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland. Xogta aan helnay, ayaa waxay sheegaysa in Siyaasiyiintan oo muddoba Xamar ku sugnaa ay wataan ajande qarsoon oo aan illaa imika la ogayn waxa ay la xidhiidho iyada oo aan sidoo kale la ogayn in ay safarkoodan ku matalaan Xisbiga ay ka tirsanaayeen ee KULMIYE ee uu Guddoomiyaha u yahay Madaxweyne Biixi, ayada oo aan la ogeyn xaqiiqda sahankooda. illaa imika lama oga waxa ay dawladda Soomaaliya kala hadleen iyada oo warar hoose sheegayaan in ay kulamo la yeesheen xukuumadda Muqdisho. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa hore warbaahinta ugu sheegay inay yihiin siyaasiyiin shaqo doontay, oo aan xisbiga ka mid ahayn. Si kastaba ha ahaatee weli ma jirto meel ay ka sheegen in Xisbiga Kulmiye ay kaga baxeen iyo mabda’dii dalka ay xilalka ka soo qabteen toona, mana jirto meel xisbiga KULMIYE laftiisu ku sheegay in uu xisbiga ka caydhiyey masuuliyiintaas. Xisbiga Kulmiye ayaa markii ololaha uu ugu jiray doorashada madaxtinimada Somaliland ku eedeyn jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI in uu yahay Soomaaliweyn oo siyaasiyiintoodu tagaan Xamar, maantase waxa soo if-baxeysa in Xisbul Xaakimka Kulmiye uu isagu laftigiisa siyaasiyiintiisa u dirsado Muqdisho. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online helayso ayaa waxay sheegayan in xukuumada Somaliland ay maanta saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa kasii deysay Yaasir Saleebaan oo muddo u xidhnaa eedo la xidhiidha inuu ku kacay khiyaamo qaran, oo ay ka mid yihiin inuu siraha amniga ee xasaasiga ah u gudbin jiray sirdoonka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Yaasir ayaa waxaa dhowr goor oo hore la hor-keenay maxkamadda degmada Hargeysa, oo kiiskiisa oo xukuumadu dhibane ka ahayd lagu dhageystay. Yaasir Saleebaan oo ahaa xidhiidhiyaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh amniga, ayaa maanta xoriyadiisi dib u helay, Sida ay Caasimada Online u sheegen ilo-wareedyo xog-ogaal ahi. Sida aan xogta ku helnay, waxaa ii deyntiisa ay ka dambeysay kadib markii xukuumadda culays badan kala kulantay beesha uu kasoo jeedo ee “Aadan Madoobe/East Burco Clan” oo uu sidoo kale kasoo jeeday madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo. Sida ay Caasimada Online u sheegen ilo lagu kalsoon yahay, waxa uu Yaasir sidoo kale Hor-jooge iyo Xidhiidhiyaba u yahay Shabakad Dhalinyaro ah oo Somaliland Gudihiisa ku sugan oo wada-shaqeyn joogto ah la leh Xafiisyada Madaxda ugu sarreysa Muqdisho ee Farmaajo iyo Kheyre. Dad badan ayey la-yaab noqotay sida dhibta yar ee xukuumada Biixi xoriyadiisa ugu soo celisay qof ku eedaysnaa khiyaamo qaran iyo bixinta siraha amniga, iyada oo ay xabsiyada buux dhaafiyen dad ku eedaysan dambiyo aad u fudud oo qaarkood ay ku xidhanyihiin inay soo bandhigeen dhaliilaha xukuumada, Balse Yaasir ayaa waxa lagu sii daayey maadaama beeshiisu xulafo siyaasadeed la wadaagto beesha Muuse Biixi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa kuwada xukuntay min (8)-Sideed sano oo xabsi ciidan ah Maxamed Cali Cabdi Cali, Maxamed Cismaan Camaleey, Cabdifitaax Cali Cabdullaahi, Axmed Cabdi Rooble iyo Maxamed Cumar Diini sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Waxa ay shantan eedeysane isticmaalayeen farsamooyin ay isugu ekeysiinayaan in ay yihiin ciidamo dowladdu u wakiilatay canshuur qaadis balse waxa ay ahaayeen burcad dhuumaaleysi ku joogay halkaasi, 05-01-2019 ayaa la soo xiray dhammaan eedeysanayaasha, waxaa lagu wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna xafiiska codsaday 13-01-2019 in eedeysanayaasha la geeyo xabsiga dhexe gar-sug ahaan. Muddo ayay ku qaadatay Xafiiska baarista kiiskan, waxa ayna 12-03-2019 codsadeen xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda, iyadoo laba cisha kadib loo ballamay maxkamadeynta 1- s/le X Maxamed Cali Cabdi Cali Cibaar 2- S/a/le Maxamed Cismaan Camaleey 3- Cabdifitaax Cali Cabdullaahi 4- Axmed Cabdi Rooble 5-Maxamed Cumar Diini. Xafiiska ayaa horkeenay Maxkamadda Caddeymo ay kamid yihiin Booono been abuur ah, sedax qoray AK, RPG, Bistoolad. Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in raggan aysan kaliya ahayn burcad balse ay dadaal kasta ku bixiyeen dhacca dad-weynaha, waxa uu ka hor sheegay garsoorka in dambiga ay galeen ay ku dareen kala geynta shacabka iyo dowladda maadama ay sameysteen boono been abuur ah taasi oo kalifi kartay dadweynaha iyo dowladda in lagu kala fogeeyo, waxa uu ka codsaday garsoorayaahsa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Side in la mariyo ciqaab adag oo tusaale u noqota kuwa kale in aysan ku dhiiran farsamooyin nuucaas oo kala ah. Abuukatayaasha u dooday eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan loo naxariisto lana mariyo ciqaab dishibliin oo aysan maxkamadda ku fogeyn xukunka. Doodda dhinacyada dacwadda oo waqti badan qaadatay caddeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo qiraalka eedeysanayaasha kadib ayay ugu dambeyn go’aan ka gaartay Maxkamadda Darajada koowaad eedeysanayaasha, waxa ayna kuwada xukuntay min (8)-Sideed sano oo xabsi ciidan ah. Eedeysanayaahsa aya heysta fursad ay ku dalban karaa Rafcaan. View the full article
-
New York (SMN) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay muddo kordhin hal sano ah u sameyaan howlgalka QM Soomaaliya ee UNSOM. Magaalada New York ayaa waxaa la filayaa in ay isugu yimaadaan xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Xafiiska siyaasada QM ee Soomaalya ayaa taageero siiya dowladda federaalka ah iyo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadkii 2017 sheegay in ay wadaan qorshe la doonayo in Ciidamada AMISOM looga saaro Soomaaliya sanadka 2020-ka. Ugu dambeyn golaha ayaa sheegay in la xoojinayo taageerada la siiyo Ciidamada Soomaaliya, si ay ula wareegaan amniga dalka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Maanta ka hadlayey furitaanka kala fadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday waxyaabihii u qabsoomay Baarlamaanka iyo waxyaabaha hadda la filayo in la qabto. Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in kala fadhigii 4-aad ee Baarlamaamka Soomaaliya ay Xildhibaanada qabteen shaqo aad u adag isla markaasna lagu guuleystay ansixinta Hindiso Sharciyeedyo badan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in furitaanka kala fadhiga Shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya uu kusoo aaday waqti xasaasi ah oo ay jiraan Hindiso Sharciyeedyo badan oo Baarlamaanka laga doonayo inuu ka doodo kadibna ansixiyo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya laga sugayo inuu Dalka gaarsiiyo Doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacdo si xalaal ah. Guddoomiye Mursal ayaa Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay inay si deg deg ah usoo gudbiso Hindiso Sharciyeedka Doorashoyiinka Qaranka Soomaaliya, kaasoo laga ogaan doono sida ay noqon doonto Doorashada dhici doonto marka uu dhamaado waqtiga Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Bisha soo socoto ee April ayaa laga doonayo Dowladda Soomaaliya inay kala cadeyso nooca Doorshada uu dalka geli doono, taasoo ah arrin dastuuri ah oo laga doonayo Dowladda Madaxweyne Farmaajo. Doorashada dalka ka dhici doonto laba Sano kadib ayaa la filayaa inay noqon doonto mid ka duwan qaabka doorashooyinkii dalka ka dhacay, inkastoo laga cabsi qabo inuu dalku galo mar kale doorasho la mid ah Middii uu Farmaajo kusoo baxay. Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa isha ku hayo go’aanada laga qaadan doono Doorashada dalka ka dhici doonto, waxaana jirto cabsi ku aadan inay Dowladda hadda talada heyso dooneyso inay ku darsato laba sano oo dheeri ah iyadoo taas marmarsiiyo uga dhigan doonto inay dalka gaarsiineyso Doorasho qof iyo cod ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa in ay xirto xerada qaxootiga ugu weyn caalamka ee Dhadhaab oo hoy u ah illaa iyo 230,000 oo badankood ah Soomaali. Dokumentiyo qarsoodi ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee AFP ayaa muujinaya in Kenya ay dooneyso in ay xirto xeradaasi bilaha soo socda. Xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ku dhawaad 30 sano hoy u aheyd boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah ayaa lagu wadaa in la xiro dhamaadka bisha August ee sanadkan. Warar hoose oo laga helay laanta qaxootiga QM ee UNHCR ayaa sheegaya in Kenya ay ku wargelisay xilliga rasmiga ah ee gebi ahaanba la xirayo xeradaasi Dowladda Kenya ayaa sababaha ay u xireyso Dhadhaab ku sheegtay in halkaasi laga soo abaabulo weerarada Al Shabaab ay ka fuliyAaan gudaha dalkaasi. Dowladdaha Soomaaliya,Kenya iyo hay,adda UNHCR ayaa sanadkii 2013 ku heshiiyay qorshe qaxootiga ku jira xeradaasi dib dalkooda loogu celinayo, iyagoo aan la qasbin Xeritaanka Dhadhaab ayaa saameyn ku yeelan doonto boqolaal kun oo qaxooti ah, iyadoo arrintaasina ay walaac ka muujiyeen qaar ka ka mid hay,adaha gargaarka. View the full article
-
Garowe (SMN) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta shir muhiim ah ka furay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Shirkan oo ah mid wadatashi ah ayaa la xariira diyaarinta qorshaha sagaalaad ee hormarinta Qaranka. Xubno ka tirsan maamulka Puntland, ururada rayidka ah iyo ganacsato ayaa ka qeybgalay shirkaasi. Sidoo kale shirkan ayaa gogol xaar u ah geedi socodka Deyn cafintaSoomaaliya iyo yarenta Saboolnimada, waxaana horay loogu qabtay Jubbaland iyo K/Galbeed. Shalay ayey aheyd markii wasiirka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya uu gaaray Garowe, kaas oo si diiran lagu doo dhaweeyay magaaladaasi. View the full article
-
Nairobi (SMN) – Wararka laga helayo Kenya ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay shil geystay khasaaro xoogan oo ka dhacay gudaha dalkaasi. Shilka ayaa yimid, kadib markii gaari Xumuul ah oo siday dad rakaab ah uu ku rogmaday deegaanka Matuu oo hoostaga degmada Majaakoos ee dalka Kenya Gaari gadoomay oo ay leedahay shirkad lagu magacaabo Sako ayaa la sheegay in uu ka soo baxay magaalada Mandera, kuna sii jeeday magaalada Nairobi. Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaasi ku dhintay illaa 15 Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay shilkan ayaa lagu soo warramayaa in u badan yihiin dad Soomaali ah. Inta badan waxaa gudaha Kenya ka dhaca shilal geysta khasaarooyin xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. View the full article
-
Qardho (SMN) – Saciid Cabdullahi Deni madaxweynaha maamulka Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee G/Bari. Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiyiinta degmadaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Inta uu joogo Qardho madaxweynaha Puntland waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono mas’uuliyiinta iyo waxgaradka magaaladaasi. Ujeedada socdaalkan ayaa ah mid la xariira ugu kuur galida xaaladaha ka jira deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale Saciid C/laahi Deni ayaa u sii gudbi doona saacadaha soo socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, si uu u booqdo halkaasi. Waa safarkiii ugu horreeyay ee uu Deni ku marayo Qardho iyo Boosaaso, tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Puntland. sideedii Janawari ee sanadkan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Maanta ka hadlayey furitaanka kala fadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan Xaaladda uu marayo dalka. Madaxweyne Farmaajo oo ugu horeyn ka hadlay Arrimaha Amniga ayaa sheegay inuu dalka ku jiro xaalad adag oo u baahan in laga saaro dalka iyadoo taas loo marayo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay inay dowladiisa horumar wanaagsan ka sameysay dhanka isbadalada Ciidamada, gaar ahaan Ciidamada Xoogga, Booliska iyo Sirdoonka si loo dajiyo qorshayaal ciidan oo si rasmi ah looga hortago halista Argagixisada. Wuxuu Madaxweynaha soo hadal qaaday arrimaha Mushaarka Ciidamada, isagoo Golaha shacabka hortiisa ka sheegay inay Ciidamada Mushaarkooda u bixiyaan si joogto ah marka laga reebo ciidamo aan weli lagu soo darin nidaamka cusub ee mushaar bixinta Ciidamada Dowladda ayna arrintaas hadda mareyso meel gabagabo ah. Madaxweynaha ayaa ku faanay inay Dowladiisa labadii sano oo ay xilka heysay ku guuleystay kor u qaadista Dhaqaalaha dalka oo uu sheegay in sare loo qaaday 30% lana rajeenayo in sanadka dambe intaas laga sii kor mariyo. Wuxuu Xukuumadda ku amaanay inay hirgeliyeen hindiso sharciyeedyo badan oo la hor geeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyey inay jiraan shakhsiyaad hor taaggan horumarka la doonayo in Soomaaliya la gaarsiiyo sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha, isagoo sheegay inaysan Shacabka Soomaaliyeed niyad jabi doonin isla markaasna aysan dhageysan doonin hadalada lagu niyad jabinayo. Madaxweynaha ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyey shaqada wanaagsan oo ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ugu horeysay ansixinta Hindiso Sharciyeedyo badan iyo kuwa kale oo hadda laga sugayo inay ansixiyaan. Madaxweynaha ayaa xusay inay Al-Shabaab ku jiraan Xaalad hooseyso isla markaasna ay hadda ku jiraan naf la caari sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna xusay in Shabaab hadda si weyn uga liitaan sidii ay ahaan jireen 10 sano ka hor. Madaxweynaha ayaa dhanka kale ku baaqay in Doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay. Madaxweynaha oo soo hadal qaaday wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay dowladda diyaar u tahay qancinta Somaliland iyo in looga garaabo dhibaatada ay tabanayaan si loo helo Soomaaliya oo mideysan. Madaxweynaha oo ka hadlayey Siyaasadda Arrimaha Debadda ee dowladiisa ayaa sheegay inay asaas u tahay in xiriir wanaagsan lala yeesho dhammaan dowladaha Caalamka si looga shaqeeyo horumarka dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay inay farxad u tahay in kala fadhiga Shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya la furo iyadoo uu isfaham ka dhaxeeyo Dowlad Goboledyadad iyo Dowladda Dhexe. Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyey geeridii dhawaan ku timid Wasiirkii Dastuurka Xoosh Jabriil kaasoo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabt, wuxuuna ku ammaanay inuu ahaa shakhsigii suurtageliyey dhameystirka Dastuurka ay ku shaqeyso Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay ra’iisal wasaare Xasan Cali KhAyre iyo wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Soomaaliya Maryan Aweys. Qoraal kooban oo lagu so daabacay barta twitterka ee safaaradda Turkiga ayaa lagu shaaciyay in danjire Mehmet Yilmaz uu kulan la qaatay ra’iisal wasaareaha iyo wasiirka dekedaha Soomaaliya. Kulanka ayaa inta badan looga hadlay mashaariicda dowladda Turkiga ay ka fulineyso Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal. Sidoo kale danjiraha Turkiga ee Soomaliya Mehmet Yilmaz iyo wasiir Maryan Aweys ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashaan lahaayeen horumarinta dakedaha. Shirkadda fadhigeedu yahay Turkiga ee Al-Bayrak ayaa maamusha dekedda Muqdisho,taas oo dhaqaalo badan ay ka hesho dowladda Soomaaliya. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir dibloomasiyadeed oo soo jireen ah,waxayna iska kaashadaan dhinacyada Milatariga,dhaqaalaha iyo bani’aadanimada. View the full article
-
Popular Contributors