-
Content Count
208,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kenya waxay dagaal qorsheysan oo laba weji ah kula jirtaa Soomaalida. Mid waa dagaalka duqeymaha u badan oo ay la beegsato al-Shabaab kaas oo ay ku naf waayaan dad iyo duunyo aan waxba galabsan oo reer guuraa u badan; iyo mid ay kusoo qaatay war isgaarsiinta Soomaaliyeed. Xad beenaadka dalku la wadaago Kenya ee dhererkiisu gaarayo 700 oo km, waxaa magaalooyinka ku teedsan iyo kuwa la ologa ah ay hadda go’doon uga jiri karaan dunida inteeda kale. Waayo adeeggii isgaarsiineed oo ay kula socon jireen dalka intiisa kale iyo caalamka ayaa bartilmaameed u ah ciidamada Kenya. Waxaana dadkan ku nool xadka ee muddo badan ku naaloon jiray maahmaahdii ahayd; ‘magaalo xeeb baa laga degaa ama xuduud,’ ay is weydiinayaan haddii degitaanka bar-xuduudeed kala qeybsiga labada dal ay sidaan oo kale u tahay mid halisteeda leh. Kenya waxay duqeymo iyo burburin toos ah ku wadaa laamaha Shirkadda Hormuud ee goballada Jubbooyinka iyo Gedo. Waana dhawaaq ay waaya’arag kusii noqonayaan shacabka Soomaaliyeed. Balse sababta keeneysa burburintaas ayaa ku sugan jawaab la’aan. Taniyo markii ciidamada KDF ay kasoo tallaabeen xadka – si ay u qabsadaan magaalo xeebeedka Kismaayo, Kenya waxay Jubbaland ka geysatay gaboodfallo kala duwan oo isugu jira duqeyn lagu garaaco duunyo iyo dad rayid ah, duminta ceelal biyood ay dhaansadaan xoola-dhaqatada, xaalufka ugaarta ku sugan howdka labada Jubba iyo ka-ganacsiga dhuxusha oo la tilmaamay inay lacag adag kasoo gasho. Hadda way iskala timid ficillada u muuqda fadeexadda oo ay geysanayaan ciidamadeeda. Waxayna si toos ah dagaal ugu soo qaaday burburinta isgaarsiinta dalka. Marka la isku geeyo tirade jeer oo ay burburiyeen xarumaha shirkadda Horumuud ee Jubbaland iyo hanti adag ee ku baxday dib-u-taagistooda, waxay ku filan tahay in si diblomaasiyad leh looga hortago. Sabab jirta oo ayidi kara burburinta xarumaha Shirkadda oo lagu qancin karo shacabka ku dhaqan gobalkaas majirto. Haddii ay jiri kartana kama dhigna in raasamaal dhan oo umadda Soomaaliyeed uga wada dhaxeeya micno walba si fudud loo burburiyo. In kasta oo shirkadda aan laga helin heerka adduun lacageed ee ku baxay dagaalka burburinta ah ee Kenya kusoo qaaday xarumaheeda isgaarsiinta, haddana waxa ku dhici kara shacbiga laga jaro xiriirka ay la leeyihiin bulshada inteeda kale ayaa ah mid looga fadhiyo in si mas’uuliyadaysan ay kaga jawaabto Jubbaland iyo dowladda dhexe. Marka laga hadlayo dagaalka ay Kenya kula jirto al-Shabaab – gudaha dhulkeeda iyo dalkeenna – burburinta loo geysto xarumaha shirkadda Hormuud maxaa marwalba ka dhigay bartilmaameed la mid xero ay ku tababbartaan al-Shabaab oo u baahan in dhulka lala simo? Maxaa Hormuud ka dhigay mid target ah hal dhinac oo kaliya oo aan dhinaca kale uusan ku colaadineyn? Su’aashaas waxaa laga yaabo in looga jawaabo sida caamka ah mid la xiriiri karta gulufka iyo loolanka Kenya iyo al-Shabaab ka dhex jira. Halkaasna ay dad badan si qiiro leh ugu qiil dayaan in Kenya ay micno walba ku sugi karto amnigeeda iyo howlgalkeeda nabad ilaalinta ee Jubbaland. Balse, marka la fiiriyo kobaca isgaarsiinta dalka iyo kaalinta Hormuud ku leedahay horumarinta tiknoolojiyadda isgaarsiinta, Kenya waxay si dadban uga soo horjeedaa in awoodda Shirkaddu aanay soo gaarin gudaheeda. Si kale marka loo dhigo, inta badan magaalooyinka ku teedsan xuduudda, waxaa qadka awoodda coverage-ka ku xoog badan Hormuud marka lala barbardhigo Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee Kenya ka dhisan. Taasi waxay keentay in isticmaalka adeegga Hormuud ee xuduudda uu aad ugu baaho gudaheeda. Loolan muuqda oo dhinaca macmiisha ahna uu ka dhasho kala xulashada labada shirkadood – iyada oo laga fiirinayo fogaanta iyo awoodda dhaweynta hadalka. Xittaa ciidamada Administrative Police AP-da ee ku sugan magaalooyinka Ceelwaaq, Mandera iyo Liboi, waxay adeegsadaan Hormuud mararka qaar si danahooda shaqsiga ah iyo tan dowladda ay u hayaanba ugu isticmaalaan. Si kastaba, waxaan aniga ahaan ku talin lahaa inan la iskaga dhex bixin Shirkadda iyo Kenya ee Jubbaland iyo dowladda dhexe ay hubiyaan in damaanad loo yeelo adeegga Hormuud ee gobolladaas; haddii aan goor hore jawaab laga bixin, burburin walba oo ku dhacda xarumaha Hormuud waxay ka dhigan tahay asset ama raasumaal Soomaali oo dhan ka wada dhaxeeya oo dad iyo dowladba ay ku tiirsan yihiin, haddana aan dadaal loogu bixin sidii wadajir loogu ilaashan lahaa. Qore: Zakariya Xasan Maxamed – wuxuu qorista macluumadan u adeegsaday waaya’aragnimadiisa nololeed oo uu kusoo qaatay xuduudda labada dal ee Kenya iyo Somalia. Kala xiriir: hiraal86@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Bilowgii toddobaadkan, Caasimadda Online ayaa baahisay in xirnaanshaha waddooyinka loo heli karo xal haddii dowladdu ay ka go’an tahay. Sannadkii hore, dalka Qadar ayaa ugu deeqday Soomaaliya gaadiid basas waaweyn ah si ay ugu adeegsato daabulka shaqaalaheeda rayidka ah iyo kuwa qalabka sida. Caasimadda ayaa fahamsan in gaadiidkaas aan marnaba sidii loogu tala-galay loogu adeegsan danta guud. Taas beddelkeedana waxaa inta badan la isticmaala waqtiyada ay jiraan isku soo baxyada iyo dabaal-degyada ay dhigato dowladda. Laamaha ururrada haweenka ee ka jira 17-ka degmo ee gobalka Banaadir ayaa inta badan lagu soo galbiyaa – iyaga oo durbaannadooda – si ay uga mashxaradaan munaasabadaha ka jira gobalka iyo kuwa degmooyinka. Balse waqtiyada kale, waxay inta badan ku jiraan baakin. Daba-yaaqada sannadkii hore ayay mar adeegsatay dowladdu xilli waddooyinku u xirnaayeen qaabilaadda wufuud calami ah. Waxayna aheyd tallaab aad looga mahad celiyay. Guddoonka gobalka iyo guddoomiyaasha degmooyinka – oo degma kasta la siiyay gaadiidkan – waxay u muuqdaan kuwa aan xil iska saareyn rafaadka ay ku jiraan shacabka Muqdisho kuwaas oo xilli kuleylaha cadceedda ugu wirwiraya gaarista danahooda. Warbixinta toddobaadkan ay Caasimada ka qortay xalka loo heli karo xirnaanshaha waddooyinka, waxaa aad usoo dhaweeyey inta badan bulshada. Laakii ilaa iyo hadda Guddoomiye Yariisow iyo guddoomiyaasha kale ee gobalka, waxay sidii hore isaga indha-tirayaan xal-u-helidda xirnaanshaha waddooyinka oo hadda caasimadda ka noqday ‘hot topic’ marwalba hadal-heyntiisu badan tahay. Caasimadda waxay ku talinaysaa in basaska ku baakiman gobalka loogu adeegso shacabka laga xanibay inay ku safraan gaadiidka dadweynaha kuwaas oo cagahooda maalaya. Xittaa ha noqdaan basaskani kuwa lacag lagu raaco. Muhiimaddu waa in shacabka loo fududeeyo socdaalkooda maalinlaha ah. Waa in dowladnimadu noqotaa mid wax horumarinaysa ‘an improving government’, sida uu yiri Thomas Jefferson oo kamid ahaa aabayaashii helay dalnimada Maraykanka. Haddii lagu guuleysto in saacadaha yar iyo maalmaha kooban ee waddooyinka la xiro shacabka loogu adeego basaska dadweynaha ee isaga jira keydka dowladda, waxaan shaki uusan ku jirin in rafaadka ay ku jiraan shacabka Muqdisho qeyb ahaan raaxo loogu beddeli karo. Dad badan waxaa laga yaabaa inay sababo amni ku dhaliilayaan talada Caasimada. Balse marba haddii la isla oggol yahay in daryeelka adeegyada shacabka mudnaan sarreysa leedahay, waxaa jirta murti English ah oo tiraahda; ‘where there is a will, there is a way.’ Jiritaanka xaalado amni oo sababi kara in mar qura dadweyne kob ku wada sugan ay ku le’daan qarax iyo wixii la halmaala, su’aasha jiri karta ayaa sida la iskugu haleyn karo amniga basaskan. Dabcan haddii la adeegsado scan-qofeedka fududeeya baaritaannada, jawaab waa loo heli karaa sugidda amniga. Qore: Zakariya Xasan Maxamed Kala xiriir: hiraal86@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qaraxii caawa maqribkii ka dhacay inta u dhaxeysa laba dhagax iyo isgoyska Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa, laba kalena way ku dhaawacantay, hase yeeshee warbaahinta Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaadday ujeedada qaraxaas, oo sida ay sheegtay ahaa in lagu dilo taliyaha booliska gobolka Banaadir, balse uu dirqi kaga baxsaday. Qoraal ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab ayey kooxdan ku tiri “Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay Taliyaha Booliska gobolka Banaadir, Saadaq John.” Qoraalka warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Saadaq John “uu si dirqi ah uga badbaaday qaraxa balse uu ku dhintay mid kamida ciidamadii ilaalada u ahaa.” Illaa iyo hadda ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in baabuurta la beegsaday uu la socday Saadaq John. Sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saadaq John. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/BAr____Qubanaha-27032019.mp3 View the full article
-
Click here Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay agagaarka Suuq Boocle oo ku yaalla Degmada Dharkeynley ku dileen ganacsade Sheekh Cusmaan Xasan Sheekh. Dad goobjoog u ahaa dhacdadan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dilka Sheekh Cusmaan Xasan Sheekh. Raggii dilay ninkan ayaa meesha ka baxsaday, kadib markii dhowr xabadood ay la dhaceen marxuumka oo isla goobtaasi ku geeriyooday. Lama oga sababta loo dilay Sheekh Cusmaan, balse muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dilalka qorsheysan, ee ay gaysanayan xubnaha ka kala tirsan kooxda yar ee Daacish iyo Nabad-diidka Al Shabaab. Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Dharkeynley oo tagay goobta dilka uu ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaan, lamana soo sheegin cid ay falkaasi u soo qabteen. Meydka marxuumka la dilay ayaa la geeyay xarunta baarista danbiyada ee C.I.D, halkaas oo sawirran looga qaaday, si baaritaano loogu sameeyay kiiska dilkiisa. Inkastoo ay shaqeynayaan Hay’adaha ammaanka ayaa waxaa hadana ka dhacaya Muqdisho Dilal iyo Weeraro qorsheysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
GOLEYAASHA DEEGAANKA IYO XUKUUMADDA MIDKEE FASHILMAY ? ************************************ Mayor iyo ku xigeenka uun ma la badalo oo la tijaabiyo qaar kale sida aqoonyahanka rug cadaaga ah xildhibaan Dogox ama xildhibaan Cabaas . (sacabka haddii aan xeeladi ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa ?! ********************************* Ilaa maalintii madaxwayne muuse biixi dalka taladiisa qabtay waxaynu maqlayna waxa la kala diraya goleyaasha deegaanka ee dalka , ama ugu yaraan kuwa caasimadda , haddaba wa su,aale yaa guulaystay ?! Akhriste waan kula qabaa in aanay ahayn goleyaasha la doortay deegaanku qaar u qalma in badan oo ka mid ahi meeqaamkii ay sugeyeen dadweynihii u codeeyey ee safafka dhaadheer iyo milicda u taagnaaa lakin hadana waxa is waydiin mudan : maxa kalifay in waqtigan ay noqoto hadal haynta ugu badan ee bulshada iyo siyaasiyiintaba ? ma golihii deegaanka ee ugu horeeyey ee muddo dhaafaybaa ? muddo dhaafkoodu wuxu ahaa 2017 markii ay ka dhamaatay muddo xileedkooduye maxaa loo kala diri waayey? Goleyaashii ka horeeyey waxay fadhiyeen toban sanadood ee maxaa iyaga u gaar ah ?guurtida iyo baarlamaanka oo in ka badan inta golaha deegaanka muddo dhaafay miyey guuleysteen iyagu mise way kasii liitaan goleyaasha deegaanka oo waxay noqdeen dhaameel raac aan garanayn ujeedadii loo soo doortay ? maxa hortaagan in iyaga la kala diro ? Haddaba kala diritaanka goleyaasha deegaaanka ee dalka marka aynaan ka eegin dhinaca sharciyadda maxa ku kalifay madaxwaynaha inuu ku fikiro inuu kala diro goleyaasha deegaanka ee dalka ? Waxa hadaba ka danbeeya kala dirista goleyaasha deegaanka ama ugu yaraan kuwa caasimadda in madaxwaynuhu ku fikiro : 1- Mayorka caasimadda oo shaqadiisii ku fashilmay , halkii fashilkiisa la caddayn lahaa ayaa loogu xilqarinayaa in la kala diro dhamaan golaha deegaanka , taasina wa abaal celin uu madaxwaynu maayirka uga abaal celinayo ololihii madaxtooyada ee xoolaha umadda sida badheedhka ugu taageeray Madaxwayne MBC . 2- Madaxwanaha ayay isku hayb yihiin mayorka Haragysa sida darteed wuxu doonayaa inuu mayorka u dhiibo mayor kasoo jeeda beelaha kale, lakin ma rabo inuu dhiibo mayor ku yimaadda doorasho oo sida soltelco awood badan ,mana doonayo madaxwaynu soltelco inuu noqdo xildhibaan hoos yimaadda mayorka la doortay , sida awgeed ayuu madaxwaynuhu ugu fikiriyaa in eedda fashilaada la saaro goloha deegaanka oo dhan ka dibna la kala diro . 3- Golaha deegaanka ee hargaysa waxa lagaga badan yahay tirada xildhibaanada beesha madaxwaynaha , beeshiisa oo degta magaalada hargaysa oo kaliya magaalooyinka dalka isla markaana lagaga tiro badanyahay xildhibaanada ay ku leeyihiin magaalada hargaysa , sidaas awgeedna waa in la kala diraa xildhibaanada Caasimadda . 4- Mayirada iyo xildhibaanada qaarkood oo ay fikir ahaan iska soo horjeedaan madaxwaynaha iskuna maandhaafsan yihiin sida loo qaybinayo khayraadka dalka , sida mayorka burco , sidaas daraadeed waa in kala diraa golaha deegaanka si loo keeno m,ayor madaxwaynaha oo kaliya ka amar qaata oo aan haba yaraatee wax hadal kasso celin fikirka madaxwaynaha . Haddaba akhriste waxa marag ma doon ah sidan hore u xusay in xildhibaano badani aanay u qalmin lakin kala diristu ma xalbaa ? Dalkoo dhan madax iyo mijiba musuq maasuq waa ku baahay lakin ma jiro wax gaar ah oo golaha deeganku galabsadeen . Haddii golaha deegaanku yaha 25 xubnood ee caasimadda waxa masuuliyadda kowaad saarantahay mayorka iyo ku xigeenka , haddii ay fashilmeen maxay galabsadeen 23 xubnood ee kale , maxa labadooda uun meesha loo dhaafin waayay oo mayor cusub iyo ku xigeen cusub loo dooran waayey ? waxa laga yaaba inaad is waydiiso 23 xubnood ee kale haddii aanay shuraako kula ahayn fashilaadda may doortaan mayor kale oo ay kuwan xilka ka qaadaan ? Waa su,aal macquul ah lakin waxa is waydiin mudan goleyaasha deegaanku ma u madax banaanyihiin go,aamadooda iyo shirarkooda ? mayorada inta badani waxay kasoo jeedaan xisbil xaakimka kulmiye iyagaa badhi taarayey si ay u qabsadaan kursiga mayornimo , intaas oo goor ayeynu maqallay in shir ay qabteen xildhibaano kasoo horjeeda mayorka oo xukuumaddu garabka saarayso mayorka, haddaba maxaa keenay in waqtigan laynagu mashquuliyey kala diris iyo fashilaad iyo ………. Sacabka haddii aan xeeladi ku jirirn maxaa habeenkii loo tumaa ?! Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug ay ku qabsoomi doonan waqtigii loo asteeyay. Cod-bixinta madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto bisha Julaayo ee sanadkaan 2019. Sidoo kale coddeynta maamul goboleedka Galmudug ayaa la rajeynayaa in ay dhacdo horaanta bisha Agoosto ee isla sanadkaan. Hadalkaan ayuu madaxwaynuhu ka sheegay munaasabadii furitaanka kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka baarlamaanka federaalka. View the full article
-
Nariobi (SMN) – Ha’yadda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa si weyn uga soo horjeedsatay qorshaha dowladda Kenya ay ku dooneyso in ay ku xirto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Ha’ayadda ayaa xustay in hadii Kenya ay ka dhabeyso go’aanka ku aadan xiritaanka xeryaha Dhadhaab ay sababi doonto xaalad bini’aadanimo oo saameyn ku yeelata malaayiin qaxooti ah oo xeryahaasi ku nool. Dowladda Kenya ayaa qoraal ay horay ugu gudbisay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay qorsheeneyso in bisha soo adan ee August albaabada isugu dhufato xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Irungu Houghton, madaxa Amnesty International ee Kenya ayaa shaaca ka qaaday in go’aan walba oo dowladda dalkaasi ku xireyso xeryaha Dhadhaab baal-marsan yahay go’aan ay gaartay maxkamadda sare ee dalka Kenya. Maxkamada sarre ayaa ku tilmaamtay xiritaanka xeyahaasi mid sharci darro ah. Sidoo kale, Mr Houghton ayaa ku tartarsiiyay dowladda kenya in aysan ku qasbin qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab in ay halkaasi baneeyaan, ilaa ay helaan dib u dajin rasmi ah. Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku nool malaayiin qaxooti ah oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Sudan, kuwaas oo dalalkooda uga soo cararay abaaro iyo colaado sokeeye. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo fiidnimadii caawa ka dhacay isgoyska Laba Dhagax ee Muqdisho Qaraxa oo la sheegay in uu ka dhashay miino nooca meelaha fog laga hago ah ayaa la tilmaamay in lala beegsaday gaari Cabdi Bilaha oo meesha marayay. Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay dhacdadaasi xili ay ku dhaawacmeen tiro oo badan dad ku ganacsayay halkaasi. Illaa iyo haatan jirin koox dusha saaratay mas’uuliyadiisa dhacdadaasi oo dadkii ku waxyeeloobay loola cararay goobaha caafimaadka. Wali ma jiro war sugan oo ku aadan qaraxaan oo kasoo baxay laamaha amaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya. Shalay ayay ahayd markii qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Taleex uu sababay geerida hal qof iyo dhaawac labo kale. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaaladda caasimada u ah Morocco ee Rabat kula kulmay dhigiisa dalkaasi Nasser Bourita. Labada mas’uul oo yeeshay kulan saacado qaatay ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, danaha ay wadaagan iyo iskaashiga dhaqaalaha. Cawad iyo Bourita oo kala saxiixday sadex heshiis oo afgarad ah ayaa shaaciyay in ay ka shaqeynayaan sidii loo adkeyn lahaa hirgalinta heshiisyada ay ay qalinka ku duugeen. Wasiirka xiriirka caalamka ee Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Morocco ayaa shalay ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen wasiiro ka kala socday dalalka xubnaha ka ah Midowga Africa. Ka hor booqashada wasiir Cawad ee dalka Morocco, waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uu uga qeyb galay shir ay yeesheen dalalka ku bahoobay ururka iskaashiga islaamka ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay oo looga hadlay falalka ku saabsan islaam naceybka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-27032019.mp3 View the full article
-
At least two people were reported to have been killed and several others wounded in an explosion in Mogadishu, the Somali capital on Wednesday evening. The blast which resulted from an improvised explosive device [IED] took place outside a restaurant near Labo-Dhagah junction in the capital’s Wardhigley district. Witnesses said the explosion was targeting a military convoy passing in the area and no group has claimed the responsibility for the attack. The incident was the latest in a series of bomb attacks in the city over the past few weeks amidst tight security measures and heavy presence of troops on the mains street. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka BAAR Al Nasri oo ku yaala xaafada Laba dhagax ee magaalada Muqdisho. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa iyo noociisa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu ahaa miino lagu aasay goobta oo lala damacsanaa gaadiidka ciidamada oo goobta marayay. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in goobta uu ku qarxay Gaari noociisu ahaa FEILDER kaasi oo yaalay xarun caafimaad oo ku dhow maqaayadda Al Nasri. Dad badan oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada amaanka ay goobta baaritaano ka bilaabeen. Digniino dhanka amaanka ah ayaa jiray saacadihii u dambeeyay, iyadoo aad loo hadal hayo gaadiid qaraxyo ah oo la sheegay inay Muqdisho soo galeen. Tan iyo markii la weeraray xarunta wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha amaanka Muqdisho ayaa sii xumaanayay, iyadoo qaraxyo kale ay ka dhaceen Muqdisho. Saraakiisha gaartay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay inay faahfaahin ka bixin doonaan khasaaraha qaraxa, balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ugu yaraan labo ruux ay ku geeriyoodeen qaraxa. Lama Hayo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan khasaaraha qaraxa uu geystay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Qarax culus ayaa la sheegay in uu fiidnimada caawa ka dhacay degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho. Sidda ay sheegeen goobjoogayaal, qaraxa oo ka dhashay Miino ayaa laga soo wariyay nawaaxiga isgoyska Laba Dhagax. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu geystay qaraxaan, inkasta oo aanan la hubin tirada saxda ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ku waxyeeloobay dhacdadaan ay u badan yihiin shacab halkaasi ku ganac-sanayey. Wali ma cadda bartilmaameedka qaraxaan kaasi oo illaa iyo haatan aysan jirin koox dusha saaratay mas’uuliyadiisa. Ciidamada amaanka oo soo gaarey goobta ay wax ka dhaceen ayaa la sheegay in hakad geliyay isu socodka dadka iyo gaadiidka. Wixii soo kordha kula soco wararkeena dambe View the full article
-
The President of Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo has called upon his fellow countrymen to unite against the fight on terrorism. Speaking during the opening ceremony of the 5th session of the parliament in Mogadishu on Wednesday, the president said the fight against terrorism needs unity and close cooperation between the security agencies and the members of the public. ” We are making reforms on our security apparatus, ” he said.”We have embarked on the biometric registration process of our armed forces to improve efficiency.” The head of state reiterated the uninterrupted payment of wages to the security forces amid recent developments of lack of salaries for months. “We have paid all bio-metrically registered forces via their bank accounts, and we are committed to paying the remaining once the registration procedure is complete, ” the president said. Somali leader also underlined his administration commitment to continue talks with the self-declared state of Somaliland saying his government will do all in its possession to achieve a fruitful outcome. He urged the members of the parliament to speed up the approval of the significant bills in front of the chamber for assent. View the full article
-
(SLT-Washington)Aqalka Pentagonka ee looga taliyo militariga dalka Maraykanka ayaa ansixiyay lacag dhan $1 bilyan oo doolar oo ka mid ahaa miisaaniyadda ciidanka in loo leexiyo dhanka dhismaha gidaarka uu ku taahayo madaxweyne Donald Trump. Lacagtan ayaa ah tii ugu horeysay oo la heley tan iyo intii madaxweynaha uu ku dhowaaqay xaaladda degdegta ah si uu u hareer maro xanibaadda ka haysata Aqalka Congress-ka ee ku saabsan lacagaha gidaarka. Xildhibaanada xisbiga dimoqoraadiga ayaa kasoo horjeedsaday go’aankan, balse ma jirto meel ay hadda wax ka qaban karaan. Lacagta hadda la heley kuma wada filna in ay gidaarka dhisto, kaliya waxaa lagu oodayaa 91km oo loo arkay in ay yihiin goobo halistoodu badantahay oo la sheegay in daroogada iyo dambiilayaasha ay kasoo talaabaan. Xoghayaha difaaca Maraykanka Patrick Shanahan ayaa qalinka ku duugay lacagta cusub, isaga oo faray injineerada ciidamada in ay bilaabaan qorsheynta dhismaha. Guddoomiyaha guddiga difaaca Aqalka Congress-ka Adam Smith ayaa sheegay in aanan guddiga lagala tashan arrinkan, islamarkaasna uu yahay mid sharci darro ah. Hase yeeshee warbaahinta Maraykanka ayaa ku waramaysa in weli ay jiraan murano xagga sharciga ah oo ka dhalan kara tallaabooyinka Trump. Kumanaan qof ayaa ka talaaba xudduuda sannad kasta Labada Aqal ee baarlamaanka Maraykanka ayaa labada cod ku diiday xaaladda degdega ah ee lasoo rogay, balse Trump ayaa isticmaalay codka diidmada qayaxan oo uu ku burinayo codka Aqalada, iyada oo Aqalka Sare la heli waayay codkii loo baahnaa in lagu buriyo Codka Diidmada Qayaxan ee uu Trump isticmaalay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in maanta “aan la furin kulankii golaha shacabka Soomaaliya”, balse la furay “golahii hanuuninta dadweynaha ee la dhihi jirey xilligii kacaanka “orientation”. Qoraal uu Fiqi soo dhigay facebook, hoos ka aqriso. GOLAHEE LA FUREY? Waxaa shaki iga galey golaha la yiri maantay waa la furey! Ma Golaha shacabkaa mise golahii hanuuninta dadweynaha ee la dhihi jirey xilligii kacaanka “orientation”. Kooxo fanaaniin qaadaya heeso lagu ammaanayo madaxweynaha, ayna u ekaysiinayaan mid asagu dadka iyo dalkaba iska leh, cid aan asaga aheyna aysanba jirinba, Dumar duruufi ka muuqatay oo boqolaal ah oo halkudhigyadii kacaanka ku dhawaaqayey, kooxo baanbay ah oo ayaguna xoogaa markii khudbadda uu wadaba dhexgelinayey muusiko xusuusteedu noo celinayso ayaama-zamaan, khudbooyin ammaan u badan oo guddoonada barlamaanada gobolada la soo dhexmarsaday!! Waxaa intaas dheerayd kuraastii xildhibaanada loogu talagalay oo shacab laga soo buuxiyey, kuwaasoo sacabka ku kaalmaynayay marka madaxweynuhu dhowr kalimo uu yiraahdaba! Iyo yaab iyo la yaabyo kale!! Uma ekeyn munaasabad maamulkeeda uu barlamaanku gacanta ku hayey, adduunka barlamaanadiisana mid noocaas loo furana ma jiro, mana dhacdo barlamaan dal furistiisa in ay ka hor khudbeeyaan safiirro/wakiillo hey’ado ajnabi ah iyo in laga soo buuxiyo noocyada dadkaas aan kor ku soo sheegay! Cidna lagama daadejin karo in lagu yabooho in mustaqbal wanaagsan la tiigsanaayo ayadoo habdhaqan faraha looga soo gubtey la soo noolaynayo ama uu nala fiican yahay! Guddoonka golaha shacabka waxaan ka codsanaynaa in “munaasabadaha furista golaha shacabka habraac iyo hab maamuus gaar ah loo sameeyo” si barlamaanka loogu ekeysiiyo mid ka jira dal dimuqraadi ah, oo aan dhiiragalinayn habdhaqanka kali-talisnimada, shaqada iyo karaamada barlamaankana laga ilaaliyo in la dhigo meel hoosaysa.
-
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B) SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA 1-MUSUQ MAASUQ MAAHUUN,MAAL QUDHOO LA XADAYEE. WUU MAADOYIN BADANYO,MUNAAFAQADIYO BEENTIYO, MANEENADA DHAMAANIYO,MARMARSIINIYO DOONKIYO, MALDAHAAD QARSOODIGA,LABA RUUX ISDABA MARIN. 2-MAXKAMADA DAR JOOGO,MARAGA BEENAH FURAYON, MAWLAHOOD KA BAQAHAYN,MUSUQAWGU DAROONO, MURTADIINABA BADAN,MALAGOODA QAADOO, JEEL HA LAGU MAQIIQOO,MIDNAYAN LAGAGA TEGIN. 3-MAAMULAHA TAHRIIBKEE,MA GAFAHA WAKIIL U AH, TAAJIR MAAL KA BUUXON,MASAAKIINTA EEGGAYN, MARWO GURIGA DIIDOO,KA MAQNAATA UBADKIYO, MASUUL LOO HANWEYNA,MACANAASAYAA JIRA. 4-MUDANAYAAL LA DOORTO,MIIQ AAN DUN GELINAYN MIYI IYO MAAGAALABA,MUSUQMAASUQ WUU KA BUUXA, MEERSYO QAAR DAREERSHOO,,MIJIN QAADA DOONTOO, MAALKIISIINA BAYLAHAY,MEELABA LAGU HALAYN KARIN. 5-MAQANE JOOGAYAALAAN.MAATIDOODA WAR U HAYN, MURAN IYO QABYAALADI,AY MADAX MARTAA BADAN, MELEFSIYUUN KU NOOLOON,SHAQO MEEL U AADAYN, MUSUQMAASUQ WAA KAAS,WAANA MEHERADEENII. ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH. Source
-
Dimuqraadiyadii dawladnimada JSL waysaqiirtay oo way liinbaxady mar hadii 3-dii goleee kala ahaa Golaha Baarlamaanka, Golaha Guurtida iyo Golaha Degaanku ay sadexdooduba waqtigii la doortay iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan.Marxaladan aynu ku jirnaawaa marxaladaad xasaasi u ah taa soo uu maraayo geeddigeennii dimuqraadiyadeed ee ummadeed ee aynu naf-hurka la yaabka leh u soo samaynay.Boowe ! Hadii goleyaashaxeerdejintu ay noqdaan Goleyaal ku fadhiya mudo kordhin go’aanada masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ?Xeerarka iyo Xeegaanada ay curiyaan side loo aaminayaa ? Golihii Guurtidu iyanawaxay noqdeen dhaxaltooyo, markaa bal kuraas dhaxaltooyo ah iyo Dimuqraadiyada aynu sheeganaynaasidey isu qabanayaan ?? Cajiib !! Talow goorma ayaa la dejinayaa reerkan daalay ee raranka saaranee raadkiisii dib u sii raacaya ee Somalilaan? Jihadee ay Somaalilaan maanta u socotaa ? Jawaabtu waxay noqonaysaaJUG -JUG oo meeshaada joog. Bal ka warama – Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005si ay 5 sanadood oo keliya kuraastaugu fadhiyaanwaxaana ay mudo dhaafeen8 sanadood iyo badh.Golaha Guurtida Soomalilaanwaxaa la doortay 1997si ay kuraastaugu fadhiyaan 6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 21 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu iska noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Nofember 2012in ay kuraasta ku fadhiyaan 5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 2 sandood oo wax yar dhiman. Somalilaan waxay soo jirtay 28 sanadood. Mudadaana waxaa ku qabsoomayin ka badansaddex doorasho madaxweyne, laba gole deegaan iyo mid baarlamaan oo dhamaantood ku qabsoomay sidimuqraadiudhawmarka la barbar dhigo dalalka jaarka aynu nahay sida Kenya.doorashooyinkaasi waxay Somalilaan u soo jiideensumcad iyomaamuus uu caalamku kumajeertay inaySomalilaan tahaydal dimuqraadi ah oo soo koraaya. Sideedaba Doorashooyinku ama doorashadu waa xuquuq aasaasi ah, caalamka oo dhana doorashooyinka mudooyinka loo cayimay ayaa lagu qabtaa, si xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinkaloo ilaaliyo, waayo muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la doorto isna wax doorto markaa waa in la ilaaliyaa xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka wax dooranaaya ama la dooranaayo. Saadaasha tabaniwaxay u muuqataa maanta in doorashooyinku mar kale dib u dhacayaan oo Goleyaasha mudo kale loo sii kordhinaayo taas oodhiig bax ku noqonaysa Dimuqraadiyada curdinka ee Somalilaan higsanayso.Hadii Doorashooyinka Somalilaan ay sanadkan 13/12/ 2019 dib uga dhacaan Sumacadii Somalilaan god madow ayey ku shalwan doontaa caalamkuma dhaqaalihii uu doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta ku bixin jiray wuu la noqon doonaa. Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen aytahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheeraycurinwaayeengolaha baarlamaanku, waa in madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oogeesinimo iyo go’aan adag ka qaataa si doorashadu ugu qabsoonto mudadii loo cayimay oo ah dhamaadka sanadkan 2019. Guntii iyo Gebagebo – Waxaa Caqliga Saliimka ahi ku siinayaa in aanay marnaDoorasho ku dhacayn 13-ka maalmood ee u dhaxeeya muddada Komishinka Doorashooyinka xilkoodu ku dhamaanayo oo ah 29/11/2019 iyo mudada looasteeyey in Doorashaduqabsoonto oo ah 13/12/2019 Sidaa daraadeed waxaa Xukuumada laga rabaa in ay iswaafajiso Siyaasada casriga ah iyo dhaqanka Somalilaan oo doorashada waqtigeeda ku qabato. Waa inxukuumadu xalisaa xurgufta siyaasadeed ee maanta taagan, taana waxaa u fududeynaaya iyada oo Dastuurka furta si wixii xeerar iyo xeegaanoqabyo ahkaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo oo loo kobciyo loona koolkooliyo qaangaadhnimada Dimuqraadiyada curdinka ah ee Somalilaan. Allaa Mahad iyo Mudnaanba LehWa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
-
Waxaa xalay la gubey xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay duqeynta, waxaase burburay Dhismihii shirkadda & dhammaan Agabkii isgaarsiineed ee ay ku shaqeyneysay xaruntu oo ka koobnaa Dhismo, BTS, Links, Motors iyo agabkii kale ee site-ka yiilay. Waxaa sidoo kale waxyeello xooggan soo gaartay Taawarrada labada ah ee halkaa ka dhisnaa iyo Taawarrada Shirkado kale. Waxaana hadda hawada ka maqan isgaarsiintii Dhoobley, Jaldeys, Diif iyo 7 Site oo ka tirsan magaalada Dhoobley & Tuulooyinka hoos yimaada. Ciidanka Kenya waxay Saldhigga ugu weyn Gobollada Jubbooyinka ku leeyihiin Tuulada Taabta oo ka tirsan isla Degmada Afmadow, una dhow Xarunta la gubey ee shirkadda Hormuud. Arbacadii la soo dhaaafay oo ku beegan March 20, 2019 ayaa ciidanka kenya oo isticmaalaya Helicopters Gunship waxay duqeeyeen Xarunta Shirkadda Hormuud ee Xiiso-Uguur oo ka tirsan Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo, taasoo ka dhigan in muddo usbuuc ah ay ciidanka Kenya ay fuliyeen duqeyntii 2aad. Ujeeddada ay ciidanka Kenya ka leeyihiin burburinta xarumaha isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in ay tahay in ay isgaarsiin la’aan dhigaan dhammaan magaalooyinka waaweyn ee xudduudda u dhow sida: Dhoobley, Beledxaawo & Ceelwaaq. Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumo ay leedahay shirkadda Hormuud oo kala ah: CaliBuley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo ka wada tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac ayaa war qoraal ah oo soo saaray waxa uu ku soo Bandhigay tacadiyada Xukuumada Somaliland ku hayso warbaahinta Madaxa-bannaan, halkan hoose ka akhriso Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si aad ah uga xunyahay talaabooyinka soo noq noqonaya ee ay saraakiisha xukuumaddu kula kacayaan Suxufiyiinta Somaliland, kuwaas oo qaylo-dhaantoodu maalin walba ka soo yeedhayso goboladda. Gaar ahaan ururka SOLJA waxa uu dhaliilayaa xadhiga uu badhasaabka gobolka Awdal ku xidhay laba wariye oo ka hawlgala gobolkaasi, kuwaas oo booliisku ay ku xidheen Amarka Badhasaabka, iyadoo berri maxkamadda gobolka Gabilay dhagaysan doonto Dacwadda saddex wariye oo u xidhan Maayarka Gabilay oo ka hor istaagay inay galaan garoon ay ku sugnaayeen wafti ajaaniib ahi. Maxkamaddaynta saddexda wariye ayaa ku soo beegmaysa xilli xukuumadda Somaliland aanay wax talaabo ah ka qaadin askarigii gacanta u qaaday wariye Sagal Beel-deeq, taasoo askarigaasi shaqadeeda ka hor istaagay si la mid ah sifaha keenay fal celintii saddexda wariye ku dhex martay askarigii la amray inuu shaqadooda ka hor istaago. Sidoo kale, ururka SOLJA waxa uu u arkaa talaabooyin lagu hor isaatagayo Suxufiyiinta iyo qalabkooda ba dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee lagu kacay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in Astaamahoodii loo diiday inay isticmaalaan xafladdii Berbera corridor, warbixin sanadeedkii Madaxweynuhu Baarlamaanka ka jeediyay oo Mobiladoodii lagaga xayiray qalab hawada ka saaraya inay isticmaalaan. Waxa kale, oo si joogto ah looga hor istaagaa munaasibadaha furan kuwaas oo ay madaxdu booliiska ku amarto inaan loo sii dayn sida ay qaar ka mid ah wariyayaashii ugu danbeeyay ee munaasibaddii maalinta biyaha is yidhi ka qayb gala ay SOLJA soo gaadhsiiyeen cabasho ah in askarta wasaaradda biyuhu tahdiid iyo aflagaaddo ku sameeyeen. Dhacdooyinka kale ee caqabada ku ah mihnadfa Saxaafadda ee culayska ku ah saxaafadda waxa ka mid ahaa in soo noqoshadii safarkii madaxweynaha ee imaaraatka laga qariyo madaxweynaha, taasoo aanu u aragno mid lagaga hor istaagayey saxaafaddu inay safarkaas ka hesho xog ay bulshadeeda u gudbiso. Dhamaan ficiladda kala duwan ee ay xukuumaddu ku hayso saxaafadda waxaanu u aragnaa kuwo ka hor imanaya dastuurka JSL, xeerka Saxaafadda iyo qoddobadii u danbeeyey ee ka soo baxay shirkii wasaaradda warfaafintu u qabatay Saxaaafadda iyo xukuumadda. Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqayaa hay’addaha warbaahinta iyo Wariyayaasha ka hawlgala inay joojiyaan ficiladda xun xun ee ka hor imanaya Hab-dhaqanka iyo Anshaxa saxaafadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin cabashooyin soo gaadhay xarunta guud ee ururka. Ugu danbayntii ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa badhasaabka gobolka Awdal inuu xorriyaddooda usoo celiyo labada wariye ee uu ku xidhay magaaladda Barama. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha SOLJA Source
-
Mashiinkii Musuqmaasuqa Oo Dib Ugu Soo Noqoday Warfaafinta Iyo Mooganaanta Madaxweynaha + Natiijadii Hanti Dhawr Guud Qaranka. Maxkamadda Gobalka maroodi jeex ayaa Xabsiga ka sii daysey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland, Xasan Geedoole oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa ka dib markii lagu eedayey inuu lunsaday lacag dhan (50,000 kontan kun oo dollar ) oo damaanadda lagu sii dayey. Warar xogagaal uu dhuun daloola wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa sheegay inuu madaxweynuhu amar ku bixiyay ina laga wareejiyo agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta Hassan Geedoole, Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa mudo dheer la daala dhacaysa musuqmaasuq xadhka goostay oo sanadkii 2012 lagu xidhay eed musuq maasuqa isagoo hanti dhawrku guud ku helay inuu is daba mariyey vouchero lacag oo maliyiin dolar kula baxay isagoo damaanadda ku joogaa hargeisa ayuu sii tuugnimo uga baxaday isaga sii maray dalka Ethiopia oo uga sii gudbay dalka Engiriiska oo ay sii joogta gabadha u qabo. Agaasimaha maamulka iyo lacagta Hassan Geedoole,ayaa marka laga qiyaasta qaato agaasimiyaasha soo maray dhinaca maamulka wasaaaradd warfaafinta intii ay joogeen looga bartey inay iska ilaaliyaan hantida xoolaha umadda Somaliland ,balse Hassan Geedoole oo caadeystay iska daba marinta musuq maasuqa oo markii labaad lagu xidhay musuq waxayna bulshadda Somaliland Is weydiinaysaa halka uu ku dambeyn doono shaadh madoobaha Hassan geedool iyo talaabooyinka laga filayo inuu qaado madaxweynaha Somaliland oo ishu saraan tahay dib haybta waaxda maamulka iyo lacagta warfaafinta madaxweyne muuse ayaa wakhtigii lagu jiray ololaha doorashooyinka shacabka Somaliland uu balan qaaday inay xukuumadisu wixii musuqmaasuq dab jari doontii tiina bulshadda ayaa sugaysaa inuu madaxweynuhu talaabo ka qaado. Dadka siyaasada dhaqaalaha falan qeeya gudaha dalka ayaa ayaa tilmaamaya inuu dhiig baxa ku tahay qaran in lagu soo celiyo agaasimihii maamulka iyo lacagta Hassan Geedoole, oo dul hoganayso eedii ugu weynd ee loo qabsado qofka ka shaqeeyaa nidaamka dawladdnimadda Somaliland taasina waxa cadayn kaaaga filan waxa markii labaada loo xidhay eed musuqmaasuq waxay bulshadda Somaliland sugaysaa go’aanka uu qaato madaxweynaha Somaliland mudan muuse bixii cabdi. Agaasimaha maamulka iyo lacagta warfaafinta oo shaqaalaha wasaaaradda u bixiyeen mishiinkii musuqmaasuq wuxu geedka qataarka looga keenay dalka koonfur afirka oo markasta ku sitaa jiiba ilaa inta uu shaqada ka baxayo. Wasiika warfaafinta iyo ku xigeenkiisa ayaa isku maandhaafsan soo celinta Hassan geedoole wuxuu wasiirku u magacaabay agaasimaha maamulka iyo lacagta deeqa oo ah inaanta cashier wasaaradda, waxa taas ka biyo diiday wasiir ku xigeenka oo ku maqnaa dalka turkey reerkisa dajiye oo gurina uga iibixiyey lagu qiyaasay ilaa lacag dhan (400,000 afar boqol oo kun oo dolar) waa sobabta keentay inuu wasiir ku xigeenku ka diido wasiirka inuu magacaabo agaasime kale. Agaasimaha maamulka iyo lacagta warfaafinta ,Hassan geedoole,wuxuu qoyskooda oo degan magaaladd jig-jigga uga dhisay 4 gur iyo meherado ganacsi oo uu ka shaqeeyo walaalkii halka oday dhalay uu ka ganacsado xoolaha oo uu soo iibgeeyo magaaladda wajaale isagoo ka sii iibsaday dhinaca gudaha dalka Ethiopia lacagtan adagan ee uu reerkoodu ku shaqeyso waxay ka mid tahay hantida musuq maasuq ee loo xidhay. Agaasimihii guud ee wasaaradda Dr,Cismaan Xusein Warsame ee la xidhay todobaadkii hore oo loo haystay eedo la xiidhiidhay musuqmaasu ayaa laga sii dayey maxkamadda gobalka ka dib markii lagau sii dayey damaanadda reernimo,oo ka soo hor jeedo xeerka lagu abuuuray xafiiska hanti dhawrka guud ee qaranka Somaliland. Ciidammada amnigu xidheen, ka dib markii sida la sheegay Hanti-dhowrka Qaranka oo baadhitaan ka waday Wasaaradda Warfaafintu codsaday in la xidho, isaga iyo Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi oo dhawaan iscasilay iyo Hassan geedoole. Dr. Cismaan, laakiin siidaynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaaraddaasi, ayaa ku soo beegmaya xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaallaan dacwado ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Wasiirka gaashaandhigga oo ku eedaysan musuqmaasuq. Xeerka la dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland, ma ogola in Qof ku eedaysan musuqmaasuq damiin lagu siidaayo ama uu iibsado haddii xukun Maxkamadeed ku dhaco Sida uu Warbaahinta ka sheegay Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranku. Maqaalka kan xiga ayaa idinku soo gudbinayaa inta meelood ee ganacsiga uu ku leeyaaha shirkaddaha iyo akowno uga furan dalalka dibedda uu lacagaha ku shubo,iyo hantida kale ee uu ku qoray qoyska uu ka soo jeedo Agaasime Hassan Geedoole. La soco maqaalka kan xiga oo xogo musuqmaasu iidin soo bandhigi doona, Warfaa Ismail Yusuf. Hargeisa -Somaliland 27/03/2019 Qaran News
-
Popular Contributors