Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,108
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Malta (Caasimada Online) – Markab xamuul oo koox muhaajiriin ah ay ka afduubteen xeebaha Libya ayaa shalay kusoo xirtay dalka Malta, kadib markii ciidamada Malta ay la wareegeen gacan ku hayntiisa. Markabkan oo lagu magacaabo Elhiblu 1, ayaa 108 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur ka qaaday badda, wuxuuna u jihaystay xeebta magaalada Tripoli. Hase yeeshee markii uu lix mile u jiray dekedda ayuu durba kala wareegay una jihaysta dhinaca waqooyi ee Yurub. Wasiirka arrimaha gudaha Italy ee midigta fog, Matteo Salvini ayaa sheegay in markabka la afduubtay, islamarkaana muhaajiriinta saaran aan loo ogolaan doonin inay soo caga dhigaan Talyaaniga. Markabkan ayaa markii uu marayey meel 30 mile u jirta xeebta Malta, waxaa xiriir la sameeyey ciidamada badda Malta. “Kabtanka markabka ayaa ku cel-celiyey inuusan gacanta ku hayn maamulka markabka, islamarkaana isaga iyo shaqaalihiisa ay qasbeen islamarkaana u hanjabeen muhaajiriin doonaya inuu geeyo Malta” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada Malta. Ciidamada Mata oo adeegsanaya doomo dheereeya iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa u gurmaday, kuwaas oo la wareegay hoggaankiisa kadibna u jiheeyey dalkaas oo iminka uu ku xirtay. Booliska Malta ayaa xiray afar nin, waxaana muhaajiriinta kale lagu daad gureeyey basas, sida ay sheegeen goobjoogeyaal. Caasimada Online Xafiiska Roma Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Craxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho, isaga oo su’aalo ka keenay qaabka loo wajahayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Qoraalkiisa ayuu kaga dalbaday madaxweynaha inuu wax ka qabto amaanka dalka ama uu amaanada kusoo wareejiyo shacabka Soomaaliyed. Aqriso qoraalka Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur. Allaha u naxariisto dhowr iyo tobankii qof ee qaraxii maanta lagu dilay, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Laga soo bilaabo Sabtigii inna dhaafay ilaa iyo maanta 13 Qarax ayaa dhacay. Qaraxyadu iyo weerarada kama dhacaan Jidka Warshadaha, Sodonka iyo Wadnaha. Waxay ka dhacaan xarumaha dawlada iyo wadada Makka Al Mukaramah oo ay dawladu gacanta ku hayso, iyadoo ay meel waliba xiran tahay. Shabaab in ay cadow yihiin la iskuma hayo, mana laha hawl aan ahayn gumaadka shacabka iyo burburinta hantidiisa. Su’aashuse waxay tahay hadii la yiraahdo halala diriro, yaa dagaalka hogaaminaya, hadii la yiraahdo dagaalkooda ha loo midoobo, yaa dadka midaynaya. Hadii la yiraahdo dadka ha is difaacaan, deegaanadii iskood isku xilqaamay ayaa garab ka waayey dawlada oo dadkii ay halkaa ku laayeen. Hadii Hay’adii Nabadsugida aysan bilo badan taliye lahayn, ninka xilka ku magacaabana uusan khibrad u lahayn hawlaha amniga ee nin jeclaysi loogu dhiibay, uuna loolan iyo xasarad kicin siyaasadeed ku hawlan yahay. Hadii taliyahii Booliska uu magac yahay lagana awood badnaysiiyey nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu taliye ka yahay booliska Gobolka Banadir, kaasoo weligiis Boolis noqon, kuna hawlan dil qorshaysan iyo duulaan siyaasi. Mushaar la’aan iyo ku takrifal awoodeed darteed, hadii moraalka ciidanka iyo saraakiisha hay’adaha nabadgelyada uu aad u hoseeyo. Hadii shacabkii aysan kalsooni ku qabin soo gudbinta xogta la xariirta argagexisada, iyagoo ka baqaya in la ogaado, lagana aarguto, maadaama ay argagaxesidu dad ku dhex leedahay ciidanka. Hadii uu lumay xiriirkii wada shaqayn ee hay’adaha amniga dalkeena iyo kuwii ajnabiga ahaa ee gacanta siin jiray, ka dib markii shaki iyo xiriir xumi wada shaqayn ah timid. Su’aasha waxay tahay maxay is dooroyaan argagexisada iyo kuwa shacabka u hoosaasinaya. Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu masuuliyadiisa qaato, xaqiiqada iyo waaqaca horyaala uu run iyo go’aan geesinimo leh ku wajaho. Is moogaysiis, dafiraada, kooxaysi iyo nin jeclaysiga meel iska dhigo. Hadii kale intii aad cadawga u hoosaasin lahayd, ummada xilka iyo amaanada u soo celi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-28032019.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Weriyayaasha ka shaqeeya idaacadda ciidamada qaranka Soomaaliya (SNA Radio) ayaa bogga facebook ee idaacadda soo dhigay dhacdo maanta dhex-martay ayaga iyo taliyaha ciidamada xoogga Jeneral Indha-Qarshe. Hoos ka aqriso qoraalka weriyayaasha. Dhacdo Cajiib ah: Gen. Indho-qarshe oo balan uga baxay Shaqaallaha Idaacadda Ciidamada. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Shaqaallaha Idaacadda codka Ciidamada SNA Radio ayaa u sheegay war lama filaan iyo niyad jab ku noqday shaqaallaha Idaacadda. Shaqaallaha SNA Radio oo muddooyinkii dambe ka cabanayey mushaar la’aan, amni darro, maamul xummo iyo culeyso kale ayaa taliyaha CXDS Gen Indha-Qarshe ugu tagay in arrimahaasi ay la wadaagaan, si uu wax uga qabto, maadaama idaacadda si toos ah ay u hoos tagto ciidanka xoogga. Dhowr Qof ayaa u hadlay shaqaallaha idaacadda si Taliyaha ay u siiyaan faahfaahin dhameystiran oo ku saabsan Cabashada iyo culeysyada kale ee soo wajahay. Markii Taliye Indho-qarshe si waafi ah shaqaallaha SNA Radio ay ugu faah-faahiyeen cabashooda ayaa waxuu ku jawaabay Erayo ay kamid ahaayeen. “Dhaqaallo ma idin heyno, haddi amni darro ay idin soo wajahday waxba kama qaban karno ee Faataxo Akhrista” Gen Indha-qarahe ayaa siddaasi ku yiri Shaaqaallaha Idaacadda Codka Ciidanka. Gen. Indho-qarshe ayaa dhowr jeer oo hore shaqaallaha Idaacadda Codka Ciidamada u ballan qaaday in Mushaar fiican uu u qori doono, Amnigooda Taliska uu ka heyn doono, idaacaddana horumarin iyo qalabeyn lagu sameyn doono, taasi oo noqotay ballan qaad been ah oo aan waxba ka jirin. Share la wadaag asxaabtaada. Xigasho:- SNA RADIO
  5. (SLT-Jigjiga)-Maalintii afraad ayey ku xidhan yihiin xabsi ku yalla magaalada Jigjiga siyaasiyin ka dalbaday in madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya Mustafe Cagjar uu xilka iska casilo waxayna sheegeen inay saluugsanyihin siyaasadda xukuumada ay ku maamuleyso deegaanka. Saacado kadib wareysi uu maalintii axadda siiyay BBC-da ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay Khadar Jigre Aadan oo ka mid ah ganacsatada degaanka kana mid ahaa dadkii ugu waaweynaa ee asaasay ururkii Dulmidiid. Wuxuuna sidoo kale ahaa wasiirkii madaxtooyada ee ugu horeeyay xukuumada madaxweyne Mustafe Cagjar ka hor intii aanan isku shaandheynta la samayn. Waraysigan ayuu Khadar Jigre ku sheegay inuu deegaanka musuq baahsan ka jiro oo xitaa waxbo laga qabanin abaarta ka jirta deegaanka Libaan oo uu tusaale ahaan u soo qaatay wuxuuna sheegay in shan qof ay oon ugu dhinteen. ”Marka aad dadka wareeysato waxay kuu sheegayaan in xukumaddi Cabdi Maxamuud Cumar lix sano musuqi ay ku gartay ay xukumadda hadda jirto 6 bilood ku gaartay, abaar xun ayaa ka jirta deegaanka, markaan tusaale u soo qaato gobolka Libaan biyo la’an ayaa ka jirto magaalo madaxdiisa,” ayuu yiri Khadar Jigre oo BBC-da la hadlaayay. Axmed Maxamed Saahin oo horay u ahaa xildhibaan kana mid ahaa dadkii ka dambeeyay kacdoonkii uu madaxweynihii hore xilka uga tagay ayaa markii shanaad isna la xiray. Waxaa la sheegayaa in siyaasiyintan loo xiray in ay ka soo horjeesteen xukuumada deegaanka . 14 beri kadib ayaa la soo taagi doona maxkamada waxayna dowladdu sheegtay in raggan ay ku eedeysanyihin kacdoon shacab. Arrintan ayaa ku soo aadeysa maalmo un kadib markii uu madaxweynaha deegaanka sheegay in ay dadka xor u yihiin inay si buuxda fikirkooda u dhiiban karaan. Isku dayo ay BBC-da kula xiriirtay mas’uuliyiinta deegaanka ayaanan mirodhal noqonin, si ay oga warbixiyaan sababaha rasmiga ah ee dadkan loo xiray iyo haddii wax caddeyn ah lagu hayo. Isbadallada taxanaha ah ee ka dhacaya Itoobiya ayaa saameyn ku yeeshay dowladda deegaanka Soomaalida kaasoo sababay in bishii August ee sannadkii tagay uu is casiyo madaxweynihii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadda xiran, maxkamadeyntiisana ay socotaa isaga oo ay ku weheliyaan masuuliyiin sarsare oo maamulkiisa ka mid ahaa. Dawladda iyo shacabka ayuuna ka codsaday in la cafiyo, inkastoo aan dhag jalaq loo siin. Dad badan ayaa soo dhaweeyay isbadallada ka dhacay deegaanka waxayna sheegeen in xuriyadda hadalka uu ka jiro deegaanka, balse xiritaanka siyaasiyintan ayaa waxa ay keentay in dadka qaar ay su’al geliyaan in deegaanka uu runtii ka jiro xuriyadda hadalka. BBC Somali Source
  6. (SLT-Jigjiga)-Waxaa galabta garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil waal lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya Axmed Shide Maxamed, gudoomiyaha ayaa waxaa soo dhawayntiisa ka qayb-galay madaxda degaanka u sarraysa oo uu ugu horeeyo Madaxwayne Mustafe Cagjar. Intaa kaddib Guddoomiye Axmed shide ayaa qolka nasashada Warbaahinta dalka iyo tan degaanka kula hadlay isagoo sheegay inuu meel wanaagsan marayo diyaargarawgii shirwaynihii 10aad ee Xisbiga oo la qaban doono maalinta Isniinta ee fooda inagu haysa oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1 April 2019. sidoo kale la qaban doono shir ka horeeya kaas oo loogu sii gogol xaadhayo shirwaynaha Xisbiga oo isna sabtida la qabanayo. Imaatinka Guddoomiyaha XDSHSI ayaa ku soo hagaagaya xilli deegaanka looga diyaargaroobayo qabashada shirwaynaha Xisbiga, isla markaana lafilayo inuu qabsoomo xilligii loogu talagalay. Source
  7. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo ay Wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Khubarro Tirsan Wasaaradda ,Xubno ka Socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa kulan la qaatay Safiirada Midowga yurub u jooga Soomaaliya. “Waxaaan la kulanay Safiirada Midowga Yurub oo aan u balansaneen in Siyaasadda Dhab-u-heshiisiinta Qaran oo Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen aadna loogu bogaadiyay Kooxdii ka shaqeyneysay iyo Wasaaradda iyo Xukuumadda ujeedkeena waxa uu ahaa in ay nala arkaan Siyaasaddaas oo soo gabagabowday in ay nala arkaan waxayna balan-qaadeen in ay qeyb lexaadleh ka qaateen hergalinteeda “ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha oo Warbaahinta la hadlay markii uu kulanka soo dhamaaday. Wasiirka ayaa sidoo kale kala hadlay Sidii loo dadajin lahaa Mashaariicda Horumarinteed ee Midowga yurub ay ka fulinayaan Dowlad Gobaleedyada Dalka si Dadka deegaanka Mashaariicdaas ay ugu faa’iideystaan. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir iyo wasaarada waxbarashada ayaa maanta dhagax dhigay Xaruntii hore ee xanaanada caruurta ee degmada Warta Nabada oo aan shaqeynin mudadii uu dalka bur bursanaa. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo wasiirka waxbrashada ayaa si wadajir ah udhagax dhigay dhismaha xaruntaasi oo dib u dayactir lagu sameynayo. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, gudoomiyaha gobolka Banaadir, oo sheegay in dhismaha xaruntaan ay qaadan doonto muddo saddex bilood ayaa xusay in ay dabooli doonto baahiyaha darbi jiifka. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle [Jaabiri], wasiir waxbarashada Soomaaliya oo ku tartarsiiyay shacabka in ay taageeraan dhalinyarada darbi jiifta ayaa shaaciyay in dowladu ay wax ka qaban doonto arrinkaasi. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho. Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay dhacdaasi oo lagu beegsaday makhaayado ka cunteynayay. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowladdu dadaal ugu jirto sugidda amniga. Mr Cali ayaa bulshadda ku boorriyay in ay u midoobaan la dagaallanka yeeray argagixisada maalin kasta daadinaya dhiigga shacabka, sida uu hadalka u dhigay. Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa ku dhimatay, xili ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka badan 20 qof weerarkaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-28032019.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay goob Maqaayad ah oo ay dad shacab ah ka cunteenayeen oo ku taal wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho. Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayey ku sheegtay in qarax xooggan ay ku beegsatay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo howlwadeenno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay. “Al-Shabaab ayaa qarax ku beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo howlwadeenno ka tirsan dowladda, ugu yaraan 10 ka tirsan ayaana goobta ku dhintay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Al -Shabaab waxay sheegtay in goobta weerarku ka dhacay ay ku sugnaayeen agaasimayaal wasaaradeed, xildhibaanno hore, saraakiil ka tirsan sirdoonka iyo shaqaalaha wasaadaradaha dowladda, kuwaas oo dhammaantood bartilmaameed ahaa, sida ay sheegatay Al-Shabaab. Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab, dadka qaraxaas ku dhintay ayaa ahaa dhammaantood dad shacab ah oo maqaayadda raashin ka cunayey iyo kuwa kale oo isticmaalayey jidka. Ma jirto ilaa hadda inta la xaqiijiyey wax mas’uul ka tirsan dowladda oo ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxii Makka Al-Mukarama ka dhacay. Inta la xaqiijiyey 11 qof ayaa ku dhimatay halka 16 kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo ahaa mid xooggan oo laga maqlay guud ahaan Magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa sida dhowaanahan lagu bartayba, aan wax war ah kasoo saarin qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Somaliland Oo Si Jees-Jees Ah Uga Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Madaxtooyada Gobolka Hawd Oo Xilkii La Wareegay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Belgium)-Xoghayaha arrimaha Dibadda ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo socdaalo diplomasiyadeed ku gala bixineysa Magaalo madaxdda Midowga Europe ee dalka Belgium caasimadda Brusels. Socdaalkan ayaa Waxu u daran yahey xoojinta iyo dardar-galinta arrimaha dimuqradiyadda iyo doorashoyinka mustaqbalka iyo Sidii dowlaha Somaliland tageera ey u xoojin lahayeen. Si kastaba ha ahaate Marwo Faadumo Siciid Ibraahim ayaa casumaad ka heshey Baarlamanka Europe Iyadoo heysa xilka xooghaya Arrimaha dibadda ee xisbiga WADDANI. Casumaad ay ka heshey baarlamanka midowga Europe ayey maanta ku tagtey Safar-qaatey sacado kooban, Waxeyna aad uga wadda hadleen qadiyadda Somaliland iyo geedi-SOCODKA dowladd wanaaga iyo dimuqradiyadda sidii loo xoojin lahaa, Safarkan baa waxu ku soo dhamaadey guul. Source
  15. At least 15 people have killed in a car bomb explosion near a hotel and restaurants in Somalia’s capital, Mogadishu, according to rescue services. The blast on Thursday afternoon in the busy Maka Al-Mukarama road sent a huge cloud of smoke into the sky, causing destruction in nearby buildings and parked cars. “So far 15 people died including five women. Seventeen others were injured in the blast,” Abdikadir Abdirahman, the director of Amin Ambulance service, told the Reuters news agency. A witness at the scene said she had seen 18 bodies. “As a mother, it is shocking for me and I request those behind the explosions to stop. We are crying every day over dead bodies, and it is very hard for us to talk about,” the resident, who did not wish to be named, told Reuters. There was no immediate claim of responsibility. Mogadishu is regularly targeted by al-Shabab, an al-Qaeda-affiliated group that has has been fighting to topple the country’s government. In 2011, al-Shabab fighters fled fixed positions they once held in Mogadishu, and have since lost many of their strongholds. But they retain control of large rural swaths of the country, and continue to wage a guerrilla war against the authorities. On Saturday, 15 people were killed in two explosions and a gun battle between al-Shabab fighters and security personnel in central Mogadishu. SOURCE: NEWS AGENCIES
  16. (SLT-Muqdisho)-Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxa ka hadlay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo dad badan ku dhinteen, waxaanu dawladda Farmaajo ku dhaliilay qaraxyadda ku soo badan maalmihii u dambeeyay. Qoraal uu arrintan kaga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u dhigan sidan:- Allaha u naxariisto dhowr iyo tobankii qof ee qaraxii maanta lagu dilay, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Laga soo bilaabo Sabtigii inna dhaafay ilaa iyo maanta 13 Qarax ayaa dhacay. Qaraxyadu iyo weerarada kama dhacaan Jidka Warshadaha, Sodonka iyo Wadnaha. Waxay ka dhacaan xarumaha dawlada iyo wadada Makka Al Mukaramah oo ay dawladu gacanta ku hayso, iyadoo ay meel waliba xiran tahay. Shabaab in ay cadow yihiin la iskuma hayo, mana laha hawl aan ahayn gumaadka shacabka iyo burburinta hantidiisa. Su’aashuse waxay tahay hadii la yiraahdo halala diriro, yaa dagaalka hogaaminaya, hadii la yiraahdo dagaalkooda ha loo midoobo, yaa dadka midaynaya. Hadii la yiraahdo dadka ha is difaacaan, deegaanadii iskood isku xilqaamay ayaa garab ka waayey dawlada oo dadkii ay halkaa ku laayeen. Hadii Hay’adii Nabadsugida aysan bilo badan taliye lahayn, ninka xilka ku magacaabana uusan khibrad u lahayn hawlaha amniga ee nin jeclaysi loogu dhiibay, uuna loolan iyo xasarad kicin siyaasadeed ku hawlan yahay. Hadii taliyahii Booliska uu magac yahay lagana awood badnaysiiyey nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu taliye ka yahay booliska Gobolka Banadir, kaasoo weligiis Boolis noqon, kuna hawlan dil qorshaysan iyo duulaan siyaasi. Mushaar la’aan iyo ku takrifal awoodeed darteed, hadii moraalka ciidanka iyo saraakiisha hay’adaha nabadgelyada uu aad u hoseeyo. Hadii shacabkii aysan kalsooni ku qabin soo gudbinta xogta la xariirta argagexisada, iyagoo ka baqaya in la ogaado, lagana aarguto, maadaama ay argagaxesidu dad ku dhex leedahay ciidanka. Hadii uu lumay xiriirkii wada shaqayn ee hay’adaha amniga dalkeena iyo kuwii ajnabiga ahaa ee gacanta siin jiray, ka dib markii shaki iyo xiriir xumi wada shaqayn ah timid. Su’aasha waxay tahay maxay is dooroyaan argagexisada iyo kuwa shacabka u hoosaasinaya. Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu masuuliyadiisa qaato, xaqiiqada iyo waaqaca horyaala uu run iyo go’aan geesinimo leh ku wajaho. Is moogaysiis, dafiraada, kooxaysi iyo nin jeclaysiga meel iska dhigo. Hadii kale intii aad cadawga u hoosaasin lahayd, ummada xilka iyo amaanada u soo celi. Source
  17. Muqdisho (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay ay kasoo baxayaan qarax khasaaro geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho. Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysay jidadka Sayidka iyo isgoyska Dabka ayaa sababay dhimashada 15 ruux iyo dhaawac tiro kale. Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan, oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay. Tadaaladii ayay ahayd markii qarax gaari oo ka dhacay isgoyska KM 4 ay ku dhintay hal qof, labo kalena ay ku dhaawacmeen. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa tododbaadyadii ugu dambeeyey noqday maalinle, hase yeeshee haddii aad sugeysay in dowladda qorshe ay ku maqan tahay, taas ma muuqato. Waxyar kadib qaraxii maanta ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa xiriir aan la sameynay sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, waxaan wax ugu weydiinay, sida wax u socdaan iyo qorshaha dowladda. Sarkaalkan oo sababo amni dartiis codsaday inaan magacaabin ayaa noogu jawaabay “waxba lagama qaban karo.” Sida sarkaalkan noo sheegay, ma jiro wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay wadaan saraakiisha dowladda, ma jiro xiriiro socda, ama xitaa cid isku dayeysa inay ogaato sababta qaraxyada u kordheen iyo waxa laga qaban karo. “Dowladdu ma dhaheyso waxba qaban meyno, laakiin waxaa muuqata in arrintan ay faraheeda ka baxday, oo ay quusatay” ayuu yiri sarkaalka. Ka hor xukuumadda Nabad iyo Nolol, dowladihii dalka soo maray ayaa marka xaalado culus ay dhacaan, sameyn jiray isbeddelo amni, oo ay qeyb ka yihiin wasiiro ama taliyayaal xilka laga qaado, hase yeeshee dowladda hadda jirta ayaa istaraatiijiyaddeeda ugu weyn ay u muuqataa inay ka aamusto amni-darrada. Qaraxyadii ugu dambeeyey ayaa imanaya ayaga oo inta badan horey loo sii ogaa inay dhacayaan oo ay jiraan digniino laga bixiyey, hase yeeshee waxaan muuqan awood lagu hor-istaagi karo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Warbixntani hoos ku xusan waxa baahisay mid ka mid ah warbaahinta ka soo baxda ama hago magaalada Muqidisho ee Somaliya, waxana ay warbixintani biidhiiminaysaa in qaramada midoobay ay hada waxii ka danbeeya si toos ah ula macaamili doonto Somaliland iyada oo ay warbixintaasi xushay in ay arintani dabada ka riixayaan dawlado dunida awood ku leh Qaramada Midoobey ayaa qorsheyneysa in deeqaha loogu talo-galay Somaliland toos u siiso Hargeysa, iyadoo la beddelayo dhaqankii hore ee ahaa in deeqaha Somaliland la marsiiyo waxa loo yaqaanay “Qoondada Gaarka” ama “Special Arrangement” ee lagu go’aamiyey shirkii London ee 2013kii, kaasoo qeyb ka ahaa taageerada caalamka ee Soomaaliya. “Special Arrangement” wuxuu dhigayey in deeqaha horumarinta guud ee loogu talo-galay Soomaalida, qeybta ay Somaliland ku leedahay lagu siiyo hab ka geddisan maamullada kale ee dalka, oo iyagu loo aqoonsan yahay inay hoos tagaan Federaalka balse Somaliland aysan ka mid ahayn. 9-kii June 2018, ayaa Wasiirka Qorsheynta Federaalka Jamaal Xasan wuxuu warqad uu u qoray wadamada deeqaha bixiya ku sheegay in Dowladda Federaalka aysan cusbooneysiin doonin heshiiska Qoondada Gaarka ee Somaliland oo dhacay 2016, taasi beddelkeedana Dowladda Federaalka ay masuul ka tahay qeybinta deeqaha caalamiga ee Soomaaliya loogu talo-galay, isla markaana ay u aragto heshiiska Qoondada Gaarka mid naasnuujinaya maamul gaar ah (Somaliland). Arrintan waxaa dood ka keenay Somaliland, oo ku dooday inaaney ku kalsooneyn Soomaaliya. Waxaana muddooyinkanba socday dood arrimahaasi ku saabsan, sida inay saameyn karto dedaallada naf badbaadinta sida gargaarka musiibooyinka (abaaraha) ee looga baahi qabo Somaliland. Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in USD150 milyan oo loo qoondeeyay Somaliland lagu hagaajin doono sanduuq loo bixiyay ‘Sanduuqa Taageerada Somaliland’ oo Qaramada Midoobey soo jeedisay in la abuuro. Waxaa sidoo kale jira in Somaliland iyo Qaramada Midoobey wada diyaariyeen dukuminti la yiraahdo “Qoondada Gaarka Qaramada Midoobey ee Somaliland” oo lagu beddelayo heshiiskii 2013 ee ay Dowladda Soomaaliya hadda diidan tahay. Dabcan waxaa jira warar tilmaamaya in Dowladda Ingiriiska ay aad ugu ol’oleysay arrintan iyadoo laga eegay dhanka bani’aadanimmada. Caasimada Qaran News
  20. Xoghayaha arimaha Dibadda ee xisbiga Waddani Marwo Fatima Siciid Ibrahim oo socdaalo diplomasiyadeed ku gala bixineysa Magaalo madaxdda Midowga Europe ee dalka Belgium caasimadda Brusels. Socdaalkan baa Waxu u daran yahey xoojinta iyo dardar-galinta arimaha dimuqradiyadda iyo doorashoyinka mustaqbalka. Sidii dowlaha Somaliland tageera ey u xoojin lahayeen. In waxii dorashoyinkii hore khaldamey aaney mar labaad khaldamin. Si kastaba ha ahaate Marwo Fatima ayaa casumaad ka heshey Baarlamanka Europe madaama ey tahey GABADH Ugu derejadda sareysa Haweenka Somaliland. Iyadoo heysa xilka xooghaya Arimaha dibadda ee xisbiga Waddani oo dhigma wasiirka arimaha dibadda. Sidaas daradeed dowladdaha Midowga Europe ayaa u arka iney Mrs Fatima tahey qof ku haboon xilkaas aqoonteedda leh. Iyadoo Markii horena aheydd xooghaya arimaha haweenka iyo xaquuqal insaanka. Sidaas darteed casumaad ey ka heshey baarlamanka midowga Europe ayey maanta ku tagtey Safar-qaatey sacado KOOBAN. Waxeyna aad uga wadda hadleen qadiyadda Somaliland iyo geedi-SOCODKA dowladd wanaaga iyo dimuqradiyadda sidii loo xoojin lahaa. Safarkan baa waxu ku soo dhamaadey guul. Ergeyga gaarka ee xisbiga waddani u qaabilsan wadamadda midowga Europe iyo Hay’addaha qaramadda midoobey. Qaran News