-
Content Count
208,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Shirkadda diyaaradaha soo saarta ee dalka Maraykanka ee Boeing ayaa sheegtay in ay wax ka badeleyso habka hagista diyaaraddaha ee ay ku rakibtay gaadiidkeeda Boeing 737 Max oo ah nooca ku lugta lahaa labo shil oo waaweyn oo dhacay sannad gudihiis. Balse lama hubo goorta diyaaradahan loo ogolaan doono in ay markale hawada galaan kadib markii lasoo fariisiiyay adduunka oo dhan. Tan ayaa ka dambeysay shilkii 10-kii bishan ee dalka Itoobiya oo ay ku dhinteen 159 qof. Baarayaasha ayaanan weli kala hubsanin sababta shilka Itoobiya dhalisay, balse waxaa loo malaynayaa in uu sababay barnaamijka kaligiis is haga ee diyaaradda ku rakiban. Shirkadda ayaa sheegtay in ay diyaaradda ku rakibi doonto habka digniinta hore bixiya, kaas oo markii hore ahaa arrin diyaaradaha ay u madax banaanyihiin in ay iyaga xushaan in ay ku xirayaan diyaaradda iyo in kale. Habkan digniinta hore ayaa duuliyaha u sheegaya marka ay diyaaradda hesho amaro kala is khilaafsan. Boeing waxa ay warbaahinta u sheegtay in cillad bixinta aysan ka dhignayn qirasho ah in shilka uu ka dhashay cillad ka timid dhanka diyaaradda. Balse sheekada Boeing ma ahan mid halkaas kusoo afjarantay, guddiga amniga gaadiidka cirka ee Aqalka Sare ee Maraykanka ayaa su’aalo weeydiiyay madaxa Hay’adda Socdaalka Hawada ee FAA Daniel Elwell. Xildhibaan Richard Blumenthal ayaa sheegay in shaqaalaha diyaaradda sameeya lagu haleeyo hubinta in diyaaradda ay tahay mid ku habboon in ay dad qaaddo, taas oo uu yiri in ay ka dhigantahay “dawacada oo arriga lagu dhaafay in ay sii illaaliso”, isaga oo ula jeeda in shaqadan ay ahayd in ay qabato FAA oo ah hay’adda kormeerka iyo hubinta badqabka gaadiidka hawada. FAA ayaa lagu eedeeyay in ay ahayd hay’addii ugu dambeysay adduunka ee qaadatay go’aanka ah in diyaarada Boeing 737 lasoo fariisiiyo. Todobaadkan ayaa la filayaa in lasoo saaro natiijada baadhitaan wadajir ah oo lagu sameeyay shilkii diyaaraddii Itoobiya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Jarati ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in xildhibaan Soomaali ah uu dad ku dilay deegaankaasi, sida masuuliyiinta maamulka deegaanka ay sheegeen. Xildhibaanka ayaa la sheegay in labada ruux ee uu dilay inay isku heysteen dhul beereed, sidaasina waxaa xaqiijiyay guddoomiyaha deegaanka Jarati oo saxaafadda la hadlay. Xildhibaanka ayaa la rumeysan in bastoolad iyo qori uu watay inuu u adeegsaday dilka ka dhacay deegaanka. Sidoo kale guddoomiyaha degmada Jarati ayaa xaqiijiyay in kiiska dacwadda dhul beereedka ay taalay maxkamadda degmada, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha xildhibaanka ku kalifay dilka uu labada ruux u geystay. Xildhibaanka oo magaciisa lagu sheegay Bashiir Diiriye Cameey iyo labo ruux oo la socotay oo midkood uu ahaa darawal Mooto Bajaaj ayaa la dhigay xasbiga deegaanka, waxaana ku socda baaritaanka dilka ka dhacay degmada. Shaafi Diiriye Shaafi oo ah guddoomiyaha degmada Jarati ayaa sheegay in markii meesha uu ka baxay maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar in dadka ay soo rogaal celiyeen dacwadaha dhanka lahaanshaha dhulka la xiriira. “Xukuumaddii hore ayaa xildhibaannada siisay dhul beereed iyo lacago, dhulkaas qayb ka mid ahna xukuumaddu waxay ka bixisay gacanta dad shacab ah,” ayuu yiri gudoomiye Shaafi. Dhibaatada lahaanshaha dhulka ayaa ku badaneysa deegaanka Soomaalida, iyadoo markii hore la sheegay in dadkii lahaa awood looga qaatay dhulkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kulan ka mid ah kulamada heerka labaad ee kooxaha kubbadda Jubaland ayaa waxaa wada ciyaaray Shaqaalaha iyo Kaneva oo ka mid ah kuwa loo baqayo in sanadkan ay ku guulaystan horyaalka heerka 2aad. Kooxda Shaqaalaha oo wacdaro layaab leh soo bandhigay ayaa guuldaro 2-0 ah dhabarka u saartay kooxda Kaneva waxayna labada dhinac ka mid yihiin naadiyada hamiga ka leh hanashada horyaalka 2aad. Ciyaar qeybteedi hore kusoo dhamaatay 2-0 ayaan waxbo iska bedelin qeybta labaad oo 90-kii daqiiqo waxay kusoo idlaatay 2-0 Oo ay guusha ku raacday xidigaha kooxda Shaqaalaha. Kaneva ayaa leh 1-dhibic oo kaliya labadii kulan ee ay ciyaartay waxayna ku jirtaa kalinta 5-aad ee kala sareynta kooxaha heerka labaad,halka Shaqaalaha iyo Kasiima oo isku dhibco yihiin,iyagoo fadhiya 3aad. Dowladda Hoose iyo Heegan labadaas Kooxood midii badisa ayaa waxa ay la dhibco noqondoona kooxda Dekadaha oo leh 7 Dhibcood haysana hogaanka horyaalka heerka 2aad ee kooxaha kubbadda cagta Jubaland. W/Q Abdiqaadir Jaamac Gaboobe (Kismaayo) Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay ka hadlayey xafladda furitaanka kalfadhiga 5aad ee golaha shacabka ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaarisay dhammaan xulashooyinka Qodobada Dastuurka ee ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka wada xaajoon doonaan. Madaxweynaha oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Si loo qabyo-tiro Dastuurka KMG ah, waxaan diyaarinnay dhammaan xulashooyinka Qodobada Dastuurka ee ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka wada xaajoon doonaan oo ay kamid yihiin; Maqaamka ay Magaalo Madaxda Muqdisho ku dhex yeelanayso hannaanka Federaalka, qaab-dhismeedka dowladda, asteynta awoodaha dowladda, hannaanka dowladeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, hannaanka caddaaladda iyo asluubta federaalka ah, qaabeynta iyo qaan-gaarsiinta Dowlad Goboleedyada KMG ah, nidaamka doorashooyinka iyo xisbiyada, iyo weliba hannaanka federaaleynta maaliyadda. Howlahaas oo loo aayi doono boqolaalka sano ee soo socda”. Dhinaca kale, madaxweynaha waxaa uu guddigga Baarlamaanka labadiisa aqal ee Dastuurka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee dastuurka uga mahadceliyey shaqada ay ka qabteen dib u eegista Dastuurka “Waxaan u mahad celinayaa guddigga Baarlamaanka labadiisa aqal ee Dastuurka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee dastuurka oo dhammaystiray qabyo qoraalka 10-ka cutub ee dastuurka. Waxaan ku bogaadinayaa howsha ay qabteen iyo wada shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradda Dastuurka iyo labada guddi. Waxaan ku dhiirrigelinayaa labada guddi iyo Xukuumaddaba in ay sii dardargeliyaan howsha ay hayaan si loo dhammaystiro 5-ta cutub ee ka hartay Dastuurka”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Jarati)-Guddoomiyaha Gobolka Jarati ee dowlad deegaanka Soomaalida Saafi Diiriye Shaafi ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay toogasho xildhibaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida oo lagu magacaabo Bashiir Diiriye Camey uu ku dilay Laba qof oo Shacab ah maalintii shalay Guddoomiyaha ayaa sheegay in toogashadan uu geystay xildhibaanka ay la xidhiidhay muran muddo dheerba soo jiitamayay oo salka haya lahaasha dhul-beereed ku yaalla degmada oo xildhibaanku ay siisay xukuumaddii uu hoggaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar. ‘’Doodda xildhibaanka iyo dadka shacabka ah ee beerta isku hayay muddo dheerba wey soo soctay, waxaan u sheegnay in ay sharciga ku kala baxaan, laakiin ugu danbeyntii falkan ayaa dhacay oo xildhibaanku uu ku toogtay labada qof,’’ ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Jarati. Wuxuu intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen xildhibaanka iyo qof kale oo la socday oo sida uu hadalka u dhigay watay gaadhi nooca Bajaajka ah. ‘’Inkastoo xildhibaanku uu xasaannad leeyahay haddana haddii faldanbiyeed lagu qabto waa la xidhayaa, sidaa daraadeed waan qabanay gacanta laamaha Amniga ku jiraa’’ ayuu yidhi guddoomiye Saafi. Xukuumaddii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu eedeynayaa in dhul ay Shacabku leeyihiin siisay xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkiisa, kuwaa hadda doonaya in dib dhulkoodii ay u helaan. Source
-
Muqdisho (SMN)- Kadib ansixintii golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee qorshaha dhab u heshiisiinta ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa kulan ka dhacay Muqdisho waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhalinyarada. Dadkii ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in xiligan ay muhiim tahay dib u heshiisiin la dhex dhigo umadda Soomaaliyeed oo ku dhawaad 30 sano ay ragaadiyeen colaado sokeeye,si la isku cafiyo. Mudo ku dhaw sanad iyo bar wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waday qorshaha dhab u heshiisiinta qaran,waxayna ka sameysay qeybaha kala duwan ee bulshada dhexdeeda. Dhawaan ayey aheyd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka uu Muqdisho ku soo gabagabeeyay shir weynaha qaran ee dhab u heshiisiinta oo sadex maalmood ka socday magaalada caasimadda ee Muqdisho. View the full article
-
(SLT-New York)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii shalay kulan gaar ah ka yeeshay Xaaladda Amni, Siyaasad iyo Dhaqaale ee Soomaaliya. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa kulankooda kaga hadlay doorashooyinka la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan 2021, waxaana Xukuumadda, Baarlamaanka iyo maamul goboleedyada ka codsadeen inay dedejiyaan Xeerka doorashooyinka oo ay ugu dambeyn soo gudbiyaan bartamaha sannadkan 2019. Golaha Ammaanka ayaa isku raacay in muddo kordhin sannad ah loo sameeyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM, iyagoo isla meel dhigay inuu sii shaqeeyo ilaa 31-da March sannadkan soo socda ee 2020. Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa ka codsaday dalalka Caalamka in Ciidamada Soomaalida iyo AMISOM la siiyo wax kasta oo u suura gelin kara inay ka adkaadaan Kooxaha argagixisada ah ee caqbaada koowaad ku ah Soomaaliya. Source
-
(SLT-Rome)-Dowladaha Talyaaniga iyo Malta ayaa sheegay inay Muhaajiriin shalay afduubteen Markab Xamuul oo laga leeyhay Turkiga, kaasi oo ku sugnaa Badda Liibiya, waxayna Shaqaalihii Markabka ku khasbeen inay jihada Markabka u beddelaan dhanka Waqooyiga ee Qaaradda Europe. Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Matiyo Salfiini waxa uu sheegay in Markabkaasi oo nooca Booyadlaha ah lagu magacaabo El Hiblu 1 ay shaqaalihiisa mar sii horreysay Muhaajiriintaasi ka soo badbaadiyeen Badda Meditereniyaanka. Waxa uu intaasi ku daray inay 120 Muhaajiriin ah qafaasheen Markabkaasi, waana markii ugu horreysay oo fal Budhcad-baddeed ah ka dhaco Badda fog oo ay Muhaajiriin afduubtaan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga waxa uu tilmaamay in xaalladda Cimiladda tahay mid aan wanaagsanayn, isla markaana aan la sheegi karin haddii uu Mrakabkaasi ku soo wajahan yahay Malta ama Jesiiradda Talyaaniga ee Lampedusa. Dhinaca kale Ciiddanka Badda ee Malta ayaa sheeegay inay heegan ku jiraan, isla markaana uu Markabka laga afduubtay weeli ku sugan yihiin Xudduud-baddeedka Libya. Source
-
Kooxda ciidan booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Dekedda oo ah naadiga difcaanaysa horyaalka labadii xili ciyaareed lasoo dhaafay wuxuuna kulan u yahay labada dhinac kulamadoodii 8-aad horyaalka Somalia Premier xili ciyaareed 2018-2019. Xidigaha kooxda Heegan kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay natiijo 1-0 ka gaareyn kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Horseed,Heegan waxa ay ku jirtaa kaalinta 2aad ee kala horeynta horyaalka waxayna lee dahay 15-dhibcood. Naadiga Dekedda ciyaartii u danbeesay horyaalka waxa ay natiijo 2-1 kaga adkaadeen Jazeera Sports Club waxaana goolasha u dhaliyay Towfiq Zakariye,wiilasha xafidinaya horyaalka labada sano lasoo dhaafay waxa ay fadhiyaan kaalinta 1-aad ee kala sareynta,iyagoo leh 16-dhibcood. Xaqiiqooyinka Kulanka Ka Hor -6 June 2018– Maamulka kooxda Heegan ayaa warbaahinta usoo bandhigay xidigaha kala ah Cabdi Casiis Catoosh iyo Mustaf Maxamed Yuusuf oo ka mid xirfadyahanadii waqtiga wacan kusoo qaatay L.L.P Jeenyo inkastoo Catoosh ee Heegan kaga yimid kooxda Dekedda. 15-May 2018–Xidigihii hore kooxda Jeenyo Daa’uud Cabdullahi Tubaal iyo Feysal Xasan Xaashi ayaa Dekedda la hantay horyaalka Somalia Premier League iyo Somali Premier League waxayna iminka ka mid yihiin shaxda ugu wanaagsan ee Tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali). -Maxamed Nuur Cabdi uu horay ugu soo ciyaaray kooxda Heegan oo iminka ku sugan Dekedda ayaa waxaa u suura gashay in uu kooxdiisa la hanto horyaalka iyo Somali Super Cup laacibka waxa uu ka dheelaa qadka dhexe. -19 September 2018- Catoosh ayaa kooxdiisa Dekedda ku laabtay,isagoo mudo sanad ah kabtan u ahaa kooxda ciidan booliska ee Heegan intaa uu ku sugnaa waxaa u suura gashay in uu dhaliyo ilaa 5-gool tartamadii uu qeyb galay. “Sababta ugu weyn ee aan ugu laabtay kooxda Dekedda waxa ay tahay jacelka aan u qabo maamulka,saaxiibadyada iyo taageerayaasha waxaana go’aan ku qaatay in kasii mid ahaado sanadaha soo aadan si aan u sii balaariyo xirfadayda iyo in aan la hanto koobabka waaweyn ee dalka” waxaa Goobjoog Sports ugu waramay ”Cabdi Casiis Catoosh. -Kooxda Heegan hanashada horyaalka Somalia Premier League waxaa ugu danbeesay sanadii 2015 oo iminka laga joogo mudo shano ah,balse iminka waxa ay qabaan rajada ku guulaysiga horyaalka Somalia Premier League 2018-2019. -Kulanka waxaa iska hor imaandoona xidigihii hore Jeenyo Cabdi Casiis Catoosh,Feysal Xaashi iyo Daa’uud Tubaal oo kasoo muuqdandoona dhinaca Dekedda,yeelkeeda taa Heegana waxaa ku sugan oo shabaqa u ilaalinaya goolhaye Mustaf Maxamed Yuusuf . Macalinka kooxda Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) mar ii bisha Febraayo 2019 la hadlay Goobjoog Sports waxa ii sheegay in isaga iyo kooxdiisa ay rabaan in ay dhigaan taariikh cusub oo ku aadan hanashada horyaalka Somalia Premier League sanadkii sadeexaad oo xariir ah. Kulankamadii U Danbeeyay Labada Koox 12/03/2018 Heegan SC 0:0 Dekedda SC 02/05/2018 Dekedda SC 1:1 Heegan SC 16/02/2017 Dekedda SC 1:1 Heegan SC 12/05/2017 Dekedda SC 0-0 Heegan SC 03/03/2016 Heegan SC 3:0 Dekedda SC 28/12/2015 Dekedda SC 1:0 Heegan SC 27/02/2015 Dekedda SC 0:2 Heegan SC 29/05/2015 Heegan SC 2:0 Dekedda SC 07/06/2012 Heegan SC 1:1 Dekedda SC 29/09/2012 Dekedda SC 2:4 Heegan SC Ogeysiiska Kulanka Tartanka:-Horyaalka Somalia Premier League 2018-2019 Kooxaha-Heegan VS Dekedda Tariikhda:-28-03-2019 Maalinta:-Khamiis Cimiladda Xiliga Ciyaarta: – 32°27° Garoonka: – Banaadir Stadium W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Howgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya ayaa soo magaalada Muqdisho ku soo gabgabeeyay kulan looga hadlayay horumarinta sirdoonka,si looga hortago weerarada ka dhaca Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Africa. Kulanka uu soo qabqaabiyay howgalka AMISOM ayaa in badan looga hadlay sirdoonka iyo feejignaanta weeraro ka dhaca Soomaaliya,ayaa lagu yiri war safaxaafadeed ka soo baxay howgalkaasi. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan saraakiisha dhinaca sirdoonka ee AMISOM iyo saraakiil ka socotay ha’ayadda sirdoonka qaranka ee NISA iyo ciidanka xooga dalka. David Obonyo oo kamid ah saraakiishii kulankaasi ka qeyb galay ayaa xubnaha ka soo qeyb galay kulanka labada maalmood socday ugu baaqay in ay ku dedaalaan sidii loo hormarin amaanka,taasina la heli karo marka marka uu jiro sirdoon hufan. Mr Obonyo ayaa tilmaamay in ha’yadda sirdoonka qaranka ee NISA iyo dowladda Soomaaliya ay ka guul gaari doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab,hadii la xoojiyo helitaanka sirdoon dhisan. Shirkan lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ahaa midkii 5-aad ee nuuciisa ah uu soo qaban qaabiyo howgalka AMISOM,si looga hadlo doorka xasiloonida dalka uu ka qaadan karo sirdoonka. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Mar uu ka hadlayey Siyaasadda ay Dowladiisu ka leedahay xiriirka caalamiga ah ee dunida ayaa madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay sii xoojinayan iskaashiga dalalka dariska. Muhiimadda ka danbaysa arintaasi waxaa uu ku sheegay madaxweynaha Soomaaliya in dowldaha saaxiibada la ah dalka ay tixgaliyan oo ay ilaaliyan madax banaanida Soomaaliya Tan iyo Wixii ka danbeeyay Markii uu talad dalka la wareegay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi farmaajo dadka Siayaasada falanqeeya waxaa ay sheegaan in dowladdan ay dowladihii hore uga duwan tahay siyaasada arimaha dibadda iyadoo ay xusid mudan tahay in ay dowladu marar kala duwan gaaray go’aano wax ku ool ah oo muujinaya In Soomaaliya ay lasoo Laabatay Haybadii ay ku laheyd masraxyada caalamka. Dhageyso codka madaxweynaha:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-madaxweynaha.mp3 View the full article
-
A hedge fund has returned cash from Saudi Arabia over the murder of journalist Jamal Khashoggi. Tags: Saudi Arabia, hedge funds, Mohammed bin Salman A hedge fund has told investors it returned money to Saudi Arabia following the murder of journalist Jamal Khashoggi, according to media reports. Pharo Management (UK) LLP in December reportedly returned approximately $300 million that it had previously managed for the central bank’s Saudi Arabian Monetary Authority (SAMA). Pharo Management’s founder Guillaume Fonkenell told investors in early 2019 that the decision was taken due to concerns about Khashoggi’s death allegedly at the hands of government agents in the kingdom’s consulate in Istanbul on 2 October 2018. The decision underscore piling concerns about Saudi Arabia’s human rights record under Crown Prince Mohammed bin Salman, whose ambitious plans for modernising the kingdom and redeveloping economy have been sullied by human rights abuses allegations. Bin Salman, who is accused of being the architect of the assassination of Khashoggi – allegations which the crown prince denies – still has President Donald Trump’s support and most US firms, despite widespread condemnation of the murder. A number of nations have chosen to continue doing business with the wealthy kingdom as well. Saudi Arabia’s state-owned investment firms, one of the biggest sources of capital, are a magnate for asset managers worldwide. However, many businesses and individuals pulled out of the prince’s flagship investment event in October 2018, including JPMorgan Chase & Co.’s Jamie Dimon, BlackRock Inc’s Larry Fink and Winton Group founder David Harding. This was overshadowed when less-senior executives took part in the conference. Fink, who runs the world’s largest asset management company, said in November that he wasn’t “ashamed” of doing business in Saudi Arabia and expects to continue to invest in the Arabian country. “Keep in mind, it is a big country. There are many fine people in country, like there are many fine people in every country,” he said. Unlike this cynical view on the part of Fink and others, some companies have attempted to penalise Saudi Arabia following Khashoggi’s murder. British billionaire Richard Branson suspended talks with Saudi Arabia’s Public Investment Fund following the first media reports about the journalist’s disappearance. “What has reportedly happened in Turkey around the disappearance of journalist Jamal Khashoggi, if proved true, would clearly change the ability of any of us in the West to do business with the Saudi government,” he said Alarbya Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Dagaalkan oo u dhexeeyay Al-shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa AMISOM ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay deegaano hoos taga gobolka shabeelada hoose. Fariisimo ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Arbacoow ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa weerar xoogan waxaa ku soo qaaday Al-shabaab,waxaana dagaal dhexmaray labada dhinac uu socday ku dhawaad hal saac. Daryanka hub culus oo ay is dhaafsanayeen dhinacyada dagaalamay ayaa laga maqlayay deegaanka Arbacoow iyo ceelasha Biyaha oo hoos yimaada gobolka Shabeelada Hoose. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in uu jiro qasaaro ka dhashay dagaalkaasi oo ahaa mid xoogan,waloow aan la soo sheegin qasaaraha rasmiga ah ee dhinacyada soo kala gaaray. Ma jirto faahfaahin saraakiisha AMISOM ay ka bixiyeen dagaalka lagu soo qadaay fariisimo aya ku leeyihiin deegaanka Arbacoow ee gobolka Shabeelad Hoose. Dhinaca kale deegaanka Buula Mareer oo hoostaga degmada Kuntuwaareey ee gobolka ayaa dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab waxay weerar ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi. Dagaalkaasi oo ahaa mid xoogan ayaa la isku adeegsaday nuucyada kala duwan ee hubka,waloow uusan jirin war ka soo baxay saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ku aadan weerarada ka dhacay gobolka Shabeelada Hoose. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa shaaciyay in sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland ay ku weerareen xaafada VIA Afmadow ee magaalada Kismaayo. Al Shabaab ayaa baahiyay in weerar bambaano ay ku qaadeen guri uu degen yahay sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland oo magaciisa lagu sheegay Col.Maxamed Buulle, kaasi oo ku sugnaa xaafadda VIA Afmadow. Weerarka ayaa sababay dhaawac la sheegay in sarkaalkaasi uu gaaray, waxaana Al Shabaab ay sheegeen in dhaawaca sarkaalka loola cararay isbitaalka magaalada Kismaayo ee gobolka jUbbada Hoose. Maamulka Jubbaland kama aysan hadlin weerarka qaraxyada bambaano ee ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, balse ciidamada amaanka ayaa baaritaano ka wada xaafadda weerarka uu ka dhacay. Amaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay muddooyinkii u dambeeyay, waxaana yaraa weerarada iyo qaraxyada Al Shabaab ka fulin jireen magaalada Kismaayo. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar ay sheegeen inuu ka dhacay magaalada Kismaayo, mana jiro war ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka maamulka Jubbaland. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, waxaana ay sheegeen inay ku dileen askar ka tirsan maamulka Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-28032019.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa bilowday olole ay kula dagaalameyso Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib murankii siyaasadeed ee soo kala dhex galay Labada Dowladood oo ay Maxkamadda Adduunka ka taal dacwad ku saabsan dhul ay Dowladda Kenya dooneyso inay ka boobto Soomaaliya. Dowladda Kenya oo dhawaan looga adkaaday Arrimaha Diblomaasiyadda kadib markii ay soo ceyrisay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Nairobi ayna u yeertay midkii Muqdisho ka joogay. Kadib fashilkii arrintaas kasoo gaaray Dowladda Kenya ayaa bilowday 5 xeelad oo ay kula dagaalameyso Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1) Kasoo bixiddii ciidamada Kenya ee qeybo ka mid ah gobolka Gedo Dhammaan Ciidamadii Dowladda Kenya kaga sugnaa Gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa isaga baxay marka laga reebo ciidamo yar oo ku sugan Ceel Waaq. Ujeedka ay Ciidamada Kenya uga baxayaan Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dagaalka ay Dowladda Kenya ku wado Soomaaliya, waxayna dooneysaa inay culeys ku saarto dhanka Amniga dalka, maadaama ay Al-Shabaab halis ugu jiraan inay la wareegaan Gobolka Gedo. Dowladda Kenya ayaa dooneyso inay iska hor keento Shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si dowladda loogu eedeeyo inay dayacday Amniga dalka isla markasana ay gacanta ka bixisay deegaano horey Al-Shabaab looga saaray. 2) Xiritaanka Xeryaha Dhabaab Dowladda Kenya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay albaabada isugu dhufaneyso Xeryaha Dhadhaab oo ay ku nool yihiin illaa 230,000 Soomaali qoxooti ah oo ku dhowaad 30 sanno halkaa ku noolaa. Inkastoo go’aanka Dowladda Kenya ee xiritaanka Xeryahaas uusan aheyn mid si fudud loo sameyn karo maadaama ay lacago badan uga qaadato Hey’adaha Qaramada Midoobay isla markaasna ay arrintaas durba ka hor imaadeen haddana waa mid kamid ah qorshaha ay Dowladda Kenya ku dooneyso inay culeys ku saarto Dowladda Soomaaliya oo ku adkeysatay inaysan ka tanaasuli doonin dacwadda ay ka gudbisay muranka soohdinta Badda ee labada Dal. 3) Duulimaadyada labada Dal Sida ay sheegeyso xogta hoose, Dowladda Kenya ayaa qorsheeneyso inay mar kale adkeyso Duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi. Duulimaadyada labada Magaalo oo hadda ah mid toos ah ayey dowladda Kenya dooneysaa inay mar kale soo celiso dhibaatada dadka Soomaaliyeed loogu geysan jiray Wajeer. Sidoo kale Kenya ayaa dooneyso inay adkeyso Dal-ku-galka (visa) oo 2017 loo khafiifiyay Baasaboorka Soomaaliya, kaddib heshiiska Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru (siiba safarrada saraakiisha Dowladda). 4) Mashaariicda Dowladda Kenya ayaa wado qorsho ay ku joojineyso Mashaariicda sida tooska ah ugu soo gudubto Magaalada Muqdisho si culeyska loogu badiyo Dowladda Soomaaliya isla markaasna ay Hey’adaha ugu shaqeeyaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa waqtiyadii dambe xoogga saartay in Hey’adaha mashaariicda ka fuliyo Soomaaliya laga soo raro Nairobi si lacagaha Nairobi loogu soo wareejin lahaa Muqdisho. Dowladda Kenya ayaa hey’adaha fadhigooda yahay Nairobi ku amartay in Mashaariicda loosoo wareejiyo Nairobi halkii si toos ah Muqdisho loogu dirayey. 5) Qorshaha Keya ee Somaliland Dowladda Kenya ayaa bilowday dhaq-dhaqaaqyo ay dooneyso inay sare ugu qaado xiriirka Magaalooyinka Nairobi ee Hargeysa, taasoo qeyb ka ah Culeyska la saarayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay Soomaaliya iyo Somaliland isku heysto gooni isku taagga. Dowladda Kenya ayaa bilowday olole ay Somaliland ula macaamileyso sida Dowladda ka madax banaan Soomaaliya, inkastoo aysan jirin hal dowlad oo Maamulkaas u aqoonsaday Dowladnimo haddana waa qeyb kamid ah dagaalka siyaasadeed ee Nairobi kula jirto Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaramada Midoobey ayaa qorsheyneysa in deeqaha loogu talo-galay Somaliland toos u siiso Hargeysa, iyadoo la beddelayo dhaqankii hore ee ahaa in deeqaha Somaliland la marsiiyo waxa loo yaqaanay “Qoondada Gaarka” ama “Special Arrangement” ee lagu go’aamiyey shirkii London ee 2013kii, kaasoo qeyb ka ahaa taageerada caalamka ee Soomaaliya. “Special Arrangement” wuxuu dhigayey in deeqaha horumarinta guud ee loogu talo-galay Soomaalida, qeybta ay Somaliland ku leedahay lagu siiyo hab ka geddisan maamullada kale ee dalka, oo iyagu loo aqoonsan yahay inay hoos tagaan Federaalka balse Somaliland aysan ka mid ahayn. 9-kii June 2018, ayaa Wasiirka Qorsheynta Federaalka Jamaal Xasan wuxuu warqad uu u qoray wadamada deeqaha bixiya ku sheegay in Dowladda Federaalka aysan cusbooneysiin doonin heshiiska Qoondada Gaarka ee Somaliland oo dhacay 2016, taasi beddelkeedana Dowladda Federaalka ay masuul ka tahay qeybinta deeqaha caalamiga ee Soomaaliya loogu talo-galay, isla markaana ay u aragto heshiiska Qoondada Gaarka mid naasnuujinaya maamul gaar ah (Somaliland). Arrintan waxaa dood ka keenay Somaliland, oo ku dooday inaaney ku kalsooneyn Soomaaliya. Waxaana muddooyinkanba socday dood arrimahaasi ku saabsan, sida inay saameyn karto dedaallada naf badbaadinta sida gargaarka musiibooyinka (abaaraha) ee looga baahi qabo Somaliland. Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in USD150 milyan oo loo qoondeeyay Somaliland lagu hagaajin doono sanduuq loo bixiyay ‘Sanduuqa Taageerada Somaliland’ oo Qaramada Midoobey soo jeedisay in la abuuro. Waxaa sidoo kale jira in Somaliland iyo Qaramada Midoobey wada diyaariyeen dukuminti la yiraahdo “Qoondada Gaarka Qaramada Midoobey ee Somaliland” oo lagu beddelayo heshiiskii 2013 ee ay Dowladda Soomaaliya hadda diidan tahay. Dabcan waxaa jira warar tilmaamaya in Dowladda Ingiriiska ay aad ugu ol’oleysay arrintan iyadoo laga eegay dhanka bani’aadanimmada. REFERENCES: – Sawirka 1 & 2, waa warqaddii Wasiir Jamaal. – LINKIGA waxaa ku jira qorshihii Qoondada Gaarka ee ay Somaliland gudbisatay 2013. Somaliland Special Arrangement W/Q: Abdalle Ahmed Mumin Somaliland_Special_Arrangement_Final
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helayo degmada Buulomareer ayaa sheegaya in Al Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaankaasi. Dagaal xoogan ayaa ciidamada dowladda iyo AMISOM dhinac ah iyo Al Shabaab ku dhexmaray deegaanka, waxaana weerarka qaaday ciidamo ka tirsan Al Shabaab, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen. Dadka deegaanka ayaa saxaafadda u sheegay in la maqlayay rasaas xoogan iyo qoryaha culus oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen, iyadoo cabsi ay soo foodsaartay shacabka degmada ku sugan. Khasaaraha dagaalka ayaanan wali la ogaan karin, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku dagaalamay Buulomareer, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhaawacyo iyo dhimasho ay jiraan. Wararka saakay la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan goobihii lagu dagaalamay ee deegaanka Buulo Mareer. Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada iyo qaraxyada ay ka fulinayaan gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, waxaana ay dib u qabsadeen deegaano horey looga saaray. Taliska AMISOM ayaa dhawaan shaaciyay inay badaleen qorshaha dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab, waxaana ay sheegeen inay qaadi doonaan weeraro ka dhan ah Al Shabaab, iyadoo wali aysan qaadin wax talaabo ah. Sanadka 2021 waxaa qorshaha amaanka Soomaaliya qeyb ka ah in AMISOM ka baxdo dalka, oo ciidamada xooga dalka la wareegaan amaanka guud ahaan ee Soomaaliya, balse taasi su’aalo badan ayaa ka taagan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ilhaan Omar waxa ay noqotay qofka kaliya ee ku dhiirratay kuna dhacday inay sheegto arrin ay aad uga baqaan dadka siyaasiyiinta ah kuwa Bilyanneerrada ah iyo weliba kuwa hoggaamiya diimaha. Ilhaan ayaa waxa ay indhaha dadka Maraykan kusoo jeedisay in qarankooda si aan habboonayn looga masruufo Yuhuudda islamarkaana Israel ay danteeda dhexmarsato xildhibaanno lacago kasoo qaata ururka AIPAC (American Israel Public Affairs Committee) kaasi oo danaha Yuhuudda maraykanka uga fuliya. Waa ayo AIPAC? AIPAC waa urur aad u xoog badan una taagan ilaalinta iyo sarraynta dadka Yuhuudda ah iyaga oo kaashanaya Siyaasiyiinta,Bilyanneerada,Sharikadaha waaweyn ee loo yaqaanno (Multinational Companies-ka) iyo weliba qaabaynta aragtida shacabka maraykan (American Public oppininon) ee ku aaddan jiritaanka qaranka Yuhuudda iyo ilaalintiisa, taasi oo AIPAC ka dhigtay mid saameyn weyn ku leh jaangoynta siyaasadda maraykanka. Ururkan ayaa waxa la aasaasay 1963-kii waxaana xaruntiisa u weyni ay tahay caasimadda dalka maraykan ee Washington, xubnaha ku jira ururkan ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 100-kun oo xubnood, waana mid ka mida kooxaha ugu xooggan ee ka ololeeya gudaha maraynkanka (Lobbying groups). AIPAC Ayaa waxa ay maalgalisaa siyaasiyiinta soo fuulaya jaranjarrada iyo fagaaraha siyaasadeed ee dalka maraykanka, xubnaha AIPAC si toosa uma siiyaan maalgalinta siyaasiga ay rabaan inay soo saaraan balse waxa ay u soo mariyaan Guddiga siyaasadda ee ururka (Political Action Committees), waxaana kooxdan lagu eedeeyaa in ay gacansaar dhaw la leeyihiin Xisbiga Jamhuuriga iyo Xisbiga (Likud-National Liberal Movement) oo ka dhisan Israel. Kooxdani waxa ay aad uga hortagtaa siyaasiyiinta kusoo biiraya saaxadda siyaasadda Maraykan ee dhaawici kara danaha AIPAC iyaga oo u adeegsada saxaafadda iyo lacago toosa waxaana inta badan aynu aragnaa madaxweynayaasha maraykan oo Yuhuudda ugu adeegaya sida gobol ka tirsan maraykanka maadaama ay aad usoo caawiyaan xilliyada doorashada , waxaana ay siyaasiyiinta waaweyn ee Maraykanku ku tilmaamaamaan in Yuhuudda ay isku qoys yihiin. Siyaasiyiinta isku daya in ay kasoo horjeestaan ama dhaliilaan qaabka AIPAC ugu shaqaysato qaranka Maraykan ayaa waxa ay ka baqdaan dib udhac iyo ceebo hor leh waxaana adag in ay wax ka sheegaan ama soo hadal qaadaan AIPAC iyo arrimaheeda. Ilhaan Cumar iyo AIPAC Haddaba Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaaliyad ah islamarkaana qaxoontinnimo ku gashay dalka maraykanka haatanna ah xildhibaan aqalka Congress-ka ah ayaa waxa ay qarxisay arrin siyaasiyiin badani ka baqanayeen sheegitaankiisa balse laabahooda ku jiray, iyada oo carrabka ku dhufatay marar badan in qaranka maraykanku aanu ahayn meel laga naasnuujiyo waddamo gaar ah. Ilhaan Cumar ayaa waxa ay weerarro joogta ah kala kulantay hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Maraykanka Donald Trump kaasi oo Yuhuudda ugu adeega sida gobol ka tirsan Maraykanka, waxaana uu Ilhaan ku tilmaamay mid ay ka buuxdo Yuhuud nacayb waxaana uu yidhi “Ilhan Cumaar hadalkii ay tidhi waa mid aad u xun, waana inay iska casishaa aqalka Congress-ka ama ugu yaraan ay ka baxdaa xubinnimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Congress-ka”. Inkasta oo ay weerarro iyo cambaarayn kala kulantay xildhibaanno u badan xisbiga Jamhuuriga iyo qaar kamida saxaafadda waddankaasi balse haddana waxa ay taageero ka heshay dadka haysta diinta asalka ah ee yuhuudda (Judaism) iyo shacab badan oo arrintaas kasoo horjeeday. Shirkii sannadlaha ahaa ee AIPAC oo socday 24-kii illaa 26-kii bishan aynu ku jirno ayna kasoo qeyb galeen madax iyo xildhibaanno maraykan ah iyo weliba siyaasiyiin Yuhuud ah ayaa waxa aad loogu weeraray xildhibaanad Ilhaan Cumar waxaana lagu tilmaamay in ay tahay mid nacayb ba’an u qabta dadka Yuhuudda ah islamarkaana ay habboontahay in laga saaro siyaasadda Maraykanka, waxaana dadkaa ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence kaasi oo sheegay in Ilhaan ay shacabka maraykan kula dhex jirto kala qeybin iyo kala sooc islamarkaana aanu Maraykanku Yuhuudda nici doonin, sidoo kale intii uu socday shirka AIPAC waxa la arkayay buugaag yar yar oo lagu dhex iibinayay shirka kuwaasi oo lagu aflagaaddaynayay Ilhaan Cumar diinteeda, dharkeeda iyo shakhsiyaddeeda waxaana soo daabacay siyaasiyiin caan ah. Arrinta ugu hadal haynta badan usbuucyadii ugu dambeeyay fagaarayaasha siyaasadda Maraykan ayaa ahayd weerar joogto ah oo kooxda AIPAC iyo madaxda Jamhuurigu ay ku hayaan xildhibaanad Ilhaan Cumar, waxaana kooxda AIPAC halbeegga ama qofka ay target-garayn doonaan sannadkan ka dhigteen Ilhaan Cumar si ay uga takhallusaan ugana saaraan aqalka sare iyo siyaasadda Maraykanka maadaama ay u arkeen in danta Yuhuudda ay cadaw ku tahay. Ilhaan cumar ayaa waxa la xasuustaa in mar twitterkeeda ay kusoo qortay in Ilaahay ummadda tusiyo dhibka ay Israel ku hayso Falastiiniyiinta, waxaana ay caddaynayaan hadalladeedaasi in ay aad uga soo horjeeddo tacaddiyada Yuhuuddu ay ku hayso Falastiiniyiinta. Ugu dambayntii dhiirranaanta iyo geesinnimada ay sameysay Ilhaan Cumar kuna sheegtay in aan qaranka Maraykanku ahayn meel laga masruufo waddamo gaar ah iyada oo ula jeedda Israel ayaa noqonaysa gantaalkii ugu weynaa ee muddo lagu dhufto danaha qaranka Israel, waxaana laga yaabaa in ay dhabbo cusub u jeexdo siyaasiyiin kale oo la aragti ah iyada balse ku dhici la’aa inay fagaare ka sheegaan taasi oo dhaawac u geysan karta danaha qaranka Yuhuuddu ka leeyahay maraykanka. W/Q: Muxiyadin Maxamud Xuseen Email: Masxaf44@gmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay miro-dhali waayeen wada-hadallo uu u tagay Dhuusomareeb Wasiir Sabriye ayaa lasoo kulmay Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf, iyo Madaxa Xukumada Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Wasiirka ayaa Madaxdii uu la kulmay u gudbiyey fariin uu kawaday Madaxda sare ee Dowladda Dhexe, fariintaas oo ahayd in Galmudug ay doorasho gasho bisha July 2019, ilo ku dhow Madaxtooyada Dhuusamareeb ayaa noo xaqiijiyey in ay Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir kabiyo-diideen soo jeedintii Wasiirka. Maamulka Xaaf uu rabo in ay dhacdo sanadka 2020-ka, ayaga oo ku adkeysanaya in xilligooda billowday markii ay heshiiyeen Ahlu-Sunna iyo Galmudug, halka dowladda ay afarta sano ee Xaaf ka xisaabineyso markii uu talada kala wareegay Cabdikariin Guuleed. Xaafd ayaa la sheegay inuusan waxba ka qabin doorasho dhacda, balse ay jirto cabsi ii qabo. Dadka sida dhow ula socda arrintaan ayaa aaminsan in labada garab ay kala shiksan yihiin – Dowladda waxaa la sheegay in ay rabto ay ka takhlusto Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo ka biyo diidan arrinkaasi. Sida aan xogta ku helnay Xaaf, ayaa hordhigay wasiir Maxamed Cabdi Sabriye laba shuruudo ay ka mid tahay 1 – In dowladda federaalka ah ay balanqaado in aysan faragelin doonin cod-bixinta, islamarkaana aysan wax lug ah ku yeelan doonin qabashadeeda. Shuruudda labaad ee Xaaf ayaa ah 2 – In xukuumada aysan u soo dirsan doorashada musharax ay dooneyso in uu kusoo baxo, islamarkaana dadka Galmudug ay u dayso aayahooda inay ayaga go’aansadaa. Wasiir Sabriye oo la sheegay in uusan marka hore wadan qorshe oo ay ku raacsan yihiin madaxda dowladda dhexe, islamarkaana layaab ay ku noqdeen shuruudaha Xaaf, ayaa dib ugu soo laabtay caasimada dalka si uu ula wadaago hogaanka Madaxtooyadda. Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay in ay horey u kala qaybisay Galmudug oo haatan ku kala shaqeeya Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ay joogaan madaxwayne ku xigeenkii iyo afhayeenka baarlamaanka, daacadna u ah dowlada dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sida sunnada ah aadanuhu kama sinna hab fekerka, dhaqanka, aragtida iyo go’aan qaadashada, waxaana sidoo kale aysan isku si u aqoon waxyaabaha qaar, waana samayska rabbi ugu tala galay kala duwananshaha adoomadiisa. Amnigu wuxuu ka mid yahay waxyabaha ugu muhiimsan nolosha, horumarka, waxbarashada, kobaca dhaqan dhaqaale iyo halbeegyada nolosha, dalkeena Soomaaliya waxaa uu soo maray marxalado kala duwan oo mid walba ay lahayd duruufo u gaar ah, mid walba waxaa looga soo gudbay si qorshaysan.maantana waxaan dhex maquuranaynaa kuwo ka duwan kuwii hore oo loo baahan yahay in looga gudbo iskaashi, waxaana lagama maarmaan ah in muwaadin walba oo soomaaliyeed uu kaalinta kaga banaan ka qaato, isagoo aan cid kale ku riixeen ka qaybqaadashada masuuliyad wadareed qof walba oo Soomaali ah garbaha u saaran. sidee loo sugi kara amniga dalka? Waa su’aal Muhiim ah oo qof walba sida ay la tahay uu uga jawaabayo, balse waxaa dhabtu tahay in loo fahmo in ay tahay masuuliyad la wada leeyahay, tusaale ciidamada waa awooddii ama ceelalyadii amniga oo waxaa saaran masuuliyadda koowaad, Shacbiga waa badwayntii ay ku dhexdabaalayeen sida ay horay u sheegeen fidnawadayaasha waxaana looga baahan yahay shacbiga in ayku dhiiradaan in ay tilmaamaan goobaha ay gabaadka ka dhiganayaan, kaalinta culumada waa in ay xaqa iftiimiyaan bulshadana u soo bandhigaan fasirka saxda ah ee diinta si looga hortago afkaarta Takfiiriga ah ay argagixisadu faafinayso, Haweenka waxaa looga baahan yahay in kaalintii lagu yaqaanay ee hormoodnimo ka qaataan taakulaynta ciidamada, sidaa darted waxaa lagama maarmaan ah in si wada jir ah la isaga kaashado meelmarinta qorshayaasha amniga. Dalkeenu wuxuu leeyahay ciidan amniga ka shaqeya oo leh sida Xoogga dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad sugida, inta ugu muhiimsan waxaa ay joogaan Muqdisho oo ah caasimadii dalka, waxaa hubaal ah haddii qof walba uu masuuliyad isa saaro oo uu u arko in amniga la wada leeyahay waxaa muddo kooban gudahood lagu guulaysan doonaa in lagu naaloodo amni la isku halayn karo Hadaba si aynu u sugno amniga maxaan u baahanahay? 1-Waa in la howl galiya shacabka degan xaafadaha laguna dhiiro galiyaa la socodka cid walba oo caasimadda ku sugan gaar ahaan guri walba. 2-Waa in la hela ciidan sirdoon oo dhar cad ah oo iyaga xataa aan is aqoon oo ka dhex shaqeeya degmooyinka kuwasoo toos u hoos taga gudoomiyayaasha degmooyinka 3-In la xoojiyo Booliska jooga saldhigyada iyo rugaha kale loona dhameystiro agabkii shaqada. 4-In meel walba lagu xiro kaamiradaha qarsoon si loola socdo dhaq dhaqaaqa magaalada. 5-In la diiwaan galsho shacabka ku dhaqan degmo walba oo gobolka Banaadir ka tirsan loona sameeyo Documenti. 6-In la tirakoobo garaashyada lana hubiyo cidda masuulka ka ah iyo howlaha lagu qabto 7-In la kordhiyo dhaqaalaha degmooyinka la siiyo si ay u helaan dad xogta la wadaaga una abaalmariyaan ciddii xog amni oo muhiim ah ay ka helaan. Intaan kuma filna oo kaliya sugidda amniga magalooyinka, waxaana ugu muhiimsan waa in shacab ahaan loo abaabula howl gal walba oo ka dhan ah amni darrada iyo in sare loo qaado wacyiga bulshada si ay aragti dheer ugu yeeshaan dhaqarqabayaasha amni darrada ka shaqeeya. Qiyaasta tirada dadkeenna75% waa dhalinyaro marka la eego tiradaas intaas la eg waxaa shaqo la’aan ah boqolkiiba 55%, taasina waxay horseedi kartaa in ay noqoto fursad ay ka faa’iideysan karaan dhagarqabayaasha, taasi badalkeeda waxaa loo baahan yahay in dhalinyarada dowladdu uga faa’idaysato ilaalinta amniga, dhanka kalana u noqonaysa shaqo abuur. Talo walba oo amniga la xiriirta qof un bay ka imaan lahayd, waxaa maalmahaan danbe muuqda dad Amniga siyaasadaynaya, taasi oo aan danta dalka iyo dadka ku jirin, cidda kaliya ee khilaafka iyo tafaraaruqa ka faa’daysanaysa waa argagixisada jid iyo jaho diidka ah. Gunaanadka Qormadayda waxaa lagama maarmaan ah in si wadajir ah amniga looga wada shaqeeyo, si dalkeenna uga soo kabto duruufihii adkaa ee uu soo maray, ugana faa’iidaysto khayraadka dihin ee dhex ceegaaga. W/Q. Sharma’arke Max’ed Yuusuf
-
Ururka Saxafiiyiinta S-Land Solja Oo Ka Hadlay Falal Laayableh Oo Xukuumaddu Ku Wiiqayso Saxaafadda “Qalab Mobileska Anteennada Lagaga Ridayo) “Warbixin Sanadeedkii Madaxweynuhu Baarlamaanka Ka Jeediyay Waxa Mobilada Wariyayaasha Lagaga Xayiray Qalab Hawada Ka Saaraya Inay Isticmaalaan”. Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay falal layaableh oo Xukuumaddu la shir timid oo ay kula dagaalamayso Xorriyadda Saxaafadda, taasi oo hor dhaceedii lagu arkay Maalintii dhawayd ee uu Madaxweynuhu khudbad sanadeedka ka hor jeediyay Labada Gole Baarlamaan ee Somaliland, iyadoo maalintaas Wariyayaasha laga ururiyay Mobileska,lagagana xidhay qalab luminaya Aanteenooyinka, dhacdadan ayaa hor dhac u ah talaabooyin Xukuumaddu qorshaysay inay wiiqdo Warbaahinta Madaxa Bannaan. Qoraalkan maanta kasoo baxay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa lagu yidhi sidan “Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si aad ah uga xunyahay talaabooyinka soo noq noqonaya ee ay saraakiisha xukuumaddu kula kacayaan Suxufiyiinta Somaliland, kuwaas qaylo-dhaantoodu maalin walba ka soo yeedhayso goboladda. Gaar ahaan ururka SOLJA waxa uu dhaliilayaa xadhiga uu badhasaabka gobolka Awdal ku xidhay laba wariye oo ka hawlgala gobolkaasi, kuwaas oo booliisku ay ku xidheen Amarka Badhasaabka, iyadoo berri maxkamadda gobolka Gabilay dhagaysan doonto Dacwadda saddex wariye oo u xidhan Maayarka Gabilay oo ka hor istaagay inay galaan garoon ay ku sugnaayeen wafti ajaaniib ahi. Sidoo kale, ururka SOLJA waxa uu u arkaa talaabooyin lagu hor isaatagayo Suxufiyiinta iyo qalabkooda ba dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee lagu kacay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in Astaamahoodii loo diiday inay isticmaalaan xafladdii Berbera corridor, warbixin sanadeedkii Madaxweynuhu Baarlamaanka ka jeediyay oo Mobiladoodii lagaga xayiray qalab hawada ka saaraya inay isticmaalaan. Waxa kale, oo si joogto ah looga hor istaagaa munaasibadaha furan kuwaas oo ay madaxdu booliiska ku amarto inaan loo sii dayn sida ay qaar ka mid ah wariyayaashii ugu danbeeyay ee munaasibaddii maalinta biyaha is yidhi ka qayb gala ay SOLJA soo gaadhsiiyeen cabasho ah in askarta wasaaradda biyuhu tahdiid iyo aflagaaddo ku sameeyeen. Dhacdooyinka kale ee caqabada ku ah mihnadfa Saxaafadda ee culayska ku ah saxaafadda waxa ka mid ahaa in soo noqoshadii safarkii madaxweynaha ee imaaraatka laga qariyo madaxweynaha, taasoo aanu u aragno mid lagaga hor istaagayey saxaafaddu inay safarkaas ka hesho xog ay bulshadeeda u gudbiso. Dhamaan ficiladda kala duwan ee ay xukuumaddu ku hayso saxaafadda waxaanu u aragnaa kuwo ka hor imanaya dastuurka JSL, xeerka Saxaafadda iyo qoddobadii u danbeeyey ee ka soo baxay shirkii wasaaradda warfaafintu u qabatay Saxaaafadda iyo xukuumadda. Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqayaa hay’addaha warbaahinta iyo Wariyayaasha ka hawlgala inay joojiyaan ficiladda xun xun ee ka hor imanaya Hab-dhaqanka iyo Anshaxa saxaafadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin cabashooyin soo gaadhay xarunta guud ee ururka. Ugu danbayntii ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa badhasaabka gobolka Awdal inuu xorriyaddooda usoo celiyo labada wariye ee uu ku xidhay magaaladda Barama. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha SOLJA Qaran News
-
Muranka soohdimaha waa arin soo jireen ah oo dhexmara dalalka dariska ah, gaar ahaa Afrika oo xuduudaha dalakedu uu sameyay guumestihii, kuna saleeyay qaab aan ka tarjmeyn rabitaanka dadka qaaradda oo ku qotama danihiisa gaarka ah. Dadka Soomalida waxa ay ka mid yiiin bulshooyinka uu dhibaatada ballaaran u gaysatay kala qeybtinta soohidimenyta goomeysigu. Iyadoo dadka Soomaaliyeed dhulkooda la qeybshay, qeybo badana lagu daray dalal kale. Haddaba waxaa xusid mudan Soomaliya iyo dalka Marooko ma ogolaan xuduudaha uu guumesigu dhigay ka dib xuriyaddii dalalka afrika. kenya waxay abuurtay xiisad diblumaasiyadeed waxayna ku dhaqaaqday tallaabooyin liddi ku ah xiriirka labada dal iyadoo 16 Febaraayo 2019 u yeeratay Danjireheeda Muqdisho si wada tashi ula yeelato isla markaana ku wargalisay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkeeda in uu ku laabto dalkiisa, waxayna ka cabanaysay shirka london oo lagu soo bandhigayay laguna xayaysiinayay shidaalka ku jira badda Soomaaliaya. Kenya waxay ku haysataa Soomaaliaya dhul badeedkeeda arrinkaa oo gaaray Maxkamadda Cadaaladda ee Aduunka 2014 kii, waxaana xusid mudan in labada dal uusan jirin heshiis soohdimeed ka dhexeeya. Tallaabadda kenya ay qaaday waxay ka anfariirisay Caalamka, waxaana lala sii yaabay in shardi uga dhigtay in xirrirku ku soo noqdo caadigiisii in loo cudurdarto, dad badan way la yaabeen in kenya sidaa noogu soo dhiirato oo aad uga haybaysanjirtay dalkeena. Xiisaddu waxay salka ku haysaa warbixinadda tibaaxaya in Soomaaliaya leedahay keyd batrool baaxad wayn dhul badeedkeeda gaar ahaan Qalfoof Qaaradeedka, diraasadaha qaar ayaa sheegaya in kaydka dalku noqonayo kan 20 aad ee dunidda hadii la eego keydka dhulka uun balse hadii lagu daro kan dhul badeedka waxuu noqonayaa kan 7aad ee dunidda. Hagardaama Kenya Kenya waxay caadaysatay hagardamada Soomaaliya waqtiyadii danbe, waxay xirtay saacada kooban Lataliyaha Safaardda Soomaalia Kenya 2014kii Maayo oo ah xadgudub culus xeerka Fiyanna ee xiriirka diblumaasiyadeed ee 1961, Soomaaliaya Arrinkaas way ka gilgiltay waxayna u yeeratay Danjiraheeda ilaa markii danbe kenya ay ka cudurdaaratay falkaas guracan, balse ma aysan joojin dhibaataynta jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool oo lagula kacay xirid, masaafurin iyo cagajuglayn. İntaa waxaa dheer kenya oo rabtay in ay dhisto darbi ay ku kala go’doominayso dadka walaalaha ah ee xuduuda labada dhinac kala dagan iyo waliba burburinta agabka isgaarsiinta Soomaalida ee Xuduuda. Soomaaliaya jawaab kama bixin arrimahaas oo dhan ilaa markii danbe kenya ay xanibto wafdi rasmi ah oo xildhibaano ah una socday Turkiga 2015 kii oo wehelinayay Ra’isul Wasaarihii hore taas oo ka hor imaanaysay is afgaradka labada dal ee ahaa fududaynta maritaanka wufuudda rasmiga ah kana hor imaanaysa habdhaqanka diblomaasiyadeed. Jirridda Muranka Badda Arrinka badda wuxuu bilaawday 2005 kolkii kenya si iskeed ah u jeexatay xariijin ay ku sheegtay in ay tahay xad badeedka labada dal iskuna dayday in ay ka diiwaan galiso Qaramada Midoobay, iyadoo ka faa’iidaysanaysa duruufaha uu dalka marayay isla markaana uusan jirin heshiis soohdimeed oo labada dal kala saxiixdeen. Soomaaliaya markii ay ku baraarugtay damaca kenya gaashaanka ay u daruurtay waxayna isku dayday si wada xaajood ay arinka ku xaliso balse taas way suuragali wayso, ugu danbayn Soomaaliya waxay furtay dacwad ka dhan ah kenya 2014, kenya waxay geed dheer iyo mid gaaban u gashay in arrinku uusan gaarin Maxkamad, waxay durtay in maxkamaddu awood u lahayn qaadista dacwadda, waxayna ku doodaysay in labada dal kala saxiixdeen heshiis is af garad oo sheegaya in wadahadal ku dhamaystaan muran kasta taas oo u socon waysay oo garsoorayaasha Maxkamadda Cadaaladda Aduunku ku gacan sayreen. Jeexidda xuduud badeedka waxaa loo maraa Heshiiska Badaha ee Qaramada Midoobay ee 1982 (UNCLOS) gaar ahaan qodobkiisa 15 oo sheegaya “ markii laba dal xeebahoodu isku dhaganyihiin ama iska soo horjeedaan, dal kasta oo ka mid ah xaq uma leh, hadii aysan si kale ku heshiin, in uu fidsado dhul badeedkiisa ka gadaal xareejinta dhexda ilaa dhibic kasta ay la mid noqoto dhibicda ka horeysa oo ka xigta xariijinta Asaaska ah oo laga qiyaaso dhul badeedka dalalka. Sidaas oo ay tahay, xukunkan kuma dabaqmayo markii ay lagama maarmaan tahay xaq taariikhi ah awgiis ama duruufo kale oo gaar ah, in loo maro xadaynta dhulbadeedka si ka duwan tan” taas macnaheedu waxay tahay in xuduudda dhulku sideeda ku sii soconayso marka labada dowladood isku dhaganyihiin, markii ay iska soo horjeedaana xariijinta dhexda ah laga qiyaasayo. Heshiiska Badaha ee Qaramada Midoobay ee 1982 Soomaaliaya waa xubin ka mid ah heshiiskaan oo ay ku midaysan yihiin 160 dal, wuxuu soo bilowday 1958 intiisa badan waxaa la isla meel dhigay 1973 ugu danbayna waxaa la isla qaatay 1982. Heshiisku wuxuu qeexaya xuquuqda iyo xilka dalalka badda leh sidii ay u adeegsan lahayeen biyaha uga faa’iidaysan lahaayeen kheyraadka badda, wuxuuna salka u dhigayaa habraac hagaya Ganacsiga ilaalinta deegaanka ilaha nololeed ee badda. Eray Bixinadda Badda Xariijiinta Asaaska : waa buqcadda ugu fog oo biyaha taabanaysa iyadaana ah asaaska laga qaadanayo qiyaasaadka . Biyaha Gudaha : waa biyaha ka sokeeya xariijinta asaaska oo gudaha ugu jira dhulka oo biyuhuna geesaha ka xigaan. Dhul Badeedka: waa dhulka biyaha ka hooseeya oo laga qiyaasayo xariijinta asaaska oo gaaraya 12 mayl badeed (22 klm ). Waxay la xukun tahay dhulka caadiga ah marka laga reebo doomuha shisheeye in ay xaq u leeyihiin maritaan lagama maarmaan ah ( innocent passage ). Dhul Badeedka xiga : waa 12 mayl badeed ku xiga dhul badeedka, dowladdu waxay xaq u leedahay in ay ka kaluumaysato, rukhsado ku bixiso lkn maritaanka waa u furanyahay doomaha shisheeye lkn kama kaluumaysan karaan ogoloshho la’aan. Aagga Dhaqaale Gaarka ah (EEZ) : waa 200 mayl badeed laga soo tirinayo xariijinta asaaska, dalku wuxuu xaq u leeyahay marinta fiilooyinka, baaritaanka cilmi iyo kaluumaysiga balse maritaanku waa furanyahay. Qalfoof Qaaradeedka: waa dhulka Badda ka hooseeya oo gaaraya 200 mayl badeed (370 klm ), waana dhulka shidaalka laga qodo aalaaba . mar danbe waxaa la isla gartay in la kordhiyo oo lagu daro 150 mayl badeed oo la gaarsiiyo 350 mayl badeed (646 klm ). Baddaha Furan : waa bad waynta aan hoos tagin dal ama dalal oo aduunka oo dhan si isku mid ah u marikaan, baaritaan u samayn karaan, fiilooyin gashan karaan, ka kaluumaysan karaan . waana wixii ka baxsan inta aan soo sheegnay. Heshiiska Is Afgaradka Soomaaliya iyo Kenya Qaramada Midoobay ayaa waxay soo-jeedisay in loo kordhiyo dalalka ku midaysan Heshiiska Badaha qolfoof qaaradeedka oo lagu daro 150 mayl badeed sanadku markuu ahaa 1997. Waxaana loo saaray guddi lagu magacaabo gudiga xadaynta qalfoof qaaradeedka, gudigu wuxuu mudeeyay in dowlad walba ku soo gudbisato codsigeeda bilowga ah ah muddo aan ka danbayn 13 May 2009, waxayna ku shardisay dowladaha aan lahayn heshiis soohdimeed in ay kala saxiixdaan is afgarad in midna mida kale ka hor istaagin in dalabkeeda gudbisato isla markaana Gudigu wuxuu cadeeyay in uusan shaqo ku lahayn xadka labada dal kaliya ay khuseeyso kordhinta Qalfoof Qaaradeedka. Dowladdii ugu horeysay ee soo gudbisa dalabkeeda oo ku lifaaqanyihiin dhamaan xogta la rabay waxay ahay Ruushka 2001 , waxaa ku xigay Norway 2006 dii, 11 Dowladood ayaa iyaguna gudbistay codsiyadooda xiliyo kala duwan balse waqtigii oo sii dhamaanaya waxaa gudbisay 40 dowladood oo Soomaaliya iyo Kenya ka mid yihiin. Si arrinkaa loo gaaro ayaa xilligii Madaxwayne Shariif, Ra’isul Wasaare na ahaa Cumar Sharmarke ayaa waxaa Golaha Wasiiraddu ogolaaday in Heshiiskaas la galo, waxaana loo igmaday Cabdiraxmaan Cabdishakur in uu saxiixo waana la saxiixay 09 April 2009. Sida Qanuunka Aduunku qabo laba dal hadii aysan layahyn heshiis soohdimeed waxaa loo filan karaa in ay ka dhexayso muran soohdimeed, hadii murankaa lagu xalin wadahadal waxaa lagu xalin karaa Maxkamad. Fasiraadda Heshiiska Is Afgaradka Dhinaca Qaanuunka : Maxkamadda Cadaaladda Aduunka waxay qeexday maqaamka heshiiska is afgarad uu ka qabo Qaaanuunka Aduunka, waxayna u aqoonsatay heshiis Caalami ah oo waafqsan Xeerarka Aduunka marka ay ka eegtay dhinacyada galay oo awood u lahaa in ay saxiixi karaan heshiiska, iyo in isla heshiiska uu sheegay in uu dhaqan gali doono marka la saxiixo iyadoon lagu xirin oggolaashu Baarlamaan, waxay kaloo sheegeen in u jeedada laga lahaa heshiiska aysan ahayn xadayn ee ay ahayd kaliya kordhinta Qalfoof Qaaradeedka.waana loo diiwaan galiyaya Soomaaliaya Codsigeedii kordhinta Qalfoof Qaaradeedka iyadoo gacan ka heshay Dowladda Norway oo danaynaysa soo saarista shidaalka. Dhinaca siyaasadda : Sida looga bartay Soomaalidu wax walba way siyaasadeeyaan iyagoo ka leh dano gaar ah, heshiiskaan is afgarad wuxuu kiciyay buuq iyo sawaxan siyaasadeed oo wali taagan oo aan loo baahnayn hadii la fahmi lahaa nuxurka uu ku qotomay, hadaba si loo fahmo waa in la ogaadaa: Koow: arrinka kenya iskeed u jeexatay soohdinta iyada u gooni ah ee 2005 tii iyo arrinka heshiiska is afgard ee 2009 wax xiriir ah oo ka dhexeeya ma jiraan. Tan koowaad waa arrin gardarro iyo damac guracan ah oo kenya galay halka arrinka is afgardku uu ahaa arrin Soomaaliya ay kala sinayd 128 dal in ka badan oo loo kordhinayay Qalfoof Qaaradeedkooda, waxaan maangal ahayn Golo Wasiiro oo ay ku jiraan dad sumcad dheer leh ay wada ogolaadaan in dhulkooda uga tanaasulaan dal kale iyadoo la ogyahay in 4 ka mid ah isla sanadkaas 2009 dhamaadkiisii ku shahiideen qaraxii Hotel Shaamoow. Labo : qodobadda iyo ujeedadda heshiiska is afgarad ma ku qornayn wax sheegaya in xuduud laga wada hadlay ee waxay ahayd soo jeedin ka timid Qaramadda Midoobay sida makamadda ICJ cadaysay iyadoo doodii kenya diiday. Seddex : Maxkamadda Cadaaladda Aduunka waxay qaadaa dacwadaha u dhexeeya Dowlada kaliya mana laga qaadan karo racfaan, waxayna gashaa dacwadaha marka lagu xalin waayo wadahadal, waana sida Soomaaliaya yeeshay markii wada hadalkii laba wareeg lagu xalin waayay arrinka wareeggii sedexaad Muqdisho ka dhici lahaana ay kenya ka baaqsatay iyodoon soo wargalin Soomaaliaya taas oo cadaysay in kenya aysan daacad ka ahayn wada hadalka. Sidee Cumaan u fidisay Qalfoof Qaaradeedkeeda Saldana Cumaan waa Dowladda Carbeed oo bad dheer leh oo u dhaw Soomaaliaya, waxayna ku guulaysatay in si habsami leh u balaariso Qalfoof Qaaradeedkeeda; waxayna heshiisyo soohdimeed la saxiixatay dhamaan dariskeeda, ugu horayn waxay la saxiixatay heshiis soohdimeed Iyraan 1974, sidoo kale Sacuudiga 1990, Yemen 1992, Imaaraadka 1999, Baakistaan 2000 si ay uga baaqsato is qabqabsi. Cumaan waxay u gudbisay gudiga codsiga ballaarinta Qalfoof Qaaradadeedka oo ku dhamaystiranyihiin xogohii loo baahnaa 15 April 2009 si loogu daro 150 mayl badeed dheeri ah waana loo diiwaan galiyay. Maxaa laga fili karaa Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (ICJ) Kenya waxay ku doodaysaa in ay maamushay dhul badeedka sadex xagalka ah markii ay soo saaraty Aaggeeda Dhaqaale Gaarka ah (EEZ) 1979 balse taas waxaa beeninaya isku daygeedii leexinta xariijinta xuduuda badda ee 2005 tii oo cadaysay damaceeda dhul badeedka Soomaaliaya, waxay kale oo ku doodaysaa in xariijinta dhul badeedka feer socoto dhul baraha si aan waafqasanayn Heshiiska Badaha isla markaana Soomaaliya kula heshiisay in wadahadal ay ku dhamaystaan wax kasta oo aysan Maxkamad aadin iyagoo sal uga dhigaya heshiiskii is afgaradka 2009 kii, maxkamaduna awood u lahayn in ay qaado dacwadda Soomaaliya gudbisay. Maxkamadda ICJ ayaa dhamaan diiday doodihii kenya, go’aanna ku gaartay in ay awood u leedahay qaadista dacwadda taas oo guul u ahayd Soomaaliya balse go’aan kii ugu muhiimsanaa wali uu dhimanyahay lan filayo in uu soo baxo sanadkaan dhamaadkiisa ama sanadka soo socda 2020. Go’aamada Maxkamadda ma laha racfaan, khubarada Qaanuunka Aduunka oo ay ku jiraan kooxda gacanta ku haya dacwadda Soomaaliya waxay ku kalsoonyihiin dhamaan xogta la hayo iyo saadaasha ay u muuqato in Soomaaliya ay ku guulaysandoonto dacwadaan . Halka Kenya ay isku dayayso in ay buuq ku furto Maxkamadda ICJ si ay waqtiga u dheerayso una daaliso Soomaalidda oo ay aaminsantahy in xilligaan ay jilicsanyihiin dhinac walba. Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa Dacawadani Soomaaliya ku xoogantahay, haddiise ay dhacdo in maxkamaddu u xukunto kenya qayb ahaan ama kullii dhul badeedka Soomaaliya lagu haysto, waxay sumcad xumi ku noqondoontaa Cadaaladda, hufnaanta Garsoorka Aduunka, waxayna horseedi kartaa dagaal dhex mara labada dal maadaama Soomaaliya aysan ku qanci doonin wax ka yar xaqqeeda. Maxaa la gudboon Soomaaliya Kenya muran kulama jirto Soomaaliya oo qura ee waxay sidoo kale muran soohdimeed kala dhexeeyaa wadama badan oo dariskeeda ah sida Uganda, konfurta Sudan iyo Ethiopia halka iyada iyo Tanzania u dhexeeyo muran ganacsi xuduudada isaga goosha. Hasae ahaatee muranadaas ma saamayn xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dalalkaas, haddaba in kenya ay isku xirto xiriirka labageesoodka ah ee labada dal iyo arrinka badda waxay tusaale u tahay in ay dhayalsanayso milgaha uu u leeyahay xiriirkani. Mar haday sidaa tahay, waxaa Soomaaliya la gudboon in ay ku dhaqaaqdo tallaabooyin wax ku ool ah iyadoo ugu horayn kacdoon iyo wacyigalin dadweyne laga bilaabayo gudaha; halka debaddana la sameeyo abaabul iyo raadinta taageero siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed heer gobol iyo caalami ah; lana kaashaanayo ururada gobolka iyo kuwa caalamka sida ururka Jaamacadda Carabta, IGA, AU, EU, OIC wadamada Ururka Islaamka iyo Qaramadda Midoobay UN ka. Dhanka kale Soomaaliya waxay haysataa Kaarar badan oo ay cadaadis ku saari karto Kenya, haddii ay si wanaagsan u adeegsato. Waxaana ugu horreeya arrinta ganacsiga ka dhaxeeya labada dal, iyadoo la ogyahay in Kenya xiriir ganacsi oo weyn ay la leedahay Soomaaliya. Dadaaladda dhexdhexaadinta Soomaaliya aad ayay isu xakamaysay isuna dajisay qar-iska tuurnimada diblomaasiyeed ee kenya ku dhaqaaqday oo ay ku waxyeelaysay xiriirka laba geesoodka labada dal, in muran dhex maro laba dal oo daris ah waa wax caadi waxaana lagu xaliyaa wada xaajood hadii suuragali waysana Garsoorka Adduunka sidaa awgeed wax macna ma samaynayso marin habaabinta kenya, xeeldheerayaashu waxay ku doodayaan in kenya dareensantahay waji gabaxa uga imaan doona Maxkamadda waxayna ka cabsi qabtaa in shirkadihii ay ku fasaxday dhul badeedka Soomaaliya ay waydiisandoonaan magdhaw wayn halka kuwa kalana ayba qabaan in xiisadani gadaal ka riixayaan dowladdo Soomaaliya xarash u haya. Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa isku dayay in uu isu soo dhaweeyo labada dal, Madexweynaha Soomaaliya wuu aqbalay soo jeedinta Itoobiya balse Kenya wali way ka biya diidsantahay in ay xiriirka ku soo celiso caadigiisii, sidoo kale waxaa la sheegayaa in Madexweynaha Uganda Muusafani uu wada dadaalo dhexdhexaanideed lama oga waxa ka soo bixi doona. Booqashadii uu madexweyne Famaajo ku tagay Nairobi 05 March 2019 oo uu garwadeenka ka ahaa Ra’isul Wasaare Abi Ahmed waxay ahayd tallaabo kenya aysan filayn oo cadaadiskii diblomaasiyadeed ku sii badiyay iydoo quundaraynaysay in Soomaaliya kala soo laabato dacwadda Maxkamadda, dhinaca Soomaaliya gorgortan kama galin dacwadda badda oo lagu kala bixi doono go,aanka Maxkamadda, dadka wax odorosa waxay ka cabsi qabaan in xiisadaan ay wiiqdo iskaashiga dhaqaale ee ka socda gobolka. Guaanad Soomaaliya iyo Kenya waa laba dal oo daris ah lehna dano badan oo ay wadaagaan iyo arrimo ay isku hayaan sida arrinta badda, qaxootiga mana aha arrimo hor istaagi kara xiriirka labada dal, kenya waxay marti galisay qaxootiga Soomaaliya muddo rubuc qarni ah iyo jaaliyad ballaaran oo ganacsi ku haysta. Xilliyadii danbe kenya waxay badashay hab dhaqankeeda oo ay ka muuqato carro iyo ka fiirsi la,aan, iyo goodis in Soomaaliya saari doonto cuna qabatayn taasoo ka dhalatay gaabis ka jira diblomaasiyadda Soomaaliya oo wali ka soo kabsan burburkii qaranka gaaray sanadihii dgaalka sokeeye iyo xagjirnimadda. Xiisadaan waa imtixaan diblomaasiyadeed oo soo food saaray Soomaaliya oo loo baahanyahay in loo diyaar garoobo lana tusiyo kenya in aan loo baahnayn in ka badan inta iyadu u baahantahay Soomaaliya, Soomaaliya waxay awoodaa in ay qaadato siyaasad dheeli tiran oo lagu ilaalinayo gobonimada iyo midnimdda dalka isla markaana la adeegsanayo diblomaasiyad taas oo keeni doonta in kenya ay ogooto in Soomaaliya loo goodin karin xitaa hadii ay ku jiraan waqti adag ayna ka shalayn doonto cawaaqibta ka dhalata xiisadda ay abuurtay.
-
Popular Contributors