-
Content Count
208,108 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Abudabi)Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash ayaa sheegay in dalalka Carabta ay gaareen “go’aan aad u qaldan” markii ay go’aansadeen inaysan xiriir rasmi ah la yeelan Israel. Anwar Gargash ayaa wargeyska Imaaraatka ee The National u sheegay in loo baahan yahay is-beddel ku yimaada xiriirka Carabta iyo Israel, si loogu guuleysto nabad laga dhex-dhaliyo Israel iyo Falastiin. “Sanado badan ka hor, markii Carabta go’aan ku gaareen inaysan xiriir la yeelan Israel, kaasi waxa uu ahaa go’aan aad u qaldan” ayuu Gargash si aan caadi ahayn u yidhi . Hadalkiisa ayaa yimid maalmo un kadib markii Imaaraadka iyo dalalka kale ee Khaliijka ay cambaareeyeen go’aanka madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul Israel. Israel ayaa waxay xiriir rasmi ah la leedahay kaliya laba dal oo carbeed oo kala ah Masar iyo Jordan. Gargash ayaa sheegay in iminka uu rajaynayo in xiriirka Carabta iyo Israel uu si tartiib ah u koro. “Waxaa loo baahan yahay is-beddel istaraatiijiyadeed si aan guul uga gaarno aagga nabadda” ayuu yiri. “Haddii ay xaaladda sidan kusii socoto, 15 sano kadib waxaan wajahaynaa marxalad aan ku qasbanaano inaan aqbalno hal dal oo xuquuqdiisa loo siman yahay” ayuu yiri Gargash. “Xalka laba dal oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Israel suurta-gal ma noqon karo, sababtoo ah dhulkii Falastiiin wuu sii yaraanaa oo waxaa kis kis u qaadaneysa Israel” ayuuu yiri Gargash. Wax auu ku taliyey in Carabta la heshiiso xiriirna la yeelato Israel. Source
-
Ankara (SMN)- Wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 15 ruux ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaa ka badan. Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka dowladda Turkiga ayaa tacsi loogu diray qoysaska iyo saaxiibada dadkoodii ku waayay weerarkaasii,halka kuwa dhaawacmay loo rajeeyay soo kabasho degdeg ah. Saraakiisha amniga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in qaraxiisi loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo buuxiyay uu ka dhacay isgooska dabka iyo hoteelka Wehliye ee magaalada muqdisho. Dowlada Turkiga ayaa shaacisyay in ay xoojineyso taageerada dhinaca amniga ee uu siiyo dowladda fedaraalka Soomaaliya si ay xasilooni ugu soo dabaasho guud ahaan dalka gaar ahaan magaaalda Muqdisho. Xarakada Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda qaraxaasi, iyada oo sheegtay in ay ku dishay qarixii shalay in ka badan 10 qof oo u badan mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa mar kale weerar ku qaaday madaxda ugu sarreysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilli ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu sii xumaanayo. Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa magaalada qaraxyada ay uga dhacayeen si maalinle ah, ayada oo mararka qaar ay dhowr qarax dhacayeen hal maalin. Mahad Salaad, oo soo qaatay xadiis laga weriyey suubanaha nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, ayaa sheegay in madaxda hadda jirta ay lumiyeen amaanadii loo dhiibtay, taasi ay astaan u tahay in qiyaamaha uu dhow yahay, sida xadiisku sheegay. Mahad Salaad ayaa yiri “Rasuulkeena NNKH markii uu ka hadlayay astaamaha lagu garto saacadda qiyaame wuxuu yiri: Hadii amaanadu lunto suga maalinta qiyaame. Waxaa la waydiiyay RASUULKII ALLOW sidee ayay u lumaysaa: Wuxuu yiri markii qofka loo dhiibo mas’uuliyad uusan aqoonteeda lahayn suga maalinta qiyaame!” “Haddaba, waxaa iswaydiin mudan dadka noo haya mas’uuliyada amniga ma yihiin kuwii ku haboonaa marxalada maanta aan kujirno?!” ayuu yiri Mahad Salaad. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah xidlhibaanada sida ugu darran u mucaarado xukuumadda talada haysa, inta badanna ka fal-celiya dhacdooyinka ka dhaca dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (SMN)- Madaxweynaha maamulka Putland Saciid Cabdullaahi Dani oo booshaqo ku bixinaya deegaano iyo degmooyin katirsan putland gaar ahaan gobolka bari oo ay ka mid tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi,ayaa intii uu ku sugnaa deegaanka waxaa uu boqolaal shacab ah kula kulmay degaanka Waaciye. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani ayaa sheegay in maamulkiisu uu Mudnaanta siin doonom arimo ay ka mid tahay amniga deegaanadaasi,dhaqaalaha iyo qorshaha tayeenta ciidamada maamulka Putland,waxaana uu uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen bulshada deeganadaasi. Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee tan iyo markii la doortay uu ku tego gobollada Bari ayaa madaxweynuhu ugu kuur galay xaaladda amni iyo tan nololeed ee ka jirta gobolladaasi. View the full article
-
Nairobi (SMN)- Hay’adda qaxootiga qaramada midoobay u qaabilsan ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku dhaliishay qorshaha dowladda Kenya ay ku dooneyso in ay ku xirto xerada ugu balaaran qaxootiga aduunka ee Dhadhaab. Hay’adda ayaa warbixinteeda ku xustay in hadii xukuumadda Nairobi ay malaayiin qaxooti Soomali ah dib ugu soo celiso gudaha Soomaaliya ay balaarin doonto xaaladaha bin aadanimo ee xiligan ka jira qeybo kamid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaliya. Madaxa hay’adda UNHCR ee bariga Africa Dana Hughes ayaa sheegay in laanta qaramada u qaabilsan qaxootiga ay in badan ka war heyso qorshaha ay dowladda Kenya ku dooneyso in ay ku xirto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab,oo ay deegaansadaan in ka badan 230 kun oo u badan qaxooti Soomali ah. Sidoo kale Mr Hughes ayaa tilmaamay in ay dowladda kala shaqeyn doonaan sidii xal loogu heli lahaa malaayiin qaxooti ah oo magan galyo ay siisay ku dhawaad 30 ka hor,isla markaana ay dedaal badan ku bixin doonaan sidii dib u dajin rasmi ah loogu sameyn lahaa qaxootigaasi. Warbixinta UNHCR ayaa sidoo kale looga mahad celiyay dowladda Kenya magan galyada ay siisay Malaayiin qaxooti ajinabi ah iyo sida ay u soo dhaweeyeen tobanaan sano ka hor qaxootigii Soomaliyeed ee ka soo cararay colaadihii sokeeye ee ka jiray dalka. Maalin ka hor ayey markii hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ay si isku mid ah uga hor yimaadeen qorshe xukuumadda Nairobi ay ku dooneyso in ay albaabada isugu dhufato xerada qaxootiga ugu balaaran aduunka. Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku nool Malaayiin qaxooti ah oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Sudan,kuwaas oo dalalkooda uga soo cararay abaaro iyo colaado sokeeye oo ku dhuftay deeganada ay ku noolaayeen. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socota diiwaangelinta ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya, taasi oo ay wadaan Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Maamulka iyo Shaqaalaha wasaarada maaliyadu ay weli sii wadeen Diiwaan-gelinta Ciidamada booliska Soomaaliya. Wasiir Bayle ayaa soo dhigey bartiisa Twitter-ka qoraal uu kaga hadlayo arrintan, wuxuuna ku yiri: “Maanta maamulka iyo shaqaalaha Wasaarada Maaliyada Soomaaliya waxay sii wadeen diiwaangelinta xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Muqdisho. Dib-u-habeynta waaxda amniga ayaa ah muhiimada ugu weyn ee lagu gaari karo hadafkeena Qaran iyo mustaqbalkeena si aan adeegno dalkeena”. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Wasiirka in mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ay sii wadi doonaan diiwaangelinta xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay inay ka go’an tahay diiwaangelinta ciidamada kala duwan ee dowladda si loo helo tirada saxda ah ee ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay xaaladaha amaanka ee magaalada Muqdisho iyo dadka ka dambeeya qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Yuuruf Garaad Cumar qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay xaaladaha amaan ee magaalada Muqdisho, waxaana uu ku yiri qoraalkiisa:- Qaraxii iigu horreeyay oo ka dhacay meel aan joogo waxay ahayd 2013. Weerarkaas waxaa soo qaaday saddex wiil oo labana ay is qarxisay midna lagala hormaray oo la dilay isaga oo gashan jaakad qarax ku rakiban yahay. Isla markiiba waxaa tuhun la geliyay cidda ka dambeysa weerarka. Xataa shisheeya ayaa ka qeyb qaatay far ku fiiqidda jiho aan ahayn Shabaab. Ilaa markaas waxaan arkayay marka uu qarax dhaco dadka qaar keena tuhun ah in weerarku Shabaab ahayn ee ay ka dambeeyaan dhinacyo kale. Ma ogi xaqiiqadeeda. Mid ayaanse ogahay. Shabaab keliyihi Muqdisho dadka kuma dilo. Baaritaan cilmi ku saleysan ayaa loo baahan yahay in weerar kasta lagu sameeyo waxna laga barto. Xuuraansi ka sokow, Maaddooyinka laga sameeyay qaraxa iyo tabta loo sameeyay waxay wax ka sheegaan cidda sameysay. Xataa waxaa laga ogaan karaa qofka qaraxa sameeyay cidda tababbartay. Goobta la beegsaday, goorta iyo xeesha weerarka iyagana khubaro akhrin taqaan ayaa jirta. Diiwaanka warbixinnada weerarrada Shabaab haddii uu jirana wax baa lagala dhex bixi karaa. Baaritaan iyo dabaggal noocaas ah ama ka sarreeya maaddaama aanan arag cid natiijadiisa ila wadaagta, anigu waxaan weerarrada u sameystay miisaan fudud. Waxaan hubiyaa in weerarka uu fuliyay ama uu qeyb ka yahay qof is qarxiyay. Haddii ay jawaabtu haa tahay, Shabaab oo keliya ayaa haysta dad isu qarxiya, adeegsadana. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Siciid Deni oo ku sugan Waaciye Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo saaka ka socdaalay magaalada Qardho ayaa goor dhoweyd gaaray degmada Waaciye ee gobolka Karkaar. Madaxweynaha oo ku sii jeeda magaalada Boosaaso ayaa kormeer kooban ku maray qeybo kamid ah degmada Waaciye iyo isbitaalka weyn ee degmadaasi waxaana uu la kulmay bulshada halkaasi ku dhaqan. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku sii hakan doona degmada Carmo ee gobolka Bari iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolkaasi ka hor inta uusan tegin magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee tan iyo markii la doortay uu ku tego gobollada Bari iyo Karkaar ayaa madaxweynuhu ugu kuur-gelayaa xaaladda amni iyo tan nololeed ee ka jirta gobolladaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo gaaray degmada Waaciye appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku xigeenka cusub ee howl galka UNSOM ee Soomaaliya u magacaabay George Conway oo u dhashay dalka Canada. Mr Conway oo sidoo kale noqonaya xiriiriyaha arimaha gargaarka bani’aadinimo ee Soomaaliya ayaa badalaya Peter de Clecq oo dhawaan jagadaasi ka tagay. Mas’uulka cusub ayaa waxa uu horey ugu tirsanaa barnaamijka horumarinta mashaariicda Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ee loosoo gaabiyo UNDP. Mr Guterres ayaa mas’uulka Conway u sheegay in ay hortaalo shaqo adag loogana baahan yahay inuu sameeyo dadaalo dheeraad ah si uu uga soo baxo waajibaadkiisa. Magacaabiista Mr Conway ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan golaha ammaanka ee UN-ka uu mudo kordhin hal sano u sameeyay xafiiska arrimaha siyaasada UNSOM. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka wuxuu ku muujiyay xiriirka ka dhaxeyn kara qaraxyada kusoo batay magaalada Muqdisho iyo shirkii sahminta shidaalka ee London. Siyaasiga ayaa sheegay in soo bandhigida kheyraadka shidaalka dalka uu abuuray qataro badan oo dhanka amaanka ah, isaga oo sheegay inuu hurdada ka kiciyay unugyo “Dad” hurdayay, sida uu hadalka u dhigay. Cali Xaaji, ayaa sheegay in awoodo badan ay bilaabeen inay ku baratamaan dalka, taasi oo qatar ku ah Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u sababeeyay kadib shirkii shidaalka ee London. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowlad aan ka adkaan karin amaanka caasimada inay ku adag tahay inay ka faa’ideysato kheyraadka ku jiro dalkeeda, taasina ay keeni doonto khataro kale oo amaan. “In aanay suura gal ahayn Dowlad aan amniga caasimadda iyo xuduudeeda ka adkeen karin inay ku dhiirato ka faa’idaysigo kheyraadkeeda, taasi oo dalka u keeni karta khataro badan”ayuu yiri Cali Xaaji Warsame. Walow uusan si toos ah u cadeyn xiriirka ka dhaxeynta labada dhacdo, ayuu hadana sheegay inay toosisay dad badan oo doonaya inay iyaga hantaan kheyraadka dalka, taasi oo keentay inay awood ahaan ku dagaalamaan Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Boosaaso (SMN) – Shir looga hadlayo amniga magaaaladda Boosaaso oo ay ka qayb galeen dhinacyo kala duwan ayaa ka dhacday halkaasi. Wasiirka amniga dowlad goboleedka Puntland, C/Samad Gallan oo shirka ka hadlay ayaa sheegaya in ay sugayaan amaanka xarunta gobolka Bari. Mr Gallan ayaa ku nuux-nuux saday in Puntland ay dhaqaalaha ugu badan ku bixineysa amaanka Boosaaso oo maalmihii u dambeeyay liitay. Wasiirka ayaa cod dheer kaga dalbaday shacabka in ay la shaqeeyaan hay’addaha amaanka si loo xasiliyo magaaladda. Magaaladda dekada leh ee Boosaaso ayaa waxaa dhowaanahaan ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayo mas’uuliyiinta iyo wax-garadka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Qoys Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya boob lagu hayo dhul ay ku leeyihiin inta u dhaxeysa Haanta Dheer iyo Zaban-zaban ee degmada Dayniile, caasimada dalka ee Muqdisho. Reerkaan oo sheegay in dhulka ay dhaxal ahaan uga tageen waalidkooda ayaa tibaaxaya in dhulkooda ay dhacayaan shaqsiyaad adeegsanaya shaarka dowlada, kuwaasi oo ay codsadeen in laga qabto. Madaxda ugu sareysa dalka, gaar ahaan Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ayay cod dheer kaga dalbadeen in ay soo farageliyaan kiiskooda, isla markaana ka cadaaladda garab siiyaan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Dhulka-ee-Wariye-Soofeysane-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay magacyada xubno ay sheegeen inay ku dileen kuna dhaawaceen weerarkii qaraxa ahaa ee shalay ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama. Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad ku taala agagaarka Hotel Wehliye, waxaana Al Shabaab ay shaaciyeen magacyada 13 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ay sheegeen inay kasoo gaartay qaraxii shalay. Xubnaha ay magacyadooda ay soo bandhigeen ayaa lagu sheegay inay ahaayeen xildhibaano hore, masuuliyiin ka tirsan wasaarado, saraakiil ciidan iyo kuwo ka tirsan maamulka Hirshabeelle. Waxaana ay ku sheegeen magacyada shaqsiyaadka ku dhintay kuna dhaawacmay qaraxii shalay:- C/qaadir Xasan Cabdi oo la sheegay inuu kamid ahaa baarlamaankii dowladii Sheikh Shariif iyo ruux magaciisa lagu koobay Cali Cadde oo la sheegay inuu ahaa agaasime wasaaradeed ayaa ku dhintay weerarka. Maxamed Ibraahim Sanbuur oo ka tirsan wasiirada Hirshabeelle, Sheikh Yuusuf Cali Ceynte oo ahaa xildhibaan hore, Maxamed Deeq oo la sheegay inuu ahaa agaasime waaxeed ka tirsan wasaaradda Kaluumeysiga, ruux magaciisa lagu koobay Guuleed oo ka tirsanaa ciidamada Booliska, ruux ka tirsan Xafiiska R/wasaare Kheyre oo magaciisa lagu sheegay Gaadaco ayay Al Shabaab sheegeen inay ku dhaawacmeen qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho. Shaqsiyaad ka tirsan maxkamadda gobolka Banaadir, wasaarada Dastuurka, maxkamadda Meletariga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada, ayay shaaciyeen Al Shabaab inay ku dileen kuna dhaawaceen qaraxii ka dhacay maqaayadda u dhow isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in qaraxii shalay ay dad shacab ah waxyeelo kala duwan kasoo gaartay, iyadoo Al Shabaab ay soo bandhigeen magacyada shaqsiyaadka ay sheegeen inay ku dileen kuna dhaawaceen qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa kadib Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda ayaa sheegay inay la eegteen qaraxa goob uu ka jiray isku imaatin, islamarkaana ay goobta ku sugnaayeen masuuliyiin kala duwan oo bartilmaameydka uu ahaa. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa kordhay weerarada Al Shabaab ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho. Sawirada Hoose waxaa soo bandhigay Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magacyada xubno ay sheegtay in ay ku dishay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho. Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhimatay dhacdadaasi oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 20. Hoos ka akhriso magacyada xubnaha ay Shabaab tilmaamtay in ay ku dishay weerarkaasi iyo xilalka ay sheegtay in ay hayeen. C/Qaadir Xasan Cabdi oo ahaa xildhibaan katirsanaa dowladdii Shariif Sheekh Axmad. Cali Cadde oo ahaa agaasime wazaaradeed. C/Risaaq Gaadaco oo kamid ahaa shaqaalaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha. C/Fataax oo ahaa xubin katirsan wasaaradda Dastuurka ee dowladda federaalka. Maxamed Nageeye oo ahaa sarkaal katirsan maamulka gobolka Banaadir. Cawil oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda Waxbarashada Ibraahim C/Raxmaan oo kamid ahaa wasaaradda Dastuurka. Xubnaha ay Al-Shabaab sheegtay in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi ayaa waxay ku kala sheegtay magacyadooda. Maxamed Ibraahim Sanbuur oo ah wasiirka xanaanada xoolaha ee maamulka HirShabeelle. Yuusuf Cali Ceynte oo isaguna ah Xillibaan hore. Maxamed Deeq oo ah agaasime wasaaradeed katirsan wasaaradda Kalluumeysiga. Guulleed oo kamid ahaa saraakiisha Police-ka. View the full article
-
Nairobi (SMN) – Nin Soomaali-Ameericaan ah ayaa loogu maxkamadeynayaan dalka Kenya isku day dil oo uu sameeyay, sidda la sheegay. Jamaal Maxamed ayaa lagu eedeeyay in uu dil ugu goodiyay shaqsi kale oo Soomaali ah markii ay ku murmeen arrimo maaliyadeed. Maxkamada magaaladda Makadaara ayaa lagu wadaa in uu kasoo muuqdo Jamaal si loogu qaado dacwadda lagu soo eedeeyay. Laamaha amaanka ayaa shaaciyay in Jamaal u sheegay in uusan ujeedkiisu ahayn dil, inkasta oo ay sheegeen in ay baaritaanka sii wadayaan. Labada nin ee Soomaaliga ah oo horey xiriir fiican u lahaa ayaa murankooda waxa uu ka dhacay xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii. View the full article
-
(1) – August 25,2017: Ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ayaa 10 qof oo rayid ah ku dilay beer ku taallo deegaanka Bariire, Shabeellada hoose. Dunida kale waa la isku casilaa arrintan oo kale, laakin isaga looma qaban, shaqadiisa ayuu caadi u watey! (2) – August 27, 2017: Muwaadin Cabdikarim Qalbi-dhagax oo 23-kii bishaasi laga soo qabtay gobollada dhexe ayaa loo dhiibay Cadawga Itoobiya, Kheyre waxuu ONLF ku daray liiska argigisada. Ilaa hadda waa ku indho adag yahay! (3) – September 26, 2017-maanta aan joogno, waxaa ka socda Galmudug fowdadii uu ka abuuray Kheyre, kama xishoon xataa dadkii iyo dhulkii uu u dhashay! (4) – October 14, 2017: Waxaa Zoobe ka dhacay qarax weyn oo ay ku dhinteen in ka badan 700 oo qof, kuna dhaawacmeen kun ka badan, hanti badan ayaa sidoo kale ku baa’ba’day, waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaco qaaradda Afrika. Isma casilin ee shaqada ayuu iska watey! (5) – December 17, 2017: Waxaa goor habeen ah gurigiisa lagu weeraray siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, 5 ilaaladiisa ka tirsan ayaa goobta lagu dilay, isagana waana la xiray. Looma raacan isna howshiisa ayuu sii watey! (6) – Howl-gab Ka Dhigista Baarlamaanka: April 9, 2018, maalintaas waxaa is-casilay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaase ka horeeyey Kheyre oo musuqay golaha, isaga oo maalintaas kadib baarlamaanka ka dhigay mid aan jirin. Kheyre isaga ayaa isku ah fulin, sharci-dejin iyo garsoor. Waa Caadi oo shaqadiisa ayuu wataa! (7) – Xukuumadiisa Xiriirka ayaa loo jaray: September 8, 2018, Shir ka dhacay Kismaayo, golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah, waxaa Kheyre dartiis u taagan dhammaan howlihii qaranka, waa caadi oo shaqadiisa waa iska wataa. (8) – Ceyrintii Madaxweynaha Koonfur Galbeed: Kheyre waxaa uu qasay Koonfur galbeed waxaa uu madaxweynaheedii Shariif ku qasbay inuu is casilo November 7, 2018, isaga oo markii dambe gar-darro ku xiray Roobow December 13, 2018, kadibna keensaday Lafta-gareen. (9) – Bixin la’aanta mushaaraadka: Kheyre waxaa uu ka been sheegay mushaar bixinta ciidanka xoogga dalka, laakin Farmaajo ayaa qirtay in 3 bil aaney bixin, weli shaqadiisa ayuu wataa. (10) – Qaraxyad dhacaya, oo si maalinle ah uga socda caasimadda Muqdisho, dunida damiirka leh qofka ra’isul wasaaraha ah isaga ayaa mas’uuliyadda qaata, haddii aanu isaga is casilin, waxaa uu ceyriyaa wasiirka arrinta khuseysa, laakin Soomaaliya kama dhacdo, Kheyre iyo wasiirkiisa waxa ay tirsadaan inta dhimatay, waxaa ay qeyb ka tahay waxqabadka wasaaradda amniga! Aniga Weli Ma Hadlin!! W/Q: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Abuukaate Maxamuud oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa si adag kaga hadlay amni darada magaalada Muqdisho iyo sida ay ku suuro gasho in qaraxyada kasoo gudbaan meelaha qaar oo ciidamada dowaldda ay joogaan. Xildhibaanka ayaa sheegay in meelaha gaadiidka lagu baaro ee ku yaala magaalada Muqdisho ay adag tahay in gaadiidka qaar oo masuuliyiin ay la socdaan inay ku adag tahay inay ka gudbaan, haddana qaraxyadii wali ay dhacayaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in Xaafado horleh jidcadayaasha laga xiray, walina xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ay u muuqato mid faraha kasii baxaysa, isaga oo sheegay inay muuqato in amaanka caasimada lagu fashilmay. “Baraha ciidamada joogaan dadkeena masuuliyiinta ayay ku adag tahay meelaha qaarkood inay ka gudbaan, hadana waxaa dhaceyso in gaariga qaraxa wada uu soo gudbaa, wuuna dhacaa, hadana dadka waxaa loo sheegaa wax iska qiyaali ah”ayuu yiri xildhibaan Abuukaate. Wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay in isbadal dhanka amaanka lala yimaadi, isaga oo sheegay in isla xisaabtan la’aanta qaraxyada iyo dilalka dhacaya ay u muuqato xukuumadda inay raali ka tahay waxa dhacaya, sida uu hadalka u yiri. “Aniga koleey fikrad ahaan waxaan qabaa in istiraatiijiyadda amniga la badalo, ciidan xasilin ah ayaa horey loo keenay, malaayiin doolar ayaa lagu cunay, dad ayaa lagu dilay, qoryo ayaa lagu qaatay, haddana hal maalin ayaa lagu kala diray”. “Aniga waxaan qabaa in dadka amniga ka shaqeyn jiray la keeno oo dadkii hore loo dhiibo, magaaladaan maxaakiimtii iyadoo aysan dhaqaalo heysan ayay amaan ka dhigeen, waxaase kasii daran Aamuusnaanto lafteeda raali ahaanshaha ayay kamid tahay, haddii qaraxyada dhacaya la iskula xisaabtameyn, dad loo ciqaabeynin, dad xilalka looga qaadeynin, marka waxaan qabaa in raali ay ka yihiin waxa dhacaya, waa in hanaan cusub loola yimaado”ayuu hadalkiisa raaciyay xildhibaan Abuukaate. Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya iyadoo todobaadkaan oo kaliya ugu yaraan 7 qarax ay ka dhacday magaalada Muqdisho kuwaasi oo sababay dhimashada dad badan oo shacab ah iyo shaqaale dowladeed ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay baaqatay xaflad casho sharaf oo Muqdisho loogu samayn lahaa madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiska Axmed Madoobe. Sida aan xogta ku helnay, cashadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobalka Banaadir waxaana ka qayb geli lahaa Xildhibaano, Senatoro, wasiiro iyo marti sharaf kale. Xafladda ayaa loo baajiyey sababo la xiriira qaraxii shalay ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof, halka 16 kalena ay ku dhaawacmeen. Axmed Madoobe iyo xubno kale ayaa soo jeediyay in la baajiyo maadaama aan la damaashaadi karin iyadoo uu mayd yaalo magaalada, sida aan xogta ku helnay. Axmed Madoobe ayaa Muqdisho ku sugnaa maalmihii dhowaa, waxaana weli uusan la kulmin madaxda dowladda oo uu Muqdisho u yimid inuu kala hadlo is-faham dhex-maray maamulkiisa iyo dowladda dhexe. Tan iyo markii uu magaalada yimid, waxaa sii xoogeystay weerarada iyo qaraxyada magaalada, ayada oo madaxda dowladda ee galeen jahwareer amni iyo mid siyaasadeed, taasi oo baajisay kulamo dhowr ah oo la qorsheeyey. Axmed Madoobe ayaa qorshuhu yahay inuu Kismaayo ku laabto maalinta sabatida, hase yeeshee waxay u badan tahay inuu magaalada sii joogo waqti dheeraad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dayac amni uu ka jiro Magaalada Muqdisho, islamarkaana maalinwalba la gumaado Shacabka Soomaaliyeed. “Qalbi-jab iyo tiraanyo kaloo hor leh oo wiliba aad isugu xig-xiga. Waxaan dhibka la qeybsanayaa dhamaan intii wax yeeladu kasoo gaartay qaraxii maanta ee Muqdisho ka dhacay. Intii ku dhimatay naxariistii janno Allaha siiyo, dhaawacana Allaha u dhib yareeyo” ayuu yiri Taabid Cabdi. “Ma garan karo wax kale oo aan ku tilmaamo gumaadka iyo dayaca amni ee isu biirsaday shacabka Soomaaliyeed balse waxaan leeyahay Alle wuu idin wada arkaa, ee weli waxaad heystaan waqti aad isku saxdaan, Ilaahayna aad ugu soo laabataan. Ogaada cuqubada muwaadinka miskiinka ah ee aan talo iyo tabar heynin wey soo baxeysaa maalin uun, Ilaaheyna ma il-duufo oo wuu idin wada arkaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Hadalka Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa yimid xilli Magaalada Muqdisho ay maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen Qaraxyo joogto ah oo ay ku dhinteen dad badan oo Shacab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash ayaa sheegay in dalalka Carabta ay gaareen “go’aan aad u qaldan” markii ay go’aansadeen inaysan xiriir rasmi ah la yeelan Israel. Anwar Gargash ayaa wargeyska Imaaraatka ee The National u sheegay in loo baahan yahay is-beddel ku yimaada xiriirka Carabta iyo Israel, si loogu guuleysto nabad laga dhex-dhaliyo Israel iyo Falastiin. “Sanado badan ka hor, markii Carabta go’aan ku gaareen inaysan xiriir la yeelan Israel, kaasi waxa uu ahaa go’aan aad u qaldan” ayuu Gargash si aan caadi ahayn u yiri. Hadalkiisa ayaa yimid maalmo un kadib markii Imaaraadka iyo dalalka kale ee Khaliijka ay cambaareeyeen go’aanka madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul Israel. Israel ayaa waxay xiriir rasmi ah la leedahay kaliya laba dal oo carbeed oo kala ah Masar iyo Jordan. Gargash ayaa sheegay in iminka uu rajaynayo in xiriirka Carabta iyo Israel uu si tartiib ah u koro. “Waxaa loo baahan yahay is-beddel istaraatiijiyadeed si aan guul uga gaarno aagga nabadda” ayuu yiri. “Haddii ay xaaladda sidan kusii socoto, 15 sano kadib waxaan wajahaynaa marxalad aan ku qasbanaano inaan aqbalno hal dal oo xuquuqdiisa loo siman yahay” ayuu yiri Gargash. “Xalka laba dal oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Israel suurta-gal ma noqon karo, sababtoo ah dhulkii Falastiiin wuu sii yaraanaa oo waxaa kis kis u qaadaneysa Israel” ayuuu yiri Gargash. Wax auu ku taliyey in Carabta la heshiiso xiriirna la yeelato Israel. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
By 2050, 68% of the global population will live in cities. Most of this urban population growth is taking place in Africa and Asia, creating huge demand for new infrastructure and services. Among other infrastructure needs, there is an urgent need to build street lighting throughout urban sub-Saharan Africa. Street-lighting makes streets safer and more secure. 60% of urban residents in developing countries have been victim to a crime, with dark streets helping to exacerbate violence, particularly against women. Street lighting also allows vendors and traders to operate for longer hours, leading to higher incomes. New research finds that solar street-lighting in African cities could be cheaper than conventional street lights, as well as more sustainable. Solar street lights are not only cheaper to install, but then cheaper to operate since they generate their own power instead of drawing from the grid. In Kampala, the city government has installed over 1800 solar street lights. This has slashed the city government’s electricity bills and supported wider economic growth by increasing trading hours for small businesses. The research finds that, if replicated nationwide, the Ugandan government could halve upfront costs by, electricity costs by 40% and maintenance costs by 60%. Scaling up initiatives like this across sub-Saharan Africa would replace consumption of grid-based electricity with between 96 and 160GW of distributed solar power, doubling renewable energy generation in the region. But it is not only city governments leading the way. In Jinja, a partnership between the Government of Uganda, local authorities and community organisations led to the installation of solar street lights in an informal settlement. These lights are creating safer streets in parts of the city that have long struggled with poverty and violence. This research shows how national governments can support the installation and maintenance of solar street lights in towns and cities across their country. Street-lighting helps to create safer, more productive cities. Choosing solar rather than conventional street lights allows governments to provide this essential infrastructure much more cheaply, which means they can serve a much larger area. And of course, a solar system keeps greenhouse gas emissions lower than grid-powered options: an economic, social and environmental win. The research was conducted by the University of Leeds, UK, for the Coalition for Urban Transitions – a global initiative supporting national governments to transform cities. Qaran News
-
Wakhtiyadan dambe waxaa uu adduunku isu beddelay mid ay xoogaystaan is-baahaysiga siyaasaddeed iyo midka dhaqaale, waxa intaas sii dheer in qaar ka mid ah is baahaysiyadu ay noqdeen kuwo qarsoodi ah sababo la xadhiidha tix-gelinta cilaaqaadka waddamo soo jiray, oo waddamada qaarkood oo saaxiibbo ah ayaa u kala dhuunta waddamo si uusan saxiibkiis uuga xumaan xidhiidhka uu la sameeyay waddan aysan hore uula ahayn hishiis labadooduba. Dabo-marka xulafaysiga siyaasaddeed waa kuwo aay inta badan caan ku noqdeen waddamada carbeed oo siday u kala dhuumanayeen uugu dambayn heer gaadhay in ay hal miis isugu tagaan dhowar waddan oo carbeed oo midkoodba midka kale ka dhuumanaayay. Hayaanka siyaasaddeed ee loo kala dhuumanaayo ayaa ku wajahan waddanka “Israel” oo ay muddo ka hor carabtu isku Af-garteen in aan wax xidhiidh ah waddankaas lala samayn, ka dib guhaadintii ummadda reer “Falastiin” ee ay israel kula kacday. Waxaa cad oo aan shaki ku jirin in waddamada carabta kuwooda uugu tunka-weyni daaha dabatiisa ay Israel kala xaajoodaan arrimohooda amni iyo dhaqaale, kuwaas oo Afka ciidda u soo marsada waddamadii yaryaraa ee ay ku midaysnaayeen magaca “Midowga Carabta” oo ay isaga dhigaan kuwo aan aduunkaba ku lahayn cadow aan ahayn Israel. Siyaasaddan been-guurista ah ayaa lugu sifayn karaa in ay waddamadaasi dusha saarteen taaj aan ceeb lahayn, oo isku sifiyeeyay kuwo markasta addeecsan dawladda Israel, Dhagar-qabayaalna ay ka dhigeen waddamada yar yar ee ay hoggaanka u hayaan. Bilowgii sannadkan 2019 bishii January, ayay ahayd markii madaxda sadexda waddan ee Sucuudi, Immaarad iyo masar ay kulan qarsoodi ah la yeesheen madaxa hay’adda sirdoonka mossad ee Israel ninka lugu magacaabo “ yossi cohan” kulankan oo ahaa mid laba mar ka kala dhacay magalada Riyaad iyo Dubay ayaa la sheegay in ay kaga xaajoodeen sidii ay u wajihilahayeen waddanka turkiga iyo weliba Arrimo kale oo aan la shaacin, waa sida uu qoray wargeeyska “ the Middle East Eye” Waxa kale oo jira xidhiidho aan qarsoonnayn oo ay waddamada carabta kuwooda uugu tunka-weyni kaga helaan tageero waddanka Israel dhinaca amniga, go’aaminta talooyinka dhaqaalaha iyo midda siyasaddeedba. Waana sababta ay inta badan ay waddamadaasi la taliyaayaal sarsare uuga dhigtaan khubaro ka soo jeeda Israel, kuwaas oo inta badan ah kuwo la qariyo, qarkoodna laga dhigo kuwo aan shaqo ku lahayn. Dhowaan ayay ahayd markii ninka Yuuhuudiga ah ee la taliyaha dhinaca siyaasadda u ah boqorka baxrayn uu daaha ka qaaday in ay jiraan isu dhowaansho weeyn oo ka dhexaysa waddamada carabta qaarkood, isaga oo farta ku fiiqay waddanka Sucuudiga. Ninkan oo lugu magcaabo “meccharran” la taliyena u ah boqorka baxrayn waxa uu sheegay in waddamadaasi ay danaynayaan is kaashi dhex marara iyaga iyo Israel kaas oo ku qotoma dhinacyada dhaqaalaha iyo weliba amniga. Bishii December 2017 ayay ahayd markii uu Ra’isal wasaraha Israel ee Netenyahu uu damcay in uu kulan la yeesho madaxwaynaha Soomaaliya Farmaajo oo markaas ku sugnaa magaalada Nairobi, Kenya oo markaa uu shir uuga socday madaxda waddamada Afrika, balse uugu dambayn uu madaxweyne farmaajo diiday kulankaas. Haddaba iyada oo ay jiraan intaas oo wada shaqayn oo daaha dabadiisa ah, soomaliyana ay ka mid tahay waddamada sida cad uuga soo hor-jeeda jiritaanka iyo xidhiidhka Israel waxaan u arkaa in ay tahay midda keliya ee maanta u baahan in dib looga laabto, lana eego xidhiidh la samaysashada Israel dhinacyada amniga iyo weliba dhaqaalaha. Markaad eegto dhinaca war-doonka iyo weliba qaybaha kale ee awooddaha ciidamada, waxa ay israel ka mid tahay waddamada uugu horreeya wakhtigan, waana sababta keentay in ay carrabi u kala dhuumato. Israel ayaa iyada naftigeedu u aragta xidhiidhka soomaliya in uu u noqonkaro guul weeyn oo ay gaadhto, taas oo ka dhiganaysa natiijadii uugu dambaysay ee ay ka gaadhto Geeska Africa, waana fursad ay gaadhtay oo u noqnaysa mid ay kula tartanto quwadaha ku hirdaamaaya geeskan Africa. Dhanka kale Soomaaliya oo la taabalaysan dagaallo ma hadhto ah uuna baahan gacan ka run sheegta nabad soo dabbaalidda soomaliya, waxaan dhihikarnaa Israel oo lala sameeya is kaashi dhinaca sirdoonka iyo ciidanka ah waa midda keliya oo xaqiijinkarta in meesha laga saaro sheekeeda ay wadaan waddamo badan oo ah “qawda maqashii waxna ha u qaban” Aniga oo og in soomalida inteeda badan ay u arkaan wax aan caqliga gelin ama ah mucjiso aan la arag in xidhiidh lala sameeyo Israel, haddana waa mid aad u fudud weliba ayna Israel naftigeedu muddo gambadh gaaban uugu fadhiday siday xidhiidh uula yeelanlahayd Soomaaliya. Haddii aynu taakulo uuga helno dhinacayada tababarrada noocyada ciidamada kala duwan iyo qalabayntooda oo ay ku lammaantahay ka qayb-qaadashada soo Af-jarista Al-Shabaab waa mid inoo ah guul aan la dhayalsankarin. Waxa aynu joognaa wakhtigii aynu eegan lahayn danteenna soomaliyeednimo innaga oo aan marnaba cid u sacabtumayn, waxana la jooga wakhtigii ay danta soomaliya noqonlahayd in la eego meesha ay dani uugu jirto uun. Waa muhiim in xidhiidh lala sameeyo cidkasta oo aynu ka aragno danteenna. W/Q: Cumar Rodol. Cumarrodol@gmail.com Hyderabad, India
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online helayso ayaa sheegaya in Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay Xabsiga kasii daysey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland Xasan Maxamuud Muxumed, oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa ka dib markii lagu eedayey inuu lunsaday lacag dhan 450,000 oo dollar, kaasi oo damaanad lagu sii daayey. Xubno katirsan wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweyne Muuse Biixi amar ku bixiyay ina laga wareejiyo Xasan Maxamuud agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaarada Warfaafinta. Xasan Maxamuud ayaa sidoo kale waxa sanadkii 2012 lagu xidhay eedo musuq-maasuq, isagoo hanti-dhawrka guud uu ku helay inuu is daba mariyey vouchero lacag oo malaayiin dollar kula baxay, isagoo berrigaasna damaanad lagu sii daayey, isagoo si qarsoodi ahna uga baxsaday magaalada Hargeysa oo tagey dalka Itoobiya kadibna halkaas uga sii dhoofay dalka İngiriiska oo ay wakhtigaas ku sugneed Haweenayda uu qabo. Agaasimaha maamulka iyo lacagta Xasan Maxamuud ayaa u muuqda masuul caadeystay wax is-daba marinta, kaasi oo markii labaad lagu xidhay arrimo musuq-maasuq, iyada oo Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Somaliland ay ubixiyeen Xasan ‘Mashiinkii musuq-maasuqa’. Dadka siyaasada dhaqaalaha falan-qeeya ayaa tilmaamaya iney dhiig bax ku tahay Somaliland in lagu soo celiyo agaasimihii maamulka iyo lacagta Xasan Maxamuud oo ay dul hooganeyso eedii ugu weyneed ee loo qabsado masuul ka tirsan dowladda Somaliland. Sii deynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaarada Warfaafinta, ayaa waxay kusoo beegmaysa xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaalan dacwado ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Wasiirka gaashaandhiga Ciise Xawar oo iyaguna ku eedaysan musuq-maasuq. Xeerka la dagaalanka musuq-maasuqa Somaliland, ma ogola in Masuul ku eedaysan musuq-maasuq damiin lagu siidaayo ama uu iibsado haddii xukun Maxkamadeed ku dhaco, Sida uu Caasimada Online u sheegay Xeer illaaliyaha guud ee Somaliland. Sikastaba, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wakhtigii lagu jiray ololaha doorashooyinkii madaxtinimada, shacabka Somaliland ubalan qaaday inay xukuumadiisu daba jari doonto wixii musuq-maasuq ah, taasi oo ilaa hadda bulshadu ay ka sugeyso in uu talaabo cad oo adag ka qaado Masuulkan iyo masuuliyiinta kale ee lagu haysto arrimaha musuq-maasuq. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Aafooyinka qabiilka; Waa xanuun ku habsaday geeska Africa. Hordhac, Maqaalkan yar ee kooban waxaan rabaa inaan ku yara iftiimiyo aafooyinka qabiilka qaar ka mid ah si looga foojignaado sidii looga hortagi lahaana xal loo raadiyo oo afgaar la is waydaarsado. Faalo: Taariikhdu waxa ay ina tusaysaa ummadihii inaga horeeyey iyo dhaqankoodii qabaliga ahaa iyo fikirkii qabiilka ku salaysnaa meesha u dhigay. Ummadaha maanta aduunka guudkiisa joogana kuwa qabaliga ku dhaqmaa waa kuwa ugu hooseeya dunida ee ugu faqiirsan iyaga oo ka dhamaan waayay burbur nafeed iyo dhaqaale. Sida aynu wada ogsoonahay xaddaaradda aduunku waxa ay soo martay jaranjarooyin kala duwan laga soo bilaabo Adam ilaa waqtigan casriga ah ee aynu joogno. Jiritaanka aadamuhuna waxa uu ahaa mid marwalba la jaanqaadaya xaddaaradda. Bulshada la jaanqaadi waydaana waxa ay noqotaa baaba’, aduunka guudkiisana waa laga waayaa qarniyo kooban kadib. Mandaqadda aynu ku dhaqannahay iyo afrikaba dhamaanteed waxa curyaamiyey waa qabiil. Inbnu Khaldun oo wax ka qoray maamulka waa qarnigii saddex iyo tobnaad ayaa sheegaya ‘inay ‘Afrika dadkeeda qaybiso sidaa darteedna ay yihiin dad aan la maamuli karin oo u dhaqma sida xayawaanka’. Waxa iswaydiin leh maanta, ta inna dhex mushaaxaysaa miyaanay ahayn wixii dhacayey 800 oo sano ka hor. Su’aashu waxa weeyi ma la jaanqaadi karnaa xaddaadradda maanta dunida haddii uu fikirkeenu taaganyahay jaranjar uu caalamku kasoo gudbay 800 oo sano ka hor. Jawaabta runta ahi waa maya. Inta aad aduunka ku nooshahayna waxaad ku noolaan nolol silicsan oo kakan. Sobobtu waxa weeyi qabiilku waxa uu curyamiyaa maskaxda aadamaha oo waxa uu beeraa aragti qaloocan oo qofku aanu arki karin sida uu horumar iyo isbadal nololeed ku imanayo. Maanta waxa la ogaaday in maskaxda aadamuhu ay isku xidhxidhanto (hard wired) inlmuhu marka uu laba sano jiro waxana saameeya waalidka, caqligooda, cilmigooda, iyo aduunyadooda. Deegaankuna dib ayuu xidhxidha waayarada maskaxda marka uu ilmuhu koro oo waayaro cusub ayaa samaysma. Waxa aan qabaa sobobta ugu wayn ee aynu maanta noloshii laga soo gudbay 800 00 sano ka hor ugu jirnaa waxa weeyi, gurigii iyo deegaankii ku xeersanaa labaduba waxa ay qalooc joogta ah galinayaan maskaxdii oo qofkii marka uu koro maba hayso indho kale. Wuxuuna u haystaa in fikrkiisu uu saxanyahay. Xataa haddii uu dab ku dhacayo ma arkayo ilaa uu ku haligmo, waa goor ay fandhaal iyo xeedho kala dheceen. Aafooyinka ugu waa wayn ee qabiilku markaas waxa weeyi curyaaminta maskaxda. Taas oo saamaysa dareenka aadamaha.Way adagtahay sida loo daweeyaa dareenka xun (emotional probkems) ee ka dhasha maskaxda sida qaloocan iskugu rakibantay. Tusaale waxa kuugu filan waxa aad arkaysaa qof waxbartay oo intaas oo digrii haysta iyo sheekh cilmi leh, oo hadana fikirkisii ka dhamaan laayahay qabiil iyo wixii la halmaala. Sobobtu waxa weeyi maskaxda ayaa si qaloocan u xidhxidhan oo aqoonkasta wuxuu ku eegayaa il qaloocan. Markaa qofku xaqiiqiyan waxa weeyi qof maskaxda ka buka, markaa qofka noocaas ah wuxuu wadaa waa khasaare. Nolosha ayuu ku khasaaray inta kalena wuu khasaarinayaa. Tusaalena meel dheer ha ka dayin, fiiri burburka iyo baaba’ haysta ummadaha uu xanuunka qabiilku ku habsaday ee aynu ka mid nahay. Gunaanad: Waxa aynu odhan karnaa sobobta ay Africa u socon laadahay waa dadkaa dubka ka fayow laakiin maskaxda ka jiran, ee maskaxdooda sida qaloocan loo waayir gareeyey. Taasina waxa keenetay waalidka iyo deegaanka oo si iskabaysa xidhxidhitaanka maskaxda ee qaloocan u saacidaysa. Talo: 1. Waxa laga bixi karaa arintan curyaamisay fikirkii iyo maskaxdii Africa in qofka la arko argtidiisu inay ku salaysantahay qabiil in loo la fahmo oo la ogaado qofkani inuu xanuunsanayo dhinaca maskaxda oo maskaxdu ay isugu xidhxidhantay si qaloocan. 2. Qofku runtii wuxuu isku haystaa inuu fayawyahay, bulshaduna waxa laga yaabaa inay sidaa u aragto waa haddii ay maskaxdu sidaa qaloocan isugu xidhxidhantahay. Maskaxda caafimaadka qabta ee fikirka shaandhaynaysa (critical thinking) ayaa ugu dhaw inay cadaalad iyo horumar horseedo, taana waa in la kobciyaa si looga baxo mugdiga. 4. Ummadu waa inay dib u eegto taariikha dhaw haddii aanay kayd aqooneed lahayn oo ay darasadaysaa aafooyinka ka dhashay fikirka qabiilka. Mawlid Ali alimowli@yahoo.co.uk Sent from Yahoo Mail on Android Qaran News
-
Popular Contributors