-
Content Count
208,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaadhi oo daqiiqado ka hor ka dhacay wadada Maka-almukarama ee magaalada Muqdisho kaas oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxaan oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday sida la sheegay maqaayado ku yaalla wadadaas kuna dhegan hoteelka Weheliye ee magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen ku dhawaad 10 qof oo meyd ah iyaga oo sheegay inay dhaawacyadu intaas ka badan yihiin, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxa ay u badanyihiin dadkii ku sugnaa makhaayadaha la weeraray. Bur-bur xooggan ayaa soo gaadhay dhismayaasha makhaayadaha la weeraray, dhinaca kalana waxaa weli socda gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas, hay’adaha amniguna waxa war ah kama soo saarin. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama oo ay ku yaallaan ganacsi kala duwan. Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday sida la sheegay maqaayado ku yaalla wadadaas kuna dhegan hoteelka Wheliye ee magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen ku dhawaad 10-qof oo meyd ah iyaga oo sheegay in ay dhaawacyadu intaas ka badanyihiin. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxa ay u badanyihiin dadkii ku sugnaa maqaayadaha la weeraray. Xilliga uu qaraxa dhacayey ayaa la sheegay inay Maqaayadda aheyd mid aad u mashquulsan isla markaasna ay ku sugnaayeen dad badan maadaama ay aheyd xilligii Qadada. Ciidamada ammaanka ayaa goobta xiray, waxaana socda gurmadka dadka ay waxyeelada soo gaartay.
-
Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho,gaar ahaan wadada mashquulka badan ee Maka Al-mukarama. Sida ay soo sheegayaan goob joogayaal qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee maqaaxida Filsan oo ku taalla agagaarka hotelka Wehliye. Gaariga qarxay ayaa la dhigay afaafka hore ee maqaaxida Filsan,waxaana laga soo buuxiyay walxaha qarxa, Wadooyinka soo gala halka uu qaraxa ka dhacay ayaa la xiray,waxaana joogsaday isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha,iyadoo goobta ay soo gaareen ciidanka dowladda Soomaaliya. Halkan kala socoto faahfaahinta:- View the full article
-
Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay maqaayadda Filsan oo ku dhow Hotelka wehliye ee magaalada Muqdisho. Waxaa la sheegay in gaariga qarax ka buuxa lala eegtay maqaayaddan, waxaana goobta ku sugnaa xilligaasi dad badan oo rayid ah. Wariyaheenna Cali Aadan Muumin ayaa soo sheegaya in khasaare badan uu ka dhashay qaraxan, islamarkaana waxaa socda gurmadka loo sameynayo dadka ay waxyeelladu soo gaartay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/CALI-AADAN-MUUMIN-QARAXA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com -
sawir hore booyado biyaa Xukuumadda Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday in ay 200 oo booyado biyaa ugu deeqday degaanno ka tirsan Puntland oo abaar iyo biya la’aan daran ka jirto inkastoo aysan magacaabin degaannadaasi. Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) oo ka warbixiyay shirkii Khamiista maanta ee golaha wasiirada Puntland oo uu guddoomiyay madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan ayaa sheegay in xukuumaddu ay 200 oo booyado biyaa ugu deeqday degaanno ka tirsan Puntland oo abaar iyo biya la’aan darani ka jirto. Sabareey wuxuu intaasi raaciyay in guddiga abaaraha Puntland oo uu guddoomiye u yahay maadxweyne ku xigeenka loo xil saaray in ay booyadaha biyaha gaarsiiyan meelaha loogu tala galay ee abaartu sida ba’an u saamaysay. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Puntland: Xukuumadda oo ku dhawaaqday in ay 200 oo booyado biyaa ugu deeqday meelaha ugu daran abaarta appeared first on Puntland Post.
-
Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare kala duwan. Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la sheegay in uu ku qarxay maqaayad ku dhow Hotelka Wehliye oo kaabiga ku haya isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray shacab halkaasi ku sugnaa, hase ahaatee lama oga inta uu la egyahay khasaarahaasi. Goobta waxaa gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah oo wada u gurmashada shacabka dhaawaca ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qarax qasaare geeystay ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxaan ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay gudaha Muqdisho. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay maqaaxi ku dhow Hoteelka Wehliye oo ku yaala wadada Makka Al-Mukaraka ee Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in uu jiro qasaare hayeeshee tirada rasmiga ah aysan sheegi karin. Waxaa soo baxaya digniino ku aadan qaraxyo kaga cabsi qabo in ay ka dhacaan Muqdisho. Faah faahinta dib kala soco insha Allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland post Muqdisho The post Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga Afrika ayaa soo saaray war-safaaxadeed uu kaga hadlayo dhaq dhaqaaqa Ciidamada AMISOM ee Gobollada qaar isaga baxay. War ka soo baxay Midowga Afrika waxaa lagu beeniyay in Ciidamada AMISOM ay ka baxeen saldhigyadooda qaar ee Gobollada dalka. Bixitaanka Ciidamada AMISOM ee ka baxay Saldhigyada qaar ayuu Midowga Afrika ku sheegay mid istiraatiijiyadeed oo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed sidoo kalena dalka looga saarayo Al-shabaab. Dhawaan Ciidamada Kenya ee ku jira AMISOM ayaa isaga baxay ugu yaraan afar Saldhig oo ay ku lahaayeen Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya. Warka loo qeybiyay Warbaahinta ee ka soo baxay Midowga Afrika waxaa lagu sheegay in AMISOM ay billaabeyso in ammaanka dalka ay ku wareejiso Dowladda Soomaaliya iyada oo la qiimeynayo xaaladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa hey’adaha dowladda ee federaalka ah ugu baaqay iney meel mariyaan sharciga doorashooyinka June sanadkan, taasi oo u golol xaareysa iney doorasho dhacdo 2020-ka. Qaraar ka soo baxay golaha ammaanka ayaa xukuumadda iyo baarlamaanka federaalka ah ugu baaqay in ay ka dhammaadaan sharciga doorashooyinka, waxa kale oo lagu baaqay in doorashooyinka Jubbland iyo Galmudug u dhacaan si sharciga waafaqsan. Dhankiisa, Xildhibaan Mahad Salaad oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay iney adag tahay in baarlamaanka federaalka ah uu ka dhammaado sharciga doorashooyinka 2-bada bil ee soo socota, marka la fiiriyo shaqada adag ee laga qaban-doono hindise sharciyeedka, isaga oo intaasi ku daray in marka laga soo tago akhrinta golaha shacabka oo 3 jeer ah, guddiga oo ugu yaraan bil la maqnaan doono ay hadana u gudbin doonaan aqalka sare oo isna akhrin iyo weliba wax ka badan iney sameeyaan ay dhici karto. Xukuumadda Kheyre ayaa la rabay iney mar hore u soo gudbiso baarlamaanka, laakin waxaa muuqato in hadda oo golaha ammaanka culeys saaray ay hor geeyaan baarlamaanka. Kalfadhiga 5aad ee golaha shacabka waxaa uu furmay arbacadii halka aan la ogeyn goorta uu furmayo aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shir ballaaran oo ku saabsan soo celinta amniga gobolka bari, gaar ahaanna magaalada Boosaaso, ayaa saaka ka qabsoomay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay ilaa 15 wasiir oo ka tirsan xukuumadda, maamulka gobolka Bari kan degmada Boosaaso, taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, saraakiisha amniga gobolka Bari iyo xubno ka socday bulshada qeybaheeda kala duwan. Dhammaan mas’uuliyiintii iyo saraakiishi amniga ee shirkaasi ka hadlay, ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado sugidda amniga, waxaana ay shacabka Boosaaso ugu baaqeen, in ay garab istaagan ciidamada kala duwan ee u heellan xaqiijinta nabadgelyada gobolka. Taliyaha ciidanka Booliiska dowladda Puntland iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amniga gobolka Bari, ayaa dhankooda halkaasi ka ballan qaaday, in ay dadaalka ugu badan gelin doonaan soo celinta iyo sugidda amniga Boosaaso iyo guud ahaanba gobolka Bari. Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in haddii amni-xumada magaalada Boosaaso ay sii socoto ay horseedi doonto, shacabka oo lumiya kalsoonida dowladda, taasina ay faa’ido u tahay kooxaha nabad-diidka ah ee ka jira gobolka . “Magaalada Boosaaso marka loo eego magaalooyinka kale ee Puntland, cabsidu waa ku badantahay,ma dadka joogaa fulayo u badan? ma la cabsi geliyay? Ma garan karo. In ay dhacdo masaajid laba kun oo qof ku tukanayso, qayb badan oo kamid ahna ama baastoolado u xiran yihiin ama ciidan dhex taaganyahay, isimadii u waaweynaa Puntland qeybtood in lagu dhex dilo” ayuu yiri Gallan. Gallan ayaa sii raaciyay in xukuumadda uu ka tirsanyahay ay dhaqaalaha iyo dadaalka ugu badan ku bixin doonto amniga gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso, balse taasina ay u baahantahay wada-shaqeyn buuxda oo dhanka shacabka ah. Shirkaan ayaa ku soo beegmay, xilli uu maalmahan dambe sii xumaaday amniga Boosaaso, islamarkaana madaxweynaha Puntland uu ku wajahanyahay halkaasi. PUNTLAND POST The post Gallan oo sheegay in dhaqaalaha ugu badan ee Puntland lagu bixin doono soo celinta amniga gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Gaas, ayaa isku dayay inuu tirakoobo ciidammada kala duwan ee Puntland ku dhowaad sanad kaddib markuu xilka la wareegay. Mushaarka ciidammada ayaa bil kasta sii kordhayay inkastoo ciidan cusub aan la qorin. Taliyeyaal ka tirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa hor istaagay qorshihii uu Gaas ku doonayay inuu ku ogaado tirada ciidammada Puntland. Maamulkii Gaas wuxuu ku qasbanaaday inuu oggolaado bixinta mushaarro loogu talagalay askar aan jirin oo tiradoodu kor u dhaafayso 6000. Magaca ciidammada aan jirin ee Puntland loo bixiyay waa Caagleyaal. Markii dowladda federaalku ay u dhaqaaqday tirokoobka ciidammada ka tirsan Xoogga Dalka gadood bay ciidammada qaarkood sameeyeen. Waxay ku doodayaan in dowladdu aysan bixinin mushaarkooda dhowr bilood. Wasiirka Maaliyadda, Dr. Cabdiraxmaan Bayle, wuxuu sheegay in habka cusub oo ay dowladdu ku bixin doonto mushaarka ku salaysan yahay tirokoob: askariga yimid meelaha ciidammada lagu tirokoobayo uun baa mushaar qaadan doona. Su’aasha dad badani isweydiinayaan waa: maxaa loo beegsaday ciidammada ku sugan Muqdisho iyo labada Shabeelle haddii askarta aan jirin laga heli karo maamul federaaleedyada kale ? Shirkii London oo ay dowladda Biritishku u qabatay Soomaalida bishii Maajo ee sanadkii 2017-kii waxaa ka soo baxay hannaan aan la fulinin oo nabadgelyada dalka sal inuu u noqdo loogu talagalay ( Security Architecture ). Maqnaanshaha aragti midaysan oo siyaasiyiinta Soomaalida wadagaan si dib loogu unko Xoogga Dalka waa dhibta curyaamisay dadaallada dib u habaynta qaybaha kala duwan ee Xoogga Dalka. Ciidanka Puntland ku sugan lama yiraahdo Xoogga Dalka. Kuwa ku sugan Muqdisho, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe waxaa loo yaqaan Xoogga Dalka. Ciidammada qaarkood ayaa furimaha ka soo baxay. Tani waxay keentay halis ah in dablayda Al-shabaab ay dib u qabsan karaan degmooyinka ururku gacanta ku hayn jiray. 26,000 oo askari bay dowladu mushaar siin jirtay. Tirokoobka kaddib 16,000 oo askari baa iskugu yimid meelaha ay dowladu u astaysay tirinta askarta ka tirsan Xoogga Dalka. 9000 kun oo askri oo ay dowladdu mushaar siin jirtay baa la la’yahay. Dowladdu xilka way ka qaadday taliyeyaashii guutooyinka askartoodu u bateen askar aan jirin. Lacagta baaqanaysa waa mid wax loogu qaban karo askarta dhaawucu soo gaaray iyo daryeelka qoysaska askartu ka geeriyoodeen. Waa sida ugu fiican oo loo tusi karo askariga Soomaaliyeed in dadkiisu abaal u hayaan ciidammada u heellan sugidda nabadgelyadooda. Haddii mushaarka askarta ama shaqaalaha aan jirin uu ku dhaco jeebka taliyeyaasha iyo madaxda rayidka ah, musuqmaasuqu wuxuu garabsiinayaa cadawga ku howlan burburinta hantida iyo nolosha dadka Soomaaliyeed. Biishii Maarso ee sanadkii 2017kii ayuu Wakiilkii hore Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Michael Keating, u sheegay Soomaali isugu timid kulan ka dhacay Oslo in Xoogga Dalka askarta ka tirsani u badan yihiin hal beel. “Weliba ciidanka ku sugan Marka waxay u badan hal jifo. Soomaaliya may laha ciidan qaran” buu Keating yiri. Cutubyo ka tirsan Xooga Dalka oo salaan bixinaya Sababta madaxda Soomaaliyeed heer kasta uga aamusnaayeen xaaladda dhabta ee Xoogga Dalka ilaa hadda may cadda. Haddii dowladdu ay weli ku howlan tahay samaynta ciidan qaran oo loo dhan yahay, maxaa keenay in magaca Xoogga Dalka lagu sunto ciidammada Soomaalida oo ka hawlgala gobollada qaarkood, isla xisaabtankuna iyaga ku koobnaado? Waa maxay wanaagga ka soo bixi kara go’aanka dowladda federaalku ku beegsatay qaybaha ciidanka ku sugan laba gobol oo keliya? Haddii dowladda federaalku soo afjartay musuqmaasuqii ku jiray ciidammada iyo dowladda gaar ahaan dhinaca mushaarka, dowladdu xaq bay u yeelanaysaa inay la xisaabtanto maamul federaaleedyada. Isla xisaabtanku wuxuu keeni karaa in xoogga la saaro dhowrista Soomaalida xuquuqdooda dhaqaale iyo siyaasadeed lagu duudsiiyay habka 4.5. Lacagta iyo tababbarrada ugu badan waxay ku baxaan ciidammada Xoogga Dalka ku sugan Muqdisho iyo labada gobol oo deriska la ah. Hufnaanta maaliyadda ee Xoogga dalku wuxuu meesha ka saarayaa eedeymo sadbursi oo wax u dhimi kara dhexdhexaadnimada dowladda Federaalka. Habka federaalku wuxuu u ekaaday heshiis beelaha waaweyn u dhexeeya si aysan dowladnimo uga hanaqaadin Soomaaliya, waayo ololaha hufnaanta maaliyadeed oo ay dowladda federaalku u guntatay waa mid argaggax ku riday geddislayda siyaasadeed. Inta musumaasuq ka jiro Xoogga Dalka waa lagama-maarmaan inay Soomaaliya ku sii tiirsanaato AMISOM oo hesha in ka badan 95% yabooha lagu soo ururiyo magaca Soomaaliya. Haddii Soomaaliya aysan ka maarmin ku tiirsanaanta AMISOM, kaalinta dowladda federaalku waxay sii ahaanaysaa mid lacag ay ugu soo ururiso ciidammada nabad-ilaalinta Afrika oo, sida Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ka sheegay shirkii London ee 2017-kii, “u jooga Soomaaliya inay ka hortagaan halis dunida uga iman karta” xoogag argaggixiso ah oo ku sugan dalka. W/Q: Liibaan Axmad PUNTLAND POST The post Caagleyaasha iyo ciidammada Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
The UN Security Council on Wednesday adopted a resolution to renew the mandate of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) until March 31, 2020. Under Resolution 2461, UNSOM will continue to provide strategic support and advice to the federal government of Somalia and the AU Mission in Somalia (AMISOM) on peacebuilding and state-building. The resolution requested UNSOM to maintain and strengthen its presence in all of the federal member states of Somalia. It underlined the importance of UNSOM’s political and technical support, as well as operational and logistical support, in collaboration with the UN Support Office in Somalia, to the federal government of Somalia for the delivery of “inclusive, peaceful, free and fair one-person-one-vote elections in 2020/2021. It urged the federal government of Somalia and the federal member states to accelerate implementation of key security sector reforms, including a coherent national security architecture. The resolution condemned continued violations and abuses against children, including the continued recruitment and use of children, rape and sexual violence and abduction, especially by Al-Shabaab in Somalia, urging all parties to the conflict to take appropriate measures to end and prevent further such violations and abuses. Meanwhile, the resolution called on Somalia to consider the adverse implications of climate change, other ecological changes, and natural disasters, among other factors, including by undertaking risk assessments and risk management strategies relating to these factors. UNSOM was established on June 3, 2013, by the Security Council, following a comprehensive assessment of the United Nations in support of the establishment of the Federal Government of Somalia. The mandate of UNSOM was subsequently renewed multiple times by Security Council resolutions. The current mandate of UNSOM is valid until March 31, 2019. View the full article
-
Aqoonyahan Idiris Sheekh Xasan Faarax oo ku sugan dalka Finland ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku degdegtay casumaadda ay Villa Somalia ugu sameysay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe dambi ka galay shacabka Jubbaland, islamarkaana ahayd in dowladda ay xisaab dhab ah la gasho. Sidoo kale, Aqoonyahan Idiris ayaa dhaliilay guddiga doorashada Jubbaland ee dhowaan uu soo magacaabay madaxweynaha Jubbaland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/IDIRI-SHEKH-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has denied withdrawing its troops from bases in Somalia, saying the strategic move of aligning forces is aimed at flushing out the al-Shabab militant group. The AU mission instead expressed its commitment in supporting the Somali government to defeat al-Shabab and free the Somali population from the oppressive evils of the militant group’s extortion and summary killings. “The AMISOM forces have not been withdrawn but the sectors are strategically aligning their forces to protect the Somali population and degrade al-Shabab and deny them freedom of movement,” it said in a statement on Wednesday. The statement comes amid recent abandonment of military bases in the country by Kenya Defense Forces (KDF) soldiers, stoking fears the move will expose the country to al-Shabab threats. The Kenyan troops started withdrawing from Somalia after moving out of Busar, KDF’s command center in the northern sector of Jubaland, a town that was liberated in the first 100 days of their entry into Somalia. The KDF operated bases in Bardera, Busar and El Adde and reports said the troops have since abandoned the regions, including forwarding operating bases in the southern region. However, the AU mission termed the move as tactical. The AU mission said it is preparing for condition-based handover of national security responsibility to Somalia Security Forces as stipulated in UN Security Council resolution 2431 and in line with Somalia transition plan. The resolution calls for a reduction of uniformed personnel and increased presence of the AU police in the country, to support the expansion and maintenance of law and order as security responsibilities transition to the Somali security forces. View the full article
-
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa magaalada Jarati waxa uu ku dilay Labo nin, deegaankaasina waxa uu ahaa midka isaga isaga laga soo doorto. Wararku waxay sheegayaan in xildhibaanka wax dilay lagu magacaabo Bashiir Diiriye, wuxuuna watey bistoolad iyo qori sharciyeesan oo uu dilka ku fuliyey. Labada nin ee uu dilay ayaa lagu kala magacaabayey Macalin Cumar iyo Weli Xuseen, iyadoo deegaankaasi aad looga hadal hayo. Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Labada ruux ee xildhibaanka uu dilay ay horey uga mid ahaayeen Jabhadda ONLF oo nabadda qaadatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali and African Union forces wrapped up a two-day conference in Mogadishu on Wednesday aimed at enhancing intelligence sharing to help flush out terrorist groups in the Horn of the African nation. The meeting, organized by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) called for strict vigilance and enhanced collaboration among various security actors in Somalia to defeat the armed insurgency in the country, the AU mission said in a statement. In his closing remarks, AMISOM’s chief military intelligence officer, David Obonyo, urged stakeholders to forge closer working ties for efficient intelligence sharing mechanisms. “It will be important going forward to consistently liaise with Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) and other security institutions within the country, to be able to get factual information,” Obonyo said. He emphasized the importance of systematic sharing of intelligence in defeating al-Shabab and other armed groups which have been terrorizing Somalis. “To do that, to degrade the enemy, the information or intelligence that we share must be timely, accurate and actionable,” he added. The conference, the fifth of its kind to be held in the country discussed the dynamics in intelligence gathering and how it impacts on Somalia’s security. It brought together AMISOM’s military intelligence officers from all sectors, representatives of the Somali National Security Forces and other key stakeholders. Nakibus Lakara, AMISOM’s deputy force commander in charge of operations and plans noted that the presence of Islamic State in the Horn of Africa called for improvement in intelligence gathering methods and heightened vigilance. The top military official urged stakeholders to forge closer working ties to defeat the armed insurgency in Somalia. “Most often than not, situations where stakeholders or entities keep information to themselves, creates gaps,” he noted. “If you look at all the cases where there has been failure to stall or mitigate terrorist threats, it is because one entity kept information to themselves,” Lakara added. He noted that its was necessary to create networks amongst key stakeholders in the intelligence community through liaison; through a common understanding of the security; of the threat environment, including the human terrain. View the full article
-
Puntland witnessed fourth peaceful transfer of power in January 2019 since the federal member state was created as an autonomous administration in August 1998. The new Puntland President, Mr Said Abdullahi Dani was a Planning Minister of the Somali Federal Government. He ran for Somalia Presidency in 2017. He inherited a federal member state weighed down by corruption. President Deni promised his administration “will introduce” multiparty system in Puntland, oblivious to institutional rigidity of a clan-based governance that brought to an end efforts by President Farole to introduce political parties in 2013. The Puntland system of government vests more power in the executive; the parliament cannot overrule executive decisions. To many people power imbalances between the executive and the legislature remain the most subversive political reality facing Puntland. To others corruption built into all government institutions render any reform agenda a quixotic task. When Deni’s predecessor attempted to ascertain the number of Puntland soldiers on the government payroll, several commanders had mutinied. Puntland government pays salaries of roughly 6000 ghost soldiers. The number of ghost civil servants is not far behind. Consequences of corruption in Puntland manifest themselves in different forms: embezzlers brazenly showing off “wealth” looted from public coffers; decreased investment in public services, attacks by Al-shabaab, and tax imposed by ISIL on businesses in the commercial city of Bosaso. Twenty years ago this month Puntland was eight months old. In August 2019 Puntland will have celebrated twenty-first anniversary. More than one-fourth of the territory Puntland claims is designated as disputed territories. In a recent Policy Strategy Conference for the new administration held in Garowe, Puntland government prided itself on championing federalism and promised to “ accelerate service delivery …[for] districts located off the main tarmac road, with a special focus on the regions of Sool, Sanaag, and Cayn.” President Deni faces myriad security and political challenges The 2016 agreement between the Federal Government of Somalia and Puntland State (endorsed by UNSOM) stipulates that Puntland has federal representation privileges of disputed territories although people in territories claimed by Puntland had voted for Somaliland parties during 2017 presidential elections. The new administration of Puntland has committed itself to implementing projects in areas near the frontline and distanced itself from any attacks against Somaliland forces at Tukaraq. President Deni has adopted a de-escalation policy that could be a basis for resolving the territorial dispute between Somaliland and Puntland. His administration can no longer harbour forces against Somaliland Administration. Both administrations have the opportunity to collaborate on development in disputed territories. When it comes to implementing development projects Somaliland has the leverage due to its Special Funding Status and the administrative reach of its administration in the disputed territories. Somaliland Development Fund has implemented projects in disputed territories although the area is still inaccessible to aid agencies. Territorial dispute in parts of the same country once derided for irredentism is damaging reputations of Puntland and Somaliland. Institutions of Somaliland afforded a modicum of civic belonging in disputed territories but Somaliland has not been able to fully capitalise on this advantage. FGS-Puntland Agreement partly fuels possible conflict over disputed territories The initial idea to base Puntland institutions on attachment to clan identity in the hope of punching above its weight in federal politics in the long term has reached a dead end. Federalism has different meanings to different people. If Puntland envisioned federalism as a system of government preventing excesses of centralised government, Mogadishu-based opposition parties – claimants of Mogadishu – interpret it as right to force the Federal Government to depend on ghost soldiers and clan militias. The consensus between Garowe and Mogadishu is based on the mantra “if you control your fiefdom, I control mine.” According to the former SRSG Micheal Keating the Somali National Army “is largely from one clan, and within that clan it is from one subclan. It’s not completely a nationally owned army”. Puntland can easily mobilise troops against any threats from Al-shabaab. It does not seek a war with Somaliland to which many politicians from disputed territories pledge allegiance. To this challenge Puntland responds a wait and see policy: it leaves the task of trying to take over territory from Somaliland to people in the disputed territories. This strategy prolongs the disputed territory status of the areas Puntland represents federally. If disputed territories were under Puntland the Garowe-based administration would not have been able to deal with occasional intra-clan feuding in Sool and Sanaag because an administration reliant on sublcan militias and a large number of ghost soldiers would only fuel the hostility. Puntland President will face accusations for treason if his administration abandons claiming territories in Sool and Sanaag currently under the jurisdiction of Somaliland Administration. It is not the territorial claim and counter-claim that affect lives of people in Sool and Sanaag; it is the absence of an agreement between Somaliland and Puntland on how to cooperate on helping people both administrations are inseparably linked with. Demobilsation of SNM militias, 1990 Balligubadle Agreement and 1995 Erigavo Agreement have cemented ties amongst Somalis in the ex-British Somaliland. Puntland must find a way to look after its interests without its policies jeopardising peace agreements from which people in the ex-British Somaliland benefit. Maintaining solidarity among northerners is just as important as maintaining solidarity among Southerners. An unconditional agreement with Somaliland will enable organisations such as DFID, Unicef and USAID to implement human development projects in the disputed territories. Currently, DFID implements projects in Qardho but not directly in disputed territories in the ex-British Somaliland. President Deni has the opportunity to take advantage of generational and political changes that have taken place in Somalia since 1998 to leave a legacy of peaceful coexistence with Somaliland. Liban Ahmad The post How Puntland Can Make Peace With Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saaray xaaladaha dhanka amaanka, maaliyadda, doorashada 2021 iyo wada shaqeynta maamul goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya. Golaha amaanka ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaaladaha guud ee dalka Soomaaliya gelinkii dambe ee shalay, waxaana ay kasoo saaraay warbixin la xiriirta xaalaha dhanka amaanka iyo siyaasadda Soomaaliya. Golaha amaanka ayaa sheegay inay ka dalbanayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada inay dadajiyaan sharciga doorashooyinka dhacaya sanadka 2021, kaasi oo muhiim u ah qabsoomida doorasho ka dhacdo dalka. Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in ka hor dhamaadka sanadka 2019 ama bartamaha sanadkaan ay soo gudbiyaan Sharciga Doorashooyinka ee sanadka 2021. Dhinaca kale golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay muddo kordhin sanad ah oo loo sameeyay xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay, waxaana la gaarsiiyay ilaa 31 Bisha Maarso ee sanadka 2020. Sidoo kale golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka dalbaday dalalka caalamka inay gacan weyn ka geystaan wax walbaa oo AMISOM u suuragalin kara ka adkaashnaha Al Shabaab. Golaha ayaa cambaareeyay weeraradii iyo qaraxyadii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana ay sheegeen inay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taliyaha cusub ee Booliiska Bari oo ka hadlaya shirka Shir deg deg ah oo ku saabsan xal u helidda amniga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa haatan ka socda gudaha Boosaaso. Shirkan oo ay xaadir ku yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadda maamulka gobolka Bari kan degmada Boosaaso iyo saraakiisha kala duwan ee laamaha amniga gobolka Bari ayaa looga arrinsanaya waxka qabashada xaaladda nabad gelyo ee degmada Boosaaso oo maalmahan ka sii daraysa. Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo guddoominaya shirkan ayaa mas’uuliyiinta kala duwan ee madasha ku sugan ka dalbaday in ay soo gudbiyaan ra’yigooda ku aaddan sida loo xaqiijin karo amniga Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari. Shirkan oo goor dhoweyd bilowday ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku wajahanyahay magaalada Boosaaso. Madaxweynaha ayaa hadda ku sugan degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar halkaasoo uu ku sii hakaday. The post shir deg deg ah oo ku saabsan amniga oo ka socda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay ka dhacay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararku waxay sheegayaan in dagaalkan uu bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen deegaankaasi. Dagaalka oo xooganaa ayaa socday in ka badan Saddex saac, waxaana jira khasaare dagaalkaasi ka dhashay, hase ahaatee lama oga inta khasaarahan uu la egyahay. Inkastoo maanta xaaladdu tahay mid deggan ayaa hadana waxaa lasoo sheegayaa in ciidanka DFS ay wadaan howlgallo. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo AMISOM wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Siyaatal)-Booliska dalka Maraykanka ayaa sheegay in 2 qof lagu dilay, 2-kalena si xun loogu dhaawacay toogasho ka dhacday magaalada Siyaatal. Nin hubeysan ayaa la sheegay in uu toogtay 2 qof oo gaadhi wadatay iyo Bas ka dhex shaqeeya magaaladaasi, kaasi oo sababay inuu dhaco shil gaadhi. Toogashadan ayaa dhacday shalay galab, xilli uu mashquul xooggan ka jiray Waddooyinka. Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu ku baxsaday gaadhi uu dhacay. Shirkadda Basaska ee King County’s Metro waxay bartooda Twitterka ku sheegeen in Dareewalka baskooda uu caloosha ka dhaawacmay, lana dhigay cisbitaalka, inkastoo ayna noloshiisa khatar ku jirin. Sidoo kale 12 qof oo rakaab ah ayaa la sheegay inay ka badbaadeen toogashadaasi. Source
-
Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi 24 March 2019 Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha labada Gole ee sharafta leh, Mudanayaal, Maanta oo ay Xukuumaddu xilka haysay sannad, saddex bilood iyo maalmo, waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago xaaladda guud ee dalka, wixii innoo qabsoomay, iyada oo halbeegeenu yahay qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP II) iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay tartanka doorashada. Waxa kale oo aynu isla eegi doonaa hawlaha inna horyaalla ee mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba ah. Waxaynu ku nool-nahay adduun isbedelka, horumarka iyo aqoontu dheeraynayaan. Isbedelkaasi wuxuu saameyn togan iyo tu tabanba ku leeyahay nolosheena. Wuxuu saameynayaa habka aadmigu u fikiro iyo habka loo adeegsado aqoonta casriga ah. Wuxuu xoojinayaa oo kobcinayaa dhaqaalaha, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah. Isbedelkani wuxuu leeyahay dhinacyo taban, waxaana ka mid, wuxuu abuuraa bulsho ku kala fogaata dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo dhaqankaba. Tiknoolajiyadda cusubi waxay baabiinaysaa hab-nololeedka inta badan bulshooyinka kala duwan ee adduunka, isla markaana wuxuu keenaa isbeddel cimillo oo horseeda abaaro, duufaano iyo roobab wakhtigoodii seega. Arrinkani wuxuu inna farayaa in aynu xoogga saarno ka fikirka mustaqbalka fog. Guulaha aynu maanta gaadhnay waxaynu ku hannanay; gar-gaar Eebe ka sokow, – Awooddeena Qaran oo isku duuban, – Rajadeena oo sarraysa, – Hanka iyo himilladeena fog, – Ilaalinta gobonnimadeena, – iyo ku dhaqanka sharciga dalka. Mudanayaal, Adduunku waa tiro sagaal ah oo ma tobnoobo. Guulahaa aynu gaadhnay waxa garab socda dhinacyo wax-ka-qabasho u baahan, in kasta oo aynu dadaalnay, wali waxa innoo qabyo ah: – Joojinta xaalufinta deegaanka, – Hoos u dhigga Shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada, iyada oo la dardargelinayo mashaariicda iyo warshadaha dhismahoodu muddada jiitamayey. – Ka hortaga Xannafaha ka dhasha doorashooyinka. – Iyo ka hortaga haggar daamooyinka caddowga Somaliland. Haddaba, is waydiintu waxay tahay, sidee baynu u waajahaynaa mustqabalkeena? Ma innaga oo isku duuban, isku kalsoon, iskaashanayna oo isku dulqaadanayna? mise innaga oo is khilaafsan, ka hirdamayna gudaheena oo kala xantaysanaya? Waxay ila tahay, danteenu waxay ku jirtaa innaga oo isku duubnaanna oo xoogga saarna nabadda, horumarka dalkeena oo dhinacyo badan leh iyo u diyaar garowga duruufaha ina horyaal, ee isbedelka cimilladu ka mid tahay. Xukuumadda aan odayga ka ahay, iyada oo ka duulaysa aragtidaa guud ee mustaqbalka, waxay muddadii ay xilka haysay qaaday tallaabooyinka soo socda: Nabadda – Waxa la sameeyey wacyigalin ballaadhan oo shacabka lagu dhiirinayo nabad-ku-wada noolaanshaha, si-dhex-galka, iskaashiga iyo ka wada shaqeynta amniga iyo danta guud ee Qaranka. – Waxa tababarro is daba joog ah la siiyey Ciidammada kala duwan iyo Garsoorka. – Waxa la kordhiyey daryeelka iyo dhaqaalaha Ciidanka 36%. – Waxa si xoog leh kor loogu qaaday qalabka iyo saannadda Ciidanka, si ay awood buuxda ugu yeelan karaan sugidda amniga iyo difaaca dalka. – Waxa la diyaariyey oo Golayaasha horyaalla, Xeerka Xaq-siinta iyo Hawl-gabka Ciidammada Qalabka-sida, si loo sugo xuquuqda iyo daryeelka Ciidanka. – Sidoo kale, waxa la kordhiyey 35% daryeelka iyo dhaqaalaha bahda Garsoorka, si kor loogu soo qaado haybadda iyo maamuuska ay mudan yihiin bahda Garsoorku. – Maamul-wanaaggu waa laf-dhabarta hufnaanta maamulka iyo daahfurnaanta dawladda. Si loo hubiyo tirada Hantida Dawladda, waxa la diiwaan-galiyey tiro badan oo ah hanti ma guurto ah oo gaadhaysa 4,268 dhismayaal dawladdu leedahay ah. – Waxa dib loo qaabeeyey nidaamka iyo daah-furnaanta tartanka qandaraasyada dawladdu bixiso. Ilaa hadda waxa ay dawladdu bixisay 135 qandaraas oo dhammaantood loogu tartamay si daahfuran. Tartamayaashii qandaraasyadu waxay ka marag kaceen xilkasnimada, dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta shaqada Xubnaha Guddida Qandaraasyada Qaranka. – Si loo xoojiyo isku xidhnaanta Dawladda, waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Is-Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka – Xeer Lambar 23/2002. Xeerkani waxa uu dib u habaynayaa adeegyada ay bixiyaan maamullada Gobollada iyo Degmooyinku. Waxaannu ku waajibinayaa masuuliyad dheeri ah maamulka degmooyinka dalka. Waxa uu tashiilayaa dhaqaalaha Golayaasha Dawladaha Hoose, si loo kordhiyo adeegga gaadhaya muwaadinka cashuur bixiyaha ah. Mudanayaal, In kasta oo aynu xagga Amniga ka qaadnay tallaabooyinka kor ku xusan, haddana weli waxa jira hawlo u baahan wax-ka-qabasho: – Colaadaha iyo xurgufta beelaysan ee ka dhex dhaca bulshooyinka wada dega deegaannada iyo Gobollada dalka. – Waxaan ku talinayaa in dhammaanteen aynu xoogga isugu gayno sidii loo joojin lahaa xurgufaha beelaysan. Xurgufahani waxay innagu hayaan dhimasho badan, khasaare dhaqaale iyo kala fogaanshaha dadka walaala ah, taas oo keenaysa dib-u-dhac weyn. Ma suurtoobayso in aynu sameyno horumar, caafimaad iyo waxbarasho wanaagsan iyo in aynu maalin walba ku jirno gurmad ciidan iyo gurmad culimo kala joojinaya beelo is dilaya iyo Xukuumad iyo Guurti damin colaadeed ku foogan. – Shaqo la’aanta dhallinyaradu waxay halis ku tahay amniga dalka. Waxa abuurmay kooxo dhallinyaro ah oo ku kaca fal-dambiyeedyo ay ka mid yihiin isticmaalka mukhaadaraadka, taas oo kordhisay shilalka iyo dambiyadda ka dhaca dalka. – Xukuumad ahaan waxaannu wadnaa qorshayaal badan oo lagaga hortagayo dambiyada dhallinyaradu ku kacaan, balse waxaannu ku boorinayaa waalidiinta, culimada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka in aynu ka wada shaqeyno sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada. 1.2. Adeegga Bulshada Mudanayaal, Xukuumadda waxaynu u dhisannay oo awood fulineed loo siiyey in ay hubiso in muwaadinku helo adeegyada bulshada ee ay ka midka yihiin, cunto, biyo, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo abuur. A. Caafimaadka Xukuumaddu waxa ay siisay ahmiyad ballaadhan horumarinta caafimaadka iyo dib u qaabeynta adeegga caafimaadka ee ay bixiyaan cusbitaallada dalku. Sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii: – Waxa dib loo furay ama la dhisay 65 xarumo caafimaad oo cusub oo qabanaya daryeelka hooyooyinka iyo dhallaanka. – Waxa qalab caafimaad oo kala duwan lagu kordhiyey cusbitaallada magaalooyinka Laascaanood, Ceerigaabo, Burco, Ceel-afweyn, Buuhoodle, Oodweyne, Gabiley, Berbera, Boorama iyo Xarrunta TB ee Hargeysa. – Waxa cudurrada faafa laga tallaalay 659,000 caruurta da’doodu ka hoosayso 5 jirka oo kala jooga gobollada dalka. – Dadaalka loogu jiro kor u qaadista adeegga caafimaadku, waxa uu kor u qaaday kalsoonida ay shacabku ku qabaan adeegyadda caafimaad ee ay bixiyaan cusbitaallada dalkeenu. Tiradda dadka isticmaala adeegyadda caafimaad ee dalku waxay korodhay 31%. – Waxa la curiyey Siyaasadda Guud ee Caafimaadka dalka iyo Siyaasadda Maareynta iyo Maamulka Caafimaadka Dhimirka. B. Waxbarashada Xukuumaddu waxay aaminsan tahay in waxbarashadu tahay furaha horumarka iyo iftiinka nolosha. Sidaas darteed, waxaannu xoogga saarnay dib u habeynta iyo tayeynta waxbarashada dalka. – Waxa 20% la kordhiyey mushaharka iyo gunnada Macallimiinta Dugsiyada Dawladda. – Waxa markii ugu horraysay la furay Dugsiga Tababarka Macallimiinta Qaranka, si kor loogu qaado tayada Macallimiinta dalka. – Waxaannu hirgelinay Siyaasadda ah ‘Arday Kastaa ha helo Buugaagta Manhajka waxbarashada.’ Waxaana la qaybiyey 1,200,000 oo buug oo la gaadhsiiyey ardayda gobollada oo tiradoodu dhantahay 154,000 arday. – Waxa Gobollada dalka laga dhisay 27 dugsi oo cusub, si loo ballaadhiyo fursadaha helitaanka waxbarashada dhallinyaradda. – Waxa 22% la kordhiyey dugsiyada Reer Guuraaga ee leh barnaamijka Quudinta Carruurta, waxaanay hadda tiradoodu gaadhaysaa 276 dugsi, isla markaana, waxa dib loo dayactiray ama la qalabeeyey 46 dugsi oo ah dugsiyada quudinta. – Waxaannu gunno iyo mushahar u bilownay macallimiin gaadhaysa 1,354 macallin oo kala jooga Gobollada dalka. – Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 382 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada dalka. C. Biyaha Biyuhu waa nolosha aadamaha iyo astaanta koowaad ee horumarka, iyada oo taa laga duulayo, waxa dadaal la galiyey ballaadhinta biyo-galinta magaalooyinka iyo biyo gaadhsiinta miyiga. • Waxa muddo dheer la waday sidii biyo ku filan loogu heli lahaa caasimadda, hawshaasi oo ay innaga kaabayaan dawladdo iyo hay’ado dibadeed, kuna baxday dhaqaale ka badan 60 milyan, hadda wuxuu marayaa qeybtii ugu dambaysay. • Waxa la dhammaystiray dhuumihii biyaha ka soo qaadayey Xarunta Biyo-soo-saarka Geedeeble ee keenayey magaalada oo dhererkoodu yahay 23KM. • Waxa la kordhiyey ceelashii biyo-soo-saarka Geedeeble 21%. • Waxa hadda dhismaheedii iyo qalabeynteedii socotaa Xaruntii Mishiinnada biyo-soo-saarka ee Geedeeble. Kala sarraynta dhulka darteed, waxa loo baahday dab-dhalliyayaal iyo bambooyin awood badan leh oo soo gaadhsiiya biyaha Magaalada Hargeysa. • Waxa la dhisay 4 kayd biyood oo yar yar, haddana waxa la bilaabay 4 kayd biyood oo waaweyn iyo nidaamkii biyo galinta magaalada oo la dhigi doono magaalada gudaheeda qasabado dhererkoodu gaadhayaan 162 KM. • Waxa kale oo la dhisi doonaa ama dayactir lagu sameyn doonaa 503 Kaalmood oo ay biyaha ka dhaansan doonaan xaafadaha dan-yarta ee Hargeysa. • Iyada oo laga duulayo tirada dadweynaha Caasimada ee sii kordhaya, waxa qorshaysan in 42% la kordhiyo biyo-soo-saarka labada sanno ee soo socda. • Mudanayaal, qorshaha biyaha Hargeysa maaha ‘Faannoole fari kama qodna’, balse waxaynu ku tiirsannahay taageero dibadeed oo dhibteeda iyo jiitankeeda leh. Waa hubaal in Qaranku haysto dhaqaale ku filan biyaha Magaalada Hargeysa, laakiin waxaynu u baahanahay in Ilaahay inna garan siiyo awooddeena. • Waxa laga qoday gobollada dalka 27 Ceel oo dhaadheer iyo 80 ballay sannadkii tagay, si loo xoojiyo biyo gaadhsiinta deegaannada miyiga ah. • Waxa war-war leh biyo yaraanta magaalooyinka waaweyn, oo shacabka ku nooli sii kordhayo. Waxaan faray Wasaaradda Horumarinta Biyaha in laga sameeyo magaalooyinkaas biyo-sahamin ballaadhan, si loogu helo biyo ku filan. D. Dhallinyarada iyo shaqo abuurka Dhismaha mustaqbalka dhallinyaradu, waa dhismaha mustqabalka iyo quruxda Qarankeena. Xukuumaddu iyada oo ogsoon muhiimadda dhismaha dhallinyaradu u leeyahay Qaranka: – Waxa la abuuray Barnaamijka Shaqo-abuurka dhallinyarada ee Shaqo Qaran. Waa barnaamij shaqo u abuuraya 1,500 oo dhallinyaro ah oo ka soo gala jeeda dhammaan gobollada dalka. Dhallinyaradaas waxa ka mid ah 500 oo hablood. Waa barnaamij ujeeddadiisu tahay is-dhex-galka dhallinyarada, dhismaha waddan-jacaylka, akhlaaqiyaadka wanaagsan ee shaqada iyo difaaca madaniga ah ee dalka. – Waa barnaamij loogu talo-galay in dhallinyarada quluubtooda lagaga sifeeyo qabyaaladda iyo gobolaysiga, una diyaarino in ay hagaan Somaliland mid ah, kuna shaqeeyaan garaad aaminsan Sinnaan iyo Qaranimo. – Waxa kale oo dhallinyarada fursad loo siiyay iyaga oo gobolkooda jooga in ay si xor ah ugu tartamaan 300 oo shaqo oo cusub oo ay Dawladdu baahisay, 90 ka mid ah dhallinyaradaa shaqada heshay waa hablo. – Tirada guud ee dhallinyarada shaqo abuurka Xukuumaddu u sameysay waa 1,800 oo dhallinyaro ah. Waxaan dareensanahay in ay tahay tiro aad u yar marka loo eego tirada guud ee dhallinyarada dalka, waxase i farxad gelinaysa in ay shaqo galeen, iyaga oo aanay cidna gacan qaban, balse kartidooda iyo aqoontooda aaminay iyo yuhuunta wanaagsan ee ay abuurtay tallaabadaasi. – Mudanayaal, far keliyi fool ma dhaqdo, barnaamijkan oo miisaankiisa iyo muhiimaddiisa u leh Qaranka, wuxuu ku kaliyeystay ilaa hadda Xukuumadda. Waxaan ku talinayaa in Qaranku ka wada qeyb qaato shaqo gelinta dhallinyarada iyo socodsiinta barnaamijka Shaqo Qaran. 1.3. Dhaqaalaha Dhaqaaluhu waa saldhiga horumarka ee dal kasta oo dunida ku yaal. Dhaqaale la’aan horumar lama gaadho. Haddaba, iyadoo taas laga duulayo, waxay xukuumaddu u tafaxaydatay sidii dhaqaaalaha dalka loo kobcin lahaa innagoo isku tashanayna. Waxay xukuumaddu xoog saartay wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan. A. Beeraha Dhanka beeraha waxa la xoojiyey beeridda dalagyada kala duwan ee banka Wajaale, Beer iyo Xaaxi. Si loo dhiirrigaliyo wax-soo-saarka beeraha, loona beegsado isku filnaansho dhinaca wax-soo-saarka ah mustaqbalka: • Waxa la beeray 2,300 Hector oo ku kala yaalla Xaaxi, Beer iyo Wajaale. • Waxa la siiyey cagafyo ay beeraha ku qotaan deegaannada Gatiitalay iyo Oodweyne. • Waxaan bogaadinayaa shacab weynaha u jeestay, dadaalkana geliyey wax-soo-saarka beeraha. Sannadkan gobollada dalka oo dhan waxa laga hirgeliyey beero cusub oo qaarkood u shaqeeyaan hab casri ah (Green House). • Waxaan sidoo kale ammaanayaa in sannadkan beeralayda dalkeenu soo saareen khudrad aad u badan oo ugu yaraan 70% ku filan baahida suuqa khudaarta ee dalka. B. Xoolaha Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalkeena, in badan oo dadkeena ahina waxay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool. – Haddaba, si loo daryeelo caafimaadka xoolaheena, waxa la talaalay 3 milyan oo neef oo ay ka faa’iidaysteen qoysas badan. Sidoo kale, waxa xannuuno kala duwan laga daaweeyey in ka badan 2 milyan oo neef oo kala jooga Gobollada dalkeena. – Waxa lagu dadaalay sidii xoolaha dalkeena loogu heli lahaa suuqyo dibadeed, si loo dhiirrigeliyo dhoofka xoolaha. In kasta oo dedaalkaasi aannu weli midho-dhalin, haddana, xukuumaddu ka daali mayso in ay ka jibbo keento arrintaa. – Xukuumaddu waxay dadaal xoog leh gelisay sidii loo suurtagalin lahaa in xooluhu helaan seerayaal iyo dhul daaqeen ay ku bad-baadaan xilliyada abaaraha iyo baad yaraanta. C. Kalluumaysiga Kalluunku waa khayraad sidii la rabay aynaan uga faa’iidaysan, waxaase hadda socda qorshayaal ay Xukuumaddu ku dhiirrigelinayso in kalluunku ka helo saami wanaagsan suuqyada dalkeena iyo kuwa jaarkaba, lana taageero ganacsatada ku hawlan kalluumaysiga. • Waxa loo qaybiyey qaboojiyayaal oo waaweyn Magaalooyinka Maydh, Laas-qoray, Bulla-xaar, Berbera, Saylac iyo Burco. Arrintani waxay wax ka tartay wax soo saarka iyo dabashada kalluunka. Sidaa awgeed, xaddiga kalluunkii la soo dabtay sannadkii tagay wuxuu kor ugu kacay 2,000 tan. E. Maamulka Suuqa Sarifka Lacagaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Suuqa Sarrifka Lacagaha oo iskaashanaya, una adeegaya danta Qaranka waxa ay awood u yeesheen in ay sicir-bararka hoos uga soo dhigaan 19.2%, gaadhsiiyaana 7.7%. Waxa sidoo kale la suurtageliyey in qiimaha sarrifka Shillin ka Somaliland uu kor u kaco 15%. Kor-u-kacani waxa uu daganaansho lacageed galiyey suuqyada lacagaha ee dalkeena. 1.4. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Mudanayaal, Kaabayaasha dhaqaalaha, sida Waddooyinka, Dekadaha iyo Garoomada diyaaraduhu, waxay qeyb weyn ka qaataan horumarka iyo koboca dhaqaalaha dalka. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxay muhiimad gaar ah siisay horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. • Waxa la bixiyey qandaraaskii shirkaddii dhisi lahayd Dekedda, waxaanna la bilaabay dhismihii ballaadhinta iyo casriyenta Dekedda weyn ee Berbera. • Waxa bilaabmay dhismaha jidka hal-bowlaha u ah ganacsiga innaga dhexeeya dalalka aynu jaarka nahay, gaar ahaan Ethiopia ee Berbera Corridor. Waxa mudnaanta la siiyey dhismayaasha biriishyada, waxaana la dhagax-dhigay biriishkii ugu horreeyey oo ah Dacar-budhuq. Dhismaha jidkaasi waxa uu qaadan doonaa muddo laba sanno ah. Waa jid weyn oo aannu hiigsanayno in uu kaalin muhiim ah ka qaato is-dhex-galka dhaqaale iyo bulsho ee Gobolka Geeska Afrika. • Waxa la dhisay muddadii sannadka ahayd 66 KM oo ka mid ah Waddada Ceerigaabo. • Waxa dayactir lagu sameeyey 80 KM oo ka mid ah waddooyinka isku xidha Hargeysa iyo Burco, Hargeysa iyo Kala-baydh, Laascaanood iyo Tukaraq; • Waxa hadda dhismihiisa la wadaa 60 KM oo ah waddada isku xidha Hargeysa iyo Kalabaydh. • Waxa dib loo dayac-tiray Biriishyada kala ah Xamaas, Geel-lookor iyo biriishka dooxa Cabaad-weyne. • Waxa dhismihiisu socdaa Biriishka isku xidha Magaalada Boorama iyo Jaamacadda caanka ah ee Camuud. • Waxa la casriyeeyey nidaamka waddo marista gaadiidka, nidaamka qaadashada liisamada iyo taarikada gaadiidka intaba. 1.5. Abaaraha iyo Isbedelka Cimillada Isbeddelka Cimillada adduunku waa xaqiiqo raadkeedu ka muuqdo dalkeena. Waxa markhaati u ah abaaraha ku soo noq-noqday dalkeena iyo roob yaraanta. Arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay hab nololeedkii dadka, duunyada iyo deegaanka. – Xukuumaddu waxa ay gurmad ka gashay dhibaatooyinkii ay keeneen duufaantii Sagar iyo raadadkii ay reebeen abaaruhu. – Xukuumaddu waxay raashin iyo biyo gaadhsiisay in ka badan 245,000 qoys, una dhiganta 1,200,000 oo qof oo abaaruhu saameeyeen. – Xukuumadda oo kaashanaysa Beesha Caalamka, waxa ay sidoo kale gaadhsiisay gar-gaar 431,000 qoys, una dhiganta in ka badan 2,000,000 oo qof. Gargaarkaas oo lacag ahaan u dhigma 20 milyan oo doollar. – Dadkii ku caydhoobay duufaantii Sagar, Xukuumaddu waxay gaadhsiisay 9,000 neef oo adhi ah. – Waxa dib u xoolayn loo sameeyey 1,337 qoys oo ku caydhoobay abaarihii ka dhacay Dalka. – Sidoo kale, Xukuumaddu iyada oo ka hortagaysa nabaad-guurka iyo xaalufka deegaanka, waxay bilowday mashruuca dhir beerista, waxaanay sannadkii tagay beertay 25,000 geed, waxaanay 15 April ee sannad kasta u astaysay in ay noqoto maalinta Xuska Deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland. – Waxaan ku boorinaynaa, si aynu u hakino xawliga xaalufka iyo nabaad guurku ku socdo, in gobol kastaa ugu yaraan beero 30,000 geed. Cimillada adduunka ee isbeddelaysa, abaaraha iyo roob yaraantu waa dhibaato ka awood badan bani’aadamka. Waxa maanta dalkeena u baahan gar-gaar deg-deg ah in ka badan 1.5 Milyan qof. – Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa Qaranka Somaliland, Dawlad iyo shacabba in aynu isku tashanno, una gurmanno dadkeena dhibaatadu hayso. 1.6. Doorashooyinka Mudanayaal, Sida aad la socotaan, Dastuurkeenu waxa uu inna farayaa in shantii sannaba mar la doorto Golayaasha Qaranka – Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-igeenka, Golayaasha Sharci-dejinta iyo Golayaasha Deegaanka. Sidaa darteed, xukuumaddu waxay u hogaansan tahay sida uu farayo Dastuurka Qaranku. 1.7. Siyaasada Arrimaha Dibada Walaalayaal, Siyaasadda Arrimaha Dibeddu waxay ku dhisan tahay nabad-gelyo, daris-wanaag iyo iskaashi dhex-mara dalalka Gobolka iyo Caalamka, intaba. Si aynu u adkayno seeska iyo xaqiijinta siyaasaddaas, waxa bud-dhig u ah saddex tiir oo kala ah: 1) Ictiraaf-raadinta. 2) Kasbashada taageero dhaqaale oo caalami ah oo loo helo dib-u-dhiska dalka. 3) Iskaashiga, is-qadarinta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka. Ictiraaf raadinta. Waxaannu xidhiidho badan la sameynay dalalka caalamka, kuwa innala saaxiibka ah, kuwa ka soo horjeeda qaddiyaddeena iyo kuwa labadaa dhexdooda taagan intaba. Waxaannu kulamo hawleedyo muhiim ah la yeelanay aqoon-yahanno, siyaasiyiin iyo diblumaasiyiin caalami ah oo taageera Somaliland, kuwaas oo keenay qoraallo muhiim ah iyo talooyin dhaxal gal ah. Waxaynu taageero diblumaasiyadeed ka helnay dalalka aynu saaxiibka nahay. Waxay ku qanciyeen badiba dalalka caalamka ugu tunka weyn leh in Somaliland taagan tahay wakhtigii Bulshada Caalamku dhexgeli lahayd dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Dawladda Turkiga ayaanu in badan wada hadalnay, iyada oo doonaysa in ay kalideed inna dhex-dhexaadiso innaga iyo Somalia. Hase yeeshee, annaga oo dareensan 7 sanno oo Turkigu arrintaa ku jiray in aanay wax midho ah dhallin, waxaannu ku talinnay in arrinta wada-hadalku ay noqoto mid ay goob-joog ka wada noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee arrinta wada-hadalka u diyaarka ah. Waxa si toos ah noola soo xidhiidhay dawladaha Sweden iyo Switzerland oo mid walba gaarkeeda diyaar ugu tahay in arrinta wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay marti-geliso. Somaliland way aqbashay labadaa marti-qaadba. Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu qaadanay siyaasadda ah in mushkiladda loo galo si nabad ah oo lagu dhammeeyo wada- hadal iyo nabad-gelyo. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh, maadaama Somaliland ay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha. Siyaasaddaasi nabadeed ee aynu qaadanay waxay keentay in wufuud caalami ah oo badani innoo yimaadaan oo arrintaa ku hawlani. Sidoo kale, aynu martiqaadyo ka helnay dawladaha aynu saaxiibka nahay. Kasbashada taageero dhaqaale oo caalami ah oo loo helo dib u dhiska Dalka. Iyada oo la kaashanayo Bulshada Caalamka iyo Saaxiibada Somaliland taageera, waxa suurtagashay in Somaliland hesho taageero dhaqaale oo gaadhaysa ilaa 150 milyan oo doolar, oo loogu talo-galay horumarinta jidadka iyo mashaariicda horumarka ee uu fuliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland shanta sanno ee socda. Waxaannu qorshaynaynaa in Somaliland iyo Qaramada Midoobay yeeshaan nidaam iyo Qorshe u gaar ah Somaliland, oo ay Somaliland ku hesho saamiga saxda ah ee Deeqaha ay bixiso Qaramada Midoobay (Somaliland UN Special Arrangement), sida Bulshada Caalamkuba hore ugu sameysay Somaliland qorshaha gaar ah ee (Somaliland Special Arrangement). Qaramada Midoobayna waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan xaq-soorka iyo caddaaladda saamiga gar-gaarka ay bixiyaan. Iskaashiga, is-qadarinta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka. Soomaaliya waxaynu xad ka leenahay maamul-goboleedka Puntland. Waxaannu u haynaa walaalnimo, iskaashi iyo nabad-gelyo. Waxaase maalmahan dambe soo kordhaya ciidamo maamulkaasi ah oo ka soo gudbaya Xadka inoo dhexeeya, falal nabad-gelyo darro ahna ka sameynaya gudaha Somaliland. Soomaaliya waxaannu ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida Gobolka wax yeelaya. Waxaannu ka digaynaa haddii waanadayada la weelayn waayo, in Dawladda Somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabadda iyo hantida muwaadiniinta Somaliland. Somaliland waxay diyaar u tahay in ay door weyn ka ciyaarto isbeddelka dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee ka socda Geeska Afrika. Hase yeeshee, Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran madax-bannaan oo weligii jiray, haddana jooga, kana jiri doona Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba. Waa Qaran ku leh qeybtiisa iyo miisaankiisa isbeddelka ka socda Gobolka Geeska Afrika. Cidda Somaliland iska indha-tirtaa, waxay xagal-daacinaysaa isbeddelka iyo horumarka uu beegsanayo Geeska Afrika, waxaanay si taban u saameyn doontaa horumarka iyo iskaashiga Gobolka. Geba-gabo Mudanayaal, Waxaynu nahay Qaran madaxbannaan oo leh dastuur shacabku u codeeyey, golayaasha Qaranna ku soo doorta cod shacbi (Qof iyo Hal Cod). Waa dimuqraadiyad dhif iyo naadir ku ah Afrika iyo in badan oo adduunka ah. Shacabka Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay u midoobaan danta Qaranka, ku fara adaygaan nabadgelyada, u dadaalaan horumarka, ka fekeraan mustaqbalka fog iyo aayaha ubadkooda, dariska iyo caalamkana kula noolaadaan nabad iyo iskaashi. Allaa Mahad Leh. Khudbadii Madaxweynaha Soomaaliya Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoonka Golaha Shacabka Ummadda Soomaaliyeed, Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, Guddoomiye K/xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guggoomiye Ku/xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaannada sharafta leh ee Golaha Shacabka, Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada, Danjirayaasha Iyo dhammaan martida kale ee sharafta leh, Kooxda Heegan, Baambayda iyo Bahda Saxaafadda, Assalaamu Caleykum Wa Raxmatullaah Wabarakaatuhu, Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin , Waxaa sharaf ii ah inaan maanta hortiinna imaado aniga oo gudanaya waajibaadkayga dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya. Dalka Soomaaliya wuxuu marayaa marxalad adag oo u baahan in Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dowlad iyo shacabba, ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u samatabixin lahaayeen dalkooda iyo dadkoodaba. Sidaad la socotaan, waxaan waqti dheer dagaal marxalado badan soo maray aan kula jirnay kooxaha argagaxisada ah oo mar walba u taagan inay daadiyaan dhiigga shacabka ummada Soomaaliyeed, waxayna usbuucan Muqdisho ku gumaadeen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan iyo masuuliyiin uu kamid ahaa Alle ha u naxariistee Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla. Ilaahay waxaan ugu baryeynaa inuu intii shahiidday jannadii iyo naxariistiisii siiyo, inta dhawaacanytayna uu caafimaad buuxa siiyo. Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin, Dagaalkaani ma ahan mid aan annagu doorannay, laakiin waa mid aan ku qasbannahay, waana inaan ku guulaysannaa intay rabto ha nagu qaadato. Sidaas awgeed dowlad iyo shacabba waa inaan u midownaa sidii aan u tirtiri lahayn argagixisada caadaysatay daadinta dhiigga shacabka. Waxaa sidaan horey idiin kugu ballan qaaday oo naga go’an in aan siinno amniga ahmiyadda ugu wayn. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka oo ay la wadaagaan xogaha iyo dhaqdhaqaaqyada cadowga – argagixisada ah. Dalka wuxuu ku jiraa dagaal muddo ka badan 10 sano, dagaalkuna wuxuu wataa dhaqaale xumo, dhaawac badan iyo dhimasho. Waa inaan adkaysanno, waa inuu mooraalkeenu sarreeyo oo aan caradeenna ku wajahno cadowga, marna Shacabkeennu yeynan ogolaan in la qalbi-jabiyo. Ummadda Soomaliyeed wax badan ayaa la isku dayey in la qab-jabiyo oo ay is-dhiibaan, laakiin ma dhicin, waana diideen in ay is dhiibaan. Guusha waxaa leh shacabka Soomaaliyeed oo xaq u dirirka ah oo nabadda jecel, Cadowgu wuxuu marayaa meeshii ugu dambeysay markii lala barbardhigo meeshii ay joogeen 10 sano kahor, waxayna ku jiraan baqdin iyo ay ku dhuumaalaystaan shacabka dhexdiisa si ay u geystaan xasuuq cidna aysan u naxin- caruur iyo cirroolaba. Waxaan hubaa in aan ka guulaysan doonno cadowga. Guusha waxaa nooga hartay oo kaliya wakhti yar iyo adkaysi. Amnigu siyaasad ma galo waana masuuliyad wadareed, qof walba oo muwaadin ahna door ayuu ku leeyahay inta ay fdoonto hala ekaatee. Waxaa hubaal ah in shaqo badan looga baahan yahay dhinaca ammaanka iyo la dagaallanka argagixisada. Sidaa darteed, annagoo ku xisaabtamayna marxaladaha adag ee dalkeennu ku jiro dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsha ahaanba, waxaan qorshaynay inaan isbeddello la taaban karo iyo dib-u-habayn ku samayno laamaha ammaanka ee dalka, sida Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka. Si loo dejiyo qorshayaal ciidan oo si rasmi ah uga hor taga argagixisada, waxaan bilownay diiwaangelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo intii horey loo diiwaan geliyey ay mashaaraadkooda si toos ah ugu helaan koontooyinkooda. Waxaan sidoo kale socota in la dhammaystiro inta harsan si ay ayaguna xuquuqdooda si toos ah ugu helaan insha Allaah sida ugu dhakhsiyada badan. Waxaan Xukuumadda ku bogaadinayaa dadaallada ay ka waddo dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda ciidanka, si uu askari walba xuquuqdiisa toos ugu helo. Ciidanku waxa ay leeyihiin ahmiyadda ugu horraysa ee mushaar bixinta, laakiin waa in askari walba la diiwaangeliyaa si aan u ogaanno tirada dhabta ah iyo sida ay u hawl galayaan. Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin Dhinaca hirgelinta sharciyada; labadii sanno ee uu maamulkaygu jiray waxaan saxiixay labo sharci oo kaliya, halka 29 hindise-sharciyeed oo kale ay horyaallaan labada Gole ee Baarlaamaanka. In badan oo kamid ah shuruucdaas waxay muhiim u yihiin hirgelinta howlaha dowladda, sida la dagaalanka argagixisada, la dagalaanka musuqmaasuqa, sharciga maamulka maaliyadda iyo xaqsiinta ciidamada oo aad iyo aad muhiim noogu ah. Sidaas awgeed, waxaan si xushmad leh labada gole uga codsanayaa inay dedejiyaan hirgelinta iyo ansixinta sharciyadaas iyo kuwa kale ee muhiimka u ah howlaha dowladda. Mudanayaal iyo Marwooyin, Muddadii labada sano ahayd ee aan xilka hayey waxaan xoogga saaray kobcinta dhaqaalaha dalka, hadday noqoto sidii aan adduun-weynaha uga heli lahayn in nalaga cafiyo deymaha, iyo hadday noqon lahayd inaan kor u qaadno dakhliga gudaha ee dalka. Dhinaca cafinta daymaha, waxaan si hufan uga soo baxnay dhammaan shuruudahii nalagu xiray iyo yoolalkii aan kula heshiinnay hay’adda lacagta adduunka ee IMF si nalooga cafiyo deymahaas. Dhinaca dakhliga Dowladda, waxaan sanadkii lasoo dhaafay dakhliga dowladda kor u qaadnay boqolkiiba 30%, marka loo eego sanadkii ka horreeyay. Dakhliga sanadka 2017 waxa uu ahaa $142.6m, halka sanadkii la soo dhaafay uu gaaray $184m; waxaana rajaynaynaa in sanadka 2019 uu dhaqaaluhu intaas kasii badnaado Insha Allaah. Si loo yareeyo halista ka imaan jirtay lunsashada ama musuqmaasuqa dakhliga dowladda, waxaan dib-u-habayn ku samaynay habkii ururinta dakhliga, waxaana ururinta dakhliga dowladda ku gaar yeelnay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka, gaar ahaan Bangiga Dhexe, halka markii hore ay ururin jireen hay’ado badan oo dowli ah. Sidoo kale, waxay dowladdu si rasmi ah dib ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internet (.so); waxaan dib usoo ceshannay xubinnimadeennii Ururka Caalamiga ee Isgaarsiinta. Waxaan dajinnay qorshaha 5-ta sano ee isgaarsiinta & teknolojiyada qaranka; Waxaan dhisnay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka; Waxaan dhammaystirnay Sharciga Shirkadaha (Company Law) iyo kan Hantidhowrka guud. Dhammaan howlahaas aan kor kusoo sheegay waxay udub-dhexaad u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo dib u nabadeynta dalka guud ahaan. Waxaan rajaynayaa in aan guul wayn oo wax ka-beddesha nolosha iyo mustaqbalkeenaba aan ka gaari doonno dib u dhiska dhaqaalaha iyo mashruuca dayn cafiska. Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin, Dhinaca Siyaasadda, waxaan xoogga saarnay sidii ummadda Soomaaliyeed horumar uga gaari lahayd siyaasad loo dhan yahay. Waxaa Alle mahaddiis ah in annagoo wada jirna ay noo suurta gashay inaan go’aan siyaasadeed ka gaarno nidaamka doorasho iyo degaan doorasho ee dalka iyo sidoo kale qayb-siga khayraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan dhammaystirnay Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u-eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyadaynta dalka. Si loo qabyo-tiro Dastuurka KMG ah, waxaan diyaarinnay dhammaan xulashooyinka Qodobada Dastuurka ee ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka wada xaajoon doonaan oo ay kamid yihiin; Maqaamka ay Magaalo Madaxda Muqdisho ku dhex yeelanayso hannaanka Federaalka, qaab-dhismeedka dowladda, asteynta awoodaha dowladda, hannaanka dowladeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, hannaanka caddaaladda iyo asluubta federaalka ah, qaabeynta iyo qaan-gaarsiinta Dowlad Goboleedyada KMG ah, nidaamka doorashooyinka iyo xisbiyada, iyo weliba hannaanka federaaleynta maaliyadda. Howlahaas oo loo aayi doono boqolaalka sano ee soo socda. Waxaan u mahad celinayaa guddigga Baarlamaanka labadiisa aqal ee Dastuurka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee dastuurka oo dhammaystiray qabyo qoraalka 10-ka cutub ee dastuurka. Waxaan ku bogaadinayaa howsha ay qabteen iyo wada shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradda Dastuurka iyo labada guddi. Waxaan ku dhiirrigelinayaa labada guddi iyo Xukuumaddaba in ay sii dardargeliyaan howsha ay hayaan si loo dhammaystiro 5-ta cutub ee ka hartay Dastuurka. Waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa eheladii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dadaal ku bixiyay sidii Dastuurka loo dhammays tiri lahaa. Waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistiisa iyo jannadiisa siiyo. Waxaa sidoo kale xusid mudan, in bishii Juun ee sannadkii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadu ku heshiiyeen hanaanka khayraad wadaagga dalka. Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, Dib u heshiisiintu waxay ka mid tahay ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee maamulkayga. Sidaas awgeed, waxaan rabaa inaan idinla wadaago in Golaha Wasiirada ay u suurta gashay in ay ansixiyaan Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaranka iyo Qorshe hawleedkiisa fulineed si loo qaabeeyo, loona dardargeliyo dadaallada dib-u-heshiinta ee dalka ka socda. Dhanka kale, waxaa naga go’an inaan ka mira dhalinno wadahadallada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si xal waara loogu helo tabashooyinka walaaleheen Somaliland. Waxaan ku bixinaynaa dadaal dheeri ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Waxaan diyaar u nahay inaan si waafi ah uga garawno tabashooyinka ay qabaan walaaleheenna reer Somaliland. Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin, Kalfadhigaan wuxuu ku soo beegmay iyadoo uu meel fiican marayo xiriirka wada shaqayneed ee u dhexeeya Dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, taas oo qayb weyn ka qaadan doonta xaqiijinta himilooyinka ummadda Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan sii xoojinno wada shaqayntaas hadduu Eebe yiraahdo. Waxaan bogaadinayaa doorashooyinkii ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxaana ku kalsoonahay in doorashooyinka Jubaland iyo Galmudug ay iyaguna xilligii loo asteeyay ku qabsoomi doonaan. Mudane Guddoomiye, Siyaasaddeenna arrimaha dibedda waxaa saldhig u ah in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la yeelato waddamada caalamka, iyada oo iskaashigeedu ku qotomo ilaalinta danaha qaranka Soomaaliyeed. Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan had iyo jeer u taagannahay ilaalinta midnimadeenna, madaxbanaaniddeena iyo ilaalinta xuduudeheenna dhulka, badda iyo cirkaba. Xiriirka aan la leennahay waddamada derisku waa mid ku dhisan iskaashi xooggan oo ku salaysan is-ixtiraam iyo wax wadaqabsi siman ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada. Soomaaliya waxay bud-dhige u tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika. Ujeeddooyinka iskaashiga waddamada Geeska Afrika waa in waddamada Geeska Afrika ay horumar waara ka gaaraan dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada, siyaasadda iyo bulshada. Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaan ugu danbeyntii Guddoonka Golaha Shacabka mar kale ka codsanayaa inay meel-mariyaan Hindise-sharciyeedda kala duwan ee horyaalla.Kalfadhigii shanaad ee Golaha Shacabkuna waa inoo furan yahay, maanta oo ah Maarso 27, 2019. Waa mahadsan tihiin. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ururka Haweenka ee VOSOMWO ayaa kulan lagaga hadlayey Dhibaatada uu Tahriibku leeyahay waxa uu u qabtay hablo dhalinyaro ah oo iskaga kala yimid xaafadaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo lagula dardaarmay inay ka fogaadaan waxyaalaha ku dhalinkara in maskaxdooda ay gasho Tahriibku. Kulankan loo qabtay Hablahan oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin ka kala socday dawlada iyo ururka VOSOMWO ayaa ka qabsoomay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, waxaana ugu horayn kulankaasi ka hadlay Marwo Hibo Maxamuud oo ah Agaasimaha ururkan Haweenka ee VOSOMWO, waxaanay hadalkeeda ku bilawday “Aad baad u mahadsan tihiin maadaama oo aad ka timaadeen dhamaan xaafadaha magaalada Hargeysa oo dhan, kulankeenan waxa aynu uga danleenahay tahriibka, waxaana aynu ognahay in Tahriibku uu yahay Aafo qaran oo maanta saameeyey dhamaan balshadeena da’yarta ah ee usoo kacaya dalka. Kulankan waxa qaban qaabinaysa anaga oo ah Ururka VOSOMWO oo ah urur maxaliya oo ka shaqeeya arimaha bulshada gaar ahaana arimaha dumarka iyo hablaha dhalinyarta ah, waxa kale oo Fun-garaynaysa dalada Sixa oo ah dalad ay ururo tiro badan isugu tageen oo u shaqaysa dhamaan ururada dumarka, markaa sixa aadbay ugu mahadsan yihiin maadaama oo ay nala garab galeen kulankeenan idinkuna aadbaad u mahadsan tihiin, maadaama oo aad ka soo qaybgasheen oo aad na ixtiraamteen oo wakhtigiinana aad noo hurteen, anaguna marwalba ka VOSOMWO ahaan waxaanu u taaganahay oo aanu idinla garab taaganahay inaanu wax idinla qabano, idinkuna aad nala shaqaysaan si aanu wax idiinla qabano si aynu u noqono bulsho hal mid ah oo wada shaqaysa.” Ayay tidhi Hibo Maxamud agaasimaha ururka. Sidoo kale Mr Shabac Cabdi Maxamed oo ah Madaxa Cilmibaadhista ee ururkaasi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi; “Waad ku mahadsan tihiin dhamaanba ka soo qaybgalayaasha ka soo qaybglaay barnaamijkan hablaha lagaga wacigalinayo arimaha tahriibka, waxaana halkan aanu iska waraysanaynay anaga iyo ururka VOSOMWO iyo habalaha halkan jooga oo qaar badan oo ka mid ahi ay Tahriib galeen. Markaa siday dad badani isla qaateen Tahriibku waa aafo qaran oo saamaysay Somaliland oo kaliya maahee wadamada Afirka oo dhan iyo qaybo ka mid ah qaarada Asia iyo qaybo ka mid ah wadamada Latin America, markaa ha moodin in inaga oo kaliyii aynu tahriibno. Waynu ognahay in dhalinyaro badan ay Tahriibto maxaa aynu Hablaha oo kaliya usoo xulanay, dal waliba Hablaha si gaar ah ayuu u ilaashadaa waa warshad gaar ah, Waa wax soo saar gaar ah, dal kastaa uu ku faano Hablihiisa, markaa anagu waxaani si gaar ah awooda u saaraynaa hablaha Somaliland si aynu meesha uga saarno fikarada ah in la tahriibo.” Ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey Shabac Cabdi Maxamed. Dhinaca kale Hoodo oo ka socotay hay’adda barakacayaasha Somaliland oo iyaduna ka warantay xaalada Tahriibka dhalinyarada iyo heerka uu marayo Tahriibku ayaa waxa ay tidhi; “Aniga oo ka socda Hay’adda Barakacayaasha Qaranka Somalialnd, Waxa hay’adda Barakacayaasha ka mid ah waax dhan oo xoog uga shaqaysaa arimaha Tahriibka, taas oo anaga dhan walba naga saamaysa, inamada ha noqoto ama hablaha, cidii tahriibaysana ama na dhexmaraysana anagu aanu kolay xogogaal u nahay, cida soo noqonaysa ee dhalinyarteenana aanu xogogaal u nahay. Sideedaba Tahriibku waa aafo qaran, waana cudur qofka Bani’aadamka ah sida uu duraygu ugu dhaco ugu dhaca, qof kasta oo bani’aadam ahi, maalinta uu niyada galiyo inuu tahriibo, wuu tahriibaa ama fikir qof kale ha ku arko ama cid kale ha ku guubaabiso ama isaga laftigiisa ha ka yimaado ama dhaqaale daro ha sababtee, sababtoo ah waxa keenaa waa cudurkaa qofka bani’aadamka ah qalbigiisa hal mar gala, waa jirta dad badan oo inta badan ina soo dhex mara oo tahriibayaal ah, kuwaas oo aan kuu sheegi karin yoolkoodu halka uu yahay, way soconayaan waxa ku jira hablo yaryar, waxa ku jira inamo yaryar waxaad arkaysaa iyagoo socda Buurta sheikh oo aan garayn inay libaaxyo joogaan iyo in kale” ayay tidhi Marwo Hoodo oo ka socota. Source
-
QARAMADA MIDOOBAY- Golaha ammaanka ayaa meelmariyey qaraar dib loogu cusbooneysiinayo xafiiska Qarmada Midboobay ee Soomaaliya (UNSOM) illaa bisha March 31, 2020. Marka la eego qaraarka tirsigiisu yahay 2461, Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM wuxuu sii wadayaa inuu ka qeybqaato nidaamka taageero iyo la talin ee la siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hawl-galka Midowga Africa ee (AMISOM) ee dhinacyada nabadeynta iyo dhismaha qaranka. Qaraarkan ayaa looga codsaday UNSOM inay sii waddo siina xoojiso hawl-galladeeda Soomaaliya ee dhammaan maamullada Soomaaliya. Waxaa hoosta laga xarriiqay muhiimadda xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM ee dhinacyada siyaasadeed iyo farsamo, sidoo kale saadka iyo iyo taageerada iyadoo lala kaashanayo xafiiska UNka ee Soomaaliya ee ka caawiya Soomaaliya dhismaha siyaasad guud oo lagu nabadeynayo dalka laguna gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020/2021. Waxaa loogu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada xubnaha ka ah inay dardargeliyaan fulinta isbeddellada lagu sameynayo arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay qaab-dhismeedka ammaanka qaranka. Qaraarkan ayaa lagu cambaareeyey sii-socoshada xadgudubyada ka dhanka ah carruurta oo ay ka mid tahay ciidameynta carruurta, kufsiga iyo afduubka oo ay si gaar ah u geystaan Alshabaab waxaana qaraarku ku boorriyey dhammaan qeybaha ku lugta leh dagaallada inay qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo loogana hortagayo qalalaase iyo xadgudubyo dheeri ah. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (SMN)- Amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa aad loo adkeeyaya,waxaana la filayaa in uu maanta booqdo madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni. Madaxweyne Deni ayaa socdaalka uu ku tagi doono Boosaaso ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee magaaladaasi tan iyo markii uu la wareegay xafiiska madaxtooyada Puntland. Balan qaadyadii sameeyay madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kamid ahaa in uu sare u qaadi doono amaanka magaalada Boosaaso oo inta badan ay ka dhacaan falal amni darro,marka lala simo magaalooyinka kale ee maamulkaasi. Ka hor socdaalkiisa Boosaaso,madaxweyne Deni ayaa horay u booqday magaalada Qardho,halkaas oo si balaaran loogu soo dhaweeyay,halka maanta la filayo in si heer sare ah loogu soo dhaweeyo magaalada Boosaaso. View the full article
-
Popular Contributors