-
Content Count
208,115 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa dalbaday in agoonta ciidanka dib loogu dhiso goobo lagu xanaaneyn jiray ee Lafooole ee dowladdii kacaanku dhistay. Gaashaanle sare Cismaan Wrsame Rooti, oo ah madaxa hoggaanka agoonta iyo danyarta ee ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay in dadkii qurbajoogta ahaa ee halkaan lagu barbaariyay ee hadda dibadda jooga looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sidiii loo dhisi lahaa xaruntan. “Waxaan soo booqannay xarunta agoonta lafoole ee wiilasha oo ka kooban dhisme 2,000 qof qaadaysa, waxaa xaruntaan gacanta ku hayey oo badbaadiyay ciidanka Asluubta, Allah u naxariistee Janaraal Cabduqaadir Owliyo oo ku geeriyooday ilaa haddana waxaa gacanta ku haayo ciidama Asluubta Soomaaliyeed”. Gaashaanlaha oo warkiisa siiwato ayaa sheegay in maalmahan ay wadaan qorshe dib loogu dhisayo xaruntaan oo ay ka qeyb qaadanayaan agoontii ku barbaartay waxna ku baratay oo hadda dalka dibaddiisa jira iyo ciidamada Asluubta. “Waxaan baryahan ku jirnaa qabanqaabo, annaga iyo dhalintii ka baxday xarumahaan iyo xarumaha dalka oo dhan, waxaan codsaneynaa in xarumahaan dayactir loo helo si loo baddbaadiyo agoon badan oo dalka ku dayacan, sidaa darteed waxaan maanta boonay xaruntii oo dhan oo maanta u baahan dayactir guud ahaan” Dhanka kale caruurta ay ciidamada Asluubta ay xanaaneeyaan ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa ah kuwa ku sugan dagmada Afgooye gaar ahaan iskuulkii kacaanka, halkaas oo ay ku sugan yihiin caruur badan oo agoon ah iyo kuwo dan yar ah. Faadumo Maxamed Jimcaale waa maamulaha iskuulkaan waxa ayna ka hadlaysaa sida ay dib u dhis ay ugu baahan yihiin xarumihii lagu xanaaneyn jiray caruurta agoonta aha iyo kuwa danyarta ah. “ Ujeedo kasto iyo dadaal kasto oo loo soo maray maanta wuu badbaaday College-kan, ujeedkii aabaheen Maxamed Siyaad uu u aas-aasay ayaa waxa ay aheyd in lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah iyo kuwa danyarta ah, waxaad aragtaan inay dib ushaqeeyeen u jeedkii loo aas aasayna ay qabanayaan indhahana aad ku aragtaan” Ugu dambeyntii, taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa Shaqadiisa ay qeyb ka ka tahay ilaalinta aqlaaqda dadka ayaa waxa ayaa waxa uu sheegay in lagu dadaalayo sidii loo dhisi lahaa xarumahaan lagu xanaaneeyo caruurta, waxa ayna u baahan yihiin dhul waasac ah kaas ka qeyb qaata xanaanda iyo fayo qabka caruurta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Qaar ka mid ah qoysaska dadkii ku dhintey burburkii diyaarad ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines ee nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa shirkadda Boeing ku dacweeyay maxkamada federalka ee dalka Maraykanka. Dad gaadhaya 157 ruux ayaa ku dhintey burburka diyaaradan iyadoo dadka ku dhinteyna ay ka soo kala jeedeen inkabadan soddon wadan. Hase yeeshee, ehelada Jaksan Musoni oo ka mid ah dadki shilka diyaaradeed ku geeriyooday ayaa waxay dacwad ku soo oogeen shirkadda Boeing, iyaga oo dacwadooda ku sheegay in diyaaradda burburtay ee Boeing 737 Max 8 uu ka khaldanaa habka duuliyaha kumbuyuutarka, taasina ay sababtay inuu shilka dhaco. Shilkan oo dhacay shan bilood ka dib markii ay burburtay diyaaraddii laga lahaa Indonesia oo iyaduna nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa horseeday in gabi ahaanba duullimaadyada laga joojiyey diyaaradaha nooca burburay ah. Shirkadda Boeing ee diyaaradda burburtay sameysay ayaan ilaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixinin dacwadda lagu soo oogayna. Toddobaadkan ayay shirkadda Boeing sheegtay in qayb ka mid ah diyaaradda ay cillad ku arkeen, cilladdii jirtayna ay xal u heleen. Balse, khubarada baaritaanka shilka diyaaradeed ee dhacay loo xilsaaray waxay weli ku howlan yihiin baaritaankooda. Source
-
(SLT-London)-Booliiska magaalada ayaa baacsanaya nin la sheegay in uu mid kale ku tooriyayeeya masaajid ku yaalla badhtamaha magaalada London. Ninka la tooriyeeyay, markii dambana u dhintay ayaa la sheegay in uu yahay 20 jir, waxana uu falka ka dhacay masaajidka Reben Park ee badhtamaha London. Nin lagu magacaabo Bahir Mowlana ayaa sheegay in uu arkayay booliiska oo xidhay laba qof oo masaajidka ku sugnaa Balse booliiska ayaa sheegay in ayna jirin cid loo xidhay falka dhacay, waxayna intaas ku dareen in weerarka dhacay uusan ahayn mid la xidhiidha arrimo argagixiso. Weerarkan dhacay ayaa imanaya xilli dadka dhegahooda uu kasii guuxayo weerarkii 50 ka qof lagu laayay ee ka dhacay masaajid ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand. Masaajiddo ku yaala Ingiriiska, iyo Maraykanka ayaa loo sameeyay illaalo hubeysan, gaar ahaan maalmaha jimcaha si aysan u dhicin wixii ka dhacay Christchurch. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Masuuliyiin xilal kasoo qabtay Somaliland xiligii Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay ka xoogtay maamulka Hawada qeybtii Somaliland ay ku laheyd. Wasiirkii hore ee duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in xiligii talada hayeen ay dadaal badan u geleen sidii ay u heli lahaayeen doorka ay ku lahaayeen maamulka Hawada Soomaaliya. Maxamuud Xaashi, ayaa sheegay in markii hore Qaramada Midoobay ay maamuli jirtay saadaasha hawada Soomaaliya, balse hay’adaha Qaramada Midoobay ay ka hiiliyeen Somaliland, taasi oo keentay in laga xoogo maamulka Hawada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya inay kaga baxday Somaliland heshiisyo badan oo dhanka maamulka Hawada ah oo la wada galay, iyadoo taasi ay dhalisay in Muqdisho loosoo wareejiyo. Heshiisyadii Istanbuul ee ay Somaliland la gashay Dowladda Federaalka ah ayaa dhigayay in Maamulka Hawada laga dhigo mid farsamo oo laga daayo siyaasadda, xaruntiisana noqoto Magaalada Hargeysa,waxaana ballantii ka baxday dowladda Federaalka ah sida uu yiri Wasiirku. Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa Muqdisho loosoo wareejiyay, iyadoo laga soo raray magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo tan iyo burburkii laga hagayay diyaaradaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Booliska magaalada San Diego ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta kusoo dhigeen ninka lagu magacaabo Abdiaziz Kerow (45-jir), kaas oo bil ka hor ku dilay xaaskiisa Muna Salad guri uga kireysnaa cinwaanka 4000 block of Van Dyke Avenue. Eedeysanaha ayay boolisku sheegeen in laga soo qabtay dalka Panama ee dhaca qaaradda Ameerica, taariikhdu markey aheyd 20-bishan Maarso, waxaana ay intaa raaciyeen in uu iminka ku jiro xabsiga San Diego Central Jail. Gabadh la dhalatay Muno ayaa subaxnimadii 02 bishan Maarso markii ay walaasheed khabarkeeda weyday ku booqatay gurigeeda, halkaas oo ay ku aragtay meydka walaasheed oo qeybeheeda sare ee jidhka kaga yaalaan dhaawac, waxaana ay halkaasi ku wacday booliska. Tan iyo maalintaas, seyga Mudo ayuu baxsad ahaa, waxaana intaas lagu hayay baadi-goob kaas oo ugu dambeyn lagu soo qabtay. Booliska ayaa lacag dhan 5 milyan oo dollar sheegay in damaanad ahaan loogu sii deyn karo dambiile Kerow. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa xog dheeraad ah ka bixisay muwaadiniin u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo Al Shabaab ay ku dileen deegaanka Yaaq Baraawe. Dowladda Kenya ayaa shaacisay in seddex ruux oo Kenyan ah oo mid kamid ah Haweeney aheyd lagu dilay deegaanka Yaaq Baraawe, kadib markii Al Shabaab dadkaasi ay ku eedeeyeen inay jaajuus ahaayeen. Sirdoonka Kenya ayaa shaaciyay in seddexda ruux ee Kenyan-ka ah la dilay arbacadii lasoo dhaafay, waxaana Al Shabaab ay ku eedeeyeen inay jaajuus u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera. Haweeneyda la dilay ayaa waxaa ay ka soo jeedaa Gobolka Xeebta ee Kenya halka labada qof ee kale ay ka soo jeedaan Wajeer sida ay sheegeen Hay’adaha sirdoonka Kenya ee warkan siiyay warbaahinta. Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in dilka saddexda qof ee Kenyaanka ah uu yimid kaddib markii Jimcihii todobaadkii hore duqeyn ka dhacday Bu’aale lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab una dhashay Kenya, taasi oo Kenya ay sheegtay inay sababtay in la toogto dadka Kenyan-ka ah. Dowladda Kenya ayaa waxaa ay intaas ku dartay in Ciidanka Kenya ee dhinaca xeebta heegan la geliyay markii Khamiistii ay baxsadeen shan ka mid ah Al-shabaab oo lagu weeraray guri ay ku dhuumanayeen. Waxaana Sirdoonka Kenya ay shaaciyeen in Salim Rashid Mohammed, Rashid Mwatsu aka Mody, Juma Waziri, Mkauma Ali Mbuiya iyo Juma Mwengo ay ahaayeen kuwa ka baxsaday ciidanka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Carmo (SMN) – Saciid C/laahi Deni madaxweynaha Puntland oo xalay gaaray magaalada Carmo ee gobolka Bari ayaa baaq u diray shacabka maamulkaasi. Madaxweyne Deni oo dadweyne fara badan kula hadlay Carmo ayaa ka dalbaday inay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortago weerarada Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in sare loo qaado wada shaqeynta ka dhaxeysa shacabka iyo hay’adaha amniga. Wafdi uu hoggaaminayo Saciid C/laahi Deni madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa haatan socdaal ku maraya gobolka Bari ee maamulkaasi. View the full article
-
Golaha shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu yeesho kulankii ugu horeeyey ee kalfadhiga 5aad. Ajendaha ayaa lagu sheegay in warbixin laga dhageysanayo guddiga dib u eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka, iyaga oo ka warbixin doona 10 qodobka ee ay soo gabagabeeyeen. Waxaa xusid mudan in aqalka sare aanu weli furin, labada aqal waxaa horyaalla arrimo badan oo ay ka yihiin hindise sharciyeedka doorashooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qoryooley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal cusub oo xalay ka dhacay duleedka degmada Qoryooyle ee gobolka Sh/ Hoose. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen saldhigyo Ciidamada dowladda ay kuy leeyihiin inta u dhexeysa deegaanada Kabtan Laas iyo Gaawirow ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, mana jiro jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ee gobolka Sh/ Hoose. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa la soo dhoobay isgoysyada qaar, iyagoona dib u celinaya gaadiidka dadweynaha iyo kan gaarka loo leeyahay intaba. Ujeedada loo xiran waddooyinkan lama shaacin, balse wararka qaar ayaa sheegaya in la xariirto arrintan kulan maanta ay leeyihiin xildhibaanada Golaha Shacabka. Kulankan oo ahaa kii koowaad ee Kalfadhiga shanaad BFS ayey Xildhibaanadu uga hadli doonaan qodobo dhowr ah, maadaama ay dib uga soo laabteen fasaxii ay ku jireen. 27-kii bishan ayey ahey markii madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu daah-furay Kalfadhiga, kadib munaasabad ka dhacday M/Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-30032019.mp3 View the full article
-
Mogadishu Mogadishu once known as the pearl of Indian Ocean, it is the capital city of Somalia, largest and most populous city in the nation. The city’s peacefulness is tantamount that the entire nation is in a tranquil. Sad to say, our capital is accustomed to regular attacks and explosions. If you type the word “Mogadishu” or “Somalia” into the Google, you will instantly see violent news such as “Al-Shabaab attack in Somali capital kills at least 10” and ” Somalia’s Al-Shabaab militants attack ministry” from the major news sites in the globe; The Washington post, CNN, Reuters, Aljazeera, The Guardian and so on. 8th February 2017, President Farmaajo came to power; the president’s election triumph was widely applauded and welcomed. Upon word of his election, celebrations rocked the entire country; the people thrilled as they born again. The president stoutly pledged at many occasions that his government would defeat Al-shabaab with in two-year period. It was a noble decision, although; it was seemed a far-fetched to some people. Two years on, Mogadishu is bleeding and suffering, the people are in regular fear, condolences and miserable condition. Our much-beloved ones perish in these regular banes. The explosions are incessantly blasting and we learn nothing. Alshabaab is regularly attacking us, and what disheartens the commune is that the terrorists get less retaliation from the government, government’s security reconnaissance and intelligence is feeble. Al-Shabaab have the courage to attack the government buildings and kill senior government officials as it happened March 23, let alone the civilians and private hotels. It is just one example out of many; that is indicating Mogadishu’s volatile security. Not a single high-ranking security official is being sacked or resigned due to failure or negligence, so far, except district police commissioners who were fired but many people described the change as naive since the failed ministries are on duty. The government has long been criticized by the community and this is signaling that the security complaint of the people fall on deaf ears. This is also undoubtedly pointing the presence of vast corruption, negligence and nepotism in the security authorities. The public see that Mogadishu’s security has been deteriorating and the question are many asking is the reason behind the worsening. I have the curiosity to dig deeper the main hurdles and the obstacles of Mogadishu’s peace. The Mogadishu’s peace obstructions are multitudinous. The major barrier is mercenary trader who benefited the anarchy and lawlessness. Moreover, these traders are backers, financers and sponsors of the anarchism. They hinder any step towards peace and progress; it is because they will broke if rule of law is fully install. The incontestable obstacle is; the security cooperation between the members of the public and police forces is not meritoriously working. The civilians and security authorities are quarantining one other and this will ease the denotations to increase. Public-government security collaboration is what we dearth. People are highly eager of security betterment but they do not work closely with government; the other way around, they work with Al-shabaab and pay extortion owing to the fear of peril and targeting. Penetration from overseas enemies might exist, which is may be a part and parcel of Mogadishu’s security jeopardy and Somalia at large. To be honest, not any one can firmly prove and explain how these outsiders create insecurity and chaos in our country. To be fair, cronyism and negligence are lucid stumbling blocks to the security; People have the opinion that federal government of Somalia has less heed towards security; it is because the no retaliation the terrorist encounter from the government. This administration has shown us a fight against corruption and nepotism and the people sturdily cheered but still, it is eminently exist in the administration. Certain high-ranking security officials stay in the power in a cronyism and corruption way, and this is a part and parcel of the bungling; Friendship bond overpowered the public security is what elevated the lack of accountability in the security sector. Somali nationals are anguishing; they do not need rhetoric words and eloquent speeches any more, they need a tangible action and fulfilment to get peace and to live without hostile aggression. It is fact-based that we are confronting suicide bombers who are ruthlessly perishing their lives and it is true that it is hard to overcome such kind of attackers but the only technique we can defeat them is to have the traits of commitment, solidarity and vigilance. It is significant to establish a better collaboration between the public and security authorities and without police-community Corporation nothing is rectifying rather, the instability will endure. Government must retaliate Al-Shabaab to defend the lives of the people. If the terrorist face regular attacks from government and civilians combined, their assaults into the civilians would be tenuous. The serving security official must be qualified, committed and expert in security sector. The government of Somalia must come up with comprehensive security strategies to combat and to eliminate the terrorists. By: Mohamed Aidarus Mohamud maidarus111@gmail.com The post Mogadishu’s security is worse off, wherefore? appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya kaasi uu dhowaaan uu daahfuray madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanada ayaa warbixin ka dhageysanaya Guddiga dib u eegista dastuurka dalka oo baryihii ugu dambeeysay arimo la xariiro dib u eegista dastuurka waday. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo ansixinta hindise sharciyeed badan oo loo soo gudbiyay. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray isgooysyada muhiimka ah ee Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeelanaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa golaha ammaanka QM u qortay ashtako ka dhan safarkii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dhowaan ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida uu qoray wargeyska East Africa Business Week. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay si gaar ah uga carrootay in Imaaraadka Carabta ay Muuse Biixi ku qaabileen calanka Somaliland iyo ayada oo heesta astaanka qaranka Somaliland loo tumay. Sida wargeyska qoray, dowladda Soomaaliya ayaa warqaddeeda ku sheegtay in la macaamilka Imaaraadka Carabta eee Somaliland uu xadgudub ku yahay madax bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya. Wakiilka Somaliland ee Kenya, Cumar Baashe oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri “Haddii aan nahay Somaliland waan ka xunnahay ashtakada ay dowladda Soomaaliya u gudbisay golaha ammaanka ee QM ee ku aadan safarkii uu madaxweyne Muuse Biixi dhowaan ku tagay Imaaraadka Carabta” “Waxaan doonayaa inaan ku celiyo in Somaliland ay tahay dal madax banaan oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay iyo dowlad si dimoqraadi ah loo doortay. Somaliland waa ay u madax banaan tahay in la macaamisho dalalka kale, umana baahna fasaxa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Cumar Baashe. “Waxaan sidoo kale sii wadi doonnaa inaan beesha caalamka kala hadalno sidii aan u heli lahayn aqoonsi iyo madax banaani rasmi ah” Dowladda Soomaaliya oo ay Caasimada Online wax ka weydiisay dacwada la sheegay inay gudbisay Soomaaliya waa ay ka gaabsatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa la shaaciyay qeyb ka mid ah warbixintii isbuucaan la sugayay ee ku aadanaa baaritaanka ciladda ay u dhacday diyaaraddii Ethiopian Airlines Boeings 737 Max8 ee bil ka hor ku dhacday dalka Itoobiya taas oo ay ku dhinteen dad lagu sheeay 157 ruux oo isugu jira rakaan iyo shaqaale. Shilka diyaaraddan ayaa ku cilad noqotay middii sannadkii 2018 ku dhacday bannaanka caasimadda dalka Mareysia ee Jakarta taas oo ay laheyd shirkadda Lion Air islamarkaana ay ku wada dhinteen dhamaan rakaabka iyo shaqaalihii saarnaa. Ciladda ayaa lagu sheegay mid ka timid sistam la daaray kaas oo jawiga u toosin lahaa diyaaradda, balse bilcaksi galiyay diyaaradda khalkhal, sababayna in ay dhulka afka aadiso. Nooca diyaaraddan ayaa caalamka dhac laga mamnuucan kadib shilkii Itoobiya, waxaana islamarkiiba soo shaac´baxday in cilad dhanka diyaaradda ah ay jirto. Warar iminka soo shaac baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in durba lagu bilaabay dacwad shirkadda sameysay diyaaradda taas oo ay gudbinayaan ehelada dadka ku dhintay diyaaradahan. Dacwadda ayaa laga gudbiyay gudaha dalka Mareykanka. Ethiopian Airlines @flyethiopian Accident Bulletin no. 6 Issued on March 11, 2019 at 01:40 PM Local Time The Digital Flight Data Recorder(DFDR) and Cockpit Voice Recorder(CVR) of ET302 have been Recovered. Qaran News
-
Xoghaya guud ee QM oo magacaabay ku-simaha ku-xigeenka ergeyga Somalia Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay George Conway oo kasoo jeeda dalka Canada inuu noqdo ku-simaha ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada midoobay ee (UNSOM) isagoo sidoo kale ah isku-duwaha hawlaha bini’aadannimo ee Soomaaliya. Mr Conway ayaa beddelaya Peter de Clerk oo kasoo jeeda dalka Netherlands. Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey de Clerk shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka qabtay Soomaaliya intii uu joogay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Mr Conway oo hadda ah mas’uul ka tirsan hay’adda UNDP Soomaaliya ayaa ah nin waaya-aragnimo durugsan leh shaqooyin aad muhiim ahna kasoo qabtay Qaramada Midoobay, isagoo soo qabtay xilalka la taliye xafiiska UNDP ee Africa, agaasime UNDP ka tirsan gaar ahaan dalka Koofurta Sudan iyo ku xigeenka madaxa barnaamijyada UNDP ee Koofurta Sudan. Mr Conway wuxuu dhashay sannadkii 1970 waana nin ka qaatay shaadaha Master of Arts jaamacadda Carleton iyo jaamacadda Western Ontario, sidoo kale wuxuu Bachelor of Arts ka qaatay jaamacadda Winnipeg. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Soomaaliya, Mahad Cawad ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo Soomaali oo dhan ka dhaxeysa, hase yeeshee magaalooyinka kale ee dalka ay kala leeyihiin qabiilo. “Soomaaliyey aan runta isu sheegno, Soomaali waxaa ka dhaxeeya kaliya calanka bulugga ah iyo Xamar, inta kale waxaa kala leh qoysas” ayuu yiri Mahad Cawad oo ka hadlay kulan lagu qabtay hotel Royal ee magaalada Muqdisho. “Lama kala sheegan karo Xamar iyo calanka, waxay muujinayaan ficil midow, waxa kaliya ee lagu midoobay waa labadaas” ayuu yiri Mahad Cawad, oo ay u sacaba tumeen qaar ka mid ah dadkii dhageysanayey. Mahad Cawad ayaa sheegay in Muqdisho ay muujisay inaysan u kala duwaneyn qofka ka yimaada Baay ama Bakool ama Sanaad” ayuu sii raaciyey Mahad Cawad. Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan Soomaalida oo idil ay isugu yimaadaan Muqdisho ay astaan u tahay in Soomaali isku soo noqotay, oo laga soo bogsanayo kala qob-qobkii. Hoos ka daawo Mahad Cawad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Masar ayaa u muuqataa inay beddeleyso siyaasaddeedii ku aadaneyd Somaliland iyo midnimada Soomaaliya sida uu sheegay Rashiid Cabdi, oo ah agaasimaha mashruuca Geeska Afrika ee hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG). Wafdi ka socda wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka wasaaradaasi Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa safar shaqo ku tagay dhowaan dalka Masar, isagoo kulano la yeeshay dhigiisa dalka Masar iyo masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Masar. Wafdigan Somaliland ka socday ayaa sidoo kale waxay kulamo la qaaten Saraakiil kamida kaaliyeyaasha dawladda Masar u qaabilsan dalalka Afrika iyo Geeska Afrikaba, iyagoo kulamo la qaatey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaandhiga dawladda Masar, oo uu hogaaminayay Gen. Jamal Xigasi, iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda iskaashiga dibadda iyo horumarinta ee Masar. Rashiid Cabdi ayaa booqashada waftigan ku macneeyey mid muujineysa is-beddel ku yimid siyaasaddii arrimaha dibedda Masar. “Is-beddelka Masar ee ku wajahan Somaliland waa mid aad muhiim u ah. Qaahira waxay caadiyan ahayd codka ugu xooggan ee carbeed ee kasoo horjeeda burburka Sooomaaliya, waxay doorbidi jirtay dowlad dhexe oo Soomaaliyeed, oo ay rumeysned inay ku caabin karto Ethiopia.” Ayuu yiri Rashiid Cabdi. Kulamada waftiga Somaliland iyo dowladda Masar, ayaa waxaa la sheegaya inay kaso baxeen in labadda dowladood ee Somaliland iyo Masar ay iska kaashadaan dhinacyadda caafimaadka, waxbarashadda, horumarinta dhaqaalaha iyo dhanka amniga. Masar ayaa qeyb ka ah xulufada dalalka Carbeed ee go’doominta galiyey dalka Qatar, oo dowladda Soomaaliya ay aad isugu dhow yihiin. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Dulmar Guud Rubuc sanadeedkii u dambeeyay 2018 waxaa sii kordhayay dilalka toogashada ah iyo kuwa bombada dhajiska ah ee Kooxda Al-Shabaab, iyadoo ay hoos u dhaceen tirada weerarada tooska ah lala beegsado dowladda iyo fadhiyada ciidammada ay bahda yihiin. Ifafaalahaanu wuxuu soo billawday horaantii sanadka, taasoo muujineyso hoos-u-dhaca tirada weerarrada tooska ah iyo kororka tirada dilalka qorsheysan iyo qaraxyada. Waxay kooxdu u muuqataa inay u sii xuub-siibaneyso taktakida dagaal-magaaleedka, si ay uga raad-tirato duqaymaha hawada ee kusii kordhayey kuwaasoo wiiqay awooddeeda ay ku dhibaateyn jirtey dowladda iyo xulufadeedaba. Ololaha dilalka toogashada ah Toogashada qorshaysan ee bistooladaha loo adeegsado ayay xoogga ku saaraan Muqdisho iyo nawaaxigeeda, qaasatan dhanka Woqooyi-Galbeed. Saddexdii bilood ee ugu dambeysey ee 2018 heerka xawligoodu isma beddelin oo wuxuu la mid ahaa rubucyadii ka horreeyey isla muddadan. Ururka Dowladda Islaamiga ee Soomaaliya (DIS) [Daacishta Soomaaliya] wuxuu Muqdisho uga soo faafay dhanka buuraleyda Bariga Boosaaso oo ay ku dhuumaaleystaan, iyagoo caasimadda usoo direy ku-xigeenka Amiirkooda si uu ula socdo faafidda iyo xoogaysiga kooxda. Ku-xigeenka DIS waxaa si aan weli la fahamsaneyn loogu dilay magaalada Muqdisho; si kastaba, DIS waxaa joogitaankeeda caasimadda laga dareemay markii ay dileen ganacsato diiday inay bixiyaan canshuurta. Cabsi uga soo korortay xagga DIS inay u lumiyaan awoodda ay ku lahaayeen Caasimadda, ayaa Al-Shabaab waxay ku jawaabtay inay unugyadooda Amniyaatka iyo weliba qaar ka mid ah cutubyadooda rigliga ah ka hawl geliyaan Muqdisho, gaar ahaanna Suuqa Bakaaraha. Waxay ku hanjabtay inay baabuurta qaraxyada lagu raro u diri doonto ganacsi walba oo aqbala shuruudaha DIS. Waxayna u ballan qaadeen inay iyagu ilaalin doonaan ganacsiyadoodaas, iyagoo u qeybiyey lambarro telefoon oo ay soo wici karaan haddii ay khatar dareemaan. Macluumaadka uga yimid taleefonada ay qaybiyeen iyo weliba baaritaannadii gaar ahaan ay AS sameeyeen ayaa ka caawisey inay markiiba fahmaan siduu u shaqeeyo badanka unugyada DIS ee gudaha iyo agagaaraha Muqdisho. AS waxay muddo labo toddobaad ah si la hubo uga takhallustay dhaqdhaqaaqyadi DIS ee gudaha iyo agagaaraha magaalada Muqdisho. Is-beegsiga DIS-AS ee Muqdisho, ayaa AS ka mashquuliyay beegsigii ay ku wadi lahaayeen DFS xilligan. Si kastaba, awoodaha dheeraadka ah ee ay kusoo daadisey Caasimadda waxaa macnaheedu yahay inay dilalka toogashada ahi kasii socon doonaan degaankan. Ololaha qaraxyada Si la mid ah ololaha dilalka toogashada ah, ayuu ololaha qaraxuna ugu koobnaa Muqdisho balse kusii faafay dhanka Woqooyi-Galbeed ee Caasimadda. Waxay taasi tilmaameysaa inay AS leedahay ciidan tayo leh oo Amniyaat ah oo ka hawlgala degaannada Woqooyi-Galbeed ka xiga Muqdisho. AS waxay isku dayeysaa inay go’doomiso ciidammada ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose iyadoo jidadka qaraxyada macmalka (IED) ah u dhigaysa baabuurta milateriga, halkaasoo ay bishii Disembar 2018 ku dishay taliyihii ugu sarreeyey ciidanka XDS Qeybta 12 Abriil. Kooxdu weli wey waddaa ku-daadinta qaraxyada macmalka ah ee jid-xeebeedka ku fidsan jihada Koofur-Galbeed ka xigta caasimadda. Rubuci ugu dambeeyey ee 2018 wuxuu ahaa mid ay qaraxyadu kordheen 235% markii la barbar dhigo rubucii ugu horeeyey ee isla sanadkaas. Tani waxay si cad uga jawaabeysaa kordhinta weerarada cirka ah ee diyaaradaha Mareykanka ee lala beegsanayo dhaqdhaqaaqyadooda milateri. Kooxdu waxay u muuqataa inay beddeleyso muuqooda si ay isugu diyaariyaan xaqiiqada cusub ee goobta dagaalka una yareeyaan sida weerarrada hawadu u saameeyeen awooddooda shaqo. Adeegsiga awood milateri toos ah Markii ugu horreysey sanadka 2018, ayey ciidammada xulufadu ku guuleysteen inay AS/DIS ku qaadaan weerarro toos ah, kuwaaso ka badnaa kuwa ay AS ku qaadi kartey ciidanka xulufada. Weeraro oo ay qaadeen ciidanka Puntland ee Woqooyi-Bari dalka illaa kuwa Jubbaland ee Koofurta, AS waxaa inta badan lagu koobay is-difaac. Waxaa dagaallo uga guuleystay ciidammada qabiillada iyo kuwa Galmudug ee bartamaha Soomaaliya, sidoo kalena hoggaamiye ayaa si gaadmo ah looga dilay gobolka Koofur-Galbeed. Duqeynta cirka ahi waxay AS ku adkeysey inay adeegsato hubabkeeda cuscuslaa iyo weliba daabulidda ciidankeeda, taasoo siisey ciidanka gobollada fursad aysan hore u heysan jirin. Gabagabo Kaalmada laga helay duqaynta cirka ah ee ciidammada xulufada ayaa ciidanka DFS/DGS/AMISOM u suuro gelisey inay AS kala wareegaan awoodda milateri rubucii ugu dambeeyey ee 2018; AS waxaa lagu qasbay inay yareyso dhaqdhaqaaqyadeedi milateri ee miyiga. Si kastaba ha ahaatee, si ay uga jawaabto qasaarahaas ayey iyana noloshii ku adkeysay degaannada ay dowladdu ka taliso, iyadoo qaraxyada macmalka ah ku xirtay jidadki waaweynaa ee sahayda, una beddelatay dagaal magaalo. Gudaha Muqdisho, AS waxay kusii yeelatay kalsooni badan kaddib markii ay ganacsatada gudaha siisey ximaayad aysan ka heli jirin DFS. Mashinkii ay ugu talogashay iska caabbinta DIS ayey kooxdu usii adeegsan doontaa ballaarinta ololaheeda dagaal magaaleedkeeda. Dowladda iyo xulufadeeda waxay u baahnaan doonaan inay si aad ah u maalgeliyaan ilaalinta magaalada iyo inay ximaayad siiyaan shacabka, haddii kale waxay qatar ugu jiraan inay gacantooda kasii baxdo caasimaddu. Warbixintan waxaa diyaariyey machadka daarsaadka amniga ee Hiraal Institute
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya Kulankoodii ugu horeeyay ee kalfadhiga Shanaad ee golaha Shacabka, iyadoo ay horyaalaan shaqooyin badan. Kulanka maanta ee xildhibaanada ayaa sida qaar kamid ah xildhibaanada ay xaqiijiyeen wuxuu ku saabsan yahay dhageysiga warbixin ay soo gudbinayaan guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka. Xubnaha Guddiga ka tirsan ayaa shaaciyay inay xildhibaanada golaha shacabka la wadaagi doonaan waxyaabaha ay qabteen muddooyinkii u dambeeyay halka uu marayo qorshaha dib u eegista Dastuurka. Xildhibaanada waxaa horyaala shaqooyin badan iyo ka doodista ajandayaal ay kamid yihiin dardar gelinta Shuruucda doorashooyinka, sharciyada axsaabta iyo arimo kale, sida uu dhawaan sheegay guddoomiyaha baarlamaanka. Xildhibaano badan oo kamid ah baarlamaanka ayaa horey u dalbaday dib u furida kalfadhiyada baarlamaanka, iyaga oo sheegay in kalfadhigaan uu noqon doono mid lagula xisaabtamo madaxda dowladda. Xaaladda amaan ee dalka oo aad usii xumaatay maalmihii ugu dambeeyay ayaa laga war dhowrayaa xildhibaanada inay kula xisaabtami doonaan hay’adaha ay quseyso. Waxaa qaarkood ay baraha Bulshada kaga hadlaan amaanka iyo dhaliilaha ay leeyihiin laamaha amniga, iyada oo laga sugayo xildhibaanada inay la xisaabtamaan dadka ka masuulka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors