-
Content Count
208,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Abuukaate Maxamuud oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa si adag kaga hadlay amni darada magaalada Muqdisho iyo sida ay ku suuro gasho in qaraxyada kasoo gudbaan meelaha qaar oo ciidamada dowaldda ay joogaan. Xildhibaanka ayaa sheegay in meelaha gaadiidka lagu baaro ee ku yaala magaalada Muqdisho ay adag tahay in gaadiidka qaar oo masuuliyiin ay la socdaan inay ku adag tahay inay ka gudbaan, haddana qaraxyadii wali ay dhacayaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in Xaafado horleh jidcadayaasha laga xiray, walina xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ay u muuqato mid faraha kasii baxaysa, isaga oo sheegay inay muuqato in amaanka caasimada lagu fashilmay. “Baraha ciidamada joogaan dadkeena masuuliyiinta ayay ku adag tahay meelaha qaarkood inay ka gudbaan, hadana waxaa dhaceyso in gaariga qaraxa wada uu soo gudbaa, wuuna dhacaa, hadana dadka waxaa loo sheegaa wax iska qiyaali ah”ayuu yiri xildhibaan Abuukaate. Wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay in isbadal dhanka amaanka lala yimaadi, isaga oo sheegay in isla xisaabtan la’aanta qaraxyada iyo dilalka dhacaya ay u muuqato xukuumadda inay raali ka tahay waxa dhacaya, sida uu hadalka u yiri. “Aniga koleey fikrad ahaan waxaan qabaa in istiraatiijiyadda amniga la badalo, ciidan xasilin ah ayaa horey loo keenay, malaayiin doolar ayaa lagu cunay, dad ayaa lagu dilay, qoryo ayaa lagu qaatay, haddana hal maalin ayaa lagu kala diray”. “Aniga waxaan qabaa in dadka amniga ka shaqeyn jiray la keeno oo dadkii hore loo dhiibo, magaaladaan maxaakiimtii iyadoo aysan dhaqaalo heysan ayay amaan ka dhigeen, waxaase kasii daran Aamuusnaanto lafteeda raali ahaanshaha ayay kamid tahay, haddii qaraxyada dhacaya la iskula xisaabtameyn, dad loo ciqaabeynin, dad xilalka looga qaadeynin, marka waxaan qabaa in raali ay ka yihiin waxa dhacaya, waa in hanaan cusub loola yimaado”ayuu hadalkiisa raaciyay xildhibaan Abuukaate. Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya iyadoo todobaadkaan oo kaliya ugu yaraan 7 qarax ay ka dhacday magaalada Muqdisho kuwaasi oo sababay dhimashada dad badan oo shacab ah iyo shaqaale dowladeed ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay baaqatay xaflad casho sharaf oo Muqdisho loogu samayn lahaa madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiska Axmed Madoobe. Sida aan xogta ku helnay, cashadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobalka Banaadir waxaana ka qayb geli lahaa Xildhibaano, Senatoro, wasiiro iyo marti sharaf kale. Xafladda ayaa loo baajiyey sababo la xiriira qaraxii shalay ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof, halka 16 kalena ay ku dhaawacmeen. Axmed Madoobe iyo xubno kale ayaa soo jeediyay in la baajiyo maadaama aan la damaashaadi karin iyadoo uu mayd yaalo magaalada, sida aan xogta ku helnay. Axmed Madoobe ayaa Muqdisho ku sugnaa maalmihii dhowaa, waxaana weli uusan la kulmin madaxda dowladda oo uu Muqdisho u yimid inuu kala hadlo is-faham dhex-maray maamulkiisa iyo dowladda dhexe. Tan iyo markii uu magaalada yimid, waxaa sii xoogeystay weerarada iyo qaraxyada magaalada, ayada oo madaxda dowladda ee galeen jahwareer amni iyo mid siyaasadeed, taasi oo baajisay kulamo dhowr ah oo la qorsheeyey. Axmed Madoobe ayaa qorshuhu yahay inuu Kismaayo ku laabto maalinta sabatida, hase yeeshee waxay u badan tahay inuu magaalada sii joogo waqti dheeraad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dayac amni uu ka jiro Magaalada Muqdisho, islamarkaana maalinwalba la gumaado Shacabka Soomaaliyeed. “Qalbi-jab iyo tiraanyo kaloo hor leh oo wiliba aad isugu xig-xiga. Waxaan dhibka la qeybsanayaa dhamaan intii wax yeeladu kasoo gaartay qaraxii maanta ee Muqdisho ka dhacay. Intii ku dhimatay naxariistii janno Allaha siiyo, dhaawacana Allaha u dhib yareeyo” ayuu yiri Taabid Cabdi. “Ma garan karo wax kale oo aan ku tilmaamo gumaadka iyo dayaca amni ee isu biirsaday shacabka Soomaaliyeed balse waxaan leeyahay Alle wuu idin wada arkaa, ee weli waxaad heystaan waqti aad isku saxdaan, Ilaahayna aad ugu soo laabataan. Ogaada cuqubada muwaadinka miskiinka ah ee aan talo iyo tabar heynin wey soo baxeysaa maalin uun, Ilaaheyna ma il-duufo oo wuu idin wada arkaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Hadalka Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa yimid xilli Magaalada Muqdisho ay maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen Qaraxyo joogto ah oo ay ku dhinteen dad badan oo Shacab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash ayaa sheegay in dalalka Carabta ay gaareen “go’aan aad u qaldan” markii ay go’aansadeen inaysan xiriir rasmi ah la yeelan Israel. Anwar Gargash ayaa wargeyska Imaaraatka ee The National u sheegay in loo baahan yahay is-beddel ku yimaada xiriirka Carabta iyo Israel, si loogu guuleysto nabad laga dhex-dhaliyo Israel iyo Falastiin. “Sanado badan ka hor, markii Carabta go’aan ku gaareen inaysan xiriir la yeelan Israel, kaasi waxa uu ahaa go’aan aad u qaldan” ayuu Gargash si aan caadi ahayn u yiri. Hadalkiisa ayaa yimid maalmo un kadib markii Imaaraadka iyo dalalka kale ee Khaliijka ay cambaareeyeen go’aanka madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul Israel. Israel ayaa waxay xiriir rasmi ah la leedahay kaliya laba dal oo carbeed oo kala ah Masar iyo Jordan. Gargash ayaa sheegay in iminka uu rajaynayo in xiriirka Carabta iyo Israel uu si tartiib ah u koro. “Waxaa loo baahan yahay is-beddel istaraatiijiyadeed si aan guul uga gaarno aagga nabadda” ayuu yiri. “Haddii ay xaaladda sidan kusii socoto, 15 sano kadib waxaan wajahaynaa marxalad aan ku qasbanaano inaan aqbalno hal dal oo xuquuqdiisa loo siman yahay” ayuu yiri Gargash. “Xalka laba dal oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Israel suurta-gal ma noqon karo, sababtoo ah dhulkii Falastiiin wuu sii yaraanaa oo waxaa kis kis u qaadaneysa Israel” ayuuu yiri Gargash. Wax auu ku taliyey in Carabta la heshiiso xiriirna la yeelato Israel. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
By 2050, 68% of the global population will live in cities. Most of this urban population growth is taking place in Africa and Asia, creating huge demand for new infrastructure and services. Among other infrastructure needs, there is an urgent need to build street lighting throughout urban sub-Saharan Africa. Street-lighting makes streets safer and more secure. 60% of urban residents in developing countries have been victim to a crime, with dark streets helping to exacerbate violence, particularly against women. Street lighting also allows vendors and traders to operate for longer hours, leading to higher incomes. New research finds that solar street-lighting in African cities could be cheaper than conventional street lights, as well as more sustainable. Solar street lights are not only cheaper to install, but then cheaper to operate since they generate their own power instead of drawing from the grid. In Kampala, the city government has installed over 1800 solar street lights. This has slashed the city government’s electricity bills and supported wider economic growth by increasing trading hours for small businesses. The research finds that, if replicated nationwide, the Ugandan government could halve upfront costs by, electricity costs by 40% and maintenance costs by 60%. Scaling up initiatives like this across sub-Saharan Africa would replace consumption of grid-based electricity with between 96 and 160GW of distributed solar power, doubling renewable energy generation in the region. But it is not only city governments leading the way. In Jinja, a partnership between the Government of Uganda, local authorities and community organisations led to the installation of solar street lights in an informal settlement. These lights are creating safer streets in parts of the city that have long struggled with poverty and violence. This research shows how national governments can support the installation and maintenance of solar street lights in towns and cities across their country. Street-lighting helps to create safer, more productive cities. Choosing solar rather than conventional street lights allows governments to provide this essential infrastructure much more cheaply, which means they can serve a much larger area. And of course, a solar system keeps greenhouse gas emissions lower than grid-powered options: an economic, social and environmental win. The research was conducted by the University of Leeds, UK, for the Coalition for Urban Transitions – a global initiative supporting national governments to transform cities. Qaran News
-
Wakhtiyadan dambe waxaa uu adduunku isu beddelay mid ay xoogaystaan is-baahaysiga siyaasaddeed iyo midka dhaqaale, waxa intaas sii dheer in qaar ka mid ah is baahaysiyadu ay noqdeen kuwo qarsoodi ah sababo la xadhiidha tix-gelinta cilaaqaadka waddamo soo jiray, oo waddamada qaarkood oo saaxiibbo ah ayaa u kala dhuunta waddamo si uusan saxiibkiis uuga xumaan xidhiidhka uu la sameeyay waddan aysan hore uula ahayn hishiis labadooduba. Dabo-marka xulafaysiga siyaasaddeed waa kuwo aay inta badan caan ku noqdeen waddamada carbeed oo siday u kala dhuumanayeen uugu dambayn heer gaadhay in ay hal miis isugu tagaan dhowar waddan oo carbeed oo midkoodba midka kale ka dhuumanaayay. Hayaanka siyaasaddeed ee loo kala dhuumanaayo ayaa ku wajahan waddanka “Israel” oo ay muddo ka hor carabtu isku Af-garteen in aan wax xidhiidh ah waddankaas lala samayn, ka dib guhaadintii ummadda reer “Falastiin” ee ay israel kula kacday. Waxaa cad oo aan shaki ku jirin in waddamada carabta kuwooda uugu tunka-weyni daaha dabatiisa ay Israel kala xaajoodaan arrimohooda amni iyo dhaqaale, kuwaas oo Afka ciidda u soo marsada waddamadii yaryaraa ee ay ku midaysnaayeen magaca “Midowga Carabta” oo ay isaga dhigaan kuwo aan aduunkaba ku lahayn cadow aan ahayn Israel. Siyaasaddan been-guurista ah ayaa lugu sifayn karaa in ay waddamadaasi dusha saarteen taaj aan ceeb lahayn, oo isku sifiyeeyay kuwo markasta addeecsan dawladda Israel, Dhagar-qabayaalna ay ka dhigeen waddamada yar yar ee ay hoggaanka u hayaan. Bilowgii sannadkan 2019 bishii January, ayay ahayd markii madaxda sadexda waddan ee Sucuudi, Immaarad iyo masar ay kulan qarsoodi ah la yeesheen madaxa hay’adda sirdoonka mossad ee Israel ninka lugu magacaabo “ yossi cohan” kulankan oo ahaa mid laba mar ka kala dhacay magalada Riyaad iyo Dubay ayaa la sheegay in ay kaga xaajoodeen sidii ay u wajihilahayeen waddanka turkiga iyo weliba Arrimo kale oo aan la shaacin, waa sida uu qoray wargeeyska “ the Middle East Eye” Waxa kale oo jira xidhiidho aan qarsoonnayn oo ay waddamada carabta kuwooda uugu tunka-weyni kaga helaan tageero waddanka Israel dhinaca amniga, go’aaminta talooyinka dhaqaalaha iyo midda siyasaddeedba. Waana sababta ay inta badan ay waddamadaasi la taliyaayaal sarsare uuga dhigtaan khubaro ka soo jeeda Israel, kuwaas oo inta badan ah kuwo la qariyo, qarkoodna laga dhigo kuwo aan shaqo ku lahayn. Dhowaan ayay ahayd markii ninka Yuuhuudiga ah ee la taliyaha dhinaca siyaasadda u ah boqorka baxrayn uu daaha ka qaaday in ay jiraan isu dhowaansho weeyn oo ka dhexaysa waddamada carabta qaarkood, isaga oo farta ku fiiqay waddanka Sucuudiga. Ninkan oo lugu magcaabo “meccharran” la taliyena u ah boqorka baxrayn waxa uu sheegay in waddamadaasi ay danaynayaan is kaashi dhex marara iyaga iyo Israel kaas oo ku qotoma dhinacyada dhaqaalaha iyo weliba amniga. Bishii December 2017 ayay ahayd markii uu Ra’isal wasaraha Israel ee Netenyahu uu damcay in uu kulan la yeesho madaxwaynaha Soomaaliya Farmaajo oo markaas ku sugnaa magaalada Nairobi, Kenya oo markaa uu shir uuga socday madaxda waddamada Afrika, balse uugu dambayn uu madaxweyne farmaajo diiday kulankaas. Haddaba iyada oo ay jiraan intaas oo wada shaqayn oo daaha dabadiisa ah, soomaliyana ay ka mid tahay waddamada sida cad uuga soo hor-jeeda jiritaanka iyo xidhiidhka Israel waxaan u arkaa in ay tahay midda keliya ee maanta u baahan in dib looga laabto, lana eego xidhiidh la samaysashada Israel dhinacyada amniga iyo weliba dhaqaalaha. Markaad eegto dhinaca war-doonka iyo weliba qaybaha kale ee awooddaha ciidamada, waxa ay israel ka mid tahay waddamada uugu horreeya wakhtigan, waana sababta keentay in ay carrabi u kala dhuumato. Israel ayaa iyada naftigeedu u aragta xidhiidhka soomaliya in uu u noqonkaro guul weeyn oo ay gaadhto, taas oo ka dhiganaysa natiijadii uugu dambaysay ee ay ka gaadhto Geeska Africa, waana fursad ay gaadhtay oo u noqnaysa mid ay kula tartanto quwadaha ku hirdaamaaya geeskan Africa. Dhanka kale Soomaaliya oo la taabalaysan dagaallo ma hadhto ah uuna baahan gacan ka run sheegta nabad soo dabbaalidda soomaliya, waxaan dhihikarnaa Israel oo lala sameeya is kaashi dhinaca sirdoonka iyo ciidanka ah waa midda keliya oo xaqiijinkarta in meesha laga saaro sheekeeda ay wadaan waddamo badan oo ah “qawda maqashii waxna ha u qaban” Aniga oo og in soomalida inteeda badan ay u arkaan wax aan caqliga gelin ama ah mucjiso aan la arag in xidhiidh lala sameeyo Israel, haddana waa mid aad u fudud weliba ayna Israel naftigeedu muddo gambadh gaaban uugu fadhiday siday xidhiidh uula yeelanlahayd Soomaaliya. Haddii aynu taakulo uuga helno dhinacayada tababarrada noocyada ciidamada kala duwan iyo qalabayntooda oo ay ku lammaantahay ka qayb-qaadashada soo Af-jarista Al-Shabaab waa mid inoo ah guul aan la dhayalsankarin. Waxa aynu joognaa wakhtigii aynu eegan lahayn danteenna soomaliyeednimo innaga oo aan marnaba cid u sacabtumayn, waxana la jooga wakhtigii ay danta soomaliya noqonlahayd in la eego meesha ay dani uugu jirto uun. Waa muhiim in xidhiidh lala sameeyo cidkasta oo aynu ka aragno danteenna. W/Q: Cumar Rodol. Cumarrodol@gmail.com Hyderabad, India
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online helayso ayaa sheegaya in Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay Xabsiga kasii daysey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland Xasan Maxamuud Muxumed, oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa ka dib markii lagu eedayey inuu lunsaday lacag dhan 450,000 oo dollar, kaasi oo damaanad lagu sii daayey. Xubno katirsan wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweyne Muuse Biixi amar ku bixiyay ina laga wareejiyo Xasan Maxamuud agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaarada Warfaafinta. Xasan Maxamuud ayaa sidoo kale waxa sanadkii 2012 lagu xidhay eedo musuq-maasuq, isagoo hanti-dhawrka guud uu ku helay inuu is daba mariyey vouchero lacag oo malaayiin dollar kula baxay, isagoo berrigaasna damaanad lagu sii daayey, isagoo si qarsoodi ahna uga baxsaday magaalada Hargeysa oo tagey dalka Itoobiya kadibna halkaas uga sii dhoofay dalka İngiriiska oo ay wakhtigaas ku sugneed Haweenayda uu qabo. Agaasimaha maamulka iyo lacagta Xasan Maxamuud ayaa u muuqda masuul caadeystay wax is-daba marinta, kaasi oo markii labaad lagu xidhay arrimo musuq-maasuq, iyada oo Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Somaliland ay ubixiyeen Xasan ‘Mashiinkii musuq-maasuqa’. Dadka siyaasada dhaqaalaha falan-qeeya ayaa tilmaamaya iney dhiig bax ku tahay Somaliland in lagu soo celiyo agaasimihii maamulka iyo lacagta Xasan Maxamuud oo ay dul hooganeyso eedii ugu weyneed ee loo qabsado masuul ka tirsan dowladda Somaliland. Sii deynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaarada Warfaafinta, ayaa waxay kusoo beegmaysa xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaalan dacwado ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Wasiirka gaashaandhiga Ciise Xawar oo iyaguna ku eedaysan musuq-maasuq. Xeerka la dagaalanka musuq-maasuqa Somaliland, ma ogola in Masuul ku eedaysan musuq-maasuq damiin lagu siidaayo ama uu iibsado haddii xukun Maxkamadeed ku dhaco, Sida uu Caasimada Online u sheegay Xeer illaaliyaha guud ee Somaliland. Sikastaba, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wakhtigii lagu jiray ololaha doorashooyinkii madaxtinimada, shacabka Somaliland ubalan qaaday inay xukuumadiisu daba jari doonto wixii musuq-maasuq ah, taasi oo ilaa hadda bulshadu ay ka sugeyso in uu talaabo cad oo adag ka qaado Masuulkan iyo masuuliyiinta kale ee lagu haysto arrimaha musuq-maasuq. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Aafooyinka qabiilka; Waa xanuun ku habsaday geeska Africa. Hordhac, Maqaalkan yar ee kooban waxaan rabaa inaan ku yara iftiimiyo aafooyinka qabiilka qaar ka mid ah si looga foojignaado sidii looga hortagi lahaana xal loo raadiyo oo afgaar la is waydaarsado. Faalo: Taariikhdu waxa ay ina tusaysaa ummadihii inaga horeeyey iyo dhaqankoodii qabaliga ahaa iyo fikirkii qabiilka ku salaysnaa meesha u dhigay. Ummadaha maanta aduunka guudkiisa joogana kuwa qabaliga ku dhaqmaa waa kuwa ugu hooseeya dunida ee ugu faqiirsan iyaga oo ka dhamaan waayay burbur nafeed iyo dhaqaale. Sida aynu wada ogsoonahay xaddaaradda aduunku waxa ay soo martay jaranjarooyin kala duwan laga soo bilaabo Adam ilaa waqtigan casriga ah ee aynu joogno. Jiritaanka aadamuhuna waxa uu ahaa mid marwalba la jaanqaadaya xaddaaradda. Bulshada la jaanqaadi waydaana waxa ay noqotaa baaba’, aduunka guudkiisana waa laga waayaa qarniyo kooban kadib. Mandaqadda aynu ku dhaqannahay iyo afrikaba dhamaanteed waxa curyaamiyey waa qabiil. Inbnu Khaldun oo wax ka qoray maamulka waa qarnigii saddex iyo tobnaad ayaa sheegaya ‘inay ‘Afrika dadkeeda qaybiso sidaa darteedna ay yihiin dad aan la maamuli karin oo u dhaqma sida xayawaanka’. Waxa iswaydiin leh maanta, ta inna dhex mushaaxaysaa miyaanay ahayn wixii dhacayey 800 oo sano ka hor. Su’aashu waxa weeyi ma la jaanqaadi karnaa xaddaadradda maanta dunida haddii uu fikirkeenu taaganyahay jaranjar uu caalamku kasoo gudbay 800 oo sano ka hor. Jawaabta runta ahi waa maya. Inta aad aduunka ku nooshahayna waxaad ku noolaan nolol silicsan oo kakan. Sobobtu waxa weeyi qabiilku waxa uu curyamiyaa maskaxda aadamaha oo waxa uu beeraa aragti qaloocan oo qofku aanu arki karin sida uu horumar iyo isbadal nololeed ku imanayo. Maanta waxa la ogaaday in maskaxda aadamuhu ay isku xidhxidhanto (hard wired) inlmuhu marka uu laba sano jiro waxana saameeya waalidka, caqligooda, cilmigooda, iyo aduunyadooda. Deegaankuna dib ayuu xidhxidha waayarada maskaxda marka uu ilmuhu koro oo waayaro cusub ayaa samaysma. Waxa aan qabaa sobobta ugu wayn ee aynu maanta noloshii laga soo gudbay 800 00 sano ka hor ugu jirnaa waxa weeyi, gurigii iyo deegaankii ku xeersanaa labaduba waxa ay qalooc joogta ah galinayaan maskaxdii oo qofkii marka uu koro maba hayso indho kale. Wuxuuna u haystaa in fikrkiisu uu saxanyahay. Xataa haddii uu dab ku dhacayo ma arkayo ilaa uu ku haligmo, waa goor ay fandhaal iyo xeedho kala dheceen. Aafooyinka ugu waa wayn ee qabiilku markaas waxa weeyi curyaaminta maskaxda. Taas oo saamaysa dareenka aadamaha.Way adagtahay sida loo daweeyaa dareenka xun (emotional probkems) ee ka dhasha maskaxda sida qaloocan iskugu rakibantay. Tusaale waxa kuugu filan waxa aad arkaysaa qof waxbartay oo intaas oo digrii haysta iyo sheekh cilmi leh, oo hadana fikirkisii ka dhamaan laayahay qabiil iyo wixii la halmaala. Sobobtu waxa weeyi maskaxda ayaa si qaloocan u xidhxidhan oo aqoonkasta wuxuu ku eegayaa il qaloocan. Markaa qofku xaqiiqiyan waxa weeyi qof maskaxda ka buka, markaa qofka noocaas ah wuxuu wadaa waa khasaare. Nolosha ayuu ku khasaaray inta kalena wuu khasaarinayaa. Tusaalena meel dheer ha ka dayin, fiiri burburka iyo baaba’ haysta ummadaha uu xanuunka qabiilku ku habsaday ee aynu ka mid nahay. Gunaanad: Waxa aynu odhan karnaa sobobta ay Africa u socon laadahay waa dadkaa dubka ka fayow laakiin maskaxda ka jiran, ee maskaxdooda sida qaloocan loo waayir gareeyey. Taasina waxa keenetay waalidka iyo deegaanka oo si iskabaysa xidhxidhitaanka maskaxda ee qaloocan u saacidaysa. Talo: 1. Waxa laga bixi karaa arintan curyaamisay fikirkii iyo maskaxdii Africa in qofka la arko argtidiisu inay ku salaysantahay qabiil in loo la fahmo oo la ogaado qofkani inuu xanuunsanayo dhinaca maskaxda oo maskaxdu ay isugu xidhxidhantay si qaloocan. 2. Qofku runtii wuxuu isku haystaa inuu fayawyahay, bulshaduna waxa laga yaabaa inay sidaa u aragto waa haddii ay maskaxdu sidaa qaloocan isugu xidhxidhantahay. Maskaxda caafimaadka qabta ee fikirka shaandhaynaysa (critical thinking) ayaa ugu dhaw inay cadaalad iyo horumar horseedo, taana waa in la kobciyaa si looga baxo mugdiga. 4. Ummadu waa inay dib u eegto taariikha dhaw haddii aanay kayd aqooneed lahayn oo ay darasadaysaa aafooyinka ka dhashay fikirka qabiilka. Mawlid Ali alimowli@yahoo.co.uk Sent from Yahoo Mail on Android Qaran News
-
Malta (Caasimada Online) – Markab xamuul oo koox muhaajiriin ah ay ka afduubteen xeebaha Libya ayaa shalay kusoo xirtay dalka Malta, kadib markii ciidamada Malta ay la wareegeen gacan ku hayntiisa. Markabkan oo lagu magacaabo Elhiblu 1, ayaa 108 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur ka qaaday badda, wuxuuna u jihaystay xeebta magaalada Tripoli. Hase yeeshee markii uu lix mile u jiray dekedda ayuu durba kala wareegay una jihaysta dhinaca waqooyi ee Yurub. Wasiirka arrimaha gudaha Italy ee midigta fog, Matteo Salvini ayaa sheegay in markabka la afduubtay, islamarkaana muhaajiriinta saaran aan loo ogolaan doonin inay soo caga dhigaan Talyaaniga. Markabkan ayaa markii uu marayey meel 30 mile u jirta xeebta Malta, waxaa xiriir la sameeyey ciidamada badda Malta. “Kabtanka markabka ayaa ku cel-celiyey inuusan gacanta ku hayn maamulka markabka, islamarkaana isaga iyo shaqaalihiisa ay qasbeen islamarkaana u hanjabeen muhaajiriin doonaya inuu geeyo Malta” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada Malta. Ciidamada Mata oo adeegsanaya doomo dheereeya iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa u gurmaday, kuwaas oo la wareegay hoggaankiisa kadibna u jiheeyey dalkaas oo iminka uu ku xirtay. Booliska Malta ayaa xiray afar nin, waxaana muhaajiriinta kale lagu daad gureeyey basas, sida ay sheegeen goobjoogeyaal. Caasimada Online Xafiiska Roma Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Craxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho, isaga oo su’aalo ka keenay qaabka loo wajahayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Qoraalkiisa ayuu kaga dalbaday madaxweynaha inuu wax ka qabto amaanka dalka ama uu amaanada kusoo wareejiyo shacabka Soomaaliyed. Aqriso qoraalka Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur. Allaha u naxariisto dhowr iyo tobankii qof ee qaraxii maanta lagu dilay, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Laga soo bilaabo Sabtigii inna dhaafay ilaa iyo maanta 13 Qarax ayaa dhacay. Qaraxyadu iyo weerarada kama dhacaan Jidka Warshadaha, Sodonka iyo Wadnaha. Waxay ka dhacaan xarumaha dawlada iyo wadada Makka Al Mukaramah oo ay dawladu gacanta ku hayso, iyadoo ay meel waliba xiran tahay. Shabaab in ay cadow yihiin la iskuma hayo, mana laha hawl aan ahayn gumaadka shacabka iyo burburinta hantidiisa. Su’aashuse waxay tahay hadii la yiraahdo halala diriro, yaa dagaalka hogaaminaya, hadii la yiraahdo dagaalkooda ha loo midoobo, yaa dadka midaynaya. Hadii la yiraahdo dadka ha is difaacaan, deegaanadii iskood isku xilqaamay ayaa garab ka waayey dawlada oo dadkii ay halkaa ku laayeen. Hadii Hay’adii Nabadsugida aysan bilo badan taliye lahayn, ninka xilka ku magacaabana uusan khibrad u lahayn hawlaha amniga ee nin jeclaysi loogu dhiibay, uuna loolan iyo xasarad kicin siyaasadeed ku hawlan yahay. Hadii taliyahii Booliska uu magac yahay lagana awood badnaysiiyey nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu taliye ka yahay booliska Gobolka Banadir, kaasoo weligiis Boolis noqon, kuna hawlan dil qorshaysan iyo duulaan siyaasi. Mushaar la’aan iyo ku takrifal awoodeed darteed, hadii moraalka ciidanka iyo saraakiisha hay’adaha nabadgelyada uu aad u hoseeyo. Hadii shacabkii aysan kalsooni ku qabin soo gudbinta xogta la xariirta argagexisada, iyagoo ka baqaya in la ogaado, lagana aarguto, maadaama ay argagaxesidu dad ku dhex leedahay ciidanka. Hadii uu lumay xiriirkii wada shaqayn ee hay’adaha amniga dalkeena iyo kuwii ajnabiga ahaa ee gacanta siin jiray, ka dib markii shaki iyo xiriir xumi wada shaqayn ah timid. Su’aasha waxay tahay maxay is dooroyaan argagexisada iyo kuwa shacabka u hoosaasinaya. Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu masuuliyadiisa qaato, xaqiiqada iyo waaqaca horyaala uu run iyo go’aan geesinimo leh ku wajaho. Is moogaysiis, dafiraada, kooxaysi iyo nin jeclaysiga meel iska dhigo. Hadii kale intii aad cadawga u hoosaasin lahayd, ummada xilka iyo amaanada u soo celi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-28032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Weriyayaasha ka shaqeeya idaacadda ciidamada qaranka Soomaaliya (SNA Radio) ayaa bogga facebook ee idaacadda soo dhigay dhacdo maanta dhex-martay ayaga iyo taliyaha ciidamada xoogga Jeneral Indha-Qarshe. Hoos ka aqriso qoraalka weriyayaasha. Dhacdo Cajiib ah: Gen. Indho-qarshe oo balan uga baxay Shaqaallaha Idaacadda Ciidamada. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Shaqaallaha Idaacadda codka Ciidamada SNA Radio ayaa u sheegay war lama filaan iyo niyad jab ku noqday shaqaallaha Idaacadda. Shaqaallaha SNA Radio oo muddooyinkii dambe ka cabanayey mushaar la’aan, amni darro, maamul xummo iyo culeyso kale ayaa taliyaha CXDS Gen Indha-Qarshe ugu tagay in arrimahaasi ay la wadaagaan, si uu wax uga qabto, maadaama idaacadda si toos ah ay u hoos tagto ciidanka xoogga. Dhowr Qof ayaa u hadlay shaqaallaha idaacadda si Taliyaha ay u siiyaan faahfaahin dhameystiran oo ku saabsan Cabashada iyo culeysyada kale ee soo wajahay. Markii Taliye Indho-qarshe si waafi ah shaqaallaha SNA Radio ay ugu faah-faahiyeen cabashooda ayaa waxuu ku jawaabay Erayo ay kamid ahaayeen. “Dhaqaallo ma idin heyno, haddi amni darro ay idin soo wajahday waxba kama qaban karno ee Faataxo Akhrista” Gen Indha-qarahe ayaa siddaasi ku yiri Shaaqaallaha Idaacadda Codka Ciidanka. Gen. Indho-qarshe ayaa dhowr jeer oo hore shaqaallaha Idaacadda Codka Ciidamada u ballan qaaday in Mushaar fiican uu u qori doono, Amnigooda Taliska uu ka heyn doono, idaacaddana horumarin iyo qalabeyn lagu sameyn doono, taasi oo noqotay ballan qaad been ah oo aan waxba ka jirin. Share la wadaag asxaabtaada. Xigasho:- SNA RADIO
-
(SLT-Jigjiga)-Maalintii afraad ayey ku xidhan yihiin xabsi ku yalla magaalada Jigjiga siyaasiyin ka dalbaday in madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya Mustafe Cagjar uu xilka iska casilo waxayna sheegeen inay saluugsanyihin siyaasadda xukuumada ay ku maamuleyso deegaanka. Saacado kadib wareysi uu maalintii axadda siiyay BBC-da ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay Khadar Jigre Aadan oo ka mid ah ganacsatada degaanka kana mid ahaa dadkii ugu waaweynaa ee asaasay ururkii Dulmidiid. Wuxuuna sidoo kale ahaa wasiirkii madaxtooyada ee ugu horeeyay xukuumada madaxweyne Mustafe Cagjar ka hor intii aanan isku shaandheynta la samayn. Waraysigan ayuu Khadar Jigre ku sheegay inuu deegaanka musuq baahsan ka jiro oo xitaa waxbo laga qabanin abaarta ka jirta deegaanka Libaan oo uu tusaale ahaan u soo qaatay wuxuuna sheegay in shan qof ay oon ugu dhinteen. ”Marka aad dadka wareeysato waxay kuu sheegayaan in xukumaddi Cabdi Maxamuud Cumar lix sano musuqi ay ku gartay ay xukumadda hadda jirto 6 bilood ku gaartay, abaar xun ayaa ka jirta deegaanka, markaan tusaale u soo qaato gobolka Libaan biyo la’an ayaa ka jirto magaalo madaxdiisa,” ayuu yiri Khadar Jigre oo BBC-da la hadlaayay. Axmed Maxamed Saahin oo horay u ahaa xildhibaan kana mid ahaa dadkii ka dambeeyay kacdoonkii uu madaxweynihii hore xilka uga tagay ayaa markii shanaad isna la xiray. Waxaa la sheegayaa in siyaasiyintan loo xiray in ay ka soo horjeesteen xukuumada deegaanka . 14 beri kadib ayaa la soo taagi doona maxkamada waxayna dowladdu sheegtay in raggan ay ku eedeysanyihin kacdoon shacab. Arrintan ayaa ku soo aadeysa maalmo un kadib markii uu madaxweynaha deegaanka sheegay in ay dadka xor u yihiin inay si buuxda fikirkooda u dhiiban karaan. Isku dayo ay BBC-da kula xiriirtay mas’uuliyiinta deegaanka ayaanan mirodhal noqonin, si ay oga warbixiyaan sababaha rasmiga ah ee dadkan loo xiray iyo haddii wax caddeyn ah lagu hayo. Isbadallada taxanaha ah ee ka dhacaya Itoobiya ayaa saameyn ku yeeshay dowladda deegaanka Soomaalida kaasoo sababay in bishii August ee sannadkii tagay uu is casiyo madaxweynihii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadda xiran, maxkamadeyntiisana ay socotaa isaga oo ay ku weheliyaan masuuliyiin sarsare oo maamulkiisa ka mid ahaa. Dawladda iyo shacabka ayuuna ka codsaday in la cafiyo, inkastoo aan dhag jalaq loo siin. Dad badan ayaa soo dhaweeyay isbadallada ka dhacay deegaanka waxayna sheegeen in xuriyadda hadalka uu ka jiro deegaanka, balse xiritaanka siyaasiyintan ayaa waxa ay keentay in dadka qaar ay su’al geliyaan in deegaanka uu runtii ka jiro xuriyadda hadalka. BBC Somali Source
-
(SLT-Jigjiga)-Waxaa galabta garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil waal lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya Axmed Shide Maxamed, gudoomiyaha ayaa waxaa soo dhawayntiisa ka qayb-galay madaxda degaanka u sarraysa oo uu ugu horeeyo Madaxwayne Mustafe Cagjar. Intaa kaddib Guddoomiye Axmed shide ayaa qolka nasashada Warbaahinta dalka iyo tan degaanka kula hadlay isagoo sheegay inuu meel wanaagsan marayo diyaargarawgii shirwaynihii 10aad ee Xisbiga oo la qaban doono maalinta Isniinta ee fooda inagu haysa oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1 April 2019. sidoo kale la qaban doono shir ka horeeya kaas oo loogu sii gogol xaadhayo shirwaynaha Xisbiga oo isna sabtida la qabanayo. Imaatinka Guddoomiyaha XDSHSI ayaa ku soo hagaagaya xilli deegaanka looga diyaargaroobayo qabashada shirwaynaha Xisbiga, isla markaana lafilayo inuu qabsoomo xilligii loogu talagalay. Source
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo ay Wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Khubarro Tirsan Wasaaradda ,Xubno ka Socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa kulan la qaatay Safiirada Midowga yurub u jooga Soomaaliya. “Waxaaan la kulanay Safiirada Midowga Yurub oo aan u balansaneen in Siyaasadda Dhab-u-heshiisiinta Qaran oo Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen aadna loogu bogaadiyay Kooxdii ka shaqeyneysay iyo Wasaaradda iyo Xukuumadda ujeedkeena waxa uu ahaa in ay nala arkaan Siyaasaddaas oo soo gabagabowday in ay nala arkaan waxayna balan-qaadeen in ay qeyb lexaadleh ka qaateen hergalinteeda “ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha oo Warbaahinta la hadlay markii uu kulanka soo dhamaaday. Wasiirka ayaa sidoo kale kala hadlay Sidii loo dadajin lahaa Mashaariicda Horumarinteed ee Midowga yurub ay ka fulinayaan Dowlad Gobaleedyada Dalka si Dadka deegaanka Mashaariicdaas ay ugu faa’iideystaan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir iyo wasaarada waxbarashada ayaa maanta dhagax dhigay Xaruntii hore ee xanaanada caruurta ee degmada Warta Nabada oo aan shaqeynin mudadii uu dalka bur bursanaa. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo wasiirka waxbrashada ayaa si wadajir ah udhagax dhigay dhismaha xaruntaasi oo dib u dayactir lagu sameynayo. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, gudoomiyaha gobolka Banaadir, oo sheegay in dhismaha xaruntaan ay qaadan doonto muddo saddex bilood ayaa xusay in ay dabooli doonto baahiyaha darbi jiifka. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle [Jaabiri], wasiir waxbarashada Soomaaliya oo ku tartarsiiyay shacabka in ay taageeraan dhalinyarada darbi jiifta ayaa shaaciyay in dowladu ay wax ka qaban doonto arrinkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho. Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay dhacdaasi oo lagu beegsaday makhaayado ka cunteynayay. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowladdu dadaal ugu jirto sugidda amniga. Mr Cali ayaa bulshadda ku boorriyay in ay u midoobaan la dagaallanka yeeray argagixisada maalin kasta daadinaya dhiigga shacabka, sida uu hadalka u dhigay. Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa ku dhimatay, xili ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka badan 20 qof weerarkaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-28032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay goob Maqaayad ah oo ay dad shacab ah ka cunteenayeen oo ku taal wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho. Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayey ku sheegtay in qarax xooggan ay ku beegsatay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo howlwadeenno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay. “Al-Shabaab ayaa qarax ku beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo howlwadeenno ka tirsan dowladda, ugu yaraan 10 ka tirsan ayaana goobta ku dhintay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Al -Shabaab waxay sheegtay in goobta weerarku ka dhacay ay ku sugnaayeen agaasimayaal wasaaradeed, xildhibaanno hore, saraakiil ka tirsan sirdoonka iyo shaqaalaha wasaadaradaha dowladda, kuwaas oo dhammaantood bartilmaameed ahaa, sida ay sheegatay Al-Shabaab. Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab, dadka qaraxaas ku dhintay ayaa ahaa dhammaantood dad shacab ah oo maqaayadda raashin ka cunayey iyo kuwa kale oo isticmaalayey jidka. Ma jirto ilaa hadda inta la xaqiijiyey wax mas’uul ka tirsan dowladda oo ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxii Makka Al-Mukarama ka dhacay. Inta la xaqiijiyey 11 qof ayaa ku dhimatay halka 16 kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo ahaa mid xooggan oo laga maqlay guud ahaan Magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa sida dhowaanahan lagu bartayba, aan wax war ah kasoo saarin qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Madaxtooyada Gobolka Hawd Oo Xilkii La Wareegay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Belgium)-Xoghayaha arrimaha Dibadda ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo socdaalo diplomasiyadeed ku gala bixineysa Magaalo madaxdda Midowga Europe ee dalka Belgium caasimadda Brusels. Socdaalkan ayaa Waxu u daran yahey xoojinta iyo dardar-galinta arrimaha dimuqradiyadda iyo doorashoyinka mustaqbalka iyo Sidii dowlaha Somaliland tageera ey u xoojin lahayeen. Si kastaba ha ahaate Marwo Faadumo Siciid Ibraahim ayaa casumaad ka heshey Baarlamanka Europe Iyadoo heysa xilka xooghaya Arrimaha dibadda ee xisbiga WADDANI. Casumaad ay ka heshey baarlamanka midowga Europe ayey maanta ku tagtey Safar-qaatey sacado kooban, Waxeyna aad uga wadda hadleen qadiyadda Somaliland iyo geedi-SOCODKA dowladd wanaaga iyo dimuqradiyadda sidii loo xoojin lahaa, Safarkan baa waxu ku soo dhamaadey guul. Source
-
Popular Contributors