-
Content Count
208,127 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (SMN) – Kulankan oo ay wada qaateen madaxweynaha HirShabelle iyo golaha wasiirada maamulkaasi ayaa waxaa looga hadlay qorshaha guud ee xasilinta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Intii uu socday kulankani oo ka dhacay magaalada Jowhar ayaa la’isla gartay in wax laga qabto arrimaha amniga, dhaqaalaha oiyo tayeynta Ciidamada. Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo madasha ka jeediyay hadal dhinacyo badan taabanaya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay, sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin haatan ka jira deegaanada maamulkiisa. Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan dib loo furayo waddooyinka qaar ee ay go’doomiyeen Al Shabaab, waxaana uu shacabka labada gobol ugu baaqay in ay ku gacan siiyaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli weli Al Shabaab ay ku xoogan yihiin deegaano ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya,waxaa isbedel lagu sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga dalka Somaliya, taasi oo qayb ka ah hanaanka dib u habeynta Ciidanka. Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka. Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta. General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire ayaa loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta. Sidoo kale Admiral Cabaas Amiin Cali ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda. Qaab dhismeedkan cusub ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay is bedelka iyo dib u habeynta Ciidamada xoogga dalka oo muddooyinkii u dambeeyay ku socday tirakoob iyo qorshayaal kale. Is bedelkan cusub ee lagu sameeyay hoggaanka Ciidamada ayaa la ogeyn waxa uu soo kordhin doono, iyadoo qeybo ka mid ah Ciidamada ay ka cabanayaan mushaar la’aan iyo in aanan la siinan saanad iyo agabkii ay u baahnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Labada suxufi ee la jirdilay Cagmadhige iyo Dooxo Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo socdaal ku maraya gobollada Bari iyo Karkaar, ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada, xubno ka tirsan golayaasha dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa madaxweynaha ku soo dhoweeyay magaalada Boosaaso, halkaasoo uu hadal kooban uga jeediyay dadkii soo dhoweeyyay, isagoo u mahadceliyay. Dhinaca kale, askar ka tirsan ciidanka madaxtooyada oo la socday madaxweyne Deni, ayaa jirdil u geystay qaar kamid ah suxufiyiinta gobolka Bari oo halkaasi u tegay, in ay soo duuban warka imaanshaha madaxweynaha. Laba suxufi oo lagu kala magacaabo; Maxamuud Jamaal Maxamed (Dooxo) iyo Maxamed Axmed Salaad (Cagmadhige), ayaa jirdil iyo dharbaaxooyin daran kala kulmay,askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo ku sugnaa fagaaraha soo dhoweynta. Suxufiyiintan oo warbaahinta Puntland Post la hadlay, ayaa sheegay in ay nabarro ka qabaan saableeyda iyo xabadka oo lagala dhacay qori-dabadiis iyo jilib, islamarkaana indhaha lagu caseeyay dharbaaxooyin kulul. Halkaan ka daawo muuqaalka jirdilka PUNTLAND POST P The post Ilaalada Siciid Deni oo jir dilay suxufiyiin appeared first on Puntland Post.
-
New York (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku xigeenka howl alka UNSOM ee Soomaaliya u magacaabay George Conway oo u dhashay dalka Canada. Mr Conway ayaa sidoo kale noqonaya xiriiriyaha arrimaha gargaarka bani’aadinimo ee Soomaaliya, kaas oo bedalaya Peter De Clecq oo dhawaan shaqada ka tagay. Mas’uulka cusub ee loo magacaabay ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa horay ugu tirsanaa barnaamijka horumarinta mashaariicda Qaramada Midoobay ee UNDP. Antonia guterres ayaa ma’uulka u u magacaabay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya u sheegay in ay hortaalo shaqo adag, loona baahan yahay in uu sameeyo dadaalo dheeraad ah. Magacaabiista Mr Conway ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan golaha ammaanka uu muddo kordhin hal sano ah u sameeyay xafiiska siyaasada UNSOM. View the full article
-
Paris (SMN) – Agaasime ku xigeenka Hay”adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Cabdifitaax Shaawey iyo sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Paris Axmed Maxamed Xaaji Cali ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay adeegga bixinta Baasaboorka oo laga hirgaliyay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Faransiiska. G/Sare Shaawey oo ku sugan magaalada Paris ee casimadda dalkaasi ayaa safaro shaqo ku mari doona qaar kamid ah dalalka Yurub, isaga oo xarumo cusub oo laga bixiyo Baasaboorka ka dhaqan-galin-doona dalal kale oo ka tirsan Qaaraddaasi. Ujeedada socdaalka wafdiga uu hoggaaminayo Agaasime ku xigeenka Hay”adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ah baahinta adeegyada Baasaboor-bixinta si looga jawaab-celiyo baahiyaha ay qabaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka yurub Muddooyinkii la soo dhaafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waday qorshayaal lagu hormarinayo, lagun casriyeynayo Baasaboorka Soomaaliga ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-30032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaar kamid ah Hooyooyinka dhalay Carruurta ay ka geeriyoodayn Ciidamada Booliiska Soomaaliya kuwaas oo loo yaqaano, Carruurta agoonta Booliiska, ayaa maanta banaanbax ka dhigay Madaxtooyada Soomaaliya horteeda. Waalidiintaan ayaa ka cabanyay in aysan dhowr bilood qaadan lacagtii ay xaqa u lahaayeen Carruurta agoonta Booliiska Soomaaliya, sidoo kalane looga baxay ballamo badan oo ay la galayn DF-ka Soomaaliya. Waalidiintaan ayaa hor jiiftay Albaabka Madaxtooyada waxayna diidayn in Villa Somalia la galo ama laga soo baxo ilaa ay Dowladda Soomaaliya ka bixiso Xaquuqda Carruurta agoonta Booliiska Soomaaliya. Haweenkan ayaa ku cabanaya inaysan haysan wax ay siiyaan carruurtooda, maadaama muddo afar bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah sida ay hadalka u dhigeen. Madaxda dowladda ayeey sheegeen inay ka codsanayaan in si deg deg ah carruurtooda waxa ay cuni lahaayeen loogu soo dhiibo, maadaama aabayashooda ay ku nafwaayen u dagaalamida Qaranka. Dowladda Somaliya ayaa maalmahan dambe waxaa ku furan mowjado Siyaasadeed & mid amni oo la xiriirta Mushaaraadka Ciidanka ee maalmahan dambe ka cabanayeen. Ciidamo badan ayaa isaga soo baxay jiidda hore ee dagaalka markii ay sheegeyn inay waayeen Raashinkii ay cuni lahaayeen iskaba daay mushaarkooda oo ka maqan 4 Bil. Halkaan hoose ka daawo Hooyooyinka oo ka hadlayo mushaarka ka maqan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muuse Biixi oo iskushandheyn,Magacaabid & Xilka qaadis ku sameeyay Golihiisa Xukumada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo); Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle; Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Ku: Maxamed Muuse Abees Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa: 1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka. 2. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga. 3. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud Ku: Jamaal Cabdilaahi Muxumed Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga Ku: Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Ku: Cabdikariim Xuseen Siciid Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wakiilada Ku: Xasan Hirad Yaasiin Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta Ku: Ayaanle Salaad Diiriye Wakiil Ku Xigeenkii hore ee Somaliland ee Dalka Kenya Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Magacaabida Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga 2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 3. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda 4. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka 5. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 6. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah 7. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha 8. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka 9. Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha 10. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 11. Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda 12. Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta 13. Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya 14. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
-
POLICY ANALYSIS: THE FUTURE OF JUBBALAND AND STABILIZING THROUGH COOPERATION FROM ALL SECTORS WITH THE GOAL OF DEFEATING AL-SHABAAB. The international community role In Somalia is to stabilize Somalia, to safeguard the democratic process of elections allowing Ahmed Madobe to run and be elected again will send many negative messages to the people of the world that fight for Liberal democracy. Ahmed Madobe has been leading in Kismayo since 2007. For the last 12 years, Ahmed Madobe has been under control in Kismayo wearing different faces. First with Al-Shabaab, Hizbul-Islam and as Jubaland state. Ahmed Madobe has been president since 2013 and doesn’t believe in the democratic process of elections. He is one of the founders of Al-Shabaab ties to Iran, the cartels and al-Shabaab groups in Somalia. Ahmed’s net-worth is believed to be $70 million (invests in real states in Nairobi, Dubai, and Qatar. Al-Shabaab remains the most immediate threat to the peace, security, and stability of Somalia. Despite ongoing efforts by international forces to eliminate Al-Shabaab’s leadership, in particular through the use of airstrikes, the group’s ability to carry out complex asymmetric attacks in Somalia remains unstopped due to the help they got from Ahmed Madobe’s administration in Kismayo. It’s widely believed that Al-Shabaab uses the port of Kismayo to import their needs. Its very shame for the International partners to work with this criminal that have close ties with Al-Shabaab, Iran, and cartels that deals with gray arms, drugs, and charcoal. Evidence shows that Ahmed Madobe closely works with the above organizations. According to Monitoring groups current report Political and security sector challenges continued to present a significant threat to stability in Jubaland administration. Letter dated 7 November 2018 from the Chair of the Security Council Committee pursuant to resolutions 751 (1992) and 1907 (2009) concerning Somalia and Eritrea addressed to the President of the Security Council. An estimated 3.6 million bags of charcoal were produced during 2017, and 8 million acacia trees were cut down to produce 16 million bags of charcoal during 2011–2017; during this seven-year period, a tree was cut down to produce charcoal at a rate of one every 30 seconds.155. The charcoal is transported by road from the interior of Middle Juba and Lower Juba to the stockpiles and ports at Buur Gaabo and Kismayo, derives at least $7.5 million per year from checkpoint taxation of charcoal. The stockpiles located in Kismayo and Buur Gaabo (125 km south-west of Kismayo) continue to be the source of illicit charcoal exports. charcoal is subject to checkpoint taxation by Al-Shabaab. the largest volume of exports was in February 2018, with more than 600,000 bags, while fewer than 300,000 bags were exported in other months. Monitoring Group estimates the current rate of charcoal exports from Somalia at 3 million bags per year Investigations by the Group have determined that these illicit charcoal exports have been taxed by the Jubaland administration at an average rate of more than $5 per bag, generating more than $15 million in annual revenue for Jubaland (see annex 7.2, (strictly confidential)). With a wholesale price of $50 per bag in the United Arab Emirates, as of August 2018, the estimated total market value of illicit charcoal exports is $150 million per year. 174. The process involved using false certificates of origin from Comoros, Côte d’Ivoire, and Ghana to import Somali charcoal, repackaging the charcoal from typical blue-green bags into white bags labeled as “Product of Iran”. The bags were then reloaded onto smaller, Islamic Republic of Iran-flagged dhows, and exported to Hamriyah port, Dubai, United Arab Emirates, using certificates of origin falsely indicating the country of manufacture of the charcoal as the Islamic Republic of Iran. The illicit trade in charcoal from Somalia continues to be dominated by criminal networks linking Kismayo in Somalia and Dubai, With the assistance of accomplices, such as local consignees in the Islamic Republic of Iran and Oman, these criminal networks have profited greatly from violations of the charcoal ban As election s are close, such reports come out this administration will continue to impose inhuman and degrading punishments on civilians, opposition groups and the press. Solutions: The current administration has to go. The parliament that Ahmed Madobe’s handpicked and dictated numbers must be dissolved, re-corrected and distributed to the right inhabitants in the area. For example, the galje’el which are the indigenous inhabitants of the juba and middle Jubba were only assigned to 3 members of parliament while Ahmed Madobe gets 21 members for his clan. Even worse Tunni is given to nothing. Justice must be served. Equal distribution must be made. The goal If people in the region get justice, the hearts, and minds of the people achieved, then the coming administration should focus on waging war to Al-Shabaab to liberate the middle Jubba. Final: As long as there are injustices within the Jubaland administrations equal distribution of power, as long as criminals like Al-Shabaab, thugs, cartels, Iran and Jubaland state leaders operate in the region then defeating the transnational and international terrorists will be hard to achieve so Ahmed Madobe and his current administration has to go. By: Marcus Marcus Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo); Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle; Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Ku: Maxamed Muuse Abees Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud Ku: Jamaal Cabdilaahi Muxumed Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga Ku: Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Ku: Cabdikariim Xuseen Siciid Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wakiilada Ku: Xasan Hirad Yaasiin Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta Ku: Ayaanle Salaad Diiriye Wakiil Ku Xigeenkii hore ee Somaliland ee Dalka Kenya Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Magacaabida Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Kooram la’aan u baaqday kulankii ay lahaayeen Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya markii ay soo xaadiri waayeen Xildhibaan badan oo ku sugan Muqdisho. Qaar ka tirsan XIldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay mooshin ka keeni doonaan XIldhibaanada Wasiirada ah ee Maanta si kas ah uga baaqday kulankii Baarlamaanka. Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa digniin adag u diray Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya qaarkooda xildhibaanada ah oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan Kulamada Golaha Shacabka. Xildhibaan Jeesow ayaa wacad ku maray in Xukuumadda Kheyre ay meesha ka bixi doonto haddii Xildhibaanada Wasiiradda noqday ay soo xaadiri waayaan Kulamada Golaha Shacabka. Waxaa uu sheegay in ay keeni doonaan Mooshin uu garwadeen ka yahay hadii la kala saari waayo Shaqadda Golaha Shacabka iyo Midda Xukuumadda. “Waxaa balan ku qaadeynaa haddii fadhigan fadhiga ku xigo imaan waayaan Golaha Wasiirada, Wallaahi baan ku dhaartay anaa horkacayo, Mooshin ayaa ka keenyenaa, kuligood waa rideynaa, Ra’iisul wasaaraha ha ogaado”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow. Xildhibaanka ayaa ka mid ah Xildhibaano ku dhow 20 oo maanta soo gudbiyay Mooshin looga soo horjeeday Ajandaha kulanka ee ahaa Dastuurka, islamarkaana dalbaday in laga dhigo Ammaanka. Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa taageerayaasha Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhowaan ka soo horjeestay, isagoo cambaareeyay booqashadii Ra’iisul wasaaraha ku tagay Kismaayo. In ka badan 40 Xildhibaan ayaa ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay inta badan ka maqan yihiin fadhiyada Baarlamaanka, balse marka xaalad xasaasi jirto ama sharci Xukuumadda la ansixinayo ayay fadhiyada Baarlamaanka yimaadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Spain on Friday took over from Britain command of a European Union maritime mission that combats piracy off the coast of Somalia as Britain’s planned departure from the bloc nears. Spanish vice-admiral Antonio Martorell relieved British major general Charlie Strickland as commander of the so-called “Operation Atalanta” during a solemn ceremony held at the Rota naval base in southern Spain, where US troop are also stationed. The ceremony was held on the day Britain was originally set to leave the European Union. British lawmakers voted down an unpopular divorce deal for a third time on Friday. “It is honestly a sad day for the UK … but it is an exciting day for Spain,” Strickland said during the ceremony. “Atalanta is so much more than ships in the Indian Ocean and aircraft in the skies. Atalanta is a sophisticated multilayered operation using hard and soft power to continue to suppress piracy and to take a powerful role in the broader security architecture of this key region of the world.” The European Council announced in July that it would transfer the headquarters of Atalanta which employs 101 people from Northwood outside of London to Rota. The operation’s headquarters is just one of the European institutions which Britain is losing as a result of its impending EU exit. The European Medicines Agency moved to Amsterdam while the European Banking Authority was relocated to Paris. While Spain took over Atalanta’s command centre, France’s historic naval base in Brest on the tip of Brittany won the Maritime Security Centre of Africa which was also based in Northwood. The EU launched Atalanta in 2008 to fight brazen acts of piracy off the coast of Somalia, including the spectacular hijacking of a Spanish tuna boat in 2009. The number of attacks off the coast of Somalia in the Indian Ocean has fallen from a peak of 176 in 2011 to just two in 2018, according to Atalanta. The European Union has extended Operation Atalanta to 2020 and gave it a budget of €12 million for 2019 and 2020. Italy had also sought to win the headquarters of Atalanta. It had proposed that it be moved to a base in Rome which already holds the headquarters of Operation Sophia against smugglers of migrants in the central Mediterranean. View the full article
-
The UN chief has appointed George Conway of Canada as acting deputy special representative for UN’s mission in Somalia. In a press statement on Friday, UN Secretary-General Antonio Guterres said Conway will also be serving as United Nations Resident and Humanitarian Coordinator. Conway succeeds Peter de Clercq of Netherlands. Born in 1970, Conway holds two Master of Arts degrees from Carleton University and the University of Western Ontario, and a Bachelor of Arts from the University of Winnipeg. The new official, who currently serves as the Resident Representative a.i. for the United Nations Development Programme (UNDP) in Somalia. He has many years of distinguished service within the United Nations system, including as Strategic Adviser in the UNDP Regional Bureau for Africa, Country Director a.i. for UNDP South Sudan and Deputy Head of Office / Head of Programmes for UNDP Southern Sudan. The appointment comes barely three after Somalia expelled the UN’s top envoy, Nicholas Haysom. He was just appointed as UN chief Antonio Guterres’ special representative for Somalia in September 2018 before accused him of “shaming” the world body by acting like the country’s ruler. View the full article
-
A heavy gunfight was reported in the vicinity of Qoryoley district in Lower Shabelle region following an attack against Somali military bases on Friday night. The battle erupted between Al-Shabaab militants and Somali government troops at an area between Kabtan-Las and Gawirow villages, causing an unspecified number of casualties. The local residents said clashes continued for several minutes and both sides exchanged heavy and light weaponry that could be heard distances far from the battle zone. Al-Shabaab has stepped up attacks against Somali and AMISOM bases in the Lower Shabelle region in the past few months. View the full article
-
Xarunta Telefishinka Universal ee Muqdisho waxaa maanta is raaaseyni ku dhexmartay ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo ciidamo ilaalo u ahaa Telefishinka. Sida la sheegay ciidamo Booliska canshuuraha ah oo gaarayay ilaa 10 askari oo watay gaari ayaa tagay xarunta Telefishinka Universal oo ku dhow Madaxtooyada, halkaas oo muran ku dhexmaray ilaalada TV-ga, taas oo sababtay in ay is rasaaseeyaan labada dhinac. Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay soo faragaliyeen markii dambe dhacdadan, kadib toban daqiiqo oo ay socotay is rasaaseyn, kuwaas oo xaalada caadi ku soo celiyay. Lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay is rasaaseyntaas, balse waxaa la sheegay in uu hawada ka baxay Telefishanka Universal. Telefishinka Universal ayaa arrintan ka hadlay, wuxuuna war qoraal ah oo lagu daabacay bartiisa fecebook-ga lagu yiri sidan. “Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa saaka weerar kuso qaaday xarunta Tvga Universal ee magaalada Muqdisho. Ciidamadan ayaa Rasaas ooda kaga qaaday xarunta Tvga iyo shaqaalahaba xili uu Tvga Toos hawada ugu jiray”. Dhanka kale ma jrto cid ka tirsan dowladda oo ilaa iyo hadda ka hadashay arrintan oo noqonaysa tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ka dhacda Muqdisho. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Is rasaaseyn ka dhexdhacday xarun Warbaahineed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu Isbadal ku sameeyay Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya, waxaana xilkii laga qaaday Abaan-duulihii Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage waxaana loo magacaabay xil kale. Saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa noo xaqiijiyay Odawaa Yuusuf Raage laga qaaday xilka abaan-duulaha Ciidamada Xoogga dalka, waxaana loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Lugta ee Milateriga Soomaaliya. Sidoo kale xilal kale ayaa la sheegay in lagu soo kordhiyay Taliska Milateriga Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen xubno Sar Sare oo ka tirsan Villa Somalia. Wararka ayaa intaa ku daraya in xilkii Abaanduulka loo bedelay qaab dhismeed maamul oo Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ka mid ahaa Saraakiishii hore, isla markaana dowladdii C/llaahi Yuusuf ka soo noqday xilka Taliye kuxigeenka Ciidamada. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waqtiyadii dambe ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga. Ujeedada Isbadalka ayaa lagu sheegay in dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo dalka looga saari doono muddo kooban waxaana maalmahaan dhan socday diyaar garowga Dowladda Soomaaliya. General Odowaa Yuusuf Raage ayaa la sheegay in gacanta loo geliyay hogaanka dagaalka Al-Shabaab looga saarayo goobaha ay dalka ka joogaan, sida ay noo xaqiijiyeen xubnihii aan la hadalnay. Saraakiishaan katirsan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in saacadaha soo socda la shaacin doono xilalka iyo isbadalka lagu sameeyay Taliska Ciidaamda Milateriga Soomaaliya. Wararka madaxda banaan oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in la baabi’iyay Jagada Abaan-duulaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya laguna badalay Taliyaha Ciidamada Lugta ee Difaaca Soomaaliya, sidoo kale waxaa la shaacin doonaa xilal kale oo lamagacaabay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdinuur Maxamed Axmed,Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa hadal kulul kasoo saaray Weerarkii ay Maanta qaar ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku qaadeen Xarunta Talefishinka Universal ee Magaalada Muqdisho. Agaarimaha ayaa sheegay ugu horreyn inuu cambaareynayo falkii saaka lagu weeraray Xarunta Telefishinka Universal oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid fool xun oo lid ku ah xorriyadda hadalka. Agaasimaha ayaa xusay inay baaritaanka arrintaan gacanta kula jiraan Taliska Booliska Soomaaliyeed isla markaasna cadaaladda la hor keeni doono. Wuxuu xusay inaan marnaba loo dulqaadan karin in ciidankii ay shaqadooda ahayd in ay ilaaliyaan sarreynta sharciga ay isla iyagii qaar kamid ah ku tuntaan sharciga dalka u yaalla. Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka kasoo baxay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Waxaan aad u cambaareynayaa falkii saaka lagu weeraray Xarunta Telefishinka Universal oo ahaa mid fool xun oo lid ku ah xorriyadda hadalka. Marnaba loo dulqaadan maayo in ciidankii ay shaqadooda ahayd in ay ilaaliyaan sarreynta sharciga ay isla iyagii qaar kamid ah ku tuntaan sharciga dalka u yaalla. Waxaa haatan kiiska gacanta ku haya Taliska Booliiska, annaga oo ku kalsoon in caddaalada la horkeeno ciidankii ka tirsanaa ilaalada canshuurta ee saaka dhibaatada geystay. Waxaan maamulka iyo shaqaalaha telefishinka u xaqiijinayaa in ay caddaaladda wajihi doonaan kuwa ku eedeysan falkii saaka, waxaana ku bogaadinayaa adkeysiga ay muujiyeen iyo in aysan hawshii uu telefishinka u hayay bulshada ay halkeeda kasii socoto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar rag ku labisan dirayska ciidammada booliska Soomaaliya ay ku qaadeen xarunta TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho. Weerarkan oo saacado kooban socday, ayaan la ogeyn waxa ka dambeeyay balse ciidammada ayaa la sheegay inay iska dhigeen waaxda canshuuraha ee dowladda Hoose, iyaga oo doonayay inay gudaha galaan TV-ga. Kadib ciidamada ilaalada TV-ga ayaa la sheegay inay isku dhaceen, waxaana daqiiqado kooban dhex-martay israsaaseyn xooggan. Shaqaalaha TV-ga ayaa sheegay in hal ruux laga dhaawacay kooxda weerarka qaaday, waxaana la qabtay dhammaan dadka weerarka qaaday oo la sheegay inay lix qof ka koobnaayeen. Ciidammada ilaalada madaxtooyadda oo u dhow xarunta TV-ga Universal ayaa la sheegay inay gurmad sameeyeen, taasi oo sahashay in la qabto dhammaan dadka weerarka soo qaaday oo aan la xaqiijin halka ay ka tirsan yihiin. Source
-
A middle-aged woman is among three Kenyans who were executed by Al Shabaab in Barawe, Somalia on Wednesday for allegedly spying for Amisom and the US military. According to an intelligence report by Kenyan security forces, Al Shabaab executed five people. The five, who included one Kenyan woman believed to be from the Coast and two men from Wajir were executed by a firing squad in public after they were reportedly found guilty by the local militant leader of spying in a what was described as a hurriedly constituted hearing held in front of residents. The other two were the youth of Somali origin. The executions follow recent precision attacks that were carried out by US drones in Bu’aale, Middle Juba in which more than 40 Al Shabaab commanders were killed. Among those believed to have been killed was Kenyan-born Al Shabaab commander and propagandist Ahmed Iman of the ‘Jesh Ayman.'”Al Shabaab militants believe the attack on their high command must have had an insider’s work as it hit the building where their leaders were meeting and planning future targets,” the intelligence report reads in part. Meanwhile, security agents at the Coast are on high alert after five wanted terrorists fled following a raid on their hideout where weapons were seized on Thursday last week. The suspects who escaped a police dragnet in Ngombeni, Matuga, Kwale County have been identified as Salim Rashid Mohammed, Rashid Mwatsu aka Mody, Juma Waziri, Mkauma Ali Mbuiya and Juma Mwengo. According to an intelligence report, the suspects are also members of a criminal gang that has been raiding Mpesa shops in South Coast to finance terrorism. Police said Waziri was arrested on October 4, 2013, in Garissa town while attempting to cross over to Somalia to join Al-Shabaab. and was out on bond. View the full article
-
Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa maanta guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ka codsaday Mooshin deg-deg ah oo ahaa in ajendaha kulanka golaha lagu daro xaaladda ammaanka dalka. Xildhibaannada ayaa qoraal ay heshay Goobjoog News u sheegay iney arrintan ka mid tahay waajibaadkooda dastuuriga ah iyo midda ay u dhaarteen Halkan Ka Akhris, Qoraalka iyo Xildhibaannada saxiixay: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Kulan xildhibaanada Golaha Shacabka ay maanta ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa baaqday, kadib markii uu buuxsami waayay kooramka loogu talagalay in uu ku furmo fadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee Kalfadhiga shanaad ayaa la filayay in warbixin looga dhageysto guddiga Golaha Shacabka ee hirgalinta iyo qabyo tirka Dastuurka, kaas oo xilliyadii dambe waday hawl baaxad leh oo lagu dhamaystirayo Dastuurka. Madaxweynaha JFS ayaa 27-kii bishan daah-furay Kalfadhigan, kadib munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka Ciidanka Booliska General Kaahiye ee M/Muqdisho. View the full article
-
Waxaa baaqdey kulankii maanta ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu kooramka buuxsami waayey. 116 xildhibaan ayaa timid, taasi oo ka dhageysa in tirada ay ka yar tahay midkii kooramka oo ahaa 139. Xildhibaannada golaha shacabka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay maqan yihiin xildhibaannada wasiirrada ahaa, kuwaas oo yimaada marka uu kulan xasaasi ah jiro. Dhinaca kale, xildhibaanno ka mid aha golaha ayaa dibad-bax ka dhex dhigay halkaas, iyaga oo kor u qaaday boorar ay ku qornaayeen” Golaha shacabka, waa wakiilladii iyo codkii shacabka la xasuusayo, ma aha gole sacab”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Qardho ka Dhagax dhigay garoon kubadda Cagta ah oo loo dhisidoono qaab casri faa’idana u leh dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha deegaanka. Dhagax dhigga garoonka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiinta maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland. Duqada degmada Qardho Cabdi Saciid Cusmaan Dheere ayaa sheegay in dhulkan ay ugu deeqeyn dhalinyarada degmada oo aad u jecel ciyaaritsa kubbadda cagta loona baahanyahay in si wadajiir ah dhismihiisa ay ugu qeyb qaataan shacabka iyo ganacsatada reer Puntland. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo ka hadlay dhagax dhiggan ayaa sheegay in goobta loo asteeyey dhismaha garoonka ay tahay meel ku haboon oo siman, Madaxweynaha ayaa ku booriyey Maamulka degmada Qardho in dhulka ku hareeraysan garoonka laga dhigo dhul dowladeed si mustaqbalka looga faa’iidaysto. “Farxad bay nootahay inaan dhagax dhigno garoonka kubadda cagta Qardho, waxaan garawsannahay ahmiyadda ay leeyihiin ciyaaruhu guud ahaan dalka oo dhan, waxaan bogaadinaynaa dedaalka maamulka degmadu ugu jiro sare u qaadidda ciyaaraha”. “Dhulka waa dhul aad u wanaagsan oo kasoo fog magaalada, aadna u siman kuna haboon garoon, waxaan ku darayaa in degmadu 200 oo Mitir kasii badiso oo dhulkani noqdo dhul dowladeed, mustaqbalkana mashaariic kale oo dan u ah danta caamka ah lagu fuliyo, waxaan rajaynayaa in aan soo noqdo garoon kaas oo dhammaaday, dedaalka guud ee aad wadaana waan idinku garab taaganahay” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray saldhigga iyo qaybta degmada Qardho, waxaana uu Madaxweynuhu kulan gaar ah la qaatay taliyaha qaybta qobolka Karkaar iyo Saraakiisha ciidanka Booliska degmada Qardho. Puntland State House Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors