Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,108
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Isbedel ayaa lagu sameeyey qaab dhismeedka Ciidanka Xoogga Dalka, taasi oo loogu talo galay dar dar-gelinta howlaha Ciidanka Xoogga. waxaana Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka. Sidoo kale Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa isna loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, halka General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta. Isbedalkan lagu sameeyey qeybo kamid ah Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale Admiral Guuto Cabaas Amiin Cali loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya. View the full article
  2. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay ilaa 14 mas’uul oo isugu jira wasiirro, wasiirro-ku xigeenno, agaasimayaal, guddoomiyaal iyo wakiilo Somaliland u fadhiisanaya dalalka debadda. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Biixi, ayaa wasiirro cusub loogu magacaabay wasaaradaha, Warfaafinta, Gaashandhiga iyo Caddaaladda, waxaa sidoo kale wasiirro- ku xigeenno cusub loo magacaabay, caafimaadka, Warfaafinta iyo Arrimaha dibadda. Mudane Biixi ayaa sidoo kale agaasimayaal guud u magacaabay wasaaradaha, Dastuurka, Biyaha, Warfaafinta iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, halka uu guddoomiye cusub u magacaabay hay’adda Shaqaalaha dowladda. Dhinaca kale, Muuse Biixi ayaa magacaabay guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer iyo laba wakiil oo Somaliland u kala fadhiisan doona dalalka Ken iyo Imaaraadka Carabta. Shaxdan hoose ka eeg PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay 14 mas’uul cusub appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Hargeysa)-Majaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waxa uu sheegay in nabada Somaliland ay u furi tahay doorashooyinki haddii la qaban waayana ay nabadu gilgilmi doonto, Halkan Hoose ka DAAWO Source
  4. Hargeysa (SMN) – Kadib wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilalkii looga qaaday wasiiro, agaasimeyaal iyo wakiilo ka tirsanaa maamulkaasi. Wareegtadan ayaa lagu shaaciyay in xilalkii looga qaaday Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo) oo ahaa wasiirkii Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Maxamed Muuse Abees oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Warfaafinta Somaliland. Qaar ka mid ah xubanahani ayaa horay loogu eedeeyay in ay ku kaceen falal la xariira Musuq-maasuq. Dhanka kale isla wareegtadani ayaa lagu macaabay wasiiro cusub, kuwaas oo kala ah: Cabdiqani Maxamuud Caateeye wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Muuse Diiriye Wacays wasiirka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax wasiirka wasaaradda cadaaladda, LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka. Sidoo kale wareegtada ka soo baxay xafiiska madaxweyne Biixi ayaa waxaa xilalkii looga qaaday agaasimeyaasha wasaaradaha Gaashaandhigga, dhallinyarada, xiriirka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, iyadoona kuwa cusub loo magacaabay wasaaradahaasi. Malamihii la soo dhaafay Somaliland waxaa ka socday isbedal dhinaca maamulka ah oo uu wadan madaxweyne haatan talada haya ee Muuse Biixi Cabdi. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa sheegtay in ay soo qabteen laba Libaax oo dhal ah isla markaasina sifo sharci-darro ah dalka lagaga saarayay. Mas’uuliyiin u hadlay wasaaraddaasi waxay sheegeen in Libaaxyadan dhasha ah iyo mid ka mid ah dadkii wattay ka soo qabteen deegaanka Aleybaday oo ku yaalla galbeedka magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Afgooye (Caasimada Online) – Alle ha u naxariistee Injineer Diini Barre oo caan ka ahaa ku degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa lagu dilay gudaha degmadaasi, waxaana dilkiisa fuliyey dhalinyaro bastoolado ku hubeysan. Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay Xaafadda 21-ka Octoobar, waxa uuna ku sugnaa maqaayad markii uu dilkiisa dhacay sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka. Marxuumka la dilay ayaa ahaa Injineer dhisa Guryaha, waxa uu sidoo kale Afgooye ka ahaa oday dhaqameed ka qayb qaata xalinta dagaalada iyo isku dhacyada sida ay noo sheegayn dadka degaanka. Dilkiisa ayaa naxdin ku noqday Shacabka Afgooye, waxaana lagu eedeeyay Al-shabaab in ay ka dambeeyeen dilka. Shacabka Afgooye ayaa sheegay in amni darro xoog leh ay ka jirto degmada Afgooye oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay dilal ka dhacayn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Cabdiraxmaan Dheere Oo Ka Jawaabay Dacwad Uu Ka Gudbiyay Garyaqaan Guuleed Dafac Iyo Eedaymo Uu U Jeediyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Gaalkacyo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa kulamo ka wada halkaasi. Kulamadan oo ah kuwa is daba joog ayaa ah waxa uu la qaatay qeybaha bulashada iyo saraakiisha amniga ee magaaladaasi. Intooda badan kulamadan ayaa diirada lagu saaray xoojinta amniga iyo sidoo kale arrimaha dib u heshiisiinta deegaanada dowlad goboleedka Galmudug. Halkan hoose ka dhageyos Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/war-cali-gaab-xaaf-iyo-maanta.mp3 View the full article
  9. Isbaddelkaan oo lagu sameeyay qeybo ka mid ah hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa loogu talo galay dar dar-gelinta Howlaha Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka. Sidoo kale Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa isna loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, halka General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta. Isbedalkan lagu sameeyey qeybo kamid ah Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale Admiral Guuto Cabaas Amiin Cali loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Northwood (SMN) – Spain ayaa dalka Ingiriiska kala wareegtay hoggaanka la dagaalanka burcadbadeeda Midowga Yurub ee Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan labada dhinac. Qorshaha la wareegista ee Spain ayaa yimid, kadib markii Ingiriiska uu bilaabay qorshaha uu kaga baxayo xubinimada Ururka Midowga Yurub Admiral Antonio Mortorell oo u dhashay Spain ayaa taliyaha howlgalka Atlanta kala wareegay General Charlie stricland, kadib munaasabad ka dhacday koofurta Spain. Taliyaha cusub ee lagu wareejiyay howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya ayaa ballan qaaday in uu sii wadi doono qorshaha looga hortagayo kooxdaasi. Barnaamijka la dagaalanka burcadbadeeda ee Midowga Yurub ayaa la sameeyay sanadkii 2008 , xilligaas oo ay korortay tirada Maraakiibta lagu afduubo xeebaha Soomaaliya. Golaha Midowga Yurub ayaa horay u shaaciyey in xarunta la dagaalanka burcadbadeeda oo ku taala Ingiriiska loo wareejinayo magaalada Northwood ee dalka Spain. Howlgalka Atlanta ayaa waxaa dhawaan loo sameeyay mudo kordhin hal sano ah oo ku eg 2020-ka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Ururka Midowga Yurub. View the full article
  11. Jowhar (SMN) – Kulankan oo ay wada qaateen madaxweynaha HirShabelle iyo golaha wasiirada maamulkaasi ayaa waxaa looga hadlay qorshaha guud ee xasilinta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Intii uu socday kulankani oo ka dhacay magaalada Jowhar ayaa la’isla gartay in wax laga qabto arrimaha amniga, dhaqaalaha oiyo tayeynta Ciidamada. Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo madasha ka jeediyay hadal dhinacyo badan taabanaya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay, sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin haatan ka jira deegaanada maamulkiisa. Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan dib loo furayo waddooyinka qaar ee ay go’doomiyeen Al Shabaab, waxaana uu shacabka labada gobol ugu baaqay in ay ku gacan siiyaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli weli Al Shabaab ay ku xoogan yihiin deegaano ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya,waxaa isbedel lagu sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga dalka Somaliya, taasi oo qayb ka ah hanaanka dib u habeynta Ciidanka. Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka. Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta. General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire ayaa loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta. Sidoo kale Admiral Cabaas Amiin Cali ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda. Qaab dhismeedkan cusub ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay is bedelka iyo dib u habeynta Ciidamada xoogga dalka oo muddooyinkii u dambeeyay ku socday tirakoob iyo qorshayaal kale. Is bedelkan cusub ee lagu sameeyay hoggaanka Ciidamada ayaa la ogeyn waxa uu soo kordhin doono, iyadoo qeybo ka mid ah Ciidamada ay ka cabanayaan mushaar la’aan iyo in aanan la siinan saanad iyo agabkii ay u baahnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Labada suxufi ee la jirdilay Cagmadhige iyo Dooxo Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo socdaal ku maraya gobollada Bari iyo Karkaar, ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada, xubno ka tirsan golayaasha dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa madaxweynaha ku soo dhoweeyay magaalada Boosaaso, halkaasoo uu hadal kooban uga jeediyay dadkii soo dhoweeyyay, isagoo u mahadceliyay. Dhinaca kale, askar ka tirsan ciidanka madaxtooyada oo la socday madaxweyne Deni, ayaa jirdil u geystay qaar kamid ah suxufiyiinta gobolka Bari oo halkaasi u tegay, in ay soo duuban warka imaanshaha madaxweynaha. Laba suxufi oo lagu kala magacaabo; Maxamuud Jamaal Maxamed (Dooxo) iyo Maxamed Axmed Salaad (Cagmadhige), ayaa jirdil iyo dharbaaxooyin daran kala kulmay,askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo ku sugnaa fagaaraha soo dhoweynta. Suxufiyiintan oo warbaahinta Puntland Post la hadlay, ayaa sheegay in ay nabarro ka qabaan saableeyda iyo xabadka oo lagala dhacay qori-dabadiis iyo jilib, islamarkaana indhaha lagu caseeyay dharbaaxooyin kulul. Halkaan ka daawo muuqaalka jirdilka PUNTLAND POST P The post Ilaalada Siciid Deni oo jir dilay suxufiyiin appeared first on Puntland Post.
  14. New York (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku xigeenka howl alka UNSOM ee Soomaaliya u magacaabay George Conway oo u dhashay dalka Canada. Mr Conway ayaa sidoo kale noqonaya xiriiriyaha arrimaha gargaarka bani’aadinimo ee Soomaaliya, kaas oo bedalaya Peter De Clecq oo dhawaan shaqada ka tagay. Mas’uulka cusub ee loo magacaabay ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa horay ugu tirsanaa barnaamijka horumarinta mashaariicda Qaramada Midoobay ee UNDP. Antonia guterres ayaa ma’uulka u u magacaabay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya u sheegay in ay hortaalo shaqo adag, loona baahan yahay in uu sameeyo dadaalo dheeraad ah. Magacaabiista Mr Conway ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan golaha ammaanka uu muddo kordhin hal sano ah u sameeyay xafiiska siyaasada UNSOM. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa waxa uu sheegay in somaliland uu maanta sharcigu hooseeyo waxaanu sheegaya in golleyaasha deegaan uu wakhtigii ka dhammaaday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Paris (SMN) – Agaasime ku xigeenka Hay”adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Cabdifitaax Shaawey iyo sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Paris Axmed Maxamed Xaaji Cali ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay adeegga bixinta Baasaboorka oo laga hirgaliyay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Faransiiska. G/Sare Shaawey oo ku sugan magaalada Paris ee casimadda dalkaasi ayaa safaro shaqo ku mari doona qaar kamid ah dalalka Yurub, isaga oo xarumo cusub oo laga bixiyo Baasaboorka ka dhaqan-galin-doona dalal kale oo ka tirsan Qaaraddaasi. Ujeedada socdaalka wafdiga uu hoggaaminayo Agaasime ku xigeenka Hay”adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ah baahinta adeegyada Baasaboor-bixinta si looga jawaab-celiyo baahiyaha ay qabaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka yurub Muddooyinkii la soo dhaafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waday qorshayaal lagu hormarinayo, lagun casriyeynayo Baasaboorka Soomaaliga ah. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-30032019.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaar kamid ah Hooyooyinka dhalay Carruurta ay ka geeriyoodayn Ciidamada Booliiska Soomaaliya kuwaas oo loo yaqaano, Carruurta agoonta Booliiska, ayaa maanta banaanbax ka dhigay Madaxtooyada Soomaaliya horteeda. Waalidiintaan ayaa ka cabanyay in aysan dhowr bilood qaadan lacagtii ay xaqa u lahaayeen Carruurta agoonta Booliiska Soomaaliya, sidoo kalane looga baxay ballamo badan oo ay la galayn DF-ka Soomaaliya. Waalidiintaan ayaa hor jiiftay Albaabka Madaxtooyada waxayna diidayn in Villa Somalia la galo ama laga soo baxo ilaa ay Dowladda Soomaaliya ka bixiso Xaquuqda Carruurta agoonta Booliiska Soomaaliya. Haweenkan ayaa ku cabanaya inaysan haysan wax ay siiyaan carruurtooda, maadaama muddo afar bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah sida ay hadalka u dhigeen. Madaxda dowladda ayeey sheegeen inay ka codsanayaan in si deg deg ah carruurtooda waxa ay cuni lahaayeen loogu soo dhiibo, maadaama aabayashooda ay ku nafwaayen u dagaalamida Qaranka. Dowladda Somaliya ayaa maalmahan dambe waxaa ku furan mowjado Siyaasadeed & mid amni oo la xiriirta Mushaaraadka Ciidanka ee maalmahan dambe ka cabanayeen. Ciidamo badan ayaa isaga soo baxay jiidda hore ee dagaalka markii ay sheegeyn inay waayeen Raashinkii ay cuni lahaayeen iskaba daay mushaarkooda oo ka maqan 4 Bil. Halkaan hoose ka daawo Hooyooyinka oo ka hadlayo mushaarka ka maqan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muuse Biixi oo iskushandheyn,Magacaabid & Xilka qaadis ku sameeyay Golihiisa Xukumada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo); Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle; Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Ku: Maxamed Muuse Abees Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa: 1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka. 2. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga. 3. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud Ku: Jamaal Cabdilaahi Muxumed Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga Ku: Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Ku: Cabdikariim Xuseen Siciid Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wakiilada Ku: Xasan Hirad Yaasiin Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta Ku: Ayaanle Salaad Diiriye Wakiil Ku Xigeenkii hore ee Somaliland ee Dalka Kenya Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Magacaabida Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga 2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 3. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda 4. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka 5. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 6. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah 7. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha 8. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka 9. Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha 10. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 11. Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda 12. Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta 13. Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya 14. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
  20. POLICY ANALYSIS: THE FUTURE OF JUBBALAND AND STABILIZING THROUGH COOPERATION FROM ALL SECTORS WITH THE GOAL OF DEFEATING AL-SHABAAB. The international community role In Somalia is to stabilize Somalia, to safeguard the democratic process of elections allowing Ahmed Madobe to run and be elected again will send many negative messages to the people of the world that fight for Liberal democracy. Ahmed Madobe has been leading in Kismayo since 2007. For the last 12 years, Ahmed Madobe has been under control in Kismayo wearing different faces. First with Al-Shabaab, Hizbul-Islam and as Jubaland state. Ahmed Madobe has been president since 2013 and doesn’t believe in the democratic process of elections. He is one of the founders of Al-Shabaab ties to Iran, the cartels and al-Shabaab groups in Somalia. Ahmed’s net-worth is believed to be $70 million (invests in real states in Nairobi, Dubai, and Qatar. Al-Shabaab remains the most immediate threat to the peace, security, and stability of Somalia. Despite ongoing efforts by international forces to eliminate Al-Shabaab’s leadership, in particular through the use of airstrikes, the group’s ability to carry out complex asymmetric attacks in Somalia remains unstopped due to the help they got from Ahmed Madobe’s administration in Kismayo. It’s widely believed that Al-Shabaab uses the port of Kismayo to import their needs. Its very shame for the International partners to work with this criminal that have close ties with Al-Shabaab, Iran, and cartels that deals with gray arms, drugs, and charcoal. Evidence shows that Ahmed Madobe closely works with the above organizations. According to Monitoring groups current report Political and security sector challenges continued to present a significant threat to stability in Jubaland administration. Letter dated 7 November 2018 from the Chair of the Security Council Committee pursuant to resolutions 751 (1992) and 1907 (2009) concerning Somalia and Eritrea addressed to the President of the Security Council. An estimated 3.6 million bags of charcoal were produced during 2017, and 8 million acacia trees were cut down to produce 16 million bags of charcoal during 2011–2017; during this seven-year period, a tree was cut down to produce charcoal at a rate of one every 30 seconds.155. The charcoal is transported by road from the interior of Middle Juba and Lower Juba to the stockpiles and ports at Buur Gaabo and Kismayo, derives at least $7.5 million per year from checkpoint taxation of charcoal. The stockpiles located in Kismayo and Buur Gaabo (125 km south-west of Kismayo) continue to be the source of illicit charcoal exports. charcoal is subject to checkpoint taxation by Al-Shabaab. the largest volume of exports was in February 2018, with more than 600,000 bags, while fewer than 300,000 bags were exported in other months. Monitoring Group estimates the current rate of charcoal exports from Somalia at 3 million bags per year Investigations by the Group have determined that these illicit charcoal exports have been taxed by the Jubaland administration at an average rate of more than $5 per bag, generating more than $15 million in annual revenue for Jubaland (see annex 7.2, (strictly confidential)). With a wholesale price of $50 per bag in the United Arab Emirates, as of August 2018, the estimated total market value of illicit charcoal exports is $150 million per year. 174. The process involved using false certificates of origin from Comoros, Côte d’Ivoire, and Ghana to import Somali charcoal, repackaging the charcoal from typical blue-green bags into white bags labeled as “Product of Iran”. The bags were then reloaded onto smaller, Islamic Republic of Iran-flagged dhows, and exported to Hamriyah port, Dubai, United Arab Emirates, using certificates of origin falsely indicating the country of manufacture of the charcoal as the Islamic Republic of Iran. The illicit trade in charcoal from Somalia continues to be dominated by criminal networks linking Kismayo in Somalia and Dubai, With the assistance of accomplices, such as local consignees in the Islamic Republic of Iran and Oman, these criminal networks have profited greatly from violations of the charcoal ban As election s are close, such reports come out this administration will continue to impose inhuman and degrading punishments on civilians, opposition groups and the press. Solutions: The current administration has to go. The parliament that Ahmed Madobe’s handpicked and dictated numbers must be dissolved, re-corrected and distributed to the right inhabitants in the area. For example, the galje’el which are the indigenous inhabitants of the juba and middle Jubba were only assigned to 3 members of parliament while Ahmed Madobe gets 21 members for his clan. Even worse Tunni is given to nothing. Justice must be served. Equal distribution must be made. The goal If people in the region get justice, the hearts, and minds of the people achieved, then the coming administration should focus on waging war to Al-Shabaab to liberate the middle Jubba. Final: As long as there are injustices within the Jubaland administrations equal distribution of power, as long as criminals like Al-Shabaab, thugs, cartels, Iran and Jubaland state leaders operate in the region then defeating the transnational and international terrorists will be hard to achieve so Ahmed Madobe and his current administration has to go. By: Marcus Marcus Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
  21. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo); Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle; Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Ku: Maxamed Muuse Abees Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud Ku: Jamaal Cabdilaahi Muxumed Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga Ku: Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Ku: Cabdikariim Xuseen Siciid Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wakiilada Ku: Xasan Hirad Yaasiin Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta Ku: Ayaanle Salaad Diiriye Wakiil Ku Xigeenkii hore ee Somaliland ee Dalka Kenya Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Magacaabida Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Kooram la’aan u baaqday kulankii ay lahaayeen Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya markii ay soo xaadiri waayeen Xildhibaan badan oo ku sugan Muqdisho. Qaar ka tirsan XIldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay mooshin ka keeni doonaan XIldhibaanada Wasiirada ah ee Maanta si kas ah uga baaqday kulankii Baarlamaanka. Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa digniin adag u diray Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya qaarkooda xildhibaanada ah oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan Kulamada Golaha Shacabka. Xildhibaan Jeesow ayaa wacad ku maray in Xukuumadda Kheyre ay meesha ka bixi doonto haddii Xildhibaanada Wasiiradda noqday ay soo xaadiri waayaan Kulamada Golaha Shacabka. Waxaa uu sheegay in ay keeni doonaan Mooshin uu garwadeen ka yahay hadii la kala saari waayo Shaqadda Golaha Shacabka iyo Midda Xukuumadda. “Waxaa balan ku qaadeynaa haddii fadhigan fadhiga ku xigo imaan waayaan Golaha Wasiirada, Wallaahi baan ku dhaartay anaa horkacayo, Mooshin ayaa ka keenyenaa, kuligood waa rideynaa, Ra’iisul wasaaraha ha ogaado”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow. Xildhibaanka ayaa ka mid ah Xildhibaano ku dhow 20 oo maanta soo gudbiyay Mooshin looga soo horjeeday Ajandaha kulanka ee ahaa Dastuurka, islamarkaana dalbaday in laga dhigo Ammaanka. Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa taageerayaasha Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhowaan ka soo horjeestay, isagoo cambaareeyay booqashadii Ra’iisul wasaaraha ku tagay Kismaayo. In ka badan 40 Xildhibaan ayaa ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay inta badan ka maqan yihiin fadhiyada Baarlamaanka, balse marka xaalad xasaasi jirto ama sharci Xukuumadda la ansixinayo ayay fadhiyada Baarlamaanka yimaadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Spain on Friday took over from Britain command of a European Union maritime mission that combats piracy off the coast of Somalia as Britain’s planned departure from the bloc nears. Spanish vice-admiral Antonio Martorell relieved British major general Charlie Strickland as commander of the so-called “Operation Atalanta” during a solemn ceremony held at the Rota naval base in southern Spain, where US troop are also stationed. The ceremony was held on the day Britain was originally set to leave the European Union. British lawmakers voted down an unpopular divorce deal for a third time on Friday. “It is honestly a sad day for the UK … but it is an exciting day for Spain,” Strickland said during the ceremony. “Atalanta is so much more than ships in the Indian Ocean and aircraft in the skies. Atalanta is a sophisticated multilayered operation using hard and soft power to continue to suppress piracy and to take a powerful role in the broader security architecture of this key region of the world.” The European Council announced in July that it would transfer the headquarters of Atalanta which employs 101 people from Northwood outside of London to Rota. The operation’s headquarters is just one of the European institutions which Britain is losing as a result of its impending EU exit. The European Medicines Agency moved to Amsterdam while the European Banking Authority was relocated to Paris. While Spain took over Atalanta’s command centre, France’s historic naval base in Brest on the tip of Brittany won the Maritime Security Centre of Africa which was also based in Northwood. The EU launched Atalanta in 2008 to fight brazen acts of piracy off the coast of Somalia, including the spectacular hijacking of a Spanish tuna boat in 2009. The number of attacks off the coast of Somalia in the Indian Ocean has fallen from a peak of 176 in 2011 to just two in 2018, according to Atalanta. The European Union has extended Operation Atalanta to 2020 and gave it a budget of €12 million for 2019 and 2020. Italy had also sought to win the headquarters of Atalanta. It had proposed that it be moved to a base in Rome which already holds the headquarters of Operation Sophia against smugglers of migrants in the central Mediterranean. View the full article
  24. The UN chief has appointed George Conway of Canada as acting deputy special representative for UN’s mission in Somalia. In a press statement on Friday, UN Secretary-General Antonio Guterres said Conway will also be serving as United Nations Resident and Humanitarian Coordinator. Conway succeeds Peter de Clercq of Netherlands. Born in 1970, Conway holds two Master of Arts degrees from Carleton University and the University of Western Ontario, and a Bachelor of Arts from the University of Winnipeg. The new official, who currently serves as the Resident Representative a.i. for the United Nations Development Programme (UNDP) in Somalia. He has many years of distinguished service within the United Nations system, including as Strategic Adviser in the UNDP Regional Bureau for Africa, Country Director a.i. for UNDP South Sudan and Deputy Head of Office / Head of Programmes for UNDP Southern Sudan. The appointment comes barely three after Somalia expelled the UN’s top envoy, Nicholas Haysom. He was just appointed as UN chief Antonio Guterres’ special representative for Somalia in September 2018 before accused him of “shaming” the world body by acting like the country’s ruler. View the full article