-
Content Count
208,115 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Injineer Cabdiraxmaan Yariisow ayaa xalay shaaca ka qaaday in Muqdisho la geliyey xaalad deg deg ah, maadaama amniga uu farah ka baxay. Haddaba hoos ka aqriso waxa uu dastuurka Soomaaliya ka dhahayo xaaladda deg degga ah. Qodobka 131aad. Xaalad Deg degga ah (1) Xaalad deg deg ah waxaa la soo rogi karaa keliya haddii ay lagama-maarmaan u tahay wax ka qabashada xaalad ba’an oo ka dhalatey dagaal, weerar, fallaaganimo, kala-dambeyn la’aan, masiibo dabiici ah ama arrin kale oo deg deg ah oo ba’an. (2) Xaalad deg deg ah waxaa looga dhawaaqi karaa guud ahaan ama qayb ahaan dalka, laakiin waa in aanu ka badnaan inta loogu baahan yahay in wax looga qabto xaaladda. (3) Madaxweynaha isaga oo tallaabadiisa ku saleynaya codsi uu u soo jeediyey Golaha Wasiirrada waxaa uu ku dhawaaqi kara xaalad deg deg ah oo lagamamaarmaan ah, taas oo markaa ka dib ay kaga doodi karaan, oo ayna ku ansaxin karaan, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka muddo 21 maalmood gudahood ah ka dib marka lagu dhawaaqo xaaladda. Doodaha Baarlamaanka Federaalka waxaa ay ahaanayaan kuwo aan qarsoodi ku dhicin oo dadweynaha u furan haddii aaney taasi diideynin xaaladda jirta. (4) Baarlamaanka waa uu oggolaan karaa ama waxaa uu u kordhin karaa waqtiga isaga oo gaarsiinaya muddo aan ka badneyn saddex bilood. Haddii Baarlamaanka Federaalka uusan oggolaan ama uusan waqti ku darin xaalad deg deg ah, markaa xaaladda deg degga ah ma jireyso. (5) Ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah waxaa ay laanta fulinta siin kartaa awoodo gaar ah oo loogu baahan yahay wax ka qabashada xaaladda oo keliya. (6) Awoodaha lagu bixiyo xaaladda deg degga ah gudaheeda kuma jirayaan awoodo loogu xadgudbayo xuquuqaha ku jira dastuurkan, haddii xadgudubkaasi aanu gebi ahaanba lagamamaarmaan u ahayn ujeeddooyinka wax ka qabashada xaaladda deg degga ah. (7) Saxnaanta ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah, iyo habraacyada loo maro ku dhawaaqista, waxaa lala tiigsan karaa maxkamad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah siyaasi horey Wasiir uga soo noqday Soomaaliya isla markaasna mar isku soo sharaxay xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii uu xalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow Xaalad deg deg ah ugu geliyey Magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Yariisow ay shirqool u dhigeen Farmaajo iyo Kheyre, kuwaas oo raba, sida uu sheegay, inay madaxa u saaraan fashilka amni ee caasimadda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inaysan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir hoos tagin Taliyaha Booliska, iyo Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir ayna yihiin kuwa uu Digreeto kusoo magacaabay madaxweynaha taasina ay muujineyso in la doonayo in Fashilka Amniga Muqdisho dusha laga saaro Eng. Yariisow. “Saaxiibkeey ayaa i waydiiyey Taliska Booliska iyo Nabadsugidda Gobolka Banaadir midkoodna ma hoos tago Guddoomiyaha Gobolka, amar iyo awoodnna kuma laha ee maxay tahay “Xaaladda Degdega ah ee uu soo rogay” Waxaan ku iri fashilka Masuuliyadda Amniga ayaa madaxa laga saari rabaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. “Guddoomiyaha, Taliyaha Booliska, iyo Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir digreeto Madaxweyne ayaa lagu wada magaacabay” ayuu sii raaciyey. “Haddii Banaadir maqaamka maamul ee ay mudan tahay la siiyo, dakhligeeda deegaanka loogu adeego, dadkiisuna madaxdiisa doortaan, markaas ayey Banaadir amnigeeda masuul ka noqon kartaa, inta ka horreysa Madaxda awoodda maamul haysata masuuliyadda yeysan cid kale uga siibanin” ayuu kusoo gabagabeeyey hadalkiisa. Hadalka Cabdiraxmaan ayaa imaanayo xilli uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdulaahi Yariisow Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay go’aankan la gaaray inuu yahay mid lagu doonayo in lagu xoojiyo amaanka caasimada oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen qaraxyo badan oo dad badan ku dhinteen kuwo kalana ku dhaawacmeen. Guddoomiyaha ayaa sheegay in inta lagu guda jiro xaalada deg deg ah ay bilaaban doonaan howlgallo ballaaran oo ka duwan kuwii hore si amaanka gacan bir ah loogu qabto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka sheegay munaasibad lagu marti-qaaday oo ay soo qaban-qaabiyen Xarunta daraasadka Siyaasada ee CPA, inaysan jirin wax lacag ah oo Xukuumadii hore ee uu katirsanaa ay kasii qaadatay DP WORLD. Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inuu cadeynayo inaysan jirin wax lacag ah oo qadimaada oo Xukuumadii Axmed Siilaanyo ka qaadatay shirkada maamusha dekeda Berbera ee DP WORLD, taasi oo ah kirooyinkii dekedaas. “Xukuumadii Axmed Siilaanyo, waxaan cadeynayaa wax kirooyinkii dekedaa ah oo aan wakhtigeedi la gaadhin, oo aanu sii qadimanay inaanay jirin”. Dhowaan unbey aheyd markii uu Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire uu sheegay inaanay jirin wax kiro ah oo ay Xukuumada Muuse Biixi ka qaadaneyso sanadkan shirkada DP WORLD, isagoo sheegay inay hore usii qadimatay xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo, taasi oo ku kireysan sanadkii 5-Milyan oo dollar. “Kirada aynu ka qaadano dekeda berbera sanad walba waa 5-Milyan, dekeda DP WORLD maynaan siin, waanu ka kireynay oo sanad walba 5-ta Milyan beynu ka qadana, sanadkan kuma jirto kiradu oo hore ayaa u qaadanay”. Dhinaca kale, Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inaanu been ku aqoon Wasiir Sacad Cali Shire, oo uu hadalkiisas uu ka waday wasaaradii maaliyada inaanay lacag usoo xaroon. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Soomaalida marka ay maqlaan cinwaanka maqaalkan oo ah ku qabso ku qadi meyside, durba waxaa ku soo baxayo ama u sawirmayo dhul ama Beero la isku haysto, balse midkan wuu ka duwan yahay midkii ay horey u yaqaaneen ee ahayd hanti adduun oo la isku haysto. Bishan aynu ku guda jirno ee Marso ayaan Masjidka Macalin Nuur oo ku yaal degmada hodan ee magaalada Muqdisho, ku arkey cunto bisil oo loo qeybinayo dad masaakiin ah oo saf saf u taagan, halka ay qaarna fadhiyeen. Waxaa ii soo baxdey in Xasanaad fara badan uu ka socdo goobtaas cuntada lagu qeybinayey, balse ma haysan wax adduun lacageed ah oo aan ku darsado sadaqadaas la qeybinayey, waxaanse go’aansadey qaab cilmiyeysan oo ah ku qabso ku qadi meyside xasanaadka goobtaas ka socdey oo muddo bil ah soconayo. Waxaan si hal haleel ah ugu tagey Khaliif Cabduqaadir Macalin Nuur oo dowladihii Sheekh Shariif iyo Farmaajo ka soo noqdey Wasiirka Madaxtooyada, muddo Afar sano ahna ahaa Xildhibaan Qaran, balse waqti xaadirkan mas’uul ka ahaa hawsha sadaqo qeybinta. Waxaan u gudbiyey codsigeyga ku saabsan sidaan ula sheer gareen lahaa Xasanaadka goobtaas ka socdo. Waxaan ka codsaney in maalin walbo la ii dhiibo cunto baceysan oo aan u qeybiyo masaakiinta aan calafka u yeelan in ay goobtaas soo gaaraan. Nasiib wanaag wuu iga ogolaadey, wuxuuna amar ku baxshey in la ii dhiibo cuntada aan codsadey, maalinta qiyaamahana rabbi igula xisaabtami doono meesha ay ku baxdey. ALXAMDULILAAH, WAXAAN XASUUSTEY HAL KU DHIGGII AHAA KU QABSO KU QADI MEYSIDE, oo aan u isticmaaley sidii uu rabbi ugu tala galey, illaa waqti xaadirkana waxaan ku kuda jiraa cunto qeybintii. Waxaa Qorey: Abdullahi Said Elmi (ILKACASE)
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-30032019-Okay.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Guddoomiyay shir aan Caadi ahayn oo golaha wasiirradu ka yeesheen amniga dalka, gaar ahaan sugidda amniga caasimadda. Goloha wasiirrada ayaa shirka aad ugu falanqeeyay xaaladda amni ee dalka, waxaana warbixin looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo difaaca oo golaha xog dheeraad ah ka siiyay warbixinnadii ugu dambeeyay iyo qorshayaasha la doonayo in cadawga looga saaro deegaannada ay dalka uga dhuumaalaysanayaan si ummadda Soomaaliyeed looga bad-baadiyo dhagaraha ay argagaxisadu maleegayso. Golaha ayaa isku raacay in ay si aad ah loo adkeeyo amniga caasimadda, lana dardar geliyo fulinta qorshaha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah ee caadaysay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulankii koowaad ee Kalfadhiga 5-aad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan, kaddib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii loogu tala galay inuu ku furmo Xildhibaanada Baarlamaanka. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay inuu kulanka baaqday, isla markaana uu kooramka buuxsami waayay. Xildhibaano ku filnaa in kulanka qabsoomo waa ay joogeen Muqdisho, hase yeeshee kaliya, ku dhowaad 116 Xildhibaan ayaa soo xaadiray kulanka. Waxaana ka maqnaa xildhibaanada wasiirada ah ee ku jira Xukuumadda Kheyre, oo Muqdisho ku sugan, waana sababta baaqashada kulanka. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen qaar ka tirsan XIldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lahaa qorshihii iyo xeeladdii maanta lagu joojiyey kulankii baarlamaanka. Sida aan xogta ku helnay, Ra’isul wasaaraha ayaa xubnaha Xildhibaanada iyo wasiirada isku ah ku amray inaysan tagin kulanka maadaama ay Xukuumadda ka cabsaneyso inuu Baarlamaanka kusoo badiyo cadaadiska kaga imaanaya fashilka dhanka Amniga ah. Xildhibaanada Wasiirada ah ayaa qaatay amarka Ra’isul wasaaraha, waxaana sidaas ku hirgalay qorshihii Ra’isul wasaare Kheyre. Sidoo kale, madaxda ugu sareeyo dalka ayaa ka shaqeeyey in ajandaha Kulanka baarlamaanka laga dhigo dood ku saabsan dastuurka, halkii la filayey inuu noqdo mid looga hadlo amniga Muqdisho, taasi oo xildhibaano badan ka carreysiisay. Saaka Waabarigii Dowladda ayaa ka war heshay in Xildhibanada mucaaradka ay qorsheenayaan inay kulanka u badalaan mid looga hadlayo Amniga iyo in lagu soo bandhigo boorar lagu soo qoray hal ku dhigyo ka turjumayo inuusan Golaha Shacabka ka aamusi karin arrinta Amniga, waana sababta keentay xeeladda ah inay Xildhibaanada Wasiirada gambiyaan si uu kulanka u baaqdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xildhibaannada golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa la filayaa in ay maalinta berriya oo Axad ku beagan ay ansixiyaan miisaanadda sagaal-biloodka ee sannadkan 2019. Kulanka 24 aad ee kalfadhiga 43aad ee golaha wakiilada Puntland oo ku beegan maalinta berriya ayaa hab gacan-taag ah loogu codaynayaa miisaaniyadda sagaalka bilood ee ka harsan sannadkan taasi oo wasiirka Maaliyadda Puntland u gudbiyay golaha. Miisaaniyaddan oo dhammaanteed laga soo min-guuriyay miisaaniyad-sannadeedkii hore ayaa xildhibaannadu maanta su’aalo ka weydiiyeen wasiirka Maaaliyadda kadib markii ay dood ka yeesheen maalmihii la soo dhaafay. Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo warbaahinta Puntland Post la hadlay ayaa sheegay in ay maalinta berriya codkooda siin doonaan ansixinta miisaaniyadda maadaama ay sheegeen in aan wax turxaan leh ka muuqan. Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa sheegay in ku celiska miisaaniyaddan aysan wax dhib ah ku jirin maadaama sida uu xusay xukuumaddii iyo Baarlamankii hore ay ka gaabiyeen diyaarinta miisaaniyad cusub taas oo uu sheegay in aysan eed ku lahayn xukuumaddan. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo berri cod u qaadaya miisaaniyadda dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in howlgalo culus oo lagu sugayo amaanka ay ka bilaaban doonan Muqdisho. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow], duqa caasimada, ayaa shaaciyay in howlagalaasi ay saameyn doonan guud ahaan magaaladda. Wadooyinka oo uu carabka ku adkeeyay in ay sii xirnaan doonan ayuu shaaciyay in dadka nugul uu maamulka u diyaariyay gaadiid. Shacabka ayuu cod dheer uga dalbaday in ay muujiyaan dulqaad inta uu socdo howlgalkaasi oo xusay in uu yahay mid qorsheysan. Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ka dalbaday dadwaynaha in ay ku garab siiyaan laamaha amaanka xasilinta caasimada wadanka. Hadalka gudoomiye Eng Yariisow ayaa kusoo aadaya xili maalmihii u dambeeyay ay falal lidi ku ah nabad-gelyadda ay ka dhacayeen magaala madaxda dalka. View the full article
-
Guddoomiyaha golaha degaanka, ahna duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse ayaa maanta khudbad ku saabsan waxqabadkiisa lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxa uu ka jeediyay kalfadhiga 26 aad ee golaha degaanka oo Garoowe ka furmay. Guddoomiyaha ayaa khudbaddiisa si qodobaysan ugu faahfaahiyay, waxqabadka maamulkiisa ee dhinacyada amniga, ilaalinta bilicda iyo nadaafadda caasimadda, mushahar-siinta shaqaalaha iyo nidaaminta shaqada degmada, mashaariicda horumarineed ee la hirgeliyay iyo furista waddooyinka xirnaa. Halkaan ka daawo khudbadda PUNTLAND POST The post Duqa caasimadda Garoowe oo soo bandhigay waxqabadkiisa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa goor dhow ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan howlgallo ballaaran, waxaana uu sheegay in magaalada oo dhan la kala xiri doono. Yariisow oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa xusay in ciidanka Booliska ay bilaabi doonaan howlgallo guri guri ah oo lagu xaqiijinaayo ammaanka. Waxa uu sheegay in la xiri doono dhammaan waddooyinka, islamarkaana guri guri loo gali doono magaalada. Xitaa waddooyin hadda furan ayuu sheegay in la xiri doono. Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka liita sida waayeelka iyo naafada ay dowladda ku qaadi doonto baabuur ay iyada diyaarisay oo magaalada ka dhex-shaqeyn doono, dadka xoogga lehna ay lugayn doonaan. Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya inta uu socdo howlgalka, wuxuuna sidoo kale warbaahinta ka dalbaday inaysan buun-buuni falalka amni-darrada. Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dadka shacabka inta ay socdaan howlgallada in ay muujiyaan dulqaad, maadaama uu sheegay in magaalada ay ka jiraan dhibaatooyin waa weyn. Go’aankan ayaa yimid ayada oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay kulan habeen hore ay ku yeesheen Villa Somalia mabda’ ahaan isku raacay in xaalad deg deg ah oo lagu soo rogo Muqdisho, oo howl-gallo culus laga billaabo, maadaama amniga uu farah ka baxay, sida shaacisay Caasimada Online, oo ahayd warbaahinta kaliya ee xogtan sida gaarka ah u heshay. Halkan aqri xogtii aan qornay. Hoos ka daawo Yariisow oo ka hadlaya arrintan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa shir deg deg ah isugu yeeray xubnaha gollahiisa wasiiradda. Shirkaasi ayaa la sheegay in looga hadlay xaaladda amni ee wadanka oo maalmihii lasoo dhaafay ahayd mid liidatay Natiijada kasoo baxday kulanka ayaa ah mid aanan wali lala wadaagin war-fidiyeenka, inkasta oo la filayo in lasoo saaro saacadaha soo aadan. Kulankaan ayaa imaanaya iyadda oo maanta uu ra’iisul wasaare Khayre booqday xerada Jenaraal Gordan ee Muqdisho. View the full article
-
Dugsiyadda salaama oo dhawr iyo tobankii sanno ee u dambeeyay ka shaqaynayay Somaliland gaar ahaana caasimada Hargeysa oo ay asaaseen dad aqoonyahan, waxaanu ka kooban yahay laamo kala duwan, sida laba dugsi sare oo u hablaha u gaar ah iyo dugsi sare oo inamada gaar u ah, dugsi hoose dhexe, iyo dugsi barbaarinta carruurta ah. Dhan kale dugsiga Salaama waxa uu leeyahay qaybta lagu barto luuqadaha kala duwan ee dunida lagag hadlo. Dugsi Salaama oo dhawrkii sanno ee u dambeeyay imtixaanaadkaga kaga jiray kaalmaha ugu horreeya, sidoo kale dugsiga Salaama waxa uu soo saaraa ardayda ugu tayada fiican ardayda reer Somaliland. Dhan kale dugsi Salaama waxa uu caan ku yahay inay ka hawl-galaan macallimiin xul ah oo ay ka mahad sheegtaan waalidiinta ay ubadkoodu dhigtaan dugsiyadaasi. Source
-
Somaliland: President Muse Bihi Sacks Ministers Accused Of Alleged Corruption The Somaliland President, Muse Bihi Abdi has replaced two ministers who had been allegedly accused of corruption in a major reshuffle. The two ministers, Abdirahman Abdillahi Farah “Guri Barwaaqo” formerly of Information ministry and Isse Ahmed Yusuf, ex-defense minister, who were recently indicted by the Attorney General on alleged charges of corruption have been sacked. However, as of now there has not been a case brought before court and neither man has been placed under arrest. Abdirahman Abdillahi “Guri Barwaaqo” has been a controversial minister who during his brief tenure had managed to alienate most of the independent media in Somaliland, the staff of the ministry and members of the Somaliland communities with his book “Sooyaal”. A no nonsense character with strong views who had enjoyed the support of President Muse Bihi, has, it would seem, run out of luck. On the other hand, Isse Ahmed Yusuf Abdulle, the ex-defense minister was a newcomer to the Somaliland political arena, and during his tenure has managed to improve the stature of the ministry, including the historic visit my the UK Defence Secretary, Gavin Williamson. However, despite several adept and victorious maneuvers on the eastern border of Somaliland during his tenure, the formation of the rag-tag militia led by the turncoat, Carre in Qardho, seems to have put paid to his time in office. It would not be a surprise to see this capable minister back in government once the allegations of corruption are resolved. Other notable moves, include Liban Yusuf Osman & Shermarke Gelle from the Foreign ministry & the Civil Service Commission respectively. Liban Yusuf had been very active in the Foreign Office, and was recently on a visit to Egypt. So, his move to the Health ministry would seem to be a possible promotion to replace the current minister, Dr. Hassan Ismail, who is in poor health and recently had a mini-stroke. Shermarke Gelle did a splendid job at the Civil Service Commission, so it would it seem his promotion to Deputy Representative in Kenya, is to gain international experience. A notable departure, is Ayanle Salad Dirie, formerly of the Somaliland Liaison Office in Addis Ababa and Nairobi. Ayanle was a always a competent and welcome face of Somaliland during his time in Ethiopia. One notable return, Farhan Haybe former Aviation minister as the new Civil Service chair. President Muse Bihi Abdi also made some recent changes to the Military and Security positions. A new Custodial Corps chief, a new Army Chief of Staff, a new Presidential Guard chief, and an old head back at the Security Service. Finally, the error prone and naive Somaliland representative in the United Arab Emirates, Hasan Hirad Yasin, has been relieved of his duties. Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Sarkaal sare oo ka tirsanaa Alshabaab iyo ilaaladiisa gaarka ahaa ayaa isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoober ee ka howl-gasha gobolka Shabeellada hoose, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda. Xubnahaan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Maxamed Bitow, oo ahaa hogaamiyihii Alshabaab ee Gobolka Shabeellada Hoose iyo Aadan Geeddi oo la sheegay in loo yaqaanno Aadan Dheere oo ahaa darawalka Ibrahim. Sidda laga soo xigtay wakaalada wararka Qaranka, Ibrahim iyo Aadan ayaa ku sababeeyaykasoo bixitaankooda xarakadda Al-Shabaab markii uu isbedalay fekerkii uu kooxda ka haystay markii uu ku biirayay. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta waxa uu xerada tababarka ciidanka xoogga dalka ee general Gordan ku kormeeray ciidamo qayb ka ah xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashada howl-gal ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah. Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha uu ugu tegay ciidanka ayaa qorshihiisu ahaa la socdka xaaladda diyaar garowga, saanadda ay heestaan iyo hadii ay jiraan waxyaabo ka dhiman si loogu dhamaystiro ka hor howl-galka ballaaran ee argagaxisada looga saarayo deegaannada ay dalka uga dhuumaalaysanayaan. Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ciidanka qaybta ka ah ciidamada xoogga dalka ee loo diyaariyay qorshaha ballaaran ee ka dhanka ah argagaxisada ayaa xog-warsaystay sida ay heeganka ugu yihiin in ay dhiiggooda ugu huraan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Kheyre ayaa ciidamadan kula dardaarmay in ay dadka ka difaacaan calooshood u shaqeestayaasha caadaystay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka General Gordan kula kulmay saraakiisha diyaarinaysa ciidanka, waxa uuna ka dhagaystay warbixinta diyaar garowga ciidanka iyo isbedelka lagu sameeyay qaab dhismeedka ciidanka xoogga dalka, oo qayb ka ah dib-u-qaabaynta iyo tayanta CXD iyo qorshaha isu diyaarinta howl-gallada cadawga looga saaro guud ahaan deegaannada ay uga suganyihiin dalka, si ummadda Soomaaliyeed ay u hesho amni buuxa.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta waxa uu xerada tababarka ciidanka xoogga dalka ee general Gordan ku kormeeray ciidamo qayb ka ah xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashada howl-gal ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah. Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha uu ugu tegay ciidanka ayaa qorshihiisu ahaa la socodka xaaladda diyaar garowga, saanadda ay heestaan iyo hadii ay jiraan waxyaabo ka dhiman si loogu dhamaystiro ka hor howl-galka ballaaran ee argagaxisada looga saarayo deegaannada ay dalka uga dhuumaalaysanayaan. Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ciidanka qaybta ka ah ciidamada xoogga dalka ee loo diyaariyay qorshaha ballaaran ee ka dhanka ah argagaxisada ayaa xog-warsaystay sida ay heeganka ugu yihiin in ay dhiiggooda ugu huraan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay in ay dadka ka difaacaan calooshood u shaqeestayaasha caadaystay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka General Gordan kula kulmay saraakiisha diyaarinaysa ciidanka, waxa uuna ka dhagaystay warbixinta diyaar garowga ciidanka iyo isbedelka lagu sameeyay qaab dhismeedka ciidanka xoogga dalka, oo qayb ka ah dib-u-qaabaynta iyo tayanta CXD iyo qorshaha isu diyaarinta howl-gallada cadawga looga saaro guud ahaan deegaannada ay uga suganyihiin dalka, si ummadda Soomaaliyeed ay u hesho amni buuxa. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-30032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Gaadiidka Saciid Qorsheel ayaa beeniyay warar lagu qoray baraha bulshada oo sheegayay inuu ka mid yahay siyaasiyiin dowladdu siiso lacago, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas. Saciid Qoorsheel oo ah Guddoomiye kuxigeenka Talo Soo Jeedinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in warqadaas lagu qoray baraha bulshada ay tahay mid been ah. Saciid ayaa xusay inuu yahay Mas’uul huwan magaca Guddoomiye kuxigeenka Talo Soo Jeedinta Soomaaliyeed aysan macquul aheyn inuu lacag ka qaato Dowladda. Wuxuu xusay in hey’adda uu madaxda ka yahay ay tahay mid xaqiiqda sheegto isla markaasna mar kasta ka hadasho jidadka Xiran iyo in lala xisaabtamo wasiirada. Saciid ayaa xusay inuu yahay shakhsi kusoo koray dowladnimada oo uu aabihiis Boosliska Soomaaliyeed ka ahaa Kabtan isagana uu xilal dowladeed soo qabtay. Qoorsheel ayaa Mucaaradka Dowladda u sheegay inaysan suurta gal aheyn in qofkii dowladda aan waxba ka sheegin lagu tilmaamayo inuu yahay mid lacag qaato. Warqado maalmihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada ayaa waxaa ka soo muuqday magacyo siyaasiyiin, culumaa’udiin, odayaal dhaqameedyo iyo dad isticmaala Facebook oo la leeyahay lacago ayay dowladda ku siisaa taageerada iyo in aanay ka hadlin xaaladaha dalka ka jira. Halkaan hoose ka daawo hadalka kasoo yeeray Qorsheel Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo darawalkiisii ayaa isu soo dhiibay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoober ee ka howl gasha gobolka Shabeellada hoose. Ibraahim Maxamed Bitow, oo ahaa horjoogihii maleeshiyada Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu ka soo tago Al-Shabaab, ka dib markii sida uu sheegay uu garowsaday inay gaar marsan yihiin Xaqa iyo Islaamnimada ayna xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed. Bitow ayaa sheegay in dagaallo badan oo ay isaga hor yimaadeen Ciidanka xoogga dalka, ay kooxdu kala kulantay jab aad u xooggan, taas oo keentay in ay u adkeysan waayaan dagaalka oo ay kaymaha ku dhuumaaleystaan. “Waxaan hoggaaminayay maleeshiyaad tiraradoodku ka badan tahay 100, oo dagaallo badan la galay ciidanka Dowladda, waxaana naloo geystay jab aad u xooggan” ayuu yiri Ibraahim Maxamed Bittow, horjoogihii maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka Shabellada Hoose. Bitow oo sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab 9-kii sano ee la soo dhaafay ayaa tilmaamay in kooxdu sii liiceyso, ayna la kulmeyso guul darrooyin is daba joog ah. Horjoogahan ka soo goostay Al-Shabaab, ayaa dowladda Soomaaliyeed uga mahad celiyay soo dhoweynta wanaagsan, waxa uuna ugu baaqay dhallinyarada u dagaallanta kooxda Shabaab in ay ka soo tagaan maleeshiyadan oo uu sheegay in ay baal marsan tahay Islaamnimada. Bitow ayaa cafis weydiistay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna codsaday in lagu garab siiyo sidii uu qeyb uga noqon lahaa la dagaallanka Alshabaab oo uu tilmaamay in ay yihiin cadow naxariis daran. “Waxaan dowladda ka codsanayaa in ay ii kaashato la dagaallanka A-Shabaab, oo aan si fiican u isu naqaan, si dhibkooda ummadda looga dulqaado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ibraahim Maxamed oo ahaa horjoogihii maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee gobolka Shabeellada Hoose. Dhinaca kale Aadan Geeddi oo loo yaqaanno Aadan Dheere oo ahaa darawalka Ibraahim Bitow, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay duufsadeen isagoo 11 jir ah, ayna ka faa’iideysteen carruurnimadiisa. Aadan ayaa sheegay in hadda oo garaadkiisu ku filnaaday ay u cuntami weysay in uu ka sii mid ahaado kooxdan oo uu sheegay in ay dhib badan ku hayso shacabka, ayna diinta ka saareyso ciddii aan iyada la dhacsaneyn. Ibraaahim Maxamed iyo Aadan Dheere, ayaa tilmaamay in ay jiraan boqollaal maleeshiyada Al-Shabaab ah oo ay ka go’an tahay in ay isaga soo tagaan kooxdan argagixisada, waxa ayna dowladda ugu baaqeen in ay dhallinyaradaas ku caawiso sidii ay isu soo dhiibi lahaayeen.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir Gudoominaya Shir deg deg ah oo hadda ka socda hoolka Shirarka ee Golaha Wasiiradda. Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa Xaadda amniga ee Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka dhaceeyn qaraxyo iyo dilal qorsheysan,waxaana goobjoog ka ah inta badan Golaha Wasiiradda Xukuumadda. Shirkaan ayaa looga hadlaya Xaaladda dalka, waxaana suurtagal ah in lagu Magacaabo taliyeyaal Ciidan sidda ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Warar hoose aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka sidoo kale looga hadlo sidii wax looga qaban lahaa xaalada amniga ee dalka,waxaana shir Guddoomiyaha Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheryre. Kulankaan ayaa waxaa kusoo aadayaa iyadoo todobobaadkii ugu dambeeyay amniga Magaalada Muqdisho uu ahaa mid faraha ka baxay,isla markaana aad loo dhaliilay amniga Caasimadda. Sidoo kale Kulankaan ayaa wuxuu kusoo aaday xilli Maanta Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka uu ugu hanjabay Golaha Wasiirada inay mooshin ka keeni doonaan, haddii ay soo xaadiri waayaan kulanka soo socda ee Baarlamaanka. Mr Jeesow ayaa sheegay in aan la aqbali doonin Wasiiro Xildhibaano ah inay ka maqnaadaan fadhiga Baarlamaanka, isagoo ugu goodiyay inay ridi doonaan. “Waxaa balan ku qaadeynaa haddii fadhigan fadhiga ku xigo imaan waayaan Golaha Wasiirada, Wallaahi baan ku dhaartay anaa horkacayo, Mooshin ayaa ka keenyenaa, kuligood waa rideynaa, Ra’iisul wasaaraha ha ogaado”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors