-
Content Count
208,150 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Tunis)-Inta badan Madaxweynayaasha, Boqoradda iyo Amiiradda 22-ka Waddan ee xubinta ka ah Ururka Jamaacadda Carabta waxay ku sugan yihiin Caasimadda dalka Tunisia ee Tunis, oo la filayo inuu maanta uga furmo Shiweynihi 30-aad ee Madaxda Carabta. Boqorka dalka Sacuudiga iyo Amiirka dalka Qatar ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galaysa Kulankaasi, iyadoo uu labadaasi Dowladood ka dhexeeyo Khilaaf Diplomaasiyadeed oo soo taxnaa tan iyo sannadkii 2017-kii. Shirweynaha 30-aad ee Hoggaamiyayaasha Carabta ayaa waxay ka wada hadli doonaan Ajendayaal Xasaasi ah oo ay ka mid yihiin Xaalladaha Falastiin, Yemen,Libya, Faragelinta ay Dowladda Iiraan ku hayso Dalalka Gobalka, La-dagaalanka kooxaha loogu yeero Argaagixisadda iyo Qaddiyadda Buuraha Golan Haytis ee uu Madaxweynaha Maraykanka dhawaan u aqoonsaday qeyb ka mid ah Xudduudka Israel. Dhinaca kale, Madaxda la xaqiijiyey inay ka baaqdeen Ka-qeybgalka Shirweynaha Hoggaamiyayaasha Carabta ku leeyihiin dalka Tunisia waxaa ka mid ah: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, oo uu Kulankaasi u matalayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamaiga, Axmed Ciise Cawad oo horey uga qeyb galay Shirka Heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaadhayey Shirka Madaxda Carabta. Inkaastoo Madaxweyne Farmaajo lagu casuumay Kulankaasi, haddana ma kala cadda sababaha uu u xaadiri waayey Kulankaasi. Dhinaca kale, Madaxweynayaasha dalalka Algeria, Masar, Sudan, Imaaraadka Carabta, Boqorka dalka Moroko iyo Madax kale ayaan ka qeyb geli doonin Shirkaasi, iyadoo ay Wakiilo u matali doona Shirkaasi. Source
-
Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa fashiliyay Waxna kasoo ogaaday nin lagu sheegay inuu yahay Sheekh ay Ehel dhaw yihiin Madaxweyne Muuse oo Jimcihii Dhawaa goob masaajid ah ka jeediyay Khudbad halis ku ah badqabka iyo Amniga Garyaqaan Guuleed Dafac. Guuleed Dafac ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga waxa uu kaga hadlay baadhis uu sameeyay oo uu ku soo ogaaday danaha Dhaqaale ee uu Sheekhaasi ku qabo Xukuumadda uu difaacayo iyo Qandaraas sifo sharci-daro ah Madaxtooyaddu u siisay Mashruuc Kutub Quraanka Kariimka ah oo lasoo daabcay bilawgii Xukuumaddan oo magaca Madaxweynaha lagu bixinayay, kaasi oo aan loo marin Sifihii Sharciga ahaa balse Qaab qabiil loo siiyay maadaama oo ay Madaxweynaha isku jufo hoose yihiin, waxaana muuqata inuu sheekhu itaalkiisa isleeyahay isagoo ilaashanaya Danihiisa dhaqaale, Xukuumadda ka difaac Goob madcab oo loogu talo galay In Alle SWT lagu Raaligaliyo. Qoraalkan ayaa Guuleed waxa uu ku yidhi “Ninkii maanta(Jimcihii) qudbada jimce kicinta ka sameeyey waxaan ogaaday inuu yahay ninkii qandaraaska aan la shaacin loona tartamin sida gaarka ah loogu siiyay kutubtii la soo daabacay ee magaca madaxwaynaha ku soo baxay. Waa shaqsi ku dhow madaxtooyada. Wuxuuna u isticmaalay guriga Ilaahay ee barakaysan dano siyaasadeed iyo inuu ka shaqeeyo qaarajintayda (assassination). Waxaa su’aal ah markaas dawladda uu ka ag dhow yahay ma la qabtaa mise lama qabto? Xidhiidhkiisa iyo weerarkiisa markaad eegto waan tuhunsanahay dawladda, hadii aanay iyadu iska beri yeelin. Waxaanna u arka shirqool habaysan. Hadii berigi hore la is xidhi jiray, malaha hada tanaan bedeshay”. Ayuu ku soo koobay Qoraalkiisa. Qaran News
-
Al-Khoms (SMN) – Ciidamada ilaalada xeebaha Liibya ayaa sheegay in xeebaha dalkaasi ay ka soo badbaadiyeen illaa 117 ruux oo ay ku jiraan Muhaajiriin Soomaali ah. Sidoo kale Ciidanka xeebaha Liibya ayaa tilmaamay in Mmuhaajiriintan xilliga la soo badbaadinayay ay la socdeen Dooni kula qalibmatay badda magaalada Al-Khoms oo 120 KM u jirta Caasimadda Tripoli. Saraakiil ka tirsan dowladda Liibya ayaa sheegay in ay bad qabaan dhammaan Muhaajiriinta ay soo badbaadiyeen,balse ay u baahan yihiin kaalmo bani’aadanimo.. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Muhaajiriintani ay ka soo kala jeedaan dalalka Soomaaliya,Sudan,Itoobiya iyo Eritrea. Tan iyo markii ay dhacday dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Kornel Mucarmar Al-Qadaafi waxaa dalka Liibiya gaaray kumanaan Muhaajiriin ah, kuwaas oo qaarkood safaro halis ku mara badda Mediterranean-ka ee u dhaxeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibya. View the full article
-
(SLT-Afghanistan)-Madaxweyne ku xigeenka Afghanistan Abdul Rashid Dostum ayaa ka badbaaday weerar ka dhacay Waqooyiga dalkaas oo lagu dilay mid kamid ah ilaaladiisa. Saraakiisha dalkaas ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah lagu qaaday kolonyo uu la socday Gen Dostum oo maraysay gobolka Balkh. Ururka Talibaan ayaa sheegay in ay qaadeen weerarkaas oo socday hal saac, ayna ku dhaawacmeen labo kale oo kamid ah ilaaladiisa. Waa iskudaygii labaad ee lagu doonayo in lagu khaarajiyo Gen Dostum tan iyo markii ninkan kasoo jeeda Qawmiyadda Uzbek ahaana qab qable dagaal uu kasoo noqday musaafuris uu dibadda ugu maqnaa. Bishii July ayay ahayd markii 14 qof lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul wax yar uun kadib markii uu dalka dib ugusoo laabtay. Waxaana weerarkaas sheegtay kooxda la baxday Dawladda islaamka. Gen Dostum ayaa kusoo biiray dawladda midnimada qaranka ee Afghanistan sanadku markuu ahaa 2014, waana siyaasi muran badan dhaliya. Wuxuu kamid ahaa raggii 2001-dii Maraykanka gacanta kusiiyey in uu Taliban xukunka ka tuuro waxaase lagu eedeeyey in uu falal waxashnimo ah ka gaystay dalkaas intii uu socday dagaalka sokeeye. Muddo sanad ka badan ayuu ku maqnaa Turkiga, kadib markii lagu eedeeyey in uu ciidamadiisa ku amray in ay afduubtaan oo ay fara xumeeyaan nin uu loollan xagga siyaasadda ah ka dhexeeyey. Waxa uu beeniyey eedaymahaas waxa uuna ku adkaystay in socdaalkii uu Turkiga ku tagay uu ahaa mid caafimaad. Soo laabashada Gen Dostum ayaa waxaa ka horreeyey qalalaaso ka dhacay gobolka uu kasoo jeedo, ayagoo taageeroyaashiisu ay dalbanayeen in uu soo laabto. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in madaxweyne Ashraf Ghani uu oggolaaday soo laabashadiisa si uu taageero uga helo qawmiyadda Uzbek kahor inta aanay dhicin doorashada madaxtinimo ee dhacaysa 28-ka September. Source
-
(SLT-Guriceel)-Wararka imaanaya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dab xooggan uu saaka ka kacay goobo ganacsi ku yaala degmadaas. Dabkan ayaa la soo sheegayaa inuu ka kacay xarun ganacsi oo lagu magacaabo Beder, gaar ahaan qeybta shidaalka. Dabkan oo bilowday abaarihii lixdii subaxnimo ayaa weli socda, waxaana uu ku fiday dhismayaal kale oo ganacsi. Qaraxyada fuustooyinka shidaalka baasiinka ayaa la maqlayaa, waxaana is qabsaday uuro iyo holac. Sawirro laga soo qaaday goobta uu dabka ka kacay ayaa muujinaya baaxada dabka, waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu damiyo. Source
-
(SLT-Yemen)-Ugu yaraan 2 qof ayaa geeriyootay, 5 kalena wey dhaawacmeen, kadib markii ay Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga duqeyn ka geysteen Gobalka Xajah ee W/galbeed ee dalkaasi. Sarkaal ka tirsan Golaha Deegaanka ayaa sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday guri ku yaalla xaafadda Dhahar Bani Xsaan ee Degmadda Abis, isla markaana lagu dilay 2 nin, laguna dhaawacay 5 kale oo ay ku jireen carruur iyo haween. Dadka ay waxyeelladdu soo gaartay ayaa la sheegay inay isku qoys ahaayeen. Isbahaysiga Sacuudiga weli kama ayna hadlin duqeyntaasi oo ah tii 2-aad ee toddobaadkan gudihiisa lagu dilay dad rayid ah. Dagaalladda ka socda dalka Yemen waxay galeen sannadkoodii 5-aad, iyadoo lagu ilay tobanaan kun oo qof, halka 3 million oo kalena ku barakaceen. Source
-
(SLT-Slovakia)-Zuzana Cputova oo u ololeysa ka hortagga musuqmasuqa ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynanimada, iyada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay oo dalkaasi madaxweyne ka noqota. Ms Caputova, oo aan habayaraatee khibrad u lahayn siyaasadda ayaa si la yaab leh uga guuleysatay dibloomaasiga caanka ah Ms Maros Sefcovic oo u sharraxnaa xisbiga talada dalkaasi haya, waxayna Ms Caputova guusha ku raacday wareegga labad ee cod bixinta. Ololaheeda doorashada ayaa waxay u qaabeysay inuu tartanka uu dhex marayo Xumaan iyo Samaan. Doorashada dalkaasi ayaa imaneysa xilli ay sanad ka soo wareegtay dilkii loo geystay wariyaha caanka ahaa ee Jan Kuciak oo lagu yaqaanno inuu baaritaanno qoto dheer uu ku sameeyo xiriirka ka dhaxeeyo siyaasiyiinta iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca dalka Slovakia. Ms Caputova waxay sheegtay dilka Mr Kuciak iney ku kalliftay iney go’aansato iney doorashada madaxweynaha ka qayb gasho, oo inta badan doorkiisu yahay mid sharafeed oo aan awood badan lahayn. Dadki codadkooda ka dhiibtay doorashad dalkaasi 58% waxay codkooda siiyeen Ms Caputova halka Mr Sefcovic uu helay 42%. Waxayna Ms Caputova oo sharci yaqaan ah ay ku soo caan baxday marki ay hoggamisay dcwad ka dhan ah dowladda oo muddo 14 sano soo socotay. Ms Caputova ololaheeda doorashada wuxuu ahaa “haddii aan iskaashanno xuma waan ka guuleysaneynaa’ Haweeneydan hadda loo doortay madaxweynaha dalka Slovakia oo 45 jir ah waxay dhashay laba carruur ah iyada oo ka tirsan xisbiga liberal Progressive Slovakia party. Waddankasi oo uu aan weli sharci ka ahayn guurka labada jinsi ee isku midka ah iyo crruurta in cid ay dhalin ay korsato, ayaa la filayaa xisbigeeda inuu waxbadan ka beddelo. Waxaana musharraxaan soo dhigay oo uu matalayey xisbiga Smer-SD uu hoggaminayey Ra’sal wasaare Robert fico oo xilka iska casilay kaddib dilki loo geystay wariye Kuciak. Wareegga hore ee codbixinta Ms Caputova waxay heshay 40% halka Mr Sefcovic uu helay wax ka yar 19%. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta la filayaa in magaalada Tunis ee dalka Tunisia uu ka furmo shirka madaxda Jaamacadda Carabta oo ah midkii 30 aad oo ay yeeshaan madaxda Jaamacadda Carabta. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxda shirkaasi lagu casuumay ee ka baaqday inuu kamid yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka cudur daartay ka qeyb galka shirka. Shirka maanta furmaya waxaa dowladda Soomaaliya ku matalaya wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb galay shirkii wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta. Madaxweyne Farmaayo ayaa la sheegay inuu shirkaasi kaga cudur daartay xaaladaha ka jira dalka, gaar ahaan arrimaha amaanka magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi kaga wakiil ah wasiirka arrimaha dibadda. Shirkaasi waxaa markii ugu horeysay isku arkaya boqorka dalka Sacuudiga iyo amiirka Qatar oo khilaaf diblumaasiyadeed uu ka dhaxeeyo tan iyo sanadkii 2017, xiligaasi oo xulufada Sacuudiga ay xiriirka u jareen Qatar. Madaxda kale ee shirkaasi aan ka qeyb galeyn waxaa kamid ah madaxweynaha Masar, Sudan, Boqorada Imaaraatka Carabta iyo Morocco, waxaana dhamaantood ku matalaya xubno kale. Axmed Ciise Cawad ayaa hadal ka jeedin doono shirkaasi oo waxyaabaha looga hadlayo ugu horeeyaan xaaladaha Falastiin, Yemen, Libya iyo faragelinta IRAN la sheegay iay ku heyso dalalka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) oo sabtidii shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirar maalmahan ay kula jireen Madaxda Qaranka lagu go’aamiyay in la xoojiyo amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa sheegay iney bilowdeen howlgalo ay ciidamada amniga ka wadaan caasimadda Muqdisho,kaasoo lagu xaqiijianayo ammaanka magaalada,wuxuuna shacabka Gobolka Banaadir ka dalbaday iney la shaqeeyaan ciidamada amniga una fududeeyaan, maadama guri guri xaafadaha loo baarayo. “Waan dareemi karnaa culeysyo ka imaan kara haddii howlgalo la qaadayo oo guryihii la baarayo oo xaafadii la tagayo,taasna waxaan rabaa culeysyadaasi jira in dulqaad la muujiyo,anaga haddan maamulkii nahayna sidii shacabka loogu adeegi lahaa waxaan diyaarinay basas iyo gaadiid Aambalans-yo iyo wax allaale iyo wixii lagu taageeri lahaa shacabka gaar ahaan shacabkeenna tabaaleysan oo goobaha uu ka socda howlgalada saameyn ku yeelato,” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow. Sidoo kale,Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dadka Nugul sida Bukaanada,carruurta iyo waayeelada loo diyaariyay gaadiid lagu geeyo goobaha ay u baahan yihiin haddii ay saameyn ku yeeshaan xirnaashaha wadooyinka magaalada. ” Dadka uu saameyta ku yeesho howlgalka inta uu socdo lugta sida dadka waayeelka ah caruurta, iyo kuwa bukaanka ah kuwaas aan u diyaarinay gaadiid si meeshii ay rabeen loo geeyo, taas waxa aan u samayneyno ayaa waxa ay tahay mas’uuliyad weyn ayaa naga saran” Ugu dambeyntii,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa ku ammaanay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre sida ay mar walba ay u daneynayaan in shacabka loo dhimriyo loo naxo lagana difaaco dhibaatada soo gaareysa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Afhayeenka Ururka Al-shabaab, Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere] ayaa ka warbixiyay sababta ay u kordhiyeen weerarrada ay ka geystaan Muqdisho, isagoo sheegay in caasimaddu ay noqotay meel ay ku badan yihiin cadowga kusoo duuleen dalka Somalia, iyaguna ay go’aansadeen inay kordhiyaan weerarada ay ka geysanayaan. Cali Dheere ayaa xusay in Muqdisho ay tahay halka laga abaabulo weerarada ka dhanka ah Al-shabaab iyo dadka rayidka, iyaguna ay ka go’an tahay inay beegsadaan cadowga uu sheegay inay ku sugan yihiin Xamar. “Meelaha lagu magacaabo Hoteelada ma ahan hoteello ee Keliya waa lagu magacaabay, meelaha aan weerarno waa xerooyin ciidan iyo xafiisyo ay degen yihiin saraakiil dowladeed, waxaad ogaataan Muqdisho hoteello waa ku yaalaan mana weerarnlo,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab oo jawaab ka bixinayay su’aal ahayd maxaad u weerartaan hoteellada. Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa yiri. “Hoteellada saxda ah ee shacabkau ay deggen yihiin ciid kuma wareegsana, oo dadaal laguma bixiyo sidii loo ilaalin lahaa, balse meelaha la weerarayo waxaa ku wareegsan ciidda AMISOM ay isticmaasho, haddii ay marka meesha hoteel tahay waxaas oo waardiye ah maxaa keena?.” Sidoo kale, Cali Dheere ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonka iyo shaqaalaha qaar aysan lahayn wasaarado sax ah, taasina ay keentay inay deegaan hoteello, ayna yihiin kuwaas goobaha ay beegsadaan. Dhinaca kale, Afhayeenka Al-shabaab ayaa ka hadlay gadoodka maalmihii u dambeeyay ay sameynayeen ciidamada dowladda Somalia, isagoo sheegay in dadka madaxda ah ay leexsadaan mushaarka ciidanka. “Raggan mas’uuliyiinta u ah DF, dhamaantood waa dad dibadda ka yimid oo baasaboor shisheeye wata, mid kasta wuxuu og-yahay in afar sano kaddib uusan soo laabaneyn, marka wuxuu rabaa inuu halkii uu ka yimid ku laabto isagoo lacag ku shubtay xisaabtisa baniga, midkii ciidan loogu dhiibo wuxuu rabaa inuu cuno, midkii degmo loo dhiibo wuxuu rabaa inuu lacagta cuno,” ayuu yiri Cali Dheere. Ugu dambeyn, Wuxuu afhayeenku ka hadlay ka bixitaanka Ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM eek a baxay qaybo ka mid ahgobolka Gedo, wuxuuna sheegay inay aad ula socdaan dib u gurashada ay sameynayaan ciidamada Kenya siddeed sano kaddib. PUNTLAND POST The post Afhayeenka Shabaab oo Sababayeeyay Weerarrada ay ka fuliyaan Muqdsho appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye (SMN) – Taliyaha guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Axmed Cabdi Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dhalinyarada weli ka barbar dagaalameysa Al Shabaab in ay isaga soo baxaan. Taliyaha ayaa sheegay in ay soo dhaweyn doonaan xubnaha isa soo dhiiba ee ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo weli ku xoogan Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qorshahan uu qeyb ka yahay cafiskii uu madaxweynaha JFS u fidiyay dagaalyahannada si iskood ah uga soo baxa Al Shabaab. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-1-ismaaciil-turki.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Qorshaha cusub ee lagu dar dar galinayo wax ka qabashada ammaanka magaalada Muqdisho oo ay wadaan masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir , ayaa looga digay Milkiilayaasha Hoteelada Muqdisho , in aysan ka kireyn goobahooda ganacsi , qof aan u diiwaan gashaneen degmada uu ku yaallo Hoteelkaasi. Duqa Muqdisho ayaa xusay in Milkiilayaasha Hoteelada wax laga weydiin doono amni darrada ka dhacda xarumahooda ganacsi. Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday guddoomiye Yariisow in la helay macluumaad ku aadan in magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin rag looga shakisan yahay in ay isu diyaarinayaan in falal liddi ku ah nabad gelyada ay ka geystaan Caasimadda. Hadalkaan ayuu ka jeediyay xalay guddoomiyaha gobolka Banaadir, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose , kaas oo uu ku faah faahiyay qorheyaal cusub oo lagu dar dar galinayo ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoona uu ka dhawaajiyay in illaa 3000 oo Askari ay ka qeyb qaadanayaan , hanaankaan lagu xaqiijinayo ammaanka , islamarkaana ay xirnaan doonaan Waddooyinka Muqdisho. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Guddoomiyay shir golaha wasiirradu ka yeesheen amniga dalka, gaar ahaan sugidda amniga Muqdisho. Goloha wasiirrada ayaa shirka aad ugu falanqeeyay xaaladda amni ee dalka, waxaana warbixin looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo difaaca oo golaha xog dheeraad ah ka siiyay warbixinnadii ugu dambeeyay iyo qorshayaasha la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin. Golaha ayaa isku raacay in si aad ah loo adkeeyo amniga caasimadda, lana dardar geliyo fulinta qorshaha dalka looga saarayo Al-shabaab. Amniga magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana magaalada kusoo batay dilalka iyo sidoo kale qaraxyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdullahi Xaamud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddi heer wasiiro ah ay dowladdu u xil saartay Talooyin la xiriira dhinaca amniga oo laga soo uruuriyay Golaha Wasiirada. Mr Xaamuud ayaa hoosta ka xariiqay in guddigaan looga fadhiyo sidii qorshe cad ay uga diyaarin lahaayeen Talooyinkaas oo ku aadan in lagu dhaqaaqo , waxna looga qabto ammaanka dalka. Tallaabadan ayaa timid kadib markii weeraro iyo falal amniga liddi ku ah ay siyaabo kala duwan ay ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka. DFS ayaana dadaal waxa ay ugu jirtaa in Isbedel dhinaca amniga ah laga hirgaliyo guud ahaan dalka, gaar ahaan M/Muqdisho. View the full article
-
Qoryooley (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab, kaas oo ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen bar koontarool oo kala qeybisa waddooyinka isku xira deegaanada Danow, Gaawirow iyo Kabtan Laas ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, maadaama uu dhacay xilli habeen ah, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac. Habeen ka hor ayey aheyd markii Al Shabaab ay weerareen isla fariistan oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Kulan dhar saacadood qaatay ayaa Mogdisho dhacay, kaasoo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada DF, si gaar ah looga hadlay amniga guud ee dalka, waxaana diiradda lagu saaray ammaanka guud ee Muqdisho. Amniga Muqdisho, ayaa u muuqda mid xilligan aan wanaagsanayn, iyadoo ay dhaceen qaraxyo dhawr ah muddo aan kala fogeyn, ayna ku dhinteen dad aad u fara badan, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo ay intaas dheer tahay burbur hantiyeed. Sidoo kale, Inta uu kulanka socday waxay wasiirradu si aad ah uga doodeen sida xalka loogu heli karo amniga, waxaana markii dambe loo saaray guddi laga dhex xulay golaha wasiirrada. Dhanka kale, Wasiir-u-dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia, C/llaahi Xaamud ayaa kulanka kaddib Warbaahinta u sharaxay qodobadii kasoo abxay kulankaas, isagoo sheegay in qorshaha ugu weyn uu yahay sidii loo adkeyn lahaa amniga caasimadda. Ugu dambeyn, Shirkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xaaladda amni ee Muqdisho ay noqotay mid aan la isku halleyn karin, waxaana la xiray inta badan waddooyinka Muqdisho si loo xaqiijiyo amniga caasimadda. DHAGEYSO: Codka Wasiir-u-dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/03/Golaha-Wasiirrada_DF_Xal_Amni.mp3 PUNTLAND POST The post Xukuumadda Somalia oo Guddi Wasiirro ah u saartay sugida Amaanka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Guriceel (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dab khasaaro geystay oo saaka aroortii hore ka kacay qeybo ka mid ah degmada Guriceel ee G/Galgaduud. Dabka ayaa ka bilodway kaalin shidaal oo ku taalla gudaha degmadaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Lama oga waxyaabaha rasmiga ee dhaliyay dabkaasi oo ku sii fidiya goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi. Khasaare u badan mid hantiyeed ayaa ka dhashay dabkani, waxaana haatan socda gurmad xoogan oo ay wadaan maamulka Guriceel iyo shacabka degmadaasi. Wariyaha Shabelle ee deegaanada Galmudug Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab) ayaa ka warbixiyay dabkaaasi Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/wareesi-cali-gaab.mp3 View the full article
-
Dab geystay khasaare hantiyadeed ayaa saakay waxa uu ka kacay kaalin shidaal oo ku taala degmadaasi, sidoo kalena wuxuu ku faafay dabkan xarumo kale ganacsi oo halkaasi ku yaalla. Sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan degmadaasi, dabkan ayaa sababo la xiriira dhanka korontada u kacay, waxaana socda dedaallo lagu daminayo. Goobta dabkan uu ka kacay waxaa leh shirkad lagu magacaabo Beder, waana goob inta badan dadka ay usoo ganacsi tagaan. Shacabka ku dhaqan degmada Guriceel iyo sidoo maamulka degmadaasi ayaa wada dedaallo badan oo lagu daminayo dabkan. Warkan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-31032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo shir jaraaid ku qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyey hawlgallo lagu sugayo amniga Caasimadd oo ay ku hawllan yihiin laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay bulshada Gobolka Banaadir in ay si dhaw ula shaqeeyaan halyeeyada Soomaaliyeed ee dhexda u xirtay sugidda iyo adkeynta amniga dadkooda iyo dalkooda. “Maalmahaan waxaa u socday Madaxda Qaranku shirar ku qotoma sidii loo adkeyn lahaa amniga Caasimadda, shacabkuna ay u heli lahaayeen kalsooni buuxda oo ka aaddan arrinkan. Si taas loo xaqiijiyo waxaa bilowday hawlgallo lagu xasilinayo amniga oo ay wadaan Ciidamadu,” ayuu yiri Duqa Muqdisho. Eng.Yarisow ayaa ka codsaday Bulshada Gobolka Banaadir in ay ka garaabaan caqabadaha dhanka isu socdka ee ka dhalanaya hawlgallada ay sameynaayaan Laamaha Ammaanku, sidoo kalena ay gacan ka gaystaan baaritaannada iyo dabagalka lagu wado argagixisada doonaysa in ay dhibaateeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Guddoomiye Yarisow ayaa soo bandhigay qorshaha Gobolka Banaadir ee ku aaddan fududeynta isu-socodka Caasimadda inta ay socdaan hawlgallada amniga, isagoona sheegay in gaadiid dadweyne loo qorsheeyey dadka nugul ee aan karin socodka dheer. Ugu dambeyn, Guddomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in Bahda Warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeedba ay si joogta ah ula wadaagi doonaan warbixinaha hawgalkan, caqabadaha ku xeeran ee loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo iyo mira dhalkiisa. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo ka warbixiyey hawl-galo amni oo laga bilaabayo Caasimada appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararka ay heshay Goobjoog ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaasi bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka DFS ku lahaayeen halkaasi. Dagaalka oo socday in ka badan Labo saac ayaan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee Labada dhinac soo kala gaaray. Dadka deegaanka oo aan la hadalnay waxay sheegeen in ay jirto madaafiic habow ah oo kusoo dhacay xaafadah qaar ee degmada Qoryooley, walow aanay khasaare geysan. Saakay ayaa lasoo sheegayaa in ciidanka dowladda federaalka degmadaasi ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo. Dhanka kale, saraakiil ka tirsan ciidanka xoopgga dalka oo aan la hadalnay waxa ay sheegeen in ay iska caabiyeen ciidamada Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Afhayeenka Ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa isaga oo la hadlayay idaacadda ku hadasha Afka Al Shabaab wuxuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan sababta ay u kordhiyeen weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho. Afhayeenka Al Shabaab wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay noqotay hooyga Cadowga uu sheegay inay kusoo duuleen dalka Soomaaliya, taasina ay keentay inay kordhiyeen weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay halka laga abaabulo weerarada ka dhanka ah Al Shabaab iyo dadka rayidka, sida uu hadalka u dhigay. Mar la weydiiyay sababta loo bartilmaameysado Hoteelada waaweyn ee Muqdisho ayuu sheegay in Hoteelo aysan aheyn meelaha ay weeraraan, balse ay yihiin HOTEEL ku sheeg, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo cadeeyay inuu kala jeedo in kaliya magaca Hotel ay wataan goobaha ay weeraraan. “Meelaha Hoteelada lagu magacaabo Hoteelo ma ahan, ee waa lagu magacaabay Hoteel kaliya, meelaha aan weerarno waa xerooyin ciidan iyo xafiisyo nimaankaan ay degen yihiin, waxaad ogaataan xamar Hoteelo waa ku yaalaan, Mujaahidiinta waxay weeraraan Hoteelo qaas ah” “Hoteelada saxda ah ee shacabka ah degen yihiin Ciid kuma wareegsana, ciidan kuma wareegsana, oo JUHDI Badan laguma bixiyo, laakiin meelaha la weerarayo waxaa ku wareegsan caagagta AMISOM ay adeegsadaan oo caro laga buuxiyay, haddii ay marka meesha Hoteel tahay waxaas oo waardiye ah maxaa keena”ayuu yiri Cali Dheere. Sidoo kale Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonka iyo shaqaalaha qaar aysan laheyn wasaarado sax ah, taasina ay keentay inay Hoteelo degaan, sida uu sheegayna kuwaasi ay yihiin meelaha ay weeraraan. Dhinaca kale Afhayeenka Al Shabaab ayaa soo hadal qaaday gadoodka maalmihii ugu dambeeyay ay sameynayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in dadka madaxda ah ay leexsadaan mushaarka ciidanka. “Nimankaan Masuuliyiinta u ah dowlada, dhamaantood waa dad dibadaha nooga yimid oo baasaboor ajaaniib ah wata, mid kastaa wuxuu og yahay in afarsano kadib uusan soo laabaneyn, marka wuxuu rabaa in mid kastaa uu laabto isagoo lacag ku shubtay Account, midkii ciidan loogu dhiibo wuxuu rabaa inuu cuno, midkii degmo loo dhiibo wuxuu rabaa inuu lacagta cuno”ayuu yiri Cali Dheere. Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday bixitaanka ciidamada Kenya ee degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, wuxuuna sheegay inay aad ula socdaan dib u gurashada ay sameynayaan ciidamada Kenya siddeed sano kadib. Kenya ayuu sheegay inay qeyb ka aheyd cadow kusoo duulay Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in Kenya ay dhibaatooyin ay kala kulantay Al Shabaab ay ku qasbanaadeen inay ka baxaan deegaano ka tirsan GEDO. Sababta ka dambeysa ciidamada Kenya inay ka baxaan Soomaaliya ayuu sheegay inay tahay inay ka adkaan waayeen Al Shabaab, islamarkaana Kenya ay u adkeysan weysay dhaqaalaha badan ee ka galay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guriceel (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay ku guuleysteen inay damiyaan dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taala degmadaasi. Dabka ayaa socday ku dhawaad afar saac, iyadoo dadka ay la daala dhacayeen daminta, waxaana ugu dambeyn ay ku guuleysteen inay damiyaan dabka oo khasaaro hantiyadeed geystay. Ma jirin gaadiid dab damis oo awood leh oo degmada ay leedahay, waxaana taasi ay dhalisay in saacado badan uuro iyo holac hawada qabsadaan. Ilaa iyo hadda lama sheegin waxyaabaha ka dambeeya dabka ka kacay kaalinta Shidaalka ee Beder, waxaase loo badinayaa in Koronto uu ka dhashay dabka. Sidoo kale lama sheegin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha hantiyadeed ee dabka uu geystay, waxaana dadka deegaanka ay dalbadeen inay helaan gaadiidka dab damiska si looga hortago dab kale oo magaalada ka kaca. Maamulka degmada Guriceel ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameyn doonaan khasaaraha ka dhashay dabka, kadibna ay saxaafada ay la wadaagi doonaan. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
-
Popular Contributors