Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,108
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Afhayeenka Ururka Al-shabaab, Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere] ayaa ka warbixiyay sababta ay u kordhiyeen weerarrada ay ka geystaan Muqdisho, isagoo sheegay in caasimaddu ay noqotay meel ay ku badan yihiin cadowga kusoo duuleen dalka Somalia, iyaguna ay go’aansadeen inay kordhiyaan weerarada ay ka geysanayaan. Cali Dheere ayaa xusay in Muqdisho ay tahay halka laga abaabulo weerarada ka dhanka ah Al-shabaab iyo dadka rayidka, iyaguna ay ka go’an tahay inay beegsadaan cadowga uu sheegay inay ku sugan yihiin Xamar. “Meelaha lagu magacaabo Hoteelada ma ahan hoteello ee Keliya waa lagu magacaabay, meelaha aan weerarno waa xerooyin ciidan iyo xafiisyo ay degen yihiin saraakiil dowladeed, waxaad ogaataan Muqdisho hoteello waa ku yaalaan mana weerarnlo,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab oo jawaab ka bixinayay su’aal ahayd maxaad u weerartaan hoteellada. Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa yiri. “Hoteellada saxda ah ee shacabkau ay deggen yihiin ciid kuma wareegsana, oo dadaal laguma bixiyo sidii loo ilaalin lahaa, balse meelaha la weerarayo waxaa ku wareegsan ciidda AMISOM ay isticmaasho, haddii ay marka meesha hoteel tahay waxaas oo waardiye ah maxaa keena?.” Sidoo kale, Cali Dheere ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonka iyo shaqaalaha qaar aysan lahayn wasaarado sax ah, taasina ay keentay inay deegaan hoteello, ayna yihiin kuwaas goobaha ay beegsadaan. Dhinaca kale, Afhayeenka Al-shabaab ayaa ka hadlay gadoodka maalmihii u dambeeyay ay sameynayeen ciidamada dowladda Somalia, isagoo sheegay in dadka madaxda ah ay leexsadaan mushaarka ciidanka. “Raggan mas’uuliyiinta u ah DF, dhamaantood waa dad dibadda ka yimid oo baasaboor shisheeye wata, mid kasta wuxuu og-yahay in afar sano kaddib uusan soo laabaneyn, marka wuxuu rabaa inuu halkii uu ka yimid ku laabto isagoo lacag ku shubtay xisaabtisa baniga, midkii ciidan loogu dhiibo wuxuu rabaa inuu cuno, midkii degmo loo dhiibo wuxuu rabaa inuu lacagta cuno,” ayuu yiri Cali Dheere. Ugu dambeyn, Wuxuu afhayeenku ka hadlay ka bixitaanka Ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM eek a baxay qaybo ka mid ahgobolka Gedo, wuxuuna sheegay inay aad ula socdaan dib u gurashada ay sameynayaan ciidamada Kenya siddeed sano kaddib. PUNTLAND POST The post Afhayeenka Shabaab oo Sababayeeyay Weerarrada ay ka fuliyaan Muqdsho appeared first on Puntland Post.
  2. Afgooye (SMN) – Taliyaha guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Axmed Cabdi Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dhalinyarada weli ka barbar dagaalameysa Al Shabaab in ay isaga soo baxaan. Taliyaha ayaa sheegay in ay soo dhaweyn doonaan xubnaha isa soo dhiiba ee ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo weli ku xoogan Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qorshahan uu qeyb ka yahay cafiskii uu madaxweynaha JFS u fidiyay dagaalyahannada si iskood ah uga soo baxa Al Shabaab. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-1-ismaaciil-turki.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Qorshaha cusub ee lagu dar dar galinayo wax ka qabashada ammaanka magaalada Muqdisho oo ay wadaan masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir , ayaa looga digay Milkiilayaasha Hoteelada Muqdisho , in aysan ka kireyn goobahooda ganacsi , qof aan u diiwaan gashaneen degmada uu ku yaallo Hoteelkaasi. Duqa Muqdisho ayaa xusay in Milkiilayaasha Hoteelada wax laga weydiin doono amni darrada ka dhacda xarumahooda ganacsi. Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday guddoomiye Yariisow in la helay macluumaad ku aadan in magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin rag looga shakisan yahay in ay isu diyaarinayaan in falal liddi ku ah nabad gelyada ay ka geystaan Caasimadda. Hadalkaan ayuu ka jeediyay xalay guddoomiyaha gobolka Banaadir, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose , kaas oo uu ku faah faahiyay qorheyaal cusub oo lagu dar dar galinayo ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoona uu ka dhawaajiyay in illaa 3000 oo Askari ay ka qeyb qaadanayaan , hanaankaan lagu xaqiijinayo ammaanka , islamarkaana ay xirnaan doonaan Waddooyinka Muqdisho. View the full article
  4. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Guddoomiyay shir golaha wasiirradu ka yeesheen amniga dalka, gaar ahaan sugidda amniga Muqdisho. Goloha wasiirrada ayaa shirka aad ugu falanqeeyay xaaladda amni ee dalka, waxaana warbixin looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo difaaca oo golaha xog dheeraad ah ka siiyay warbixinnadii ugu dambeeyay iyo qorshayaasha la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin. Golaha ayaa isku raacay in si aad ah loo adkeeyo amniga caasimadda, lana dardar geliyo fulinta qorshaha dalka looga saarayo Al-shabaab. Amniga magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana magaalada kusoo batay dilalka iyo sidoo kale qaraxyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (SMN) – Wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdullahi Xaamud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddi heer wasiiro ah ay dowladdu u xil saartay Talooyin la xiriira dhinaca amniga oo laga soo uruuriyay Golaha Wasiirada. Mr Xaamuud ayaa hoosta ka xariiqay in guddigaan looga fadhiyo sidii qorshe cad ay uga diyaarin lahaayeen Talooyinkaas oo ku aadan in lagu dhaqaaqo , waxna looga qabto ammaanka dalka. Tallaabadan ayaa timid kadib markii weeraro iyo falal amniga liddi ku ah ay siyaabo kala duwan ay ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka. DFS ayaana dadaal waxa ay ugu jirtaa in Isbedel dhinaca amniga ah laga hirgaliyo guud ahaan dalka, gaar ahaan M/Muqdisho. View the full article
  6. Qoryooley (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab, kaas oo ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen bar koontarool oo kala qeybisa waddooyinka isku xira deegaanada Danow, Gaawirow iyo Kabtan Laas ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, maadaama uu dhacay xilli habeen ah, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac. Habeen ka hor ayey aheyd markii Al Shabaab ay weerareen isla fariistan oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
  7. Muqdisho (PP) ─ Kulan dhar saacadood qaatay ayaa Mogdisho dhacay, kaasoo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada DF, si gaar ah looga hadlay amniga guud ee dalka, waxaana diiradda lagu saaray ammaanka guud ee Muqdisho. Amniga Muqdisho, ayaa u muuqda mid xilligan aan wanaagsanayn, iyadoo ay dhaceen qaraxyo dhawr ah muddo aan kala fogeyn, ayna ku dhinteen dad aad u fara badan, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo ay intaas dheer tahay burbur hantiyeed. Sidoo kale, Inta uu kulanka socday waxay wasiirradu si aad ah uga doodeen sida xalka loogu heli karo amniga, waxaana markii dambe loo saaray guddi laga dhex xulay golaha wasiirrada. Dhanka kale, Wasiir-u-dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia, C/llaahi Xaamud ayaa kulanka kaddib Warbaahinta u sharaxay qodobadii kasoo abxay kulankaas, isagoo sheegay in qorshaha ugu weyn uu yahay sidii loo adkeyn lahaa amniga caasimadda. Ugu dambeyn, Shirkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xaaladda amni ee Muqdisho ay noqotay mid aan la isku halleyn karin, waxaana la xiray inta badan waddooyinka Muqdisho si loo xaqiijiyo amniga caasimadda. DHAGEYSO: Codka Wasiir-u-dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/03/Golaha-Wasiirrada_DF_Xal_Amni.mp3 PUNTLAND POST The post Xukuumadda Somalia oo Guddi Wasiirro ah u saartay sugida Amaanka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. Guriceel (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dab khasaaro geystay oo saaka aroortii hore ka kacay qeybo ka mid ah degmada Guriceel ee G/Galgaduud. Dabka ayaa ka bilodway kaalin shidaal oo ku taalla gudaha degmadaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Lama oga waxyaabaha rasmiga ee dhaliyay dabkaasi oo ku sii fidiya goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi. Khasaare u badan mid hantiyeed ayaa ka dhashay dabkani, waxaana haatan socda gurmad xoogan oo ay wadaan maamulka Guriceel iyo shacabka degmadaasi. Wariyaha Shabelle ee deegaanada Galmudug Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab) ayaa ka warbixiyay dabkaaasi Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/wareesi-cali-gaab.mp3 View the full article
  9. Dab geystay khasaare hantiyadeed ayaa saakay waxa uu ka kacay kaalin shidaal oo ku taala degmadaasi, sidoo kalena wuxuu ku faafay dabkan xarumo kale ganacsi oo halkaasi ku yaalla. Sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan degmadaasi, dabkan ayaa sababo la xiriira dhanka korontada u kacay, waxaana socda dedaallo lagu daminayo. Goobta dabkan uu ka kacay waxaa leh shirkad lagu magacaabo Beder, waana goob inta badan dadka ay usoo ganacsi tagaan. Shacabka ku dhaqan degmada Guriceel iyo sidoo maamulka degmadaasi ayaa wada dedaallo badan oo lagu daminayo dabkan. Warkan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-31032019.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo shir jaraaid ku qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyey hawlgallo lagu sugayo amniga Caasimadd oo ay ku hawllan yihiin laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay bulshada Gobolka Banaadir in ay si dhaw ula shaqeeyaan halyeeyada Soomaaliyeed ee dhexda u xirtay sugidda iyo adkeynta amniga dadkooda iyo dalkooda. “Maalmahaan waxaa u socday Madaxda Qaranku shirar ku qotoma sidii loo adkeyn lahaa amniga Caasimadda, shacabkuna ay u heli lahaayeen kalsooni buuxda oo ka aaddan arrinkan. Si taas loo xaqiijiyo waxaa bilowday hawlgallo lagu xasilinayo amniga oo ay wadaan Ciidamadu,” ayuu yiri Duqa Muqdisho. Eng.Yarisow ayaa ka codsaday Bulshada Gobolka Banaadir in ay ka garaabaan caqabadaha dhanka isu socdka ee ka dhalanaya hawlgallada ay sameynaayaan Laamaha Ammaanku, sidoo kalena ay gacan ka gaystaan baaritaannada iyo dabagalka lagu wado argagixisada doonaysa in ay dhibaateeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Guddoomiye Yarisow ayaa soo bandhigay qorshaha Gobolka Banaadir ee ku aaddan fududeynta isu-socodka Caasimadda inta ay socdaan hawlgallada amniga, isagoona sheegay in gaadiid dadweyne loo qorsheeyey dadka nugul ee aan karin socodka dheer. Ugu dambeyn, Guddomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in Bahda Warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeedba ay si joogta ah ula wadaagi doonaan warbixinaha hawgalkan, caqabadaha ku xeeran ee loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo iyo mira dhalkiisa. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo ka warbixiyey hawl-galo amni oo laga bilaabayo Caasimada appeared first on Puntland Post.
  12. Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararka ay heshay Goobjoog ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaasi bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka DFS ku lahaayeen halkaasi. Dagaalka oo socday in ka badan Labo saac ayaan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee Labada dhinac soo kala gaaray. Dadka deegaanka oo aan la hadalnay waxay sheegeen in ay jirto madaafiic habow ah oo kusoo dhacay xaafadah qaar ee degmada Qoryooley, walow aanay khasaare geysan. Saakay ayaa lasoo sheegayaa in ciidanka dowladda federaalka degmadaasi ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo. Dhanka kale, saraakiil ka tirsan ciidanka xoopgga dalka oo aan la hadalnay waxa ay sheegeen in ay iska caabiyeen ciidamada Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Afhayeenka Ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa isaga oo la hadlayay idaacadda ku hadasha Afka Al Shabaab wuxuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan sababta ay u kordhiyeen weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho. Afhayeenka Al Shabaab wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay noqotay hooyga Cadowga uu sheegay inay kusoo duuleen dalka Soomaaliya, taasina ay keentay inay kordhiyeen weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay halka laga abaabulo weerarada ka dhanka ah Al Shabaab iyo dadka rayidka, sida uu hadalka u dhigay. Mar la weydiiyay sababta loo bartilmaameysado Hoteelada waaweyn ee Muqdisho ayuu sheegay in Hoteelo aysan aheyn meelaha ay weeraraan, balse ay yihiin HOTEEL ku sheeg, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo cadeeyay inuu kala jeedo in kaliya magaca Hotel ay wataan goobaha ay weeraraan. “Meelaha Hoteelada lagu magacaabo Hoteelo ma ahan, ee waa lagu magacaabay Hoteel kaliya, meelaha aan weerarno waa xerooyin ciidan iyo xafiisyo nimaankaan ay degen yihiin, waxaad ogaataan xamar Hoteelo waa ku yaalaan, Mujaahidiinta waxay weeraraan Hoteelo qaas ah” “Hoteelada saxda ah ee shacabka ah degen yihiin Ciid kuma wareegsana, ciidan kuma wareegsana, oo JUHDI Badan laguma bixiyo, laakiin meelaha la weerarayo waxaa ku wareegsan caagagta AMISOM ay adeegsadaan oo caro laga buuxiyay, haddii ay marka meesha Hoteel tahay waxaas oo waardiye ah maxaa keena”ayuu yiri Cali Dheere. Sidoo kale Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonka iyo shaqaalaha qaar aysan laheyn wasaarado sax ah, taasina ay keentay inay Hoteelo degaan, sida uu sheegayna kuwaasi ay yihiin meelaha ay weeraraan. Dhinaca kale Afhayeenka Al Shabaab ayaa soo hadal qaaday gadoodka maalmihii ugu dambeeyay ay sameynayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in dadka madaxda ah ay leexsadaan mushaarka ciidanka. “Nimankaan Masuuliyiinta u ah dowlada, dhamaantood waa dad dibadaha nooga yimid oo baasaboor ajaaniib ah wata, mid kastaa wuxuu og yahay in afarsano kadib uusan soo laabaneyn, marka wuxuu rabaa in mid kastaa uu laabto isagoo lacag ku shubtay Account, midkii ciidan loogu dhiibo wuxuu rabaa inuu cuno, midkii degmo loo dhiibo wuxuu rabaa inuu lacagta cuno”ayuu yiri Cali Dheere. Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday bixitaanka ciidamada Kenya ee degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, wuxuuna sheegay inay aad ula socdaan dib u gurashada ay sameynayaan ciidamada Kenya siddeed sano kadib. Kenya ayuu sheegay inay qeyb ka aheyd cadow kusoo duulay Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in Kenya ay dhibaatooyin ay kala kulantay Al Shabaab ay ku qasbanaadeen inay ka baxaan deegaano ka tirsan GEDO. Sababta ka dambeysa ciidamada Kenya inay ka baxaan Soomaaliya ayuu sheegay inay tahay inay ka adkaan waayeen Al Shabaab, islamarkaana Kenya ay u adkeysan weysay dhaqaalaha badan ee ka galay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Guriceel (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay ku guuleysteen inay damiyaan dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taala degmadaasi. Dabka ayaa socday ku dhawaad afar saac, iyadoo dadka ay la daala dhacayeen daminta, waxaana ugu dambeyn ay ku guuleysteen inay damiyaan dabka oo khasaaro hantiyadeed geystay. Ma jirin gaadiid dab damis oo awood leh oo degmada ay leedahay, waxaana taasi ay dhalisay in saacado badan uuro iyo holac hawada qabsadaan. Ilaa iyo hadda lama sheegin waxyaabaha ka dambeeya dabka ka kacay kaalinta Shidaalka ee Beder, waxaase loo badinayaa in Koronto uu ka dhashay dabka. Sidoo kale lama sheegin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha hantiyadeed ee dabka uu geystay, waxaana dadka deegaanka ay dalbadeen inay helaan gaadiidka dab damiska si looga hortago dab kale oo magaalada ka kaca. Maamulka degmada Guriceel ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameyn doonaan khasaaraha ka dhashay dabka, kadibna ay saxaafada ay la wadaagi doonaan. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
  15. Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dab khasaare geystay uu saakay waabarigii ka kacay xarumo gacansi oo ku yaala degmada Guriceel. Dabka ayaa ka dhashay goob lagu keydiyo shidaalka oo ay yaalleen fuustooyin badan, kadibna waxa uu dabku gaaray cajab shidaal oo ay leedahay shirakadda Beder Guriceel. Bubur baahsan ayaa gaaray qaybta maqaayadda iyo dhismayaal ganacsi ka kooban qaybo badan oo isku meel kuwada yaalla. Welwel badan ayaa laga qabaa in dabku ku faafo goobo kale oo ganacsi mana jirto wax Dabdamis ah oo yalla magaaladda si dabka loo damiyo. Dhamaan shirkaddaha Korontada magaaladda Guriceel ayaa la damiyay si looga taxadaro in fiillooyinka korontada uusan dab kalle ka dhallan. Dabka ayaa weli kusii faafaya meello hor leh waxaana dadka magaaladda oo qaarkood yimid goobta ay ku dadalayaan sidii loo dami lahaa dabka, iyaga oo isticmaalaya inta ay awoodi karaan. Puntland Post The post Dab khasaare hantiyadeed geystay oo ka socdo Guriceel appeared first on Puntland Post.
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wafti ka socda jamhuuriyadda iskeed isku magacowday ee Somaliland ayaa sugan Israel, halkaas oo ay tageen jimcihii, sida uu shaaca ka qaaday weriyaha caanka ah ee reer Israel Edy Cohen. Edy Cohen, ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka ku qoray ayaa ku yiri “War deg deg ah: wafti ka yimid Somaliland ayaa ku sugan Israel”, isaga oo aan bixin wax faah-faahin oo intaas dheer. Sidoo kale, Somaliland ayaan ka hadlin waftigan ku sugan Israel, waxaana xiriir ay la sameysay Caasimada Online dhowr xafiis oo kala duwan, ay dhammaantood ka wada gaabsadeen arrintan. Si kastaba, Isku soo dhowaanshaha Israel iyo Somaliland ma ahan wax ugub ah. Shaqsiga ugu weyn ee maanta u ololeeya madax-banaanida Somaliland waa nin Yahuudi Mareykan ah oo lagu magacaabo Michael Rubin, oo ka mid ah kooxda dalka Maraykanka looga yaqaan Neocon iyo “Israel lobby” ee awooda ku dhexleh xisbiga Jamhuuriga. Michael Rubin, oo hadda ka tirsan machadla [American Enterprise Institute (AEI)], ayaa horey qoraal lagu daabacay warbaahinta The Hill uga hadlay warbixin uu ku weerarayo Dowlada Federaalka Soomaaliya isagoona ugu baaqayey dowlada Maraykanka inay xooga saarto taageerida Maamulka Somaliland. Qoraalkan oo uu ciwaan uga dhigay [U.S. Africa Policy Cannot Afford to Ignore Somaliland] ayuu ku dooday in ay khaldan tahay siyaasada Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee xoojisay xiriirka iyo taageerada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhisan magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay “Dowlad aan jirin” oo weli aaminsan “Midnimada Wadanka Soomaaliya”. “Writing in The Hill, I argued that the United States should not channel all aid to Somalia through Mogadishu. To do so encourages corruption which can undermine Somalia’s tenuous recovery and replicates the worst of the UN’s approach to Saddam Hussein’s Iraq. And, yesterday here at AEIdeas, I argued that the United States should not commit itself to a unified Somalia and should consider instead recognizing the de facto separation between Somalia and Somaliland.” Dooda qoraalkiisa ayaa ah in Dowlada Soomaaliya ku fashilantay la dagaalanka Al Shabaab / Al Qacida, balse maamulka Somaliland uu “wax walba ku guuleystay” lana dagaalamay Al Shabaab, isagoo ku baaqay in Maraykanka uu joojiyo taageerada aan dhamaadka lahayn ee Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in Maraykanka xafiisyo ka furto Hargeysa. Somaliland iyo Israel Somaliland ayaa horey sidan u maalgelisay siyaasiyiin ajnabi ah oo uga ololeeya dalalka reer Galbeedka mana aha markii u horeysay oo ay hogaamiyayaasha Somaliland raadinta aqoonsiga usii maraan kooxaha ama siyaasiyiinta taageera Israel ee awooda kuleh xisbiyada Maraykanka, hase yeshee siyaasada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya ayaa ah mid aan isbedalin. Maxamed Ibraahim CigaalWaxaa la xasuustaa Warqadii uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal uu sanadkii 1995 uu si toos ah ugu diray Raysal wasaarihii Israel ee xiligaasi Yitzhak Rabin. Warqadaasi oo uu Cigaal kaga codsaday Israel taageero iyo Aqoonsi, isagoo ku dooday in Somaliland iyo Israel ay yihiin dad walaalo ah! Cigaal ayaa warqadii uu Israel u diray 1995 uga hadlay cabsida uu ka qabo Islaamka kusii fidaya Bariga Afrika iyo gobalka, waxaana kamid ahaa erayadiisii: “Establishing Strategic Partnership with the State of Israel Today, however, although the West had won the cold war and the threat of communism appears to be vanishing in many parts of the world, we, in the Horn of Africa, are being threatened by a more sinister and pernicious enemy in the form of encroaching Islamic influence.” My government firmly believes that owing to this region’s strategic geopolitical importance as a result of its propinquity to the oil routes and the narrow Bab El-Mandeb entrance, as well as its proximity to the Gulf, the Middle East and the access to the Indian Ocean.” Somaliland’s concern is reinforced by the growing influence of the Saudis and the pro-Islamic Yemen, particularly ever since it had crushed and defeated the South Yemeni’s courageous attempt to forsake or renounce its union with the north. Discovering that Eritrea is not interested [in] to act asan Arab satellite, both Sana’ and Riyadh, as well as Khartoum (not to mention how pariah states like Iran and Libya are meddling into the internal affairs of my country), are now directing their efforts to force Somaliland to forfeit or withdraw its independence with the intention of installing a pro-Islamic Somali state (under a federal Somalia). This will most definitely render the control of both the north and southern coasts of the Red Sea to pro-Islamic regimes, with the exception of Eritrea and the miniature state of Djibouti which has no significance leaving the whole region to become a bed-rock for Islamic influence. In order to surmount such an onerous task my government needs the support and assistance of the State of Israel, not only to defend our nascent state from the menace of pro-Islamist dark forces, but also in terms of relief, rehabilitation and reconstruction of this devastated country. Your Obedient Servant Mohamed Ibrahim Egal President Republic of Somaliland Halkan ka akhriso Warqadii Cigaal oo dhameystiran. Walow Israel aysan kasoo jawaabin warqadii Cigaal, hadana siyaasiyiinta Somaliland ayaan weli ka daalin baaqyada ay u dirayaan Israel oo ay ku sheegeen “…Walaalaha Somaliland…”, tusaale qoraalkan hoose oo dhamaadkii sanadkii tagay lagu daabacay jariirada Israel ee The Jerusalem Post. Isla Qoraagan kasoo jeeda Somaliland ayaa markale ku xusay qoraalkiisa Warqadii Cigaal hada kahor u diray Israel ee ku muujinayey xiriirka ka dhaxeeysa Israel iyo Somaliland. Macada in ay Somaliland ku guuleysan doonto jaceylka ay u muujineyso Israel ay dhasho Aqoonsi Caalami ah oo uu Maamulka Somaliland helo, balse waxaa hubaal ah in dadaalka Maamulka Hargeysa uusan yareyn. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Ilaalada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xirtay waddo muhiim ah oo ku taala degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir. Axmed Madoobe ayaa dagay guri ku yaala meel u dhaw xarunta Kumaanda Buluusiya ee ka soo horjeeda dhismaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaana halkaasi xirtay Ciidamada ilaaliya Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Wadada hormarta Wasaaradda Warfaafinta ayaa Ciidamada Axmed Madoobe waxay ka joojiyeen Gaadiidka Shaqaalaha Dowladda, iyagoo u sheegay in aysan aqoonsaneen kaararka Shaqaalaha Dowladda. Qof kamid ah Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ee Wasaaradaha ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciidamada ay ka joojiyeen gaarigiisa in uu maro waddo halkaasi ku taalo una Wasaaradda Warfaafinta waxayna ku wargeliyeen in aysan aqoon-saneen kararka shaqaalaha Dowladda. “Waxay ii sheegayn in aan mari karin waddada, waana iga diidayn aqoonsigayga markii aan la wadaagay, waxay igu wargeliyeen in aqoonsiyada dowladda Al-shabaab-ba ay heestaan” ayuu Caasimada Online u sheegay in Saraakaal katirsan Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya. Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa wali ku sugan magaalada Muqdisho waxaana la sheegayaa in uu wali sii joogi doono Muqdisho waxaana u dhiman kulamo kale oo daba jooga shirkii ku qabsoomay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa markale afar ruux ku toogtay deegaan ka tirsan Degmada Kamsuume ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay jaajuusiin ahaayeen. Al Shabaab ayaa dhamaan ragga ay toogteen waxay sheegeen inay qaadan jireen dhaqaale aan badneyn, iyaga oo gudbin jiray warbixinada iyo taleefanada Al Shabaab si loo bartilmaameydsado saraakiisha. Al Shabaab ayaa sheegay in:- 1-Aweys ismaaciil Aadan oo 25 sana jir ahaa, uu la shaqeyn jiray sirdoonka dowladda Federaalka, waxaana ay sheegeen inuu ka shaqeyn jiray inuu gudbiyo Taleefanada saraakiisha Al Shabaab, isaga oo mushaar ahaan u qaadan jiray 50 Doolar, sida Al Shabaab ay sheegeen. 2-Cilmi Warsame Cumar oo 22 sana jir ahaa ayaa lagu eedeeyay inuu ka shaqeyn jiray Hay’ad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo PSU, waxaana la sheegay inuu qaban jiray hagida diyaaradaha Duqeymaha geysanaya iyo inuu sawiro u qaado Hay’adaasi. Mushaarka Cilmi ayaa la sheegay inuu ahaa 270 Dolar bil kastaa. 3-Cumar Cabdullaahi Cabdi oo 28 sana jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan Jalalaqsi iyo Beledweyne. Al Shabaab ayaa sheegay in shaqadiisa aheyd in uu duqeymaha diyaaradaha ku hagayay mas’uuliyiinta Al-shabaab ee jooga Gobolka Hiiraan, waxaana ay intaas ku dareen in uu qaatay lacag dhan $ 477 dollar. 4-Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka dowladda Soomaaliya, waxaana shaqadiisa ay ku sheegeen Al-shabaab in uu basaaso madaxda Al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha hoose. Dhawaan Al Shabaab ayaa sidaan oo kale toogtay xubno ay ku jiraan Kenyan, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay jawaasiis ahaayeen, waxaana sirdoonka Kenya ay xaqiijiyeen seddex kamid ah Shan ruux oo Arbacadii Al Shabaab ay toogteen u dhasheen dalka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqaalaysiisay Wadaadka sida wayn u taageera ee Sheekh Maxamed Ibraahim Keenyaawi, kaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay kulamo la qaadanayay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kenyaawi oo noqday taageero wayn oo difaaca Xukuumadda Soomaaliya ayaa laga shaqaalaysiiyay Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya kadib markii uu wasiirka amray Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre. Kenyaawi ayaa la-taliye sare u noqon doona wasaaradda, wuxuuna sidoo kale ka tirsanaan qeybta wacyi-gelinta. Shaqadan ayaa u saamaxeysa in xitaa uu sii wato haddii uusan joogin dalka oo uu ku laabto Nairobi. Sheekh Keenyaawi oo markiisii hore ahaa wadaad taageero wayn ku dhax leh shacabka Soomaaliyeed ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabtay qabtay isu soo bax diimeed oo ciwaankiisa ahaa “CAFI WALAALKAA”, balse wixii markaas ka dambeeyay ayaa gala-gal sameeyay Xukuumadda waxayna saameyntiisa ugu faa’ideestayn in ay u adeegsadaan ka hortagga weerarada uga imaanaya Siyaasiinta mucaaradka ku ah Xukuumadda Soomaaliya. Maalmo ka hor ayuu si xun u weeraray una aflagaadeeyay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya kuwaas oo ka cabanayay mushaar la’aan iyo daryeel xumo. Sheekh Keenyaawi ayaa Ciidanka cabanaya ku tilmaamay doqomo iyo xayaawno aan dulqaad laheyn. Waxa uu ku yiri “Boqol dollar oo idinka soo daahay ma wax la sheegaa” inkasta oo ay jirto boqolka dollar ay qoysas dhan noloshooda ku tiirsan tahay. Waxa uu sidoo kale cambaareeyey mucaaradka dowladda Soomaaliya ee qoraallada ka dhanka ah dowladda soo dhiga baraha bulshada, kuwaas oo uu ku tilmaamay “shayaadiin”. Hoos ka daawo muuqaalkaas Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Hadalki ugu dambeeyey duuliyihi diyaaradda Itoobiya ee burburtay Diyaaraddi Boeing 737 Max-8 ee burburtay seddex toddobaad ka hor Warar dheeraad ah oo ku saabsan diyaaraddii burburtay ee ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa sheegaya in la helay xog ku saabsan xaaladdi ugu dambeysay ee duuliyaha diyaaradda. Burburki diyaaradeed ee sababay dhimashada 157 qof oo diyaaradda saarneyd waxaa loo sababeeyey iney diyaaradda cillad habka duulista ah ay la soo deristay kaddibna uu dab ka kacay. Diyaaradduna markay 137 miitir ay dhulka u jirto ay diyaaraddu billaawday shanqar aan horay looga baran waxayna markiba billawday iney hoos iisu soo deyso. Sida uu qoray waregeyska Wall Street uu qoray hadalki ugu dambeeyey duuliyaha diyaaradda inta ay burburin uu ku hadlo inuu ahaa “Kor u kac, kor u kac” taasoo loo fasirtay inuu duuliyaha la tacaalayey iney diyaaradda uu kor u qaado ilaa codkiisi ugu dambeeyey raadiyaha laga waayo. ‘Fashilka masiibada’ Wargeyska wall street waxay sheegtay iney la xiriirtay dad aad ugu dhaw guddiga baritaanka shilkaasi diyaaradeed ku howlan waxayna sheegeen xogtaasi iney muujineyso “fashilka shilkaasi diyaaradeed ku yimid”. Xoga kale oo horranti toddobaadkan ka soo baxay guddiga shilka baaraya ee Itoobiya iyo Mareykankaba ayaa sheegay xilliga shilka uu dhacayey inuu furnaa habka duulinta koombiyuutarka ee diyaaradda. Nidaamka duulinta ee MCAS oo cillad ay ku timaaddana waxay si la mid ah diyaaradda Itoobiya ay shil ku keentay diyaaraddii ay lahayd shirkadda diyaaradaha Lion ee Indonesiya oo burburtay bishi October ee sanadki hore. Diyaaradda Boeing 737 MAX waxay burburtay waxyar un kaddib marki ay ka duushay garoonka Jakarta ee dalka Indonesiya waxaana shilkaasi ku dhintay 189 qof. 157-kii qof ee sarneyd diyaaradda Itoobiya shilkaasi ayey ku geeriyeedeen Shirkadda Boeing waxay iyaduna sheegtay baaritaan ay ku sameeysay diyaaradaha Nooca Boeing 737 Max 8 iney ka heleen cillad dhinac dullimaadka koombiyuutarka cilladdina ay xal u heleen. Waxayna shirkadda Boeing sida oo kale sheegtay iney dib u eegis ku sameeyneyso tababarrada la siiyo duuliyeyaasha diyaaradahaasi ee heer caalami. Guddiga baaraya shilki diyaaradda Itoobiya wax war weli kama soo bixin Guddiga ay Itoobiya u xilsaartay baaritaanka shilka diyaaradeed waxa sababay waxaa la filayaa iney natiijada baaritaankooda ay shaaciyaan maalmaha foodda nagu soo haya iyada oo ay wasaaradda gaadiidka Itoobiya ay horey u sheegtay iney muddo bil ah ay natiijada baaritaanka ku soosaarayaan. Qaran News
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online helayso, ayaa sheegaya in baadhis deg-deg ah lagu bilaabay Wasiiro ka tirsanaa Somaliland oo xilalkii laga qaaday, kuwaasi oo dhawaan lagu soo oogay dacwad ah inay lunsadeen hanti-shacab. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay xilalkii ka qaaday Wasiiro lagu soo eedeeyay inay ku kaceen falal Musuq-maasuq, waxaa kamid ahaa Wasiiradaas xilka laga qaday ee baadhista lagu bilaabay Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo, Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta & Dhaqanka, iyo Ciise Axmed Yuusuf, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in isla shalayba baadhis lagu bilaabay Masuuliyiintan, markii uu Madaxweyne Biixi ka qaaday xasaanadda Wasiirnimo. Si kastaba, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhowr jeer oo hore ka dhawaajiyey inay ka go’antahay Xukuumadiisa in Masuulkasta oo ku kaca falal Musuq in sharciga la mariyo oo gacan adag lagu qabto. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Injineer Cabdiraxmaan Yariisow ayaa xalay shaaca ka qaaday in Muqdisho la geliyey xaalad deg deg ah, maadaama amniga uu farah ka baxay. Haddaba hoos ka aqriso waxa uu dastuurka Soomaaliya ka dhahayo xaaladda deg degga ah. Qodobka 131aad. Xaalad Deg degga ah (1) Xaalad deg deg ah waxaa la soo rogi karaa keliya haddii ay lagama-maarmaan u tahay wax ka qabashada xaalad ba’an oo ka dhalatey dagaal, weerar, fallaaganimo, kala-dambeyn la’aan, masiibo dabiici ah ama arrin kale oo deg deg ah oo ba’an. (2) Xaalad deg deg ah waxaa looga dhawaaqi karaa guud ahaan ama qayb ahaan dalka, laakiin waa in aanu ka badnaan inta loogu baahan yahay in wax looga qabto xaaladda. (3) Madaxweynaha isaga oo tallaabadiisa ku saleynaya codsi uu u soo jeediyey Golaha Wasiirrada waxaa uu ku dhawaaqi kara xaalad deg deg ah oo lagamamaarmaan ah, taas oo markaa ka dib ay kaga doodi karaan, oo ayna ku ansaxin karaan, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka muddo 21 maalmood gudahood ah ka dib marka lagu dhawaaqo xaaladda. Doodaha Baarlamaanka Federaalka waxaa ay ahaanayaan kuwo aan qarsoodi ku dhicin oo dadweynaha u furan haddii aaney taasi diideynin xaaladda jirta. (4) Baarlamaanka waa uu oggolaan karaa ama waxaa uu u kordhin karaa waqtiga isaga oo gaarsiinaya muddo aan ka badneyn saddex bilood. Haddii Baarlamaanka Federaalka uusan oggolaan ama uusan waqti ku darin xaalad deg deg ah, markaa xaaladda deg degga ah ma jireyso. (5) Ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah waxaa ay laanta fulinta siin kartaa awoodo gaar ah oo loogu baahan yahay wax ka qabashada xaaladda oo keliya. (6) Awoodaha lagu bixiyo xaaladda deg degga ah gudaheeda kuma jirayaan awoodo loogu xadgudbayo xuquuqaha ku jira dastuurkan, haddii xadgudubkaasi aanu gebi ahaanba lagamamaarmaan u ahayn ujeeddooyinka wax ka qabashada xaaladda deg degga ah. (7) Saxnaanta ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah, iyo habraacyada loo maro ku dhawaaqista, waxaa lala tiigsan karaa maxkamad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah siyaasi horey Wasiir uga soo noqday Soomaaliya isla markaasna mar isku soo sharaxay xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii uu xalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow Xaalad deg deg ah ugu geliyey Magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Yariisow ay shirqool u dhigeen Farmaajo iyo Kheyre, kuwaas oo raba, sida uu sheegay, inay madaxa u saaraan fashilka amni ee caasimadda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inaysan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir hoos tagin Taliyaha Booliska, iyo Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir ayna yihiin kuwa uu Digreeto kusoo magacaabay madaxweynaha taasina ay muujineyso in la doonayo in Fashilka Amniga Muqdisho dusha laga saaro Eng. Yariisow. “Saaxiibkeey ayaa i waydiiyey Taliska Booliska iyo Nabadsugidda Gobolka Banaadir midkoodna ma hoos tago Guddoomiyaha Gobolka, amar iyo awoodnna kuma laha ee maxay tahay “Xaaladda Degdega ah ee uu soo rogay” Waxaan ku iri fashilka Masuuliyadda Amniga ayaa madaxa laga saari rabaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. “Guddoomiyaha, Taliyaha Booliska, iyo Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir digreeto Madaxweyne ayaa lagu wada magaacabay” ayuu sii raaciyey. “Haddii Banaadir maqaamka maamul ee ay mudan tahay la siiyo, dakhligeeda deegaanka loogu adeego, dadkiisuna madaxdiisa doortaan, markaas ayey Banaadir amnigeeda masuul ka noqon kartaa, inta ka horreysa Madaxda awoodda maamul haysata masuuliyadda yeysan cid kale uga siibanin” ayuu kusoo gabagabeeyey hadalkiisa. Hadalka Cabdiraxmaan ayaa imaanayo xilli uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdulaahi Yariisow Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay go’aankan la gaaray inuu yahay mid lagu doonayo in lagu xoojiyo amaanka caasimada oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen qaraxyo badan oo dad badan ku dhinteen kuwo kalana ku dhaawacmeen. Guddoomiyaha ayaa sheegay in inta lagu guda jiro xaalada deg deg ah ay bilaaban doonaan howlgallo ballaaran oo ka duwan kuwii hore si amaanka gacan bir ah loogu qabto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Hargeysa (Caasimada Online) ― Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka sheegay munaasibad lagu marti-qaaday oo ay soo qaban-qaabiyen Xarunta daraasadka Siyaasada ee CPA, inaysan jirin wax lacag ah oo Xukuumadii hore ee uu katirsanaa ay kasii qaadatay DP WORLD. Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inuu cadeynayo inaysan jirin wax lacag ah oo qadimaada oo Xukuumadii Axmed Siilaanyo ka qaadatay shirkada maamusha dekeda Berbera ee DP WORLD, taasi oo ah kirooyinkii dekedaas. “Xukuumadii Axmed Siilaanyo, waxaan cadeynayaa wax kirooyinkii dekedaa ah oo aan wakhtigeedi la gaadhin, oo aanu sii qadimanay inaanay jirin”. Dhowaan unbey aheyd markii uu Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire uu sheegay inaanay jirin wax kiro ah oo ay Xukuumada Muuse Biixi ka qaadaneyso sanadkan shirkada DP WORLD, isagoo sheegay inay hore usii qadimatay xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo, taasi oo ku kireysan sanadkii 5-Milyan oo dollar. “Kirada aynu ka qaadano dekeda berbera sanad walba waa 5-Milyan, dekeda DP WORLD maynaan siin, waanu ka kireynay oo sanad walba 5-ta Milyan beynu ka qadana, sanadkan kuma jirto kiradu oo hore ayaa u qaadanay”. Dhinaca kale, Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inaanu been ku aqoon Wasiir Sacad Cali Shire, oo uu hadalkiisas uu ka waday wasaaradii maaliyada inaanay lacag usoo xaroon. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com