Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,150
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo safar shaqo ku jooga magaalada Bosaaso ayaa waxa uu lakulmay qaar kamid ah Isimada dhaqanka ee Puntland. Madaxweynaha [...] Source
  2. Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Daah furay mashruuca waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo laga hirgelinayo 17 Degmo ee Gobolka Banaadir. Daah furka mashruucan ayaa ka bilowday Degmada Xamar-JaJab, gaar ahaan waaxda Gaheyr, iyadoo ujeedku yahay in guud ahaan xaafadaha Caasimadda laga hirgeliyo si kor loogu qaado nadaafadda iyo bilicda Caasimadda. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in tallabadani ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Maamulka Gobalka Banaadir uu ugu talagalay in 17-ka Degmo looga hirgeliyo dhismaha waddooyinka Xaafadaha, isla-markaana Xamarjabjab ay maanta nasiib u yeelatay in lagu bilaabo barnaamijkaan. Eng. Yarisow ayaa ku booriyay dadweynaha Caasimadda in ay u istaagaan dib u dhiska dalkooda, si loo soo celiyo bilicdii ay Caasimaddu caanka ku ahayd, isagoo uga mahadceliyey Dawladdaha iyo Hay’adaha gacanta ka geysanaya hirgelinta mashruucan. Sidoo kale, munaasabadda dhagax-dhigga waddada waxaa hadallo ka jeediyay Guddomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka, Xaghayaha Guud ee Maamulka iyo Guddoomiyaha Degmada X/Jajab, iyagoo xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dhismaha waddadaan bulshada ku nool Dagmada Xamar-jabjab. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  3. Tokyo (SMN) – Dowladda Japan ayaa shaaca ka qaaday in ay wax badan ka qabatay Waxbarashada caruurta ay waxyeelada ka soo gaartay abaarihii iyo fatahaadihii ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya. Sarkaal ka tirsan waaxda gargaarka dibadda ee Japan ayaa sheegay in Lacag badan ay ku bixiyeen Waxbarashada caruur lagu qiyaasay 8,500 oo ay saameeyeen musiibooyiinkaasi, kuwaas oo aaday Dugsiyada Waxbarasho. Sidoo kale sarkaalka ayaa intaasi in ay wax ka qabteen helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka, iyagoo kaashanaya sanduuqa badbaada caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF. Japan ayaa xustay mashaariicda ay ku fuliyeen Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay in ay ka faa’iideysteen kumanaan caruur oo badankood ku nool koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ka mid meelaha ay ka dhaceen musiibooyinka bani’aadanimo. Safiirka Japan ee Soomaaliya ayaa xusay in labadii sanno ee la soo dhaafay ay Soomaaliya ku bixiyeen 3 milyan dollar oo wax loogu qabtay badbaadada caruurta ay waxyeelada ka soo gaartay abaarihii ku dhuftay dalka. Ugu dambeyn Japan ayaa sheegtay in sii wadi doonto taageerada dhinaca gargaarka ee ay siiso Soomaaliya oo ka mid ah dallalka ay la dageen colaaha iyo musiibooyinka kale. View the full article
  4. Burco:(SL-T) Daawo:Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Burco Oo Ka Hadlay Siday U Arkaan Isku-shaandhaynta Uu Madaxwayne Muuse Biixi Xukuumadiisa Ku Sameyay. https://www.youtube.com/watch?v=-zykgFhKptE Source
  5. Garissa (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidamada milatariga Kenya saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaano dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Howgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay ku soo qab qabteen illaa 17 ruux oo isugu jira dad reer Miyi ah iyo Ganacsato. Sagaal ka mid ah dadka loo soo qabtay ayaa lagu soo warramayaa in loo gudbiyay dhanka magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bare Kenya, halka lixda kalena haatan lagu hayo saldhig ku yaalla xeryaha Dhadhaab ee dalkaasi. Ciidamada Kenya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al Shabaab ka waday xadka Soomaaliya, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga. Arrimahan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya, xilli dhawaan milatariga Kenya ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka jira jawi colaadeed, cabsi iyo walaac xoog leh oo dhinaca amaanka ku aadan kadib markii ay kordhayn weerarada Al-Shabaab. Muddo 6 maalmood ah oo ay Al-Shabaab Muqdisho ka fuliyeen Qaraxyada iyo weeraro toos ah ayaa dadka ku beertay Jawi cabsi ah, waxaana kadib cabsidaasi ku soo biirtay hanjabaad ay howlgal ay Dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday waxayna dadka ka fekarayaan sida uu xaal noqon doono. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in howlgal laba nuuc ah laga sameyn doono magaalada Muqdisho, wadooyinkana la xiri doono, arintaas ayaa abuurtay in ay dadka u diyaar garoobaan xirnaanshiyaha magaalada, waxaana maanta suuqyada Muqdisho lagu arkayaa dadweyne u diyaar garoobaya sidii ay uga kaaftoomi lahaayeen xirnaanshiyaha magaalada. Dadweynaha Muqdisho ayaa kuu sheegayaa in magaalada ay ka jirto halis, waxaana maalmahan waqti hore la xirayay goobaha ganacsi, sidoo kale hoteelada ayaa in badan oo kamid ah haawanaya oo aan joogin wax dad ah, si lamid ah goobaha Dalxiiska ayaadnan ku arkayn dadkii tirada badnaa ee markii hore imaan jiray. Wixii ka dambeeya 5:30 Pm magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaayadaha, hoteelada, goobaha fadhi ku dirirka, waa goobo aysan qofna joogin iyo meelaha qaar oo aad ku arkeysid dad aad uga yar kuwii hore, halka markii hore habeenkii ilaa saq dhexe ay caadi aheyd magaalada Muqdisho. Internet-ka ayaa aad loogu wadagayaa fariimo digniino ah iyo wargelin, waalidiinta ayaa isku dayaya in ay magaalada ka baajiyaan dhalinyarada waxayna arimahaan Shacabka Muqdisho soo xasuusiyeen xiligii colaadaha iyo xaaladihii adkaa oo ay soo martay magaalada Muqdisho inkastoo aysan hada xaaladaasi u dhowayn. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa laga dhowrayaa sida ay uga fal celiso walaaca amni ee ka jira magaalada Muqdisho iyadoo aad Muqdisho saacadihii ugu dambeeyay lagu soo kordhiyay Ciidamo ka badan kuwii hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Wasiirka wasaarada maaliyada ee dowladda Puntland Shire Xasan Abgaal ayaa maanta baarlamaanka Puntland waxa uu horgeeyay Miisaaniyada sagaalka bilood ee soo socota. Wasiirka ayaa Xildhibaanada [...] Source
  8. Kismaayo (SMN) – Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay illaa 4 nin oo ay ku eedeeyeen basaasnimo ku toogtay deegaanka Kamsuuma ee G/ Jubbada Hoose. Fagaaraha lagu toogtay raggaasi ayaa waxaa goob joog ahaa boqolaal dadweyne ah iyo xubno ka tirsan Al Shabaab. Afarta nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray: 1-Aweys Ismaaciil Aadan oo 25 sano jir ahaa ayaa la sheegay in uu la shaqeynayay sirdoonka Soomaaliya, una xil saarnaa gudbinta lambarada saraakiisha Al Shabaab, si loo duqeeyo, isaga oo qaadan jiray lacag 50 Dollar ah. 2-Cilmi Warsame Cumar oo 22 sano jir ahaa waxa ay Al Shabaab sheegeen in uu la shaqeyn jiray hay’adda lagu magacaabo PSU oo laga leeyahay UK, islamarkaana uu u qaabilsanaa in uu sawirro ka soo qaado deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in ninkani loo xilsaaray in uu diyaarado ku hago saldhigyadooda, isaga oo qadan jiray lacag dhan 270 oo Dollar. 3-Cumar Cabdullahi Cabdi oo 28 sano jir ahaa ayey Al Shabaab ku eedeeyeen in uu la shaqeynayay Ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan, gaar ahaan Jalalaqsi iyo Baladweyne, shaqadiisuna la sheegay in ay aheyd in uu diyaarado ku hago xubnaha Al Shabaab, isaga oo qaatay lacag dhan 477 Dollar. 4-Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sano jir ah aya isna lagu eedeeyay la shaqeynta sirdoonka Soomaaliya ee PS-ta, islamarkaana basaasayay saraakiisha Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dhawaan ayey aheyd markii Al Shabaab sidan oo kale shan qof oo lagu eedeeyay basaasnimo ay ku toogteen gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxa uu hoggaaminayaa wafdiga Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya shir madaxeedka Carbeed ee caadiga ah meertadiisa soddonaad oo maanta ka furmaya Caasimadda Tunis ee dalka Tunisia oo ay ka qeybgalayaan Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda Wadamada Carbeed. Shir madaxeedka Carbeed ayaa looga hadlayaa dhowr arrimood oo ay ku jiraan arrinta Falastiin, dhibaatooyinka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo sidoo kale taageeridda Soomaaliya. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay soo gabagabeeyeen kulankooda gogol xaarka ah ee Shir madaxeedka shalay oo Sabti ahayd (30 Maarso) iyagoo isla qaatay adkaynta madax banaanida Suuriya ee dhulka buuralayda Goolan, halkaasi oo Wasiir Axmed Cawad uu ka sheegay in Soomaaliya si dhammeystiran u xushmeyneyso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya. Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa carabka ku adkeeyay in Goolan ay tahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato sida uu qabo Qaanuunka Caalamiga, baaq aqoonsi oo ka soo yeerana dowlad kastana aanu waxba ka bedeleyn xaaladda. View the full article
  10. More details are coming out of a heavy gunfight between Somali government forces backed by AU peacekeepers and Al-Shabaab militants erupted in the outskirts of Qoryoley town. The battle broke out following an ambush attack on a military checkpoint near the district by heavily armed Al-Shabaab fighters, according to local residents. The fighting has raged on for several hours and both sides exchanged heavy and small weapons that caused casualties, but, the exact number of the losses remained unclear. This was the latest in a series of attacks against Somali and AU military bases in the Lower Shabelle region by the Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabab. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, waxaa shaqadii laga ceyriyey C/llaahi Axmed Dool oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Wasiirka Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. Go’aankaan oo kasoo baxay Wasiirka ayaa la sheegay inay sababta shaqada looga ceyriyey tahay hadalkii uu dhawaan ku taageeray in xiriir lala sameysto Maamulka Israa’iil ee xoogga ku heysto dhulka Falastiin. C/llaahi Axmed Dool oo ah agaasimiha shaqada laga ceyriyey ayaa Twitterka ku soo qoray Qoraal uu ku taageerayo inay Soomaaliya xiriir la yeelato Israel. Dool waxa uu Twitter-kiisa ku qoray inaysan diplomaasiyad ahaan wax dhibaato ah la lahayn inay Soomaaliya xiriir Diplomaasiyadeed la yeelato Israel. Wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inay Soomaaliya dan weyn ugu jirto inay soo dhaweysato Israa’iil. Sidoo kale Dool ayaa qoraalkiisa Twitter-ka ku sheegay inay Shacabka Reer Falastiin yihiin dad khasaaray, gaar ahaan Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Xamaas oo uu ku tilmaamay inay afduubteen dadkooda ku nool Magaalada Barakeysan ee Qasa. Qoraalka uu Agaasimaha soo dhigay Twitter-ka ayaa waxay dad badan oo Soomaaliyeed kaga falceliyeen inuu hadalkaan yahay mid doqonimo ah isla markaasna aysan marnaba macquul aheyn inay Soomaaliya raali ka noqoto xiriir Diplomaasiyadeed lala yeesho Israel oo xoog ku heysato dhulal badan oo ay leeyihiin Muslmiinta. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor cadaadis xoog leh iyo cambaareyn kala kulantay markii ay ka aamustay qaraarkii uu Trump ku sheegay inuu Israa’iil u aqoonsaday dhulkii ay 1967 xoogga kaga qabsatay Siiriya inkastoo markii dambe ay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya sheegtay inaysan marnaba ogolaan doonin in dhulkaas loo sharciyeeyo Israa’iil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Al-Shabab said it has executed four men accused of spying for the British, Djibouti and Somali intelligence agencies. Al-Shabab announced the killings on its Andalus radio station on Sunday, saying they were carried out by a firing squad in a public square in Kamsuma, a town in the Lower Jubba region. The group’s spokesman said its recent spate of attacks on hotels in the capital, Mogadishu, has been part of its drive against Somali intelligence agents and other government officials who he said were staying at the hotels. “We don’t attack every hotel in Mogadishu, but those specific ones (hotels) attacked by Mujahideen fighters have got specific features meriting them for attacks,” said Sheikh Ali Mohamud Rage, on the rebels’ radio station. “A standard public hotel that civilians stay in is not protected by blast walls and soldiers. These apostates have got no distinct offices, and most of those men were killed at hotels they use as their offices,” he said, apparently referring to Somali government officials. Mogadishu has seen series of attacks by al-Shabab in recent weeks, highlighting challenges facing the Somali government, which said recently that it is considering imposing a state of emergency in Mogadishu to try to contain the attacks. Rage also said that the recent withdrawal of Kenyan forces, who are part of the multinational African Union forces in Somalia, from villages were made as result of increased attacks and deaths and budget constraints faced by the Kenyan government. Al-Shabab, which is al-Qaida’s East Africa affiliate, has fought for years to impose a strict version of Islam in the Horn of Africa nation. Despite losing territory in recent years, the extremist group continues to carry out deadly attacks in many parts of the country, especially in Mogadishu. A truck bomb there in October 2017 killed more than 500 people. View the full article
  13. Waxaan ku wargalinaynaa akhristayaasha in maalmihii lasoo dhaafay aan howlo dib u habeyn ah ku wadnay Website-ka, sidaas awgeed waan ka cududaaranaynaa mudadii aan kala [...] Source
  14. Warar lagu kalsoon yahay ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ay isku dayeen in Madaxweyne Axmed Madoobe Xabsi la dhigo xili uu [...] Source
  15. Xawalaada amal ee Denmark ayaa lacag gaaraysa 5000 USD (Shan kun oo dollar) ugu deeqday dhismaha wadada Wadaagsin ee Gobolka Mudug, lacagtaan oo lagu wareejiyey [...] Source
  16. Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa goor dhoweyd ansixiyay miisaaniyadda sagaalka bilood ee sannadkaan ka harsan ay ku shaqeyn doonto xukuumadda Puntland. Kulanka 24aad ee Kalfadhiga 43aad oo saaka ay soo xaadireen 40 mudane ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda oo dhan $$54,000,450 (konton iyo afar malyan, afar boqol iyo konton dollar) taasoo uu todobaadkii hore soo gudbiyay wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Cabdi. 38 mudane ayaa u codeeyay miisaaniyadda hal xildhibaan ayaa diiday mid kalena waa ka aamusay sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Warbixinta kala soco Puntland Post The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda dowladda appeared first on Puntland Post.
  17. Jabuuti (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay khilaafka iyo dacwadda u dhaxeysa Dowladda Jabuuti iyo Sharikadda Dekadaha Dubai. Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in DPWorld iyo Jabuuti ay heshiis galeen markii ugu horreysay kaddibna ay dhameysteen qodobadii ay ku heshiiyeen. Mr Geelle ayaa sheegay in markii Jabuuti iyo DPWorld heshiiyeen deymihii la galay la wada bixiyay, markii ay Jabuuti damacday in heshiiskaas dib u eegis lagu sameeyana ay diideen sidaasna dalka looga saaray. Waxaa uu sheegay in Sharikaddan markii hore la dhihi jiray Dubai Ports Adduunkana ay Jabuuti bartay, haddana ku fideen meelo badan oo ka mid ah dekadaha Caalamka. Mr Geelle ayaa intaas ku daray in Dekadaha Imaaraadka ay ka hooseeyaan kuwa Bariga Afrika sidaas darteedna DPWorld ay diideyso in kuwa Afrika ay horumaraan sidaasna heshiisyo ugula wareegeyso dekadaha geeska afrika si kuwooda aysan u shaqo gabin. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  18. Waxaa Mudooyinkii U Danbeeyay iyo bilowga xukuumada socod baradka ah ee madaxwayne Muuse Biixi Cabdi dhaqdhaqaaqooda aad loo dareemayay hanti dhawrka guud ee qaranka oo mudo dheer ahaa haayad fadhiid ah balse waqtigan xaadirka ah baadhitaano badan ka fuliyay qaar ka mid ah Wasaaradaha dalka iyo Xafiisyada dawladaha hoose qaarkood . Wallow ay bulshada reer Somaliland ku diirsadeen baadhitaanada lagula dagaalamayo musuq maasuqa iyadoo dhawaan eedo musuq maasuq loo xidhxidhay masuuliyiin ka tirsan xukuumada, walow talaabadaasi qaabkii loo maamulay ay kasoo baxeen aragtiyo kala duwan oo dareeno kala duwan ka bixinayaan shacabka reer Somaliland talaabada ay qaaday xukuumadu oo iyadu leh fulinta eedaha uu soo jeediyo hanti dhawrku! Iyadoo arimuhu sidaasi yihiin waxaa tamid in la xidho laba masuul oo ka mid ah wasaarada warfaafinta oo kala ah agaasimihii guud ee dhawaan iscasilay iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta, balse markiiba lasiidaayay agaasimihii guud halka agaasimihii maamulka uu kusii xidhnaa xabsiga mudo todobaad ah, Xadhiga uu ku kaliyaystay agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta ayaa keenay iswaydiimo faro badan oo dareeno culus ku kula abuuray shacabka reer somaliland gudo iyo dibadba, Ujeedadii uu u socoday hanti dhawrka guud ee qaranku maxaa badalay! Saamayn inteeg leeg ayay ku leedahay xukuumadu oo iyadu ah fulinta hawlaha qaranku? Waxyaabaha bulshada reer Somaliland ka yaabiyay waxaa kamida ah markii xadhigii iyo baadhitaanadii kusoo ururinteen agaasimaha maamulka oo isagu aan ahayn masuul uu magacaabo madaxwaynuhu balse wixii talaabo ee uu qaado uu ku fulayo amarka wasiirka wasaarada iyo agaasimaha guud. Marka aynu eegno ficilka iyo tacadiga lagula kacay Agaasimaha maamulka iyo lacagta wasaarada warfaafinta waxay ina tusaysaa in la majaro habaabiyay hawlihi hantidhawrka taasina waxay shacabka reer Somaliland u cadaynaysaa in xukuumada xisbiga kulmiye haday tahay xukuumadii siilaanyo iyo tan madaxwayne Biixi ay marwalba taargad ka dhigteen Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta oo isagu xilka kala mid ah dhamaan Agaasimayaasha maamulka iyo lacagta ee wasaaradaha iyo haayadaha dawlada oo mudo dheer iyagu xilalkaa haya. Hadii aan udhaadhaco ujeedada maqaalkaygan waxaan leeyahay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxaad dhawr jeer hadalkaaga kusoo dartay in dalku kala qaybsan yahay oo saamayn ay ku yeelatay doorashadii madaxtooyadu ee adiga aad kusoo baxday tartankeedii Mudane madaxwayne agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafintu wuxuu kasoo jeedaa gobolka Awdal gaar ahaan deegaanka degmada Dilla oo iyadu lahayd musharax madaxwayne kuxigeen ee xisbiga Wadani oo ah xisbigii aad doorashada kaga guulaysatay, hadaba ficilka ku kooban agaasime Xasan miyaan la odhan Karin wuxuu daba socdaa ka aar goosashada beelihii aan kuu codayn, ama waxaad haysaa jidkii Kulmiye ku caanka ahaa! Mudane madaxwayne waxaan kugula talin lahaa anigoo hadalkaagii la xidhiidhay kala qaybsanaanta bulshada iyo xanaftii ay reebtay doorashadu raacaya , ficilada socda wakhtigan iyo xadhiga ku gaarka ah Agaasimaha waaxeedka waxaan ku odhan lahaa hasii kala fogayn Somaliland iyo gobolka Awdal kana fiirso ficilka iyo falalka kasoo fulaya xukuumada oo muuuqda kuwo sii kala fogaynaya Somaliland iyo gobolka Awdal Mudane madaxwayne gobolka Gabiley ee aad kasoo jeedo waxaan ku odhan lahaa dhaxal uga tag oo hadii aad wax kale uqaban waydo ka shaqee wixii iyaga iyo reer Awdal isku soo dhawaynaya iyadoo lawada og yahay utuntii uu kala dhex dhigay kulmiye Gabiley iyo Dilla in aad dawayso ogowna waxkasta oo aad gasho in reer Gabileyna kula leeyihiin maadama ay tahay gobolkii sida wayn lagaaga doortay, Gabileyna hadii ay shalay ka aamustay dhacdooyinkii la ogaa ee kulmiye u horseeday maanta waxaan filayaa in aanay noqonayn daawade ficilada xukuumadaha kulmiye ku beegsanayaan agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta iyo caadaysiga falalka aan soomaliland danta u ahayn ee kulmiye ku sii kala fogaynayo inan iyo abtigii waxaana lagaaga fadhiyaa cadaalad iyo sinaan aad kumaamusho Somaliland balse aan ahayn kala qaadasho kursi iyo kala fogaynta shacabka reer Somaliland, ee walaalaha siiba gabiley iyo boorama. QALINKII; FARXAAN MAXAMED BARKHAD HARGAYSA SOMALILAND wajalenews@gmail.com . Qaran News
  19. (SLT-Hargeysa)-WasiirkiI Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Dr Cumar Shacayb Maxamed, ayaa ka digay xaalufin lagu hayo qaar ka mid ah Buuraha dalka, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu talaabo adag ka qaado dadka iyagu buurahan xaalufinta ku hayo ee dhagaxaanta iyo ciidda ka guranaya. WasiirkiI Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Dr Cumar Shacayb Maxamed oo Wargeyska Geeska Afrika soo gaadhsiiyey qoraal uu arintan ka hadlaya ayaa wuxuu u dhignaa qoraalkiisu sidan “Buuraha Magaalada ku dhex yaala shaqsi malaha cid gaari ahina ma laha ee waxay qayb ka yihiin bilicda iyo quruxda Wadanka, Magalooyinka iyo Deegaanada hadba ay ku yaalan, runtii Waxaad arkaysaa muddooyinkan dambe in Magalooyinka waxii Buur ku taalay in la boobayo, oo la jafaayo, waxaana dhab in darasaadaha kala duwan ee Caalamka laga sameeyey in Buuraha oo la gurtaa ama la qotaa inay khal-khal keenayso, waxaana ka dhalan kara dhas iyo siigo marka laga guro dhagaxantii, waxaanay sababi kartaa Cafimad daro weyn. Illaahay ayaa xigmad iyo miisaan uga dhigay dhulka. Waxay Babinta buuruhu Soo Dedejinayaa Cimilada Dhulka Oo Is Bedesha iyo dabaylo, markaas ma wacna in Buuraha la galiyo cagafayo baabinaya ciidii iyo dhagaxantii, mana wacna in khayraadka dabiiciga ah ee ALLE ina siiyey in dano shaqsiyana lagu baabinayo, horseedna laga noqdo in la dhalan rogo abuurta Illaahay ee ay ka mid yihiin Buuraha, oo wax tar balaadhan inoo leh, shaqsiyaadka iyagu sida gaarka ah Buuraha u qota waa inay ogaadan faa’iidada, waxtarta iyo qiimaha ay Buuruhu leeyihin, isla markaana waa inay ogadaan inay Buuruhu khariirada guud (Mapka guud) iyo ka istaaratiyada dhulkaba inay dhibaatooyin hor leh ka ilaaliyaan”. Mar uu Madaxweynaha iyo Wasaaradda Hawlaha guud uu baaq u diraayey ayaa yidhi “Madaxweynaha iyo Wasaaradda Hawlaha Guud waxaan odhan lahaa hadan laga hortegin oo awood Dawladeed iyo mid sharci aan wax lagaga qaban in dadka Buuraha qodonaya saamayn taban ayey inagu Keeni Doonto, Berbera Hargeysa Intaba Buurihii Shaqsiyaa Iska Mamusha. Buuraha qaar ayaa Chemico noqon kara, qaar ayaa noqon kara Macdan Wadanka u dana, ee Madaxwayne arintaa buuraha indhahaaga ku Soo eeg, Madaxweyne waa inaad talaabo adag, awood dawladeed iyo mid sharciba wax kaga qabataa xalufinta lagu hayo buurihii dalka, si aanay saamayn taban inoogu yeelan” Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Madaxweynaha Somaliya ugu baaqay inuu ka digtoonadu kana fiirsado hadalada ka dhanka ah Somaliland, ee ka soo yeedhaya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya ayaa yidhi “Farmaajo khalad bay ku ahayd inuu dawladnimada Somaliland maamul ku sheego, Somaliland waa qaran leh, Madaxweyne la doortay, oo waliba Shacabka reer Somaliland si xor iyo xalaal ah u doorteen, waxaana dalkan ka Madaxweyne ah Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, halka Farmaajo cid gaar ahi doortay, ee hore waxaa loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, ee Farmaajo intii Somaliland ku soo meeraysanayo waa inuu wax ka qabtaa halka uu maamulo, Somaliland dhabihii horumarka, guusha iyo ictiraafka ayey haysaa, ee midnimo dambe oo Somaliya la midawdo sinaba suurtagal ku noqon mayso, ee Farmaajo waa inuu ka fiirsada hadalada ka soo yeedhaya”. Source
  21. Afgooye (SMN) – Ciidamada ammaanka Afgooye ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka sameeyay gudaha degmadaasi. Howlgalladan ayaa yimid, kadib markii xalay Afgooye lagu dilay mid ka mid ah ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Diini Barre Cabdi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Al Shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah ka fuliya magaalada Afgooye oo 30 KM dhanka koonfur galbeed ka xigta magaalada Muqdisho. View the full article