Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,108
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, waxaa shaqadii laga ceyriyey C/llaahi Axmed Dool oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Wasiirka Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. Go’aankaan oo kasoo baxay Wasiirka ayaa la sheegay inay sababta shaqada looga ceyriyey tahay hadalkii uu dhawaan ku taageeray in xiriir lala sameysto Maamulka Israa’iil ee xoogga ku heysto dhulka Falastiin. C/llaahi Axmed Dool oo ah agaasimiha shaqada laga ceyriyey ayaa Twitterka ku soo qoray Qoraal uu ku taageerayo inay Soomaaliya xiriir la yeelato Israel. Dool waxa uu Twitter-kiisa ku qoray inaysan diplomaasiyad ahaan wax dhibaato ah la lahayn inay Soomaaliya xiriir Diplomaasiyadeed la yeelato Israel. Wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inay Soomaaliya dan weyn ugu jirto inay soo dhaweysato Israa’iil. Sidoo kale Dool ayaa qoraalkiisa Twitter-ka ku sheegay inay Shacabka Reer Falastiin yihiin dad khasaaray, gaar ahaan Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Xamaas oo uu ku tilmaamay inay afduubteen dadkooda ku nool Magaalada Barakeysan ee Qasa. Qoraalka uu Agaasimaha soo dhigay Twitter-ka ayaa waxay dad badan oo Soomaaliyeed kaga falceliyeen inuu hadalkaan yahay mid doqonimo ah isla markaasna aysan marnaba macquul aheyn inay Soomaaliya raali ka noqoto xiriir Diplomaasiyadeed lala yeesho Israel oo xoog ku heysato dhulal badan oo ay leeyihiin Muslmiinta. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor cadaadis xoog leh iyo cambaareyn kala kulantay markii ay ka aamustay qaraarkii uu Trump ku sheegay inuu Israa’iil u aqoonsaday dhulkii ay 1967 xoogga kaga qabsatay Siiriya inkastoo markii dambe ay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya sheegtay inaysan marnaba ogolaan doonin in dhulkaas loo sharciyeeyo Israa’iil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Al-Shabab said it has executed four men accused of spying for the British, Djibouti and Somali intelligence agencies. Al-Shabab announced the killings on its Andalus radio station on Sunday, saying they were carried out by a firing squad in a public square in Kamsuma, a town in the Lower Jubba region. The group’s spokesman said its recent spate of attacks on hotels in the capital, Mogadishu, has been part of its drive against Somali intelligence agents and other government officials who he said were staying at the hotels. “We don’t attack every hotel in Mogadishu, but those specific ones (hotels) attacked by Mujahideen fighters have got specific features meriting them for attacks,” said Sheikh Ali Mohamud Rage, on the rebels’ radio station. “A standard public hotel that civilians stay in is not protected by blast walls and soldiers. These apostates have got no distinct offices, and most of those men were killed at hotels they use as their offices,” he said, apparently referring to Somali government officials. Mogadishu has seen series of attacks by al-Shabab in recent weeks, highlighting challenges facing the Somali government, which said recently that it is considering imposing a state of emergency in Mogadishu to try to contain the attacks. Rage also said that the recent withdrawal of Kenyan forces, who are part of the multinational African Union forces in Somalia, from villages were made as result of increased attacks and deaths and budget constraints faced by the Kenyan government. Al-Shabab, which is al-Qaida’s East Africa affiliate, has fought for years to impose a strict version of Islam in the Horn of Africa nation. Despite losing territory in recent years, the extremist group continues to carry out deadly attacks in many parts of the country, especially in Mogadishu. A truck bomb there in October 2017 killed more than 500 people. View the full article
  3. Waxaan ku wargalinaynaa akhristayaasha in maalmihii lasoo dhaafay aan howlo dib u habeyn ah ku wadnay Website-ka, sidaas awgeed waan ka cududaaranaynaa mudadii aan kala [...] Source
  4. Warar lagu kalsoon yahay ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ay isku dayeen in Madaxweyne Axmed Madoobe Xabsi la dhigo xili uu [...] Source
  5. Xawalaada amal ee Denmark ayaa lacag gaaraysa 5000 USD (Shan kun oo dollar) ugu deeqday dhismaha wadada Wadaagsin ee Gobolka Mudug, lacagtaan oo lagu wareejiyey [...] Source
  6. Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa goor dhoweyd ansixiyay miisaaniyadda sagaalka bilood ee sannadkaan ka harsan ay ku shaqeyn doonto xukuumadda Puntland. Kulanka 24aad ee Kalfadhiga 43aad oo saaka ay soo xaadireen 40 mudane ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda oo dhan $$54,000,450 (konton iyo afar malyan, afar boqol iyo konton dollar) taasoo uu todobaadkii hore soo gudbiyay wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Cabdi. 38 mudane ayaa u codeeyay miisaaniyadda hal xildhibaan ayaa diiday mid kalena waa ka aamusay sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Warbixinta kala soco Puntland Post The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda dowladda appeared first on Puntland Post.
  7. Jabuuti (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay khilaafka iyo dacwadda u dhaxeysa Dowladda Jabuuti iyo Sharikadda Dekadaha Dubai. Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in DPWorld iyo Jabuuti ay heshiis galeen markii ugu horreysay kaddibna ay dhameysteen qodobadii ay ku heshiiyeen. Mr Geelle ayaa sheegay in markii Jabuuti iyo DPWorld heshiiyeen deymihii la galay la wada bixiyay, markii ay Jabuuti damacday in heshiiskaas dib u eegis lagu sameeyana ay diideen sidaasna dalka looga saaray. Waxaa uu sheegay in Sharikaddan markii hore la dhihi jiray Dubai Ports Adduunkana ay Jabuuti bartay, haddana ku fideen meelo badan oo ka mid ah dekadaha Caalamka. Mr Geelle ayaa intaas ku daray in Dekadaha Imaaraadka ay ka hooseeyaan kuwa Bariga Afrika sidaas darteedna DPWorld ay diideyso in kuwa Afrika ay horumaraan sidaasna heshiisyo ugula wareegeyso dekadaha geeska afrika si kuwooda aysan u shaqo gabin. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  8. Waxaa Mudooyinkii U Danbeeyay iyo bilowga xukuumada socod baradka ah ee madaxwayne Muuse Biixi Cabdi dhaqdhaqaaqooda aad loo dareemayay hanti dhawrka guud ee qaranka oo mudo dheer ahaa haayad fadhiid ah balse waqtigan xaadirka ah baadhitaano badan ka fuliyay qaar ka mid ah Wasaaradaha dalka iyo Xafiisyada dawladaha hoose qaarkood . Wallow ay bulshada reer Somaliland ku diirsadeen baadhitaanada lagula dagaalamayo musuq maasuqa iyadoo dhawaan eedo musuq maasuq loo xidhxidhay masuuliyiin ka tirsan xukuumada, walow talaabadaasi qaabkii loo maamulay ay kasoo baxeen aragtiyo kala duwan oo dareeno kala duwan ka bixinayaan shacabka reer Somaliland talaabada ay qaaday xukuumadu oo iyadu leh fulinta eedaha uu soo jeediyo hanti dhawrku! Iyadoo arimuhu sidaasi yihiin waxaa tamid in la xidho laba masuul oo ka mid ah wasaarada warfaafinta oo kala ah agaasimihii guud ee dhawaan iscasilay iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta, balse markiiba lasiidaayay agaasimihii guud halka agaasimihii maamulka uu kusii xidhnaa xabsiga mudo todobaad ah, Xadhiga uu ku kaliyaystay agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta ayaa keenay iswaydiimo faro badan oo dareeno culus ku kula abuuray shacabka reer somaliland gudo iyo dibadba, Ujeedadii uu u socoday hanti dhawrka guud ee qaranku maxaa badalay! Saamayn inteeg leeg ayay ku leedahay xukuumadu oo iyadu ah fulinta hawlaha qaranku? Waxyaabaha bulshada reer Somaliland ka yaabiyay waxaa kamida ah markii xadhigii iyo baadhitaanadii kusoo ururinteen agaasimaha maamulka oo isagu aan ahayn masuul uu magacaabo madaxwaynuhu balse wixii talaabo ee uu qaado uu ku fulayo amarka wasiirka wasaarada iyo agaasimaha guud. Marka aynu eegno ficilka iyo tacadiga lagula kacay Agaasimaha maamulka iyo lacagta wasaarada warfaafinta waxay ina tusaysaa in la majaro habaabiyay hawlihi hantidhawrka taasina waxay shacabka reer Somaliland u cadaynaysaa in xukuumada xisbiga kulmiye haday tahay xukuumadii siilaanyo iyo tan madaxwayne Biixi ay marwalba taargad ka dhigteen Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta oo isagu xilka kala mid ah dhamaan Agaasimayaasha maamulka iyo lacagta ee wasaaradaha iyo haayadaha dawlada oo mudo dheer iyagu xilalkaa haya. Hadii aan udhaadhaco ujeedada maqaalkaygan waxaan leeyahay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxaad dhawr jeer hadalkaaga kusoo dartay in dalku kala qaybsan yahay oo saamayn ay ku yeelatay doorashadii madaxtooyadu ee adiga aad kusoo baxday tartankeedii Mudane madaxwayne agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafintu wuxuu kasoo jeedaa gobolka Awdal gaar ahaan deegaanka degmada Dilla oo iyadu lahayd musharax madaxwayne kuxigeen ee xisbiga Wadani oo ah xisbigii aad doorashada kaga guulaysatay, hadaba ficilka ku kooban agaasime Xasan miyaan la odhan Karin wuxuu daba socdaa ka aar goosashada beelihii aan kuu codayn, ama waxaad haysaa jidkii Kulmiye ku caanka ahaa! Mudane madaxwayne waxaan kugula talin lahaa anigoo hadalkaagii la xidhiidhay kala qaybsanaanta bulshada iyo xanaftii ay reebtay doorashadu raacaya , ficilada socda wakhtigan iyo xadhiga ku gaarka ah Agaasimaha waaxeedka waxaan ku odhan lahaa hasii kala fogayn Somaliland iyo gobolka Awdal kana fiirso ficilka iyo falalka kasoo fulaya xukuumada oo muuuqda kuwo sii kala fogaynaya Somaliland iyo gobolka Awdal Mudane madaxwayne gobolka Gabiley ee aad kasoo jeedo waxaan ku odhan lahaa dhaxal uga tag oo hadii aad wax kale uqaban waydo ka shaqee wixii iyaga iyo reer Awdal isku soo dhawaynaya iyadoo lawada og yahay utuntii uu kala dhex dhigay kulmiye Gabiley iyo Dilla in aad dawayso ogowna waxkasta oo aad gasho in reer Gabileyna kula leeyihiin maadama ay tahay gobolkii sida wayn lagaaga doortay, Gabileyna hadii ay shalay ka aamustay dhacdooyinkii la ogaa ee kulmiye u horseeday maanta waxaan filayaa in aanay noqonayn daawade ficilada xukuumadaha kulmiye ku beegsanayaan agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta iyo caadaysiga falalka aan soomaliland danta u ahayn ee kulmiye ku sii kala fogaynayo inan iyo abtigii waxaana lagaaga fadhiyaa cadaalad iyo sinaan aad kumaamusho Somaliland balse aan ahayn kala qaadasho kursi iyo kala fogaynta shacabka reer Somaliland, ee walaalaha siiba gabiley iyo boorama. QALINKII; FARXAAN MAXAMED BARKHAD HARGAYSA SOMALILAND wajalenews@gmail.com . Qaran News
  9. (SLT-Hargeysa)-WasiirkiI Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Dr Cumar Shacayb Maxamed, ayaa ka digay xaalufin lagu hayo qaar ka mid ah Buuraha dalka, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu talaabo adag ka qaado dadka iyagu buurahan xaalufinta ku hayo ee dhagaxaanta iyo ciidda ka guranaya. WasiirkiI Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Dr Cumar Shacayb Maxamed oo Wargeyska Geeska Afrika soo gaadhsiiyey qoraal uu arintan ka hadlaya ayaa wuxuu u dhignaa qoraalkiisu sidan “Buuraha Magaalada ku dhex yaala shaqsi malaha cid gaari ahina ma laha ee waxay qayb ka yihiin bilicda iyo quruxda Wadanka, Magalooyinka iyo Deegaanada hadba ay ku yaalan, runtii Waxaad arkaysaa muddooyinkan dambe in Magalooyinka waxii Buur ku taalay in la boobayo, oo la jafaayo, waxaana dhab in darasaadaha kala duwan ee Caalamka laga sameeyey in Buuraha oo la gurtaa ama la qotaa inay khal-khal keenayso, waxaana ka dhalan kara dhas iyo siigo marka laga guro dhagaxantii, waxaanay sababi kartaa Cafimad daro weyn. Illaahay ayaa xigmad iyo miisaan uga dhigay dhulka. Waxay Babinta buuruhu Soo Dedejinayaa Cimilada Dhulka Oo Is Bedesha iyo dabaylo, markaas ma wacna in Buuraha la galiyo cagafayo baabinaya ciidii iyo dhagaxantii, mana wacna in khayraadka dabiiciga ah ee ALLE ina siiyey in dano shaqsiyana lagu baabinayo, horseedna laga noqdo in la dhalan rogo abuurta Illaahay ee ay ka mid yihiin Buuraha, oo wax tar balaadhan inoo leh, shaqsiyaadka iyagu sida gaarka ah Buuraha u qota waa inay ogaadan faa’iidada, waxtarta iyo qiimaha ay Buuruhu leeyihin, isla markaana waa inay ogadaan inay Buuruhu khariirada guud (Mapka guud) iyo ka istaaratiyada dhulkaba inay dhibaatooyin hor leh ka ilaaliyaan”. Mar uu Madaxweynaha iyo Wasaaradda Hawlaha guud uu baaq u diraayey ayaa yidhi “Madaxweynaha iyo Wasaaradda Hawlaha Guud waxaan odhan lahaa hadan laga hortegin oo awood Dawladeed iyo mid sharci aan wax lagaga qaban in dadka Buuraha qodonaya saamayn taban ayey inagu Keeni Doonto, Berbera Hargeysa Intaba Buurihii Shaqsiyaa Iska Mamusha. Buuraha qaar ayaa Chemico noqon kara, qaar ayaa noqon kara Macdan Wadanka u dana, ee Madaxwayne arintaa buuraha indhahaaga ku Soo eeg, Madaxweyne waa inaad talaabo adag, awood dawladeed iyo mid sharciba wax kaga qabataa xalufinta lagu hayo buurihii dalka, si aanay saamayn taban inoogu yeelan” Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Madaxweynaha Somaliya ugu baaqay inuu ka digtoonadu kana fiirsado hadalada ka dhanka ah Somaliland, ee ka soo yeedhaya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya ayaa yidhi “Farmaajo khalad bay ku ahayd inuu dawladnimada Somaliland maamul ku sheego, Somaliland waa qaran leh, Madaxweyne la doortay, oo waliba Shacabka reer Somaliland si xor iyo xalaal ah u doorteen, waxaana dalkan ka Madaxweyne ah Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, halka Farmaajo cid gaar ahi doortay, ee hore waxaa loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, ee Farmaajo intii Somaliland ku soo meeraysanayo waa inuu wax ka qabtaa halka uu maamulo, Somaliland dhabihii horumarka, guusha iyo ictiraafka ayey haysaa, ee midnimo dambe oo Somaliya la midawdo sinaba suurtagal ku noqon mayso, ee Farmaajo waa inuu ka fiirsada hadalada ka soo yeedhaya”. Source
  11. Afgooye (SMN) – Ciidamada ammaanka Afgooye ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka sameeyay gudaha degmadaasi. Howlgalladan ayaa yimid, kadib markii xalay Afgooye lagu dilay mid ka mid ah ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Diini Barre Cabdi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Al Shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah ka fuliya magaalada Afgooye oo 30 KM dhanka koonfur galbeed ka xigta magaalada Muqdisho. View the full article
  12. (SLT-Tunis)-Inta badan Madaxweynayaasha, Boqoradda iyo Amiiradda 22-ka Waddan ee xubinta ka ah Ururka Jamaacadda Carabta waxay ku sugan yihiin Caasimadda dalka Tunisia ee Tunis, oo la filayo inuu maanta uga furmo Shiweynihi 30-aad ee Madaxda Carabta. Boqorka dalka Sacuudiga iyo Amiirka dalka Qatar ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galaysa Kulankaasi, iyadoo uu labadaasi Dowladood ka dhexeeyo Khilaaf Diplomaasiyadeed oo soo taxnaa tan iyo sannadkii 2017-kii. Shirweynaha 30-aad ee Hoggaamiyayaasha Carabta ayaa waxay ka wada hadli doonaan Ajendayaal Xasaasi ah oo ay ka mid yihiin Xaalladaha Falastiin, Yemen,Libya, Faragelinta ay Dowladda Iiraan ku hayso Dalalka Gobalka, La-dagaalanka kooxaha loogu yeero Argaagixisadda iyo Qaddiyadda Buuraha Golan Haytis ee uu Madaxweynaha Maraykanka dhawaan u aqoonsaday qeyb ka mid ah Xudduudka Israel. Dhinaca kale, Madaxda la xaqiijiyey inay ka baaqdeen Ka-qeybgalka Shirweynaha Hoggaamiyayaasha Carabta ku leeyihiin dalka Tunisia waxaa ka mid ah: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, oo uu Kulankaasi u matalayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamaiga, Axmed Ciise Cawad oo horey uga qeyb galay Shirka Heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaadhayey Shirka Madaxda Carabta. Inkaastoo Madaxweyne Farmaajo lagu casuumay Kulankaasi, haddana ma kala cadda sababaha uu u xaadiri waayey Kulankaasi. Dhinaca kale, Madaxweynayaasha dalalka Algeria, Masar, Sudan, Imaaraadka Carabta, Boqorka dalka Moroko iyo Madax kale ayaan ka qeyb geli doonin Shirkaasi, iyadoo ay Wakiilo u matali doona Shirkaasi. Source
  13. Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa fashiliyay Waxna kasoo ogaaday nin lagu sheegay inuu yahay Sheekh ay Ehel dhaw yihiin Madaxweyne Muuse oo Jimcihii Dhawaa goob masaajid ah ka jeediyay Khudbad halis ku ah badqabka iyo Amniga Garyaqaan Guuleed Dafac. Guuleed Dafac ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga waxa uu kaga hadlay baadhis uu sameeyay oo uu ku soo ogaaday danaha Dhaqaale ee uu Sheekhaasi ku qabo Xukuumadda uu difaacayo iyo Qandaraas sifo sharci-daro ah Madaxtooyaddu u siisay Mashruuc Kutub Quraanka Kariimka ah oo lasoo daabcay bilawgii Xukuumaddan oo magaca Madaxweynaha lagu bixinayay, kaasi oo aan loo marin Sifihii Sharciga ahaa balse Qaab qabiil loo siiyay maadaama oo ay Madaxweynaha isku jufo hoose yihiin, waxaana muuqata inuu sheekhu itaalkiisa isleeyahay isagoo ilaashanaya Danihiisa dhaqaale, Xukuumadda ka difaac Goob madcab oo loogu talo galay In Alle SWT lagu Raaligaliyo. Qoraalkan ayaa Guuleed waxa uu ku yidhi “Ninkii maanta(Jimcihii) qudbada jimce kicinta ka sameeyey waxaan ogaaday inuu yahay ninkii qandaraaska aan la shaacin loona tartamin sida gaarka ah loogu siiyay kutubtii la soo daabacay ee magaca madaxwaynaha ku soo baxay. Waa shaqsi ku dhow madaxtooyada. Wuxuuna u isticmaalay guriga Ilaahay ee barakaysan dano siyaasadeed iyo inuu ka shaqeeyo qaarajintayda (assassination). Waxaa su’aal ah markaas dawladda uu ka ag dhow yahay ma la qabtaa mise lama qabto? Xidhiidhkiisa iyo weerarkiisa markaad eegto waan tuhunsanahay dawladda, hadii aanay iyadu iska beri yeelin. Waxaanna u arka shirqool habaysan. Hadii berigi hore la is xidhi jiray, malaha hada tanaan bedeshay”. Ayuu ku soo koobay Qoraalkiisa. Qaran News
  14. Al-Khoms (SMN) – Ciidamada ilaalada xeebaha Liibya ayaa sheegay in xeebaha dalkaasi ay ka soo badbaadiyeen illaa 117 ruux oo ay ku jiraan Muhaajiriin Soomaali ah. Sidoo kale Ciidanka xeebaha Liibya ayaa tilmaamay in Mmuhaajiriintan xilliga la soo badbaadinayay ay la socdeen Dooni kula qalibmatay badda magaalada Al-Khoms oo 120 KM u jirta Caasimadda Tripoli. Saraakiil ka tirsan dowladda Liibya ayaa sheegay in ay bad qabaan dhammaan Muhaajiriinta ay soo badbaadiyeen,balse ay u baahan yihiin kaalmo bani’aadanimo.. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Muhaajiriintani ay ka soo kala jeedaan dalalka Soomaaliya,Sudan,Itoobiya iyo Eritrea. Tan iyo markii ay dhacday dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Kornel Mucarmar Al-Qadaafi waxaa dalka Liibiya gaaray kumanaan Muhaajiriin ah, kuwaas oo qaarkood safaro halis ku mara badda Mediterranean-ka ee u dhaxeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibya. View the full article
  15. (SLT-Afghanistan)-Madaxweyne ku xigeenka Afghanistan Abdul Rashid Dostum ayaa ka badbaaday weerar ka dhacay Waqooyiga dalkaas oo lagu dilay mid kamid ah ilaaladiisa. Saraakiisha dalkaas ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah lagu qaaday kolonyo uu la socday Gen Dostum oo maraysay gobolka Balkh. Ururka Talibaan ayaa sheegay in ay qaadeen weerarkaas oo socday hal saac, ayna ku dhaawacmeen labo kale oo kamid ah ilaaladiisa. Waa iskudaygii labaad ee lagu doonayo in lagu khaarajiyo Gen Dostum tan iyo markii ninkan kasoo jeeda Qawmiyadda Uzbek ahaana qab qable dagaal uu kasoo noqday musaafuris uu dibadda ugu maqnaa. Bishii July ayay ahayd markii 14 qof lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul wax yar uun kadib markii uu dalka dib ugusoo laabtay. Waxaana weerarkaas sheegtay kooxda la baxday Dawladda islaamka. Gen Dostum ayaa kusoo biiray dawladda midnimada qaranka ee Afghanistan sanadku markuu ahaa 2014, waana siyaasi muran badan dhaliya. Wuxuu kamid ahaa raggii 2001-dii Maraykanka gacanta kusiiyey in uu Taliban xukunka ka tuuro waxaase lagu eedeeyey in uu falal waxashnimo ah ka gaystay dalkaas intii uu socday dagaalka sokeeye. Muddo sanad ka badan ayuu ku maqnaa Turkiga, kadib markii lagu eedeeyey in uu ciidamadiisa ku amray in ay afduubtaan oo ay fara xumeeyaan nin uu loollan xagga siyaasadda ah ka dhexeeyey. Waxa uu beeniyey eedaymahaas waxa uuna ku adkaystay in socdaalkii uu Turkiga ku tagay uu ahaa mid caafimaad. Soo laabashada Gen Dostum ayaa waxaa ka horreeyey qalalaaso ka dhacay gobolka uu kasoo jeedo, ayagoo taageeroyaashiisu ay dalbanayeen in uu soo laabto. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in madaxweyne Ashraf Ghani uu oggolaaday soo laabashadiisa si uu taageero uga helo qawmiyadda Uzbek kahor inta aanay dhicin doorashada madaxtinimo ee dhacaysa 28-ka September. Source
  16. (SLT-Guriceel)-Wararka imaanaya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dab xooggan uu saaka ka kacay goobo ganacsi ku yaala degmadaas. Dabkan ayaa la soo sheegayaa inuu ka kacay xarun ganacsi oo lagu magacaabo Beder, gaar ahaan qeybta shidaalka. Dabkan oo bilowday abaarihii lixdii subaxnimo ayaa weli socda, waxaana uu ku fiday dhismayaal kale oo ganacsi. Qaraxyada fuustooyinka shidaalka baasiinka ayaa la maqlayaa, waxaana is qabsaday uuro iyo holac. Sawirro laga soo qaaday goobta uu dabka ka kacay ayaa muujinaya baaxada dabka, waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu damiyo. Source
  17. (SLT-Yemen)-Ugu yaraan 2 qof ayaa geeriyootay, 5 kalena wey dhaawacmeen, kadib markii ay Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga duqeyn ka geysteen Gobalka Xajah ee W/galbeed ee dalkaasi. Sarkaal ka tirsan Golaha Deegaanka ayaa sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday guri ku yaalla xaafadda Dhahar Bani Xsaan ee Degmadda Abis, isla markaana lagu dilay 2 nin, laguna dhaawacay 5 kale oo ay ku jireen carruur iyo haween. Dadka ay waxyeelladdu soo gaartay ayaa la sheegay inay isku qoys ahaayeen. Isbahaysiga Sacuudiga weli kama ayna hadlin duqeyntaasi oo ah tii 2-aad ee toddobaadkan gudihiisa lagu dilay dad rayid ah. Dagaalladda ka socda dalka Yemen waxay galeen sannadkoodii 5-aad, iyadoo lagu ilay tobanaan kun oo qof, halka 3 million oo kalena ku barakaceen. Source
  18. (SLT-Slovakia)-Zuzana Cputova oo u ololeysa ka hortagga musuqmasuqa ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynanimada, iyada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay oo dalkaasi madaxweyne ka noqota. Ms Caputova, oo aan habayaraatee khibrad u lahayn siyaasadda ayaa si la yaab leh uga guuleysatay dibloomaasiga caanka ah Ms Maros Sefcovic oo u sharraxnaa xisbiga talada dalkaasi haya, waxayna Ms Caputova guusha ku raacday wareegga labad ee cod bixinta. Ololaheeda doorashada ayaa waxay u qaabeysay inuu tartanka uu dhex marayo Xumaan iyo Samaan. Doorashada dalkaasi ayaa imaneysa xilli ay sanad ka soo wareegtay dilkii loo geystay wariyaha caanka ahaa ee Jan Kuciak oo lagu yaqaanno inuu baaritaanno qoto dheer uu ku sameeyo xiriirka ka dhaxeeyo siyaasiyiinta iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca dalka Slovakia. Ms Caputova waxay sheegtay dilka Mr Kuciak iney ku kalliftay iney go’aansato iney doorashada madaxweynaha ka qayb gasho, oo inta badan doorkiisu yahay mid sharafeed oo aan awood badan lahayn. Dadki codadkooda ka dhiibtay doorashad dalkaasi 58% waxay codkooda siiyeen Ms Caputova halka Mr Sefcovic uu helay 42%. Waxayna Ms Caputova oo sharci yaqaan ah ay ku soo caan baxday marki ay hoggamisay dcwad ka dhan ah dowladda oo muddo 14 sano soo socotay. Ms Caputova ololaheeda doorashada wuxuu ahaa “haddii aan iskaashanno xuma waan ka guuleysaneynaa’ Haweeneydan hadda loo doortay madaxweynaha dalka Slovakia oo 45 jir ah waxay dhashay laba carruur ah iyada oo ka tirsan xisbiga liberal Progressive Slovakia party. Waddankasi oo uu aan weli sharci ka ahayn guurka labada jinsi ee isku midka ah iyo crruurta in cid ay dhalin ay korsato, ayaa la filayaa xisbigeeda inuu waxbadan ka beddelo. Waxaana musharraxaan soo dhigay oo uu matalayey xisbiga Smer-SD uu hoggaminayey Ra’sal wasaare Robert fico oo xilka iska casilay kaddib dilki loo geystay wariye Kuciak. Wareegga hore ee codbixinta Ms Caputova waxay heshay 40% halka Mr Sefcovic uu helay wax ka yar 19%. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta la filayaa in magaalada Tunis ee dalka Tunisia uu ka furmo shirka madaxda Jaamacadda Carabta oo ah midkii 30 aad oo ay yeeshaan madaxda Jaamacadda Carabta. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxda shirkaasi lagu casuumay ee ka baaqday inuu kamid yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka cudur daartay ka qeyb galka shirka. Shirka maanta furmaya waxaa dowladda Soomaaliya ku matalaya wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb galay shirkii wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta. Madaxweyne Farmaayo ayaa la sheegay inuu shirkaasi kaga cudur daartay xaaladaha ka jira dalka, gaar ahaan arrimaha amaanka magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi kaga wakiil ah wasiirka arrimaha dibadda. Shirkaasi waxaa markii ugu horeysay isku arkaya boqorka dalka Sacuudiga iyo amiirka Qatar oo khilaaf diblumaasiyadeed uu ka dhaxeeyo tan iyo sanadkii 2017, xiligaasi oo xulufada Sacuudiga ay xiriirka u jareen Qatar. Madaxda kale ee shirkaasi aan ka qeyb galeyn waxaa kamid ah madaxweynaha Masar, Sudan, Boqorada Imaaraatka Carabta iyo Morocco, waxaana dhamaantood ku matalaya xubno kale. Axmed Ciise Cawad ayaa hadal ka jeedin doono shirkaasi oo waxyaabaha looga hadlayo ugu horeeyaan xaaladaha Falastiin, Yemen, Libya iyo faragelinta IRAN la sheegay iay ku heyso dalalka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) oo sabtidii shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirar maalmahan ay kula jireen Madaxda Qaranka lagu go’aamiyay in la xoojiyo amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa sheegay iney bilowdeen howlgalo ay ciidamada amniga ka wadaan caasimadda Muqdisho,kaasoo lagu xaqiijianayo ammaanka magaalada,wuxuuna shacabka Gobolka Banaadir ka dalbaday iney la shaqeeyaan ciidamada amniga una fududeeyaan, maadama guri guri xaafadaha loo baarayo. “Waan dareemi karnaa culeysyo ka imaan kara haddii howlgalo la qaadayo oo guryihii la baarayo oo xaafadii la tagayo,taasna waxaan rabaa culeysyadaasi jira in dulqaad la muujiyo,anaga haddan maamulkii nahayna sidii shacabka loogu adeegi lahaa waxaan diyaarinay basas iyo gaadiid Aambalans-yo iyo wax allaale iyo wixii lagu taageeri lahaa shacabka gaar ahaan shacabkeenna tabaaleysan oo goobaha uu ka socda howlgalada saameyn ku yeelato,” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow. Sidoo kale,Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dadka Nugul sida Bukaanada,carruurta iyo waayeelada loo diyaariyay gaadiid lagu geeyo goobaha ay u baahan yihiin haddii ay saameyn ku yeeshaan xirnaashaha wadooyinka magaalada. ” Dadka uu saameyta ku yeesho howlgalka inta uu socdo lugta sida dadka waayeelka ah caruurta, iyo kuwa bukaanka ah kuwaas aan u diyaarinay gaadiid si meeshii ay rabeen loo geeyo, taas waxa aan u samayneyno ayaa waxa ay tahay mas’uuliyad weyn ayaa naga saran” Ugu dambeyntii,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa ku ammaanay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre sida ay mar walba ay u daneynayaan in shacabka loo dhimriyo loo naxo lagana difaaco dhibaatada soo gaareysa. Goobjoog News Source: goobjoog.com