Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,127
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maalintii dhawayd ee W/W/Biyuhu magacaabay Maareeyaha Wakaaladda biyaha ee Berbera xoog baa loo hanbalyeeyey , dadkaa wax hanbalyeynayeyna qaar kale ayaa qabsaday oo ku haystay hanbalyadda , maalintii dhawayd ee madax waynuhu wax magacaabayna qaarbaa wax hanbalyeeyey qaarna waa ku haysteen . Maantana magacaabistii u danbaysana sidaas oo kale , dad badan ayaa wax hanbalyeeyey kuwo kalena waa ku haysteenoo waxay lahaayeen maxaa u hanbalyeynaysaan , maalin walbana sidaas ayay u socotaa . Waxaase aad u cajiiba in odaygii Osman Omar Dool ka cabanayo in looga hiilayay nin dawlada ku jirra oo uu yidhi maxaa looga tegay ee loo raacin waayay Baska xil ka qaadista iyo inankii yaraa ee fariidka ahaa ee Mubaarik Kanadi oo isna lagga raacay hanbalyaddii . Waxaas oo dhamina waxay ka dhex socdaan Beeshii hogaanka u ahayd Mucaaridka Somaliland ee labadda Xisbi Mucaaridka mayalka u haysay ee lagga rabay in ay dariiq u jeexaan mucaaridada Somaliland si loogu soo hirto oo dadku usoo hiigsado . Hadiiba tallo , tusaale iyo toosin cidi u holato amaba soo jeediso waar sidaa ma yeelaa ama sidaa maka joognaana wuxuun baa ka kordhaya weerar iyo duulaan ,sidaa darteed anigu wuxuun baan leeyahay Sidii NebiMaxamed Naxariis iyo Nebed gelyo korkiisa ha ahaatee u yidhi ” Ilaahayoow dadkayga u denbi dhaaf waxba ma ogee ” .Ilaahayoow Tolkow u gargaar waad aragtaaye . W/Q: Ahmed Nuur Guruuje. Source
  2. Dhiirashadeeduna Waxay Ku Dhigmi Doontaa Taariikhda. Qalainka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto). Umada reerSomaliland waxay inbadan naadiyeen Dawladnimonidaamkeeda la isagadaba-yimaado oo kusaleysan islaxisaabtanlagu kala soocayolahaanshaha shakhsi wax-u-gaarah iyo Lahaanshahawax umadi wadaleedahay, Taasi oo ahHantidaQaran uu yadahaan u leeyahaymasuuliyadeedana ay hayaanshakhsiyaad muwaadiniin ahoo loo igmadeyheerkaydoonaanba hanoqdaane, Hadaba jaan-goyntaDawladnimada dhabta ahiwaa sida looisticmaalo Hantidaa Qaranka kadhaxeysa ama ayu maareeyaan hogaanadaloo igmadey, Waxaaneyku soo urureysaalaba qodob miduun ” DawladnimoxalaalaAma Dawladnimo xatooyadalagu heshiiyey”. In xatooyolagu heshiiyo aduunkawaxa looga yaqaanaaMusuq-maasuq (Corruption), Ooah faysarka dilaama bahdilaDawladnimadaumadahana ka xumeeyadhaqanka suuban iyohiigsiga san, Sidaaawgeed dilaagan Dawladnimadacadawga ku ahaad baa layskaga ilaaliyaa Caaalamkawaxana loola dagaalamaasi xag-jir ah,Dawladii ku sifawdaanama taaba-gashohogaankaiyo hilaaduna wayka xumaadaan taasooaakhirka sababta bur-burDhaqan-dhaqaale amaba middamiir ahaaneedba,Duwelkaaduunka koonkiisa kataliyaa waxay kudadaalaan in aaneysifadaasi ku suuroobinoo ay noqdaankuwo waadixaoolays xisaabiyo Islamarkaana ku dhaqmanidaamka Dawlad wanaagaiyo Is-xisaabinta, (GoodGovernance AndTransparncyAccountibility), Qodobkani ooisna noqonaya bartalagu kala soocowaxa loo dadaalayo. Dariiqa dhisidaDawladnimada iyo islaxisaabtanka nidaamkan isagooka duulaya ayuuMadaxweynaha JamhuuriyadaSomalilandMudane: Muuse BiixiCabdi dhaqan-galiyey kashaqaysiinta Hay,adaha baadhidaiyo daba-galka hantidaqaranka siayu gutaan waajibaadkooda shaqoee ay umadau hayaan waamudadan uu xilkahayo Madaxweynuhuye, Kadib dar-darshaqoiyo u kuur-galidaay hay,adu kusameysay lunsiga hantidaqaranka waxay iba-furteyHay,ado Dawliya ooamuurahaalaga helay,Waxaaney u mareensiiqadii shuruucda dalkayagoo la beegsadeyhay,adaha ay khusaysoiney talaabo kaqaadaanlunsiga hantidaqaranka iyo WalibaMadaxweynihii igmadey ooisagu majaraha uhaya hogaanka dalkaugu sareeyashaqadaninaay tahay Siyaasadiisahagitaaneed. Kumay koobnaantalaabadii fal-celinta Hay,adahaHanti Dhawrku qarankuay xukuumada ugud-bisey balse waxasidii loogutala-galeymarinkeedii ku hubsadeyHogaamiyaha Qaranka Somaliland,Isagoo ku dhiiradeyinuu xilka kaxayuubiyo xubnihiituhunkabaadhitaanku gorfeeyey kuwaasooka tirsanaa golahawasiirada xukuumada islamarkaana ka midahaa masuuliyiintiiugutunka-waa-weynaa, Waa talaabogeesi looma habranlaguma daawan wixiihay,adu hanti-dhawrku kusoo eedaysay,Marnabalaguma ixtiraamin reernimo,sheeko-caanteyn, iyokhayaaligii hore eesuurada dawladnimo inagasadheeyey,Xukuumadu yadootix-raacaysa aragtida ayaaminsan tahay siqurux badan ayeyu suura-galisey sumad ay caanku yihiindawladahaaduunku oo sharafiyo milgo weynu yeela markayhir-galiyaan, Waa raadsaameyn ku yeelandoona dalkeenawaxbadana ka baddelidoona nidaam dawladeedkaqaladka laga fahmay. Inkastoo shacab-weynuhu carab-baabaan dalkuwuu handaraaban yahaywaxa halkaa kamuuqata in intaugu badanshacabkadhaqanka laga xumeeyey,Soomaalida ayaa tidhaahda(Waxay na badeenwaxa nagaga daranwaxay bareen),Markaaumada waxa loosamaynayaa dhaqan-celin walaway ka cawdeenhadana waxay qudhiyo maan udareemayaan inMusuquyahay waxa kaliyaee dalkeena riiqeydawladihii hore eeisaga kala danbeeyey,Marka laga reeboxukuumadan maantataladadalka haysa ooyadu soo af-jarteywax kasta oomarin-habaab iyo mugdiah oo umadanlagu haloosiyey, Yagoobulshaduamuurahaa is-barkanka turjumaya hadanawaxay ilaa haatangarwaaqsan yihiin inuumadaxweynuhu talaabo geesinimoah kutalaabsadeyoo ay walibataariikhdu ku xusidoonto, Waa jawiguuleed ama qodobniyaayir oo ayxukuumadani asiibtaywaanku mahadinaynaa waananku bar-bar taagannahay Sareynta sharcigunawaa qabashada ruuxkastoo lala xidhiidhiyoina-han. Dhaqanka dawladnimoee dalka maanta albaabcusub ayaa ufurmey oo ahin masuuliyiintu gartaanwixii loo igmadeyin aaneyaheynquudashada hantida umadabalse ay tahayin ay ushaqeeyaan bulshadooda, Sidookale baqdin masuulkuka istaagoinuuwax-is-daba-mariyo kaliyaatana uuku eekaado soonahashaqadiisu u qeexdayisagoo waliba sicadaalada oobilaakhayaamo ah ugudanaya waajibaadkiisa, Rukunkaasinawaa bilicda amahanaan-sanida dawladnimada aynuraadinaynobaadi-goobkeeda buq-cadeenanyadoo aan laictiraafsanayn wax badanqabsatey hadii ayhir-galisey qodobkii kadhinaa waahubaalin ay noqonaysoJawharada Geeska Afrika,Waxyaabaha kale shuruudoodiiwaan camirnay balsetii aynukaliigaynayna Madaxweyne Muuseayaa hir-galiyey IlaaheyCimriga haw barakeeyee. Waa mucjisoin maanta dawladyar oo sooyab-yabmeysaa hindisto libinintaa leeg ooaaney cidi kucaawin ama aanlagulatalin, Ooay garteen Siyaasiyiinteedii, axsaabteedii, hogaankeediiiyo cidii masuuliyadeeda haysay,Waayo Madaxweynahadalkuwaxa uu kayimidey xisbi marnawaa hogaankii wakhti-xaadirkan dalkaugu sareeyey, Waxkastoo la fuliyaanawaaaragtidiisii amahilaadiisii siyaasadeed waananu bognay sidala wada ugsoonyahayna doorkaasi kucamal-falkiisu waaraadlagu raysan doonomudo aan dheeraynala dhitaysan doonoraandhiiskiisa, Ku dhawaadlabaataneeyo sanadoodmaantaaDawladnimo san inookaw ah sidaaawgeed waan kudhiirinaynaa Madaxweynaha Dalkawaxaanan u sheegaynaainSooyaalku xusidoono sadaro qaaliyanaku yeelan doonosafxadaha taariikhda walibakuwa dheemana. Qalinka: C/raxmaanSayid Faarax (Jeesto). Diplomatic Analysts Gabiley /Somaliland Email: Abdiraxmaanjeesto111@gmail.com Source
  3. The case of Somaliland and Somalia needs tough mind, strong stand and hard decisions. “I am sometimes a fox and sometimes a lion. The whole secret of a government lies in knowing when to be the lion and when to be the fox” Napoleon Bonaparte. According to what we experienced from the past events and considering what is going on at present, it is clear to every person that it is unlikely that any Government in Somalia will accept to approve and recognize Somaliland as a sovereign and free state in the foreseeable future. As we are nearing the 28th anniversary of our independence, Somalia is still claiming Somaliland as part of Somalia; and working hard with much effort to isolate Somaliland and impose sanctions on it. Somalia believes that Somaliland can only exist in a temporary limbo with this stable de jure independence, expecting it to vanish soon through forceful reintegration into Somalia; like the way of Chechnya vanished through forceful reintegration into Russia. Somalia is also consequently expecting Somaliland to collapse on its own in a very short time, becoming a forgotten footnote in history. History showed that Somalia was always the enemy of Somaliland and its people. All Somali leaders beginning from the union of the two territories have considered the people of Somaliland an inferior minority who do not deserve to rule or even take their part of the rule as Adam Adde did and the others followed his path up to the end. They considered that Somalilanders do not deserve to have a decision for their future, as their vote against 1961 constitutional referendum was neglected. They considered that Somalilanders’ claims do not deserve to be listened and were punished when they protested for their rights in the 1980-s. They considered that Somaliland people are the slaves and they are the masters. The authority in Mogadishu is now roaming around the world to diplomatically undermine our statehood; to get more sophisticated weapons aimed to reintegrate the two territories forcefully; and to do again the same acts that their elders did to the people of Somaliland; The best policy of good leaders to face the country problems whether internal or beyond its borders is to be realistic and see situations on their factual and real status on the ground. We don’t know when someone will emerge from Somalia, who has a good grip on the reality of the situations and understands what can and cannot be done; who understands that neither Somalia nor Somaliland is vanishing from the map and either of them cannot substitute its neighborhood with the other. We don’t know when a good leader will emerge from Somalia who can understand that envisaged unification from one side would not be succeeded ever; and any meaningless conflicts and hatred created between the two countries will end up only with long lasting regretful results. With this attitude full of hate and enmity from Somalia and its leaders on the ground, why Somaliland is always in Somalia’s favour and supporting every effort aimed at achieving peace, security and stability in Somalia? Why Somaliland is considering Somalia as its brother and neighbor, while Somalia is a frenemy to our development, existence and statehood? Alice Walker said “A person who demands your silence, or denies your right to exist and grow is not your friend”. Somaliland government should not lose any more time roaming around talks with Somalia. Seven years without any positive outcome that Somaliland achieved is enough. It is time for Somaliland to reconsider its sympathetic feelings and respectful responses toward Somalia; it is time to end tolerating Somalia’s endless aggressive responses; it is time to face toward Somalia with a realistic, tough hearted and militant leadership; it is time to take political offensives and actions that will make Somalia realize Somaliland has already practiced the confidence of its longevity. Though lack of recognition caused many important doors remain closed from Somaliland; but this does not change its principle to exist in this world as an independent state by its own people, for its own people, to its own people and within its own territory. Somaliland has already existed more than a quarter of a century without any help from the entire world; and will exist regardless of how long its recognition will take; as same as many other de facto states in the world have existed. The current political failures of Somaliland are because of its lesser and slow political maneuverings towards the countries in the region and towards the international community. This idle policy of our government helped Farmaajo achieve some political gains in the last two years. The case of Somaliland and Somalia needs tough mind, strong stand and hard decisions. If the government doesn’t make reorientation with its slow and stagnant foreign policy; and does not prepare a defensive strategy against Somalia’s enlarging threats; it is sure Somalia will succeed its policy of sanctioning us sooner or later. Leadership requires both a tough mind and tender heart. This reminded me of a French philosopher who once said: “No leader is strong unless he bears within his character antitheses strongly marked”; which means that a strong leader has a balance of opposites; he is both idealistic and realistic or militant and passive. A good leader knows when a tough mind, strong stand and hard decisions are required; and when a tender heart, sympathetic responses and caring decisions are needed. Napoleon Bonaparte’s quote is a fact to refer as he said “I am sometimes a fox and sometimes a lion. The whole secret of a government lies in knowing when to be the lion and when to be the fox”. The government of Somaliland can decide between whether it let darkness control her or it has to overcome it and make light; that is it’s time to put aside the philosophy of Somaliland- Somalia talks using the policy of late president Egal and president Rayaale. We have to remember that Somaliland received the highest political consideration from the region, from the continent and from the international community when Egal then Rayaale used the policy which closed the door hard on the face of Somalia; and worked to develop the unity, peace, governing institutions, constitution, democracy byelaws; and conducted peaceful one-man-one-vote- elections . At that time we reached the highest point of the Mountain of Politics, that the world put our case under consideration. But now we fell from the peak of that political mountain in to a very deep political cave; that even the nearest neighbor or Ethiopia closed the door from us. The major cause of this political setback is nothing but the unproductive talks Siilaanyo’s government began with Somalia; because our actions and behaviors within those talks looked like as if Somaliland is retreating from its declaration as an independent state. And that is why all the compassionate sympathizers and intercessors of Somaliland who pleaded the cause of our statehood, who were advocating for our country be recognized stopped to offer their supports. Falling down is an accident; but staying down is a choice. Why the government preferred to lie down so long on the ground while the time is running out, with no moving forward political steps taken for so long. The government of Somaliland should seek better integration into the international system as a de facto existing state; dealing with and putting our case in front of countries, institutions and even influential personalities that feel compassion and sympathy to Somaliland; and in front of all International & regional organizations. The government should conduct the elections on their scheduled time. I hope if the government puts much effort to this direction; it will improve the status quo and strengthen Somaliland’s de facto independence in the short-to-medium term and possibly make future recognition more likely. it’s time our leaders should use tough NO with confidence instead of very weak yes and bowing their heads; it’s time to make Somalia a forgotten footnote in history; it is the time our leaders should turn the switch to doing their other responsibilities like saving our country from the violence in the neighbors—solving the problem of water scarcity—securing essential food for all—advancing health services—quality education for all children—reducing income in equality—lifting people out of poverty—advancing economic growth…and an urgent recognition for Somaliland. These problems are one and the same fight; we need someone who has the gut to ignore Somalia; who can connect the dots between our above mentioned problems and has one solution for all these problems—that is a leadership with values thinking on national success only. Adam. Ali. Younis Email:aayonis@hotmail.com Qaran News
  4. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa baraha bulshada ku baahiyay Sawirkani uu ku weheliyo madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. Xidhibaan Nacnac oo sawirkan dadka kula wadaagey goordhaweyd bartiisa Facebook ayaa kusoo dul qorey sidan: “Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Mandellihii Somaliland H.E Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaa farxad ii ahayd in aan caawa kula caweeyo gurigiisa. Waxaan ilaah ka baryayaa in muddo noo kaa daayo. Axmed Siilaanyo hoggaamiyihii ruuxiga ee Somaliland” Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedka Beesha Arab oo uu hoggaaminaayo Suldaanka Guud ee Beeshaasi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Suldaan Diiriye ayaa waxaa ay si kulul ugu Hanjabeen Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Sulaadiinta ayaa waxaa ay si kulul uga hadleen waaran qabasho ah oo dawlada jabuuti u soo goysay Ganacsade Axmed Cismaan Geele taas oo la sheegay in dawladda Somaliland ka aqbashey dawlada Jabuuti, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Ma ah isku (Shandheyn ) ee waa (Xilka-Qaadis )Tallabada uu Madaxweynuhu qaaday. Waa Wasiiradihi la Tuhun -sanaa oo ilaa Agasimayaashoodii uu raaciyey qaarkood markaan ku ha Xilka-qaadis buuxda ku sameeyey .Waxa kale Madaxweynaha lagga sugaya in Tuhun kii Ummada soo gaadhay ee iminka uu Madaxweynuhu cadeeyey inuu ahaa mid jiray oo xaqiiq ah inuu Umma,u soo bandhigoo ,inta uu leegyahay ? Sidda jirta waa mid aad kor-ugu qaaday Xukumada Maanta, hadii ay so hufnaan ah u wajahdo wasaradaha Hantida-lunsiga laguu tuhmo amma ku dhaqaqay. Xagga Ummada and its and ayey u soo dhaweynaysa Madaxweyne Muuse haddii uu la Xisaabtan ka Golihisa Wasiirada iyo Sidda ay u Qabbanayaan Shaqada Qaranka ee loo xilsaaray amma Shaqadoodu tahay. Hasa yeeshe Ummadu ma doonayso arinka Wasiir Harti-lunsi ku dhaqaaqay inuu noqodo la Xisaabtinkiisu uun Xilka Qaadis kaliya,? Waa arin Ummadu aad u daneynayso in Madaxweyne Muuse ula Dhaqmo Golaha Wasiiradiisa si ka duwan tii soo jireynka ahayd ee Xukumadii hore ku dhaqmi jireen ee wasiirada Xatooyo-lunsiga ku kacay xilka uun lagga qaadi jiray siddaan na lagag hadhi-jiray . Ugu yaraan waxay doonaysa Ummadu inay mar uun arkaan Wasiirada Hanti-lunsiga lagaga qaaday Xilka Wasiirnimo in Sharciga la la tiigsado oo la soo taago Maxkamda. Waa ta Ummada jawaab buuxda ka siin karta inay Xukumada Muuse ,tahay mid Sharciga iyo Shuruucda Qaranku, leeyahay ku dhaqamysa isla markaanna ku qaadaysa qof kasto oo Xatooyo-lunsi Arinkiisu, yahay ama la xidhiidho Halka hadii uu Marayo Madaxweyne JSL Md Muuse Bixii Cabdi Arimahan la Xidhiidha labbada Wasiir ee uu Xilka ka ,Eryey Maanta waa yadidiilo cusub iyo Hanaan ,Hufan oo hagaagsan Jamhuuriyada Somaliland iyo ummadeed, uu bud-dhigi ugu horeyey dhagxiisi uu dhigaayo Madaxweynaha ah Qaranka Hogaanka u hayaa Muuse Bixii Cabdi . Waxay tallabada in Sharciga la la tiigsanyo cid gasha amma ku dhaqaqday Harti-lunsi , ka mid noqon doona kuwa u galla-diwaanka taariikhda oo lagu xasuusto, Md Muususe Bixi cabdi ,waa hadii uu garto oo uu uga soo dhalaalo sidda ay tahay markaanna ,Tixgelin iyo ku Dhaqankooda ba, kuna dhiirado ,Sharciga iyo Shuruucda Qaranka, sideed ba ay baal mari-jireen Xukumadii hore markaanna ahayd siyaabaha Xukumadaha hore u hogaamin jireen Dalka . Fikradaha iyo Aargtida xorta ah ee Muwaadinka . Abokorm@hotmail.co.uk Qorre: Abokor I Mohamud. Alle Mahad u Sugnaataya . Qaran News
  7. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirar ay yeesheen guddi hoosaadyada golaha wasiirrada ee tubaha horumarinta dhaqaalaha iyo amniga iyo cadaaladda. Shirka tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa lagu meel mariyay Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Taya-dhawrka oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha kadibna uu kasoo talo bixiyay garyaqaanka guud ee dalka. Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Taya-dhawrka ee maanta ay oggolaatay tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la hor geynayaa shirka golaha wasiirrada si ay u meel mariyaan uguna gudbiyaan baarlamaanka. Shirka tubta amniga iyo cadaaladda ayaa looga hadlay xaaladda amniga ee dalka, sare u qaadidda amniga caasimadda iyo qorshaha argagaxisada looga xoraynayo deegaannada ay uga suganyihiin dalka. View the full article
  8. NAIROBI, Kenya – Somalia’s al-Shabab Islamic extremist group says it has executed four men accused of spying for the British, Djibouti and Somali intelligence agencies. Al-Shabab announced the killings on its Andalus radio station on Sunday, saying they were carried out by a firing squad in a public square in Kamsuma, a town in the Lower Jubba region. The group’s spokesman said its recent spate of attacks on hotels in the capital, Mogadishu, have been part of its drive against Somali intelligence agents and other government officials who he said were staying at the hotels. “We don’t attack every hotel in Mogadishu, but those specific ones (hotels) attacked by Mujahideen fighters have got specific features meriting them for attacks,” said Sheikh Ali Mohamud Rage, on the rebels’ radio station. “A standard public hotel that civilians stay in is not protected by blast walls and soldiers. These apostates have got no distinct offices, and most of those men were killed at hotels they use as their offices,” he said, apparently referring to Somali government officials. Mogadishu has seen series of attacks by al-Shabab in recent weeks, highlighting challenges facing the Somali government, which said recently that it is considering imposing a state of emergency in Mogadishu to try to contain the attacks. Rage also said that the recent withdrawal of Kenyan forces, who are part of the multinational African Union forces in Somalia, from villages were made as result of increased attacks and deaths and budget constraints faced by the Kenyan government. Al-Shabab, which is al-Qaida’s East Africa affiliate, has fought for years to impose a strict version of Islam in the Horn of Africa nation. Despite losing territory in recent years, the extremist group continues to carry out deadly attacks in many parts of the country, especially in Mogadishu. A truck bomb there in October 2017 killed more than 500 people. Source: AP
  9. Somali government has fired the director in the Ministry of Foreign Affairs Abdulahi Dool, for calling for diplomatic ties with Israel. Mr Dool had tweeted “I support the diplomatic ties between Israel and Somalia. It is long overdue. Establishing diplomatic relations does not harm anyone but promote peace and corporation”. But the tweet was soon pulled down, with Mr Dool twitting after “views reflected are my own”. Recently, the government recalled it’s ambassador to the UN Human Rights Council after she abstained to vote on a resolution condemning the Israeli occupation of Golan Heights. Ambassador Faduna Abdullahi Mohamed was summoned to Mogadishu by the Foreign Affairs Ministry. Somalia was among 5 countries that abstained from voting which came one day after US President Donald Trump said the United States would recognize Israeli sovereignty on the Golan. Israel annexed the Golan in 1981 after capturing it from Syria in 1967. Trump’s comments make the US the first country to recognize that annexation. Source: Dalsan Radio
  10. Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia uga qeyb galayay meertada 30-aad ee shir madaxeedka ururka Jaamacadda Carabta ayaa bogaadiyay horumarada ka soconaya gudaha Soomaaliya. Mr Guterres oo Khudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa ugu horeyn ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda ay leedahay iskaashi dhexmara Qaramada Midoobay iyo dalalka ku mideysan ururka Jaamacadda Carabta. Sidoo kale, waxa uu xusay in Qaramada Midoobay ay marqaati cad ka tahay sida dalalka Carbeed ay magangalyo u siiyaan qaxootiga ka yimaada dalalka dariska. Antonio Guterres ayaa inta uu ku guda jiray khudbadiisa soo hadal qaaday xaaladda Soomaliya, waxaana uu amaan u jeediyay dedaalada ay wado dowladda ee ku aadan horumarinta qaranka. “Waa muhiim in la taageero dedaalada horumarka dhaqaalaha ee Soomaaliya, sidoo waxaa lama huraan ah maal galin lagu sameysto gudaha Soomaaliya, si ay uga soo kabato burburka dhaqaale ee soo gaaray,” ayuu yiri. Hadalka Guterres ayaa ku soo beegmaya xili la filayo in uu xoghayaha guud ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa oo soo magacaabo wakiilka UN-ka ee bedali lahaa Nicolas Heysom, kaasi oo dalka laga eryay. View the full article
  11. (SLT-Dararweyne)-Ciidamada Somaliland ayaa qabtay nin laga shakiyay kaas oo galay goobta lagu Tababaraayo dhalinyarada loo Carbinaayo barnaamijka shaqo Qaran ee deegaanka Dararweyne ku sugan. Ninka ayaa gashaday Dirayska ciidamada oo ay ku xardhan tahay derajada Kabtan. Waxa uu watay gaadhi mark 110 ah, waxana Salaan siiyay ciidamada iyo dhalinyarada goobta ku sugnaa. Qaar ka mid ah ciidamada ayaa ka shakiyay ninkan waxana la waydiiyay qaybta uu ka tirsan yahay isagoo sheegtay ciidamada madaxtooyada balse waxa uu garan waayay su’aalo laga waydiiyay. Aakhirkii waxa la ogaaday in uu Derajada iyo Dirayskaba nin ka soo xaday, xabsiga ayaana loo taxaabay. Weli lama sheegin ujeedka ninkan, baadhitaan ayaana socda. Source
  12. Boosaaso (SMN) – Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaliya Donald Yamamoto ayaa kulan la qaatay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni. Kulanka labada masuul ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxayna labada dhinac kawada hadleen amaanka,dhaqaalaha iyo arrimaha bin’aadanimada. Sidoo kale kulanka madaxweyne Deni uu la qaatay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland. Inta uu kulanka socday danjire Yamamoto iyo madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni ayaa isla soo qaaday taageerada xukuumadda Washington ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland. Si kastaba ha’ahaatee, kulanka ayaa looga hadlay horumarinta amaanka deegaanada maamulka Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo inta badan ay ka dhacaan falal amni darro. Safarka uu danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ku tagay magaalada Boosaaso ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee nuuciisa uu ku bixiyo deegaanada maamulka Puntland tan iyo markii safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay ka shaqa bilawday gudaha wadanka. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-31032019.mp3 View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Technology-da Somaliland ayaa uga digtay shirkadaha ,Hay’addaha iyo shakhsiyaadka aan fasax u haysan ee Isticmaala Raadiyaha gacanta (walk talk), Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland mudane C/laahi Abokor Cismaan ayaa xadhiga ka jaray xafiis ay wasaaraddu ku yeelanayso magaalada Boorama. Xadhig ka jarka ka dib waxa uu wasiirku kulan la yeehsy shaqaalaha wasaarada ee magaalad Boorama, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageystay isuduwaha wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka ee gobolka Awdal Kulmiye Cabdi, Guddoomiyaha gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali iyo maayirka magaalda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi. isuduwaha wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka ee gobolka Awdal Kulmiye Cabdi oo kulankaasi ka hadlay ayaa ka warramay muhiimada uu xafiiskani u leeyahay qaranka, wuxuuna sheegay in xafiiskani bixin doono liisamada gaadiidka ee gobolka. Dhankoodana, Guddoomiyaha gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali iyo maayirka magaalda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi oo halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyey wasiirka hirgelinta xafiiskan, waxayna tilmaameen in uu wax weyn ka tari doono baahiyaha bulshada magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal. Gabagabadii waxa uu wasiirku masuuliyiinta wasaaradda ee gobolka ku wareejiyey gaadhi Seeraf ah oo qayb ka qaadan doona horumarinta hawlaha xafiiska. Source
  16. Waxaa Mudooyinkii U Danbeeyay iyo bilowga xukuumada socod baradka ah ee madaxwayne Muuse Biixi Cabdi dhaqdhaqaaqooda aad loo dareemayay hanti dhawrka guud ee qaranka oo mudo dheer ahayd haayad fadhiid ah balse waqtigan xaadirka ah baadhitaano badan ka fuliyay qaar ka mid ah Wasaaradaha dalka iyo Xafiisyada dawladaha hoose qaarkood. Wallow ay bulshada reer Somaliland ku diirsadeen baadhitaanada lagula dagaalamayo musuq maasuqa iyadoo dhawaan eedo musuq maasuq loo xidhxidhay masuuliyiin ka tirsan xukuumada, walow talaabadaasi qaabkii loo maamulay ay kasoo baxeen aragtiyo kala duwan oo dareeno kala duwan ka bixinayaan shacabka reer Somaliland talaabada ay qaaday xukuumadu oo iyadu leh fulinta eedaha uu soo jeediyo hanti dhawrku! Iyadoo arimuhu sidaasi yihiin waxaa tamid in la xidho laba masuul oo ka mid ah wasaarada warfaafinta oo kala ah agaasimihii guud ee dhawaan iscasilay iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta, balse markiiba lasiidaayay agaasimihii guud halka agaasimihii maamulka uu kusii xidhnaa xabsiga mudo todobaad ah, Xadhiga uu ku kaliyaystay agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta ayaa keenay iswaydiimo faro badan oo dareeno culus ku kula abuuray shacabka reer somaliland gudo iyo dibadba, Ujeedadii uu u socoday hanti dhawrka guud ee qaranku maxaa badalay! Saamayn inteeg leeg ayay ku leedahay xukuumadu oo iyadu ah fulinta hawlaha qaranku? Waxyaabaha bulshada reer Somaliland ka yaabiyay waxaa kamida ah markii xadhigii iyo baadhitaanadii kusoo ururinteen agaasimaha maamulka oo isagu aan ahayn masuul uu magacaabo madaxwaynuhu balse wixii talaabo ee uu qaado uu ku fulayo amarka wasiirka wasaarada iyo agaasimaha guud. Marka aynu eegno ficilka iyo tacadiga lagula kacay Agaasimaha maamulka iyo lacagta wasaarada warfaafinta waxay ina tusaysaa in la majaro habaabiyay hawlihi hantidhawrka taasina waxay shacabka reer Somaliland u cadaynaysaa in xukuumada xisbiga kulmiye haday tahay xukuumadii siilaanyo iyo tan madaxwayne Biixi ay marwalba taargad ka dhigteen Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta oo isagu xilka kala mid ah dhamaan Agaasimayaasha maamulka iyo lacagta ee wasaaradaha iyo haayadaha dawlada oo mudo dheer iyagu xilalkaa haya. Hadii aan udhaadhaco ujeedada maqaalkaygan waxaan leeyahay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxaad dhawr jeer hadalkaaga kusoo dartay in dalku kala qaybsan yahay oo saamayn ay ku yeelatay doorashadii madaxtooyadu ee adiga aad kusoo baxday tartankeedii Mudane madaxwayne agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafintu wuxuu kasoo jeedaa gobolka Awdal gaar ahaan deegaanka degmada Dilla oo iyadu lahayd musharax madaxwayne kuxigeen ee xisbiga Wadani oo ah xisbigii aad doorashada kaga guulaysatay, hadaba ficilka ku kooban agaasime Xasan miyaan la odhan Karin wuxuu daba socdaa ka aar goosashada beelihii aan kuu codayn, ama waxaad haysaa jidkii Kulmiye ku caanka ahaa! Mudane madaxwayne waxaan kugula talin lahaa anigoo hadalkaagii la xidhiidhay kala qaybsanaanta bulshada iyo xanaftii ay reebtay doorashadu raacaya , ficilada socda wakhtigan iyo xadhiga ku gaarka ah Agaasimaha waaxeedka waxaan ku odhan lahaa hasii kala fogayn Somaliland iyo gobolka Awdal kana fiirso ficilka iyo falalka kasoo fulaya xukuumada oo muuuqda kuwo sii kala fogaynaya Somaliland iyo gobolka Awdal Mudane madaxwayne gobolka Gabiley ee aad kasoo jeedo waxaan ku odhan lahaa dhaxal uga tag oo hadii aad wax kale uqaban waydo ka shaqee wixii iyaga iyo reer Awdal isku soo dhawaynaya iyadoo lawada og yahay utuntii uu kala dhex dhigay kulmiye Gabiley iyo Dilla in aad dawayso ogowna waxkasta oo aad gasho in reer Gabileyna kula leeyihiin maadama ay tahay gobolkii sida wayn lagaaga doortay, Gabileyna hadii ay shalay ka aamustay dhacdooyinkii la ogaa ee kulmiye u horseeday maanta waxaan filayaa in aanay noqonayn daawade ficilada xukuumadaha kulmiye ku beegsanayaan agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta iyo caadaysiga falalka aan soomaliland danta u ahayn ee kulmiye ku sii kala fogaynayo inan iyo abtigii waxaana lagaaga fadhiyaa cadaalad iyo sinaan aad kumaamusho Somaliland balse aan ahayn kala qaadasho kursi iyo kala fogaynta shacabka reer Somaliland, ee walaalaha siiba gabiley iyo boorama. QALINKII; FARXAAN MAXAMED BARKHAD HARGAYSA SOMALILAND Source
  17. Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo. Kulanka uu Madaxweynaha Puntland la qaatay safiirka maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka warbixiyey kulanka. “Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31 Maarso 2019 booqasho ku yimid Boosaaso safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Ambassador Yamamoto isaga oo la kulmay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda”. “kulankaas oo looga wada-hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani aadan-tinimada, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay loogana falanqooday taageerada dalka maraykanku siiyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee la xiriira taageerada dhanka amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka, shirkaas waxaa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan.
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ugu baaqay inuu ka fiirsado oo uu ka feejignaado “hadallada qaranimada Somaliland lidiga ku ah ee uu ku hadlo.” Wasiir Faratoon ayaa wax gaf ah ku tilmaamay ereyga uu madaxweyne Farmaajo mar walba u adeegsado inuu dawladnimada Somaliland ku sheego ee ah “maamul.” “Farmaajo khalad bay ku ahayd inuu dawladnimada Somaliland maamul ku sheego, Somaliland waa qaran leh, Madaxweyne la doortay, oo waliba Shacabka reer Somaliland si xor iyo xalaal ah u doorteen, waxaana dalkan ka Madaxweyne ah Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland” ayuu yiri Faratoon. Waxa uu intaas ku daray “Farmaajo cid gaar ahi ayaa doortay oo lama mid ahn Muuse, ee hore waxaa loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, ee Farmaajo intii Somaliland ku soo meeraysanayo waa inuu wax ka qabtaa halka uu maamulo, Somaliland dhabihii horumarka, guusha iyo ictiraafka ayey haysaa, ee midnimo dambe oo Somaliya la midawdo sinaba suurtagal ku noqon mayso, ee Farmaajo waa inuu ka fiirsada hadalada ka soo yeedhaya.” Hadalladan cusub ee Faratoon ugu jawaabay Farmaajo ayaa sii kala fogeyn kara labada dhinac, xilli la isku dayayo inay wada-hadallo kale isugu yimaadaan, kuwaas oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Mudanayaasha golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda sagaal-biloodka ee sannadkan 2019 ay ku shaqeyn doonto xukuumadda Puntland Fadhiga Baarlamanka oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa 38 kamid ah ogolaatay miisaaniyadda oo dhan $54,000,450 (konton iyo afar malyan taasoo uu todobaadkii hore soo gudbiyay wasiirka Maaliyadda. Hal xildhibaan ayaa diiday mid kalena waa ka aamusay waxaana guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Dhoobo uu ku dhawaaqay in ay ansax tahay miisaaniyadda. Halkan ka daawo sida ay u dhacday ansixinta PUNTLAND POST The post Full: Sidee u dhacday ansixinta miisaaniyadda Puntland? appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti balaadhan [...] Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Daah furay mashruuca waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo laga hirgelinayo 17 Degmo ee Gobolka Banaadir. Daah furka mashruucan ayaa ka bilowday Degmada Xamar-Jajab, gaar ahaan waaxda Gaheyr, iyadoo ujeedku yahay in guud ahaan xaafadaha Caasimadda laga hirgeliyo si kor loogu qaado nadaafadda iyo bilicda Caasimadda. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in tallabadani ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Maamulka Gobalka Banaadir uu ugu talagalay in 17-ka Degmo looga hirgeliyo dhismaha waddooyinka Xaafadaha, isla-markaana Xamarjabjab ay maanta nasiib u yeelatay in lagu bilaabo barnaamijkaan. Eng. Yarisow ayaa ku booriyay dadweynaha Caasimadda in ay u istaagaan dib u dhiska dalkooda, si loo soo celiyo bilicdii ay Caasimaddu caanka ku ahayd, isagoo uga mahadceliyey Dawladdaha iyo Hay’adaha gacanta ka geysanaya hirgelinta mashruucan. Sidoo kale, munaasabadda dhagax-dhigga waddada waxaa hadallo ka jeediyay Guddomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka, Xaghayaha Guud ee Maamulka iyo Guddoomiyaha Degmada X/Jajab, iyagoo xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dhismaha waddadaan bulshada ku nool Dagmada Xamar-jabjab.
  22. Safiirka iyo madaxweynaha Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa maanta booqday, magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Kulanka labada mas’uul oo warbaahintu dibadda ka joogtay, ayaa looga hadlay taageerada Maraynkanku siiyo Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland ee dhinacyada, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimaha banii’aadanimada. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxman Dhabancad oo kulankaasi ka warbixiyay ayaa sheegay in qodobadii laga hadlay la isku afgartay,islamarkaana kulanka ku soo dhammaaday jawi wanaagsan. Booqashada safiirka Maraykanku ku tegay magaalada Boosaaso oo aan la sii shaacin ayaa qaadatay saacado kooban waxaana markiiba uu dib ugu noqday magaalada Muqdisho. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Safiirka Maraykanka oo booqday magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  23. Jowhar (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay xaaladaha amni ee deegaanada maamulkaasi ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in laga taageero sugida nabad galyada gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe. Maxamed Cabdi Waare ayaa tibaaxay in ay isku xiran yihiin amniga Shabeelooyinka iyo Banaadir, sidaa daraateedna loo baahan yahay in loo istaago hab mideysan oo la’isaga kaashan karo sugida amniga guud ee gobolladaasi. Sidoo kale waxa intaasi ku daray in marar badan DFS uu kala hadlay qorshe la xariira sida wax looga qaban karo ammaanka, islamarkaana uu rajo ka qabo in la fuliyo. Hadalka ka soo yeeray madaxweynaha HirShabelle ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe falal ammaan dari ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedyada dalka. View the full article