-
Content Count
208,150 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa maanta lagu ballansanaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay xaruntooda magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa ee Kalfadhiga Shanaad. Guddoonka golaha shacabka ayaa shaaciyey in kulankaasi uu baaqday sababo la xiriirta kooram la’aan sida lagu shaaciyey barta uu golahan ku leeyahay Facebook. Go’aanka guddoonka ayaa ah mid la shaaciyey iyadoo aanay xildhibaannada isku imaan, islamarkaana la ogaan karin in kooramka buuxsami lahaa iyo in kale. Waa kulankii Labaad oo ka baaqda xildhibaannada golaha shacabka iyadoo dalka uu ku jiro xaalad adag oo dhanka ammaanka ah. Kulanka maanta waxaa looga hadli lahaa warbixin laga dhegeysan lahaa guddiga dib u eegista dastuurka, hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka iyo sidoo kale eegista qodobkii ay xildhibaannada qaar codsadeen in ajendaha lagu soo daro ee ah arrimaha amniga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kalfadhiga 5aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ka furmaya xaruntooda magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu furo kalfadhigan, isaga oo todobaadkii hore furay sidoo kale kalfadhigii 5aad ee golaha shacabka. Inkasta oo kalfadhiga labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ay furmeen hadan kama dhaxeeyo wax xiriir ah. Wada shaqeynta labada aqal waxaa ku xiran howlo badan oo muhiim u ah doorashada soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (PP) ─ Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka fuliyeen deegaanno ka tirsan hoostaga degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe, halkaasoo ay gacanta ku hayso Al-shabaab, waxaana duqeyntan ka hadlay maamulka Jubbaland. Sarkaal u hadlay Jubbaland ayaa sheegay in duqeynta laga fuliyay qaar ka mid ah deegaannada ka tirsan degmada Bu’aale ay khasaar kasoo gaartay xubno ka tirsan Al-shabaab. Afhayeenka wwasaaradda Amniga Jubbaland, C/nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in duqeynta si gaar ah loola beegsaday xero ay degmada Bu’aale ku leeyihiin Al-shabaab, laguna dilay xubno uu ku jiray sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo kasoo jeeda Kenya. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa intaas in maamulka Jubbaland uu ku hawlan yahay baarista duqeyn xalay lala eegtay saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin tuulooyin hoostaga Bu’aale oo uu sheegay in qaarkood gawaari lagu gubay. Dhanka kale, Al-shabaab weli kama hadlin duqeynta iyo warkan kasoo baxay maamulka Jubbaland, waxaase horay deegaannno ka tirsan kuwa ay gacanta ku hayso Al-shabaab ka dhacay duqeymo khasaare badan geystay. Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab ayaa isku dayaya inuu xoojiyo dagaallada uu kula jiro maamullada dalka ka jira iyo dowladda dhexe, inkastoo haatan ay u muuqato Al-shabaab inay awood ahaan hoos u dhacday. PUNTLAND POST The post Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Booliiska Somaia ayaa xalay hawl-gallo baaritaanno ah ka sameeyeen degmooyin badan oo ka tirsan gobolkan Banaadir, waxaana uu hawlgalkan billow u yahay qorshe lagu sugayo amniga Muqdisho sida ay ka dhawaajiyeen mas’uuliyiinta Dowladda dhexe. Tallaabadaan ayaa ka dambeysay, kaddib muddo todobaad ah oo Muqdisho ay ka dhacayeen weerarro, dilal iyo qaraxyo ay waxyeellada ugu badan ka soo gaartay dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha la weeraray iyo halka ay qaraxyada ka dhaceen. Ciidamada hawlgalka sameyayay ayaa sawirradooda lasoo dhigay baraha ay ku xiriirto bulshada, iyagoo hawl-galka ku jira ayaa waxaa la arkayay iyagoo baaraya guryaha qaar iyo alaabta dhex-taala, halka shacabka waddooyinka maraya iyagana la baarayay. Guddiga amniga ee loo xilsaaray ammaanka Muqdisho, kuwaasoo ka kooban wasiirro, saraakiisha ciidan iyo maamulka gobolka Banaadir, ayaa ku kulmay saldhiga Degmada Wadajir, iyagoo ka hadlay xaaladda ammaan iyo hawl-gallada socda. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Ammaaka iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sheegay in guddiga ay ka hadleen xaaladda ami ee Muqdisho, sidoo kalena ay kormeereen goobaha ay hawl-gallada ka socdaan. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay soo jeediyeen baahiyaha ay qabaan ciidamada qaar, waxaana uu xusay in xaafadaha qaar ee Muqdisho ay weli hawl-gallo ka socdaan, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay muujiyaan dulqaad. PUNTLAND POST The post Hawl-galo lagu Xaqiijinayo Amniga oo laga billaabay Degmooyinka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa inuu furmo kal-fadhiga shanaad ee golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Somalia, kaasoo guddiga joogtada ah ay go’aamiyeen in Maanta uu furmo. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu furo kal-fadhiga shanaad ee Aqalka Sare, waxaana kulankan ay ahayd inuu furmo 16-kii bishii aan ka soo gudbnay ee Maarso, balse uu u baaqday safarkii uu Madaxweynaha Jabuuti ku yimid Muqdisho. Dhawaan ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu furay kal-fadhiga shanaad ee xildhibaanada Aqalka hoose, waxaana furitaanka kulamada Aqalka Sare uu kusoo aadayaa xilli khilaaf uu ka dhex-jiro labada Aqal ee Baalamaanka DF, kaasoo aan weli xal waara laga gaarin. Sidoo kale, Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay maanta, waxaana xiran waddooyinka qaar ee Muqdisho, iyadoo lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo xaqiijinaya amniga. Ugu dambeyn, Furitaanka Kal-fadhigan shanaad ee Aqalka sare ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maanta uu baaqday fadhigii koowaad eek al-fadhiga shanaad ee Aqalka Hoose, kaasoo uu khudbad ka jeedin lahaa guddoomiyaha baaramaanka Somalia. PUNTLAND POST The post Kal-fadhigii shanaad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka oo Maanta furmaya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la adkeeyay amaanka xarunta xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka oo ku taala degmada Shibis ee gobolka Banaadir, iyadoo ciidamo badan la dhigay waddooyinka gala aqalka sare. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furaya kalfadhiga Shanaad ee xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka, waxaana la filayaa inuu khudbad u jeediyo xildhibaanada aqalka sare. Waxaa muuqata in khilaafkii u dhaxeeyay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka inaan la xalin, taasina waxay dhalisay in xildhibaanada golaha Shacabka gaar loogu furay kalfadhigooda. Xildhibaanada aqalka sare ee baarlaaanka ayaa qaarkood waxay baraha bulshada kaga hadlayeen furitaanka kalfadhigooda iyo shaqooyinka adag ee horyaala inay ugu horeeyaan arrimaha amaanka dalka. Furitaanka kalfadhiga Shanaad ee aqalka sare ayaa saameeyay kulanka maanta xildhibaanada golaha shacabka ku lahaayeen magaalada Muqdisho. Dhawaan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu furay Kal-fadhiga 5aad ee Xildhibaanada golaha Shacabka,waxaana furitaanka Maanta ee Kulanka Aqalka Sare uu kusoo aadayaa xilli khilaaf uu ka dhex jiro Baarlamaanka labada Aqal Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyey,waxaana xiran wadooyinka qaar ee Muqdisho, iyada oo lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa xalay agagaarka Baar Ismaaciil degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya. Askartan ayaa markii la dilay kadib waxaa la sheegay in kooxihii hubeysnaa ay horay uga sii qaateen hubkii ay wateen, iyagoona goobta isaga baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halkaasi, waxaana ay ka bilaaabeen howlgallo ballaaran oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay dilkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in baaritaanada lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen dhacdadaasi. Taliyaha saldhigga Booliska Afgooye oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in natiijada ay shaacin doonaan marka ay soo gabagabeeyaan howlgallada ay wadaan. Degmada Afgooye oo 30 KM K/ Galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay saldhigga degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kulan ku qaatay guddiga golaha wasiirada ee loo xil saaray ka soo talo bixinta qorshaha amniga Caasimadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi. Sidoo kale waxa shirkan qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir. Kulanka ayaa diirada lagu saaray, sidii ay wada shaqeyn dhab ah u dhexmari laheyd shacabka iyo hay’adaha amniga Soomaaliya. Guddigan oo heer wasiir ah ayaa waxaa dhawaan magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana xubno ka ah wasiirada Amniga, Gaashaandhigga, Ganacsiga iyo Bartoolka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Masar Oo Urur Ay Hoggaamiso Ka Saartay Somaliland Kuna Soo Dartay Soomaaliya Haatana Garwaaqsatay Inay Somaliland Ku Soo Darto Hargeysa (Somalilandtoday)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horreysay sheegtay in dawladda Masar mawqifkeedii ku aadanaa Midnimo Soomaaliyeed, isla markaana ay si weyn u danaynayso Kheyraadka Somaliland iyo sidii ay Masar iyo Somaliland isaga kaashan lahaayeen arrimo door ah iyo waliba in dhawaan dalka ay yimaadaan wefti culus oo ka socda dalka Masar, kadibna Madaxweynaha JSL uu socdaal ku tegi doono dalkaasi si uu ula soo kulmo dhigiisa. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada JSL Md Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa ka warramay socdaal hawleed oo uu ku tegay dalka Masar iyo kulamo uu la yeeshay masuuliyiinta dalkaasi, waxaanu yidhi “Saddexdii cisho ee aanu halkaasi joognay runtii si milgo iyo sharaf leh ayey noo soo dhaweeyeen, kulamo badan ayaanu la yeelanay dawladda Masar, kuwaasi oo ay ugu horreysay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dalka Masar gaar ahaana Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi Md Xamdi oo markaasi ahaa ku simaha Wasiirka, waxa kale oo aanu la kulanay Md Abubakar oo ah ninka u qaabilsan arrimaha Afrika, iyo waliba Ninka u qaabilsan hay’adda Partner and Devolopment, waxaanu la qaadanay kulan aad u ballaadhan oo ay ku jireen Wasaaradda Difaaca”. Waxaanu intaasi ku daray, “Waxaanu ka wada hadlaynay danaha labada waddan oo ah Dhaqaalaha, Siyaasada, Waxbarashada, Caafimaadka”. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadu waxa kale oo uu sheegay inay Dawladda Masar kala hadleen Urur ay hoggaamiso oo Somaliland laga reebay oo lagu daray Soomaaliya, iyo waliba arrinta Badda Cas, “Markii aanu ka hadlaynay arrimaha Geeska Afrika, waxaanu kala hadalnay arrinta Badda Cas, waxaana jira isbaheysi la yidhaa Ururka Midowga Arrimaha Badda Cas oo ay hoggaamiso Masar, oo laga reebay Somaliland isla markaana lagu daray Soomaaliya, sidaasi awgeed aad ayaanu ugala hadalnay, runtiina way soo dhaweeyeen oo way nala qaateen in Badda Cas ay tahay Somaliland, markaa way nala qaateen in kulamada danbe ee ururkaasi inay Somaliland ka qayb qaadato oo joogto”. Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay arrimo kale oo heshiis ka gaadheen, “Waxaanu isla qaadanay in fursadaha Waxbarasho iyo Tababbarada dublomaasiyadeed ay dawladda Masar bixiso in lagu soo daro Somaliland, iyo in aanu iska kaashano arrinta amniga”. Dhinaca kalena, Wasiir Gaaxnuug waxa iftiimiyey inay Masar danaynayso Kheyraadka Somaliland, “Waxyaalaha ay dawladda Masar aadka u danaynayso waxa ka mid ah Cuntada sida Xoolaha Nool iyo Kalluunka, markaa isfaham wanaagsan ayaanu ka gaadhnay waxaana laga yaabaa in saddexda toddobaad ee soo socda ay Somaliland yimaadaan Wefti culus oo ka socda dalka Masar, waxaana qasab noqon doonta haddii ALLE yidhaa in marka ay habboonaato ay labada Madaxweyne kulmaan oo uu Madaxweynaha JSL uu tego dalka Masar si uu ula kulmo Madaxweynaha dalka Masar”. Ugu dambayntiina, Wasiir Liibaan ka hadlay isbeddel ku yimid aragtida siyaasadeed ee Dalka Masar oo ku aadan Somaliland iyo Soomaaliya, “Runtii, Masar waxay ka mid tahay waddamada adduunka ee aaminsanaa midnimada Soomaaliya, balse hadda ku qancay inay arrintaasi tahay riyo aan rumoobayn, markaa si cad ayaanu uga wada hadalnay oo waanu u sheegnay in aanu hore Somaliland ahaan aanu ahayn dadkii jeclaa inay Soomaali midowdo ka hor 1960kii, waxayse noqotay riyo aan shaqaynayn markaa Masar waxay ku qanceen Wasaaradooda Arrimaha Dibada iyo Dawladooduba in midnimo Soomaaliyeed oo hore u dhicisowday oo laysku keeni kari waayey shantii Soomaaliyeed ee gobolkan kuwada dhaqnaa, markaa in aanay Somaliland iyo Soomaaliya na aan la isku qasbi Karin, doodo dhaadheerna waanu ka yeelanay waxaanay u muuqataa mawqifkii Masar ee Somaliland iyo Soomaaliya inuu isbeddelay”. Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada JSL Md Liibaan Yuusuf Gaaxnuug Source
-
Boosaaso (SMN) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo booqday xeryo ay ku jiraan Ciidamo dheeraad ah oo ka mid ah kuwa badda ee maamulkaasi ayaa kula dardaarmay difaaca xeebaha Puntland iyo ka hortaga dhibaatooyinka ka jira halkaasi. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale u mahadceliyay saraakiil ka socoto howlgalka AMISOM iyo Imaaraadka oo tababar siiyay Ciidamadaasi. Saciid Cabdullahi Deni madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo maalmihii dambe booqasho ku marayay deegaanada Ggobolka Bari ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso oo uu ka bilaabay kulamo uu ugu kuur galayo xaaladda guud ee gobolkaasi. View the full article
-
Tunis (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo matalaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa khudbad ka jeediyay shir madaxeedkaka Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalada Tunis ee caasimadda Tunisia. Wasiir Cawad oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay shirka ayaa ka warbixiyay horumarrada iyo caqabadaha ka jira Soomaaliya. Waxa uu wasiirku sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumarro wax ku ool ah oo muuqda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, Federaalka, Dib u heshiisiinta, Dib u eegista Dastuurka, amniga iyo dib u heshiisiinta. Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siisay xoojinta kaalinta haweenka iyo dhallinyarada, iyadoo u sameysay shaqo abuur maadaama ay qeyb weyn ka yihiin bulshada Soomaaliya. Danire Axmed Ciise Cawad ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta in ay dar-dar geliyaan dhammaan go’aannadii iyo arrimihii Soomaaliya khuseeyay ee horay loo gaaray, si ay Soomaaliya ugu guuleysato dib u dhiska iyo horumarinta dalka. “Waxaan ka codsaneynaa walaalaheenna carabta in la fuliyo go’aannadii Soomaaliya khuseeyay ee lagu qaatay shir madaxeedyadii hore sida: Cafinta deymihii dibadeed ee Soomaaliya lagu lahaa, Taageeridda Miisaaniyadda Dowladda, Dib u dhiska,taageeridda hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo dhowrista midnimada iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya” ayuu ku yiri khudbaddiisa Danjire Axmed Ciise Cawad. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo la xiriira dalalka carabta sida Falastiin, Liibiya, Suuriya. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay in dadka Falastiin helaan xaqooda iyo dowladdooda xorta ah Dhanka Suuriya waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageereyso midnimada dhuleed ee Suuriya, waxa uuna tilmaamay in buuraleyda Golan Heights ay tahay dhul Suuriya leedahay oo ay xoog ku haysato Israel. Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay taageereyso dadaallada dowladda sharciga ah ee Liibiya ku dooneyso inay nabad ku soo dabbaasho Dalkeeda. Waxa uu kaloo tilmaamay in dowladda Soomaaliya bogaadineyso dadaalka beesha caalamka iyo Ergayga QM ku doonayaan xal u helista colaadda ka taagan Yemen. Wasiir Cawad ayaa cambaareeyay Naceybka ka dhanka ah Muslimiinta ( Islamophopia) ee ka socda dalalka galbeedka, waxa uuna ku tilmaamay nooc ka mid ah cunsuriyadda. Waxa uu ammaan gaar ah u jeediyay dowladda New Zealand sidii ay u maareysay xasuuqii dad muslimiin ah loogu geystay labo masjid oo ku yaalla dalkaas. View the full article
-
(SLT-Washington)-Maanta waxa magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka ka furmeya shir sanadle ah oo ay Muslimiinta Mareykanka isugu yimaadaan iyaga oo la kulmaya sharcidajiyeyaasha dalkan, madax kale iyo waliba ururo Muslimiin ah oo gobollada kala duwan ee dalkan xarumo ku kala leh. Ururada Muslimiinta ah ee ka qaybgalaya kulankan waxaa ka mid hay-adda Ayaana oo kulmiso masaajid u badan kuwa ay Soomaalidu maamusho oo dalka dacaladiisa ku kala yaal. Maxamed Khayre Jaamac, xoghayaha Masjidka Abubakar ee Takwila, gobolka Washington iyo Maxamed Xussen Xaaji oo xubin ka ah gudiga masaajidka waxa ay ka mid yihiin ergada Muslimiinta ah ee ka qaybgaleysa kulankan. Source
-
(SLT-Bangladesh)-Haweeney u dhalatay dalka Bangladesh oo 20 sano jir ah ayaa dhashay labo carruur oo mataano ah kadib 26 maalmood markii ay umushay curadkeedii oo ahaa wiil. Sida ay sheegtay Dr Sheila Poddar oo ah madaxa qeybta cudurada haweenka ee isbitaalka Ad-Din, gabadha la yiraahdo Arifa Sultana ayaa si caadi ah wiil ku umushay bishii February isbitaalka Ad-Din ee magaalada Dhaka. Hase yeeshee Sultana ayaa afar toddobaad kadib ku soo laabatay isbitaalka iyadoo ka sheeganaysa calool xanuun. Balse markii ay dhakhaatiir baaritaan ku sameeyeen iyadoo lagu baaray computer ayaa la ogaaday in ay leedahay uur kale. Dhakhaatiirta oo aad u la yaabay dhacdadan ayaa qalliin ku sameeyay gabadhan, waxayna ka soo saareen caloosheeda labo carruur ah oo wiil iyo gabar ah, kuwaasoo caafimaad qaba. Waxaa la ogaaday in haweeneydan ay leedahay labo ilmogaleen oo wiilka hore uu ku jirey ilmo galeen gaar ah halka mataanahana ay ku jireen ilmo galeen kale. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in hooyada umushay saddexdan carruurta ah iyo ilmaheedaba ay caafimaad qabaan. Xigasho: CNN Source
-
Kismaayo (SMN) – Laamaha amniga ee Jubbaland ayaa ka hadlay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab oo laga sameeyay deegaano ka tirsan maamulkaasi. Afhayeen u hadlay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in weeraro qorsheysan ay ku qaadeen saldhigyo Al Shabaab ay ku lahaayeen gobollada Gedo, iyo Jubbooyinka, islamarkaana khasaare ay ku gaarsiyeen. Sidoo kale waxa uu xusay howlgalladan ay barbar socdeen duqeymo diyaaradeed oo lagu bartilmaaameedsanayay xarumo ay ku sugnaayeen Al Shabaab. Ciidamada Jubbalanadoo garab ka helaya kuwa dowladda iyo AMISOM ayaa todobaadyadiii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo milatari ka waday K/ Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SM) – Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu furmo Kalfadhiga shanaad Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Qaban qaabada munaasabad lagu daah-furayo Kalfadhigan ayaa haatan si habsami leh uga socota magaalada Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda Qaranka,Wakiilo ka kala socda Beesha caalamka, maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale. Kalfadhiga shanaad xildhibaanada Aqalka Sare waxaa horyaalla hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Labo jeer oo hore ayuu baaqday furitaanka Kalfadhiga shanaad ee Aqalka Sare, sababo la xariira arrimo farsamo aawgeed. Dhinaca kale waxaa saaka xiran dhaq dhaqaaqa qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ayaa la soo dhoobay waddooyin dhowr ah oo u muhiim u ah dadweynaha, kuwaas oo dib u celinayo gaadiidka BL-ka iyo kan gaarka loo leeyahay. Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshe cusub oo lagu sugayo ammaanka guud ee degmooyinka gobolka Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-01042019.mp3 View the full article
-
(SLT-Tunis)-Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud waxa uu hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu maanta ka jeediyey Shirweynaha 30-aad ee Hoggaamiyayaasha dalalka Carabta uga furmay caasimadda dalka Tunisia ee Tunis. Waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay inay Dowladda Syria lagu taageero milkiyadda ay u leeyihiin Buuraha Golan Haytis oo qeyb ka ah dalka Syria, iyo inaan loo hibeyn karin Israa’iil. Boqorka Sacuudiga waxa kale oo ka hadlay Mowqifka dalkiisa ee Falastiin, wuxuuna xusay inay taageersan yihiin in Dolwad Falastiini ah laga dhiso Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa, iyadoo caasimadna u noqon doonto Bariga magaalladda Quddus-ta La-haysto. “Arrinta Falastiin waxay figta sare kaga jirtaa Ajendaha Sacuudiga, ilaa ay dadka Reer Falastiin ka helayaan Xuquuqdooda Sharciga iyo inay yeeshaan Dal laga dhiso xuduudkii sannadkii 1967-dii: ayuu yiri Boqor Salmaanka Sacuudiga. Dhinaca kale, Afhayeenka Shirka Madaxda Carabta, Maxamuud Al-khameyri waxa uu sheegay inay Hoggaamiyayaasha Carabta carrabka ku adkeeyeen Nabad lala gaaro Isreal, iyadoo lagu beddelanayo inay ka wada baxaan dhulalka ay ka haystaan guud ahaan Ummadda Carbeed. Source
-
(SLT-Ankara)-Doorashadii Guddoomiyayaasha degmooyinka iyo Golayaasha deegaanka oo Axadii shalay ka dhacday dalka Turkiga ayaa ahayd mid adag oo uu xisbi xaakimka Erdogan ee AK party dadaal ugu jiray inuusan lumin awooda ay ku leeyihiin magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Turkiga. Natiijada horudhaca ah ayaa muujineysa in xisbiga AK ee Erdogan uu lumiyey kuraas badan oo uu ku lahaa golayaasha deegaanka ee qaar kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn sida Ankara, Izmir iyo waliba Istanbul. Magaalada caasimada ah ee Ankara oo ay ku xoogan yihiin xisbiyada mucaaridka ayaa gebi ahaan ka baxday gacanta xisbi xaakimka AK, hogaamiyaha mucaaridka Ankara Mansur Yavas ee isbaheysiga xisbiyada mucaaridka Nation Alliance ayaa helay in ka badan 50% cododka. Magaalada sadexaad ee Izmir ayey sidoo kale isbaheysiga mucaaridka codod badan ka heleen, waxaana loolankaasi guusha ku raacday murashaxa mucaaridka Mustafa Tunc Soyer oo helay in ka badan 58%, halka murashaxa xisbiga AK party Nihat Zeybekci uu helay in ka badan 38%. Natiijada codbixintii magaalada ugu weyn ee dalkaasi ee Istanbul ayaa weli la sugayaa iyadoo ay labada dhinacba ay sheeganayaan guulo. Dhinaca kale xisbiga AK party iyo xulafadooda xisbiga Nationalist Movement Party (MHP) ayaa sheegay in ay si weyn ugu guuleysteen magaalooyinka kale, halka Isbaheysiga mucaaridka oo ka kooban labada xisbi Republican People’s Party (CHP) iyo Good Party ay codod badan ka heleen sadexda magaalo ee ugu waaweyn oo ay ku jirto caasimada Ankara. Guulaha mucaaridka gaaray ayaa la sheegayaa inay la xariirto dib u dhaca ku yimid dhaqaalaha dalka Turkiga sanadihii lasoo dhaafay, arrintaasi oo si weyn u dhaawacday ololihii doorashada ee xisbi xaakimka AK party. Source
-
(SLT-Algeria)-Nin ganacsade ah oo magac ku leh dalka Algeria ayaa isaga oo doonaya inuu ka tallaabo xadka dalkaasi la leeyahay Tunisia la qabtay, sidaana waxa tebisay warbaahinta maxalliga ah. Cali Xaddaad waxa uu ka mid yahay ragga ugu hodansan dalka isla markaana muddo dheer taageerayey Madaxweyne Cabdelcasiis Bouteflika, oo haatan cadaadis weyn lagu saarayo in uu xilka ka dego. Dadka mudaharaadaya ayaa waxay dalbanayeen in Bouteflika uu xilka ka dego. Salaasadii ayaa taliyaha milatariga ee awoodda badan, Jeneraal Axmed Qaa’id Salaax, waxa uu ku tirtirsiyey madaxweynaha bukaanka ah inuu is casilo. Warbaahinta Algeria waxay sheegtay in Xaddaad oo 54 jir ah, isla markaana haysta baasaboor Ingiriis ahi uu sitay lacag badan markii la qabtay isaga oo doonaya inuu soohdinta kaga tallaabo baabuur, aroornimadii hore ee maalintii Axaddii. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la shaaciyay baaqashada kulanka xildhibaanada baarlamaanka ay ku yeelan lahaayeen maanta magaalada Muqdisho, kadib qoraal lasoo dhigay Barta Facebook ee Golaha shacabka. Qoraalka ayaa lagu xaqiijiyay inuu baaqday kulanka maanta oo ajandayaasha looga hadlayay ay kamid ahaayeen hadal jeedinta guddoonka baarlamaanka iyo dhageysiga warbixinta guddiga dib u eegista Dastuurka. Arinta cajiibka ah ee la shaaciyay ayaa ah in kulanka uu u baaqday KOORAM la’aan, waxaana dad badan isweydiinayaan sida lagu ogaaday in Kooramka uusan dhameyn, maadaama xildhibaanada aysan xaadirin (Tagin) xarunta golaha shacabka. Qoraal kasoo baxay guddoonka golaha shacabka ayaa u qornaa sidan:- “Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta oo isniin ah loo balansanaa ayaa baaqday xaqiijin guntin (kooram) awgeed”. Xildhibaanada dhaliilsan siyaasadda xukuumadda ayaa horey u sheegay in kulanka maanta oo Isniin ah lagu balansanaa ay kula xisaabtamayaan xukuumadda Soomaaliya, islamarkaana ay mooshino keeni doonaan. Waxaa sii kordhaya xildhibaanada mucaaradsan Xukuumadda kuwaasi oo ka carooday baaqashada kulankii koowaad ee Kalfadhigaan Shanaad, waxaana la ogeyn talaabada ay xildhibaanada qaadi doonaan. Xildhibaano badan ayaa dhaliilsan hanaanka hay’adaha amaanka kaga shaqeeyaan magaalada Muqdisho, waxaana ay doonaan in dad loo ciqaabo amni daradii ugu dambeysay ee ka dhacday magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa adeegsatay xeelad ay uga gudubto sharciyada ku hareereersan xaaladda deg degga ah ee la geliyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Xaaladdan deg deg ah, ayaa waxaa lagu go’aamiyey kulan ay habeenkii jimcaha Villa Somalia ku yeesheen Farmaajo iyo Kheyre, sida ay horey u shaacisay Caasimada Online, hase yeeshee waxaa walaac laga qabayo qaabka loogu dhowaaqayo. Sida aan xogta ku sheegnay waqtigaas, Farmaajo iyo Kheyre ayaa si gaar ah uga walaacsanaa, in baarlamanka uu ansixin waayo iyo sidoo kale in beesha caalamka ka hor-timaado arrintan. Dastuurka ayaa dhigaya in xaaladda deg degga ah uu ku dhowaaqi karo kaliya madaxweynaha, marka codsi uu u soo jeediyo Golaha Wasiirrada, taas oo markaa ka dib ay kaga doodi karaan, oo ayna ku ansaxin karaan, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka muddo 21 maalmood gudahood ah ka dib marka lagu dhawaaqo xaaladda. Si kastaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in maadaama ay xildhibaano badan ku kacsan yihiin dowladda, ay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha adeegsadeen xeelad ah in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu magaalada isaga geliyo xaaladda deg degga ah, si aan loogu baahan sharciyadda baarlamanka. Sidoo kale, maadaama Yariisow uusan sharci u haysan inuu xaalad deg deg ah ku dhowaaqo, oo uu dastuurka awooddaas siinayo madaxweynaha kaliya, waxaa sidoo kale la sameeyey farsamo labaad, oo ah in Yariisow uusan adeegsadan ereyga “xaalad deg deg ah”, balase uu si dadban u geliyo magaalada. Arrintan ayaa waxaa fahmay xildhibaanada qaar oo ku tilmaamay sharci-darro. Senator Ilyaas Xasan Cali oo ka tirsan aqalka sare ayaa qorala uu soo dhigay facebook ku yiri “Dasturkii ayaan dhaweyd la lahaa waa la xadey miyaa markale laxadey kii aan heysaney meelna ugama oolin Gudoomiye Gobol oo Xaalad degdeg ah soo rogaayee Sida uu qabo qodobka 131aad faqradaha 1aad ilaa 7aad ee Dastuurka KMG, Xaalad deg deg ah waxaa waddanka ama qayb ka mid ah lagu soo rogi karaa keliya haddii ay dhacdo xaalad ba’an oo dagaal, weerar ama mubiibo ayadoo loo marayo habraac gaar ah” Si kastaba, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa Muqdisho geliyey xaalad deg deg ah, ayaga oo si farsamaysan u baal-maray dhammaan sharciyaddii ku hareereesnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa wajahaya dhibaatooyin adag oo siyaasadeed iyo kalsooni darro uu ka qabo dhinacyada uu u dhaxeeyo ee kala ah Ahlusunna iyo dowladda Soomaaliya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Madaxweyne Xaaf maalin hore Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu siiyay talooyin siyaasadeed oo ku aadan Mustaqbalkiisa, waxaana sidoo kale loo sheegay in uusan heysan haba yaraatee difaac siyaasadeed. Xaaf ayaa lagula taliyay in uu qaato lacag dhowr MALYAN ah oo islamarkaana uu is-casilo, hadii uu diidana ay dhici doonto in DF-ka Soomaaliya ay xil u magacaawdo Shaqsi uu wato hogaamiyaha Ahlusunna Macalim Maxamuud kaas oo ah Wiilkiisa Cabdisamad Macalim Maxamuud. Hadii ay dhacdo Cabdisamad xil loo dhiibo waxaa meesha ka bixi doona culeeska DF-ka Soomaaliya ka heesta Galmudug sababtoo ah waxaa u suurta galaysa in ay milkiso laba dhinac ee Cadaado iyo Dhuusamareeb. Madaxweyne Xaaf ayaa ka fekeraya in lacataasi qaato ama in uu qamaar ku ciyaaro Kalsoonida uu ku qabo Ahlusunna oo hada ah xubnaha kaliya ee Galmudug ku haya Madaxweyne Xaaf. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu dalbaday in marka hore loo soo fasaxo lacag dhowr MALYAN ah oo ay DF-ka Soomaaliya ka xayirtay maamulkaasi mudo ku dhow Sanad, kadibna uu ka fekeri doono nuuca go’aanka uu qaadanayo ee ku saabsan Mustaqbalkiisa siyaasadeed ee dhinaca Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ka soo horjeestay marti qaad ay u sameysay dowladda Soomaaliya ka hor 10-ka bisha April ee sanadkaan 2019. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa casuumaad u dirtay 5ta Madaxweyne maamul gobaleed ee kala ah Puntland, Galmudug, Jubbaland, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed waxaana diiday laba kamid ah, halka 3da kale ay ogolaadayn. Madaxweynayaasha HirShabeelle, Koonfur Galbeed ayaa ogolaaday, halka Axmed Madoobe uu markii hore ku sugnaa Muqdisho islamarkaana uu sii joogi doono kana qayb gali doono Shirka sida ay sheegayn mas’uuliyiin katirsan Villa Somalia. Shirka loo balamiyay madaxdaan ayaa ku saabsan sidii looga tashan lahaa Shir kale oo bisha April ka dhacaya dalka Mareykanka kaas oo looga hadlayo deyn cafinta Soomaaliya. Shirkaas Soomaaliya waxaa uga qayb galaya Rayasl Wasaare Xasan Cali Kheyrre, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo mas’uuliyiin kale. Saciid C/llaahi Deni, Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa sheegay in uusan ka soo qayb gali karin shirka looga wacay Muqdisho, sababtuna waxa uu ku sheegay in uu ku aadan yahay xiligii uu aadi lahaa marti qaad uu ka helay madaxda dalka Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu sheegay in uusan ka qayb geli doonin ilaa laga qaado cunaqabataynta dhaqaale oo ay bilooyin ka horsaartay Dowladda Soomaaliya. Xaaf ayaa sheegay in ay saarantahay cunaqabatayn dhaqaale iyo dhibaatooyin kale oo ay ku heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana uusan waxba kala socon deyn la cafiyay ama la cafin doono ilaa ay Soomaaliya ka hagaagto. Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shirkaan ogolaaday ka qaygalkiisa waxa uuna wadahadal kula jiraa Dowladda Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa iska ilaalinaya khilaaf in uu yimaado inta ay wadahadalada u socdaan DF-ka iyo Maamulka Jubbaland. Madaxweynayaasha KG iyo HirShabeelle waxay si nadiif ah uga soo jawaabayn casuumadii uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana labadaan Madaxweyne ay saaxiibo dhow layihiin Villa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay bilaabay baaritaanka xaafadaha magaalada Muqdisho, kadib markii dhawaan guddoomiyaha gobolka Banaadir uu balanqaaday in la sameyn doono baaritaano adag. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ciidamada ay bilaabi doonaan baaritaan guri walbaa oo ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana xalay laga bilaabay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Ciidamada Booliska ee dhawaan la geeyay degmada Warta Nabadda ayaa xalay baaritaan guri guri ah ka bilaabay xaafadaha Neeshinka, Oorfane iyo Baariyow oo ka wada tirsan degmada Warta Nabadda. Saraakiisha ciidamada amaanka ee degmada ayaa warbaahinta u sheegay in baaritaankaasi looga gol leeyahay in lagu raadiyo haddii ay jiraan hub lagu dhex qarsanayo xaafadaha iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad xiriir la leh Al Shabaab. Guddoomiye Yariisow ayaa maalmo ka hor shaaciyay in howlgaladaan ay sameyn doonaan ciidamada amaanka, kadib todobaad qaraxyo ay marti gelisay magaalada Muqdisho. Waxaa dhagxaanta lagu sii badiyay isgoysyo markii hore ciidamada amaanka ay joogeen, waxaana la xiray meelaha qaar si gaadiidka ay kaga soo gudbin iyadoo wali ay jirto cabsida dhanka amaanka ah. Iyadoo sidaasi magaalada u kala xiran tahay ayaa haddana waxaa dhacaya dilalka qorsheysan oo ay fulinayaan xubnaha taageersan Al Shabaab iyo qaraxyada dadka gaadiidka loogu xirayo. Cabsi dhanka amaanka ee ka jirta magaalada Muqdisho ayaa sababtay in waddooyin badan la xiro, ciidamo badan la geeyo waddooyinka qaar iyo in baaritaankaan ay sameeyaan ciidamada amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors