Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,187
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-01042019.mp3 View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Caateeye, ayaa bartiisa Twitterka ku beeniyay warqad baraha bulshada lagu faafiyay. Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa wuxuu beeniyay warqad la sheegay in uu isagu saxeexay wakhtigii uu joogay wasaaradda cadaaladda taas oo lagu amray in lagu soo xidho mid kamid ah ganacsatada Somaliland. Wasiirka Cabdiqani Caateeye ayaa waxa uu sheegay in ciddii warqadaa qortay ay cadow ku tahay jiritaan Somaliland. Source
  3. Sadex Qalad oo uu Madaxwayne Biixi ka galay habraaca diblomaasiyadda ee qaranka: ×××××××××××××××××××××××××××××××××××× Hakan Ka Daawo: 1. Xil ka qaadista uu dhawaan madaxwaynuhu ku sameeyay laba safiir [wakiil dal], iyada oo aan waligeed la arag madaxwayne yidhaahda safiir ama wakiil xilkii waa aan kaa qaaday oo ducaqabe xilku waa meerto ee nabadeey iyo carraabo wanaagsan! Madaxwaynahuhu xaq uma laha xil ka qaadis safiir ama qunsul, marka xilka laga qaadayo waxaa jira hab maamuus ama protocol loo maro, kow waa in wasiirka khaarajigu uu diblomaasigaa u yeedhaa kuna soo celiyaa wasaaradda arrimaha dibedda isaga oo u qoraya warqad ah in looga baahan yahay wasaaradda shaqadii uu dalkaa uu joogay ka hayayna ay soo dhammaatay. Safiirku marka ay warqadaasi soo gaadho waxa uu war gelinayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka uu joogo kadib waxaa loo samaynayaa sagootin sharafeed uu madaxwaynaha ama wasiirka khaarajiga la kulmayo, waxaana lagu sii maamuusayaa casho sharafeed laguna soo casuumayo safiirada dawladaha kale ee dalka ku sugan, diblomaasigaasi waxa uu ku soo xaroonayaa muddo aan ka badneyn 30 cisho. 2. Curfiga dawliga ah ee dhanka magacaabista xilalka safiirnimo waxaa leh guddida joogtada ah ee wasaarada arrimaha dibada iyo wasiirka arrimaha dibada, safiirka ay isla qaataan in dawlad heblaayo loo magacaabo ayaa la hor gaynayaa madaxwaynaha magacaabis-tiisa iyo CV-giisa oo dhammaystiran markaas ayaa uu madaxwaynuhu saxeexaa ama diidaa isaga oo qoraya sababta uu ku diiday. Safiirka la soo celiyay marka uu dalka yimaado, waxa uu si toos ah uga hawl galayaa wasaaradda arrimaha dibada, intaa kadib ayaa madaxwaynaha iyo wasaarada arimaha dibadu xaq u leeyihiin in ay qoraan warqada layidhaahdo soo jeedin safiir, waxa ayna maraysaa saddex sallaan kadib ayaa uu madaxwaynuhu saxeexaa digreetada safiirka cusub ee ka soo fushay wasaaradda arimaha dibada. Waraaqaha diblomaasiyada dalka xafiiska madaxwaynaha lagama soo curiyo ee way ku dhammaadaan, Madaxwaynuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu si toosa ah u magacaabo 10% safiirada dalka isaga oo aan la tashan wasaaradda arimaha dibadda waxaana kamid ah masuuliyiina loo yaqaano oo macruufka ah sida:- Taliaha sirdoonka qaranka. Taliyaha ciidanka Milatariga. Xeer ilaaliyaha guud iyo Guddoomiyaha maxkamadda sare. 3. Xil beddelka uu madaxwaynuhu ku sameeyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibada oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Masar casuumad rasmi ahna ka helay dhigiisa dalkaa, xil beddalkan oo dhabar jab weyn ku ah xidhiidhka cusub ee somaliland iyo Masar waxa aan aaminsanahay in dawlada Masar iyo dhammaan dawaladaha indhaha ku hayay safarka wasiir kuxigeenka ku joogay Qaahira in ilaa shalay su’aalo badan ay iska weydiinayeen. Ugu dambayn madaxwaynaha waxa aan xasuusinayaa in xil kaqaadistii uu ku sameeyay saddexda wasiir ee wasaaradahoodii lagu soo eedeeyay musuqmaasuq ee uu ku qancay in uu xasaanadda ka qaado in ay ahayd in uu digreetada ku caddeeyo “kadib markii musuq maasuq la idinku soo eedeeyey, eedeymaha hordhaca ahna aan ku qancay waxa aan goaan saday in aan xilalkii qaranka idinka xayuubiyo” ee aanu u eryin sidii masuuliyiinta caadiga ah. Wali sixid baan la joogaa, saxarkii qaloocdaba! Alaa mahad leh. . Amb Ahmed Safiina X/X/D/C/I/W/I/EE XISBIGA WADDANI Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu dambeyn maanta furay kalfadhigga 5-aad ee Aqalka Sare ee baarlamanka, kadib saacado dood iyo buuq ah. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa markii hore u diiday in Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, uu furo Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka Sare, kadib markii ay ka hor-yimaadeen xildhibaanada. Muddo saacado ah ayaa la sheegay in ay taagneed dood culus oo ku saabsan awoodda uu u leeyahay Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre, in uu furo Kalfadhiga Aqalka Sare. Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Raysal Wasaaraha uusan awood u lahayn, Dastuurkana ku qorneen in Raysal Wasaaraha furo Kalfadhi ay leeyihiin Baarlamaanka Soomaaliya, sidaas darteedna uu yimaado Madaxweynaha Soomaaliya. Senatoro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in maanta lagu ballansanaa Madaxweynaha Soomaaliya uu furo Kalfadhiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya balse mar dambe loo soo diray Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, taasi oo ay aad uga hor-yimaadeen. Si kasabata murankan ayaa markii dambe la xaliyey, ayada oo dhinacyadii ku sugnaa Aqalka Sare ay go’aamiyeen in Kalfadhiga uu furo Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyrre iyadoo la ogyahay in aysan sax ahayn. “Raysal Wasaaraha iyo Guddoonka Aqalka Sare iyo Xubno wasiiro ah muddo saacado ah ayey ku shirsanaayeen xafiiska Guddoomiyaha, dood dheer kadib waa loo fasaxay Kheyre” ayuu yiri Senetor la hadlay Caasimada Online. Dhamaan khudbadihii ay jeediyeen Madaxdii ka qayb-gashay Munaasabadda ayaa laga dareemayay in khilaaf iyo dood ay ka dhalatay ka soo qaybgalka Munaasabadda Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre. Dhinaca kale, senator-ada qaar ayaa ku adkeystay diidmadooda, waxayna isaga tageen xarunta markii Kheyre loo ogolaaday inuu furo khudbadda, waxaana la sheegay in khudbaddisia ay ka maqnaayeen qaar badan oo ka mid ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID ayaa duulaan ku tilmaamay arrinta la xidhiidha ganacsade Axmed Cismaan Geelle, oo xukuumadda Jabuuti doonayso in ay dacwad kaga furto Maxkamadaha Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Ankara)-Xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa guul-darrooyin xooggan ay ka gaadheen doorashooyinka dowldaha hoose ee dalkaas, ayada oo looga adkaaday magaalooyinka waa weyn ee dalka. Musharaxa xisbiga mucaaradka ee duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu ayaa 28,000 oo cod ka horreeya musharaxa xisbiga AKP ee talada haya Binali Yildirim, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga sare ee doorashada, Sadi Guven. Natiijada doorashadii dhacday axaddii, ayaa muujineysa in xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP uu sidoo kale lumiyey magaalada Ankara, taasi oo lama filaan noqotay. Imamoglu ayaa ku guuleystay 4,159,650 oo cod, halka musharaxa xisbiga AKP, ahna ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Binali Yildirim uu helay 4,131,761 oo cod, ayada oo ay hareen kaliya 84 sanduuq codadkooda oo aan weli la tirin. Labada musharax ayaa mid walba uu guul-sheegtay saacado kadib markii ay soo xidhantay codbixinta magaalada ugu weyn ee dalkaas ahna xarunta dhaqaalaha dalka. Xisbiga Erdogan ayaa sidoo kale looga adkaaday magaalada Izmir, hase yeeshee taasi waxay ahayd mid la filayey, maadaama ay mucaaradka ku xooggan yihiin. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in ay fashilmeen wadahadaladii u dhexeeyay xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI. Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, oo WADDANI u hadlay ayaa sheegay in natiijo la’aan ay ku soo dhamaadeen wadaxaajoodkaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dad u badan dhalinyaro ayaa waxaa Maanta ay baanbax ka dhigayaan qaar ka mid ah Isgoysyada waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyaga oo cabasho ka muujinaya darawal Mooto Bajaajle ah oo la dilay. Askari ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa agagaarka Isgoyska Dabka waxa uu ku dilay darawal Mooto Bajaajle ah, isaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday. Dadka banaanbaxa dhigaya oo u badan Darawalada Mooto Bajaajka ayaa markii hore waxa ay ku banaanbaxeyn Isgoyska dabka, hayeeshee Ciidamada Booliska Saldhiga Waaberi ayaa rasaas kusoo kala Eryay. Goordhow ayaa waxaa ay banaanbax ka bilaabeen Isgoyska ceelgaabta ee degmada Xamar Jajab, waxaana Wadada bartankeeda ay ku gubeen taayaro Waaweyn. Waxaa hakad ku jira isku-socoka Gadiidka noocyadiisa kala duwan oo isticmaali jiray Isgoyska Ceelgaabta.
  9. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa si adag uga hadlay arrinta dhiibista ganacsadaha reer Somaliland ee Axmed Geelle, waxaanay farriin culus u direen dawladda Jabuuti, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho. C/raxmaan Cismaan Yariisow oo maanta ka qeybgalay munaasabad lagu furayey Kalfadhiga Shanaad ee golaha aqalka sare ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah. Injineer Yariisow ayaa sheegay in baarlamaanka federaalka shaqooyin badan looga fadhiyo, islamarkaana waxyaabaha ay ka sugayaan uu ka mid yahay maqaamka magaalada Muqdisho. Dhanka kale, Injineer Yariisow ayaa sheegay in si wanaagsan u socdaan howlgallada lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho, ciidamadana ay dedaal badan wadaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/Cod-Yariisow.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in ay jiraan siyaasiyiin aaminsan in dalka aanay doorasho ka dhici karin. Waxa ay sheegtay in ka guddi ahaan diyaar u yihiin in la qabto doorashooyinka, balse loo baahan yahay wadashaqeynta siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Sidoo kale, Xaliimo Yarey ayaa tilmaantay in Labada aqal ee baarlamaanka looga baahan yahay in kaalin mug leh ka qaataan sidii dalkan ay doorasho uga dhici lahayd. Xaliimo Yarey ayaa hoosta ka xariiqday haddii la isku raaco in doorasho dalkan ay ka dhacdo ay dhici karto, balse ay ku xiran tahay isku duubnida siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/Xaliimo-Yareey.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo wakiil uga ahaa madaxweyne Farmaajo furitaanka Kalfadhiga Shanaad ee golaha aqalka sare ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah. Kheyre ayaa aad ugu dheeraaday ka hadalka waxyaabaha u qabsoomay dowladda dhexe iyo sidoo kale waxyaabaha hadda la qorsheynayo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/Xasaan-Cali-Kheyre.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Duqayn diyaardeed oo ka dhacday deegaano ka tirsan Jubbada Dhexe ayaa waxaa lagu dilay saraakiil ka tirsan Argagixisada A-shabaab ee ku dhuumaalaysana gobolkaasi. Ciidamada Jubaland [...] Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Xiisadda U Dhaxaysa Somaliland Iyo Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. The second sitting of the 5th session of Somali Lower House of People has been postponed again on Monday. The office of the speaker informed the members who were scheduled to avail themselves for the crucial meeting on Sunday evening that the session was cancelled due to lack of quorum as a requirement for parliamentary standing orders. The parliamentary constitutional committee was planned to present the chamber on the progress made on the draft constitution. The first sitting of the 5th session which was about to take place on Saturday last week was similarly delayed for lack of quorum. President Mohamed Abdullahi Farmajo opened the session on Wednesday last week. Members of parliament from mainly the opposition party have vowed to boycott upcoming sessions if agendas of the house will not prioritize security lapse in the country. Somali citizens have criticized the legislators online accusing them of lack of vision. View the full article
  16. Dad badan oo maanta isgu soo baxay waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay dhigeen dibad bax ay uga soo hor jeedeen dilka Darawlka gaari Bajaajta. [...] Source
  17. Tension is reportedly brewing up between African Union Mission in Somalia (Amisom) commanders in Somalia and military chiefs in Nairobi over the withdrawal of Kenya Defense Forces (KDF) troops from Somalia. According to reports by The Nation, Amisom commanders from other contributing countries have been uneasy about the Kenyans. While speaking in low tones, they have accused the KDF of behaving like a big brother and demanding special attention within Amisom. At the same time, sources indicate that Somalia citizens and leaders are a worried lot since they believe they are now exposed to Al-Shabaab threats. About a week ago, Kenyan troops moved out of the Busar military base in Gedo region, the area which for years served as the KDF command center in the northern sector of Jubaland. The Bursar area is well documented as an area where the Kenyan military suffered its greatest loss in history following the El Ade attack, losing around 200 soldiers. Following a UN Security Council resolution, Amisom’s strength was supposed to reduce from 22,126 uniformed personnel to 21,626 in December 2017. Part of the UN resolutions was to have 1,000 troops withdrawn by February. But in a meeting held in March in Ethiopia, the AU Peace and Security Council recalled the decision by the UN Security Council on the reduction of 1000 Amisom troops by February. The Somalia Transition Plan, mandated by the UN Security Council Resolution 2431 (2018) sets priority activities to be undertaken by Amisom before the 2020/2021 one-person-one-vote election. The election is supposed to lead to Amisom’s final exit from the country that was besieged by clan and civil wars from the early 1990s. View the full article
  18. Duqa iyo Guddoomiyaha Muqdisho Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cabiraxmaan Yariisow ayaa 11-kii bishii la soo dhaafay ee Maarso 2019, soo saaray wareegto uu ku sheegay in xaruuntii hore ee ciidanka badda Soomaaliya (Ex-Marino), gurigii Taliyaha ciiddankaasi oo ku yaala degmadda Cabdicasiis iyo dhulka dhanka badda ka xiga loo asteeyay dhul diblomaasi. Haddaba waxaa arrintaas ka hadlay Cabdimaalik Maxamed Cali Dacar oo sheegay in dhul ku yaalla degmada Cabdicasiis xeebta Liido, duleedka xaruntii ciidanka badda Soomaaliya (Ex-Marino) oo kamid ah dhulkii dowladdu astaysay ay la haayeen. Cabdimaalik ayaa soo bandhigay dukumintiyo muujinaya lahaanshaha dhulkaas oo lahaa Aabihiis Maxamed Cali Dacar oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii Soomaaliya iyo SYL. Sidoo kale Cabdimaalik ayaa sheegay in dhulkaas oo ay la haayeen 54 sano ay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ku haysteen dad uu kamid ahaa Muuse Suudi Yalaxow oo hadda kamid ah aqal sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ugu dambeyn Cabdimaalik ayaa codsi u diray madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday in ay dib u eegis ku sameeyaan go’aankii duqa Muqdisho. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Yaa lahaa dhul dowladda Soomaaliya u astaysay dhul diblomaasi? appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq xooggan ayaa ka dhashay xarunta Aqalka Sare ee baralamanka Soomaaliya, oo qorshuhu ahaa maanta uu ka furmo kalfahdigga 5-aad ee baralamanka. Senator-ada Aqalka Sare ayaa ku gacan seeray in kulanka uu furmo, ayaga oo kasoo horjeeda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo xraunta u tagay inuu furo kulanka, kadib markii uu soo diray madaxweynaha. Xildhibaanada ayaa buuq kala hor-tagay ra’iisul wasaaraha, waxayna wacad ku mareen inaysan ogolaan doonin inuu kulanka furo, ayaga oo ku doodaya inay tahay arrin ka baxsan dastuurka. Dastuurka dalka ayaa dhigaya in kaliya madaxweynaha uu furi karo kalfadhiyada baarlamanka. Madaxweynaha ayaa markii hore qorshuhu ahaa inuu furo kulanka, hase yeeshee xilli dambe ayuu maskaxdiiisa beddelay, oo uu soo diray Kheyre, ayada oo aan la sheegin sababta. Kulanka ayaa qorshuhu ahaa inuu furmo 9-kii subaxnimo, hase yeeshee illaa iyo hadda oo ay dhaaftay 1-dii duhurnimo ma furmin. Senator-da badankood ayaa iskaga tagey xaflada furitaanka ayaga oo diidan in Kheyre uu furo kulanka, kaasi oo guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi uu u ogolaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Taariikhdu waxa ay ahayd sanadkii 1917kii,waxa uu dagaalkan uu dhexmaray sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Garaad Maxamuud Cali Shire oo kamid ahaa saldanooyinkii ka talinjiray gobolka [...] Source