-
Content Count
208,187 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku dhowaaqday inaysan aqbali doonin, islamarkaana ixtiraami doonin go’aan kasta oo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ ka gaarto kiiska badda Soomaaliya, sida ku cad dokumenti qarsoodi ah oo uu helay wargeyska The Standard ee Nairobi. Go’aanka Kenya ayaa imanaya ayada oo aad loo rumeysan yahay in Kenya looga adkaan doono kiiskan. Sida ku cad dokumentiga, Kenya ayaa dooneysa in ka hor inta kiiska badda Soomaaliya aysan go’aamin maxkamadda caalamiga ah ee cadaalladda, ay labada dhinac maraan marino kale oo ay ku xaliyaan murankooda. Kenya ayaa dalbaneysa in marka hore Soomaaliya iyo Kenya uu dhex-dhexaadiyo ururka Bariga Afrika ee EAC (East Africa Community), kadibna haddii wada-hadalladaas aan xal lagu gaarin ay mar labaad yeeshaan wada-hadallo uu dhex-dhexaadiyo ururka Midowga Afrika, markaas kadib un loo gudbo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda. Kenya ayaa ku doodeysa in Soomaaliya ay marka hore qasab ku tahay inay ka quusato dhammaan xalalka kale ee furan, ka hor inta kiiska aysan guda galin maxkamadda ICJ, oo Kenya ay ku eedeysay inay dhinac u janjeerto, una xaglineyso Soomaaliya. “Maxaysan Soomaaliya xal uga raadin Midowga Afrika, miyaanay IGAD u furneyn Soomaaliya inay kiiskeeda u gudbiso, ka waran ururka EAC?” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Kenya ay sida qarsoodiga ah u diyaarisay. Kenya ayaa sidoo kale ku dooday in ururka QM ee badaha ee UNCLOS uu dalbanayo in dhinacyada is-haya ay marka hore isku dayaan inay murankooda ku xaliyaan habab kale, ka hor inta aysan u gudbin maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda. Dokumentigan ayaa Kenya ay ku eedeysay Soomaaliya inay iska indha-tireyso sida ay Afrikaanka wax u xaklistaan. “Soomaaliya waxay cayaareysa kaar jinsi, ayada oo Afrikanka ka doorbideysa hab sharciyeedka Yurub. Sidaas darteed maxay noqon kartaa cawaaqibka haddii ICJ ay u hiiliso Soomaalida” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya. Kenya ma aysan shaacin sababta ay ugu maleeneyso in ICJ ay u xaglin doonto Soomaaliya, hase yeeshee waxay wacad ku martay inaysan aqbali doonin go’aanka maxkamadda, “si la mid ah dalal kale oo xubno ka ah QM oo horey u diiday go’aanada maxkamaddan.” Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Somalliland Xaaraan Bay ku Tahey In Ganacsade Loo Gudbiyo Jabuuti…W/Q Najiib Ismaaciil Maxamed Somalliland Xaaraan Bay ku Tahey In Ganacsade Loo Gudbiyo Jabuuti Oo Awood iyo Awood Loo Adeegsado Taasi Waxey dhaceysaa Marka laba Madaxweyne Talinayaan Xogtu Wey soo Korodhey, Tan iyo Intii ay Dibadda usoo Baxday in Xukuumadani Ku dhaqaaqdey Talaabo ay Ku Damacsan Tahey in Dalka Jabuuti loo gacan galiyo Ganacsade Axmed Geele kadib Markii ee sitoos ah loo arkey Waraaqaha laga soo Sexeexay, Wasaaradaha Cadaalada,Arimaha Dibadda,iyo Xeer Ilaalinta Waa Fadeexadii u Weyneyd ee Nooceeda ah oo dhacda Tan iyo intii Somaliland jirtey, Waxaaney arintani Ceeb ku tahey jiritaanka Qaranimada Somaliland Sharafta iyo Karaamada Shacabka intaba. Haddaba Waxaa hadda soo baxaya Sirta ku duugan Fashilaada ku Timid Mu.amaraadkan oo lasoo Maleegay Markii Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Kaahin uu Dhawaan Tagey Dalka Jabuuti, taas oo uu Heshiis Lasoo galey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele in ay ka Xukuumad ahaan Gacanta u galiyaan Dawllada Jabuuti iyadoo la adeegsanayo Awooda Dawllada Waana Sababta Wasaraadaha Kala Duwan looga Saxeexay Waraaqaha aynu aragney iyadoo ay Ku Lifaaqan Tahey Waraaqdii Nuxur Qoraalka Maxkamada Jabuuti Waxa la.Xaqiijinayaa in Wasiirkii Xilka.laga Qaadey ee Gaashaandhiga Sababta dhabta ah ee Xilka.Looga Qaadey tahey Talaabadan iyo Dareenka uu Ka Bixiyay Markii ay Dalkaasi Jabuuti Wada Tageen Wasiirka Arimaha Gudaha ahna Raysalwasaaraha iyo haystaha Awoodii Madaxweyne Kuxigeenka isagoo Wasiirku kaga Dareen Celiyay.ka Dawlad ahaan in aaney Suurtagal aheyn in Ganacsade Somaliland Kasoo jeeda Loo Gudbiyo Dalka.Jabuuti Si loo Maxkamadeeyo. Sikastaba ha ahaatee, Waxeynu la yaabaneyn Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ee Dalkaasi Jabuuti u gudbisey Muwaadin Miskiin ah oo kasoo Jeeda Somaliland kaas oo lagu Eedeeyay ama Dawllada Jabuuti ku Eedaynayso in ay ku haysato lacag ay ka Sarifteen Dad Jabuuti Qarax ka fuliyey taasaaba Dad Badani u arkayeen in ay aheyd Talaabo Qadaf iyo Xadgudub ku ah Jiritaanka iyo Dawlladnimada Somaliland Sheeganayso Laakiin hadda Waxey u Muuqataa hadey sii Go,dey Marba haddii Ragii Ganacsatada ahaa Sidaa loogu Badheedhayo, Waxaana Fajac iyo af kala Qaad ah oo Ceeb ah in Madaxweynaha Dalka haystaa la Shir yimaado anigu Ma oggi Miyaanay Noqonayn in uu Markii horeba Yidhi Maxamed Kaahin Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa Hawshaa Fulin.karayee isaga kasoo dhaadhiciya Waa Ninka labaad ee Dalka ila Maamulee Looma aabo Yeelin Qaranimadii looma aabo Yeelin Sumacad Xumada ay arintani ku Keenayso Xukuumada maadaama oo.Markii horeba lala Yaabanaa intaas oo arimood oo Dhamaantoodba Fashilaad ah, Waxey amuurtani isugu Soo Biyo Shubmaysaa Qormadii aan hore u Sheegay ee aheyd Madaxweyne Biixi iyo Wasiirkisa Arimaha Guduhu halka ay Taabtaanba Wey Soo Go,aysaa ma arintii Sool iyo Colaadii ayaynu Ogayn Ma Ceelafweyn ayaynu ogayn ma isku badelkan Golaha Xukuumada iyo Wasiirada la eryay ayaynu ogayn ma Boqol arimood ayaynu ogayn Tolow halkay una Gaadhsiin Gaadhigii Taayiraa Ka Qarxay Durba Sanad iyo Maalmaha ay Talada hayeen. Najiib Ismaaciil MaxamedSomaliland Gabiley0634466339 Source
-
Waxaynu wada ognanahay inaynu KU dhaqano dhaqan JAAHILIGA ah ee Qurayshtii iyo Carabtiiba KU dhaqmi jireen diinta Ka hor weli Illaa yomanaa hadaa wax badani weli jiraan wax badanna Diinta Islaamka ay Ka baabisay Carabta. Inaga Somali sheegata dhaqankii JAAHILIGA ahaa ee Diintu Ka soo horjeeday OO weli xeerarka Somalidu KU dhaqanto ee nolosha dhinac kasta ood eegto hadday dhaxal Tay hadday dhiigtay, hadday IYO hadday dhaqaale tahay . U kuurgal dhaxalka waxaynu sidaynu yeello Diinta maba raacno ee xeer jajab la mida kii Qurayshtii iyo Carabtii Diinta Ka hor Isticmaali jireen baynu raacnaa. Dhiigga maba raacno sida Quraanku leeyahay ma yeelno umana dhowin ee dhaqankii JAAHILIGA ahaa baynu KU dhaqannaa , u fiirso magteenna haddii wax yar la bixiyo xittaa Sannaday qaadataa badina aar goosi dhaqan JAAHILIGA ah baynu KU dhaqannaa. Xagga shaqaalaha kii JAAHILIGA ayeynu KU dhaqannaa ee is boobka ,dhaca ahaa ( HA LA QADHAMSADO NIN QUWAAX HELA NIN ISKABA QADA). Nolosha aynu KU jirno dhaqan ahaan Distoor la xar xariiqay, Dimoqraadiyad la sheeg sheego, Dawladnimo lagu riwaayadeeyo waxaasoo dhan waxaa Ka adag oo hortaagan dhaqan JAAHILIGA aynu KU dhaqano marka la tooso Illaa la seexanayo. Madaxweyne kasta waxaa hor taagan oo Ka hor imanaya DHAQANKA JAAHILIGA ah ee ummaddu ee ummaddu (practice) to. Waxyaalaha dawladnimadeena hortaagani maaha Madaxweyne Xun ee waa dhaqan xumo jaahiliya oo Gidaar adaga. Nebi Mohamed (CSW) markii Diinta Allah KU soo dejiyey Wuxuu dagaal adag la galay dhaqan Xumadii JAAHILIGA ahayd oo weli Carabta oo weli (remnants) badani jiro illaa maanta inagana weli Diinta ummaddu aqoona Uma laha weynu Ka darannay Quraydii hadalada ahayd siday u noolaayeen baynu u dhaqannaa. Dumarka weli weynu yasnaa, dhacnaa iyo Caruurtaba iyo qof kasta oo laga Xoog weynyey meeshuu joogo waa sidaa dhaqankeenu maanta. Wadaadu ummadda way wacdiyaan oo wax way bar Baraan laakiin (effective) maaha umana dhowa in ay ummaddu wax Ka bedelaan si joogto ah laakiin Xoog ay dhaqan xumada JAAHILIGA ah KU suuliyaan ma HAYAAN hadaba halkan ay Dawladnimadeenu ka tallaabsan la day ee ay Ka tabaalaysantay waa DHAQANKA JAAHILIGA ah ee madaxyadeenna Ka buuxa, Xisbiyo ,qabiilooyinkeenu Ka waalan yihiin Dimoqraadiyad iyo waxaasi Ka dhaqaaqi la yihiin waa Casrul Jaahiliya baynu KU soconaynaa oobku noolahay. Xukuumadaa iyo maamuladu si kasta oo ay ugu daydaan Dawladaha horuumaray xagga Ismaamulka KU guulaystay oo si kasta oo dharkooda iyo (tie) qoorta la soo sudho shaqaynmayso. Waayo shacabkii iyo fikirkii Jaahiligii buu KU jiraa fikirkii jaahiligii buu KU qotomaa iyo reer Hebelkii ,ha la qadhamsadodii. Horuumar afkaa ha laga hadal hayo laakiin ummaddu kama sarfaafayso .ummaddii Dunida oo mandaqaddii Somalida KU Soo duulay baynu ARAGNAA oo iimaan laawayaal inaga ani hor kacayaan, xayaaanka inagoo so taagan baa la gurtaa iyo dhirtaba. United Arab Imarate waa Duullaan ee ummuu Iman inuu kula baayac Mushtareeyo, Jaahiliyadda dhulalka Somalida Ka jirta ayaa la dersay waxaan goaana in Somalida la dhaxal wareejiyo inta lacagtaa yar ee indha Sarcaadka ah la tuso iyi nolol (artificial) iyo debed wareeg sida reer Siilaanyo ba KU dambeeyeen. Suaal weeye Madaxweyne Muse Biixi miyuu isna u guuri doonaa Dubai beri dhaw. M Bashe qoranebashe@gmail.com Source
-
(SLT-Bruseles) Laba ka mid ah wadamada Qaarada Yurub ayaa Sheegay inay aqbalayaan Dal ku galka qaybo kamid ah baasaboorka Dalkaaso Soomaaliya, kaas oo tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii wixii la odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya aan adduunka Gaar ahaan Yurub Si dhaba u aqoonsanayn. Dalalka ku dhawaaqay inay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Wadamada Belgium-ka iyo Luxembourg, kuwaas oo hadda kadib lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya. Arrintaan ayaa sida la sheegay waxaa siwadajir ah uga shaqeeyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Baasabarooda la Sheegay inay Labadaas Dal ogolaadeen Dal ku galkiisa ayaa waxay kala yihiin Baasaboorka Diplumaasiga iyo ka shaqaalaha. In kasta oo wararkani soo baxeen Xukuumadda Soomaaliyana shacisay hadana wali lama oga siday u hirgalidoonaan.. Maadaama oo nidaamka bixinta Baasaboorka Soomaliya aanu Wali ahayn mid hufnaan iyo daahfurnaan leh. Source
-
(SLT-Jigjiga)Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida waxaa maanta ka furmay Shirweynaha Tobanaad ee Xisbiha haya talada dowlad degaanka. Isbeddellada shirkan laga filayo waxaa ka mid ah hoggaanka sare waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide loo dooranayo guddoomiyaha Xisbigaas halka Mustafe Cagjar uu noqonayo Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga. Labada mas’uul midkooda horay xisbiga uguma jirin haddii ay sidaasi dhacdana waxaa ay noqoneysaa in Xisbiga Dowlad degaanka Soomaalida uu isbeddelo hoggaankiisii iyo golihii xisbigaasi ka koobnaa. Shirkan waa kii ugu horreeyay ee la qabto tan iyo markii xilka Madaxweynaha laga qaaday Cabdi Maxamuud Cumar oo isku ahaa Guddoomiyaha Xisbiga iyo Madaxweynaha Dowlad degaanka. Shirka oo shalay ku billowday doodo ayaa soconaya ilaa 3da Bishan April,waxaa lagu dooranayaa Guddoomiyaha Xisbiga, ku xigeenkiisa, Guddiga fulinta Xisbiga iyo xubno kale. Bishii January ee la soo dhaafay labada Nin waa Mustafe iyo Axmed shidde ayaa isku dhacay,waxaana arrintaas farageliyay Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo labadaba kulan kula yeeshay Adis ababa, halkaas oo lagu xalliyay khilaaf u dhaxeeyay. Sidoo kale gaba gabada shirka waxaa magaca looga beddeli doonaa Xisbiga oo laga reebayaa magaca Itoobiya oo horay ugu jiray lana dhihi jiriay ESPDP) iyada oo laga jarayo xarafka hore lagana dhigayo SPDP. Source
-
(SLT-South Africa )Wasiirka xiriirka caalamiga ah ee Koonfur Afrika Lindiwe Sisulu ayaa la kulmaysa safiirrada dalal Afrikaan ah si ay oogala xaajooto weerarradii badnaa ee dhawaan lagu beegsaday dadka ajaaniibta ah ee Durban ku nool. Waddahadalladan ayaa imaanaya ka dib markii tiro dad ah oo reer Malawi u badan qasab looga saaray guryahooda, dad isa soo arruursaday oo ficilkaas ku kacay ayaa sidoo kale bililiqaystay dukaammo. Shaqo la’aanta dalka Koonfur Afrika ayaa ka sare martay 27% dad badan ayaana caradii kula dul dhacay shaqaalaha ajaaniibta ah, iyaga oo ku eedeeyay in shaqooyinkoodii qaateen. Arrintan ayaa mawduuc wayn ah iyadoo bisha May ay dhacayso doorasho. Xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance ayaa xisbiga talada haya ee ANC ku eedeeyay in siyaasaddiisu ay guuldarraysatay, waxayna ku eedeeyeen in uu jiro musuqmaasuq, habacsanaan dhanka xadka ah iyo dad badan oo ajaaniib ah oon sharci haysan. Wasiirka maaliyadda ayaa dhawaan sheegay in dalku uu u baahan yahay in uu soo jiito dadka xirfadaha sare leh, wuxuuna sheegay in dadka waddaniyadda ku kalax tagay ay carqalad ku yihiin dhaqaalaha. Balse loo baahan yahay in shaqo abuur badan la sameeyo si loo dhimo isir nacaybka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Laba ka mid ah wadamada Yurub aya waxaa ay s irasmi ah ugu dhawaaqeen inay aqoonsadeen baasaboorka dalka Soomaaliya, kaas oo tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dalka laga aqoonsanaa kaliya dalal kooban. Dalalka ku dhawaaqay inay aqoonsadeen baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah wadamada Belgium iyo Luxembourg, kuwaas oo hadda kadib lagu tegi karo baasaboorka Soomaaliya, nooca diblomaastiga iyo kan shaqaalaha dowladda. Qofka sida baasaboorka Soomaaliga, ayaa si kastaba weli uu baahnaanaya Visa, si la mid ah baasaboorada kale ee caalamka. Arrintaan ayaa sida la sheegay waxaa si wadajir ah ay uga shaqeeyey wasaaradda arrimaha dibedda iyo hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya. Labadaan wadan ayaa waxaa ku nool Soomaali badan oo dhibaato ku qabay arrimaha baasaboorka iyo socaalka, taasi oo hadda ay xalin doonto aqoonsigan cusub. Horay ayaa waxaa baasaboorka Soomaaliya u aqoonsaday wadamo badan oo uu ka mid yahay dalka Norway, waxaana dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay inay dadaal u galeyso sidii wadamada kale ee qaarada Yurub u aqoonsan lahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wargeyska East African Business Week, oo ka soo baxa Uganda ayaa daabacay maanta warbixin uu kaga hadlay Jamhuuriyadda Somaliland oo cilaaqaad siyaasaddeed iyo Ganacsi la yeelanaysa Dalka Masar. Wargeysku wuxuu sheegay in wefti uu hoggaaminayey Wasiir ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda Md. Liibaan Yuusuf Cismaan oo imika loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta Caafimaadku uu booqasho ku tagay Masar oo ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal. Siday baahisay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo xiganaysa Majallada East African Business Week, Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Khaarajiga Md. Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in socdaalkiisa Masar uu la xidhiidho sidii loo taabogelin lahaa xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Masar. “Waxaanu falanqeynay doorka Masar ku leedahay Geeska Afrika iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan waxbarashadda, caafimaadka, horumarinta dhaqaalaha iyo ammaanka,”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda Liibaan Yuusuf Cismaan oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha dibadda Masar Mr. Hamdi Sanad Loza iyo Xoghayaha Guud ee Wakaallada Horumarinta u qaabilsan Masar. Waxa kaloo la sheegay in weftiga Somaliland muddadii ay ku sugnaayeen Qaahira ay la kulmeen Janaraalo ka tirsan wasaaradda Gaashaan-dhiga Masar. Source
-
Muqdisho (SMN) –Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo wakiil ka aha madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta furay kalfadhiga 5-aad ee aqalka sare. Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda waxa uu uga hadlay dib-u-habaynta kaabayaasha dhaqaalaha, hay’adaha amniga qaranka, u diyaar garowga doorashooyinka dalka , qaan-gaarsiinta federaalaynta, bixinta adeeegyada bulshada, la dagaalanka argagaxisada, qorshaha sugidda amniga caasimadda Amniga Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya ayaaa khudbaddiisa ku sheegay in dawladdu ay xoogga saartay hir-gelinta qorshaha amniga qaranka, in la dardar-geliyay qorshaha isku-dhafka ciidanka qaranka, in lagu guulaystay tirinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, in dawladdu ku haminayso in sannadka dhammaadkiisa lasoo af-jaro dagaalka lagula jiro argagaxisada, in dawladdu ay dib ula wareeegtay xaruma markii hore ay gacanta ku hayeen ciidamada AMISOM iyo in Booliiska Soomaaliyeed uu diyaariyay qorsha cusub oo amngia caasimadda lagu sugayo lana rejeynayo in uu oo miradhal noqdo Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa raaciyay in iyada oo ciidanka xooga daku baacsanayaan nabad-diidka, hadana mawaadin kasta oo Soomaaliyeed laga doonayo in uu qaato dawrka uga aadan sudigga amniga dalka, si loogu guulaysto himilooyinka qaranka ee ah in dadka Soomaaliyeed ay helaan nabad waarta. Horumarinta Dhaqaalaha Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayr ayaa xusay in dawladdu kor u qaaday dakhliga gudaha kasoo xarooda, hagaajisay maamulka maaliyadda, samaysay Miisaaniyad isu dheelli tiran, ku guulaysatay in aan dayn dheeraad ah aysan qaadan, in dib u habayn lagu sameeyay hannaanka aruurinta canshuurta, in Qarashaadka dawladda laga bixiyo hal meel iyo dawladdu ay soo buuxisay dhammaaan shuruudihii cafinta daymaha mar dhawna ay dawladdu saxiixayso heshiiskii ugu dambeeyay ee daynta looga cafin lahaa, uuna rajaynayo in Dayn cafis hor-dhac ah Soomaaliya loo sameeyo ugu dambayn bilaawga sannadka 2020. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in isla xisaabtanka iyo hufnanta dawladdu ay keeneen in la aamino, Midawga Yurub iyo Bankiga adduunkuna ay siiyaan lacago toos loogu shubayo qasnadda dawladda. Qaan Gaarsiinta Federaalaynta Ra’iisul Wasaraha XFS ayaa sheegay in dawladda federalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyeen hannaanka doorasho iyo deegaan doorasho iyo qaybsiga kheyraadka, in dawladdu diyaariyay dhammaan Xulashooyinka qodobada dastuurka ku jira ee lagala xaajoonayo dawlad gobaleedyada oo ay kamid yihiin Hannaanka cadaalada iyo asluubta, Qaab-dhismeedka hay’adaha qaranka iyo astaynta awooda dawladda, Hanaanaka dawladeed ee jamhuuriyadda, qaabaynta iyo qaan gaarsiinta dawlad gobaleedyada kumeel gaarka ah iyo Maqaabka magaalada Muqdisho ee ku yeelanayso federaalka. Waxa uu intaa raaciyay in xukuumaddu diyaarisay Hindise sharciyeedka doorashooyinka iyo sharciga axsaabta oo dib-u-eegis lagu sameeyay, dhawaanna la hor gaynayo baarlamaanka , waxa uuna baarlamaanka ka codsaday in ay meel mariyaan hindise sharciyeedka hor-yaalla oo muhiim u ah dib-u-dhiska dalka, nabadaynta iyo geedi socodka federaalaynta. Bixinta adeegyada bulshada Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in dawladdu la wareegtay iskuulaad iyo isbitaallo ay horay gacanta ugu haayeen shaqsiyaad ama hay’ado gaar loo leeyahay, ayna billaawday in ay bixiso adeegyo waxbarasho iyo caafimaad, iyo in la helay dhaqaale lagu dhiso wadooyinka Muqdisho ku xira Jowhar iyo Afgooye lana dhisayo dhawaan. View the full article
-
Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Habeen-01042019-sax.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay faah-faahin ka bixiyeen howlgalladii ugu dambeeyey oo ciidamada Booliska Soomaliyeed ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magalada Muqdisho iyo dilkii Maanta loo geystay Darawal Mooto Bajaajle ahaa. Taliye ku-xigeenka labaad Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay Magalada Muqdisho, ayaa sheegtay in howlgalladii ugu dambeeyey ee laga fuliyey Muqdisho ay Ciidamada Amniga kusoo qabteen dad lala xiriirnayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale ay intaasi ku dartay in shalay gelinkii dambe ay Ciidamada Ammaanka degmada Deeyniile ku qabteen Nin ka tirsan Al-Shabaab oo dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale waxa ay soo hadal qaaday dilkii askari ka tirsan Ciidamada kuwa Canshuurta qaada ee Minashiibiyada uu Muqdisho ugu geystay Darawal Mooto Bajaajle ahaa, waxana ay sheegtay in askarigaas cadaalada la horkeeni doono. Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay Muqdisho ka wadeen howlgallo xoogan, waxaana sidoo kale xiran inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir. Hoos ka aawo Taliye Zakiya
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dalbaday kulan uu la qaato qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Arab. Sida ay sheegeen warar ay xog ogaal ah madaxweyne Muuse Biixi ayaa codsaday kulan lagaga hadlo arinta ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo uu la qaato haldoorka ka soo jeeda beelahaasi. Kulanka oo wararku sheegeen inuu qorshaysnaa maanta ayaa dib u dhacay ka dib markii uu madaxweyne Muuse Biixi xubno haldoor ah oo ka soo jeeda beelaha arab ku soo wargeliyey in dib loogu dhigo kulankaasi. Dhinaca kale wararka ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Muuse Biixi uu ganafka ku dhuftay in wax kulan ahi uu dhexmaro salaadiinta beelaha arab ee shalay ka hadlay qorshe ay sheegeen in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi doonayso inay ganacsade Axmed Cismaan Geelle ugu gacan galiso dawlada Djibouti, isaga oo aan soo bandhigin sababaha ku dhaliyey inaanay is arag madax dhaqameedka beelahaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daray inaanu si rasmi ah u cayimin wakhtiga uu ugu tala galay inuu la kulmo qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Arab. Xubnaha haldoorka ah ee ay qorshaysnayd in madaxweyne Muuse Biixi ay si toos ah u kulmaan ayey wararku xaqiijiyeen inay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee somaliland Xasan Ciise Jaamac, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Cabdilaahi Xuseen Iimaan Darawal, Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Ganacsade Idirs Anchor. Kulankan ayaa haddii uu qabsoomo waxa uu noqon doonaa kii ugu horeeyey ee madaxweyne Muuse Biixi la yeesho wax garad ka soo jeeda beelaha Arab tan iyo markii uu qabtay xilka madaxtinimada somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha Soomaalida ah ee ka shaqeeya xarunta shisheeyaha ku sugan Soomaaliya ee Xalane, ayaan maanta shaqo gelin kaddib markii loo diiday in ay xeradaasi galaan. Qaar ka mid ah Shaqaalaha ayaa la arkayay iyaga oo tuban Banaanka hore ee Iridda laga galo Xerada Xalane, halkaas oo loo sheegay in aysan geleynin xerada gudaheeda. Warar xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in arrintan ay ka dhalatay digniin dhinaca amaanka ah oo dhawaan loo diray shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Muqdisho, taasi oo ku saabsan inay weerari ka dhici karaan magaalada. Wararka ana helnay ayaa sidoo kale sheegay inay jirto cabsi laga qabo shaqaalaha Soomaalida ah ee halkaasi ka shaqeeya, taasi oo keentay in loo diido inay xarunta galaan, ayada oo amniga aad loo adkeeyey. Todobaadkii hore Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Muqdisho ayaa soo saaray farriin dhinaca amaanka ah oo ay ku sheegeen in Muqdisho ay ku jiraan Gawaari ay ka buuxaan Wlaxaha qarxa kuwaas oo lala beegsanayo dadka Ajanabiga ah, Xarumaha dowladda Soomaaliya iyo meelaha dadku ku badanyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Caawa Ciidamo ku dhow kun Askari oo katirsan Milateriga Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ay ku wajahan yihiin degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya. Ciidamadaan oo u badan kuwa dhowaan tababar loo soo xiray kana tirsan Guutada 14-ka October ayaa la sheegay in ay loo diray in Al-Shabaab ay ka saaraan degaano iyo degmooyin katirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan degaanada ku dhow degmada Balcad iyo degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Basra iyo nawaaxigeeda. Saraakiisha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Ciidankaan ay hogaaminayaan Saraakiil sare oo katirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, ujeedkana uu yahay in Al-Shabaab dalka laga saaro sida ugu dhaqsiayaha badan. Xubno katirsan Guutada 14-ka Octoober ayaa Caasiamda Online u sheegay in Caawa ay ku baxayaan Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan aagga Balcad maalmo kadibna ay u jiheysan doonaan dhinaca Marka iyagoo maraya dhinaca Xeebta. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalmo ka hor Wasaaradda Gaashaandhigga ka sheegay in dhowaan DF-ka Soomaaliya ay bilaabi doonto howlgalo dalka looga saarayo Al-shabaab, waxaana la sugayaa in dagaalka dhowana ka bilaawdo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Guurtida Oo Diray Guddi Xaqiiqo Raadin Ah Oo Baadhitaan Ku Soo Samaysa Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Iyo Dhibaatada Biyo Yaraanta Ah Ee Ka Jirta Caasimadda Hargeysa (Somalilandtoday) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Xubno ka mid ah Xildhibaannada Golahaasi u xil-saaray inay baadhitaan ku soo sameeyaan Xaaladda dhabta ah ee ka jirta Cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo dhibaatada Biyo yaraanta ah ee ka jirta Caasimadda. Guddoomiyaha ayaa baadhitaankan Xildhibaannada u xil-saaray, ka dib markii Dood Xildhibaannada Golahaasi yeesheen shalay ay qaarkood sheegeen in Xaalad adagi ka jirto Cisbitaalka guud ee Hargeysa isla-markaana shay kasta oo bukaannadu u baahdaan ay lacagtooda ku soo iibsadaan, halkii ay ka ahayd in waxyaabaha qaarkood Lacag la’aan loogu qabto muwaadiniinta bukaanka ah, waxayna codsadeen in loo yeedho Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Biyaha, si wax looga waydiiyo Biyo yaraanta Hargeysa iyo dhibaatada ka jirta Cisbitaalka guud ee Hargeysa. Laakiin, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo markaa ka dib hadlay ayaa soo jeediyey in Xildhibaannadu inta aanay codsan in loo yeedho Wasiirrada Biyaha iyo Caafimaadka ay indhahooda ku soo arkaan Xaaladda dhabta ah ee Cisbitaalka iyo Biyaha ee ka jirta Hargeysa, waxaanu yidhi “Eedo badan baad qaybiseen, ha noqoto dhakhaatiirta, dhalinyarada wax ku baranaysa iyo biyaha, intaba eed baad qaybiseen, markaa waxba loo yeedhi maayo Wasiir Biyood iyo mid Caafimaad midna laakiin Xildhibaannadiina Guddiga Arrimaha Bulshada, Maxamed Cabdiraxmaan, Dayib, Balaaki, Jirde iyo dheeg, illaa aad idinku meesha tagtaan oo aad soo ogaataan waxa meesha ka jira (Looma yeedhayo), haddaynu markaa ku qanci wayno ayaynu dooni (Wasiirrada)..” Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu xildhibaannada u soo jeediyey inay eedda iska dhowraan “Waxaad yeeshaan inaad eedda iska dhowrtaan oo wixii aynu halkan kaga doodnaa waa inuu noqdaa wax aynu soo hubsano..”ayuu yidhi. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa si lama filaan ah guul-darrooyin xooggan ay ka gaareen doorashooyinka dowldaha hoose ee dalkaas, ayada oo looga adkaaday magaalooyinka waa weyn ee dalka. Musharaxa xisbiga mucaaradka ee duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu ayaa 28,000 oo cod ka horreeya musharaxa xisbiga AKP ee talada haya Binali Yildirim, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga sare ee doorashada, Sadi Guven. Natiijada doorashadii dhacday axaddii, ayaa muujineysa in xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP uu sidoo kale lumiyey magaalada Ankara, taasi oo lama filaan noqotay. Imamoglu ayaa ku guuleystay 4,159,650 oo cod, halka musharaxa xisbiga AKP, ahna ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Binali Yildirim uu helay 4,131,761 oo cod, ayada oo ay hareen kaliya 84 sanduuq codadkooda oo aan weli la tirin. Labada musharax ayaa mid walba uu guul-sheegtay saacado kadib markii ay soo xirantay codbixinta magaalada ugu weyn ee dalkaas ahna xarunta dhaqaalaha dalka. Xisbiga Erdogan ayaa sidoo kale looga adkaaday magaalada Izmir, hase yeeshee taasi waxay ahayd mid la filayey, maadaama ay mucaaradka ku xooggan yihiin. Sababaha ugu weyn ee guul-darrooyinka xisbiga AKP kasoo gaaray magaalooyinka waa weyn ayaa loo sababaynayaa ayada oo bilihii ugu dambeeyey dhaqaalaha dalkaas uu ku yimid hoos u dhac. Si kastaba, marka laga soo tago guul-darrooyinka magaalooyinka, xisbiga Erdogan ayaa guud ahaan doorashooyinka ku guuleystay, inkasta oo guulahooda ay u badnaayeen magaalooyin yaryar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wefti u badan safiirro oo ka socda Midowga Yurub iyo Ingiriiska, ayaa maalinta berri ah imanaya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Ujeedka weftiga ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay xisbiyada iyo xukuumadda Somaliland ugala hadli lahaayeen in doorashooyinka degaanka iyo baarlamaanku inay ku qabsoomaan wakhtigoodii. Wararka kale ayaa iyaguna sheegaya in ujeedka weftiga ay ka mid tahay arrimo la xidhiidha wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta ka qeyb galay furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee Aqalka Sare, kadib markii uu madaxweynaha ka baaqday Madaxweyne Farmaajo. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu isaga u soo wakiishay ka qeybgalka kulanka. Sababaha uu madaxweynaha kulanka uga baaqday ayuu ku sheegay sababo amni oo jira, balse Ra’iisul Wasaare Kheyre ma uusan sii faah faahin. Si kastaba, xildhibaanada Aqalka Sare ayaa u muquda kuwa aysan ka gadmin sababta Kheyre sheegaym iyaga oo baaqashada Farmaajo ku qeexay “quursi” “Ma aqoon darraa, mise ogaal, mise quursi ayuu noogu soo diray, waan garan la’nahay laakiin waxaan ka rabnaa guddoonka” ayuu yiri Senator katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay caasimada Online. Caadiyan sida ku cad dastuurka Soomaaliya dalka waxaa ugu sarreeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ku xiga Guddoomiyaha Golaha Shacaka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi sababtoo ah waa 3da hogaamiya oo kaliya oo doorasho ku yimid halka Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu ku yimid magacaabis. Waxaa dad badan la yaab ku noqotay in Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu wakiisho Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoo u wakiishay furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare maadaama uu Kheyrre lahayn awood uu ku furo Kalfadhiga. Xasan Cali Khayre, Raysal Wasaaraha Soomaaliya waxa soo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi waxana codka kalsoonida siiyay labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya sidaas darteed waxaan suurta gal ahayn in Kheyrre uu furo Kalfadhi Baarlamaan, sida ay qabaan quburada dhanka Sharciga. Si walba maanta waxaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, oo sheegay in uu soo wakiishay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, taas oo aan aheyn wado sharci ah balse aheyd is afgarad aan sharciga waafaqsaneen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa faray laamaha amniga in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilka u geystay muwaadin Bajaajle ah, si caddaaladda loo horkeeno. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay wax laga naxo falkan foosha xun ee askari ka tirsan CiIdanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee (Munishiibiyo) uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo nolol maalmeedkiisa raadsanayay. Eng. Yarisow ayaa sheegay in dilalka dhalinyarada Bajaajle-yaasha ah ay ku soo laalaabteen Muqdisho, dilkii ugu danbeeyey ee uu geystay shaqsiga ka tirsan Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar uu Maamulka Gobolka Banaadir aad uga xumaaday qaadayana tallaabo walba oo caddaaladda lagu marsiinayo shaqsigii dilka geystay. “Waxaan farayaa Hay’adaha Ammaanka in gacanta lagu soo dhigo shaqsigii ka danbeeyey dilka darawalka Bajaajlaha ahaa, si caddaaladda loo horkeeno, Maamulka Gobolka Banaadirna waxaa ka go’an in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid walba oo ku xadgudbaysa dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqaysa Bajaajka oo dilalkoodu soo noq-noqday”. Duqa Muqdisho ayaa tacsi u diray ehellada dadka uu ka geeriyooday wiilkii waday Mooto Bajaajka, isagoo u caddeeyey in Maamulka Gobolka Banaadir uu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Caasimadda, shaqsigii dilka geystayna caddaaladda la horkeeni doono. View the full article
-
Afgooye (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay dilka Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan illaa 4 Askari ay toogasho ku dileen, kadib weerar gaadma ah oo ka dhacay gudaha degmadaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan dilka Askartaasi. Balse Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray meesha ay wax ka dhaceey ayaa baaritaano dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay halkaasi. Degmada Afgooye oo 30 KM K/ Galbeed ka xigta Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddi ku ah amniga oo isugu jira dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dilkan oo loo geystay wiil dhilinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaajle ayaa ka dhacay agagaarka Suuqa Ansalooti dhinaca degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Askari ka tirsan Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Minashiibiyo ayaa la sheegay in uu geystay dilkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Aweys Maxamed, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa. Aweys Maxamed oo ah Aabaha dhalay Marxuum Ibraahim oo Shabelle ay kula kulantay goobta uu dilku ka dhacay ayaa dowlada ka dalbaday in cadaalada la horkeeno Askarigii ka dambeeyay dilka Wiilkiisa. Dilkan ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii dambe ay cabasho xoogan muujinayeen wadeyaasha mootooyinka Bajaajka ee ka howlgala M/Muqdisho. View the full article
-
Popular Contributors