Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,150
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Habeen-01042019-sax.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay faah-faahin ka bixiyeen howlgalladii ugu dambeeyey oo ciidamada Booliska Soomaliyeed ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magalada Muqdisho iyo dilkii Maanta loo geystay Darawal Mooto Bajaajle ahaa. Taliye ku-xigeenka labaad Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay Magalada Muqdisho, ayaa sheegtay in howlgalladii ugu dambeeyey ee laga fuliyey Muqdisho ay Ciidamada Amniga kusoo qabteen dad lala xiriirnayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale ay intaasi ku dartay in shalay gelinkii dambe ay Ciidamada Ammaanka degmada Deeyniile ku qabteen Nin ka tirsan Al-Shabaab oo dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale waxa ay soo hadal qaaday dilkii askari ka tirsan Ciidamada kuwa Canshuurta qaada ee Minashiibiyada uu Muqdisho ugu geystay Darawal Mooto Bajaajle ahaa, waxana ay sheegtay in askarigaas cadaalada la horkeeni doono. Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay Muqdisho ka wadeen howlgallo xoogan, waxaana sidoo kale xiran inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir. Hoos ka aawo Taliye Zakiya
  3. (SLT-Hargeysa)-Saddex qof ayaa Biyo la’aan (Harraad) ugu dhintay deegaanka Laasdoomaare ee degmada Ceel-Afweyn, gobolka Sanaag, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dalbaday kulan uu la qaato qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Arab. Sida ay sheegeen warar ay xog ogaal ah madaxweyne Muuse Biixi ayaa codsaday kulan lagaga hadlo arinta ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo uu la qaato haldoorka ka soo jeeda beelahaasi. Kulanka oo wararku sheegeen inuu qorshaysnaa maanta ayaa dib u dhacay ka dib markii uu madaxweyne Muuse Biixi xubno haldoor ah oo ka soo jeeda beelaha arab ku soo wargeliyey in dib loogu dhigo kulankaasi. Dhinaca kale wararka ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Muuse Biixi uu ganafka ku dhuftay in wax kulan ahi uu dhexmaro salaadiinta beelaha arab ee shalay ka hadlay qorshe ay sheegeen in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi doonayso inay ganacsade Axmed Cismaan Geelle ugu gacan galiso dawlada Djibouti, isaga oo aan soo bandhigin sababaha ku dhaliyey inaanay is arag madax dhaqameedka beelahaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daray inaanu si rasmi ah u cayimin wakhtiga uu ugu tala galay inuu la kulmo qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Arab. Xubnaha haldoorka ah ee ay qorshaysnayd in madaxweyne Muuse Biixi ay si toos ah u kulmaan ayey wararku xaqiijiyeen inay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee somaliland Xasan Ciise Jaamac, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Cabdilaahi Xuseen Iimaan Darawal, Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Ganacsade Idirs Anchor. Kulankan ayaa haddii uu qabsoomo waxa uu noqon doonaa kii ugu horeeyey ee madaxweyne Muuse Biixi la yeesho wax garad ka soo jeeda beelaha Arab tan iyo markii uu qabtay xilka madaxtinimada somaliland. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha Soomaalida ah ee ka shaqeeya xarunta shisheeyaha ku sugan Soomaaliya ee Xalane, ayaan maanta shaqo gelin kaddib markii loo diiday in ay xeradaasi galaan. Qaar ka mid ah Shaqaalaha ayaa la arkayay iyaga oo tuban Banaanka hore ee Iridda laga galo Xerada Xalane, halkaas oo loo sheegay in aysan geleynin xerada gudaheeda. Warar xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in arrintan ay ka dhalatay digniin dhinaca amaanka ah oo dhawaan loo diray shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Muqdisho, taasi oo ku saabsan inay weerari ka dhici karaan magaalada. Wararka ana helnay ayaa sidoo kale sheegay inay jirto cabsi laga qabo shaqaalaha Soomaalida ah ee halkaasi ka shaqeeya, taasi oo keentay in loo diido inay xarunta galaan, ayada oo amniga aad loo adkeeyey. Todobaadkii hore Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Muqdisho ayaa soo saaray farriin dhinaca amaanka ah oo ay ku sheegeen in Muqdisho ay ku jiraan Gawaari ay ka buuxaan Wlaxaha qarxa kuwaas oo lala beegsanayo dadka Ajanabiga ah, Xarumaha dowladda Soomaaliya iyo meelaha dadku ku badanyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Caawa Ciidamo ku dhow kun Askari oo katirsan Milateriga Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ay ku wajahan yihiin degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya. Ciidamadaan oo u badan kuwa dhowaan tababar loo soo xiray kana tirsan Guutada 14-ka October ayaa la sheegay in ay loo diray in Al-Shabaab ay ka saaraan degaano iyo degmooyin katirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan degaanada ku dhow degmada Balcad iyo degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Basra iyo nawaaxigeeda. Saraakiisha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Ciidankaan ay hogaaminayaan Saraakiil sare oo katirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, ujeedkana uu yahay in Al-Shabaab dalka laga saaro sida ugu dhaqsiayaha badan. Xubno katirsan Guutada 14-ka Octoober ayaa Caasiamda Online u sheegay in Caawa ay ku baxayaan Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan aagga Balcad maalmo kadibna ay u jiheysan doonaan dhinaca Marka iyagoo maraya dhinaca Xeebta. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalmo ka hor Wasaaradda Gaashaandhigga ka sheegay in dhowaan DF-ka Soomaaliya ay bilaabi doonto howlgalo dalka looga saarayo Al-shabaab, waxaana la sugayaa in dagaalka dhowana ka bilaawdo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Guddoomiyaha Guurtida Oo Diray Guddi Xaqiiqo Raadin Ah Oo Baadhitaan Ku Soo Samaysa Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Iyo Dhibaatada Biyo Yaraanta Ah Ee Ka Jirta Caasimadda Hargeysa (Somalilandtoday) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Xubno ka mid ah Xildhibaannada Golahaasi u xil-saaray inay baadhitaan ku soo sameeyaan Xaaladda dhabta ah ee ka jirta Cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo dhibaatada Biyo yaraanta ah ee ka jirta Caasimadda. Guddoomiyaha ayaa baadhitaankan Xildhibaannada u xil-saaray, ka dib markii Dood Xildhibaannada Golahaasi yeesheen shalay ay qaarkood sheegeen in Xaalad adagi ka jirto Cisbitaalka guud ee Hargeysa isla-markaana shay kasta oo bukaannadu u baahdaan ay lacagtooda ku soo iibsadaan, halkii ay ka ahayd in waxyaabaha qaarkood Lacag la’aan loogu qabto muwaadiniinta bukaanka ah, waxayna codsadeen in loo yeedho Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Biyaha, si wax looga waydiiyo Biyo yaraanta Hargeysa iyo dhibaatada ka jirta Cisbitaalka guud ee Hargeysa. Laakiin, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo markaa ka dib hadlay ayaa soo jeediyey in Xildhibaannadu inta aanay codsan in loo yeedho Wasiirrada Biyaha iyo Caafimaadka ay indhahooda ku soo arkaan Xaaladda dhabta ah ee Cisbitaalka iyo Biyaha ee ka jirta Hargeysa, waxaanu yidhi “Eedo badan baad qaybiseen, ha noqoto dhakhaatiirta, dhalinyarada wax ku baranaysa iyo biyaha, intaba eed baad qaybiseen, markaa waxba loo yeedhi maayo Wasiir Biyood iyo mid Caafimaad midna laakiin Xildhibaannadiina Guddiga Arrimaha Bulshada, Maxamed Cabdiraxmaan, Dayib, Balaaki, Jirde iyo dheeg, illaa aad idinku meesha tagtaan oo aad soo ogaataan waxa meesha ka jira (Looma yeedhayo), haddaynu markaa ku qanci wayno ayaynu dooni (Wasiirrada)..” Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu xildhibaannada u soo jeediyey inay eedda iska dhowraan “Waxaad yeeshaan inaad eedda iska dhowrtaan oo wixii aynu halkan kaga doodnaa waa inuu noqdaa wax aynu soo hubsano..”ayuu yidhi. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa si lama filaan ah guul-darrooyin xooggan ay ka gaareen doorashooyinka dowldaha hoose ee dalkaas, ayada oo looga adkaaday magaalooyinka waa weyn ee dalka. Musharaxa xisbiga mucaaradka ee duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu ayaa 28,000 oo cod ka horreeya musharaxa xisbiga AKP ee talada haya Binali Yildirim, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga sare ee doorashada, Sadi Guven. Natiijada doorashadii dhacday axaddii, ayaa muujineysa in xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP uu sidoo kale lumiyey magaalada Ankara, taasi oo lama filaan noqotay. Imamoglu ayaa ku guuleystay 4,159,650 oo cod, halka musharaxa xisbiga AKP, ahna ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Binali Yildirim uu helay 4,131,761 oo cod, ayada oo ay hareen kaliya 84 sanduuq codadkooda oo aan weli la tirin. Labada musharax ayaa mid walba uu guul-sheegtay saacado kadib markii ay soo xirantay codbixinta magaalada ugu weyn ee dalkaas ahna xarunta dhaqaalaha dalka. Xisbiga Erdogan ayaa sidoo kale looga adkaaday magaalada Izmir, hase yeeshee taasi waxay ahayd mid la filayey, maadaama ay mucaaradka ku xooggan yihiin. Sababaha ugu weyn ee guul-darrooyinka xisbiga AKP kasoo gaaray magaalooyinka waa weyn ayaa loo sababaynayaa ayada oo bilihii ugu dambeeyey dhaqaalaha dalkaas uu ku yimid hoos u dhac. Si kastaba, marka laga soo tago guul-darrooyinka magaalooyinka, xisbiga Erdogan ayaa guud ahaan doorashooyinka ku guuleystay, inkasta oo guulahooda ay u badnaayeen magaalooyin yaryar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Wasaarada Cadaaldu waxay maanta isugu yeertay Culimada Iyo Dhakhaatirta si ay dood uga yeeshaan kufsiga iyo ciqaabta uu mutaysan karo qofkii kufsi sameeya iyo haday [...] Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Wefti u badan safiirro oo ka socda Midowga Yurub iyo Ingiriiska, ayaa maalinta berri ah imanaya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Ujeedka weftiga ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay xisbiyada iyo xukuumadda Somaliland ugala hadli lahaayeen in doorashooyinka degaanka iyo baarlamaanku inay ku qabsoomaan wakhtigoodii. Wararka kale ayaa iyaguna sheegaya in ujeedka weftiga ay ka mid tahay arrimo la xidhiidha wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta ka qeyb galay furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee Aqalka Sare, kadib markii uu madaxweynaha ka baaqday Madaxweyne Farmaajo. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu isaga u soo wakiishay ka qeybgalka kulanka. Sababaha uu madaxweynaha kulanka uga baaqday ayuu ku sheegay sababo amni oo jira, balse Ra’iisul Wasaare Kheyre ma uusan sii faah faahin. Si kastaba, xildhibaanada Aqalka Sare ayaa u muquda kuwa aysan ka gadmin sababta Kheyre sheegaym iyaga oo baaqashada Farmaajo ku qeexay “quursi” “Ma aqoon darraa, mise ogaal, mise quursi ayuu noogu soo diray, waan garan la’nahay laakiin waxaan ka rabnaa guddoonka” ayuu yiri Senator katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay caasimada Online. Caadiyan sida ku cad dastuurka Soomaaliya dalka waxaa ugu sarreeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ku xiga Guddoomiyaha Golaha Shacaka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi sababtoo ah waa 3da hogaamiya oo kaliya oo doorasho ku yimid halka Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu ku yimid magacaabis. Waxaa dad badan la yaab ku noqotay in Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu wakiisho Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoo u wakiishay furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare maadaama uu Kheyrre lahayn awood uu ku furo Kalfadhiga. Xasan Cali Khayre, Raysal Wasaaraha Soomaaliya waxa soo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi waxana codka kalsoonida siiyay labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya sidaas darteed waxaan suurta gal ahayn in Kheyrre uu furo Kalfadhi Baarlamaan, sida ay qabaan quburada dhanka Sharciga. Si walba maanta waxaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, oo sheegay in uu soo wakiishay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, taas oo aan aheyn wado sharci ah balse aheyd is afgarad aan sharciga waafaqsaneen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa faray laamaha amniga in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilka u geystay muwaadin Bajaajle ah, si caddaaladda loo horkeeno. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay wax laga naxo falkan foosha xun ee askari ka tirsan CiIdanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee (Munishiibiyo) uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo nolol maalmeedkiisa raadsanayay. Eng. Yarisow ayaa sheegay in dilalka dhalinyarada Bajaajle-yaasha ah ay ku soo laalaabteen Muqdisho, dilkii ugu danbeeyey ee uu geystay shaqsiga ka tirsan Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar uu Maamulka Gobolka Banaadir aad uga xumaaday qaadayana tallaabo walba oo caddaaladda lagu marsiinayo shaqsigii dilka geystay. “Waxaan farayaa Hay’adaha Ammaanka in gacanta lagu soo dhigo shaqsigii ka danbeeyey dilka darawalka Bajaajlaha ahaa, si caddaaladda loo horkeeno, Maamulka Gobolka Banaadirna waxaa ka go’an in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid walba oo ku xadgudbaysa dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqaysa Bajaajka oo dilalkoodu soo noq-noqday”. Duqa Muqdisho ayaa tacsi u diray ehellada dadka uu ka geeriyooday wiilkii waday Mooto Bajaajka, isagoo u caddeeyey in Maamulka Gobolka Banaadir uu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Caasimadda, shaqsigii dilka geystayna caddaaladda la horkeeni doono. View the full article
  13. Afgooye (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay dilka Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan illaa 4 Askari ay toogasho ku dileen, kadib weerar gaadma ah oo ka dhacay gudaha degmadaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan dilka Askartaasi. Balse Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray meesha ay wax ka dhaceey ayaa baaritaano dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay halkaasi. Degmada Afgooye oo 30 KM K/ Galbeed ka xigta Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddi ku ah amniga oo isugu jira dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Dilkan oo loo geystay wiil dhilinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaajle ayaa ka dhacay agagaarka Suuqa Ansalooti dhinaca degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Askari ka tirsan Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Minashiibiyo ayaa la sheegay in uu geystay dilkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Aweys Maxamed, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa. Aweys Maxamed oo ah Aabaha dhalay Marxuum Ibraahim oo Shabelle ay kula kulantay goobta uu dilku ka dhacay ayaa dowlada ka dalbaday in cadaalada la horkeeno Askarigii ka dambeeyay dilka Wiilkiisa. Dilkan ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii dambe ay cabasho xoogan muujinayeen wadeyaasha mootooyinka Bajaajka ee ka howlgala M/Muqdisho. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-01042019.mp3 View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Caateeye, ayaa bartiisa Twitterka ku beeniyay warqad baraha bulshada lagu faafiyay. Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa wuxuu beeniyay warqad la sheegay in uu isagu saxeexay wakhtigii uu joogay wasaaradda cadaaladda taas oo lagu amray in lagu soo xidho mid kamid ah ganacsatada Somaliland. Wasiirka Cabdiqani Caateeye ayaa waxa uu sheegay in ciddii warqadaa qortay ay cadow ku tahay jiritaan Somaliland. Source
  17. Sadex Qalad oo uu Madaxwayne Biixi ka galay habraaca diblomaasiyadda ee qaranka: ×××××××××××××××××××××××××××××××××××× Hakan Ka Daawo: 1. Xil ka qaadista uu dhawaan madaxwaynuhu ku sameeyay laba safiir [wakiil dal], iyada oo aan waligeed la arag madaxwayne yidhaahda safiir ama wakiil xilkii waa aan kaa qaaday oo ducaqabe xilku waa meerto ee nabadeey iyo carraabo wanaagsan! Madaxwaynahuhu xaq uma laha xil ka qaadis safiir ama qunsul, marka xilka laga qaadayo waxaa jira hab maamuus ama protocol loo maro, kow waa in wasiirka khaarajigu uu diblomaasigaa u yeedhaa kuna soo celiyaa wasaaradda arrimaha dibedda isaga oo u qoraya warqad ah in looga baahan yahay wasaaradda shaqadii uu dalkaa uu joogay ka hayayna ay soo dhammaatay. Safiirku marka ay warqadaasi soo gaadho waxa uu war gelinayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka uu joogo kadib waxaa loo samaynayaa sagootin sharafeed uu madaxwaynaha ama wasiirka khaarajiga la kulmayo, waxaana lagu sii maamuusayaa casho sharafeed laguna soo casuumayo safiirada dawladaha kale ee dalka ku sugan, diblomaasigaasi waxa uu ku soo xaroonayaa muddo aan ka badneyn 30 cisho. 2. Curfiga dawliga ah ee dhanka magacaabista xilalka safiirnimo waxaa leh guddida joogtada ah ee wasaarada arrimaha dibada iyo wasiirka arrimaha dibada, safiirka ay isla qaataan in dawlad heblaayo loo magacaabo ayaa la hor gaynayaa madaxwaynaha magacaabis-tiisa iyo CV-giisa oo dhammaystiran markaas ayaa uu madaxwaynuhu saxeexaa ama diidaa isaga oo qoraya sababta uu ku diiday. Safiirka la soo celiyay marka uu dalka yimaado, waxa uu si toos ah uga hawl galayaa wasaaradda arrimaha dibada, intaa kadib ayaa madaxwaynaha iyo wasaarada arimaha dibadu xaq u leeyihiin in ay qoraan warqada layidhaahdo soo jeedin safiir, waxa ayna maraysaa saddex sallaan kadib ayaa uu madaxwaynuhu saxeexaa digreetada safiirka cusub ee ka soo fushay wasaaradda arimaha dibada. Waraaqaha diblomaasiyada dalka xafiiska madaxwaynaha lagama soo curiyo ee way ku dhammaadaan, Madaxwaynuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu si toosa ah u magacaabo 10% safiirada dalka isaga oo aan la tashan wasaaradda arimaha dibadda waxaana kamid ah masuuliyiina loo yaqaano oo macruufka ah sida:- Taliaha sirdoonka qaranka. Taliyaha ciidanka Milatariga. Xeer ilaaliyaha guud iyo Guddoomiyaha maxkamadda sare. 3. Xil beddelka uu madaxwaynuhu ku sameeyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibada oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Masar casuumad rasmi ahna ka helay dhigiisa dalkaa, xil beddalkan oo dhabar jab weyn ku ah xidhiidhka cusub ee somaliland iyo Masar waxa aan aaminsanahay in dawlada Masar iyo dhammaan dawaladaha indhaha ku hayay safarka wasiir kuxigeenka ku joogay Qaahira in ilaa shalay su’aalo badan ay iska weydiinayeen. Ugu dambayn madaxwaynaha waxa aan xasuusinayaa in xil kaqaadistii uu ku sameeyay saddexda wasiir ee wasaaradahoodii lagu soo eedeeyay musuqmaasuq ee uu ku qancay in uu xasaanadda ka qaado in ay ahayd in uu digreetada ku caddeeyo “kadib markii musuq maasuq la idinku soo eedeeyey, eedeymaha hordhaca ahna aan ku qancay waxa aan goaan saday in aan xilalkii qaranka idinka xayuubiyo” ee aanu u eryin sidii masuuliyiinta caadiga ah. Wali sixid baan la joogaa, saxarkii qaloocdaba! Alaa mahad leh. . Amb Ahmed Safiina X/X/D/C/I/W/I/EE XISBIGA WADDANI Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu dambeyn maanta furay kalfadhigga 5-aad ee Aqalka Sare ee baarlamanka, kadib saacado dood iyo buuq ah. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa markii hore u diiday in Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, uu furo Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka Sare, kadib markii ay ka hor-yimaadeen xildhibaanada. Muddo saacado ah ayaa la sheegay in ay taagneed dood culus oo ku saabsan awoodda uu u leeyahay Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre, in uu furo Kalfadhiga Aqalka Sare. Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Raysal Wasaaraha uusan awood u lahayn, Dastuurkana ku qorneen in Raysal Wasaaraha furo Kalfadhi ay leeyihiin Baarlamaanka Soomaaliya, sidaas darteedna uu yimaado Madaxweynaha Soomaaliya. Senatoro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in maanta lagu ballansanaa Madaxweynaha Soomaaliya uu furo Kalfadhiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya balse mar dambe loo soo diray Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, taasi oo ay aad uga hor-yimaadeen. Si kasabata murankan ayaa markii dambe la xaliyey, ayada oo dhinacyadii ku sugnaa Aqalka Sare ay go’aamiyeen in Kalfadhiga uu furo Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyrre iyadoo la ogyahay in aysan sax ahayn. “Raysal Wasaaraha iyo Guddoonka Aqalka Sare iyo Xubno wasiiro ah muddo saacado ah ayey ku shirsanaayeen xafiiska Guddoomiyaha, dood dheer kadib waa loo fasaxay Kheyre” ayuu yiri Senetor la hadlay Caasimada Online. Dhamaan khudbadihii ay jeediyeen Madaxdii ka qayb-gashay Munaasabadda ayaa laga dareemayay in khilaaf iyo dood ay ka dhalatay ka soo qaybgalka Munaasabadda Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre. Dhinaca kale, senator-ada qaar ayaa ku adkeystay diidmadooda, waxayna isaga tageen xarunta markii Kheyre loo ogolaaday inuu furo khudbadda, waxaana la sheegay in khudbaddisia ay ka maqnaayeen qaar badan oo ka mid ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID ayaa duulaan ku tilmaamay arrinta la xidhiidha ganacsade Axmed Cismaan Geelle, oo xukuumadda Jabuuti doonayso in ay dacwad kaga furto Maxkamadaha Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Ankara)-Xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa guul-darrooyin xooggan ay ka gaadheen doorashooyinka dowldaha hoose ee dalkaas, ayada oo looga adkaaday magaalooyinka waa weyn ee dalka. Musharaxa xisbiga mucaaradka ee duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu ayaa 28,000 oo cod ka horreeya musharaxa xisbiga AKP ee talada haya Binali Yildirim, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga sare ee doorashada, Sadi Guven. Natiijada doorashadii dhacday axaddii, ayaa muujineysa in xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP uu sidoo kale lumiyey magaalada Ankara, taasi oo lama filaan noqotay. Imamoglu ayaa ku guuleystay 4,159,650 oo cod, halka musharaxa xisbiga AKP, ahna ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Binali Yildirim uu helay 4,131,761 oo cod, ayada oo ay hareen kaliya 84 sanduuq codadkooda oo aan weli la tirin. Labada musharax ayaa mid walba uu guul-sheegtay saacado kadib markii ay soo xidhantay codbixinta magaalada ugu weyn ee dalkaas ahna xarunta dhaqaalaha dalka. Xisbiga Erdogan ayaa sidoo kale looga adkaaday magaalada Izmir, hase yeeshee taasi waxay ahayd mid la filayey, maadaama ay mucaaradka ku xooggan yihiin. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in ay fashilmeen wadahadaladii u dhexeeyay xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI. Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, oo WADDANI u hadlay ayaa sheegay in natiijo la’aan ay ku soo dhamaadeen wadaxaajoodkaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dad u badan dhalinyaro ayaa waxaa Maanta ay baanbax ka dhigayaan qaar ka mid ah Isgoysyada waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyaga oo cabasho ka muujinaya darawal Mooto Bajaajle ah oo la dilay. Askari ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa agagaarka Isgoyska Dabka waxa uu ku dilay darawal Mooto Bajaajle ah, isaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday. Dadka banaanbaxa dhigaya oo u badan Darawalada Mooto Bajaajka ayaa markii hore waxa ay ku banaanbaxeyn Isgoyska dabka, hayeeshee Ciidamada Booliska Saldhiga Waaberi ayaa rasaas kusoo kala Eryay. Goordhow ayaa waxaa ay banaanbax ka bilaabeen Isgoyska ceelgaabta ee degmada Xamar Jajab, waxaana Wadada bartankeeda ay ku gubeen taayaro Waaweyn. Waxaa hakad ku jira isku-socoka Gadiidka noocyadiisa kala duwan oo isticmaali jiray Isgoyska Ceelgaabta.
  23. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa si adag uga hadlay arrinta dhiibista ganacsadaha reer Somaliland ee Axmed Geelle, waxaanay farriin culus u direen dawladda Jabuuti, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho. C/raxmaan Cismaan Yariisow oo maanta ka qeybgalay munaasabad lagu furayey Kalfadhiga Shanaad ee golaha aqalka sare ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah. Injineer Yariisow ayaa sheegay in baarlamaanka federaalka shaqooyin badan looga fadhiyo, islamarkaana waxyaabaha ay ka sugayaan uu ka mid yahay maqaamka magaalada Muqdisho. Dhanka kale, Injineer Yariisow ayaa sheegay in si wanaagsan u socdaan howlgallada lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho, ciidamadana ay dedaal badan wadaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/Cod-Yariisow.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com