Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,187
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Algeria)-Madaxweynaha waayeelka ah ee dalka Aljeeriya Cabdicasiis Bouteflika ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo ka hor 28ka bishan April , sida ay baahisay Wakaalada wararka ee APS ee dalkaasi. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha waxaa lagu yidhi, in madaxweynuhu uu qaadi doono tallaabooyin lagu hubinayo in hay’adaha dowladu ay sii shaqayeen xiligi kala guurka. Iscasilaada madaxweynaha ayaa imaanaysa ka dib markii Taliyaha millaeriga dalka Aljeeriya Gen.Ahmed Gaid Salah uu ku baaqay in Baarlamaanka wadankaasi ay xilka ka qaadaan Madaxweynaha oo uu sheegay aanu gudan karin shaqadiisa. Tan iyo badhtamihii bishii Feberaayo shacabka Aljeeriay ayaa dhigayay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo in Madaxweyne Bouteflika oo ah 82 sanno jir uu markii 5aad xilka u tartamo doorashadii la qorsheeyey inay dhacdo bisha soo socota ee April. Sida uu dhigayo dastuurka wadankaasi, waxaa bedeli doonaa madaxweynaha iscasilay guddoomiyaha aqalka ee barlamaanka, kaasi oo xilka hayn doona muddo 90 maalmood, kadibna waxaa la qaban doonaa doorasho madaxtinimo. Cabdicasiis Bouteflika waxaa uu dalkaasi Aljeeriya soo xukumayay ilaa 1999kii, waxaa lagu xasuusan doonaa inuu soo afjaray dagaalkii dhiiga badani ku daatay ee u dhexeeyay milateriga wadankaasi iyo xisbiyadii Islaamiga ah. Source
  2. New York (SMN) – Hay’adda Gargaarka degdega ee Qaramada Midoobey [UNOCHA] iyo sanduuqa bini’aadanimada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in 45.7 milyan oo dollar oo wax looga qabanayo abaar ka jirta gobollo ku yaalla waqooyiga dalka Soomaaliya. Mark Lowcock, oo ah kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani-aadamnimada iyo Iskuduwaha Gargaarka Degdegga ah, ayaa sheegay in 12 milyan oo doolar oo kamida lacagtaan loogu talo galay in si degdeg ah looga jawaabo cunno yari baahsan oo ka jirta gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Lowcock ayaa intaasi ku daray in dad gaaraya 823,000 oo qof ay qarka u saaran yihiin inay gaajo u dhintaan, kuwaasoo u baahan inay helaan gurmad degdeg ah oo raashiin iyo biyo nadiif ah isagu jira. “Yaboohan lacageed waaxay awood u siin doontaa hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya in ay cunto iyo biyo nadiif ah, iyo daryeel caafimaad iyo taageero waxbarasho waqtiga ugu gaaban ay gaarsiiyaan meelaha ay baahidu ka jirto,” Lowcock ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo saaray. Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in kabadan 4.2 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah sannadkan, oo ay ku jiraan 900,000 carruur ay nafaqo-xumo ba’an hayso. Lowcock wuxuu sheegay in lacagta loo isticmaali doono gargaarka cuntada ee gobollada Awdal iyo Woqooyi Galbeed, iyo nafaqada, caafimaadka, iyo biyaha iyo fayadhowrka iyo nadaafadda ee gobollada Sool, Sanaag iyo Bari. “Waxaan mudnaan siin doonaa carruurta, haweenka, waayeelka, iyo dadka naafada ah, kuwaas oo si xun u dhibaateeyey abaarta iyo iskahorimaadyadu ka jira waqooyiga Soomaaliya,” ayuu raaciyay Lowcock. Xaaladda sugnaan la’aanta cuntada ee Soomaaliya ayaa ka sii daraysaa, gaar ahaan waqooyiga, iyo qaybo ka mid ah bartamaha dalka sababtuna tahay roobabka xilliga Deyrta oo si wanaagsan u da’in. View the full article
  3. Baladweyne (SMN) – Wararka naga soo gaarayaG/Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ay ka sii dartay xaaladda biyo la’aaneed ee gobolkaasi. Meelaha ugu daran ee haatan xaaladaha nololeed ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Farmojawaaley iyo kuwa kale oo dhacay gobolka Hiiraan. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka xoogan ee ka jira halkaasi. Waxaana uu sheegay in halkii Foosto oo biyo ah la kala siisanayo lacag dhan 10 Dollar oo u dhiganta 250 kun oo shilinka Soomaaliga ah. Biyo la’aanta baahsan ee ka jirta Hiiraan ayaa waxaa loo sababeynayaa guritaanka Wabiga Shabelle oo ay ku tiirsanaayeen dadka ku dhaqan gobolkaasi. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaraaha XFS Xasan Cali Khayre oo la hadlayay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay tira koobka Ciidamada dowladda oo ay wado xukuumaddiisa. Waxa uu sheegay in haatan la diiwaan galiyay illaa 16203 Askari oo ka mid ah Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa xuusay in Ciidamadaasi ay si toos musharaadkooda u qaataan, islamarkaana bil weliba ay ugu soo dhacdo Akoono ay leeyihiin. Sidoo kale waxa uu uu tilmaamay ra’iisul wasaaruhu in weli uu socda tirakoobka, islamarkaana uu marayo meel wanaagsan. Tallaabadan ayuu sheegay in qeyb ay ka tahay dib u habeen ay dowladda federaalka ku sameyneyso Ciidamadeeda. Bilihii la soo dhaafay DFS ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waday qorsheyaal guud oo lagu hormarinayo Ciidamada Qaranka, dibna loogu soo nooleynayo sharaftii ay lahaayeen bariisaamaadkii, si dalku uu u yeeshay Ciidan awood leh. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) -Waxaa maanta lagu wadaa in Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka, kaas oo uu ka Geeriyooday Marxuum Cismaan Cilmi Boqore oo 23-kii February ee sanadkan lagu dilay degmada Kaaraan ee G/ Banaadir. Guddiga doorashooyinka Qaranka ma shaacin tirada musharraxiinta u tartameysa Kursigaasi. Balse wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha tartamaya uu ku jiro mid ka mid ah Caruurtii uu dhalay Xildhibaanka Geeriyooday. Allaha u naxariistee Xildhibaan Boqore ayaa ka mid ah guddiga difaaca BFS, waxaana uu door fiican ka soo qaatay dhisida dowladnimada Soomaaliya. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-02042019.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Xiisad u dhaxeysa ciidamo taabacsan dowladda Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah Senetor Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka taagan xaafado ka tirsan degmada C/casiis ee gobolka Banaadir. Xiisadda oo maalmahaan ka taagneyd degmada C/casiis ayaa waxaa sidii xal loogu heli lahaa ku mashquulsanaa guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka iyo odayaal dhaqameed isku beel yihiin Muuse Suudi. Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii maamulka gobolka Banaadir uu soo saaray amar ah in dadka degen xeradii hore ee ciidamada Badda Soomaaliya ee Marinaayo inay ka guuraan, iyadoo muddo loo qabtay dhamaan xubnaha degen Mirinaayo. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee ku howlanaa daminta xiisadda ayaa sheegay in Muuse Suudi uu la yimid ciidamo badan oo taageersan, waxaana ay aagag ka galeen guriga uu ku leeyahay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, taasi oo xiisadda kordhisay. Nabadoon C/qaadir Maxamuud Maxamed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay degen yihiin agagaarka guriga Senetor Muuse Suudi, isaga oo sheegay in habeen kastaa ay cabsi ku seexdaan. “Waxaan arkeynaa , ciidan uu Muuse la yimid, dhulkaa lagaa Qaadayaa ayaa la yiri, Muuse wuxuu noo sheegay in dowladihi hore ay dhulka u saxiixeen, decument ayuuna heystaa oo horey loogu saaxiixay, habeen kastaa cabsi ayaan ku jiifanaa goorta dagaalka uu dhacayo ayaan ka cabsaneynaa”ayuu yiri Nabadoonka. Xiisadda ayaa maalmahaan ka taagneyd degmooyinka dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho, waxaana laga baqayaa saacad walbaa in dagaal uu ka dhaco xeradii hore ee ciidamada Badda oo ku taala degmada C/casiis. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Muuse Suudi uu dalbaday in dib loogu celiyo dhaqaalaha ka galay dhulka uu degen yahay oo la sheegay inuu u heysto Cadeymo muujinaya lahaanshaha dhulka, maadaama horey loogu sharciyeeyay. Xeradii hore ee ciidamada Badda waxaa degen saraakiil ciidan, masuuliyiin, Ganacsato, siyaasiyiin iyo ra’iisul wasaare Hore Mr Shirdoon, waxaana dhamaantood laga doonayaa inay ka baxaan. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horey u sheegay in dhulkaasi laga dhigao Dhul safaaradeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa markale ku celiyay in wali uu jiro khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka oo aan xal laga gaarin. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa sheegay in Khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka marar badan ay isku dayeen in xal laga gaaro, laakiin aysan dhicin. Wuxuu sheegay in xal u helida khilaafkaasi ay wax badan kaga tanaasuleen, balse dhanka golaha shacabka aysan muujin dabacsanaan buuxda si Khilaafka xal looga gaaro. Khilaafka labada aqal ee baarlamaanka oo ku saleysan dhanka wada shaqeynta, meel marinta sharciyada iyo dhaqaalo la isku fahmi waayay ayaa sababay in siyaabooyin kala duwan loo furo kalfadhiyada baarlamaanka. Waxaa uu intaasi ku daray hadalkiisa in Aqalka Sare uu diyaar u yahay in waxwalba oo dhaawici kara wadashaqeyn wadahadal lagu xaliyo, balse uu Golaha Shacabka ka waayey in uu la qaato arrintaas. Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa haatan ka dhaxeeya khilaaf, iyada oo Golaha Aqalka sare ay xiriirka wadashaqeyn ay u jareen Golaha Shacabka,waxaana xusid mudan in dhowr bil ka hor uu Madaxweyne Farmaajo sheegay in uu xalinaayo balse aysan suurtagelin. Ma jirto Jawaab inta badan golaha shacabka ay ka bixiyaan eedeynta kaga timaada golaha aqalka sare. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha beelaha Muqdisho ayaa dowladda federaalka ugu digay inaysan aqbali doonin in ciidamada qaranka Soomaaliya xuquuqdooda loogu diido magac qabiil, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in maalmihii dhowaa ay odayaasha lahaayeen kulamo hoose, kuwaasi oo go’aanadii kasoo baxay ay ka mid ahaayeen wafti loo diray dowladda “oo runta u sheegay una digay.” Kadib markii ay gadoodeen qaar ka mid ciidamada milatariga Soomaaliya oo ku sugan gobollada Shabeellooyinka, ayaa taageerayaasha iyo xubno ka mid ah dowladda waxay billaabeen inay ciidankaas ku sheegaan ciidan qabiil, taasi oo odayaasha ka carreysiisay. “Haddii dowladda ay isku daydo inay ciidankaas xuquuqdooda ku diido inay cayaarto kaar qabiil, waxa ku dhiban waa ayaga un” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah odayaasha. “Kama aqbali doonno madaxda dowladda in boqolaal milyan oo ah dakhliga gobolka Banaadir iyo canshuurta dadka Muqdisho ay ku qaadato magac dowlad ama qaran, balse haddana ay ciidankii dowladda ee kasoo jeeday deegaankan ay ku sheegto ciidan qabiil” ayuu yiri odayga la hadlay Caasimada Online, oo codsaday inaan la magacaabin maadaama, sida uu sheegay ay, dowladda aqbashay inay arrintan xaliso. Sida aan xogta ku helnay, dowladda ayaa ku dooday in arrintan aysan ahayn siyaasad dowladeed balse ay ka dhalatay shaqsiyaad iska hadlay. Ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho iyo Shabeelooyinka ayaa u badan kuwa kasoo jeeda beelaha dega Muqdisho iyo gobollada ku dhow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku xayiray muddo saacado isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho hilib badan oo lagu waday gaari HOMEY ay oo kusoo eeday degmada X/weyne ee gobolka Banaadir. Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in darawalka Gaariga ay ka qaateen Furaha uu watay, waxayna dhalisay in muddo uu ku xayirnaado goobta gaariga, waxaana la sheegay in markii dambe wadahadal dheer ah kadib lasii daayay gaariga. Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay gaariga kaga shakiyeen in waxyaabaha qarxa lagu qariyay, taasi oo keentay in muddo uu ku xayirnaado gaariga isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. Gaariga ayaa waday Hilibka Geella oo lagu soo hagaajiyay Kawaan Bari oo ku yaala waqooyiga Muqdisho, waxaana uu ku wajahnaa Suuqa degmada X/Weyne ee gobolka Banaadir. Tan iyo markii la adkeeyay amaanka caasimada waxaa dhagxaan cusub la dhigay Isgoyska Sanca, waxaana loo ogaala kaliya inay kasoo gudbaan gaadiidka ay wataan madaxda dowladda Soomaaliya. Gaadiidka Khudaarta keeno magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale dhibaatadaan oo kale kala kulma isgoysyada magaalada Muqdisho oo la dhigay ciidamo badan oo xaqiijinaya amaanka caasimadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Fargelin uu sameeyay Ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa sahashay in dib dalkeeda ay ugu laabato ama la badbaadiyo Gabar Muslim Hindi ah oo Soomaaliya ay ku haysteen qoyska ninkeeda Soomaaliga ah. Gabadha oo 31 sano jir ah oo lagu magacaabo Afreem Begum, ayaa laga badbaadiyay gacanta dad ay ehel yihiin ninkeeda oo Soomaali ah oo Muqdisho ay la joogtay, waxaana la badbaadiyay 28 Maarso ee sanadkaan. Iyada iyo seddex gabdhood oo ay dhashay ayaana la filayaa inay ka degtay magaalada Mumbai ee caasimada dalka India 2 April. Iyadoo India aysan wax safaarad ah ku laheyn Soomaaliya, ayaa waxaa la sheegay in xafiiska Sare ee India ee magaalada Nairobi ay ka qeyb qaateen badbaadinta, iyaga oo caawimaad ka helay booliska Soomaaliyeed. Marka la eego sharciga Soomaaliya, Hooyada lama safri karto caruurta marka ay kala baxeyso dalka, iyada oo aan ogolaansho ka heysan aabaha dhalay caruurta, waxaana arintaasi la sheegay inuu soo farageliyay ra’iisul wasaaraha India Mr Modi, kaasi oo la hadlay madaxda Soomaalida isaga oo ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan gabadhaasi dib loogu celiyaa gurigeeda oo ku yaala gobolka Hyderabad. Gabadha ayaa reerkeeda waxay ku nool yihiin Deegaanka Basharath Nagar oo ka tirsan gobolka Hyrderabad. Sheekada Gabadha Hindiga ah ayaa bilaabatay sanadkii 2013 markii ay guursatay Maxamed Xuseen Ducaale oo Soomaali ah, waxaana xiligaasi Maxamed la sheegay inuu ka shaqeynayay Shirkad gaar loo leeyahay oo ku taala gobolka Hyderabad. Walow Ducaale la sheegay inuu heystay Baasaboorka Canada, haddana qoyskiisa ayaa ku noolaa magaalada Muqdisho, balse Ducaale iyo xaaskiisa ayaa kasoo tagay India bishii July sanadkii 2018, markii Ducaale uu soo jeediyay inay booqanayaan qoyskiisa oo ku sugan dalka Soomaaliya, waxayna horey usoo kaxeysay seddexdeeda Gabdhood. Siddeed bilood oo Gabadha Afreen ah, ay ka maqneyd India waxaa la sheegay inaysan wax xiriir ah la sameyn reerkeeda, sababtoo ah waxaa ay weysay WhatsApp ay kala xiriiri jirtay qoyskeeda, waxaase Afreen la sheegay inay caawin ka heli jirtay Gabar Muqdisho deris ay ku ahaayeen oo reerkeeda la xiriirin jirtay. Bartamihii bishii labaad ee sanadkaan 2019, aabaha dhalay gabadha ayaa la xiriiray Wasaaradda arrimaha dibada oo fariinta usoo gudbisay magaalada Nairobi, halkaasi oo baaritaanka gabadha uu ka bilowday. “Wuxuu ahaa kiis indhoolenimo ah, ma aanan heynin cinwaanka guriga ay ka degen tahay Soomaaliya, Caasimada Muqdisho waa meel ay qaraxyo ka dhacaan inta badan, qoyska seyga Gabadhayda waa sida dagaal oogayaal oo kale, wuxuu ahaa howlgal adag”ayuu yiri Gabadha aabaheed. Laakiin markii lagu guuleystay kadib, waxaa ku adkaatay inay caruurteeda kala duusho Muqdisho, kadib markii ay ku dhageen waaxda Socdaalka ee garoonka diyaaradaha, balse waxaa soo faregeliyay arinta ra’iisul wasaaraha India. Ugu dambeyntiina waxay ka duushay Muqdisho Xili Duhur ah, iyada oo raacday Diyaaradda Ethiopian Airline oo geystay magaalada Addis Ababa, kadibna waxay ka dagi doonaan magaalada Mumbai 2 April “Waxaan la walaacsanahy imaanshaha Afreen ee India. Kaliya markey soo cago dhigato ayaan dhoola cadeyn karnaa, waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa wasaarada arrimaha dibadda iyo ra’iisul wasaaraha. maxaa yeelay waxay dadaal badan ku bixiyeen inaan markale aragto Afreen iyo Gabdhaheeda”sidaasi waxaa yiri Afreen walaalkeed oo lagu magacaabo Syed Raheem Cali. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Indian Prime Minister rescues Hyderabad woman who was held captive in Somalia Prime Minister Narendra Modi’s personal intervention has led to the rescue of an Indian Muslim woman who had been held captive and tortured in Somalia by her in-laws since July 2018. The 31-year-old woman, Afreen Begum, was rescued from her captivity at Mogadishu in Somalia on March 28. She and her three daughters will land at the Mumbai airport on April 2. As India doesn’t have an embassy in Somalia, ground operatives of Indian High Commission in Nairobi conducted the rescue operation with the help from police in Somalia. However, according to the Somalian law, a mother cannot travel out of the country with children without permission of the kids’ father. It is at that point PM Modi intervened and spoke to the Somalian authorities and ensured safe and immediate return of Afreen Begum to her home in Hyderabad. Her parents live in Basharath Nagar in Hyderabad. Afreen Begum’s story unfolded in 2013 after she married one Mohamed Hussein Duale. At that time, Duale was working in a private firm in Hyderabad. Though a Canadian passport holder, Duale’s entire family lived in Somalia. Duale and Afreen lived in Hyderabad till July 2018 when Duale expressed his desire to visit his family in Somalia with Afreen and their three daughters. The couple left India on July 4 last year. For the next eight months, Afreen’s family could not contact her. They would get occasional WhatsApp calls that Afreen made with the help of a woman in the neighborhood where she lived in Somalia. Eventually, in mid-February 2019, Afreen’s father Syed Gafoor Ali, who is an auto-rickshaw driver, approached the External Affairs Ministry (EAM), which alerted the Indian High Commission in Nairobi-nearly 2,000 km away from where Afreen had been held captive. The search to spot Afreen and her location began immediately. “It was a blind case. We did not have her house address in Somalia. Mogadishu is a place where bomb blasts occur almost every 10-15 days. Besides, the family of Afreen’s husband was kind of warlord over there. It was a very difficult operation and we had to get all the paperwork ready before her actual rescue. It was impossible for us to keep her in Somalia for long,” an operative involved in Afreen’s rescue operation said. After the rescue, Afreen could not be moved out of the country because the Somalian immigration officials were not allowing her to take her three daughters. Finally, after the intervention of PMO, the four were allowed to fly out of Somalia at 2.40 pm IST by Ethiopian Airlines from Mogadishu to Addis Ababa. From there, they would take a flight to Mumbai at 10.50 pm and will land in Hyderabad on April 2 morning. “We are anxiously waiting for Afreen to land in India. Only then we will be able to smile. We are extremely grateful to the External Affairs Ministry and especially the prime minister. It was because of this concerted effort that we would be able to see Afreen and her daughters again,” Afreen’s brother Syed Raheem Ali said. Qaran News
  13. Qaramada Midoobay ayaa maanta cambaareysay sharciga Islaamiga ah ee ku dhaqankiisa uu toddobaadkan ka hir-galayo dalka Brunei, kaasi oo ay ku qeexday “mid arxan darro ah, oo ka baxsan bani’aadannimada.” Sharcigan ayaa dil ku xukumaya dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, kuwa ku kaca zinada, iyo in gacanta laga gooyo qofkii xatooyo sameeya. “Waxaan dowladda ka codsanayaa inay joojiso dhaqan-gelinta sharcigan, kaasi oo haddii la fuliyo, dib u dhac ku keeni doona ilaalinta xuquuqda aadanaha dadka Brunei.” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri madaxa Xuquuqda Aadanaha QM, Michelle Bachelet. Brunei, oo ah boqortooyo uu muddo 51 sano ah xukumayey Sultan Hassanal Bolkiah, ayaa sheegtay in ku dhaqanka shareecada Islaamka ay dalkaas ka billaaban doonto maalinta arbacada ah. Brunei, oo ku taalla Koonfur Bari Asia, ayaa markii ugu horreysay sharcigan ku dhowaaqday sanaddii 2013, hase yeeshee fulintiisa ayaa waxaa dib loo dhigay dhowr mar, kadib markii ay si aad ah u mucaaradeen kooxaha xuquuqda aadanaha. Sharciga ayaa qoraya in xukun dil ah lagu fuliyo dadka gaysta ficillada ay ka midka yihiin kufsiga, zinada, galmada laga sameeyo wixii ka baxsan xubinta taranka ragga ama dumarka, dhaca, iyo aflgaadeynta nebi Muxamed nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee. Waxa uu sidoo kale sharciga qorayaa in la karbaasho dumarka iska rida ilmaha iyo in gacan laga gooyo dadka ku kaca xatooyada. Sharciga ayaa dhinaca kale dhigaya dambi tahay in caruurta dalka Brunei lagu bar-baariyo diin aan ahayn tan islaamka. Qaran News
  14. Facebook oo kashifeysa sirteeda Shirkadda Facebook ayaa dhawaan daahfureysa barnaamij cusub oo sharraxaya sida ay u go’aansato waxyaabaha kasoo muuqda bogagga hore ee dadka isticmaala adeeggooda. Batoon cusub oo ay ku qoran tahay su’aasha ku saabsan sababta aad waxyaabaha uga aragtid shaashadda ayaa kuu caddeyn doona tallaabooyinka ay facebook u qaadday in ay kuu soo muuqdaan. Waa markii ugu horreysay ee ay shirkaddan macaamiisheeda u oggolaaneyso inay wax ka ogaadaan macluumaadkeeda sirta ah ee la xiriira shuruucdeeda. Shirkadaha Facebook, Twitter, Youtube iyo kuwo kale ayaa horay loogu dhaliilay inay iska go’aansadaan waxyaabaha u soo muuqda macaamiishooda, iyagoo aan sharraxaad ka bixinin sida ay howlahaas u maareeyaan. Mas’uuliyiinta Facebook ayaa BBC-da u sheegay in adeeggan cusub uu maanta u furan yahay qaar ka mid ah macaamiishooda ku sugan dalka UK, balse waxay ballan qaadeen in dunida oo dhan si rasmi ah looga arki doono wixii ka billowda 2-da bisha May ee soo socota. Batoonka lagu ogaanayo sirtan ayaa kasoo bixi doona qeybta kore ee dhanka bidix ah. Facebook ayaa sheegtay in ay macaamiisheeda usoo bandhigi doonto siro kale oo ku saabsan habka ay u shaqeyso. Waxay dadka u oggolaan doonaan inay ogaadaan sababta ay u arkaan xayeysiimaha, oo soo muuqanayay ilaa sanadkii 2014-kii. Shirkaddan ayaa horay ula kulantay eedeymo fara badan oo ku saabsan in xog lagu xaday iyo in lagu faragaliyay hannaanka doorashooyinka ka dhacay dalalka qaarkood. Isbuucii lasoo dhaafay ayuu madaxa shirkadda Facebook Mark Zuckerberg ku baaqay in dowladaha ay sameeyaan sharciyo arrimahaas wax looga qabto, isagoo sheegay in shirkadaha kaligood aysan awooddaas yeelan karin. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Barqanimadii Maanta ayaa askari ka tirsan Ciidamada kuwa Cansuurta qaada ee Minashiibiyada waxa uu agagaarka Isgoyska dabka ee degmada Waaberi uu ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa, kaas oo lagu Magacaabi jiray Ibraahim Aways Maxamed. Dilka Marxuumka ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo rabashado watay oo saacado badan ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir, kuwaas oo sababay in ay mudo hakad galaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan. Aabe Aways Maxamed oo ah Aabaha dhalay Marxuum Ibraahim Aways Maxamed ayaa sheegay in wiilkiisa uu u Shaqeyn jiray Qoys 7 ruux ka badan hooyadiis waa hore ay ka geeriyootay, isla markaana Galabta ay kusoo aaseen Khabuuraha Barakaat ee Magalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu rajo ka qabo in cadaalada la horkeeno askarigii ka dambeeyey dilka wiilkiisa, waxaana uu ugu baaqay guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxda dalka inay ka dhabeeyeen balanqaadii ahaa inay sharciga marsiiyaan ninkii dilay Wiilkiisa. Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa Magalada Muqdisho kusoo batay dilalka loo geysanayo Dhalinyarada ku Shaqeysata Mooto Bajaajta, waxaana weli jirin cid dilalkaas Maxkamada loo soo taagay. Hoos ka dhageyso Aweys https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Aabaha-wiilka-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Dalal Yurub Qaarkood oo shaaciyey in aqoonsadeen Baasaboorka Somalia Laba ka mid ah wadamada Yurub aya waxaa ay s irasmi ah ugu dhawaaqeen inay aqoonsadeen baasaboorka dalka Soomaaliya, kaas oo tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dalka laga aqoonsanaa kaliya dalal kooban. Dalalka ku dhawaaqay inay aqoonsadeen baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah wadamada Belgium iyo Luxembourg, kuwaas oo hadda kadib lagu tegi karo baasaboorka Soomaaliya, nooca diblomaastiga iyo kan shaqaalaha dowladda. Qofka sida baasaboorka Soomaaliga, ayaa si kastaba weli uu baahnaanaya Visa, si la mid ah baasaboorada kale ee caalamka. Arrintaan ayaa sida la sheegay waxaa si wadajir ah ay uga shaqeeyey wasaaradda arrimaha dibedda iyo hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya. Labadaan wadan ayaa waxaa ku nool Soomaali badan oo dhibaato ku qabay arrimaha baasaboorka iyo socaalka, taasi oo hadda ay xalin doonto aqoonsigan cusub. Horay ayaa waxaa baasaboorka Soomaaliya u aqoonsaday wadamo badan oo uu ka mid yahay dalka Norway, waxaana dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay inay dadaal u galeyso sidii wadamada kale ee qaarada Yurub u aqoonsan lahaayeen. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha taliyaha hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dharcada ee magaalada Muqdisho oo magaciisa lagu soo koobay Weeyax. Wareegto ka soo baxday xafiiska Fahad Yaasiin, ayaa xilka looga qaaday Weeyax, waxaana lagu badalay Ibraahim Macalim Cabdullaahi Joqof. Joqof ayaa la dhashay Barafasoor Cabdiraxmaan Macalim Baadiyoow oo mar isu sharaxay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Sababta xilka looga qaaday ayaa lagu sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono ciidamada dharcada ee loo yaqaano Ciidamada amniga caasimadda kadib markii uu xumaaday amniga Muqdisho. Caasimada Online ayaa ogaatay in Fahad Yaasiin iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay doonayaan in la dhiso Ciidamo dharcad ah oo ka shaqeeyo xaafad kasta oo kamid ah magaalada Muqdisho waxaana in badan oo kamid ah Ciidamadii hore ee NISA qaarkood loo badalay dharcad kadib markii Ciidamadii NISA ee hubeysnaa Madaxweynaha baabi’iyay. Tallaabadan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay is-beddelada cusub ee dowladda ay waddo ee la doonayo in lagu wanaajiyo amniga caasimadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaya in Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi, ay bixisay amar lagu soo qabanayo Ganacsade weyn oo kamida ganacsatada Somaliland. Wasaarada Cadaalada Somaliland ayaa soo saartay warqad amar ah oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka, taasi oo lagu amrayo qabashada Axmed Cismaan Geelle oo ah ganacsade weyn oo reer Somaliland. Warqadan qabasho ee kasoo baxday xafiiska wasiirka Cadaalada ayaa waxa lagu sheegay in Ganacsade Axmed Geelle uu fal-dambiyeed ka galay wadanka Jabuuti, loona dhiibi doono dalkaas. Ganacsade Axmed Geelle ayaa hadii lagu guuleysto soo qabashadiisa, waxa loo dhiibi doona dowladda Jabuuti, taasi xukuumada Biixi ku andacooneyso in uu fal-dambiyeed ka galay dalkaas. Geesta kale, Beesha Arab ee uu kasoo jeedo Ganacsadahan ayaa xalay kulan balaadhan oo ay iskugu yimaaden magaalada Hargeysa, ugu baaqay in Madaxweyne Biixi uu fiiro-gaara u yeesho arintan wasaarada Cadaaladu ku dooneyso in ganacsade Axmed Geelle loogu gacan galiyo Dowladda Jabuuti, iyagoo ku hanjabay haddii wax laga qaban waayo arrintan ay nabadgelyadu khal-khal geli doonto. Halkan hoose ka akhriso warqada Wasaarada Cadaaladu ku amrayso qabashada Ganacsadahan.
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaya in maanta ay magaalada Hargeysa kusoo wajahan-yihiin Wefdi ka socda Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska. Wafdigan lagu wado inay yimaadan caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa u badan safiiro kasocda wadamadaas, iyaga oo aan weli wax-faahfaahin laga helin intay ka koobanyihiin wafdigan. Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan madaxtooyada Somaliland, ujeedka wefdigan ayaa ah sidii arrimaha doorashada Somaliland ugala hadli lahaayen xisbiyad iyo Xukuumad Somaliland, kuwaasi oo xoog ku saari doona sidii doorashooyinka deegaanka iyo baarlamaankuba ay wakhtigooga ku qabsoomi lahaayen. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in ujeedka Wafdigan aysan ka madhneyn arrimaha wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Si kastaba, Wafdigan maanta iman doona Magaalada Hargeysa, ayaa kusoo beegmaya xili shalay uu xisbiga Waddani shaaciyey inay isku fahmi waayen arrimaha doorashooyinka xisbul xaakimka Kulmiye. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Prime Minister Narendra Modi’s personal intervention has led to the rescue of an Indian Muslim woman who had been held captive and tortured in Somalia by her in-laws since July 2018. The 31-year-old woman, Afreen Begum, was rescued from her captivity at Mogadishu in Somalia on March 28. She and her three daughters will land at the Mumbai airport on April 2. As India doesn’t have an embassy in Somalia, ground operatives of Indian High Commission in Nairobi conducted the rescue operation with the help from police in Somalia. However, according to the Somalian law, a mother cannot travel out of the country with children without permission of the kids’ father. It is at that point PM Modi intervened and spoke to the Somalian authorities and ensured safe and immediate return of Afreen Begum to her home in Hyderabad. Her parents live in Basharath Nagar in Hyderabad. Afreen Begum’s story unfolded in 2013 after she married one Mohamed Hussein Duale. At that time, Duale was working in a private firm in Hyderabad. Though a Canadian passport holder, Duale’s entire family lived in Somalia. Duale and Afreen lived in Hyderabad till July 2018 when Duale expressed his desire to visit his family in Somalia with Afreen and their three daughters. The couple left India on July 4 last year. For the next eight months, Afreen’s family could not contact her. They would get occasional WhatsApp calls that Afreen made with the help of a woman in the neighborhood where she lived in Somalia. Eventually, in mid-February 2019, Afreen’s father Syed Gafoor Ali, who is an auto-rickshaw driver, approached the External Affairs Ministry (EAM), which alerted the Indian High Commission in Nairobi-nearly 2,000 km away from where Afreen had been held captive. The search to spot Afreen and her location began immediately. “It was a blind case. We did not have her house address in Somalia. Mogadishu is a place where bomb blasts occur almost every 10-15 days. Besides, the family of Afreen’s husband was kind of warlord over there. It was a very difficult operation and we had to get all the paperwork ready before her actual rescue. It was impossible for us to keep her in Somalia for long,” an operative involved in Afreen’s rescue operation said. After the rescue, Afreen could not be moved out of the country because the Somalian immigration officials were not allowing her to take her three daughters. Finally, after the intervention of PMO, the four were allowed to fly out of Somalia at 2.40 pm IST by Ethiopian Airlines from Mogadishu to Addis Ababa. From there, they would take a flight to Mumbai at 10.50 pm and will land in Hyderabad on April 2 morning. “We are anxiously waiting for Afreen to land in India. Only then we will be able to smile. We are extremely grateful to the External Affairs Ministry and especially the prime minister. It was because of this concerted effort that we would be able to see Afreen and her daughters again,” Afreen’s brother Syed Raheem Ali said. Source: India Today
  21. Kenya prefers to have an African solution in its maritime border dispute with Somalia. According to documents in our possession, Kenyan authorities argue that Somalia ought to have engaged the East Africa Community first, then move to the African Union if the dispute escalated, instead of filing the case at the International Court of Justice (ICJ) in The Hague, Netherlands. Kenya’s position is that Somalia did not exhaust all dispute resolution mechanisms before going to The Hague based court which Kenya accuses of bias and links to the war-scarred country. “Is the ICJ the ideal place to resolve the maritime dispute between Somalia and Kenya? Was it procedurally right for Somalia to go to the ICJ while at the same time presenting for auction subjects of the maritime dispute?” states Kenya’s argument. “Why did Somalia not seek recourse at the African Union under the African Union Convention on Cross Border Cooperation? Was the Intergovernmental Authority on Development (Igad) not an option for Somalia to present its case? What of the East African Community?” the documents read in part. In the document, Kenya accuses Somalia of ignoring African dispute resolution methods. “Somalia played the race card by opting for a Eurocentric legal system as opposed mediation and conciliation as practiced within the African traditional methods of dispute resolution. What then would be the consequences of the ICJ favoring Somalia against Kenya in the maritime dispute?” states the writers. According to the documents, Kenya refers to its relationship with Somalia as that of Siamese twins sharing a common destiny. “The issue is that the two countries not only share a common heritage but Kenya has continued to play the role of protector and defender of the interests of the peoples of Somalia since time immemorial,” the documents read. President Uhuru Kenyatta early this month met Somali’s President Abdullahi Mohamed Farmajo to try and resolve the dispute. This closed-door session was mediated by Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. “The pair discussed extensively the matter. As an outcome, both agreed to work towards peace and to take measures in addressing particular issues that escalated the tensions,” said Ahmed on his Twitter account. While criticising Somalia for jumping the gun to file a case in ‘a Eurocentric court,’ Kenya argues that the United Nations Convention on the Law of the Sea (UNCLOS), which governs maritime dispute settlement mechanism, demands that countries should first consider general, then regional or bilateral agreements with each other. It vows not to honour the decision of the court as other UN member countries have brushed off its decisions in the past. It also argues that UNCLOS allows countries to try to resolve disputes through other means before submitting these to either the International Tribunal for the Law of the Sea (ITLOS), the ICJ or to any other arbitration tribunal. Source: Standard Media
  22. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-01042019.mp3 View the full article
  23. Somali PM Hassan Ali Khaire has formally opened on Monday Somali Upper House’s fifth session during a colourful ceremony held at the Senate headquarters in Mogadishu. The session which was set to commence on 16th of last month was postponed due to the official state visit of Djibouti President, Ismail Omar Guelle. Abdi Hashi, the speaker of the Senate deliberated House business agenda including a draft constitution, security and upcoming elections will also be discussed during this 5th session. Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire and the mayor of Mogadishu have attended the opening ceremony of the country’s Senate. The Upper House has earlier this year blamed the Lower House of parliament for lack of cooperation in the national agenda and subsequently suspended all working together. View the full article
  24. The Somali government has called upon its counterparts in the Arab league to back its debt relief efforts. Speaking during the 30th annual summit of the Arab league in Tunisia on Sunday, Somali Foreign Minister, Ambassador Ahmed Isse Awad urged members to ease his country’s debt relief process by fulfilling pledges made during the last gathering. “I call upon our Arab brothers to implement the agreements made in the previous meeting that specifically concern Somalia including the debt relief, supporting Somali budget and reconstruction.” The minister said. Ambassador Awad similar reminded the Arab leaders about the promise made by 22 members state in respecting the unity and sovereignty of Somalia during last year forum held in Dhahran, Saudi Arabia on 15 April. “I urge the respected members to fulfil the outcome of the last summit on the supporting the unity and sovereignty of the Federal Republic and the rebuilding of various government institutions.” He said Golan Heights is an occupied Syrian Arab Republic land by Israel while underling Mogadishu’s unshakable support for independent Palestinian state. Somali Foreign Minister, Ambassador Ahmed Isse Awad condemned the growing Islamophobic and racist attacks across the globe while praising the response by the New Zealand government after Christchurch mosques attack. View the full article