-
Content Count
208,187 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Marka (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa go’doomiyey magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose kaddib markii ay magaaladaasi dhowr bilood ka hor si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Lixdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la sheegayaa in magaalada Marka uusan gelin wax raashin ganacsi ah ee ka geli jiray dhicanyada Muqdisho iyo Jannaale. Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullahi Cali Axmed Waafoow ayaa sheegay in sare u kaca ku yimid cuntada magaaladaas ay sabab u tahay go’doonka ay geliyeen Al-Shabaab. Waafoow oo dhawaan dib loogu soo magacaabay guddoomiyaha Marka ayaa sheegay in go’doonka la geliyay magaalada ay ka warqabaan sidoo kalena la wadaageen dowladda federaalka ah. Cabdullahi Waafoow ayaa sheegay in uu socdo qorshe maalmaha soo socda Al-Shabaab looga saarayo gobolka Shabeellaha Hoose la iskuna furayo Waddada xiriirisa Marka iyo Afgooye. Caasimada Online Xafiiska Marka caasimada@live.com
-
Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa Faahfaahin ka bixiyay Howlgalo Ciidanka Xoogga Dalka ay kula wareegeen Deegaanka Baladul Amiin iyo deegaano kale. “Howlgalada sidii loo qorsheeyay ayay u dhaceen, Saaka waxaan la wreegnay Deegaanka Baladul Amiin, waxaan sidoo kale Argagaxisada shalay ka saarnay Cumar Beer oo aheyd Meel ay dhigtaan Hantida ay ka dhacaan shacabka, Sabiib iyo Caanoole waxaan la wareegnay shalay Galinkii dambe, way iska cararayaan marka uu howlgal bilowdo, dad awood leh oo dagaalami kara maaha”.ayuu yiri Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab. Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaadiid ay ka carareen xarakada Al-shabaab. “Waxay ka carareen oo aan gacanta ku dhignay Dukumiintiyo ay baad kaga qaadi jireen Shacabka iyo Gaadiid ay ka carareen, sidoo kale Gaadiid ay qaraxyo ku buuxiyeen ayaan qarxinay halka kuwa kalena ay la carareen, Ciidanka ayaana ku daba jira”.ayuu yiri Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalo ay ka sameeyeen Deegaanada ay kala wareegeen Argagaxisada ay kusoo arkeen Hormar la’aan dhinaca Waxbarashada, Biyaha iyo Nolosha qeybaheeda kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warsheekh (Caasimada Online) – Alle ha u naxariistee, waxaa degaan hoos yimaada degmada Warsheekh ee Gobalka Shabeelada dhexe lagu dilay Xabiibo Nuur Ugaasoow oo aheyd Hooyo haysatay 10 Carruur ah, waxaana dilkeeda lagu eedeeyay Ninkii qabay. Dilka ayaa dhacay Xalay fiidkii hore waxaana la sheegay in uu ku dhax dilay gurigeeda ayada oo rasaasta ay ka heleeshay qaybaha sare ee jirkeeda sida ay xaqiijiyeen carruurteeda iyo dadka degaanka. Aabe Nuur Ugaasoow oo ah Aabaha dhalay Marxuum Xabiibo ayaa Caasimada Online u sheegay in gabadhiisa ay aheyd curudda Carruurtiisa saakayna meydkeeda ay keeneen magaalada Muqdisho waxaana lagu wareejiyay hey’adda Dambi barista Booliiska Soomaaliya ee CID. Aabe Nuur ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka dilka fuliyay ay Xaaskiisa u heysay 2 carruur ah oo kala ah Gabar iyo Wiil, halka 8-da kale ay ahaayeen agoon ay iyada soo korsatay. Dilka Hooyo Marxuum Xabiibo Nuur Ugaasoow ayaa la sheegay in uu ka dhashay murun ku saabsan hanti ay dhaxleen carruurta agoonta ah, taas oo uu damcay ninka dilka geestay ee qabay Maxruum Xabiiba sida uu Aabaheed noo sheegay. Maxkamad ku taala degmada Warsheekh ayaa mar go’aamisay in hantida Carruurta agoonta ah oo ay gacanta ku heysay Marxuum Xabiibo ay xaq u leeyihiin carruurtaasi, islamarkaana ay u maamuli doonto Hooyadood balse markii dambe sababsatay sida uu Aabe Nuur Ugaasow noo xaqiijiyay. Dhowr jeer ayaa la sheegay in ninkaan dilka geestay uu xaaskiisa u soo qaatay qori islamarkaana ku hanjabay in uu dili doono balse laguma guuleysan in go’aan laga gaaro khilaaf markaas ku soo laa-laabtay qoyska Marxuumad Xabiiba Nuur Ugaasow. Wali laguma guulaysan in la soo qabto ninkii dilkaan fuliyay sida ay ku warameyn waalidiinta Hooyada la dilay, balse Aabe Nuur Ugaasoow ayaa Dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay u soo qabtaan ninka dilka geestay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho. Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galaan dawladda federaalka, maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, Bangiga horumarinta Afrika iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliya kala shaqeeya horumarinta ayaa looga hadlaa arrimaha horumarineed ee dalka. Kulanka SDRF oo la qabto bil iyo bar kasta mar ayaa qayb ka ah shirarka ay dawladda federaalka Soomaaliya la yeelato mas’uuliyiinta hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka bah-wadaagta ah ee kala shaqeeya arrimaha horumarinta dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Afgooye (SMN) – Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/ Hoose. Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay howlgallo laga sameeyay gobolkaasi. Waxa uu sheegay in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen si nabad galyo ah deegaanada Baladul-Amiin, Cumar Beer, Sabiid iyo Caanoole. “Howlgalada sidii loo qorsheeyay ayay u dhaceen, Saaka waxaan la wreegnay deegaanka Baladul-Amiin, waxaan sidoo kale Al Shababaab ka saarnay Cumar Beer oo aheyd meel ay dhigtaan Hantida , Sabiid iyo Caanoole ,waxaan la wareegnay shalay gelinkii dambe, way iska cararayaan marka uu howlgal bilowdo, dad awood leh oo dagaalami kara maaha”.ayuu yiri Taliye Jeeniqaar. Sidoo kale Gaashaanle Cabdiraxmaan Sheekh Cumar ayaa intaasi ku daray in ay qabsadeen Gaadiid iyo Dukumiintiyo ay ka carareen Al Shabaab. “Waxay ka carareen oo aan gacanta ku dhignay Dukumiintiyo ay baad kaga qaadi jireen Shacabka iyo Gaadiid ay ka carareen, sidoo kale Gaadiid ay qaraxyo ku buuxiyeen ayaan qarxinay, halka kuwa kalena ay la carareen, Ciidanka ayaana ku daba jira”.ayuu mar kale yiri taliyaha Ururka 4-aad ee Ciidanka Danab. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Maalmihii dambe Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xoojiyay dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose K/ Soomaaliya. View the full article
-
Jigjiga (SMN) – Shirkii 10-aad ee Xisbiga haya talada dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee (SPDP) ayaa ka furmay magaalada Jigjiga, kaasi oo uu ka qeybgalayo Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo mas’uuliyiin kale. Kulankan oo uu socon doono illaa maalinta berri ah, 3-da April ayaa looga hadlayaa doorashada hogaanka Xisbigan iyo xubanaha gollahiisa dhexe, iyadoo ay tallaabadan qeyb ka tahay isbedelka gobolka ka socda. Waa shirkii ugu horeeyay oo Xisbiga uu yeesho tan iyo markii xukunka laga tuurey Madaxweynahii hore ee dowlad degaanka, Cabdi Maxamed Cumar bishii August ee sanadkii tagey 2018. Xubno ka socda xisbiga EPRDF, ee ah midka hadda dalka Itoobiya maamulaya ayaa ka qeybgalaya Shirka Jigjiga, kaasoo la filayo inuu Madaxweyne Mustafe loogu doorto gudoomiye ku xigeenka Xisbiga SPDP. Mustafe Cagjar oo horey usoo noqday sarkaal katirsan QM ayaanan kamid ahayd xubnaha Xisbiga haya talada dowlad degaanka, waxaana uu doonayaa inuu hogaanka u qabto si ay ugu fududaato qorshihiisa isbedelka. Shirka socda ayaa la filayaa inay kasoo baxaan go’aanno isbedel loogu sameynayo qaab dhismeedka Xisbiga oo mas’uuliyiinta ugu sareeya ay kamid ahaayeen maamulkii hore ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Madaxweynihii isaga ka horeeyay ayaa la dhigay Xabsi ku yaalla Addis Ababa sanadkii lasoo dhaafay kadib markii lagu eedeeyay inuu galay demiyo ka dhan ah bini’aadanimada iyo kicinta rabashado qowmiyadaha degan dowlad degaanka. View the full article
-
Baladweyne (SMN) – Taliyaha saldhigga Booliska degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Gaashaanle Maxamed Macow Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa qeylo dhaan ka muujiyay xalaado dhinac nolosha ah oo ka taagan gobolkaasi. Taliye Xalane ayaa dowladda Soomaaliya iyo Ganacsatada ugu baaqay in ay gurmad Bani’aadanimo u fidiyaan dadka ku dhibaateysan G/Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale taliyuhu waxa uu tilmaamay in dowladda dhexe iyo HirShabelle looga fadhiyo in ay wax ka qabtaan diidmada lacagta shilinka Soomaaliga oo aan haatan laga isticmaalin guud ahaan gobolka. In ku dhow labo Sano Hiiraan lagama isticmaalin shilinka Soomaaliga, waxaana gobolkaasi wax lagu kala iibsadaa kaliya lacagta Dollarka Mareykanka. View the full article
-
New York (SMN) – Saraakiisha doorashada ee gobolka Minnesota ayaa soo dhameystirey baaritaankooda ku aaddan xadgudub maaliyadeed oo lagu eedeeyay inay ku kacday Xildhibaanad Ilhan Omar oo katirsan Koongareeska dalka Mareykanka. Gabadhan oo asalkeedaa Soomaali yahay ayaa la sheegay inay dano shaqsiyadeed u adeegsatay lacago gaarayao $6,000 [Lix Kun oo dollar], oo loogu talo galay ololaheedii doorashada Kursiga Koongareeska sanadkii tagey. Ilhan Omar oo katrsan Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa kamid ah labo gandhood oo Muslim ah oo markii ugu horeysay taariikhda ku biira Koongareeska wadanka Mareykanka bishii November ee sanadkii 2018. Waxaa lagu eedeeyay Ilhan Omar inay u isticmaashay lacagta olole si ay u bixiso qareenka kiis furiin ah iyo safarro ay ku bixisay Boston iyo Estonia. Eedeymahan ayaa waxay soo ifbaxey sanadkii lasoo dhaafay, waxaana soo jeediyay guddiga maaliyadda ee doorashooyinka ee gobolka Minnesota, waxaana lagu wadaa in najiitadda inuu shaaciyo bisha soo socota. Dhinaca kale, Ilhan Omar ayaa beenisay eedeymaha loo soo jeeday ee ah in lacagihii doorashadeeda u adeegsatay kiis furiin ah oo maxkamad uga socday. View the full article
-
Afgooye (SMN) – Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee shalay la wareegay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Gaari Booyad ah oo Al Shabaab u diyaarinayeen in ay ka buuxiyaan walxaha qarxa, kaas oo ay ku sheegeen in lagu wax-yeelleeyn rabay shacabka Soomaaliyeed. Ka dib dagaal muddo kooban socday oo u dhexeeyay Ciidamada DFS iyo Alshabaab oo dhacay shalay ayaa , waxaa ugu suura gashay Ciidanka XDS in gabi ahaan ay la wareegaan Deegaankaasi Sabiid. Howlgalkaas ayaa waxaa fuliyay Ciidamada Gaarka ah ee komaandoosta Danab oo qeyb ka ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale Warkaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in in intii uu socday howlgalkaasi lagu soo qab qabtay Xubno ka tirsan Al Shabaab walow tiro ahaan aysan cayimin. Ma jiro wax war ah oo Al Shabaab ay ka soo saareen hadalka ka soo baxay dowladda Somaliya ee ku aadan Gaariga Walxaha Qarxa sida ee dowladdu sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay. Dhaqdhaqaaqyada dowladda Somalia ay ka bilowday Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo beegmaya kadib markii dhawaan dowladda Somalia ku dhawaaqday in Howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Al Shabaab ka billaabeyso Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada Dalka Somalia. View the full article
-
Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-04022019-wbv.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiiradda Arrimaha Dibadda Iyo Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa maanta Madaarka Caasimada Hargaysa ee Cigal International Airport Ku Soo Dhaweeyey Wafti Culus oo Ka Socda Midawga Yurub. Waftidan oo ka koobnaa 18 Xubnood ayaa Wasiiradu ku qaabileen Qaybta VIP-da ee madaarka Cigal International Airport waxaana Loo soo Gudbiyey Hotel Ampasator . Waftida ayaa inta ay dalka joogaan kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxweynaha Qaranka Somaliland Iyo Laamaha kala duwan ee Xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridka ah Source
-
Somali National Army (SNA) forces foiled a major terrorist attack in the southern region late on Monday following heavy fighting between the army and al-Shabab fighters, government officials said on Tuesday. The ministry of information said the SNA forces also seized a tanker truck loaded with explosives in Sabid village, Lower Shabelle region. “The terrorists were plotting to carry out a large-scale terrorist attack in Somalia but heroes foiled and arrested the number of terrorists,” said the ministry in a statement. It was not clear how many militants were killed during the latest fighting in Sabid where the insurgents have several bases. According to security sources, the explosives is one of the largest bombs ever made by al-Qaida allied terrorist group, al-Shabab, saying Mogadishu was the militants’ likely target. The ministry said security forces recaptured Sabid village, located about 40 km southwest of Mogadishu from militants. The group which fights to topple the internationally-backed government uses portions of southern and central Somalia to plot and direct terror attacks, steal humanitarian aid, extort the local populace to fund its operations, and shelter radical terrorists. View the full article
-
Ilaa 7 ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa loogu yeeray waajibaadka xulka qaranka Soomaaliya sanada 2019 waxaana arintan si weyn usoo dhaweeyay maamulka iyo taageerayaasha kooxda. Ciyaartooyda Muqdisho City Club Laga Soo Xulay Waxa Ay Kala Yihiin -Axmed Cabullahi Cabdi (Baanuu)-(Daafac) -Qeys Cabdulle Macalin Aadan (Weerar) Cali Cumar Cali (Cali Yare) (Qad Dhexe) Xasan Maxamed Aadan (Qad Dhexe) Ciise Cabdulqadir Ibraahim (Daafac) Abuukar Cabdulahi Siidow (Daafac) Cabdiraxmaan Mahdi Ciise (Maaneey) (Gool Haye) “Waa guul iyo sharaf usoo hooyatay maamulka kooxda Mogadishu City Club waan ku kalsoonahay tayada xidigaha laga soo xulay kooxdeena,wayna ku mahadsanyihiin macalimiinta farsamada X.K.Cagta”waxaa Goobjoog Sports ugu waramay guddomiyaha naadiga Muqdisho City Club Abukar Maxamed Sheekh. Qeys Cabdulle Macalin oo ku hadlay magaca ciyaarayahanada qeybta ka ah xulka ayaa sheegay in si wadajir ugu faraxsanyihiin arinakan taageerayaasha xulka qaranka ay u keenidoonaan natiijooyin aad u wanaagsan oo horomarka dalka. “Tani waxa ay ku timid xulshada tababarayaasha xulka qaranka,balse aniga waxaan aaminsanahay in aan sameeyay horkac wanaagsan waxaana taa ku mahadsan Allah iyo intii gacan ka geesatay dadaalkii aan soo bixiyay”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay goolhayaha M.C.C Cabdiraxmaan Mahdi Ciise . Macalimiinta naadiga Muqdisho City Club ayaa iyaga qodhooda sheegay in arinta ay ku timid shaqada adag ay qabteen xidigaha iminka qeybta ka ah safka xulka ayna ka sugayaan natiijo wax ku ool ah. “Waxaana u rajaynayaa in ay Soomaaliya u keenaan sharaf iyo guul ani ahaan waan ku kalsoonahay xirfadooda,taageerayaasha kooxdana si wanaagsan ayay wararkan ula dhacsanyihiin” waxaa Goobjoog Sports ugu waramay Cabdiqaadir Xaaji Muxidiin (Dacar) oo ka mid ah maamulka Muqdisho City Club. Halkan Ka Daawo Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxda Muqdisho City W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Minnesota election officials have reportedly completed their investigation into alleged campaign finance violations by controversial House Rep. Ilhan Omar. The Somali-born Democrat, who has been the subject of headlines in recent months for her comments about Israel, allegedly spent $6,000 in campaign funds for personal use. Omar, one of the first two Muslim women elected to the United States Congress this past November, is alleged to have used campaign money to pay a divorce lawyer as well as to take trips to Boston and Estonia, according to Sinclair. The allegations, which were made last year by Republican state lawmaker Steve Drazkowski, have been probed by the Minnesota Campaign Finance Board. The board is expected to issue a ruling on the investigation sometime within the next month to six weeks, according to Sinclair. In the summer of 2016, Omar paid legal fees to attorney Carla Kjellberg, who represented her in the dissolution of her marriage. But Omar has denied the accusation that she used campaign funds for her divorce, saying that the money she paid to Kjellberg was reimbursement for crisis management services that she received during her run for the Minnesota state House, according to the Minnesota Star Tribune. This is the third time that accusations of misusing campaign funds were brought forward by Republican state legislator Steve Drazkowski. In his first complaint, Drazkowski accused Omar of improperly accepting a speaking fee from Minnesota State Colleges and Universities, which is a violation of state ethics rules. Omar paid the colleges back $2,500, according to Drazkowski. ‘I had observed a long pattern,’ Drazkowski told Sinclair. ‘Representative Omar hasn’t followed the law. ‘She’s repeatedly trampled on the laws of the state in a variety of areas, and gotten by with it.’ Omar provoked outrage in February when she suggested that supporters of Israel were urging lawmakers to have ‘allegiance to a foreign country’. The first-term Minnesota Congresswoman’s repeated criticisms of Israel and a powerful pro-Israel lobby in Washington have been widely condemned as anti-Semitic. Omar, a former Somali refugee, was assailed by Democrats and Republicans alike for the comments. Several lawmakers expressed outrage, warning that Omar was peddling in age-old anti-Semitic tropes about Jews having dual allegiances. She later apologized for the comment but Republicans have kept citing it as evidence of creeping bigotry. President Donald Trump, who routinely cites his support of Israel, said: ‘The Democrats have very much proven to be anti-Israel. ‘There’s no question about that. And it’s a disgrace. I mean, I don’t know what’s happened to them but they are totally anti-Israel. Frankly, I think they’re anti-Jewish.’ View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Digniino hor leh oo dhanka amaanka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay laga soo saaray xafiisyada hey’adaha amaanka ee ku sugan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Xogta la helay oo ay baahiyeen hey’adaha Sirdoonka ee ajnabiga ah ayaa sheegaysa in ay suurta gal tahay in Al-Shabaab ay weeraro ku qaadan dhowr meel oo target u ah sida lagu sheegay warbixinta ay shaaciyeen Sirdoonka ku sugan Xalane. Weerarada ayaa la sheegay in ay isugu jiri karaan, Qaraxyo dagaal toos ah waana laga yaabaa in ay noqdaan Qarax oo kaliya ayaa lagu yiri xogtaan laga helay Xalane. Meelaha ay Suurta-galka tahay in ay ka dhacaan weeraradaan ayaa la sheegay in ay kamid yihiin baro kantarool iyo Goobo Ganacsi oo ku yaala agagaarka KM4 iyo Sidoo kale waxaa kamid ah Gooba kale oo ganacsi ah kuna yaala agagaarka Airport-ka Muqdisho sida lagu sheegay xogta laga helay Xalane. Hay’adaha qoraalkaan baahiyay ayaa sidoo kale sheegay in ay suurtagal tahay in weerarada lagu qaado Xalane iyo Saldhigyada kale AMISOM iyo hey’adaha Ajnabiga ah. Arrintan ayaa hoggaamisay in shalay shaqaalaha Soomaalida ah ee ka dhex shaqeeya xarunta Xalane loo diiday inay xarunta galaan, taasi oo qeyb ka ahayd ammaanka oo la adkeeyey. Halakn ka aqri warkaas. Digniintaan cusub ayaa soo baxaysa iyadoo ay xiran yihiin inta badan Wadooyinka magaalada Muqdisho, Dowladda Soomaaliya-na ay ku dhawaaqday howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga sameeyo Xaafadaha magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa caruurta suxufigii la dilay ee Jamal Khaashuqji siisay guryo ku fadhiya malaayin dollar, islamarkaana bil walba u qortay kumanaan dollar, sida uu qoray wargeyska Washington Post. Khaashuqji, oo cambaareyn jiray dowladda Sacuudiga islamarkaana wax ku qori jiray Washington Post, ayaa bishii October ee 2018 lagu dhex dilay kadibna meydkiisa lagu jarjaray gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Lacagta loo qoray caruurta Khaashuqji – oo ah laba wiil iyo laba gabdhood – ayaa “qeyb ka ah dadaal ay dowladda Sacuudiga ku dooneyso in heshiis waqti dheer ah la gasho xubnaha qoyska Khaashuqji, kaasi oo lagu xaqiijinayo inaysan si shaacsan uga hadal dilka aabahood”, sida uu qoray Washington Post. Guryaha la siiyey caruurta Khaashuqji ayaa ku yaalla magaalada Jeddah waxaana qiimahooda lagu sheegay afar milyan oo dollar. Wiilka ugu weyn qoyska oo lagu magacaabo Saalax ayaa qorsheynaya inuu kusii noolaado Sacuudiga, halka saddexda kale oo ku nool dalka Mareykanka ay doonayaan inay iibiyaan guryahooda, sida wargeysku qoray. Ka sokow guryaha, caruurta ayaa bil walba heli doona lacag 10,000 oo dollar ah, waxaana la filayaa inay helaan lacag kale oo intaas ka badan oo tobonaan milyan oo dollar ah, sida ay tidhi warbixinta. Dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu eedeeyey inuu amray dilka Khaashuqji. Source
-
Popular Contributors