Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,187
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay arrinta sida weyn looga hadal hayo Somaliland ee ganacsade Axmed Geelle. Wasiir Maxamed Kaahin ayaa beeniyay inay xukuumada Biixi ay bixisay amar qabasho oo ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geelle, oo la sheegay inuu dowladda Jabuuti ka galay fal-dambiyeed. Wasiirka ayaa arrintan ku beeniyey shir jaraa’id oo maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaasi oo uu kaga hadlayey arrimaha doorashooyinka Somaliland. “Ma haynaba arrinkaas, anigu waarankaas ma hayo, wasiirka Daakhiliga aniga ah oo dee aniga ayuu iigu hor iman lahaa, arrinkaasi waa la been abuuraya, ganacsadahaana meel baa lagaga dhacaya, waaran wax la yidhaa oo aanu hayno oo Axmed Cismaan Geelle loo soo gooyay ma hayno, cidda sheegaysana waa cid sheeko abuur iyo arrimo kale iyo ujeedooyin kale leh” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin Axmed. Sikastaba, Dhowaan unbey aheyd markii Wasaarada Cadaalada Somaliland ay soo saartay warqad amar qabasho ah oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka, taasi oo lagu amrayo qabashada Axmed Cismaan Geelle oo ah ganacsade weyn oo reer Somaliland. Warqada amarka qabasho ee kasoo baxday xafiiska Wasiirka Cadaalada, ayaa si toos ah ugu socotey Wasaarado ay kamid tahay, Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland oo wasiir ka yahay Maxamed Kaahin. – Halkan riix oo akhriso warqada amarka qabasho ee ganacsadaha. Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
  2. Wasiirka Maaliyada ee Dawlad goboleedka Somaaliyeed ee Puntland Mudane Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in uu seddexdii bilood ee ugu danbeysay uu si toos ah [...] Source
  3. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Habeen-04022019.mp3 View the full article
  4. Guddi isugu jira Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan oo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Galan ayaa maanta kormeer ku tagay xarumo ay ka midyihiin Taliska [...] Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada amaanka ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho. Sidoo kale taliska ciidamada Booliska ayaa ka hadlay gaari hilib waday oo ciidamada amaanka ay ku qabteen Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay inuu ku wajahnaa degmada X/Weyne. Zakiya Xuseen Axmed oo ah taliye ku xigeenka ciidamada booliska oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in ciidamada ay qabteen gaari waday Hilib kaasi oo isku dayay inuu isgoysyo badan kaga soo gudbo dhanka degmada X.weyne. Zakiya ayaa sheegtay in darawalka gaariga uu diiday in gaariga iyo waxyaabaha saarnaa la baaro, isaga oo isku dayay in ciidamada uu ku qanciyo inay lacag qaataan si ay usii daayaan. Dhinaca kale taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ayaa sheegtay in la qabtay oo xabsiga la dhigay 23 askari oo lagu eedeeyay inay musuq maasuq sameeyeen. Ganacsato ayay sidoo kale sheegtay inay qeyb ka ahaayeen dadka ay qabteen ciidamada amaanka, islamarkaana dhawaan cadaalada la horkeeni doono, maadaama ay sameeyeen musuq maasuq. Walow aysan cadeyn nooca musuq maasuqa, haddana askarta qaar ayaa ku eedeysan inay laaluush ka qaadayeen gaadiidka qaar, iyaga oo u ogolaanayay inay ka gudbaan goobaha ay joogaan. Ciidamada Dowladda ayaa wixii ka dambeeyay 30-kii bishii tagtay Maarso waxa ay kordhiyeen howlgalada lagu sugayo amniga Caasimadda, waxaana kormeerayay guddiga Xukuumadda ay u xilsaartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Bangiga Adduunka oo ay hoggaaminayso madaxa mashaariicda tayaynta iyo [...] Source
  7. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni aya caawa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee dhalinyarada gobolka Bari, gaar ahaan kuwa [...] Source
  8. Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhagax dhigay mashruuc ballaaran oo ka kooban Afar wado oo laami ah, kuwaasi oo laga [...] Source
  9. Muqdisho (PP) ─ Doorasho maanta ka dhacday Muqdisho oo ahayd mid lagu buuxinayay kursigii uu ka geeriyooday marxuum Cismaan Cilmi Boqorre oo dhawaan lagu dilay Xamar ayaa waxaa ku guuleystay wiil uu marxuumka oo lagu magacaabo, Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre. Xildhibaan Cadnaan Boqorre ayaa waxaa la tartamay Axmed Cismaan Xaashi balse dad badan oo doorashada ka ag-dhawaa waxay daboolka ka rogeen in ruuxa la tartamay guuleystaha uu ahaa magic-u-yaal. Ergooyinkii codka dhiibayay oo tiradoodu ahayd 51-ruux ayaa waxay codkii ay dhiibteen uu kala ahaa sidan; musharax Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa helay 48-cod, halka Axmed Cismaan uu helay laba cod oo keliya, sidoo kalena waxaa xumaaday hal cod. Guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen in kursiga xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday marxuum Boqorre uu ku guuleystay wiilkiisa Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre, uuna maanta wixii ka dambeeya yahay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ama aqalka hoose ee baarlamaanka Somalia. Sidoo kale, Wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in xubnaha doortay Cadnaan Boqorre ay shank a mid ahaayeen walaalihiis, waxaana falkan uu noqonayaa midkii ugu horreeyay noociisa oo lagu soo doorto xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka. Ugu dambeyn, Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ahaa qofkii ugu da’da weynaa baarlamaanka 10-aad, waxaana kooxo hubeysan ay 23-kii Feberayo sanadkan ay ku dileen degmada Kaaraan, waxaana marxuumku uu kasoo jeeday gobollada waqooyi ee Somalia. PUNTLAND POST The post Wiil uu dhalay Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta loo doortay Xildhibaan appeared first on Puntland Post.
  10. Nairobi (PP) ─ Siyaasi ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay dhaqaale siiso Al-shabaab, taasoo qayb ka ah gargaarka Somalia uu ugu deeqo caalamka, si loogu caawiyo shacabka ay dhibaatooyinku ku hansadeen. Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay 10% dhaqaalaha ku baxa gargaar ay Al-shabaab siiso, si ay u fududeeyaan in gaargaarkiisa la gaarsiiyo goobaha loo wado deeqaha. Golaha Ammaanka ee QM, ayaa dhawaan meel-mariyay qaraar lagu diiday in xiriir maaliyadeed lala yeesho kooxaha Argagixisada ah ama xitaa loo diro lacago goobaha ay ku sugan yihiin. Sidoo kale, Macharia Kamau ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay lacag ku bixiso sidii gargaarka ay geyso Somalia uu u gaari lahaa goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab loona gaarsiin lahaa dadka danyarta ah ee dhulkaas ku nool. Dhanka kale, Siyaasigan ayaa hadalkiisa ku daray in lacag dhan 12-bilyan oo shilinka Kenya ah ay Qaramada Midoobey Sanadkiiba uga baxdo Al-shabaab, taasoo ay ku helaan ogolaansho gargaarka lagu gaarsiiyo meelaha ay dadka gargaarka u baahan ku sugan yihiin. Kooxda Al-shabaab ayaa ka talisa deegaano ballaaran oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Somalia, halkaasoo qaarkood aysan ka shaqeyn ha’yadaha ku shaqada leh gargaarka. Ugu dambeyn Hadalka kasoo baxay sarkaalka u hadlay Dowladda Kenya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli khilaaf aan weli la xallin uu u dhexeeyo Dowladaha Somalia iyo Kenya, inkastoo labada madaxweyne ay kulammo horay u yeesheen. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo lagu eedeeyay in ay dhaqaaale siiso Kooxda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (PP) ─ Taliska Booliska Somalia ayaa faah-faahinno ka bixiyay hawl-gallo ka socda Muqdisho, kuwaasoo lagula dagaallamaayo falal amni-darrada ee ka dhaca Muqdisho iyo musuq-maasuqa dalka ka jira. Hadal ay soo saartay taliye ku-xigeenka Booliiska Somalia, Zakiya Xuseen Axmed ayay ku sheegtay in hawl-gallo ballaaran ay socdaan, isla markaana la xiray 23-askari oo ka tirsan booliiska Somalia. Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegtay in askarta la xiray lagu soo eedeeyay falal la xariira musuq-maasuq, isla markaana dhawaan cadaaladda la hor-keeni doono, si looga abaal-mariyo falalka gurracan ee ay ku kaceen. Dhanka kale, Zakiya Xuseen ayaa ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka dalka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka, gaar ahaan midka caasimadda oo dhawaanahan laga dayirinayay. Talaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Muqdisho laga billaabay qorshe lagu sugayo amniga, waxaana ciidamada ku sugan baraha koontaroollada ah horay loogu eedeeyay inay fududeeyaan gaadiidka loo adeegsado Qaraxa. Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidammo ka tirsan booliiska iyo kuwa kale ee dalka loo xiro arrimo la xiriira musuq-maasuq ay ku kaceen, sida inay ka qaadan jireen xeryo kala duwan mushaaraad, taasoo haatan u muuqata in lasoo af-jaray. Ugu dambeyn, Ciidammo fara badan oo loogu talo-galay inay ammaanka caasimadda sugaan ayaa waxaa la dhigay inta badan waddooyinka Xamar, kuwaasoo gaadiidka u diidaya inay magaalada isaga gooshaan. PUNTLAND POST The post Ciidammo Booliis ah oo loo xiray arrimo la xiriira musuq-maasuq iyo amni-darro appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland oo Gargaar Deg Deg ah gaadhsiisay Dadka Barakacayasha ah ee Dabku Qabsaday, Baaq U Diray Dadka Muxsiniinta Ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada gaarka u tababaran ee Gaashaan ayaa la sheegay in xalay maqribkii ay maqaayad kala baxayn nin hore uga tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah dadkii ku sugnaa maqaayadda ninkaan lagala baxay oo ku taala Tareedisho ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka la qabtay uu kamid ahaan jiray Saraakiisha Al-Shabaab ee degaankaasi balse markii dambe uu ka baxay. Ninka la soo qabtay ayaa magaciisa lagu soo koobay Maxamuud waxa uuna ka tirsanaa Shaqaalaha Maqaayadda, gaar ahaan qaybta cuntada karisa. Ciidamadaan oo hubeesnaa ayaa la sheegay in ay watayn dhowr gaari waxayna si deggan maqaayadda qaybta kushiinka ay kala baxayn ninkaan oo markaas shaqo ku jiray, iyagoo dadkii ku sugnaa ka dalbaday in ay si dejiyaan. Ma jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen mas’uuliyiinta amaanka. Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiinta amniga ee Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay mar dambe faah faahin ka bixin doonaan howgalkaan iyo kuwa kale oo ay ka sameeyeen Xaafado kamid ah Muqdisho. Caasimada online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar ayaa la sheegay in lagu hayo baadhitaan la xidhiidha inay 6,000 oo Dollar oo loogu talagalay Ololaheeda Doorashadda u adeegsatay si Shaqsiyadeed, iyadoo Kharashkaasi qeyb ka yahay Lacag-bixinta Furriinkeeda iyo Socdaal ay ku tegtay magaalada Boston iyo dalka Estoniya. Saraakiisha Guddiga Doorashadda ee Gobalka Minnesota ayaa ku waramay inay dhammaystireen Baadhitaankooda ku aadan Eedeynta lagu sheegay inay Ilhaan Cumar ku xad-gudubtay Dhaqaalaha loogu tabarucay Ololaheeda Doorashadda. Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga oo bilihii la soo dhaafay qabsatay shaashadaha bulshada, kadib markii ay dhowr jeer hadal-faalleyn ama Comments ka bixisay Arrimaha Israa’iil. Xildhibaanada oo ah mid ka mid ah Haweenka Muslimiinta ee Novembertii tegtay loo doortay Kongareeska Maraykanka waxay beenisay inay Lacagihii Ololaheeda loogu deeqay ay u adeegsatay Furiinkeeda, waxay kale oo ay sheegtay in dib u celisay 2,500 oo Dollar oo ay ka qaadatay Jamaacdo ku yaalla Gobalka Minnesota. Eedeymaha haatan la baadhayo waxaa Ilhaan Cumar horey u sameeyey Xildhibaan Istefe Darazkowiski oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi, waana markii 3-aad oo Ilhaan Cumar lagu eedeeyo inay si khaldan u isticmaashay Lacagihii Tabarucaadda ee Ololaheeda Doorashadda ee uu horey u soo bandhigay Xildhibaankaasi. Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Doorashadda ee Gobalka Minnesota ayaa la filayaa inay soo saaraan natiijada Baadhitaankooda bisha soo socota ilaa 6 toddobaad, iyadoo Eedeymaha loo haysto Ilhaan Cumar u muuqdaan in la siyaasadeynayo, maadaama ay si qayaxan u soo bandhigto Aragtideeda ay dhibsadeen Maamulka Trump iyo kuwa Israa’iil. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Si Adag U Dhaliilay Guddiga Doorashooyinka Iyo Xukuumadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Muqdisho (SMN) – Xarunta Golaha Shacabka ayaa maanta waxaa lagu qabtay doorashada kursi ka banaanaa BFS, kaas oo uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Cismaan Cilmi Boqore oo bishii la soo dhaafay lagu dilay magaladda Muqdisho Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo uu dhalay xildhibaanka geeriyooday iyo Axmed Cismaan Xaashi. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ayaa sheegtay in Cadnaan uu helay 48 cod, halka murashaxii la tartamayay uu helay 2 cod, waxaana halaabay hal cod, Guddiga doorashada ayaana ku dhawaaqay in kursiga xildhibaanimo uu ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore. Xildhibaan Cadnaan ayaa bedali doona Allaha u naxariistee Aabihiis Boqore oo 23-kii Bishii Febaraayo ee Sanadkan lagu dilay degmada Kaaraan ee G/Banaadir. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashp maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, oo aheyd buuxinta kursi ka bannaanaa golaha shacabka, ayaa waxaa ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo ah wiilka uu dhalay xildhibaankii horay loo dilay ee Cismaan Boqore. Cadnaan Boqore ayaa waxaa la tartamay Axmed Cismaan Xaashi, laakin dad badan oo doorashada ku dhowaa waxaa ay sheegeen in ninka dambe uu ahaa magac u yaal. 51 ergo ayaa codkooda dhiibtay, waxaana ay u kala heleen musharixiinta Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo helay 48 Cod, halka Axmed Cismaan Xaashi uu helay 2 Cod, hal cod wuu halaabay, waxaana Guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen in kursiga Xildhibaanimo uu ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore. Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa qofka ugu da’ weynaa baarlamaanka 10-aad ayaa 23-kii Bishii Febaraayo ee 2019 lagu dilay degmada Kaaraan ee maagalada Muqdisho. Boqorewaxa uu kasoo jeeday Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo safiirro ah oo ka socda dalalka Denmark, Switzerland, Finland, Norway, Sweden, Uk iyo Safiirka Midawga Yurub. Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxana lagaga wada hadlay arrimo door ah oo salka ku haya xoojinta xidhiidhka labada dhinac. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Maxamuud Yaasiin Xiir (Faratoon) oo markii kulankaasi soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inuu kulankaasi ahaa mid is fahan iyo afkaar isweydaarsi salka ku hayey, dhammaanba wixii la isla soo qaadayna meel fiican la isla dhigay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigu waxa ay u yimaaddeen inaannu is weydaarsanno afkaar ku saabsan arrimaha badan ee mandaqadda ka jira iyo xidhiidhka Somaliland iyo dalalkaasi ay leeyihiin sidii hore loogu marin lahaa, la isu xog-ogaalsan lahaa, la isuna dhaafsan lahaa wixii macluumaad ah iyo wixii afkaar ah ee loo baahan yahay in laga wada-hadlo, haddii ay siyaasad tahay, haddii ay dhaqaale tahay, haddii ay gargaar tahay iyo haddii ay nabadgelyo tahayba, dhinac walba waa laga wada-hadlay si wanaagsanna waa la isugu afgartay dhammaan arrimihii laga wada hadlay.” Ambassador mette Knudsen oo ah safiirka waddanka Denmark oo iyaduna halkaas hadal ka jeedisay, ayaa hoosta ka xarriiqday inay wefti ahaan kulan midho dhalay la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo tilmaantay inay madaxweynaha kala hadleen muhiimadda ay leedahay ilaalinta sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda, islamarkaana uu madaxweynuhu u muujiyey sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda. Sidoo kale, waxa ay safiirku sheegtay in waxyaabihii kulanka diiradda ku saareen ay kamid ahaayeen xaaladda bani’aadamnimo ee ay sababeen abaaraha ka jira gobollo kamid ah dalka Somaliland ka taagan iyo barnaamijyada dhinaca horumarka ee dalalka reer yurub ka wadaan dalka Somaliland. Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Mudane Sacada Cali Shire iyo Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac. Dhinaca Xubnaha weftigu waxay kala ahaayeen: Safiirka Denmark, Amb. Mette Knudsen, Safiirka midawga yurub Pencho Garrido Ruiz, Safiirka dalka Ingiriiska Amb. Ben Fender, Safiirka Dalka Sweden, Amb. Andreas Von Uexkull, , safiirka Dalka Norway, Amb. Elin Bergithe Rognilie oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday safaaradaha dalalkaas iyo madax sare oo iyagu ka socday dalalka Finland iyo Switzerland. Source
  19. Doorashada ka dhacday magaalada Muqdisho, oo aheyd buuxinta kursi ka bannaanaa golaha shacabka ayaa waxaa ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo ah wiilka uu dhalay xildhibaan horay loo dilay ee Cismaan Boqore. Cadnaan Boqore ayaa waxaa la tartamay Axmed Cismaan Xaashi, laakin dad badan oo doorashada ku dhowaa waxaa ay sheegeen in ninka dambe uu ahaa magac u yaal. Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa qofka ugu da’ weynaa baarlamaanka 10aad ayaa lagu dilay waqooyiga Muqdisho 23-kii Febraayo ee sanadkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Diblomaasiga labaad ee ugu sarreeya dalka Kenya ayaa Qaramada Midoobey ku eedeeyay in ay dhaqaale siiso Al-Shabaab, taasi oo qeyb ka ah gargaarka Soomaaliya ee caalamiga ah. Macharia Kamau, oo ah Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay 10% dhaqaalaha ku baxa gargaarka siiso Al-Shabaab, si ay u fududeeyaan in gaargaarkiisa la gaarsiiyo goobaha loo wado. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dhawaan meel mariyay qaraar diidaya in wax dhaq dhaqaaq xiriir maaliyadeed ah lala yeesho kooxaha argagixisada ah ama xitaa loo diro lacago goobaha ay ku suganyihiin. Macharia Kamau, ayaa sheegay in qaramada Midoobey ay lacag ku bixiso sidii gargaarka ay geyso Soomaaliya uu u gaari lahaa goobaha ay ku suganyihiin Al-Shabaab loona gaarsiin lahaa dadka danyarta ah ee dhulkaasi ku nool. Waxaa uu intaas ku daray in lacag dhan 12Bilyan oo shilinka Kenya ay ah Qaramada Midoobey sanadkiiba uga baxdo Al-Shabaab taas oo ay ku helaan oggolaanshaha gargaarka la gaarsiiyo goobaha ay ku suganyihiin. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Arab ayaa waxaa ay si kulul uga hadleen xiisadda u dhaxeysa Ganacsade Axmed Cismaan iyo Dawladda Jabuuti, waxaana ay cuqaashu ay taageero u muujiyeen hadal dhawaan ka soo yeedhay Salaadiinta Beesha Arab, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta dhagax-dhigay, afar waddo oo laamiya oo laga hirgelin doono caasimadda Puntland ee Garoowe. Waddooyinkan laamiga oo la saarayo jidadka Alnasar, Global, Jillab iyo SYL, waxaa lacagtooda ku deeqay Baanka adduunka, waxaana dhisaysa shirkadda TTN ee dalka Turkiga oo ay kormeerayso hay’adda UNOPS. Shirkadda TTN ee laga leeyahay dalka Turkiga oo hore u dhistay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Garoowe ayaa bishii Jannaayo ee sannadkan ku guulaysatay qandaraaska dhismaha waddooyinkan laamiga. Duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhiga, ayaa u mahadceliyay dhammaan dhinacyada ka qeyb qaatay in mashruucan laamiyada uu guulaysto, isagoo sheegay in heerki fulinta oo keliyah ay u hartay. Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa sheegay in uu aqoon fiican u leeyahay shirkadda TTN, islamarkaana uu kalsooni buuxda ku qabo in ay laamiya qurux badan oo raandhiis leh ka hirgelin doonto caasimadda. Caasimadda Puntland ee Garoowe oo ku jirta magaalooyinka ugu amniga badan geeska Afrika, ayaa sidoo kale waxa ka socda mashaariic baaxad leh oo dhanka horumarka. Magaaladan kulansatay bilicda iyo amniga ayaa si weyn u soo jiidatay shirkadaha caalamiga ah ee ganacsiga iyo maal-geshiga oo uga yimaada dunida dacalladeeda. PUNTLAND POST The post Puntland: Garoowe oo laga dhagax-dhigay afar waddo oo laamiya appeared first on Puntland Post.