Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,217
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada AMISOM ayaa war kasoo saaray Howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose. Howlgaladaasi ayaa waxaa ciidamada isku dhafka ah ay kaga saareen Al Shabaab deegaano dhowr ah oo katirsan Shabeelaha Hoose, waxaana ka mid ah deegaanka Sabiid oo Shalay ciidamada amaanka ay ku qabteen booyad lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa. Madaxa ciidamada AMISOM ahna wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madiera ayaa sheegay in howlgalkaasi uu qeyb ka ahaa qorshaha wadajirka ah ee ay sameynayaan ciidamada isku dhafka ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in isbadalka istaraatiijiyada AMISOM uu qeyb ka ahaa howlgalka ciidamada ay ka sameeyeen deegaanada Shabeelaha Hoose oo Al Shabaab looga saaray tuulooyin dhowr ah. Francisco Madiera, ayaa tilmaamay in deegaankaasi uu muhiim u ahaa Al Shabaab, islamarkaana hadda Al Shabaab ay ku adkaan doonto inay isaga kala gudbaan gobolka Shabeelaha Hoose. Deegaanka Sabiib ayuu sheegay inay Al Shabaab ka diyaarin jireen weerarada kala duwan oo Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ay ka fulin doonaan, balse hadda ay go’doon ku noqon doonaan deegaano dhowr ah, sida uu hadalka u dhigay. Tigabu Yilma oo kamid ah saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in howlgalo kale oo lagu dhabar jibinayo Al Shabaab ay ka sameyn doonaan deegaanada Shabeelaha Hoose, isagoo xusay in qorshaha cusub uu qeyb ka yahay hanaan loo diyaariyay in loo wajaho Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. (SLT-Malaysia)-Hogaamiyihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak ayaa maanta oo Arbaca ah maxkamad lasoo taagi doonaa, iyadoo loo heysto musuqmaasuq ah inuu lunsaday lacago malaayiin dollar ah. Ku tagri-falidda lacagahaasi tirada badan ayaa aad uga yaabisay aduunyada, waxana ay door ka ciyaartay isbaheysigii uu madaxda ka ahaa ee muddada dheer soo xakumayay dalkaasi uu guuldarrooyin kala kulmo doorashooyinki dalkaasi ka dhacay sannadi hore. 65 jirkaan ayaa maanta wajahaya mid ka mid ah dhowr dacwadood oo lagu soo oogay, waxaana tan ugu weyni ay tahay xatooyo malaayiin dollar ah. Lacagahaasi ayaa markoodii hore loogu talagalay maalgeshi dibadda uga yimid Maleysia, taasoo la rabay in lagu horumariyo dhaqaaqalah dalkaasi dhaca Koofurbari Asia. Ka hor inti aanu lumin doorashadi sannadki hore, waxaa aad loogu saadaalinayay inuu si fudud ugu guuleysan doono, balse waxaa kaga guuleystay doorashada, hogaamiyihii muddada dheer soo xakumayay Maleysia Mahathir Mohamad. Najib Razak ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay. Source
  3. (SLT-Jigjiga)-Xisbiga tallada haya ee Gobolka Soomaalida ee hoostaga dowladda Federaalka Itoobiya oo shir uga socda magaalada Jigjiga ayaa isku raacay in la bedelo magaca iyo Calanka Xisbiga. Xubnaha Xisbiga oo shirkooda la soo gabagabeyn doono maanta oo Arbaco ah ayaa ansixiyay in la bedelo calanka iyo magaca Xisbiga, waxaana magacii Xisbiga ee ahaa Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya lagu bedelay Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida (SDP). Sidoo kale waxaa la bedelay Astaanta calanka Xisbiga oo markii hore ku dhex jiray Calanka dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana astaanta lagu soo koobay Xidig qeybta sare kaga taal Calan Buluug ah oo dhexda kaga jiro Geel. Tan iyo markii is bedelada ka dhaceen Gobolka Soomaalida degto ee hoostaga Itoobiya ayaa waxaa isa soo tarayay tallaabooyin wax looga bedelayo hab dhaqankii maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar. Source
  4. (SLT-Algeria)-Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynenimo, sidaasi waxaa islaamisay wakaaladda rasmiga ah ee wararka u faafisa dowlada Algeria. Ku dhawaaqistan ayaa ka danbeysay kaddib lix todobaad oo ay shacabka dalkaasi ku madaaharaadayeen guud ahaan dalka oo dhan, iyaga oo ku cadaadiyay in madaxweyne Boutiflika uu xilka isaga dago. Go’aanka uu xilka isaga casilay madaxweyne Abdulaziz Bouteflika ayaa soo gaba gabeeyay muddo 20 sano ah oo uu xakumayay waddankaasi dhaca waqooyiga Africa. Boqollaal ka mid ah shacabka ku nool caasimadda Algiers ayaa ku dabaaldagay wadooyinka. War kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in mustaqbalka Algeria uu gacanta ugu jiro shacabka dalkaasi. Sida uu qabo dastuurka dalkaasi, afhayeenka baarlamaanka ayaa si kumeel gaar ah dalka u maamuli doono muddo 90 cisho ah, si loo diyaariyo doorasho ay shacabka kusoo doortaan hogaamiyahooda cusub. Source
  5. Baydhabo (Caasimada Online)-Sida ay baahisay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho kulan ayaa deegaanka Buulo Fuulaay ee gobolka Baay ku dhexmaray odayaasha dhaqanka deegaanada Koofur Galbeed iyo xubno ka tirsan Al Shabaab. Kulanka ka dhacay deegaanka Buulo Fuulaay ayaa la sheegay in looga hadlayay go’doonka ay ku jiraan deegaanada maamulka Koofur Galbeed iyo sidii loo furi lahaa waddooyinka Al Shabaab ay go’doomiyeen. Dadka deegaanka iyo odayaal kulanka ka qeyb galay ayay laga soo xigtay in kulanka kadib sharuudo adag la hor dhigay odayaasha dhaqanka ee la kulmay madaxda Al Shabaab, waxaana lagu wargeliyay inay bixiyaan dhaqaalo gaaraya 30 Kun oo Doolar, sida Idaacadda ay baahisay. Odayaasha dhaqanka ayaa la sheegay inay ku wargeliyeen madaxda ay la kulmeen inay beelahooda kula laabanayaan lacagta loosoo bandhigay, balse la isku fahmay in Al Shabaab aysan sii go’doomin deegaanada maamulka Koofur Galbeed. Al Shabaab ayaa go’doomiyay degmooyinka Diinsoor, Qansax dheer, Waajid iyo deegaano kale oo ka tirsan Baay iyo Bakool, waxaana culees badan dareemay dadka deegaanadaasi ku sugan. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ka socdo dowladda Ethiopia ayaa ku sugan deegaanada qaar oo Al Shabaab ay go’doomiyeen. Dadka deegaanka ayaa raashiinka waxaa loogu geeyaa diyaarado iyo gaari dameero oo haddii Al Shabaab ay arkaan la sheegay inay raashiinka gubaan, waxaana taasi ay culees ku noqotay dadka deegaanka. Ma jiro war kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan inay sharuudaasi lacageed ku xireen furitaanka waddooyinka ay go’doomiyeen ee ku yaala deegaanada Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  6. (SLT-Washington)-Waaxda beeraha ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay joojinayso xarun bisadaha lagu dilo oo cilmibaadhis loo adeegsado, ka dib markii ay bulshadu aad u dhaliishay arrintaas. Bisadaha waawayn iyo kuwa dhasha ah ayaa la qali jiray si loogu adeegsado cilmibaadhis lagu samaynayo caabuq ama fayras inta badan bisadaha ku dhaca oo mararka qaar cuntooyinka lagu arko Bisadahan ayaa lagu quudiyaa hilib xanuun lagu tallaalay iyo waxyaabo kale si loogu tijaabiyo. Dhakaatiirta xayawaanka ayaa ku dooday in xannuunka bisadaha lagu tallaalo uu yahay mid la dawayn karo, sidaas darteedna loo baahan yahay in la daweeyo oo lagu wareejiyo dad xanaanaysta badalkii la dili lahaa. In kabadan 3,000 oo bisadood ayaa la dilay tan iyo markii cilmibaaristan la billaabay 1982, WCWP oo u dooda xuquuqda ayaa sheegay in barnaamijka bisadaha lagu laayo ay ku baxdo 22 milyan oo doolar oo ka mid ah canshuurtii shacabka laga soo aruuriyay. Bishii maarso ayay xildhibaannada Kongareska ee labada xisbi oo midaysan u codeeyeen in meesha laga saaro sharcigaas bisadaha lagu laayo, iyaga oo ugu yeeray “kawaanka bisadaha ee canshuur bixiyeyaasha”. Jimmy Panetta oo ka mid xisbiga Dimuqraadiga aadna ugu ol’olaynayay in meesha laga saaro sharciga fasaxayay in bisadaha la laayo ayaa markii meesha laga saaray sheegay in arrintan ay muujinayso waxa ka suuragali kara siyaasadda. Bisadaha hadda xaraysan ee dilka sugayay oo 14 ah ayaa lagu wareejin doonaa shaqaale ka tirsan wasaaradda beeraha ee dalka Maraykanka, si ay u xannaanaystaan. Dadkii cilmibaarista samaynayay ayaa sheegay in ay kala bar yareeyeen halista xanuunka toxoplasmosis, kaas oo halis ku ah carruurta uurka ku jirta iyo dadka uu liito habka difaaca jirkooda. Source
  7. Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan Joodax oo kamid ah guddiga ganacsiga ee golaha shacabka ayaa sheegay in laamaha amniga ayna ka fiirsan xiridda wadooyinka Muqdisho, taaas badalkeeda waxa uu sheegay in loo baahnaa in amniga la sugo ayadoo jidadka aan la xirin. “Ammaanka iyo dadka waa la ilaalshaa, ayadoo howluhu kala socdaan, ayadoo wax layska baarayo oo wax layska eegayo in dadka loo shaqeeyo ayaa la rabaa. Shaqada ay gaarka u leeyihiin in lagu xaqdhowro loona qabto ayaa la rabaa, midda qaranku rabo oo lagu ilaalinaao inay barbar socoto ayaa rabaa”. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in haddii wadooyinka iyo xaafada adkaato in laysku gudbo ay ka dhalan doonto xaalad adag oo shacabka iyo dowladda iska hor keena marka loo baahan yahay in dadka nolosha lagu adkaynin. “ Haddii laga dhigo meeshaan la galimaayo, wadadaana la mari maayo, jidka waxaa loogu tala galay maritaan kaasoo cilmiyeeysan, duruufihii jirana lagu xaliyo. Laakiin haddii waxii oo dhan albaab xiran laga dhigo, oo laamigoo dhan xaafad iyo guri laga dhigo, waad garan kartaa dhibka dadka ku soo noqon kara, waad ogtahay dhibka ka imaan kara haddii arrintaan ay sii socoto mustaqalka dhow iyo midka fogba laga fakaro, madaxda qarankana ay ka fakaraan ay ka fakaraan mutaqbalka gog” Dhanka kale Xildhibaan Warsame joodax ayaa xusay in haddii dadka laga joojiyo wax yaaaha nolosha aasaaska u ah inay suuqyada ka soo baxaan dadkana ay soo gaaran ay keenay in xaaladdu sii cakiranto shacabkuna kacdoomaaan. “Haddii la xiro badeecooyinkii kala duwanaa ee looga baahnaa suuqyada iyo meelihii dadku ka adeegan lahaayeen sida hilibkii kawaanka laga keenayay iyo kaluunkii, waxii oo dhan hadii la xiro dalkii oo dhan waa isku cakirmaa, waxaana imaanaya buuq iyo qeylo shacabka ah in qorshe fiican oo ammaanka lagu xaqiijinayo dadkana lagu ilaalinayo in madaxdu ay u fakarto ayaa la rabaa”. Ugu danbeyn Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan Joodax ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada qaranka loo baahan yahay inay horan ugu sii socdaan deegaanada dowladda gacanteeda ka maqan ammaankana ay sii xasiliyaan “Hadda waxaan maqlaynaa ciidamo meelo qabsaday waxan leeyahay waa inay sii socdaan ammaanka ha sii xaliyaan inta ay gaarikaraana ha gaaraan, dowladdana waxii lojisitik ah iyo wixii dhiira galin ah ha la siiso ay noqoto dowlad sidii dowlad u shaaqeysoo oo shacabkeedana wax ugu tarto” . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho kulan ay ku yeeshaan xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan ayaa qorshuhu yahay in khubad dhinacyo badan taabaneyso uu xildhibaanada u jeediyo guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Sidoo kale xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa warbixin ka dhageysan doona guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaliya. Labadii kulan ee la soo dhaafay ayaa baaqday, kadib markii uu buuxsami waayay kooramka loogu talagalay in uu ku furmo fadhiga Golaha Shacabka. View the full article
  9. Jigjiga (SMN) – Wakaaladda wararka dalka Itoobiya ayaa sheegtay in la bedelay magacii iyo astaantii Xisbiga haya talada dowlad degaanka Soomaaliya markii ugu horreysay, kadib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Cabdi Maxamed Cumar sanadkii tagey. Magaca cusub ee xisbiga ayaa laga dhigay Xisbiga dimuqraadiga Soomaalida, halka uu horey u ahaan jiray SPDP, iyadoo sidoo kale wax laga bedelay qaab dhismeedka xisbigan. Kulan ayaa maalintii 3-aad uga socda xubnaha xisbiga magaaladda Jigjiga kaas oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Axmed Shide oo hadda hoggaamiya xisbiga, isagoo sidoo kalena ah wasiirka Maaliyadda dowladda Itoobiya. Shirka 10-aad ee Xisbiga ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maanta oo Arbaco ah, iyadoo la dooran doono guddoomiye cusub iyo ku xigeenkiisa oo la filayo in uu noqdo Mutafe Cagjar. Hoggaanka ugu dambeyn ka soo bixi doona iyo qorshayaasha shirka lagu ansixin doono ayaa ah kuwa lagu wajihi doono doorashooyinka sanadka dambe ka dhici doono Itoobiya, xilli loolan adag ay dhankooda soo bandhigi doonaan xisbiyada mucaaradka ah, sida ONLF oo isu soo baxyo iyo wax olole doorashooyin u eg ka wada guud ahaan deegaanka. Waxay noqonaysaa markii 1-aad oo xisbiga tallada haya uu la kulmo loolan muddo dheer, kadib markii isbadal uu ka dhacay dalka Itoobiya, lana fur furey siyaasadda dalkaasi. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay waxa uu hoygiisa casho sharaf ugu samaayeeyay madaxwayaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo wafdiga uu hogaaminayo ee Muqdisho ku sugan. Madaxweynaha Jubaland ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahadceliyay cashada uu ku sharfay isaga iyo wafdiga ku wehliya socdaalkiisa magaalada Muqdisho. Casho sharafta kadib ayaa ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxwaynaha Jubaland, waxa ay kormeereen qaybaha uu ka koobanyahay xafiiska Ra’iisul Wasaararaha oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Aweys Maxamed Diinle oo ah Aabaha dhalay Marxuum Ibraahim Aweys oo ahaa wiil Bajaajle ah oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa uga mahadceliyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir garab istaaga ay u muujiyeen, kadib geerida ku timid Wiilkiisa. Aabe Aweys ayaa sheegay in Duqa Muqdisho uu yahay mas’uul dhageysta shacabkiisa, islamarkaana u damqada. Sidoo kale waxa ugu baaqay hay’adaha amniga in ay gacanta ku soo dhigaan Askarta dhibaatooyinka u geysta dadka rayidka ah, si loo helo nabadgalyo waarta. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Fatjoy-1.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Taliska howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa war ka soo saaray la wareegista dhowr deegaan oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ciidamada dowladda federaalka kala wareegeen Al Shabaab. Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa soo dhaweeyay guusha ciidamada dowladda Soomaaliya ka gaareen howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Shabeellaha Hoose. Madeira ayaa sheegay in la wareegida Tuulada Sabiid ay muhiim u tahay in laga hortago weerarada Xarakada Al Shabaab ku diyaariso gobolka ee laga fuliyo magaaladda Muqdisho. Sidoo kale taliyaha AMISOM General Tigabu Yilma ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada qabsashada Sabiid, isagoo intaasi ku daray in tani ay qeyb ka tahay isbedelka iyo dar-dargelinta howlgalka Al Shabaab looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay ku sugan yihiin. Warka ka soo baxay AMISOM ayaa yimid, kadib markii wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya ay shaacisay shalay in ciidamada xoogga dalka ay Al Shabaab ka saareen Baladul Amiin, Cumar Berre, Sabiid iyo Caanoole oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  13. Cadaado (SMN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug garabka lagu doortay magaalada Cadado ee gobolka Galgaduud Axmed Maxamuud Xasan (Axmed Baasto) ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka Ciidamada Kenya ay ka geystaan gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya. Ugu horreyn Axmed Baasto ayaa sheegay in Galmudug ay aad uga xun tahay burburinta hantida Ummadda Soomaaliyeed ay ku heyso dowladda Kenya iyo tallaabooyinka foosha xun ee Ciidamadeeda ku gubayaan xarumaha shirkadda Hormuud ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka. Sidoo kale waxa uu xusay in duqeynta Ciidamada Kenya ay ku duminayaan xarumaha ganacsi shirkadaha Soomaaliyeed ay tahay mid ka hor imaaneyso xuquul insaanka, xeerka ganacsiga iyosharciga darisnimada Soomaaliya iyo Kenya. Ugu dambeyn warkan ka soo baxay Galmudug ayaa loogu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in aysan indhaha ka fiirsan dhibtaada joogtada ah ee ay Ciidamada Kenya ku burburinayaan xarumaha shirkadaha waa weyn ee ay ku tiirsan yihiin guud ahaan nolosha bulshada Soomaaliyeed. View the full article
  14. Waxaa aad loo hadal hayey saacadihii lasoo dhaafay gabar Soomaaliyeed oo ciidanka Booliiska u maleeyeen iney tahay rag soo xirtay dharka dumarka, islamarkaana la geeyey saldhigga Booliiska degmada Boondheere si baaritaan loogu sameeyo. Faa’iso Cabdi Maxamed oo ah gabadha arrinta ku dhacday ayeey ciidanka waxa ay kala degeen Mooto Bajaaj ay saarneyd, iyada oo ku socotay hoygeeda ku yaalla isla degmada Boondheere. Waxay Booliiska saacad ka badan ku hayeen saldhigga Boondheere iyaga oo u sheegaya iney rag tahay, xitaa haddii baaritaan ay ku sameeyeen dumarkii Booliiska ah. Hadaba Faa’iso uu u warantay Goobjoog ayaa waxay ka sheekeysay sida ay wax u dhaceen, sidoo kalena waxay faa’iso sheegtay in aflagaado badan kala kulantay Booliiska qabtay iyo waliba taliyahii joogay saldhigga Boondheere. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka: Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (SMN) – Sarreeye guuto Zakiyo Xuseen Axmed taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in 23 Askari loo soo xiray falal Musuq-maasuq oo abuuri kara dhibaatooyin amni daro. Zakiyo ayaa sheegay in askarta la xiray ay lacago laaluush ka qaadanayeen dadka rayidka ah, islamarkaana xogtaasi ay ka heleen shacabka. Sidoo kale taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday qeybahala kala duwan ee bulshda ku dhaqan M/Muqdisho in ay muujiyaan dulqaad inta uu socda qorshaha cusub iyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli si weyn loo xoojiyay ammaanka magaalada Muqdisho, islamarkaana uu socdo howlgal lagu sugayo amniga guud ee gobolka Banaadir, si looga hortago weerarada ay soo abaabulaan Al Shabaab. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/War-Subax-04022019.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo saraakiisha beesha Abgaal ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, xilli ay xiisad ka dhex oogan tahay dowladda iyo Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Xiisaddan ayaa ka dhalatay go’aan kasoo baxay dowladda oo lagu amray in la isaga guuro xerada Mariino ee ciidanka Badda Soomaaliya, oo uu degan yahay Muuse Suudi. Xaajiga ayaa waxaa dhulkan siiyey dowladdihii hore, isla markaana waxa sida uu sheegay uu haystaa Document ay u saxiixeen Madaxdii hore ee dalka, maadaama horay dowladdii C/llaahi Yuusuf uu ugu wareejiyay hubkiisa, looguna bedelay xarunta uu dgean yahay. Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Kulanka xalay oo aan loo kala harin ayaa lagu go’aamiyey in wafti kale loo diray dowladda looguna sheego in Muuse Suudi uu xaq u leeyahay dhulkan, islamarkaana dowladda ay ka laabato damaceeda ah inay xoog isku daydo. Kulanka ayaa ka dambeeyey kulan horey u dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo wafti ka socday beesha Abgaal, oo madaxweynaha uu ka codsaday inay Xaajiga qanciyaan. Waxaa kulanka xalay sidoo kale lagu go’aamiyey in dowladda loo sheego in dhib kasta oo ka dhasha arrintan ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan. Dhinaca kale, ciidamo badan iyo gawaari dagaal oo tiro badan ayaa ku qul-qulaya halka uu degan yahay Xaaji Muuse, si ay uga difaacaan gardarrada ay sheegeen inay dowladda kusoo maagtay. Inkasta oo aan la hayn tirada rasmiga ah ee ciidamadan, haddana waxaa la sheegay inay kor u dhaafayaan ilaa shan boqol oo askari. Waxaa ciidankan hoggaaminaya jeneraalo iyo korneylo sare oo caan ah oo sheegay inay Muuse ka difaaci doonaan gar-darrada dowladda. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda oo markii hore rumeysneyd inay si fudud ku kicin karto Muuse ay hadda garwaaqsatay in xaaladda ay ka adag tahay sidii hore, lagana yaabo inay raadiso xal kale, sida inay tanaasusho ama Muuse lacag malaayin dollar ah ka siiso dhulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa baahiyay magaca qof labaad oo la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka dambeeyay weerarkii 23 Maarso ka dhacay xarumaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo midda Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, oo Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaan Cabdullaahi Dacwo ama Bilaal, uu ahaa ruuxii ka dambeeyay weerarka gudaha loogu galay xarumaha wasaaradda. Cabdullaahi Bilaal, ayaa la sheegay inuu ahaa 29 sano jir kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana la cadeeyay inuu kasoo jeedo Beesha Ogaadeen Jufada Reer Cabdalla. Cabdulaahi ayaa la sheegay inuu ka yimid markii hore deegaanada dhanka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana uu sheegay inuu kasoo tagay deegaanada NFD kadib markii uu u dulqaadan waayay dhibaatada shacabka lagu hayo, sida uu hadalka u dhigay. Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in muddo kooban inuu ku dhex jiray Al-Shabaab, isaga oo sheegay in muddadaa uu ku dhexjiray Al-Shabaab uu ku dhexjiray JIHAAD iyo mujaahidiin, sida uu yiri. Sidoo kale wuxuu sheegay inay yareyd muddada uu joogay magaalooyinka, islamarkaana uu ku sugnaa deegaanada dhanka miyiga, sida uu hadaka u dhigay. Al-Shabaab ayaa maalin ka hor soo bandhigay magaca iyo qabiilka ruuxii fuliyay qaraxa koowaad ee lagu weeraray xarunta wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha oo ku taala degmada Shangaani. Waxay sidoo kale sheegeen inay soo bandhigi doonaan dhamaan dadkii weeraray Wasaaradda magacyadooda iyo qabiiladooda, waxaana sidaan oo kale ay sameeyeen marar badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Minneapolis (Caasimada Online) – Labo dacwadood oo ka dhan ah Ilhaan Cumar ayaa laga diiwaangeliyay Gobolka Minnesota ee laga soo doorto, iyada oo lagu eedeynayo in si qaldan u maareysay lacagihii ay ku gashay ololaha doorashada ee ay ugu biirtay aqalka wakiillada Mareykanka. Dacwadahan waxaa diiwaangeliyay Steve Drazkowski, oo ka soo jeeda Xisbiga Jamhuuriga, waxaana uu sheegay in Ilhaan ay $6,000 oo dollar u maareysay qaab aan sax ahayn, lacagtaas oo uu sheegay in ay ka mid ahayd mid uu lahaa xafiiskeedii hore ee xildhibaan Minnesota iyadana ay si shaqsi ah u adeegsatay. Waxaa kale oo uu sheegay in ay qarash ku bixisay kala taggii iyada iyo saygeedii hore, lacagahaas oo iyana ah kuwo dan guud oo miisaaniyadda xafiiskeeda ka mid ahaa. Drazkowski ayaa sheegay in la arkay lacag gaareysa $2,500 oo dollar oo ay Ilhaan dib ugu celisay Iskuulladii ay ka hadli jirtay xilligii ololaha oo ay hadda dib u celin ku sameysay. Dacwaddan ayaa xoogga lagu saarayaa in tallaabooyinka ay qaadday Ilhaan Cuamr intii ay ku jirtay ololaha doorashada kursiga aqalka hoose ee Mareykanka ay jebinayaan sharciga Gobolka laga doortay. Wargeyska Sinclair oo warbixintan qoray ayaa sheegay in arrintan uu kala xiriiray Ilhaan Cumar hase yeeshee ay diidday in ay ka jawaabto wax ku saabsan dhaqaalaha ku baxay ololaheeda doorashada. Ilhaan ayaa waxaa ku furan buuq ka dhashay hadal ay ka sheegtay ururka u ololeeya dadka Yuhuudda ee Mareykanka ee loo yaqaan AIPAC. Dadka Mareykanka ah ee ay caddaannimada la weyntahay iyo kuwa Taageerada dhabta ah u haya Israel ayaa soo jeediyay in Ilhaan laga saaro Guddiga xiriirka dibadda Mareykanka ee aqalka hoose oo ay ka mid tahay. Dadka soo jeediyay in laga saaro guddigaas waxaa ka mid ah Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo ku xigeenkiisa Mike Pence. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  20. Mashiinkii Musuqmaasuqa Oo Dib Ugu Soo Noqoday Warfaafinta Iyo Mooganaanta Madaxweynaha + Natiijadii Hanti Dhawr Guud Qaranka Maxkamadda Gobalka maroodi jeex ayaa Xabsiga ka sii daysey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland, Xasan Geedoole oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa ka dib markii lagu eedayey inuu lunsaday lacag dhan (50,000 kontan kun oo dollar ) oo damaanadda lagu sii dayey.Warar xogagaal uu dhuun daloola wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa sheegay inuu madaxweynuhu amar ku bixiyay ina laga wareejiyo agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta Hassan Geedoole, Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa mudo dheer la daala dhacaysa musuqmaasuq xadhka goostay oo sanadkii 2012 lagu xidhay eed musuq maasuqa isagoo hanti dhawrku guud ku helay inuu is daba mariyey vouchero lacag oo maliyiin dolar kula baxay isagoo damaanadda ku joogaa hargeisa ayuu sii tuugnimo uga baxaday isaga sii maray dalka Ethiopia oo uga sii gudbay dalka Engiriiska oo ay sii joogta gabadha u qabo. Agaasimaha maamulka iyo lacagta Hassan Geedoole,ayaa marka laga qiyaasta qaato agaasimiyaasha soo maray dhinaca maamulka wasaaaradd warfaafinta intii ay joogeen looga bartey inay iska ilaaliyaan hantida xoolaha umadda Somaliland ,balse Hassan Geedoole oo caadeystay iska daba marinta musuq maasuqa oo markii labaad lagu xidhay musuq waxayna bulshadda Somaliland Is weydiinaysaa halka uu ku dambeyn doono shaadh madoobaha Hassan geedool iyo talaabooyinka laga filayo inuu qaado madaxweynaha Somaliland oo ishu saraan tahay dib haybta waaxda maamulka iyo lacagta warfaafinta madaxweyne muuse ayaa wakhtigii lagu jiray ololaha doorashooyinka shacabka Somaliland uu balan qaaday inay xukuumadisu wixii musuqmaasuq dab jari doontii tiina bulshadda ayaa sugaysaa inuu madaxweynuhu talaabo ka qaado. Dadka siyaasada dhaqaalaha falan qeeya gudaha dalka ayaa ayaa tilmaamaya inuu dhiig baxa ku tahay qaran in lagu soo celiyo agaasimihii maamulka iyo lacagta Hassan Geedoole, oo dul hoganayso eedii ugu weynd ee loo qabsado qofka ka shaqeeyaa nidaamka dawladdnimadda Somaliland taasina waxa cadayn kaaaga filan waxa markii labaada loo xidhay eed musuqmaasuq waxay bulshadda Somaliland sugaysaa go’aanka uu qaato madaxweynaha Somaliland mudan muuse bixii cabdi.Agaasimaha maamulka iyo lacagta warfaafinta oo shaqaalaha wasaaaradda u bixiyeen mishiinkii musuqmaasuq wuxu geedka qataarka looga keenay dalka koonfur afirka oo markasta ku sitaa jiiba ilaa inta uu shaqada ka baxayo.Wasiika warfaafinta iyo ku xigeenkiisa ayaa isku maandhaafsan soo celinta Hassan geedoole wuxuu wasiirku u magacaabay agaasimaha maamulka iyo lacagta deeqa oo ah inaanta cashier wasaaradda, waxa taas ka biyo diiday wasiir ku xigeenka oo ku maqnaa dalka turkey reerkisa dajiye oo gurina uga iibixiyey lagu qiyaasay ilaa lacag dhan (400,000 afar boqol oo kun oo dolar) waa sobabta keentay inuu wasiir ku xigeenku ka diido wasiirka inuu magacaabo agaasime kale. Agaasimaha maamulka iyo lacagta warfaafinta ,Hassan geedoole,wuxuu qoyskooda oo degan magaaladd jig-jigga uga dhisay 4 gur iyo meherado ganacsi oo uu ka shaqeeyo walaalkii halka oday dhalay uu ka ganacsado xoolaha oo uu soo iibgeeyo magaaladda wajaale isagoo ka sii iibsaday dhinaca gudaha dalka Ethiopia lacagtan adagan ee uu reerkoodu ku shaqeyso waxay ka mid tahay hantida musuq maasuq ee loo xidhay.Agaasimihii guud ee wasaaradda Dr,Cismaan Xusein Warsame ee la xidhay todobaadkii hore oo loo haystay eedo la xiidhiidhay musuqmaasu ayaa laga sii dayey maxkamadda gobalka ka dib markii lagau sii dayey damaanadda reernimo,oo ka soo hor jeedo xeerka lagu abuuuray xafiiska hanti dhawrka guud ee qaranka Somaliland.Ciidammada amnigu xidheen, ka dib markii sida la sheegay Hanti-dhowrka Qaranka oo baadhitaan ka waday Wasaaradda Warfaafintu codsaday in la xidho, isaga iyo Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi oo dhawaan iscasilay iyo Hassan geedoole.Dr. Cismaan, laakiin siidaynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaaraddaasi, ayaa ku soo beegmaya xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaallaan dacwado ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Wasiirka gaashaandhigga oo ku eedaysan musuqmaasuq. Xeerka la dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland, ma ogola in Qof ku eedaysan musuqmaasuq damiin lagu siidaayo ama uu iibsado haddii xukun Maxkamadeed ku dhaco Sida uu Warbaahinta ka sheegay Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranku.Maqaalka kan xiga ayaa idinku soo gudbinayaa inta meelood ee ganacsiga uu ku leeyaaha shirkaddaha iyo akowno uga furan dalalka dibedda uu lacagaha ku shubo,iyo hantida kale ee uu ku qoray qoyska uu ka soo jeedo Agaasime Hassan Geedoole. soco maqaalka kan xiga oo xogo musuqmaasu iidin soo bandhigi doona, Warfaa Ismail Yusuf. Hargeisa -Somaliland Qaran News
  21. Xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti Somaliland – Goofka Danleyda Gaarka ah Bal dhugo dhacdadan uu soo weriyey Wargeyska The Indian Ocean. Cadadka Wargeyska Indian Ocean ee soo baxay 31-Ogost, waxa lagu sheegay in Maxamed Aw-Siciid badhtanka in Sirdoonka Maraykanku dawladda Djibouti uga digeen dhaq-dhaqaaqyada sharci darrada ah ee ganacsadahan reer Djibouti ee Shirkaddiisa ay saamiga ku leeyihiin Marwada koowaad ee Djibouti Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo marwada Madaxweynahii hore ee Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde. Warqaddani ma rumaynayso warka wargeyska laakin waxa loo soo xigatay keliya warkaas in uu tilmaan u noqdo sida ay isugu maran yihiin Hargeysa iyo Djibouti oo ay adag tahay in sahal loo kala soocaa. Isku-marnaantu labada magaalo waxa tusaale cad u ah in shirakadaha waaweyn ee keena alaabada iyo raashinka laga leeyahay badankooda dalka Djibouti, inkastoo hantiilayaashu ay badi ka soo jeedaan deegaanka Somaliland. Xataa imika shirakadihii saldhigoodu ahaa Somaliland waxa ay dhamaantood xarun ka dhigteen Djibouti. La yaab ma leh, waayo Djibouti waxa laga helaa adeegayada bangiyada caalamiga ah ee laga furan karo warqadda bangiyada (Letter of Credit) oo loo baahan yahay marka badeeco laga dalbanayo dal kale. Badeecadaasi waxay ku damabaysaa dekedda Berbera iyo madaarka, halkaas oo aan cashuur buuran laga qaadin, dabeetana waxa loo sii hayaamiyaa xagga iyo Ethiopia. Imika, waxaaba la marayaa, in beedacadaha kastamka Wajaale lagula kala wareegaa ay badi toos uga yimaadaan dekeadda Djibouti. Cajiib! Waxaa dhacda in dawladda Somaliland sii qadimato cashuurta maraakiibta badeecadaha keeni doonta bilaha soo socda. Halkaa ka garo in ganacsatada Djibouti iyagu firimbiga u yeedhiyaan dawaladda Hargeysa. Waxa intaa raaca in ganacsatadani ay ku leeyihiin bakhaaro magaalooyinka Somaliland, badeecadda lagaga iibsado keliya dollar; marna ma aqbalaan shillinka. Habeen walbana waxa lacgtaas adag dib loogu xawilaa Djibouti, iyadoo la sii marinayo xawaaladaha, gaar ahaan Dahabshiil. Waa sababta ugu weyn ee sicir-bararka iyo maciishadda qaaliga ah ee danyrata halakaysay. SubxaanAllah. Shirakadaha is-gaadhsiinta iyana xaruntoodu waa Djibouti. Bishii October 2018 ayey ahayd markii la shaaciyey in Somtel iyo Djibouti Telecom ay ku bahoobeen DARE1, bilaabeena dhigidda xadhkaha is-gaadsiinta oo isku xidhi doona Djibouti, Xamar iyo Mombasa. Xasuuso in Djibouti Telecom, iyadoo maraysa Somcable, ay ka hawl-gasho Somaliland. Ka garo furaha telefoonada Somacable oo ah 253. Waxa xidhiidhka Djibouti iyo Hargeysa sii xoojiya in madaxda Djibouti qaarkood ay saamiyo ku leeyihiin qaar ka mid ah shirkadaha ka hawl-gala Somaliland. Kolkaa waxa aad halkaa kala soo dhex bixi sida Hargeysi u hoos timaado, dhaqaale ahaan, Djibouti. Kolkaa siyaasaddiina, maxaad ka fili? Jawaabtu waxay ku jirtaa murtida da’da weyn ee tidhaa: halka xoolo maraan ayaa xeer maraa. Nidaamka dhaqaale ee nocaan ah oo afka qalaad lagu yidhaa “rentier economy” – Kiraale – waa in halabawlayaasha dhaqaale oodhan, ama badidooda, laga kireeyo mushtarka, ama dalal shisheeye, dawladduna ka qaadato kiro. Markaa amakaag yey kugu noqon in dekedda Berbera la kireeyey, lagana sameeyey saldhig military oo kiro laga qaato, ilayn tusaasha (role model) Somaliland waa Djibouti-ye. Nidaaamka noocan ahi ma daneeyo wax-soo-saar iyo shaqo abuur midna. Madaxada Somaliland waxa kale oo ay Djibouti ka bawsadeen nidaamka siyaasadeed ee loogu yeedho “neopatrimonialism”, kaasoo ah nidaam dawli ah oo awoodda dawliga ahi ka soo fusho hoggaamiyaha dalka, kaas oo aan laga sooci Karin haya’adaha dawliga ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, la naasnuujiyo kuwa taabaca, la dhaqaale takooro kuwa ka leexada. Somaliland duruustaas si wacan ma u qaadatay? Adigaan kuu daayey, akhriste! Xagga Siyaasadda waxa aan muran lahayn taageeradii laxaadka lahayd ee ganacstada Djibouti, toos, iyo dawladda Djibouti, si dadab ah, ay u siiyeen xisbiga Kulmiye doorashashooyinkii madaxtooyada ee 2017. Warka suuqu waxa uu arrinkaa u nisbeeyaa ilaalinta hantida Djibouti ee taala Somaliland iyo in lagu aamini karo keliya xididka madaxtooyada Djibouti. Ogow siyaasadda dibeddu waa muraayadda siyaasadda gudaha. Ma ilaabine, aan ku noqdee, sidee bay m/weyne Geele ugu suuragashay in uu dheesha la ciyaari karo, isku mar, Xamar iyo Hargeysa? Masrixiyadda Xidhiidhka caalamiga ahi waa sida dheesha taangada oo kale. Jiluhu, qof ayuun buu la ciyaari karaa taangada, ammintaas. Djibouti si wacan ayey ula dheeshaa Hargeysa iyo Xamar ba, isku mar. Hargeysa qudheedu ma yaraysato dheesha: waxay la haystaa Djibouti iyo Imaraadka oo xidhiidhkoodu colaad lagu sifayn karo. Suaashu waa: sirtu xaggay ku jirtaa? Jawaabtu waa sahal: danaha gaarka ah ee ka dhexeeya budhtuurka (elite) Djibouti iyo Hargeysa, ayaa ka weyn ta xidhiidhka khaarajiga ah. Kolkaa miyaanay taasi Xamar werwer gelinayn? Maya. Inta danleyda gaarka ee Hargeysa iyo Djibouti xeedho wadaagta leeyhiin, Djiboutina ay ka go’an tahay midnimada Somalia, Xamar walaac ma qabto. Taasi xaggay dhigaysaa shacabkii Somaliland ee soddonka sanno, gooni-isu-taagga loo sheegayey? Tiraabtu waa ma garanayo. Ku daa: Shacabkay u taal! Falanqyntaa kore, waxa aad kala soo dhex bixi: Indhaha m/tooyada Djibouti, m/weynaha Hargeysa fadhiyaa waa sidii governor hoos yimaada iyaga. Waan la caddaysan uun. Hargeysina waa ku raali sidaas. Wa Bilaho Towfiiq Maxamuud C/allhi Axmed London, UK maxamuudaxmed@live.com Qaran News
  22. Madaxweynihii hore ee Buntland, Dr Cabdiweli Gaas, ayaa isku dayay inuu tirakoobo ciidammada kala duwan ee Buntland ku dhowaad sanad kaddib markuu xilka la wareegay. Mushaarka ciidammada ayaa bil kasta sii kordhayay, inkastoo ciidan cusub aan la qorin. Taliyeyaal ka tirsan Ciidanka Difaaca Buntland, ayaa hor istaagay qorshihii uu Gaas ku doonayay inuu ku ogaado tirada ciidammada Buntland. Maamulkii Gaas wuxuu ku qasbanaaday inuu oggolaado bixinta mushaarro loogu talagalay askar aan jirin, oo tiradoodu kor u dhaafayso 6000. Magaca ciidammada aan jirin ee Buntland loo bixiyay waa Caagleyaal. Markii Dowladda Federaalku ay u dhaqaaqday tirokoobka ciidammada ka tirsan Xoogga Dalka, gadood bay ciidammada qaarkood sameeyeen. Waxay ku dooddayaan in dowladdu aysan bixinin mushaarkooda dhowr bilood. Wasiirka Maaliyadda , Dr Cabdiraxmaan Bayle, wuxuu sheegay in habka cusub oo ay dowladdu ku bixin doonto mushaarka ku salaysan yahay tirokoob: askariga yimid meelaha ciidammada lagu tirokoobayo uun baa mushaar qaadan doona. Su’aasha dad badani isweydiinayaan waa: maxaa loo beegsaday ciidammada ku sugan Muqdisho iyo labada Shabeelle haddii askarta aan jirin laga heli karo maamul federaaleedyada kale ? Shirkii London oo ay dowladda Biritishku u qabatay Soomaalida bishii Maajo ee sanadkii 2017kii, waxaa ka soo baxay hannaan aan la fulinin oo nabadgelyada dalka sal inuu u noqdo loogu talagalay ( Security Architecture ). Maqnaanshaha aragti midaysan oo siyaasiyiinta Soomaalida wadagaan si dib loogu unko Xoogga Dalka waa dhibta curyaamisay dadaallada dib u habaynta qaybaha kala duwan ee Xoogga Dalka. Ciidanka Buntland ku sugan lama yiraahdo Xoogga Dalka. Kuwa ku sugan Muqdisho, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe waxaa loo yaqaan Xoogga Dalka. Ciidammada qaarkood ayaa furimaha ka soo baxay. Tani waxay keentay halis ah in dablayda Al-shabaab ay dib u qabsan karaan degmooyinka ururku gacanta ku hayn jiray. 26,000 oo askari bay dowladu mushaar siin jirtay. Tirokoobka kaddib 16,000 oo askari baa iskugu yimid meelaha ay dowladu u astaysay tirinta askarta ka tirsan Xoogga Dalka. 9000 kun oo askri oo ay dowladdu mushaar siin jirtay baa la la’yahay. Dowladdu xilka way ka qaadday taliyeyaashii guutooyinka askartoodu u bateen askar aan jirin. Lacagta baaqanaysa waa mid wax loogu qaban karo askarta dhaawucu soo gaaray iyo daryeelka qoysaska askartu ka geeriyoodeen. Waa sida ugu fiican oo loo tusi karo askariga Soomaaliyeed in dadkiisu abaal u hayaan ciidammada u heellan sugidda nabadgelyadooda. Haddii mushaarka askarta ama shaqaalaha aan jirin uu ku dhaco jeebka taliyeyaasha iyo madaxda rayidka ah, musuqmaasuqu wuxuu garabsiinayaa cadawga ku howlan burburinta hantida iyo nolosha dadka Soomaaliyeed. Biishii Maarso ee sanadkii 2017kii ayuu Wakiilkii hore Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Michael Keating, u sheegay Soomaali iskugi timid kulan ka dhacay Oslo in Xoogga Dalka askarta ka tirsani u badan yihiin hal beel. “Weliba ciidanka ku sugan Marka waxay u badan hal jifo. Soomaaliya may laha ciidan qaran” buu Keating yiri. Sababta madaxda Soomaaliyeed heer kasta uga aamusnaayeen xaaladda dhabta ee Xoogga Dalka ilaa hadda may cadda. Haddii dowladdu ay weli ku howlan tahay samaynta ciidan Qaran oo loo dhan yahay, maxaa keenay in magaca Xoogga Dalka lagu sunto ciidammada Soomaalida oo ka hawlgala gobollada qaarkood, isla xisaabtankuna iyaga ku koobnaado? Waa maxay wanaagga ka soo bixi kara go’aanka dowladda federaalku ku beegsatay qaybaha ciidanka ku sugan laba gobol oo keliya? Haddii dowladda federaalku soo afjartay musuqmaasuqii ku jiray ciidammada iyo dowladda gaar ahaan dhinaca mushaarka, dowladdu xaq bay u yeelanaysaa inay la xisaabtanto maamul federaaleedyada. Isla xisaabtanku wuxuu keeni kara in xoogga la saaro dhowrista Soomaalida xuquuqdooda dhaqaale iyo siyaasadeed lagu duudsiiyay habka 4.5. Lacagta iyo tababbarrada ugu badan waxay ku baxaan ciidammada Xoogga Dalka ku sugan Muqdisho iyo labada gobo loo deriska la ah. Hufnaanta maaliyadda ee Xoogga dalku wuxuu meesha ka saarayaa eedeymo sadbursi oo wax u dhimi kara dhexdhexaadnimada Dowladda Federaalka. Habka federaalku wuxuu u ekaaday heshiis beelaha waaweyn u dhexeeya si aysan dowladnimo uga hanaqaadin Soomaaliya, waayo ololaha hufnaanta maaliyadeed oo ay dowladda federaalku u guntatay waa mid argaggax ku riday geddislayda siyaasadeed. Inta musumaasuq ka jiro Xoogga Dalka waa lagama-maarmaan inay Soomaaliya ku sii tiirsanaato Amisom oo hesha in ka badan 95% yabooha lagu soo ururiyo magaca Soomaaliya. Haddii Soomaaliya aysan ka maarmi marin ku tiirsanaanta Amisom, kaalinta dowladda federaalku waxay sii ahaanaysaa mid lacag ay ugu soo ururiso ciidammada nabad-ilaalinta Afrika oo, sida Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ka sheegay shirkii London ee 2017kii, “u jooga Soomaaliya inay ka hortagaan halis dunida uga iman karta” xoogag argaggixiso ah oo ku sugan dalka. W/Q: Liibaan Axmad Email: libahm@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. Wariyaha la dilay Jamal Khashoggi Dowladda Sacuudiga ayaa caruurta suxufigii la dilay ee Jamal Khaashuqji siisay guryo ku fadhiya malaayin dollar, islamarkaana bil walba u qortay kumanaan dollar, sida uu qoray wargeyska Washington Post. Khaashuqji, oo cambaareyn jiray dowladda Sacuudiga islamarkaana wax ku qori jiray Washington Post, ayaa bishii October ee 2018 lagu dhex dilay kadibna meydkiisa lagu jarjaray gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Lacagta loo qoray caruurta Khaashuqji – oo ah laba wiil iyo laba gabdhood – ayaa “qeyb ka ah dadaal ay dowladda Sacuudiga ku dooneyso in heshiis waqti dheer ah la gasho xubnaha qoyska Khaashuqji, kaasi oo lagu xaqiijinayo inaysan si shaacsan uga hadal dilka aabahood”, sida uu qoray Washington Post. Guryaha la siiyey caruurta Khaashuqji ayaa ku yaalla magaalada Jeddah waxaana qiimahooda lagu sheegay afar milyan oo dollar. Wiilka ugu weyn qoyska oo lagu magacaabo Saalax ayaa qorsheynaya inuu kusii noolaado Sacuudiga, halka saddexda kale oo ku nool dalka Mareykanka ay doonayaan inay iibiyaan guryahooda, sida wargeysku qoray. Ka sokow guryaha, caruurta ayaa bil walba heli doona lacag 10,000 oo dollar ah, waxaana la filayaa inay helaan lacag kale oo intaas ka badan oo tobonaan milyan oo dollar ah, sida ay tiri warbixinta. Dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu eedeeyey inuu amray dilka Khaashuqji. Qaran News
  24. Istanbul (Caasimada Online) – Xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa go’aansaday inuu diidmo ka gudbiyo natiijooyinka doorashooyinkii dhammaan 39-ka degmo ee magaalada Istanbul, sida uu weriyey wargeyska Hurriyet. Go’aankan ayaa ka dambeeyey kadib markii natiijada codbixinta ay muujisay inuu codad yar ku hoggaaminayo musharaxa xisbiga mucaaradka. Xisbiga AKP ayey u badan tahay inuu lumiyo maamulka labada magaalo ee dalka ugu weyn ee Istanbul iyo Ankara, taasi oo dib-u-dhac aan la fileyn ku ah qorshaha madaxweyne Erdogan uu kula dagaalamayo dhaqaale-xumida dalka. Musharaxa xisbiga mucaaradka CHP ee duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu iyo musharaxa la loolamaya ee xisbiga AKP, ahna ra’iisul wasaarihii hore, Binali Yildirim, ayaa labaduba sheegay in Imamoglu uu horreeyo qiyaastii 25,000 cod. Xisbiga AKP ayaa sheegay in uu isticmaalayo xuquuqda uu u leeyahay inuu diido natiijada codbixinta, oo ay ka dhaceen qaladaad. Waqtiga loogu talo-galay in xisbiga uu racfaan ka qaato natiijada ayaa ku ekaa shalay 12:00 PM ee xilliga Istanbul. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com