-
Content Count
208,187 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ugu horeyn hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS oo lagu bilaabay kulanka guud ee golaha shacabka ayaa hadalkiisa ku bilaabay Xaaladda amni ee dalka iyo dhibaatooyinka kooxaha Argagaxisada ah ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale sida kooxahan nabad diidka ah looga hortagi karo ,sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo Hay’adaha amaanka ee Dalka. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrinta dastuurka dalka iyo dhameystirkiisa waxa uuna sheegay in dhameystirka dastuurka uu dalka muhiim u yahay si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah,waxaana dhinaca kale xukuumadda federaalka Soomaaliya uu sheegay in laga sugaayo soo gudbinta shuruucda dalka muhiimka u ah. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhinaca kale faray guddiga Isgaarsiinta ee golaha shacabka in ay baaritaano sameeyaan oo ay warbixin ka keenaan xarumo shirkado ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo la burburiyay kuwaasoo ku yaala Qeybo ka mid ah gobolka Gedo. Sidoo kale Guddiga la socodka,dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa golaha usoo gudbiyay Warbixin ku saabsan hanaanka dib u eegista dastuurka gaar ahaan cutubyada 1-5-aad ee dastuurka, waxaana warbixinta golaha u aqriyay Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah xubnaha gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal. Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in arrinta dastuurka ay muhiim u tahay in lagu daro arrinta Somaliland oo muhiim u ah dhameystirka dalka. Kulanka guud ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa loogu qeybiyay waxka bedelida sharciga furdooyinka,soo gudbin axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah,hindise sharciyeedka maamulka dakhliga ,Miisaaniyadda sanadka 201-9-ka,Warbixinta afar biloodlaha ah ee guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka iyo xeer-Hoosaadka Golaha Shacabka baarlamaanka 10-aad ee JFS ayaa waxaa soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xog ay Caasimada Online heshay, ayaa sheegaysa in xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ay aqbashey warqad ay u soo gudbisay dowlada Jabuuti, taasi oo aheyd in Hargeysa laga furo Dacwad ka dhan ah Ganacsade caan ka Somaliland. Sida ay sheegayso xogta ay heshay Caasimada Online, Madaxweyne Geelle ayaa warqadan Xukuumada Biixi kaga dalbaday in xayiraad lagu soo rogo hantida Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, inta ay dacwadu ku socoto. Waxaa ogolaaday warqadan oo ku qorneed Afka Faransiiska, oo shaabadeysay Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland, waxaana shaabada ugu dhuftey Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi. Warqadan waxaa iyaduna sidoo kale ogolaatey Wasaarada Cadaalada Somaliland, waxaana qalinka ugu duugay una shaanbadeeyay Agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada. Geesta kale, Warqadan waxa iyaduna canshuurtay xeer ilaalinta Somaliland, oo ku dhejisay juwanka Canshuur qaadista ee dacwada lagu dhejiyo. Si kastaba, Waxaa halkaa ka cad in warqadan dowladda Jabuuti ka timid ee dacwada ah ay xukuumada Biixi aqbashey, balse ilaa hadda aysan jirin wax waaran qabasho ah oo ay u jartay ganacsade Axmed Geelle. Halkan hoose ka akhriso warqada iyo shaabadaha ku yaalla
-
Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa beenisay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Taliska AMISOM iyo ciidamada difaaca dalkaasi oo ku saabxan howlgalka dalka Soomaaliya. Sarkaal katirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sii wadista taageeradda howlgalka midowga Africa ee AMISOM iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Ababu Namwamba, oo ah xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa hoosta ka xariiqay in xasiloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay nabada iyo amniga gobolka Geeska Africa. Sarkaalka ayaa hadalka ka sheegay shir Nairobi ay ku yeesheen taliyeyaal ka socda AMISOM iyo kuwa ciidamada dowladda Kenya kaasi oo looga hadlay howlgalka Soomaaliya iyo ka bixida ciidamada Midowga Africa. Warka kasoo baxay Kenya ayaa yimid kadib markii maalmo kahor warbaahint dalkaasi ay sheegeen inuu jiro khilaaf ka dhashay k bixidii ciidamada Kenya ee degaanno ku yaalla gobolka Gedo, sida Busar iyo Faxfaxdhuun. AMISOM ayaa walaac ka muujisay tallabadaas oo ku tilmaantay mid khatar ku ah howlgalkooda islamarkaana fursad u siinaysa Al-Shabaab inay dib ula wareegto goobihii laga saarey sanado kahor. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo maanta ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen degmadaasi, iyaga oo iska cabin xoogan kala kulmay Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan halkaasi. Al Shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen Qansaxdheere, islamarkaana ay gubeen xarun hay’ad Samafal ay ku laheyd degmadaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Xiriiro aan la sameynaya qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo Ciidamada milatariga iyo kuwa K/ Galbeed ay ka bilaabeen halkaasi. Dhinaca kale wararka ka imaanayo gobolka Baay ayaa ku warramaya in bartamaha Baydhabo maanta lagu dilay wiil Bajaajle ahaa oo ka howlgalayay magaaladaasi. Dilka marxuumka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dambeeyay Askari ka tirsan Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed. Sarkaal ka tirsan maamulkaasi oo diiday in codkiisa loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa Shabelle u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Askarigii ka dmabeeyay dilkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Iyadoo ay weli socdaan howlgallo Ciidamada dowlada ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose ayaa taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxa uu faah-faahin ka bixiyay dhaq dhaqaaqyadaasi iyo sida ay u socdaan, isaga oo tilmaamay in ay howlgalladani sii socon doonaan, inta Al Shabaab laga saaarayo goobaha ee ku sugan yihiin dalka . General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan qaraxyo lagu diyaarinayay goobaha qaar ee lala wareegay, kuwaas oo ay burburiyeen Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan kuwa Xoogga dalka. Hadalka taliyaha ayaa imaanaya, xilli Ciidamada dowladda la shaaciyay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kulankii labaad oo qeyb ka ah Kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka ayaa maanta lagu qabtay xarunta golahaasi ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddoomiyey kulankan, iyadoon ay dhinac fadhiyeen labadiisa ku xigeen. Waxaa soo xaadiray 156 Mudane, oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ajandaha kulankan ahaa dhageysiga hadal jeedinta afhayeenka Golaha Shacabka iyo warbixin la dhageystay guddiga Dastuurka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya. Intaasi kadib guddoomiye Mursal ayaa shaaciyay in Sabtida laga doodi doono xaaladda amniga dalka oo ay kol hore codsadeen xildhibaanada Golaha Shacabka. Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka ayaa amray guddiga isgaarsiinta in warbixin ay ka keenaaan Ciidamada Kenya dhibaatada ay ka geysteen gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. Ugu dambeyn xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa loo qeybiyay wax ka bedalida sharciga furdooyinka, hindise sharciyeedka maamulka daqliga iyo miisaaniyada 2019-ka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-04032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Soomaaliya oo ka hadlayay kulanka maanta ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uusan dhameystirmeyn inta ay Somaliland maqan tahay. C/Wali Sheekh Muudey ayaa la siiyay hadal kooban, waxaana uu hadalkiisa xoogga ku saaray howlaha dastuurka iyo dib u eegista ku socota. Muudey ayaa sheegay in Caqabadaha haysta Dastuurka Soomaaliya, ay ka mid tahay Somaliland in aan lagu xusin warbixinta, islamarkaana wax wada tashi ah aan lala sameynin. Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in Somaliland ka mid noqoto howlaha dastuurka Soomaaliya markaasna uu noqdo dastuur loo dhanyahay. Xuseen Carab Ciise oo ah Xildhibaan ka soo jeeda Somaliland ayaa madasha ka sheegay in Dastuurka uusan sax noqoneyn inta ay Somaliland maqantahay. Waxaa labada Xildhibaan u jawaabay Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo sheegay in dastuurka uu sax noqonayo marka afti dadweyne loo qaado kaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyada Al-Shabaab ka wada gobolka Shabeellaha Hoose. Taliyaha Ciidammada dhulka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa faah-faahin ka bixiyey hawlgallada guullaha laga gaaray iyo sida ay u socdaan, isaga tilmaamay in deegaanada haatan ay la wareegeen ciidamada inay yihiin kuwa dhibaatooyin Shabaab ay ka gaysan jireen. Deeganada Ciidamada ay ku sugan yihiin, ayaa wuxuu sheegay Taliyaha inay ka jirto xaalad deganaansho ah, qorshahana uu yahay Ciidamada inay sii socdaan. “Xaaladda waa caadi Shabaab meelihii dadka ay ku dhibaateyn jireen Sabiib & Baladul Amiin waa laga saaray oo dadka nabadgelyo ayeey dareemayaan, Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya waa ay sii socon doonaan.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidamada dhulka ee Militariga Soomaaliya. Dhinaca kale ciidamada Danab, ayaa raashin qeybin ka wada deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose, oo lagala wareegay Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaanan wali ka hadlay deeganadii ugu dambeeyay ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay ka qabsadeen, waxaana jirta Ciidanka wali inay wadaan dhaq dhaqaaq ay ku doonayaan inay ku gaaraan deegaano hor leh oo ka tirsan Shabellaha hoose. Hawlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya Ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran & Ciidanka Militariga ee xoogga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caaismada@live.com
-
Xeebta degmada Caluula ee gobolka Gardafu’ Kalluumeysatada ku nool degaannada ku teedsan xeebta gobolka Gardafu’ ee Puntland, ayaa ka cabanaya, doomo iyo maraakiib jariif ba’an ku haya xeebaha gobolkaasi. Qaar kamid ah kalluumeysatada gobolka, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in ay wakhtigan gebi ahaanba joojiyeen, shaqada maalmeedkii kalluumeysiga, kadib markii doomo iyo maraakiib hubaysan oo jariif ah ay xeebaha soo buuxiyeen. Maraakiibta iyo doomaha jariifka oo wata shabaago waaweyn, ayaa xaaluf ba’an ku haya, kalluunka iyo khayraadka kale ee badda ku hoos nool, waxaana ay gudaha u soo galeen xeebta dhanka berriga xigta sida ay sheegayaan kalluumeysatada halkaasi ku sugan. “Waxaan weligaya na soo marin baa halkaan ka socda, habeenkii xeebta waxaad mooda in magaalooyin waaweyn ku yaallan, markii qorraxdaasi dhacdo ayaa waxa is-qabsanaya iftiin iyo layrar garbo siman ah waxaasina waa maraakiib jariifa” ayuu yiri mid kamid ah kalluumeysatada. Sidoo kale, maraakiibta iyo doomaha jariifka ah ayaa curyaamiyay, qalabkii ay ku jillaaban jireen kalluumeysatada gobolka, iyagoo guud ahaan burburiyay shabaagihii yaryaraa iyo saxiimadihii, islamarkaana wax dhaqdhaqaaq ah u diiday kalluumeysatada , maadaama sida la sheegayo ay rasaas ku ridayaan saxiimadaha iyo laashashka badda u socda. “kalluumeysatadu hadda maba shaqeeyaan, waayo? Qofkii xeebta galaba waxaa rasaas ku furaya maraakiibta jariifka ah, waxaana ay u sheegayaan in uu dib u laabto haddii kale la dili doono, weliba dad afsoomaali ku hadlaya ayaa meesha saran” ayuu yiri kulluumeyste kale. Maraakiibta iyo doomaha jariifka, oo qaarkood laga leeyahay dalalka Iran iyo Yemen, ayaa la sheegayaa hadda in ay ilaa 10 nautical mile ka soo dhowaadeen, halkii ay hore u jariifayeen ee xeebta gacanka Gardafu’ kadib markii ay xaalufiyeen meelihii hore. Qaar kamid ah kalluumeysatada ayaa ku hanjabaya in ay is abaabulayaan, si ay ula dagaallaman jariifkan xadka ka baxsan oo ay sheegeen in uu fadhiisiyay shaqa-maalmeedkoodi kalluumeysiga,taasi oo laga cabsi qabo in ay mar kale dib u abuurto burcad-badeedii Soomaalida. Gobolka Gardafu’ ayaa ka kooban 5 degmo oo dhammaantood xeebleh, iaydoo nolosha gobolka ay ku tiirsantahay kalluumeysiga iyo xoolaha-nool, waxaana wakhtigan gobolka ka jirta abaar baahsan oo inta badan manfac-tirkay xoolaha, halka kalluumeysigiina ay isbaaro u dhigteen jariifayaal shisheeye. Magaalo-madaxda gobolka ee Caluula iyo degmooyinka kale ee Baargaal, Bareeda, Gumbax iyo Murcanyo ayaa si isku mid ah looga soo cabanayaa jariifka xadka ka baxay. PUNTLAND POST The post Puntland: Gacanka Gardafu’ oo qarka u saaran in burcad-badeed ka abuuranto appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa maanta daah furay kulanka baarlamanka, oo baaqday labadii maalin ee ugu dambeysay baaqday, wuxuuna waqti u qabtay ka hadalka qodobka amniga ee lagu murunsanaa. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hadal u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka, iyadoo kadib la gudo galay dhageysiga warbixinta ay gudbiyeen guddiga dib u eegista Dastuurka. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlayay howlaha horyaala baarlamaanka iyo waqtiga harsan, waxaa sidoo kale uu soo hadal qaday baaqashadii kulamadii u dambeeyay oo kooram la’aan noqday. Mursal ayaa sheegay in Maalinta Sabtida ah ee socoto Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodi doonaan Xaaladda Ammaan ee dalka oo maalmihii lasoo dhaafay faraha ka baxday. Ku dhawaad 20 Xildhibaan ayaa dhawaan saxiixay Mooshin ay ku dalbanaayeen in si deg deg ah Golaha Shacabka ay kaga doodaan Ammaan dalka si loola xisaabtamo Xukuumadda Soomaaliya. Dhinaca kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu amray in warbaahinta aysan goobjoog ka noqon doonin kulanka maalinta Sabtida dhacaya. Kulanka sabtida looga hadli doon arrimaha amaanka ayaa xooga lagu saari doonaa amaanka caasimada Soomaaliya, waxaana soo jeediyay 17 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The African Union (AU) top envoy in Somalia on Tuesday welcomed the allied forces’ capture of the strategic town of Sabiid in the southern region from the control of the al-Shabab extremist’s group. Francisco Madeira, the special representative of the Chairperson of the AU Commission for Somalia, said the control of such strategic areas will defeat the enemy. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) troops in a joint operation with the Somali National Army (SNA) have successfully liberated the strategic bridge town of Sabiid and three other regions from the control of insurgents. Sabiid town, situated in the Lower Shabelle region of Somalia, is one of the strategic objectives which are earmarked for liberation. Tigabu Yilma Wondimhunegn, AMISOM force commander, said the liberation of the town by the allied forces marks an important part of the implementation of the revised AMISOM Concept of Operations (CONOPS). The CONOPS, which aims to provide a structure for AMISOM operations in 2018-2021, marks the final phase of the AU mission’s transition and its eventual exit from Somalia. View the full article
-
Ethiopian Somali People’s Democratic Party (ESPDP) changed its names to Somali Democracy Party- dropping the prefix-Ethiopian. In an explanation as to why the change in name is needed, the party says that it is necessary from the point of view stage of development it has reached and from the point of view of fostering democratic system, as reported by state-affiliated Fana Broadcasting Corporate (FBC) As well, the party made changes to its regulations and principles. Among other things, the party has opened membership doors to those who are born in the region and able to speak the Somali language. The party is undertaking its tenth congress, since Monday this week, in Somali regional state. The Congress is attended by parties from neighboring Somalia and also members of the ruling coalition party, Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF). Ahmed Shide, Chairman of the party and Finance Minister of the Federal government of Ethiopia, said the Congress will pass decisions that are capable of ensuring justice, democracy, and good governance in the region. He also said that the regional state has managed to do away with corruption and repressive governance in the region following the countrywide reform process over the past 12 months. In July and August 2018, tens of thousands of residents in the region were displaced following ethnic-based violence that targeted non-Somali communities in the regional states. Dozens of people including women and children were killed and churches were burnt. It took a military intervention from the federal to put what appeared then was Somali-regional state-sponsored violence and the president of the region, Abdi Illey, was jailed after his alleged plan to secede from Ethiopia was foiled. Mustafa Muhummed Omer, a professional with experience in working with multilateral institutions, was appointed as an interim regional state of Somali regional state. A considerable number of politicized Ethiopians seem to see him as a progressive politician with a commitment for the unity of Ethiopians. Recently, his government allocated 100 million Ethiopian birr to support those Ethiopians who were affected by the violence under Abdi Illey’s government watch in August 2018. Yet, there seem to be also Ethiopians who rather tend to be a bit skeptical of the new administration in Ethiopian Somali region in part on grounds of the history secessionist movement in the region. Ogaden National Liberation Movement (ONLF) not only expressed that it has ended its armed struggle for secession but also expressed commitment to support Prime Minister Abiy Ahmed’s government and Mustafa Muhummed Omer’s regional administration. View the full article
-
The Somali government vowed Tuesday to retake regions held by the al-Shabab terrorist group across the country. In security operations that started Monday, the Somali National Army (SNA) liberated four regions in Lower Shabelle, in southern Somalia, the ministry of information said. The government “reaffirms its commitment to retake stronghold villages held by the terrorists,” the ministry said in a statement. Al-Shabab was expelled from the capital Mogadishu in August 2011, but is still in control of large parts of southern and central Somalia, and continues to carry out high-profile attacks in Mogadishu and elsewhere, targeting public places and African Union Mission in Somalia (AMISOM) and government bases. View the full article
-
Kulan La Filayay Inuu Dhex Maro M.Biixi Iyo Gancasade Axmed Cismaan Geele Oo Baaqday Waxa shalay si kedis ah u baaqday kulan la filayay inuu dhex maro ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Kulanka ayay ujeedadiisu ahayd in lagaga tashado xiisadda ka dhalatay qorshe ay dawladda Djibouti ku doonayso in maxkamadaha Somaliland ay u fuliyaan xukun ay maxkamadaha Djibouti gaadheen oo ah in la xaraasho xoolaha Axmed Cismaan Geele ee Djibouti. Waxa ay Djibouti dalbanaysaa in la xaraasho xoolaha Axmed Cismaan ee Somaliland. Kulanka ayaan si rasmi ah loo garanayn sababaha baajiyay, waxase baaqashada kulankani uu ku soo beegmay markii ay Salaadiin uu horkacayo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, cambaareeyeen qorshe ay sheegeen in dawladda Djibouti ay waddo oo ah in xukunkaas ay maxkamadaha Djibouti gaadheen ay fuliyaan maxkamadaha Somaliland oo loo xaraasho xoolaha uu Axmed Cismaan leeyahay ee gudaha Somaliland. Xukunka ay maxkamadaha Djibouti gaadheen ee ah in la xaraasho xoolaha ganacsade Axmed Cismaan Geele ee Djibouti, ayay Djibouti dalbatay in maxkamadaha Somaliland u fuliyaan, waxaanu dalabkii Djibouti horyaalaa maxkamadda rafcaanka ee gobalka Maroodi-jeex, iyadoo ay wasaaradaha cadaaladda iyo arrimaha dibaddu saxeexeen in dalabkaasi u gudbo maxkamadaha Somaliland. Weli ma cadda qorshaha uu Madaxweyne Biixi doonayo inuu ku maareeyo kiiskan oo abuuray dareen xaasaasi ah. Qaran News
-
Afgooye (SMN) – Ibraahim Aadan Najax guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wadaan qorshe guud oo dib loogu furayo waddooyinka go’doonsan ee gobolkaasi. Guddoomiye Najax ayaa xusay in xaaladaha adag ee ka jira gobolka Sh/ Hoose ay bulshada u horseedeen dhibaatooyin dhinaca nolosha ah. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay guddoomiyuhu deegaano hor leh oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda ay kala wareegeen Al Shabaab. Waxaana uu cod dheer ku sheegay in la joogo xilligii Al Shabaab lagu qadaa lahaa dagaallo saf mareen ah, si looga saaro guu ahaan dalka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Soofe-1.mp3 View the full article
-
Muuse Biixibaa Gabyoo Yidhi Axmed Geelle waan xidhi waana sii gudbinayaa #Muusa Gabyoo Yidhi Hadaad Maanta Gabay iyo Geeraaro Tirisaan Ma badalo Go,aanada Aan Hore u Gooyaye Hadal Waa Gunaanade Axmed Geele Waan Xidhi Waanan Sii Gudbinayaa Sidii uu Gugii Hore Uu u Galay Farmaajo Halgamaagii Weynaa #Qalbi_Dhagax Gediisii Ayuun Baan u Galayaa Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online)- Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle iyo madax kale oo ka tirsan maamulkaasi ayaa lagu amray inay isaga guuraan hotelka Suubiye ee ku yaal magaalada Jowhar, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay amar ku siiyeen maamulka hotelka in ay banneeyaan. Maamulka hotelka ayaa u hoggaansamay amarka kasoo baxay Al-Shabaab, waxaana durbadiiba lagu wargeliyay xildhibaanada iyo madaxda kale ee hotelka deganaa in saacado gudahood isaga guuraan, iyadoo hotelka ay ku hareen dad tiro yar oo shacab ah. Waxay xildhibaanada iyo madaxdii kale ee amarka Shabaab saameeyay ay u guureen hotelka kale ee lagu magacaabo Wehliye oo aan ka fogeyn halka uu ku yaal hotel Sabre.Lama oga sababta amarkaan ka danbeyso iyadoo hotelka si weyn loo ilaalin jiray oo uu lahaa difaacyo dhagxaan iyo biro lagu gooyay, hase ahaatee warar hoose ayaa sheegaya in maamulka hotelka uu doorbiday inuu badbaadsado dhismaha iyo dhaqaalaha hotelka si aysan u dhicin weerar kaga yimaad Al-Shabaab. Mudooyinkii u danbeeyay ayaa amaanka Jowhar cabsi laga muujinayay, iyadoo ay jiraan in Al-Shabaab ay howlgalo ka fuliyaan inta u dhaxeysa Jowhar, Qalimoow iyo degmada Balcad oo todobaadyadii lasoo dhaafay gaadiid fara badan ku gubay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa jira aad u tiro badan oo caadeystay cabista shaaha aadka u kulul waxaana marar fara badan aad arkaysaa dad ku odhanaya ma jecli haddii uu shaahu aanu aad u kululeyn. Balse, deraasaddo kala duwan ayaa arrintaasi ka digtay, waxaanay deraasaddahaasi kala duwan ka digeen halista ka dhalan karta arrintaasi oo ah inay sababto Cancer-ka ku dhaca dhuunta amase cunaha. Dhakhaatiirtu waxay kula taliyeen dadka jecel cabista shaaha aadka u kulul inay in yar iska qaboojiyaan isla markaana ay cabaan isaga oo diiran. Heer kulka shaaha aadka u kulul ayaa waxa lagu sheegay inuu yahay 60 derajo oo ah heerkul aad u sareeya ah, dhakhtar magaciisa la yidhaahdo Farhad Islami oo ka tirsan ururka la dagaalanka Cancer-ka ee dalkaasi Maraykanka waxaanu yidhi isagoo arrintaasi ka digaya, “Cabsita shaaha aadka u kulul waa arrin aad ugu badan Dunida waxa aanay kor u qaadaysa halista ah in dad badan ku dhaco dhibaatada Cancer-ka Cunaha”. Sidaasi awgeed waxa habboon in dadka caba shaaha aadka u kulul ay hoos u dhigaan kuleylkaasi xad dhaafka isla markaana ay cabaan isaga oo diiran oo aan aad u kululayn. Source
-
(SLT-London)-Booliska magaalada London waxay sheegeen in qofkii 5-aad muddo 4 maalmooda gudaheeda tooreey lala dhacay, isla markaana ay xaalladiisu liidato. Weerarka shalay ayaa la sheegay in nin da’da 30-aadka ku jiray la dhaawacay, lana dhigay Cisbitaalka. Sidoo kale, 4 Dhibane ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay lagu dhaawacay Tooreey Deegaanka Edmonton ee W/galbeed ee London. Raysal wasaare Theresa May waxay ka qeyb gashay kulan looga xaajoonayey fal-dembiyeedka Tooreyda oo ku soo badanayo dalka Britain. Tiro-koob rasmi ah ayaa muujinaya in 285 dhaawacyo Tooreey loo adeegsaday ay ka dhaceen England iyo Weelis sannadkii hore, waana heerkii ugu sarreeyey muddo ka badan 70 sanno. Source
-
Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed waxaa tartanka ku matalaya Xulalka qaranka kubadda Kolayga iyo ciyaaraha Fudud xidigaha Kubbadda kolyga ayaa ka qeyb galay tartanka 3×3,halka xidigaha ciyaaraha Fudud ay iyagana ka qeb galindoonaan orado kala gedisan waxaana sanadkan marta gelinaya dalka Ruwanda. Caasimadda dalka Rwanda ee Kigali waxaa si rasmi ah uga furmay cayaaraha Olombikada Da’yarta wadamada Zone 5 kaasoo ah tartankii ugu horeeyay oo ay dalalka Soonka shannaad ay Heer Olymipic u qabtaan sanada 2019. “Xulalka kala duwan ee dalkeena Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay tartamadda caalamka kasoo hooyeen guulo waaweyn oo oo horomar u horeesaday wadankeena waxayna arinta bundhig u noqotay in ciyaartooyda Soomaaliyeed loo muujiyo kal gaceyl iyo taageerinino yooleed taa madaxda isboortiga dalka waxa ay juhdi ku bixinayaan in lasoo celiyo sharafkii uu wadankeena kulaa caalamka”waxaa sidaas Waaxda Wafraafinta GOS u sheegay guddomiyahay Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Kolyaga Cabdullahi Nuur Maxamed (Cadaane) Tartankan waxaa ka qayb galaya 300 cayaaryahan oo ka kala socda 12 wadan waxayna ku loolami doonaan 39 biladood. Tartanka oo socon doona muddo 5 cisho ah waxaa ka qayb galaya cayaartoyda da’ahaan dhalatay 1-di January 2001 iyo 1-di January 2003, waxayna ka socdaan Wadamada kala ah Somalia, Kenya, Tanzania, Rwanda, Burundi, Egypt, Eritrea, Uganda, South Sudan, Ethiopia, Sudan, martigeliyaasha tartanka Rwanda iyo Olombikada dalka faransiiska oo si marti ah kaga qayb galaysa. Xulka qaranka Kubadda Kolayga waxay kulankooda ugu horeeyay la ciyaari doonaan wadanka Koofurta Sudan kulan bilaaban doona 12:05 xilliga geeska Afrika. Waaxda Wafraafinta GOS Info@nocsom.com Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada AMISOM ayaa war kasoo saaray Howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose. Howlgaladaasi ayaa waxaa ciidamada isku dhafka ah ay kaga saareen Al Shabaab deegaano dhowr ah oo katirsan Shabeelaha Hoose, waxaana ka mid ah deegaanka Sabiid oo Shalay ciidamada amaanka ay ku qabteen booyad lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa. Madaxa ciidamada AMISOM ahna wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madiera ayaa sheegay in howlgalkaasi uu qeyb ka ahaa qorshaha wadajirka ah ee ay sameynayaan ciidamada isku dhafka ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in isbadalka istaraatiijiyada AMISOM uu qeyb ka ahaa howlgalka ciidamada ay ka sameeyeen deegaanada Shabeelaha Hoose oo Al Shabaab looga saaray tuulooyin dhowr ah. Francisco Madiera, ayaa tilmaamay in deegaankaasi uu muhiim u ahaa Al Shabaab, islamarkaana hadda Al Shabaab ay ku adkaan doonto inay isaga kala gudbaan gobolka Shabeelaha Hoose. Deegaanka Sabiib ayuu sheegay inay Al Shabaab ka diyaarin jireen weerarada kala duwan oo Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ay ka fulin doonaan, balse hadda ay go’doon ku noqon doonaan deegaano dhowr ah, sida uu hadalka u dhigay. Tigabu Yilma oo kamid ah saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in howlgalo kale oo lagu dhabar jibinayo Al Shabaab ay ka sameyn doonaan deegaanada Shabeelaha Hoose, isagoo xusay in qorshaha cusub uu qeyb ka yahay hanaan loo diyaariyay in loo wajaho Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Malaysia)-Hogaamiyihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak ayaa maanta oo Arbaca ah maxkamad lasoo taagi doonaa, iyadoo loo heysto musuqmaasuq ah inuu lunsaday lacago malaayiin dollar ah. Ku tagri-falidda lacagahaasi tirada badan ayaa aad uga yaabisay aduunyada, waxana ay door ka ciyaartay isbaheysigii uu madaxda ka ahaa ee muddada dheer soo xakumayay dalkaasi uu guuldarrooyin kala kulmo doorashooyinki dalkaasi ka dhacay sannadi hore. 65 jirkaan ayaa maanta wajahaya mid ka mid ah dhowr dacwadood oo lagu soo oogay, waxaana tan ugu weyni ay tahay xatooyo malaayiin dollar ah. Lacagahaasi ayaa markoodii hore loogu talagalay maalgeshi dibadda uga yimid Maleysia, taasoo la rabay in lagu horumariyo dhaqaaqalah dalkaasi dhaca Koofurbari Asia. Ka hor inti aanu lumin doorashadi sannadki hore, waxaa aad loogu saadaalinayay inuu si fudud ugu guuleysan doono, balse waxaa kaga guuleystay doorashada, hogaamiyihii muddada dheer soo xakumayay Maleysia Mahathir Mohamad. Najib Razak ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay. Source
-
Popular Contributors