-
Content Count
208,217 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa Warbaahinta uga Warbixisay Howlgalada maalmahaan ka socdo Caasimada iyo Waxyaabaha kusoo kordhay. Gen. Zakia ayaa sheegtay in Ciidanka Booliska uu dardar geliyey Howlgalada ammaanka lagu adkeynayo, iyaddoo xustay in Ciidamada ay wadaan Howlgalo guri walba oo ku yaalla caasimada lagu baarayo, si magaaladda looga sifeeyo hubka sharci darrada ah. Waxay Xustay Gen. Zakia in hab cusub lagu soo kordhiyey baarista Gaadiidka, kaasi oo sahlaya in muddo kooban Gawaarida lagu Xaqiijiyo, waxaana ay tilmaamtay in Ciidamada ammaanka lagu qalabeeyey Agab u fududeynayo Howlahooda shaqo. Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidanka Amniga ay Miinooyin ka soo saareen Duleedka Muqdisho, Sidoo kale waxa ay digniin ka jeedisay Gaari la tuhunsan yahay oo noociisu yahay Baraado. “Waxaan rabnaa in Bulsho weynta Soomaaliyeed ku Wargelino inay jiraan Gawaari nooca Toyoto Prado loo yaqaano oo aan ka war helnay in argagixisadu ay dooneyso in Bulshadda ay ku halaagaan, waxaan dooneynaa in Shacabka ay Feejignaan ka yeeshaan” ayey Tiri Gen. Zakia. Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa waxay sheegtay in maalmaha soo socda la adkeyn doono Baaritaanka, islamarkaana Ciidamada ammaanka ay ku Howlgali doonaan Xogo la hubo oo Qeybaha Sirdoonka dalka ay ka heleen. View the full article
-
Nairobi (SMN) – Wasiiradda arrimaha dibadda Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa kulan ku yeesheen magaaladda Nairobi uga hadlay xiriirka labada dal oo ku dhawaad labo bilood mugdi ku jiray. Monica Juma oo ah Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in ay dhigeeda Soomaliya Axmed Ciise Cawad ku heshiiyeen in xiriirka diblomaasiyadeed dib loo soo celiyo. Waxay sheegtay in labada dowladooda ay muujiyeen inay ka go’antahay dib usoo celinta safiiradii ay ukala yeerteen bishii February, kuwaasi oo shaqooyinkooda lagu soo celinayo. Monica Jum ayaa tilmaantay in arrimaha sidoo kale kawada hadleen ay ku jirto walaaca ka dhashay Shirkii London lagu qabtey 7-dii February kaasoo Shirkadda Spectrum kusoo bandhigtay xogta shidaalka xeebaha Soomaaliya. Dowladda Keny ayaa shirkaasi kadib u yeertay Safiirkeedii u fadhiyay Muqdisho oo la tashi xaaladda soo cusboonaatay ugu kala yeelatay, waxayna dalkeeda kasoo saartey safiirkii Soomaaliya ee Nairobi. Madaxweyne Farmajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bishii lasoo dhaafay Nairobi ku kulmay iyagoo heshiis ka gaarey khilaafka, islamarkana isku afgartay inay soo celiyeen xiriirka labada dal. Kenya ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, iyadoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, oo mudo 10 sano ah dowladda Federaalka ka caawinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. View the full article
-
Cawad iyo Juma Magaalada Nairobi, waxaa maanta ku kulmay Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo dhiggiisa Kenya Monica Juma. War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Wasiir ayaa ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, xal u helidda is-fahamwaagii bilahan u dambeysay taagnaa iyo arrimo kale. Labada Wasiir ayaa la sheegay in ay isla garteen in xiriirka labada dal lagu celiyo halkii uu joogay ka hor is-fahamwaagii labada dal soo kala dhex galay bishii Febaraayo, ayadoo Wasiir Cawad uu u caddeeyay dhiggiisa in Soomaaliya ay u aragto Kenya walaal dhab ah oo mar walba garab taagan Soomaaliya. Wasiir Cawad ayaa la sheegay in uu la wadaagay dhiggiisa Kenya duqeyn ay ciidammada Kenya u geysteen dhowr xarumood oo ay lahaayeen shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya oo ku yaalla gudaha dalka Soomaaliya, waxaana intaas lagu daray in Wasiir Juma ay ballan qaadday in ay eegi doonaan arrintaasi, ayna ka soo jawaabi doonaan. Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in labada Wasiir ay isku raaceen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay labada dal dib u howlgeliyaan safiiradoodii Nairobi iyo Muqdisho si ay howlahooda u sii wataan. Kenya ayaa 16 February 2019 ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay si tix-gelin la’aan ah ay u beecisay xuduud badeedda ay la leedahay, si looga baaro shidaal, waxayna u yeeratay safiirkeedii Muqdisho, halka kii Soomaaliya ee Nairobi ku sugnaana amartay in dalkiisa ku laabto inta laga xalinayo khilaafka labada dal. Balse Soomaaliya ayaa maalin kadib si asluubaysan ugu jawaabtay Kenya, iyadoo sheegtay in guud ahaan dhulka hadda shidaalkiisa la beec geeyay yahay mid si sax ah u leedahay Soomaaliya, sidoo kale ay qorshaha ugu jirin dhul kamid ah xadka lagu muransanyahay, ilaa inta ay go’aan ka gaarayso maxkamadda cadaaladda. Horaantii bishii la soo dhaafay ee Maarso ayay ahayd markii Nairobi kulan ku qaateen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Kenya ayaa kulankii Farmaajo iyo Kenyatta ka hadlin, balse Soomaaliya ayaa sheegtay in lagu heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal. PUNTLAND POST The post Maxay kawada hadleen Wasiiradda arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Habeen-03042019-we.mp3 View the full article
-
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalana ah guddoomiyaha Guddiga difaaca ee Golaha shacabka ayaa sheegay in meel xun uu marayo Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Waxa uu sheegay isagoo ka hadlayay kulan maanta Baarlamaanka Soomaaliya yeesheen in ay dib ugu laaban doonaan gobolada ay matalaan ee Waqooyi (Somaliland). Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan halkaan u soo doonin shaqo, balse ay u yimaadeen midaynta labada gobol hadii aysan wax dadaal ah ka socon dhanka Koonfurtana ay dib ugu laabanayaan Hargeysa iyo Somaliland. “Meel xun ayuu marayaa wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland waxaana loo baahan yahay in xalkeeda la helo ama annaga waxaan ku laaban doonaa Somaliland, halkaan uma imaanin shaqo, waxaan u nimid in la isu keeno labada gobolka, hadii uusan jirin dadaalkaasna dib ayaa ugu laaban doonaa degaanadii aan ka nimid” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise. Puntland Post The post Xuseen Carab: “Xamar shaqo uma soo doonan, waxaan ku laaban doonaa Somaliland” appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Riyadh)-Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay ka hor-tagtay laba diyaarad oo drone ah, kuwaas oo Xuutiyiinta Yemen ay kusoo weerareen, hase yeeshee shan qof, oo uu ku jiro canug, ay ku dhaawacmeen burburka diyaaradahaas. Diyaaradahan ayaa beegsaday saldhigga ciidamada cirka Sacuudiga ee Khamis Mushait oo ku yaalla Koonfurta Galbeed ee dalkaas, sida uu Colonel Turki al-Maliki ku sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA. Abaare 9:35 PM habeenkii talaadada, habka difaaca hawada ee boqortooyada waxay ogaadeen laba walxood oo aan la aqoonsan oo kusoo wajahan goobo shacab, waa laga hor-tagay waana la burburiyey” ayuu yidhi Cololnel Turki al-Maliki. Mucaraadka Yemen ee Xuutiyiinta ayaa marar badan gantaalada riddada dhexe ku riday Sacuudiga, waxayna sidoo kale sheegteen weeraro lagu qaaday garoomada diyaaradaha Abu Dhabi iyo Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhammaan gantaalada ay qabteen habkooda difaaca gantaalaha, hase yeeshee qof rayid uu ku dhintay firirkooda. Imaaraadka way beeniyeen in wax gantaalo ah lagu soo weeraray. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay inay kordhiyeen baaritaanada la xiriira amniga ee ka socda Degmooyinka Gobolka Banaadir. Waxa ay sheegtay ciidamada ku sugan baraha baarista inay siiyeen qalab u fududeynaya inay ku baaraan gaadiidka, si uusan u imaan ciriiri dhanka wadooyinka ah. Inta hawlgalada ay socdaan ayay sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo saareen Miinooyin lagu aasay dhawr meel oo ay ka mid tahay Deegaanka Weydow ee Duleedka Magaalada Muqdisho. Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayay uga digtay inay ka feejignaadaan Gaari PRADO TOYOTA ah oo Mintidiinta Al Shabaab ay ku soo rareen walxaha qarxa, kaasi oo la doonayo in lagu weeraro goobaha ay isugu yimaadaan shacabka. Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada maalmahan ay hawlgal gaar ah ka wadaan Degmooyin bartilmaameed ah, iyaga oo adeegsanaya xogta sirdoonkooda. Gawaarida yar yar ee raaxada ah ayay tilmaamtay inay u soo saari doonaan awaamiir ay ku maraan wadooyinka Magaalada Muqdisho, si looga hortago falalka ay damacsan yihiin Argagixisada Al Shabaab. Haweeneydan oo Taliye kuxigeen ka ah Booliska Soomaaliya ayaa maalinkeedii Saddexaad oo xiriir ah qabaneysa shir jaraa’id oo ay uga hadleyso hawlgalada ammaan ee ka socda Magaalada Muqdisho Hoos ka daawo Zakiya oo arrintaas ka hadlaysa
-
(SLT-Nairobi)-Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya Axmed Ciise Cawad iyo Monica Juma ayaa kulan laba geesood ah ku yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo ka wada hadlay soo celinta xidhiidhkii labada dal ee xumaaday. Monica Juma ayaa qoraal ay barteeda Twitterka soo dhigtay ku sheegtay in iyada iyo dhiggeeda Soomaaliya ka wada hadleen sidii xidhiidhka labada dal uu si caadi ah ugu soo laaban lahaa. Waxaa ay sheegtay inay ka wada hadleen xaaladii ka dhashay xidhiidhka labada dal iyo walaacii Kenya ka qabtay shirkii Shidaalka London ka dhacay 7 February ee sannadkan. Sidoo kale waxaa ay sheegtay inay ku heshiiyeen sidii dib loo soo celin lahaa Safiiradii labada dal, ugana laaban lahaayeen goobtooda shaqo. Ma jirto wax war ah oo Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ka soo saartay kulankan labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Kenya iyo Soomaaliya. Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya ayaa mugdi soo kala dhex galay, wixii ka dambeeyay markii Kenya ay sheegtay in Soomaaliya ay xaraashtay xidhmooyin ku yaalla dhul xuduudka ay leedahay, waxaana dalkeeda ka eriday Safiirkii Soomaaliya, una yeedhatay safiirkeedii Muqdisho. Source
-
Somaliland: European Union Delegation Meets Political, Social & Community Organisation. The European Union delegation which consisted of ambassadors from Denmark, Sweden, Finland, UK and also from Switzerland, which had been on a visit to Somaliland the past few days, have held discussions with various groups from the Somaliland political arena. The delegation which had already met with President Muse Bihi Abdi, also conducted extensive discussions with officials from Somaliland’s three political parties, the confederation of non-governmental agencies, SONSAF, and the Somaliland National Elections Commission (NEC). These discussions were to ascertain the current status on the preparation for the parliamentary and local elections scheduled for December 2019, just eight months away. The EU delegation stressed to their Somaliland counterparts the need to hold these elections and to resist the temptation to extend the mandate for these bodies. The EU provides the majority of the funds and the logistic support for elections in Somaliland. Meanwhile , in a separate meeting in Hargeisa, senior officials from the three political parties, Kulmiye, Waddani and UCID have been meeting to hammer out a consensus on the issues blocking the holding of parliamentary and local elections. The main stumbling block is the current NEC. Waddani and UCID would like to see the current commission disbanded, since their mandate expires before the December elections, whilst Kulmiye would like to see an extension for the current commission until after the scheduled elections in December, 2019. As of yet, no agreement has been reached. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Isbitaalka Wardi oo ku yaala Degmada Xamar Jajab ayaa Khadra Maxamud Dhicis waxa ay u diideen in ay ku foolato Gudaha Isbitaalka sida ay shegeen qaar kamid ah dadkii xilligaas ku sugnaa gudaha isbitaalka. Khadro ayaa iyadoo ay fool heyso waxa ay timid Isbitaalka waxaana ay dhaqaatiirta u Sheegtay in ay fool tahay sidaa daraadeedna ay u baahan tahay in ay ka umuliyaan Dhaqaatiirta, laakiin Nasiib darro Maamulka Isbitaalka ayaa Khadro u sheegay in ay bixso lacag dhan $20 (labaatan dolar). Khadro oo ka dhalatay qoys dan yar ah ayaa dhaqaatiirta ka codsatay in aysan heysan lacagtan laakiin hadii lagama maar maan ay tahay ay bixin doonto lacagtan ay Sheegteen Maamulka Isbitaalka Wardi. Khadro waxa lagu wargeliyay in aysan Macquul aheyn iyadoo aan bixin lacagtan in aysan ku riyoon in ay ku umusho Isbitaalka waxaana lagu amray in ay kabaxdo gudaha isbitaalka. Khadro oo murugeysan ayaa Banaanka u soo baxday kadibna waxa ay ku foolatay Afaafka hore ee Isbitaalka waxaana u gurmaday qaar kamid ah dad weynaha ka ag dhawaa goobta uu Isbitaalka ku yaalo. Inkastoo Dhaqaatiirta Isbitaalka ay dafireen arrintan, hadana waxaan qadka kula xiriirnay xubno ka tirsan ehelka Qadra oo I noo sheegay in ay runtahay in Gabadhooda lacag lagu xijeeyay . Dhacdadan ayaa noqotay mid ay siweyn u hadal hayaan Bulshada ku dhaqan Gobalka Banaadir,waana arrin fadeexad ku ah Isbitaalka, islamarkaana ka soo horjeedda Sharciga u degan bahda Caafimaadka. Isbitaalkan ayaa waxaa lacag ku bixiya hay’ado Caalami ah oo ay kamid tahay Hay’adda IMO, waxaana inta badan uu Isbitaalkan yahay mid lacag laga qaado Dumarka ku foosha, kuwa uurka leh oo howllo Caafimaad u yimaada Isbitaalka. Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa si kulul u canbaareeyay dhacdadii xanuunka badneyd oo ay la kulantay hooyo Khadra Maxamud Dhicisow. Waxaa uu sheegay in Xaaladeeda Caafimaad ay wanaagsan tahay hadda, islamarkaana lala xisaabtami doonaan Cidii ka dambeysay falkii lagu waxyeelayay. Sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha gobolka Banaadir sheegay in sharciga lala tiigsan doono maamulka Hospital Wardi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Abdirahman-Omar-Osman-Eng.-Yarisow-was-live.mp3W/Q: Ahmed Hassan Ibrahim Axmedxasan79@gmail.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida Beelaha West Burco Clan ayaa si kulul uga hadley khilaafka iyo xiisadda ka dhex taagan Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Dawlada Jabuuti. Madax-dhaqameedka ayaa taageero buuxda u Muujiyey Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Saladiinta iyo cuqaasha Beesha Arab Dhan kale madax-dhaqameedka ayaa arrintan ku tilmaamay cabudhin iyo cago jugleyn waxaana ay xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqeen in ay mawqif cad iska taagto, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Hurdadii Madaxda Carbeed! W/Q: Sh. C/raxmaan Bashiir Turjume: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase) Waxa ay I waydiiyeen sababta madaxda carbeed ugu dhex luloodaan (Gam’aan) shirar madaxeedyada Carbeed ee ay isugu yimaaddaan. Waxaan leeyahay: “Hurdadu waxa ay daliil cad u tahay jidhka oo daal badani ku yimaaddo oo u baahda nasasho. Wakhtiga hurdada ee qofku hurdo u baahan yahay cilmiyan waa habeenka, waxaana u daliil ah Qur’aankeenna Kariimka ah oo innoogu tilmaamay aayado dhawr ah. Ilaahay waxa uu qur’aankiisa ku yidhi: “Waxaanu Habeenka idiinka dhignay mid Hu’ ah”, mar kale Aayad ayaa ahayd: “Waxaanu Hurdadiina ka yeelnay mid aan ku nasataan oo aad raaxo ku heshaan”. Laakiin maalintu waxa ay leedahay shaqo jidheed iyo nololeed. Ilaahay SWT waxa uu qur’aankiisa ku yidhi: “Waxaanu Maalinka idiinka yeelnay Mid aad ku shaqaysataan (Macaashtaan)”. Kuwani (Madaxda Carabta) waxa ay ku dhex seexdeen wakhtigii shaqada ee maalinta ahayd maxaa yeelay ma seexdaan wakhtiga ay nasan lahaayeen ee seexan lahaayeen. Nafahoodana ma siiyaan raaxo nafsi ah iyo mid jidheed toona. Miyaanay wax lala yaabo ahayn in nin Madaxweyne ahi shir-madaxeed ku dhex seexdo. Kani waa Madaxweynaha Tuuniisiya Essebsi, oo maxaanu ugu dhex seexanayn shirka maadaama uu yahay nin da’diisu 90-jir tahay?!, Waxa marka horeba khalad ah in uu halkan joogo, goobta ku habboonayd waxa ay ahayd in uu Cisbitaalka Guud yaallo iyo goobaha lagu daryeelo dadka da’da ah. Mana ahayn in isagoo kale ay daryeel ka sugaan dawlado iyo shucuubta carbeed. Waxa ay ku dhex seexdaan shir-weynayaasha, waxa ka mid ahaa mid shirka ku dhex seexday isaga iyo wasiirkiisiiba, waa kuwii Jabuuti ka socday, maxaa yeelay waxa ay ogyihiin in aanay faa’iido lahayn dhagaysiga khudbadaha ay isu jeedinayaan. Hogaamiyayaasha carbeed ee wakhtigani waxa ay yidhaahdaan wax aanay samaynayn. Wax cusub ma hayaan sidii caadada u ahayd, sababta oo ah maba aha dad marka horeba samayn kara arrimo cusub oo kedis ah!. Ma aha kuwo doodo adag ka gala waaqaca dhabta ah ee siyaasiga ah ee hor yaalla. Sidaa darteed sidii caadada u ahayd waa ay iska dhex seexanayaan shirka. Madaxdan carbeed waa kuwo da’ ah oo gaboobay. Goobtii ku habboonayd maaha goobtani ee waxa ay u baahnaayeen guryaha lagu xanaaneeyo dadka da’da ah ee gaboobay ee u baahan ilaalinta gaarka ah iyo daryeelka joogtada ah. Waxa ay dhammaantood dhaafeen da’dii ku habboonayd in qofku ku shaqeeyo. Caqligii shaqayn lahaa baa joogsaday. Jidhkii waa uu talax gabay oo dhaqdhaqaaqii ku habboonaa ma leh. Iyada oo ay dhammaan taasi jirto haddana waa kuwan imanaya ee soo xaadiraya shir-madaxeedyada waaweyn iyaga oo aan qajilaad iyo jixinjix lahayn, Waa kuwaa dhex seexday!!. Maxaa daciifka ka dhigay madaxda carbeed?, “Waa ay cunaan waanay seexdaan. Waxa ay ku socdaan mar walba gawaadhi casri ah oo raaxo. Waxa ay fadhiyaan wakhtigooda oo dhan xafiisyo waaweyn oo raaxo ah, waxaanay si xisaab la’aan ah u cabbaan qaxwaha. Waxa ay cunaan timir badan. Sidaasi ayuu jidhkoodii u noqday mid buuran caqligoodiina u yaraaday miisaan ahaan. Jidh aan dhaqdhaqaaq samaynayn oo aan xarako lahayni waa mid caajis ah oo liita. Caajiskuna waa ka keenaya hurdada iyo in qofku seexdo. Laakiin hurdadu waa laba nooc. Mid caafimaad ah iyo mid cudur ah. Tan caafimaadka ahi waa mid wakhtigeeda ku xidhan balse tan dambe ee xanuunka ahi waa mid caajisnimada iyo daalka ku timid. Dalalkan galbeedka waxaan ku arkaa marka ay madaxdoodu shirarka isugu imanayaan iyaga oo dhaqdhaqaaq badani ka muuqdo miiska wada hadalka. Gacan qaad diirran iyo firfircooni aan kala joogsi lahayn. Firfircooni caqli ah oo aan isgaagayn. Khudbado iyo go’aamo aan daal lahayn. Khudbado culus oo ay madaxda isku timaad u akhriyaan si aan cabsi lahayn. Halkan galbeedka kulamadu waa kuwo shaqo iyo wax soo saar, halka shirarka Carabtu ka yihiin dalxiis iyo hurdo, sidaa darteed qof shaqo diyaar u ahi ma seexdo ama ma luloodo waxaanay hurdada, caajiska iyo lulmadu u timaaddaa qof aan shaqo hayn. Waxa ay I waydiiyaan maxay Hogaamiyayaasha Carbeed waraaqaha uga akhriyaan qoraal far waaweyn ku qoran”, waxaan ugu jawaabaa: “Carabtu waxba ma akhriyaan, haddii ay akhriyaana ma fahmaan, wajiyadan gaboobay waxba ma akhriyaan. Waligaa ma aragtay Madaxweyne Carbeed oo buug ka qoray xusuus qorkiisa?. Ma aragtay Madaxweyne Carbeed oo wakhtigan wax ku qora ama maqaal ku leh Majallad weyn oo la yaqaan?. Boqorka Sucuudigu awood uma laha in uu akhriyo weedh hadal ah oo isku xidhan oo macno samayn karta oo ka kooban shan kelmadood. Madaxweynaha Masar Cabdiraxmaan Al Siisi awood uma laha in uu akhriyo kelmado kooban oo Luuqaddii Faseexa ahayd ee Carbeed ah. Waxa wax loogu qoraa kelmado far waaweyn ku xardhan. Kelmad kasta waxa loogu sameeyaa xarako sida Kor dhaw, Hoos dhow iyo Godaal. Waa Jidh bilaa ruux ah”. “Dhinacan reer Galbeedka qofku marka uu ardayga yahay ee uu dhiganayo kulliyadaha daraasaadka siyaasadda waxa uu akhriyaa oo ku tababartaa khudbadaha Madaxda. Waxaanan arkay dad badan oo reer Galbeed ah oo muhiimad weyn siinaya khudbadaha Erdogan, Jamaal Cabdinaasir, Anwar Al Saadaat, Boqor Xasanka Labaad, Najmuddiin Arbakaan, laakiin ardaydeenu maxay ka bartaan kuuliyadaha daraasaadka siyaasadda?, Xaqiiqanimo waxba oo aan ka ahayn sheeko baralay”. Waxa ay I waydiiyaan sababta uu Xoghayaha guud ee Carabtu u toosin waayo qofka ku dhex seexda shirka? Waxaan ugu jawaabaa: “Masuuliyadda Xoghayaha guud ee Jaamacaddu carabtu waa in uu diyaariyo goob ku habboon hurdo fiican. Kuraasida goobta shirku waa in ay noqdaan kuwo raaxo leh oo ku habboon nasashada, Maya shaqo, tani waa shaqo aad u culus, sidoo kale shaqooyinkiisa waxa ka mid ah in goobta shirku noqoto mid leh hawo ku filan oo lagu nafisi karo oo aan ahayn goob shaqo culus lagu qaban karo. Ma awoodaan madaxda shirka ka soo qayb galaysaa in ay u dhaq-dhaqaaqaan meel kale. Waxa ay awood layaab leh u leeyihiin in ay fadhiyaan kaliya, sidaas darteed waa in ay helaan deegaan ku habboon xaaladdaasi. Way ku daysay Jaamacadda Carabtu!, iftiin soo muuqdaana ma jiro!. Waxa ay shaacisay geerideeda markii ay ka tagtay risaaladdii ay u taagnayd, muhiimaddeedii qawmiyadeed. Run buu sheegay ninkii qoray (Nabad-galyo Carabnimooy!), waxaana kaba sii fiican in ciwaan looga dhigo (Nabadgalyo Jaamacaddii Carabtaay). Raalli ahaw Cibriyeey, mar kale raalli noqo dhalanteedow!!. W/T: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase) E-mail: Maxamadkhadar@gmail.com 063-4402360 Qaran News
-
Ardayda qalin-jebisay Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo ay ku qalin-jebinayeen 202 arday oo wax ka bartay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda PSU faraceeda Garoowe. Munaasabadda qalin-jebinta waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinayey, guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse, mas’uuliyiin ka socdey wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maamulka Jaamacadda PSU, Waalidiin, Arday iyo Marti sharaf kale. Guddoomiyaha jaamacadda PSU Pro. Maxamuud Sheikh Xaamid Maxamed oo ugu horrayn munaasabadda qalin-jebinta khudbad ka jeediyay ayaa u hambalyeeyay dhammaan ardayda ka baxay kulliyadaha kala duwan ee ay ka koobantahayjaamacadda, isagoo ku boorriyay in ay ka faa’idaystay fursadaha dahabiga ah ee horyaalla, maadaama ay ka dhisan yihiin dhinacyada aqoonta, islamarkaana ay yihiin dadkii wax u bartay bulshada ee u horseedi lahaa horumar iyo barwaaqo. Wasiirk ku xigeenka waxbarashada dowladda Puntland,Mukhtaar Maxamuud Xassan oo markiisa hadalka qaatay, ayaa hambalyo kadib ardayda ku boorriyay, in ay shaqa-abuur iyo hindisayaal curis ah la yimaadan, si ay nolosha guul uga gaaraan, cilmiga ay barteenna uga faa’idaystaan, waxaana uu sheegay in dowladda Puntland mar walba ay garab taagantahay aqoon-yahannada dalka iyo dadka wax u bartay. Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay ardayda maanta qalin-jebisay, wuxuuna u mahadceliyay maamulka iyo macallimiinta jaamacadda PSU ee dadaalka iyo wakhtiga ku bixiyay kulliyadaha kala duwan ee cilmiga ardaydani barteen. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay waalidiinta u soo dhabar-adaygay in heerkan aqooneed soo gaarsiiyan ubadkooda,isagoo xusay in qaar kamid ah waalidiinta ay duruufo adag oo nololeed ka soo mareen barbaarinta iyo waxbaridda ubadkooda, si ay asaagood wax ula qeybsadaan. Mudane Dhoobo oo hadalkiisa sii wata ayaa ku boorriyay hay’adaha dowliga ah, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo guud ahaan ganacsatada Puntland in ay fursado shaqo u abuuraan dhalinyarada waxbaratay ee ay ku jiraan kuwa maanta ka qalin-jebiyay jaamacadda PSU. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan oo munaasabadda soo xiray ayaa ugu horayn hambalyo u diray maamulka Jaamacadda, waalidiinta iyo ardayda qalinjabinaysa oo ah dufcaddii 12-aad ee Jaamacadda ka baxda, waxaana uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galkeeda. Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka ayaa ardayda ku dhiiri-geliyey inay waddankooda aaminaan, ka shaqaystaan, dadkooda ugu faa’iideeyaan aqoonta ay barteen, isagoo shacabka reer Puntland ugu baaqay inay xoogga saaraan aqoonta qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan midda sare, waxaana uu caddeeyay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay sidii guud ahaan waxbarashada loo horumarin lahaa. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa shahaadooyin iyo abaalmarino guddoonsiiyey, qaar kamida ardaydii qalin-jebisay iyo shakhsiyaad kale oo maamulka Jaamacaddu u gartay inay mudanyihiin, waxaana munaasabaddu ay ku soo idlaatay jawi farxadeed oo laga dheehanayay dadweynihii boqolaalka ahaa ee goobta joogay, kuwaas oo u hambalyaynayay ardayda qalin-jebisay. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post In ka badan 200 oo arday oo maanta ka qalin-jebiyay jaamacadda PSU faraceeda Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Weftigii safiirrada ahaa ee ka socday Midowga Yurub ayaa maanta kulan la qaatey shir guddoonka golaha wakiillada ee baarlamaanka Somaliland, iyagoo kala hadlay arrimo la xidhiidha doorashooyinka, gaar ahaan Kootada haweenka ee kuraasta baarlamaanka. Baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa ku jirta haweenay kaliya, waxaana jira baaqyo kala duwan oo reer galbeedka iyo ururrada xuquuqda haweenku ay ku doonayaan in la kordhiyo tirada haweenka ee baarlamaanka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Jigjiga)-Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta u ah Dawlad Deegaanka Soomaalida, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda lala xidhiidhiyo ee FANA. Abiy ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo gabagabada shirwaynaha tobnaad ee Xisbiga oo maanta lagu soo gabogabaynayo magaalada Jigjiga. Wararka ka soo baxaya shirka ayaa sheegaya in Axmed Shide uu xajistay xilkiisii gudoomiyenimada xisbiga talada haya, halka Madaxweyne Mustafe Cumarna uu ka noqday gudoomiye ku xigeenka xisbiga. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kadib 10 maalmood oo ku sugnaa magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu Muqdisho u tagay howlo la xiriira sidii loo dhamayn lahaa Khilaafka iyo mad madowga kala dhaxeeya dowladda dhexe. Waxa uu sheegay in booqashadiisu ay jawaab u ahayd Safarkii uu dhawaan Ra’iisul Wasaarahu ku yimid Kismaayo isla markana wada hadalo dheer oo la galay si fiican ay kusoo dhamaadeen laguna gaaray heshiis. Waxaa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in booqashadiisu ay ahayd mid Tariikhi ah oo loo baahna dhamaan kulamadii dhacyna ay guul kusoo dhamaadeen. Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhinacyada ay saaran tahay masuuliyad ah sidii wixii lagu balamay iyo heshiiskii la gaaray loo dhaqan galin lahaa. Si kastaba, Axmed Madoobe ma shaacin waxa uu yahay heshiiska la gaaray. Kulamada Axmed Madoobe iyo madaxda DF aan marnaba si rasmi loo shaacin, marka laga reebo casho sharaf uu xalay u sameeyey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Dowladda Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin safarkii Axmed Madoobe ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Brunei (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa maanta cambaareeyey shareecada Islaamka ee maanta ka dhaqan gashay dalka Brunei, oo uu sheegay in ciqaabta “arxan-darrada ah” ee sharciga uu ogolaanayo ay ka dhigan tahay jirdil iyo jebinta heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. Sharcigan oo dil ku xukumaya dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, kuwa ku kaca zinada, iyo in gacanta laga gooyo qofkii xatooyo sameeya, ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay caalamka. “Qaar ka mid ah ciqaabta uu sharcigan ogolaanayo ee dambiyada qaar waa jir dil, ficil arxan-darro, wax ka baxsan bani’aadannimada iyo dhaqan liiditaan ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay afhayeenka Midowga Yurub. Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciqaabaha uu sharciga ogolaanayo ay jebinayaan xeerarka QM ee ka dhanka ah jirdilka, oo Brunei ay saxiixday ilaa sanaddii 2015. “Waa muhiim in Brunei-Darussalam ay xaqiijiso in fulinta sharcigan uusan ka hor-iman xuquuqda aadanaha, islamarkaana uu waafaqaa dhammaan waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee xuquuqda aadanaha oo ay Brunei-Darussalam qaadatay” ayaa lagu yiri bayaanka Midowga Yurub. Brunei, oo ah boqortooyo uu muddo 51 sano ah xukumayey Sultan Hassanal Bolkiah, ayaa sheegtay in ku dhaqanka shareecada Islaamka ay dalkaas ka billaabatay maanta Brunei, oo ku taalla Koonfur Bari Asia, ayaa markii ugu horreysay sharcigan ku dhowaaqday sanaddii 2013, hase yeeshee fulintiisa ayaa waxaa dib loo dhigay dhowr mar, kadib markii ay si aad ah u mucaaradeen kooxaha xuquuqda aadanaha. Sharciga ayaa qoraya in xukun dil ah lagu fuliyo dadka gaysta ficillada ay ka midka yihiin kufsiga, zinada, galmada laga sameeyo wixii ka baxsan xubinta taranka ragga ama dumarka, dhaca, iyo aflgaadeynta nebi Muxamed nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee. Waxa uu sidoo kale sharciga qorayaa in la karbaasho dumarka iska rida ilmaha iyo in gacan laga gooyo dadka ku kaca xatooyada. Sharciga ayaa dhinaca kale dhigaya dambi tahay in caruurta dalka Brunei lagu bar-baariyo diin aan ahayn tan islaamka. Sharcigan ayaa Brunei ka dhigaya dalka kaliya ee Bariga ama Koonfurta Bari ee Asia ee si heer qaran u dhaqan-geliya ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna ku biirayaa dhowr dal oo badankood ku yaalla Bariga Dhexe, sida Sacuudi Carabiya, oo shareecada looga dhaqmo. Xigasho: VOA
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta sheegay maalinta sabtida ee taariikhda ku beegan tahay 6-da April uu goluhu ka doodi-doonno arrinta amniga. Mudane Mursal ayaa intaasi raaciyey in loo yeeri-doono hey’adaha ku shaqada leh amniga, isagaa oo carabka ku adkeeyey in isla xisaabtanka ay ka mid tahay waajibaadka golaha shacabka. Dhinaca kale, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka gaar ahaan guddiga joogtada aha ayaa Goobjoog News u sheegay iney jirto cabsi laga qabo in sabtida kulanka loo diido warbaahinta xorta ah iyaga oo balan-qaadey iney arrintaas ka hortagi-doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Kenyan government reiterated its support for the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Somalia in a meeting of the AU Mission’s top leadership in Nairobi. Speaking to delegates, the country’s Chief Administrative Secretary in the Ministry of Foreign Affairs, Ababu Namwamba, said Somalia’s stability and prosperity would ensure sustainable peace and security in the East and Horn of Africa region. Namwamba also underscored AMISOM’s role in the maintenance of peace and the security architecture in Africa. “Kenya will not waver in her commitment to the Mission. It is Kenya’s strong desire to have a peaceful, stable and prosperous Somalia and on behalf of the Government of Kenya, I laud AMISOM for the critical role it continues to play in Somalia, particularly in the fight against Al-Shabaab; and for all the achievements it has realized to date,” Namwamba said. The pronouncement by Kenya comes in the wake of reports of tensions within AMISOM and the Kenya Defence Forces (KDF) withdrawing from bases in Somalia towards the Kenyan border. Leaders in Somalia are said to have expressed their concerns at the withdrawals saying the move leaves the country vulnerable to attacks by Al-Shabaab. Somalia has fallen victim to a string of terrorist attacks recently with at least 30 people being killed in two separate incidents in the capital Mogadishu. View the full article
-
The 5th session of the Somali House of People has been resumed on Wednesday. The session was postponed twice due to lack of quorum by the members of the house. According to the office of the speaker, Mohamed Mursal Sheikh, the parliamentary constitutional committee presented a report to the chamber. Members of parliament from the opposition block have vowed to boycott the sitting unless the house includes in its agenda security lapse in the country mainly the capital, Mogadishu. President Mohamed Abdullahi Farmajo opened the 5th session of the House on Wednesday last week following two months of recess. View the full article
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Wednesday it has developed policy guidelines on law enforcement to Jubbaland and South West states’ police forces to help modernize policing. Alusine Dumbuya, project officer in AMISOM police reform and restructuring department, said the policy documents cover issues critical to establishing a professional police force including code of conduct, transfer guidelines, human resource management, dress code, community policing, recruitment, promotion and gender equality. “These are guiding principles for the Somali Police Force that will be used effectively and efficiently to improve policing activities in the federal member states,” Dumbuya said in a statement issued in Mogadishu. The development of policy documents is part of the AU mission’s police’s grand program aimed at strengthening the capacity of the Somali police to maintain law and order in the federal member states and secure the country against al-Shabab insurgency. Other federal member states, according to the AU mission, will also receive the documents. According to the AU mission, the development of the policy guidelines was part of the ongoing implementation of the Somalia Transition Plan whose key objective is to establish a strong Somali National Security Force capable of securing the country. Mohamed Nasir Guled, Somali Police Commander in charge of Lower Jubba, said the policy documents will help professionalize Jubbaland State Police Force and improve policing services in the region. “The documents we have received today are intended to streamline policing activities and we appreciate the help provided by AMISOM,” said Gulled. View the full article
-
Popular Contributors