Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,187
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowlada kenya ayaa sheegtay in ay bilaabeeyso howlgal balaaran oo lagu baadigoobayo labo dhaqaatiir ah oo dhashay dalka Cuba oo shalay Mandheere lagu afduubay. Waxa uu sheegay in ciidamo aad u badan ay ku daad gureeyn doonaan xadka Soomaaliya uu la wadaago kenya. Afhayeenka Booliska dalka Kenya Charles Owino oo la hadlay wariyaasha Kenya ayaa waxa uu sheegay in taqaariirtaasi lagu hayo dalka Soomaaliya. Shalay oo jimco aheyd koox hubeeysan ayaa labo dhaqtar oo u dhashay wadanka Cuba waxa ay ka afduubteen magaalada Mandheere iyaga oo toogtay askari u dhashay Kenya oo ilaalo u ahaa . Ugu dambeeyntii ciidamada amaanka ayaa xiray darawalkii gaariga ku waday dhaqaatiirta si ay wax uga weeydiin falkaasi dhacay. Puntland Post The post Kenya oo Soomaaliya ka Baadi goobeeyso dhaqaatiir la afduubtay appeared first on Puntland Post.
  2. ADDIS ABABA, Ethiopia When Ethiopia’s new prime minister, Abiy Ahmed, came to power a year ago this month, he promised reforms that would touch on the military and security, the economy, and electoral politics. He enjoyed widespread support. One year on, some promised reforms are in the pipeline, but many were left unaddressed, and people are growing more impatient. Regassa Bayssa, a lecturer in federalism and conflict management at Addis Ababa University in the nation’s capital, blames the deflated hopes on baggage from the past. “Ethiopian ethnic federalism was designed to bring about justice and equity among the nation’s ethnic groups by devolving power. However, the federal system was undemocratic, centrist, and corrupt from the very beginning,” Regassa told Anadolu Agency. The Tigray People’s Liberation Front’s (TPLF) “total domination of the system coupled with a parasitic oligarchy related to the dominant group has created public discontent that has triggered reform from within the ruling party.” The TPLF, one of four parties in the ruling coalition, had been a mover and shaker until a year ago, when it lost clout to the Oromo and Amhara, two groups pressing for reform as three years of anti-government protests shook the nation. “The reforms spearheaded by Prime Minister Abiy Ahmed had put in place several measures aimed at democratizing the federal system which could work for all sectors of society,” explained Regassa. “Despite challenges, the reform is succeeding and will succeed because it has won the hearts and minds of Ethiopians across the nation.” “Simmering ethnic nationalism, ethnic attacks and displacements are the work of those who lost their dominant political and economic status,” he added. 3M displaced More than 3 million people have been displaced due to ethnic attacks that flared up in various parts of Ethiopia over the past year. Abiy, however, contests this figure, saying there had been a backlog of more than one million people displaced before he even took office. There were large-scale displacements in rural Ethiopia during the three years of anti-government protests, and the reform period is by no means the only time people got displaced. Displacements continued over the course of the year as ethnic tensions got strained, with in-fighting flaring up more often than usual, stoking fear in peoples’ hearts and minds of a time worse even than that. People in Ethiopia are mindful of what happened decades ago in neighboring Somalia – a much more homogenous society – as a result of clan-based politics. Ethiopia has long been plagued by ethnic tensions, sometimes sparking into clashes as with the Oromo and Somali communities, and most recently between Amhara and Oromo speakers in the Amhara regional state. As the 25th anniversary of the Rwandan genocide (against Tutsis by the majority Hutus) is fresh in people’s memories, one might wonder why people still propagate ethnic politics – politics of exclusion and division in a country that for ages has maintained its independence and unity. Yet despite that, social media is replete with hate speech, forcing the Ethiopian parliament to draft a bill sanctioning hate speech (up to five years in prison and fines of 5,000 Ethiopian birr, or $173). And there have been many activists riding on ethnic federalism – a system that has been becoming entrenched in Ethiopia since 1995. Unity threatened Tigistu Awelu is a prominent politician who leads a national party called the Unity (Andinet) Party. “So far the forces of unity in Ethiopia are getting weaker while the forces of division are rearing their heads stronger,” he told Anadolu Agency. According to Tigistu, the multifaceted, far-reaching reform drive cannot be successful if the government fails to unify the nation. “But conditions seem to favor proponents of ethnic politics rather than citizen-focused politics,” he said. But Abiy, the reform’s architect, contends that clashes will begin to die down at some point as the pushing and shoving witnessed across the country was the result of longtime repression, during which the people were gagged and dragged along a prescribed political line. “People tend to let off their emotions in various ways when they suddenly find themselves at liberty to express themselves freely,” he told a press conference last week, playing down a spate of comments – some criticizing the government – that could damage social cohesion. Since taking office on April 2, 2018, the reformist leader has achieved many things, and perhaps too quickly. He opened up a political space that had been non-existent in the country, and he helped armed groups hitherto dubbed terrorists to the political fold – all of them, such as the OLF, ONLF and PG7, are now back home from the desert in neighboring Eritrea from where they waged war against the now-defunct repressive system. The reform also saw the release of political prisoners, as the prime minister promised to hold free, fair, and democratic elections in May 2020. A fine balance Africa’s youngest leader has had stellar achievements in foreign relations as well. He made peace with Eritrea and also brought the leaders of Djibouti, Sudan, Somalia, and Kenya – countries long accustomed to eyeing each other with suspicion – together for a regional integration drive. He struck a fine balance between Ethiopia looking East or West by following a policy that tilts to neither the U.S. and Europe nor to China, and most important of all he met with the leaders of Middle East superpowers the United Arab Emirates, Saudi Arabia, Qatar, and Egypt. Many daunting challenges remain in the domestic field, though. And these challenges may threaten to unseat him if the charismatic, humble scholar-leader keeps ignoring them, as he has so far. At a recent press conference, Temesgen Tiruneh, Abiy’s security adviser, said over the past year 10,000 political prisoners have been released and 7,000 exiled politicians came back home or were absolved from abroad from trumped-up charges. The army leadership has been fundamentally changed to reflect the country’s ethnic diversity, he said. “The army is no longer dominated by a single ethnic group.” He said: “The most real threat to the security of Ethiopia to date is ethnic politics.” Source AA Qaran News
  3. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta oo sabti ah in ay kulan ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankaasi oo ah mid xasaasi ah ayaa lagu wadaa in xildhibaanada ay kaga doodaan amniga dalka. Xildhibaanada ayaa loo diray fariimo ah in kulanka maanta uu jiro. Wariyaasha ayaa loo ogolaaday in kulanka maanta ay ka qeeybgalaan sidoo kale kulankaasi kama soo qeeybgali doonaan madaxda amniga oo Baarlamaanka ay u yeereen hayeeshee maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in kulanka ay ka qeeybgalaan warbaahintana ay dibad joog ka noqon doonto. Horay ayuu u baaqday kulankaan la doonayay in diirada lagu saaro amni darada dalka ka jirta. Amaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana la si xiray wadooyinka u dhow xarunta Baarlamaanka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan xasaasi ah ku yeelanaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Diblomaasiyiin Ajanabi ah oo ka dareen celiyay Safarro & Socdaallo ay ku yimaadeen Somaliland Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa socdaal ku yimaada todobaad kasta dad tiro badan oo Ajnabi ah, kuwaasi oo u yimaada Somaliland arrimo shaqo iyo hawlo kala gadisan. Hadaba dadkan ajnabiga ah ayaa intii ay ku sugnaayeen Somaliland ka dareen celiyey waxyaalihii ay ku arkeen, iyaga oo aragtiyahooda ku cabira amaanka iyo xasiloonida ka jirta dalkan aann la aqoonsan ee Somaliland, iyaga oo inta badana ku soo bandhiga arrimahaas Baraha bulshada ee Twitter-ku ka mid yahay. Ugu horeyn Patrick Heinisch ayaa 5-tii bisha April 2019 ee todobaadkan qoraal uu soo bandhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, waxa uu ku yidhi “Markii aan booqday Hargeysa sanadkii la soo dhaafay, waxaan u baahday Fiisaha (Visa) Somaliland, Aniga oo sitay fiisaha Somalia. Tani waa mid aan la badali karin oo cadayn u ah in Somaliland Madax-banaan tahay, kana duwan tahay Somalia”. Sidoo kale Chris Weigold oo u dashay dalka Ingiriiska oo isaguna socdaal ku yimid Somaliland isla 5-tii bishan April 2019, ayaa isaguna sheegay in uu hada soo gaadhay hoygiisa cusub, oo uu la yaabay Somaliland oo aad u qurux badan. Dhinaca kale Tariq Abbasi oo isagana sitay Baasaaboor Diplomasi ah oo soo gaadhay Somaliland, ayaa barta Twitter-ka uu ku leeyahay ku qorey “Somaliland waa wadan si balaadhan u nabdoon iyo dad aad la dhacaysid”. Si kastaba, tan iyo intii Somaliland ay ku dhawaaqday madax-banaanida, waxa sanadihii ugu dambeeyey soo kordhayey dalxiisayaasha aduunka ee socdaalka ku imanayey, si ay wax badan uga ogaadan Somaliland. Qaran News
  5. Hoggaamiyihii afgenbiyey Madaxweyne Al-bashiirkii oo Sudan oo durbaba is-casilay Madaxa Golaha Militariga la wareegay talada dalka Sudan ayaa xilka ka degay maalin kadib markii afgambi xukunka looga tuuray hoggaamiyihii muddada fog ka talinayey dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, xilli ay socdaan dibad-baxyo culus. Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Cawaf Bin Cawf, ayaa go’aankan uga dhowaaqay taleefishinka qaranka. Waxa uu shaaciyey inuu beddelay taliye Cabdi Fataax Cabdiraxmaan Burhaan. Go’aankiisa ayaa yimid kadib markii dibad-baxayaasha ay diideen inay waddooyinka ka tagaan, ayaga oo sheegay in hogaamiyayaasha afgambiga ay aad ugu dhow yihiin madaxweyne Al-Bashiir. Ciidamada ayaa sheegay inay si ku meel gaar ah u hoggaamin doonaan dalka ka hor inta aan la qaban doorashooyin. Axmed Cawad Bin Cawf ayaa ahaa madaxa sirdoonka militariga intii uu socday dagaalkii Darfur, sanadihii 2000. Al-Bashiir ayaa waxaa maxkamadda caalamiga ee dambiyada dagaalka ay kusoo oogtay dacwado la xiriir dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada. Xil ka tuurista Al-Bashiir ayaa waxaa sababay dibad-baxyo dalkaas ka socday tan iyo bishii December ee 2018. Dibad-baxyada ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 38 qof. Qaran News
  6. Xil. Nimco Cabdi Caarshe Xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe oo ka tirsan golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa sheegtay in kufsiga ku soo badanaya degaannada Puntland uu yahay mashruuc lagu khal-khalinayo xukuumadda cusub ee madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Xildhibaanka ayaa qoraal ay ku daabacday Facebook ku sheegtay, in kufsiga iyo dilka is wataa ay soo bilwodeen, bishii Jannaayo ee sannadkan 2019 oo ku began, markii la doortay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. “Kufsiga Puntland ka socda Waa Mashruuc amniga iyo xukuumadda puntland lagu khalkhalinayo, dumarkana lagu cabsi galinayo. waxay arintaani bilaabantay Jan 2019 inkastoo kufsigu jiray hadana horay uma jirin kufssi dil wata” ayay tiri Sidoo kale, waxay ku baaqday in si hoose loo baaro, arrimaha salka u ah kufsiga iyo dilka is wata ee ku soo badanaya degaannada Puntland “maaha arin laga aamusi karo waxay rabtaa in si hoose loo eego arintaan kufsi iyo dil waa arin laga argagaxo” ayey raacisay. Nimco oo ah gabadha keliya ee ku jirta Baarlamanka Puntland, waxay xukuumadda ka dalbatay in si deg deg ah wax looga qabto kufsiga “Maaha arin laga aamusi karo maaha arin la eegan karo , maaha arin la sugi karo waa arin rabta dhaqso in wax looga qabto”. Xildhibaanka ayaa su’aal ka keentay sababta ilaa iyo hadda sharciga loo horkeeni la’yahay dadka ku eedaysan kufsigii iyo dilkii gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas loogu geystay magaalada Gaalcakyo ee xarunta gobolka Mudug. “Waa maxay arintii caasho ayaa weli jiitamaysa! maxaa dhacay oo cadaaladda loo horgayn waayey? Maxay tahay dabashabeelintu? , waxaan leenahay aan aragno raggii Caasho kufsiga iyo dilka isugu daray iyadoo la xukumay oo weliba xukunka fulin loogu daro . Markaas ayaa laga nasanayaa arintaan” ayay tiri Nimco Caarshe. Hadalka xildhibaanka aya ku soo beegmay, xilli laga war-sugayo natiijada ka soo baxda baaritaanka lagu hayo dadka ku eedaysan kufsigii iyo dilkii, Caa’isha Ilyaas Aadan. PUNTLAND POST The post Xildhibaan sheegtay in kufsiga lagu khal-khalinayo xukuumadda Puntland appeared first on Puntland Post.
  7. Koox hubeysan ayaa ku afduubtay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba meel u dhaw xuduudda Kenya ay la leedahay Soomaaliya maanta oo Jimce ah waxaana xilliga la afduubanayey dhaqaatiirtaas ay kusii jeedeen goobtooda shaqada. Ka hor inta aan la afduuban labadan muwaaddin ee kasoo jeeda Cuba waxaa la toogtay sarkaal Boliis ah oo ilaalo u ahaa sida ay sheegeen saraakiil u hadlay ciidanka Kenya. Taleefishinka KTN NEWS ee dalka Kenya ayaa sheegay in Boliiska ay uga shakisan yihiin dhacdadan kooxda gacan-saarka la leh AlQaeda ee Alshabaab. Muuqaal uu baahiyey Taleefishinka Citizen ayaa muujinaya Boliiska Kenya oo difaacyo ka sameysanaya waddo aadda dhanka xuduudda Soomaliya iyo Kenya. Afhayeenka Boliiska dalka Kenya Charles Owino ayaa sheegay in Dabley wadata laba gaari oo Toyota ah inay joojiyeen gaarigii ay la socdeen labada dhaqtar iyo laba sarkaal oo Boliis ah xilli ay marayeen bartamaha magaalada Mandera. Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in Dableydu ay toogteen sarkaal Boliis ah iyagoo markaas kaddib ula baxsaday dhaqaatiirta dhinaca xuduudda Soomaaliya iyo Kenya. Owino wuxuu sheegay in gaariga oo laga lahaa Isbitaalka Mandera halkaas oo ay dhaqaatiirtu ka shaqeynayeen dib loo helay iyadoo la xiray darawalka oo su’aalo laga weydiinayo dhacdadan. Owino si cad uma sheegin cidda ka dambeysa weerarkan marka laga reebo tuhunka ah in Alshabaab ay ka dambeeyeen. Xarrakada Alshabaab ayaa marar badan sheegatay weerarro ka dhacay xuduudda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan Woqooyi-Bari Kenya halkaasoo dad badan oo shacab iyo ciidan ah lagu dilay. Bishii Nov shan qof oo ay laba carruur ah ku jiraan ayaa la dhaawacay waxaana la afduubtay haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga. Source: goobjoog.com
  8. Mandheera (PP) ─ Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa Magaalada Mandheera ee dalka Kenya ka afduubay laba dhakhtar oo ajaanib ah oo dadweynayay dad Soomaali ah, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan booliiska Kenya. Labadan dhakhtar ee la afduubay ayaa la sheegay inay u dhasheen Dalka Cuba, kuwaasoo qayb ka ahaa dhakhaatiir ay dhawaan Kenya ka keensatay dalkaas, si ay qayb uga qaataan hawlaha caafimaadka dalkeeda. Wararka ayaa sheegaya in dableyda afduubka geysatay ay dileen ilaaladii labada dhakhar iyo sarkaal la socday oo Kenyaan ahaa, isla markaana ay la tallaabeen dhanka Somalia, inkastoo aan la ogeyn inay kooxaha afduubka geystay ahaayeen Al-shabaab inay kooxo kale yihiin. Saraakiil u hadlay Booliiska Kenya ayaa sheegay inay ka shakisan yihiin inay afduubkaan geysteen xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ee gacan-saarka la leh Urur-weynaha Al-Qaacida. Magaalada Mandheera ee dalka Kenya oo ku taalla xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya ayaa waxaa dhawr jeer ka dhacay afduubyo kala duwan oo loo geystay shaqaale iyo dhakhaatiir u shaqeynayay hay’ado samafal. Kooxda Al-shabaab ayaa dhawr jeer oo hore sheegatay inay mas’uul ka tahay afduubyo, dilal iyo weerarro ka dhacay magaalada Mandheera iyo deegaannada ku dhaw, gaar ahaan kuwa soo xiga dhanka xadka. Ugu dambeyn, Dhakhaatiirtan uo dhashay dalka Cuba ee maanta laga soo afduubay Mandheera ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo Cuban ah oo laga afduubo dalka Kenya. Wixii warar ah ee kusoo kordha afduubkan, waxaan kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE idmo. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo Dhakhaatiir Ajaanib ah ka Afduubay Magaalada Mandheera ee Kenya appeared first on Puntland Post.
  9. Militeriga dalka Mareykanka ayaa ka fuliyey duqeyn dhanka cirka ah koofurta Soomaaliya iyagoo beegsanaya xarrakada Alshabaab oo ah koox ka dagaallanta geeska Africa gacan saarna la leh AlQaeda. Duqeynta ayaa dhacday xilli Mareykanka iyo ciidamada midowga Africa taageero ee Soomaaliya ay isku-dayeen inay Alshabaab gacanteeda ka bixiyaan goobta la weeraray. Duqeyntii ugu dambeysay ayaa ka dhacday magaalada jilib 9kii April waana magaalo dhacda dhinaca koofureed ee dalka Soomaaliya waxaana duqeyntaas lagu dilay 1 dagaallame oo ka tirsan Alshabaab mana jirin waxyeello soo gaartay shacabka sida taliska ciidama ee Mareykanku ku leeyahay Africa uu sheegay. Jilib waa magaalo ay si buuxda u haysato Alshabaab waxaana Mareykanku ku qaaday 9 weerar oo dhanka cirka ah kooxda gacan saarka la leh Al-Qaeda tan iyo bishii Oct 2013 markii diyaarad dagaal ay dishay Anta Anta kaasoo sida la sheegay ahaa maskaxdii ka dambeysay hawl-gallada ismiidaaminta ah ee Alshabaab. Bishii March sannadkii 2016 Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa waxay dileen Xasan Cali Dhoorre oo ahaa hoggaamiye ka wada tirsan AlQaeda iyo Alshabaab kaasoo sidoo kale ka mid ahaa sirdoonka Alshabaab. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa dhawaan kala kulmay cambaareyn hay’adda Xuquuqda Aadanaha u doodda ee Human Rights Watch markii ciidamadu ay sheegeen in weerarrada dhinaca cirka ah aan shacab lagu waxyeelleyn weerarradaas laga fuliyey Soomaaliya oo gaaraya 111 oo ah kuwa cirka waxaana weerarradaas ay dhaceen tan iyo billawgii 2017. HRW waxay sheegtay inay heshay caddeyn muujineysa 14 qof oo dhibaatooyin kasoo gaareen weerarrada Mareykan ee dhinaca cirka ah. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa markaas kaddib xaqiijiyey in hawlgalladaas lagu dilay laba shacab ah. Source: goobjoog.com
  10. Wasiirka gashaandhigga Suudaan Cawad Bin Cawf oo bayaan ka akhrinayey Telefishinka dalkaasi ayaa sheegay in ay xireen madaxweynaha dalka Cumar Al-bashiir. Wasiirka waxaa uu intaas raaciyey in madaxweyne Al-bashiir uu noqdey nin madax adag, waxaa kale oo uu sheegay in la kala diray madaxtooyada, golaha wasiirrada, baarlamaanka iyo xukuumadaha gobollada. Golaha amniga, oo maamuli-doono muddo 2 sano oo KMG ah waxaa ay sheegeen in uu jiri doono 3 bil oo xaalad degdeg ah iyo bil oo bandow ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed ayaa si wadajir magalada Baydhabo xariga uga jiray xafiisayada ururada horomarinta kubbadda cagta kaas oo si wanaagsan loo qalabeeyay. Cali Dhuux Maxamed oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed iminkana xafiiska wasaarada joogo mudo 2 bilood ayaa sheegay in maamulkiisa u si wanaagsan ula shaqeyndoono madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta saddex gobol ee Koonfur Galbeed ay gaarsiindoonaa homariminta kubbadda cagta si dhalinyarada xirfada leh ee ku nool loogu faa’ideeyo xulka qaranka iyo kooxaha gudaha. -Bishii Lasoo dhaafay Maarso Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ayaa socdaalkii ugu horeeyay sanada 2019 ku tagay magaalada Baydhabo,isagoo soo kormeeyay hanaanka ay u shaqeeyaan xiriirka kubbadda cagta iyo Wasaarada isboortiga Koonfur Galbeed wuxuuna waqtikaa kasoo dhagaystay baahida jirta iyo fursadaha ay haystaan. Abuukar Islaw oo xubin ka ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa sheegay in uu si weyn uu ugu faraxsan yahay horomarka ka socda Koonfur Galbeed xiriir ahaan ay ku kalsoon yihiin aqoonta iyo qibrada Wasiir Cali Dhuux,isagoo intaa ku daray in ay ka sugayaan wax qabada muuqda oo horomar u ah dhalinyarada Koonfur Galbeed oo aad u jecel isboortiga. Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) waxa uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed oo loo dhisidoono ilaa 12-koox,garsoorayaal iyo macalimiinta si hormarinta kubbadda cagta ay u gaarto dhamaan deegaanka maamulka. Garoonka kubbadd cagta DR Ayuub ee Baydhabo ayaa iminka waxaa ka socda dhimso balaaran waxaana dhameestirka wajiga labaad bishii lasoo dhaafay si wadajir u dhax dhigay xiriirka cagta,Wasaarada ciyaaraha iyo maamulka degmada Baydhabo waxaana la sheegay in loo dhisidoono qaab cari ah. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xafiisyada Laga Furay Magaalada Baydhabo Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xafiisyada Laga Furay Magaalada Baydhabo W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynihii Suudaan Cumar Albashiir ayaa la sheegayaa in xilka laga tuuray kadib 30 sano uu dalkaasi ka talinayey. Al-bashiir waa 75 jir, waxaa uu dalkaasi afgambi ku qabsaday 1989-kii, isna maanta afgambi ayaa looga qaaday. Sida ay qorayaan wakaaladaha wararka, waxaa socda wadahadal la xiriira cidda sii heyneyso xilka dalkaasi, waxaa kale oo la xiray dadkii la shaqeyn jiray Al-bashiir. Wararka soo kordha halkan kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Kenya and Somalia are set to normalise diplomatic relations after nearly two months of diplomatic tensions over a maritime border dispute. Foreign Ministers of both countries expressed “a strong desire to normalise relations,” with an agreement to allow their respective ambassadors return to their diplomatic postings in Nairobi and Mogadishu following a meeting in Nairobi on Wednesday. According to the Foreign Affairs Ministry, Kenya’s Cabinet Secretary Monica Juma and her Somalia counterpart Ahmed Issa Awad discussed outstanding issues arising from Somalia’s decision to offer potential oil fields lying in a disputed 62,000 square mile Indian Ocean triangle to foreign investors at a London auction on February 7. “We reaffirmed our strong desire to normalise relations and agreed, as a first step, to have our ambassadors return to their stations,” Kenya’s Foreign Affairs office tweeted. Foreign Affairs Principal Secretary Macharia Kamau led the MFA protest at Somalia’s move summoning Ambassador Lt. General (Rtd) Lucas Tumbo for what he as “urgent consultations” while referring the horn of Africa country envoy to Mogadishu for the same. In a strongly-worded statement issued on February 16, Amb Kamau described actions by Mogadishu as an “unparalleled affront on Kenya” and an “illegal grab” that will not go unanswered. “This outrageous and provocative auction deserves and will be met with a unanimous and resounding rejection by all Kenyans as well as all people of goodwill who believe in the maintenance of international law and order and the peaceful and legal resolution of disputes,” Amb Kamau said at the time. Signs of warming relations between the two States emerged on early last month when Prime Minister Abiy Ahmed of Ethiopia mediated talks between President Uhuru Kenyatta and Somalia’s Mohammed Abdulahi. Although State House did not release an official communiqué of the meeting held in Nairobi on March 6, Ahmed’s office said the parties had resolved to amicably resolve differences of the maritime border dispute which is before the International Court of Justice (ICJ). “Through the leadership of PM Abiy Ahmed, Presidents Uhuru Kenyatta and Mohammed Abdullahi met this morning to discuss extensively on the source of the two countries dispute. As an outcome both agreed to work towards peace and to take measures in addressing particular issues that escalated the tensions,” Ahmed’s office said. A translated message issued by President Abdullahi’s office said the meeting discussed recent diplomatic tensions adding Somalia and Kenya had committed to strengthen their working relationship. He expressed gratitude to Ahmed for “spearheading the dialogue aimed at restoring the positive working relations that exist between the Somali and Kenyan government” while describing the talks as fruitful. “President Farmajo (Abdullahi) and his Kenyan counterpart Uhuru Kenyatta have had a fruitful meeting at State House this morning. The main agenda for the meeting was to find a solution to diplomatic differences,” his office said. “They also held talks on how to combat terrorism in the region and formulate measures to bring peace and stability,” Abdullahi’s press office added. The loud silence by State House on the meeting and the concealed reception of Prime Minister Ahmed and President Abdullahi had sent tongues wagging as it remained unclear whether or not Nairobi was committed to the mediation process. Prior to the March 6 mediation meeting, the Ministry of Foreign Affairs had held a series of meetings with foreign diplomats including envoys whose nations sit in the United Nation and African Union Security Councils to brief them on the unfolding situation. Amb Juma had told Capital FM News on February 27 her ministry had briefed ambassadors of nations with membership at the United Nations Security Council and the African Union Peace and Security Council in a bid to provide clarity on the matter. “We briefed them on the situation between ourselves and Somalia, provided the facts to both councils and to draw their attention to the situation,” she said. Among foreign envoys who attended the meeting with top officials of the Foreign Ministry on February 22 included Britain’s Nic Hailey and France’s Aline Kuster-Menager. Ababu Namwamba, the Chief Administrative Secretary in the Foreign Ministry had said Kenya’s territorial integrity was non-negotiable adding the envoys were assured the country’s “unimpeachable pedigree as epitome of good neighbourliness.” The contested maritime area has four of the 24 oil blocks that had traditionally been under Kenya’s Exclusive Economic Zone until Somalia’s legal challenge in 2014. Kenya had challenged the admissibility of Somalia’s case at ICJ in September 2016 on grounds that the court lacked jurisdiction to entertain the application. ICJ however dismissed the objection in February 2017 clearing the way for submissions by the two parties. The court fixed June 18, 2018 as the date by which Somalia was to file its submissions in court with Kenya given until December 18, 2018 to file its rejoinder to Somalia’s written pleadings. Somalia has anchored its case on Article 15 of the Convention of the Law of Sea adopted in 1982, Kenya saying the disputed area was in fact under its jurisdiction before the convention was enacted. Somalia wants the sea boarder extended along the land boarder, a plea which if granted could limit Kenya’s access to high seas on its Indian Ocean shore technically rendering the country landlocked. Source: Capital FM
  14. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-03042019.mp3 View the full article
  15. Wararka laga helayo Laamaha Amniga waxaa magaalada Muqdisho Ciidamada Amniga ay raadinayaan gaari Laan guruusar ah oo Qarax ismiidaamin ah Al Shabaab udiyaariyeena inay weerar ku fuliyaan. Waxeey Ciidamadu galeen feejignaan badan si looga hortego weeraro Qaraxyo ah kuwaasi oo laga cabsi qabo inay magaalada dhacaan. Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed General Zakiya Xuseen Axmed Oo Shir Jaraa’id Ku Qabatay Muqdisho ayaa sheegtay Xogtaan ah in Gaadiid Ay Xarakada Al Shabaab Magaalada Xamar Soo Geliyeen si ay Qaraxyo ugu Abaabulaan. General Zakiya waxay shacabka ka codsatay inay Lasoo wadaagaan hadii ay arkaan Gaariga hadda la raadinayo Xogtiisa hadii la arko. Puntland Post The post Ciidamada amaanka oo Muqdisho ka baadigoobaya gaari qarax sida appeared first on Puntland Post.
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Lammaane u dhashay dalka Canada ayaa xafladda arooskooda ku dhigay magaalada Hargeysa, waxaana baraha ay bulshada ku kulanto lays-la dhexmarayey sawiro muujinaya caruusadda oo xiran dharka dhaqanka ee ay Soomaalidu xirato xiliyadda arooska. Hadaba waxaanu lamaanahaasi ka waraysanay sababta ay u doorteen inay arooskooda ku qabsadaan magaalada Hargeisa iyo sababta ay u xirteen dharka dhaqanka iyadoo Soomaalida intooda badan ay jecelyihiin in xiliga arooska ay xirtaan taashka. Ibrahim Jaamac oo ka tirsan bahda BBC-da ayaa waraystay mid ka mid ah lammaanahan, waxa uuna weydiyeey sababta ay u doorten inay halkan xafladda ku samaystaan, waxa ayna ku jawaabtay. “Haa aniga iyo ninkii aan u doodananaa waxaan go’aansanay inaan isguursano maxaa yeelay waxaan wada soconay muddo afar sanno, labo sano oo kamid ah afarta sano ee aan wada soconay waxaan ku noolaa magaalada Hargeisa dadka halkan joogana waxaan nahay saaxiibo waxa muhiim ii ahaa waa saxiibadeyda joga dalka Canada sidaasi darteed waxaan go’aansannay inaan halkan xaflad ku sameysano maxaa yeelay saxiibadeenna Somaliland oo aan imaan karin canada sidoo kale bisha July ayaa xaflad kale ku sameysanaynaa canada”. Baraha bulshada Soomaalida ayaa waxa qabsaday hadal haynta arooskan iyo muuqaaladdooda oo aad u qurux badan, dharka hidaha iyo dhaqanka ayey lammaanahan ku labisteen arrintas oo ka yaabisay dad badan. Caruusadda ayaa BBC-da u sheegtay sababta ay u dooratay inay ku labisato dharkan, waxayna tiri, “Waxaan u doortay dhaqanka Somaliga maxaa yeelay wuu qurux badanyahay aroosyada asxaabtayda ee aan tagayna waan ku arkay waana ka helay naqshadooda, wuu qurux badanyahay aad ayaana u jeclayahay dhaqanka Somalida”. Sources: BBC
  17. (SLT-Brunei)Midowga Yurub ayaa maanta cambaareeyey shareecada Islaamka ee maanta ka dhaqan gashay dalka Brunei, oo uu sheegay in ciqaabta “arxandarrada ah” ee sharciga uu ogolaanayo ay ka dhigan tahay jirdil iyo jebinta heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. Sharcigan oo dil ku xukumaya dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, kuwa ku kaca zinada, iyo in gacanta laga gooyo qofkii xatooyo sameeya, ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay caalamka. “Qaar ka mid ah ciqaabta uu sharcigan ogolaanayo ee dambiyada qaar waa jir dil, ficil arxan-darro, wax ka baxsan bani’aadannimada iyo dhaqan liiditaan ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay afhayeenka Midowga Yurub. Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciqaabaha uu sharciga ogolaanayo ay jebinayaan xeerarka QM ee ka dhanka ah jirdilka, oo Brunei ay saxiixday ilaa sanaddii 2015. “Waa muhiim in Brunei-Darussalam ay xaqiijiso in fulinta sharcigan uusan ka hor-iman xuquuqda aadanaha, islamarkaana uu waafaqaa dhammaan waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee xuquuqda aadanaha oo ay Brunei-Darussalam qaadatay” ayaa lagu yiri bayaanka Midowga Yurub. Brunei, oo ah boqortooyo uu muddo 51 sano ah xukumayey Sultan Hassanal Bolkiah, ayaa sheegtay in ku dhaqanka shareecada Islaamka ay dalkaas ka billaabatay maanta Brunei, oo ku taalla Koonfur Bari Asia, ayaa markii ugu horreysay sharcigan ku dhowaaqday sanaddii 2013, hase yeeshee fulintiisa ayaa waxaa dib loo dhigay dhowr mar, kadib markii ay si aad ah u mucaaradeen kooxaha xuquuqda aadanaha. Sharciga ayaa qoraya in xukun dil ah lagu fuliyo dadka gaysta ficillada ay ka midka yihiin kufsiga, zinada, galmada laga sameeyo wixii ka baxsan xubinta taranka ragga ama dumarka, dhaca, iyo aflgaadeynta nebi Muxamed nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee. Waxa uu sidoo kale sharciga qorayaa in la karbaasho dumarka iska rida ilmaha iyo in gacan laga gooyo dadka ku kaca xatooyada. Sharciga ayaa dhinaca kale dhigaya dambi tahay in caruurta dalka Brunei lagu bar-baariyo diin aan ahayn tan islaamka. Sharcigan ayaa Brunei ka dhigaya dalka kaliya ee Bariga ama Koonfurta Bari ee Asia ee si heer qaran u dhaqan-geliya ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna ku biirayaa dhowr dal oo badankood ku yaalla Bariga Dhexe, sida Sacuudi Carabiya, oo shareecada looga dhaqmo. Source
  18. (SLT-Washington)Haweeney haysata laba baasaboor oo Shiineys ah iyo qalabka virus-ka kombiyuutaraadka ayaa lasoo sheegay in la xiray kadib markii ay gashay Mar-a-Lago club oo uu leeyahay madaxwayne Donald Trump. Haweeneydan oo la yiraahdo , Yujing Zhang, oo ah 32-jir ah, ayaa u sheegtay kooxaha amniga in ay joogtay Florida club si ay u aado barkadda dabaasha , sida ku cad dacwada dembiga Maxkamada Degmada ee Maraykanka. Waxaa la sheegay in caqabad ka haysatay xagga luuqada darteed in lagu fasaxay, islamarkaasna ay sheegtay in ay ehel la tahay qof ka shaqeeya goobtan uu madaxweynaha leeyahay, islamarkaasna u imaado dalxiiska had iyo goor. Mudane Trump wuxuu ku sugnaa Palm Beach xiligii ay dhacaysay dhacdadan Sabtidii 30-ka Maarso. Sida ku qoran galka dacwadda, haweenaydan ayaa ka been sheegtay sababta ay u gashay goobtan amnigeeda aadka loo illaaliyo xilli uu madaxweynaha ku sugnaa meesha. Sida laga soo xigtay waraaqaha maxkamadda, markii ay soo gashay xerada Marwo Zhang waxay badashay hadalkeeda, iyada u sheegtay qofka fadhiyay miiska soo dhoweynta martida in ay u timid inay ka qayb gasho “Munaasabada Jimciyadda Quruumaha ee Shiinaha iyo Maraykanka”. Soo dhaweeyaha , oo ogaa in uu jiray shir ceynkan ah , ayaa durbadiiba ka shakiyay haweenaydan. Haweenaydan la tuhunsanaa ayaa la kaxeeyay si su’aalo dheeraad ah loo waydiiyo. Waxa ay u sheegtay wakiilada in qof loo yaqaan “Charles”, oo ay asxaab ahaayeen uu u sheegay inay jirto munaasabad, tahayna in ay ka safarto safraan Shanghai, Shiinaha, ilaa Palm Beach si ay uga soo qayb galaan munaasabadda Qaramada Midoobay, laakiin uusan siinin wax faahfaahin dheeraad ah, sida laga soo xigtay waraaqaha maxkamadda. Waxay sheegtay in “Charles” uu ku dhiirro-galiyay in ay isku daydo in ay la hadlaan xubin ka mid ah madaxweynaha qoyskiisa si ay ooga hadlaan arrimaha la xiriira dhaqaalaha Shiinaha iyo Maraykanka. Sargaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka Samuel Ivanovich ayaa sheegay in Marwo Zhang ay sidatay afar taleefoonada gacanta ah, kumbuyuutarka yar, qalabka macluumaadka lagu kaydiyo, oo ahaa mid lagu shubay barnaamijka halistiisa badanyahay ee kumbuyuutaraadka wax yeela ama xogaha looga xado ee virus-ka. Balse in aysan wadanin dharkii dabaasha, maadaamaa ay horey u sheegtay in ay u socoto in ay soo dabaalato markii ay albaabka goobta dalxiiska soo gudbaysay. Mudane Ivanovich wuxuu sheegay in Zhang ay “si xor ah oo aan dhib lahayn lagula hadlay” iyadoo af in ingiriisi loo adeegsaday, iyadunna si “adag oo xanaf leh ” ay ugula hadashay dadkii baarayay intii su’aalo weeydiinta ay socotay. War saxaafadeed kasoo baxay sirdoonka Maraykanka ayaa lagu sheegay in aysan iyaga go’aan ka gaarin cidda lagu marti qaadayo goobtan Mar-a-Logo, taasina tahay mas’uuliyad shaqaalaha goobta ee martigalinta. “Maareynta Mar-a-Lago ayaa go’aamiya xubnaha iyo martida loo oggol yahay inay galaan guriga.” Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka. Qareenka Marwo Zhang ayaa ilaa hadda diiday in faallo laga bixiyo arrinkaan. Waxay ku sii jiri doontaa xabsiga illaa dacwadeeda laga dhageysanayo todobaadka soo socda. Haddii dembi lagu helo, waxay wajihi kartaa ugu badnaan shan sano oo xabsi ah. Source
  19. (SLT-Jigjiga)-Waxaa maanta la soo gabagabeeyay Shirwaynihii Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida, waxaana shirwaynaha maanta lagu dooranayay Gole dhexe iyo Guddida fulinta ee Xisbigga. Haddaba waxaa intaa kadib la guda galay doorashada Gole dhexe oo ka kooban 61 xubnood. halka guddi fulin loo doortay 9 xubnood. waxaana dib loogu doortay Guddoomiyaha Xisbiga Axmed Shide Maxamed, Gudoomiye ku xigeena waxaa loo doortay inuu noqdo Mustafe Muxumed Cumar. Sidaa waxaa ku dhismay xisbigii tallada degaanka hayay oo la filayo inuu wax badan ka badalayo qaab socodka siyaasadda degaanka, inkastoo dadka qaar aysan ku qanacsanayn qaabka loo dhisay xisbiga. Source
  20. Jigjiga (SMN) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta gaarey magaaladda Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida halkaasi oo mudo saddex maamlood ah uu ka socday Shir muhiim ah oo looga hadlay isbedel lagu sameynayo xisbiga haya talada. Abi Axmed ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo xiritaanta Shirka 10aad ee Xisbiga kaasi oo laga bedelay magacii hore iyo astaantii uu lahaa, iyadoo laga saarey erayga Itoobiya. Xubnaha sare ee Xisbiga ayaa ka qeybgalay Shirka ka socda Jigjiga kaasii lagu dooranayo hogaanka gollaha dhexe iyo midka sare. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa loo doortay gudoomiye ku xigeenka Xisbiga SDP, maadaama uusan horey uga mid ahayn halka gudoomiye loo doortay Axmed Shide, oo sidoo kale ah Wasiirka maaliyadda dalka Itoobiya. Abiy Axmed ayaa bogaadiyay isbedelada ka socda gobolka Soomaalida ay degto ee dalka Itoobiya, isagoo sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay inay taageerto rabitaanka shacabka ku nool dowlad degaanka, kuwaasoo mudo dheer kusoo jiray xukun kaligii talis ahaa. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa tan iyo markii la doortey sanadkii tagey sameeyay isbedel, isagoo horey u bedelay calanka islamarkaana xiray xabsi ku yaalla Jigjiga oo dadka lagu dhibaateyn jiray kaasoo tacadiyo badan ka dhaceen intii uu jiray maamulkiisa isaga ka horeeyay. Isbedelada ka socda Itoobiya, oo uu hormuud u yahay Abiy Axmed ayaa laga soo dhaweeyay gudaha dalkaasi iyo guud ahaan gobolka Geeska Africa, oo hadda is socda is dhexgal iyo iskaashi dhaqaale oo ay wadaan dowladaha Eritrea, Soomaaliya iyo Itoobiya. View the full article
  21. Sultan Hassanal Bolkiah Dalka Brunei oo ah Boqortooyo uu muddo 51 sano ah xukumayay Sultan Hassanal Bolkiah ayaa sheegay in maanta oo Arboco ah laga bilaabo qaatay ku dhaqanka shareecada Islaamka. Dalka Brunei oo ku yaalla Koonfur Bari Asia ayaa markii ugu horreysay 2013 ku dhawaaday in uu qaadanayo ku dhaqanka shareecada islaamka, balse dib ayaa loo dhigay markii ay si aad ah uga hor yimaadeen kooxaha xuquuqda aadanaha. Ku dhaqanka sharciga ee ay maanta qaadatay Brunei ayaa dhigaya in dadka gaysta gogol-dhaafka iyagoo horey u guursaday, ragga isku jinsiga ah ee isku galmooda iyo aflagaadeynta Nebi Maxamed nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ay wajihi doonaan xukun dil ah oo qaarkood dhagax loo adeegsanayo. Sidoo kale sharcigan ayaa qoraya in gacanta laga goon-doono qofkii lagu helo dambi xatooyo, halka la karbaashi doono dumarka iska soo rida ilmaha iyo dadka khamriga caba. Dhanka kale Midowga Yurub ayaa ka horyimid go’aanka ay qaadatay Brunei ee ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay ciqaab arxan-darrada ah tahay sharciga ogolaanayo jirdil iyo jebinta heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. Dalka Brunei oo dadka ku nool 67℅ in ka badan yihiin sunni islaam ah ayaa ka mid noqonaya dhowr dalka oo adduunka lagaga dhaqmo shareecada islaamka. PUNTLAND POST The post Waa kuma dalka maanta qaatay ku dhaqanka shareecada islaamka? appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (SMN) – Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa Warbaahinta uga Warbixisay Howlgalada maalmahaan ka socdo Caasimada iyo Waxyaabaha kusoo kordhay. Gen. Zakia ayaa sheegtay in Ciidanka Booliska uu dardar geliyey Howlgalada ammaanka lagu adkeynayo, iyaddoo xustay in Ciidamada ay wadaan Howlgalo guri walba oo ku yaalla caasimada lagu baarayo, si magaaladda looga sifeeyo hubka sharci darrada ah. Waxay Xustay Gen. Zakia in hab cusub lagu soo kordhiyey baarista Gaadiidka, kaasi oo sahlaya in muddo kooban Gawaarida lagu Xaqiijiyo, waxaana ay tilmaamtay in Ciidamada ammaanka lagu qalabeeyey Agab u fududeynayo Howlahooda shaqo. Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidanka Amniga ay Miinooyin ka soo saareen Duleedka Muqdisho, Sidoo kale waxa ay digniin ka jeedisay Gaari la tuhunsan yahay oo noociisu yahay Baraado. “Waxaan rabnaa in Bulsho weynta Soomaaliyeed ku Wargelino inay jiraan Gawaari nooca Toyoto Prado loo yaqaano oo aan ka war helnay in argagixisadu ay dooneyso in Bulshadda ay ku halaagaan, waxaan dooneynaa in Shacabka ay Feejignaan ka yeeshaan” ayey Tiri Gen. Zakia. Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa waxay sheegtay in maalmaha soo socda la adkeyn doono Baaritaanka, islamarkaana Ciidamada ammaanka ay ku Howlgali doonaan Xogo la hubo oo Qeybaha Sirdoonka dalka ay ka heleen. View the full article
  23. Nairobi (SMN) – Wasiiradda arrimaha dibadda Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa kulan ku yeesheen magaaladda Nairobi uga hadlay xiriirka labada dal oo ku dhawaad labo bilood mugdi ku jiray. Monica Juma oo ah Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in ay dhigeeda Soomaliya Axmed Ciise Cawad ku heshiiyeen in xiriirka diblomaasiyadeed dib loo soo celiyo. Waxay sheegtay in labada dowladooda ay muujiyeen inay ka go’antahay dib usoo celinta safiiradii ay ukala yeerteen bishii February, kuwaasi oo shaqooyinkooda lagu soo celinayo. Monica Jum ayaa tilmaantay in arrimaha sidoo kale kawada hadleen ay ku jirto walaaca ka dhashay Shirkii London lagu qabtey 7-dii February kaasoo Shirkadda Spectrum kusoo bandhigtay xogta shidaalka xeebaha Soomaaliya. Dowladda Keny ayaa shirkaasi kadib u yeertay Safiirkeedii u fadhiyay Muqdisho oo la tashi xaaladda soo cusboonaatay ugu kala yeelatay, waxayna dalkeeda kasoo saartey safiirkii Soomaaliya ee Nairobi. Madaxweyne Farmajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bishii lasoo dhaafay Nairobi ku kulmay iyagoo heshiis ka gaarey khilaafka, islamarkana isku afgartay inay soo celiyeen xiriirka labada dal. Kenya ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, iyadoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, oo mudo 10 sano ah dowladda Federaalka ka caawinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. View the full article