-
Content Count
208,217 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Kulan ay soo qaban qaabisay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, ayna ka qeyb galeen wasiiro heer federal iyo heer dowlad goboleed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Ujeedka kulanka ayaa aheyd sidii la’isaga xog wareysan lahaa habka wax looga qaban karo xaaladaha bani’aadanimo ee haatan ka jira Soomaaliya. Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xamsa Siciid Xamsa ayaa ugu horreyn daah-furay mashruuc ka kooban biyo dhaamin iyo raashin qeybin oo dhawaan wasaaradiisu ay ka bilaabi doonto guud ahaan dalka. Xildhibaan C/rashiid Maxamuud Xasan wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka ayaa sheegay in barnaamijakan muhiimadiisu ay tahay, sidii loo caawin lahaa dadka danta yar ee ku tabaaleysay gudaha dalka. Dhinaca kale wasiir C/rashiid ayaa faah faahin ka bixiyay, sida loo maareynayo $32 milyan oo DFS ay ka heshay Bangiga Horumarinta Adduunka. Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka oo kaashaneysa maamul goboleedyada ayaa ballan qaaday in la dardar galin doono fulinta howlaha gargaar ee lagu wado in dhawaan laga fuliyo Soomaaliya. View the full article
-
The government of Denmark has pledged to contribute $ 21 million to Somalia’s rebuilding process. In a statement, Denmark announced the amount to support to accelerate poverty reduction and sustainable economic growth. Demark said it channeled through the World Bank’s Multi-Partner Fund (MPF), the contribution provides resources to support effective and accountable governance. World Bank Country Director for Somalia, Bella Bird, lauded the commitment of Denmark government saying it has been important for the World Bank and Somalia. “Since our partnership with Denmark began, they have stressed the need to foster a collaborative relationship with the government and the private sector and supporting an enabling environment for greater economic growth and inclusion,” said Bella. “The latest contribution will allow for a scale-up in resources for private sector development.” MPF is one of the funding windows established under Somalia’s development and reconstruction pillar. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa si kulul u Cabaareeyay dilkii saakay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya u geytay Darawal Mooto Bajaajle ahaa iyo wiil dhalinyaro ah oo la socday. Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Askari ka dambeeyay dilkaas ay ku raadjoogaan Hay’adaha amniga dowladda,isla markaana gacanta lagu ay kusoo dhigi doonaan. Guddoomiye Yariisow ayaa sidoo kale ka hadlay Banaanbax rabshado wata oo ka socda Igoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir,kaasi oo dhigayaan dad u badan dhalinyarada Mooto Bajaajta,waxaana uu ugu baaqay inay illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhexdhuumanaya ee rabshadaha wada ee iska fogeeyaan. Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa uga tacsiyadeynayaa qoyskii ay ka geeriyoodeen labada marxuum ee saakay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu u dilay Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir. Source
-
(SLT-Muqdisho)Dad Aad ufara badan ayaa banaanbaxyo ka dhigaya magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka carooday dil askari ka tirsan ciidamada dowladda uu u geystay ruux Bajaajle ahaa. Dilka ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka banaanbaxa dhigaya ay gubeen Taayaro, iyagoo sidoo kale xiray goobo ganacsi oo ku yaala goobta banaanbaxyada ka dhacayaan. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in askariga dilay mooto bajaajlaha sidoo kale inuu dilay ruux rakaab ahaa oo Bajaajta saarnaa, waxaana uu dhaliyay banaanbaxyada xoogan ee halkaasi ka socdo. Dad badan oo wadayaal Mooto Bajaajta iyo shacab badan ayaa banaanbaxa dhigaya, waxaana ay dalbanayaan in cadaalada la horkeeno ruuxa dilka ka dambeeyay. Ma jiro ilaa iyo hadda cid ka hadashay dilka iyo banaanbaxyada ka dhacaya isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo dadka banaanbaxa dhigaya ay sheegeen inaysan joojin doonin banaanbaxa ilaa laga qabto askarigii dilka geystay. Dilka kadib ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa tegay goobta, iyaga oo meesha ka qaaday meydka Darawalka Mooto bajaajlaha ahaa, waxaana sidoo kale dhaawaca ruuxa kale loo qaaday isbitaalka ku yaalla degmada Howlwadaag. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inka badan 20 ruux oo bajaajlayaal ah ku dilay magaalada Muqdisho, waxaana kaliya ilaa iyo hadda cadaalada la horkeenay labo askar Source
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Denmark ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa 21 million oo dollar oo ay ugu talo gashay dib u dhiska dalka. War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Denmark ayaa lagu shaaciyay in lacagtan ay u soo marinayaan dowladda Soomaaliya Bangig Adduunka. Denmark ayaa dooneysa in dowladda Soomaaliya ka caawiso yareynta sabool-tinimada iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, oo isbedello hadda ay ku sameynayso Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre. Bangig Adduunka ayaa soo dhaweeyay tallaabadan Denmark ay deeqda lacageed ku siinayso Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay muhiim u tahay hanaanka dib usoo kabashada dalka. Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Federaalka ay raadinayso in dalka laga cafiyo deyn lacageed oo dibadda looga leeyahay, taasoo ka badan 5 bilyan oo dollar. View the full article
-
Shanghai (SMN) – Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in gargaar bini’aadanimo ay soo dirtay dalka Soomaaliya oo qeybo ka mid ah ka jirto abaar iyo nafaqa darro baahsan. Markab sida dhowr tan oo bariisa iyo alaabo kale oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadka ku dhubaateysan gudaha Soomaaliya ayaa shalay kasoo baxay dekada Shanghai ee wadanka Shiinaha. Xukuumadd Beijing ayaa sheegtay in gargaarkan loogu talo galay inay ku yareyso baahida cunto yarida ee ka jirta Soomaaliya, waxaana gargaarkan uu soo gaari doonaa dalka todobaadyada soo socda. Deeqdan raashiinka ah ayaa waxay dowladda Shiinaha usoo marinysaa Soomaaliya hay’adda Qaramada Midoobey u qaabislan dhanka cuntada ee WFP. Kaalmada Shiinaha ayaa lagu wadaa in lagu caawiyo dadka barakacayaasha ah, gaar ahaan haweenka iyo caruurta oo ay soo food saartey nafaqo darri iyo macluul. WFP ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 3.5 milyan oo qof ay u baahan yahiin gargaar bini’aadanimo gudaha dalka Soomaaliya, oo qeybo kamid ah laga soo sheegayo abaar. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor imaad xoogan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir. Iska hor imaadka oo ka qarxay agagaarka Isgoyska Baar Ayaan ayaa waxaa la sheegay inuu u dhexeeyay Ciidamo ka kala tirsanaa talisyada Booliska iyo Milatariga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Isku dhaca Ciidamadan ayaa yimid, kadib markii Askar ka tirsan kuwa Milatariga oo la socday Gaari Cabdi Bile ah ay isku dayeen in ay xoog ku dhaafaan bar Koontarool oo Ciidamada Booliska ay ku leeyhiin halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa iska hor imaadkani ku dhaawacmay illaa 2 Askari oo ka tirsan dhinacyada dagaalamay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona meesh ay wax ka dhaceen ay gaareen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa baneeyey dhigga Darajawada Bajaajyada Muqdisho. Xildhibaanka oo ka hadlayey Kulanka Baarlamaanka ee looga doodayey Amniga ayaa Ciidamada Dowladda ku taageeray dilka ay u geystaan Darawalada Bajaajyada Muqdisho oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa Bambooyin ku tuura ciidamada. Xildhibaanka ayaa xusay inay Bajaajyada ku kacaan falal ay ciidanka Bambo ku tuuraan mararka qaar isagoo markii dambe gadaal ka raaciyey inuu ka xun yahay dilka loo geystay. Intii uu Xildhibaanka ka hadlayey arrintaan ayuu wuxuu Xildhibaanada intooda badan kala kulmay qeylo dhaan iyo Buuq, wuxuuna mar kale ku celiyey ”Bajaajleyda aan u doodeyno Waa Bambo tuur oo waxaa la hayaa saddex Bajaaj oo Askarta Bombooyin ku tuuray”. Hadalka Xildhibaan Ibbi ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Muqdisho lagu dilay Darawal Bajaaj iyo qof la socday oo la sheegay inay Qaraabo ahaayeen. Dilkaas kadib Jidadka Muqdisho waxaa xiray Darawalada Bajaajyada iyo dadweyne kale oo ka careysan dilka loo geystay Bajaajleyda, waxayna ku qeylinayeen inay Baarlamaanka arrintaan ka jawaabaan maadaama ay Shacabka matalaan Balse Xildhibaan Ibbi ayaa taageeray dilka loo geystay waxayna taas muujineysaa inuu yahay Xildhibaan aan matali karin shacabka isla markaasna aan ku hadli karin afkooda. Halkaan hoose ka daawo Hadalka Xildhibaan Ibbi Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Askari ka tirsan Ciidamada dowladda saaka uu ka geystay Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Dilka ayaa loo geystay wade Mooto Bajaaj iyo Abtigiis oo xilligaasi la saarnaa mootada. Marxuuminta oo ahaa wiilal dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Deeq C/qaaadir Cabdullahi iyo Maxamed Sheekh Cali. Dhinaca kale dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday dilka labadaasi Qof ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka Muqdisho, kuwaas oo hakad galiyay dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim ah. Intii uu socday dibadbaxan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen illaa 4 Qof, kuna dhaawacmeen 5 kale. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ahaa kuwo lagu rasaaseeyay agagaarka Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqashiid, xilli ay saarnaayeen Mooto Bajaaj mareysay halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay dilalka ka dhanka ah wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ayaa ku soo badanayay degmooyinka G/ Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-13042019-we.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Warta Nabadda Ciidamo Militari & Boolis ayaa isku dagaalay halkaasi. Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Milateriga ah ay isku dayeen inay maraan bar koontarool oo Ciidanka Booliska ah ku leeyihiin Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Yaaqshiid,hayeeshee uu soo kala dhexgalay isfaham waa sidaasina uu ku bilowday dagaalka. Illaa laba askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa ku dhaawacmay rasaastaasi Militariga ay ku fureen askarta ku sugnayd Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Yaaqshiid. Ciidamada Booliska ayaa la sheegay kuwii nabad qabay inay ka carareen, meesha waxaana hadda meesha jooga Ciidamada Militariga oo wata Gaari Cabdi Bile ah oo uu ku xiran yahay Qoriga wayn ee Dhashiikaha loo yaqaan. Ciidamada Militariga ayaa qoriga ka qaatay Askari dhaawac ah oo ku cararay Xarun Ganacsi oo ku taalo meesha la isku dagaalay, waxaana la arkayey askarigaas oo Dhiig baxayo isla markaasna ku qeelinayo yaa la i dilin. Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda iyo kuwo Booliska uu dagaal ku dhexmaray Isgoysa Maana-Booliyo,kaasi oo lagu gubay gaari nooca dagalka uu lahaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Shacabka,waxaana ka dhashay khasaaro soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah. Jawiga Magaalada Muqdisho ayaa maanta wuxuu yahay mid qasan, banaanbax ayaa ka socda dhinac Magaalada ka mid ah, halka dhinaca kalena Militari & Boolis isku u gaarsanayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamada amniga ee gobolka bari ayaa howlago guri guri waxa ay ka wadaan 17ka xaafadood ee ay magaalada Bosaaso ka koobantahay. Howlgalada ayaa yimid xili [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Banaabaxayaal u badan dhalinyarada kaxeysa mooto Bajaajka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhigaya dibadbaxayo waa weyn oo ay kaga soo horjeedaan dilalka joogtada ah ee ciidamada dowladda ku hayaan dhalinta ku shaqeeysata Mooto Bajaajta. Dhalinyaradan ayaa meydka labo wiil oo saakay ciidamada dowladda ku dileen isgoyska Howl-wadaag ee Gobalka Banaadir waxey sheegeen iney geyn doonaan Madaxtooyada kuwaa oo imika wada meydka una dhaqaaqay dhanka madaxtooyada sida dad goobjoogyaal ah inoo xaqiijiyiin. Isgoysyo dhowr ah oo dhaca magaaalada Muqdisho ayey ka socdaan dibadbaxayada waxaana dhalinyarada ay gubayaan Taayaro iyagoo jidadka xeraya. Askarta dowladda ayaa Sanadkan kaliya dishay in kabadan 10 dhalinayo oo ku shaqeesta Mooto Bajaajta, waxaana meesha kabaxday cadaaladdi iyadoo inta badan ay baxsadaan askarta dilalka u geesata dhalinyarada. Bishii Maarso ee sanadkan sidan oo kale wiil dhalinyaro ah ayaa lagu dilay dagmada Waaberi oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj waxaana dilkaasi mas’uul ka ahaa sarkaal katirsan ciidamada Booliska. Duqa Muqdisho oo dhacdadaasi kala hadlay dhalinyarada ayaa sheegay in mar dambe sidan oo kale dhici doonin cadaaladdana la horkeeno deeno askarigii dilka geestay, balse hadalkiisu noqday qowda maqashii waxna ha u qaban. By: Abdiaziz Loyal Abdiazizh99@gmail.com
-
At least four people were reported to have been injured in Kismayo after unknown assailants hurled a grenade at a tea shop at Golol junction on Friday evening. Jubbaland security forces arrived in the scene and launched an investigation into the incident which comes amid tight security in the coastal city, according to the residents. There was no immediate claim of responsibility for the bomb attack, but, such incidents are commonly blamed on the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab militants. Jubbaland state security officials are yet to comment on the attack, however, police say those injured are civilians and were admitted in local hospital for treatment. View the full article
-
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Jaamac Faarax Muuse ayaa magacaabay, xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo ka kooban 5 xubnood. Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka, ayaa guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Puntland loogu magacaabay, Maxamed Cali Muuse, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay, Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax. Mustafe Cabdiraxmaan Xassan ayaa isna loo magacaabay, madaxa Tartamada Xiriirka, iyadoo Cabdixakiin Siciid Muuse loo magacaabay, madaxa Farsamada ee xiriirka, halka madaxa maaliyadda loo magacaabay, Xassan Barre Ducaale. Halkaan ka akhriso dikreetada. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Gu’jir Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa sheegay in khilaafaadka dhulka ee magaalada uu marayo heerkii ugu xumaa, oo u baahan in dhakhso wax looga qabto. Gu’jir ayaa sheegay in duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo mudda kooban xilka haya uu muujiyay karti shaqo, islamarkaana uu abuuray mashaariic badan, kuwa kalena hirgeliyay, balse ay wakhtigan hor taallo caqabadda arrimaha dhulka oo maareyn iyo xallin deg deg ah uga baahan. “ Axmed Barre waxaa hor taalla oo tijaabo ah, taasoo maareyn iyo xallin uga baahan, khilaafaadka dhulka oo maraya heerkii ugu xumaa, una baahan waxqabad muuqda iyo go’aan-qaadasho deg deg ah, waxaana diyaar u nahay gobol ahaan, in aan kala shaqeynno marxalad kasta oo soo foodsaarta caasimadda” ayuu yiri Gu’jir. Guddoomiyaha ayaa sheegay in khilaafaadka la xiriira bogcadaha dhulka ee lagu dagaallamo, ay khatar muuqata ku yihiin amniga iyo xasiloonida caasimadda Garoowe , haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban dowlad iyo shacab. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Gu’jir oo sheegay in khilaafaadka dhulka ee Garoowe marayo heerkii ugu xumaa appeared first on Puntland Post.
-
Dibad baxyo rabshado wato ayaa hadda ka soconayo magaalada Muqdisho. Dibad baxyadaan ayaa waxaa dhigaya dhalinyarada Mooto Bajaajta kuwaasi oo ka careeysan dil askari katirsan Booliska uu u geeystay wada Bajaaj. Dhalinyarada ayaa xertay isgooyska Howlwadaag ee Muqdisho. Banaanbaxaan ayaa geeystay qasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dhalinyarada in ay is dajiyaan oo ay joojiyaan dibad baxyada. Baryihii ugu dambeeysay beegsiga dhalinyarada Bajaajta kaxeeysa ayaa ku soo badanayay Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dibad baxyo Rabshado wato oo ka socdo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Booliiska dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka dilay 2 dhalinyaro ah, oo mid yahay wadaha gaariga Bajaaj-ta. Darawalka oo ahaa Deeq Fooley oo ahaa wiil da’ yar oo aan 20 sano gaarin waxaa uu ka soo jeeda qoys sabool ah oo isagu uu biilka u raadin jiray. Askari ayaa si kas ah ugu dilay isgoyska Isgoyska Hawl-wadaag. Deeq waxaa lala dilay wiil la socday oo Bajaajta u kireysneyd. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Waxbarashadda Somalia, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in loo baahan yahay in Muqdisho la soo dhigo dhagax hor leh si loo xaqiijiyo amniga guud ee caasimadda, loogana hortago falalka amniga wax u dhimaya. Wasiirka Barre, ayaa xusay in shacabka looga baahan yahay inay dhagaxda sii dhigaan meelaha hadda aysan oolin, iyadoo hadalkan lagu tilmaamay in uu yahay mid horseedaha in dhibaatada shacabka haysata lagu sii xoojiyo. Sidoo kale, Dhagaxda waa-weyn ayuu sheegay in ay sugayaan ammaanka caasimadda, iyadoo ay xusid mudan tahay in magaalada ay ku sugan yihiin boqolaal askari oo la sheegay inay amniga sugayaan. Goodax Barre ayaa wuxuu tusaale u soo qaatay dalka Aljeeriya oo uu xusay in dhagaxaan lagu sugay amniga dalkaas oo dhan, isagoo sheegay in sidoo kale ay Muqdisho mudan tahay in dhagaxaanta lagu sugayo amnigeeda. “Jidadka yar-yar oo dhan waa in dhagaxaan lagu jaro, si magaaladu ay u nqooto mid hal albaab laga soo galo, waxaana tani ay qayb ka tahay sidii loo sugi lahaa amniga caasimadda,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Goodax. Dhanka kale, Wuxuu sheegay in meelaha dhiman ee Muqdisho iyagana ay u dajiiyeen qorshayaal kale oo lagu xaqiijinayo amnigooda, inkastoo uusan xusin waxa ay noqon doonaan qorshayaashaas. Waddooyinka xiran ayaa waxay dhibaato badan ku keeneen xoogsatada iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta degmooyinka Muqdisho, iyagoo ka dalbada inta badan dowladda dhexe in waddooyinka loo furo si ay ugu fududaato inay goobaha waxbarasho iyo kuwa shaqo ay si dhaqso ah ugu gaaraan. Ugu dambeyn, Hadalka Wasiirka Waxbarashada Somalia ayaa dadka sida aadka u falanqeeya siyaasadda Somalia waxay ku tilmaameen mid jees-jees ah oo aysan ka ahayn dhab, balse uu doonayo in xukuumadda uu ku taageero fikirkeeda, maadaama uu xubin ka yahay xukuumadda hadda jirta. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/04/Dhageyso_Wasiir_Goodax_Dhagaxda.mp3 PUNTLAND POST The post Wasiir sheegay in dhagaxda Wadooyinka lagu xiray ay xoojinayaan Ammaanka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Labo dhakhtar oo Cuban jimcihii lagu afduubtay xadka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana socda dadaallo ay wadaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo lagu baadi-goobayo, laguna sii-deynayo. Afhayeenka Boliiska dalka Kenya Charles Owino ayaa sheegay in Dabley wadata laba gaari oo Toyota ah inay joojiyeen gaarigii ay la socdeen labada dhaqtar iyo laba sarkaal oo Boliis ah xilli ay marayeen bartamaha magaalada Mandera. Labadan dhakhtar ee la afduubtey waxaa ay qeyb ka ahaayeen ilaa 100 dhakhaatiir Cuban ah oo Kenya u yimid iney dadka ka caawiyaan xagga caafimaadka. Dhakhaatiirtan waxaa ay gobolkan Mandera, kaas inta badan ay uga tageen dhakhaatiirtii joogtay arrimo la xiriira cabsi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors