-
Content Count
208,217 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan. Sheekha ayaa ugu horayn wuxuu yidhi “Xukuumadda waxaanu faraynaa, oo aanu ugu nasteexaynaa inay albaabada u furto dadka, oo wax ha maqasho, oo talo ha ka qaadato, maxaa yeelay taladu Xukuumadda ayey anfacaysaa, bishii ramadaan ayaa inagu soo dhaw, ilaa saddex todobaad baa ka hadhay, dadka masaakiinta ah ha laga war hayo, dadka dhibirka ah ha laga war hayo, dadka ducafada ah ha laga war hayo, ILLAAHAY dadka ducafada ah ayuu wax inagu siinayaa, haddii dadka ducafada ah la dacayo ILLAAHAY waxba ina siin maayo, Lacagta la ururinayo, ha la soo saaro, oo dadka masaakiinta ah ee Xaafadaha iyo Gobolada ha lala doonto, haddii wanaaga, nasteexada iyo wanaada la qaadan waayo, dhib mooye, dheefi kama soo baxdo, anagu mucaaradna ma nihin, muxaafidna ma nihin, ee umadda ayaanu u hadlaynaa, oo dantooda ayaanu ka hadlaynaa, anigu masaakiinta war baan u hayaa, waan u shaqeeya kuwooda indhaha la’a, kuwooda dhegaha la’a, kuwooda dhibirka wax ka qaba, mashruucii miskiin kal-kaal ee hore loo furayna, meel uu ku dambeeyey ma naqaana, ee waxaanu leenahay masaakiinta ha loo soo jeesto, oo wax ha la taro, umaddana waxaan leeyahay is wada saamaxa, oo caloosha iyo qalbiga wixii xun ee aad iskugu haysaan iska saamaxa, Xukuumadda waxaan leeyahay amaano ayaad haysaa, amaanadaas aad haysaan, umadda si cadaalad leh u gaadhsiiya, xisaabti ALLENA wey dambaysaa, qof kastana calamka uu ifka uu kala tagay ayuu akhirana la tagayaa, ee Masuuliyiinta kala duwan ee Xukuumadda waxaan leeyahay masuuliyada aad umadda u haysaan si daacadnimo ku dheehan tahay ugu soo baxa, oo daacadnimo ugu shaqeeya, oo dadkaas baahan ee abaarto hayso si cadaalad ah waxay u baahan yihiin ula gaadha”. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale ayaa dhanka kale wuxuu Xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato maceeshada qaaliga ah, waxaanu talooyin kala duwan u soo jeediyey guud ahaan Shacabka Somaliland oo uu kula taliyey inay ilaaliyaan dhaqanka suuban ee diinta islaamka, kana dheeradan wax kasta oo diinta lid ku ah.Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale Qaran News
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay banaanbax ka dhacay maanta magaalada Muqdisho isagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid aan sharci ahayn laguna burburinayo sharafka iyo sumcada Soomaaliya iyo hantida ganacsatada. Madaxweynaha oo ka hadlayay degmadda Warta Nabadda ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan dad danley ah oo qabiileystayaal ah. “Waxaan ognahay argagaxisadaa ku hoos jirta markii aan xoog uga adkaanay oo ciidamadu ay baacsanayaan ayay ku soo dhex dhuumanayaan,dowladani wadadii cadeyd ayay cagta saartay mana soo noqoneyso.”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo qudbadiisa ay ka muuqatay carro xoog leh. Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa yimid saacado kadib markii dad banaanbaxayay ay magaalada Muqdisho ka dhigeen dibad bax ay ugaga soo horjeedaan dil loogeystey wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal Mooto bajaaj iyo abtigii. Hase yeeshee dadka banaanbaxyaya ayaa waxaa si qabow ula hadlay Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanaya iyadoo ciidamo badan wadooyinka la dhigey waxaana maanta lagu diley illaa 10 qof. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hanjabaad u diray dhalinyaraddii maanta banaanbaxyadda ka sameeyay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo la hadlaayay Haween iyo Carruur la isku keenay xarunta degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin wax banaanbax ah oo sharci daro ah, islamarkaana la doonaayo in lagu burburiyo dalka. Waxa uu sheegay in banaanbaxayaasha ay ahaayeen rabshad wadayaal burburinaya hantida ganacsatada oo dhaawacay sharafka qarannimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku hoos jireen Al-Shabaab. Waxaa uu digniin iyo Hanjabaad u diray dadka Banaanbaxyadda sameeya, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo banaanbax samaynaysa. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Cidkaste oo dowladda kasoo horjeedda ay la dagaallami doonto. Daawo Farmaajo Caasimada Online XafiiskaMuqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Khartoum)-Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inuu is-casilay Madixii Hay’adda Qaranka ee Ammaanka iyo Sirdoonka ee dalkaasi (NISSS), Salaax Cabdillaahi Maxamed Salaax oo lagu naanayso Saalax Goosh, kadib markii ay Dibadbaxayaasha cadaadis ku saareen si uu isku casilo. Waxaa uu ahaan jirey Ninka 2-aad ee ugu saamaynta badan dalka Suudaan, marka laga soo taago Madaxweynihii hore, Cumar Xasan Albashiir, waxaana Hay’adaasi lagu eedeeyey inay ku lug lahayd dilkii Dibadbaxyaashii codsanayey in la soo af-jaro Xukunka Milliteriga. Waa mas’uulkii 2-aad ee xilka ka dega, iyadoo Jeneral Axmed Cawad Bin Coof uu xalay ka degay xilka Madaxa Golaaha KMG ee Milliteriga (TMC), kadib hal maalin kadib, markii uu xilkaasi qabtay, iyadoo ay Dibadbaxayaasha codsanayaan Isbedel Siyaasadeed oo Degdeg ah. Wakaalladda Wararka Suufaan ee SUNA waxay maanta sheegtay inuu Madaxa Cusub ee Golaha KMG ee Milliteriga Suudaan, Jeneral Cabdifataax Cabdiraxmaan Al-burhaan waxa uu oggolaaday Is-casilaadda Madixii Sirdoonka dalkaasi, Saalax Gos. Dhinaca kale, afhayeenka Boliska Suudaan, Haashim Cali ayaa sheegay in ugu yaraan 16 qof lagu dilay 20-kalena lagu dhawacay xabbado wiifto ah oo ku dhacday qaar ka mid ah Dibadbaxayaashii ee maalmihii iKhamiista iyo Jimcaha ku bannan baxaysay caasimadda dalkaasi ee Khartuum. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wararka laga helay Degmada Salaxley, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay shalay banbooyin holcaya ku tuureen dad reer guuraa ah oo degen cidhifka banka qool-caday oo ka tirsan degamada salaxlay oo qiyaastii 50 km u jirta Hargeisa. Gudoomiyaha Degmada Salaxlay Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine) ayaa u sheegay warbaahinta HCTV, in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayaa ay waxyaabo qarxa ku tuureen jees reer guuraa ah iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmada. “Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yidhi Gudoomiye Shiine. gudoomiyaha degamada salaxlay waxaa uu sheegay inay goobtaasi ay tageen isla markaana ay soo arkeen hadhaaga hubkii ay diyaaraduhu tuureen iyo gubashada dhulkii ay ku habsadeen bambooyinku. sidoo kale Xoolo dhaqato Geel ka waraabinayay ceelka Riigga ah banka qool caday oo lasoo xidhiidhay HCTV ayaa u sheegay inay maqleen jug Culus, iyo uuro ka kacday goobta ay diyaaradahu beegsadeen, maadaama ceelka ay ka waraabinayeen xoolaha aanu ka fogayn meesha diyaaraduhu hubka ku tuureen. YAA ISKA LEH DIYAARADAHA WAX DUQEEYAY ? lama oga dalka laga leeyahay leh diyaaradahaasi Militeri ee duqaynta gaystay, balse gudoomiyaha degmada salaxlay ayaa sheegay in marar hore diyaarado militeri ay joog hoose ku dulmareen degmada, balse ay tahay markii u horaysay ee Bambooyin Tuuraan, arrintaasi oo oo cabsi galisay dadwaynaha deegaanka. laamaha ammaanka ee Somaliland iyo Maamulka Gobolka Maroodijeex ayaa lagu wargaliyay dhacdadan. Sidan oo kale ayaa degmada Gabilay diyaarado dagaal ay hub ku tuureen dhul dhaaqsimeed ay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah, xukuumadda somaliland-na kama hadasho inta badan arrimaha diyaadahaasi ay dadwaynuhu ka cabanayaan. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay weerar argagixiso oo laga fulin lahaa qaybo ka mid ah magaalada Addis Ababa in la fashiliyey, shaqsiyaadkii weerarkaasi fulin lahaana gacanta lagu dhigay. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Birhaanuu Seggaaye wuxuu intaa ku daray in shaqsiyaadka falkaasi loo qabtay ay yihiin kuwa xidhiidh la leh ururka al-shabaab ee ka dhaqdhaqaaqa gudaha Soomaaliya. Shaqsiyaadka la qabtay oo aan tiradooda la shaacinin xeer ilaaliyaha wuxuu ku sheegay iney doonayeen iney qaraxyo ka sameeyaan goobaha ay dadku ku badan yihiin balse inta ay falka fulin ka horba gacanta lagu soo dhigay. “Shaqsiyaadka la qabtay qaarkoodna waxaa la sheegay iney xiriir la leeyihiin ururrada xagjirka ee caalamka ka jira” ayuu yidhi Shaqsiyaadka falkaasi iney sameeyaan iisu diyaarinayey loogana shakisan yahay inta ay fulin ka hor waxaa gacanta ku soo dhagtay laanta sirdoonka qaranka ee dalka Itoobiya. Waxaana shaqsiyaadkaasi lagu qabtay dokumantiyo muujinayo weerarka ay damacsanaayeen qaabka ay u fulin rabeen iyo xog kale oo muhiim ah kooxdaasi la xidhiidha. “Sida ay wax u damacsanaayeen haddii ay wax u dhici lahaayeenna waxaa ka dhalan lahayd khasaaro naf iyo maalma leh” ayuu yidhi xeer ilaaliyaha guud. Dhawaanna waxaa la shaacin doonnaa faahfaahinta ku saabsan falalka argagixiso ee lala damacsanaa in dalka Itoobiya laga fuliyo goobaha la rabay in qaraxyada laga fuliyo. Wuxuuna xeer ilaaliye Birhaanu Seggaaye uu shirkiisa jaraa’id uu ku sheegay 10-kii bilood ee la soo dhaafay in la qabtay hub sharci-darra ah oo ay ka mid yihiin 21 daba jeex, 270 AK-47, 33kun oo bustooladood iyo rasaas ka badan 300,000. Waxaana sida oo kale la qabtay ayuu yiri “dad looga shakiyey falal musuqmaasuq oo ay tiradooda gaadheyso 56 oo malaayiin doolar dalka ka musuqmaasuq”. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska ee ku sugan Isgoyska Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho, ayaa saaka dilay nin dhalinyaro ahaa oo watay Mooto Bajaaj kadib markii rasaas lagu furay. Askariga ayaa u diiday Mooto Bajaajta inay marto wadada, waxaana uu ku furay rasaas, taasi oo keentay inuu dhinto ninkii waday Mootada, sidoo kalena uu dhinto ruux kale oo la socday. Ciidamo badan oo Boolis ah ayaa ku sugan Isgoyska Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo handadaad & dhibaatooyin kale kula kaca dhalinyarada Mootooyinka Bajaajta ku xamaasha. Tacadiyada Ciidamada ay gaysanayaan ayaa noqday kuwa soo laa laabta ,marka loo eego sida bareerka ah ee ay u dilayaan dhalinyarada. Dhalinyarada Mootooyinka Bajaajta ku xamaasha ayaa xiray gabi ahaanba isku socodka inta badan Jidadka Wadnaha iyo Makka Al-Mukarama , halkaasi oo ay ku dhigayaan Banaanbax cabasho ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ku baxay dibad baxaya ka socda qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho. Eng. Yariisow iyo Taliyaha Booliska ayaa dhalinyarada dibad baxayay ugu tagay Isgoyska Bakaaraha ee wadada wadnaha, iyagoo ka codsaday inay xaalada dejiyaan. Guddoomiye Yariisow ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay si nabad ah ku muujiyaan shucuurtooda oo ay nidaamka ilaaliyaan. “Nidaamka ilaaliya, si nabad ah shucuurtiina ku muujiya, dalka idinka ayaa leh, taayarada la gubayo hala joojiyo”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow. Taliyaha Booliska Jen. Bashiir ayaa balan-qaaday in askariga dilka geystay sharciga la horkeenayo, lana maxkamadeyn doono, waxaana uu ka codsaday dhalinyarada in aan lagu soo dhex dhuuman oo dadka rabshadaha wata ka fogaadaan. Bishii la soo dhaafay dabayaaqadeeda ayeey aheyd markii askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska uu dilay nin watay Mooto Bajaaj, taasi oo keentay inay banaanbax dhigaan dhalinyarada Mootooyinka ku shaqeysta. Sababta loo dilo darawalada Bajaajka ee Muqdisho? Inkastoo ay siyaabo kala duwan keento dilka Muqdisho loogu geysto Darawalada Bajaajyada, waxaana halkaan kusoo koobeynaa waxyaabaha keeno dilkooda: Jidadka oo xiran Inta badan waxaa caado ka ah Muqdisho in la xiro jidadka, waxayna taas sababtaa in dil loo geysto maadaama ay Darawalada Bajaajyada ku adkeystaan marista jidadka iyadoo ku andacoonayo in Biil laga sugayo. Darawalada Bajaajyada inta badan waa kuwa soo kireysto oo laga rabo inay Maalintii bixiyaan 10 Dollar, taasna waxay sababtaa inaysan ku qancin xirista jidadka maadaama laga sugayo bixinta lacagtaas. 2) Ciidamada oo aysan wax la aheyn dilka shacabka: Ciidamada Dowladda qeybahooda kala duwan gaar ahaan kuwa Booliska ayaa ah kuwa aan u tababarneyn la dhaqanka Shacabka iyo ilaalinta dhiiggooda. Waxaa moodaa in dhiigga shacabka uusan wax micno ah ugu fadhin ciidamada Booliska isla markaasna aan lagu soo tababarin in waxa ay Boolis u yihiin ay tahay ilaalinta nafta iyo Hantida Shacabka. 3) Cabsida Ciidamada Inta badan ciidamada la dhigo jidadka xiran ee Muqdisho ayaa ah kuwa mar kasta ka cabsanayo weeraro iyo dhibaato kaga timaado Kooxda Al-Shabaab, waana sababta ay ciidamada inta badan u dilaan dadweynaha maadaama ay inta badan yihiin kuwa cabsanayo qoryahana uu ammaanka u furan yahay. Ciidamada marka ay doonayaan inay dadka iyo Gawaarida ka celiyaan jidadka xiran waxay si xisaab la’aan ah qoryaha ugu taagaan Dadweynaha xilli uu furan yahay Ammaanka isla markaasna uu farta ku hayo Riishada. 4) Askarta Darwalada Bajaajyada disho oo aan la ciqaabin ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya ee geysta falalka dilka ah ee lagu dilo dhalinyarada bajaajka ayaa baxsado, mana jirto ilaa iyo haatan askari lasoo qabtay oo cadaaladda la horgeeyay. Taliyaasha iyo Hoggaanada Gobolka Banaadir ayaa mar kasta shacabka u sheego in la qabtay Askarta falalka dilka ah geysto balse Saxaafadda looma soo bandhigo sidoo kalana Tiirka lama geeyo. Taas ayaa sababta inay Askarta ku dhiiradaan beegsiga Shacabka isla markaasna uu dhigga dadweynaha ula mid noqday sida Galaas biyo ah oo la cabayo oo aysan jirin isla xisaabtan ka dambeeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bringing Down The Federal Parliament of Somalia The Federal Parliament of Somalia is the most important institution of the government for making laws, preparing motions and exercising check and balance power over the two other branches of government (executive and judiciary). The Federal Parliament of Somalia has completely lost its legislative power. There are nearly 70 ministers and assistant ministers in the parliament intended to block any parliamentary measures dealing with the violation and overreach of the executive and judiciary branches. The oversight and accountability committee was dissolved recently by the executive branch to protect the rampant corruption, money- laundering and other missteps of the executive branch. The cabinet members from the parliament are solely responsible for the total failure of the parliament by prohibiting or impeding its duty to serve for the country and for the people but to serve for the interest of the executive branch. The parliament is crippled and can no longer function as independent branch of government. The executive branch of the government has brought down the function of Federal Parliament of Somalia. The agreements that the executive branch incurs with foreign countries is not sent to the parliament for approval.The president, Mohamed Abdullahi Farmajo, and the prime minister, Hassan Ali Khaire, are behind all these constitutional violations in order to have absolute power grip on the country. The independence of the three branches of government (legislative, executive and Judiciary) doesn’t exist anymore in Somalia and check and balances have been completely eliminated and the abuse of power is on the rise in Somalia. Check and balances is the fundamental principle of the government as each branch has some measure of influence over the other branches or exercising some power for blocking other branches from breaking or violating the constitution principles. It is clear that the powers of the three branches of government of Somalia are now all under the control of the executive branch as a precursor of a new dictatorship in Somalia. Cabinet members should not have been chosen from the parliament to safeguard the check and balances of the government to avoid dictatorship. With the elimination of check and balances in the government of Somalia, the accountability is also eliminated and the parliament is unable to check the other two branches of the government (executive and judiciary) or make laws for the country. It doesn’t happen in the world to choose cabinet members from the parliament for the sake of avoiding to eliminate the legislative power of the parliament. Democracy, freedom of speech and freedom of press are becoming dead in Somalia. Opposition parties are hunted to give up exercising their constitutional rights. The media is also banned to attend parliamentary sessions to block reporting parliamentary debate to the public. It is also banned from reporting the casualties of terrorist explosions by Al-Shabab to cover up the exact number of human casualties to hide the government failure to protect the public. Civilians killed by soldiers do not get often justice. The international community shouldn’t support the developing dictatorship in Somalia that could lead the country to disastrous situation much worse than the current troubled times of daily tragedies by terrorist organizations and that which would be much more difficult for the international community to handle it for bringing about unforeseen bloody civil wars and uncontrollable displacement of people. The country desperately needs urgent political change to avoid more calamities in the future. Somalia is still recovering from the devastation inflicted by the brutal dictatorship of Siad Barre and cannot afford another dictatorship Ibrahim Hassan Gagale April 12, 2019 Qaran News
-
Hey’adaha garsoorka dalka ayaa maanta soo daayey Cabdi Salaam Xuseen Muuse oo saaka ay xaaskiisa u sheegtay warbaahinta Goobjoog inuu iska xirnaa muddo 84 maalin ah. Saynab Xasan Maxamed oo goor hore oo saaka ah la hadashay Goobjoog News ayaa tiri “Waxa ay aheyd taariikh 17 bishii koowaad 2019-ka ayuu ahaa markii uu arooskeena uu dhacay, wiilka la xiray waxaa lagu magacaabaa Cabdi salaam Xuseen Muuse, waxa aan soo dagnay xaafada siigaale oo dagmada Hodan ka tirsan, maalintii arooska maalintii ka danbeysay ayaa waxaa xaafada ka dhacay dil 19-kii bishana, waxaa xaafada noogu imaaday ciidan kadibna waxaa ka kaxeystay ciidamada nabad sugidda”. Saynab oo hadalkeeda sii wato ayaa sheegtay in saygeeda Cabdi salaan ay ka war heleen in lageeyay madaxtooyada xabsi ku yaala loona diiday inay booqato maalmihii hore lakiin 40 cisho ka dib xarigiisa loo ogolaaday inay aragto. ”Waxaa la ogaaday in madaxtooyo dhexdeeda la geeyay oo halkaas lagu xiray, ka dib reerihii iyo dadkiisa ayaa loo xil saaray inay xaalkiisa la socdaan , marwaliba aan waraysto waxa ayna ii sheegeen inuu saygaygu danbi laheyn lana soo-deen doono, bari iyo bari danbe sidaan u sugaayay waxa uu xiran yahay nikayga 84 maalin, markii hore way adkaatay inaan xabsiga tago, qof waliba waxa uu ii sheegay inay adag tahay in lagalo asagoo 40 maalin ku xiran ayeey ii suura gashan inaan u tago iyo maalin dhaweed oo qof kale I geeyay” Sidoo kale Saynab Xasan Maxamed ayaa carabka ku dhufatay in gurigii ay ku dareemayso dhibaato niyad jab ay ka qaaday xariga loo geestay seeygeeda ayagoo hal maalin kaliya aqalka joogay, lakiin waxa ay rajo ka muujisay inay markale dib u aragto saygeeda oo u xiran ciidama nabad sugidda Soomaaliya. “ Koleey qof asagoo aroos cusub ah seddex bilood ninkeedii ka maqan yahay waad dareemi kartaa xanuunka iyo dhibaatada ay leedahay, cidlada iyo meesha ay wax marayaan, lakiin tani waa qadar lagamana quusto waxaana rajaynaa in waqti dhaw ay hagaagi doonto” Dhanka kale Sahro Xasan Maax waa Hooyada dhashay marwo Saynab Xasan Maxamed ayaa sheegay in Zaynab ay ku noolaan waysay xaafadii loo guuriyay hadda ay la nooshahay aydoona usheegtay in gabadhu ayna aqoon badan u laheyn reerka. “Gabadhu marka ay reer guursaday in badan dhex gasho waa ay la noolaan kartaa wax badan lakiin habeen ayadoo soo hoyatay ayaa wiilkii ay cida ka baratay laga ka xeestay gabadhii dhibaato ayeey ku noqotay, hadda aniga ayeey ila nooshahay oo gurigii ma aado Ugu danbeen Zanab ayaa ka codsatay dowladda in wax qabadka hoos loo eego dadka sideeda oo kale dhiban wax loo qabto ayadoona sheegtay in dowladu ay masuul ka tahay dadka oo dhan lana su aalayo . “ Dowladdu wax waa ay qabataa lakiin waxa ay qabtaan wax ay arkaan oo kaliya oo waaweyn oo kaliya lakiin waxaa jira dhibaatooyin intaas ka badan oo dadka heysta, dowladu ay masuul ka tahay dadka oo dhan lana su aalayo Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 10 qof ayaa maanta ku geeriyooday Isku dhacyo iyo Banaanbaxyo maanta dhacay Magaalada Muqdisho. Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa saaka labo ruux ku toogtay isgoyska Howlwadaag, labaddaasi ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Wadde Mooto Bajaajle. Waxaa sidoo kale la sheegay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen Banaanbaxyadii looga soo horjeeday dilka loo geystay Waddaha Mooto Bajaajka, waxaana dadka careysan ay wadooyinka ku gubeen Taahiro. Saddex ruux oo kale ayaa ku dhimatay iska horimaad Ciidanka Booliska iyo Milatariga Soomaaliya ku dhexmaray Isgoyska Baar Ayaan ee degmada Warta Nabada, waxaana dadka dhintay ay ahaayeen Shacab. Magalada Muqdisho ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kusoo badanayay dilalka ay askarta dowladda u geysanayaan darawalada Mooto bajaajta, iyada oo aan weli maxkamad lasoo taagain askari dilay Mooto bajaajle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The Federal Parliament of Somalia is the most important institution of the government for making laws and for exercising check and balance power over the two other branches of government (executive and judiciary). The Federal Parliament of Somalia has completely lost its legislative power. There are nearly 70 ministers and assistant ministers in the parliament intended to block any parliamentary measures dealing with the violation and overreach of the executive and judiciary branches. The oversight and accountability committee was dissolved recently by the executive branch to protect the rampant corruption and other missteps of the executive branch. The cabinet members from the parliament are solely responsible for the total failure of the parliament by prohibiting or impeding its duty to serve for the country and for the people but to serve for the interest of the executive branch. The parliament is crippled and can no longer function as independent branch of government. The executive branch of the government has brought down the function of Federal Parliament of Somalia. The media is also banned to attend parliamentary sessions to block reporting parliamentary debate to the public. The agreements that the executive branch incurs with foreign countries is not sent to the parliament for approval.The president, Mohamed Abdullahi Farmajo, and the prime minister, Hassan Ali Khaire, are behind all these constitutional violations in order to have absolute grip on the power of the country. The independence of the three branches of government (legislative, executive and Judiciary) doesn’t exist anymore in Somalia and check and balances have been completely eliminated. Check and balances is the fundamental principle of the government as each branch has some measure of influence over the other branches or exercising some power for blocking other branches from breaking or violating the constitution principles. It is clear that the powers of the three branches of government of Somalia are now all under the control of the executive branch as a precursor of a new dictatorship in Somalia. Cabinet members should not have been chosen from the parliament to safeguard the check and balances of the government to avoid dictatorship. With the elimination of check and balances in the government of Somalia, the accountability is also eliminated and the parliament is unable to check the other two branches of the government (executive and judiciary) or make laws for the country. It doesn’t happen in the world to choose cabinet members from the parliament for the sake of avoiding to eliminate the legislative power of the parliament. Democracy is dead in Somalia. The international community shouldn’t support the ensuing or developing dictatorship in Somalia that could lead the country to disastrous situation much worse than the current troubled time of daily tragedy and abuse of power, and that which would be much more difficult for the international community to handle it for bringing about unforeseen bloody civil wars and uncontrollable displacement of people. The country desperately needs urgent political change to avoid more calamities in the future. Somalia is still recovering from the devastation inflicted by the brutal dictatorship of Siad Barre and cannot afford another dictatorship By: Ibrahim Hassan Gagale Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
-
Maalmahaan waxaan akhrinaayay qoraalladii laga diyaariyay waxyaabaha keenay fashilka dhismaha ciidan qaran oo iskudhafan. Ka soo bilow 2008 ilaa 2019, waxaa jiray iskuddayo xoog badan oo beesha caalamka ku doonaysay in lagu dhiso ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Waxaa laga leeyahay laba ujeeddo oo kala ah: In masuulliyadda amniga dalka ay kalawareegaan ciidanka AMISOM iyo in ay ka hortagaan Al-shabaab. Nasiibxumo, labadaas hadaf weli lama gaarin, iskaba dhaaf in la xoojiyo hay’adaha qaabilsan amniga iyo difaaca dalka. Maqaalkan waxaan diiradda ku saari doonaa caqabadaha hortaagan in la helo ciidan qaran oo iskudhafan. Waxaan ku doodayaa in caqabadda ugu weyn ay ka imaanayso dhanka siyaasadda. Waxaa jirta caqabad kale oo iyadana la isla wada arkay, waa waxa indheergaradka dersa arrimahan ku sheegay caqabad hawlgalinneed (operational challenge)-waa marka ciidan qaran ku sugan yahay laba xaallad oo kala ah: Mid dagaal iyo mid dibu-dhis (Fighting vs Re-building). CAQABADO SIYAASI AH In la dhiso ciidan qaran oo iskudhafan, kaas oo leh astaan qaran, lagu wada kalsoon yahay, awoodna u leh in uu dowr muhiim ah ka ciyaaro nabadaynta dalka waxaa diiday, si kale u dheh, suurtaggalin waayay siyaasadda qabiilaysan. Sanadkii 1991, markii ay burburtay dowladdii dhexe dalku wuxuu galay xaallad colaad, taas oo u dhexeysay qaar ka mida qabiilada Soomaalida. Waxaa ka dhashay in siyaasaddii qaranka la isku aamini waayay, kala shaki, cabsi iyo loollan siyaasi ah oo u dhexeeyay qabiilada iyo siyaasiyiinta. Siyaasaddaas fowdada iyo is-aamindarrada ku dhisan waa mid samaysankeedu dib ugu laabanaya xilligii dowlad la’aanta, laftirkeeda waxay qayb ka tahay waxyaabaha is-horistaagay dhismaha ciidan qaran. Sida uu qabo Dr. Paul D. Williams, wuxuu yiri waxyaabaha laga dhaxlay burburkii dowladnimada Somalia sida siyaaasadda qabiilaysan waxay caqabad ku noqdeen in dib loo dhiso ciidan wada meteli kara qaranka oo dhan. Waan xoojinayaa doodda Dr. Paul, maxaayeelay ka soo bilow dowladdii rayidka ee musuqa badnayd, siyaasadda Somalia xor kama noqon qabiilaysiga-yacni awoodda/xukunka dalka in loogu adeego ama lagu ilaaliyo maslaxad qabiil ama jufo (Identity Politics). Sidee ayay ku suurtaggalaysaa siyaasiyiin dhab ahaan metela reerahooda (qabiilada), kaba sii daran aan isku aamin qabin, ka dhexeeyo xiriir cadowtooyo (siege mentality), dibu-heshiisiin ka galin colaadahii la soo maray in ay wada dhisaan ciidan qaran oo iskudhafan oo laguwadajiro? Waa suuragal, laakiin waxaa lagamamaarmaan noqonaysa in marka hore lagu wada heshiiyo siyaasadda qaranka ka dib la isla wada raadiyo amni, nabadayn, ciidan qaran oo xoog leh iyo dowladnimo loo dhan yahay. DOWRKA BEESHA CAALAMKA Tobankii sano ee u dambeysay deeqbixiyaasha caalamiga waxay dalka ka wadeen taakulayn dhinacyo badan, haddaba maqaalkan wuxuu diiradda saarayaa keli dhanka dadaalladii kaga baxay dhismaha ciidanka qaranka Somalia. Sida ku cad maqaalka Dr. Paul D. Williams, toban sano ka dib lacag, dadaal iyo waqti badan oo beesha caalamka kaga baxday tayeenta ciidanka, qaybta keli ah ee maanta awood u leh in ay qaaddo hawlgal ka dhan ah Alshabaab waa DANAB. Nasiibxumo, ciidanka Danab waxaa gacanta ku haya shirkad ajnabi ah (Bancroft Global Development), kama mid aha ciidanka ay dowladdu maamusho. Mar haddii ciidankii Danab ka fiicnaadeen kuwii dowladda sow maangal ah in beesha caalamka gaar ahaan Maraykanku la yimaado aragti ah in ciidanka qaranka gaar aaan nabadsugidda iyo militariga lagu wareejiyo isla shirkadda maamusha ciidanka Danab? Dowrka beesha caalamka waa mid bannaanka iska yaalla, waxay qayb ka yihiin mushahar bixinta ciidanka, tababarkooda, hubka iwm. Yaa AMISOM dalka ku haaya? waa beesha caalamka. Qayb ka mida waajibaadka saaran AMISOM waxaa ka mida in dowladda Somalia ay ka caawiso dibu-dhiska ciidan qaran oo iskudhafan. Dhanka tababarada, ilaa sanadkii 2008, xafiiska tababarada midowga yurub wuxuu tababar siiyay in ka badan shan boqol oo ciidan Soomaaliyeed ah, waxaa ku baxday ku dhowaad sagaashan milyan oo doollar. (ka eeg: eutm-Somalia.eu). Ugaandha, Imaaraadka iyo Itoobiya waxay ka mid yihiin dalalka Somalia u tababaray ciidan. Ingiriisku, wuxuu ciyaaray dowr muuqda, sanadkii 2015 ilaa 2017 wuxuu Somalia u soo diray toddobaatan askari si uu uga qaybnoqdo xoojinta ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Turkigu, isagana wuxuu Somalia ka dhex furtay saldhig tababar ciidan, waxaa uga baxday ku dhowaad konton milyan oo doollar. Beesha caalamka waxay kaloo dowr ka qaadatay tirokoobka ciidanka, iyaga oo la yimid aragtida ah in la diiwaangelsho ciidanka qaranka. Tirokoobku ma aha mid bilowday 2019, wuxuu dib ugu laabanayaa sanadkii 2009. Sidaas oo ay tahay, weli lama dhammayn, waxaa u sabab ah laba faktar: 1. Is-aamindarrada u dhexeysa Maamul Gobolleedyada darafyada fadhiya iyo Dowladda federaalka ee dhexda taagan. 2. Maqnaashaha ka go’naasho siyaasadeed (political will). Iskusoowadduub, dowrka beesha caalamka waa mid mug weyn leh, laakiin marka ay timaaddo taakulaynta ciidanka qaranka waxaa inoo muuqday in aysan jirin hal waddo oo ay ku mideysan yihiin, una maraan. Dal walba habkiisa u goonida ah ayuu isticmaalaa, waxaa maqan iskudduwidda taakulaynta deeqbixiyaasha. DOWRKA DOWLADDA FEDERAALKA Xilligii dowladda Abdiqaasin, haba iska tabaryaraate dalka waxaa ka suuraggalay nidaam dowladeed. Dowladdii xilligaas jirtay waxay qoratay ciidamo u badan maleeshiyaad, wixii intaas ka dambeeyayna waxaa ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku socotay eedeyn. Waxaa lagu tuhmay in ay yihiin ciidan beelleedyo, sidaas darteed beesha caalamka waxay dalbatay in ciidanka qaranka lagu sameeyo qiimayn, taas oo fududeenaysa in is-beddel lagu samayn karo ciidanka qaranka iyo iskudheellitirkiisa. Halkan waxaa ka billaabanaya qiimaynta dowrka dowlad walba ay ku lahayd soo qiimayntii iyo tirokoobka ciidanka qaranka Somalia iyo wadashaqaynteeda beesha caalamka; ka soo bilow Shariif ilaa Farmaajo. Dowladdii Sh. Shariif, iyadaa bilowday baaska hore; Xassan Sheikh na wuxuu ku dadaalay in uu dhammaystiro balse ma dhicin oo wuxuu u sii dhigay Farmaajo. Isagaana hadda haysta baaska, waxaa u dhiman laba sano. Talow ma dhalin doonaa? Yacni suurtaggalnimada in dowladdiisu noqoto 27 sano ka dib tii ugu horreysay ee ku guulaysatay dhismaha ciidanka qaranka iskudhafka ee Somalia, iskana illow doorasho hal iyo cod ah. Sanadkii 2009, dowladdii Shariif ka waxay samaysay qiimayntii ugu horreysay oo lagu sameeyay ciidanka qaranka. Waxaa soo baxday in aan suuraggalayn in wax laga beddelo laanta amaanka (security sector reform), iyada oo aan la fadhiisin siyaasadda dalka. Haddii aan sidaas la yeellina, dadaalladii laga sameeyay is-beddelka ciidanka qaranka iyo laanta amniga wuxuu noqon doonaa hal bacaad lagu lisay. Bishii May 2011, haddana dowladdii Shariif waxay samaysay qiimayn labaad. Waxaa markaan soo ifbaxay musuq, eex iyo diiwaan la’aanta ciidanka. Waxaa loo baahday in la diiwaangeliyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed, isla markaana la tirokoobo. Ballanku wuxuu ahaa in tirokoobka la dhammeeyo isla sanadka bisha August. Balse ilaa iyo hadda lama dhammayn, weli waa qabyo. Dowladdii Hassan Sheikh waxaa soo maray fursad diblomaasi ah, markii ay aqoonsi heer caalami ah ka heshay Maraykanka iyo qaar ka mida dalalka Yurub. Haddaba, su’aasha isweyddiinta mudan waa miyuu kaga faa’ideystay dhanka amniga iyo dhismaha ciidanka qaranka? Haaf haa, haafna maya. Dowladdiisa waxay dejisay qorshaha amniga qaranka iyo istaraatiijiyadda qaran ee lagu la dagaalamaya fekerka argagaxisonnimada. Wuxuu kaloo la yimid qorshahii guulwade (Victory plan), balse waxaa loo waayay taageero beesha caalamka ah. Ku dar qorshahii loo diyaariyay ciidanka booliska ee la magacbaxay Heegan (Readiness plan). Dowladdii Hassan Sh, iyadana waxay ku fashilan tay dhammaystirka dhismaha ciidanka qaranka iskudhafka ah, diiwaangelin iyo tirokoob. Bishii February 2017, waxaa dhalatay dowlad halhays u ah Nabad iyo Nolol. Qorshaha waa iskummid, waa in iyadana halkeeda ka sii waddo dhammaystirka hawlahii qabyada. Beesha caalamka waxay ka qabtay rejo weyn, oo ku aadddan in uu dhab noqonayo qorshahii ahaa in AMISOM dalka kaga baxdo (transitional plan), amniga na ku wareejiso ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Ma dhaboobin!, waxaan u sababeeyay labadii arrimood ee aan kor ku soo xusay. Bishii May 2017, waxaa London ka dhacay shir muhiim ah, waxaa ka soo baxay heshiis dhanka amniga ah. Waxaa kaloo laga wadahadlay dhismaha ciidanka qaranka gaar ahaan tirada laga rabo, inta ay ka koobnaan karaan iyo waxa loo qoondayn karo. Waxyaabaha laga hadlay kuma jirin ciidanka badda, sirdoonka iyo garsoorka, taas laftirkeeda ayaa iil noqonaysa. Dowladda Farmaajo waxay ku dadaalaysaa diiwaangelinta ciidanka iyo dhammaystirka tirokoobka, haddii ay ku guulaysato waa iskoor weyn. Laakiin waxaa ka horreeya in uu jiro is-faham iyo wadashaqayn dhexmara Maamul Gobolleedyada iyo Dowladda FS. Haddii aysan dhicin waa fashil kale! GUNAANAD Waxaa jira caqabado badan oo hortaagan dhismaha ciidan qaran oo iskudhafan. Sida Dr. Paul D Williams uu xusay, waxaa jira saddex caqabadood; mid waa siyaasad, midna waa hawlgallinta ciidanka, kan ugu dambeeyana waa wixii la soo maray. Waxaan sii xoojiyay caqabadda siyaasiga ah. Waxaan ku dooday, in iyadu biyodhac u tahay caqabad kasta oo ku hareereysan dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Waxaan dabadhigay, is-aamindarrada, kalashakiga u dhexeeya siyaasiyiinta, beelaha kursiga ku loollama iyo in ay jirtay iskudduwid la’aanta taakulaynta deeqbixiyaasha. Beesha caalamka laftirkeeda waxay wax ku waddaa ha yaacdo, laakiin dowladda ayaa laga rabaa in ay la timaaddo hal waddo ay wada raaci karaan dhammaan deeqbixiyaasha. Sidaas ayaa u fiican intii ay keli keli ula macaamili lahayd. Musuqmaasuqa sharcikudheelnimada ah, ee ka dhex jira hay’adaha dowladdda gaar ahaan ciidanka, fulinta iyo garsoorka waxay qayb ka yihiin caqabadda siyaasiga ee hortaagan in la dhiso ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Xassan Mudane, Falanqeeya Arrimaha Afrika. TIXRAAC Williams, P. D. (February 27, 2019). Building the Somali National Army: Anatomy of a failure, 2008–2018. Journal of Strategic Studies, 1-26. Sagal Abshir, Micharl Keating (April 10 2018). The Politics of Insecurity in Somalia. Center on International Cooperation. NY University. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedka iyo Odayaal reer Hargeysa ah oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay leeyihiin dhulka laga dhisaayo madaxtooyadda cusub ee Galbeedka Hargeysa oo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka qaaday. Waxa ay soo bandhiggeen Qoraallo ay ku sheeganayaan lahaanshaha dhulkaasi iyo go’aano ay hore Maxkamaddaha dalku uga soo saareen, waxa ayna farriimo iyo hanjabaado culus u direen Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland, ayaa shaacisay in laba cisha kadib ay bilaabayso, ol’ole lagu ganaaxayo gaadiidleyda aan weli bixin canshuurta saddex-biloodka ah ee dowladda. Wasiirk ku xigeenka Maaliyadda Puntland, Cumar Xassan Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso, ayaa ku wargeliyay gaadiidleyda in ay si deg deg ah u bixiyaan canshuurta lagu leeyahay, haddii kalena ay mudan doonaan ganaax lacageed oo uusan cayimin. Sidoo kale, wasiirka ayaa caddeeyay in madaxda ugu sarraysa Puntland aysan canshuur bixin, isagoo xusay in ay ku dhuumanayan xasaanaddda xilka ay hayaan, balse wuxuu ku hanjabay in aan loo dulqaadan doonin mas’uul xasaanadiisa kaga dhuunta canshuurta ku waajibtay. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta sare ee Puntland oo la sheegay in aysan canshuurta bixin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Deeq Fooley Cabdullahi Baaslaawe oo ahaa Bajaajle ay maanta ciidamada dowladda ku dileen Howl-wadaag waxaa uu ahaa cayaar-yahan. Sida uu sheegay guddoomiyaha kooxda Geeska Afrika Abuukar Maxamed Cabdulle Safana, Deeq oo ahaa 24 jir, aabihiis ayaa sanadkan u iibiyey Bajaaj isaga oo ku dhahay deyn ayey kugu tahay! Safanaa ayaa intaasi raaciyey in Deeq uu fasax ka qaatey kooxda kasi uu isaga mago deynta Bajaajta, laakin waxaa dilay ciidamada dowladda. Deeq oo 24 jir ahaa waxaa dhalay Fooley Cabdullahi Baaslaawe oo ah reer caan ku ah sameynta xalwada, aabaha oo dhaxal helay ayaa wiilkiisa u iibiyey Bajaajta, kuna dhahay shaqeyso oo lacagta iska soo celi. Dhinaca kale, dibad-bax ay mootaaleyda sameeyeen kadib dilka waxaa ugu yaraan ku dhintay 5 qof halka ugu yaraan 10 kale ku dhaawacmeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka tacsiyeeyey labo muwaadin oo Ciidanka Booliska ay ku dileen Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada uu laf-dhabar u yahay nolosha bulshada Caasimadda, gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka dan’yarta ah ee ka soo saarta nolol maalmeedkooda, sidaas daraadeedna aan loo qiil dayeyn wax walba oo dhibaataynaya, waxuna dhinacooda ka codsaday in la ilaaliyo shuruucda, lalana shaqeeyaa ciidamadda amniga. Guddoomiyaha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/G Bashiir Cabdi Maxamed ayaa kula hadlayay Isgoyska Bakaaraha dhalinyaro bannaanbaxayay, ayaa sheegay in ay jawaab deg-deg ah ka sugayan Taliska Booliska, loogana baahan yahay in gacan adag ay ku qabtaan cid kasta oo muwaadiniinta dhibaateynaysa. Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay banaanbaxayaasha in xaaladda ay dajiyaan, isla markaana Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu qaaday tallaabo looga jawaabayo falkaas, iyadoo xabsiga la dhigay taliyihii xukumayay Ciidanka dilka geystay. “Waxaan idinka rabnaa in aad la shaqeysaan ciidamada amniga, haddaan amni la helin Bajaaj ma socon karto, ka maamul ahaana waxaa diyaar u nahay cid walba oo dhibaato idiin geysata inaan la xisaabtano oo ilaalino xuquuqdiina.” Sidoo kale, Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa booqday qoysaska ay ka baxeen labada Marxuum ee dilka loo geystay, waxayna balanqaadeen in askarigii dilka ka danbeeyey caddaaladda la horgeyn doono. View the full article
-
China has donated tons of rice to African countries including Somalia to help avert food security. The consignment was shipped from Shanghai on Friday afternoon and is expected to reach Somalia in coming weeks. The move came as part of China’s food assistance this year to the United Nations World Food Programme to help address food security challenges in those countries. Somalia, DRC, South Sudan, Lesotho are facing a range of issues that can impact food security, including armed conflict, climate-related disasters, and sluggish economies, according to WFP. China’s donation will mainly support displaced people and refugees, many of whom are women and children. Said Jama Mire, charge d’affaires of the Somalia embassy in China, expressed his gratitude. “We are very grateful for China’s support for this food donation to Somalia and other African brothers,” he said. “I would like to thank the World Food Programme for its great support of the Somali people.” He said that approximately 3.5 million people need emergency food assistance in Somalia. China and the WFP signed an agreement at the end of last year to help the five African countries address their food security challenges. “China’s support enables us to expand our work and to reach more people in urgent need of food,” Qu Sixi, representative of the WFP China Office, said during the food departure ceremony the office organised at a port in Shanghai. “We hope to strengthen our partnership with China further and make joint efforts toward achieving zero hunger,” Qu added. China’s contributions have enabled the WFP to purchase more than 8,700 tons of rice in China and other food globally that will benefit approximately 300,000 vulnerable people in the five African countries. A report presented on April 2 by the European Union, the UN’s Food and Agriculture Organization and the WFP said that around 113 million people in 53 countries experienced acute hunger in 2018. View the full article
-
Deeq Fooley Cabdullahi Baaslaawe oo ahaa Bajaajle ay maanta ciidamada dowladda ku dileen Howl-wadaag waxaa uu ahaa cayaar-yahan. Sida uu Goobjoog News u sheegay guddoomiyaha kooxda Geeska Afrika Abuukar Maxamed Cabdulle Safana, Deeq oo ahaa 24 jir, aabihiis ayaa sanadkan u iibiyey Bajaaj isaga oo ku dhahay deyn ayey kugu tahay! Safanaa ayaa intaasi raaciyey in Deeq uu fasax ka qaatey kooxda kasi uu isaga mago deynta Bajaajta, laakin waxaa dilay ciidamada dowladda. Deeq oo 24 jir ahaa waxaa dhalay Fooley Cabdullahi Baaslaawe oo ah reer caan ku ah sameynta xalwada, aabaha oo dhaxal helay ayaa wiilkiisa u iibiyey Bajaajta, kuna dhahay shaqeyso oo lacagta iska soo celi. Dhinaca kale, dibad-bax ay mootaaleyda sameeyeen kadib dilka waxaa ugu yaraan ku dhintay 5 qof halka ugu yaraan 10 kale ku dhaawacmeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors