Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,230
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online ka helayso Degmada Salaxley, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka geysteen degmadaas oo magaalada Hargeysa u jirta qiyaastii 50-Km. Diyaaradahan dagaal ayaa shalay bambooyin iyo waxyaabo kale oo qarxa ku tuurey deegaano katirsan degmada Salaxlay, iyaga oo si gaara ula beegsaday banka qool-caday, halkaas oo ay ku sugnaayen dad reer guura ah. Guddoomiyaha Degmada Salaxlay Ismaaciil Shiine ayaa sheegay in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayaa ay waxyaabo qarxa ku tuureen reer guuraa iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmadaasi. “Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yiri Guddoomiye Shiine. Gudoomiye Shiine ayaa sidoo kale sheegay inay goobtaasi ay isla markiiba tageen, ayna soo arkeen hadhaaga hubkii ay diyaaraduhu tuureen iyo gubashada dhulkii ay ku habsadeen bambooyinku. Dhinaca kale, Xoolo dhaqato Geel ka waraabinayay ceelka Riigga ah ee banka qool-caday ayaa sheegay inay maqleen jug culus iyo uuro ka kacday goobta ay diyaaradahu beegsadeen, maadaama ceelka ay ka waraabinayeen xoolaha aanu ka fogayn meesha diyaaraduhu hubka ku tuureen. Ilaa iyo hadda lama oga dalka laga leeyahay diyaaradahaasi Militeri ee duqaynta gaystay, balse Gudoomiyaha degmada Salaxlay ayaa sheegay in marar hore diyaarado militeri ay joog hoose ku dulmareen degmada, balse ay tahay markii u horaysay ee hub tuuraan, arrintaasi oo oo cabsi ku abuurtay dadweynaha deegaankaasi. Laamaha ammaanka ee Somaliland iyo Maamulka Gobolka Maroodijeex ayaa lagu wargaliyay arrinta, ilaa iyo haddana wax war ahna weli kamey soo saarin. Sikastaba, dhawaan unbey aheyd markii degmada Gabilay, ay sidan oo kale diyaarado dagaal ay hub ku tuureen dhul daaq-simeed ay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah, iyada oo xukuumadda Somaliland ka hadal inta badan arrimaha diyaaradahaasi duqeymaha geysta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Milatariga Suudaan ayaa shaaciyay in xilkii laga qaaday isla markaana meel amaan ah lagu xiray madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan AlBashiir. Militariga ayaa sheegay inuu AL-Bashiir dalkiisa ku wajihi doono Maxkamad isla markaasna aysan dhici doonin in loo dhoofiyo meel ka baxsan Suudaan. Madaxweynihii hore ee Al-Bashiir ayaa si weyn usoo garab istaagay dadka Soomaaliyeed Xilligii ay dhacday Dowladdii Maxamed Siyaad Barre markaas oo uu u fidiyey Waxbarasho lacag la’aan ah iyo inuu u tababaro Booliska. Haddaba waxaa warbixintaan kusoo qaadan doonaa Soomaalida wax kusoo baratay Dalka Suudaan ee hadda saameynta ku leh Siyaasadda Soomaaliya. 1) Maxamed Cumar Dalxa Waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya muddana kasoo tirsanaa, sidoo kalana wuxuu ahaan jiray Fanaan Soomaaliya caan ka ah. Wuxuu kamid ahaa Ardaydii wax kusoo bartay dalka Suudaan mudana halkaas ku noolaa. 2) Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa Odawaa oo horey usoo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha xilligii Xasan Shiikh Maxamuud isla markaasna hadda ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kamid ahaa dadkii wax kusoo bartay dalka Suudaan. 1992 ayuu waxbarashadiisa kusoo qaatay dalka Suudaan ka hor inta uusan kusoo laaban dalka Soomaaliya oo uusan kamid noqon siyaasiyiinta saameynta leh. 3) Axmed Macallin Fiqi Waa xubin ka tirsan Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya, waana shakhsi saameyn xoog leh ku leh Siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna horey usoo noqday taliyaha ciidamada nabad sugidda. Fiqi ayaa dalka Suudaan waxbarashadiisa kusoo qaatay intii uu dhaxeysay 1992 illaa 1998. 4) Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Kadib markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kamid ahaa dadkii nasiibka u leh inay wax ku bartaan Dalka Suudaan. Cabdiraxmaan oo hadda ah Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayey isku lood ahaayeen Shiikh Shariif Shiikh Axmed Sanadkii 1993. Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayuu ka noqday Dowladdii uu hormuudka uhaa Saaxiibkiis Sheekh Shariif. 5) Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheekh Axmed oo horeyna usoo noqday hoggaamiyihii Maxkamadda Islaamiga ayaa kamid ah Dadka saameynta leh ee wax kusoo bartay Jaamacadaha ku yaal Dalka Suudaan sanadkii 1993. Sheekh Shariif ayaa markii dambe kasoo tagay dalka Suudaan, wuxuuna Waxbarashiisa kusoo dhameystay dalka Liibiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa markale ka hadashay mawqifkeeda ku aadan Wada-hadalada ay la galeyso Soomaaliya, iyada oo ka dhawaajisey inay diyaar u tahay inay Soomaaliya kala hadasho wixii ay isku maan-dhaafsanyihiin. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin X. Maxamuud Xiir [Faratoon], oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay waxa uga meel yaal Wada-hadalada Somaliya, waxa uuna yiri “Somaliya diyaar ayaanu u nahay inaanu wada hadalno wixii aanu isku maan-dhaafsan nahayna meel isla dhigno, oo aanu waliba qancino, sida uu marar badan uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, mawqifka ay doonaanba ha istaagan laakiin inagu waxaynu nahay kuwa diyaarka u ah inaynu qancino, sida ugu haboona u qancino, maxaa yeelay qaranimada Somaliland waa mid aan marnaba laga laabaynin” Wasiirka ayaa sidoo kale ka waramay dadaalada ay ugu jiraan sidey ictiraaf ku heli laheyd Somaliland “Horumar baa socda, maalin walbana wax baa inoo soo kordhaya, inaguna weynu dadaalaynaa, wixii dadaal ah ee inala gudboona weynu sameeynaynaa, weyna ka midho dhalin doonaa ictiraafkeena, wakhtiga ay doontaba ha noqoto waa hubaal inaynu helayno ictiraaf, horumarka aynu ku talaabsanay,iyo heerka aynu ka gaadhnay, iyo waliba madax banaanideena cid walba inaynu ku qancino ayaanu rabnaa, xidhiidh aad u fiicana weynu la leenahay Caalamka iyo Wadamada aynu jaarka nahayba” ayuu yiri Wasiir Faratoon Wuxuu intas kusii daray Wasiirku “Mar kasta waxaanu leenahay qaranimada Somaliland waa mid muqadas ah, Shacabka reer Somaliland aragtida Siyaasada wey ku kala duwanaan karaan, oo waxaynu Xisbiyada aynu u sameeysaynay waa in dadkii isku aragti ahiba inay isku Xisbi noqdaan, laakiin waa inaynu mar walba mid ka midaysnaa, midaas oo ah wadaniyada iyo Somaliland-nimada, waana in guud ahaan Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, Xisbiga ay doonaanba ha ku jiraan, dalkay doonaanba ha joogaan, waa in mawqifkooda iyo aragtidooda Somaliland mid ka noqdaan, oo jiritaanka iyo ilaalinta wadankooda, mar walba waa inay mid ha ka ahaadan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  4. Hargeysa (Caasimada Online) ― Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi [Sheekh Aadan Siiro], ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Ahmiyadda Islaamku siiyey Wada-tashiga. Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yiri “Waxaan ka hadlayaa Wada-tashiga, Islaamku wuxuu ku celceliyey Wada-tashiga iyo Qiimaha uu leeyahay, Ummadaha horumarkooda waxa laga eegaa qaabka ay u wada tashadaan, haddii Wada-tashigu yaraado waxa yaraada Haleelka ay haleelayaan mar walba talada ay doonayaan, hadduu Wada-tashigu batana waxa bata in go’aannada ay qaadanayaan iyo Talooyinka ay ummadda u soo jeedinayaan inta badan ay xaqa u dhawaato. Tiirarka ugu waaweyn ee Islaamku ku dhisan yahayna waxa ka mid ah Wada-tashiga.” Sh. Aadan Siiro wuxuu tilmaamay sidii Rasuulkeena Muxamed CSW ula tashan jiray Asxaabtiisa “Taariikhda laguma hayo, Kitaabka laguma hayo, Sunnaha Rasuulka laguma hayo, Arrin aan ahayn waxyi ku soo degay Nebiga CSW oo aanu Muslimiinta kala tashan, go’aan uu qaatay oo aanu kala tashan Dadka ay khusayso Taariikhda laguma hayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Xukuumadda Somaliland “Xukuumadda waxaynu kula talinaynaa, Waar go’aannada aad qaadanaysaan Taladeeda badsada, waxa Dadkiina khuseeya taladooda badsada”. Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Xadiis uu Rasuulka ka weriyey Imaamu bukhaari oo ay tahay in Madaxweynuhu aad u dhegaysto ayaa odhanaya ‘Ilaahay Nebi ma soo-saaro, Qofna Ilaahay SW ma khilaafo (Madax kama dhigo), wuxuu u sameeyaa laba Saaxiib hoosaad, Saaxiib hoosaad wuxuu aad ugula talinayaa wixii wanaagsan, Saaxiib hoosaadna wuxuu kula talinayaa wixii xun”. waxaanu intaa sii raaciyey “Qofkii Ilaahay wanaag la doono wuxuu u sameeyaa Wasiir wanaagsan ‘hadduu Iloobo wuu xasuusinayaa, hadduu xasuustana wuu ku kaalmaynayaa’ ayuu yidhi Rasuulka CSW”. Sh. Aadan ayaa waxa uu talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa “Waddanka waxbaa guur-guuraya, Xukuumadda waxaanu u sheegaynaa Arrimaha Dadkaaga khuseeya aad uga fiirso, kuwa ag-joogana waxaanu leenahay waar Madaxweynaha Talada wanaagsan kula taliya, wixii Dadkaaga, Dalkaaga, Hantidooda khuseeya, Waayo? Qofka Masuuliyadda qaadaa isagaa ka masuul ah Qofka Muslimka ah, Hantidiisa iyo Cirdigiisa, markaa maaddaama oo ay Masuuliyaddaada tahay arrin kasta oo yimaadda waa in xikmad iyo Caqli lagu eego si go’aammada aad qaadaneyso khalkhal ugu keenin, waa inaad taladiisa badsato”. Ugu dambayntiina, Sh. Aadan Siiro ayaa wuxuu sheegay oo kale “Meel ay ku taallaa ma jirto, Qof Muslim ah in go’aan la siiyo oo aan la dhegaysan oo aan gartiisu waxay tahay lagu eegin Dadkaasi wixii ay dhigteen. Xukuumadda waxaanu leenahay Waar Dadka isku haya oo Dhegaysta, Dadka idinkaa ka Masuul ahe”… Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay banaan bixii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo ka dhashay dilkii loo geydtay wiilkii bajaajlaha ahaa iyo qof la socday. Hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Warta-Nabada ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay dhimashada labada dhalinyarada ah, isagoo tilmaamay in askarta looga baahan yahay inay shacabka naftooda difaacaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale dhaliilay fal celintii ka dhalatay dhalinyarada la laayay ee ahaa banaan baxyadii ka dhashay, isagoo xusay in aan la aqbaleyn banaan bax aan sharciyeysneyn. “Wax kastoo dhaca dowlad baad leedihiin, dowlad baad doorateen, annagu ma xoog baan ku nimid, anaga rabitaankiina ku nimid, qofkii wax tabanaaya ma aha inuu cadaalada iyo sharciga gacantiisa ku qaato, ma aha inuu bur buriyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, ma aha inuu gacan siiyo Cadawga aan la dagaaleeno ee Argagixisada ah, banaan bax aan sharciyeysneyn ma yeeleyno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaan soo hadal qaadin dadka kale ee Shacabka ahaa ee iyana la dilay intii ay banaan baxyada socdeen, waxaana jira warar sheegaya in dadka ay Ciidanka booliska dileen ay gaareyso 4 qof oo uu ku jiray Wiil dhalinyaro ah oo u gargaari jiray dadka barakacayaasha ah. Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa banaanka soo dhigay qodobada soo socdo: Inuu yahay Madaxweyne aan dulqaad laheyn: Hadalka Madaxweyne Farmaajo waxaa ka muuqatay dulqaad la’aan iyo Xanaaq farabadan, mana ahan tilmaamaha lagu yaqaano Madaxweynayaasha guuleystay. Inuu yahay Madaxweyne aan aqbali karin dhaleeceynta. Marka aad dhageysato Khudbadda Madaxweyne Farmaajo waxaad dareemeysaa inuu yahay Madaxweyne aan aqbali karin dhaleeceynta. Ciidamadii Dowladda ayaa dad shacab ah laayey weliba wuxuu banaanbaxa bilowday kadib dilka loo geystay Darawal Bajaajle iyo qofkii uu waday, waxaana taas kadib dhacday inay dadka soo banaanbaxaan waxaa loogu sii jawaabay dilal kale oo gaarayo illaa 4. Halkii uu Farmaajo canaanan lahaa Ciidamada Booliska ee dilka geystay isla markaasna ku dhaqmay anshax xumo aan loogu talagalin Booliska, wuxuu ku hadlay hadal aan laga sugeyn waxaana muuqatay inuu ka careysan yahay dhaleeceynta xoogga leh ee ka socotay Baraha Bulshada iyo hadaladii ay jeediyeen dadkii banaanbaxayey ee Farmaajo ugu baaqay inuu is casilo. Calaamado kalitigii talisnimo ah Hadalka uu Maanta ku hadlay Madaxweyne Farmaajo ayaa lamid ah midkii uu maalmo ka hor ku hadlay Madaxweynihii kaligii taliska ahaa ee dalka Suudaan Al-Bashiir kaasoo ugu dambeyn la geliyey xabsi guri. Al-Bashiir oo ay 3 bil shacabkiisa ku banaanbaxayeen si uu xilka uga dago ayaa sii adkeeyey taligii talisnimadiisa, wuxuuna wadanka kusoo rogay hal sano oo xaalad degdeg ah. Inuu Madaxweyne Farmaajo usii hanjabo shacabkii ka banaanbaxayey dilka lagu hayo waxay ka dhigan tahay mid lamid ah tallaabadii uu qaaday Taligii Taliskii Suudaan ee xilka loogga looga tuuray. Inuusan damaqasho lahayn Khudbadda Farmaajo waxay banaanka soo dhigtay inuusan laheyn damqasho, maadaama uu xataa ka hadli waayey dadkii Maanta la laayey iska dhaaf inuu u tacsiyeeyo. Waxaa muuqato inay Farmaajo kala muhiimsan tahay Dhiigga Shacabka inuu is difaaco isla markaasna uu ka cararo dhaleeceyn iyo inuu qaato Mas’uuliyaddii loo igmaday. Waxaa qoray: Maxamed Yuusuf Cabdulle Amsterdam Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Xildh Mahad Salaad oo kamid ah Baarlamaanka Soomalaiya oo maanta ka hadlay kulankii baarlamaanka ee looga hadlaayay amniga magaalada Muqdisho ayaa waydiiyay Guddoomiyaha baarlamaanka iyo [...] Source
  7. Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyadda dowladda Puntland mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa yiri “labo cisho kadib Gaadiidkii bilaa Cashuur ah Ganaax bay mudan doonaan” Daawo. [...] Source
  8. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta yeeshay kulan xasaasi ahaa oo looga hadlayey Arrimaha Ammaanka kaasoo ay khudbado ka jeediyeen 30 Xildhibaan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso 15 Su’aal oo ay ka jawaabeen XIldhibaanada Baarlamaanka ee Khudbadaha jeediyey. MAXAY YIHIIN BAJAAJLEYDU? Xildhibaan C/raxmaan Ibbi ”Bajaajleyda aan u doodeyno waa Bambo tuur, waxaa caddeyn u ah in la haayo saddax Bajaajlayaal ah oo lasoo qabtay iyagoo Bam ku tuuraya baro kontrool oo ay ciidanka amniga fadhiyaan”. YAA DAYACAY AMMAANKA? Xildhibaan Saynab Caamir “Anaga ayaa gabnay shaqadii amniga, haddaa nahay guddigii amniga, sirtii ciidankeenna faro kuma heyno, adduunka ciidankooda sir ayey leeyihiin, booliska madax badan ay leeyihiin, meel badanaa laga kala xukumaa, ma jirto wada shaqeyn ciidanka booliska iyo NISA, wax nabad sugid la yiraahdana ma jirto maanta, askari walba meeshuu joogo asagaa ka taliya, ” GOORMA AYAY TAHAY IN JIDKA LA XIRO?. Xildhibaan Joodax “Jidadka waa in la furaa, xilliga madaxda baxayso maahane inta kale, waa in la eegaa Islaamaha umulaya, meydadka iyo dadka taagta daran, Madaxweyne iyo ra’iisul wasaare baan kuu ahay, dantaada ka fakirimaayo, teydaana ka fakiraa miyaa dowladnimo lagu yahay, dhanka kale Boqol dollar cidi kuma noolankarto waa in askarta mushaar ku habboon la siiyaa si ay shaqadooda ugu gutaan si wanaagsan”. MAXAA ISKA BADALAY AMNIGA HADDII JIDADKII LAXIRAY:- Daahir Amiin Jeesow “waddooyinkii waa lawada xiray walina ammaankii sidii ayuu u xun yahay, nasiib darro ka weyn ma jirto in ciidamadeenii loogu talagalay iney shacabka badbaadiyaan ay maalin kasta dilaan wiilasheenna Bajaajyada wada” QAABKUU U SAMEYSANYAHAY CIIDANKEENNA?. Xildhibaan Axmed Xaaji Taaw “Ciidankeennu waxuu u sameysanyahay qaab qabiil, waxaa lagu guuleysan la’yahay isku dhafkoodii, waxaana hor taagan kuwo dano qaas ah ku wato, nolosha waxaa saldhig u ah amniga, ciidankeenna waxuu u baahanyahay dhinacyo badan in laga kaabo, sida xagga, qalabka, saanadda, iyo tababarada, taanna waxey ku imaan kartaa tiro koob rasmi ah oo uu yeesho ciidankeenna” YAA AMNI KA SUGEYNAA?. Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud Boorow “Amniga waxaa laga sugaa ciidan qaran oo waxuu u baahanyahay u dhammeystiranyahay oona la ogyahay tiradooda inta ay tahay iyo hoggaankooda, dhibka ugu culus ee amniga naga heysta waa ciidankeenna oo dayacan, ” YAAN KAGA DAYANNAY DHAGAXDA JIDKA NOOGU XIRAN?. Xildhibaan Khadiijo Diiriye “Xamar kaliya kuma koobnaa dhibaatada, caasimadaha adduunka ayay dhagxaanta ku xiran yihiin, Mucaarad iyo muxaafadna howlo ka weyn ayaa inoo yaala”. MEEQO AYEY U QEYBSANTAY MUQDISHO, HALKEESA KU FOOSHAAN DUMARKU?. Xildhibaan Fowsiya “Muqdisho maanta waxay u qeybsantahay 4 qeyb oo meelba meesha kale ka xirantahay Qaraxyadiina way socdaan, anigu waxaan goobjoog u ahaa gabar geed hoostiis ku dhalaysa oo Maro la saaro loo raadinayo, hadda hadaan gaari qaadato ma heleysid meel aad marto, jidka waa wada xiranyahay”. WASIIR GOODAX BARRE RAALLI GELIN MA BIXIYAY?. Mahad Salaad “Waa in si sax ah la nooga dhageystaa cabashada dadka aan matalno, maahan in ay Shabaab nagu tilmaamaan qaar ka mid ah golaha wasiirrada marka aan su’aalo weydiineyno wasiir iyaga ka mid ah, shaqadeenna ayey ku ciyaareysaa in wasiir uu difaaco wasiir kale inta makarafoonka la boodo, hore waxaa u dhacday in wasiir xildhibaan ah uu xildhibaan kale ku dhahay “ma fahmin warkaaga’, mudane guddoomiye waxaa ku amartay in uu raalli gelin ka baxsho, wuuna ka bixiyay, maxeysan ku dhicin in aad raalli gelin bixi dhahdo wasiir xildhibaan ku tilmaamay in uu Shabaab yahay?. MATAHAY WAX KA ISKA INDHA TIRI KARO AMNI DARRADA JIRTA?. Xildhibaan Cabdifitaax Geeseey “Wax la dafiri karo mahan in amniga uu faraha ka baxay, shalay waxaa is dagaalay ciidan boolis ah iyo kuwo military ah caasimadda dhexdeeda, waxaan kaloo ogeyn in ciidan gadoodsan mushaar la’aan darteed ugasoo baxay furumaha loo diray wasiir warfaafin iyo wasiir amni isagoo uu joogo wasiirkii gaashaandhigga, maxaa ka galay wasiir amni iyo mid warfaafin militari gadooday?, soo meesha kama muuqato in dowladdii ku dhaqmeyso qaab qabiil, iyo kanaa u dhow ee u dir?. MAXAY KU WAABARIISATAA MUQDISHO?. Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene “Ilaahey aan ka baqno, qofka sida dhabta ah uga hadli karo xaaladda amni ee waddanka hasoo istaago, waa la dhaafay waqtigii beenta la isku sheegi jiray, Labbo sanno iyo Labbo bil aan been isku sheegeenay, Muqdisho waxey maalin walba ku waabariisataa dil aan xisaab laheyn, qaraxyo dadka ku dhintay aan la isku raacan, hadda waxaa magaalada ka socdo dibad bax ka dhashay muwaadin la dilay, mana jirto qof naga indha-sarcaadin karo waxa ka socdo magaalada, shacabkaan waa shacabka ugu fiican ee la maamulo, waxey canshuur baxshaan ayadoon amnigooda la sugin, ayagoo la dilo la dhibaateeyo canshurtana baxsho ayey hadana taageeraan kuna qanacsanyihiin dowladdooda, waa la quustay, iska daa shacabkee waxey ka muuqataa quusta, xildhibaanada, wasiirrada, ganacsatada, haweenka iyo dadka dhiban ee gaari la’ isbitaalada. YAA SIYAASADEEYAY AMNIGA?. Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed “Baarlamaanka hadduu xisaabtamo oo uu damco in hay’adaha kula xisaabtamo shaqada ay bulshada u hayaan ma mucaarad baa?, ma xil buu rabaa?, ma wasiir raadis baa?, haddaan aamusnana shaqadii qaranka iyo howshii lanaga rabay waxba kama soconayaan, lkn, waxaan hubaa inaanan aamusi doonin, oo aanan ka tanaasuli karin inaan ka hadalno xaqa dabiiciga ah ee uu leeyahay qofka soomaaliyeed ee baarlamaanku matalo, ma qofka askar furun iskula jiro mid mushaarkiisa usoo dhaco, midka kalena bil kadib uu helo mushaarkiisa aa siyaasadeeyay amniga mise kan u doodaya ciidanka in ay isku si u helaan mushaarkooda?, waxaa siyaasadeeyay amniga midka ciidanka isla joogo midna maanta u diraya xuquuqdiisa midna bil kadib u diraya, waxaa warbaahinta la taaggan amniga waa la siyaasadeyay shaqsiyaad aan fasiri kari micnaha amni la siyaasadeeyo. AMINGA SHALAY IYO MAANTA KEEBUU FIICANYAHAY?. Xildhibaan Ubax Tahliil “marka la eego waxaan soo dhaaftay mahan in xildhibaanada ay sheeg sheegaan waxa aan ku jirno maanta, waa caadi waxa socdo, ma ahan in la buun buuniyo, waa laga fiicanyahay in xildhibaanada ay kiciyaan shacabka, dadka dhibka ku haya shacabka gacan bir ah ayaa lagu qabanayaa, xildhibaan furtay xisbi miyuu rabaa dowlad, shacaboow yaan been la idiin sheegin, dalka waxaa la rabaa in laga wada shaqeeyo dhammaanteen, canshuurta waa la qaadayaa, adinkaa wax la idinkugu qabanayaa, maxuu idiin haayaa ninka idin leh canshuur yaan la idinka qaadin, xildhibaan xisbi ku jiro aan dalkiisa u tureyn oo meel kale u caddahay yuusan been idiin sheegin. WAA MAXAY AMNI?. Xildhibaan Maryan Cariif “Amni waxaa la yiraah in shacabku nabad ku seexdo nabadna kusoo tooso, amni waxaa la dhahaa in qofka shacabka gurigiisa inta kaso baxo shaqadiisa tago, shaqadiisa kasoo baxo gurigiisa yimaado, nabad kula seexdo xaaskiisa iyo carruurtiisa, haddaan ka hadli aminga Muqdisho, Muqdisho waxaa weerar ku ah inta kheyraadka Soomaaliya hunguri uga jiro, nabad noqon meyso Muqdisho haddeysan u istaagin dhallinyaradeeda, ama Bajale ha ahaadaan, ama saxaafad ha ahaadaan ama Xildhibaanno ha ahaadaan, Muqdisho sababta ay amni u heli la’dahay caasimadaha maamul goboleedyadana amni u yihiin waa Wadinihii Soomaalia, in jid la xiro shacabkuna lugeeyaan iyo in maalin walba shan gaari soo gudubto 50 qofna naga dhimato keebaa roon?. BOOLISKA MA XALAAL BAA?. Xildhibaan Saabir “Boolis waa la yaqaan, waa kuwa kala dhiciya shacabka marka ay ku dhacaan, maahan boolis midka xabbadda madaxa kaga dhufta shacabka, waa ognahay halkey ka imaadeen booliskana kasoo galeen, ayaga iyo taliyaashoodaba xaalaal maahan, waxaan codsaneynaa in laga dhex baxsho booliska, Wasiir Isloowna waxaan leeyahay waxaa tahay nin aqoon leh, wax ku bartay Muqdisho, haddaadan u madax bannaaneen shaqadaada fadlan iska casil xilka, wax aad uga baahantahay wasiir amni malahan, sharafta aad leedahay haku waayin, waxaa tahay imaankeenna, fadlan xalaal caleyk dheh xilkaan oo iskaga tag, ciyaalka xaafaddaa tahay warkaan ciyaarka xaafadda ee ah xalaal caleyk waa fahmi kartaa, Kheyre waxaan isna leeyahay dad aqoon leh oo waxbartay baa nahay, micno kuma sameyneeso inaad maalin walba been noo sheegto, mana nihin dad qaadan karo oo ay ku soconeyso, taas dal laguma wadi karo, Farmaajana waxaan leeyahay haddaan inta warkeena ku maqli weysay meel aad ku maqleyso oo ah Facebook baan kuguso qoreynaa, adaa arki doono, kuwa ku qalda ee saqda dhexe guriga kuguso dhaco kuguma sheekeya shacabka ku jajan, amniyaa dhalisay iyo dowlanimadiyaa soo celisay waxaa kaaga roon anaga oo runta kuu sheegeyno si aad wax u saxdo una guuleysato. Waxaa qoray: Nuune Ali Hassan (Habeysane)
  9. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan. Sheekha ayaa ugu horayn wuxuu yidhi “Xukuumadda waxaanu faraynaa, oo aanu ugu nasteexaynaa inay albaabada u furto dadka, oo wax ha maqasho, oo talo ha ka qaadato, maxaa yeelay taladu Xukuumadda ayey anfacaysaa, bishii ramadaan ayaa inagu soo dhaw, ilaa saddex todobaad baa ka hadhay, dadka masaakiinta ah ha laga war hayo, dadka dhibirka ah ha laga war hayo, dadka ducafada ah ha laga war hayo, ILLAAHAY dadka ducafada ah ayuu wax inagu siinayaa, haddii dadka ducafada ah la dacayo ILLAAHAY waxba ina siin maayo, Lacagta la ururinayo, ha la soo saaro, oo dadka masaakiinta ah ee Xaafadaha iyo Gobolada ha lala doonto, haddii wanaaga, nasteexada iyo wanaada la qaadan waayo, dhib mooye, dheefi kama soo baxdo, anagu mucaaradna ma nihin, muxaafidna ma nihin, ee umadda ayaanu u hadlaynaa, oo dantooda ayaanu ka hadlaynaa, anigu masaakiinta war baan u hayaa, waan u shaqeeya kuwooda indhaha la’a, kuwooda dhegaha la’a, kuwooda dhibirka wax ka qaba, mashruucii miskiin kal-kaal ee hore loo furayna, meel uu ku dambeeyey ma naqaana, ee waxaanu leenahay masaakiinta ha loo soo jeesto, oo wax ha la taro, umaddana waxaan leeyahay is wada saamaxa, oo caloosha iyo qalbiga wixii xun ee aad iskugu haysaan iska saamaxa, Xukuumadda waxaan leeyahay amaano ayaad haysaa, amaanadaas aad haysaan, umadda si cadaalad leh u gaadhsiiya, xisaabti ALLENA wey dambaysaa, qof kastana calamka uu ifka uu kala tagay ayuu akhirana la tagayaa, ee Masuuliyiinta kala duwan ee Xukuumadda waxaan leeyahay masuuliyada aad umadda u haysaan si daacadnimo ku dheehan tahay ugu soo baxa, oo daacadnimo ugu shaqeeya, oo dadkaas baahan ee abaarto hayso si cadaalad ah waxay u baahan yihiin ula gaadha”. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale ayaa dhanka kale wuxuu Xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato maceeshada qaaliga ah, waxaanu talooyin kala duwan u soo jeediyey guud ahaan Shacabka Somaliland oo uu kula taliyey inay ilaaliyaan dhaqanka suuban ee diinta islaamka, kana dheeradan wax kasta oo diinta lid ku ah.Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale Qaran News
  10. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay banaanbax ka dhacay maanta magaalada Muqdisho isagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid aan sharci ahayn laguna burburinayo sharafka iyo sumcada Soomaaliya iyo hantida ganacsatada. Madaxweynaha oo ka hadlayay degmadda Warta Nabadda ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan dad danley ah oo qabiileystayaal ah. “Waxaan ognahay argagaxisadaa ku hoos jirta markii aan xoog uga adkaanay oo ciidamadu ay baacsanayaan ayay ku soo dhex dhuumanayaan,dowladani wadadii cadeyd ayay cagta saartay mana soo noqoneyso.”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo qudbadiisa ay ka muuqatay carro xoog leh. Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa yimid saacado kadib markii dad banaanbaxayay ay magaalada Muqdisho ka dhigeen dibad bax ay ugaga soo horjeedaan dil loogeystey wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal Mooto bajaaj iyo abtigii. Hase yeeshee dadka banaanbaxyaya ayaa waxaa si qabow ula hadlay Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanaya iyadoo ciidamo badan wadooyinka la dhigey waxaana maanta lagu diley illaa 10 qof. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Cabdi Good Oo Sheegay In Sirdoonka Dalka Jabuuti Oo Uu Dil Toogasho Ah Ugu Hanjabay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (Daawo) Beeraha Laascurdan gaar ahaan Beraha Dideeya iyo dalagyada ka baxa (Daawo) Beeraha Laasacurdan gaar ahaan, Beeraha Dhideeya iyo dalagyada kala duwan ee ka soo [...] Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hanjabaad u diray dhalinyaraddii maanta banaanbaxyadda ka sameeyay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo la hadlaayay Haween iyo Carruur la isku keenay xarunta degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin wax banaanbax ah oo sharci daro ah, islamarkaana la doonaayo in lagu burburiyo dalka. Waxa uu sheegay in banaanbaxayaasha ay ahaayeen rabshad wadayaal burburinaya hantida ganacsatada oo dhaawacay sharafka qarannimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku hoos jireen Al-Shabaab. Waxaa uu digniin iyo Hanjabaad u diray dadka Banaanbaxyadda sameeya, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo banaanbax samaynaysa. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Cidkaste oo dowladda kasoo horjeedda ay la dagaallami doonto. Daawo Farmaajo Caasimada Online XafiiskaMuqdisho caasimada@live.com
  14. (SLT-Khartoum)-Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inuu is-casilay Madixii Hay’adda Qaranka ee Ammaanka iyo Sirdoonka ee dalkaasi (NISSS), Salaax Cabdillaahi Maxamed Salaax oo lagu naanayso Saalax Goosh, kadib markii ay Dibadbaxayaasha cadaadis ku saareen si uu isku casilo. Waxaa uu ahaan jirey Ninka 2-aad ee ugu saamaynta badan dalka Suudaan, marka laga soo taago Madaxweynihii hore, Cumar Xasan Albashiir, waxaana Hay’adaasi lagu eedeeyey inay ku lug lahayd dilkii Dibadbaxyaashii codsanayey in la soo af-jaro Xukunka Milliteriga. Waa mas’uulkii 2-aad ee xilka ka dega, iyadoo Jeneral Axmed Cawad Bin Coof uu xalay ka degay xilka Madaxa Golaaha KMG ee Milliteriga (TMC), kadib hal maalin kadib, markii uu xilkaasi qabtay, iyadoo ay Dibadbaxayaasha codsanayaan Isbedel Siyaasadeed oo Degdeg ah. Wakaalladda Wararka Suufaan ee SUNA waxay maanta sheegtay inuu Madaxa Cusub ee Golaha KMG ee Milliteriga Suudaan, Jeneral Cabdifataax Cabdiraxmaan Al-burhaan waxa uu oggolaaday Is-casilaadda Madixii Sirdoonka dalkaasi, Saalax Gos. Dhinaca kale, afhayeenka Boliska Suudaan, Haashim Cali ayaa sheegay in ugu yaraan 16 qof lagu dilay 20-kalena lagu dhawacay xabbado wiifto ah oo ku dhacday qaar ka mid ah Dibadbaxayaashii ee maalmihii iKhamiista iyo Jimcaha ku bannan baxaysay caasimadda dalkaasi ee Khartuum. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Wararka laga helay Degmada Salaxley, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay shalay banbooyin holcaya ku tuureen dad reer guuraa ah oo degen cidhifka banka qool-caday oo ka tirsan degamada salaxlay oo qiyaastii 50 km u jirta Hargeisa. Gudoomiyaha Degmada Salaxlay Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine) ayaa u sheegay warbaahinta HCTV, in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayaa ay waxyaabo qarxa ku tuureen jees reer guuraa ah iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmada. “Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yidhi Gudoomiye Shiine. gudoomiyaha degamada salaxlay waxaa uu sheegay inay goobtaasi ay tageen isla markaana ay soo arkeen hadhaaga hubkii ay diyaaraduhu tuureen iyo gubashada dhulkii ay ku habsadeen bambooyinku. sidoo kale Xoolo dhaqato Geel ka waraabinayay ceelka Riigga ah banka qool caday oo lasoo xidhiidhay HCTV ayaa u sheegay inay maqleen jug Culus, iyo uuro ka kacday goobta ay diyaaradahu beegsadeen, maadaama ceelka ay ka waraabinayeen xoolaha aanu ka fogayn meesha diyaaraduhu hubka ku tuureen. YAA ISKA LEH DIYAARADAHA WAX DUQEEYAY ? lama oga dalka laga leeyahay leh diyaaradahaasi Militeri ee duqaynta gaystay, balse gudoomiyaha degmada salaxlay ayaa sheegay in marar hore diyaarado militeri ay joog hoose ku dulmareen degmada, balse ay tahay markii u horaysay ee Bambooyin Tuuraan, arrintaasi oo oo cabsi galisay dadwaynaha deegaanka. laamaha ammaanka ee Somaliland iyo Maamulka Gobolka Maroodijeex ayaa lagu wargaliyay dhacdadan. Sidan oo kale ayaa degmada Gabilay diyaarado dagaal ay hub ku tuureen dhul dhaaqsimeed ay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah, xukuumadda somaliland-na kama hadasho inta badan arrimaha diyaadahaasi ay dadwaynuhu ka cabanayaan. Source
  16. (SLT-Addis Ababa)-Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay weerar argagixiso oo laga fulin lahaa qaybo ka mid ah magaalada Addis Ababa in la fashiliyey, shaqsiyaadkii weerarkaasi fulin lahaana gacanta lagu dhigay. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Birhaanuu Seggaaye wuxuu intaa ku daray in shaqsiyaadka falkaasi loo qabtay ay yihiin kuwa xidhiidh la leh ururka al-shabaab ee ka dhaqdhaqaaqa gudaha Soomaaliya. Shaqsiyaadka la qabtay oo aan tiradooda la shaacinin xeer ilaaliyaha wuxuu ku sheegay iney doonayeen iney qaraxyo ka sameeyaan goobaha ay dadku ku badan yihiin balse inta ay falka fulin ka horba gacanta lagu soo dhigay. “Shaqsiyaadka la qabtay qaarkoodna waxaa la sheegay iney xiriir la leeyihiin ururrada xagjirka ee caalamka ka jira” ayuu yidhi Shaqsiyaadka falkaasi iney sameeyaan iisu diyaarinayey loogana shakisan yahay inta ay fulin ka hor waxaa gacanta ku soo dhagtay laanta sirdoonka qaranka ee dalka Itoobiya. Waxaana shaqsiyaadkaasi lagu qabtay dokumantiyo muujinayo weerarka ay damacsanaayeen qaabka ay u fulin rabeen iyo xog kale oo muhiim ah kooxdaasi la xidhiidha. “Sida ay wax u damacsanaayeen haddii ay wax u dhici lahaayeenna waxaa ka dhalan lahayd khasaaro naf iyo maalma leh” ayuu yidhi xeer ilaaliyaha guud. Dhawaanna waxaa la shaacin doonnaa faahfaahinta ku saabsan falalka argagixiso ee lala damacsanaa in dalka Itoobiya laga fuliyo goobaha la rabay in qaraxyada laga fuliyo. Wuxuuna xeer ilaaliye Birhaanu Seggaaye uu shirkiisa jaraa’id uu ku sheegay 10-kii bilood ee la soo dhaafay in la qabtay hub sharci-darra ah oo ay ka mid yihiin 21 daba jeex, 270 AK-47, 33kun oo bustooladood iyo rasaas ka badan 300,000. Waxaana sida oo kale la qabtay ayuu yiri “dad looga shakiyey falal musuqmaasuq oo ay tiradooda gaadheyso 56 oo malaayiin doolar dalka ka musuqmaasuq”. Source
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska ee ku sugan Isgoyska Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho, ayaa saaka dilay nin dhalinyaro ahaa oo watay Mooto Bajaaj kadib markii rasaas lagu furay. Askariga ayaa u diiday Mooto Bajaajta inay marto wadada, waxaana uu ku furay rasaas, taasi oo keentay inuu dhinto ninkii waday Mootada, sidoo kalena uu dhinto ruux kale oo la socday. Ciidamo badan oo Boolis ah ayaa ku sugan Isgoyska Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo handadaad & dhibaatooyin kale kula kaca dhalinyarada Mootooyinka Bajaajta ku xamaasha. Tacadiyada Ciidamada ay gaysanayaan ayaa noqday kuwa soo laa laabta ,marka loo eego sida bareerka ah ee ay u dilayaan dhalinyarada. Dhalinyarada Mootooyinka Bajaajta ku xamaasha ayaa xiray gabi ahaanba isku socodka inta badan Jidadka Wadnaha iyo Makka Al-Mukarama , halkaasi oo ay ku dhigayaan Banaanbax cabasho ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ku baxay dibad baxaya ka socda qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho. Eng. Yariisow iyo Taliyaha Booliska ayaa dhalinyarada dibad baxayay ugu tagay Isgoyska Bakaaraha ee wadada wadnaha, iyagoo ka codsaday inay xaalada dejiyaan. Guddoomiye Yariisow ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay si nabad ah ku muujiyaan shucuurtooda oo ay nidaamka ilaaliyaan. “Nidaamka ilaaliya, si nabad ah shucuurtiina ku muujiya, dalka idinka ayaa leh, taayarada la gubayo hala joojiyo”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow. Taliyaha Booliska Jen. Bashiir ayaa balan-qaaday in askariga dilka geystay sharciga la horkeenayo, lana maxkamadeyn doono, waxaana uu ka codsaday dhalinyarada in aan lagu soo dhex dhuuman oo dadka rabshadaha wata ka fogaadaan. Bishii la soo dhaafay dabayaaqadeeda ayeey aheyd markii askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska uu dilay nin watay Mooto Bajaaj, taasi oo keentay inay banaanbax dhigaan dhalinyarada Mootooyinka ku shaqeysta. Sababta loo dilo darawalada Bajaajka ee Muqdisho? Inkastoo ay siyaabo kala duwan keento dilka Muqdisho loogu geysto Darawalada Bajaajyada, waxaana halkaan kusoo koobeynaa waxyaabaha keeno dilkooda: Jidadka oo xiran Inta badan waxaa caado ka ah Muqdisho in la xiro jidadka, waxayna taas sababtaa in dil loo geysto maadaama ay Darawalada Bajaajyada ku adkeystaan marista jidadka iyadoo ku andacoonayo in Biil laga sugayo. Darawalada Bajaajyada inta badan waa kuwa soo kireysto oo laga rabo inay Maalintii bixiyaan 10 Dollar, taasna waxay sababtaa inaysan ku qancin xirista jidadka maadaama laga sugayo bixinta lacagtaas. 2) Ciidamada oo aysan wax la aheyn dilka shacabka: Ciidamada Dowladda qeybahooda kala duwan gaar ahaan kuwa Booliska ayaa ah kuwa aan u tababarneyn la dhaqanka Shacabka iyo ilaalinta dhiiggooda. Waxaa moodaa in dhiigga shacabka uusan wax micno ah ugu fadhin ciidamada Booliska isla markaasna aan lagu soo tababarin in waxa ay Boolis u yihiin ay tahay ilaalinta nafta iyo Hantida Shacabka. 3) Cabsida Ciidamada Inta badan ciidamada la dhigo jidadka xiran ee Muqdisho ayaa ah kuwa mar kasta ka cabsanayo weeraro iyo dhibaato kaga timaado Kooxda Al-Shabaab, waana sababta ay ciidamada inta badan u dilaan dadweynaha maadaama ay inta badan yihiin kuwa cabsanayo qoryahana uu ammaanka u furan yahay. Ciidamada marka ay doonayaan inay dadka iyo Gawaarida ka celiyaan jidadka xiran waxay si xisaab la’aan ah qoryaha ugu taagaan Dadweynaha xilli uu furan yahay Ammaanka isla markaasna uu farta ku hayo Riishada. 4) Askarta Darwalada Bajaajyada disho oo aan la ciqaabin ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya ee geysta falalka dilka ah ee lagu dilo dhalinyarada bajaajka ayaa baxsado, mana jirto ilaa iyo haatan askari lasoo qabtay oo cadaaladda la horgeeyay. Taliyaasha iyo Hoggaanada Gobolka Banaadir ayaa mar kasta shacabka u sheego in la qabtay Askarta falalka dilka ah geysto balse Saxaafadda looma soo bandhigo sidoo kalana Tiirka lama geeyo. Taas ayaa sababta inay Askarta ku dhiiradaan beegsiga Shacabka isla markaasna uu dhigga dadweynaha ula mid noqday sida Galaas biyo ah oo la cabayo oo aysan jirin isla xisaabtan ka dambeeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Bringing Down The Federal Parliament of Somalia The Federal Parliament of Somalia is the most important institution of the government for making laws, preparing motions and exercising check and balance power over the two other branches of government (executive and judiciary). The Federal Parliament of Somalia has completely lost its legislative power. There are nearly 70 ministers and assistant ministers in the parliament intended to block any parliamentary measures dealing with the violation and overreach of the executive and judiciary branches. The oversight and accountability committee was dissolved recently by the executive branch to protect the rampant corruption, money- laundering and other missteps of the executive branch. The cabinet members from the parliament are solely responsible for the total failure of the parliament by prohibiting or impeding its duty to serve for the country and for the people but to serve for the interest of the executive branch. The parliament is crippled and can no longer function as independent branch of government. The executive branch of the government has brought down the function of Federal Parliament of Somalia. The agreements that the executive branch incurs with foreign countries is not sent to the parliament for approval.The president, Mohamed Abdullahi Farmajo, and the prime minister, Hassan Ali Khaire, are behind all these constitutional violations in order to have absolute power grip on the country. The independence of the three branches of government (legislative, executive and Judiciary) doesn’t exist anymore in Somalia and check and balances have been completely eliminated and the abuse of power is on the rise in Somalia. Check and balances is the fundamental principle of the government as each branch has some measure of influence over the other branches or exercising some power for blocking other branches from breaking or violating the constitution principles. It is clear that the powers of the three branches of government of Somalia are now all under the control of the executive branch as a precursor of a new dictatorship in Somalia. Cabinet members should not have been chosen from the parliament to safeguard the check and balances of the government to avoid dictatorship. With the elimination of check and balances in the government of Somalia, the accountability is also eliminated and the parliament is unable to check the other two branches of the government (executive and judiciary) or make laws for the country. It doesn’t happen in the world to choose cabinet members from the parliament for the sake of avoiding to eliminate the legislative power of the parliament. Democracy, freedom of speech and freedom of press are becoming dead in Somalia. Opposition parties are hunted to give up exercising their constitutional rights. The media is also banned to attend parliamentary sessions to block reporting parliamentary debate to the public. It is also banned from reporting the casualties of terrorist explosions by Al-Shabab to cover up the exact number of human casualties to hide the government failure to protect the public. Civilians killed by soldiers do not get often justice. The international community shouldn’t support the developing dictatorship in Somalia that could lead the country to disastrous situation much worse than the current troubled times of daily tragedies by terrorist organizations and that which would be much more difficult for the international community to handle it for bringing about unforeseen bloody civil wars and uncontrollable displacement of people. The country desperately needs urgent political change to avoid more calamities in the future. Somalia is still recovering from the devastation inflicted by the brutal dictatorship of Siad Barre and cannot afford another dictatorship Ibrahim Hassan Gagale April 12, 2019 Qaran News
  19. Hey’adaha garsoorka dalka ayaa maanta soo daayey Cabdi Salaam Xuseen Muuse oo saaka ay xaaskiisa u sheegtay warbaahinta Goobjoog inuu iska xirnaa muddo 84 maalin ah. Saynab Xasan Maxamed oo goor hore oo saaka ah la hadashay Goobjoog News ayaa tiri “Waxa ay aheyd taariikh 17 bishii koowaad 2019-ka ayuu ahaa markii uu arooskeena uu dhacay, wiilka la xiray waxaa lagu magacaabaa Cabdi salaam Xuseen Muuse, waxa aan soo dagnay xaafada siigaale oo dagmada Hodan ka tirsan, maalintii arooska maalintii ka danbeysay ayaa waxaa xaafada ka dhacay dil 19-kii bishana, waxaa xaafada noogu imaaday ciidan kadibna waxaa ka kaxeystay ciidamada nabad sugidda”. Saynab oo hadalkeeda sii wato ayaa sheegtay in saygeeda Cabdi salaan ay ka war heleen in lageeyay madaxtooyada xabsi ku yaala loona diiday inay booqato maalmihii hore lakiin 40 cisho ka dib xarigiisa loo ogolaaday inay aragto. ”Waxaa la ogaaday in madaxtooyo dhexdeeda la geeyay oo halkaas lagu xiray, ka dib reerihii iyo dadkiisa ayaa loo xil saaray inay xaalkiisa la socdaan , marwaliba aan waraysto waxa ayna ii sheegeen inuu saygaygu danbi laheyn lana soo-deen doono, bari iyo bari danbe sidaan u sugaayay waxa uu xiran yahay nikayga 84 maalin, markii hore way adkaatay inaan xabsiga tago, qof waliba waxa uu ii sheegay inay adag tahay in lagalo asagoo 40 maalin ku xiran ayeey ii suura gashan inaan u tago iyo maalin dhaweed oo qof kale I geeyay” Sidoo kale Saynab Xasan Maxamed ayaa carabka ku dhufatay in gurigii ay ku dareemayso dhibaato niyad jab ay ka qaaday xariga loo geestay seeygeeda ayagoo hal maalin kaliya aqalka joogay, lakiin waxa ay rajo ka muujisay inay markale dib u aragto saygeeda oo u xiran ciidama nabad sugidda Soomaaliya. “ Koleey qof asagoo aroos cusub ah seddex bilood ninkeedii ka maqan yahay waad dareemi kartaa xanuunka iyo dhibaatada ay leedahay, cidlada iyo meesha ay wax marayaan, lakiin tani waa qadar lagamana quusto waxaana rajaynaa in waqti dhaw ay hagaagi doonto” Dhanka kale Sahro Xasan Maax waa Hooyada dhashay marwo Saynab Xasan Maxamed ayaa sheegay in Zaynab ay ku noolaan waysay xaafadii loo guuriyay hadda ay la nooshahay aydoona usheegtay in gabadhu ayna aqoon badan u laheyn reerka. “Gabadhu marka ay reer guursaday in badan dhex gasho waa ay la noolaan kartaa wax badan lakiin habeen ayadoo soo hoyatay ayaa wiilkii ay cida ka baratay laga ka xeestay gabadhii dhibaato ayeey ku noqotay, hadda aniga ayeey ila nooshahay oo gurigii ma aado Ugu danbeen Zanab ayaa ka codsatay dowladda in wax qabadka hoos loo eego dadka sideeda oo kale dhiban wax loo qabto ayadoona sheegtay in dowladu ay masuul ka tahay dadka oo dhan lana su aalayo . “ Dowladdu wax waa ay qabataa lakiin waxa ay qabtaan wax ay arkaan oo kaliya oo waaweyn oo kaliya lakiin waxaa jira dhibaatooyin intaas ka badan oo dadka heysta, dowladu ay masuul ka tahay dadka oo dhan lana su aalayo Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 10 qof ayaa maanta ku geeriyooday Isku dhacyo iyo Banaanbaxyo maanta dhacay Magaalada Muqdisho. Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa saaka labo ruux ku toogtay isgoyska Howlwadaag, labaddaasi ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Wadde Mooto Bajaajle. Waxaa sidoo kale la sheegay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen Banaanbaxyadii looga soo horjeeday dilka loo geystay Waddaha Mooto Bajaajka, waxaana dadka careysan ay wadooyinka ku gubeen Taahiro. Saddex ruux oo kale ayaa ku dhimatay iska horimaad Ciidanka Booliska iyo Milatariga Soomaaliya ku dhexmaray Isgoyska Baar Ayaan ee degmada Warta Nabada, waxaana dadka dhintay ay ahaayeen Shacab. Magalada Muqdisho ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kusoo badanayay dilalka ay askarta dowladda u geysanayaan darawalada Mooto bajaajta, iyada oo aan weli maxkamad lasoo taagain askari dilay Mooto bajaajle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com