-
Content Count
208,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ka hadlay Dhacdooyinkii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu raad-joogo askarigii ka dambeeyey falkii shalay, kaasi oo sida uu sheegay ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxey ku raad-joogaan Askarigii falkaasi wuxuushnimada ah gesytay, waxaana hadda xiran taliyihii Aagaasi qaabilsanaa, Waxaan shacabka Soomaaliyeed ogeysiineynaa in Booliska ay kusoo wargeliyaan qofka dilkaan ku eedeysan oo baxsad ah”ayuu yiri Taliyaha Booliska Soomaaliyeed. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa sidoo kale sheegay in Askarigii dhibaato u geysta qof shacab ah uusan heli doonin gabaad, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale sheegay in gacanta ay ku hayaan dad sida uu sheegay qas-wadayaal ah oo ku dhex gambanayey dadkii ka carooday falkii shalay, kuwaasi oo uu sheegay iney u adeegayeen cadowga oo ay boob u gesyteen goobo ganacsi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa la soo gabagabeeyey tartankii Iskuullada ee ay qabanaysay Idaacadda Gool FM, kaasoo loo bixiyey GOOL FM Cup. Tartankan ayaa u dhexeeyey 32 iskuul oo ku yaala caasimadda waxaana lagu soo afmeeray degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Kulankii Final-ka waxaa wada ciyaaray labada iskuul ee kala ah Hirgal iyo Al-Miftaax kuwaasoo kulankoodii ugu dambeeyey soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah. Kulankan ayaa markii labada iskuul ay barbaro isla dhaafi waayeen waxaa loo baahday in lagu kala saaro gool ku laadyo, waxaana rigooreyaal koobka ku qaaday iskuulka Al-miftaax. Tartanakan waxaa taaba-galisay Jaamacadda Salaam, waxaana marti gelisay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Munaasabadii xiritaanka waxaa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng. Yariisoow, guddoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish, maamulka Jaamacadda Salaam, maamulka degmada Xamar Jajab, ururka haweenka, Suxufiyiin, maamulka labada iskuul ee ciyaareysay taageerayaal fara badan oo u kala sacabo tumayey labada iskuul ee final-ka gaaray iyo marti sharaf kale. Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Idaacadda Gool FM C/llaahi Daahir Siyaad Dhakoos oo ugu u mahadceliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. Yariisoow, guddoomiyaha Isboortiga gobolka Banaadir Xasan Wiish, Agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamuud Maxamed, maamulka Jaamacadda Salaam, maamulka degmada Xamar Jajab iyo Ururrada haweenka oo uu sheegay inay garab ka siiyeen qabsoomidda tartankan. “Ujeedada aan tartankan u qabannay haddii aan nahay Gool FM waxa ay ahayd inaan lafteennu dadka tusno sida aan uga qeyb qaadan karno horumarinta isboortiga dalka iyo horumarinta kubadda cagta Gobolka Banaadir iyo indhalinta Muqdisho ay isku arkaan, isku dhex-galaan oo ay ku saaxiibaan tartankan.” ayuu yiri Agaasimaha Gool FM C/llaahi Daahir Siyaad Dhakoos. “Waxa uu koobku socday muddo bil ah, waxaana uu dhexmaray 32 iskuul oo isku arkay iskuna bartay, waxayna ahaayeen kuwo u bisil inay kubadda ciyaaraan oo ay ku saaxiibaan, iyadoo innaguna aan qeyb ka qaadanayno inaan ka turjunno nabadda taala Muqdisho.” ayuu hadalkiisa ku daray Agaasime Dhakoos. Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Salaam oo ah Jaamacadda taaba-galisay tartanka oo goobta ka hadlay ayaa yiri: “Waxaan ku faraxsannahay inaan tartankan oo muddo bil ah soo socday uu maanta inoo soo dhammaado, waxaan u mahad celinayaa GOOL FM iyo guud ahaan goobjoog Media Group, tani waa qeyb ka mid ah howlaha ay qabo Jaamacadda, waxaan sidoo kale rabnaa inaan taabo-galinno tartanka Iskuullada Gobolka Banaadir ee bisha Ramadaan hadduu Eebbe idmo, waana joogteyn doonnaa taaba-gelinta tartammada noocaan ah.” Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo munaasabada ka hadlay ayaa dhankiisa yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inuu maanta noosoo gabagaboobo tartankii muddo socday, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Gool FM iyo Jaamacadda Salaam oo tartankan iska kaashay, si la mid ah degmada Xamar Jajab iyo shacabkeedaba oo mar walba iyo maalin waba heegan u ahaa tartankan.” “Inaan dhiiri-gelinno dhallinyarada iskuullada waxay ka turjumaysaa sida uu maamulka gobolka Banaadir diyaar ugu yahay dhiiri-gelinta iyo garab istaagga guud ahaan dhallinyarada, waxaan rabnaa in magaaladaan ay noqoto magaalo dhallinyaro oo isboortiga laga ciyaaro” ayuu hadlakiisa ku daray guddoomiyaha gobolka Banaadir. Ugu dambeyn kooxda ku ciyaareysay magaca Al-miftaax ayaa la guddoonsiiyey koobka, sidoo kalena halkaas waxaa lagu bixiyey abaal-marinno ay ka mid yihiin xiddigii ugu fiicnaa tartanka, laacibka ugu goolasha badan, goolhayaha ugu fiican iyo wixii la mid ah sidoo kale waxaa la bixiyey shahaado sharafyo. Sawrirrro Dheeri Ah: W/Q-Haaruun Yuusuf Khasaaro Gool Fm Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo sabtidii ka hadlayey ayaa ku doodey in dowladdiisa aaney kaliigii talis aheyn, isla markaana uu ku yimid rabitaanka umadda. Farmaajo oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Dhowr qof oo qas wadayaal ah ma ah iney magac xumo siiyaan askarta, ma ah iney magac xumo siiyaan dowladnimada Soomaaliyeed, oo inta ay soo baxaan, oo jidadka tagaan taayero gubaan, taayeradu micnaheedu waxaa ay tahay joogta dowlad kaligii talis ah, annagu ma nihin keligiis taliye, rabitaankiina ayaan ku nimid, marka aan imaaneyney sida aan noo soo dhoweyseen, waad ogeydeen, markii nala doortay waa na taageerteen”. Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay sida ummada Soomaaliyeed ay taageersan yihiin dowladdiisa isaga oo yiri “ Haddana ummada Soomaaliyeed waa na taageersan yihiin, maxaa yeelay dowladdan dowlad fiican weeye aan madaxweynaha ka ahay, dowlad nadiif ah weeye, dowlad ammaanda ilaaliso weeye, tuugo aheyn, dowlad cadaaladda ku dadaasho waaye, dowlad aan qabyaalad iyo qabiil aqoon weeye”. Arrintan ayaa timid kadib markii dibad-bax ballaaran oo maamulkiisa looga soo horjeedo ka dhacay koonfurta Muqdisho kadib markii ciidamada dowladda ay dileen 2 qof oo rayid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Australia)-Booliska dalka Australia ayaa sheegay in hal qof, dhowr kalena lagu dhawaca Toogasho Waaberigii hore ee saaka ka dhacay Dhismo lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda 2-aad ee ugu weyn Australia ee Melbourne. Toogashadaasi ayaa waxaa lagu dilay Ilaaliye dhinaca Ammaanka oo 37-jir ahaa, halka 4 kalena lagu dhaawacay, iyadoo mid ka mid ah oo 28-jir ah la sheegay inay xaalladiisa aad u liidato. Boliska waxay tilmaameen in dabley wadatay gaari xawli ku socday ay geysteen Toogashadaasi oo ka dhacday duleedka Dhismo lagu caweeyo oo lagu magacaabo The Love Machine nightclub ee magaalladda Melbourne. Source
-
(SLT-Qaza)-Madaxweyne Maxaamuud Cabaas Abu Maasim waxa uu ku dhawaaqay Xukuumad ay gadhwadeen ka yihiin Xisbigiisa Al-fatax ee muddada dheer hayey talada Maamulkaasi oo gacanta ku haya Dhulalka Daanta Galbeed ee la-haysto. Xukuumadda cusub oo ka kooban 22 Wasiir waxaa Ra’isul-wasaare ka ah Maxamed Shatayeh, iyadoo Madaxda Dhaqdhaqaaqa XAMAAS ee ka taliya deegaanadda Marinka Qasa ay mucaaradeen magacaabistaasi. Shan ka mid ah Xukuumadda Cusub waxay ka mid ahaayeen Xukuumadii hore oo iyagu weli haya Xilalkooda, waxaana ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda, Riyaad Al-maalik, Wasiirka Maaliyadda, Shukri Bishaara, Warfaafinta, Nabiil Abu Rudeynah, Dalxiiska, Rola Maayaa iyo Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, Ziyaad Abu Caamir. ukuumadda cusub ee Falastiin ayaa la dhisay, kadib, markii uu Ra’isul-wasaarihii hore Raami Xamdallah uu iska casilay xilkaasi bishii Janaayo ee la soo dhaafay. Waxayna is-casilaadaasi timid, kadib, markii laga guul-daraystay Wada-xaajood Dib-u-heshiisiin oo u dhexeeyey Xisbiga All-fatax iyo Dhaqdhaqaaqa XAMAAS. Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas oo 83-jir ah waxa xilkaasi hayey tan iyo sannadkii 2005-tii. Source
-
Muqdisho (SMN) – Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo u warramayay Warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay shaqaaqooyin Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ku dhex maray M/ Muqdisho. Taliye Ameeriko ayaa tilmaamay in saraakiil ka tirsan kuwa laamaha amniga ay u xiran yihiin dhacdooyinkaasi, islamarkaana wax laga wey diin doono iska hor imaadyadaasi.. Sidoo kale waxa uu xusay in aysan u dulqaadan doonin in lagu kor dagaalamo dadka shacabka ah oo ay masuul ka yihiin nabad galyadooda. Dhanka kale taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sii hadlayay ayaa digniin u diray ilaalada gaarka ah iyo mas’uuliyiinta dowladda. Waxaana uu carabka ku dhuftay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan Askartaasi,haddii ay jabiyaan sharciga. Hadalka Ameerico ayaa imaanaya, xilli labadii maalin ee la soo dhaafay Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS ay siyaabo kala duwan ugu dagaalameen M/ Muqdisho, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeelanaya xaruntooda Muqdisho, kaasoo looga doodi doono amniga caasimadda, waxaana kulanka uu noqon doonaa mid ay albaabbadu u xiran yihiin. Kulanka maanta ayaa waxaa looga yeeray madaxda hay’adaha amniga dalka oo ay ka mid yihiin; wasiirka amniga Qaranka iyo taliyeyaaha ciidamada kala duwan ee dowladda, iyadoo kulanka inta uu socdo aanay ka bixi doonin wax xog ah. Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kualnka maanta uu nqoon doono mid ay saxaafaddu dibad-joog ka tahay, inkastoo aan la ogeyn sida ay ku aqbali doonaan xidhibaannadii horay uga soo horjeestay in saxaafadda laga saaro kulankii amniga looga hadlayay ee Toddobaadkii hore dhacay. Sidoo kale, Xildhibaannada baarlamaanka qaarkood ayaa sheegay in su’aalo adag ay weydiin doonaan madaxda ha’yadaha amniga, kuwaasoo ay ka mid noqon doonaan dilalka lagu hayo dhallinyarada kexeeya mooto Bajaaj-ta oo si aad ah ugu soo badanayay Muqdisho. Xubnaha maanta looga yeeray baarlamaanka ayaa toddobaadkii hore sidoo kale u oo xadiray inkastoo muran iyo buuq uu ku dhammaaday kulankii la filayay in su’aalaha lagu weydiiyo, inkastoo muranka intiisa badan heshiis laga gaaray. Ugu dambeyn, Kulanka maanta ee su’aalo weydiinta madaxda hay’adaha amiga dalka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay Muqdisho lagu dilay in ka badan lix qof oo ay ku jireen dhalinyarada kexeeya mooto Bajaaj-ta, ayna dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo dilalka dhallinta Bajaaj-yada. PUNTLAND POST The post Madaxda Hay’adaha Amniga oo Maanta hor-tagaya Xildhibaannada Baarlamaanka DF appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shir u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Shirkan oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qabn qaabisay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya. Ujeedada kulanka ayaa ah, sidii loo caawin ahaa dadka ay abaaruhu halakeeyeen ee ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Mudane Xamsa Siciid Xamsa ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu soo xiro shirkaasi, islamarkaana laga soo saaro warmurtiyeed ku aadan waxyaabihii laga wada halay. View the full article
-
(SLT-Khartoum)-Golaha Millatariga xukuma dalka Sudan ayaa bilaabay wadahadalo uu la yeelanayo kooxaha soo abaabulay dibad baxyada sababay inuu xilka ka dago Hogaamiyihii hore ee dalka Sudan Cumar Al-bashir. Kulan ka dhacay maanta magaalada Khartoum ayaa yimid kadib markii hogaamiyaha cusub ee Milatariga Sudan General Abdel Fattah al-Burhan uu ballanqaaday inuu ku wareejin doono maamulka dalka Sudan dowlad rayid ah muddo labo sano gudahood ah. “Waxaan ku martiqaadayaa dhammaan shacabka Sudan oo ay ka mid yihiin xisbiyada siyaasada,kooxaha bulshada rayidka ah inay ka soo qeybgalaan wadahadalada,”ayuu ku yiri qudbadii ugu horeysay ee uu ka jeediyo taleefishinka dalka Sudan kadib markii shalay loo dhaariyay xilka hogaanka Mialtariga dalka Sudan. General Burhan ayaa la sheegay inuu wadooyinka Khartoum kula kulmay qaar ka mid ah dadka banaanbaxaya isagoo dhagaystay dalabkooda. Waxayna dadka banaanbaxaya u sheegeen Burhan in ay wadooyinka joogayaan ilaa talada dalka lagu wareejinayo dad rayid ah. Isagoo ka hadlayay taleefishinka Sudan ayuu General Burhan ballanqaaday inuu xididada u siibi doono dhammaan raadadkii hogaamiyihii hore ee al-bashir, uuna soo celin doono xasiloonidii iyo kala dambeyntii. Sidoo kale Generalka ayaa ballanqaaday in la qaaday bandowgii habeenkii lagu soo rogay dalka Sudan isla markaana la sii deyn doono dhammaan maxaabiista u xiran arrimaha siyaasada. Wararka kale ee dalka Sudan ayaa sheegaya in uu is casilay Madaxii sirdoonka dalkaas General Salah Abdallah Gosh kaasoo si aad ah ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee Sudan al-Bashir. Gosh ayaa mar ahaa dadka aadka ugu dhow dhow Madaxweynihii hore hase yeeshee waxaa la eryay sanadkii 2011 isagoo ahaa la taliyaha Madaxweynaha,kadib markii uu eedeyn u soo jeediyay dowlada. Sanadkii ku xigey ee 2012 ayaa xabsiga la dhigay General Gosh isagoo lagu tuhmay inuu abaabulayay afgambi. Hase yeeshee al-Bashir ayaa cafis u fidiyey waxana uu u magacaabay taliyaha ciidamada nabadsugida sanadkii 2018. Source
-
Afgooye (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/ Hoose ayaa ku warramaya in xalay Ciidamada ammaanka ay howlgallo ka sameeyeen degmada Afgooye ee gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in Ciidanku ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo falalka amaan dari ee magaaladaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in Ciidamada ay guri guri u baarayeen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha amnigu xireen inta uu howlgalku socday waddoooyinka soo gala degmadaasi, marka laga reebo waddada ka baxda magaalada Muqdisho. Illaaiyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan K/ Galbeed oo ku aadan howlgalladaasi. Maalmihii u dmabeyay ayaa waxaa gudaha Afgooye ka dhacayay dilal qorsheysan iyo weeraro mararka qaar ay ka fuliyaan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Masuuliyiinta ugu sareyso hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya iyo wasiirada Gaashaandhiga iyo amniga xukuumadda ayaa maanta hortagaya baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka maanta ayaa waxaa uu ka duwan yahay kulamadii hore ee ka dhacayay xarunta golaha shacabka, waxaana ka maqan warbaahinta sida uu shalay shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal C/raxmaan. Kulanka maanta ayaa seddex arin kaga duwan kulamadii hore ay xildhibaanada baarlamaanka ku yeelan jireen xarunta golaha shacabka, waxaana ugu horeeya in xildhibaanada baarlamaanka ay ka mideysan yihiin in kulanka maanta uu ka dhaco golaha shacabka. Arinta Labaad ee kulanka maanta uu kaga duwan yahay kulamadii hore ayaa ah inuu dhacayo maanta oo Axad ah, iyadoo kulamadii hore looga bartay maalmaha, Sabtida, Isniinta iyo Arbacada. Arinta Seddexaad ayaa ah in kulanka la isku waafaqay inay warbaahinta Dibad Joog ka ahaato, iyadoo xildhibaanadii kulankii hore mucaaradsanaa aqbaleen inay gole xiran ku wareystaan laamaha amaanka. Shalay oo Sabti aheyd ayaa Xildhibaanada waxaa ay dood adag ka yeesheen xaalada Amni ee dalka,iyada oo Xildhibaanada ay muujiyeen dhaliilo ku aadan sida ay Xukuumadda u wajahday sugida Amniga dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho. Maanta ayaa qorshuhu yahay in Kulanka Baarlamaanka ay goobjoog ka noqdaan Su’aalana la weeydiiyo, Wasiirka Amniga, taliyeyaaha Ciidamada Millateriga, Booliska, Asluubta iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Lama oga waxyaabaha kasoo bixi kara kulanka laamaha amaanka iyo xildhibaanada baarlamaanka ku yeelanayaan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta kulankoodii shanaad oo qeyb ka ah Kalfadhida 5-aad ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa dibad joog ka ah Warbaahinta, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Xubnaha golaha shacabka ayaa su’aalo la xariira amniga wey diin doona wasiirada amniga, gaashaandhigga iyo taliyeyaasha Ciidamada dowladda oo maanta hortagaya golahaasi. Shalay xildhibaanada BFS oo kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Muqdisho ayaa dood adag ka yeeshay amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda. View the full article
-
(SLT-London)-Xildhibaano gaadhaya 70 oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa qoraal ay soo saareen ugu baaqay Xukuumada UK inay Julian Assange u tarxiisho dalka Sweden. Julian Assange ayaa Khamiistii laga soo saaray Safaarada dalka Ecuador ee magaalada London, kadib markii wadankaasi uu ka xayuubiyey magangelyadii uu siiyey. Assange ayaa tan iyo sanadkii 2012 ku dhex jiray safaarada Ecuador kadib markii lagu soo oogay dacwado uga socday dalalka Sweden iyo Maraykanka. Ninkan Aasaasay shabakada Wikileaks ayey Maraykanka u heystaan inuu ka qeb qaatay xogtii laga jabsaday sirdoonka Maraykanka oo ay shaaciyeen, waxaa taasi garab socotay dacwad ay soo jeediyeen haween ku nool dalka Sweden oo sheegay inuu ninkan faroxumeeyey, dacwada Sweden ayuu Julian Assange sheegay inay tahay mid lasoo dhoob dhoobay oo ay ka danbeeyaan Maraykanka. Julian Assange ayaa diidan in loo gacan gesho dowlada Maraykanka oo uu sheegay inay dil ku xukumeyso, walow Maraykanka arrintaasi beeniyey. Xariga ninkan ayaa keenay dood weyn oo la xadhiidha xaquuqda ay saxaafada leedahay. Wikileaks ayaa si weyn ugu soo shaac baxday faafinta xogta sirta ah oo uu sarkaal u shaqeenayey militariga Maraykanka soo xaday, xogtaasi oo banaanka keentay danbiyadii ay galeen ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Afghanistan. Xeer illaalinta Maraykanka ayaa ku doodeysa in Julian Assange si toos ah ugu lug lahaa jabsashada xogta sirdoonkooda, inkastoo aysan weli cadeyn dhameystiran soo bandhigin. Isla Khamiistii ayaa la horgeeyey Julian Assange maxkamada London, waxaana la dhageystay dacwada kowaad oo ah inuu jabiyey Damiintii lagu siidaayey sanadkii 2012 xiligaasi oo uu galay safaarada Ecuador. Dacwadan ayaa la xariirta kiiska uga furan Sweden ee kufsiga ah. Balse Maraykanka ayaa isaguna ka codsaday dowlada UK inay kusoo wareejiso si ay ugu maxkamadeyso dalkeeda arrintaasi oo ay si weyn uga soo horjeedaan qareenada u doodaya Mr.Assange. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo boqollaal dadweynaha kula hadlay Xarunta Degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in wax laga xumaado uu yahay falkii foosha xumaa ee askari ka tirsan laamaha ammaanku uu ku dilay labo muwaadin oo aan waxba galabsan. Madaxweynaha ayaa faray Hoggaanka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay si adag uga hortagaan falalkan arxan darrada ah ee lagu wiiqayo magaca iyo maamuuska laamaha ammaanka, loogana gol leeyahay in hoos loogu dhigo kalsoonida iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa shacabka Soomaaliyeed. “Ma ogolaanayno in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed lagu ciyaaro nolashooda iyo mustaqbalkooda, waqti inta uu naga lumi karo waa naga lumay. Waxaan ballan qaadaynaa in aan ka shaqeyno sida uu dalkeennu ula tartami lahaa caalamka, taasina waxa ay ku suurta galaysaa inshaa Allah taageeradiinna.” Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu si adag u dhaliilay rabshadaha iyo dibad-baxyada colaadeysan ee ay sameeyeen qaar ka mid ah dadkii isu soo baxay, kaddib falkii arxan darrada ahaa ee dhacay, isagoona sheegay in shacabka ay ka digtoonaadaan kuwa fowdada abuuraya ee burburinaya hantida dadweynaha. Madaxweynaha oo adkeeyey dadaalka ay Dowladdu ku bixinayso ilaalinta hantida, nafta iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay dhammaan Muwaadiniinta in ay ilaashadaan miro dhalka Dowladnimo, kuna waano qaataan dhibkii iyo rafaadkii aynu soo marnay. Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen labadii Marxuum ee kala ahaa Maxamed Deeq Cabdulqaadir Cabdullaahi iyo Maxamed Sheekh Cali, waxa uuna ballan qaaday in askarigii dilkaas gaystay uusan heli doonin gabbaad, caddaaladda la horkeeni doono. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo: Ma ogolaan doono in nalaga weeciyo waddada aan cagta saarnay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-140419.-ss.mp3 View the full article
-
(SLT-Pyongyang)-Hoggaamiyaha Kuriyada waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay inuu ka qayb galayo wadahadal seddexaad uu Donald Trump la yeesho balse waaxay taa suuragaleysaa ayuu yiri ‘haddii uu Mareykanka Aragtidiisa wax ka beddelo’. Warbaahinta dowladda Kuuriyada waqooyi ayaa hadalkaasi ka soo yeeray bahiyey maanta oo Sabti ah. Wuxuuna Mr Kim uu ku baaqay si wadahadallada labada dhinac loo sii dardar geliyo “qodobba macquul ah” inuu la yimaaddo Mareykanka. Madaxweyne Donald Trump oo boggiisa Tweetarka kaga jawaabay hadalka Kim ayaa ammaan u soo jeediyey. Labada hoggaamiye waxay marki ugu horreysay ay ku kulmeen Dalka Singapore sanadkii hore, inkasta oo kulanki labaad ee Hanoi ee dalka Veitnam ka dhacay uu fashilmay kaddib marki ay isku fahmi waayeen arrima la xidhiidha baab’inta hubka Niyukilarka. Madaxweyne Trump wuxuu sheegay iney madaxda Kuuriyada waqooyi ay doonayaan in laga qaado cunaqabateynada dhaqaale ee saaran, iyaga oo aan xirin xaruunta Niyuukilarka ugu weyn, kulanki labaadna si cara leh u qaaddacay. Hadalka ka soo yeeray Mr Kim ayaa yimid marki uu golaha guud ee dalkaasi ‘walaac aad u weyn’ uu ka muujiyey iney Mareykanka dhab ka tahay inuu xiriika Piyongyang uu la leeyahay wanaajiyo iyo inkale. Balse ‘wuxuu ka dhawaajiyey inuu diyaar u yahay inuu doonayo inuu Mareykanka uu fursad wadahadal oo seddexaad siiyo. Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu sheegay inuu Mareykanka uu fursadda kulanka seddexaad uu u siinayo ilaa iyo dhammaadka sanadkan waa haddii ay hayaan qorshe kuaaddan in kulan seddexaad la yeesho. Madaxweyne Trump wuxuu boggiisa Tweetarka uu ku qoray farriin ammaan ah oo uu ku sheegay ‘Inta uu Kim hoggaanka Kuuriyada waqooyi hayey inuu isbeddallo wanaagsan uu muujiyey uuna ugu hambalyeeynayo’. Kim Dong-yup oo jaamacadda Kiyuungnam ee ku taalla Kuuriyada Koonfureed, wax ka dhigo oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters wuxuu sheegay in loo baahan yahay Mareykanka oo keli ah halka ay Piyongyang wadahadalladeeda isku koobi lahayd iney raadiso wadda kale oo ay ku wanaajineyso xiriirka waddamada kale ee caalamka ay la aleedahay. Hadalka Kim ayaa imanaya maalin un kaddib marka uu Mr Trump uu Washington wadahadal uu kula yeeshay Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya Moon Jae-in, wuxuuna tilmaamay suuragalnimada inuu wadahadallo kale uu la yeesho Mr Donald Trump. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aalo cajiib ah ka keenay qaabka shacabka Soomaaliyeed ay ula shaqeyn karaan laamaha amaanka dalka. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee dhaliilsan hanaanka xukuumadda Soomaaliya u shaqeyso ayaa su’aalo ka keenay sida dowladda Soomaaliya ay dooneyno inay taageero kaga hesho shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in ciidamo cusub oo aan la aqoon cid ay ka amar qaataan inay dhibaato ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dilal u geysanaya dadka shacabka ah oo la doonayay inay amaankooda xaqiijiyaan. Xildhibaan Mahad Salaad, ayaa sidoo sheegay in shacabka magaalada Muqdisho ay dhibaatooyin badan kala kulmeen ciidamada amaanka iyo masuuliyiintooda, waxaana uu sheegay in shacabka dhibaato ku qabaan xernaanshaha waddooyinka. Shacabka ayuu sheegay inaysan helin waddooyin ay adeegsadaan marka ay tagayaan goobahooda shaqada, xarumaha waxbarashada iyo xarumaha caafimaadka, sidaasi oo ay tahayna laamaha amaanka shacabkaasi ay ka doonayaan inay la shaqeeyaan. “Sidee Shacab aan isbitaal Tagi karin, oo iskuul aan tagi karin oo shaqo aan tagi karin, oo jidadkii soo galayay magaalada oo dhan meel kastaa dhagax iyo caro looga gooyay, sidee amni ugala shaqeyn karaan hay’adaha amniga, balse taasi ha la is weydiiyo” “Waxaa intaas dheer amniga waxaa masuul ka ah hay’adaha amniga, Booliskii la yaqaanay ee sharciyada yaqaanay, ciidamo boolis ah oo cid ay ka amar qaataan aysan jirin lana aqoon, ayaa lagu soo daray, kuwaasi oo dhibaatada ka wada magaalada”ayuu yiri Mahad Salaad. Ciidamada Booliska ee lagu daadiyay waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay yihiin kuwo si toos ah u hoostaga taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir, iyadoo marar badan ciidamadaasi ay isku dhaceen ciidamada Maletariga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taageero ka raadiyey odayaasha dhaqanka beelaha Mudulood, kadib hadalkii gefka ahaa uu shalay ku weeraray dibad-baxayaal ka cabanayey dilalka ciidamada dowladda. Farmaajo ayaa sheegay in banaanbaxayaasha ay ahaayeen rabshad wadayaal burburinaya hantida ganacsatada oo dhaawacay sharafka qarannimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku hoos jireen Al-Shabaab. Kadib markii hadalkaas madaxweynaha ay carro xooggan ka dhalatay, ayaa madaxweynaha uu isugu yeeray odayaasha Mudulood ee dowladda ay lacagta siiso bil walba, oo ay ka mid ahaayeen Imaam Maxamed Yuusuf iyo Maxamuud Cali Ugaas, oo hadal u dhow kan madaxweynaha soo saaray. Hase yeeshee ,waxaa kulankooda fashilay Wabar Socdaal Raage Wabar Cil-faaf oo ka mid ah duubabka dhaqanka Beesha Mudulood ee ka qeyb-galay kulankii Farmaajo isugu yeeray. Farmaajo ayaa odayaasha ugu wacay inuu kala hadlayo xaaladda Muqdisho, hase yeeshee Wabar Socdaal Raage ayaa sheegay in markoo goobta la tagay uu taageero ka dalbaday isaga oo dareemay carrada ka dhalatay hadalkiisa. Wabar Socdaal ayaa sheegay in markii uu ku dhiiraday inuu ka dhawaajiyo dhibka shacabka Muqdisho ay kala kulmaan ciidamada dowladda uu colaadin kala kulmay xubnihii ka qeyb galay kulankaas. Hoos ka dhageyso Codka Wabar Socdaal https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/wabar-socdaal-raage-wabar-cilfaaf.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa walaac ka muujisay Xaaladda Magaalada Muqdisho oo aad usii xumaanaysa. Fowsiyo ayaa xustay in Magaalada loo kala qeybiyay 4 qeybood, islamarkaana wali ay socdaan Qaraxyadda iyo dilalka ay geystaan Al-Shabaab ay ka gaysanayaan magaalada caasimadda ah. Xildhibaanada waxa ay sheegtay in haween badan ay ku umuleen Wadooyinka ka dib markii loo diiday in ay maraan Wadooyinka Muqdisho, halka dad da’ ah oo aan socon karin kagu qasbayo inay lugeeyaan. Waxay sheegtay in qorshihii dowladda ee ahaa inay magaalada soo gelineyso basas shacabka qaada, si aan loo dareemin culeeska xirnaanshaha waddooyinka, uu ahaa qorshe aan jirin oo aan la fulin. Xildhibaanadda ayaa shaaca ka qadday inaan loo dulqaadin karin rafaadka ay marayaan shacabka, loona baahan yahay in la furo Wadooyinka si aan loo ciqaabin dadka Shacabka. Hoos ka daawo xildhibaanadda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online ka helayso Degmada Salaxley, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka geysteen degmadaas oo magaalada Hargeysa u jirta qiyaastii 50-Km. Diyaaradahan dagaal ayaa shalay bambooyin iyo waxyaabo kale oo qarxa ku tuurey deegaano katirsan degmada Salaxlay, iyaga oo si gaara ula beegsaday banka qool-caday, halkaas oo ay ku sugnaayen dad reer guura ah. Guddoomiyaha Degmada Salaxlay Ismaaciil Shiine ayaa sheegay in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayaa ay waxyaabo qarxa ku tuureen reer guuraa iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmadaasi. “Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yiri Guddoomiye Shiine. Gudoomiye Shiine ayaa sidoo kale sheegay inay goobtaasi ay isla markiiba tageen, ayna soo arkeen hadhaaga hubkii ay diyaaraduhu tuureen iyo gubashada dhulkii ay ku habsadeen bambooyinku. Dhinaca kale, Xoolo dhaqato Geel ka waraabinayay ceelka Riigga ah ee banka qool-caday ayaa sheegay inay maqleen jug culus iyo uuro ka kacday goobta ay diyaaradahu beegsadeen, maadaama ceelka ay ka waraabinayeen xoolaha aanu ka fogayn meesha diyaaraduhu hubka ku tuureen. Ilaa iyo hadda lama oga dalka laga leeyahay diyaaradahaasi Militeri ee duqaynta gaystay, balse Gudoomiyaha degmada Salaxlay ayaa sheegay in marar hore diyaarado militeri ay joog hoose ku dulmareen degmada, balse ay tahay markii u horaysay ee hub tuuraan, arrintaasi oo oo cabsi ku abuurtay dadweynaha deegaankaasi. Laamaha ammaanka ee Somaliland iyo Maamulka Gobolka Maroodijeex ayaa lagu wargaliyay arrinta, ilaa iyo haddana wax war ahna weli kamey soo saarin. Sikastaba, dhawaan unbey aheyd markii degmada Gabilay, ay sidan oo kale diyaarado dagaal ay hub ku tuureen dhul daaq-simeed ay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah, iyada oo xukuumadda Somaliland ka hadal inta badan arrimaha diyaaradahaasi duqeymaha geysta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Milatariga Suudaan ayaa shaaciyay in xilkii laga qaaday isla markaana meel amaan ah lagu xiray madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan AlBashiir. Militariga ayaa sheegay inuu AL-Bashiir dalkiisa ku wajihi doono Maxkamad isla markaasna aysan dhici doonin in loo dhoofiyo meel ka baxsan Suudaan. Madaxweynihii hore ee Al-Bashiir ayaa si weyn usoo garab istaagay dadka Soomaaliyeed Xilligii ay dhacday Dowladdii Maxamed Siyaad Barre markaas oo uu u fidiyey Waxbarasho lacag la’aan ah iyo inuu u tababaro Booliska. Haddaba waxaa warbixintaan kusoo qaadan doonaa Soomaalida wax kusoo baratay Dalka Suudaan ee hadda saameynta ku leh Siyaasadda Soomaaliya. 1) Maxamed Cumar Dalxa Waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya muddana kasoo tirsanaa, sidoo kalana wuxuu ahaan jiray Fanaan Soomaaliya caan ka ah. Wuxuu kamid ahaa Ardaydii wax kusoo bartay dalka Suudaan mudana halkaas ku noolaa. 2) Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa Odawaa oo horey usoo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha xilligii Xasan Shiikh Maxamuud isla markaasna hadda ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kamid ahaa dadkii wax kusoo bartay dalka Suudaan. 1992 ayuu waxbarashadiisa kusoo qaatay dalka Suudaan ka hor inta uusan kusoo laaban dalka Soomaaliya oo uusan kamid noqon siyaasiyiinta saameynta leh. 3) Axmed Macallin Fiqi Waa xubin ka tirsan Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya, waana shakhsi saameyn xoog leh ku leh Siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna horey usoo noqday taliyaha ciidamada nabad sugidda. Fiqi ayaa dalka Suudaan waxbarashadiisa kusoo qaatay intii uu dhaxeysay 1992 illaa 1998. 4) Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Kadib markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kamid ahaa dadkii nasiibka u leh inay wax ku bartaan Dalka Suudaan. Cabdiraxmaan oo hadda ah Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayey isku lood ahaayeen Shiikh Shariif Shiikh Axmed Sanadkii 1993. Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayuu ka noqday Dowladdii uu hormuudka uhaa Saaxiibkiis Sheekh Shariif. 5) Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheekh Axmed oo horeyna usoo noqday hoggaamiyihii Maxkamadda Islaamiga ayaa kamid ah Dadka saameynta leh ee wax kusoo bartay Jaamacadaha ku yaal Dalka Suudaan sanadkii 1993. Sheekh Shariif ayaa markii dambe kasoo tagay dalka Suudaan, wuxuuna Waxbarashiisa kusoo dhameystay dalka Liibiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors