-
Content Count
208,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargaysa (Somalilandtoday)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta Hadhimo sharafeed ku maamuusay Odoyaasha dhaqanka ee Barriga Sanaag. Odayaasha Dhaqanka oo Hargaysa U Yimi Martiqaad ay ka heleen Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Todobaadkanba Ku Sugnaa Caasimada hargaysa ayaa Maanta Waxaa Hadhimo sharafeed Hotel Maansoor ugu Sameeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed. Hadhimo sharafeedkan ayaa ka sokow odoyaasha dhaqanka ee bariga sanaag waxaa kasoo qayb galay wasiiro hore xildhibaano iyo marti sharaf kale . Waxaana halkaasi hadalo soo dhaweyn ah kasoo jeediyey wasiirka arrimaha Gudaha , ex wasiir cali warancade, ex wasiir Cadimi iyo sulaadiin si diiran usoo dhaweeyey madax dhaqameedka. Dhinaca kale waxaa odoyaasha dhaqanka ee Beriga Sanaag u Hadhay laba oday oo ka mahad naqay qadada uu ku sharfay wasiirka arrimaha Gudaha JSL. Source
-
(SLT-Tripoli)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda nawaaxiga magaalada Tripoli ay ku dhinteen 121 qof halka ay ku dhaawacmeen 561 kale, tan iyo inti uu Tripoli weerarka ku qaaday janaraal Khalifa Haftar horraanti bishaan. Bayaan maanta laga soo saaray xafiiska QM ugu qaabilsan caafimaadka ee loo soo gaabiyo WHO, ayaa lagu sheegay in hey’adda ay dawo iyo shaqaalo dheeraad ah ay u direyso Tripoli, hase yeeshee waxay cambaareeysay weeraro loo geystay shaqaalaheeda iyo gaadiida ay leedahay inti uu socday dagaal duleedka caasimadda ka dhacay afarti bishaan April. Xafiiska arrimaha bani’aadannimada ee QM ayaa sheegay in dagaalka Tripoli ay ilaa iyo hadda ku barakacaeen dad gaaray 13 kun oo ruux, halka ku dhawaad 1000 ruux la dajiyay goobo caam ah. Maleeshiyada jeneral Haftar oo inta badan gacanta ku haya bariga Libya, ayaa iska dhaga tiray baaqyo caalami ah oo ka dhalbaday inuusan weerarin dowladda ay beesha caalamka aqoonsantahay. Xaaladda Libya ayaa cakirneyd tan iyo sannadki 2011-ki, xilligaas oo awooda xoog looga tuuray general Moamer Kadhafi, kaddibna la dilay. Source
-
Dowladda Puntland ayaa maanta oo Axada gebi ahaanba mamnuucday soo dejinta, dhoofinta iyo ka ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan iyo agabka ciidamada. Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka Amniga, Cabdisamad Maxamed Gallan oo laga tix-raacay dikreeto madaxweyne ayaa lagu sheegay in guud ahaan Puntland laga mamnuucay soo dejinta, dhoofinta iyo ka ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan iyo agabka ciidamada. Isla dikreeta waxaa lagu mamnuucay in gaadiidka iyo dadka hubaysan aysan geli Karin garoomada diyaaradaha Puntland iyo dekedda magaalada Boosaaso, marka laga reebo mas’uuliyiinta dowladda oo keliyah. Halkan la akhriso PUNTLAND POST The post Puntland oo laga mamnuucay noocyada kala duwan ee hubka iyo agabka ciidamada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin ayaa ka carooday su’aallo shaqsi ah oo kulankii baarlamanka ee maanta uu ku weydiiyey Xildhibaan Zakariye Gaashaan. Su’aasha xildhibaan Zakariye ayaa la xiriirtay xil ka qaadistii lagu sameeyey taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla iyo eedeymaha Fahad loo jeediyo. Fahad ayaa ku jawaabay in su’aalaha noocan ah ay qalad iyo gef ku yihiin magaca hay’adda qaranka ee NISA, wuxuuna ka dalbaday guddoonka inuu xildhibaanka raalli gelin ka bixiyo, haddii kale uu qaadanayo xaqa qaanuuniga ah uu leeyahay. “Aad ayey ii dhibaysaa in nin xildhibaan ah uu hadalkan ku hadlay, oo xitaa qof kale uu kasoo xigtay oo aysan ahayn wax uu isaga baaritaan ku sameeyey” ayuu yiri Fahad. Waxa uu sheegay in su’aasha xildhibaan Zakariye ay xurmo darro ku tahay hay’adda nabad-sugidda, islamarkaana golaha baarlamanka uusan u qalmin in su’aal noocan oo kale ah la isku dhex-weydiiyo. Hoos ka dhageyso Fahad oo ka jawaabaya arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Roobkii gu’ga ayaa maanta ka curtay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaana Roob lagu qabowsasay uu ka da’ay magaalada Ceerigaabo iyo deegaamada ku hareeraysan. Roob gu’ga ayaa hore uga curtay deegaano ka mid ah gobollada galbeedka Somaliland sida Boorama, Gabiley iyo Wajaale. Waxa guud ahaan Somaliland maanta laga tukaday salaad roob doon ah iyada la sheegayo in deegaano badan oo dalka ka mid ah ay ka taagan tahay biyo la’aan baahsani oo meelaha qaar ay dad ku dhinteen. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shaandhayn uu sameeyay maanta waxa uu xilka kaga qaaday wasiirkii Wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon ayaa sababta xil ka qaadistiisa waxa loo aanaynayaa kulan ballaadhan oo uu dhawaan magaalada ku qabtay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ku qayb-galay, sida ay ilo xog-ogaal ahi u sheegeen Somalilandtoday. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu si weyn uga cadhooday kulankaasi iyada oo uu maanta bartilmaameed ka dhigtay wasiirkii kaliya ahaa ee ka tirsan xukuumaddiisa ee ka qayb-galay kulankaasi Prof. Axmed Ismaaciil Samater ayaa kulan kaasi waxa uu ka dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo soo bandhigay tallooyin uu siiyay wakhtiga ololaha oo uu cidla kaga tagay Muuse Biixi markii uu ku guulaystay tallada dalka ee loo doortay Madaxweynaha Somaliland. Ibraahim Shirwac Looddoon Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa waxa la sheegaan in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu door muhiim ah ku lahaa magacaabistiisa iyo in loo magacaabo wasaaradda uu wasiirka ka ahaa. Si kastaba ha ahaate wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu ahaa mas’uuliyiinta aan inta si toos ka ah ugu dhex jirin arrimaha siyaasadda balse ku kooban wasaaraddiisa iyo shaqada uu qaranka u hayo. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarunta Dambi Baarista ee CID ayaa waxaa ka taagan dhibaato xoog leh oo ku saabsan Waraaqaha ay dadka uga soo baahdaan gaar ahaan Waraaqda caddeyneyso inuusan qofka dambi ka gelin dalka Soomaaliya (Criminal Record). Xarunta CID ayaa markii hore lacagta ku qaadi jirtay Xarunta waxayna dadka ku qasbanaayeen inay lacagta u bixiyaan si Kaash ah lamana ogoleyn in Akoon lagu shubo iyo in lacagta lagu tuuro Aaladaha lacagta la isugu tuuro ee Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhawaan amar kusoo rogtay Xarunta Dambi Baarista ee CID waxayna shaacisay in wixii hadda ka dambeeyo ay lacagtaas aruurin doonaan Wakiilo ka socdo Wasaardda isla markaasna Wasaaradda Maaliyadda looga sameeyey Akoon u gaar ah oo hadda lagu shubo lacagaha kasoo xaroodo Xaruntaas. Tan iyo markaas waxaa dayacmatay shaqadii ka socotay CID ee dadka loogu adeegayey gaar ahaan waraaqaha Dambi La’aanta maadaama ay Meesha ka baxday lacagihii sida musuq maasuqa ah loo qaadan jiray. Waxay bilabeen Saraakiishii howshaas qaabilsaneyd inay dayacaan shaqadii loo hayey Bulshada waxaana Xarunta CID ku arkeysaa dadkii Waraaqaha soo doontay oo lagu aruuriyey Xarunta Wasaaradda Beeraha oo ku dhagan Xarunta Dambi Baarista ee CID waxayna dadkaas halkaas ku sugnaadaan wax ku dhow 10 Saacadood iyadoo aan qaarkood wax shaqo ah loo qaban halka kuwa kalana ay helaan wixii ay soo doonteen kadib saacado xad dhaaf ah, waxaana meeshaas si dhaqso ah looga wadaa kaliya dadka Laaluushka laga qaado halka kuwa kalana loo sheego inaysan meeshooda kasoo dhaqaaqi karin. Sababta sidaas loo yeelayo ayaa ah in Saraakiisha howshaas qaabilsan iyo Shaqaalahaba laga joojiyey Lacagihii musuq maasuqa ahaa oo ay halkaas ka heli jireen. Inta badan dadka Waraaqaha loo fududeeyo ayaa laaluush ahaan u bixiyo lacag ka badan midda sharciga ah oo ay Wasaaradda Maaliyadda uga qaado Gudaha Xarunta Dambi Baarista ee CID si ay kaliya uga badbaadaan ciqaabta adag ee ka taagan helista Documentiyadaas. Hooyo kamid ah dadweynaha Waraaqaha uga soo baahday Xarunta CID oo wadatay dhallaan yar oo umusha lagula jiro oo ay Caasimadda Online kula kulantay Xarunta Dambi Baarista ayaa sheegtay inay halkaas ku sugneyd muddo 8 Saacadood ah isla markaasna ay isku kor rafaadeyn iyada iyo cunugii yaraa oo ay dhabta ku wadatay. Hooyadaan ayaa ugu dambeyntii isaga tagtay Xarunta iyadoo aan helin waraaqdii ay soo doonatay maadaama ay Shaqaalaha iyo Saraakiisha CID xoogga saaraan inay Waraaqaha u sameeyaan kaliya kuwa ay Laaluushka ka heliyaan oo lagu siiyo waqtiga ugu fudud oo u dhaxeyso 30 – 45 Daqiiqo. Arrinta hooyadaan lagu sameeyey ayaa ah mid ka baxsan xuquuqda Bini’aadanimada iyo midda Islaanimada maadaama ay mudneyd in lagu tixgeliyo Cunugga yar iyo xaaladda ay ku jirto oo ah mid u baahan in la ilaaliyo, balse waxaa muuqato in Xarunta Dambi Baarista Booliska Soomaaliyeed ay ilaalinta hooyadaan kala weynaatay Laaluushka yar ee laga helayo Dadka kale. Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey Shacabka ugu ballan qaaday inay la dagaalameyso musuq maasuqa iyo Laaluushka balse waxaa muuqato inaysan arrintaas ka hirgelin inta badan hey’adaha Dowladda weliba si gaar ah Xarunta Dambi Baarista oo saldhig u ah Booliska Soomaaliyeed oo u taagan ilaalinta Sharciga iyo Dadweynaha Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kamid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha XFS ee magaalada Washington ku sugan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya. “Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalmka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka”ayuu yiri Wasiir Bayle Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya gaartay heerkii ugu sareeyay ee Kalsoonida Beesha Caalamka. Dhanka kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirarkii malmahan ka socday magaalada Washington ka sheegay in isbedelo la taaban karo laga gaaray dhinacyada horumarinta maamulka iyo maaliyadda,amniga iyo arrimo badan oo horumarinta dhaqaalaha dalka ku saabsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha tuulada Dalsan ee gobolka Nugaal oo dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in laba ruux dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay laamiga u dhexeeya tuulooyinka Dalsan iyo Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal. Guddoomiyaha oo lagu magacaabo, Siciid Maxamed Siciid ayaa sheegay in gaariga shilka galay uu siday 5 ruux oo ka kooban 4 qof oo walaalo ah iyo hooyadood oo ay ka keeneen degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaasoo lagu soo kabay, kadib markii ay jabtay. Qoyskan ayaa shilka galay, xilli ay ku socdeen magaalada Garoowe, kadib markii uu laamiga kala baxay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen, waxaana halkaasi ku dhaawacmay hooyadii carruurta dhashay iyo hal gabar, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha Dalsan. Saddexdii qof oo kale ayaa ka badbaaday shilka, waxaana hooyadii da’da ahayd iyo gabadhii oo dhaawacyo culus qaba loola soo cararay isbitaalka magaalada Garoowe oo haatan lagu dabiibayo. PUNTLAND POST The post Dhaawacyo culus oo la keenay Garoowe kadib markii gaari la dhacay appeared first on Puntland Post.
-
Salaad Cali Jeelle oo ka hadlay amniga iyo dooda G/Shacabka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Salaad Cali Jeelle oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa si kulul uga hadlay xaaladda Amni ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Ugu horreyn Siyaasiga Salaad Jeelle ayaa carabka ku dhuftay in Al Shabaab ay ka faa’iideysanayaan xubnaha Mucaaradka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay jiraan siyaasiyiin iyo dowlado shisheeye oo ku howlan duminta Qaranka, isaga oo abaaray dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Ugu dambeyn Siyaasiga caanka ah ee Salaad Cali Jeelle ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan siyaasiyiin badan oo sugi la’ muddada xil heynta dowladda hadda jirta. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Jelle.mp3 View the full article -
Hargeysa (SMN) – Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay xubno ka tirsan maamulkaasi. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Biixi ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii looga qaaday Cawaale Ibraahim Shirwac oo ahaa wasiirkii wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Somaliland. Sidoo kale waxaa xilkii laga xayuubiyay Axmed Xasan Cigaal oo maamulkaasi wakiil uga ahaa Itoobiya. Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland ayaa isla wareegtadan ku magacaabay masuuliyiin cusub. 1 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta 2 Cumar Cali Cabdullahi Bade wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka. 3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax wasiirka ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha. 4 Salaan Xasan Kayd Cabdulle ayaa isna loo macagaabay wakiilka maamulka Somaliland ee Itoobiya. Bishii hore ee March ayey aheyd markii, xilka qaadis lagu sameeyay wasiirkii WarfaafintaSomaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri Barwaaqo), Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo Maxamed Muuse Abees oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Warfaafinta Somaliland, waxaana masu’uuliyiintaasi lagu eedeeyay in ay ku kaceen arrimo la xariiqa Musuq-maasuq. View the full article
-
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Xil ka Qaadis Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
-
Washington (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kamid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha XFS ee magaalada Washington ku sugan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya. “Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalmka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka”ayuu yiri Wasiir Bayle Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya gaartay heerkii ugu sareeyay ee Kalsoonida Beesha Caalamka. Dhanka kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirarkii malmahan ka socday magaalada Washington ka sheegay in isbedelo la taaban karo laga gaaray dhinacyada horumarinta maamulka iyo maaliyadda,amniga iyo arrimo badan oo horumarinta dhaqaalaha dalka ku saabsan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay soo afjari doonto howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo tababarka ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya marka la gaaro 2026. Saraakiil ka tirsan Wasaaraadda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu saxiixay qorshahan, iyadoo ay wali jirto khatarta ku wajahan amniga Soomaaliya. Labadii sano ee lasoo dhaafay Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha dhanka cirka ah ee Soomaaliya, iyadoo ciidamo American ah ay ka qeyb qaadanayeen howlgalka dhulka ee laga fulinayo goobaha ay Al-Shabab maamusho. Wasaaradda difaaca Mareykanka Mareykanka ayaa sheegtay inay tababareen ciidamo gaar ah oo lagu magacaabo Danab, kuwaasoo ka kooban 3,000 oo Askari oo awood u leh sida ay sheegeen inay Al-Shabab ka saareen degaanada ay ku sugan yihiin. Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee Mareykanka Navy SEAL ayaa sanadihii lasoo dhafay tababar siinayaay Askarta DANAB, oo inta badan ay howlgallada qorsheysan isla fuliyaan. Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dalalka reer galbeedka ee ka caawinaya Soomaaliya dib u dhiska ciidamada iyo la dagaalanka Al-Shabaab, waxaana ay tababar siiyaan ciidamda xoogga dalka. View the full article
-
Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in guddi wasaarado ka kooban loo saari doono, arrimaha kufsiga ku soo badanaya degaannada Puntland, saacado kadib markii guddiga joogtada ah ee Baarlamanku isku raacay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kufsiyada ka dhaca Puntland. War-murtiyeed ka soo baxay Shir ku saabsanaa amniga oo maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Garoowe, ayaa lagu sheegay in si deg deg ah xukuumaddu wax uga qaban doonto arrimaha kufsiga, islamarkaana guddiyo ka kooban wasaaradaha loo saari doono baaritaanka kiisaskii dhacay. Shirkan waxaa goobjoog ahaa maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Amniga Puntland, agaasimaha guud ee madaxtooyada, iyo taliyayaashacCiidamada Booliska, Daraawiishta, PSF iyo Asluubta, waxaana shir guddoomiyay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan(Karaash). Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland, Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ka warbixiyay shirkaasi, ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Puntland lala wadaagi doono hadba wixii ka soo kordha baaritaannada iyo hawlaha socda ee ku aaddan waxka qabashada kufsiga. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo sheegtay in ay guddiya u saarayso arrimaha kufsiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan hal Qof ayaa dhintay mid kalena, dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii uu ku soo dumay dhismo ka socday Garoonka kubadda cagta Jaamacadaha oo ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay darbigan ayaa ahaa shaqaale dhismo cusub ka waday qeybta VIP-da ee garoonkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadashay Shabelle ayaa ka warbixisay dhacdadaasi. Waxana ay sheegtay in shaqaaluhu ay ahaayeen saddex, islamarkaana dhismaha uu ka badbaaday mid ka mid ah, halka labada kale midna uu dhintay, mid kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah. Garoonka Jaamacadaha oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa ka mid ah garoomada kubadda cagta ee ku yaalla magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Cod-Jimcale-.mp3 View the full article
-
Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has called upon the citizens in the country to refrain from violent demonstrations. The head of state was speaking during a meeting with the residents of Warta Nabada district on Saturday evening after the police allegedly shot dead rickshaw driver that prompted demonstrations in the city before putting to an end by the security agencies. Farmajo said the government would not accept unauthorized protesters that threaten law and order. “Your grievances must be expressed within the framework of the law and respect to the justice system in the country,” the president said. The president sent his condolences to the family of the victims while ordering the security agencies to bring the police officers responsible for the alleged shooting urgently before the court to face justice. He also cautioned those he described as taking advantage of the situation to create chaos. Meanwhile, Somali Police Force Commissioner, General Bashir Abdi Mohamed has confirmed the arrest of police commander responsible for the area in which the killing of rickshaw driver took place on Saturday. General Bashir also said two security officers were also detained in connection for unnecessary clashes between two government forces in the capital on Saturday. He was Speaking during a press conference to brief the media on the recent happenings in the Somali capital. View the full article
-
The Prime Minister, Hassan Ali Kheire has held talks with David Norquist in Washington DC. In a Twitter post, the ministry for Information said the two officials discussed means to enhance the bilateral relations between the two countries. According to the ministry, the Prime Minister lauded the US government for its commitment to annihilate al-Shabaab and ISIS groups in Somalia. “HassanAKhaire held talks with US Under Secretary for Defense and expressed immense gratitude for America’s role in the war on terror and discussed ways to enhance bilateral cooperation b/w the 2 nations in Somalia’s security sector reform,” the Twitter post reads. The meeting comes on the heel of new offensives against al-Shabaab fighters in Southern Somalia. Somali military-backed troops from African Union Mission In Somalia (AMISOM) have stepped up operations to liberate villages in Lower Shabelle region. Since the beginning of this month, the forces recapture two villages from al-Shabaab. The US government also gives Somali and AMISOM troops aerial bombardment support against al-Shabaab. Latest US airstrike killed al-Shabaab fighters in Lower Shabelle region this week. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa mar sii horreysay si rasmi ah u furmay kulanka shanaad ee Kalfadhiga 5-aad golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa dibad joog ka ah Warbaahinta madaxa banaan iyo tan dowladda intaba. Waxaa haatan kulanka goobjoog ah wasiirada amniga, gaashaandhigga, taliyeyaasha Xoogga, Booliska Asluubta iyo ku simaha taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin. Xildhibaanada golaha shacabka aya su’aalo adag oo la xariira amniga dalka, gaar magaalada Muqdisho weydiinaya mas’uuliyiintaasi. Gabagabad ayaa la filayaa in Murtiyeed laga soo saaro kulankaasi, si bulashada loo gaarsiiyo waxyaabihii laga wada hadlay. View the full article
-
Popular Contributors