Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,219
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Amniga dowladda Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya lagu dilay duqeyn maanta ka dhacday nawaaxiga tuulada Xariiro ee gobolka Bari. Wasiirka ayaa VOA-da u sheegay in hoggaamiyaha la dilay uu la dhintay qof kale oo aan weli la aqoonsan kadib markii la duqeeyay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen. Hoggaamiyaha la dilay magaciisa ayaa wasiirku ku sheegay, Cabdixakiin Dhoqobeed, balse faahfaahin kale kama bixin. Mudane Gallan ayaan sidoo kale ka hadlin, dalka laga leeyahay diyaaradah duqeynta geystay, inkastoo dowladda Maraykanku hore duqeyma uga fulisay degaannadaasi. PUNTLAND POST The post Hoggaamiye ka tirsan Daacish oo ku dhintay duqeyn ka dhacday gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  2. Ugu horayn waxaan salaanta islaamka ku salaamayaa dhamaanba warbaahinta Somalliland meelkasta oo ay joogto, waxaan kaloo salaamayaa bulshada Somaliland meelkasta oo ay kala joogaan. Maqaalkan aan ugu magac daray ninka ugu ildheerbaa dadka ugu ayaan daran, waxaa igu kalifay inaan qoro su’aal aan iswaydiiyay oo ah niyaw dhibka haysta bulshada dhinac kastoo ay noqoto ma adiguun baa arkaya mise waa lagula og yahay ee dan baan laga lahayn, waxyaabaha aan isdul taagay waxaa ka mid ah nolosha bushada iyo sida uu sixir bararku u aafeeyey. Horta marka koobaad dhib kasta oo ku yimaada bulshadeenan Somaliland waa mid ay iyagu isu gaysteen oo ka bilaabmaysa qabyaalada iyo iskhilaafka laysku khilaafayo waxkasta oo bulshada dan u ahaa iyadoo laga duulayo qabyaalad. Sixir bararku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha mideeya bulsho wada nool oo kala fikir ah ama wax isku khilaafsan, waana muhiim in xaalada dadkeenu maanta ku jiro in loo midoobo, dawlado dhan ayaa lagu badelaa roodhi hal cent ku kordhay, inaguna maanta halkii ugu liidatay ayaynu maraynaa dadkeenii danyarta ahaana waxba xaalkooda kalama socono. Waxyaabaha iga yaabiyay waxaa ka mid ah markasta oo la doonayo in sixir barar wax laga qabto waxaa la yidhaahdaa dollar baa kacay ee hoos haloo dhigo, haddii hoos loo dhigana laba dhibaato ayay bulshadii la kulantaa oo kala ah waa mida koobaade in meceeshadii halkeedii taagnaato ama kabasii korodho iyo in lacagtii hoos u dhacdo oo waxba u jari waydo bulshadii masaakiinta ahayd, waxa kale oo la yaab leh, halkii shay ee la siin jiray hal ka dollar marka uu tobanka kun ahaa imika oo uu sideed kun marayana lagu odhan maayo hal dollar keene waxaa lagu odhanayaa toban kun keen, marwalba bulshadii masaakiinta ahayd ayaa ku dulman, ma waxaynu garan waynay oo maamulkeenu garan waayay war haatan bulshadu halka dollar shayga la siinayo hal dollar haku iibsatee zaad kii iyo e-dahabkii u ogolaada in sidii caadiga ahayd lacagta laysugu diri karo, oo halkii dollar wax lagu iibsan karo, zaad kii iyo edahabkii la joojiyayna dhib kale iyo sixir barar kale ayuun bay bulshada ku soo kordhiyeen. Haddaba, markay sidaa tahay, waxaan talo idinku siinayaa muwaadiniinta aan u diir naxayoow iyo dadkayga jilicsanoow inaad ka hadashaan oo ka doodaan oo diidaan sixir bararka iyo tacadiga noocaas ah ee aydaan qaadi karayn idinkoo mid ah oo aan iskala qaybinaynin, qabyaaladana iska daaya waata halkaa idin dhigtaye, wixii dadka, dalka iyo diintaba wax u dhimaya, wixii aan xaq ahayn iyo waxkasta oo bulshada masaakiinta ah culays ku ah si toos ah oo isku mid ah uga wada hadla oo ha is khilaafina nabad-galyadana ilaashada idinkoo mid ah. Wa bilaahi tawfiiq Abdiaziz Mohamed Mohamoudaziiz9000@gmail.com Source
  3. Dhalinyaradu waa furaha bulsholaga furo ama lagaxidho, Aduunka hadiila cabirayo bulsho-weynmeel ku wadanool, Hal-beega lagaqiyaasqaataa waa dhalinyaradoodu sidayula haystaan noloshaiyo waliba xadigaQaab-fikirkooda, Maxsuulkuna labauun baymidnoqdaan kuwa lagufarxo oo waxsoo kordhiyey amakuwa laga naxooo aan waxbasoo kordhin islamarkaana faashiliin ah. Dunida saddexaad ayuuahaa Baytal-qasiidkii qormadaniiyo waliba dhalinteeda,Caalamka intaa leegcida laga shaqeystaaee aan wax-soo-saarbuuran lahayni waaQaarada Afrika ooloogu yeedho dunidasaddexaad, Hadaba qaaradanwaxa ku dhaqandhalinyaro fara-badan kuwaasioo aan aduunkaku lahayn magac, mukhatiricnimo, muhandisnimoiyo waliba mu,alifnimoshay laysla qaatey. Dhalinta dunida saddexaadculuun way leeyihiinaqoonta ay bartaanama,aha mid yagaanfacaysa, Arki maysidmid kaliyoo waxhindisaumadu kudiirsato uu kasoo jeedaa, Waawada Aqoon-yahano aaneyculuuntoodu u goynaynxal u helida mushkiladahahaysta, Aduunkawaxba umasheegaan yaga uunbaa loo sheegaa. Dhalinta dunida saddexaadwaxay ka helaandaawashada dhalinyaro dhigoodaah oo shaqaysanaya,Kuwaasi oo layskajeediyey lanajiheeyeywaa dhalinta kubadaama balooniga ciyaarta,e, Waxa lagadhigay kuwa caalamiyakuwa ugu badanee ku mashquuleyee dankastau seegay waadhalinta dunida saddexaadama Afrikaanka ooyagu ah khabiirofalan-qeeya kuwaa shaqadoodawata. Dhalinta dunida saddexaadayuun baa lagasoo helayaa sidiigidaarada lagu qoroboodhadhka shirkadaha magacyadooda oo kale,Qaaryagoo noolqof isu qoreyoo u ahxayeysiis, Tusaale ahaanwiil baa taageeraisagoo muslim ah ciyaartoywaxa uu iibsanayaagaranmagaca ciyaartoygaasi kuqoran yahay, Wuuxidhanayaa markuu ciyaarayoninkaa uu magaciisasitaa hadaba qofkanimaanu noqonaynsidiigidaar boodh kuyaala. Dhalinta dunida saddexaad waxaykaga duwan yihiinkuwa kale ee caalamkawaa umada kaliyee xidhatadhar magac qofkale kuqoranyahay, Aduunka adigaoo cid taageereu ah maxidhan kartid garanuu ku qoranyahay magaciisu, Waayowaxay aaminsan yihiininshakhsiyan qofkaasihoos isu dhigaywaxay xidhaan calaamadaay taageersan yihiinoo bilaa magaca. Dhalinta dunida saddexaadwaa dhalin lamashquuliyey oo loosameeyey wax lagaga xadidayofikirka iyo waxsoo kordhinta,Waxaadmoodaa inay inyari imika waxsoo fahmayso wadamadaqaar baa yeeshaydhalinyaro mukhtariciin ah, Kuwaasinalama buun-buuniyo taariikhdanalaguma daro eedalalkooda ayuun baalaga yaqaanaa. Dhalinta dunida saddexaad waadhalinyarada kaliyaatee dhigoodahagradey waqtiga ugubadan galiya hadaytahay ciyaaro iyoaflaam,Kuwaasi hortaway shaqeysanayaan laakiinkuwa afrikaanka ahee aduunka waxcusub keena amashaqaysanaya kumamashquulaanmana bartaan xataama daneeyaan waxayu arkaan waqtilumis iyo waxaan waxba kasoo galayn. Dhalinta dunida saddexaadma xusto taariikhdu manalaha halyeyo sidakuwa reer galbeedloo buun-buuniyo oomacaa manhajyadataariikhdalagu daro, Dalalkahoru-marey waxay kadhigaan dadkooda aqoonla barto kuweenanafrikaankuna may fahminwaqtigiibaintaad baranaysoayuu kaaga dhamaanayaa,Waa ka sheekayntanin shaqaysanaya ama ku daalistanin aan kuuogayn. Dhalinta dunida saddexaadwaxa laga dhaadhiciyeyin afrikaanku agnaanyahay oo anuuwaxba garanayn, Ismabuun-buuniyaan, ismaqiraan,isma dhiiri-galiyaan, Waxamanhaj u ahin jinsigooga iyoisirkooda laga mashquulo loonamihraabo kuwo kaleoo aan xataawaxbadan soo kordhinbalse yagu ku guulaystayiney aduunka waxoodanka dhaadhiciyaan. Dhalinta dunida saddexaadimika ku noolmay helin aqoontiiwaqtigii mustacmarada ayheleen fucaada waalidkoodamahogaamiyayaashoodu kamidka yihiin, Waxayku soo beegmeenafrika xorawdey oohadana xiniban kanaxayiran dhicana duruqafikirkaiyo aqoonta,Waayo in yarayaa loo qadhiidheyhalkaasina ha soodhaafina ayaa lagutaasi baanay qaateen. Dhalinta dunida saddexaadwaa kuwa rajo-dhigeyoo noqdey boodhgidaar ku yaala ooqof nooli iskuqoro, Waxay naadiyaanamanaawilaan inaydagaladooda ka tacabiraanama ka haajiraan,Halkaa gab ayeybaneeyeen waxa isweydiin leh ayaabuuxinaya halkaaayka baxeen, amawaa ayo Assetkau yaala umadahoodaee bari hagayaa??????????. Qalinka: C/raxmaan SayidFaarax (Jeesto) Diplomatic Annalysts. Gabiley/Somaliland. Source
  4. waa magaalo madaxda wadan dhan oo dadkiisu ka badanyahay 4 Million waxa ku nool bulsho ku dhawaad 1.5 million Hadana ma laha Adeegyadii Ay bulshadu u baahnaayeen badankooda ama gabi ahaantoodba sida, biyo ku filan bulshada ku dhaqan magaalada, Cusbitaalo casri ah oo dawladeed oo laga hello Adeegii caafimaad ee Bulshadu U baahnayd, Wadooyin Hagaagsan oo Gaadiidku maro, Laydh Dawladeed oo Qiimo jaban ah. Shaki igagama jiro in qofkasta oo qoraalkan cinwaankiisa akhriyay inu caasimadan garanayo sababtoo ah dadka badankoodu way wada ogyahiin magaalada ay baahiyahan bulsheed ka jiraan ilaa hadana aanay jirin cidku hawlan waxka qabashadeda dawlad iyo dadwaynaba Hadaba is waydiintu waxay tahay dadkii iyo dawladii caasimadan mayee ? Maxay wax uga qaban waayeen baahiyahan ka jira ? Miyay Awoodi waayeen inay Biyo ku filan oo nadiif ah samaystaan, Cusbitalo tayadoodu sarayso oo casri ah dhistaan, Wadooyin hagaagsan dhistaan. Xaqiiqadu waxay tahay dadki lahaa iyo dawladiiba way joogaan balse diyaar uma aha inay caasimadooda horumar ku sameeyaan oo ay aduunka hiigsato. Dadkeenu waa dad wax qabad waxanay u baahanyahiin in lagu dhiirigalayo inay wax qabsan karaan balse dawladeenu maaha dawlad wax qabad sababtoo ah siyaasiyiinta iyo inta talada dalka gacanta ku haysaa uma fikiraan sidee bulshada waxloogu qabtaa horumarna dalka lagu gaadhsiin karaa balse waxay ka fikiran sideed fooq u dhisataa. Ma ogtahiin inu yaryahay nin xilsoo qabtay oo aan lahayn fooq dhawr dabaq ah ama laba ilaa sadex oo shanjeer ka qaalisanba mushaharku qaadanayay intu xilka hayay. Waxaynu u naqaana iska caadi inu ninkii xil qabtaa wax muuqda ka qabsado Sido kale waxaynu iska caadi u naqanaa inu aan bulshada waxba loo qaban sanadkastana aanay iska badalin wax muuqdaa. Wali ma is waydiisay Su,aasha ah dadka xililka haya badankoodu ma ilooban horumarinta naftooda iyo hanti urursi balse aanay uso xasuusan waayan horumarinta dalkooda iyo dadkooda ? Aan uso laabto Caasimada warkeedi waxa ka jira dhibaatooyin badan inta aankor kuso sheegay iyo qaarkale oo badanba hadaba qaar badanba laga yaaba inay is waydinayaan caasimadan halkay ku taala Meel fog haka doonin Waa HARGEISA miyay leedahay haykalki caasimadaha ? looma waayin aduun lagu horumariyo balse waxaan jirin cid dhankeeda soo eegtayba dhankasta oo ay tahay. Waxan odhan karnaa waala hagraday waxaana hagraday marka koowaad cidi shaqadan lahayd oo ahayd Dawlada, Aqoonyahankii, Dhalinyartii, Odayaashi, iyo bulshawayntii kalaba iyagoo iska indha tiraya dhibaatooyinka ka jiran magaalada iyo wadanko dhanba By: MohamedNasri Ahmed Omar Email: MohamednasriAhmed@gmail.com Source
  5. Burco: (SL-T)Xidhibaan Cismaan Jiciir Oo Dhaliilo Culus U Jeediyay Madaxweyne Biixi Iyo Baarlamaanka Somaliland Source
  6. Hordhac: “”””””””””””””” Ugu horreyn, xannuunka Xinjirowga Xididdada Dhiiga Aadmiga oo caadiyan Afka qalaad loogu yeedho “DVT”. Waxa la arkaa marka dhiigga Aadmigu ku xinjiroobo guddaha xididdada dhiigga qaada. Ka dib marka ay gaatumo ama guntimo xinjiro ahi ku sameysmaan gunta hoose ee xididdada Afdimada, Gacmaha, Uur-jiifta iwm. Inta badan xanuunka Xinjirawga ayaa aadmiga ka asiiba xididdada Addimada. Kaasi oo u sii gudba xididdada waaweyn ee addimada. Run ahaantii, guntimaha ama faliidhada xinjiruhu waxay ku tarmaan aagga miskaha bukaanka “Pelvic area”, siiba dhinaca bawdyaha “Femoral area”. F.G: Fadlan hadaad isku aragto xaaladdaha sare ku sheegan la xishiidh Dhakhtar. Waayo waa calaamado haddaan lagaa daaweyn halis ku ah caafimaadkaaga. Calaamaddaha Xinjirawga Addimada “Symptoms of DVT”: “””””””””””””””””””””””””””””” Aaddin Barar ama Addimo barar “Swelling in one or both legs”. Garaac iyo Adkaansho Seedaha Addinka ama Addimada “Pain or tenderness in one or both legs”. Diiranaanta Maqaarka Addimada “Warm skin on your leg”. Casaan/Midab la’aan lagu arko maqaarka Addimada “Red or discolored skin on your legs”. Bararka Xididdada Addimada oo ay weheliyaan casaan, iyo adkaansho, taabashada gacanta lagu dareemi karo. F.G: Waxa suurtagal ah kaatumaha xinjirowga dhiiggu ay kala faliidhmaan . Ka dibna ay u socdaalaan sambabbada oo ay keennaan xanuun la yidhaa Pulmonary Embolism. Muunadda Baadhitaannadda: “”””””””””””””””””””””””””””””””””””””” Dhiig “Whole blood with Trisomdium” Baadhitaannada Source
  7. (SLT-Garoowe)-Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdismad Maxamed Gallan ayaa sheegay in duqeyn maanta ka dhacday Tuulada Xiriiro oo 3KM u jirta Degmada Isku Shuban ee Gobolka Bari lagu dilay madax ka tirsan Kooxda Daacish. Galan ayaa sheegay in duhurnimadii Maanta oo Axad ah duqeyntaas lala eegtay gaadhi uu watay ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob iyo ku xigeenkiisa oo la socday. Waxa uu intaa ku daray in gaadhi nuuca raaxada ah oo uu watay ku xigeenka Daacish in lagu burburiyay duqeynta. Ma sheegin cidda geysatay ama fulisay, balse maalmihii dambe Mareykanka ayaa kordhiyay Howlgalada duqeynta ah ee uu ka geysto Deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish. Dadka tuulada ayaa xaqiijiyay in ay maqleen dhawaqa duqeynta, inkasta oo ay sheegeen in ayna garanayn cidda lala eegtay. Ma jiro war kasoo baxay Kooxda Daacish oo ay kaga hadlayaan duqeyntaan Maamulka Puntland uu sheegay in looga dilay Guddoomiye ku xigeenkooda iyo kusii xigeenkiisa. Source
  8. (SLT-Washington)Todobaadkan Madaxweyne Donald Trump ayaa waxaa uu sixiixay amar fulineed oo muddo sanad ah ku kordhinaya xaaladda Deg-dega ah ee Soomaaliya, taasi oo u jeedkeeda tahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan Soomaaliya. Laakiin xitaa haddii ku dhawaaqistaani ay tahay middii ugu dambeeysay, Saraakiisha Difaaca ee Mareykanku waxaa ay sheegeen in Howlgalkooda Soomaaliya uu qaadanayo sanado in lasoo gabangabeeyo. Dagaalka waxaa isku xiraya Ciidanka howlgaladda gaarka ah ee Mareeykanka iyagoo tababaraya Ciidanka gaarka ah ee Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan in ay ka Adkaadaan garabka Al-qaacidda ee geeska Africa. Saraakiisha Difaaca ayaa TV-ga CNN u sheegay in howgalkooda Soomaaliya ay hadda horumar ka sameeyeen, waxayna hadalkooda ku dareen in uusan howgalka soo dhamaan doonin ilaa inta laga gaarayo Sanadka 2026-ka. Ku dhawaad labo sano Ciidamadda gaarka ah ee Mareykanka ayaa howlgallo la sameeynayay Ciidanka Xoogga ee Soomaaliya si ay caawimaad uga geystaan Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Sidoo kale Mareykanku waxaa uu fuliyaa Duqaymo uu la bartilmaameedsado Al-shabaab. TV-ga CNN ayaa daabacay in Saraakiisha Difaaca mareykanku ay qorsheenayaan in ay la kordhiyo Tiradda Ciidanka Danab ee Soomaaliya oo hadda Tiradadoodu tahay 500 oo Askari lana gaarsiiyo 3000 si ay awood buuxda ugu yeeshaan in ay Al-shabaab ka qabsadaan meelaha ay Soomaaliya ka maamulaan. “Qorshuhu waxaa uu yahay in la dhiso Laba Urur muddo sanad ah, marka ugu dambeeysana la gaarsiiyo Shan Guuto oo leh Xarun qaybeed” ayuu CNN u sheegay Afhayeenka Talista AFRICOM Becky Farmer. “Waxaan u maleyneeynaa in ay ku qaadan doonto Somaalida ku dhawaad Todobo Sano in ay yeeshaan Awoodaas oo dhan”. Ayuu Sarkaal xog ogaal u ah Istiraatiijiyadda argagixiso la dirirka ee Mareeykanku Soomaaliya ka leeyahay u sheegay CNN. Mareeykanka waxaa Sooomaaliya ka jooga Ciidan u dhexeeya 500 ilaa 600 oo Askari. Sanadkaan, ugu yaraan 255 dagaalame ayuu Mareeykanku Al-shabaab uga dilay 30 duqaymood, sida uu sheegay Taliska AFRICOM. Sanadkii 2018 kii Mareeykanku waxaa uu Soomaaliya ka fuliyay 47 duqaymood waxaana uu ku dilay 337 dagaalame. Sanadkii 2017kii 35 duqaymood ayuu fuliyay halka Sanadkii 2016kiina uu fuliyay 15 duqaymood. Source
  9. Burco: (SL-T)Dhalinayarada Beel Weynta Cibraan Oo Saluug Weyn Ka Muujiyay Xukuumada Somaliland +Farrin Adagna U Diray Madaxweyne Biixi Source
  10. (SLT-Muqdisho)Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Dowlada Qatar ay lacago aad u badan u ogoshahay hadii Senator Muuse Suudi uu ka guurayo dhulka Mariino ee ciidanka Badda Soomaaliya. Somalia warlord Muse Sudi Yalahow (C), a member of the anti-terrorism alliance takes part in a demonstration against the Islamic Courts Union in Qobdro stadium, north of the Somalia capital Mogadishu, June 8, 2006. Warlords defeated by Islamists militia in the battle for Mogadishu are advancing back towards the Somalia capital from their stronghold of Jowhar, residents said on Thursday. REUTERS/Shebelle Media. (SOMALIA) Sarkaal u dhow Muuse Suudi ayaa inoo sheegay inuu iska diiday xaajiga lacagahaasi, isagoo ku adkeysanaya inay sharci ku degan yihiin dhulkaasi. Dowlada Qatar ayaa Lacago Malaayiin Dollar ah ku wareejisay Dowlada Soomaaliya si dhulkaasi ay kaga dhisato xarumo diblumaasi oo ay ku yeelaneyso Soomaaliya, balse xiisad ka dhalatay arrintan ayaan wali xal dhab ah laga gaarin maadaama Labada dhinacba ay ku goodiyeen inay awood isticmaali doonaan. Dowlada Qatar ayaa gadaal ka riixeysa arrintan,iyadoo Dowlada Soomaaliya dhankeeda ay ka go’an tahay lacagaha laga qaaday Qatar in la celin balse dhulkaasi sidii looga saari karo Muuse Suudi iyo Shaqsiyaadka ku jira looga saaro. Muuse oo waagisii hore looga bartay hogaamiye kooxeed leh ciidammo abaabulan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in ciidamo hubeysan oo isaga ka amar qaata ay ku sugan yihiin dhulka uu degan yahay, iyadoo Shacabka degan agagaarkiisa ay walwal iyo cabsi ku joogaan halka qaarkood ay iskaga carareen. Waxaa socda dadaalo gaba gabo maraya oo lagu doonayo in xiisadan lagu damiyo, iyadoo Muuse Suudi uu diiday lacago lagu wareejiyo iyo dhul kale oo loogu bedelo xerada marino oo sanado badan uu degan yahay. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa 11kii bishii Maarso sheegay in xaruntii Ex- Marino ee ciidammadii badda ee Soomaaliya laga dhigi doono aag diblomaasi, sidaasi darteedna dadka deggan halkaasi ay baneeeyaan. Source
  11. Aqoonyahan Cabdi Good Abees ayaa sheegay in sirdoonka dalka Jabuuti ay ugu soo hanjabeen inay dilayaan, waxaanu sheegay haddii wax dhibaato ah ay soo gaadhaan in dadka reer Somaliland ay sirdoonka Jabuuti u raaci doonaan arintaas. Cabdi Goodd ayaa sheegay in sirdoonka Jabuuti ay ku haystaan sababta uu u dhaliilay Ismaacil Cumar Geele waxaanu sheegay in uu ka hadli doono arimaha haatan laga cabsi galinaayo. Cabdi Good Abees ayaa dhawaan dhaliilo hawada u mariyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, maalmihii ay taagnayd xiisadii Ganacsade Axmed Cismaan Geele. Mr. Good oo shalay waraysi siiyay Telefishanka Star, ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Saaka [shalay] 8:32 saacada Hargeysa iyo 11:58 saacada Hargeysa ( shalay) waxa lay soo kala diray laba farriimood oo Whatsapp- ka laygu soo diray, oo runtii Jabuuti layga soo diray oo laygu hanjabaayo in ninkaasi uu helay xogo sirdoon oo Hargeysa laygu dilaayo, ama Gaadhi lay jiidhsiinaayo ama xabad inta laygu dhufto magtayda la dulsaaraayo cidkalena aanay idilayn ee ay I dilayaan dadka reer Somaliland oo ilaa shaaqiyaduhu ay u yihiin shaqaale oo lacagtayada ku shaqeeya Ama Ismaacil Cumar Geele la shaqeeya Idiris Cumar Geele ayaad gaadhay ayuu ku leeyahay, markaas Ismaacil Cumar Geele kama hadho dadka ee waa uu dilaa.” Cabdi Good oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Cumar Xasan Al-Bashiir waxa helay waad arkaysaa inuu inqilaab ku qabsaday oo kii ka qaadayna laga sii qabsaday aniguna digtaytar ayaan sheegay hantida reer Jabuuti ee maqana waan sheegay qoyska ku amar ku taagleeyana waan sheegay intaas midna been maaha oo adduunka oo dhan ayaa qirsan, maxaad uga hadashay Ismaacil Cumar Geele ayaa uu sirdoonkiisii iigu soo dirayaa oo uu leeyahay Hargyesa ku dil, waar dhagaxyo soo daadi waxba ha la hadhine anigu Hargeysa ayaan joogaa oo Somaliland ayaan joogaa nin sidaas ku cabsada ma ihi nafta alle ayaa qaada oo marbay baxdaa naabaalo intaad igu soo hogaamiso bal madaxa igaga dhufo nin sidaas ku cabsada ma ihi, waa digtaytar Ismaacil Cumar Geele aniga ayaana taas aaaminsan oo aaminsan in qoyskiisu uu meesha ka shaqeeyo, waxaana kuu cadaynaaya hanjabaadan.” Waxa uu Sheegay haddii uu dhinto in loo haysto sirdoonka Jabuuti“ nin Sidaas ku baqda oo la iibsado ma ihi, maanta hadaan duray u dhinto waan garanayaa ciddi ay reer Somaliland godobtayda u raacayaan, hadduu duray I dilo ama iskay aan u dhinto.” Waxa uu ka hadlay halka laga raacay“ Maxaad Ina Cismaan Geele Arab Ugu hiilisay miyaanu ahayn nin ka soo cararay, sida kaas loo eryanaayo ayaa anigana la doonaya maxaad uga hadashay, waar ina Cismaan Geele godabtiisu anigay ii taalaa waanan ka hadlayaa, hadduu dulmiga wadano waan qabanayaa hadduu dulman yahayna waan u hadlayaa, imikana ina Cismaan Geele Arab inta Hargyesa laga kaxeeyo Jabuuti lama gaynmaayo, maxkamadaa sharcigu waxay ku leeyihiin bangiyadu waa halkeeda laakiin maxaad ugu hadashay waar imikaan u hadlayaa,caqliguu jabuuti ku hayayna waa uu hayaa lacagtiina waa uu hayaa, halkanba kanbaniyo waa uu ka samaysanayaa aniguna waan hadli intay saantaydu qoyantahay, qaranka Jabuuti ayaa la dhacay ayaan idhiye ma wax kale ayaan idhi, maamulka Ina Cumar Geelaan wax ka sheegee ma jabuutibaan wax ka sheegay.” Source Geeska Qaran News
  12. Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kamid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha XFS ee magaalada Washington ku sugan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya. “Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalmka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka”ayuu yiri Wasiir Bayle Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya gaartay heerkii ugu sareeyay ee Kalsoonida Beesha Caalamka. Dhanka kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirarkii malmahan ka socday magaalada Washington ka sheegay in isbedelo la taaban karo laga gaaray dhinacyada horumarinta maamulka iyo maaliyadda,amniga iyo arrimo badan oo horumarinta dhaqaalaha dalka ku saabsan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  13. Sidee looga hortagi karaa dilalka ay Askartu u gaysato Bajaajleyda magaalada Muqdisho? Hordhac Qormada waxaan ku falanqeyn doonaa xaalka amni ee magaalada muqdisho gaar ahaan dilalka ay gaystaan ciidamada boolisku , dilalkan oo u muuqda is fahan waa iyo wada-shaqeyn la,aanta booliska iyo bulshada si kastaba ha noqotee waxaan qormadan ku iftiimin doonaa xalka looga hortagi karo dilalka ay boolisku u geystaan shacbiga magaalada kuwaas oo meesha ka saari karta kalsoonida iyo wada-shaqeynta wayda hada ah . Sidee looga hortagi karaa dilalka ay askartu u gaysao bajaajleyda magaalada muqdisho? Hordhac Waxaa soo badanaya dilalka ay boolisku u geystaan shacbiga gaar ahaan bajaajleyda waliba xiliyada ay dawladu shaaciso hawlada lagula dagaalamayo kooxda nabad-diidka ee Alshabaab . Si kastaba ha noqotee hawlgalada aan midho dhalka ahayn ee dawlada fadaralku samayso ayaa galaafta badi dhalinyada bajaajleyda. Sobabaha Loo Aanayn karo dilalka ay ciidanku u gaystaan wadayaasha bajaajta Sida badi la qabo waxaa sabab u ah arimo dhawr ah kuwaas oo salka ku haya gaabis ama fahan yari dhex taal laamaha amniga iyo bulshada waxaana ka mid ah Barnaamij isdhexgal oo booliska iyo bulshada oo aan jirin Istaratajiyad ama qorshe amni oo qoran oo aan jirin marka laga reebo hawl galada Madaxda hay,addaha amni oo aan haysan kibrad ku filan oo dhanka amniga ah Xalka lagaga hortagi karo dilalka iyo Isfahan waaga dhex mara booliska iyo bulshada Si xal waara loogu helo ayaa noqonaysa in ay jirto qorshe ama istaratijad amni oo qoran taas oo qayaxan lehna masuuliyad iyo isla xisaabtan dhanka hay,addaha amniga sidoo kale in la hirgaliyo ama loo qabto booliska toobaro lagu barayo qaabka ugu wanaagsan ee shacabka loola dhaqmo iyo iyadoo la hirgaliyo barnaamijka isdhexgalka booliska iyo bulshada ( Community Policing ) Dhamaad Contact Abdirahman Ya’Qub Hassan Security Analyzer Jacobhassam@gmail.com Qaran News
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, iscasilay bishii hore (31.03.2019). Wareegto uu soo saaray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maanta ayuu kaga aqbalay iscasilaadda waxaanu xilkaasi u magacaabay Cumar Cabdillaahi Bade. Madaxweynaha ayaa xilkasnimo iyo daacadnimo ku ammaanay wasiirka shaqada ka tagay. wasiirka hore ayaa marar xanuunsaday laakiin, ma cadda in uu arrintaasi darteed shaqada uga tagay iyo inkale. Source
  15. Xildhibaanada baarlamaanka Soomalaiya ayaa maanta su,aalu kulul waxa ay waydiiyeen sii hayaha xilka Taliyaha ciidamada NISA Fahad Yaasiin Xaaji Dahir oo maanta hortagay Xildhibaanada baarlamaanka [...] Source
  16. Wararka ka imaanayaa tuulada Xariiro oo hoostagta degmada isku-shuban ee gobolka Bari ayaa sheegay in duhurnimadii maanta halkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed. Duqeynta ayaa lala beegsaday gaari nooca raaxada ah oo aan ilaa iyo hadda la aqoonsan shakhsiyaadka saarnaa balse dadka degaankaasi ku sheegeen laba ruux. Qof ku sugan nawaaxiga tuulada Xariiro oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in mudda duqeyntu ku socotay gaariga ilaa uu ka shiilmay oo gebi ahaanba bas-beelay, isagoo xusay in laba qof saarnaayeen gaariga, laakiin jirkood gubtay oo aan la kala garan. Diyaaradaha duqeynta geystay iyo shakhsiyaadka la beegsaday ayaan midna weli Puntland Post faahfaahin ka helin. Dhinaca kale, dowladda Puntland ayaan iyana war ka soo saarin duqeynta halkaasi ka dhacday. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntland post The post Duqeyn ka dhacday gobolka Bari ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdismad Maxamed Gallan ayaa sheegay in duqeyn maanta ka dhacday Tuulada Xiriiro oo 3KM u jirta Degmada Isku Shuban ee Gobolka Bari lagu dilay madax ka tirsan Kooxda Daacish. Galan ayaa sheegay in duhurnimadii Maanta oo Axad ah duqeyntaas lala eegtay gaari uu watay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob iyo ku xigeenkiisa oo la socday. Waxa uu intaa ku daray in gaari nuuca raaxada ah oo uu watay ku xigeenka Daacish in lagu burburiyay duqeynta. Ma sheegin cidda geysatay ama fulisay, balse maalmihii dambe Mareykanka ayaa kordhiyay Howlgalada duqeynta ah ee uu ka geysto Deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish. Dadka tuulada Xiriiro ayaa xaqiijiyay in ay maqleen dhawaqa duqeynta, inkasta oo ay sheegeen in aysan garaneen cidda lala eegtay. Ma jiro war kasoo baxay Kooxda Daacish oo ay kaga hadlayaan duqeyntaan Maamulka Puntland uu sheegay in looga dilay Gudoomiye ku xigeenkooda iyo kusii xigeenkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Diyaaradaha dagaalka ayaa duqayn kagaystay maanta inta udhaxaysa deegaanada Xumbays iyo Xiriiro ee Puntland . Duqaynta ayaa la sheegay in lala beegsaday xubno katirsanaa Ururka [...] Source
  19. Hargaysa (Somalilandtoday)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta Hadhimo sharafeed ku maamuusay Odoyaasha dhaqanka ee Barriga Sanaag. Odayaasha Dhaqanka oo Hargaysa U Yimi Martiqaad ay ka heleen Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Todobaadkanba Ku Sugnaa Caasimada hargaysa ayaa Maanta Waxaa Hadhimo sharafeed Hotel Maansoor ugu Sameeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed. Hadhimo sharafeedkan ayaa ka sokow odoyaasha dhaqanka ee bariga sanaag waxaa kasoo qayb galay wasiiro hore xildhibaano iyo marti sharaf kale . Waxaana halkaasi hadalo soo dhaweyn ah kasoo jeediyey wasiirka arrimaha Gudaha , ex wasiir cali warancade, ex wasiir Cadimi iyo sulaadiin si diiran usoo dhaweeyey madax dhaqameedka. Dhinaca kale waxaa odoyaasha dhaqanka ee Beriga Sanaag u Hadhay laba oday oo ka mahad naqay qadada uu ku sharfay wasiirka arrimaha Gudaha JSL. Source
  20. (SLT-Tripoli)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda nawaaxiga magaalada Tripoli ay ku dhinteen 121 qof halka ay ku dhaawacmeen 561 kale, tan iyo inti uu Tripoli weerarka ku qaaday janaraal Khalifa Haftar horraanti bishaan. Bayaan maanta laga soo saaray xafiiska QM ugu qaabilsan caafimaadka ee loo soo gaabiyo WHO, ayaa lagu sheegay in hey’adda ay dawo iyo shaqaalo dheeraad ah ay u direyso Tripoli, hase yeeshee waxay cambaareeysay weeraro loo geystay shaqaalaheeda iyo gaadiida ay leedahay inti uu socday dagaal duleedka caasimadda ka dhacay afarti bishaan April. Xafiiska arrimaha bani’aadannimada ee QM ayaa sheegay in dagaalka Tripoli ay ilaa iyo hadda ku barakacaeen dad gaaray 13 kun oo ruux, halka ku dhawaad 1000 ruux la dajiyay goobo caam ah. Maleeshiyada jeneral Haftar oo inta badan gacanta ku haya bariga Libya, ayaa iska dhaga tiray baaqyo caalami ah oo ka dhalbaday inuusan weerarin dowladda ay beesha caalamka aqoonsantahay. Xaaladda Libya ayaa cakirneyd tan iyo sannadki 2011-ki, xilligaas oo awooda xoog looga tuuray general Moamer Kadhafi, kaddibna la dilay. Source
  21. Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Je. Muxiidiin Axmed Muuse ayaa maanta magacaabay taliyaha ciidamada Booliska ee kaantaroolka Bosaaso. Xilkan ayaa waxaa loo magacaabay xidigle Axmed Ciise [...] Source