Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,918
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shir jaraa’id qabtay waxyar kadib markii uu ku laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay in dalkan aanu lagu maamuli karin fikir hal aqof. Mr. Madoobe oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Maxaa ajende ah oo aan ka wada hadleynaa, waayo waxa ugu muhiimsan waa siyaasadda aan meel ku ogaanno, waxaa asal ah Soomaaliya maanta ma joogto xilli hal qof, hal fikir iyo hal calan looga talin karayo, wax la isku uruurinayo, oo hadda la yagleelayo weeye, sidaasi darteed Soomaaliya ma noqon karto meel qof aragtidiisa ay wax ku noqon kareyso. Dhinaca kale waxaa uu ku dheeraaday ajendaha shirka sida uu ahaa: Ajendaha shirka dhexdiisa ayaan ka sameyney, (1). In la helo gole siyaasadeed oo dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah fulin ahaan la isku wareysto, oo looga tashado, haddii aan mar walbo la wada joogin, qofna keligiisa waxba ma qaban karo, taas oo aan wax u dhimeyn golihii amniga, waa uu sii jirayaa, waana ka hoos shaqeynayaa. (2). Arrinta Galmudug, oo aheyd mid aad iyo aad xasaasi u ah oo sidii Ahlu sunna ay isugu darsameen iyo Galmudug oo khilaaf badan oo dowladda federaalka ah iyo wax badan la tabanayey, in iyadana aan la sal gaarno, oo laga gaaro xal dhab ah, maamulka Galmudug diyaar u ahaa in la tixgeliyo heshiiskii Djibouti iyo dastuurka Galmudug. (3). Xeerar loo gudbiyey baarlamaanka oo ay ka mid ahaayeen doorashooyinka iyo shidaalka in la soo celiyo, oo aan ka wada hadalno. Ra’yiga aan leennahay aan ku darno. (4). In la qeexo wada shaqeynta wasaaradaha dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada (5). Sida loo qeybsano deeqaha (6). Dhameystirka dastuurka, oo noqdey mid jeebka lagu wato, oo in loo helo dad badan madaxbannaan, oo waqti la siiyo, kadib loo bandhigo dowlad goboleedyada iyo shacabka. (7). Maqaamka ay yeelaneyso caasimadda Muqdisho. Hubaal waxaa ah Muqdisho caasimaddii JFS, asal bey u aheyd, haddii aan la qeexin caasimadda maqaamkeeda, oo si siyaasi ah in looga hadlo, heshiis siyaasadeed iyo mid dastuuri ah wax mar walbo ku jireysaa mugdi, dad reer Muqdishuna waxaa ka maqnaanaya xuquuq dastuuri ah, oo Maayerkeeda la doorto, xuquuqdeeda la ogaado. (8). La dagaalanka argigixisada, waxaa ay noqotay, oo hadda cid walba sidii ay rabto wax u xaliso. (9). Wada hadalka Somaliland waxaa ay u baahantahay in si dhab ah looga wada hadal, Soomaaliya waa isu baahan tahay. In la qeexo, oo laga howgalo arrinta Somaliland. Ugu dambeyntii, madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in aan la ogeyn cidda dalka ka talisa “Waxaa nasiib darro, madaxda dowladda federaalka ah uma soo diyaar-garoobin ajendahaas, waxaa ku adkaatay in ay aqoonsato dhibaatada, waxaan ka hadalnay arrimaha shidaalka, doorashooyinka waa masiiri, waxaa nasiib darro ah in aanan garaneyn cidda wadanka xukunta iyo cidda mas’uulka ah, oo kii ugu sareeyay marka aad la fariisato uu leeyahay talo ayaan dib ugu noqonayaa, waayo, madaxda dowlad goboleedyada, madaxweynihii dowladda federaalka ah iyo ra’isul wasaarihii inta la fariisto la leeyahay cid kale ayaa talo lagu celinayaa, waxaan dhihi karnaa shirkaas waxaa ku soo dhammaadey si natiijo la’aan ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Khaliif Nuur Shiil oo ahaa madaxii howlgalada ciidamada isku dhafka gobolka Mudug ayaa u geeriyooday dhaawac ay xalay u geysteen kooxo heysan oo aan haybtooda [...] Source
  3. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo afur iyo casho sharaf u sameeyey Madaxda Soomaaliyeed ee ku sugan Puntland, gaar ahaan Caasimadda Garoowe. Hadhimo [...] Source
  4. Garowe (SMN) – Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhoobo Daareed” Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland oo ka hadlayay shirkii lagu kala tagay ee magaalada Garowe ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrintaasi. Guddoomiyaha ayaa ku nuux nuuxsaday in kulamada kale ee la isugu imaan doono loo baahan yahay in kaalintooda ay qaataan Baarlamaanada heer federal iyo heer dowlad goboleed eedalka. Sidoo kale waxa uu ku baaqay in la muujiyo dulqaad iyo tanaasul, si aan dalka aan dib loogu celin marxaladii kala duwanaa ee uu soo maray. Shirkii Garowe oo socday muddo lix cisho ayaa shalay lagu kala tagay, iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Seddex maalin ka hor Sagaalkii Bishaan May dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi. Go’aankaasi ayaa waxay Kenya ku sheegtay in diyaaradaha ka yimaada magaalada Muqdisho lagu baari doono magaalada Wajeer, iyadoo arintaasi loo sameeyay sabab dhanka amaanka ah. Muddo labo Saacadood oo baaritaan ah ayay diyaaradaha kusii maraan garoonka diyaaradaha ee Wajeer, waxaana waaxda amaanka ee saadaasha Hawada Kenya ay sheegtay in sabab amaan go’aankaasi loo qaaday. Dowladda Soomaaliya ayaa go’aanka Kenya ku tilmaantay mid siyaasadi ka dambeyso oo aysan sax ahayn sheekada amniga la xiriirta, amniga Garoonka Aadan Caddena suganyahay. Haddaba sidee loo sugaa amniga Garoonka Aadan Cadde? Marka hore waxaad mareysaa baaritaan gacanta ah oo ay sameynayaan Boolis Soomaali ah. Waxaa ku xiga baaritaan ay sameynayaan AMISOM oo isna gacanta iyo jirka ah. Waxaa ku xiga baaritaan AMISOM oo qalabka qaraxyada ka hor taga iyo iskaan ah. Waxaa ku xiga baaritaan ay sameynayaan Booliska Soomaaliya, AMISOM iyo Eeyo, markan waxaa la baarayaa Boorsooyinka . Waxaa ugu dambeeya baaritaan ay sameynayaa Askarta ka socota Turkiga,waxaa ay baarayaan Boorsooyinka, iyaga oo adeegsanaya qalab casri ah. Waa qaabka uu maro baaritaanka dadka iyo agabka ay wataan ee sida joogta ah uga baxa Magaalada Muqdisho, waxaa intaas dheer in duullimaadyada ka dhoofa Aadan Cadde aysan ahayn kaliya Diyaaradah taga Kenya waxaase jira Diyaaradaha Ethiopian Airline oo toos Adis ababa u tagta. Waxaa kale oo jira Turkish Airline oo sidoo kale toos u aadda dalka Turkiga,waxaa ku soo xiga diyaaradda Qatar Airways oo dhawaan duullimaadyo toos oo Doxa iyo Muqdisho bilaabeysa kuwaas oo noqonaya todobaadkii saddex maalin. Haddaba waa maxay Kenya waxaa ay ka baqeyso ee aysan ka baqeyn Qadar, Itoobiya iyo Turkiga?. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle, ku baratamay degmada Shibis ee gobolka Banaadir iyo deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud. Labadan koox oo ku wada jiray Group-ka C ee tartanka ayaa soo bandhigay tartan aad u qiimo badan, waxaana ay galeen barbar dhac. Shibis ayaa la timid 14 buundo, hayeeshii guddiga ayaa ka jaray 2 dhibcood, kadib markii ay ku xadgudubtay anshaxa barnaamjika, sidaasina waxa ay ku heshay 12 dhicood. Sidoo kale Bargaan ayaa keensatay dhibco gaaray 12, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga tartanka Maxamed Axmed Jimcaale. Caawa tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle waxaa ku ballsan degmooyinka waa weyn ee Wadajir iyo Waabari oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article
  7. Nairobo (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay Saacado kadib sabab yaableh u yeshay joojinta diyaaradaha ka taga magaalada Muqdisho ee sida toos ah u tagi jiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sarkaal ka tirsan waaxda badbaadada Hawada dalka Kenya ayaa shaaciyay in sabab la xiriirta dhanka amaanka loo joojiyay diyaaradaha ka tagayay magaalada Muqdisho ee tagayay magaalada Nairobi. Sarkaalka oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in sababta dhanka amaanka ah ay keentay in diyaaradaha ka yimaada Somalia lagu baaro garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer. Kenya ayaa seddex maalin ka hor cadeysay inay joojisay diyaaradaha tooska u tagi jiray garoonka Jommo Kenyatta, islamarkaana lagu baari doono magaalada Wajeer. Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay go’aanka dowladda Kenya ayaa sheegtay in amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ka wanaagsan yahay garoomo badan oo gobolka ku yaala. Dowladda Soomaaliya gaar ahaanna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Omaar ayaa sheegay in go’aanka Kenya ay ku soo celisay xayiraadda duullimaadyada Garoomada Aadan Cadde iyo JKIA ay tahay mid siyaasadi ka dambeyso. Lama oga go’aanka xiga ee ay dowladda Soomaaliya qaadan doonto. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  8. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay is rasaaseyn khamiistii la soo dhaafay Ciidamada Jubbaland iyo Ilaalada Musharrax Caddinaasir Seeraar ku dhex martay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Axmed Madoobe ayaa marka hore sheegay in uu aad uga xun yahay shaqaaqadaasi oo ay ku dhaawacmeen illaa 3 Askari oo ka mid ahaa Ilaalada Musharraxaasi. Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Musharrax Seeraar in uu carqalad cusub ka abuurayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka digay in mar kale ay dhacdo shaqaaqo la mid ah tii Garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. View the full article
  9. Gaalkacyo (SMN)– Ciidamada Xaslinta iyo kuwa ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa saaka howlgallo ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada ayaa yimid, kadib markii xalay magaaladaasi lagu dhaawacay Taliyaha Ciidanka Isku Dhafka ee magaaladaasi Khaliif Nuur Shiil. Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay toogteen Taliyaha, xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka oo AAN la xariirnay ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan Raggii ka dambeeyay falkaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Gaalkacyo ayaa ahaa mid dagan, waxaana howlgallo ka waday Ciidamada Xasilinta ee loo sameeyay magaaladaasi. View the full article
  10. Muqdisho ( SMN)- Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-12052019.mp3 View the full article
  11. Hargeysa (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Hargeysa ka taagan Khilaafka ka dhashay xariga ciidamada amaanka Somaliland ay u geysteen xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo kamid golaha wakiilada Somaliland. Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hor yimid xariga ciidamada Somaliland ay u geysteen xildhibaan Dhakool, waxaana uu sharci daro ku tilmaamay xarigaasi. Guddoomiye Baashe, ayaa ugu horeyn sheegay inuu ka xun yahay hadalka kasoo baxay xildhibaanka oo ahaa in maalinta xorriyadda Somaliland tahay maalin dad gaar ah leeyahay, balse wuxuu sheegay in Dastuurka Somaliland uu u ogolaanayo inuu aragtidiisa cabiro. Ciidamada Booliska Somaliland ayuu ku eedeeyey in Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ay sifo sharcidaro ah ay ku xireen, isla markaana isaga oo aan xasaanada laga qaadin Gurigiisa loo dhacay lana soo xiray. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in shalay loo diiday in isaga uu xabsiga ku booqdo xildhibaanka,taasina ay kamid tahay sharci darada ka jirta deegaanada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa shalay isaga oo Gacmadaha ka xiran waxaa la horgeeyey Maxkamad,hayeeshee Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka maroodi-jeex uu diiday in uu furo gal dacwadeedka arrinta loo haysto xildhibaanka, maadaama xildhibaanka aan wali laga qaadin Xasaanadda. Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Guddoomiye-Baashe.mp3Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  12. Legislators worry that the free zone, which will be beyond parliamentary oversight, will encourage 'irresponsible openness' in the small Gulf State ruled by Islamic law Source: Hiiraan Online
  13. Plenty of people thought Uber was going to make history–just not this kind. Source: Hiiraan Online
  14. (CNN)With a range of economic incentives like the freshly built industrial parks for garment manufacturing, Ethiopia has positioned itself to become one of the world's top exporters of textile and garments. Source: Hiiraan Online
  15. A Tanzanian man has been arrested for selling his six-year-old daughter to be killed so that her body parts could be used in a potion to make him rich, police said Saturday. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku-dhafka ah ee gobolka Mudug G/dhexe Khaliif Nuur Shiil ayaa xalay lagu dhaawacay koonfurta magaalada Gaalkacyo sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidankiisa. Dabley hubaysan ayaa sida la sheegay rasaas ku furay sarkaalka xilli uu ka soo baxay salaadda Taraawiixda masjid ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkq Mudug Shiil oo dhaawac culus qaba ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla degmada Gaalkacyo halkaasi oo haaatan lagu dabiibayo. Kooxdii dhaawaca geystay oo goobta ka baxsaday ayaan ilaa iyo hadda lagu guulaysan in la qabto sidoo kalena ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku dhafka gobolka Mudug oo la dhaawacay appeared first on Puntland Post.
  17. Samira Gutoc cannot help but stand out from the crowded roster of candidates in the Philippines' midterm elections. The ebullient 44-year-old is a Muslim, and the only woman among the opposition's slate of eight candidates running for the Senate. Source: Hiiraan Online
  18. A pair of sisters born on the other side of the world, brought by their parents from Somalia seven years ago now thriving in Canada, thanks to some extra help from a Hamilton charity. Nimo and her younger sister Fardosa attend academic programs at Empowerment Squared designed to help with homework and develop skills. Source: Hiiraan Online
  19. The decision to close Kenya's largest refugee camp - home to almost a quarter of a million people - is raising difficult questions, says Mollie Gerver. Source: Hiiraan Online
  20. UNITED NATIONS, May 11 2019 (IPS) - More people are displaced inside their own countries than ever before, and only higher figures can be expected without urgent long-term action, a new report found. Source: Hiiraan Online
  21. The United States has warned it will respond harshly if Israel demolishes the Palestinian village of Sussia in the southern Hebron Hills. Source: Hiiraan Online
  22. The Queen has sparked a diplomatic row after refusing to allow the bones of a ‘stolen’ Ethiopian prince buried in the grounds of Windsor Castle to be repatriated. Source: Hiiraan Online
  23. Airlines have to provide significant delay compensation to passengers on flights departing European Union countries, and flights on EU airlines headed to the EU. That’s because of EU regulation 261 (2004). Source: Hiiraan Online
  24. ismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maalintii 3aad ay ka taagan Xiisad dagaal oo u dhaxaysa Ciidamo Taabacsan Milateriga Soomaaliya oo ilaalo u ah qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee ku sugan Kismaayo. Sidoo kale Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay u abaabulan yihiin qaab Ciidamo beeleed ah, Islamarkaana ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan kadib markii ay magaalada Kismaayo gashay xaalad kale oo dhanka amaanka ah. Ciidamada ugu badan dhaq-dhaqaaqa wada ayaa ka amar qaata Af-hayeenkii hore ee maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar, oo sidoo kale ah Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee doorashada Sanadka 2019. Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in dhankooda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo xoog leh waxayna isku ballaariyeen Xaafado katirsan magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee Jubbaland. Gaadiidka dagaalka ee maamulka Axmed Madoobe ayaa laga soo saaray Xarumaha Ciidamada, waxayna qaarkood la geliyay heegan iyadoo dhinaca kale dibadda loo soo saaray Ciidamo xareesnaa oo katirsan Maamulka Jubbaland, kana amar qaata Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Xiisadaan ayaa salka ku heysa arimaha doorashooyinka Jubbaland iyo Ciidamo dheeraad ah oo ay keensadeen Musharaxiinta qaarkood. Kismaayo ayaa u muuqato markale ay luguha la galayso xaalad dagaal oo salka ku heysa hogaanka Maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com