-
Content Count
210,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
At least 8 people have been wounded in a grenade explosion took place in Bosaso, a port city in Somalia’s Puntland state on Saturday morning. A witness said the blast was heard outside a court compound in the town, wounding eight, including soldiers. There was no immediate claim of responsibility for the bomb attack, but, such incidents are attributed to Al-Shabaab and Islamic State militants operating in Bari region. US military said Thursday it killed 13 ISIS members during an airstrike in the region, the latest in a series of increasing raids against the militant groups. View the full article
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo saakay u dhoofay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa ka hadlay Shirka maalmihii la soo dhaafay uga socday Magaalada Garoowe Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo Gobolka Banadir. Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in Shirka uu ku soo dhammaaday si aan Ummada Soomaaliyeed u wanaagsaneyn,hayeeshee mar uu la heshiin doono. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay Madaxweynaha Galmudug inay diideen in laga hadlayo arrimaha Doorashooyinka qaranka iyo sharciga batroolka oo Xildhibaanada Baarlamaanka hor yaalla. Xaaf oo warbaahinta kula hadlayay Garoonka diyaaradaha Garowe ayaa sheegay in Al-shabaab ay Canshuur ka qaadaan suuqa Bakaaraha sidoo kalena ay Maxkamadaha wax ku xukumaan ku yaallaan Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka ah ayuu sheegay in ay diidday in ay u jixin jix u sameyso dadka iyo dalka,waxaana uu ku eedeeyay fashilka uu ku dhamaaday shirka Garowe. Arrimaha doorashooyinka, qeybsiga Kheyraadka iyo arrinta Galmudug ayuu sheegay in ay ka mid ahaayeen waxyaabaha la isku fahmi waayay dowladda federaalka ahna sababta leedahay. Waxaa uu rajo ka muujiyay in shir kale la isugu yimaado islamarkaana wadahadal laga yeesho arrimaha la isku fahmi waayay ee lagu soo qaaday shirkii todobaadka ka socday Garowe. Madaxweyne Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya,waxaana ka sagootiyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe Madaxweynihii hore ee Puntlanad Cabdiraxmaan Sheekh Faroole, xubno ka tirsan Golaha Barlamaanka qaranka iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal uu dhawaan yidhi Raysalwasaare-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) oo ahaa inay Somaliland iska lumisay fursad ka dib markii ay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ka diiday inuu Hargeysa yimaado isagoo uu weheliyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Raysalwasaare-xigeenka oo dhawaan waraysi siiyay weriye Khaalid Foodhaadhi oo ka tirsan Telefishanka Goob-joog, wuxuu sheegay inay Somaliland dayacday fursadaas. Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay inaanay jirin wax dan ah oo Somaliland ugu jirtay inuu Farmaajo yimaado. Wasiir Faratoon oo isagoo jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska, oo uu wargeyska Geeska Afrika weydiiyay sida ay xukuumadda Somaliland u aragto hadalkaas Raysalwasaare-xigeenka Soomaaliya, wuxuu yidhi “Halkani [Somaliland] maaha meel la iska soo galo, maaha dal la iska yimaado, ee waa Dal nidaam leh, waa Dal kala dambayn leh, Farmaajo uma taliyo Somaliland ee waxaa ka taliya Mudane Muuse Biixi, oo ah Madaxweyne xogogaal u ah dalkiisa iyo dadkiisaba, oo kalsoonida shacabkiisa haysta, Farmaajana waxaynu ka war qabnaa in aanu gacanta ku wada hayn Magaalada Muqdisho, markaas wax dan ah iyo faa’iido Somaliland ugu jirta imaanshaha Farmaajo ma jirto, faa’iido aynu garan weynay oo imaanshiisa iska hor tagayna ma jirto, ee Farmaajo dalka wuxuu iman kara oo qudha isagoo qirsan madax banaanida, qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, haddii aynu nahay Somaliland waxaanu diyaar u nahay in aanu Somaliya ahaanu sidii laba dal oo jaara, oo wax badan iska kaashada, laakiin wax kale kama ogolin” Isagoo ka hadlaya baaq uu Ingiriisku u diray xisbiyada Somaliland oo ah inay isu tanasulaan si ay doorasho u qabsoonto wuxuu yidhi “Hadda anagu waxaan ku sugan nahay Dalka Ingriiska, dabcan Ingiriisku waa dal aynu leenahay xidhiidh aad u dhaw, Ingriiska oo qudhana maaha ee Dalal badan oo aynu xidhiidh dhaw leenahay ayaa raba inay Doorashadu inoo dhacdo, Doorashada oo inoo dhacdaana inaga ayey dani inoogu jirtaa, ee cid kale dani uguma jirto, markaas wax walbana waxay inoogu dhammaan doonaan sida ugu wanaagsan, labada Xisbi ee UCID iyo Kulmiye iyagu go’aan ayey gaadheen, oo iyagu waa u diyaar Doorashada, ee Xisbiga Waddani-na waxaan ku rajo weyn nahay inuu Doorashada diyaar u noqdo”. Wasiir Faratoon oo ka hadlaya socdaan uu dhawaan Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya ku yimdii Somaliland, wuxuu yidhi “Somaliland waa dal hore u socod iyo horumar ku jira, dabcan Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya ee dalka yimidna, aad iyo aad buu ugu qushuucay nidaamka dawladnimo nidaamka dimuqraadiyadeed iyo kala dambaynta dalka ka jira, Wufuud iyo Weftiyo badan oo Wadamada kala duwan oo Caalamka ka tirsana inay yimaadan ayaanu ku rajo weyn nahay”. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka, kaasi oo ay qaadayso dowladda Federaalka Soomaaliya. 31,500 oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi, taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Waxaa markii ugu horeysay imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ee Dowladda Soomaaliya ka qeybgalay arday indo la’ oo gaarayo illaa 28 arday oo isugu jiray Gabdho iyo Wiilal. 22 kamid ah Ardaydaas araga la’ ee maanta Imtixaanka u fadhiisatay ayaa waxay kasoo qalin jabiyeen Dusiga indhoolayaasha ee Al-Nuur kaasoo ay gacanta ku heyso Shirkadda Hormuud qeybteeda Hormuud Foundation. Guddoomiyaha hey’adda Hormuud Foundation oo sharraxaad ka bixiyey xaaladda Arday ayaa sheegay aydaydu ay marxalad adag wax kusoo barteen, wuxuu intaas ku daray in School-ku uu ka kooban yahay Dugsi Hoose Dhexe kaliya sidaas daraadeedna ay Hey’addu bixiso Kharashka & lacagaha ay Dugsiyada sare ku dhigtaan, wuxuuna intaas ku daray in sanadkaan la hir gelin doono Dugsi sare, uuna haatan dhismihiisu ka socdo Deegaanka Daarusalaam. Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo kormeer ku tagay goobaha Imtixaanka ka socdo ayaa Shirkadda Hormuud uga mahadceliyey sida ay uga shaqeysay inay Maanta imtixaanka soo fadhiistaan arday badan oo indhoolayaal ah kuwaas oo wax kusoo bartay Machadka Indhoolayaasha ee Al-Nuur oo ay kafaala qaaday Shirkadda Hormuud. Machadka Al-Nuur ee Indhoolayaasha ayaa waxaa wax ku barto arday badan oo indhoolayaal ah kuwaas oo ku jiro heerarka Hoose, Dhexe iyo Sare ee waxbarashada.
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf Dheri, oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay khilaafka Xisbiyada ee ku saabsan Doorashada iyo Komishanka, waxaanu sheegay in Komishanka Doorashooyinku aanay rabin inay Doorasho qabtaan, ama ay xilka sii hayaan, balse laga dambeeyo, oo lagu qasbayo inay meesha sii joogaan, waxaanu tilmaamay inay Xukuumaddu dabada ka riixayso. Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf Dheri, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Xisbiga Waddani hore ayuu u caddeeyey mawqifkiisa ku saabsan Doorashada iyo Komishankan, Komishankan Doorashooyinkana anagu hore ayaanu u sheegay in aanan ku kalsoonaan karin, Doorasho dambe oo aanu ku aaminaynaa aanay jirin, runtiina Komishankani waa u diyaar inay is casilaan, laakiin Xukuumadda ayaa dabada ka riixaysa, oo aan rabin inay meesha baneeyaan, Doorasho dhacaysana ma jirto, labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID-na doorasho ma gali karaan, waliba Doorasho Xisbiga saddexaad ee Waddani ka maqan yahay ma gali karaan, I jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis, ee Xukuumadda waxaan leeyahay si meesha uga baxaan waxaa la isku hayo, Komishankan aad dabada ka riixaysaan ha ina dhaafan, oo aynu helno Komishan loo siman yahay oo cadaalad ku shaqeeya, ee faraha kala baxa arimaha Doorashada iyo Komishanka”. Mar uu ka hadlaayey Maceeshada ayaa wuxuu yidhi “Ganacsatadii siday doonto ayey yeelaysaa, oo qiimaha doonto ayey ku kordhinaysaa Maceeshada sarifkii oo jabay, waxayna Ganacstadu isku helaan ka qabaan Xukuumadda, oo hubaal ahaan aan haysan awood ayey wax kaga qabato, dadkiina wey dulman yihiin, oo iyadoo bishii Ramadana lagu jiro ayey haddana Maceeshadii qaali ku tahay, taasna looma baahnayn”. Dhinaca kale wuxuu Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf Dheri,tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, iyo dhammaan Shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdi Waraabe. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo deegaanka Toon oo dhinaca Koonfureed kaga beegan caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo shalay geeriyooday. Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo kamid ahaa haldoorka iyo tiir-dhexaadka ugu miisaanka culus qaranka Somaliland iyo guud ahaan deegaannada Soomaalidu degto, ayaa waxa ka qayb-galay badiba haldoorka magaca iyo maamuuska ku leh Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba bulshada afka Soomaaliga ku hadasha, madax-dhaqameed, garaaddo, salaadiin, ganacsato, siyaasiyiin iyo shacab tiro badan oo meelo kala duwan oo dunida ah isaga yimi, waxana janaasada laga akhriyey hadallo ku saabsan samo-talisnimadii uu marxuumku caanka ku ahaa iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu kusoo qaatay nabadayntii iyo Aas-aaskii Jamhuuriyadda Somaliland. Xubno isugu jira madax-dhaqameed, siyaasiyiin, wasiirro iyo safiirro dalalka deriska ka yimi iyo kuwo xubno ka ah xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, qaar kamid ah hoggaanka axsaabta qaranka iyo waxgarad kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood si isku mid ah u sharraxay kaalintii mucda lahayd ee uu marxuumka Xaaji Cabdikariin kasoo ciyaaray nabadaynta iyo walaalaynta shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha, waxana ay ka markhaati kaceen adkaysigiisii iyo sidii uu ugu ban baxay danta guud. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kelmado kooban oo uu ku sharraxayo taariikhda marxuum Xaaji Cabdikariin ka jeediyey janaasada dusheeda, ayaa sheegay inuu marxuumku waqtigiisii iyo noloshiisiiba u huray islaaxa iyo walaalaynta bulshada, waxana uu Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, waxana uu yidhi, “Xaaji Cabdi taariikhdiisa daqiiqado laguma soo koobi karo, wixii Af Soomaali yaqaannaana waa wada og yihiin, ajanabiga Soomaalida la shaqeeya ee yaqaannaana waa og yihiin oo taariikhdiisa qoraal iyo muuqaalba waa lagu hayaa. Xaaji Cabdi waxa aynnu kusoo koobaynaa waxa uu ahaa samo-wade murti-dhaadhi ah, dad wad leh, ummadda isu jiida, intii uu noolaana noloshiiisa u huray nabadayn, walaaltinimo iyo islaax ku dhammaystay, Ilaahayna waxaynu ugu rajaynayaa inuu qabriga u nuuro, jannadii Firdowsana ka waraabiyo.” Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo cimrigiisa lagu qiyaasay in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) sano, ayaa xubin ka ahaa golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu ahaa astaan nabadeed oo waqtiyo adag qaranka kala soo dabbaashay marxalado qallafsan oo lasoo maray, iyada oo dadka maanta Aaskiisa ka qaybgalay uu kamid ahaa madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), madaxweyne-ku-xigeenno hore, isimmo iyo garaaddo ka yimi dalalka deriska iyo haldoor tiro badan oo reer Somaliland. Source
-
W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Sida wararka Garowe ka imanaya ay sheegayaan shirka DF iyo madaxda maamul goboleeddada waxaa ka dhacay muran ku dhowaaday in laysu gacan qaado oo dhex maray madax-weynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed- Madoobe), madaxa-weynaha maamul goboleedka Jubbaland, taasoo runtii ah mid aan marna la qaadan karayn!… Axmed-Madoobe, haddii uu garan waayay oo uu ku ixtiraami waayay Farmaajo wax kasta uu yahayba inuu yahay madax-weynihii Soomaaliya ma wuxuu garan waayay isagoo waliba wadaad ah inuu soomanyahay?! Ma wuxuu garan waayay in bishii rammadaan ee barakaysnayd lagu jiro?!… ma wuxuu garan waayay inuu ixtiraamo oo uu xaq dhowro malaayiinta shacabka Soomaaliyeed ee iyaga u haysta mas’uuliyiinta ee rajada ka qabay kana dhur sugayay iyaga?!…Farmaajo khayr kuma aynaan arag laakiin haddii uu ku soo baxay nidaam doorasho haba ahaato mid baarlamaan waxay ahayd Axmed-Madoobe inuu ilaaliyo magaca iyo waxa ay ummaddu wadaagto, waxayna ahayd in laga qaado tallaabo qaynuun haddii aan la awoodinna in maamulka shirka ay ka qaadaan tallaabo xagga anshaxa ah!… Waa KHalad!…Farmaajo waa madax-weynihii dalka, wuxuuna leeyahay mudanaan dastuuri ah oo ay tahay inuu mas’uul kasta iyo muwaadhin kasta ku ixtiraamo, in mudnaantaas la siiyana waxay ka mid tahay ilaalinta iyo hab-raaca dastuuriga ah!… Horay waxaa inoo soo maray Cabdi-Raxmaan Cabdi-SHakuur oo leh “…laakiin annagii martida naloo ahaa inaan sharciga wax ku doono!…” taasoo sida muuqata uu ula jeeday madax-weynaha, waxaana shaki la’aan ah in dad badan oo siyaasadda dalka saamayn ku leh aysan fahamsanayn waxa ay dowladnimmadu tahay, una baahanyihiin taba-bar qoto dheer oo la xiriira shaqadooda iyo waxa la kala mudanyahay… Haddii sida warar ka imaanaya shirki ka dhacay Garowe ay dhab yihiin in la kala qabtay madax-weynaha iyo Axmed-Madoobe si muran la’aan ah waxaa denbiga leh Axmed-Madoobe … Waxaas ma aha wax loo dul qaadan karo, mana aha arrin u cuntamaysa dadka Soomaaliyeed ee wali la kufaa-kacaya sidii ay qaranimmadooda dib ugu soo yagleeli lahaayeen. Madax-weynaha waa la dhaliili karaa siyaasaddiisa, fikirkiisa, shaqadiisa, iyadoo waliba la cadaynayo, ama waa lagu qabsan karaa ama looga hor immaan karaa arrimo qaynuun ah iyadoo qaynuunka loo soo marayo, laakiin laguma gefi karo sida aan loogu gefi Karin muwaadhin kasta oo kale, waxaana intaas u dheer mudnaanta dheeriga ee uu dastuurka sida gaarka ah u siiyaya oo ah inuu huwanyahay sharafta ummadda iyo dalka!… DHanka kale, Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, waxa meesha ka dhacay isaga aabbe iyo hooyo ka ah, isaga iyo ra’iisal wazaarihiisa KHeyre, labo sano oo ay xilka hayeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed ama ha ahaadaan madaxda maamul-goboleeddada ama kuwo kale oo iyaga ka fikrad duwan waxay ula dhaqmayeen sidii siyaasiyiin dal ay xoog ku qabsadeen, waxayna ku maamulayeen xoog, khayaano, kala-qaybin, isku dir… qaynuun iyo xeerna wadanka oo dhan bay ka laaleen, waxayna qaynuunkii u qaateen mansabka iyo jagada la yiri ugu adeega qaynuunka!…Meelo badan markaad dhaqankooda siyaasadeed ka fiiriso waxaad dareemaysaa inay isku dareen labo nidaam siyaasadeed; midkii guumeystayaashii oo ahaa Qaybi oo Xukun, oo xataa golihii shacabka labo ayeey ka dhigeen kuwo muqarrabiin ah oo la soo dhoweeyay oo waziiro laga dhigay, ama dad ay wateen loo shaqaaleeyay, ama mushaar aysan lahayn laysaga qoray iyo kuwo la fogeeyay oo xataa gunnadii (Allowance) ay lahaayeen laga ilaashay, wixii nidaam uu dalka lahaa oo dhanna way la dirireen oo waxay ku dadaaleen nidaam iyaga si gaar ah ugu adeegaya, walina wadaan inay xididdada u siibaan xeer kasta oo ay ummaddu lahayd haddii uusan danahooda gaarka ah u adeegeyn! Nidaamka labaadna waa mid shabaha dabeecad ahaan kii Kacaankii Oktoober xagga marin habaabinta, dacaayadda, iyo inay sharciga u aqoonsanyihiin oo keliya waxay iyaga rabaan, xoog sheegashana aysan ka marnayn. Waxaa siyaasiyiinta la gudboon inay gartaan ixtiraamka dhexdooda ah iyo is-tix gelin kasta oo iyaga dhex marta inay noqonayso xudunta midnimmada iyo xiriirka ka dhexeeya shacabka, taasina waxay ku imaan karaysaa ilaalinta qawaaniinta iyo xeerarka ummaddu dhigatay, ixtiraamka dhaqanka iyo anshaxa ummaddu leedahay, waana middaas sirta qarsoon ee ka dambaysa awoodda iyo xoogga ay ummad kasta oo horumartay ku faanto!…Xukuumadda federal-ka faragelinta ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Koonfur-Galbeed oo kale haddii ay doonayso inay maamul goboleeddada oo dhan kula dhaqanto taasi waxay horseedaysaa kala fogaanshaha xukuummadda federal-ka iyo gobollada, waxaase haboon oo doorka ugu wanaagsan ee xukuumadda federal-ka ay qaadan karto uu yahay inay kor joogto ka noqoto doorashooyinkaas haddii aysan bannaanka ka joogi karin, laakiin ay ku qasabto maamul goboleedka inuu sameeyo hay’adihii gar-soorka ee go’aanka ka gaari lahaa haddii uu khilaaf yimmado!…laakiin inay iyada keento madax-weynaha maamul goboleedka sida ka dhacday Koonfur-Galbeed. Waxaa sidoo kale aan suuro gal noqonayn xukuumad aan iyadaba lahayn gole shacab iyo maxkamaddii sare oo madax banaan sidee bay qaynuun uga hadashaa oo ay ku maamushaa nidaamka siyaasadeed oo uu dal leeyahay?! Waxaa sida laga war qabo illaa iyo hadda aysan xukuumadda Farmaajo iyo KHeyre ay diidanyihiin Aqalka Sare, kaasoo colaadda ay u qabaan sabab looga dhigay inay laaluush ku qancin waayeen inta badan xubnaha aqalka sare iyo gudoomiyaha Cabdi Xaashi Cabdullaahi sida ka dhacda golaha shacabka iyo Gudoomiye Mursal, marka madax-weynaha in lala murmo, in lagu af celiyo isagaa u sabab ah!…Farmaajo iyo KHeyre waxyay la dagaalameen hay’adihii madaxa bannaanaa ee isu dheeli tirayay awoodaha siyaasadeed ee dowladda marka maxaa diidaya in maamul-goboleeddada ay walaacaan oo ku kalsoonaan waayaan dowldda?!…Cahdiyada iyo xeeraka ay ummaddu wada dhigato ama ay ku heshiiso waa tiirarka ay ku taaganyihiin nidaamyada siyaasadeed ee dalka lagu maamulo, haddii la dumiyana waxa soo baxaya waa la garan karaa, waa siyaasad wareersan oo aan jiho lahayn, waa is qab-qabsigaas joogtada ah ee aan dhammaadka lahayn, iyo shirarkaas aan natiijada lahayn … Golaha SHacabka iyo gudoomiyo Max’ed Mursal, ha ogaadaan shacabka inay danbi ka galeen dalkiina ay dib ugu celiyeen qaynuun la’aan!…Waana siday ahaan jirtay markii dastuurka laga tago!….. PUNTLAND POST The post Waa haddaan dastuurka la raacin … appeared first on Puntland Post.
-
The Somali government has expressed regret over Kenya’s decision to re-impose Wajir stopover for flights from Mogadishu. Kenya Civil Aviation Authority on Thursday confirmed the reimposition of the Wajir stopover for all flights from Mogadishu for security checks. In response, the Somali government termed the decision as ‘politicized’ one. In a statement by Somali Ministry for Civilian Aviation, the government said the decision was not good for neighborly relations. The Somali government said it understood that the move is intended to restrict movements of Somali citizens. The ministry stated that the matter will be referred to the relevant authorities to assess the appropriate response. The Somali government has urged the Kenyan government to ‘reconsider’ decision which will restrict trade and people from the two countries. While direct flights from Mogadishu to Nairobi which takes about one hour and 20 minutes will need nearly two- and- half hours, with the screening stretching it by an hour. Although Kenya does not import as much as it exports to Somalia, cargo handlers and non-governmental organizations also will be affected by the new directive. Wajir security stopover which was introduced during the reign of President Mwai Kibaki was lifted in 2017 after leaders from Somalia and Kenya discussed the issue in Nairobi. View the full article
-
Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa mar kale dib u dhigtay dhegaysiga dacwadda loo haysto rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan. Maxkamadda oo saaka dhegaysatay dacwadda xeer-ilaalinta iyo difaaca qareennada u doodaya eedaysanayaasha ayaa ku dhawaaqday in kiiska dib loo dhigay oo mar kale la dhegaysan doono maalinta berriya oo Axad ah. Guddoomiyaha maxkamadda ayaa amray in ay maxkamadda hor-yimaadan madaxda xarunta baarista denbiyada ee Forensic Lab si ay sharraxaad buuxda uga bixiyaan caddaymaha ay ku heleen eedaysanayaasha laga qaaday dheecaannada hidda-sidaha DNA ee loo adeegsaday baarista kiiskan. Balse xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan oo cuskanaya xeerka kufsiga Puntland ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in mas’uuliyiinta Forensic-ga lagu wareysan karo oo keliya kulan xiran oo aan dadweynaha loo ogolaan. PUNTLAND POST The post Dhegaysiga kiiska Caa’isha Ilyaas oo mar kale dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has on Friday extended his heartfelt condolences to the family, friends and the public at large over the loss of an icon of peace. The country mourned the death of Haji Abdikarim Hussein Yusuf also known as Abdi Warabe in Hargeisa, the capital of the northern self-declared republic of Somaliland. The elder who died at the age of 122 was an iconic Somali peacemaker during his lifetime. “Haji Warabe was peacemaker, freedom fighter and reconciler among the Somali people mainly those living in the North, ” President Farmajo said in a statement on Friday. “On behalf of the Federal Government of Somalia, I send my sincere heartfelt condolences to the family and friends left behind,” he added. For his part, Somali Prime Minister Hassan Ali Kheyre and his Deputy Mahdi Mohamed Guled condoled over the loss of the leader elder who passed away following an illness. Somaliland President Muse Bihi Abdi and other key officials in his administration attended a national funeral held during burial ceremony outskirts of Hargeisa. View the full article
-
Sida ku qoran dastuurka Galmudug oo nuqul ka mid ah ay heshay Goobjoog News muddada xil-heynta madaxweyne Axmed Geelle Xaaf iyo baarlamaanka isku dhafka ah waxaa ay ka bilaabaneysaa 26/03/2018 iyada oo socon-doonta ilaa March 2021-ka. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib heshiis maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ku dhex maray Djibouti December 2017. Cutubka 6aad, qodobka 83aad waxaa uu ka hadlayaa “ansixinta iyo wax ka bedelka dastuurka dowlad goboleedka Galmudug”. Haddaba, faqrada 9aad, 10aad iyo 11aad ee isla qodobkaas 83aad waxaa ay ku qoran yihiin sidan: “(9) madaxa xukuumada waxaa xilka looga qaadi karaa cod hal dheeri ah ( 50+1 ) waxaana badalkiisa soo magacaabanaya ahlusuna waljamaaca. (10) Waxaa xilliga kala-guurka jiraya Gole Xeer-dejin oo xubnahiisu dhanyihiin labo boqol iyo kow (201) xildhibaan. (11) Muddada xilliga kala-guurku waa afar sano ( 4 ); oo ka bilaabata 26/03/2018; oo ah markii la isku daray labada baarlamaan”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wajeer (Caasimada Online)-Diyaaradaha ka duula garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan geliyay amarkii kasoo baxay dowladda Kenya. Diyaarado ka duulay magaalada Muqdisho ayaa maray garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer, halkaasi oo markale lagu baaray dadka rakaabka ah, iyaga oo kadib u duuli doono magaalada Nairobi. Go’aanka Kenya dib ugu howlgelisay barta Kaantarool ee Wajeer ayaa dhaqangalay, waxaana dadka baaritaan kale lagu geliyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer. Sawiro lasoo qaaday ayaa u muuqday dadka shacabka ah oo safaf dhaadheer u galay baaritaan lagu sameynayo dadka rakaabka ah. Kenya ayaa dib uga laabtay heshiis ay horey dowladda Soomaaliya ula gashay, kaasi oo keenay in markale rakaabka ka baxa magaalada Muqdisho la marsiiyo garoonka degmada Wajeer. Hoos ka daawo Sawirada Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in maanta Maxkamada Hargeysa ee G/Maroodi-jeex la hor-geeyay Xildhibaan Dhakool. Xildhabaan Dhakool oo kamida xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayey habeen hore ciidamada Boolisku kasoo xireen magaalada Hargeysa. Xildhibaanka ayaa markii saaka la hor-geeyay Maxkamada waxa gebi-ahaanba diiday inuu dhageysto Dacwadii lagu soo oogay Gudoomiyaha maxkamada G/Maroodi-jeex. Guddoomiye Cabdi Qawdhan ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaan Dhakool aan xarigiisa loo marin sifo sharci, isagoona ka dhawaajiyey in xildhibaanka lasoo xiray isagoo Xasaanadii Xildhibaanimo laga qaadin. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in aanay xaq u laheyn in ay dhageysato maxkamadu dacwada lagu soo oogay xildhibaanka, ilaa inta ay xildhibaanada Golaha Wakiiladu ka qaadayan xasaanada. Xildhibaan Dhakool ayey ciidamadu dib ugu celiyeen xarunta dambi baarista ee CID-da, kadib markii uu guddoomiyaha Maxkamadu uu diidey dhageysiga dacwada lagu soo oogay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
First wife feeding second wife at her wedding reception. Photocredit: Khalifa Photography When Yakaka Mandara tweeted a picture of a first wife feeding her husband’s second wife at a wedding reception, she did not expect that the photo would go outside of her country, Nigeria. But that’s exactly what it did, reigniting an age-old debate about polygamy in Africa. Polygamy is a centuries-old practice in Africa that has yet to disappear from modern life. It has both cultural and religious origins. It is legal in 26 out of 54 African countries, particularly Muslim majority countries. In the case of the picture Mandara posted, sources say the first wife threw a huge wedding for her husband as he married his second wife. People have commended her effort in helping to usher in a second wife while others have criticized it for being outdated. Face2Face Africa Qaran News
-
R/wasaare ku xigeenka XFS oo furay imtixaanka Shahaadiga ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – R/Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa maanta si rasmi ah u Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasi oo ka bilowday Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) raiisul wasaare kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dahfurka imtixaanka,wuxuuna dhiira-geliyay rdayda u fariisanaysa guud ahaan imtixaanka Shahaadiga ah. Imtixaanka Shahaadiga ah waxaa u fariistay Arday gaaraysa 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday,sida uu sheegay wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada XUkuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed (Jaabir). Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah. Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi,wuxuuna xusay in aan la ogolaan doonin Arday mobile isticmaalaya,isagoona fariin u diray Ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay maamulka imtixaanka guud ee dalka,muddo ku dhow 30 sano kadib tan iyo burburkii,iyadoona dadaal xoogan ugu jirta horumatrinta adeegyada waxbarasho ee guud ahaan dalka. View the full article -
Shirkii wadatashiga ee Garoowe uga socdey dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ayaa fashil ku dhammaaday. Shirkan oo socday muddo 6 maalin ah ayaa lagu waday in looga hadlo arrimaha dastuurka, doorashada, qeybigsiga kheyraadka iyo arrimo kale. Shirka ayaa sidoo kale lagu waday in lagu dhiso gole iskaashi oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Shirka waxaa horay uga tagay madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Galmudug Axmed Geelle Xaaf, waxaa kale oo baxay qaar ka mid ah wufuudda maamul goboleedyada qaar. Ra’isul wasaare qudhiisa waxaa uu soo baxayaa daqiiqadaha soo socda. Arrimaha fashilka soo dedejiyey waxaa ka mid ahaa khilaaf soo kala dhex galay madaxda dowladda federaalka ah iyo Galmudug kaas oo la xiriiray muddada xil-heynta. Dowladda federaalka ah ayaa rabtay in 2 sano loogu daro halka Xaaf uu ku adkeytay ilaa 2021-ka. Arrimaha kale ee fashilka keenay waxaa ku jiray faragelin la sheegay in dowladda dhexe ku sameysay Jubbaland kadib markii 4 qof ku dhaawacmeen qalalaaso ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
1. Xaaladda Galmudug ay Kujidho ayaa qaadatay in Muddo 4 bari natiijo Laga Gaariwaayay. 2. Xeerka Dorashooyinka ee ay xukumadda Ansixiyay oo aan waafaqsaneyn Dastuurka [...] Source
-
Waxa la sheegay in gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex Garsoore Cabdi Qawdhan uu ku gacansaydhay inuu gal dacwadeed u furo xildhibaan Dhakoolkii oo aanay golihiisu xasaanadii ka xayuubin, kaasi oo saaka la geeyay maxkamadda isagoo weliba labada gacmood ka silsiladaysan oon laga xishoon sharciga, mudanaha iyo ummaddii uu matalaayey ee reer Sool iyo guud ahaan shacabka reer Somalilandba. Ileyn saban walba wax uun baa laga sahaydaayee, sabankan xun ee boolisku noqday kuwa aan xitaa madaxda khaatuma xumaysanaysa u sharxin waxa ceebi ka soo gaadhi doonto iyo halka ay tahay in amarka looga beydhi karo oo uu ku hirgeli karo. Nasiib wanaag waxa muuqatay maanta mar kale rajada shacabka reer Somaliland ee ah in dhalin yarada ka hawlgasha garsoorku aanay ahayn kuwii hore ee ee shaabada weynaa ee cidii xukuumaddu dabada ka wado xabsiga isu dhaafin jiray. Cabdi Qadhani waxa uu bilay quruxdii qaranka Somaliland ee ahayd dal dimoqraadiya oo leh hay’ado is ilaaliya,kuwaasi oo awood u leh inay dalkan ka hor istaagaan hogaamiye kasta oo leh damac keligii taliyenimo oo u hamuun qaba inuu dulaysto ummaddan daalan ee beelaha iyo ardaayada loo kala qaybiyay, si loo xukumo oo iyaga laysugu mashquuliyo. Inkastoo gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex ceebtii ka fogeeyay garsoorkii qaranka, bal waxa hadda su’aali la taagan tahay waxa gudoomiyihii dhalinyarada ahaa ee maxkamada sare ee dalka haystay uu ka yeelo, waxana loo joogi doonaa in sidiisii uu xilka si ku meel gaadh ah uga qaado garsooraha ceeb-diidka ah, sidii ku dhacday Garsoore Dalmarkii ka gaws adaygay in muwaadin gobol kale laga soo qabtay lagu maxkamdeeyo Hargeysa,iyadoo Burcadii laga keenay aan balaayo lagu ogayn. Inta maamulka Muuse uu jirayaa waa dhawr sano, haseyeeshee waxa qormaysa taariikh. Waxa aan walaalkay sharciyaqaan Aaden Xaaji Cali u sheegi lahaa in aanay sumcadiisa cidi la lahayn iyo aakhiradiisa, islamarkaana ay tahay inuu dhaxal reebo una nasteexeeyo weliba hogaanka ummaddu dooratay een qoriga caaradiisa ku Iman. Kolay sida saaka muuqatay rag baa leh ‘ waar saw la noolaadee ‘. Weli shacabkan damiirku kama wada dhiman. Mustafe Issa (Mustafe Shiine) Qaran News
-
Boosaaso (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo goor dhow ka dhacay M/ Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay afafaaka hore ee Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari. Inta la xaqiijiyay waxa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa 8 qof oo ay ku jiran Askar ilaalo u ah Maxkamaddaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxani uu ka dhashay Bag Gacmeed, mana jiro illaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga ee Puntland. Al Shabaab iyo Daacish oo weli maamula deegaanada dhaca Buuraleyda gobolka Bari ayaa inta badan weeraro ka geysta deegaanada maamulkaasi. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo sababay dhaawacyo ciidamada soo gaaray. Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay gaari uu leeyahay guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee gobolka Bari Mudane Abuukar C/Naasir, waxaana waxyeelo ay soo gaartay ciidamo ilaaladiisa kamid ah. Wararka kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhaacmay mid kamid ah taliyaha ilaalada maxkamadda ciidamada iyo shaqaalo ka tirsan maxkamadda, kuwaasi oo qaarkood halis lagu sheegay dhaawacooda. Guddoomiyaha gaarigiisa qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, halkaasi oo maalmahaan madaxda dalka ay kulamo lu lahaayeen. Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso, iyadoo aysan jirin cid sheegatay masuuliyadda ilaa iyo hadda. Todobaadkii hore ayay aheyd markii miino dhulka lagu aasay uu ka dhacay magaalada Boosaaso, kaasi oo lala eegtay guddoomiyaha gobolka Bari. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo labada gacmood silsiladi kaga xidhan tahay ayaa saaka la horgeeyay Maxkabadda gobolka Maroodi-jeex. Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan, ayaa diiday in uu furo gal dacwadeedka arrinta loo haysto xildhibaanka. Guddoomiyaha ayaa ku dooday in aannu jirin sharci u ogolaanaya in uu Maxkabadeeyo xildhibaan aan golihiisu xasaanadda ka qaadin “Xildhibaan Dhakool oo saaka maxakamada la hor keenay maxakamadu waxay diiday xadhiga xildhibaanka in la xalaaleeyo ilaa iyo la helo oggolaansho baadhitaan oo ay bixiyaan Gudida joogtada ah ee golaha wakiilada maadama uu fasax ku jiro golaha intiisi kalle. Ciidankuna waxay dib ugu celiyeen saldhigii uu ku xidhnaa,” sidaas waxa yidhi garyaqaan Mubaarik Cabdi. Ciidamada Booliska ayaa dib ugu celiyay xildhibaanka xarunta CID-da oo uu ku xidhan yahay. Xildhibaan Dhakool, oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa ka soo horjeestay xuska maalinta 18 May oo uu ku tilmaamay maalin madow, kadibna ciidamada ayaa xidhay. Source
-
Qaraxan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay Maxkamada darajada 1aad ee gobolka Bari oo ku taala dhabarka dambe ee [...] Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa abaalmarinno qaali ah guddoonsiiyey Ardaydii kaalmaha sare ka gashay tartanka Qur’aanka kariimka ah ee heer qaran oo sanadkiiba mar la qabto laguna soo gebogebeeyey caasimadda Hargeysa. Munaasibad ballaadhan oo Ardayda kaalmaha sare ka galay tartanka heer qaran ee Qur’aanka kariimka ah oo xalay lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, culimada gacanta ku haysay tartanka Qur’aanka kariimka ah, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimada iyo ardayda kaalmaha sare ka gashay tartankan oo ka socotay gobollada kala duwan ee dalka, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo da’yarta kitaabka Eebbe xifdiday, looguna mahadnaqayo waalidiinta, macallimiintooda iyo culimada tartanka qabatayba. Afarta Arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay, ayuu madaxweynuhu abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyey, waxana ay ardaydaasi kala yihiin, Cabdibaarri Cabdirashiid Siciid oo ka socda gobolka Maroodi-jeex oo kaalinta koowaad ku guulaystay, waxana uu madaxweynuhu guddoonsiiyey gaadhi cusub oo Nooha ah, halka Axmed Maxamuud Axmed oo ka socda gobolka Saaxil uu kaalinta labaad galay, iyada oo kaalinta saddexaadna uu galay Shucayb Cali Iidle oo ka socda gobolka Awdal. Maxamed Cabdiraxmaan Axmed oo socda gobolka Awdal, ayaa isaguna kaalinta Afraad galay, waxana ardayda kaalmaha koowaad iyo labaad galay baalmarinaha la guddoonsiiyey u dheer cumrada oo si lacag la’aan ah lagu geyn doono. Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo sheikh Maxamed Aadan oo kamid ah culimada gacanta ku haysay tartankan oo halkaas hadallo, ayaa bogaadiyey ardayda ku guulaysatay tartanka, waxana kula dardaarmeen inay sii wadaan barashada diinta iyo kitaabka Eebbe. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda abaalminaha kala duwan ka hadlay, ayaa bogaadiyey cidkasta oo kaalin ka ciyaartay barbaarinta ardayda qu’aanka qaybtay, isaga oo u rajeeyey ardaydaasi inay noqdaan culimo dalka iyo dadkaba anfacda, waxana uu yidhi, “Waxa Ilaahay mahaddii ah inaynnu maanta isugu nimaadno inaynnu bixinno abaalmarintii ardaydii qur’aanka dusha ka qaybtay, marka hore waan hambalyeynayaa macallimiintii, madarasadihii, wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo intii ka qayb qaadatay inay ardaydani heerkaas soo gaadhaan, waxan hambalyeynayaa dhammaan Ardayda yar yar, kuwa jis qaybay, kuwa nus qaybay, kuwa soddonkaba qaybay, kuwa kaalmaha hore qabay, dhammaantood ardayda qur’aanka qaybtay waan hambalyeynayaa, Ilaahayna waxaynnu u weydiinaynayaa inay qur’aanka qaybaan, qarankana wax u taraan, dadkana diinta ku hanuuninayaan oo ay culimo waaweyn noqdaan.” Tartanka qur’aanka kariimka ah oo si heer qaran ah looga qabto gobollada kala duwan ee dalka, ayaa ah kii toddobaad, waxana sannad walba bisha barakaysan ee Ramadaan gudaheeda abaalmarinno la guddoonsiiyaa ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka gasha tartankaas, waxaana ardaydaasi afur iyo casho sharaf loogu sameeyaa qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Source