Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,249
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa tababar dhanka garsoorka magaalada muqdisho uga furay garsoorka kubbadda cagta, waxaana furitaanka kasoo qayb galay Guddoomiye 1aad Xiriirka Cali Cabdi Maxamed iyo Xoghayaha Guud ee xiriirka DR.Yuusuf Muxudiin Axmed. Tabarkan oo lagu baranayo isbadalada ku yimid shuruucda garsoorka kubadda cagta, sare u qaadida tabooyinka garsoorka iyo adeegsiga aalada lagu ogaado heerka tababarka garsoorka , waxaa bixinay Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Soomaaliya Xasan Aadan Yabarow Wiish, Guddoomiye ku xigeen Aweys Cabdullahi Sheekh, madaxa fayaqabka garsoorka ( Fitness Instructor) Cabdi Cabdulle Baasaale iyoMacallin Maxamed Cabdulle Faraye. Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka oo isla markaana kamid ahaa macallimiinta tababarka wax ka bixinaya oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan ay ugu talo galeen in ay sare u qaadaan heerka aqoonta garsoorka iyo sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen dhigooga qaaradda , horumarka garsoorkana uu muhiim u yahay horumarka naadiyada iyo cayaartoyda kubadda cagta. Guddoomiye Wiish ayaa sheegay in tabaarkan ay ka qayb galayaan 25 garsoore oo ay kamid yihiin garsoorayaal da’yaroo oo sanadkan fursad u siiyeen in ay horyaalka wax ka maamulaan, ayna ka go’an tahay in ay sare u qaadaaan aqoonta dhammaan garsoorka heerarkiisa kale duwan. Xoghayaha Guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadada Cagta DR.Yuusuf Muxudiin Axmed ayaa guddiga garsoorka iyo dhamaan garsoorayaasha kubbadda cagta ku amaanay dadaalka xoogganku ay ku jiraan, waxuuna ballan qaaday in xiriirka ay dabooli doonaan baahiyaha ay qabaan garsoorka si ay u tiigsadaan himilooyinkooda una horumariyaan kubbadda cagta dalka. Xoghayaha ayaa intaa raaciyay in ay qoyshaynayaa in sanadkiibala qabto ugu yaraan afar koorso oo tababar dhanka garsoorka, guddoonka garsoorkana ay ka wadhadleen, koorsooyinka nuucaana ay wax wayn ka tarayaan dib u dhiska iyo horomarka xirfada garsoorayaasha Soomaaliya iyo in la is xasuusiyo casharadii lasoo bartay si loo gaaro kana caawinaysa inuu xal u helo qaladaadki dhacay. Ku simaha guddoomiyaha Xiriirka Cali Cabdi Maxamed(Cali Shiino) oo tababarka daah furay ayaa sheegay in howl culus ay hayaan garsoorka kubadda cagta , balse xiriirka ay ka doonayaan in ay labba jibbaaraan waxqabadkooda. Cali Shiine ayaa intaa ku daray in wareegga hore ee horyaalka ay garsoorka qabteen howlo mudan in lagu amaano xiriirka ay markasta garab istaag iyo horumarin joogto ah dal iyo dibad diyaar ula yihiin. Tababarkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan uusoo idlaaday wareegga hore ee horyaalka, waxayna mudada shanta maalin ee uu socon doonogarsoorka ku baran doona casharo isugu jiray dhanka fayoqabka iyo isbadalada dhanka sharciyada iyo sidii ay ku joogtayn lahaayeen sharciyadii ay horay u barteen W/D-Xuseen Maxamed Hadaafow Source: goobjoog.com
  2. Qoysas dhowaan ka soo barakacay deegaannada Sabiib iyo Caanoole Gobalka Shabeelaha Hoose oo soo gaaray dagmada Kaxda ee gobalka Banaadir kaam ku yaala waaxda 3aad ayaa ka cabanaya xanuuo faro ba’an ku haya iyo noloshooda oo aad u adag. Maxamed Aweys oo mid ka mid ah dadka ka soo barakacay deegaanka sabiib oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay ilaa hadda dhowr caruur ah inay u dhinteen tiro kala ay la liitaan xanuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay kaamka ay ku nool yihiin. “Waxaan nahay dad baracayaal ah oo dhibaataysan, ilmaha dhan shuban biyood ayaa nooga dhacay, ilaa hadda 7 caruura ayaa geeriyoo tiro kalana oo 11 caruurana waxa loo qaaday isbitaalka Banaadir kuwana ayagoo xanuusan ayeey joogaan xaafadaha” Maxamed oo hadalkiisa sii wato waxa uu sheegay xanuunnada inay sababeen dadka oo ahaa dad dhowaan ka soo barakacay deegaanada Sabiib iyo Caanoole kuwaas oo lug ku soo gaaray ilaa Muqdisho. “Dadkaan waxa ay ahaayeen dad soo barakacay deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee gobalka shabeelaha hoose, waxa ay ku soo careen qorax, baahi iyo ayaga oo aan helin daryeel markii ay yimaadeen dagmada kaxda, taas ayaana sababtay in dadkaan ay la kulmaan xanuunka shuban biyoodka” Sidoo kale kale Maxamed ayaa sheegay in kaamka hadda uu ku sii faafayo xanuunka shubanka haddii aan la helin gargaar degdeg ah waxa uuna xusay inuu xanuunkaan awal uuna horay uga jirin Kaamka , welina ayna helin wax gargaar shacabka ama hay’ad ahada samafal mise dowladdeed ah. “Waa mid hadda ku faafaya awal hoay ugama jirin kaamka kuleelka dagka ay ku yimaadeen iyo isbadalka deegaanka ayaa sababay ayaan oran karaa, majiro anaga dad nacaawiyay maxaa yeelay annaga maba kala naqaano dadka oo deegaanka waan ku cusub nahay” Dhanka kale Maxamed Aweys ayaa xusay in qoysaskaan magaalada ay joogaan sideed casho dadkuna ayna haysan hoy wanaagsan xanuuna uu dheer dadnkana lagu hayo geedaha hoostooda. “Waxaan joognaa sideed casho, dadka noloshoodana aad ayeey u liidataa waxaa haya xanuunka shubanka gargaar majiro dadkana waxaa lagu hayaa geedaha hoostooda ilaa hadda ma garanayno cid noo maqan” Ugu danbeen dadkaan ayaan ka codsaday in maamulka gobalka Banaadir iyo kan dagmadaba ay ka codsanayaan in si dagdag ah loola soo gaaro garaar iyo dawo. “ waxaan ka codsanaynaa maamulka gobalka iyo kan dagmada gargaar dagdag ah nalala soo gaaro waxa meeshaan ku rafaadsan waa shacab dowladda ayadaana mas’uul ka ah shacabkaan oo ay sugaayaan” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa Canshuur farabadan ku soo rogtay ganacsada wax kala soo degta dekeda magaalada Muqdisho. Sida ay illo xog-ogaal ah u [...] Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhawayd safar shoqo ugu baxay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Madaxwaynaha Somaliland ayaa subaxnimadii hore ka jarmaaday madaxtooyadda waxaana ujeedada socdaalkiisa la la xidhiidhinayaa in uu xadhiga ka soo jari doono qalab cusub oo lagu soo kordhiyay Dekedda Barbara. Dhinaca kale wararka qaar ayaa waxa ay sheegaya in marka uu dhameeyo kormeerka Marsadan Berbera uu Madaxweynuhu la kulmi doono Odoyaal iyo wax-garadka gobolka Saaxil. Source
  5. Guddoomiyaha ardayda Puntland ee Jaamacadaha Suudaan Maxamed C/risaaq Siciid Cadde ayaa u xaqiijyey ardayda reer Puntland inay bed-qabaan aysanna ku jirin mudaharaaddadii dhacayey bilihii lasoo [...] Source
  6. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan saddex oo la socday hal gaari ayaa kooxo hubeysan ay xalay ku dileen deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysan dilka dadkan oo lagu sheegay shacab. Wararka ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysan ay xalay fiidkii dilkaan ka geystay isgoyska Ceelasha-biyaha, halkaasoo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah shacabkii ka barakacay Muqdisho xilliyadii dagaallada iyo kuwo kale oo horay deegaanka u deggenaa. Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saddexda qof lagu dhex-dilay gaariga, isla markanaa uu illaa saakay yaallay goobtii lagu dilay xalay, kooxihii falkaas geystayna ay goobta ka baxsadeen. Sidoo kale, shacabka deegaanka ayaa sheegay in dadka dilka geystay aan la garanayn cid ay ahaayeen, sidoo kalena aan la garan weli dadkii dilka loogu geystay deegaankaas. Inta badan dilalka noocan oo kale ah ayaa waxaa geysta Al-shabaab oo ka ag-dhaw deegaankaas iyo kuwa kale ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, mana ahan markii ugu horreysay oo dil noocan oo kale ah uu ka dhaco isla deegaanka Ceelasha biyaha. Dhanka kale, Hay’adaha amniga dowladda ayaan ka hadlin dilka xalay loogu geystay saddexda qof deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaase saakay xiisad laga dareemayaa deegaankaas oo dad badna ay daggan yihiin. Ugu dambeyn, Falkaan ayaa wuxuu imaanayaa xilli maalimihii u dambeeyay ay hawl-gallo is-daba-joog ah ciidamada DF ay ka wadeen Ceelasha-biyaha, kuwaasoo lagu shaaciyay in lagu helay kaydkii hubka ee ugu weynaa ee ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaas. PUNTLAND POST The post Tiro dad ah oo xalay lagu dilay deegaanka Ceelaha Biyaha ee Dulleeda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa guddiyada amniga iyo difaaca faray iney warbixin ka soo diyaariyaan kulankii shalay uu golaha la yeeshay hey’adaha amniga. Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay arrin wanaagsan aheyd in hey’adaha amniga horyimaadaan golaha shacabka iyaga oo intaasi raaciyey in inta badan aan lagu qancin xogaha ay bixiyeen. Su’aalo la xiriiray sababta ay ciidamada xoogga dalka uga soo baxeen goobaha ay joogeen, taliyahooda waxaa uu ku jawaabey iney taktiko tahay. Jidadka Muqdisho ee la xirayo, taliyaha booliiska jawaab fiican kama bixin, inta badan su’aalaha la xiriiray booliiska, Xildhibaannada waxaa ay sheegeen iney aheyd in loo waco Saadaq John. Isla jidadka Ku-simaha NISA waxaa uu sheegay in go’aanka ay leeyihiin golaha amniga, isaga oo su’aalo badan ka gaabsan, codsadana in uu heer guddi ugu jawaabo. Waxaa kale oo jawaab waafi ka bixin waayey su’aalo la xiriiray sababta ay shirarka uga mamnuuceen Hoteelada Muqdisho. Dadka ay dileen ciidamada waxaa la sheegay in gacanta lagu haayo halka dhacdadii ugu dambeysay uu jiro damiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT–Dacar-budhuq)-Saddex Qof ayaa ku geeriyooday Shil baabuur oo Saaka ka dhacay degmada Dacar-budhuq ee Gobolka Maroodi-jeex. Saddexda Qof oo kala ah laba Rag ah iyo Qof Dumar ah, ayaa Geeriyooday markii uu la dhacay gaadhi yar oo ay la socdeen oo ah nooca loo yaqaano Tukhaanka. Meydka saddexda Qof oo aan weli la aqoonsan ayaa la dhigay cisbitaalka Dacar-budhuq. Source
  9. Muqdisho (PP) ─ Dadweyne iyo wadayaasha gaadiidka oo ka careysan xirnaashaha waddooyinka Muqdisho ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigaya qaybo ka mid ah caasimadda, kuwaasoo sheegay inay dalbanayaan in loo furo waddooyinka xiran. Bannaan-baxayaasha oo u badan darawallada gaadiidka dadweynaha eek a shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegay inay aad uga soo horjeedaan in waddooyinka la xiro lagana qaado lacago badan oo maalinle ah. “Lacago badan ayaa nalaga qaadaa maalin walba, waxba nagama dhibeyso balse waxaa wanaagsan in naloo furo waddooyinka xiran, maantana sidaas ayuu bannaan-baxeennu ku saabsan yahay, waxaana ku dhawaaqnay shaqo joojin,” ayuu yiri mid ka mid ah darawal ka mid ah dadkii bannaan-baxa ka qayb-qaadanayay. Gaadiid badan ayaa dhooban isgoyska Ex-koontarool Afgooye, kuwaasoo la sheegay inay ka mid yihiin kuwi shaqeyn jiray oo maanta ku dhawaaqay in ay joojiyeen shaqadoodii, sababo la xiriira cabashadooda. “Waxaan nahay dadka ku shaqeysta gaadidka BL-ka loo yaqaan, meel aan marno malahan, waxaan diyaar u nahay inaan shaqada joojino, meel kasta waan ku bannaan-baxaynaa, Ex-koontarool 43,000 oo shillin ayaa nalooga qaadaa socod walbaa oo Afgooye aan ka imaanno, haddana meel aan ku shaqeysanno ma haysanno,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray. Sidoo kale, dibadbaxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay shacabka Muqdisho dhigayeen dibadbaxyo ka dhashay dilalka loo geysto darawallada bajaaj-ta iyo xirnaashaha waddooyinka Xamar. Ugu dambeyn, Dibadbaxan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo la sheegay in dad lagu qabqabtay dibadbax maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho la soo taagi doono maxkamad, kaddib markii lagu tilmaamay inay yihiin rabsho wadayaal. PUNTLAND POST The post Dibad-bax ka dhan ah Waddooyinka Xiran ee Muqdisho oo ka socda qaybo ka mid ah Xamar appeared first on Puntland Post.
  10. Qarnigii 19-aad bartankiisa waxaa ra’iisul wasaare ka ahaa Britain siyaasi la oran jiran Benjamin Disraeli. Sida madaxweyne Farmaajo uu ugu celceliyo “qabyaalad baa dalkaan baabi’isay” [...] Source
  11. (SLT-London)-Julian Assange ayaa safaaradda Ecuadorian ee magaalada London ka dhigtay xarun basaas sida uu sheegay hoggaamiyaha dalkaas. Madaxweyne Lenin Moreno ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin dal kale oo gacan ka gaystay go’aanka uu dalkiisu magangalyada ugala laabtay ninka aasaasay barta siraha soo qufta ee WikiLeaks, wuxuuna intaas ku daray in dalkiisu uu go’aanka u qaatay meel kadhaca uusameeyay Assange. Isaga oo la hadlaya wargeyska Guardian ayuu madaxweyne Moreno sheegtay in xukuumaddii isaga ka horraysay ee Ecuador ay qayb ka mid ah dhismaha safaaradda bixisay iyadoo gacan ka gaysatay in dalal kale “lagu farogaliyo.” Qareenka Assange ayaa mar hore sheegtay “in eedaymaha Ecuador ay yihiin kuwo laga caroodo”. Madaxweyne Moreno oo awoodda la wareegay sannadkii 2017kii ayaa yiri “ficil kaste oo burburin ah sharci darro ayuu ka yahay Ecuador, sababtuna ay tahay in dalkiisu uu yahay mid madax bannaan oo ixtiraamaha siyaasadaha dalalka kale.” Wuxuu intaas ku sii daray “Guriganaga uma ogolaan karno in uu noqdo guri albaabada balaqaya si uu u noqdo xarurun basaas.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo xigtay nadaafad xumidii uu horay wasiirka arrimaha gudaha Maria Paula Romo ugu eedeeyay Assange. Qareenka Assange Jennifer Robinson ayaase sheegashadaas muran ka keentay Axaddii. “Waxay ila tahay waxa u horreeya ee in laga hadlo ay tahay waa eedaymaha laga caroodo ee Ecuador ay soo jeedinaysay maalmihii ugu dambeeyay, iyada oo isku dayaysa in ay u qiil bixiso tallaabada sharcidarrada ah ee aan caadiga ahayn ee ay ku ogolaatay in booliiska Britain uu gudaha u galo safaaradda gudaheeda,” ayay tiri Jennifer. Waxay intaas ku sii dartay in ay caddaatay cabsidii laga qabay masaafurinta Maraykanka todobaadkan, ka dib markii lagu eedeeyay in uu gacan ka gaystay isku day lagu doonayo in loogu dhaco siraha xasaasiga ah ee ku jira kombiyuutarrada wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Maraykanka. Assange oo 47 jir ah ayaa wajahaya 12 bilood oo xabsi ah waxaana lagu helay in uu jabiyay damiinkii lagu sii daayay ka dib markii uu galay safaaradda Ecuador sannadkii 2012. Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shaqada Dekadda Muqdisho oo ah Isha ay Dowladda Soomaaliya ka hesho lacagaha ugu badan ayaa xayirneyd muddo Seddex Maalin ah. Sida ay Caasimadda Online ogaatay Shaqada Dekadda Muqdisho ayaa u xayiraneyd Kooxda Al-Shabaab kadib markii ay Ganacstada Maraakiibta soo dajisato u sheegtay inay ka rabto Canshuur la mid ah Midda ay Dowladda Soomaaliya siiyaan. Al-Shabaab oo isugu yeertay Ganacsatada Dekadda Muqdisho wax kala soo dago ayaa u sheegtay inaysan sii socon karin inay Dowladda Soomaaliya kaligeed Canshuur ka qaadato Dekadda Muqdisho. Al-Shabaab ayaa ganacsatada ku amartay inaan Alaab laga dajin karin Markab aan Canshuur la mid ah midda Dowladda laga siinin kooxdaan dagaalka kula jirto Dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab. Kooxdaan ayaa ganacsatada ugu hanjabtay in tallaabo laga qaadi doono haddii ay alaab kasoo dajiyaan Markab aan lacag laga siin. Amarkaas ayaa keenay inaysan Dekadda Muqdisho shaqeyn Seddexdii Maalin ee ugu dambeysay, waxaana la arkayey Maraakiibta oo Dekadda iska taagan isla markaasna aan wax alaab ah laga dajineyn. Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey, Shaqadda Dekadda ayaa Maanta dib u bilaabatay kadib heshiis dhex maray ganacsatada iyo AL-Shabaab inkastoo Shalay Hal Markab la dajiyey. Markii ugu horeysay Shalay ayey shirkad kamid ah kuwa Dekadda Muqdisho wax kasoo dajisto bilowday inay Maraakiibteeda alaabta ka dajiso kadib markii la sheegay inay wada hadleyn Kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale Saakay dhammaan ganacstada ayaa si wadajir ah u bilaabay inay dajistaan alaabtooda mudada seddexda maalin ka xayirneyd. Sida ay illo xog-ogaal ah u sheegeyn Caasimadda Online, Ganacstada iyo Al-Shabaab ayaa ku wada heshiiyey in Canshuur laga siiyo Maraakiibta kasoo dagto Dekadda Muqdisho inkastoo aan la ogeyn inay ganacstada bixinayaan in la mid ah inta ay Dowladda Soomaaliya siiyaan. Dekadda Muqdisho ayaa ah isha koowaad oo ay Dowladda Soomaaliya ka hesho lacagaha ugu badan iyadoo bil kasta ay kasoo xarooto lacag Malaayiin Dollar ah. Kooxda Al-Shabaab ayaa awal lacago ka qaadi jirtay Shirkaddaha waaweyn ee ganacsiga balse waa markii ugu horeysay oo ay dalbato in Canshuur laga siiyo Dekadda Muqdisho taasoo muujineyso tabardarada Dowladda dalka ka jirto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Dowladda Puntland ayaa ka hadashay duqeyntii shalay ka dhacday inta udhexaysa Hul-Caanood iyo magaalada Xiriiro oo katirsan degmada Isku shuban ee gobolka bari. Duqeyntan ayaa [...] Source
  14. Garowe (SMN) – Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan oo la hadlayay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in duqeyn ka dhacday nawaaxiga Tuulada Xariiro ee gobolka Bari lagu dilay Hoggaamiye ku xigeenkii Ururka Daacish ee Soomaaliya C/xakiin Dhoqob. Duqeynta ayuu sheegay Wasiir Galan in lala beegsaday gaari nuuca raaxada ah oo ay wateen Hoggaamiyahaasi iyo ruux kale oo la socday. Puntland ayaa ka dhawaajisay in ay ka go’antahay dagaal adag oo lagu qaado Al Shabaab iyo Daacish oo ku xogan goboka Bari ee maamulkaasi. Dhinaca kale ma jirto wax tafaasiil ah oo ka soo baxday Kooxda Daacish oo ay uga hadlayaan duqeyntaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Cod-Sofeysane-.mp3 View the full article
  15. (SLT-Yemen)-Ka dib muddo Afar sano ka badan oo uu dagaal qadhaadh ka socday dalka Yemen, kaas oo galaaftay nolosha kumanaan qof, malaayiin kalena qarka u saaray macluul, ayaa haatan Jabhadda Xootiyiintu waxey sheegeen inay diyaar u yihiin inay xiriir la yeeshaan Mareykanka, sidaasina waxaa VOAda u sheegay sarkaal u qaabilsan xootiyiin Arrimaha Dibadda. Colaadda Yemen ayaa soo bilaabatay 2015kii waxeyse sii xoogeysatay markii uu isu bedelay dagaal ay kala taageerayaan Sacuudiga iyo Iran. Waxaa dalkaasi galay isbaheysi uu Sacuudigu taageerayo oo gacan siinaya dowladda caalamku aqoonsanyahay, si ey isaga celiso jabhadda Xuuthiyiinta ee gacan saarka la leh Tehran. Wareysi gaar ah oo uu siiyay VOAda, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukumadda ismagacawday ee Xuutiyiinta, Hisham Sharaf Abdullah, waxa uu ku sheegay inay doonyanaan inay dhisaan xiriir ay la yeeshaan Mareykanka, iyadoo dhinacayda dalkaasi ku dagaalamaya ay raadinayaan xal ka soo baxay dadaalka ay Qaramada Midoobay Hormuudka ka tahay. Source
  16. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo u warramayay Shabelle ayaa dalbaday in aan la siyaasadeyn amniga iyo howlgallada ka socda M/Muqdisho Waxa uu sheegay Nabadoonku in amniga uusan laheyn Muxaafid iyo Mucaarad, balse ay masuuliyad ka saaran tahay cid weliba. Sidoo kale Nabadoon Xaad ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya lagu gacan siiyo sugida amniga iyo xasiloonida dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadayay, xilli haatan DFS ay wado qorshe lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho oo mararka qaar weeraro ay ka geystaan Al Shabaab. View the full article
  17. (SLT-Finland)-Maalintii shalay ee Axadda waxaa dalka Finland ka dhacdey doorashadii baarlamaanka waxaana ay noqotey mid taariikhi ah. Baarlamaanka Finland waxa uu ka kooban yahay 200 oo xildhibaan, waxaana u tartamey xisbiyo aad u badan waxaana soo baxay sideed Xisbi iyo laba xildhibaan oo mid hal xisbi ka socdey. Guud ahaan dadka Finland ee xaq u leh in ay codeeyaan ayaa gaarayey 4.5 milyan qof, waxaana doorashadan ay noqotey midii ugu badneyd ee laga qaybqaato muddo 30 sano ah kadib waxaana ka qaybqaadashadu gaartey 72%, taas oo ka dhigan dad ka badan 3 milyan in ay codkooda dhiibteen. GUUSHA & KHASAARADDA DOORASHADA Doorashada waxaa ku guuleystey oo noqdey Xisbiga ugu weyn ee dalka Finland Sooshal Dimoqraadiga, oo helay 40 Xildhibaan waxaa ku xigey Xisbiga Asal-raaca Finishka ee PS oo helay 39 Xildhibaan halka kaalinta saddexaad uu galay Xisbiga Burjiwaasiyiinta ee Kokomuska oo helay 38 Xildhibaan. Xisbiga khasaaradda xooggan ku dhacdey waa Xisbiga Bartamaha (Center Party) oo markii hore Xukuumadda hoggaaminaayey waxaana ay waayeen Xildhibaano gaaraya 18 Xildhibaan. Guuldarada labaad ayaa ku dhacdey Wasiiradii ka socdey Xisbiga Buluuga Mustaqbalka ee markii hore Xukuumadda fadhiyey kadib markii ay ka baxeen Xisbiga Cusuiriga, dhamaantoodna waxa ay waayeen kuraastii ay ku lahaayeen baarlamaanka. Baarlamaanka waxaa ka mid noqdey 83 Xildhibaan oo cusub halka 117 Xildhibaan ee kale ay ka mid yihiin kuwii horey u fadhiyey baarlamaanka. GUUSHA HAWEENKA Haweenka ayaa dhigey taariikh cusub waxaana ay noqotey doorashadii ay haweenku helaan kuraasta ugu badan, 200 ee Xildhibaan ee baarlamaanku ka kooban yahay ayey heleen 92 Xildhibaan, Xisbiga Deegaanka (Green Party) oo helay 20 Xildhibaan ayaa 17 kamid ah ay yihiin Gabdho. 54% baarlamaanka cusub ee rag halka 46% ay yihiin haween. GUUSHA CUNSURIYIINTA Hoggaamiyaha xisbiga Asal-raaca Finnishka ee Perussuomalainen Halla-aho Jussi ayaa noqdey musharaxa ugu codadka badan, ninkan ayaa caan ku ahaa afkaarta xagjirnimada, midab-sooca iyo nacaybka soo-galootiga, taageeradiisu waxay muujineysaa halka in badan oo kamid ah dadka Finland ay u jeesteen iyo sida ay u taageerayaan afkaartiisa xagjirnimo. SOOMAALIDA IYO DOORASHADA Musharxiin badan oo Soomaaliyeed ayaa ka qayb-qaatey doorashada inkasta oo badankood ay iska sharaxeen magaalooyin iyo gobolo looga baahan yahay musharaxu in uu ku soo baxo codad badan, Musharaxa ugu codka badnaa ayaa ahaa Siciid Suldaan Axmed, waxa uu ka sharaxnaa magaalada Helsinki waxaana uu helay codad gaaraya 2452 oo cod. waxaa ku soo xigey Cabdiraxim Xuseen oo helay 1989 cod. Ma jirin Soomaali loo doortey Baarlamaanka. DHISMAHA XUKUUMADDA Kadib doorashada waxaa bilaamaya wada hadalka dhismaha xukuumadda iyo iskaashiga Xisbiyada, Finland waxay kamid tahay dalalka aan hal Xisbi xukuumadda soo dhisi karin marka la eego sida codadku u qaybsamaan. Sida muuqata waxaa Xukuumadda soo dhisaya Xisbiga Sooshal Dimoqraadiga oo wada hadal la furaya Xisbiyada kale ee ay isku afkaar dhaw yihiin. Xisbiga Cunsuriga ee Asal-raaca Finnishka iyo hoggaamiyahooda Halla-aho Jussi waxay doorashada muujiyeen taageerada weyn ee ay haytsaan, waxaana ay doonayaan in laga qayb-galiyo wada hadalka dhismaha xukuumadda oo aan la fuquuqin lana dhegaysto Nusmalyuunka qof ee u codeeyey. Sida la saadaalinaayo Xisbiga Sooshal Dimoqraadigu waxay indhaha ku hayaan in ay Xukuumadda la soo dhisaan Burjiwaasiyiinta Kokomuska oo haysta 38 Xildhibaan, Xisbiga deegaanka oo haysta 20 Xildhibaan iyo Xisbiga dadka Iswidhishka RKP oo haysta 9 Xildhibaan taas oo wadarta guud ka dhigeysa 107 Xildhibaan oo ah aqlabiyad Xukuumad lagu soo dhisi karo. Sidoo kale Anti Rinne hoggaamiyaha Xisbiga Sooshal Dimoqraadiga waxaa u furan in uu xukuumad la soo dhiso Xisbiga Cunsuriga PS iyo kan Burjiwaasiyiinta ee Kokomuska oo keliya taas oo ah aqlabiyad aad u weyn, meeshana ka saaro dhamaan Xisbiyada kale ee aan la shaqeyn karin Cusnusiriyiinta, inkasta oo ay ka horeyso gorgortan aad u adag iyo in Xisbiga Asalraaca Finnishka ee Cusniriyiintu ay tanaasul sameeyaan, arrintan waxa ay keeni kartaa in hoos loo dhigo taageerada xad-dhaafka ah ee uu helay Xisbiga Cusniriyiinta haddii laga qayb-geliyo Xukuumadda, taas oo horey loo tijaabshey, laakiin haddii aan laga qaybgelin Xukuumadda waxa uu ku socdaa doorashada danbe in uu noqdo Xisbiga ugu weyn dalka Finland. Source
  18. Garowe (SMN) – Shirkan oo looga hadlayay amniga iyo arrimaha Kufsiga ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland. Shirka ah oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa guddoomiyay ku simaha madaxweynaha Puntland, ahna ku xigeenka maamulkaasi Axmed Cilmi Karaash. Intii uu socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka, iyo sida looga hortagi lahaa falalka Kufsiga ee ka dhaca deegaanada Puntland. Wasiir ku xigeenka amniga ee maamulkaasi Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay kulankaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Puntland ka dhacayay dhibaatooyin kala duwan iyo tacadiyo ka dhan ah haweenka ku dhaqan deegaanada hoostaga maamulkaasi. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shirka amiga oo looga hadlay xaaladda amniga ee dalka gaar ahaan adkaynta amniga caasimadda. Shirka amniga oo ay ka qayb galeen guddiga loo xil saaray sugidda amniga caasimadda ayaa looga hadlay mudaaharaadkii ka dhacay caasimadda dalka. Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka war bixiyay natiijada shirka ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah. Waxa uu sheegay Guddoomiye Yariisoow in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay mudaaharaaydadii shalay dhacay iyo fal-dembiyeedyadii ka dhashay, Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadin Soomaaliyeedna sharciga la marsiin doono. Guddiga u xil saaran amniga caasimadda ayaa shirkooda ku caddeeyay in bajaajlaydu ay qayb muhiim ka yihiin bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, dawladduna ay si dhaw ula shaqaynayso oo ay dhiirri gelisyo, guddiga amniguna ay la kulmayaan guddi ka socda bajaajlayda si loo dardar geliyo wadashaqaynta, ayana sidoo kale jiri doonaan kulamo joogta ah. Guddiga amniga ayaa ka digay in la sameeyo mudaaharaadyo rabshado wata ayna mamnuuc tahay in magaca bajaajlayda ay isticmaalaan shaqsiyaad doonaya in amniga ay carqaladeeyaan, oo qalalaase geliyaan caasimadda dalka. Guddiga amniga ayaa Shacabka ka codsaday in laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajinta bilicda caasimadda. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ayaa maanta banaanbaxyo ka dhigay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Gaadiidleyda ayaa sheegay inaysan u dulqaadan karin lacagaha tirada badan ee laga qaado gaadiidka dadweynaha iyo xernaanshaha waddooyinka magaalada Muqdisho, maadaama aysan ka shaqeyn karin meel walbaa oo Muqdisho kamid ah. Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ayaa sheegay in ku dhawaad 50 kun oo Shilin Somali ah mar walbaa oo ay ka yimaadaan Afgoote looga qaado Ex Control Afgooye. Sidoo kale waxay sheegeen in Marka ay Muqdisho ka baxaan maamulka Koofur Galbeed uu ka doonayo lacag canshuur ah, marka ay soo galayaan magaaladana sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ka dooneyso Canshuur. Arimahaasi ayay sheegeen inaysan u cuntameynin wadayaasha gaadiidka dadweynaha, iyaga oo dalbaday in loo furo waddooyinka Muqdisho si ay ugu shaqeystaan degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir. “Lacago badan ayaa nalaga qaadaa, waxba nagama dhibeyso balse waxaa wanaagsan in naloo furo waddooyinka Muqdisho, maantana sidaa ayuu banaabaxeena ku saabsan yahay, waxaana ku dhawaaqnay shaqo joojin” “Waxaan nahay dadka ku shaqeysta gaadiidleyda BL-ka, meel aan marno malahan, waxaan diyaar u nahay inaan shaqada joojino, meel kastaana waan ku banaanbaxeynaa, Ex Control 43 kun Shilin Soomaali ah ayaa nalooga qaadaa socod walbaa oo Afgooye aan ka nimaado, haddana meel aan ku shaqeysano malahan”ayuu yiri mid kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay oo saxaafadda la hadlay. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa kordhay kacdoonka ay dadweynaha ka sameynayaan dilalka rayidka loo geysto iyo banaanaxyada ay sameynayaan dadka ay waddooyinka ka xiran yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Wareegto ka soobaxday Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa lagu sheegay in deegaanada Puntland laga mamnuucay Hubka noocyadiiisa kala duwan in laga soo [...] Source
  22. Muqdisho (SMN) – Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ku warramaya in xalay fiidkii hore rag hubeysnaa ay rasaas ku fureen gaari la sheegay in ay la socdeen dad rayid ah. Gaariga oo ahaa Kaarib, islamarkaana ay saarnaayen illaa saddex ruux ayaa yiilay agagaarka Isgoyska Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Ilo dadka deegaanka ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in dhammaan dadkaasi ay dhinteen. Kooxaha weerarka geystay ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, walow aan la ogeyn heybtooda. Xiriiro aan la sameynay maamulka deegaanka ayaa waxa ay ka gaabsaeen in ay faah faahin ka bixiyaan dhacdadaasi. Balse arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalimihii ugu dambeeyay howlgallo isdaba joog ah Ciidamada dowladdu ay ka wadeen Ceelasha Biyaha, waxaana saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ay shaaciyeen in deegaankaasi laga soo abaabulo weerarada iyo qarxyada ka dhaca magaalada Muqdisho. View the full article
  23. (SLT-Khartoum)-Aasaasayaasha ugu waaweynaa ee banaanbaxyadii ka socday Sudan ayaa ugu baaqay Miltariga kuxunka afgambiga uga riday todobaadkii hore madaxweynihii dalkaasi soo xukumayay 30ka sano, Cumar Xassan Al-bashiir inay talada ku wareejiyaan dowlad rayid ah. Axaddii shalay, ayaa Golaha milatariga waxey sheegeen inay soo magacaabi doonaan Ra’isul Wasaare iyo gole wasiiro oo rayid ah, oo ka caawiya maamulka dalkaas,laakiin aysan qof rayid ah u magacaabi doonin xilka madaxweynaha Sudan. Afhayeen u hadlay Milaratiga ayaa sidoo kale sheegay in Golahan aysan qorshaha ugu jirin inay hor istaagaan dadka dibad baxaya weli sii wada. Weli macadda in dadka banaan baxayaa oo dalbanayay in milatarigu uu si deg deg ah oo shuruud la’aan ah uu xukunka ku wareejiyo ay ku qanci doonaan dhawaqa ka soo yeeray milatariga iyo in kale. Isutagga Xirfadleyda Sudan, oo baaqyada lagu doonayo xukumad rayid ah horsed ka ahaa ayaa shacabka dalkaasi ku booriyay inay isugu soo baxaan dibad baxyo dheeri ah ilaa inta dalabkooda laga aqbalayo. Banaanbaxyo soo bilowday 19kii December ee sanadkii hore oo looga soo horjeeday Madaxweynihii hore Cumar Xassan Al-bashiir ayaa todobaadkii hore keenay in milatarigu uu soo farageliyo oo uu xukunka ka tuuro al-bashiir. Laakiin miltariga ayaa sheegay in xukunka dalkaasi ay sii heyn doonaan muddo laba sano ah, taasoo weli ay inta badan shacabka Sudan ka soo horjeedaan. Source
  24. Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-15042019-ee.mp3 View the full article