-
Content Count
210,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Saudi Arabia ayaa ku soo biiray wadamada danaynaya inay martigaliyaan wadahadalada Somaliland iyo Somalia. Waddamo dhawr ah oo ay ku jiraan Eritrea, Ethiopia, Djibouti, Turkey , Saudi Arabia Iyo Wadamo Midawga Yurub ka tirsan ayaa sidoo kale u xamaasadaysan wadahadaladan la filayo inay dhexmaraan Somaliland iyo Somalia. Bishii April 4, ayay ahayd markii Raysal Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed uu sheegay in dawladdiisu ay u heelan tahay inay dhexdhexaadiso Somaliland iyo Somalia. Sida uu Raysal Wasaaraha Ethiopia ka sheegay mar uu ka hadlayey Jigjiga oo ay shir ku yeesheen Soomaalida Ethiopia ayaa Abiy Axmed uu hoosta ka calaamadiyey inuu ka shaqaynayo sidii loo xasilin lahaa gobolka Geeska Afrika. “Dawladaydu waxay bilawday dedaalo ay ku dhexdhexaadinayso wadahadalo ay yeeshaan Somaliland iyo Somalia. Labada dhinacna waxay muhiim u yihiin horumarka iyo amaanka gobolka,” ayuu yidhi Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed. Waxaana arinta Raysal Wasaaraha Ethiopia uu isku qanciyey inuu galo ay timid markii Madaxweynaha Somaliland muuse biixi cabdi uu socdaal ku tagay Addis Ababa oo uu martiqaad ka helay dawlada Ethiopia. Inkastoo labada dhinac ay xiligaasi ka doodeen Nabadgalyada gobolka iyo isdhexgalka labada bulshood ee xidhidhka laba geesoodka ah ee mudada soo jiray. Bishii May 3, Safiirka Sucuudiga u fadhiya Somalia Mohammed Abdi Khayat ayaa isna booqday Somaliland waxaanu kulan laba geesood ah uu Madaxtooyada kula yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi. Waxaana meelaha ay dul istaageen Somaliland iyo Somalia ka mid ahaa suurtagalnimada mustaqbalka in Somailand iyo Somalia ay ku wadahadlaan boqortooyada gudaheeda. Halka bishii May 10, Eritrea ay ku soo biirtay wadamada quudaraynaya inay martigaliyaan wadahalada Somaliland iyo Somalia. Raysal Wasaare ku xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa iftiimiyey doorka Asmara ee Wadahadalada Somaliland iyo Somalia inay muhiim tahay, isagoo sheegay in wadamo bariga Afrika ka tirsani ay ka shaqaynayaan sidii labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia ay isugu keeni lahaayeen miiska wadahadalka. “Eritrea waxay muujisay siday u danaynayso martigalinta mustaqbalka wadahadalo Somaliland iyo Somalia ku dhexmara Asmara” ayuu yidhi Raysal Wasaare ku xigeenka Somalia. Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Eritrea Cismaan Salax iyo la taliyaha Madaxwenaha Mr Yemane Gebreab ayaa markii ay socdaalka ku tageen Somaliland bishii march oo ay kulan la yeesheen Madaxweyne Biixi, kadib socdaal ku tagay mudisho bishii ka dambaysay, ayaa bilaw u ahayd dhexdhexaadin. Dhinaca kale Wadahadladii dawlada Turkigu ay martigalisay ayaa burburay bishii March 2015-kii, iyadoo dhamaan isku dayadii lagu fashilmay in wadahadaladaasi guulo laga gaadho. Si kastaba ha ahaatee Somaliland-Somalia ayaa marka ay soo gaadhaan halka u dambaysa isku afgaran waaya iyadoo ay jirto dhibaato farsamo. Balse dawladaha Somaliland iyo Somalia ayaa doonaya inay sii wadaan wadahadalada. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa u baroor-diiqaysa ninkii ugu da’da weynahaa dawladda ee hogaamiyihii hogaamiyeyaasha, Haji Abdikarim Hussein Yusuf, oo loo yaqaanay Xaaji Cabdi Waraabe, kaas oo jimcihii ku geeriyooday Hargeisa International Hospital isagoo ay da’diisu tahay 122. Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu ka mid ahaa Aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida, isagoo astaan u ahaa nabada iyo nabadaynta Somaliland tan iyo xiligii gumaystaha oo ay Somaliland xornimada ka qaadatay 1960 iyo dalka ay jaarka yihiin ee Somalia oo ay xornimadeeda kala soo noqotay 1991. Waxa lagu aasay Hargeysa saacado ka dib geeridiisa, waxaana aaska loo sameeyey ka qaybgalay boqolaal reer Somaliland oo muujinayey xushmadii ay u hayeen ninkii mudada dheer noolaa ee soo dhexdhexaadiyey khilaafyadii xiligii gumaystaha iyo siyaasiyiintii Somaliland. Xaaji Cabdiwaraabe ayaa aduunka caan ka sii noqday markii ay waraysatay BBC-du haweenayda Falanqaysa arimaha Soomaalida ee Mary Harper ay ka sii daysay BBC World Service 2012-kii in Xaajigu Uu Xasuusto Caleemo Saarkii Boqorada Queen Elizabeth II 1953-kii. Xaaji Cabdiwaraabe ayaa ahaa 115 jir, kaas oo markii uu 12 jirka uu ahaa loo doortay inuu beeshiisa hogaamiyo ayaa waxa uu yidhi “Si Wanaagsan ayaan u xasuustaa Boqorada. Xaqiiqdii waxaan xasuusta aabaheed King George VI 1937-dii. Abtigay ayaa ka qaybgalay xafladii caleemo saarka ee London,” ayuu u sheegay BBC-da Xaaji Cabdi Waraabe. Somaliland’s oldest statesman who became chief way before Elizabeth II was enthroned has died at 122 https://menafn.com/1098508685/Somaliland-Haji-Abdi-Warabe-Dies-at-the-age-of-12 Source
-
(SLT-Muqdisho)-Bangi Shiine ah iyo dawladda Somalia ayaa heshiis ku dhaagay $200million oo dollar oo dayn ah in Somalia la siiyo si loogu dhiso dekeda Muqdisho. Ganacsiga caynkaas ah ayaa bangiga Shiinaha ah siinaya inuu si gaar ah uga kalluumaysto xeebaha Somalia, waxaanu sidoo kale uu qayb weyn ku yeelanayaa dekeda Muqdisho inta dayntaasi si dhamaystiran loo bixinayo. Sida uu Bangiga Shiinaha ee ‘The Chinese Exim Bank’ uu ku dhawaaqay dhawaan markii uu soo dhigay Twitter-ka arinta heshiiskan ay la galeen Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya. Xeebaha Somalia oo caan ku ah budhcad baddeeda afduuba maraakiibta caalamka ayaa sababtay in aan kalluumaysi farabadani ka dhicin xeebaha Somalia oo khayraadka kalluunku uu dihin yahay. Arintana waxay badashay Xeebaha Somalia, oo qani ku ah khayraadka ku duugan, taas oo hada si aan xad lahayn loogu ogolaaday Shiinaha inuu kalluunka uga gurto Somalia. Waxaana arintan lagu tilmaamay mid aan u fiicnayn khayraadka Somalia ku jira iyo dadkiisaba. Iska daa shaqo ay dadku helaane, balse arintani ay si dhakhso ah usoo gabogabaynayso Kalluunka ku jira Xeebaha Somalia maadaama oo Shiinuhu uu mudooyinkii u dambeeyey uu ku hawlanaa sidii uu iskaga muujin lahaa qaybaha Qaarada Afrika, isla markaana Suuqa kalluunka ee dalkiisu uu si xawili ah uu hoos ugu dhacayo. Dhaqdhaqaaqyada kalluumaysiga Shiinuhu ayaa inta badan sababaa burbur xoog leh oo uu ku keeno xeebaha Afrikanka. Waxaana jirta in Hogaamiyeyaasha Africanka uu saamayn badan ku leeyahay Shiinuhu, waxaay ilaa hada sheegayaan in ay ka faa’iidaysan doonaan dadka guduhu mashaariicda Shiinaha oon waligood la mahadin, iyagoo ugu yeedha arintaasi ‘horumar’ ay ka heli doonaan shaqooyin badan. Balse xaqiiqdu waxay muujinaysaa in Shiinuhu yahay ka sababa macaluusha, dhimasho iyo burbur meelo badan oo Qaarada Africa ka tirsan iyo in tiro yar oo dad ahi ay ka faa’idaan mashaariicdiisa. Hogaamiyeyaasha Africanku waxay wakhti xaadirkan si aayar aayar ah ay qaarada uga iibinayaan Shiinaha. Waxaana la fili karaa in kalluumaysi xad-dhaaf ah ay horseedi doonto macaluul farabadan oo soo food saarta dadka ku dhaqan Somalia ee Kalluumaysiga ku tiirsan. Waxaana Afrika caan ka ah odhaahda ah ‘Macaluusha uu noo keenay Shiinuhu. Hada waa horumar!’. Source
-
Around 60 migrants most of them from Bangladesh have died after their boat capsized in the Mediterranean Sea after it left Libya for Italy, the Tunisian Red Crescent said Saturday. Survivors told the Red Crescent the tragedy unfolded after some 75 people who had left Zuwara on the northwestern Libyan coast late Thursday on a large boat were transferred to a smaller one that sank off Tunisia. “The migrants were transferred into a smaller inflatable boat which was overloaded, and 10 minutes later it sank,” Mongi Slim, a Red Crescent official in the southern Tunisian town of Zarzis, told AFP. Tunisian fishermen rescued 16 people and brought them to shore in Zarzis. The survivors said they spent eight hours trapped in the cold sea before they were spotted by the fishermen who alerted the Tunisian coastguard, Slim said. The bodies of three people were plucked out of the waters on Friday, the Tunisian defence ministry said. Survivors said the boat was heading to Italy and had on board only men, 51 from Bangladesh, as well as three Egyptians, several Moroccans, Chadians and other Africans. Fourteen Bangladeshi nationals, including a minor, were among the survivors, said the Red Crescent. “If the Tunisian fishermen hadn’t seen them (migrants), there wouldn’t have been any survivors and we would have never known about this” boat sinking, said Slim. Charity ships have plied the Mediterranean Sea to rescue migrants in large numbers but the number of rescue operations have dwindled as these vessels have come under fire, namely from the populist Italian government, over their action. Italy’s far-right Interior Minister Matteo Salvini has imposed a “closed ports” policy, refusing to allow migrants rescued at sea to enter his country. On Friday, however, more than 60 migrants disembarked in Italy after two boats which had left Libya faced difficulties at sea and needed assistance. The UN agency for refugees UNHCR called for stepped up search and rescue operations to avoid future tragedies in the Mediterranean, which it calls the “world’s deadliest sea crossing”. “Across the region we need to strengthen the capacity of search and rescue operations,” said Vincent Cochetel, the agency’s special envoy for the Mediterranean. “If we don’t act now, we’re almost certain to see more tragic events in the coming weeks and months,” he warned. According to the UNHCR, the journey across the Mediterranean “is becoming increasingly fatal for those who risk it”. “In the first four months of this year, one person has died (crossing the Mediterranean) for every three that have reached European shores, after departing from Libya,” it said. Libya, which has been wracked by chaos since the 2011 uprising that killed veteran dictator Moamer Kadhafi, has long been a major transit route for migrants desperate to reach Europe. View the full article
-
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha, waxaa soo jeedinaya Caasha Ibrahim Aden iyo Ibrahim Xasan Garabey. Read More
-
(SLT-Yemen)-Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta billaabay inay ka baxaan dekadahaSaleef iyo Ras Issa ee gobolka Xudeyda. Tallaabadaan ayaa loo arkaa midlooga dhabeynayo heshiiskii ay QM ay kala dhex-dhigtay Xuutiga iyo Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee isku haya dagaalka Yemen. Xudeyda ayaa ah ah halka ay badeecooyinka dibadda iyo gargaarka bani’aadannimo ka galaan Yemen, waxaana ay muhiim u tahay nolosha malaayiin reer Yemen oo hadda qarka u saaran macluul. Madaxa guddiga kacaanka ururka Xuutiyiinta Yemen Mohammed al-Huthi, ayaa sheegay in dagaalyahannadu ay billaabi doonaan in ay ka baxaan magaalada maanta tobanka barqanimo xilliga Yemen. Wuxuu sheegay in mucaaradka ay si hal dhinac ah uga baxayaan Xudeyda, kaddib marki ay ciidamada dowladda ee taageerada ka helaya Sacuudiga ay marar badan dib u dhigeen ka bixidda magaalada, taasoo qeyb ka aheyd haeshiiskii dalka Sweden. Qaramada Midoobay oo Jimcihi sii sheegtay ka bixista Xudeyda ee ciidamada mucaaradka, ayaa sheegtay in Xuutiyiinta ay dhameysti doonaan ka bixisita Xudeyda iyo labada dekedood oo u dhaw, maalinta Talaadada ah. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Saacado kadib markii uu fashil kusoo dhamaaday kulankii Garoowe uga socday Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ayaa waxaa arrintaas ka hadlay qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si weyn uga hadlay Shirkii Fashilka kusoo dhamaaday ee ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland. Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha aysan hoggaamin karin Soomaaliya, islamarkaana xildhibaanada Golaha Shacabka ay qaadi doonaan tilaabo deg deg ah. Wuxuu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka nijad jabsan yihiin Fashilka shirkii Garoowe, wuxuuna eedda dusha uga tuuray madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada. Wuxuu is cadi sheegay inuu fashilmay system-kii Dowladnimo ee ka jiray Soomaaliya haddii ay ahaan laheyd heer Gobola iyo heer Qaran. Xildhibaanka ayaa xusay in ay tahay nasiib daro weyn in Madaxdii maamul goboleedyadda iyo Madaxweynaha dowladda dhexe ay heshiis gaari waayaan Muddo 7 maalmood ah. Wuxuu is waydiiyey waxa laga sugayo madaxda Soomaalida ee ku shiray Garoowe haddiiba ay ku heshiin waayeen inay dalkaan maamulaan oo ay shacabka Soomaaliyeed u hiiliyaan si dhibaatada looga baxo. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaan Zakariye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Zakariye.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu aasay Alla ha u naxariistee Xaaji Cabdikarim Xuseyn (Xaaji Cabdi Waraabe) oo ahaa mudanihi ugu da'da weynaa baarlamaanka Somaliland. Read More
-
Magaalada Garawe, Waxaa natiijo la'aan ku soodhamaaday shirki u dhaxeeyay madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa maamul gonoleedyada. Read More
-
Ka dib burburkii dowladdii dhexe ardayda araga La’ waxa ayna u fariisteen imtixaanka qaran ayagoona qeyb ka noqday 31.500 oo arday oo maanta u fariistay Imtixaanka ay qaadayso wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, ayaana sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin iney qeyb ka noqdaan Imtixaanka, waxa ayna sheegeen iney ka soo gudbeen caqabado adagay intii ay soo wadeen waxbarashada heerka Iskuulka. Gudoomiyaha Iskuulka Alnuur ee ardayda aragg La’ ayna wax ku bartaan C/fitaax Maxamed Daahir, oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in ay ku farxsan yihiin ardayda Imtixaanka galayso assagoo u rajeeyay inay guuleystaan. “Ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisatay ee aragga La’ waa 28 arday waxa ayna nooga dhigan tahay waa soo baryay ,maxaa yeelay waa ay adkeyd in ruux araga aan laheyn inuu duruuftaan iskuul ka soo bilaabibo Primary maantana uu ka qalin jabinaayo Secondry” Dhanka kale gudoomiyaha Hormuud Telecom Foundation oo gacanta ku heysa Iskuulka Alnuur C/llaahi Nuur Cusmaan, ayaa sheegay in ardayda ay kaga soo gudbeen marxalado kala duwan dugsiyadii hoose iyo dhexe ee Alnuur, ka dib shirkadu ay kula dartay Iskuulada magaalada oo maantana ay ka qalin jabinayaan dugsigii sare waxa uuna sheegay in sanadkaan wixii ka danbeeyo arday loo dhisi doono dugsi sare ee Al nuur. “ waxaan maanta aad iyo aad ugu faraxsan nahay in halkaan ay soo gaaraan, waa ardaydii dugsiga hoose iyo dhexe ee Al nuur oo aan ku kala darnay Iskuullada magaalada maantana waxa ay u fadhiyaan imtixaankii, waxaad ogtihiin Iskuulka Alnuur inuu yahay Iskuulka ay wax ku bartaan ardayda aragga aan laheyn ,Imtixaanka ardayda ay galayaan waa su,aalo Oral ah oo afka laga weydiiyo arday afka laga weydiinayo su,aashana waxaa ka qorayo macalin la fadhiyo” Samiiro Jimcaale Aadan waa gabar aragga La’ waxa ay ka mid aheyd ardaydii maanta u fariistaay Imtixaanka waxa ayna sheegtay in aad ugu farxsan taghay in maanta ay heerkaan soo gaarto ardayda Soomaaliyeedna ay la gasho Imtixaanka guud, “ Walaahi aad iyo aad ayan ugu faraxsan nahay inaan ka qeyb galo Imtixaanka Qaranka ay qaadeyso dowladda, noqdo dufcaddii ugu horeysay ee gasho Imtixaanka, dadaal dheer iyo juhdi badan aan soo galnay, ruuntii Imtixaanka waxaan ku galeynaa su’aalo oo Oral ah macalinka kula fadhiyo ayaa ku weydiinayo jawaabta aad bixiso ayuu kuu qoraa macalina sax ama qalad wixii ay kuu noqoto sidaas ayaan ku galaynaa Imtixaanka” Ugu danbeyn Raiisalwasaare ku xigeenka dalka Mahdi maxamed Guuleed Qadar ayaa sheegay in maanta Imtixaanku si toos ah uu furan yahay ardaydana uu rajaynayo iney guul ka gaaraan Imtixaanka waxa uu sheegay inuu soconayo ilaa Maalinta Arbacada “ Imtixaankii maanta wuu inoo furan yahay assaga oo ardayda lagu hor furay aan horay loo arag, taas waxa ay natusaysaa in dowladnimadii ay taabo gashay waxaa maanta Imtixaanka u fariistay 31,500 arday oo ah faslka 12 aad ee dugsiyada sare ee dalka waxaan u rajaynayaa dhamaan ardayda inay dalkooda aaminaan” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa isugu tagay hogaamiyaal leh Awood siyaasadeed aragtidoodana ay aad u kala fogtahay, waxayna xaaladda u muuqatay in Shirkaas aysan heshiis ku gaari karin dhinacyadii Kulmay. Falanqeeyaasha Arimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka in Garowe ay ku kulmeen hogaamiyaal mid kasta wata dan gaar ah, islamarkaana aysan midkoodna ka suurta gelin tanaasul iyo dabacsanaan Siyaasadeed, waxayna arintaasi hormuud u noqotay Guul darrada Shirkii Garowe. “Hogaamiyaasha Shirkii Garowe u dhexeeyay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada waxay isku maan-dhaafeyn arimo aan ka tarjumeynin dan guud balse u muuqda kuwa dan gaar ah ka tarjumaya” aqoon-yahaan Xersi Iimaan oo la hadlay Caasimada Online. “Hogaanka Dowladda Soomaaliya ma yaqaanaan Tanaasul iyo in ay yihiin madaxdii dalka oo ay u dhaqmaan sida Hooyo” ayuu yiri Xersi Iimaan oo mar wareysi siiyay Caasimada Online Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in ay raadinayaan sidii ay ku soo laaban-lahaayeen, balse aysan ka fekeraynin maslaxad guud iyo in dalka uu hore u socdo Sidoo kale Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland ayaa lagu eedeeyay in aysan ku salaynin doodooda arimo ka hadlaya dan guud balse ay ka fekerayn sidii ay ku soo laaban lahaayeen hogaanka maamuladaasi ama ay usii maamuli lahaayeen. Markii la isu geeyo dhamaan hogaamiyaasha halkaasi ku kulmay iyo sida ay wax u wadaan ayaa waxaa muuqata in Soomaliya ay ku sii dhacayso ceel-fog oo aan dhowayn lamana oga cida ka hor istaagi doonto dhibaatada dalka loo hor-seedayo taas oo ka imaaneysa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Around 60 migrants most of them from Bangladesh have died after their boat capsized in the Mediterranean Sea after it left Libya for Italy, the Tunisian Red Crescent said Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Tunis (SMN) – Dooni siday dad fara badan oo isugu jiray Qaxooti iyo kuwo Muhaajiriin ah ayaa ku qalibantay biyaha badda Mediterranean,gaar ahaan xeebaha ku yaalla dalka Tunisia,halkaasi oo ay ku dhinteen illaa 65-ruux. Hadal maalinimadii shalay ay sii deysay Hey’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR) ayaa lagu sheegay in la soo badbaadiyay 16-Qof oo saarnaa doontaasi ,kadib markii ay gurmad u sameeyeen rag kalluumeysato ah. Afar ruux oo Meyd ah ayaa la helay ,iyadoo ay socdaan howlgallo lagu raadinayo dadkii wax ku noqday doonida qalibantay,sida ay xaqiijiyeen Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta. Sida laga soo xigtay warar ay baahisay wakaaladda wararka ee dalka Tunisia TAP ayaa sheegaya in doontaasi ay siday 70- qoo oo Qaxooti iyo Muuhaajiriin isugu jira, kuwaas oo aan la shaacin dalalka ee ka soo kala jeedaan. Balse warar hoose ayaa sheegaya in inta badan dadkani ee ka yimaadeen dalal ka tirsan Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto . Waa shilkii ugu xumaa ee dhaca bilahan,waxaana dadka saarnaa doonta ka mid ahaa kuwo u dhashay dalalka Bangladesh–Morocco. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo Idaacadda Shabelle la hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay go’aankii Kenya ay ku joojisay Duulimaadkii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqisho iyo Nairobi. Dadweynahan ayaa tilmaamay in shacabka labada dal aysan wax dan ah ugu jirin go’aankaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Kenya tallaabada ay qaaday bedalkeeda loo baahan yahay in la joojiyo qaadka laga keeno Nairobi. Hadalkan ayaa imaanaya, xili shalay dowladda Kenya ay gabi ahaan joojisay Duulimaadkii Muqdsho iyo Kenya, iyadoona tallaabadaasi ay si weyn u cambaareysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Garowe ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib shirkii madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada uga socday garowe. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale iyadoo soo dhawayn kadib Madaxweynahu uu Saxaafada kula hadlay Aqalka Madaxtooyada. Waxaa uu sheegay in shirkii Garowe dirada lagu saarayay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin Arimaha Siyaasada iyo sidii siyaasada wadanka salka loogu dhigi lahaa, isla markaana loo soo afjari lahaa kala fikir duwananta jirtay, balse aysan madaxda Dowlada Federaalku arintaas diyaar u ahayn taasna ay sababtay in shirku uu Natiijo la’aan ku dhamaado. Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in dib u eegista Dastuurka iyo qaabka loo wado oo aan ka turjumaynin maslaxada dalka ay qayb ka ahayd wada hadalada, basle aysan dhicin in heshiis rasmi ah laga gaaro, iyadoo madaxda Dowlada Federaalku ay ka cago jiidayeen. “Dastuurka dib u habayntiisa waa arrin ka wada dhaxaysa Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada lakiin ay madaxda Federaalku u arkeen wax iyaga kaliya ay ka go’aan gaari karaan”ayuu yiri Axmed madoobe Mar uu ka hadlayay Arrimaha Doorashooyinka dalka ayuu xusay in aysan Dowlada Federaalku ahmiyad badan u haynin, iyadoo ay ka baxday heshiiskii Baydhabo ee qaybsiga khayraadka iyo heshiiskii laga gaaray arimaha doorashooyinka isla markana aanay jirin wax heshiis lagu yahay oo la xiriira doorashooyinka 2020-ka lagu waday in ay dalka ka dhacaan. Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu xusay in aan hal maalin ah lagu daraynin doorashooyinka Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada isla markana wararka been abuurka ah ee la xiriira in Jubbaland iyo Galmudug ay doonayaan wakhti kororsi ay yihiin kuwa aanay waxba ka jirin oo shacabka lagu marin habaabinayo. Arimaha Amniga wuxuu xusay Madaxweynahu in aan heshiis lagu ahayn sidii dalka looga xorayn lahaa Al-Shabaab isla markana cid walba ay masuuliyad ka saaran tahay sugida amniga deeganadeeda maadama Dowladii Federaalku ayna diyaar u ahayn la dagaalkanka Argagixisada isagoo xusay in dhamaan Heshiisyadii la xiriiray Amniga ay Dowladu dhinac martay. gaba gabadii Madaxweynahu wuxuu shacabka Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay ilaaliyaan oo nabada ay haystaan ay ku fara adaygaan Dowlada Federaalkuna ay qorshaynayso sidii dagaalo sokeeye deegaanka ay uga dhici lahayeen taas oo dib u dhac weyn ku keenaysa hormarka ay hiigsanayaan iyo Dowladnimadooda, Madaxweynahu wuxuu sheegay in shaqsiyaad Hoteelo Xamar ku yaala lagu biilo lagu dhiiri galinayo sidii xabad ay uga ridi lahayeen Jubbalan iyadoo looga gol leeyahay carqaladayda Doorashooyinka iyo Dowladnimada Jubbaland ee u baahan sii taaba galinta iyo in aan dib loo celin wuxuu sheegay in cid walba nabadgalyada ay masuuliyad ka saaran tahay Ugu dambeyn Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa noqday Madaxdii u horeysay ee Maamul Goboleedyada ee isaga soo taga Garowe, kaddib markii Shirkii maalmahan socday uu ku dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin qodobadii laga doodayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shibis iyo Bargaan oo caawa ku baratamaya tartanka Shabelle
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Tartan aqooneedka Shabelle oo caawa galaya habeenkiisa shanaad ayaa waxaa la guda geli doonaa tartanka u dhexeeya degmooyinka ku wada jira Group-ka C ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Groupkan ayaa waxaa isku arki doona Shibis, deegaanka Bargaan, Wadajir iyo Waabari. Waxaa ugu horreeya oo kulanka caawa isku hardin doono degmada Shibis ee G/ Banaadir iyo deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud . Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan isu diyaarinaya ka qeyb galka barnaajinka faca weyn ee tartan aqooneedka Shabelle. Xalay oo la soo gabagabeeyay tartanka degmooyinka ku wada jira Group-ka B ayaa waxaa ku loolamay Xamar Weyne iyo Warta Nabadda, waxaana ay guushu raacday Xamar Weyne. Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba gelinaya Shirkadaha BECO iyo Coca-Cola. View the full article -
Waxaa geilnkii danbe ee maanta garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo degay wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Eng. C/llaahi Cali Xasan, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Soo dhoweynta wasiirka ayaa waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan golaha wasiiradda, xildhibaanada labada aqal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka oo soo dhoweynta wasiirka cusub u kala harin. Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo warshadaha oo markii la magacaabayay howlo shaqo ugu maqnaa Nairobi ayaa hadal kooban oo uu dadkii soo dhoweeyay kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ugu mahad celiyay soo dhoweynta diiran maadaama iyadoo bil ramadan tahay waqtiggooda soo hureen. Eng. C/llaahi wasiirka cusub ayaa la filavaa in maalmaya soo socda uu si rasmi ah xilka ula wareego. Taariikh kooban iyo waxqabadkii wasiirka cusub Eng. Cabdullahi Cali Xasan wuxuu ka mid yahay aqoonyahanada Soomaaliyeed ee bulshadiisa waxtarka muuqda u qabtay xiliyadii adkaa ilaa haddana u istaagan haqabtirka baahida bulshada Soomaaliyeed. Dhinaca aqoontiisa iyo waxqabadkiisa marka laga soo tago waa waxaa lagu tiriyaa inuu yahay shaqsi diinta ku dhegan waxaana si weyn loogu xasuustaa inta badan in uu waqtigiisa u soo huray u adeegidda shacabka Soomaaliyeed xiliyadii adkaa ee nidaam la’aanta iyo dhibaatooyinka xanuunka badan lagu guda jiray. Mudadii aadka u fogeyd ee uu ku lug lahaa arimaha samafalka iyo gargaarka bani’aadanimada waxa uu wax la taaban karo u qabtay shacab farabadan oo Soomaaliyeed oo aad u liitay kuwaaasi oo u badnaa haween, caruur iyo dad da’ ah. Waxaa xusid mudan in waxyaabihii uu dalka ka fuliyay sida mashaariicda wax ku oolka ah ee la xiriira arimaha gargaarka degdegga ah oo muhiim u ah badbaadinta nolosha dadka rayidka ah ee saameeyeen abaarihii iyo dagaaladii aadka u darnaa ee xiligaasi dalka ka jiray.Wuxuu ka mid ahaa maamulkii sare iyo madaxii fulinta mashaariicda Daikonia, Bread for the World iyo oo markii danbe loo badalay Daryeel Bulsho GUUD, mudadii uu ka soo shaqeyay hay’adaha waxa uu ku lug lahaa fulinta in ka badan 70 mashruuc oo wax ku ool ah oo isagu jiray dhinaca gargaarka degdegga ah, waxbarashada, wax soosaarka beeraha, biyaha, korontada iyo dhismaha suuqyada, shaqo abuurista iyo kuwa kale oo kor loogu qaadaayo nolosha dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale Eng. Cabdullahi Cali Xasan markii uu aasaasay Hay’adda waxbarashada iyo horumarinta ee CED ayaa hay’adda waxa ay ku guuleysatay iney daboosho baahida dad badanoo Soomaaliyeed oo ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomoaliya. Mudadii aadka u fogeyd ee Eng. Cabdullahi Cali Xasan Agaasimaha ka ahaa Hay’adda CED waxay fulisay in ka badan 83 mashruuc kuwaasi oo si buuxda wax uga badalay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.Eng. Abdullahi mudadii uu ahaa Agaasimaha CED wuxuu ku guuleystay in CED la shaqayso oo taageero iyo maalgelin ay ka hesho dalalak deeqda bixiya, Hey’adaha hoos taga Qaramada Midoobay iyo kuwo caalami ah oo ay ka mid yihiin Dowladaha Holland, Ingiriiska, Sweden, Maraykanka, Norway, Denmark, Finland, Jarmalka iyo Hey’ado Qaramada Midoobay sida FAO, UNDP, UNHCR, UN-OCHA, UNICEF, UNDEF iyo Hey’adaha caalamiga ah ee kala ah: Oxfam, CARE INTERNATIONAL, SOMALI STABILITY FUND (SSF) & EUROPEAN UNION (EU). Mashaariicda ay fulisay hay’adda CED uu hormuudka ka ahaa ahaa Eng. Cabdullahi Cali Xasan celcelis ahaan waxaa lagu qayaasaa in ay wax ka badaleen nolosha in ka badan 4.2 milyan oo qof Soomaali ah oo ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ugu danbeyntii, Eng. Abdullahi ayaa waxaa uu ka mid ahaa murashaxiintii madaxweyne ee 2017-kii, balse u tanaasulay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo xiligii lagu jiray ee kala guurka. W/qoray: Cali Muhiyaddiin Cali Muxiyaddiin@hotmail.com
-
Hargeysa (SMN) – Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada S/land ayaa maanta la horgeeyay maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee maamulkaasi. Guddoomiyaha Maxkamadda oo lagu magacaabo Cabdi Qawdh ayaa gabi ahaan gaashaanka u daruuray in uu furo dacwadda loo heysto Xildhibaankaasi. Waxa uu sheegay in weli aan laga xayuubin xasaanada Xildhibaanimo, sidaa darateedna aanu jirin sharci u ogolaanaya in uu Maxkamadeeyo. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada ammaanku ay dib ugu celiyeen Xildhibaan Dhakool halkii uu ku xirnaa. Xariga Xildhibaanka ayaa yimid, kadib markii uu ka horyimid xuska 18 May oo ah markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. View the full article
-
Garowe (SMN) – Waxaa gabi ahaan fashil ku soo dhammaday shirkii wadatashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uga socday magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Shirkan oo qaatay muddo lix maalin ah ayaa saacadihii hore ee saaka lagu kala tagay, iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah. Qodobada la’isku mari waayay ayaa waxaa ka mid ah xaaladda Galmudug, arrimo ku aadan Batroolka iyo doorashooyinka dalka. Sidoo kale Madaxweyneyaasha Jubbaland, Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka soo soo laabtay Garowe, iyadoona saacadaha soo socda la filayo in madaxda kale ay ka soo ambabaxaaan magaaladaasi. Khilaafka ka dhashay shirkan ayaa sii xoojinaya muranka siyaasadeed ee u dhexeeya DFS iyo dowlad goboleedyada dalka, lamana oga wax xigi doona. Shirkani ayaa waxaa intii uu socday ka qeybgalay Madaxweynaha, Ras’iisul wasaaraha, Hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Galmudug, Puntland, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-110519.mp3 View the full article
-
Ankara will continue to assist and motivate Turkish companies to take part in the growing Ethiopian agro food industry, said Turkey’s Ambassador to Ethiopia and the African Union, Yaprak Alp. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Dalka Sweden ayaa su’aal geliyey waxa Dawladdiisu u aqoonsan wayday Somaliland. Magnus Oscarsson oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaaka Sweden ayaa sheegay inuu booqasho ku yimid Somaliland, isla-markaana arkay Nabadgalyada ka jirta Somaliland, lana kulmay Madaxweynaha Somaliland, sidaa darteedna uu Dawladdiisa Sweden waydiinayo sababta ay aqoonsi u siin la’dahay Somaliland, maaddaama buu yidh ay buuxisay nidaamkii Dawladnimo ee looga baahnaa Dal raadinaya in Dawladaha Caalamku ictiraafaan. Xildhibaankan oo ka qayb-galay Xuska 18-ka May oo Jaaliyadda reer Somaliland ee Dalkaasi wakhtigeeda ka soo hor-mariyeen ayaa hadal uu xildhibaanku halkaa ka yidhi wuxuu ku bilaabay sidan “Waxaan tagay Hargeysa, waxaan soo arkay Nabadgalyada, waxaan la kulmay Madaxweynaha Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa waxaan waydiinayaa Dawladda Sweden iyo Shacabka, maxaynu u aqoonsan waynay Somaliland..” Source