-
Content Count
210,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Arinka iga soo maray dowladda Maraykanku maaha mid lagu soo Koobi karo qoraalkan, waayo waa Arrin soo jiitamayay 16 sano iyo 8 bilood, sagaal sano oo ka midana aan ku jiray liiska Xayiraadda Duulimaadka.Cinwaanka maqaalkan ayaan ka qaatay talo uu i siiyay barafosoor aanu saaxiib nahay oo igula taliyay inaan u bixiyo buug aan ka qoro qisadayda, waxa kale oo taladan i siiyay qareen ka mida qareenadayada oo isna yidhi qisadaadu waxay mudan tahay in buug laga qoro. Calaa ayati xaal waa sheeko dheer oo ku dawinan kumanaan xaashiyo oo laga qoray dacwadda uu Maraykanku ila maganaa si la iigu rido xabsi aan ku dhammaysto inta nolosha iiga hadhay, waa sheeko warinaysa sidaanu ugu dhabar adaygnay dagaal arxan daran oon kala go’ lahayn oo ay hayado dhowra oo Maraykani nagu qaadeen , laakiin ay ku fashilmeen, anagana Ilaahay na sugay, nagana badbaadiyay inaanu diintayada ku iibsano doolaro iyo raaxada gaaban ee dunida, Taa macnaheedu maaha inay arrimhu sahlanaayeen, waxay ahaayeen maalmo qadhaadh oo naga soo saaray cirada gadhkayga ka muuqata, laakiin wax walba waa rakhiis Ilaahay dartii, muslinkuna mar walba wuxuu beegsanayaa waa liibaanta aakhiro iyo raaxada janada ee waaraysa, Ilaahay ayaan ku mahadinayaa inuu i sugay , iguna kaalmeeyay xasilooni iimaaniya oon ku waajahay dowladda dunida ugu xoog badan oo si walba iskugu dayday inay i liiciso iskuna dhiibo, iyadoo adeegsanaysa hanjabaad, cabsiin iyo cadaadis nafsaaniya. Waxase Ilaahay mahaddii ah in kuwii muddaadaa dulmiga nagu hayay ay iyagu maanta isku madheen, Ilaahayna isku diray kuna salliday Taraam oo sumcaddii FBI da cagta mariyay ! Waxaan si kooban u dul mari doonaa waxyaabo akhlaaq darro ah oo ka mida sida Maraykanku iskugu dayay inuu ii sameeyo dambiyo laygu maxkamdeeyo , layna galiyo xabsi dheer. 1-Inay ku andacoodeen inaan anigu u fatwooday, lacagna u ururiyay, jamaacada na duco uga dalbay todoba qof oo ay dowladdu ku andcootay inay rabeen inay galaan Afqaanistaan sanadkii 2002 , inakstoo lix dadkaa ka mida la maxkamdeeyay kuwa ugu xabsi dheeraan lagu xukumay 18 sano, haddana dowladda Maraykanku waxay si fool xun ugu fashilantay inay arrinkan igu maxkamdeeyaan, laba ka mida oo ay u soo bandhigeen ina laga khafiifiyo xuklunka 18 sano ah haddii ay igu furaan markhaati labaduba way diideen, waxay ka doorteen xabsigaa dheer oo midkood soo dhamaystay.Waxay ahayd dhirbaaxo weyn oo ku dhacday xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Oregon iyo shaqaalihiisa daalimiinta ah. Maraykanku wuxuu doonay inuu igu soo oogo dacwado mid walba ciqaabteedu gaadhayso tobonaan sano, wayse ku fashilmeen. Waxa la isku dayay in loo hanjbao dad laga dalbay inay markhaati beena igu furaan, waxa ka mid ahaa laba walaal oo midna Marookaan midna Falastiini ah oo markay diideen laga qaaday kaadhka degenaasha (green card), midkood xabsiga ayuu iga soo wacay (collect call) wuxuu ii sheegay inay ku yidhaahdeen Kaariye been ka sheeg ama kaadhkaa lagaa qaadayaa wuxuu doortay inaanu been ka sheegin walaal muslina, labadoodaba Waa la mustaafiriyay, waxaan Allaah uga baryayaa inuu adduunka ku siiyo nolol wanaagsan aakhirana ku arsaaqo janatul firdowsa. Nin kale oo carabana waxay u soo badhigeen inay siinayaan jinsiyadda Maraykanka hadduu been iga sheeo isna wuu ku diiday. Maraykanku wuxuu isticmaalay dowlad kale si ay u helaan markhaati beena oo la igu maxkamadeeyo, qof muslina oo soo islaamay ayaa lagu sameeyay Jidh dil, laakiin walaalkaasi siduu ku sheegay waraysi ay ka qaaday warbaahinta dalka Iswiidhan, kuna qoran dacwad uu ka dhiibay dowladda Maraykanka wuu diiday inuu sheekhiisa been ka sheego, Allaah ayaan ka baryayaa inuu kuwii jidh dilay ku cadaabo naarta jahannamo. Walaal Soomaaliya oo wax ka baranayay dal carbeeed ayay ugu tageen dalkuu joogay, kana waraysteen aniga iyo laba sheekh oo soomaaliya oo caana kana mida kuwa ay Soomaalidu aad u dhagaysto duruustooda, waxayna ka dalbeen inuu jaasuus u noqdo, laakiin wuu ka diiday, kamana qarin inuu I yaqaano, saaxiibna nahay, markiiba waxay u sheegeen in lagu daray dadka aan ku safari karayn hawada Maraykanka, Kanada ayuu is yidhi soo gal, deetana diyaaraddii uu la socday ayaa qasab lagu fadhiisiyay, ninkii Waxaa oo dhan lagu sameeyay muddo gaaban ka dib ayay soo daayeen, soo riwaayad maaha. Basaas u dhashay dalka Masar ayay ii soo direen oo muddo ka hawl galay masaajidka aan imaamka ka ahaa, laakiin way ku fashilmeen, wuxuu iska dhigay inuu ka ganacsado hubka lacag jabana igaga iibinayo qore, waan ka diiday, sidoo kale waxaan u sheegay in intaan Maraykan joogay qori iyo bastoolad midna u iibsan xitaa si sharciya, taqriiban wiig ka dib ayuu igu soo noqday isagoo leh dhul weyn ayaan leeyahay ee aynu ku soo dhoogtano waan ku diiday, .Waxa cajiiba in ay basaaskan ugu ballan qaadeen inay ka cafiyiyaan dambiyo daroogo ah oo ay ku haysteen hadduu na basaaso, muuddo ka dib ayuu farriimo kaga tagay telefonka masaajidka, wuxuu a sheegay in lagu qasbay inuu aniga been iga sheego, bal eeg akhlaaq xumida hayadaha dambi baadhka Maraykanka, kuwaasi ayaa sheeganaya inay nadiif yihiin. Tan baa ugu daran ee bal iyadana eeg, taqriiban 2003 ayaa maalin ka dib markaan akhriyay khudbaddii jimcaha ayaa waxa I salaamay nin caraba oo isku sheegay Hishaam Abuu Zubayda, wuxuu ii raaciyay inuu yahay Abuu Zubayda walaalkii, markiiba waan iskaga dhaqaaqay, dareemayna inay wax qaldan yihiin, waayo abuu Zubayda waa ninkii koowaad ee ka mida Qaaciidada ee Maraykanku ku qabteen Baakistaan qaraxyadii 2001 ka bacdi, warkiisana aad iyo aad loogu sheegayay warbaahinta caalamka. Muddo ka bacdi ayuu Hishaam afka furtay markay dowladdu ka baxday ballamihii ay u qaaday oo ay ka mid ahady inay siiyaan kaadhka degenaanshaha, wuxuu tafaasiil mug leh ka bixiyay siday FBI ugu soo dirtay inuu aniga iyo masaajidka basaaso, laakiin uu u caddeeyay in waxay u sheegeen been iyo masabid tahay, intuu uu na basaasayayna arkay in maadjidku aanu ahayn xero lagu tababaro mujahidiin, lacagna looga ururin. Taqriiban 17 sano ayay dowladda dunida ugu weyni ku fashilantay inay igu hesho dambiyaday doonaysay oo ciqaabtoodu gaadhayso xabsi daayim iyo madaxaa ha ku furto, bal adba caqli baad leedahay fahan ammuurtan. Shaki kuma jiro in fashilkan ku hoobtay hayadaha igu daba jiray fadeexadeeyay saraakiil sar sare oo is lahaa sallaanka dallacaada ku kora inaad maxkamdaysaan ina Kaariye, sidaa awgeed ayuu isku casilay madaxii FBI ee gobolka Oregon Jaarles maasiyoo oo ahaa ninkii bilaabay kayskayga. Waxana dhaba inuu arrinku isku baddelay shakhsi (personal) iyo aargoosi. Baadhitaankan waxa lagu bixiyay malaayiin doolaro ah oo laga khasaariyay lacagta dadweynaha ee cashuurta ay bixiyaan lagu shaqo galiyo shaqaalah dowladda ee ay ka mid yihiin FBI du. Waxa laga qoray kumaanaan qormooyin iyo warbixino, waxa laga duubay boqolaal saacadood oo coda oo iskugu jira hadalo si qarsoon la iiga duubay, khudbadahayga jimcaha iyo duruustayda. Baadhitaankan jinsiyadda waxa ka qayb qaatay hayado dhowra, waxa uu si toosa u horyaalay xubno sare oo ka mida wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka (haddayba caddalad yaqaanaan) waxana gacanta ku hayay afar sarkaal oo fadhiya caasimadda Waashington, in kastoo kii bilaabay ka baxay sababo caafimaad oo aad u daran awgeed siday noo sheegeen. Siduu yidhi qareenka caanka ah ee Stanley Cohen, dowladda Maraykanku waa “seven hundred bounds gorilla” oo macanheedu yahay gorille todoba boqol oo rodol ah oo laabta kaaga fadhiya, hanti iyo awoodba waxay u leeyihiin inay ku bixiyaan dagaalka qaanuuniga ee ay kula jiraan culimada iyo hogaanada muslinka ee ay ku asteeyaa waxay ula baxeen argagxisada iyo xagjirka diiniga ah. Ma anigaa been sheegay mise iyagaa been sheegay Wargeys cunsuriya oo ka soo baxa magaladaan degaanaa ayaa qoray inaan xog qaldan siiyay marykanka markaan qaadanayay jinsiyaddooda, saxafiga qoray waa mid ku talax tagay muslim nacayb, se waxa dhaba in warkiisu yahay hal bacaad lagu dhisay oon ka qaawan xujo iyo daliil, arrinka saxina waa sidan: warqadda codsiga ee jinsiyadda waxa ku yaal qodob odhanaya hore ma laguu xidhay inaad jabisay sharci dowladeed, jawaabtaan bixiyay waxay ahayd maya inkastoo sanadkii 1993 laygu xidhay dalka Baakistaan, sababtuna waxay ahayd in gardarro la ii xidhay, bal xidhataankayga uu ku yimid sidaan is leeyahay amar ay dowladda Maraykanku siisay dowladda Baakistaan oo ahaa in xabsiyada loo taxaabo dhalinyaradii muslinka ee ku noolayd magaalada Biishaawar. Si islaamnimada ka baxsan ayaa loo raafay, aniga iyo inan aljeeriyaana ayaa isku raacnay xafiiska socdaalka si aanu u qaadano warqadda bixitaanka, way diideen inay fiisaha noo kordhiyaa iyo inay noo ogolaadaan inay na siiyaan bixitaan midna, waxay markiiba noo taxaabeen saldhiga boliiska oonu habeen u hoyanay iyagoo na siin furaash iyo gogol midna, aroortii ayaa noloo taxaabay xabsi uu gumaystihii Ingiriisku dhisay, waxayn na galiyeen hool weyn oo ay ku jiraan 110 maxbuus iyagoon na sii gogol, laakiin maxaabiista qaarkood ayaa noogu deeqay gogol, Msulin waa Muslin ,Ilaahay ha ka abaal mariyo. Walaal xaafidul Qur’aan oo Urduniya ay noo dadaalay , laakiin wuxuu noo sheegay in qaadiga maxkamadda la siiyo lacag si laguu keeno maxkamadda, haddii kale halkaasi ayaad waligaa ku jiraysaa, lacagtii ayay siiyeen , maxkamadii sharci darrada ahayd iyo qaadigii daalimka ahaa ayaa lay hor keenay wuxuuna igu xukumay mustaafiris. Bal ii sheeg sharciga dowladeed een jabiyay ee laygu xidhay, amar Maraykna ayaa laaygu xidhay waxayna doonayaan inaan jabiyay qaanuunkii, iyagaa qaanuunka mar walba jabiya oo soo fara galiya afaarha iyo amuuraha dowladaha iyo shucuubta ay u xoog sheegtaan Sidaa awgeed ayaan ilaa iminka rumaysanahay inaan runta sheegay markaan qodobkaa kaga jawaabay maya. Tusaale kale, magaaladan Hargeysa een Joogo waxa sanadkii 1978 laygu xidhay saldhiga booloska ee ku yaala badhtamaha magaalada, waxaan ahayn dhalinyaradii Waxdada oo sirdoonkii Nabad Sugidda loo yaqaanay soo taxaabay, waxa habeen saqbadhkii naloo wareejiyay xaruntii nabad sugidda ee ku taalay dhakhtarka gadaashiisa ee dhinaca shacabka, iyadoo ay dhaxan tahay oonu xidhanahay dhar khafiifa ayaa inta nala fiigay oo gacmaha iyo luguha laysku xidhay, oo waliba qoryo nala dul joogo ayaa biyo qobow korka nagala shubay. Hogaankii sirdoonku wuxuu yidhi ” Waxaad ku dhacdeen dambiyo khatar ku ah badbaadada Qaranka, oo waxaad xubno ka tihiin urur qarsoodiyada, waxay isku dayeen inaanu qirano dambiga ay sheegayaan, laakiin waanu ku gacmo saydhnay. Haddaba ma lagu doodi karaa xabsiga Hargeysana waa qariyay, jawaabtu waa maya, waayo dee umaaan haysan iminkana uma haysto inaan shacri xalaala jabiyay, runtuna waxay tahay kuwii na xidhay ee dhibta u gaystay inamo yar yar oon labaatan jirba gaadhin ee ku haystay diin baad barataan ayaa sharciga jabiyay!! Gumaystuhu siduu doonuu u qeexaa shaciga iyo qaanuunka, ninka la gumaysanayo ee xaqiisa rabaana si xalaala ayuu sharciga u fasiraa, sidaa awgeed waxaan leeyahay iyagaa beenalayaal. Anaa dalbay inaan Jinsiyaadda u celiyo 1- Siday dowladdu ogtahay , qareenkayguna markhaati ka yahay anigaa dalbay inaan jinsiyadda iska celiyo, qareenadayda oo dhami waxay igula taliyeen ha celin, qaadiga laftiisu wuxuu yidhi maxaad uga tanaazuylaysaa jinsiyaddaada, saxiibo badan ayaa sidaa igula taliyay, laakiin naftaya iyo damiirkayga ayaa sidaa murtaax ku ahaa. Qaanuunka Maraykanku wuxuu dhigayaa ina qofna jinsiyaddiisa celin karain isagoo Maraykan dhex jooga, sidaa awgeed la iima ogolayn safarka diyaaradda, dalka Kanada way diideen inaan dalkooda soo galo ilaa aanu Maraykanka kala baxno, inaan Markab ku safro iyo inaan Mexico sii maro labadaba qreenka ayaa ka dayriyay oo yidhi si aamusan ayaa lagaaga takhulusi doonaa. 3- Qaabka kaliya ee ii furnaa waxa weeyi inay iyagu la noqdaan aniguna aan taasi ogolaado, dacwadna ka keenin, sidaasi ayaa ku qoran heshiiska . 4- Haddii kayskoodu xoog leeyahay maxay u ogolaadeen inaan ku safro baasaboorkooda oon iminka gacanta ku hayo una dirayo. 5- Waxa gacanta iigu jira oon isna u dirayaa warqad la yidhaa “Record of Abandonment of Lawful Permanent Resident Status” oon saxeexay 5/8/2019 anigoo joogay Hargeysa. 6- Taasi macnaheedu waa inaan anigu si xor oo ikhtiyaara uga tanaazulau oon celiyay “Degenaashaha Sharciga ah”. 7 Ugu dambayn markaanu dhammaysanay heshiiska ka hor intaan la saxeexin ayuu qareenka dowladdu soo codsaday in heshiiska lagu daro qodobkan “this agreement is in a favor of the United States of America and against Mr. Kariye”, waan ku gacan saydhay oon diiday, sidii ayay uga saareen, kuna ogolaadeen. 8- Maxay dowlaadu u ogalaatay waxyaabo badan oo muujinaya inuu kayskeedu jilicsan yahay, dadka qaanuunka darsaana soo faqi doonaa tooshna ku iftiimin doonaan. In badan ayaan is weydiinaya, talow ma saraakiil sar sare ayaa qaanuunka jabisay intay ku dhex jireen baadhitaankayga oo iyagaa la qarinayaa, sidaana ay ugu degdegayeen inaan sidii ugu dhaksaha badan uga tanaazulo jisiyadda. Mise qorsho kale ayay ila damacsan yihiin hadda. Gabagabo 1- Kollay dowladdu ku farximayso qoraalkan, runtiina waxa talo la igu siiyay inaanu sidaa ku kala khaatumaysano Maraykan, laakiin waa waajib inuu Muslinku gartiisa sheegto, waxaan is idhi gartaad ka wayday maxkamadaha Maraykan ku naqso baraha bulshada, walaaladaana la wadaag xaqiiqada jirta ee warbaahinta Maraykanka iyo dabadhilfkooda soomaalidu ka been sheegeen. 2- 17kaa sano een la soo tacaalay dhibta ay ii gaysatay dowladda Maraykanka waxaan u arkaa camal suuban oon rajaynayo inuu Ilaahay iigu cusleeyo miisaanka xasanaatka maalinta qiyaamaha. Kama murugoonayo wixii i soo maray, haddii maanta laygu baddeli lahaa malaayiin doolaro ah iyo raaxda adduunkana (Ilaahay baan ku dhaartee ) kumaan beddesheen, hadday rag raasamaal adduunyo urursadeen oo faraqa ka buuxsadeen, anigana waa kan raasamaalkaygu oon Rabbigay ka baryayo inaan abaalkiisa ku helo janatul Firdowsa iyo Raalidiisa, rajo weyna baan ka qabaa Rabigay. 4.koollay cimriga intii tagtay ayaa ka badan inta hadhaye , Waxaan Rabi ka baryayaa inuu i sugo inta hadhay, iguna arsaaqo khaatimada aan hadh iyo habeenba ka baryo. Waxaan qalbiga iyo carrabkaba uga mahad celinayaa walaalaha daafaha dunida ku kala nool ee sida walaaltinimada ah ii taageeray iguna soo harqiyay weedhaha qalbiga xoojinaya caziimadana dhisaya. Sidaan ku sheegay khudbad jimce oon sanadkii 2008 kii ka akhriyay masaajidka weyn ee Abubakar Assidiiq ee magaalada Miyanaabolis, kuna sheegay khudbado dhowra oon ka akhriyay masaajidkaan imaamkaa ka ahaa,waxaan wali leeyhay msulimiinta iyo dhalinyarda ku nool Maraykan iyo Galbeedkuba ogaada inaad dhulkaa ku joogtaan cahdi iyo ballan, oo ayna idiin banaanayn inaad wax yeeshaan dadka aad la nooshihiin ee gaalada ah, iyagaa ammaan iyo nabad idin siiyay ee ha ka bixina ballantaa aad la gasheen, hadalkani nagama aha munaafaqo ee waa mowqifka fiqiga ah ee saxa . 8-Diintiina iyo astaan ummadeedkiina ilaashada oo ku fara adayga caqiidadiina, iskana ilaaliya siyaabaha lagu beddelayo asalada caqiidadiina iyo arkaanta diintiina. Qof walba oo muslina waan saamaxay, mooyaana gaalo raaca na basaasayay iyagoo salaadda nagu daba tukanaya, khudbadaha jimcaha nala soo xaadiriya, waxaan ku leeyahay Allaah ayaa idin hoojiyay, aakhirna waxa inoo ballana Ilaahay hortiisa. Kuwii na jirabay ee na dulmiyay ee ka mida dowladda Maraykanka waxaan iyagana ku leeyahay, Maxkamadda Ilaahay ee caadilka ah ayaan inoo ballana maalinta qiyaamha idinkoo ka qaawan xoogga aad maanta sheeganaysaan, waxaanan hubaa in kuwo badan oo idinka mida ama dhamaantiinba aad inta nolosha idiinka hadhay ku dambayn doontaan cudur nafsaaniya iyo raaxo la’aan idinka goysa dulmigaad gaysataan. وعند الله تجتمع الخصوم Source
-
Fwd: Gormuu oogaday Omar Al-ashiir In uu Sudan qabsaday …..
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gormuu oogaday Al-bashiir In uu Sudan qabsaday malintii inqalabku Dhacay Madaxweynihii hore ee Sudan Major General Omer Hassan Ahmed AL-bashir wuxuu ku dhashay tuulada Hosh Banaga Shandi 1-January1944. Waxbarashadisii dugsiga hoose ila sare wuxuu ku soo qaatay magaalada Shandi ee ku taala waqooyiga Khartoum.Sanadkii 1960 ayuu si rasmi ah ugu biiray ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan. 1967 wuxuu ka qalinjabiyay kuliyada toobarka ciidamada islama markaana qatay darajada xidigle. Sanadkii 1981 wuxuu barasho sare kusoo qaatay oo xaga ciidamada ah Egayptian Military Academy. Sanadkii 1983 wuxuu waxbarasho kale oo dhanka ciidamada ka helay wadanka Malaysia ilaa ha gaadhay Shahadada Master Degree oo xaga talisla ciidamada ku takhasusay. wxuu ka qayb galay dagaalkii masar iyo isareal 1973 . Wuxuu ka soo shaqeeyay safarad sudan ee UAE Militraty Attache . Sanadkii 1975.Wuxuu noqday Taliyaha ciidamada dalayada ku booda (Parachute). Wuxuu nasiib u helay in uu noqdo Hogamiyihii inqalaki 30 jun 1989 dhacay ee xarakata islaamka ka danbeeysay (Natioanl Islamic Front). Waxa lagu tiriyaa in uu xubin ka ahaa xarakata islamiyiinta ee hoogamiye ka ahaa Dr Xasan Abdala Turabi. inkastoo afganbiga laga soo shaqeeyay oo la dhamaystiray qorshiisa, isagu wuxuu ahaa sarkalkii ugu sareeyay darajo ahaan xarakata Islamiyiinta ama saraakisha milatariga ee inqalabka wada mid ahaa kaalintiisuna waxay ku akeed in u hor kaco saraakisha yaryar.Inqalabka inyar ka hor hawlo shaqo ayuu goblolka Kurdufaan ee galbeeedka sudan, laba cisho ka hor oo ku begneeyd 27 jun 1989 ayuu yimid khartuum sii uga qayb qaato hawsha inqaalibka oo dhaman diyaar ah. Subaxdii 30 jun sacaadu markaya heed 3.AM ayuu kaligii galay xerada taaliska guud ee cidamada si uu amar us siiyo dhaaman ciidamaad dalka kuna war geliyo in dalka la wareegeen militargu . isaga inta ayay aheed shaqdaiisu.Sarakiishii yar yareed ayaa hawsha badankeeda sii diyaariyay dhamaantoodna waxay kala qabsadeen hawlihii iyo goobihii lookala cayimay sida idaacada iyo Tvga airport xarumaha dawlada, iyo ugaadhsiga Sarkiisa dawalada ugu sareeysay ilaa Ra,siil wasarihii dawlada Sadiq Al-mahdi oo dhamaantood lasoo wada xidhay. Afganbigii waa najaxay sidi loo qorsheeynaya auu u wada dhacay. qiasada Cajiibka ah waxaya heed markii uu ogaady Al-bashir in dalakii gacantiiisa ku jiro. goormuu oogaday in uu madaxweyne noqday..,, Waraysi uu siiyay wariyaha caanka ah ee Ahmed Bilaal, sanadkii 2002 wuxu ka sheekeeyay Al-bashir qisadii malintaa inqaliibka.wuxuu yidhi ,Markii aan galay xarunta guud ee ciidamada runtii maan ogeen waxa dhici doona waxan galay xafiiska taliiska guud kaligay abaaro 3 am subaxnimo . markaan soo gadhay albaaka ayuu askarigii waardiayadaha ahaa ii joojiyay oo i yidhi waa kuma . Waa yara naxay waxaan idhi waaa General cumar albashiir wuxu yidhi soo gal,haduu odhan lahaa maxaad rabtaa gortan xaaladu waa fashil anigua waan xidhanahay. Waxan dareemay Markaa in amar la siiyay askariga in aan so galo oo uu i ogyahay imaatinkayga halkan markaan soo galay ayaan arkay sarkaal asxaabtayda ahaa oo i sugayaa, Markaa waan fahmay xaalada, Saxiibkay wuxuu igu yidhi kursiga ku fadhiiso phoniyaha kula hadal taliyaasha ciidamada amar sii kuna wargeli in dalkii aan la weerganay. Sidii ban amar ku siiyay taliyaashi ciidamada , inta badan wayna soo dhaweeyeen. Sacada markay aheed Abaara 7 subaxnimo on iska fadhiyo kursigaygii wali wax war aan haynin cidna noo iman , waxan furay TV meel xafiiska yaalay , waxaba ku jiraa anoo ka hadlaayaa TV-gii sudan, Cajiib, waxan ka socotaa warakii inqalaabka iyo anoo akhriyaaya khudbadii inqaalabka shacab weeynihii wargeliyay dawladii SADIQ AL-MAHDI la afganbiyay. record kan waxa la iga qaaday 2 cisho ka anagoo joogna meel qarsoodi lagu duubay, sarkaal ba qaaatay cajaladaasi waamna iska ilaaway. “Markaas ayaan oogaday in wadanka aan qabsnay oo xukunkii la weergnay inqaalabkiina hirgalaya”Madaxweyne Cumar Al Bashiir aan aahay… Abdinasir Ahmed UK Qaran News -
The decision by the Kenyan government to re-direct all Nairobi bound flights into Wajir Airport before landing at Jomo Kenyatta Airport; Nairobi is nothing short of an exercise Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargaysa) Fanaanka caanka ah ee Sir. Maxamuud Cumar Cabdi ayaa Qaranka Ka Tacsi Yadeeyay Geerida Marxuum Xaji Cabdi Yuusuf Xuseen (Cabdi Waraabe ) oo maanta Aasqaran loogu sameeyay Magaaladda Hargaysa . Dhanbaal Tacsi oo uu soo gaadhsiiyay Shabakadda wararka ee Somalilandtoday ayaa u dhignaa sidan. “ Anigu ku hadlaaya magaca Qoyska Ila Cumar Cabdi ehelkii iyo qarabadii iyo Qaranka Somaliland guud ahaan ka tacsi yadaynayaa geerida ku timi Halyaygii nabada Geeska Afrika Xaji Cabdi Xuseen Yuusuf oo runtii geeridiisu taabatay dhammaan ummadda afka Soomaaliga ku hadasha. Wakhti khayr badan ayuu dhintay alle Jannooyinkiisa haku casuumo Qaranka Somaliland na samir iyo iimaan haka siiyo . Aamiin …Aamiin Source
-
MOGADISHU, (Xinhua) -- The Somali government on Saturday faulted Kenya for its decision to reintroduce flight stopovers in Wajir, northeast Kenya, for all flights from Mogadishu, saying the move restricts movements of Somali citizens. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay Nairobi ku yeeshaan kulan deg deg ah oo ku saabsan Shirkii Natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee Garoowe, sida ay ogaatay Caasimda Online. Shirkaan oo la filayo in uu dhaco Todobaadkaan ayaa la sheegay in uu dhax-mari doono qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada dalka iyo qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka oo ugu horreeyaan wakiilo ka socda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa maanta u duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya markii uu ku dhawaaqay in uu fashil ku soo dhamaaday Shirkii Garowe. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu wadaa in uu dhowaan u Amba-baxo magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweyne Xaaf ayaa Caasimada Online u sheegay in Xaaf uu Nairobi kulan kula qaadan doono Xubno ka tirsan UN-ka, Mareykanka Ingiriiska, iyo Midowga Yurub waxa uuna kala hadli doonaa Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Khilaafka Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada. Warar kale ayaa sheegaya in kulamada ka dhacay Nairobi ay noqon karaan gaar gaar oo ay Wakiilada Beesha Caalamka si gaar gaar ah u qaabilaan madaxda Dowlad Gobaleedyada Soomaaliya si wax looga waydiiyo arrimaha Soomaaliya. Beesha Caalamka ayaa geed u fadhi ah Xaaladda Soomaaliya waxaana la sheegayaa in ay aad ISHA ugu heysay Shirka Garoowe inkastoo aysan wali ka hadlin, hadane waxaa jiray walaac ay UK ka muujisay Shirka oo maalmo dheeraad ah qaatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muslims in Mandera County have asked the Government to reopen the Kenya-Somalia border point to ensure the free flow of goods and services. Source: Hiiraan Online
-
Haji Abdulkarim Husen Yusuf (better known as Haji Abdi Warabe) – may Allah bless his soul- passed away on Friday the 10th of May 2019 coinciding with 5th of Ramadan 1440 of the Islamic calendar. A lot is being written on the ocassion of his death in Somali mainly over the social media. Panel doscussions might also be organized on the Somali speaking TV channels. My intention here is to convey a mesagge about him to the non-Somali speaking world regarding his peace making efforts and how he earned the respect that he commanded in Somaliland and beyond. He was recognized as peace icon in all the Somali territories in general and in Somaliland in particular. He died on a friday which is the blessed day of the week according to Islamic Sharia in the holy month of Ramadan. Prayers for him poured almost instantly from thousands of supporters around the world when his death was officially announced by the Hargeisa International Hospital where he was being nursed for in the last days of his life. He was buried the next day in his small town named Toon located about 12KMs south of Hargeisa. Tens of thousands of people from a cross-section of Hargeisa residents joined Somaliland’s president HE Muse Bihi, cabinet ministers and members of parliament to bury him. Haji Abdi was member of Somaliland’s upper house of parliament till his death. One of his sons will automatically occupy his parliamentary seat as per the existing rules for succession in the upper house, better known as the Guurti Council. He was born in the outskirts of the then small growing town of Hargeisa sometime in 1898 as per his account, thereby becoming the eldest Somalilander who lived over three centuries. Haji Abdi grew up as camel-herder. He was named Abdi Warabe when camel looters attacked and drove away his herd of camel. Armed with old rifle, he went after the looters killing one of them and wounding another. Convinced that he will not give up till he gets back all his camel, the looters named him “the hyena (warabe in Somali)” and decided to release the whole of his camel. When he was in his twenties in the early 1920s, his father was killed by a man from a neighboring clan. As per tradition, he devised a revenge plan to eliminate his fathers killer. Along with one of his relatives, they proceeded to the location of the killer and after sometime, they found him. The killer had no idea, that his visitor is the son of the man he murdered earlier. Abdi Warabe and his relative identified themselves as going after some lost camel. The former assassin was by then a changed man and he invited them for dinner. His house was not enough and he entertained his guests in the open air by making small fire as per the custom of the Somali nomads. Abdi Warabe and his friend ate their dinner but it started to rain soon afterwards. The host invited his guests into his small traditional hut. Soon they realised that their host was only with his wife and a little daughter. The rainfall grew more intense and drops of water started to drop from the roof. The host went out of his way held a leather mat over Abdi Warabe to keep him dry. After sometime, it stopped raining and the host had to release his animals to drink from the fresh rainwater collected outside. At that point, Abdi Warabe’s friend wispered to him by saying it is now the right time to shoot him. Abdi Warabe responded by saying, “how can I shoot the guy who went out of his way to even prevent drops of water from the roof to wet my clothe”?. That was the end of the revenge plan and from that point onwards, Abdiwarabe was recognized as a peace-loving gentleman both by his own clan as well as by the rival clan. Due to this reason, an arrangement was made by the rival clan to wed the assassin’s young daughter to Abdi Warabe in order to ceal a peace and reconcilation pact between the two rival clans. At that time, Abdi Warabe’s brother was the chief, or traditional leader, of his clan. The leader brother died afterwards, and Abdi Warabe was elected to replace him as the new chief in 1940. Later, he travelled to Mecca to carry out his Hajj obligations and he got the Haji title after that. Haji Abdi’s clan inhabits along the territory between Hargeisa and Aware town in the south covering a distance of about 140KMs. Aware was part of the area called “the Hawd and Reserve Area” that was administered by the British but was latter handed over to the Ethiopian Empire in 1954. Haji Abdi Warabe worked with the British colonial administration till 26th June 1960 when Somaliland got its independence and soon joined Italian Somaliland on 1st July 1960. Haji Abdi Warabe was a gifted leader with outstanding wisdom and eloquent skills. He was also sincere and peace loving leader. That is why he was always close to the successive governments in Somalia. Due to the fact that a large percentage of his clan is spread over several districts in the HAWD AND RESERVE AREA in West Somali Region in Ethiopia, he also worked with successive Ethiopian governments from Emperor Haile Selassie to the current EPRDF government. He was intrumental in the setting up of state institutions after Somaliland declared its indepence from Somalia in May 1991. He became founding member of the Guurti Council which is Somaliland’s upper house of parliament. He was elected as the chairman of the permanent standing committee in the upper house; a position je held till his death on 10th May 2019. Haji Abdi Warabe played a key role in the resolution of devastating clan conflicts in Somaliland from 1994 to 1995. He was both member of the Guurti Council and the chief of his clan and was recognized as eldest and the most outstanding statesman in Somaliland. He is credited with many peace related proverbial sayings over the years; many are recorded in his biography written in Somali with the title translated as “The Peace Advisor”. He was once quoted as having defined statesmanship to mean “foregoing your due share (over disputed matters) in favour of your opponent for the sake of the general good”. Haji Abdi Warabe witnessed tumultus and violent times in the Horn of Africa both within the Somali communities and between rival countries like the Ethio-Somali war of 1977. For over a century, he struggled to put out conflicts and grow the seeds of peace. By and large, he succeeded in his mission. He died in his peaceful Somaliland. Over the last several months, he was incapacitated in bed, but I am sure he was informed about the change in Ethiopia and the coming to power of the young dynamic Dr Abiy who is trying to build sustainable peace in the Horn in particular and in the whole of Africa in general. Somalilander’s are urged to nourish his legacy by nurturing the culture of reconcilation and foregivess. I would propose to HE president Muse Bihi to recognize 10th May 2019 as the national day of reconcilation and forgiveness in Somaliland. May Allah bless Haji Abdi’s soul and reward him with paradise. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Garowe ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib shirkii madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada uga socday garowe. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale iyadoo soo dhawayn kadib Madaxweynahu uu Saxaafada kula hadlay Aqalka Madaxtooyada. Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in shirkii Garowe dirada lagu saarayay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin Arimaha Siyaasada iyo sidii siyaasada wadanka salka loogu dhigi lahaa isla markana loo soo afjari lahaa kala fikir duwananta jirtay balse aysan madaxda Dowlada Federaalku arintaas diyaar u ahayn taasna ay sababtay in shirku uu Natiijo la”aan ku dhamaado. Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in dib u eegista Dastuurka iyo qaabka loo wado oo aan ka turjumaynin maslaxada dalka ay qayb ka ahayd wada hadalada basle aysan dhicin in heshiis rasmi ah laga gaaro iyadoo madaxda Dowlada Federaalku ay ka cago jiidayeen waxaa uu sheegay Madaxweynahu in Dastuurka dib u habayntiisa ay tahay arin ka wada dhaxaysa Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada lakiin ay madaxda Federaalku u arkeen wax iyaga kaliyah ay ka go’aan gaadhi karaan. Arimaha Doorashooyinka dalka ayuu xusay in aysan Dowlada Federaalku ahmiyad badan u haynin iyadoo ay ka baxday heshiiskii Baydhabo ee qaybsiga khayraadka iyo heshiiskii laga gaaray arimaha doorashooyinka isla markana aanay jirin wax heshiis lagu yahay oo la xiriira doorashooyinka 2020ka lagu waday in ay dalka ka dhacaan. Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu xusay in aan hal maalin ah lagu daraynin doorashooyinka Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada isla markana wararka been abuurka ah ee la xiriira in Jubbaland iyo Galmudug ay doonayaan wakhti kororsi ay yihiin kuwa aanay waxba ka jirin oo shacabka lagu marin habaabinayo. Arimaha Amniga wuxuu xusay Madaxweynahu in aan heshiis lagu ahayn sidii dalka looga xorayn lahaa Al-Shabaab isla markana cid walba ay masuuliyad ka saaran tahay sugida amniga deeganadeeda maadama Dowladii Federaalku ayna diyaar u ahayn la dagaalkanka Argagixisada isagoo xusay in dhamaan Heshiisyadii la xiriiray Amniga ay Dowladu dhinac martay. gaba gabadii Madaxweynahu wuxuu shacabka Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay ilaaliyaan oo nabada ay haystaan ay ku fara adaygaan Dowlada Federaalkuna ay qorshaynayso sidii dagaalo sokeeye deegaanka ay uga dhici lahayeen taas oo dib u dhac weyn ku keenaysa hormarka ay hiigsanayaan iyo Dowladnimadooda. Madaxweynahu wuxuu sheegay in shaqsiyaad Hoteelo Xamar ku yaala lagu biilo lagu dhiiri galinayo sidii xabad ay uga ridi lahayeen Jubbalan iyadoo looga gol leeyahay arqaladayda Doorashooyinka iyo Dowladnimada Jubbaland ee u baahan sii taaba galinta iyo in aan dib loo celin wuxuu sheegay in cid walba nabadgalyada ay masuuliyad ka saaran tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Justice Abdi Qaw’dhan, Chair of the Marodi Jeh Regional Court has this morning ruled that the arrest of Representative Dhakool as illegal and the case will not be heard until the Somaliland House of Representatives has investigated the matter and delivered it’s decision as to whether the accused member has parliamentary immunity or whether that immunity will be or has been withdrawn by parliament. The accused has been returned to the CID Division where he has been held since his arrest. Representative Dhakool was taken from his residences by Somaliland Police Officers and accused of stating that the anniversary of the 18th of May is “celebrated and belongs to the Isaaq community and the Somali National Movement”. Representative Dhakool has denied that all the Somaliland communities were represented at the historic meeting in Burao in 1991, where the decision was made to restore Somaliland’s sovereignty. Representative Dhakool is on record as previously stating that the 18th of May anniversary is a national one and belongs to all Somalilanders. It is not clear whether the administration of President Muse Bihi Abdi will appeal the regional court’s decision or whether the toothless and moribund Somaliland House of Representatives will take up the matter. Qaran News
-
Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ayaa maanta deegaanka Waydow ka soo saaray Miino tankeeda uu yahay mid aad u culus. Miinadan ayaa waxaa lagu aasay laamiga dhinaceeda, waxaana hawlgal Ciidamada ay sameeyeen ay ku guuleysteen inay soo saaraan. Miinada oo aheyd mid culus ayaa la geeyay meel barxad ah, waxaana halkaasi ugu tagay Saraakiil Cadaan ah iyo Ciidanka Booliska qaybta u tababaran Qarxinta Miinooyinka. Intaasi kadib ayaa waxaa goobta fagaaraha lagu qarxiyay miinada oo dhawaqeeda si wayn loo maqlay. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay miinadaasi inay aheyd mid aad u culus oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay si dhibaato loogu gaysto Ciidanka wadada isticmaala. Inta badan Qaraxyada Shabaab ay ka gaysteen deegaanka Waydow ayaa waxa ay halkaasi kula eegtaan gaadiidka Amisom & kuwa dowladda Federalka Somaliya ee halkaasi mara. Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ayaa maanta deegaanka Waydow ka soo saaray Miino tankeeda uu yahay mid aad u culus. ayaa waxaa lagu duugay laamiga dhinaceeda, waxaana hawlgal Ciidamada ay sameeyeen ay ku guuleysteen inay soo saaraan. Miinada oo aheyd mid culus ayaa la geeyay meel barxad ah, waxaana halkaasi ugu tagay Saraakiil Cadaan ah iyo Ciidanka Booliska qaybta u tababaran Qarxinta Miinooyinka. Intaasi kadib ayaa waxaa goobta fagaaraha lagu qarxiyay miinada oo dhawaqeeda si wayn loo maqlay. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay miinadaasi inay aheyd mid aad u culus oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay si dhibaato loogu gaysto Ciidanka wadada isticmaala. Inta badan Qaraxyada Shabaab ay ka gaysteen deegaanka Waydow ayaa waxa ay halkaasi kula eegtaan gaadiidka Amisom & kuwa dowladda Federalka Somaliya ee halkaasi mara. GoobjoogNews Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shabaka ayaa ka hadlay shirkii maalmahan ka socday magaalada Garowe kaas oo ku soo dhamaaday is afgaranwaa . Xildhibaan sakariye ayaa xusay in ay tahay waxaan loo fadhin oo nasiib darro ah in madaxdii dalka shirkoodii natiijo la,aan uu soo dhamaado aanan loo daneen danta dalka iyo dad intaba waxa uuna sheegan golaha shacabka uu aad uga xun yahay.. “ Waa nasiib darro weyn oo aan loo fadhin oo fashilaad ah oo systemkii dowladnimo ee heer gobal ilaa heer qaran ay fashilaad tahay aan loo fadhin, arrintaas shacabka Soomaaliyeed waa ka careysan yihiin, baarlamaanku waa ka careysan yahay” Sidoo kale Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabd ayaa carabka ku dhuftay madaxda dalka ay ka soo bixi waayeen shaqadii igmaday. “Nimankii madaxda noo ahaa ee aan u igmanay iney dalkaan iney maamulaan oo Kuraasta lagu fariisiyay oo xuquuqda gaarka ah la siiyay heer gobol ha noqdeen ama heer dowlad dhexe ha noqdeene shaqadoodii waa ka soo bixi waayeen” Dhanka kale Xildhibaanka ayaa xusay in baarlamanka Fedetalka Soomaaliya oo ka wakiil ah shacabka uu la xisaabtami doono madaxda dalka iyo dowlad-gobaledyadaba.sababta ay todobo maalin wax natiijo ah u gaati waayeen. . “waana la xisaabtaaynaa sababta kentay in todobo maalin shir loo fadhiyo oo Madaxweynihii Raiisalwasaarihii iyo shantii madax gobaleedna ay joogeen ilaa hadaa ay fashil tahay waxa laga sugayo maxay tahay Haddii ay dalkaan ay ku heshiin waayeen inay maamulaan oo dhibaatada dadkaan ay ka saaraan maxaan ku halayneynaa” Hadalka Xildhibaanka ayaa waxa uu ku soo aadayaa ayadoo maanta shirkii ka socday magaalada Garowe uu ku soo dhamaaday is afrasho la,aan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas soo gaaray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib todobaad uu magaalada Garowe u joogay shirkii Wadatashiga ahaa, kaasoo natiijo la’aan ku soo dhamaaday. Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Madaxeynaha Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku haray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaana sababta uu haray kasoo baxayo warar kala duwan. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Villa Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoowe kusii sugnaano doon illaa laba cisho, waxaa la sheegayaa inuu ka qeyb geli doono kulamo uu qeybaha kala duwan bulshada la qaadan doono. Waxaa horey Garoowe uga soo tagay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kuwaas oo dowladda dhexe ku eedeeyey inay sabab u aheyd fashilka shirkii Garoowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa u baroor-diiqeysa hogaamiyihii ugu da’da weynaa dowladeeda, Xaaji C/kariin Xuseen Yusuf oo loo yaqaanay Xaaji Cabdi Waraabe. Cabdi Waraabe oo da’diisu tahay 122, ayaa maalintii jimcihii ku geeriyooday Hargeysa International Hospital, kaasi oo mudooyinkii u dambeeyay lagu dabiibayey xaaladiisa caafimaad. Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa waxa uu ahaa xubin muhiima oo kamida Golaha Guurtida Somaliland, isagoona astaan u ahaa nabada iyo nabadeynta deegaanada Somaliland. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo deegaanka Toon oo dhinaca Koonfureed kaga beegan caasimadda Hargeysa maanta loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo shalay geeriyooday. Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo kamid ahaa haldoorka iyo tiir-dhexaadka ugu miisaanka culus qaranka Somaliland iyo guud ahaan deegaannada Soomaalidu degto, ayaa waxa ka qayb-galay badiba haldoorka magaca iyo maamuuska ku leh Somaliland iyo guud ahaanba bulshada afka Soomaaliga ku hadasha, madax-dhaqameed, garaaddo, salaadiin, ganacsato, siyaasiyiin iyo shacab tiro badan oo meelo kala duwan oo dunida ah isaga yimi, waxana janaasada laga akhriyey hadallo ku saabsan samo-talisnimadii uu marxuumku caanka ku ahaa iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu kusoo qaatay nabadayntii iyo Aas-aaskii Somaliland. Xubno isugu jira madax-dhaqameed, siyaasiyiin, wasiirro iyo safiirro dalalka deriska ka yimi iyo kuwo xubno ka ah xukuumadda Somaliland, qaar kamid ah hoggaanka axsaabta qaranka iyo waxgarad kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood si isku mid ah u sharraxay kaalintii mucda lahayd ee uu marxuumka Xaaji Cabdikariin kasoo ciyaaray nabadaynta iyo walaalaynta shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha, waxana ay ka markhaati kaceen adkaysigiisii iyo sidii uu ugu ban baxay danta guud. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo kelmado kooban oo uu ku sharraxayo taariikhda marxuum Xaaji Cabdikariin ka jeediyey janaasada dusheeda, ayaa sheegay inuu marxuumku waqtigiisii iyo noloshiisiiba u huray islaaxa iyo walaalaynta bulshada, waxana uu Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, wuxuuna yiri “Xaaji Cabdi taariikhdiisa daqiiqado laguma soo koobi karo, wixii Af Soomaali yaqaannaana waa wada og yihiin, ajanabiga Soomaalida la shaqeeya ee yaqaannaana waa og yihiin oo taariikhdiisa qoraal iyo muuqaalba waa lagu hayaa. Xaaji Cabdi waxa aynnu kusoo koobaynaa waxa uu ahaa samo-wade murti-dhaadhi ah, dad wad leh, ummadda isu jiida, intii uu noolaana noloshiiisa u huray nabadayn, walaaltinimo iyo islaax ku dhammaystay, Ilaahayna waxaynu ugu rajaynayaa inuu qabriga u nuuro, jannadii Firdowsana ka waraabiyo”. Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo cimrigiisa lagu qiyaasay in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) sano, ayaa xubin ka ahaa golaha guurtida Somaliland, waxana uu ahaa astaan nabadeed oo waqtiyo adag qaranka kala soo dabbaashay marxalado qallafsan oo lasoo maray, iyada oo dadka maanta Aaskiisa ka qaybgalay uu kamid ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), madaxweyne-ku-xigeenno hore, isimmo iyo garaaddo ka yimi dalalka deriska iyo haldoor tiro badan oo reer Somaliland. Dhinaca kale, Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa waxa uu aduunka caan ka sii noqday markii ay waraysatay idaacada BBC-du haweenayda Falanqaysa arimaha Soomaalida ee Mary Harper ay ka sii daysay BBC World Service 2012-kii in Xaajigu Uu Xasuusto Caleemo Saarkii Boqorada Queen Elizabeth II 1953-kii. Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa xiligaa ahaa 115-jir, kaas oo markii uu 12 jirka uu ahaa loo doortay inuu beeshiisa hogaamiyo ayaa waxa uu yiri “Si Wanaagsan ayaan u xasuustaa Boqorada. Xaqiiqdii waxaan xasuusta aabaheed King George VI 1937-dii. Abtigay ayaa ka qaybgalay xafladii caleemo saarka ee London”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Ku soo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington, oo aan xilliyadan oo kale idin soo gudbinno. Read More
-
Eng C/laahi Cali Xassan wasiirka cusub ee wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan. Soo dhaweynta wasiirka ayaa waxaa ka qeyb qaatay masuulyiin kala duwan oo ka socotay dowlada iyo qaar kamid ah bulshada, hadal jeedinta martida ayaa inta badan quseesay soo dhaweynta wasiirka cusub . Ugu danbeen waxaa goobta ka hadlay Eng C/laahi Cali Xassan oo ah wasiirka cusub ee wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya waxa uuna u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay soo dhaweynta quruxda badan ee loo sameeyay wuxuuna alle ka baryay inuu la garab galo xilka culus ee loo magacaabay. Dhawaan ayaa la filayaa inuu si toos ah xilka u la wareego C/laahi Cali Xassan oo ah wasiirka cusub ee wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. View the full article