Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,232
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xil Qabte kastaa Dhac Hadoodilan ayuu u yahay Awdal iyo Gobolada dalka Hargaisa iyo dadkeedana 85% Dan iyo munaaficaad ayuu u xisaabsanyahay !! Dr.Khadar-Libaaxley. Nidaam siyaasadeedka Somaliland ku dhisantahay ee Xaruntiisu tahay Hargaisa waxa uu ka ganacsadaa ( Xoogga, Xoolaha iyo Xil-kasnimada Labeenta iyo Hal-doorka Gobolada) balse Gobolada iyo dadkoodu iskuma haystaan in ay koriyaan dhaqaale ahaan iyo camiraad ba Hargaisa iyo Dadkeeda, Dadka Goboladu kaliya waxa ay ku faraxsanyihiin in ay Hargaisa yimaadaan ama u soo guuraan si xisaab iyo qiimo la’aan ah. Xil-Qabte kasta oo Awdal iyo Gobolada kale ee dalka ka mid ah waxa ay Midhaha , Manfaca iyo Maalkaba u hooriyaan 85% waa Hargaisa , halka Gobalada iyo dadka ay siyaasada ku matalaan ( Manfac iyo Midhaba waxa soo gaadha Awdal iyo Goboladaba hambada Hargaisa ka soo hadha oo hab hiif ah iyo waliba sidaa in ay wax weyn tareen/ qabteen ay isku arkaan mid Gobolkiis , ha ugu ayaan daraadeen kuwa Awdal e’ ) Hargaisa ayey dan iyo munaaficaad u yihiin 85% macnaheedu = 1.) waxa ay tahay Masuul kasta oo la magacaabo mushaarkiisa iyo lacag kasta oo si toosa iyo si dadban u soo gasha waxa uu ku cunaa 85% in ka badan Hargaisa marka lagu daro inta uu shaxaad u bixinaayo iyo inta martiqaadaayo ; waxa suuragal ah 10% in ka yar oo lacagtaasi ah in ay soo gaadho Awdal iyo waliba Gobolada kale habka ay ku soo gaadheysaana waliba yahay shaxaad iyo kalifaad odayo oo intuba Hiif iyo fara-saydh-saydh kaga soo baxda , halka 5% suuragal ay tahay saaxiibo gobolada kale ah in uu ku marti-qaado taasina wax saxa ay tahay balse sawirka guud mudane akhriste Miyuu matalaa dadkii iyo gobolkii uu ka soo jeeday ? malahayga waxa aan u arkaa dhac hadoodilan dadkuna dareen la’aan ugu faraxsanyihiin ayaan u arkaa. 2.) Mashaariic kasta iyo fursadaha yaala xafiisyada wasiirada Hargaisa jooga waxa 85% xaabsada dadweynaha reer Hargaisa, ha ugu sii darnaadeen wasiirada Awdal ka soo jeeda , waayo mid kasta oo la magacaabo waxa uu shaqaale fiican oo fariida u yahay Reer Hargaisa iyo had-ba madaxweynaha xilka haya gobolkiisa sababtuna waxa ay tahay kuwa reer awdal waxa ay dareemayaan in aaney gurigoodii joogin , habrasho ka dhalatay joogid la’aanta gobolkiisii darteed ayey ku bartaan iyaga oo ku faraxsan fursadaha markaa xafiiskooda yaala dadweynaha Hargaisa ee ishooda fahmay , masuuliyiin Awdal dadka Awdal Xilka ku hella marka qof reer awdal ah albaabka uga soo gallo hoos ayey u yara naxaan, iyaga oo ka baqaya in la yidhaahdo ( meeshiiba waxa uu ka dhigay meel Gadabuursi ) muraad ay wadaataan dadkaa uu matalayaa waxa u hirgala 10% waliba ma’aha marwalba , ma jeclaystaan in xafiisyadooda uu cabaar la fadhi is yidhaad-ho qof ay isku gobol yihiin xataa wax muhiim ah hakala hadlayaba e’ , hadii qof reer Hargaisa iyo Gobolada Bari ah ugu soo galaan xafiisyada aad bay u niyada iyo oogadaba uga farxaan muraadkasta wey u fuliyaan 95% oo karaan kooda ah !! mudane akhrista markuu xaalku kaa yahay miyaaney aheyn dhac hadoodilan oo sidiisa u yaala ? ma kuu muuqataa in isbedal lagu maareeyo habkan nolosha siyaasadu u socoto oo loo baahanyahay ?. Ayaan Darada ugu weyni waxa ay tahay iyadoo Hargaisa ay Xaalufisay ( Xoogga, Xoolaha iyo Xil-kasnimada Labeenta iyo Hal-doorka Gobolada) in ay Handana Qaadato ( Tirada Xillalkii ugu Badnaa ee Dalka !! Halkii ay aheyd in Hargaisa oo dareemaysa sida Dadweynihii Goboladu u gobeeyeen iyada oo khajilsan oo farxad iyo mahadnaq uurka ah Hoosta ka eegaysa gobolada in ay tidhaahdo Hadaan Hargaisa ahey Goboladow idinkaa iga mudan e qaata tirada ugu badan ee kuraasta ah , hadey wasiiro tahay iyo hadey xildhibaano tahay waayo??? Dhamaantood calloosha Hargaisa ayey Marti u yihiin iyada ayey Dad ku qabta oo munaafacaadsata. Gabo-Gabo iyo Gunaanad: Sida nolosha siyaada ee dalku u socotaa kaliya waa hab-siyaasadeed faa’iidadeedu hal dhinacle tahay, Hargaisa iyo shacabkeeda ayuun bay dan u tahay , Goboladana Been, Hafar iyo Dhac-hadoodilan ayey ku tahay, mana haboona in ay siisocoto siyaasada noocan u jilmaysaa waa in Dastuurka la furo, AWDAL waxa ay u baahantahay Dawdal Goboleed 70% talladeeda iyo maamulkeeda maasha iyo malafsata , Hargaisana 30% laga maamulo , Gobolada kale iyagaa u madax banaan rabitaankooda. Mudanayaal manecbi Hargaisa iyo dadkeeda balse nasteed iyo samadoon ayaan u ahey dhamaan dadweynaha jamhuuriyada Somaliland. Dr.khadar -Libaaxley dr.khadar05@gmail.com gargorey4@gmail.com Regional political analysts Ahna isbedel Doonka Siyaasada Dalka 4/14/2019 Qaran News
  2. Waxa jiri jiray Nin aad u dhabcaal ahaa (bakhayl ) aadna u lacag jeclaa , noloshiisii oo dhanaa wuxuu ku qaatay lacag ururin, berigii danbe ayuu gaboobay oo xanuunsaday , isaga oo sakaraad ah ayuu xaaskiisii la sii dardaarmay , wuxuu ku yidhi waxaan doonayaa inaan kula inaan kula sii dardaarmo iina ballan qaadin inaad fuliso arinkan aan kuu sheegi doono , oo ah haddii aan dhinto waxaan doonayaa in aad lacagtayda oo dhan ila xabaasho , oo iilka laygula rido , si aan aakhiro ugu qaato . Xaaskiisii way u ballan qaaday inay dardaarankiisa u fuliso . Laba casho kadib ayuu odaygii dhintay (geeriyooday) , Markii la kanfay ee la damcay in laqaado suga , inta ay ag-fadhiisatay maydkii ayay kafantii meel ka dilaacisay , oo ay gelisay sanduuq yar , kadibna qaada ayay tidhi . Saaxiibadeed ayaa waxay waydiisay : Naa ma dardaarankiisii baad fulinaysay , oo lacagtii oo dhan baad kafantiisa meel ka gelisay ? Waxay ugu jawaabtay : haayoo dee waan u ballan qaaday , oo dardaarankiisii waa inaan u fuliyaa. Gabadhii oo aad u cadhootay baad ku tidhi : Naa shaw bahal nacas ah baad tahay , oo aan abddo (faa’iido) lahayn , anna waxaan ku moodaayay inaad intaa dhaanto . Iyada oo aan cadhoon ayaa waxay ugu jawaabtay : waayo miyaanay xoolihiisii ahayn ? Gabadhii oo aad u cadhaysan ayaa hadana waxay weydiisay :Naa ma kaa dhab-baa iminka ? Waxay ugu jawaabtay : horta saaxiibay lacagtii oo dhan inta aan ururiyay , ayaan baankaygii ku shubay (accoun -kaygii) , ka dibna (check) jeeg ayaan u qoray saygaygii (ninkaygii)oo magaciisii ku qoray iyo tiradii lacagta , jeegiina kafantiisii ayaan u geliyay , sidaasna dardaarankiisii waan sameeyay , ballan qaadkaygiina waan u fuliyay , bal hadaba isagu jeegga aakhiro ha ka sarifto . Hadaba waxa iswaydiin leh , xukuumadda kulmiye ee shaqadoodu noqotay lacag urursi iyo dhac hantida dalka iyo dadka , ee weliba tartanka ugu jira , sidii ay wax u boobi lahaayeen oo qudha . Bal xaggee bay wax u urursanayaan , ma akhiro ayay ganacsi kaga geli doonaan ? mise aakhiro ayay guryo kaga iibsanayaan ? mise waxay moodayaan in naarta jahanama lacag lagaga badbaado ? mise waxay moodayaan in janada lacag lagu iibsado ? Hadaba ogow lacagta aad urursatay ee xaaraanta ah, aakhiro waxba kaaga tari mayso aan ahayd cadaabta oo lagu geliyo , ogowna aakhiro xisaab-baa taala . Hadaba idinka oo aakhir-cimri taagan , maxaydun ilaahay la hortegi doontaan . Ilaahayaw khaatumada ha na seejin . aaaamiin . Ilaahayaw khaatumada khayr nooga dhig . aaaamiin CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News
  3. Mashaariicda horumarinta ee aynu ka filaneyney DPW in ay inoo fuliyaan waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha, Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamaha Shidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbrashada iyo horumarinta korontada magaalada Berbera,dhismaha Madaarka Berbera. Waxa ku cad nuqulka isfahanka in heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somaliland iyo Shirkada DPW isla qaateen uu qeexayey in balaadhinta Dekeda Berbera lagu bilaabi doono laguna dhisi doono mudo sanad gudihiis ah taa soo dhismuhu ku saleysnaan doono sadexdan weji ee hoose oo kala ah: 1- Phase 0 Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya (3 Mobile Cranes) 5 Wiish oo raseeyayaal ah (5 reach stackers) 3 Tareele oo containarada qaada (3 empty carriers) New Security system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub ee kumbuyuutarka ah. Wejigani wuxuu ku kacayaa lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hada DPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta oo qalab yar oo baali ah ay Dekedooda Jabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyey .Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPW qalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda. 2- Phase 1 Wejigan wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400m iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab. Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera 7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya kontaynarada (7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigani lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan ilaa hada lama bilaabin waxaana ay DPW jebiyeen waqtigii lagu heshiiyey in lagu bilaabo wejigan oo sanad ka hor aheyd. 3- Phase 2 Wuxuu qeexayaa in wejigan hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75% ay markaa hirgelinayaan Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha wejigan 2-aad lagu Maalgelinaayo ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar. Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaa weji ee sare ayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oo noqonaysa lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berberi u soo xareyn jirtay Qaranka Somaliland sanad kasta intaan la wareejin. Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld Dekeda Berbera maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo dhan oo ay ka mid ahaayeen kuwan hoose: 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro. 2- In Deked cusub oo 800 mitir ah, la kala dhisto laba jeer oo min 400 mitir ah. 3- In Wadadii Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) taasina maydhicin ee teenii ayaa laynoo kab-kabayaa. 4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu. 5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska, Beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone ) 7- In ay dhalinyarada aqoon yahanka Somaliland Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxay noqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan midana, ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabay dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiim heshiiska kumay jirine ee balanqaad bay ahaayeen ee barwaaqada la suga. Waxaa khatarteeda leh Khiyaamooyinka dahsoon ee maalkii shacabka Somaliland lagu sameeyey maadaama mar kasta Raadaarka iyo caqiidada Siyaasadeed ee xukumada kulmiye aanay dhaafsiisneyn in la jumlado joharadii ummaddu wada laheyd, Boowe ! Waxaa ummadda JSL u cadaatay in : 1- Kiradii Saldhiga Ciidamada Berbera uu jeeb khaldan ku dhacday, Laakiin ummadda loogu sheekeeyey in aynu mashariic dhaafsanay ! Mashaariicdee dee ? ma Wadada lay noo kab-kabaayo !! 2- Kiradii Dekeda Berbera oo Sanado badan la sii qadintay oo aan ku dhicin khasnada dawlada. Maxaa miisaaniyada qaranka loogu dari waayey? ” Timir lafbaa ku jirta “. 3- Saamiga JSL ee DPW ee Dekeda oo ah 30% oo aan ku dhicin khasnada dawlada laakiin la isku raacay in lagu jaxaaso shirkada Somaliland investment Company oo ah Xisaab-socod qarsoon oo khatartiisa leh. Fiiro Gaar ah : Kadib markii loo kuur galay heshiisyadii ay hore u gashay shirkada Macaashdoonka ah ee DPW Waxaa laysku raacay in heshiiskan ay JSL la gashay uu khatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan u jebisay uguna fashilantay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida Dekeda Jabouti, Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Deked Maleysia ku taala, Deked indonisia ku taal, iyo Deked Mareykanka ku taala. Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuba Way arkaayaan! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !! Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madaxbanaan Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  4. The US military conducted an airstrike Sunday that killed Abdulhakim Dhuqub, a high ranking ISIS-Somalia official. US Africa Command, which oversees US military operations on the continent, said in a statement Monday that the strike targeted a vehicle near Xiriiro, Bari Region. The statement refers to Dhuqub as the terror affiliate’s “second in command,” saying he “was responsible for the daily operations of the extremist group, attack planning, and resource procurement.” ISIS’ Somalia branch is a relatively small affiliate of the terror group, commanding fewer than 150 fighters according to US defense officials. It is much smaller than the al Qaeda affiliated Al-Shabaab militant group which commands more than 5,000. Progress “We continue to work with our Somali partners to keep pressure on the al-Shabaab and ISIS-Somalia terror networks,” Maj. Gen. Gregg Olson, the US Africa Command director of operations, said in the statement. American military officers, diplomats and USAID officials all tell CNN that Somalia is making progress in its fight against ISIS and the Al Shabaab insurgency, citing battlefield gains and economic and security sector reforms being made by the country’s Prime Minister Hassan Ali Khayre. Khayre was in Washington last week where he met with National Security Adviser John Bolton and visited the Pentagon to meet with senior defense officials. Source: CNN
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar dambe oo maanta ah ka cudur daartay ka qaybgalka Munaasad lagu marti qaaday oo Galabta lagu qabtay xarunta degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online. Munaasabadda oo aheyd mid lagu taageerayay howlgalada Ciidamada amniga ee ka socda magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in ay ka ahayd munaasabo dhowr ah oo lagu qaban doono dhowr degmo oo ka tirsan Gobalka Banaadir, waxaana lagu bilaabay degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir. Boqolaal dad ah oo saf dheer la geliyay maanta duhurkii islamarkaana aad loo baaray ayaa lagu xareeyay Xarunta degmada Kaaraan waxaana la sugayay in uu la hadlo Madaxweynaha Soomaaliya balse ma dhicin waxaana soo dhamaaday Munaasabadaasi. Mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir in uusan Madaxweynaha imaan karin Munaasabadda loona baahan yahay in isaga soo xiro. La-taliyaasha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Farmaajo u sheegay in uusan ka qaybgalin Munaasabadda sababo amni iyo Xaalad Siyaasadeed. Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha lagu wargeliyay in uusan ka qaybgalin Munaasadda dhowr sababood aawgeed waxaana ugu waawayn. 1) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan degmada Kaaraan ee u dhaxeyso Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Dowladda Soomaaliya. 2) – Kulankii Fashilka ku soo dhamaaday ee uu Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiinta Mudulood la qaatay oo muujisay heerka khilaafka Dowladda iyo Mudulood. Sidoo kale cabashooyin ay qabaan dadka daga degmada Kaaraan iyo waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay sabab u aheyd baaqashada Madaxweynaha. Arintaan ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Senator Muise Suudi Yalaxow kaas oo mudooyinkaan dhan taagnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Daayeer ayaa cadaalad darro iyo sinaan la aan diiday . Culimada xayawaanka ayaa waxay ogaadeen , iyaga oo cilmi baadhis ku sameynaaya DAAYEER , inaanu DAAYEERKU ogolaan in CADAALAD DARRO iyo SINAAN LA AAN lagu sameeyo , oo aanu aqbalin , haddii lagula dhaqmo . Culimadu waxay u fiirsadeen iyaga oo DAAYEER yar oo qafis ku jira , waxay ka codsadeen inuu dhagxanta yar yar ee qafiskiisa taalla uu u soo dhiibo xabbad xabbad , kolka uu marba mid soo dhiibona , waxa abaal marin loo siinaayey xabbad yar oo khiyaar ah , isna si deg deg ah ayuu u cunaayey , si uu mid kale u helo , aadna shaqadaa wuu ugu faraxsanaa . Hadaba waxa la arkey DAAYEERKII kale ee yaraa ee qafiska ku xigey ku jiey , oo aad iyo aad u cadheysan , marka uu arko iyada oo khiyaar la siinaayo , kii la jaarka ahaa , si xunna wuu u eegaayey , indhahana aad buu ugu gubaayey . DAAYEERKII yaraa intuu qafiskii gilgiley , ayuu jebiyey , kabacdina khiyaarkii buu boobey , meel halkaas ah , intuu la tegey ayuu ka dhergey . Markaasaa waxa la ogaadey , in aanu DAAYEERKU qaadan in lagula kaco CADAALAD DARRO iyo SINAAN LA AAN TOONNA . Hadaba xukuumadda kulmiye waxa ay wado , maaha wax laqaadan karo , (CADAALAD DARADA – SINAAN LA AANTA – SHARCI KU TUMASHADA -MUSUQMAASUQA- QABYAALADDA ) iyo wax yaabe kale oo badan . Hadaba sida ay maanta u ogolaatey in shirkii GOLAHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA la qabto ( si kasta oo ay istidhi ku jooji , way joojin kari waydey ) , arimaha kale ee ay xukuumaddu diidan tahayna , way ogolaan doontaa , ee arintan wax haku qaadato , waxna ha ka barato . MA WAXA UU DAAYEERKU DIIDEY BAYNU QAADANAA ? CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News
  7. Wafdi ka kooban Xubno ka tirsan Golaha kumeelgaarka ee la wareegay awooda Dalka Sudan ayaa booqasho ku tagay Dalka Itooboya. General Galaledin Alsheikh oo hogaaminaya [...] Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Aabaha Dhalay wiil Bajaajle ahaa oo lagu dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa muddo kadib shaaciyay inaan wali waxba looga qaban askarigii wiilkiisa ku dilay degmada Waaberi. Aweys Maxamed Diinle oo ah aabaha dhalay wiilka dhalinyarada ah ee lagu dilay xaafadda Buundooyinka ee degmada Waaberi ayaa wareysi uu siiyey Dalsan TV ku sheegay in askarigii dilay wiilkiisa uu ku dhex jiro madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ka dalbaday in askariga ka dambeeyay dilka wiilkiisa ee ku dhex jira madaxtooyada Soomaaliya in laga soo saaro, islamarkaana loo marsiiyo Cadaaladda. Sidoo kale wuxuu sheegay in xitaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha aysan tacsi la wadaagin qoyska wiilka uu ka dhintay, waxaana uu cadeeyay in hadda askariga uu ku dhex jiro madaxtooyada oo cadaalad ay ka sugayeen. “Waxaa la yiri askarigii dilay wiilkeyga madaxtooyada ayuu joogaa, madaxweyne Farmaajo waxaan ka codsanaa in la ii toogto askariga dilka geystay, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha xitaa wali iigama tacsiyeynin dilka wiilkayga, habeen kastaa kama hurdo waan ku riyoodaa” ayuu yiri aabaha dhalay wiilka. “DHaqaalo ma heysano, mootada deyn ayaan kusoo qaadanay, deyntii anigoo iska dhiibin ayaa la dilay wiilkayga, mootadana waa jajabtay, wiilkayga Markii Farmaajo la doortay mootada ayuu korkeeda ka dabaal dagay, haddana Alle ha u naxariisto xitaa nama dhihin”ayuu hadalkiisa kusoo daray. Hoos ka daawo Muuqaalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Millatariga Somaliland Oo Ka Hadlay Ciidammo La Sheegay Inay Ka Goosteen Kuna Biireen Maamul Gobolleedka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. PRESS RELEASE African Consultative Group Meeting: Statement by the Chairman of the African Caucus and the Managing Director of the International Monetary Fund (IMF) The economic recovery in Africa is expected to continue WASHINGTON D.C., United States of America, April 15, 2019/ — Minister Kenneth Ofori-Atta, Chairman of the African Caucus, and Ms. Christine Lagarde, Managing Director of the International Monetary Fund (IMF), co-chaired the African Consultative Group meeting today at the IMF Headquarters. [1] They issued the following statement after the conclusion of the Group’s meeting in Washington D.C.: “We had very productive discussions on Africa’s economic developments and prospects. The economic recovery in Africa is expected to continue. However, under current policies and amid increased global uncertainty, medium-term growth for the region is expected to continue to fall well short of what is needed to absorb new entrants to the labor force. The key challenge that Africa faces is to invest in human and physical capital to create jobs while at the same time reducing debt vulnerabilities. “Against this backdrop, we agree that countries need to generate fiscal space, enhance resilience including to climate change, and create sustained high and inclusive growth, including by removing obstacles to greater gender equity. This will require, in particular: (i) pursuing growth-friendly fiscal consolidations, where needed, that strike the right balance between development spending, reducing debt vulnerabilities, and meeting essential social needs; (ii) strengthening the effectiveness of monetary policy to enhance the monetary transmission mechanism; (iii) enhancing the flexibility of markets to facilitate adjustment to shocks and preserve competitiveness; (iv) removing trade barriers to boost medium-term growth, including in the context of the African Continental Free Trade Agreement; and (v) addressing illicit financing flows and base erosion to enhance governance and strengthen revenue collection.” Ms. Lagarde stated that “the IMF will remain closely engaged with its African members. The Fund will continue to support the authorities’ efforts to address the current macroeconomic and structural challenges and achieve a stronger, durable and inclusive growth to absorb new entrants in the labor force.” Minister Kenneth Ofori-Atta echoed Ms. Lagarde on the economic prospects of the continent, and the willingness of the sub-region to work closely with the IMF to tackle emerging concerns. He emphasized the need for members to sustain commitment to structural reforms and encouraged the Fund to show patience in its program engagement when there is demonstrated ownership by country authorities for successful outcomes. Distributed by APO Group on behalf of International Monetary Fund (IMF). SOURCE International Monetary Fund (IMF) Qaran News
  11. PRESS RELEASE Somali Forces & U.S. Africa Command Conduct Airstrike Targeting Al-Shabaab Airstrikes are one part of the U.S. strategy to support Somali forces in their commitment to the Federal Government of Somalia’s advancement of economic development, governance, and their military institutions WASHINGTON D.C., United States of America, April 15, 2019/ — In coordination with the Federal Government of Somalia’s continued efforts to degrade al-Shabaab, U.S. Africa Command conducted an airstrike in the vicinity of Garowle, Lower Shabelle Region, Somalia, on April 11, 2019. Airstrikes are one part of the U.S. strategy to support Somali forces in their commitment to the Federal Government of Somalia’s advancement of economic development, governance, and their military institutions. “We continue to target and strike various levels of leadership within the al-Shabaab network,” said Marine Corps Maj. Gen. Gregg Olson, U.S. Africa Command director of operations. “These precision strikes help sow discord within the ranks of al-Shabaab.” The Somalia National Army (SNA) and partner forces continue to increase pressure on the al-Shabaab terrorist network. These precision airstrikes support Somalia security force activities and build enhanced security conditions to allow time and space for government and economic development to occur. They directly impact al-Shabaab’s ability to carry out activities and recruitment. At this time, it is assessed this airstrike killed two (2) terrorists and destroyed one (1) motorcycle. Currently, we assess no civilians were injured or killed as a result of this airstrike. Our process and procedures allow for additional information to inform post-strike analysis. U.S. Africa Command will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia from AMISOM to the Federal Government of Somalia and its Member States. In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counterterrorism operations with the Federal Government of Somalia, AMISOM, and Somali National Army forces. Distributed by APO Group on behalf of Africa Regional Media Hub. SOURCE Africa Regional Media Hub Qaran News
  12. PRESS RELEASE U.S. Embassy supports University linkages between Egypt and America The delegates from selected U.S. universities will meet with Egyptian government and university officials from both public and private universities CAIRO, Egypt, April 15, 2019/ — Continuing its ongoing support to Egypt’s educational sector, the U.S. Embassy, in partnership with the Ministry of Higher Education and Scientific Research and AMIDEAST, welcomes to Egypt this week a delegation of senior university administrators from the United States. This visit is connecting American universities to the Ministry’s efforts to promote the establishment of international branch campuses in Egypt, an integral part of the Government of Egypt’s educational reform initiatives. During their week-long program, the delegates from selected U.S. universities will meet with Egyptian government and university officials from both public and private universities, to explore the higher education landscape in Egypt and discuss the many opportunities for partnership. The university tour will serve as a catalyst for international partnerships between Egypt and the U.S. in academia and research, present a valuable networking opportunity for interested universities and foster dialogue with key players in the higher education landscape in Egypt. The program will culminate in a summit on Partnerships in Higher Education, to be held on Thursday, April 18. Distributed by APO Group on behalf of U.S. Embassy – Cairo. SOURCE U.S. Embassy – Cairo Qaran News
  13. PRESS RELEASE African Development Bank Business Opportunity Seminar – Investing in partnerships for Africa’s transformation Ethical business model key to successful project delivery by the African Development Bank – participants ABIDJAN, Ivory Coast, April 15, 2019/ — The African Development Bank (www.AfDB.org) held a Business Opportunity Seminar (BOS) focused on strengthening and fostering the engagement of the business sector and of other stakeholders to effectively support investment in infrastructure and human development projects. Seeking strategic alliances and potential business opportunities with the Bank, the participants, private-sector representatives, civil works contractors, local manufacturers, suppliers, small and medium-sized enterprises and government representatives, took part in presentations and interactive sessions on the Bank’s vision for Africa’s economic development, operational priorities, business processes and procurement guidelines. Bank officials at the two-day seminar, held 4-5 April 2019 at the institution’s Babacar N’diaye Auditorium, also facilitated dialogue sessions on ongoing projects and the Bank’s financial products business opportunities and programs available to public, private and social enterprises. Delivering the first presentation of the seminar, on the Bank’s strategies and policy parameters for partnerships and project financing, Hassanatu Mansaray, a Senior Policy Specialist said, “In every investment we make, the Bank’s due diligence teams look at the economic viability and development impact of the project or program.” Valerie Dabady, the Bank’s manager for Resource Mobilisation and Partnerships, said the institution’s capacity to link public-sector needs with private sector expertise, technology and resources was unrivalled on the continent. “The African Development Bank Group has funded 4,391 projects since its inception. This includes 1,166 projects in West Africa with total commitments of $23.5 billion. In 2018, the Bank’s total approvals and disbursements stood at $8.90 billion and $6.02billion, respectively,” Dabady said. The Bank’s non-sovereign investments also continue to grow, Dabady remarked, with investments in private sector transactions growing from $250 million in 2005 to $2.29 billion in 2018. She listed several prospective opportunities for private sector partners in the infrastructure space, including the $371.22 million Abidjan urban transport project to finance work on a fourth bridge in the Abidjan metropolis, the Dakar – Lagos Highway rehabilitation project, and Yeleen Rural Electrification Projectin Burkina Faso. Romain Neyrand, Chief Financial Officer of SOCOPRM, an Abidjan-based firm with a concession contract, shared his insights while working on Abidjan’s Henri Konan Bédié Bridge project. Launched in 2014 and co-financed by the Bank, the 6.7 km bridge has 24 toll lanes, 4 dedicated electronic tag lanes and now averages up to 7,500 vehicles per hour. The bridge has registered over 100,000,000 vehicles since its opening, and contributes significantly to the reduction of pollution, congestion and CO2 emissions in Abidjan. The public facility currently has 185 employees. Speaking also about the Bank-funded AZITO power plant, Mr. Douphet Yeo, Chief Financial Officer of Azito Energie, said the combined cycle power plant is contributing to Côte d’Ivoire’s energy mix, and exporting electricity to the neighbouring markets of Ghana, Mali, Burkina Faso, Togo and Benin. “The Bank needs to get more private sector players plugged into its investment plans and priorities, and its business development and investment framework for key sectors like infrastructure and agriculture,” said Oladipo Ajayi, Finance Controller for Johannesburg-based AGCO Corporation, an agriculture equipment maker. Participants at the seminar affirmed that the Bank’s ethical business model is responsible for the successful financing, execution and delivery of its infrastructure and human development projects. Convened twice a year, the Abidjan Business Opportunity Seminar was attended by about 200 delegates from Algeria, Angola, Austria, Canada, Côte d’Ivoire, Egypt, France, Nigeria, South Africa, Spain, Sweden and Turkey. The second 2019 seminar is scheduled for the fourth quarter of year and will be hosted by the Bank’s Field Regional Resource Centre in Tunis, Tunisia. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa dalbaday in muddo shan maalin ah xabsiga lagu sii hayo inka badan 40 Bajaajlayaal ah oo ku eedeysan inay qeyb ka ahaayeen banaanbaxyadii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay. Dadkan ayaa loo xiray dibad-bax sabtidii ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday dilalka darwalada kadib markii madaxweyne Farmaajo uu ku hanjabay in aan la aqbali doonin dibad-baxyada Muqdisho, dadka abaabulana la qaban doono. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Booliska ayaa lagu sheegay inay ka dalbanayaan maxkamadda gobolka Banaadir iyo Xeer ilaalinta qaranka in xabsiga lagu sii hayo bajaajlayaasha ilaa baaritaankooda kasoo dhamaanayo. Taliska booliska degmada Hodon ayaa ku cadeeyay dhalinyaradaan inay hor kacayeen banaanbaxyadii rabshadaha watay, iyaga oo dambi kaga dhigay inay qeyb ka qaateen burburka iyo banaanbaxyadii weynaa ee Muqdisho ka dhacay. Arinta ayaa imaaneyso iyadoo wali aan lasoo qaban askarigii dilay wiilkii Mooto Bajaajka waday iyo Abtigii, sidoo kale lama soo qaban askartii dadka banaanbaxa dhigayay waxyeelada gaarsiiyay. Balse waxaa taa badalkeeda la xiray dadkii banaanbaxa dhigayay, waana arrin yaab leh, iyadoo sidaasi ay noqotay cadaalada laga sugayo dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
  15. Somaliland: President Muse Bihi Inaugurates New Berbera Port Cranes The Somaliland President, Muse Bihi Abdi, today inaugurated three new cranes at Berbera Port. The three mobile cranes are part of the redevelopment of the port currently managed by DP World. At an estimate cost of over $12 Million US, the new cranes will facilitate the loading and unloading of docking ships around the clock. With a capacity of over 120 tons, the new cranes will make it easier for harboring ships without their own on-board cranes to use the port of Berbera. Speaking at the inauguration ceremony, President Muse Bihi paid tribute to all the previous leaders of Somaliland in their attempts to bring development to the port. The President stressed the need for all Somalilanders to see the redeveloping port as part of their national assets and to support the efforts to make the port a gateway for the people in the region in regards to commerce, travel, employment and investment. Despite severe criticisms from many sectors of the Somaliland public with regard to the transparency of the Berbera-DP World agreement, and the extent of the investments by DP World in the port, and the streamlining of the port’s operations; it is quite clear, that with each passing month, the port of Berbera continues to see vast improvements in it’s capacity and operations. Qaran News
  16. Agaasimaha Furdooyinka iyo Maamule ku xigeenka kastamka Dekeda Boosaaso oo sheegay in ay hirgaliyeen adeeg siga Foomka Cadaynta Alaabada soo degta.Muuqaal ka hoos ka daawo [...] Source
  17. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray saddex wiish (Mobile Harbor Crane) oo cusub loogu talo-galay rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekedda Berbera ka dhoofaya iyo kuwa ka degayaba. Wiishashka (Mobile Harbor Crane) cusub ee loo keenay dekedda Berbera oo Xaddiga qaadistoodu dhantahay 120 tone (Boqol iyo labaatan tan), qiimahooduna dhan yahay 12 milyan (Laba iyo Toban milyan) oo dollar, ayaa munaasibad kooban oo xadhigga lagaga jaray waxa madaxweynaha kala qaybgalay Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, xubno ka mida axsaabta xisbiyada qaranka, Maareeyaha dekedaha, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi, madaxda shirkadda DP World, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo marti-sharaf kale, waxana si weyn looga markhaati kacay horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay dekedda Berbera ee ay maalgelinayso shirkadda DP World. Ugu horrayn guddoomiyaha dekedaha Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo munaasibadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa si hufan u faahfaahiyey horumarka ay ku tallaabsatay dekedda Berbera iyo sida meesha looga saaray baahiyihii badnaa ee ka jiray dekedda. Maareeyuhu waxa uu ammaanay tallaabada dekedda lagu keenay wiishashka cusub ee uu sheegay inay suurogelinayaan inay dekeddu isku filnaato marka la eego dhinaca rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekedda kasoo dega iyo kuwa ka dhoofaba, islamarkaana ay wiishashkani yihiin kuwa ugu casrisan ee ay isticmaalaan dekedaha dunidu. Madaxweyne-ku-xigeenka shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekedda Berbera, Mr. Suhail Al-banna oo isaguna munaasibadda xadhigga lagaga jaray wiishashka cusub ee dekedda Berbera la keenay, ayaa caddeeyey inay shirkad ahaan si weyn xil iskaga saareen casriyeynta dekedda Berbera iyo sidii ay dekeddu u noqon lahayd mid casri ah oo la tartanta dekedaha deriska, islarkaana ay ku hawlan yihiin ballaadhinteeda iyo horumarinteedaba. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa munaasibadda ka jeediyey hadallo dhinacyo badan leh oo salka ku haya sida ay xukuumaddu u danaynayso in la dhammaystiro dhammaanba baahiyaha guud ee ay dekeddu leedahay, Waxana uu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dekedda Berbera, isaga oo madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Siilaanyo uga mahadnaqay go’aankii uu dalka ku keenay shirkadda dekedda Berbera gacanta ku haysa ee DP World oo horumar ballaadhan iyo casriyeynba ku samaysay dekedda. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa sharraxay horumarka is xig-xiga iyo mashaariicda kala duwan ee muddooyinkan dambe ka hirgalay Berbera iyo sida ay usoo jiidanayso indhaha caalamka iyo kuwa bulshada deriskaba, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,“Maanta waa taariikh nool oo aynnu joogno in dekeddii la ballaadhinayo, in ummadda oo dhammi Berbera soo higsanayso iyo inay Berbera tahay iftiin Afrika oo dhan ka muuqda, saddex cisho ka hor waxa laga furay wershad Baatroolka sifaysa, maantana waxa laga furayaa wiishashka tiradaas le’eg iyo kuwa soo socda.” Madaxweynuhu waxa uu farriin u diray dhammaanba bulshada reer Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay soo dhaweeyaan horumarkaas la wado, soona dhaweeyaan bulshooyinka kala duwan ee ganacsiga iyo shaqadaba u imanaya magaalada Berbera, “Somaliland oo dhan waxa ku waajib ah inaynu Ilaahay u mahadnaqno oo aynnu keenno caqligii aynnu ummaddaas oo dhan ku hanan lahayn, marka aynnu bani’aadamka soo dhaweynno ee aynnu wax la qaybsaynno ee dadku inagu soo dhiirrado ee uu ina aamino ayeynu horumar samayn karnaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeer kooban ku sameeyey dekedda cusub ee shirkadda DP World ka waddo Berbera oo cabbirkeedu dhan yahay 400M (Afar Boqol oo mitir), waxana uu indhihiisa ku arkay shaqooyinka kala duwan ee dekeddaas lagu dhisayo oo si habsami leh halkaas uga socda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. Waiirka Maaliyadda Puntland oo booqday Bangiga boosaaso BoosaasoWasiirka Waaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa booqday Bangiga Dawladda Puntland ee [...] Source
  19. Wasiirka wasaarada Tamarta,Macdanta iyo Biyaha ee dowladda Puntland Axmed Tahran oo waraysi gaar ah siiyay Warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in dowladda Puntland ay leedahay wasaarad [...] Source
  20. Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Simon Mulongo Ku-simaha Madaxda Midowga Afrika iyo Taliyaha AMISOM ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay howlgallada shabelloyinka oo muhiim u ah Amniga Muqdisho iyo Qorshaha Amniga Caasimadda. Guddoomiyaha iyo Saraakiisha ka scotay Midowga waxay isla falanqeeyeen muhiimadda uu amniga Caasimaddu u leeyahay xasilloonida dalka, iyagoo isku raacay in la dardargeliyo howlgallada Gobollada Shabellaha Hoose iyo Shebellaha dhexe looga sifeynayo kooxaha argagixisada, taasoo muhiim u ah amniga Caasimadda. Eng.Yarisow ayaa tilmamay in saraakiisha Midowga Afrika ay isku af garteen in la sameeyo guddi farsamo oo ka socda labada dhinac, kuwaasoo ka wada shaqaynaya qorshaha Amniga Caasimadda. “Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee Caasimadda,si wadajir loogu fal-galo maadaama amnigu uu yahay mid dhinacyo badan quseeya, iyadoona aan kaashaneyno dhammaan dhammaan laamaha amniga ku shaqada leh.” Saraakiisha ka socotay Midowga AfrIka ayaa uga mahadceliyey Maamulka gobolka Banaadir dadaalada xasilloonida loogu soo dabaalayo Caasimadda, iyagoo xusay in ay ka go’an tahay sidii guud ahaan dalka Amnigiisa loo xaqiijin lahaa. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howllan sidii loo dardargelin lahaa amniga Caasimadda, si bulshada ku nool Muqdisho Xasillooni u helaan, isla markaana looga hortago falalka ay kooxaha argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed. View the full article
  21. Johannesburg (SMN) – Wararka ka imaanaya Koonfur Afrika ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay Ganacsade Soomaaliyeed lagu dilay dalkaasi Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa waxaa lagu Magacabi jiray Nuur Dheere, kaas oo lagu dilay goob Ganacsi oo uu ku lahaa magaalada Johannesburg ee dalka K/Afrika. Dilka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo burcad Afrikaan ah, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Inta badan waxaa Koonfur Afrika ka dhaca dilal ka dhan Ganacsatada Soomaaliyeed eek u dhaqan dalkaasi. View the full article
  22. Addis Ababa, Ethiopia – David Bohigian, Acting President and CEO of the Overseas Private Investment Corporation (OPIC), the U.S. Government’s development finance institution, and Advisor to the President Ivanka Trump today announced the launch of OPIC’s 2X Africa initiative to support investment in women in Africa. The announcement was made during a U.S. Government delegation to the country. Through the initiative, OPIC aims to unlock the full economic potential of women in Africa by catalyzing $1 billion, directly investing $350 million, to businesses and funds owned by women, led by women, or providing a good or service that intentionally empowers women on the continent. Launched under OPIC’s broader 2X Women’s Initiative, 2X Africa will advance the White House-led Women’s Global Development and Prosperity (W-GDP) Initiative a whole-of-government commitment to empowering women globally. “For women to succeed as entrepreneurs and job creators we must ensure they have equal access to the financing necessary to start and grow their businesses,” said Advisor to the President Ivanka Trump. “In furtherance of this goal, it is my honor to announce a new landmark initiative within W-GDP, 2X Africa, to directly invest capital into supporting women-owned, women-led, and women-supporting projects in Sub-Saharan Africa.” “The launch of 2X Africa underscores OPIC’s recognition of the critical role that women play in tackling Africa’s most pressing development challenges,” said OPIC Acting President and CEO David Bohigian. “By strengthening our focus on the women of Africa, OPIC will foster prosperity and stability in the region, and support the Administration’s important efforts to advance global women’s economic empowerment through W-GDP.” OPIC’s 2X Women’s Initiative aims to harness the multi-trillion dollar opportunity women represent by catalyzing investment in projects that support the world’s women. One year since the launch of the initiative, OPIC in March announced that it had surpassed the initiative’s initial target to mobilize $1 billion to the world’s women. Yesterday while in Addis Ababa, Bohigian signed an letter of interest with a women owned business called Muya to help support the company through OPIC financing. Muya, founded in 2005 by female entrepreneurial fashion designer Sara Abera, produces high quality household products. The company is the first Ethiopian company to obtain membership in the World Fair Trade Organization. Qaran News
  23. New York (SMN) – War ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in 433 milyan oo dollar ay ku bixiyeen kaalmooyin bini’aadanimo oo ay siiyeen dalka sanadihii 2017 iyo 2018. Qoraalka ayaa lagu sheegay in gargaarka Mareykanka uu u soo mariyay barnaamijka cuntada aduunka ee WFP, oo ah hay’adda samafal oo Qaramada Midoobey ay leedahay. Dad gaaraya 2 milyan oo qof oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya ayaa la gaarsiyay gargaarka Mareykanka uu dalka u soo diray labadii sano ee lasoo dhaafay. Ugu dambeyn safaaradda ayaa xustay in Mareykanka ay ka go’an tahay sii wadista taageerada bini’aadanimo ee dalka. View the full article
  24. Bu’aale (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaarado dagaal maanta ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya. Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday degmada Bu’aale oo ay gacanta ku hayan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab. Duqeymaha iyo howlgalo milatari ayaa todobaadyadii la soo dhaafay si xoogan uga socday deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. View the full article