-
Content Count
210,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Plenty of people thought Uber was going to make history–just not this kind. Source: Hiiraan Online
-
Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku-dhafka ah ee gobolka Mudug G/dhexe Khaliif Nuur Shiil ayaa xalay lagu dhaawacay koonfurta magaalada Gaalkacyo sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidankiisa. Dabley hubaysan ayaa sida la sheegay rasaas ku furay sarkaalka xilli uu ka soo baxay salaadda Taraawiixda masjid ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkq Mudug Shiil oo dhaawac culus qaba ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla degmada Gaalkacyo halkaasi oo haaatan lagu dabiibayo. Kooxdii dhaawaca geystay oo goobta ka baxsaday ayaan ilaa iyo hadda lagu guulaysan in la qabto sidoo kalena ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxii hawl-gelinta ciidanka Isku dhafka gobolka Mudug oo la dhaawacay appeared first on Puntland Post.
-
A pair of sisters born on the other side of the world, brought by their parents from Somalia seven years ago now thriving in Canada, thanks to some extra help from a Hamilton charity. Nimo and her younger sister Fardosa attend academic programs at Empowerment Squared designed to help with homework and develop skills. Source: Hiiraan Online
-
The decision to close Kenya's largest refugee camp - home to almost a quarter of a million people - is raising difficult questions, says Mollie Gerver. Source: Hiiraan Online
-
UNITED NATIONS, May 11 2019 (IPS) - More people are displaced inside their own countries than ever before, and only higher figures can be expected without urgent long-term action, a new report found. Source: Hiiraan Online
-
ismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maalintii 3aad ay ka taagan Xiisad dagaal oo u dhaxaysa Ciidamo Taabacsan Milateriga Soomaaliya oo ilaalo u ah qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee ku sugan Kismaayo. Sidoo kale Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay u abaabulan yihiin qaab Ciidamo beeleed ah, Islamarkaana ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan kadib markii ay magaalada Kismaayo gashay xaalad kale oo dhanka amaanka ah. Ciidamada ugu badan dhaq-dhaqaaqa wada ayaa ka amar qaata Af-hayeenkii hore ee maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar, oo sidoo kale ah Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee doorashada Sanadka 2019. Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in dhankooda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo xoog leh waxayna isku ballaariyeen Xaafado katirsan magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee Jubbaland. Gaadiidka dagaalka ee maamulka Axmed Madoobe ayaa laga soo saaray Xarumaha Ciidamada, waxayna qaarkood la geliyay heegan iyadoo dhinaca kale dibadda loo soo saaray Ciidamo xareesnaa oo katirsan Maamulka Jubbaland, kana amar qaata Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Xiisadaan ayaa salka ku heysa arimaha doorashooyinka Jubbaland iyo Ciidamo dheeraad ah oo ay keensadeen Musharaxiinta qaarkood. Kismaayo ayaa u muuqato markale ay luguha la galayso xaalad dagaal oo salka ku heysa hogaanka Maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Goobjoogayaal ku sugnaa halka lagu dhaawacay taliyaha ayaa waxa ay sheegeen in 3 nin oo dhalinyaro ah, ay weerareen taliyaha xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadii Taraawiixda mana jirin ilaalo la soctay sargaalka. Read More
-
Ethiopian President Sahle-Work Zewde is scheduled to make a one-day visit to Kenya on Tuesday for talks with President Uhuru Kenyatta. Source: Hiiraan Online
-
28 arday oo indho la' ayaa ku jiray 31,500 arday sanadkan u fariisatay imtixaanka dugsiga sare ee ay qaaddo Dawladda Federalka ee Somalia Read More
-
Roobabka gu’ga oo laxaad leh ayaa xalay miray, degaanno badan oo ku yaalla gobollada Karkaar, Nugaal, Sool iyo Mudug oo hore kulayl iyo baaro daran ka jireen. Dhul ballaaran oo ka kala tirsan gobollada Karkaar,Mudug, Nugaal iyo Sool ayaa xalay roobsaday, sida ay warbaahinta Puntland Post u sheegeen dad ku sugan degaanno kala duwan oo gobolladaasi ah. Meelaha roobsaday waxaa kamid ah magaalooyinka; Garoowe, Qardho, Laascaanood, dooxooyinka Nugaal, jeexdimaha dhoodida Sool iyo Ciidka Mudug Magaalada Garoowe hiraabtii hore (Suxuurtii) saaka, waxaa ku da’ay mayay(bariise) ka dulka-hooryeeyay, gufaacadii uu soo kiciyay gud-gudihii xalay maaruqay gobollada Sool iyo Karkaar. Roobka oo si jawi deggan oo aan dabayl wadan u da’yay ayaa biyaha waray gudaha magaalada iyo dooxooyinka ku xeeran. Sidoo kale weli waxaa cirka ku marriiman daruuro biyaysan iyo fadad cas oo dhibcaynaya. Garoowe iyo saaka PUNTLAND POST The post Roobabka gu’ga oo xalay iyo saaka ka da’ay qaar kamid ah gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Sida wararka Garowe ka imanaya ay sheegayaan shirka DF iyo madaxda maamul goboleeddada waxaa ka dhacay muran ku dhowaaday in laysu gacan qaado oo dhex maray madax-weynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed- Madoobe), madaxa-weynaha maamul goboleedka Jubbaland, taasoo runtii ah mid aan marna la qaadan karayn!… Axmed-Madoobe, haddii uu garan waayay oo uu ku ixtiraami waayay Farmaajo wax kasta uu yahayba inuu yahay madax-weynihii Soomaaliya ma wuxuu garan waayay isagoo waliba wadaad ah inuu soomanyahay?! Ma wuxuu garan waayay in bishii rammadaan ee barakaysnayd lagu jiro?!… ma wuxuu garan waayay inuu ixtiraamo oo uu xaq dhowro malaayiinta shacabka Soomaaliyeed ee iyaga u haysta mas’uuliyiinta ee rajada ka qabay kana dhur sugayay iyaga?!…Farmaajo khayr kuma aynaan arag laakiin haddii uu ku soo baxay nidaam doorasho haba ahaato mid baarlamaan waxay ahayd Axmed-Madoobe inuu ilaaliyo magaca iyo waxa ay ummaddu wadaagto, waxayna ahayd in laga qaado tallaabo qaynuun haddii aan la awoodinna in maamulka shirka ay ka qaadaan tallaabo xagga anshaxa ah!… Waa KHalad!…Farmaajo waa madax-weynihii dalka, wuxuuna leeyahay mudanaan dastuuri ah oo ay tahay inuu mas’uul kasta iyo muwaadhin kasta ku ixtiraamo, in mudnaantaas la siiyana waxay ka mid tahay ilaalinta iyo hab-raaca dastuuriga ah!… Horay waxaa inoo soo maray Cabdi-Raxmaan Cabdi-SHakuur oo leh “…laakiin annagii martida naloo ahaa inaan sharciga wax ku doono!…” taasoo sida muuqata uu ula jeeday madax-weynaha, waxaana shaki la’aan ah in dad badan oo siyaasadda dalka saamayn ku leh aysan fahamsanayn waxa ay dowladnimmadu tahay, una baahanyihiin taba-bar qoto dheer oo la xiriira shaqadooda iyo waxa la kala mudanyahay… Haddii sida warar ka imaanaya shirki ka dhacay Garowe ay dhab yihiin in la kala qabtay madax-weynaha iyo Axmed-Madoobe si muran la’aan ah waxaa denbiga leh Axmed-Madoobe … Waxaas ma aha wax loo dul qaadan karo, mana aha arrin u cuntamaysa dadka Soomaaliyeed ee wali la kufaa-kacaya sidii ay qaranimmadooda dib ugu soo yagleeli lahaayeen. Madax-weynaha waa la dhaliili karaa siyaasaddiisa, fikirkiisa, shaqadiisa, iyadoo waliba la cadaynayo, ama waa lagu qabsan karaa ama looga hor immaan karaa arrimo qaynuun ah iyadoo qaynuunka loo soo marayo, laakiin laguma gefi karo sida aan loogu gefi Karin muwaadhin kasta oo kale, waxaana intaas u dheer mudnaanta dheeriga ee uu dastuurka sida gaarka ah u siiyaya oo ah inuu huwanyahay sharafta ummadda iyo dalka!… DHanka kale, Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, waxa meesha ka dhacay isaga aabbe iyo hooyo ka ah, isaga iyo ra’iisal wazaarihiisa KHeyre, labo sano oo ay xilka hayeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed ama ha ahaadaan madaxda maamul-goboleeddada ama kuwo kale oo iyaga ka fikrad duwan waxay ula dhaqmayeen sidii siyaasiyiin dal ay xoog ku qabsadeen, waxayna ku maamulayeen xoog, khayaano, kala-qaybin, isku dir… qaynuun iyo xeerna wadanka oo dhan bay ka laaleen, waxayna qaynuunkii u qaateen mansabka iyo jagada la yiri ugu adeega qaynuunka!…Meelo badan markaad dhaqankooda siyaasadeed ka fiiriso waxaad dareemaysaa inay isku dareen labo nidaam siyaasadeed; midkii guumeystayaashii oo ahaa Qaybi oo Xukun, oo xataa golihii shacabka labo ayeey ka dhigeen kuwo muqarrabiin ah oo la soo dhoweeyay oo waziiro laga dhigay, ama dad ay wateen loo shaqaaleeyay, ama mushaar aysan lahayn laysaga qoray iyo kuwo la fogeeyay oo xataa gunnadii (Allowance) ay lahaayeen laga ilaashay, wixii nidaam uu dalka lahaa oo dhanna way la dirireen oo waxay ku dadaaleen nidaam iyaga si gaar ah ugu adeegaya, walina wadaan inay xididdada u siibaan xeer kasta oo ay ummaddu lahayd haddii uusan danahooda gaarka ah u adeegeyn! Nidaamka labaadna waa mid shabaha dabeecad ahaan kii Kacaankii Oktoober xagga marin habaabinta, dacaayadda, iyo inay sharciga u aqoonsanyihiin oo keliya waxay iyaga rabaan, xoog sheegashana aysan ka marnayn. Waxaa siyaasiyiinta la gudboon inay gartaan ixtiraamka dhexdooda ah iyo is-tix gelin kasta oo iyaga dhex marta inay noqonayso xudunta midnimmada iyo xiriirka ka dhexeeya shacabka, taasina waxay ku imaan karaysaa ilaalinta qawaaniinta iyo xeerarka ummaddu dhigatay, ixtiraamka dhaqanka iyo anshaxa ummaddu leedahay, waana middaas sirta qarsoon ee ka dambaysa awoodda iyo xoogga ay ummad kasta oo horumartay ku faanto!…Xukuumadda federal-ka faragelinta ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Koonfur-Galbeed oo kale haddii ay doonayso inay maamul goboleeddada oo dhan kula dhaqanto taasi waxay horseedaysaa kala fogaanshaha xukuummadda federal-ka iyo gobollada, waxaase haboon oo doorka ugu wanaagsan ee xukuumadda federal-ka ay qaadan karto uu yahay inay kor joogto ka noqoto doorashooyinkaas haddii aysan bannaanka ka joogi karin, laakiin ay ku qasabto maamul goboleedka inuu sameeyo hay’adihii gar-soorka ee go’aanka ka gaari lahaa haddii uu khilaaf yimmado!…laakiin inay iyada keento madax-weynaha maamul goboleedka sida ka dhacday Koonfur-Galbeed. Waxaa sidoo kale aan suuro gal noqonayn xukuumad aan iyadaba lahayn gole shacab iyo maxkamaddii sare oo madax banaan sidee bay qaynuun uga hadashaa oo ay ku maamushaa nidaamka siyaasadeed oo uu dal leeyahay?! Waxaa sida laga war qabo illaa iyo hadda aysan xukuumadda Farmaajo iyo KHeyre ay diidanyihiin Aqalka Sare, kaasoo colaadda ay u qabaan sabab looga dhigay inay laaluush ku qancin waayeen inta badan xubnaha aqalka sare iyo gudoomiyaha Cabdi Xaashi Cabdullaahi sida ka dhacda golaha shacabka iyo Gudoomiye Mursal, marka madax-weynaha in lala murmo, in lagu af celiyo isagaa u sabab ah!…Farmaajo iyo KHeyre waxyay la dagaalameen hay’adihii madaxa bannaanaa ee isu dheeli tirayay awoodaha siyaasadeed ee dowladda marka maxaa diidaya in maamul-goboleeddada ay walaacaan oo ku kalsoonaan waayaan dowldda?!…Cahdiyada iyo xeeraka ay ummaddu wada dhigato ama ay ku heshiiso waa tiirarka ay ku taaganyihiin nidaamyada siyaasadeed ee dalka lagu maamulo, haddii la dumiyana waxa soo baxaya waa la garan karaa, waa siyaasad wareersan oo aan jiho lahayn, waa is qab-qabsigaas joogtada ah ee aan dhammaadka lahayn, iyo shirarkaas aan natiijada lahayn … Golaha SHacabka iyo gudoomiyo Max’ed Mursal, ha ogaadaan shacabka inay danbi ka galeen dalkiina ay dib ugu celiyeen qaynuun la’aan!…Waana siday ahaan jirtay markii dastuurka laga tago!….. W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Xasan Gaafaadhi, oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa sheegay inay jiraan Shabakado xulafo ah oo dhibaato weyn ku haya nabad-galyada Somaliland. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kooxahani ay ka koobanyihiin dad badan oo la yaqaano iyo kuwa kale oo aan la aqoon. Gaafaadhi ayaa waxa uu Kooxahani ku sheegay wuxuu ugu yeeray ‘Casaabado’, isagoona ka dhawaajiyey inay kamid yihiin kooxahaasi Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo dad ajaanib ah. Wasiirka ayaa ku eedeyay kooxahaasi inay ka dambeeyan xasarado badan oo amni-darro oo ka dhaca deeganada Somaliland. Wasiir Gaafaadhi oo arrimaha ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Casaabado Abaabulan oo nooco badan isugu jira oo Cid walba leh, Madax-dhaqameed leh, shaqaale leh, Ganacsato leh, Dad ajaanib ah oo Shisheeya ah leh, ayaa dhibaato ku haya fulinta Sharciga Qaranka, masuulna ka ah Xasarado iyo dhibaatooyin badan oo dhaca”. “Casaabadahaasi waa Casaabado dhibaato weyn ku haya nabadgalyada, waxay ka Ganacsadaa wuxuu isugu jiraa wax la yaqaano iyo waxaan la aqooninba”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu leenahay Dadkaa maanta iftiinkaa haya, wixii ay geysteena waxay ila tahay meel ay la tagaan in aanay jirin, siyaasiyiin baa ku jirta, markaa maaha wax la fudaydsan karo, Ciidanka Qaranka, Booliska iyo Xukuumadduba waxay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan sidii ay Dadkaa u iftiimin lahaayeen ee ay Sharciga u horkeeni lahaayeen”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jubbaland Maxamed Naasir Guuleed Xasan ayaa war kasoo saaray amniga murashaxiinta Madaxweynaha maamulka Jubbaland, xilli dhawaan lagu waddo in Kismaayo lagu qabto doorashadda Madaxweynaha Jubbaland. Taliyaha ayaa xusay in aan la ogolaan doonin in murashxiinta qaarkood ay amniga Magaalada Kismaayo ay qalqal galiyaan, islamarkaana ay abuuraan xaalad nabadgaliyo daro. Taliyaha ayaa sheegay in Jubaland aysan aqbali doonin in ciidamada hubeysan lagu haysto magaalada, taasi oo caqabad ku ah amniga magaalada, sida uu sheegay. Waxaa uu sheegay in suggitaanka amniga murashaxiinta ay iska kaashan doonaan Ciidanka AMISOM ee ku sugan degaanada maamulka Jubbaland iyo Ciidanka Booliska Magaalada Kismaayo. Waxaa uu tilmaamay in ugu dambeyntii in la diyaariyay Ciidamo gaar ah oo ka shaqeyn doona Ammaanka goobaha ay ka dhaceyso doorashadda Jubbaland. Ciidamada Jubaland iyo kuwa murashax Cabdi Naasir Seeraar ayaa isku dhac uu ku dhex maray garoonka Kismaayo khamiistii, halkaasi oo afar askari ay ku dhaawacmeen. Jubaland ayaa falkaas ku eedeysay dowladda federaalka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dalka Sweden ayaa su’aal geliyey sababta ay Dawladdiisu ugu aqoonsan wayday Somaliland dal-jira. Magnus Oscarsson oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaaka Sweden ayaa sheegay inuu booqasho ku tagey caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa, isagoona ka dhawaajiyey inuu indhihiisa kusoo arkay Nabad-gelyada ay ku naaloneyso Somaliland. Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Somaliland intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, isagoona kulamo kala duwan la yeeshay qaar kamid Madaxda Somaliland. Oscarsson ayaa Dowladiisa Sweden iyo Shacabkooda weydiiyey sababta ay u aqoonsan laadahay Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in Somaliland ay buuxisay nidaamkii dawladnimo ee looga baahna dal baadi-goobaya inuu ictiraaf buuxa ka helo dowladaha Caalamka. Xildhibaankan katirsan Baarlamanka Sweden oo ka hadlayey munaasibad ay 18-May ku xusayeen jaaliyada Somaliland ee dalkaasi Sweden, ayaa wuxuu yiri “Waxaan tagay Hargeysa, waxaan soo arkay Nabadgalyada, waxaan la kulmay Madaxweynaha Somaliland. Markaa waxaan waydiinayaa Dawladda Sweden iyo Shacabka, maxaynu u aqoonsan waynay Somaliland”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta sare ee Xukumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ciqaab adag la kulmi doonaan dad lagu eedeeyay inay imtixaanaad been abuur ay ku faafinayaan baraha Bulshada. Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in shaqsiyaadkaasi sharciga lala tiigsan doono, haddii gacanta lagu dhigo, maadaama ay waxyaabo aan jirin ka faafinayaan wasaaradda islamarkaana ay ku marin habaabinayaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay, waxay ku sheegtay in imtixaanaadka lagu faafiyay baraha bulshada ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona laheyn. “Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta sare waxay digniin u direysaa dadka caadeystay in ay ku faafiyaan baraha bulshada,imtixaanada been abuurka ah oo aan sal iyo raad toona laheyn islamarkaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. “Haddaba annagoo ka duuleyna arrintaasi ayaan waxaan idinku wargelinayaa in shaqsigii lagu qabto isagoo faafinaya imtixaan been abuur ah in wasaaraddu la tiigsan doonto sharciga” ayaa lasii raaciyay qoraalka wasaaradda. Sidoo kale wasaarada ayaa ugu baaqday ardayda in ay ku kalsoonaadaan naftooda ayna badiyaan aqriska cashirada ay imtixaamka ku galayaan, iyada oo Mustaqbal wanaagsan u rajaysay ardayda Soomaaliyeed. “Waxaan ka codsaneynaa dhammaan ardayda u fadhiisanaysa imtixaanka qaranka in ay diirrada saaraan wax aqriska islamarkaana ay ku kalsoonaadaan naftooda Waxaan idin rajeynaynaa natiijo wacan waxaa tihiin mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaarada Waxbarashada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kenya has suspended direct flights from Somalia’s capital Mogadishu to Nairobi for security reasons but Somalia has asked for reconsideration, saying the decision was politically motivated. The BBC reported on Friday that the flights had been suspended and that planes will now land in Wajir for security checks. Kenya’s Interior ministry was not immediately available for comment on the matter but Captain Gilbert Kibe, Director-General of the Kenya Civil Aviation Authority, told the Nation that the decision was “purely for security reasons”. On phone on Saturday, he said the suspension will last until August 9 when a review will be carried out and a decision made on whether to maintain or lift it. ‘POLITICAL MOTIVATION In a statement on Friday, however, Somalia’s Ministry of Transport and Civil Aviation asked Kenya to reconsider the decision, saying it was bad for their strong relations. Somalia said it was “deeply concerned” by the move and regretted that Kenya was being “unneighbourly”; it said the move was against “our tenets of good neighbourliness and strong relations”. “The Federal Government of Somalia believes this action places undue burden on Somali citizens and other travellers,” the statement said. “This act also creates [an] unnecessary barrier on trade and movement of people between the two countries.” Somalia said it asked Kenya to reconsider the decision in line with its mandate to “protect and safeguard its sovereignty and the dignity and wellbeing of its citizens”. “The FGS will, in the meantime, work with all relevant authorities to resolve this issue and take appropriate action as deemed necessary,” the statement said. PAST POLICY In 2006, Kenya imposed a strict security policy requiring flights from Mogadishu to land in Wajir for security checks before heading to any other part of the country. The idea, Kenya argued, would ensure the safety of passengers and cargo, as Al-Shabaab militants had taken control of vast areas of the country. In September 2016, Kenya and Somalia signed an agreement to lift the ban, after both sides certified security arrangements for departing flights at Aden Abdille International Airport, formerly known as Mogadishu International Airport. Kenya took about four months to implement the agreement signed that year. It turned out that Kenya signed the deal to protect the miraa business – at the time, Somalia had threatened to ban the sale of miraa from Kenya. The then Meru Governor Peter Munya, who is now Trade Cabinet Secretary, travelled to the breakaway region of Somaliland and offered to influence its recognition if it assured miraa sales. BORDER ROW Kenya and Somalia were recently engaged in a row over their border – an Indian Ocean maritime territorial dispute escalated with claims that Mogadishu auctioned oil and gas blocks in a contested area. As a result, the Kenyan government asked Somali ambassador Mohamoud Ahmed Nur alias Tarzan to return to his country for consultations and summoned its own envoy to Somalia, Lt-Gen (Rtd) Lucas Tumbo. In March, a search for an out-of-court solution hit a snag, paving the way for a legal battle at the International Court of Justice (ICJ). Nairobi therefore put together final touches on papers for the case which will begin in September in The Hague. In 2016, Kenya failed to convince the ICJ that it was not within its jurisdiction to determine the matter. Source: Daily Nation
-
” Kumaa jecel xaaji cabdi ” . Xaaji Cabdi Adoon ayuu ahaa kala mida adoomaha kale lahaanshaha 5 dareeme ee aadmigu wax ku dareemo , caqliga iyo garaadkana dadka ayuu kala sinaa , hasa yeeshee wuxuu kaga duwanaa sheegista uu sheego xaqa uu caqligiisu suureeyo iyo diidista dulmiga caqligiisu garto . Qofka ay dhab ka tahay jacaylka Xaaji Cabdi iyo Sooyaalkiisuna maaha qofka sheeko wanaagsan , Gabay wanaagsan , hees wanaagsan iyo tilmaan wanaagsan ka sheega taarkiikhdii xaajiga , hassa yeeshee waa qof kasta oo inta ku dhaw xaqa u sheega , dulmiga ka qabta , kuna dhaca in uu si cad u tilmaamo gefka iyo khaladaadka ay samaynayaan ehelkiisu , hadii aad ku qanacsantahay xaqdaro ay ku talaabsanayaan inta kugu xeerani amaba aad ka xishoonayso tilmaamista gardarada ay qoyskaagu samaynayaan , ma jeclid xaaji cabdi hasa yeeshee ruwaayad ayuun baad matalaysaa . Source